25.6 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Hadalkii carada dhaliyay ee Faysal Waraabe ee Xamar oo jawaab adag laga bixiyay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Nabadoon Cabdulqaadir Abaabul oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu jawaabay siyaasiga caanka ah ee reer Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo dhowaan sheegay in Xamar ay la wareegi doonto kooxda Al-Shabaab.

Waraabe oo ka hadlayay safarka ra’iisul wasaare Xamza ee Laascaanood ayaa sheegay in aanu waxba soo kordhineynin, isla markaana bisha May ee sanadkan laga qabsanayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Socdaalka Ra’iisul wasaare ee Xamza ee Laascaanood wax micno ah maleh, bisha May ee sanadkan ayay Al-Shabaab la wareegeysaa Muqdisho,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Intaasi kadib Nabadoon Cabdulqaadir Abaabul oo soo hadlay ayaa sheegay in Faysal uu caddeeyay taageerada uu u hayo Al-Shabaab, uuna bannaanka usoo wada baxay, isaga oo xusay in hadalkiisa uu muujinayo inuu u adkeysan waayay jabka loo gaystay Khawaarijta.

“Maalin dhexdaas ayaa waxaan dhageystay nin Faysal Cali Waraabe la yiraahdo oo dhahaayo bisha May Xamar ayay qabsanayaan Al-Shabaab aniga marka aan fiirshay waxaan is iri ilmihii ayaa laga xanjafiyay ow soo diray haddana odayaashii ayaa soo baxay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Nabadoon C/qaadir Abaabul.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Soomaali ha ogaato Al-Shabaab meel ayuu yeeshay, waana walax meel laga soo diray, afkana odayaal siyaasiyiin ah ay ku difaacayaan”

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in hadalkiisa uu lamid yahay xabadda Al-Shabaab, isaga oo Somaliland ka dalbaday inay ka daba tegto hadalkaasi, ayna raalligelin bixiso.

“Faysalow adiga oo xabad nagu soo riday ayay la mid tahay Shabaab xabadoo nagu ridaayo, waana takane meel kuu taallo, mana ilaawi doono, haddii ay Somaliland ka bixinin raalligelin rasmi ah,” ayuu mar kale yiri Nabadoon Cabdulqaadir Abaabul.

Hadalkan Faysal Cali Waraabe ayaa sii xoojiyay eedeymaha loo jeediyo Somaliland ee ku aadan ‘xiriir kala dhexeeya Al-Shabaab’ maadaama Abwaanno ka yimid Hargeysa ay aadeen Jilib, ayna ku biireen dagaalka ay kooxda ka waddo koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba, wuxuu hadalkan sidoo kale kusoo aaday, iyada oo haatan dagaallo culus ay ka socdaan Shabeellooyinka oo ay soo galeen Al-Shabaabkii ugu badnaa, waxaana guluf culus ku qaaday dowladda federaalka oo kaashaaneysa shacabka iyo saaxiibada caalamka.

SSC-Khaatumo oo digniin adag u dirtay Somaliland kadib hanjabaadii kasoo yeertay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo ayaa digniin adag u dirtay Somaliland, xilli dhowaan ay kasoo yeertay hanjabaad ku aaddan booqashada uu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ku tagayo Laascaanood.

Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle, ayaa sheegay in haddii ay shaki ka qabaan amniga, aysan martiqaadi lahayn madaxda sare ee dalka, isla markaana ay SSC si buuxda ugu filan tahay xaqiijinta amniga Ra’iisul Wasaaraha inta uu joogo deegaanadooda.

“Shimbiro haddii aan ka baqayno, hadhuudh ma beeri lahayn,” ayuu yiri wasiirka, isagoo shacabka ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan sugidda amniga inta uu safarku socdo.

Wasiirka ayaa uga digay Somaliland inay ka waantoobaan hurinta colaad mar kale ka dhacda deegaankaas, oo haatan ay gacan ku hayso SSC-Khaatumo.

Safarka Xamza ee Laascaanood ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan, waxaana ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo sii ambaqaado howlaha harsan ee la xiriira maamulkaasi oo weli KMG ah, isla markaana wajahaya xaalado dagaal.

Dhankeeda Somaliland ayaa ka caroootay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha, waxayna ka digtay inuu tago Laascaanood, oo ay horay ugu dagaalameen iyada iyo SSC-Khaatumo.

Somaliland ayaa sheegtay in Xamza uu ka qoomamayn doono safarkiisa Laascaanood, ayada oo ku goodisay inay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay uga hortagayso.

Isku soo wada duuboo, socdaalkan ayaa la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda federaalka ee ku aaddan taageerada maamulka KMG ah ee SSC, oo haatan si weyn isugu haya Somaliland oo ayadu hore uga talin jirtay dhulkaasi.

Golaha Ammaanka oo kulan xasaasi ah ka yeelanaya xiisadda siyaadeed ee Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu bishan Abriil yeesho kulan gaar ah oo diiradda lagu saarayo xaaladda Soomaaliya.

Kulankaas ayaa waxaa lagu wadaa in James Swan, Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa hawlgalka ku-meel-gaarka ah ee UN-ka (UNTMIS) uu warbixin dhameystiran ka jeediyo.

Midowga Afrika ayaa isna la filayaa inuu Golaha Ammaanka horgeeyo warbixin la xiriirta horumarka laga gaaray hawlgalka AUSSOM oo loogu talagalay taageeridda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Warbixintaasi ayaa la rajeynayaa inay iftiimiso sida ay ciidamada Midowga Afrika uga qeyb qaadanayaan amniga dalka.

Golaha Ammaanka ayaa wali isku raacsan muhiimadda ay leedahay taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-eegista dastuurka iyo dhismaha nidaamka doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira walaac sii kordhaya oo ku saabsan xiisadaha u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, iyo xitaa siyaasiyiinta mucaaradka oo si weyn isku hayaan hoggaanka dalka.

Khilaafaadka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanta maamul goboleedyada ayaa loo arkaa inay caqabad ku yihiin dadaallada dowlad-dhiska. Waxaa kaloo jira cabsi ah in xaaladdaasi ay fursad u noqoto Al-Shabaab si ay u ballaariyaan saameyntooda gudaha dalka.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa sare u qaaday weerarrada ay ka geysanayaan gobollo badan oo dalka ka tirsan. Weerarradaasi ayaa si gaar ah u saameeyay dadaallada xasilinta, iyadoo weerarro culus laga diiwaan-geliyay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa xitaa isku dayday inay beegsato madax sare oo dowladda ka tirsan, waxaana weerarro lala beegsaday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiil kale oo muhiim ah.

Dalalka taageera Soomaaliya, gaar ahaan kuwa deriska ah iyo kuwa saaxiibka dhow, ayaa door muuqda ka qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ciidamada Cirka Itoobiya ayaa howl-galkaas qayb weyn ka qaatay, iyadoo ay duqeymo la beegsadeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, dowladda Maraykanka ayaa kordhisay weerarrada cirka ee ay ku beegsanayso kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama Soomaaliya.

Tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu xafiiska la wareegay, Mareykanka wuxuu sare u qaaday weeraradaasi, isagoo bartilmaameedsanaya kooxda Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh ururka Daacish.

Isku soo wada duuboo, kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa noqon doona mid muhiim ah oo lagu go’aaminayo halka ay u jihaysan tahay taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya. Dadaallada lagu xoojinayo nabadda, wadajirka hoggaanka dalka, iyo xasilinta guud ayaa ah qodobbada ugu muhiimsan ee laga sugayo kulankaasi.

Howl-galka Aboorey oo sii xoogeystay iyo Taliye Odowaa oo gurmad geeyay

0

Buulo-burde (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo mar kale maanta ka dhacay deegaanka Aboorey oo hoostaga degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana sii xoogeystay howlgalka, kadib markii uu deegaanka gurmad geeyay Taliyaha Xoogga dalka.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxa uu yimid kadib markii ay maleeshiyaadka Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen deegaankaas oo ay shalay ay qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka oo maalin kadib ku laabtay markii ay Al-Shabaab soo galeen halkaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka uga yimid dhanka Al-Shabaab, welina ay ku sugan yihiin gudaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa maanta halkaasi gurmad ahaan ku tegay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage iyo ciidamo gurmad ah oo kasoo baxay dhinaca gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo xoojiyay ciidamadii horay u joogay deegaanka Aboorey.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warrinayaa in ciidamada ay isku fidinayaan aagga degmada Buulo-burde oo ay hoostagaan deegaannada haatan lagu dagaalamayo.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in dwladda dhexe ay ciidamo dheeraad ah geysay deegaanka Yasooman oo u dhaw Aboorey, si loo sii xoojiyo howlgallada socda.

Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo xalay ka dhacay isla deegaanka Aboorey, kaas oo ay rogaal celis ah usoo qaadeen Al-Shabaab oo mar kale la jabiyay, waxaana halkaas xalay ku hoyday ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo maanta iska difaacay Al-Shabaab.

