25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Mashruuc: Arrinta ugu weyn ee ay muujineyso booqashada Xamza ee Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Dr. Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc), sidoo kalena soo noqday musharax madaxweynaha Puntland, ayaa booqashada la filayo in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, uu ku tago magaalada Laascaanood ku tilmaamay mid taariikhi ah.

“Waxaan si diirran u soo dhoweynayaa booqashada qorsheysan ee Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, uu ku tagi doono magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo, taas oo ah booqasho taariikhi ah oo adkeynaysa midnimada dalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Dr. Mashruuc, oo war-saxaafadeed soo saaray.

“Dadka iyo deegaanka SSC-Khaatumo oo muhiimad gaar ah u leh isku haynta umadda Soomaaliyeed iyo midnimada dalka, waxay muddo dheer dhibbane u ahaayeen dayaca ay kala kulmeen maamullada hareeraha ka xiga deegaankaas iyo doorkii ka maqnaa Dowladda Federaalka. Waa arrin bogaadin mudan in himiladoodii ahayd harsashada dowladnimada Soomaaliyeed ay maanta dhabowdo, iyagoo helaya booqasho rasmi ah oo ka timaadda madaxda ugu sarreysa dalka,” ayuu sii raaciyay.

Dr. Mashruuc, oo sidoo kale soo noqday Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dadka deegaankaasi ay xaq u leeyihiin sida maamul goboleedyada kale matalaad siyaasadeed oo buuxda, iyo inay helaan qeybtooda ka mid ah mashaariicda horumarineed ee dowlad-dhiska Soomaaliya.

“Waxaan madaxda Dowladda Federaalka u soo jeedinayaa in booqashadoodu noqoto mid ka jawaabta baahiyaha ka jira deegaannada SSC-Khaatumo, gaar ahaan adeegyada bulshada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo taabbo-gelinta arrimaha maamul-dhiska,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa noqonaya mas’uulkii ugu xilka sarreeyey ee booqda deegaannadaas muhiimka u ah midnimada Soomaaliya, xilli muddo badan maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland uu sheeganayay in ay ka mid yihiin. Sheegashooyinkaas ayaa meesha ka baxay kadib markii dadka deegaanka ay dagaal kaga xoreeyeen ciidamada Somaliland.

Booqashadan ayaa sidoo kale imaneysa iyadoo Somaliland ay malaayiin dollar ku bixisay kireysashada shirkado lobbiyeyn ah oo Maraykan ah, si ay uga dhaadhiciyaan Washington in ay aqoonsato Somaliland, ama ugu yaraan ay ula macaamisho si gaar ah oo ka madax-bannaan Dowladda Federaalka.

Booqashadu waxay sidoo kale u diri doontaa caalamka farriin cad oo ah in gobollada waqooyi ee Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dalka, marka laga reebo laba ama saddex gobol – haddii lagu daro Awdal – oo wali gacanta ugu jira xukuumadda Hargeysa.

Xarunta hoggaaminta howl-gallada caalamiga ee Daacish oo loo soo raray Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jenaraal Michael E. Langley, ayaa shaaciyay in kooxda jihaad-doonka ah ee Daacish ay xarunta hoggaaminta hawlgalladeeda caalamiga ah u wareejisay gudaha Soomaaliya.

Jen. Langley ayaa hadalkan ka hor sheegay Guddiga Adeegyada Difaaca ee Senate-ka Mareykanka maalintii Jimcaha, xilli uu jeedinayay warbixinta AFRICOM ee la xiriirta qorshahooda sanadka 2025. Wuxuu si gaar ah u xusay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee qaaradda Afrika u leedahay Wasaaradda Difaaca Mareykanka.

Isagoo qiimeynaya halista argagixisada ee Afrika, Jen. Langley wuxuu xildhibaanada u sheegay in kooxaha xagjirka ah sida Daacish ay sii kordhinayaan khatarta ay ku hayaan amniga gobolka iyo kan caalamkaba, isagoo carrabka ku adkeeyay in Daacish ay hadda si toos ah uga maamulayso hawlgalladeeda caalamiga ah gudaha Soomaaliya.

“Afrika weli waa saaxiib istaraatiijiyadeed oo dhanka difaaca ah, laakiin sidoo kale waxay noqotay hoy ay ku dhuuntaan kooxo argagixiso ah oo ka faa’iideysta duruufaha ka jira qaaradda si ay u kobciyaan una faafiyaan afkaartooda xagjirka ah,” ayuu yiri Jen. Langley.

Wuxuu intaas ku daray: “Daacish waxay ka maamushaa shabakad caalami ah gudaha Soomaaliya. Haddii aanan la xakameyn, waxay si toos ah u saameyn karaan gudaha Mareykanka.”

Jen. Langley wuxuu sidoo kale xusay in AFRICOM ay sii waddo adeegsigii iskaashiga amni sidii aalad muhiim ah oo lagu dhisayo awood ciidan oo madax-bannaan oo ay yeeshaan dowladaha Afrika.

Wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay tababarro ay ka mid yihiin FLINTLOCK, AFRICAN LION, iyo OBANGAME EXPRESS, kuwaas oo kor u qaada diyaar-garowga ciidan, xoojinta wada shaqeynta militariga, iyo dhisidda xiriirro labo-geesood iyo kuwo badan-geesood ah oo ka kala dhaca dhammaan dhinacyada amniga.

Kooxda Daacish waxay caan ka noqotay caalamka sanadkii 2014, markii dagaalyahanadeedu ay la wareegeen dhul ballaaran oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee Ciraaq iyo bariga Suuriya.

Sanad kadib, waxay lumisay dhammaan dhulalkii ay ka talinaysay ee Bariga Dhexe, waxaana ay dib ugu laabteen goobo fog-fog oo ay ka mid yihiin qaybo ka mid ah Afrika.

3-dii Luulyo, 2024, Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa cunaqabateyn saartay saddex xubnood oo lagu eedeeyay in ay taageeraan Daacish, kuwaas oo ku sugan Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo (DRC), iyo Mozambique.

Hamidah Nabagala, oo asal ahaan kasoo jeeda Uganda balse ku sugan DRC, iyo laba muwaadin oo Koonfur Afrikaan ah – Abubakar Swalleh iyo Zayd Gangat – ayaa lagu eedeeyay in ay fududeeyaan maalgelinta hawlgallada Daacish ee Afrika ka hooseysa Saxaraha.

Warbixinada sirdoonka Mareykanka iyo Uganda ayaa sheegay in Hamidah Nabagala ay door weyn ku lahayd weeraradii qaraxyada ahaa ee bishii Oktoobar 2021 ka dhacay Kampala, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xarunta Baarlamaanka iyo Saldhigga Dhexe ee Booliska.

Somaliland threatens attack on Las Anod over PM visit

HARGEISA, SomalilandSomaliland is allegedly preparing a multi-pronged military operation in response to the anticipated visit of Somalia’s Prime Minister Hamza Abdi Barre to Las Anod, the capital of the disputed Sool region, sources have told Caasimada Online.

The move comes as tensions escalate over the region, which has recently witnessed clashes and is claimed by the SSC-Khaatumo administration, which seeks autonomy within Somalia.

Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991 but lacks international recognition, views the planned trip as a direct affront to its sovereignty over the Sool region. The territory has historically been a point of contention, with its population often expressing closer affinity to Somalia.

The emergence of the SSC-Khaatumo administration, which opposes Somaliland’s rule and aims to form its regional state within Somalia, has further inflamed the situation. Las Anod fell under SSC-Khaatumo control earlier this year after intense fighting with Somaliland forces.

Frontline visit fuels attack speculation

Sources on the ground told Caasimada Online that Somaliland’s top military commander, General Nimcaan Yuusuf Gaax-nuug, recently visited the frontline in the Oog area of the Sool region.

During this unannounced visit, he reportedly held an urgent meeting with senior military officials to strategize a potential military response to the Somali Prime Minister’s planned visit to Las Anod. The meeting took place at the military command base in Oog.

Security sources with knowledge of these developments suggest the primary aim of the high-level meeting was to assess military options in reaction to Prime Minister Barre’s intended trip. Somaliland’s leadership reportedly interprets the visit as a significant political endorsement of the SSC-Khaatumo administration’s aspirations.

Three-pronged offensive plan

Military sources indicate that officials analyzed the implications of the Prime Minister’s visit, considering it part of a broader effort to demonstrate SSC-Khaatumo’s independence from Somaliland, potentially triggering further conflict.

A decision was allegedly made to counter the visit with a coordinated three-pronged attack, to be launched from areas currently held by Somaliland forces against SSC-Khaatumo positions.

The purported objective is to project military strength and impede the consolidation of SSC-Khaatumo’s control over the region.

Reliable sources have identified Buqdharkayn, Qorilugud, and Ceerigaabo as the three locations from which the offensive is planned to originate. This would mark the first instance of Somaliland forces simultaneously launching attacks on multiple fronts in this renewed conflict, suggesting a well-coordinated military strategy.

