25.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Andre Villas-Boas oo ugu hanjabay Chelsea inuu ku garaaci doono White Hart Line.

Tababaraha kooxda Tottenham Andre Villas-Boas ayaa shegay inuusan aarsi sameyn doonin marka ay kooxdiisu White Hart Line sabtida kusoo dhaweyso kooxdiisii hore ee Chelsea.

Macalinka reer Portugal ayey Blues albaabka tustay sanadii hore, iyadoo hada keliya laga joogo sagaal bilood.

AVB ayaana maamulka kusoo laabtay markii uu sutida u qabtay Spurs wuxuuna qirtay inuusan ciyaarta ula dhaqmi doonin wax kala duwanaansho luqad hardan ah.

“Dhamaadkii waxaa jiraaya hal shey kaasoo hubaashii heerkiisu banjaray waana saami ahaanshiyaha mararka qaar – tani hubaashii ma ahan wax dhib ku ah xirfadeyda,” ayuu yiri 35 jirkaani.

“Kulankaani ma ahan kii go’aamin lahaa mustaqbalka labada koox ee Premier League — ka dib ciyaartaan waxaa jiri doona wax ka badan ilaa 30 kulan oo aan dheeli doono labada kooxna waxay heystaan ciyaaroo horyaalka ah oo heer sare ah.

“Hadii aan ka qaadano sedaxda dhibcood ma ahan inaan ku guuleysanay koob.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Somalida Minnesota oo noqday xoog siyaasadeed (Dhageyso Barnaamij)

Faallo uu qoray wargeyska Star Tribune oo ka soo baxa gobolka Minneosta, dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Soomaalida gobolkaasi ay yihiin “Xoog Siyaasadeed.”

Wargeyska ayaa xusay sida Soomaalid ay u habaysan yihiin, marka loo eego xiligii gaabnaa ee dalka joogeen.
Waxa uu kale oo uu xusay in tiro ka mid ahi ay xilal siyaasadeed oo kala duwan isku soo taageen.

Barnaamij arrintaas ka hadlaya dhageyso

Q. 2-aad: Qiso xanuun badan oo ku dhacday wiil iyo adeerkiis Somali ah.

Qeybtii 1aad ee qisadan xanuunka badan ayaa intii la socotay waxay inoo joogtay Axmed Saadaq iyo Sacdiyo Cumar oo ah wiilka iyo gabadha dhalinyarada ee sawirkooda meesha idinkaga muuqdo oo ay asiibtay caado ay inta badan Soomaalidu ku dhaqmaan oo ah in hantiilaha la daryeelo balse diifta iyo daruufta ka muuqata danyaraha jaceylku wado aan la eegin.
Qeybta 2aad ayaa inooga bilaabanaysa maanta .

Waxaa taa kasii daran ka sokow dhaqaale xumida, inay arintu sii cuslaatay markii wiilka waalidkiis halkii uu ka sugaayey inay u doonaan gabadha ay iyaga is laheysiiyeen gabadha (waxaan taa ula jeednaa in aderekiis Yuusuf Khaliif (47 jir) oo ka yimid dibadda uu gabadha la gaclooday Axmed Saadaq).

Axmed Adeerkiis oo ka yimid Kanada, ayaa arkay Sacdiyo Cumar oo ah saaxiibo isku dhinta ahaayeen Axmed Saadaq oo iyadu guriga ugu timid isaga si ay usoo salaanto maadaama uu dalku in badan kamaqnaa, balse Adeer Yuusuf ayaa si gaar ah usoo dhaweeyey Sacdiyo isagoo u muujinaya rabitaan iyo ka helitaan iyada xageeda uu ka dareemay durbadiiba.

Intaa ka dib Cismaan Khaliif oo isna adeer u ah Axmed Saadaq, ayaa wuxxuu Yuusuf Khaliif gacan ku siiyey sidii uu ku heli lahaa Gabadha, isagoo u balamiyey dhowr jeer oo uu guriga ugu keenay, weliba si qarsoodi ah oo uusan fahamsaneyn Wiilka ay Jaceyl-wadaaga yihiin ee Axmed.