Aboorey waxaa hadda ku sugan ciidamada qaranka iyo xaq u dirirka dadka deegaanka, waxaana mar kale la jebiyey Al-Shabaab, oo dib isaga laabtay, kadib markii ay ku guul dareysteen weerarkii rogaal celiska ahaa ee ay mar kale ku soo qaadeen deegaankaasi.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay ayaa waxaa Aboorey ka socday dagaallo qaraar, waxaana sidoo kale dul wareegayey diyaaradaha dagaalka, balse halkaas kama dhicin wax duqeyn ah, sababtana waxaa lagu sheegay in daruuro xoog leh ay jireen oo Roob uu cirka soo galay.

Duqeymaha la fulin waayey ayaa Al-Shabaab fursad u siiyey inay dagaalamaan oo weliba si aan horay loo arag ay jilibka u dhigtaan, sidoo kale waxaa u soo gurmanayey ciidamo xoog leh oo ka soo gudbayey galbeedka gobolka Hiiraan.

Deegaanka Aboorey ayaa muhiim u ah isku socodka kooxda ee gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galmudug, halkaas oo dagaalamayaal kale ay uga go’doonsan yihiin, waxayna markaan isku dayeen Al-Shabaab inay iska dhiciyaan oo dagaalka uga adkaadaan Xawaadle iyo Ciidamada Qaranka ee aaggaas jooga, balse cashir ayaa loo dhigay maanta.

Xog: Madaxweynaha Somaliland oo tegaya Mareykanka xilli uu socdo ololaha aqoonsiga

0

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay safarkiisa Mareykanka, wuxuuna sheegay inuu la xiriiro dardar-gelinta xiriirka labada dhinac iyo aqoonsiga Somaliland.

Cabdiraxmaan Daahir ayaa shaaca ka qaaday in safarka uu ku tegay Washington uu gogol xaar u yahay safar kale oo wayn oo ay bisha May ku tagi doonaan Maraykanka.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in marka ay soo dhammaadaan safarradaas ay xigi doonto booqasho ballaaran oo uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ku tegi doono magaalada Washington, isaga oo kulamo gaar gaar ah la yeelan madaxda Mareykanka.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta aqoonsiga ee ay haatan Somaliland ku taameyso inay ka hesho dalka Mareykanla, wuxuuna carabka ku dhufay in sugitaankii aqoonsigu uu hadda soo gabagaboobay, rajo wanaagsana oo aad u sarreysa ay qabaan

Arrinta aqoonsiga ayaa waxaa indhawaanahan si weyn u kar-karinayay saaxibo ay Somaliland ku leedahay xisbiga Jamhuuriga ee Trump, iyada oo dhowr jeer Koongareeska Maraykanka la horgeeyay sharciyo ku saabsan ictiraafka Somaliland.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Trump, waxaa isa soo taraya wararka la xiriira in Mareykanka uu aqoonsi siin doono Somaliland, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.

Waxaa sidoo kale jirta in Mareykanka uu qorsheynayo in shacabka Falastiin ee uu doonayo in laga soo barakacayo Gaza uu geeyo Somaliland, inkastoo maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa uu meesha ka saaray in Mareykan ay kala hadleen arrintaasi.

Dhankeeda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna si weyn u diiday arrinta aqoonsiga, waxaa dhowaan ka hadlay safiirka u jooga magaalada Washington Daahir Carab oo sheegay in aanay hadda u muuqan qorshe Mareykanka ku aqoonsanayo Somaliland, wuxuuna dhanka kale tilmaamay in Soomaaliya ay kireysatay shirkad Mareykan ah oo uu xusay inay ka caawin doonto xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya.

“Ma aragno qorshe Mareykanka ku aqoonsan karo gobol kamid ah Soomaaliya, sida Somaliland, waxaan shaqeyliisiiney shirkad naga caawisa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayuu horay u yiri Danjire Daahir Carab.

Si kastaba, Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Mareykanku uu u baahan yahay inuu si taxaddar leh u maareeyo danahiisa Geeska Afrika. Soomaaliya waxay weli tahay saaxiib istaraatiiji ah, muhiimaddeeda juqraafi-siyaasadeedna waxaa sii xoojiyay iyadoo Shiinaha iyo Ruushka ay muujinayaan xiisaha sii kordhaya ee gobolka.

Horjooge Bashiir Caadle iyo maleeshiyaad la socday oo duqeyn lagu dilay

0

Cadale (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal culus iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan Masaajidka Cali Gaduud oo ay dhowaan soo galeen Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada Danab iyo saaxibada caalamiga ah, isla-markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta.

Inta la xaqiijiyey waxaa howlgalka lagu dilay illaa 15 xubnood oo uu ku jiro horjooge sare oo magaciisa lagu sheegay Bashiir Axmed Dhuxul, oo loo yaqaanay Bashiir Caadle.

Waxaa kale oo howlgalka lau burburiyay gaadiid dagaal oo ay kooxda lahayd, sida lagu sheegay bayaanka maanta kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Duqeymo cirka ah oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamka iyo CXDS iyo howlgallo dhulka ah oo lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan argagixisada. Sidoo kale, waxaa la gubay saddex gaari oo labo ka mid ah ay ahaayeen gaadiid dagaal, halka midka kalena uu ahaa Ambalaas oo ay u adeegsanayeen ujeeddooyin khaldan” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Horjoogaha la khaarijiyay ayaa ahaa Amiirka Dacwada ee Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna qayb ka ahaa abaabulka kooxda ee gobolkaasi.

“Inta lagu guda jiray howlgalka, waxaa la qaarajiyay Bashiir Axmed Dhuxul, oo loo yaqaanay Bashiir Caadle, kaas oo ahaa Amiirka Dacwada ee Khawaarijta Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Bashiir Caadle ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu firfircoon ee ka qeyb qaata abaabulka iyo faafinta fikirka xagjirka ah, waxaana dilkiisa uu dhirbaaxo culus ku yahay hoggaanka kooxda Khawaarijta” ayaa la raaciyay qoraalka.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lasii raaciyay “Ciidamada geesiyaasha ah ee Danab ayaa weerarka si xirfadaysan u fuliye, iyagoo bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo ay argagixisadu ku dhuumaaleysanayeen, kuna diyaarinayeen falal amni darro. Argagixisadii lagu beegsaday howlgalka ayaa ka cararay goobihii ay ku sugnaayeen, iyagoo halkaasi kaga tegay meydad badan”.

Howlgalladan ayaa waxaa looga hortagayaa weerarada gaadmada ah ee ay Al-Shabaab saldhigyada ciidamada dowladda, kuwaas oo marar soo laa laabtay

Si kastaba, Labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi.

Ciidanka Ilaalada gaarka ee R/W Xamza oo gaaray Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Laascaanood ayaa sheegaya in saaka ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay ka dageen magaaladaas oo la filayo inuu gaaro Xamza Cabdi Barre.

Ciidamadan oo diyaarad ay ka qaaday magaalada Muqdisho ayaa toos uga dagay Laascaanood, si ay qayb uga noqdaan xaqiijinta ammaanka ra’iisul wasaaraha oo maalmaha soo socda booqasho rasmi ah ku tegi doono deegaannada SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxaa Laascaanood gaaray wafdi hordhac u ah ra’iisul wasaaraha u badan howlwadeenno ka tirsan xafiiskiisa, si ay isugu daba ridaan soo dhaweeyntiisa.

Safarka Xamza ee Laascaanood ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan, waxaana ujeedka uu yahay xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo sii amba qaado howlaha harsan ee la xiriira maamulkaasi oo weli KMG ah, isla markaana weli wajahayo xaalado dagaal.

Socdaalkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada maamulkaasi iyo horumarinta gobollada SSC.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa ka caroortay go’aanka ra’iisul wasaaraha, waxayna ka digtay inuu tego Laascaanood oo ay horay ugu dagaalameen iyada iyo SSC-Khaatumo.

Somaliland ayaa sheegtay in Xamza uu ka qoomameyn doono safarkiisa Laascaanood, ayada oo ku goodieysay inay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay uga hortageyso.

“Waxaan uga digayaa ninka Raiisul wasaaraha Soomaaliya ku magacaaban inuu ka qoomamayn doono hagardaamada iyo mashruuca dagaal ee uu mar labaad u soo wado shacabka gobolada Sool iyo Sanaag” ayuu horay u yiri Axmed Faarax Cismaan oo ah guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland.

Si kastaba, socdaalkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda federaalka ee ku aaddan taageerada maamulkaasi iyo horumarinta gobollada SSC.

