25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Beesha Caalamka oo dalab deg-deg ah u dirtay Xasan, maamullada iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa soo saartay bayaan ay ku soo dhaweysay gogosha qaran ee lagu baaqay ee siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada.

Wakiillada beesha caalamka ayaa muujiyay door ka duwan doorarkooda hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan adeegsiga erayo ka duwan kuwii ay horay ugu xusi jireen oo ahaa soo jeedin iyo tallooyin.

Bayaanka beesha caalamka oo ka yara duwan kuwii horay usoo saari jireen, waxay si isku mid ah baaq ugu wada direen dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada inay si dhakhso ah u kulmaan.

Tan ayaa meesha ka saareysa in gogosha uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ay kaliya ku kooban tahay qaban qaabadeeda Villa Somalia.

Hoos ka aqriso bayaanka beesha caalamka oo dhameystiran;

Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhoweynayaan soo-jeedinta lagu qabanqaabinayo madal ay iskugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in aragtiyadooda iyo dadaalladooda ay qeyb uga noqdaan la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha hannaan dowladeed oo dimuqraadi ah kuna dhisan nidaam federaal ah, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khudbaddiisii dadweyne ee 29kii Maarso 2025ka kuna beegnayd munaasabaddii Ciidda Soonfur ee Ciidul-Fitri.

Istaraatijiyad midaysan oo loo dhan yahay ayaa lagama maarmaan u ah in laga guuleysto Al-Shabaab iyo in lasii amba-qaado arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhisidda Soomaaliya. Waxaan soo dhoweyneynaa jawaab-celinta togan ee siyaasiyiin Soomaaliyeed ee hormuudka ah ay ka bixiyeen hindisahan.

Waxaan ku boorrinaynaa Dowladda, Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, iyo saamilayda siyaasadeed iyo kuwa bulshada inay si dhakhso leh u kulmaan si loo xaqiijiyo fal-celin midaysan oo wax-ku-ool ah oo ku aaddan dagaalka socdo ee Al-Shabaab, fal-celintaas oo ah arrin mudnaan degdeg ah u leh amniga qaranka.

Tallaabo degdeg ah oo ku salaysan go’aan cad oo ay qaadaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, ayna u qaadaan dhanka arrimo ay ku jiraan arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda qaranka, dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, ayaa suurta gelinaya in saaxiibada [caalamku] ay bixiyaan taageero dheeraad ah.

Waxaan ku bogaadinaynaa ragga iyo haweenka adkeysiga leh ee ka tirsan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) dadaalka ay ugu jiraan ka-hortagga is-ballaarinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa naga go’an in aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ku garab-istaagno halganka ay ugu jiraan dhismaha qaran nabdoon, demoqoraadi ah isla-markaana barwaaqo ah.

Bayaankan ayaa waxaa si wada-jir ah usoo saaray: Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Austria, Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Hungary, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ruushka, Spain, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Maamulka TRUMP oo diiday arrin muhiim u ah Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ee madaxweyne Donald Trump ayaa muujisay in aysan xiiso u qabin maal-gelinta hawlgalka cusub ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee muhiimka u ah Soomaaliya.

Dhanka kale, maalgeliyayaasha kale ayaa weli sugaya sida loo xallin doono mushkiladda dhaqaale ee hawlgalka wajahayo, kaas oo bilowday bishii Janaayo 2025 isagoo la daalaa dhacaya lacag yari ku dhow $150 milyan.

Qeybtii hore ee muddada kala-guurka ah ayaa sii dhammaanaysa iyadoo aan la haynin wax ballanqaad rasmi ah oo ku saabsan qaabka dhaqaalaha lagu maalgelin doono hawlgalka.

Maamulka Trump ayaa toddobaadkan sheegay in muhiimaddooda ugu weyn ee Geeska Afrika ay tahay halista kooxda Daacish ee Soomaaliya, gaar ahaan awooddeeda ay u leedahay inay xubno ka qorto caalamka iyo inay lacag u gudbiso kooxda guud ahaan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Tammy Bruce, ayaa sheegay in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay xaliyaan arrimaha dhaqaalaha ee hawlgalka AUSSOM, iyadoo hawlgalku uu sii wadayo ilaalinta nabadgelyadii lagu gaaray hawlgalladii hore si loo soo afjaro khatarta Al-Shabaab.

“Waxaan aqoonsannahay doorka muhiimka ah ee Hawlgalka Taageerada iyo Deggenaanshaha Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu ka ciyaarayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana ku dhiirri-gelinaynaa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay dardar geliyaan shaqada muhiimka ah ee waajibaadkooda,” ayuu Bruce u sheegay wargeyska The EastAfrican.

Warbixin ay soo saartay Machadka Watson sanadkii 2023 ayaa lagu sheegay in Washington ay Soomaaliya gelisay ku dhawaad $2.5 bilyan intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2020, taas oo lagu taageeray hawlgalkii hore ee AMISOM iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

AMISOM ayaa laga beddelay hawlgalkii ku-meel gaarka ahaa ee ATMIS, iyadoo laga soo gudbay lana bilaabay hawlgalka AUSSOM 1-dii Janaayo 2025 muddo lix bilood ah oo loogu talogalay in dib loogu habeeyo ciidamada laga soo dhaxlay ATMIS.

Waxaa lagu wadaa in Midowga Afrika, QM, Soomaaliya iyo dalalka ciidamadu ka yimaadaan ay ku heshiiyaan qaab-hawleedka ciidamada iyo maalgelinta kahor inta aan si rasmi ah hawlgalka loo bilaabin 1-da Luulyo 2025, kadib marka ay dhammaato dib-u-habeynta ciidamada laga soo wareejiyay ATMIS.

Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa sheegay inuu sugayo go’aanka Golaha Ammaanka QM ee ku saabsan maalgelinta AUSSOM laga bilaabo 1-da Luulyo 2025, isagoo rumeysan in hirgelinta isku-dhafka ah ee qaraarka 2719 ay tahay xalka keliya ee waara oo hawlgalka lagu maalgelin karo muddo dheer.

Qaabkan isku-dhafka ah ayaa dhigaya in xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya uu si buuxda u dabooli doono dhinaca saadka, halka 75% dhaqaalaha AUSSOM ay ka imaanayaan tabarrucaadaha khasabka ah ee QM, 25% kalena ay noqon doonaan tabarucaad iskood ah.