Axmed aad ayuu uga carooday tallaabooyinka uu qaaday Adeerkiis Cismaan oo si weyn uga dharagsanaa xiriirkiisa jaceyl ee Sacdiyo kala dhaxeeya, wuxuuna is weydiiyey in qorshuhu yahay in isaga mustaqbalkiisa mugdi la geliyo, balse waxaa durbadiiba Axmed Saadaq ku dhashay go’aan ah inuu si toos ah arintan iyo ujeedada ka dambaysa uu ka waraysto Gabadha qudheeda oo maalmihii ugu dambeeyey xiriirkooda ay noqdeen kuwo goos goos ah.

Axmed oo ku sugan K/Afrika, ayaa si deg deg ah telefoon uga wacay saaxiibtiisa rumaad ee noloshiisa uu ka jecel yahay, waxaan dhex martay sheekadan….. La soco Qeybta 3aad ee Qisada.

Email : – [email protected]

Nabaddoon lagu dilay Kismaayo.

Kooxo hubaysan ayaa habeenkii xalay waxaa ay magaalada Kismaayo ku dileen Nabadoon caan ka ahaa halkaas.

dilka Nabadoonka ayaa waxaa uu ka dhacay meel u dhow gurigiisa .

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmad sheekh waxaana uu ahaa Nin dadka reer Kismaayo ay aad u garanayaan.

Askarta Dowlada ayaa goobta tagay marka uu falka dilka dhacay mana jirta cid ay u qabteen dilkiisa.

kooxaha wax dilay lama garanayo sababta ay u beegsadeen Nabadoonka iyo Cida ay ka tirsan yihiin balse dilka Nabadoonka ayaa waxaa uu kamid yhaya dilalka qorshaysan ee ka dhacaya Mudooyinkan Kismaayo.

Wada hadalladii Ethiopia iyo Ururka ONLF oo u bur buray dastuurka.

Ururka ONLF ayaa sheegay in wadahadalkii ka dhaxeeyay dowladda Itoobiya uu hakad ku yimid kadib markii ay labada dhinac isku mari waayeen arrimaha dastuurka.

Sarkaal sare oo ka tirsan ururka ONLF ayaa  sheegay in dowladda Itoobiya ay doonaysa in urruka ONLF uu aqoonsado dastuurka Itoobiya ka hor intaan la guda gelin qodobada hor yaalla labada dhinac.

Cabdinur Faarax oo ururka ONLF u qaabilsan Bariga Afrika, ayaa sheegay in ururkooda uusan aqoonsanayn dastuurka loogu dhaqmo Itoobiya.

Kulankani ayaa ah kii labaad ee labada dhinac ku dhex maro Kenya, iyadoo horey ay ugu heshiiyeen qodobada laga wada hadlayo.

Hadii wadahadalkan dib loogu noqda, waxa ugu horeeya ee laisla meel dhigi doona waa xabad joojin rasmi ah, maadamaada dagaalka ONLF iyo Itoobiya u dhaxeeya uu weli socdo.

Ka dibna waxaa la guda geli doonaa dhamaystirka qodobada lagu wada heshiinayo oo dabcan ay ka mid noqonayaan, awooda iyo maamulka gobolka Soomaalida.

Elman oo loo xaqiijiyey Horyaalnimada Somaaliya.

Kooxda Elman ayaa xaqiijisay Horyaalnimada dalkeena Somaaliya ka dib markii ay garaacday galabta kooxda Banaadir Sports Club ciyaar ka dhacday garoonka Jaamacadaha ee Magaalada Mogdishu.

Elman ayaa horaan u muuqatay kooxda ugu awooda badan horyaalka, iyadoo keliya hal guul darro la kulantay, waxaana loo xaqiijiyey horyaalka iyadoo ay kulamo ka dhiman yihiin.

Kubad soo jiidasho leh oo ay galabta kusoo bandhigeen garoonka Jaamcadaha ayaa u xaqiijisay inay noqdaan horyaalnimada sanadkaan.

Iyadoo kooxda kaalinta labaad ku jirta LLPP Jenyo ay ka sareyso dhibco gaaraya 10 dhibcood.

Dhanka kale Kooxda Badbaado ayaa xaqiijisay booskeeda heerka labaad.