Magaalada Laascaanood ee uu haatan tegayo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa horay uga dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay maamullada Somaliland iyo SSC-Khaatumo, kuwaas oo ay dad badan ku geeriyoodeen, welina xiisadda labada maamul ayaa ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Ciidamada DF oo dagaal ku qabsaday Geelgub + Khasaaraha

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah aya kasoo baxaya weerar culus oo ay saaka ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku qaadeen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay dhowaan soo galeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxaana ka dhacay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ciidamada huwanta ayaa dagaal ku galay Geelgub, waxayna si buuxda ula wareegeen guud ahaan deegaankaasi, sida ay goordhow shaacisay dowladda Soomaaliya.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saakay hawlgal qorshaysan kaga saaray deegaanka Geel-gub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka, iyaga oo kadib ka saaray gebi ahaan Shabaabkii soo galay halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in khasaare culus la gaarsiiyay Khawaarijta, kadib dagaalkii culus ee saaka ka dhacay deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana maydadkooda ay daadsan yihiin goobihii lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo wariyay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay isku fidiyeen duleedka Geelgub, iyaga oo sii baacsanaya firxadka maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo isaga cararay halkaasi.

Qabashada Geelgub waxaa ka horreysay la wareegitaanka deegaanka Aboorey oo dhaca gobolka Hiiraan, kadib markii ay shalay dagaal ku galeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo sidoo kale khasaare lixaadleh gaarsiiyay maleeshiyaadka Shabaab.

Xalay Aboorey waxaa ku hoyday ciidamada qaranka iyo xaq u dirirka dadka deegaanka, waxaana mar kale la jebiyey Al-Shabaab, oo dib usoo weerartay deegaankaasi, kadib dagaal rogaal celis ah oo ay soo qaaday.

Waxaa sidoo kale ciidamada huwanta ay maalin kahor la wareegeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaa Dhexe oo hadda ku jirto gacanta dowladda Soomaaliya.

Guulahan isdaba joogga ah ayaa ku ymid, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xoojisay gulufka ay ka waddo HirShabelle, si looga hortago abaabulka kooxda Al-Shabaab oo soo gashay deegaanno ka tirsan maamulkaasi oo horay looga xoreeyay.

La wareegitaanka deegaannada cusub ayaa sidoo kale waji cusub u yeelaya dagaalka, waana guul wayn oo ay howlgallada socda ka gaareen ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaamintiisa gacanta ku hayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sharaxaad: Sida diyaaradda T-129 ATAK ay wax weyn uga bedeli doonto awoodda DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeysa in ay si weyn u xoojiso awoodda ciidamadeeda milatari, iyadoo la sheegay in ay xiisaynayso inay ka iibsato Turkiga diyaaradda qumaatiga u kaca ee weerarka ah ee T-129 ATAK.

Wadahadallo arrintan la xiriira oo socda ayaa muujinaya iskaashi difaaceed oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya labada dal, iyo dadaalka Soomaaliya ee ay ku doonayso inay ciidamadeeda ku qalabeyso hub casri ah si ay ugu guuleysato dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Inkasta oo heshiiskaan aan weli si rasmi ah loo shaacin, suurta-galnimada in la helo diyaaraddan awoodda badan ee ATAK ayaa laga yaabaa inay si weyn u beddesho xaaladda amni ee dalka. Qoraalkani wuxuu sharxayaa waxa ay tahay diyaaradda T-129 ATAK iyo sababta ay ugu noqon karto qalab wax ka beddeli kara awoodda ciidan ee Soomaaliya.

T-129 ATAK: Diyaarad dagaal oo casri ah oo loogu talagalay hawlgallada adag

T-129 ATAK waa diyaarad qumaatiga u kaca oo loogu talagalay weerarka, waxaana soo saaray Turkiga iyadoo lagu dhisay naqshad asal ahaan Talyaani ah balse si weyn loogu horumariyay teknoolajiyad Turkigu leeyahay. Waxaa si gaar ah loogu talagalay dagaalka casriga ah, gaar ahaan xaalada dagaalka ka dhanka ah kooxaha fallaagada. Waxay leedahay awoodo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

Degdeg iyo adkaysi: Diyaaraddu waxaa ku rakiban laba matoor oo xoog leh, taasoo u sahlaysa inay si dhakhso leh u duusho una shaqeyso xitaa meelaha cimilada kulul iyo buuraha dhaadheer ee la midka ah dhulka Soomaaliya. Waxa kale oo ay tahay diyaarad aad u leexleexan badan, taasoo ka dhigaysa mid adag in la beegsado. Sidoo kale, ATAK waxay leedahay difaac xoog leh oo badbaadinaya duuliyeyaasha iyo qalabkeeda muhiimka ah, iyadoo lagu daray nidaamyo elektaroonik ah oo la dagaalama halisaha.

Aragti iyo dareen casri ah: ATAK waxaa ku rakiban nidaam bartilmaameed oo casri ah oo u oggolaanaya in ay si cad u aragto bartilmaameedka, xitaa habeenkii ama cimilada xun. Waxay isticmaashaa kamarado kuleylka dareema, kamarado caadi ah, iyo teknoolajiyadda leysarka. Taasi waxay u suurta gelinaysaa duuliyeyaasha inay si sax ah uga arkaan meel fog islamarkaana ay weeraraan cadowga iyagoo weli badbaado ku sugan. Sidoo kale, duuliyeyaashu waxay haystaan muraayado madaxa laga xiro oo u soo bandhigaya xog muhiim ah oo si toos ah indhahooda uga muuqata.

Hub awood badan oo kala duwan: ATAK waxay qaadi kartaa hub kala duwan si ay uga hortagto haliso kala nooc ah. Waxay leedahay qori 20mm ah oo ku rakiban diyaaradda oo loogu talagalay bartilmaameedyada dhulka. Sidoo kale waxay siddaa gantaallo iyo roketo kala duwan oo ay ka mid yihiin:

  • Gantaallo aan hagneyn oo lagu garaaco meelaha ballaaran si loo wiiqo cadowga.
  • Gantaallo leysar ku hagan oo loogu talagalay weerarro sax ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada fudud.
  • Gantaallo lid-taanki ah oo masaafo dheer wax ku garaaca si loo burburiyo gaadiidka gaashaaman ama saldhigyada difaaca adag.
  • Xitaa gantaallo hawada ka rida diyaarad kale oo cadow ah.

Dagaal lagu tijaabiyay: ATAK ma aha oo kaliya fikrad warshadaysan, balse si toos ah ayaa loogu adeegsaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee Turkiga iyo dalal kale sida Filibiin iyo Nigeria, taasoo caddaynaysa waxtarkeeda dagaalka dhabta ah.

Sababta ay ATAK muhiim ugu tahay amniga Soomaaliya

Haddii Soomaaliya ay hesho diyaaraddan, waxay si toos ah uga jawaabi kartaa baahiyaha amni ee deg-degga ah ee dalka ka jira. Awoodaha ATAK waxay xal u noqon karaan caqabadaha ugu waaweyn ee la tacaalka Al-Shabaab:

Taageerada ciidanka dhulka: ATAK waxay bixisaa garab cirka ah oo degdeg ah oo si dhow u taageeraya ciidamada lugta marka ay la kulmaan weerarro toos ah. Awoodda weerar ee diyaaraddan waxay ka caawin kartaa ciidamada inay jebiyaan cadowga kana badbaadaan in la garaaco.

Raadinta iyo beegsiga halisaha: Diyaaraddu waxay kormeeri kartaa dhul ballaaran, waxayna ogaan kartaa dhaq-dhaqaaqyada cadowga, iyadoo si degdeg ah u beegsan karta bartilmaameedyada khatarta ah.

Beegsiga hoggaanka cadowga: ATAK waxay awood u leedahay inay si sax ah u beegsato bartilmaameedyo muhiim ah sida hoggaamiyeyaasha kooxda, xarumaha taliska, ama kaydadka hubka — iyadoo yareyneysa halista waxyeellada dadka rayidka ah.

Wada-hadalladan soo iibsashada diyaaraddan ayaa salka ku haya Heshiis Iskaashi Difaac iyo Dhaqaale oo ay Soomaaliya iyo Turkigu kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024. Si kastaba ha ahaatee, faahfaahinta la xiriirta tirada diyaaradaha, qiimaha, nooca qalabka lagu rakibi doono, iyo waqtiga la keenayo weli lama shaacin waxayna sugayaan war rasmi ah. 

Turkiga: Saaxiib istaraatiji ah oo muhiim u ah amniga Soomaaliya

Heshiiska suuragalka ah wuxuu muujinayaa doorka xooggan ee Turkigu ka ciyaarayo difaaca Soomaaliya. Iskaashigan ayaa lagu muujiyay dhowr arrimood:

Xarunta TURKSOM: Turkigu wuxuu Muqdisho ka hirgeliyay xarun weyn oo tababar ciidan ah, taasoo muhiim u ah horumarinta xirfadda iyo anshaxa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Tababar khaas ah: Warar ayaa sheegaya in saraakiil Soomaaliyeed lagu tababarayo Turkiga, taasoo laga yaabo inay ku jiraan diyaarinta shaqaale u qalma hawlgalinta diyaaradaha casriga ah ee ATAK.

Taageeradii hore: Turkigu wuxuu horay Soomaaliya ugu deeqay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı, kuwaasoo bixiya xog-ururin, kormeer, iyo weerarro sax ah. Helitaanka ATAK waxay noqon doontaa xoojinta ugu dambeysa ee awoodda cirka.