The Buqdharkayn axis is considered particularly significant due to its strategic location near Las Anod. Qorilugud and Ceerigaabo are reportedly areas from which Somaliland intends to exert pressure on SSC-Khaatumo forces.

Sources further reveal that high-level military consultations are expected to continue in the coming days, raising concerns that the Sool region is teetering on the brink of another surge in armed conflict.

Faah-faahinta dagaal culus oo maanta ka dhacay Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo saaka mar kale ka qarxay deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka oo garabsanaya dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, kadib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar culus ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay deegaanka Abooreey.

Ciidamada iskaashanaya ayaa ku guuleystay inay deegaanka ka saaraan maleeshiyaadka, sida ay xaqiijisay dowladda federaalka Soomaaliya oo war rasmi ah kasoo saartay dagaalka.

Dowladdu waxay sheegtay in ciidamada haatan sii wadaan baacsiga firxadka Al-Shabaab ee ku jira duleedka deegaankaas, iyadoo dhanka kalena xustay in hawlgallo ballaaran ay weli ka socdaan qeybo kale oo dalka ka mid ah.

Qoraalka dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarro qorsheysan ay ka socdaan nawaaxiga degmada Runirgood iyo deegaannada Guulane iyo Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in dagaallo culus ay ka socdaan aagga u dhexeeya degmooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Dowladda ayaa ku faantay in hawlgaladaasi jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka ayaa carabka ku dhufatay in hawlgallada socda ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu ciribtiro kooxda Al-Shabaab, lana xoreeyo dhammaan deegaannada ay gacanta ku hayaan ee labada gobol – Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Kooxda Al-Shabaab oo dhawaanahan weerarro xooggan ka waday gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa haatan u muuqata mid u wareegtay dhanka gobolka Hiiraan. Tani ayaa timid kadib markii ciidankii Macawiisleyda ee Hiiraan loo wareejiyay Shabeellaha Dhexe.

Dowladdu waxay sheegtay in ujeeddadu tahay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab guud ahaan dalka, iyadoo xoogga la saarayo sidii deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxdaasi looga saari lahaa guud ahaan dalka.

Explainer: How ATAK can be a game changer for Somalia?

MOGADISHU, Somalia – Somalia is considering a significant boost to its military strength by reportedly looking to acquire the T-129 ATAK attack helicopter from Türkiye.

These discussions, ongoing as of early April 2025, signal a growing defense partnership between the two nations and Somalia’s ambition to equip its forces with advanced weaponry in its ongoing fight against the Al-Shabaab insurgency.

While the deal isn’t officially confirmed yet, the potential addition of the powerful ATAK could dramatically change Somalia’s security situation. Here’s what you need to understand about the T129 ATAK and why it could be a game-changer for the Somali army.

The T-129 ATAK: A powerful tool for modern warfare

The T-129 ATAK is a state-of-the-art attack helicopter developed in Türkiye, based on an Italian design but significantly enhanced with Turkish technology. It’s specifically built for modern combat, especially in situations like the fight against insurgents. Its strengths lie in several key areas:

  • Fast and Tough: The ATAK is powered by two strong engines, making it quick and capable of operating effectively even in hot and high-altitude environments like Somalia. It’s designed to be agile and more challenging to hit. Crucially, it features strong protection for its crew and vital systems, along with electronic defenses to counter threats.
  • Advanced Eyes and Ears: Equipped with a sophisticated targeting system, the ATAK can see targets clearly day or night and in bad weather. This system includes high-resolution thermal cameras, regular cameras, and laser technology, allowing pilots to find and engage threats from a safe distance accurately. Pilots also have advanced helmet-mounted displays that provide essential information directly into their vision.
  • Versatile Firepower: The ATAK can carry various weapons to deal with threats. It has a built-in 20mm cannon for engaging ground targets. Additionally, it has the capacity to carry multiple missiles and rockets on its wings, including:
    • Numerous unguided rockets overwhelmed areas with fire.
    • Laser-guided rockets for precise strikes against lighter targets.
    • Long-range anti-tank missiles to take out armored vehicles or heavily defended positions.
    • Even air-to-air missiles for defense against other aircraft.
  • Battle-Tested: The T-129 ATAK isn’t just on paper; it has been actively used by the Turkish military in challenging counter-terrorism operations and in other countries like the Philippines and Nigeria, proving its effectiveness in actual combat situations.

Why the ATAK matters for Somalia’s security

The potential acquisition of the ATAK directly addresses Somalia’s critical security needs. This helicopter’s capabilities offer solutions to significant challenges in the fight against Al-Shabaab:

  • Protecting Ground Forces: The ATAK can provide crucial close air support to soldiers on the ground who are in direct contact with insurgents. Its firepower can help them overcome enemy positions and avoid being overrun.
  • Finding and Neutralizing Threats: The helicopter can patrol large areas, identify insurgent activity, and quickly engage targets that pose an immediate threat.
  • Targeting Key Enemy Assets: The ATAK’s precision strike capabilities allow it to target high-value individuals within the insurgency, command centers, or weapons stockpiles with accuracy, reducing the risk of harming civilians.

These discussions happen within the Defense and Economic Cooperation Agreement signed between Somalia and Türkiye in February 2024. However, details like the number of helicopters, the cost, the exact configuration, and when they might be delivered are still unknown and depend on official announcements.

Türkiye: A key partner in Somalia’s defenses

This potential deal underscores Türkiye’s significant role as a primary security partner for Somalia. This partnership is demonstrated through:

  • Camp TURKSOM: Türkiye operates a major military training facility in Mogadishu, which is vital for developing the skills and professionalism of the Somali National Army (SNA).
  • Specialized Training: There are reports that Somali personnel are receiving training in Türkiye, which could include preparation for operating advanced platforms like the ATAK.
  • Prior Support: Türkiye has already supplied Somalia with advanced Bayraktar Akıncı drones, which provide valuable intelligence, surveillance, reconnaissance, and strike capabilities. The ATAK would be a powerful complement to these drones.

Currently, the Somali Air Force has a limited number of utility helicopters, primarily older models donated by Italy. While helpful for transportation and logistics, these helicopters lack the dedicated attack capabilities, advanced sensors, protection, and firepower of the T-129. The ATAK would introduce an entirely new level of offensive air power to Somalia’s military.

Looking ahead: Challenges and opportunities

Introducing such advanced technology will bring challenges. Somalia will need to establish reliable systems for maintaining and supplying these helicopters, secure the necessary funding for both the purchase and long-term operation, and ensure that the helicopters are effectively integrated into the SNA’s operations through ongoing training and appropriate military strategies.

Somalia’s reported interest in acquiring the T-129 ATAK helicopter demonstrates a serious commitment to strengthening its military’s ability to combat the Al-Shabaab insurgency.

The ATAK offers a potent combination of speed, advanced technology, and versatile weaponry, all proven effective in real-world combat scenarios similar to Somalia’s.

While the deal still requires official confirmation and practical hurdles will be overcome, acquiring these helicopters, facilitated by the firm and growing security partnership with Türkiye, can significantly enhance Somalia’s capacity to protect its people and secure its territory.

Maxaa ka jira in la sumeeyay Jeneraal SHEEGOW?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu xalay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Jeneraal Sheegow Axmed Cali, oo xabsi ugu jiray dowladda Soomaaliya, waxaa si weyn baraha bulshada ugu faafay shaki la xiriira geerida lama filaanka ah ee ku timid jeneraalka.

Maxaa ka jira wararka la isla dhex marayo?

Xildhibaannada ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda beesha Jareerweyne iyo qoyska uu ka dhashay Allaha u naxariistee Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa si adag u beeniyey warar been abuur ah oo sheegayay in la sumeeyey marxuumka, kadib geeridiisii lama filaanka ahayd ee xalay ka dhacday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Qoyska marxuumka iyo xildhibaannada beesha Jareerweyne ayaa si wadajir ah u sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Waxay si cad u muujiyeen in aysan jirin wax shaki ah oo ku saabsan sababta geerida Jeneraal Sheegow.

Waxay shacabka Soomaaliyeed ka codsadeen in aan laga been abuurin geerida marxuumka, isla markaana laga fogaado faafinta warar aan xaqiiqo ku fadhiyin oo dhaawacaya sumcadda iyo xurmada qof dhintay.

“Waxaan dadka ku boorinaynaa inay isdajiyaan, kana digtoonaadaan faafinta warar aan xaqiiqo ahayn,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha qoyska oo la hadlay saxaafadda, isagoo xusay in xurmada qofka dhintay iyo dareenka qoyskiisa la ilaaliyo.

Qoyska marxuumka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in aaska Jeneraal Sheegow lagu qaban doono magaalada Muqdisho maalinta Arbacada ee soo socota, iyagoo shacabka ka codsaday inay la qeybsadaan tacsida.