“Midowga Yurub iyo dalalkiisa xubnaha ah waxay diyaar u yihiin inay taageeraan AUSSOM iyadoo loo marayo qaabkan cusub, waxaana ka mid noqon doona ka qaybqaadashada miisaaniyadda hawlgallada nabad-ilaalinta QM,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Midowga Yurub.

Tan iyo 2007, Midowga Yurub wuxuu Soomaaliya geliyay lacag dhan €2.7 bilyan ($2.77 bilyan) oo lagu bixiyay mushaarka ciidamada hawlgalladii hore ee ATMIS iyo AMISOM. Sidoo kale waxay ku bixiyeen €4.3 bilyan ($4.76 bilyan) tababarada ciidamada iyo taageerada waaxda ammaanka dalka Soomaaliya.

Arrimahan ayaa yimid kadib markii Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, uu toddobaadkii hore booqashadiisii ugu horreysay ku yimid Soomaaliya tan iyo markii uu xilka qabtay, isagoo carrabka ku dhuftay dhibaatooyinka dhaqaale ee AUSSOM iyo baahida loo qabo in bulshada caalamku sii waddo taageerada nabadda Soomaaliya.

Kulan wadajir ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee Villa Somalia 25-kii Maarso 2025, ayuu Youssouf ballan qaaday inuu la xiriiri doono dalalka muhiimka ah sida Midowga Yurub, Maraykanka iyo UK, si ay u sii taageeraan Soomaaliya iyo hawlgalka Midowga Afrika.

“Waxaan hore uga bilaabay magaalada Addis Ababa inaan la xiriiro qaar ka mid ah saaxiibbadeenna si aysan Soomaaliya u noqon mid la illoobo,” ayuu yiri Youssouf, isagoo intaa raaciyay in caqabadaha AUSSOM lagu xallin karo dadaalka wadajirka ah ee bulshada caalamka.

Dhinaca UK, oo ah dalka haya faylka Soomaaliya, ayaa masuuliyiinta xafiiska arrimaha dibadda waxay qireen in dhaqaalaha lagu bixinayo AUSSOM uu yahay mid aad u kooban oo xilligan adag.

Sanadkii hore, Maraykanka ayaa ka gaabsaday inuu taageero hawlgalka cusub intii lagu guda jiray shirarkii Golaha Ammaanka QM, taas oo abuurtay shakiyo badan oo ku saabsan joogtaynta dhaqaalaha AUSSOM.

Arrintan ayaa dhacday iyadoo Midowga Yurub—kaas oo ah maalgeliyaha ugu weyn hawlgallada nabad ilaalinta Soomaaliya tan iyo 2007—uu sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu dhaqaalaha hawlgalka cusub bixiyo haddii aysan Maraykanka iyo UK qeybtooda qaadanin.

Dhawaan ayay ahayd markii Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka ciidamadu ka yimaadaan ay ku heshiiyeen tirada ciidamada AUSSOM oo noqonaya 11,900 askari, kuwaas oo ka kala imanaya Uganda (4,500), Itoobiya (2,500), Jabuuti (1,520), Kenya (1,410), iyo Masar (1,091).

Tani waa markii ugu horreysay oo Masar ay ciidamo geyso Soomaaliya, iyadoo beddeshay Burundi oo hawlgalka ka baxday sababo la xiriira khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo dowladda Soomaaliya dhammaadkii sanadkii hore.

Xamza oo maanta soo rogay amar cusub oo dhigaya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa soo saaray amar cusub oo dhigaya in hay’adaha bixiya adeegyada muhiimka ah ay muwaadiniinta ku xiraan aqoonsiga qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta guddoomiyey shir looga hadlayey dhaqan-gelinta adeegsiga aqoonsiga qaranka iyo isku xirka aqoonsiga iyo adeegyada muhiimka ah ee ay isticmaalaan dadweynuhu, ayaa amarkan cusub soo rogay.

Tani waxay meesha ka saaraysaa in ka badan 34 sano oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ahaayeen aqoonsi la’aan, waana arrin wax weyn ka tari doonta amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan caasimadda Muqdisho.

Adeegsiga dhijitaalka ah ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay fursad horumarineed oo saldhig u ah dhammaan qorsheyaasha kale ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, amniga, iyo in Soomaaliya ay noqoto tusaale horumarineed oo gobolka iyo caalamkaba laga daydo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in la sameeyey dhammaan shuruucdii iyo hageyaashii kale ee saldhigga u ahaa ilaalinta xogta muwaadiniinta, xukuumadduna ay ballanqaadayso in dadweynaha la diiwaan geliyo oo aqoonsi la siiyo.

Wuxuuna faray hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa aan dowliga ahayn ee bixiya adeegyada uu aqoonsigu muhiimka u yahay in ay bixinta adeegyada ku xiraan aqoonsiga qaranka.

Hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha (NIRA) ayaa muddooyinkii dambe waday bixinta aqoonsiga qaranka, kaas oo muhiim u ah sugnaanta qof ahaaneed iyo xaqiijinta amniga.

Somaliland oo gudbisay dalab culus oo ka dhan ah DF

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa dalbatay in aan la isku khaldin waxa ay ugu yeertay “Somaliland iyo Soomaaliya”, iyadoo madaxweynaha Somaliland uu Qaramada Midoobay ka codsaday in lala macaamilo si gaar ah.

Dalabkan ayuu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u gudbiyay ku-xigeenka kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Mr. George Conway, oo uu shalay kulan muhiim ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale ergayga kala hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim u ah Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin: nabadda iyo xasilloonida, arrimaha dimuqraadiyadda, gargaarka bini’aadantinimo, iyo dib-u-eegista tirada, tayada, iyo xaddiga maaliyadeed ee mashaariicda ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan gudaha Somaliland.

Cirro ayaa ergayga u sheegay in Somaliland, inkasta oo aanay haysanin aqoonsi caalami ah, ay muddo ka badan 30 sano ku guulaysatay ilaalinta nabadda, amniga, iyo dhismaha hannaan dowladnimo oo dimuqraadi ah, taasoo uu ku tilmaamay dhacdo dhif iyo naadir ku ah gobolka Geeska Afrika oo ay colaado badan ka jiraan.