Hadda, Ciidanka Cirka Soomaaliya waxay haystaan tiro kooban oo ah diyaarado duug ah oo u badan kuwo Talyaanigu horey u hibiyay. Inkasta oo ay waxtar u leeyihiin gaadiidka iyo saadka, diyaaradahaasi ma laha awood weerar, difaac, ama dareemayaal casri ah sida T-129 ATAK. Diyaaraddan cusub waxay Soomaaliya u keenaysaa heer dagaal cirka oo aysan horay u gaarin. 

Muuqaalka mustaqbalka: Caqabado iyo fursado is barbar socda

Soo gelinta teknoolajiyaddan casriga ah waxay la imaan doontaa caqabado muuqda. Soomaaliya waxay u baahan doontaa inay dhisto nidaamyo dayactir iyo taageero farsamo oo lagu maareeyo diyaaradahaas, inay hesho maalgelin ku filan oo lagu iibsado iyo lagu sii shaqeysiiyo, iyo inay hubiso in diyaaradaha si wax ku ool ah loogu dhex daro hawlgallada CXDS iyadoo la adeegsanayo tababar joogto ah iyo istaraatijiyad ciidan oo ku habboon.

Xiisaha ay Soomaaliya u qabto diyaaradda T-129 ATAK wuxuu muujinayaa go’aan siyaasadeed oo adag oo ku jihaysan xoojinta awoodda milatari ee dalka si loola dagaalamo Al-Shabaab.

ATAK waxay isu keenaysaa xawaare, teknoolajiyad horumarsan, iyo hub kala duwan oo horey ugu guuleystay dagaallo la mid ah kuwa Soomaaliya ka jira.

Inkastoo heshiiskaan weli u baahan yahay xaqiijin rasmi ah, islamarkaana ay jiraan caqabado hirgelin ah, haddii la helo diyaaraddan – iyada oo ay suurta-gelinayaan xiriirka amni ee sii xoogeysanaya ee Turkiga – waxay si weyn u kordhin kartaa awoodda Soomaaliya ee ilaalinta shacabka iyo difaaca dhulkeeda.

Soomaali geesinimo ka muujiyey weerar ka dhacay Jarmalka oo la abaal-marinayo

Munich (Caasimada Online) – Ahmed Odowaa, oo ahaa magangelyo-doon la diiday, ayaa la sheegay in loo sheegay in masaafurintiisu dhow dahay. Balse hadda, mas’uuliyiinta gobolka Bavaria ee dalka Jarmalka ayaa shaaciyay in uu sii joogi karo dalka – ugu yaraan si ku-meelgaar ah.

Odowaa, oo u dhashay Soomaaliya, ayaa la sheegay in uu ka hortagay nin mindi ku hubaysnaa oo 22-kii Janaayo dad ku weeraray jardiin ku taalla magaalada Aschaffenburg. Sida uu sheegay Joachim Herrmann, wasiirka arrimaha gudaha ee Bavaria – gobolka uu dhacayo Aschaffenburg – Odowaa hadda ma wajahayo masaafurin loogu qaado Talyaaniga.

Hadalkii Herrmann ee fiidnimadii Isniintii (7-da Abriil) ayaa si cad uga hor yimid warar hore oo saxaafaddu baahisay kuwaasoo sheegayay in Odowaa, oo 30 jir ah, laga saari doono Jarmalka xagaaga.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Bavaria ayaa xaqiijisay in Odowaa uu yahay markhaati muhiim ah oo ku lug leh dacwadda ciqaabeed ee socota ee lala xiriirinayo eedeysanaha weerarka Aschaffenburg. Sidaas darteed, joogitaankiisa Jarmalka ayaa si sharci ah loo “ogolaaday”.

Wasiir Herrmann ayaa sidoo kale ammaanay doorkii geesinimada lahaa ee Odowaa, isagoo sheegay in “adeeggiisa lama filaanka ah ee uu u qabtay Aschaffenburg iyo Bavaria uu mudan yahay aqoonsi iyo ixtiraam buuxa.”

Faah-faahinta weerarka

22-kii Janaayo, Odowaa wuxuu ku sugnaa jardiin ku taalla Aschaffenburg markii uu arkay nin 28-jir u dhashay Afghanistan oo midi jiko ku weeraraya koox caruur ah. Ilmo labo jir ah ayaa ku dhintay, dhowr kalena si daran ayaa loo dhaawacay. Nin 41-jir ah oo isku dayay inuu carruurta difaaco ayaa isna lagu dilay weerarka.

Markii ninka la tuhunsan yahay uu baxsaday, Odowaa iyo dad kale ayaa daba galay, waxayna booliiska u sheegeen halka uu ku sugan yahay, taasoo sahashay in si degdeg ah loo qabto.

Warar xilligii la xirayay ninkaasi la helay ayaa muujinayay inuu lahaa dabeecado rabshado wata, isla markaana uu markaas ku jiray daaweyn dhimirka ah. Sidoo kale, waxaa la sheegay in la qorsheeyay in dalka laga saaro dabayaaqadii sannadkii hore.

Odowaa ayaa helay ammaan ballaaran oo ku saabsan tallaabadiisii geesinimada lahayd. Marka laga reebo Wasiir Herrmann, Ra’iisul Wasaaraha Bavaria Markus Söder ayaa sidoo kale si qoraal ah ugu mahadceliyay Odowaa, isaga oo ku tilmaamay “tusaale la taaban karo oo muujinaya geesinimo bulsho” isla markaana xusay in uu “muujiyay adkaysi iyo dhiiranaan aan caadi ahayn.”

Warbaahinta deegaanka ee Main Echo ayaa sheegtay in Odowaa la gudoonsiin doono bilad uu si rasmi ah uga helayo Söder bisha Maajo, taasoo lagu maamuusayo dadaalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Odowaa ayaa isla warbaahintaasi u sheegay in uu ka helay xafiiska ajaanibta warqad amaraysa in uu dalka ka baxo ugu dambayn 8-da Luulyo. Arrintaas darteed, laba qof ayaa bilaabay olole saxiixyo lagu ururinayo iyagoo adeegsanaya mareegta change.org si loo joojiyo masaafurintiisa. Ilaa waqtigii warbixintu soo bixi lahayd, in ka badan 60,000 oo qof ayaa saxiixay codsigaasi.

Xaaladdiisa sharci

Wasiir Herrmann ayaa sheegay in Odowaa hore loogu aqoonsaday qaxooti dalka Talyaaniga. Si kastaba, wuxuu haddana u soo safray Jarmalka horraantii 2024 si uu mar kale uga codsado magangelyo, balse codsigiisa ayaa la diiday isla sanadkaas. Racfaan uu ka qaaday go’aankaasi isna wuu guuldarreystay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dpa.

Herrmann ayaa sharaxay in “arrintaasi aanay waafaqsanayn shuruucda Yurub iyo kuwa Jarmalka ee hadda jira.” Wuxuu tilmaamay nidaamka loo yaqaan Dublin Procedure, oo dhigaya in qofka magangelyo doonka ah aanu mar kale codsan karin magangelyo waddan kale oo Midowga Yurub ka tirsan, haddii horey waddan kale loogu aqoonsaday.

Nidaamkan ayaa ku saleysan fikradda ah in qofka magangelyo-doonka ah uu codsigooda ka gudbiyo waddankii ugu horreeyay ee uu kaga dego Midowga Yurub.

Donald Trump oo si uusan jecleysan Netanyahu uga hadlay Erdogan iyo Turkey

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii isku muujiyey inuu yahay dhex-dhexaadiye ka dhex shaqayn kara Israa’iil iyo Turkiga, iyadoo labada dal ay ku tartamayaan saameynta ay ku leeyihiin Suuriya oo xaaladdeedu tahay mid siyaasiyan aad u jilicsan.

Trump oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad, isagoo uu garab taagan yahay saaxiibkiisa dhow ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu “xiriir wanaagsan” la leeyahay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan – taasoo uu ku tilmaamay waddo suurtagal ah oo lagu furfuri karo khilaafka.

“Waxaan u sheegay ra’iisul wasaaraha, waxaan iri, Bibi, haddii aad khilaaf la leedahay Turkiga, waxaan rumeysanahay inaan wax badan ka qaban karo,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha, isagoo adeegsanaya naanaysta Netanyahu ee Bibi.

“Waad ogtihiin, waxaan leeyahay xiriir aad u wanaagsan oo aan la leeyahay Turkiga iyo madaxweynaha dalkaas, waxaana aaminsanahay inaan si wanaagsan uga shaqeyn karno xal u helidda arrintan,” ayuu raaciyey.

“Dhibaato kasta oo kaala dhexeyso Turkiga, waxaan aaminsanahay inaan xallin karno – haddii aad noqoto qof gar leh, waa inaad ahaataa mid gar leh,” ayuu Trump u sheegay Netanyahu.

Turkiga ayaa ah taageere muhiim ah oo u taagan isbaheysi Islaami ah oo xukunka ka tuuray Bashar al-Assad bishii December, kaddib dagaal sokeeye oo dalkaas ka socday ku dhowaad 14 sano.