Dhinaca kale, Wasiir Dahabo Suusow, oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah isla markaana ka mid ah ehelada marxuumka, ayaa sheegtay inay si buuxda ugu qanceen warbixinta rasmiga ah ee kasoo baxday isbitaalka Digfeer.

Waxay intaas ku dartay inaan loo baahnayn in buuq iyo madmadow laga abuuro geerida Sheegow, iyadoo shacabka ugu baaqday inay ka fogaadaan hadal-heynta aan salka lahayn.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, oo isna saxaafadda la hadlay, ayaa shaaca ka qaaday in Jeneraal Sheegow uu geeriyooday kadib markii uu istaagay beerkiisu, iyadoo la ogaaday inuu qabay cagaarshow nooca Hepatitis B.

Allaha u naxariistee jananka ayaa la sheegay in geeridiisa ka hor ay socdeen dadaallo lagu doonayey in dibadda loogu qaado si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad, balse qaddarta Eebbe ayaa qornaa, waxaana uu xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Bishii November 2023 ayey ahayd markii Jeneraal Sheegow ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah, kadib markii uu hoggaaminayey ciidan gaar ah oo la dagaalamay ciidamada dowladda bartamihii bishii Agoosto, taasoo sababtay dagaal culus oo ka dhacay Muqdisho.

Shabaab oo soo bandhigtay cududda maleeshiyaad-keeda ku sugan Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay muddo dheer kaddib baahisay muuqaal dagaal-yahannadooda ku sugan buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, Puntland.

Muuqaalkan cusub, oo ay fariimo dhiirrigelin ah ku direyso kooxdu, ayaa lagu faafiyay baraha internetka ee warbaahinta kooxda.

Dagaal-yahannada muuqaalka kasoo muuqday ayaa ballanqaaday in aysan joojin doonin dagaalka ay ka wadaan Puntland, iyagoo muujinaya sida ay uga go’an tahay inay sii wadaan weerarrada argagixisanimo.

Muuqaalkan ayaa loo arkaa mid qayb ka ah ololaha ay Al-Shabaab ugu jirto xoojinta taageerada gudaha iyo qorista dagaal-yahanno cusub, iyadoo la og yahay in kooxda ay wajahayo cadaadis ka imaanaya dhinacyada ammaanka ee maamulka Puntland.

Isku soo beegmidda muuqaalka cusub iyo qorshaha Puntland ee howlgalada buuraha Calmadow ayaa muujinaysa in kooxdu ay dareensan tahay halista ku soo wajahan, waxayna muuqaalka u adeegsanaysaa sidii ay u muujin lahayd in ay weli firfircoon yihiin.

Ciidamada Puntland ayaa dhanka kale ka wada howlgallo xooggan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo kooxda kale ee Daacish oo halkaas ku sugan, iyadoo la doonayo in la soo afjaro jiritaankooda.

Inkasta oo maamulka Puntland uusan si rasmi ah uga hadlin muuqaalka cusub ee Al-Shabaab, haddana ilo-wareedyo amni ayaa sheegaya in kooxda ay isku diyaarinayso iska caabinta howlgallo laga yaabo in lagu qaado buuraha Calmadow.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhawaan sheegay in howlgalka buuraha Calmadow uu bilaaban doono marka uu soo dhammaado midka ka socda Calmiskaad, taasoo muujinaysa qorshaha dowladda ee ah in la tirtiro kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka.

Falanqeeyeyaasha amniga ayaa aaminsan in sii-deynta muuqaalladan ay qayb ka tahay istaraatiijiyad ballaaran oo kooxda Al-Shabaab ay ku raadineyso saameyn warbaahineed iyo muuqaal xoog leh oo ay kaga hortagto weerarrada lagu hayo.

Waa ayo SADAT – Kooxda militari ee ciidankeeda la rabo in la keeno Soomaaliya?

Ankara (Caasimada Online) – Wararka dhowaan soo baxay ee sheegaya in Turkigu qorsheynayo inuu Soomaaliya u diro unug ka tirsan shirkadda gaarka loo leeyahay ee milatari ee SADAT ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada Soomaaliyeed. Si loo fahmo doorka iyo muhiimadda ururkan, waxaan halkan hoose faah-faahinaynaa xog ku saabsan SADAT.

Waa ayo SADAT?

SADAT International Defense Consultancy (Uluslararası Savunma Danışmanlık Şirketi) waa shirkaddii ugu horreysay ee milatari oo gaar loo leeyahay ee laga aas-aaso Turkiga. Waxaa lagu aas-aasay sannadkii 2012 magaalada Istanbul, waxaana dhisay Adnan Tanrıverdi, jeneraal sare oo howlgab ka noqday Ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga.

Shirkaddan waxay u adeegtaa sidii qandaraasle difaac oo gaar loo leeyahay, iyadoo bixisa adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin:

  • Tababarro milatari: Ku saabsan dagaallada caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn, hawlgallada ciidamada gaarka ah (special forces), iyo barnaamijyo gaar ah oo loogu talagalay ciidamada dhulka, badda, iyo cirka.
  • La-talin difaaca: Talo-bixin heer sare ah oo la xiriirta xeeladaha difaaca iyo amniga gudaha, oo ay ku jiraan qiimeynta khataraha iyo dib-u-habaynta hay’adaha amniga.
  • Lojiistikada milatariga: Taageero dhammaystiran oo ku saabsan gaadiidka qalabka dagaalka iyo horumarinta nidaamyada lojiistikada ee waxtarka leh.
  • Soo iibinta hubka: Ka caawinta dowladaha macaamiisha ah helitaanka hubka iyo walxaha qarxa.

SADAT waxay si cad u sheegtay in himiladeedu tahay in ay dhiirrigeliso iskaashi dhinaca difaaca iyo milatariga ah oo dhexmara dalalka Islaamka, si ay u yeeshaan awood milatari oo iskiis ah oo kor u qaada miisaankooda caalami.

Doorka SADAT ee Soomaaliya

Warbixin cusub ayaa muujisay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah uga codsaday Turkiga taageero milatari, taasoo horseeday qorshe suuragal ah oo ku saabsan in ciidamada SADAT loo diro si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka istiraatiijiga ah ee dooxada Shabeelle.

Ujeeddooyinka howlgalkan ayaa ah in la sugo amniga magaalooyinka iyo deegaannada muhiimka ah, isla markaana lagu xasiliyo gobolkaasi oo ay hareeyeen rabshado. Tallaabadan ayaa sidoo kale la jaanqaadaysa qorshayaasha ballaaran ee istiraatiijiga ah ee Turkiga, oo ay ka mid tahay dhisidda xarun tijaabo loogu sameeyo gantaallada masaafada dheer oo laga dhisi karo gobolka Shabeellaha Dhexe.

Turkigu waxa uu muddo toban sano ka badan xiriir dhow la lahaa Soomaaliya, isagoo sameeyay barnaamijyo tababar milatari ah, maalgelin kaabayaal dhaqaale ah, iyo taageero dhaqaale oo muuqata.

Saldhigga milatari ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho ayaa ah mid ka mid ah xarumaha milatari ee shisheeye ee ugu ballaaran gudaha dalka, taasoo muujinaysa doorka uu Ankara ka ciyaarayo dhismaha nidaamka amniga Soomaaliya. Haddii SADAT si rasmi ah loogu daabulo gudaha dalka, waxay noqonaysaa horumar cusub oo muhiim ah oo ku saabsan xiriirka labada dal.

Is-barbardhigga kooxda Wagner

SADAT ayaa si isa soo taraysa loogu barbardhigayaa kooxda Wagner ee Ruushka (oo hadda loo yaqaan “Africa Corps”), sababo la xiriira hawlaha ay kaga jirto howlgalada suurtagalka ah ee qarsoodiga ah iyo doorka ay ka qaadato danaha istiraatiijiga ah ee Turkiga.

Sida Wagner ay ugu adeegto danaha Ruushka, SADAT waxay u noqon kartaa Turkiga aalad u suurtagelisa inuu saameyn ku yeesho siyaasadda dibadda isaga oo aan si toos ah ugu lug yeelan. Si kastaba, falanqeeyayaal ayaa tilmaamaya in labada koox ay ku kala duwan yihiin dhinaca ideolojiyadda, iyadoo SADAT lagu tilmaamay mid leh ajande Islaami ah oo muuqda.

SADAT waxay wajahday eedeymo iyo muran kala duwan, gaar ahaan kuwa ka imanaya dhaliilayaasha xisbiga talada haya ee AKP, kuwaasoo ku eedeeyay inay u shaqeyso sidii ciidan gaar ah oo daacad u ah Madaxweyne Erdoğan. Waxaa sidoo kale si joogto ah loola xiriiriyay inay si dhow ula shaqeyso hay’adaha sirdoonka Turkiga.