“Taageerada Qaramada Midoobay waa in ay noqotaa mid ku dhisan caddaalad, Somaliland-na ay hesho taageero iyo deeqo ay u qalanto oo ku habboon. Waa in aan marnaba la isku khaldin Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Cirro intii uu socday kulanka, sida ay shaacisay Madaxtooyada Somaliland.

Hoggaanka sare ee Somaliland ayaa muujiyay in ay diyaar u yihiin iskaashi lala yeesho Qaramada Midoobay oo ku dhisan kalsooni, isla markaana aanay ahayn gacmo-hoorsasho. Waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland diyaar u tahay wax-ka-qabashada caqabadaha ka taagan mandaqadda Geeska Afrika.

Dhankiisa, ergayga ayaa Somaliland ku bogaadiyey dhinacyada amniga, xasilloonida, dimuqraadiyadda, iyo ku-dhaqanka shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, isagoo sheegay in hay’adaha Qaramada Midoobay ay sii xoojin doonaan wada-shaqaynta hufan ee ay la leeyihiin Somaliland.

Inkasta oo Madaxtooyada Somaliland aysan si cad u sheegin sida uu ergaygu uga jawaabay dalabka la xiriira in Qaramada Midoobay ay si gaar ah ula macaamisho Somaliland, haddana arrintan waxay la mid tahay mid dhaawac ku ah midnimada iyo madax-bannaanida qaranka Soomaaliya.

Meydka Gacala Cabdi Aadan ee hore loo aasay oo dib loo soo saarayo + Sababta

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan Ismaamulka Wajeer, ayaa sheegaya in maxkamad ku taalla deegaankaasi ay siisay oggolaansho Waaxda Baarista Dambiyada si ay u soo saarto meydka Gacala Cabdi Aadan, oo ahayd gabar 17 jir ah.

Gabadhan ayaa horey loogu dilay si arxan darro ah, waxaana la sheegay in nolosha lagu gubay kadib markii ay ka hor timid guur khasab ahaa oo lala damacsanaa nin 55 jir ah.

Sida laga soo xigtay wararka maxalliga ah, meydkeeda waxaa 22-kii bishan lagu aasay xerada qaxootiga ee Dhagaxley, oo ka tirsan deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

Kiiska Gacala Cabdi Aadan ayaa si weyn u gilgilay bulshada deegaanka. Maxkamaddu waxay u oggolaatay Waaxda Dambibaarista in baaritaan ku-celis ah lagu sameeyo sababaha dhabta ah ee keentay dilkeeda.

Ujeeddada baaritaankan ayaa ah in la caddeeyo haddii sun la siiyay, iyo sidoo kale in la helo xog dheeraad ah oo ka caawin karta laamaha amniga helidda xaqiiqda geerida.

Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay saldhigga booliiska ee Dhagaxley inay sugaan ammaanka inta lagu guda jiro hawsha baaritaanka meydka, taasoo muhiimad gaar ah u leh habsami u socodka baaritaanka.

Ururrada xuquuqda aadanaha ee Kenya ayaa la filayaa inay si dhow ula socdaan hannaanka baaritaanka. Qaar ka mid ah ururradan ayaa korjoogteyn doona geeddi-socodka si loo hubiyo in Gacala Cabdi Aadan cadaalad loo helo, iyagoo ku baaqaya in aan la dayicin kiiska gabadhaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in baarayaashu ku taliyaan in hidde-sidaha meydka lagu baadho agagaarka qabriga ama goobaha ay khubaradu ku habboon tahay, taasoo qayb ka ah baaritaanka dhameystiran ee lagu ogaanayo xaqiiqooyinka.

Eedeysanayaasha loo haysto kiiska

Dhawaan ayay ahayd markii isla maxkamadda Wajeer la horgeeyay saddex nin oo Soomaali ah, kuwaasoo loo haysto inay ka dambeeyeen dilka gabadhan. Mid ka mid ah raggan ayaa la sheegay inuu ahaa seygeeda, arrintaas oo sii adkaysay xaaladda kiiska.

Dilkan foosha xun ayaa la sheegay inuu dhacay kadib markii gabadha la gubay iyadoo weli nool, taasoo argagax weyn ku reebtay bulshada deegaanka, gaar ahaan qaxootiga ku nool xerada Dhagaxley.

Kiiskan ayaa kiciyay caro iyo falcelin ballaaran oo ka soo yeertay qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay baaqyo ku saabsan in la helo cadaalad dhab ah, dad badanna waxay dalbadeen in si degdeg ah loo ciqaabo ciddii ka dambeysay dilka gabadhan.

Qoyska Gacala Cabdi Aadan ayaa la sheegay inay si adag u dalbanayaan cadaalad, iyagoo codsaday in aan la dayicin kiiska gabadhooda loona maro dariiq sax ah.

Dambiyada guurka khasabka ah

Falalka la xiriira guurka khasabka ah ee lagu hayo gabdhaha da’da yar ayaa si isa soo taraysa uga dhacaya qaybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan deegaanada ay Soomaalidu ku badan tahay. Kiiska Gacala Cabdi Aadan wuxuu noqday tusaale murugo leh oo muujinaya sida ay arrintani halis u tahay.

Ururrada bulshada rayidka ah ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay tallaabo cad ka qaaddo dadka geysta dambiyada ka dhanka ah gabdhaha yaryar, gaar ahaan kuwa lagu qasbo guurka ay diiddan yihiin.

Maxkamadda magaalada Wajeer iyo laamaha baarista dambiyada ayaa haatan si wadajir ah u wada hawsha, iyadoo la rabo in kiiskan loo helo caddayn dhameystiran. Khubarro caafimaad iyo baarayaal ayaa lagu wargeliyay inay qayb ka noqdaan baaritaanka meydka Gacala Cabdi Aadan.

Haddii ay cadaato in sun la siiyay ama si kale loo dilay, waxaa la filayaa in dacwad culus lagu furo eedeysanayaasha.

Walaaca bulshada ee amniga gabdhaha

Bulshada deegaanka Wajeer iyo guud ahaan Soomaalida Kenya ayaa walaac ka muujiyay ammaanka gabdhaha, iyagoo sheegaya in dhacdadan ay muujinayso baahida loo qabo ilaalin dheeraad ah.