Saameynta sii kordheysa ee Turkiga ku yeeshay maamulka cusub ee Suuriya ayaa walaac weyn ku abuurtay Israa’iil, taasoo si isdaba joog ah u qaaday duqeymo cirka ah iyo howlgallo dhulka ah oo ay uga gol lahayd in ciidamada dowladda Suuriya looga fogeeyo xuduudda koonfureed.

Trump ayaa u muuqday inuu aqbalayo doorka xooggan ee Turkiga ku leeyahay gudaha Suuriya, isagoo sheegay inuu u sheegay Erdogan inuu “dad kale u adeegsaday si uu dalkaas ula wareego.”

“Waxaan iri, ‘Hambalyo, waxaad ku guuleysatay wax aan cid kale ku guuleysan 2,000 sano – waxaad la wareegtay Suuriya.’ Magacyada way kala duwan yihiin, laakiin micnaha waa mid,” ayuu yiri Trump.

Netanyahu oo booqasho rasmi ah ku joogay Washington, ayaa dhankiisa muujiyey walaaca Israa’iil ka qabto saameynta sii kordheysa ee Turkiga, isagoo ammaanay Trump inuu yahay qofka ugu habboon ee dhexdhexaadin kara labada dhinac.

“Waxaan hore u lahayn xiriir derisnimo oo wanaagsan oo aan la lahayn Turkiga, balse way sii xumaadeen, mana dooneyno in Suuriya loo adeegsado saldhig lagu weeraro Israa’iil – cid kasta ha adeegsatee, ha ahaado Turkiga ama cid kale,” ayuu yiri Netanyahu.

“Waxaan ka wadahadalnay siyaabo kala duwan oo aan uga hortegi karno iska horimaadkan, waxaana aaminsanahay inaan heli karin qof ka wanaagsan madaxweynaha Mareykanka oo arrintan ka shaqeeya,” ayuu raaciyey.

Dhameystirka dastuurkha Soomaaliya oo halis ugu jira in uu u hakado awood qabiil

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadaallada Soomaaliya ee lagu dhammeystirayo Dastuurka ku-meel-gaarka ah ayaa halis ugu jira in ay istaagaan, iyadoo ay sabab u yihiin saameynta weli xooggan ee nidaamka ku saleysan qabiilka iyo kalsooni-darrada ka jirta hay’adaha rasmiga ah ee dowliga ah, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda International IDEA toddobaadkan.

Daraasadda, oo lagu eegay habka maamul ee Galmudug iyo Hirshabelle—labada dowlad-goboleed ee ugu nugul Soomaaliya—ayaa muujisay in odayaasha dhaqanka, xeerarka caadiga ah, iyo heshiisyada awood-qaybsiga ee aan sharciyeysneyn ay weli door ka weyn ka ciyaarayaan qaab-dhismeedka siyaasadeed marka la barbar dhigo sharciyada heer qaran ama federaal.

Inkasta oo ay jiraan hannaan sharciyeed oo loogu talagalay mideynta maamulada hoose, haddana xaqiiqada dhabta ah ayaa ah in go’aamada muhiimka ah lagu gaaro wadaxaajoodyo qabiil iyo heshiisyo ku-meelgaar ah.

“Xeerarka dhaqanka iyo siyaasadda qabiilka ayaa si weyn u hagaya sida maamulka deegaanka u shaqeeyo,” ayay qoreen Winluck Wahiu iyo Adem Kassie Abebe, oo qoray warbixinta. “Sharciyada rasmiga ah wali si buuxda looguma dhaqmo qaybo badan oo dalka ah.”

Warbixinta ayaa soo baxday iyadoo uu cirka isku shareerayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Bishii Maarso, baarlamaanka federaalka ayaa ansixiyay wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka, si dalka loogu wareejiyo nidaamka madaxweyneyaasha. Puntland, oo ah mid ka mid ah gobollada ugu xasilloon, ayaa diiday tallaabadan, waxayna xiriirka u jartay dowladda dhexe, iyagoo ku eedeeyay inay si kali-talisnimo ah u dhaqmeyso.

Inkasta oo madaxda dowladda dhexe ay taageerayaan federaaleynta iyo dib-u-habaynta dastuurka, warbixintu waxay muujineysaa in dadaalladaas ay carqaladeeyaan is-diiddooyinka ka dhex jira awoodaha hoose.

Galmudug gudaheeda, golayaasha degmooyinka waxaa inta badan lagu dhisaa heshiisyo qabiil halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwo laga soo doorto doorashooyin. Sidoo kale, xuduudaha degmooyinka ayaa loo beddelay si waafaqsan danaha siyaasadeed ee beelaha halkii laga raaci lahaa shuruucda ama nidaamka maamulka, taasoo dhalisay walaac ah in la musuqmaasuqo matalaadda ka hor doorashooyinka guud ee soo socda.

Hirshabelle oo wajaheysa caqabado maamul oo adag

Dowlad-goboleedka Hirshabelle, oo la dhisay 2016, ayaa la tacaalaysa dhibaatooyin maamul oo sii murugsan. Khilaafaadka beelaha, jiritaanka kooxo hubeysan, iyo ilaha dhaqaale oo kooban ayaa curyaamiyay awoodda dowladda. Inta badan degmooyinka gobolkaasi waxay u shaqeeyaan si madaxbannaan ama waxa maamula Al-Shabaab. Inkasta oo Hirshabelle ay 2018 ansixisay sharci dowladeed oo dib loogu soo celinayo golayaasha degmooyinka, haddana waxaa yar degmooyin si hufan u dhaqan geliyay sharcigaas.

Warbixinta waxay sidoo kale muujisay in mas’uuliyiinta heer federaal iyo dowlad-goboleed ay marar badan hareer maraan sharciga si ay u saameeyaan habka loo magacaabo hoggaanka degmooyinka.

Tallaabooyinkaas waxaa lagu wajahaa odayaasha dhaqanka oo loo adeegsado sidii albaab laga soo galo awoodda. Dhankooda, odayaasha beeluhu waxay isku dayaan inay xilal u helaan xubnaha beelahooda, taasoo abuureysa nidaam siyaasadeed oo ku dhisan is-xulafeysi iyo hay’ado daciif ah.

“Mas’uuliyiinta heer dowladeed iyo heer federaal waxay farageliyaan maamulka hoose si ay u dhisaan xulafo siyaasadeed halkii ay ka dhisi lahaayeen hay’ado dowladeed,” ayay warbixintu xustay. “Tani waxay dhaawacaysaa madax-bannaanida iyo sumcadda golayaasha deegaanka.”

Dastuurka oo wali aan la dhammeystirin

Soomaaliya waxay ansixisay dastuurka ku-meel gaarka ah sanadkii 2012 kadib wada-tashi dheer oo qaran. Inkasta oo uu ahaa dukumenti ku-meelgaar ah, weli lama marin afti qaran mana dhammaan. Golaha Wadatashiga Qaranka—oo ka kooban madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada—ayaa horey isugu raacay qodobo muhiim ah sida awood-qaybsiga iyo qaab-dhismeedka amniga. Si kastaba, horumarka dhabta ah ee lagu gaarey dhammeystirka dastuurka ayaa ahaa mid gaabis ah oo muran siyaasadeed hareeyay.

Qaabka dowladnimo ee Soomaaliya waxaa si rasmi ah u kala qeexaya laba heer: dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Maamulada hoose waa in ay hoos yimaadaan dowlad-goboleedyada, hase yeeshee Sharciga Maamulka Hoose ee 2013 iyo qorsheyaal kale oo xigay sida Qorshaha Wadajir ayaa lagu doonayay in la mideeyo tilmaamaha guud ee maamulka degmooyinka, oo ay ka mid yihiin canshuuraha, dhismaha golayaasha, iyo bixinta adeegyada.

Warbixintu waxay muujisay in hannaanadan loo hirgeliyay si aan joogto ahayn. Xaqiiqda dhabta ah waxay tahay in beelaha, maxkamadaha shareecada, iyo heshiisyada deegaanka ay weli yihiin dariiqyada ugu muhiimsan ee lagu xalliyo khilaafaadka, lagu qaybiyo kheyraadka, iyo lagu magacaabo mas’uuliyiinta deegaanka, gaar ahaan meelaha miyiga ah iyo degmooyinka yaryar.

Galmudug iyo Hirshabelle gudaheeda, degmooyinka cusub ayaa inta badan aan lahayn xuduudo cad iyo awood maamul oo muuqata. Halkii laga dooran lahaa golayaal deegaanka, waxaa badanaa lagu magacaabaa iyada oo la adeegsanaayo wasaaradaha dowlad-goboleedyada ama odayaasha dhaqanka, iyadoo lagu saleeyo awood-qaybsiga beelaha. Tani waxay dhalisaa muran ku saabsan matalaadda beelaha, waxayna dib u dhigtaa hawlgalka dowladnimo, halka ay sidoo kale dhaawacdo kalsoonida shacabka.