Sida ay u kala sareeyaan kooxuhu:

KOOXDACiyaartayGuulBareejoLa garaacayFGDH
Elman FC129211829
LLPP Jeenyo11470719
Heegan11542419
Banadir S Club12363315
Dekadaha11344-213
Saxafi FC11254-311
Horseed11254-411
Badbaado110110-231

 

Elman ayaa xaqiijisatay Horyaalkoodii labaad oo isku xiga ka dib markii ay galabta 2-1 ugu awood sheegatay kooxda Banaadir, waxaana goolka looga hor maray Elman iyadoo uu ka dhilyey ciyaarta oo mareysa daqiiqadii afaraad ciyaarayahan Nuur Cabdi Xuseen [Nuur Dhagool], waxaase ka beeniyey oo goolka barbaraha Elman u dhaliyey Cabadullahi Yuusuf Cismaan, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Markii la isku soo laabtay ayaa ciyaartu sii dhanaanaatay, iyadoo labada koox ay wada qeybsanayeen ciyaar ku dhisan weerar iyo weerar celis waxaana goolka guusha Laad xor ah Elman ugu dhaliyey Sacad Saalax Xuseen. Sidaas ayeyna Elman ku qaaday Horyaalkii 37aad ee Somaaliya.

 

 

Arag Sawirrada: R/W Saacid oo xilka kala wareegay Prof. Gaas.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalai Cabdulqadir Farax Shirdoon, ayaa maanta waxa uu si rasmi ah xilka ugala wareegay ra’iisul wasaariihii ka horeeyay ee Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada, waxaana ka qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo marti sharaf kale.

Daawo Sawirrada Munaasabadda.

 

REER AAN IS RABIN YAA RABA: Qormo khuseeysa Soomaalida qurbaha (Qalinkii Maxamed Xaaji)‏

(Gothenburg) 18 Okt 2012 Dadka Soomaaliyeed waxay intoodii ugu horreeysay ay qurbaha usoo qexeen kadib markii ay dagaaladu ka qarxeen dalkeenna Soomaaliya horaantii 80-meeyadii kuwaasoo ugu dambayntii dhulka dhigay nidaamkii dhexe ee dalka sanaddii 1991-kii.

Waxaa lakala tegey daafaca caalamka min New Zeeland ilaa New York, Bali ilaa Buenos Aires, dadka Soomaaliyeed oo ah mujtamac bulshaawi ah waxay la koowsadeen nolol cusub oo faa’iidooyin iyo khasaare, horumar iyo caqabado intaba leh, laakiinSoomaalida oo lagu sheego dad dadaal badan gaar ahaan ganacsiga aan xirfadda ku dhisneeyn (Ameteur business ) waxay ka muuqdaan dalal badan oo ay ka sameeyeen horumarro ganacsi u badan halka ay qaarkood isku dayayaan inay fursadaha jira siyaabo kale uga faa’iidaystaan.

Tiiyoo ay sidaasi jirto maanta marka aad ka fikirto mujtamac 20 sano iyo sugood qurbe joogay Soomaalidu aad bay uga hoosaysaa heerkii ay gaari kartay hadii ay dadaasho welina ma muuqdo faham guud oo ku aadan in dhibaatada jirta ay u baahan tahay xal wadareed ee waxaa weli socda is EED EEDKII dhexdeena oo aan ku darnay mid aan u jeedinayno dadka kale inagoo leh: ’’Nama arki karaan’’ ’’Nalama jecla’’ IWM kuwaasoo ay wax ka jiri karaan balse laakiin aan eeda inteeda badan anagu leenahay.

Biya dhaca maqaalka:
Qodobka aan doonayo inaan ka hadlo waa mid ku qotoma dhalinyaro deganaanta iyo nasiinada ku qooqay oo deeto bilaabay inay inta magacyo baas la baxaan ay kusoo laabtaan dhigoodii Soomaaliyeed oo ay si bilaa micne ah jidadka ugu dilaan iyagoo weliba mararka qaar raadsanaya kuwa waxgalka ah ama mustaqbalka ifaya leh.

Hooyo Soomaaliyeed oo wiilkeedii lagu dilay magaalada London oo u waramaysay barnaamij documentery ahaa oo laga sii daayay ALJAZEERA INTERNATIONAL kaasoo uu Raage Oomaar ugu magac daray ’’JIIL LUMAY’’ (Lost generation) ayaa sheegtay in waxa ugu naxdinta badani aysan kaliya ahayn wiilkeedii ay jeclayd ee la dhaafiyay ee ay tahay inuu wiilkeedu uu gacan Soomaaliyeed ku boxo isagoo kumanaan mayl kasoo fog qaaquulooyinka dalkeenna ka qiiqaya.