Waxaa la codsaday in la sameeyo olole wacyigelin ah oo lagaga hortagayo guurka khasabka ah, iyadoo sidoo kale carruurta gabdhaha ah lagu baraarujinayo xaqooda iyo sida ay u diidi karaan guur aysan rabin.

Kiiska Gacala Cabdi Aadan wuxuu noqday mid si weyn u saameeyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari. Waxaa laga sugayaa in cadaalad dhab ah la marsiiyo, si kiiskeeda uu u noqdo mid horseeda isbeddel dhab ah oo lagu ciribtiro guurka khasabka ah iyo dambiyada ka dhanka ah gabdhaha da’da yar.

Waxaa muhiim ah in hay’adaha garsoorka, booliiska, iyo ururrada bulshada ay si wadajir ah uga hortagaan tacadiyada ka dhanka ah dadka nugul, gaar ahaan gabdhaha qaxootiga ah ee aan helin garab iyo garsoor ku filan.

Al-Shabaab oo sii deysay shan oday oo ay afduubatay + Beesha ay ka soo jeedaan

Nairobi (Caasimada Online) – Shan oday dhaqameed oo horay ay u afduubteen maleeshiyada Al-Shabaab iyagoo ka sii safrayay deegaanka Wargaduud kuna sii jeeday magaalada Ceelwaaq ee gobolka Mandheera ee Kenya ayaa dib loo sii daayay.

Saraakiisha dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay in madaxdan dhaqanka laga soo sii daayay magaalada Jilib ee gudaha Soomaaliya, Axaddii, April 6.

Odayaal qayb ka ahaa wada-xaajoodyada lagu sii daayay madaxda dhaqanka ayaa sheegay in shanta oday lagu wareejiyay odayaasha dhaqanka ee beesha Garre oo ku sugan magaalada Jilib, galabnimadii Axadda. Waxaa hadda socda qorshe lagu soo celinayo magaalada Ceelwaaq ee dalka Kenya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa lagu waday inuu ka hadlo sii-deyntan xilli uu safar shaqo ku marayay gobolka Xeebta ee Kenya.

Madaxda dhaqanka ee la afduubtay oo kala ahaa Maxamed Adawa, Maxamed Xasan, Maxamed Nuur, Guddoomiye ku-xigeenka deegaanka Ibraahim Gabow, iyo Guddoomiyaha Sare Cabdi Suraaw, ayaa la afduubay 3-dii Febraayo, hal maalin kahor safarkii Madaxweyne William Ruto uu ku tagay gobollada waqooyi-bari Kenya.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in madaxdan dhaqanka lagu samayn doono wareysi kooban kadibna lagu celin doono qoysaskooda.

Madaxweyne Ruto oo maalintii xigtay afduubka ka hadlay magaalada Mandheera ayaa shacabka Kenya u xaqiijiyay in “shan oday dhaqameed oo laga afduubtay Mandheera ay si nabad ah dib ugu soo laaban doonaan dalka.”

Madaxweynaha ayaa cambaareeyay afduubka, isagoo ku tilmaamay tallaabo ay kooxdu ku dooneyso inay shacabka ku abuuraan cabsi. Waxa uu intaa ku daray inaanay dowladdiisu oggolaan doonin in kooxaha argagixisadu ay qalqal geliyaan gobolka.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sugidda amniga dhammaan dalka Kenya, isagoo ballanqaaday in ciidamada ammaanka ay si adag ula dagaallami doonaan kooxihii falkaas ka dambeeyay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale faray Taliye Ku-xigeenka Guud ee Booliiska, Gilbert Masengeli, inuu hoggaamiyo howlgallada gobolka, gaar ahaan dadaallada lagu soo celinayo madaxda dhaqanka ee la afduubtay.

Bil kadib, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Raymond Omollo ayaa ku celiyay ballanqaadka madaxweynaha, isagoo sheegay in ay socdaan dadaallo qarsoon oo madaxda lagu soo sii daynayo.

“Kuwani waa madax dhaqameed u shaqeynayay dowladda, dhacdaduna waxay muujinaysaa in qofna uusan ka badbaadin karin amni-darrada,” ayuu yiri Omollo.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in kooxdu dalbatay madaxfurasho, inkastoo aan weli caddeyn haddii lacag la bixiyay iyo inta ay gaareyso. Dowladda ayaa wada-hadallada u adeegsatay hoggaamiyeyaasha deegaanka.

Goobjoogeyaal iyo saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in madaxda dhaqanka la afduubtay iyadoo indhaha laga xiray, kadibna gaarigooda lagu kaxeeyay dhinaca degmada Lafey.

Weerarka ayaa ka dhacay meel ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya, taasoo muujinaysa in kooxdu xog hore u haysatay oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa madaxda dhaqanka.

Odayaasha ayaa markii la weeraray waxay kusii jeedeen magaalada Mandheera, halkaas oo ay kaga qayb geli lahaayeen munaasabad uu joogay Madaxweyne Ruto.

Howlgal gaar ah oo ciidamada Kenya doonayeen inay madaxdan ku soo furtaan ayaa fashilmay, kadib markii waddada ay mari lahaayeen lagu aasay miino.

Dadkii la afduubtay waxaa ku jirtay haweeney la rumaysan yahay inay tahay gabadha mid ka mid ah madaxda dhaqanka, iyadoo dhammaantood loola tallaabay gudaha Soomaaliya.

Afduubkani wuxuu kamid yahay dhacdooyin is-daba joog ah oo dhanka ammaanka ah oo ka dhacay gobolka xuduudka la leh Soomaaliya, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay joogto u fuliso weerarro.

Bishii Diseembar ee sannadkii hore ayaa koox looga shakisan yahay Al-Shabaab waxay dileen darawal ka tirsan waaxda Dambi Baarista Kenya (DCI) oo ku sugnaa degmada Lafey, waxaana laga dhacay gaarigiisii.

Dowladda Kenya ayaa wali wada dadaallo lagu doonayo in lagu sugo amniga isla markaana lagu xasiliyo gobolkaasi.

Somaliland oo dil ugu hanjabtay R/W Xamza, haddii uu tego Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa mar kale si adag uga hadashay safarka la filayo in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu ku gaaro magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxayna ugu hanjabtay dil.