“Xalalka ku saleysan qabiilka waxay bixiyaan dabacsanaan siyaasadeed, balse sidoo kale waxay dhaliyaan xasillooni darro joogto ah,” ayay qorayaashu sheegeen. “Iyadoo aan la dhisin saldhig sharciyeed adag iyo ka-qaybgal bulsho oo ballaaran, golayaasha deegaanka waxay weli u nugul yihiin in si gaar ah loo adeegsado.”

Talooyin: La shaqeynta dhaqanka iyo dib-u-habayn

Warbixinta waxay ku talinaysaa in hay’adaha dowladda Soomaaliya ay si xeel-dheer ula shaqeeyaan nidaamyada dhaqanka, halkii ay isku dayi lahaayeen in gabi ahaanba la beddelo. Waxay ku baaqeysaa in dib-u-habaynta dastuurka laga bilaabo heer hoose, iyadoo la aqoonsanayo adkeysiga nidaamyada dhaqanka iyo diinta, lana ballaariyo helitaanka adeegyada iyo isla xisaabtanka.

Sidoo kale, qorayaashu waxay carrabka ku adkeeyaan muhiimadda ay leedahay in haweenka iyo dhallinyarada si ballaaran loogu daro maamulka hoose, ayna jirto baahi weyn oo loo qabo in la caddeeyo nidaamka wax-qaybsiga dakhliga ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Waqtigan xaadirka ah, maamulada degmooyinka badankood ma haystaan dhaqaale ku filan ama sharci cad oo hagaya shaqadooda.

Soomaaliya waxay gaartay horumar la taaban karo 20-kii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid yihiin dhismaha shan dowlad-goboleed iyo baarlamaan federaal ah. Si kastaba, warbixintu waxay uga digeysaa in haddii aan si dhab ah loo wajahin xaqiiqooyinka ka jira heerarka hoose ee dowladnimo, ay jirto halis ah in siyaasadda dalka ay sii kala fogaato.

“Dastuurka Soomaaliya waa in lagu dhisaa kaliya ma ahan Muqdisho, balse sidoo kale laga dhisaa degmooyinka iyo tuulooyinka ay shacabka si toos ah ugu nool yihiin maamulka,” ayay warbixintu ku soo gabagabeysay.

Turkey’s Somalia space base alarms world powers

MOGADISHU, Somalia – An “unprecedented flurry of activity” detected by international intelligence satellites over the Somalian coastline has ignited global concern regarding Turkey’s burgeoning space program.

A report from the respected France-based intelligence platform Intelligence Online reveals that sophisticated spy satellites belonging to US firm Maxar, French group Airbus Defence and Space, and even Chinese group Changguang Satellite Technology have been intensely monitoring two very specific locations in Somalia.

The sheer “frequency of the images taken” strongly suggests a concerted effort to “keep track of what is happening on the ground.”

Intelligence Online’s analysis pinpoints one site on the Kismaayo coast as a likely logistics base. The second, situated southeast in the Jamaame dunes, is suspected to be the construction site of Turkey’s space base, a project President Recep Tayyip Erdoğan announced in November.

While Somali authorities confirmed the endeavor weeks later, they notably “did not provide any detail about where or when the spaceport would be built.” Intelligence Online posits that these international observers “have now found that out for themselves.”

Jamaame dunes under surveillance

The intense and coordinated satellite surveillance focused on the Jamaame dunes strongly indicates this is the location of the alleged Turkish space base. This aligns with President Erdoğan’s public announcement, raising significant questions about the strategic implications of such a facility in the geopolitically sensitive Horn of Africa.

The concerted observation by multiple global powers underscores the depth of international concern and the urgent desire to ascertain Turkey’s activities’ precise nature and ultimate purpose in this remote region.

Beyond a satellite launch facility, Intelligence Online highlights that Turkey’s strategic objectives extend to developing its defense capabilities. Drawing from pre-existing information, Ankara had “indicated it wanted an autonomous space launch site near the equator.”

Given Somalia’s advantageous “opening towards the Indian Ocean,” the report identifies it as a “good location for such a base,” a strategic rationale echoed by Italy’s plans to reopen its former Kenyan base and Saudi Arabia’s interest in Oman’s Duqm facility.

Crucially, Turkey’s “ambitious defense industry is not just looking for a satellite launch station.” The report asserts that Ankara “is also searching for the right spot for a long-range missile testing center.”

Turkey’s existing “geographical configuration makes these tests complex – and visible to prying eyes – as they head either into the Mediterranean or the Black Sea.”

Somalia’s expansive and relatively isolated terrain would offer a considerably more favorable environment for conducting such sensitive tests, away from densely populated areas and potentially under less immediate international scrutiny during critical testing phases.

Rebuttal to Prof. Abdinasir Ali’s critique of term extension proposal for President Hassan

I. Introduction: A National Stability Imperative, Not a Power Grab

Professor Abdinasir Ali Osman presents a thoughtful critique of my article supporting the extension of President Hassan Sheikh Mohamud’s tenure. His position is grounded in constitutionalism and democratic norms—values I wholeheartedly share. However, I respectfully disagree with his conclusion that advocating for continued leadership in the interest of national stability constitutes a threat to Somalia’s democratic development.

This rebuttal aims to clarify my original argument, respond to key points raised by Professor Osman, and reassert the view that measured, time-bound, and nationally sanctioned continuity of leadership can serve as a bridge toward a more stable and democratic Somalia.

II. Contextualizing Stability: A Practical, Not Abstract, Necessity

Professor Osman critiques the concept of “stability” as vague and open to abuse. However, in Somalia’s context—where state collapse, terrorist insurgency, natural disasters, and clan-based fragmentation are daily realities—stability is not a rhetorical construct. It is a tangible prerequisite for elections, constitutional implementation, and institutional maturity.

  • Security Gains Must Be Consolidated: The government has made unprecedented advances against Al-Shabaab. Yet, gains against insurgency are reversible without continuity in strategic planning and command. A rushed transition, in the current volatile environment, could embolden spoilers.
  • Institutional Maturity Requires Time: The critique assumes that Somalia’s democratic institutions are mature enough to withstand any leadership change. This is aspirational but not yet reflective of political realities on the ground. Transitions in fragile states often trigger crises, not consolidation.

III. Constitutionalism vs. Context: A False Binary

Professor Osman rightly emphasizes constitutional governance. My article does not call for a blanket suspension of constitutional norms. Rather, it calls for constitutional pragmatism—a principle used even in mature democracies during times of national emergency.

  • The Somali Constitution Is Provisional: As Professor Osman himself notes, the constitution is still provisional. It lacks a binding mechanism for dispute adjudication, electoral timelines, and term interpretations. Hence, political consensus has often substituted for rigid legalism in Somalia’s transitional governance.
  • Historical Precedents Support Pragmatism: Many post-conflict nations—such as South Africa during its transition or Rwanda in the aftermath of genocide—have temporarily prioritized stability and reconciliation over formalistic electoral cycles. Somalia, too, must tailor its governance to its unique realities.

IV. The Role of Leadership in Fragile States

Professor Osman warns against the “indispensability” narrative. I fully agree that no leader should be above institutions. However, leadership continuity in fragile contexts is not necessarily personalism; it can be strategic stewardship.

  • Hassan Sheikh Is Uniquely Positioned: His track record of peaceful transfer of power in 2017, his public opposition to term extensions, and his ability to maintain constructive relations with international partners and federal states make him a stabilizing figure.
  • Leadership ≠ Authoritarianism: Advocating for a time-bound, consensus-based extension does not equate to authoritarian drift. It is a mechanism to allow the current administration to complete critical reforms and ensure a safer, more legitimate electoral environment.

V. Legal and Political Process for Extension

Professor Osman criticizes the lack of constitutional argument for extension. While Somalia’s constitution does not explicitly provide for extensions, political agreements have often shaped transitional timelines (e.g., the 2021 Garowe and Mogadishu agreements).

  • A Political Agreement, Not a Decree: Any proposal to extend the president’s term must come through inclusive political dialogue, involving Parliament, Federal Member States, the National Consultative Council, and civil society. This is consistent with Somalia’s hybrid legal-political governance model.

VI. International and Regional Considerations

The role of international partners in Somalia is indeed significant. However, stability, not just elections, is the preferred outcome for Somalia’s allies.

  • Donor Confidence Is Linked to Governance Continuity: The IMF’s debt relief framework, the World Bank’s funding mechanisms, and security sector support from ATMIS and the EU all benefit from political continuity during implementation.
  • Premature Elections Could Destabilize Progress: Mismanaged elections in 2021 nearly led to conflict. It is prudent to ensure that the next electoral cycle is not only timely but also peaceful, inclusive, and credible.

VII. Conclusion: A Balanced Path Forward

Professor Abdinasir Ali Osman offers a principled defense of constitutional norms, and his critique serves as a vital reminder of the risks of overreach. However, Somalia’s journey to democracy must be carefully navigated, not rushed. The proposition to extend President Hassan Sheikh Mohamud’s tenure is not a rejection of democracy, but a recalibration of its timing in service of its long-term survival.