Qorshaha suuragalka ah ee ku saabsan dirista SADAT gudaha Soomaaliya waxa uu dhalinayaa su’aalo muhiim ah oo la xiriira isbeddelka ka socda xagga ammaanka Geeska Afrika. Inkastoo dowladda Soomaaliya si wanaagsan u qaabishay taageerada Ankara, haddana waddamo kale oo gobolka iyo caalamkaba ah waxay arrintan u arki karaan mid cabsi gelin leh.

Isticmaalka shirkado milatari oo gaar loo leeyahay oo qeyb ka ah siyaasadda arrimaha dibadda waxay sidoo kale kor u qaadi kartaa tartanka u dhexeeya quwadaha shisheeye ee doonaya inay saameyn ku yeeshaan gobolka istiraatiijiga ah.

Waddamada Reer Galbeedka ayaa si dhow ula socon doona dhaq-dhaqaaqyada SADAT, maadaama ay jiraan walaacyo ku saabsan daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka shirkadaha milatari ee gaarka loo leeyahay, iyo sida ay ula jaanqaadayaan danaha juqraafiyeed ee dowladaha ay matalaan.

SADAT waxa ay mataleysaa aalad muhiim ah oo uu Turkigu uga faa’iideysto siyaasadda difaaca iyo arrimaha dibadda, gaar ahaan meelaha uu Ankara doonayo inuu saameyn ka yeesho.

Ku lug lahaanshaha suurtagalka ah ee Soomaaliya waxa uu muujinayaa qoto-dheeraanta iskaashiga amni ee u dhexeeya labada dal, wuxuuna yeelan karaa saameyn ballaaran oo ku saabsan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

Abiy iyo guddoomiyaha M/Afrika oo yeeshay kulankii u horeeyay + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed ayaa maanta kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika Mudane Mahmoud Ali Youssouf, isaga oo ku qaabilay xafiiskiisa.

Labada mas’uul ayaa ka wa-hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin wadashaqeyntooda iyo sidoo kale xaaladda amni ee gobolka Geeska Afrika.

Bayaan kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo wata sawirrada  labada mas’uul ayaa sidoo kale lagu faah-faahiyay shirka dhex-maray labada dhinac.

“Subaxnimadii saaka waxaan la kulannay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Ali Youssouf, si aan uga wadahadalno arrimaha muhiimka ah ee nabadda iyo amniga gobolka,” ayuu Abiy Axmed ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallo uu haatan wado guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo dhowaan uun xilkaas loo doortay, kaas oo kasoo jeeda dalka Jabuuti, waxaana la filayaa inuu sii wado kulamadiisa oo uu booqdo waddamada kale ee ururka.

Horay wuxuu booqasho hal maalin ah ugu yimid magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isaga oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wada-hadleen wadashaqeynta labada dhinac iyo xaaladaha guud ee ka jira waddanka.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa maalintaas ballan-qaaday inuu xoojinayo garab istaagga uu Midowga Afrika ee Soomaaliya, si ay dowladda federaalka u gaarto isku filnaan buuxda, ugana gudubto marxaladihii adkaa ee ay soo martay 30-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale taageeray qorshaha Xasan ee ku aadan la dagaallanka argagixisada iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya, wuxuuna boggaadiyay labadaasi qodob oo uu tilmaamay inay gacan ku siinayaan madaxweynaha.

“Inta aan Guddoomiyaha Midowga Afrika ahay garab istaagga wax joogsanaya ma ahan, Soomaaliya waxa ay ku socotaa dhabbaha doorasho qof iyo cod ah.”  ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa si weyn ugu taageertay Maxamuud Cali Yuusuf inuu noqdo guddoomiyahah cusub ee Ururka Midowga Afrika, isaga oo ka adkaaday musharrixii ka socday Kenya ee Raila Odinga, wuxuuna helay taageeradii loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka, taasoo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka qaaradda, oo ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah.

TRUMP oo shaaciyey war lama filaan oo Iran ah isagoo uu dhinac fadhiyo Netanyahu

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Mareykanku bilaabayo wada-hadallo toos ah oo heer sare ah oo lala yeesho Iran Sabtida, si looga wada hadlo barnaamijkeeda nukliyeerka. Hadalkan ayuu jeediyay isagoo kulan kula yeeshay Aqalka Cad Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Isagoo Isniintii ka hadlayay xafiiskiisa, Trump wuxuu muujiyay rajo ku aaddan in heshiis lala gaaro Tehran, balse wuxuu u digay si adag, isagoo sheegay in jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay gali doonto “khatar weyn” haddii wada-hadalladu guuldareystaan.

Saacado kadib, Tehran ayaa xaqiijisay in wadahadallada lagu wado inay Sabtida ka dhacaan dalka Cumaan, hase yeeshee waxay carrabka ku adkeysay in ay yihiin wada-hadallo “aan toos ahayn.”

“Wakiillo ka kala socda Iran iyo Mareykanka ayaa Sabtida ku kulmi doona Cumaan si ay u yeeshaan wada-hadallo aan toos ahayn oo heer sare ah,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi, isagoo ku qoray baraha bulshada.

“Waa fursad iyo tijaabo isku mar ah,” ayuu raaciyay. “Hadda kubaddu waxay taal Mareykanka hortiisa.”

Dhanka kale, Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil iyo Mareykanka ay isla wadaan dadaal lagu doonayo in lagu sii daayo la-haystayaal ku sugan Gaza, halkaas oo ay burburtay xabbad-joojin ay Mareykanku garwadeen ka ahaayeen oo u dhexeysay Israa’iil iyo Xamaas — oo xulafo la ah Iran.

“Waxaan si toos ah ula macaamilaynaa Iran, Sabtida waxaa nagu soo fool leh kulan aad muhiim u ah,” ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta kadib kulan la sheegay inuu diiradda saari doono dadaallada Israa’iil ee lagu doonayo in looga baaqsado canshuuraha cusub ee Mareykanka.

Trump ma uusan sheegin goobta rasmi ah ee kulanku ka dhici doono, balse wuxuu carabka ku adkeeyay in aysan jiri doonin wakiillo matalaya labada dhinac, islamarkaana ay kulamadu noqon doonaan “ku dhowaad heerka ugu sarreeya.”

Ku dhawaaqistiisa lama filaanka ah ayaa timid maalmo un kadib markii Iran ay si cad u diidday in ay gasho wada-hadallo toos ah oo ku saabsan heshiis cusub oo lagu xakameynayo barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadoo ku tilmaamtay arrintaasi mid aan macno samaynayn.

Trump, oo heshiiskii hore uga baxay sanadkii 2018 intii uu xilka hayay, ayaa wajahayay cadaadis sii kordhaya oo ka imaanaya mala-awaalka ah in Israa’iil – oo laga yaabo inay ka hesho taageero Mareykanka – ay weerar ku qaado xarumaha nukliyeerka Iran haddii aan heshiis cusub la gaarin.

Si kastaba, Trump ayaa digniin culus u diray Tehran.

“Haddii wada-hadalladu fashilmaan, Iran waxay wajihi doontaa khatar weyn — waana ka xumahay inaan sidaas iraahdo — khatar weyn,” ayuu yiri. “Ma ogolaan karno inay haystaan hub nukliyeer ah.”

Mas’uuliyiin kale ayaa sheegay in Ruushka, Shiinaha iyo Iran ay la filayo in Talaadada ay Moscow ku yeeshaan wadatashi ku saabsan arrinta nukliyeerka Iran.

Ku dhawaaqista Trump ayaa timid iyadoo Netanyahu uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee dal shisheeye ah ee si toos ah u codsada in laga dhaafo canshuuraha cusub ee Mareykanka, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay suuqyada caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa ballanqaaday inuu xallin doono farqiga ganacsi ee u dhexeeya labada dal, isagoo sidoo kale ku celiyay inuu doonayo inuu meesha ka saaro “carqaladaha ganacsi.”

Kahor kulanka, Israa’iil waxay qaaday tillaabo ay ku baabi’isay canshuurihii ugu dambeeyay ee saarnaa badeecooyinka laga keeno Mareykanka.

– Wada-hadallada Gaza –

Trump iyo Netanyahu waxay sidoo kale ka wada hadleen xaaladda Gaza, halkaas oo ay burburtay xabbad-joojin uu Mareykanku dhex-dhexaadin ka ahaa, taasoo u dhexeysay Israa’iil iyo Xamaas.

Netanyahu wuxuu sheegay in la qorsheynayo wada-hadallo cusub oo lagu doonayo in lagu sii daayo la haystayaal kale oo ay Xamaas afduubtay intii lagu jiray weerarkii taariikhiga ahaa ee ay ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023 — weerar sababay dagaalka hadda socda.

“Waxaan hadda wadnaa dadaal kale oo lagu doonayo in la gaaro heshiis cusub, waxaana naga go’an in aan la haystayaasha oo dhan kasoo saarno,” ayuu yiri.

Trump ayaa markale adkeeyay qorshihiisa ku saabsan in Mareykanku “maamulo” marinka Gaza, isagoo ku tilmaamay “dhul qiimo badan leh.” Wuxuu qorshahan shaaciyay markii Netanyahu uu la kulmay bishii Febraayo.