Qaar ka mid ah xildhibaannada Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka digay booqashada ra’iisul wasaaraha, waxayna tilmaameen in Laascaanood ay ka mid tahay Somaliland, isla markaana aanu tegi karin magaaladaas oo hadda xarun u ah maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Shaadh oo ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku goodiyay inay ka hortegayaan safarkaasi, ayna qaadayaan tallaabo ka dhan ah Xamza, haddii uu tego magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay inay xabad ka soo horreyso.

“Ha moodin Xamze inuu iska imaanayo meesha, sidee ayuu u imaan karaa Somaliland? Xabad baa ka soo horreyso, waana la buufin doonaa,” ayuu yiri Xildhibaan Shaadh.

Dhankiisa Cabdi Timajilic oo ka mid ah Baarlamaanka Somaliland ayaa diray hanjabaad tan la mid ah, wuxuuna sheegay in diyaarad sida ra’iisul wasaaraha Soomaaliya aanay soo caga dhigan karin Laascaanood, ayna gubayaan, haddii ay timaaddo sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii Xamza yimaaddo Laascaanood, Somaliland waxa la gudboon in diyaaraddiisu ay samada ku olosho, hub iyo ciidan baanu leenahay.” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Timajilic.

Horay Somaliland ayaa u sheegtay in Xamza Cabdi Barre uu ka qoomameyn doono haddii uu tego Laascaanood oo ay weli ka taagan tahay xiisad dagaal oo xooggan.

“Waxaan uga digayaa ninka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku magacaaban inuu ka qoomamayn doono hagardaamada iyo mashruuca dagaal ee uu mar labaad u soo wado shacabka gobollada Sool iyo Sanaag,” ayuu horay u yiri Axmed Faarax oo ah guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay ra’iisul wasaare Xamza uu xaqiijiyay inuu tegayo Laascaanood, wuxuuna sheegay in booqashadiisa aan lagu cadaadinaynin maamul gaar ah ee ay daaran tahay xoojinta xiriirka dowladda iyo SSC-Khaatumo.

Si kastaba, socdaalkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda federaalka ee ku aaddan taageerada maamulkaasi iyo horumarinta gobollada SSC.

Magaalada Laascaanood ee uu haatan tegayo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa horay uga dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay maamullada Somaliland iyo SSC-Khaatumo, kuwaas oo ay dad badan ku geeriyoodeen, welina xiisadda labada maamul ayaa ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Somaliland threatens Somalia PM with ‘assassination’ over visit

HARGEISA, Somaliland – Somaliland has issued a stark warning to Somalia’s Prime Minister Hamza Abdi Barre, threatening violence, including potential assassination, if he proceeds with a planned visit to Las Anod, the capital of the disputed Sool region.

The threats, voiced by several Somaliland lawmakers in Hargeisa on Monday, mark a significant escalation in the already fraught relationship between Somaliland and the federal government of Somalia over control of the Sool and Sanaag regions.

Somaliland, which unilaterally declared independence from Somalia in 1991 but lacks international recognition, considers Las Anod part of its territory.

It insists the Somali Prime Minister requires permission to visit the city, which currently serves as a stronghold for the pro-Somalia SSC-Khaatumo administration.

Threats of “Bullets” and downing of aircraft

Several parliamentarians addressed the media in Somaliland’s capital and delivered strongly worded statements. Adirahmaan Shaadh, a member of Somaliland’s upper house, the Guurti, vowed to obstruct Barre’s visit and threatened direct action.

“Don’t think Hamza can just come here. How can he come to Somaliland? Bullets come before him, and he will be shot down,” Shaadh declared.

Reinforcing this stance, Abdi Timajilic, a member of Somaliland’s lower house, the House of Representatives, stated that any aircraft carrying the Somali Prime Minister would be prevented from landing in Las Anod and would be targeted.

“If Hamza comes to Las Anod, Somaliland must make his plane burn in the sky. We have weapons and an army,” Timajilic asserted.

These threats follow earlier warnings from Somaliland officials. Ahmed Farah, the governor of the Sool region within the Somaliland administration, had previously cautioned Prime Minister Barre that he would “regret” visiting Las Anod, accusing him of instigating a “project of war” in the Sool and Sanaag regions.

The warnings from Hargeisa come a day after Prime Minister Hamza Abdi Barre affirmed his intention to visit Las Anod. He stated that his trip aimed to strengthen relations between the federal government and the SSC-Khaatumo administration and was not intended to pressure any specific entity.

The planned visit is also viewed as an effort by Mogadishu to demonstrate its support for the SSC-Khaatumo administration and foster development in the Sool and Sanaag regions, which have been a long-standing point of contention between Somaliland and Somalia.

Las Anod: Epicenter of territorial dispute

Las Anod lies at the heart of a territorial dispute between Somaliland and SSC-Khaatumo, a local administration seeking closer ties with the federal government in Mogadishu.

The city experienced intense clashes earlier last year between forces loyal to both sides, resulting in significant casualties and underscoring the deep-seated tensions in the region.

The Sool and Sanaag regions, located in northern Somalia, are claimed by both Somaliland and the semi-autonomous Puntland state.

The emergence of the SSC-Khaatumo administration, advocating for either the creation of a new federal member state within Somalia or direct rule from Mogadishu, has further complicated the intricate political landscape.

Somaliland’s explicit threats against the Prime Minister of Somalia are likely to provoke strong condemnation from the international community, which has consistently called for dialogue and a peaceful resolution to the territorial disputes in the Horn of Africa.

Prime Minister Barre’s planned visit and the forceful opposition from Somaliland highlight the precarious security situation in the region and the complex political dynamics at play.

Senior US official signals potential for Somaliland ties

WASHINGTON – The United States Deputy Secretary of State has publicly suggested that Washington is considering establishing direct diplomatic relations with the self-declared republic of Somaliland, a move that could reshape the political dynamics in the Horn of Africa.

Christopher Thomas Landau ignited speculation with a post on X (formerly Twitter). Responding to a Somaliland advocate who urged the United States to halt aid to Somalia and instead support Somaliland’s strategic ambitions, Landau wrote, “I have been looking into this situation very closely.”

His comment marks a notable instance of a high-ranking US official openly acknowledging a potential shift in Washington’s long-standing policy.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 following the collapse of the central government in Mogadishu. Despite establishing its government, currency, and military, the former British protectorate has yet to achieve widespread international recognition.