I reiterate that any extension must be:

  • Time-bound and transparently negotiated
  • Anchored in inclusive political consensus
  • Subject to parliamentary oversight and judicial review
  • Paired with binding commitments to electoral reforms and a clear roadmap

This approach does not weaken Somalia’s democratic aspirations—it safeguards them.

About the Author
Abdi Hilowle (Coowle) is a political analyst and commentator specializing in governance and security. He has contributed to various regional publications and policy platforms on state-building, democratic transitions, and post-conflict recovery.

Fahad Yaasiin oo farta ku fiiqay labo masuul iyo dowlad 3 sano shirqoolayey…

0

Muqdsho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu cinwaan uga dhigay “SHIRQOOLKII  CIIDAMADA XOOGGA DALKA” isagoo si cad u sheegay in seddaxdii sano ee lasoo dhaafay ay shirqool aad u xun wajahayeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in labo qof oo masuuliyiinta ugu sareysa looga dhigay wasaaradda gaashaandhigga ay fulinayeen shirqooladaas oo dowlad shisheeye ay soo maleegtay, loona wakiishay iyaga inay ciidanka ku baabi’iyaan, sida uu qoraalkiisa u dhigay.

Inkastoo Fahad uusan qoraalkiisa ku xusin magacyada xubnaha uu ku eedeeyey shirqoolka ciidanka iyo fulinta ajandaha shisheeye iyo dowladda ka shaqeyneysa burburinta ciidanka Soomaaliya, hadana wuxuu bixiyey tilmaan lagu fahmi karo masuuliyiintaas.

Wasiirkii gaashaandhigga ee maalin ka hor xilka wareejiyey iyo taliyihii hore ee xoogga oo mar xilka kala wareegay Jeneraal Odowaa, markii dambena dib ugu wareejiyey iyo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa laga fahmi karaa qoraalka Fahad inay fulinayeen shirqoolka uu sheegay.

Hoos ka akhriso qoraalka Fahad Yaasiin:

Ciidanka Xoogga Dalka, saddexdii sano ee u dambaysay, waxay u gacan galeen shirqool uu dal carbeed soo maleegay, ayna fuliye ka noqdeen laba qof oo si toos ah xilal uga soo qabtay xafiisyo awood u siinaya iney hirgaliyaan qorshaha shisheeyaha, waxayna adeegsadeen habab arxan darro ah.

Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka intii ay jireen, dhibaatada ay u geysteen ciidanka qaranka labadaas qof, waligeed mid lamid ah ma soo marin.

Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin iney helaan sharraxaad qeexaysa nooca shirqool ee loo dhigay Ciidanka Xoogga.

Labadaas, mid kamid ah wuxuuba ahaa laba kaarle, oo hal qorshe ayuu ugu adeegayey shisheeye iyo Shabaab oo isku ajande ah, balse kala hadaf ah.

Midkood, shisheeyuhu waxay ku guuleesteen iney xilka Wasaaradda u dhiibaan xiligii Madaxweynihii hore, waxayse ku fashilmeen fulinta shirqoolkoodii, Taliskii CXD ee waqtigaas ayaana ahaa kuwa feejigan.

Nasiib darro, isla Wasaaraddii ayaa lagu soo celiyey, si uu u fuliyo qorshihii. Midka kalena, xilka ugu sarreeya Xoogga Dalka ayuu qabtay, oo Madaxweynaha jooga ayaa u dhiibay.

Daawo: Ahlu-Sunna oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna Waljamaaca oo maalmihii dambe waday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo milatari ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta doorashada Qof iyo Codka ah ee la filayo inay ka dhacdo dalka.

Ahlu-Sunna ayaa maanta si rasmi ah u diiwaan-gelisay urur cusub oo siyaasadeed, kaas oo lagu magacaabo Ururka Dib-u-heshiisiinta iyo Hormarinta Towfiiq, waxaana hoggaamin doona Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo horey usoo noqday madaxii xukuumadda Galmudug.

Sheekh Shaakir, oo ururkiisa la guddoonsiiyay shahaadada rasmiga ah, ayaa soo dhaweeyay doorashooyinka dadweyne ee ay qorsheynayso Villa Soomaaliya in lagu qabto gudaha dalka, isaga oo tilmaamay in doorashadu tahay xal u ah dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

“In dalka doorasho Qof iyo Cod ah ka dhacdo waa daawo; qofkii kasoo horjeedana wuxuu dalka la damacsan yahay burbur iyo in lagu jiro rafaad, diiddana in dalka la badbaadiyo,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Sidoo kale, wuxuu sii raaciyay: “Bulshadu qofka ay doorato way la xisaabtami kartaa; isaguna wuxuu is leeyahay, maadaama lagula xisaabtamayo maalin kasta iyo habeen kasta, is ilaali, yaadan bulshada hortooda ku fadeexoobin.”

Dhanka kale, Sheekh Shaakir wuxuu farriin culus u diray siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay ka qayb-galaan doorashada soo socota, ayna diiwaan-geliyaan ururradooda.

“Siyaasiyiinta mucaaradka waa inay diiwaan-geliyaan ururradooda. Haddii ay diiwaan-gelin waayaan, looma joojinayo, dadka Soomaaliyeed baa ka badan,” ayuu mar kale yiri.

Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli dhowaan gobollada dhexe dib looga aas-aasay ciidamadii Ahlu-Sunna, kadib qorshe maalmo kooban ka socday magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, halkaas oo lagu soo bandhigay cudud ciidan oo xoog leh.

Qorshaha dib loogu aas-aasay Ahlu-Sunna waxaa qayb ka ahayd dowladda federaalka, waxaana la sheegay inay xoreynayaan degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee ay Al-Shabaab ka joogaan Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, Ahlu-Sunna waxay haatan dooneysaa inay si toos ah uga qayb-gasho siyaasadda Soomaaliya, ayna u tartanto doorashada soo socota oo loo marayo nidaamka xisbiyada, sida uu horey u shaaciyay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xogta weerarkii Al-Shabaab ee Aboorey, geerida sarkaal sare iyo gacan ku haynta…

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta si aan horay loo arag uga dagaalantay gobolka Hiiraan, kadib markii saakay lagu weeraray deegaanka Aboorey oo hoos taga degmada Buuloburde.

Ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa saakay seddax jiho ka weeraray Aboorey, Al-Shabaab  waxay isku dayeen inay difaacdaan deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah, balse waa lagu laayey.

Duhurkii ayaa la jebiyey Al-Shabaab, waxaana lagu guuleystay in laga xoreeyo deegaanka Aboorey, balse galabta ayay soo qaadeen weerar culus oo rogaal celis ah.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada maanta xoreeyey Aboorey ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay go’aansadeen in meydadkooda oo daadsanaa gudaha iyo daafaha deegaanka ay aruursadaan, kana aar-gutaan ciidamada.

Dagaal la isku riiqmay oo galabta Casirkii kadib ka bilowday deegaanka Aboorey, kadib markii Shabaab dib u soo weerareen ayaa la isla soo gaaray caawa.

Inkastoo mar kale Al-Shabaab lagu jebiyey weerarkii rogaal celiska ahaa ee galabta ay soo qaadeen, hadana khasaare badan ayaa dagaalkii galabta oo ahaa mid culus ka soo gaaray ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

Saraakiil uu ku jiro Taliye urur oo ka tirsanaa Ciidanka Danab ee galabta ka dagaalamay Aboorey, ayaa ku geeriyootay dagaalkaas iyo ciidamo badan oo isugu jira kuwa qaranka iyo ku wa deegaanka ee Macawiisleyda reer Hiiraan ayaa sidoo kale dagaalka ku geeriyooday.

Caawa Aboorey waxaa ku sugan ciidamada qaranka iyo xaq u dirirka dadka deegaanka, waxaana mar kale la jebiyey Al-Shabaab, oo caawa dib isaga laabtay, kadib markii uu guul dareystay weerarkii rogaal celiska ahaa ee galabta ay ku soo qaadeen deegaankaas.

Ilaa maanta Aboorey oo dagaallo qaraar ay ka socdeen waxaa dul wareegayey diyaaradaha dagaalka, balse halkaas kama dhicin wax duqeyn ah, sababtana waxaa lagu sheegay in daruuro xoog leh ay jireen oo Roob uu cirka soo galay.

Duqeymaha la fulin waayey ayaa Al-Shabaab fursad u siiyey inay dagaalamaan oo weliba si aan horay loo arag ay jilibka u dhigtaan, sidoo kale waxaa u soo gurmanayey ciidamo xoog leh oo ka soo gudbayey galbeedka gobolka Hiiraan.

Deegaanka Aboorey ayaa muhiim u ah isku socodka kooxda ee gobollada Hiiraan, Sh/Dhexe iyo Galmudug, halkaas oo dagaalamayaal kale ay uga go’doonsan yihiin, waxayna markaan isku dayeen Al-Shabaab inay iska dhiciyaan oo dagaalka uga adkaadaan Xawaadle iyo Ciidamada Qaranka ee aaggaas jooga, balse cashir ayaa loo dhigay maanta.