Trump wuxuu ku soo dhaweeyay Netanyahu bannaanka Aqalka Cad isagoo gacan taagay, kadibna waxay gudaha ugu galeen kulan ka dhacay xafiiska Oval-ka.

Shirka jaraa’id ee la qorsheeyay ayaa si lama filaan ah loo baajiyay iyadoo aan wax sabab ah la sheegin — arrin aan caadi ahayn. Si kastaba ha ahaatee, labada hoggaamiye ayaa hadallo dheer siiyeen koox yar oo wariyeyaal ah gudaha xafiiska Oval-ka.

Booqashadan Netanyahu ayaa ahayd tii labaad ee uu ku tago Washington tan iyo markii Trump dib ugu laabtay talada, waxaana lagu soo qorsheeyay si degdeg ah – iyadoo ay kasoo wareegtay dhowr maalmood oo kaliya tan iyo markii Trump ku dhawaaqay canshuur dhan 17% oo uu Israa’iil kusoo rogay, isagoo ugu magac daray “Maalinta Xorriyadda.”

Trump wuxuu diiday inuu Israa’iil – oo ah dalka ugu badan ee hela gargaarka milatari ee Mareykanka – ka dhaafo canshuuraha uu caalamka ku soo rogay, isagoo xusay in Mareykanka uu la daalaa dhacayo farqi ganacsi oo weyn oo kala dhaxeeya Israa’iil.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in uu Axaddii la kulmay Wasiirka Ganacsiga Mareykanka Howard Lutnick iyo Wakiilka Ganacsiga Jamieson Greer, waxyar kadib markii uu Washington soo gaaray.

Netanyahu ayaa sidoo kale wada hadallo la yeeshay mas’uuliyiin kale oo Mareykan ah si uu u xoojiyo xiriirka ganacsi iyo iskaashi dhaqaale oo labada dal u dhexeeya.

 

Xogta gaadiid maanta laga gubay kooxda Al-Shabaab

0

Cadale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in maanta duqeyn culus oo lagu beegsaday Al-Shabaab ay ka dhacday aagga deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolkaasi.

Duqeynta oo ahayd mid bartilmaameed ah ayaa lasoo wariyay in lagu garaacay goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxaana jira khasaare culus.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu naafeeyay Khawaarijta, isla markaana looga dilay xubno badan oo ka tirsanaa xubnaha kooxda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaab laga gubay illaa saddex baabuur oo uu ku jiro gaari Cabdi Bile ah, sida uu hadalka u dhigay

“Waxaan rabaa Ummadda Soomaaliyeed inaan ugu bishaareyno saddex gaari oo uu ku jiro gaari Cabdi Bile ah oo uu Dhashiike ku xiran yahay in lagu duqeeyay degmada Masaajid Cali Gaduud, halkaasna looga dilay dhagar qabayaal aad u badan” ayuu yiri.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in la xoreeyay degmada Ruun-nirgood iyo deegaannada Guulane iyo Aboorey oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa Masaajid Cali Gaduud iyo deegaannada u dhow ee Shabeellaha Dhexe.

Waxaa kale oo duqeymahan barbar socda howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo kusii siqaya deegaanno horleh.

Howlgalladan ayaa waxaa looga hortagaa weerarada gaadmo ah ee ay Al-Shabaab subaxnimada ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda, kuwaas oo soo laa laabtay

Si kastaba, Labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi.

Xog: Somaliland oo safarka XAMZA uga jawaabeysa WEERAR saddex aag ah

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, shaaciyey inuu tegayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaa si adag uga hor yimid maamulka Somaliland oo horey u lumiyay gobolkaas.

Somaliland, oo wacad ku martay inuu Ra’iisul Wasaare Xamse ka qoomameyn doono booqashadiisa Laascaanood, ayaa haatan bilowday qorshe weerar ah oo saddex jiho ah, kaasi oo ay ku qaadeyso magaaladaasi.

Qorshaha weerarka saddexda jiho

Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland, General Nimcaan Yuusuf Gaax-nuug, ayaa haatan booqasho ku jooga jiidda hore ee deegaanka Oog, oo ku yaalla gobolka Sool. Taliyaha ayaa halkaasi kulan degdeg ah kula yeeshay saraakiisha sare ee ciidamada Somaliland, waxaana kulankaasi si rasmi ah looga shaacin warbaahinta.

Shirka ayaa ka dhacay saldhigga taliska ciidamada ee ku yaalla Oog, waxaana la sheegay in kulankaasi lagu falanqeeyay xaaladda amni ee gobolka iyo suurtagalnimada jawaab ciidan oo laga bixiyo safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood.

Ilo wareedyo amni oo si hoose ula socda dhaqdhaqaaqyadan ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee kulankaasi ahayd in la qiimeeyo tallaabo militari oo looga jawaabo safarka Ra’iisul Wasaaraha, taasoo la rumeysan yahay inay farriin siyaasadeed u ahayd maamulka Somaliland.

Saraakiisha ciidamada ayaa kulankooda ku lafa-guray in safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Laascaanood uu qayb ka yahay dadaallada lagu muujinayo in SSC-Khaatumo ay tahay dhul ka madax-bannaan maamulka Somaliland, taasoo horseedi karta xaalad dagaal oo hor leh.

Waxaa la go’aamiyey in lagu beegsado safarka Ra’iisul Wasaaraha weerar saddex jiho ah, kaas oo ciidamada Somaliland ay qorsheeyeen inay kaga furaan dagaal deegaannada ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada SSC-Khaatumo. Ujeeddada weerarkan ayaa ah in la muujiyo awood ciidan iyo in laga hortago xoojinta SSC.

Saddexda jiho ee la qorsheeyey in weerarka laga bilaabo waxay kala yihiin: Buqdharkayn, Qorilugud, iyo Ceerigaabo, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Waa markii ugu horreysay ee ciidamada Somaliland ay isku mar dagaal ka furaan saddexdan jiho, iyadoo qorshaha la dejiyey uu yahay mid si weyn loo abaabulay.

Furinta Buqdharkayn ayaa muhiimad gaar ah u leh dagaalka, maadaama ay tahay meel istiraatiiji ah oo u dhow Laascaanood, halka Qorilugud iyo Ceerigaabo ay ka mid yihiin meelaha ay ciidamada Somaliland doonayaan inay cadaadis ka saaraan SSC-Khaatumo.

Xogaha ayaa intaas ku daraya in shirarka noocan oo kale ah ay sii socon doonaan maalmaha soo socda, iyadoo la filayo in xaaladda gobolka Sool ay markale gasho marxalad colaadeed oo cusub.

Qoraalkii Landau ma ka dhigan yahay in Mareykanka uu xiriir la furayo Somaliland?

Washington (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo uu baraha bulshada kusoo qoray sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa dhaliyey hadal hayn ballaaran oo ku saabsan suurta-galnimada isbeddel ku yimaada siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Soomaaliya.

Christopher Thomas Landau, Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa bartiisa X (horey Twitter) uga jawaabay qoraal uu diray qof u ololeeya aqoonsiga Somaliland, isagoo yiri: “Waxaan si dhow u eegayaa xaaladdan.”

Qoraalkan kooban ayaa sababay su’aalo la xiriira in Mareykanku tixgelinayo suurtagalnimada xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah la yeesho Somaliland – tallaabo ka hor iman lahayd siyaasaddii Mareykanku muddada dheer ku taageerayay midnimada Soomaaliya.

Haddaba waxaan halkan ku sharxeynaa waxa qoraalkaasi ka dhigan yahay iyo in uu leeyahay micne siyaasadeed oo dhab ah.

Siyaasadda Mareykanka iyo xiriirka Soomaaliya

Muddo tobannaan sano ah, Mareykanku wuxuu si rasmi ah u aqoonsanaa dowladda federaalka ee Soomaaliya, fadhigeeduna yahay Muqdisho, isagoo mowqifkiisu si buuxda ula jaanqaadayay aragtida beesha caalamka ee ku aaddan taageeridda midnimada dalka Soomaaliya.

Tiir muhiim ah oo sal u ah xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya waa iskaashi amni oo xooggan oo lagula dagaallamo kooxda Al-Shabaab. Mareykanku wuxuu siiyaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) taageero ciidan iyo sirdoon, wuxuuna sidoo kale fuliyaa duqeymo cirka ah oo bartilmaameedsanaya hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Iskaashigan dhow wuxuu muujinayaa sida Mareykanku uga go’an yahay xasilloonida Soomaaliya iyo istaraatiijiyaddiisa dheer ee la-dagaallanka argagixisada – taasoo ka dhigeysa in isbeddel deg-deg ah lagu saleeyo hal qoraal mid aan suurtagal ahayn.

Qoraalka Landau: Ma yahay kaliya jawaab sharafeed?