Waxaan mar daawaday muuqaal ay inta soo duubeen ay boga muuqaallada Youtube.com  soo geliyeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dhaqan Maraykanka waxa ay sameeynayaan ee ay la wanaagsanaatay inay dadka la wadaagaan maaha mucaawino ay dad u qaybinayeen ama u aruurinayeen ee waa iyagoo inta jidka soo istaaga dadka oo ay kujiraan xitaa kuwa waayeelka ah ee jidka maraya si aan naxariis lahayn u qadaanqadinaya (u kala tuuraya). Bal qiyaas inta daawata iyo inta ay u sheegaan aragti noocee ah ayay naga qaadanayaan?).

Waxaa laba sanadood kahor soo baxday Cartel ay ku midaysan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo iibinaya jirka hablaha Soomaaliyeed oo ay warbixintu sheegaysay in gabdhaha dabinkan ku dhacay ay kujireen 12 jir ilaa 13 jir.
Waxaan sidoo kale idin tusayaa muuqaal muujinaya dhibaatada ay Soomaalida Toronto ay ku hayso arinta kooxo baandooyin ahaan u abaabulan oo si micna darro ah isu dila dadka kalana dila.

Waxaa ugu yaabka badan ee aan aad uga gubtay ayaa ah in anagoo magac ku yeelanay khilaaf, qarax, iyo burcad badeed marka dalkii la eego misna in qurbihii nalala xiriiriyo magacyo aan noo cuntamin oo aan ku habooneyn magaceenna Soomaaliyeed iyo kan Islaamka aan sheeganayno waxay noqonaysaa arin aynaan indhaha ka qarsan karaynin.   Aan u istaagno soo noolaynta mageceenna sii dhimanaya.

Magacyada inoo baxay!

Sida aad warbixinta ku arkaysid wuxuu weriyaha hilinka CBC News ee dalka Canada uu warka ku bilaabayaa in GAANGIS, HUB, DAROOGO iyo DHIBAATO oo dhan ay la ciirciirayaan Soomaalida Toronto waa muuqaal runtii aad looga xumaado gaar ahaan marka qof lagala soo cararay khilaafka dhiiglaha ee dalkeenna ay XIKMADIISU noqoto inuu qori iyo daroogo daba galo! Kuna darsoo sheekooyinka noocan ihi kuma koobna hal meel. Waa yaabe maxaan ka sameeysanahay?.

Guji mareegtan hoose si aad u daawato muuqaalka:
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=wyACqSNdBAY

Tan ugu daran baase waxay tahay dabcan dadka Soomaaliyeed ee qurbaha jooga kolleey way ka badan yihiin nimankaa waawayn ee ay dalalka reer galbeedku ’’Caruurta’’ u yaqaanaan ee iyagiina is caruurreeyay ee waxay tahay in waxgaradka Soomaalidu ay u dhaqmayaan sidii goroyadii madaxa aasatay ee is tiri laguma arkee sidaa ku dhuumo inta ay duufaanta iyo colku ay ka gudbayaan.

Waxaa kale oo ka daran in hadii ay sidan kusii socdaan oo ay dadkeenna qurbuhu u kala baxaan mid Paltalk ka caytama/caytanta, mid marfash ku qayila, mid shiishad cabeeysa, mid fadhi ku dirir ka qoran, gaangistarro daroogo iyo dil u bandhigan iyo intii kale oo u kala baxda mid dhexda ku dhunsan oo  inta woxoogaa yar qabsaday Soomaalinimada inkira ama ka faana iyo mid dantii yaqaan ah laakiin aan waxba iska saarin danta guud ee mujtamacan ka dhaxeeysa isagoo aaminsan  ’’Waxba kama qaban kartid’’ runtii waxaad arki doontaan iyadoo Soomaalida loo soocayo sida Chipsy-ga oo weliba anaga naga wanaagsan waayo way midaysan yihiin ugu yaraan.

Xikmadda qaybtan

Maaha inaan ahay qof tabane ah oo dhanka xun uun wax ka eegay lkn waxaa la yiri: ”Qofkii aan waxa jooga garanin, waxa soo socda ma garto” waxaan arkaa mujtamac ay caadifad iyo collaytan ay cardaadiqaha ka dhigeen ilaa ay ka gaaraan heer ay yiraahdaan: ”Intii hebel noolaan lahaa aan wada dhimano” taasoo aan ku mataalay sidii nin laantii uu geedka ka saarnaa isla jaraya isagoo qof kale ku xumeeynaya, adigoo marka waxyaabaha aan waqtiga ku dhumino marka aad eegto ay kuusoo baxayso inaynaan wax badan oo wanaagsan sidan kusoo sidin.