Daawo: Guddiga doorashada oo shaaciyay go’aan saameynaya mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta ku dhowaaqay go’aan culus oo si gaar ah u saameynaya mucaaradka, isla-markaana la xiriiro doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan gudaha dalka.

Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan oo hadal ka jeediyay munaasabad shahaaddooyinka rasmiga ah ee ururnimo lagu guddoonsiiyey illaa 5 urur-siyaasadeed oo soo buuxiyay shuruudaha diiwaangelinta ayaa ku dhowaaqay in dalka uu aaday doorasho, isla-markaana isbuuca soo socda ay billaaban doonto diiwaangalinta cod-bixiyeyaasha.

Cabdikariin ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in 5 urur oo maanta is diiwaan-geliyay ay noqon doonaan saamileyda siyaasadda ee saxda ah, isla markaana uu loolanka u dhexeyn doono iyaga iyo xukuumadda, shacabkuna ay u dhexeyn doonaan, taas oo caqabad ku ah siyaasiyiinta mucaaradka ee banaanka jooga.

“Saamileyda siyaasada saxda ah waa shanta urur ee noo diiwaan gashan wixii kasoo hara waxba ma ahan isbuuca soo socdana waxaa bilaabaneysa diiwaan galinta dad weynaha waxaa xigi doona doorashada golaha deegaanka” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu raciyay “Maanta siyaasadda Soomaaliya waxa ay ka dhexeysaa shantaan urur iyo xukuumadda dalka joogta iyo Ummadda Soomaaliyeed ayuu banuuniga u dhexeeya”.

Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa farriin u diray ururada kale ee siyaasadda, isaga oo ugu baaqay inay is diiwaan-geliyaan oo shahaadada qaataan, si ay tartanka u galaan.

“Ururada kale waxaan leeyahay inay sidaas oo kale u shaqeystaan oo ay la yimaadaan waxqabadkoodii, si Ummadda Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan inay ka qayb-galaan” ayuu mar kale yiri guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in marka la diiwan-geliyo dadweynaha ay fursad u heli doonaan ka qayb-galka doorashada golaha deegaanka oo dhici doonto bisha June ee sanadkan, isaga oo xusay in lagu bilaabi doono gobolka Banaadir.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay doorashada isku hayaan madaxda dowladda, kuwa mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada oo iyagu weli diidan dhismaha guddiga doorashada iyo hanaanka ay wax ku wado dowladda dhexe.

Si kastaba, waxaana haatan loo ballansan yahay shirweyne guud oo uu ku baaqay Madaxweyne Xasan, kaas oo la filayo inay looga hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan doorashooyinka 2026 iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.


Madaxtooyada oo maanta ay ka dhacday xil-wareejin, kadib isbedal uu sameeyay Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka ilaalada Guutada 77-aad ee illaada Madaxtooyada Soomaaliya, Gaashaanle Dhexe Maslax Maxamud Maxamed ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib munaasabad ka dhacday Muqdisho.

Gaashaanle Dhexe Maslax ayaa xilka kala wareegay taliyihii hore ee illaalada xarunta Madaxtooyada Jeneraal Xasan Aadan Dhicis, waxaana munaasabadda goobjoog ahaa mas’uul ka tirsan hoggaanka Villa Soomaaliya oo labada taliye xilka u kala wareejiyay.

Taliyaha cusub oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa ballan qaaday in shaqada halkeeda uu kasii wadi doono, isaga oo ciidamada Madaxtooyada kula dardaarmay inay laba jibaaraan dadaalkooda, maadaama ay saaran tahay mas’uuliyad culus oo aad u wayn.

Isbedalkan ayaa yimid, kadib markii dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu baddelay taliyihii guutada ilaalada Madaxtooyada Qaranka, isaga oo xilkaas u magacaabay Gaashaanle Dhexe Maslax Maxamed Maxamuud oo ah sarkaal uu kalsooni badan ku qabo Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo maanta xilka la wareegay.

Maslax oo qaraabo dhow ay yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh waa sarkaalka uu ugu kalsoonida badan yahay, wuxuuna ka soo dalacay Taliyaha Ilaalada Madaxweynaha, isagoo noqday Taliyaha guutada ilaalada madaxtooyada iyo madaxda Qaranka ee 77.

Sidoo kale, Maslax ayaa lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa xoreynta deegaanada ay beeshiisu degto ee Ceeldheer iyo Mesegawaa, halkaas oo beesha uu ka abaabulay si cadowga ay isaga difaacaan.

Maslax iyo beeshiisa Waceysle ayaa ku guuleystay inay iska dhiciyaan kooxda Al-Shabaab, kana difaacdaan dhulkooda, iyadoo aan ognahay in beelaha kale ee Abgaal intooda badan dhulkii laga qabsaday.

Tallaabadan ayaa la aaminsan yahay inay ka dhalatay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee lagu qaaday kolonyo uu madaxweynaha la socday maalin uu ku sii jeeday furimaha dagaalka ee HirShabeelle, kaas oo ka dhacay agagaarka isgoyska Ceelgaabta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhowaan baddelay taliyihii ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha Soomaaliya, waxaana xilkaas laga qaaday sarkaal u dhashay beesha Xawaadle oo Taliyaha Xoogga uu reysteeyey, laguna eedeeyey musuqmaasuq.

Waxaa kale oo jirtay in wasiirkii hore gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo laga beddalay wasaaradda gaashaandhigga oo hadda la geeyay wasiir Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo isnaa ahaa wasiirkii ganacsiga, kaas  oo shalay xilka la wareegay.

SHARIIF oo ka jawaabay dalabkii beesha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Shariif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga jawaabay baaqii Beesha Caalamka, taasoo Isniintii si weyn usoo dhaweysay gogosha qaran ee lagu baaqay, ee u dhexeysa siyaasiyiinta mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada.

Saaxiibada caalamka ayaa muujiyey door ka duwan kii ay hore ugu lahaayeen arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan adeegsiga erayo ka duwan kuwii hore oo ahaa talooyin iyo soo jeedinno. Waxaana ay hadda si isku mid ah baaq ugu direen Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee bulshada.

“Waxaan ku boorrinaynaa Dowladda, madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, iyo saamilayda siyaasadeed iyo kuwa bulshada inay si dhakhso leh u kulmaan, si loo xaqiijiyo fal-celin mideysan oo wax-ku-ool ah, kuna aaddan dagaalka socda ee Al-Shabaab. Fal-celintan waa arrin mudnaan degdeg ah u leh amniga qaranka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Wakiillada Beesha Caalamka.

Intaas kadib, Xisbiga Himilo Qaran ayaa soo saaray bayaan af Ingiriisi ku qornaa, kaasoo lagu bogaadiyey tallaabada saaxiibada caalamiga ah. Xisbigu wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo dadaalka Madaxweynaha, si gogosha uu dhigay Madaxweyne Xasan u noqoto mid waxtar leh oo natiijo laga gaaro.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si diirran u soo dhaweynayaa bayaanka wadajirka ah ee ay soo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, kaasoo taageeraya hindisaha Dowladda Federaalka ee ku aaddan wadahadal qaran oo loo dhan yahay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xisbiga ayaa sidoo kale sheegay inuu garwaaqsan yahay muhiimadda gogosha waqtigan la dhigay, iyadoo dalka uu ku jiro xilli xasaasi ah oo ay sii dheer tahay dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Xisbigu wuxuu si buuxda u garwaaqsan yahay muhiimadda ay leedahay in la qabto wadahadal qaran oo ay ka qeyb qaataan dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed iyo bulshada Soomaaliyeed, si loo wajahdo arrimaha mudnaanta leh ee dalka sida dhameystirka dastuurka, amniga qaranka, doorashooyinka, iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka ah,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, Xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ayaa uga mahadceliyey saaxiibada caalamka taageerada joogtada ah iyo doorka wax-ku-oolka ah ee ay ku leeyihiin dadaallada Soomaaliya ee dhanka dhismaha dowladnimada, nabadda iyo xasilloonida.

Madaxda Xisbiga ayaa shaaca ka qaaday inay ka qayb-galayaan gogosha la dhigay, si looga wada hadlo is-mariwaaga taagan ee ku aaddan xaaladda dalka.

“Waxaan mar kale adkeyneynaa sida aan uga go’nahay ka qeybgalka madal wadahadal oo loo dhan yahay, annagoo muujineyna diyaar-garow buuxa iyo in la dedejiyo hirgelinta, si looga hortago dib u dhac dheeraad ah oo halis gelin kara amniga iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka,” ayaa lagu daray.

Ugu dambeyn, Xisbiga Himilo Qaran ayaa xusay inuu sii wadi doono dadaalladiisa ku saleysan midnimo, nabad, iyo hoggaan daahfuran oo wax-ku-ool ah, si loo gaaro horumar iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.