Inkasta oo qoraalka Landau uu ahaa mid si toos ah loo qoray, haddana waxaa suuragal ah in loo arko jawaab sharafeed oo caadi ah oo la siiyay arrin si weyn looga doodayay. Dadaalka Somaliland ee ku aaddan raadinta aqoonsiga waa arrin horey loo ogaa, waxaana la filayaa in saraakiisha Mareykanku ay si fiican ula socdaan doodaha la xiriira.

Sidaas darteed, hadalka Landau waxaa laga yaabaa inuusan ka turjumayn isbeddel siyaasadeed oo soo socda, balse uu yahay muujin kaliya oo la xiriira wacyiga xaaladda.

“Si dhow ayaan eegayaa xaaladdan”: Macnaheedu ma aha tallaabo siyaasadeed

Erayga “si dhow ayaan eegayaa xaaladdan” waa mid si furan loo fasiran karo, balse ma muujinayo si toos ah in dib-u-eegis siyaasadeed lagu wado. Waxa uu noqon karaa:

Baaritaan caadi ah: Waxaa laga yaabaa in Landau uu si ku-meel-gaar ah u fiiriyay arrintan kadib markii uu la kulmay doodaha baraha bulshada – iyadoo aysan jirin wax tallaabo rasmi ah oo ka dhalatay.

Jawaab olole: Qoraalku wuxuu noqon karaa hab edebsan oo uu ugu jawaabay taageerayaasha Somaliland – isagoo aan wax isbeddel ah ku sheegayn siyaasadda Mareykanka.

Dano shaqsiyeed: Waxa uu sidoo kale ka tarjumi kara xiisaha shaqsiyeed ee Landau uu u qabo arrimaha Geeska Afrika – balse taas macnaheedu ma aha in hay’adaha Mareykanka ay wadaan qorshe cusub.

 Ficil deg-deg ah lama filayo: Ereyga “u eegayaa xaaladdan” kama dhigna in wax ficil ah la qorsheynayo, balse wuxuu noqon karaa kaliya uruurin xogeed ama qiimeyn hordhac ah.

Maxaa keeni kara dib-u-eegis Mareykan? (Balse weli aan dhicin)

Inkastoo marar badan la xuso arrimo ay ka mid yihiin xasilloonida Somaliland, muhiimadda istaraatiijiga ah ee goobta ay ku taallo, iyo mowqifkeeda ka dhanka ah Shiinaha iyo Iiraan – haddana arrimahan si weyn loogama faa’iideysanin si Mareykanku u aqoonsado Somaliland.

Qoraalka Landau kuma jirto wax muujinaya in arrimahan hadda si gaar ah loo tixgelinayo, lagana hormarinayo taageerada Mareykanka ee midnimada Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sida uu sheegay khabiir arrintan u dhuun daloola: “Inkastoo doodaha la xiriira Somaliland ay jiraan, Mareykanku waxa uu mudnaanta siinayaa xiriirka uu la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya sababo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.”

Caqabadaha hortaagan aqoonsiga Mareykanka ee Somaliland

Waxaa jira caqabado muuqda oo si weyn uga hor istaagaya in Mareykanku aqoonsado Somaliland – kuwaasoo aan la filayn in hal tweet lagu beddeli karo:

 Mucaarad xooggan oo Soomaali ah: Dowladda Federaalka Soomaaliya si cad ayay uga soo horjeeddaa xiriir toos ah oo Mareykanku la yeesho Somaliland, taasoo khatar gelin karta iskaashiga muhiimka ah ee dhinaca amniga.

Xeerarka caalamiga ah: Bulshada caalamka badankeed waxay ku dheggan yihiin mabda’a ilaalinta midnimada dhuleed ee dalalka – taasoo si toos ah uga hor imaaneysa aqoonsi dhinac kaliya ah.

 Khatarta xasillooni-darro goboleed: Aqoonsiga Somaliland waxa uu abuuri karaa saameyn taban oo ku timaada Geeska Afrika – isagoo dhiirrigelin kara kooxo gooni u goosad ah iyo carqaladeyn ku timaada dadaallada lagu mideynayo Soomaaliya.

Sida uu yiri khabiir kale: “Qoraal baraha bulshada ah, xitaa haddii loo arko mid muhiim ah, ma beddeli karo siyaasad diblomaasiyadeed oo la tijaabiyay muddo tobannaan sano ah, mana halis gelin karo xasilloonida gobolka.” 

Gunaanad: Tweet keliya ma beddelo siyaasad

Inkasta oo qoraalka uu bartiisa X kusoo qoray Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanku uu dhaliyay falcelin, haddana muhiimadda la siinayo arrintan waa in aan la buunbuunin.

Mareykanku waxa uu leeyahay xiriir dhow oo waqti dheer soo jiray oo uu la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga iyo la-dagaallanka argagixisada. Hal tweet, xitaa mid kasoo yeeray sarkaal sare, ma burin karo siyaasaddaas sal adag ku taagan oo waafaqsan istaraatiijiyad qaran iyo mabda’a caalamiga ah.

Inkasta oo Mareykanku sii wadi karo la socoshada xaaladda Somaliland, haddana qoraalka Landau waxa uu u badan yahay inuu yahay qirasho guud oo la siiyay arrin muddo soo taagneyd – halkii uu noqon lahaa calaamad cad oo muujinaysa isbeddel siyaasadeed oo dhow. 

Explainer: Landau’s Somaliland tweet: Unlikely US policy shift

WASHINGTON, D.C – A seemingly simple tweet from a high-ranking US official has ignited speculation about a potentially significant shift in Washington’s approach to the Horn of Africa.

Christopher Thomas Landau, the United States Deputy Secretary of State, responded to a Somaliland advocate on X (formerly Twitter) with the statement, “I have been looking into this situation very closely.”

This brief comment has raised questions about whether the United States is considering establishing direct diplomatic relations with Somaliland, a move that would deviate from decades of US policy.

Here is an explainer of what the tweet could mean or if it has any significant meaning.

US policy and relations with Somalia

For decades, the United States has consistently recognized the Federal Government of Somalia in Mogadishu as the legitimate authority in the country, a stance firmly aligned with the international consensus for a unified Somalia.

A crucial element of the current US-Somalia relationship is the robust and enduring security cooperation aimed at combating the Al-Shabaab terrorist group. The US provides substantial military and intelligence support to the Somali National Army (SNA) and conducts targeted operations, including airstrikes.

This deep-rooted cooperation underscores the US commitment to Somalia’s stability and its long-term counter-terrorism strategy, making a sudden policy reversal unlikely based on a single tweet.

Landau’s tweet: A routine acknowledgment?

While Landau’s tweet is notable for its directness, it could also be interpreted as a routine acknowledgment of a well-known and often-debated issue. Somaliland’s quest for recognition is not new, and US officials are likely aware of the arguments and advocacy surrounding it. Landau’s comment might reflect an awareness of this ongoing situation rather than a signal of an impending policy change orchestrated at a high level.

“looking into this”: Not necessarily action

The phrase “looking into this situation” is open to interpretation and doesn’t automatically imply a significant policy review or a shift in stance. It could mean:

  • Routine Inquiry: Landau might have been prompted to look into the issue due to the advocacy he encountered on social media, without this leading to a formal policy reassessment.
  • Acknowledging advocacy: His response could be a polite way of acknowledging the concerns and requests of Somaliland supporters without indicating any change in the US official position.
  • Personal interest: The comment might reflect Landau’s personal interest in the complex dynamics of the Horn of Africa without necessarily translating into a broader policy shift within the US government.
  • No immediate action implied: “Looking into” something doesn’t guarantee that any specific action or policy change will follow. It could simply be information gathering or a preliminary assessment.

Factors potentially driving a US policy rethink (But haven’t yet):

While factors like Somaliland’s relative stability, strategic location, and alignment against China and Iran are often cited, these have been known for years and haven’t led to US recognition.

Landau’s comment doesn’t inherently suggest a new urgency or a definitive decision to prioritize these factors over the US commitment to Somali unity and the ongoing counter-terrorism efforts.

As one analyst might argue, “While the arguments for engaging Somaliland are present, the US has consistently prioritized its relationship with the Federal Government of Somalia due to the ongoing fight against Al-Shabaab.”

Significant obstacles to US recognition remain:

The obstacles to US recognition of Somaliland are substantial and unlikely to be overcome based on a single tweet:

  • Strong Somali opposition: The Federal Government of Somalia’s firm opposition to any direct US engagement with Somaliland remains a significant deterrent, potentially jeopardizing the crucial security cooperation against Al-Shabaab.
  • Entrenched international norms: The international community’s general adherence to the principle of territorial integrity strongly discourages unilateral recognition of breakaway regions.
  • Risk of regional destabilization: Recognizing Somaliland could have negative repercussions for the already fragile stability of the Horn of Africa, potentially emboldening other separatist movements and undermining efforts to strengthen Somalia. As another expert might note, “A tweet, however significant it might seem to some, is unlikely to overturn decades of established diplomatic practice and risk destabilizing the region.”