Somaliland’s strategic location along the Bab al-Mandab Strait, a crucial maritime chokepoint connecting the Red Sea and the Gulf of Aden, positions it as a significant player in regional security.

Western nations, increasingly concerned about China and Iran’s growing influence in East Africa, have also noted Somaliland’s refusal to engage with Beijing. The port city of Berbera, in particular, is considered strategically vital and could serve as a key logistical hub for US operations in the region.

Somalia’s opposition to direct US engagement

The Federal Government of Somalia in Mogadishu firmly opposes any direct diplomatic engagement between the US and Somaliland, considering the region an integral and indivisible part of its sovereign territory. Mogadishu has consistently pursued political and diplomatic avenues to prevent such a development.

In a past effort to dissuade the US from engaging with Hargeisa, the Somali government reportedly offered Washington management of strategic ports in the Gulf of Aden. A letter from President Hassan Sheikh Mohamud to US President Donald Trump detailed Somalia’s “strategic assets” offer to bolster US influence in the region.

Mohamud emphasized the potential of these assets to ensure uninterrupted military and logistical access, thereby hindering foreign competitors from establishing a foothold in the strategically important Gulf of Aden.

He also recalled the historical security cooperation between Somalia and the US during the Cold War, when Somalia’s military regime granted the US access to airfields in Mogadishu, Kismayo, and Berbera.

However, the ports and potential bases offered – including Berbera in Somaliland and Bosaso in Puntland – are not under the direct control of the Somali federal government, although Mogadishu maintains its claim over these areas.

President Mohamud had also conveyed Somalia’s readiness to commence discussions on the proposal and requested that Trump dispatch a US delegation to Mogadishu at a mutually agreeable time.

Berbera: A Key Red Sea and Gulf of Aden hub

The port and potential military facility in Berbera are particularly significant for monitoring commercial shipping in the Red Sea and the Gulf of Aden, especially amid ongoing regional instability.

In 2022, Somaliland reportedly offered the US access to the Berbera port for official recognition, underscoring its strategic importance to Washington’s geopolitical interests.

In a separate diplomatic move, Somaliland’s Foreign Minister, Abdirahman Dahir Adan, recently told Israeli public broadcaster KAN that Somaliland was willing to host citizens from Gaza. This move is widely interpreted as another attempt to garner international recognition.

Puntland, a semi-autonomous region in northeastern Somalia that severed ties with Mogadishu due to persistent political disagreements, controls the strategically located port of Bosaso on the Gulf of Aden, a vital commercial gateway in the region.

Deputy Secretary Landau’s remarks suggest a potential evolution in US policy towards the Horn of Africa, driven by strategic imperatives to counter Chinese influence and enhance stability in a complex and often volatile region.

While the US government has not yet issued a formal statement on this specific matter, the comments from a high-ranking official like the Deputy Secretary indicate a significant development that bears close observation by regional and international actors.

Any move towards recognizing Somaliland would likely be met with strong opposition from Somalia, further complicating the intricate political landscape of the region.

Ciidamada DF oo qabsaday degmada Ruun-nirgood

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa lagu soo warramayaa inay maanta dagaal kula wareegeen gacan ku haynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo saaka qaaday weerar culus ay gudaha u galeen degmadaasi oo ay indhowaanahaan ku sugnaayeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay xarumo iyo saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gudaha degmadaasi, halkaas oo ay muddo ku dhuumaaleysanaayeen.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in ciidamada huwanta ay hadda howlgallo ka wadaan degmada Ruun-nirgood, kuwaas oo amniga lagu xaqiijinayo.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen duleedka degmada, waxayna ku wajahan yihiin deegaanno kale, sida Hilowle Gaab oo hoostaga Ruun-nirgood.

Ciidamada ayaa horay u gaareen degmadaan, inkastoo markii dambe ay kasoo baxeen, ayna dib ula wareegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ka socdaan howlgallo culus.

Qabashada degmada ayaa timid, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xoojisay gulufka ay ka waddo gobolka Shabeellaha Dhexe, si looga hortago abaabulka kooxda Al-Shabaab oo soo gashay deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo horay looga xoreeyay.

La wareegitaanka Ruun-nirgood ayaa sidoo kale waji cusub u yeelayso dagaalka, waana guul wayn oo ay howlgallada socda ka gaareen ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda.

Jiidda hore ee dagaalka ayaa waxaa haatan ku sugan taliyaha ciidamada Xoogga dalka, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle oo isku dabaridayo dagaalka ka socda deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaamintiisa gacanta ku hayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Al-Shabaab frees 5 Somali-Kenyan elders after months

JILIB, Somalia – Five Somali-Kenyan traditional elders, kidnapped by Al-Shabaab militants near the Somalia border in February, have been released inside Somalia, Kenyan officials confirmed. The release reportedly occurred on Sunday, April 6th, in the southern Somali town of Jilib.

Their freedom follows weeks of negotiations, reportedly involving community leaders. Elders participating in the talks stated that the five men were handed over to Garre clan elders in Jilib late Sunday. Arrangements are now underway for their return to Elwak town in Kenya’s Mandera County.

Officials indicated that the elders will undergo debriefing before reuniting with their families.

Abduction details and government response

The elders – identified as Mohamed Adawa, Mohamed Hassan, Mohamed Nur, Deputy Chief Ibrahim Gabow, and Senior Chief Abdi Suraw – were abducted on February 3rd while traveling from Wargaduud towards Elwak.

The kidnapping occurred just one day before President William Ruto commenced a visit to Kenya’s northeastern region.

Speaking in Mandera the day after the abduction, President Ruto condemned the act as an attempt by the militants to instill fear and assured Kenyans the elders would return safely.

He pledged that security forces would pursue those responsible and prevent terrorist groups from destabilizing the region. The President tasked Deputy Inspector General of Police Gilbert Masengeli with leading security operations, including efforts to secure the elders’ release.

A month into their captivity, Interior Principal Secretary Raymond Omollo reaffirmed the government’s commitment, mentioning discreet, ongoing efforts.

“These are elders who were working for the government, and the incident shows that nobody is immune to insecurity,” Omollo stated at the time.

Kenya’s Interior Cabinet Secretary, Kipchumba Murkomen, is expected to comment on the release formally.

Uncertainty over ransom, persistent insecurity

While unconfirmed reports suggested Al-Shabaab demanded a ransom, it remains unclear whether any payment was made. The government is understood to have utilized local community leaders to facilitate the negotiations.