La soco qayb kale……………………

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Farriin-Danabeed: [email protected]
Gothenburg, Sweden

Kooxda Juvuntus oo heshiiska u kordhineysa Goolhayahooda Gigi Buffon

Goolhayaha Kooxda Juventus Gigi Buffon ayaa waayo kale ku sii qaadan doono Garoonka Olympic ee Magaalada Turin, kadib markii uu Madaxweynaha kooxda Juventus Andrea Agnelli uu ogolaaday in qandaraas cusub gacanta loo geliyo Goolhayaha Xulka Talyaaniga.

Xidigii hore ee Kooxda AC Parma ayaa la filayaa in Mustaqbalkiisa ciyaareed in uu ku soo gababeeyo Kooxda La vecchia Signora, markii Gacanta Loo geliyay Dhiil cusub oo uu ku sii joogi doono Kooxda Ka dhisan Magaalada Turin.

Buffon oo 34 jir ah ayaa kooxda Juvuntus waxa uu la sii joogi doona ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedka 2016-ka , markaasi oo la filayo in uu 37 jir noqon doono.

Balse Gazzetta dello Sportayaa sheegtay in  Kooxda Juvuntus ay dhimi doonto Mushaarka 6 milyan euro ah ee  uu heli jiray  Goolhaye Buffon, waxaana haatan mushaar ahaan  u qaadann doono Aduun Lacageed oo dhan 4.5 uero.

Goolhaye Buffon ayaa Kooxda Juvuntus waxa uu sanadkii 2001-dii, kaga soo biiray Kooxda Parma, wuxuuna mudadii 11 sano eheed ee uu la joogay Naadigaas la qeyb saday Koobab Muhiim ah isagoo u saftay 330 kulan.

Cabdiqani Cali Dalmar
[email protected]
Caasimada-Switzerland 

C/Weli Gaas oo digniino iyo tallooyin isugu daray ra’iisul wasaare Saacid.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cabdi Weli Maxamed Cali gaas, ayaa tallooyin iyo digniin isugu daray ninka isaga beddelay ee C/qaadir Maxamed Shirdoon “Saacid”.

Gaas oo ka hadlayay xalaf uu xilka ugu wareejinayay Saacid, ayaa u sheegay Saacid inuu heysto fursado badan, balse uga digay qataraha hor yaalla fursadahaas.

“Saacid waxa uu heystaa fursad uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu uga bixin karo dhibaatada muddo ay la daala dhacayeen, hase yeeshee waxaa hor yaalla caqabado badan, waxaana looga baahan yahay feejignana dheeri ah si uu uga gudbo”

Gaas ayaa dhinaciisa ballan qaaday inuu tallooyin iyo wixi kal ee muhim ah uu la garab istaagi doono Saacid, si afarta sano ee soo socota ay u noqdaan kuwa ay ka sheekeeyaan Soomaalida.

Waxaa uu dhanka kale ugu baaqay xildhibaanada in iyaguna ay garab istaagaan ra’iisul wasaaraha, oo aysan noqon xildhibaanadi ka horeeyay, oo khilaaf iyo xukuumad ridis caado ay u ahayd.

JT oo aqbalay ganaaxii afarta kulan iyo 220 kun ahaa oo ay kusoo rogeen FA-gu

Kabtanka kooxda Chelsea ayaa laba isbuuc kasoo fikiraayey qoraalkii ay dacwadiisa kasoo saareen gudigii madaxa banaanaa ee FA-gu u xil saareen hadaladii cunsuriga ahaa ee uu Terry u adeegsaday daafaca QPR Anton Ferdinand.

Terry, oo la ganaaxay afar kulan iyo 22o kun oo ginni ayaana raali gelin ka bixiyey wixii uu garoonka ku dhex sameeyey, isagoo ku tilmaamay wax aan macquul ka aheyn inay ka dhacaan ciyaar kubada cagta ah.

“Waxaan doonayaa inaan fursadaan uga faa’iideysto inaan ku raali geliyo qof walba erayadii aan ku dhex isticmaalay ciyaarta,” ayuu yiri Terry.