Conclusion: A tweet does not make a policy shift

While Deputy Secretary Landau’s tweet has understandably generated discussion, it’s crucial to avoid overstating its significance regarding a potential shift in US policy towards Somaliland.

The US has a long-standing and multifaceted relationship with the Federal Government of Somalia, particularly concerning counter-terrorism. A single comment, even from a high-ranking official, is unlikely to immediately overturn this established policy rooted in broader strategic considerations and international norms.

While the US may continue to monitor the situation in Somaliland, Landau’s tweet should likely be an acknowledgment of an ongoing issue rather than a definitive signal of an impending policy change.

Explainer: Who is SADAT, the group deploying to Somalia?

ANKARA, Turkey – The recent news of Turkey’s potential deployment of a unit from the private military company SADAT to Somalia has brought this organization into sharper focus. To understand its significance, here’s an explainer about the group. 

Who is SADAT?

SADAT International Defense Consultancy (Uluslararası Savunma Danışmanlık Şirketi) is Turkey’s inaugural private military company, established in Istanbul in 2012 by Adnan Tanrıverdi, a retired Turkish Armed Forces brigadier general. Functioning as a private defense contractor, SADAT offers a spectrum of services, including:

  • Military Training: Encompassing conventional and unconventional warfare, special forces operations, and tailored programs for land, naval, and air forces.
  • Defense Consulting: Providing expert advisory services on international defense and internal security strategies, including threat assessments and security force restructuring.
  • Logistics: Offering comprehensive logistical support for military equipment transportation and developing efficient military logistics systems.
  • Ordnance Procurement: Facilitating the acquisition of weapons and explosives for client nations.

SADAT publicly states its mission to foster collaboration within the defense and military industries among Islamic nations, aiming to bolster their military self-sufficiency and global standing.

SADAT’s role in Somalia:

A recent reports indicates that Somali President Hassan Sheikh Mohamud has formally requested Turkey’s assistance, leading to the potential deployment of SADAT personnel to combat the Al-Shabaab group, particularly within the strategic Shabelle Valley.

The primary objectives of this deployment are to secure key urban and rural areas and stabilize this volatile region. This move also aligns with Turkey’s broader strategic ambitions, potentially including establishing a long-range missile testing facility in the Middle Shabelle region.

Turkey has cultivated a strong alliance with Somalia over the past decade, evidenced by substantial military training programs, infrastructure investments, and significant financial aid.

The Turkish military base in Mogadishu stands as one of the largest foreign military installations in the country, underscoring Turkey’s deep involvement in shaping Somalia’s security architecture. The prospective deployment of SADAT signifies a notable evolution in this relationship.

Comparisons with the Wagner Group:

SADAT is increasingly drawing comparisons to Russia’s former Wagner Group (now rebranded as “Africa Corps”) due to its involvement in potentially clandestine operations and its role in advancing Turkey’s strategic objectives.

Like Wagner’s function for Russia, SADAT could provide Turkey with deniability in its foreign policy endeavors. However, some analyses point to a key ideological distinction, with SADAT being described as having an explicitly Islamist agenda.

SADAT has faced various controversies and allegations, particularly from circles critical of the ruling AKP, with some suggesting it operates as a private militia loyal to President Erdoğan. Its close operational links with Turkish intelligence agencies have also been noted.

The potential deployment of SADAT in Somalia raises critical questions about the shifting security dynamics in the Horn of Africa. While the Somali government has welcomed Ankara’s support, other influential regional and global actors may view this development apprehensive.

Using private military companies in foreign policy can also escalate competition among external powers vying for influence in this strategically important region.

Western nations, closely monitoring the security situation, are likely to scrutinize SADAT’s activities, given broader concerns about the transparency and accountability of private military firms and their alignment with the geopolitical interests of the states they represent.

SADAT represents a significant instrument in Turkey’s defense and foreign policy, particularly in regions where Ankara seeks to project influence.

Its potential involvement in Somalia marks a deepening of the security partnership between the two nations and carries significant implications for the ongoing fight against Al-Shabaab and the broader stability of the Horn of Africa. 

Farmaajo oo Xasan u diray farriin culus oo ku saabsan geerida Jeneraal Sheegow

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraal ka soo saaray geerida Jeneraal Sheegow Axmed Cali, oo caawa ku geeriyoodsy isbitaalka Digfeer, kadib muddo seddax sano ku dhow oo dowladda uu u xiraa.

Farmaajo oo farriin u diray Xasan Sheekh ayaa tacsi ku bilaabay qoraalkiisa, wuxuuna yiri, “Tacsida iyo murugada waxaan la qeybsanayaa qoyska, ehelada iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariisto, Marxuum Sheegow Axmed Cali oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka.”

Farmaajo ayaa Xasan ugu baaqay in cabashada qoyska Sheegow uu tixgeliyo, isla markaana la sameeyo baaritaan deg deg ah, si loo ogaado duruufaha sababay geerida Jeneraal Sheegow.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada waxaan ugu baaqaynaa in uu tixgeliyo cabashada qoyska Sarkaalka geeriyooday iyo ehelada dhallinyarada maxaabiista ah ee wehelinaysay, sidoo kale waxaa muhiim ah in la sameeyo baaritaan deg deg ah oo ku saabsan duruufaha uu u geeriyooday Marxuumku.”

Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey, “Alle waxaan uga baryayaa Sarkaalka in uu ku mannaysto Jannatu Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo qarankiisa.”

Ehelka Sheegow ayaa dowladda ku eedeeyey in dayac iyo daryeel xumo caafimaad uu u dhintay sarkaalkaan oo xabsi ciidan ku jiray ku dhawaad 3-dii sano ee lasoo dhaafay, balse war ka duwan kan qoyska ayaa caawa ka soo yeeray masuuliyiinta qoyska Sheegow ku metesha dowladda Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Ruushka Maxamed Zubeyr oo kamid ah masuuliyiinta dowladda ku metesha qoyska Sheegow ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in geerida kahor ay wadeen dadaallo Jenanka loogu qaadayo caafimaad dalka dibadiisa ah.

“Waxaan si dhow maalmahaan ula socday xanuunka isa soo tarayay ee Janaraalka, kaasoo uga soo bilaabatay xabsiga dhexdiisa, kadibna la dhigay isbitaalka si loogu daaweeyo. Iyadoo qabanqaabo deg deg ah aan ugu jirno in dibadda caafimaad ahaan loogu qaado ayuu Ilaahey oofsaday. Runtii waa geeri kulul oo naxdin inteeda la ek ah leh balse qadarta Rabbi ayaa wax walba ka weyn,” ayuu yiri Danjire Zubeyr.

Wuxuu intaas ku sii daray, “AUN-tee Janaraal Sheegow waxuu ahaa nin dalkaan usoo halgamay. Waxuu ahaa nin Ahlu diin ah, geesi ah oo ku caan baxay la dagaalanka argagaxisada, qeyb weynna ka qaatay xoreynta deegaano badan oo ay Alshabab haysteen muddooyinkii 2011 ilaa iyo 2018.”

Muxuu Jeneraal Sheegow soo maray geeridiisa ka hor, maxaysa ka tiri DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo ahaa sarkaal weyn oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya, kaas oo u xiraa dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii maxkamadda ciidamada ay bishii October 2023 ku xukuntay xabsi dheer iyo bixinta diyada askari uu dilay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ruushka Maxamed Zubeyr oo kamid ah masuuliyiinta dowladda ku metesha qoyska Jeneraal Sheegow ayaa qoraal ka soo saaray geerida Marxuumka iyo qorshihii socday inta uusan dhiman.

Ehelka Sheegow ayaa dowladda ku eedeeyey in dayac iyo daryeel xumo caafimaad uu u dhintay sarkaalkaan oo xabsi ciidan ku jiray 3-dii sano ee lasoo dhaafay, balse war kale ayaa caawa ka soo yeeray masuuliyiinta qoyska Sheegow ku metesha dowladda Soomaaliya.

Sheegow ayaa loo heystay inuu dilay askari kamid ahaa ciidankii ay dowladdu dirtay inay soo qabtaan iyo askartiisa oo deganaa guri ku yaalla degmada Dharkenley.

Sheegow iyo ciidankiisa ayaa xiligaas iska difaacay ciidamadii loo diray ee dowladda, waxaana halkaas ku dhintay wiilkiisii ina Sheegow iyo askar kale oo garabkiisa ka dagaalameysay iyo qaar kamid ah ciidamadii dowladda oo mid ka mid ah isaga toos loogu eedeeyey inuu dilay.

Sheegow ayaa wajahay maxkamadda ciidamada, xukun kadibna waxaa loo dhaadhiciyey xabsiga oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay uu ku xanuunsaday, iyadoo bishii Ramadaanka loo qaaday Isbitaalka Digfeer oo ugu dambeyn uu caawa ku geeriyooday.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta HirShabeelle Cabdishakuur Shaashaa ayaa toddobaadkii hore warbaahinta u sheegay in Sheegow uu ku dhacay Cagaarshow isku bedelay Kansar, kadib markii uu waayey cid ka daaweysa.