Witness accounts from the time of the abduction indicated the elders were blindfolded and their vehicle driven towards the Lafey area, close to the porous Kenya-Somalia border.

A woman, believed to be the daughter of one elder, was also reportedly seized. The ambush occurred as the elders were traveling to Mandera town for an event scheduled to be attended by President Ruto, suggesting the attackers may have had prior intelligence.

A previously reported rescue mission by Kenyan security forces was allegedly thwarted by the discovery of an Improvised Explosive Device (IED) along their route.

This kidnapping highlights the persistent security challenges in Kenya’s border counties adjoining Somalia, where Al-Shabaab militants continue to carry out sporadic attacks.

Last December, suspected militants killed a Directorate of Criminal Investigations (DCI) driver and stole his vehicle in Lafey sub-county.

The Kenyan government maintains it is actively working to enhance security and stabilize the volatile border region.

Leadership without limits? – A rebuttal to the ‘stability first’ argument

This article is a rebuttal to the proposition articulated in Abdi Hilowle (Coowle)’s article, published on Caasimada Online on March 6, 2025, titled “Why President Hassan Should Continue Leading Somalia Until Stability is Achieved,” which advocates for the extension of President Hassan Sheikh Mohamud’s tenure beyond constitutional limits. While acknowledging the complex security and governance challenges facing Somalia, this critique, presented from my perspective as Professor Abdinasir Ali Osman, contends that prioritizing an undefined “stability” over established constitutional norms poses a significant risk to the nation’s nascent democratic institutions. Drawing upon international standards of constitutional law and democratic governance, this analysis seeks to dissect the core arguments advanced by Hilowle (Coowle), highlighting the potential ramifications of his proposition for Somalia’s long-term political stability and institutional development.

I. Contextual Framework and Acknowledgment of Presidential Achievements:

It is imperative to begin by acknowledging the tangible progress achieved under President Mohamud’s leadership. Notably, his administration has delivered security gains against Al-Shabaab, reclaimed territories, strengthened national security forces through international coordination, and made significant strides in debt relief, economic reforms, and diplomatic engagement. Progress in education, disaster response, and national identity initiatives also deserves recognition. Specifically, the government has:

  • Reclaimed significant territories from Al-Shabaab, weakening their operational capacity.
  • Expanded and restructured the Somali National Army and police forces, enhancing coordination with international partners.
  • Successfully met conditions for HIPC debt relief, opening avenues for new international financing.
  • Improved Somalia’s diplomatic profile in the Horn of Africa and globally.
  • Advanced implementation of national ID and digital registration systems.

These achievements are commendable and reflect the administration’s commitment to stabilizing a nation beset by protracted conflict. However, this acknowledgment must be juxtaposed with a rigorous examination of the proposed tenure extension, ensuring that short-term gains do not compromise long-term democratic consolidation.

II. Critique of the “Stability-First” Argument and its Constitutional Implications:

Hilowle (Coowle)’s proposition, predicated on the attainment of “stability,” necessitates a critical analysis of its constitutional ramifications. This analysis posits the following:

  • Primacy of Constitutional Integrity: The argument for tenure extension, while presented with patriotic intent, potentially undermines the fundamental principle of constitutional supremacy. The Provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia, as the supreme legal instrument, establishes clear parameters for presidential terms and electoral processes. Deviation from these parameters, even under perceived exigencies, sets a detrimental precedent.
  • Subjectivity and Ambiguity of “Stability”: The concept of “stability,” as articulated in the article published on Caasimada Online on March 6, 2025, lacks definitional precision. This ambiguity renders it susceptible to manipulation and potential abuse, creating a precarious foundation for extending executive power.
  • Institutional Resilience vs. Personalistic Rule: The implicit endorsement of an “indispensability” narrative undermines the development of robust and resilient institutions. Democratic governance necessitates the establishment of durable institutions that transcend individual leadership, ensuring continuity and stability independent of personal tenure.
  • Legal Inconsistency: The proposition to extend the president’s mandate is inconsistent with the articles within the provisional constitution relating to term limits and electoral schedules. A legal argument for deviating from these articles is not present within the article published on Caasimada Online on March 6, 2025.

III. Analysis of the Security-Democracy Nexus:

The article’s focus on security as a justification for tenure extension necessitates a nuanced analysis of the security-democracy nexus:

  • Security Sector Reform and Legal Compliance: Security gains must be anchored in legal and humanitarian standards. Accountability for human rights violations and the establishment of a professional, apolitical security apparatus are indispensable for long-term stability.
  • Electoral Security and Mitigation of Violence: Conducting free and fair elections in a volatile security environment requires meticulous planning and robust security measures. The article should address the practical challenges of ensuring electoral security and mitigating potential violence.
  • Preventing Security Vacuums: The article should address how to mitigate potential security vacuums during electoral transitions.

IV. The Roles of Federal Member States and International Actors:

A comprehensive analysis must consider the following:

  • Federal-Regional Dynamics: The complex relationship between the Federal Government and Federal Member States is a critical determinant of Somalia’s political stability. Inclusive political dialogue that addresses regional concerns is essential.
  • International Influence: The influence of international actors on Somalia’s political processes is undeniable. The article should examine the role of international partners in supporting democratic transitions and promoting good governance, while also critically assessing potential negative influences.

V. Recommendations and Conclusion:

Instead of advocating for tenure extension, Hilowle (Coowle)’s article published on Caasimada Online on March 6, 2025, should have emphasized:

  • Strengthening Electoral Institutions: Robust electoral institutions are indispensable for conducting free, fair, and credible elections within constitutional parameters.
  • Promoting Inclusive Political Dialogue: Inclusive political dialogue that fosters consensus and addresses the concerns of all stakeholders is crucial for long-term stability.
  • Institutionalizing Governance Reforms: Institutionalizing governance reforms, including security sector reform, economic development, and reconciliation efforts, ensures their sustainability beyond individual administrations.
  • Emphasis on Dispute Resolution: The importance of robust dispute resolution mechanisms for electoral processes must be emphasized.