“Inkastoo aan ka murugsanahay sida ay wax u go’aamiyeen FA-gu, hadana waxaan aqbalay inaan isticmaalay erayadaas, oo ahaa kuwa aan la marnaba laga aqbali Karin garoon kubada cagta ah iyo xitta nolashaba.

JT ayaa sidoo kale sheegay inuu ka xun inuu ka hoos maray heerkii ay ka filayeen taageerayaasha Chelsea. Wuxuuna sheegay inaysan mar dambe dhici doonin.

“Erayadii aan isticmaalay ayaa ahaa kuwa ka hooseeya heerkii ay iga fileysay Chelsea Football Club, iyo anigaba, tanina mar kale ma dhici doonto.”

Terry ayaa seegi kulanka sabtida ay kooxdiisu la ciyaari doonto Tottenham, marka lagu darro kulamada Manchester United ee 28da  October iyo kulanka Carling Cup ee u dhexeeya labada koox sedax maalmood ka dib, wuxuuna tababuunka ka fuuli doonaa kulankiisa ugu dambeeya ee Chelsea ay u safri doonto Swensea City.

 

Faah faahino ka soo baxaya dab ka kacay Beledxaawo.

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dab xoogan oo maanta ka kacay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Dabka ayaa waxa uu ka kacay goob shidaalka lagu gado oo u dhow Isbitaalka guud ee degmada Beledxaawo, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa soo sheegaaya in guryo badan ay ku bur bureen dabka maanta ka ka kacay degmada Beledxaawo.

Dad ku sugan degmada Beledxaawo ayaa inoo xaqiijiyay in qaasaraha uu gaarayo bur burka ilaa 100 dukaan oo kuwa ganacsiga.

Goobaha ganacsiga ee gubtay qaarkood ayaa waxaa la sheegay in dad danyar ay lahaayeen ayna ku dhax gubteen hantidii tiilay.

Marka aad dadka magaalada la sheekaysato waxaa ay kuu sheegayaan in dadka ay ka muraal jabeen dhacdada ay ku hanti beeleen maanta.

John Terry oo ay maanta kama dambeys u tahay racfaan uu ka qaato ganaaxii la dul dhigay.

John Terry wuxuu maanta ku dhawaaqi doonaa hadii uu rafcaan ka qaadanaayo ganaaxiisii afarta kulan ahaa ee la dul dhigay ka dib markii uu hadalo cunsyri ah u adeegsaday difaaca kooxda Queens Park Rangers Anton Ferdinand.

JT iyo la taliyeyaashiisa ayaa heystay laba isbuuc inay uga soo fekeraan warbixintii ay soo saareen gudigii madaxa banaanaa ee loo xil saaray kiiska Terry iyo Ferdinand kuna soo rogay ganaaxa afarta kulan ah iyo 220 kun ee ginni, John ayeyna qasab ku tahay inuu jawaab bixiyo kama dambeys 6:00 PM xiliga England, taasoo ah waqtiga ugu dambeeya ee uu racfaan ku qaadan karo ama uu ku aqbali karo ganaaxa.

Kabtanka Chelsea oo racfaan ka qaata ganaaxan ayaana noqon dooonta mid dhibaato sii dhalisa maadaama lagu tilmaamay cafis uu weydiisto inay tahay wax aan la aqbali karin.

Fadeexada ayaa kusi dheeraan doonta hadii uu isku dayo midaas, waxaana keliya isbuuc ka harsan yahay inuu kiiskaani sano jirsado, sumcad darro ayaana loo arkaa in 31 jirkaani uu iska dhego tiro ganaaxaan.

 

Frank McLintock: Arsene Wenger weligiis lacag badan kuma soo iibin doono xidig weyn.

Frank McLintock ayaa u sheegay taageerayaasha Arsenal inay iska iloobaan in Gededa Emirates Stadium ay ku arkaan ciyaaryahan lagu soo iibshay lacag fara badan.

Saxaafada ayaa soo jeedineysay in Gunners ay tababarahooda  Arsene Wenger gacanta ka saartay 35 milyan oo ginni, taasoo uu Janaayo kula soo wareegi doono xidig weerarka ka ciyaara.

Laakiin Halyeeygii hore ee Highbury McLintock ayaa cadeeyey Siyaasada Wenger, inuusan hal ciyaaryahan kusoo iibsan doonin lacag intaas dhan.