Wasiir Shaashaa iyo qoyska Sheegow ayaa dowladda ku eedeeyey in caafimaad dibadda ah ay u qaadi weysay marxuumka oo dhakhatiirtu cadeeyeen in xaaladiisa aan dalka wax looga qaban karin.

Wasiir Cabdishakuur Shaashaa ayaa geerida Sheegow kadib bartiisa Facebook ku soo qoray: “Jeneraalka dayac dowladeed ayuu u dhintay, mudanna waan ka hadlay, waxaanse walaac ka qabaa dhalinyaradii la xirnaa.”

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Ruushka Maxamed Zubeyr oo kamid ah masuuliyiinta dowladda ku metesha qoyska Sheegow ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in geerida kahor ay wadeen dadaallo Jenanka loogu qaadayo caafimaad dalka dibadiisa ah.

“Waxaan si dhow maalmahaan ula socday xanuunka isa soo tarayay ee Janaraalka, kaasoo uga soo bilaabatay xabsiga dhexdiisa, kadibna la dhigay isbitaalka si loogu daaweeyo. Iyadoo qabanqaabo deg deg ah aan ugu jirno in dibadda caafimaad ahaan loogu qaado ayuu Ilaahey oofsaday. Runtii waa geeri kulul oo naxdin inteeda la ek ah leh balse qadarta Rabbi ayaa wax walba ka weyn,” ayuu yiri Danjire Zubeyr.

Wuxuu intaas ku sii daray, “AUN-tee Janaraal Sheegow waxuu ahaa nin dalkaan usoo halgamay. Waxuu ahaa nin Ahlu diin ah, geesi ah oo ku caan baxay la dagaalanka argagaxisada, qeyb weynna ka qaatay xoreynta deegaano badan oo ay Alshabab haysteen muddooyinkii 2011 ilaa iyo 2018.”

Sawirro: Banaanbax weyn oo caawa ka socda bartamaha Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Isku soo bax ballaaran oo lagu taageerayo dowladda iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa caawa ka socda bartamaha magaalada Muqdisho, iyadoo dadweyne aad u tiro badan ay buux dhaafiyeen isgoysyada Shaqaalaha, Taleex, ilaa KM-4.

Gaadiid waaweyn ayaa lagu soo xiray cod-baahiyeyaal ay ka baxayaan heeso guubaabo dagaal ka tarjumaya, waxaana saaran fanaaniin si toos ah u heesaya.

Shacabka Muqdisho oo ka raystay beegsiga Khawaarijta ayaa muujinaya shucuurtooda, iyagoo lulaya calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Damaashaadka, sawaxanka shacabka iyo heesaha ay qaadaan fanaaniinta saaran gaadiidka leh makarafoonada waaweyn ayaa is biirsaday bartamaha caasimadda, iyadoo aysan jirin wax cabsi amni ah.

Ciidamada ammaanka oo doorkooda ka qaadanaya sugidda xasilloonida ayaa xannibay gaadiidka kale inuu gudaha ugu dhawaado goobta isu soo baxa, iyadoo gaadiidkana loo weecinayo wadooyin kale.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, abaabulka isu soo baxan waxaa si iskood ah u sameeyay dhallinyaro taageersan dowladda iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta, waxaana fannaaniinta goobta ka heesaya ka mid ah kooxda Hiddo oo caan ku ah heesaha wadaniga iyo dagaalka.

Wararka aan helnay sidoo kale waxay sheegayaan in maamulka gobolka Banaadir uusan wax door ah ku lahayn abaabulka iyo isu soo baxa bulshada ee caawa ka socda Muqdisho.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid Guddoomiye Amiir, waxaa hoos u dhacay abaabulkii bulshada, iyadoo uu muuqdo in si toos ah u istaagay cilaaqaadkii shacabka iyo maamulka gobolka Banaadir oo mararka qaar qaban jiray isu soo baxyada lagu taageero ajandeyaasha dowladda.

Jeneraal Sheegow oo xabsi ugu jiray DF oo geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku xanuunsaday xabsi ay gelisay dowladda Soomaaliya oo xukun ku riday, kaddib markii laga soo qabtay degmada Dharkenley isaga iyo ciidamo la socday oo is difaacay intii aan lasoo qaban.

Sheegow ayaa la sheegay in xanuunkiisu ka bilowday Cagaarshow, balse uu u dilaacay Kansar, sida uu toddobaadkii hore warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka warfaafinta HirShabeelle, Cabdishakuur Shaashaa, oo Jananka ay qaraabo ahaayeen.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay isbitaal geysay ninkan, haddana ehelkiisu waxay ku doodayaan inuu dayacaad u dhintay, oo uusan helin daryeel caafimaad oo ku filan.

Wasiir Cabdishakuur Shaashaa ayaa hadda bartiisa Facebook ku soo qoray: “Jeneraalka dayac dowladeed ayuu u dhintay, mudanna waan ka hadlay, waxaanse walaac ka qabaa dhalinyaradii la xirnaa.”

Jeneraal Sheegow ayaa loo xiray iska horimaad Muqdisho ku dhex maray ciidan uu watay iyo ciidamada dowladda. Qabashadiisa kaddib, waxaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu ku jiray xabsiga ku yaalla Muqdisho.

Wasiir Shaashaa ayaa toddobaadkii hore yiri: “Dowladdu waxay wadaa mujaamalo iyo iska dabawareejin. Hal maalin iskama xil saarin in Sheegow uu daryeel caafimaad helo, mar kasta ayaan kala hadalnaa xaaladdiisa.”

Shaashaa ayaa intaas ku sii daray: “Ninkaas waa maxbuus dowladda u xiran, wuxuuna xaq u leeyahay inuu helo daryeel caafimaad. Hadda waxaa naloo sheegay in dalka aan wax looga qaban karin, marka waxaan ka rabnaa dowladda inay masuuliyaddeeda badbaadinta salkaalkaas gudato. Waa nin dalka wax badan u soo qabtay.”

Beesha Caalamka oo dalab deg-deg ah u dirtay Xasan, maamullada iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa soo saartay bayaan ay ku soo dhaweysay gogosha qaran ee lagu baaqay ee siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada.

Wakiillada beesha caalamka ayaa muujiyay door ka duwan doorarkooda hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan adeegsiga erayo ka duwan kuwii ay horay ugu xusi jireen oo ahaa soo jeedin iyo tallooyin.

Bayaanka beesha caalamka oo ka yara duwan kuwii horay usoo saari jireen, waxay si isku mid ah baaq ugu wada direen dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada inay si dhakhso ah u kulmaan.

Tan ayaa meesha ka saareysa in gogosha uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ay kaliya ku kooban tahay qaban qaabadeeda Villa Somalia.

Hoos ka aqriso bayaanka beesha caalamka oo dhameystiran;

Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhoweynayaan soo-jeedinta lagu qabanqaabinayo madal ay iskugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in aragtiyadooda iyo dadaalladooda ay qeyb uga noqdaan la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha hannaan dowladeed oo dimuqraadi ah kuna dhisan nidaam federaal ah, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khudbaddiisii dadweyne ee 29kii Maarso 2025ka kuna beegnayd munaasabaddii Ciidda Soonfur ee Ciidul-Fitri.

Istaraatijiyad midaysan oo loo dhan yahay ayaa lagama maarmaan u ah in laga guuleysto Al-Shabaab iyo in lasii amba-qaado arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhisidda Soomaaliya. Waxaan soo dhoweyneynaa jawaab-celinta togan ee siyaasiyiin Soomaaliyeed ee hormuudka ah ay ka bixiyeen hindisahan.

Waxaan ku boorrinaynaa Dowladda, Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, iyo saamilayda siyaasadeed iyo kuwa bulshada inay si dhakhso leh u kulmaan si loo xaqiijiyo fal-celin midaysan oo wax-ku-ool ah oo ku aaddan dagaalka socdo ee Al-Shabaab, fal-celintaas oo ah arrin mudnaan degdeg ah u leh amniga qaranka.

Tallaabo degdeg ah oo ku salaysan go’aan cad oo ay qaadaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, ayna u qaadaan dhanka arrimo ay ku jiraan arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda qaranka, dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, ayaa suurta gelinaya in saaxiibada [caalamku] ay bixiyaan taageero dheeraad ah.

Waxaan ku bogaadinaynaa ragga iyo haweenka adkeysiga leh ee ka tirsan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) dadaalka ay ugu jiraan ka-hortagga is-ballaarinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa naga go’an in aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ku garab-istaagno halganka ay ugu jiraan dhismaha qaran nabdoon, demoqoraadi ah isla-markaana barwaaqo ah.

Bayaankan ayaa waxaa si wada-jir ah usoo saaray: Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Austria, Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Hungary, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ruushka, Spain, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.