“Waxaa jiray warar ay saxaafadu qoreysay maalihii lasoo dhaafay in Arsene Wenger uu 35 milyan kusoo iibsan doono weeraryahan laakiin uma maleynaayo inuu weligiis sidaas sameyn doono,” ayuu yiri Frank McLintock.

Arsenal ayaa lala xiriirinaayey inay Janaayo lacag badan u huri doonto xidiga aadka loogu qiimeeyo weerarka ee Radamel Falcao.

Federico Macheda oo qarka u saaran inuu isaga tago Manchester United + Sababta.

Federico Macheda ayaa qarka u saaran inuu ka tago kooxdiisa Manchester United, ka dib markii uu xidigu ka waayey boos joogta ah, sida ay qortay majalada The Sun.

21 jirkaan, weerarka ka ciyaara ayaa kulankiisii ugu dambeeyey ciyaaray kulamadii Boxing Day-ga ee sanadii hore.

Wakiilkiisa Giovanni Bia, ayaa laga soo xigtay isagoo dhahaya: “Wuxuu doonayaa inuu ciyaaro hadii uusan awoodi karin ka dib Janaayo waxaan isku deyi doonaa inaan helno xal wax bedela.”

Liverpool oo diiradu u saaran tahay laba ciyaaryahan oo ka ciyaaara Serie A.

Liverpool ayaa lasoo sheegayaa in saraakiil indha-indheeya ay u dirtay daafaca tayada leh ee Genoa  Andreas Granqvist iyo qadka dhexe ee kooxda Palermo Josip Ilicic.

Waxaa la rumeysan yahay in kooxda Anfield wakiilo ka socda ay ku sugnaayeen gegeda Marassi intii ay socotay ciyaartiiGenoa-Palermo ka hor inta aan la aadin qaramada.

Si kastaba, sida ay tebinayaan saxaafada guduha Talyaaniga, Liverpool ayaa wax ka badan kulankaan la qaadaneysa Ilicic.

24 jirkaan dalka Slovenia ayaa ku sugnaa  Rosanero tan iyo 2010kii, waxaana loo qiimeeyaa mid ka mid ah qadka dhexe ee kooxda ugu fiican.

PSG oo kasoo mid noqotay kooxaha doonaya xidiga AS Rome Daniele De Rossi.

Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay inay xaqiiq tahay inay jeclel yihiin Daniele De Rossi, laakiin wuxuu cadeeyey in wax ku saabsan arinka aysan usoo bandhigeyn saxaafada.

Kooxda ka dhisan dalka Faransiiska ayaa ka dhex muuqatay suuqyada Yurub ka dib markii ay lasoo wareegeen xidigo magac leh sida Zlatan Ibrahimovic, Thiago Silva iyo Ezequiel Lavezzi.

Sida uu tebinaayo Sky Sport Italia, maalqabeenada reer Qatar ayaa diyaar u ah inay heelaan geesiga qadka dhexe ee kooxda AS Rome.

“Waa dhab, inaan jecelnahay De Rossi. shaki la’aan waa ciyaaryahan weyn, laakiin wax ku saabsan kama aan sheegeyno saxaafada.”
De Rossi ayaa lasoo sheegayaa inuu khilaaf xoogan kala dhexeeyo tababarihiisa  Zdenek Zeman kaasoo aan la ciyaarsiin kulankii 2-0 ku dhamaaday ee Atlanta.

Dowladda oo shaacisay nooca maamulka loo dhisayo Kismaayo.

Saraakiisha Dowlada ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in Magaalada Kismaayo loo dhisi doono maamul loo dhan yahay kaas oo lagu qanci doono.

Is qab qabsi badan ayaa ka dhashay Maamul u samaynta kismaayo oo dhinac walba uu u hanqal taagayo waxaana hada jira daadaalo Maamul loogu dhisayo.

Kismaayo waxaa ku sugan haatan wafdi caalami ah oo kasocda Urur goboleedka IGAD kuwaa oo halkaas u tagay sidii ay u qiimayn lahaayeen nolasha dadka ay haystaan iyo Amaanka.

Afhayeenka Ciidamada Miliriga Maxamed Daahir Faarax oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Kismaayo maamul loo dhanyahay oo dadka raali ka yihiin loo yiglayn doono.

Muxamad Faarax daahir oo U milicsaday dhanka amaanka ayaa sheegay inay adkayn doonaan Amaanka guud ahaan gobolka jubada hoose iyo Kismaayo.

Isku fiiri 2-dan tiro: Lacagta AMISOM ku baxaysa 2012 iyo tan Ciidamada DF, kadibna fikirkaaga ka dhiibo.

Waxaa laga yaaabaa in mar walba aad maqasho in Ciidamada Dowladda Somalia aysan qaadan wax mushahar ah, marka ay qaataanna ay helaan lacag aad u yar oo aan u dhigmin naf hurnimo, ayada waddaniyadduu dhinaceedu tahay.

Sida aan ognahay mushaharka ciidanka DF waa 100 illaa 200 oo dollar bishii, ayada oo ay ku xiran tahay darajada askariga, hase yeeshee mararka qaar taas ayaaba wareer ka gasha.

Balse ka wraan ciidamada AMISOM ee jooga Somalia. Warbixin aan helnay oo gaar ah ayaa sheegeysa in sanadkan oo kaliya ciidanka Amisom ay ku baxayso lacag dhan 437 Milyan oo ah kaliya qalabka iyo agabka dagaal.

Lacagtaas 338 milyan oo ka mid ah wxaa bixiyay Mareykanka.

Askari kasta oo ka mid ah Amisom waxa uu mushahar ahaan u qaataa 1028 dollar bishii, waxaana lacagtaas bixiya Midowga Yurub. Waxaa taas dheer 500 oo dollar oo ay dowladdii soo dirtay bil kasta ku qaadato.

Askarigii ku dhintaa dagaalka waxa ay qoyskiisa magdhow ahaan u lee yihiin 100 kun oo dollar, halka ciidamada Soomaalida, kii dhintaa aanba la is warsan.

Lacagta 437 milyan ee dollar ah xitaa sanadkii masoo gasho Dowladda Somalia, oo lama siiyo.

Haddaba su’aasha ayaa ah maxay beesha caalamka u dooneyn inay dhisto ciidamada qaranka Soomaaliyeed, oo ay lacag badan ku bixiso, mase waxaan la dooneyn in Somalia ay isku filnaanto, oo weligeed ay na dul fadhiyaan Uganda, Burundi, Kenya iyo wixii la halmaala?

Maxay tahay sidoo kale sababta Dowladda Somalia iyo madaxdooda aysan uga hadlin arrintan oo aysan ugu sheegin beesha caalamka in Ugaandeeska aysan ka karaamo badneyn askariga Soomaaliga ah, mise dadkoodaba qiimo lama lahan?

Weli ma hayno ciddii arrinkan ka jawaabi lahayd, balse aqriste wad ku biirin kartaa fikirkaaga.

W/Q: Axmed Cali Sheikh
Tifaftiraha Caasimada Online.

KASHIFAAD: Deegaan ay AMISOM saartay xannibaad dhinaca biyaha ah oo dhibaato xoogan ay ka jirto.

Ciidamada Amisom ee taageeraya dowladda Somalia, ayaa caqabad ku noqday nolosha dad badan oo degan duleedka magaalada Muqdisho, sida ay dadkaasi ka cabanayaan.

Waxaa dadkaasi ka mid ah dadka degan deegaanka No.50 ee duleedka Xamar, oo sheegay inay wajahayaan biyo la’aan baahsan oo sababteeduna ay lee yihiin ciidamada Amisom.

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa Caasimada Online ka codsaday in cabashadooda la baahiyo, waxaana uu sheegay in ciidamada Amisom ee dhowaanahan howl gallada ka wdaay gobolka Shabeelada Hoose, ay ka hor taagan yihiin inay ka dhaansadaan ceelka kaliya ee deegaanka uu lee yahay.

“Waxaan qabnay hal ceel, halkii ceelna waxaa farriisin ka dhigtay ciidanka Amisom, markii dadku halkaas ay u biyo dhaansi doontaanna xabbad ayaa lagu soo ceyriyaa” ayuu Xaaji Xasan macow u sheegay Caasimada Online.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in taasi ay usii dheer tahay boobka iyo burcadnimada ay ciidamada Dowladda Somalia ku hayaan dadka deegaanka.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelada Hoose Cabdullahi Muuse Abuukar, oo aan arrintan wax ka weydiinay ayaa difaacay ciidanka Amisom, waxaana uu sheegay in cashada dadka deegaanka ay tahay mid aan jirin.