In conclusion, while Hilowle (Coowle)’s article published on Caasimada Online on March 6, 2025, highlights the importance of stability, it fails to adequately address the potential consequences of bypassing constitutional processes. As Professor Abdinasir Ali Osman, I contend that true and lasting stability in Somalia can only be achieved through unwavering adherence to the rule of law, the strengthening of democratic institutions, and a commitment to inclusive and accountable governance. This approach ensures that Somalia’s progress is not contingent on the tenure of any single individual, but rather on the enduring resilience of its democratic framework.

Note that President Hassan Sheikh Mohamud’s repeated public pronouncements against term extensions, coupled with his demonstrated commitment to peaceful transitions of power during his prior tenure, have been noted by observers. This track record has contributed to the prevailing understanding that the president remains averse to any deviation from constitutionally mandated term limits.

About the Author

Prof. Abdinasir Ali Osman is a highly respected senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His career spans across the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond.

As a leading expert in humanitarian, governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his life to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development. His work has influenced policy decisions, empowered young professionals, and strengthened governance frameworks in fragile and conflict-affected environments.

You can reach him through email: [email protected]

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members.

Christopher Landau oo shaaciyey in Mareykanka uu eegayo xiriirka Somaliland

0

Washington (Caasimada Online) – Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Christopher Landau, ayaa sheegay inuu eegayo suurtagalnimada in xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah lala yeesho Somaliland.

Landau ayaa xaqiijiyay arrintan isagoo qoraal soo dhigay barta X (oo hore loo oran jiray Twitter), waxaana qoraalkiisu jawaab u ahaa taageere Somaliland ah oo Maraykanka ugu baaqay inuu joojiyo maalgelinta Soomaaliya, kuna taageero Somaliland himilooyinkeeda istiraatiijiyadeed. “Aad ayaan ugu kuur galay xaaladdan,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Jawaabta Landau ee uu soo dhigay aroornimadii hore ee Sabtida ayaa ahayd markii ugu horreysay oo sarkaal sare oo Maraykan ahi si shaacsan u muujiyo in Washington dib-u-qiimeynayso mowqifkeedii muddo dheer ay ku diidday aqoonsiga Somaliland, oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday 1991 balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

Somaliland, oo leh dawlad u gaar ah, lacag iyo ciidan madax-bannaan, ayaa hore u diidday inay xiriir la samayso Shiinaha, tallaabadaasoo soo jiidatay indhaha siyaasiyiinta reer Galbeedka ee doonaya inay ka hortagaan saameynta sii kordheysa ee Shiinaha iyo Iiraan ee Bariga Afrika.

Magaalada dekedda leh ee Berbera ayaa loo arkaa goob muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, iyadoo ku dhow marinka muhiimka ah ee Baab al-Mandab iyo Badda Cas, waxayna noqon kartaa xarun muhiim ah oo taageero u ah hawlgallada Maraykanku ka fuliyo gobolka.

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u aragta Somaliland inay tahay qayb muhiim ah oo ka tirsan dhulkeeda, waxayna waddaa olole siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo xooggan si ay uga hortagto xiriir kasta oo toos ah oo Maraykanku la yeesho magaalada Hargeysa.

Si looga hortago in maamulka Trump la-macaamilo Somaliland, dowladda federaalka ayaa qaaday tallaabooyin dhowr ah, oo ay ka mid tahay in ay Maraykanka usoo bandhigtay in ay maamulaan dekedaha istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed.

Warqad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kuna taariikheysa Maarso 16, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Maraykanka usoo bandhigtay “hanti istaraatiiji ah” oo kor u qaadi karta saameynta Maraykanka ee gobolka, hubin karta marin aan hakad lahayn oo milatari iyo saadka ah, isla markaana looga hortagayo tartamayaasha shisheeye inay saldhig ka sameystaan marinka istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu warqaddiisa ku xusay xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo Maraykanka oo bilowday xilligii madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan, markaas oo xukuumaddii militariga ee Soomaaliya ay ogolaatay in Maraykanku uu isticmaalo saddex garoon oo kala ah Muqdisho, Kismaayo, iyo Berbera.

Hase yeeshee, goobaha la soo bandhigay — dekedda iyo saldhigga Berbera ee Somaliland iyo dekedda iyo saldhigga Bosaso ee Puntland — kama hoos shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, balse Muqdisho waxay u aragtaa dhammaan goobahaas inay ka mid yihiin dhulkeeda qaran.

Xiisad ka dhalatay warqaddii madaxweyne Xasan Sheekh uu u qoray Donald Trump

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aanka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dekedaha dalka si gaar ah ugu soo bandhigay dowladda Maraykanka ayaa laga yaabaa inuu ku saleysnaa sidii loo heli lahaa ballanqaadyo amni, balse wuxuu abuuray khilaaf siyaasadeed oo halis gelin kara dadaallada gudaha ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah.

Toddobaadkii hore, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu warqad u qoray dhiggiisa Maraykanka Donald Trump, isagoo soo bandhigay deked ku taalla Puntland iyo mid kale oo ku taalla Somaliland inay Maraykanku si gaar ah u isticmaalaan.

Warqadda, oo uu faafiyay qof aan la aqoonin, ayaa tilmaantay in Maraykanku heli doono isticmaal gaar ah oo ku saabsan saldhigyo ciidan iyo dekedo muhiim ah.

Toddobaadkan, maamulka Somaliland ayaa sheegay inay lama filaan ku noqotay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Maraykanka u soo bandhigo maamulka gaarka ah ee dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera, halkaas oo Somaliland gacanta ku heysay tan iyo 1991.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo horay diblomaasi Soomaaliyeed u ahaa, ayaa arrintan ka hadlay isagoo yiri: “Cidna awood uma laha inay ka ganacsato dhulka Somaliland, Madaxweyne Xasan Sheekh xitaa Muqdisho kama taliyo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo bandhigay saldhigga cirka ee Ballidoogle, oo qiyaastii 90 km waqooyi-galbeed ka xiga Muqdisho iyo dekedda Boosaaso, isagoo sheegay inuu doonayo inuu “xoojiyo ka qeybgalka Maraykanka ee gobolka Geeska Afrika.”

Dekedda Boosaaso, oo qiyaastii 1,500 km waqooyi-bari ka xigta Muqdisho, waxay hoos timaadaa maamulka Puntland oo kamid ah maamullada Federaalka Soomaaliya. Maamullada kale ee Federaalka waxaa kamid ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Somaliland ayaa dhinaceeda ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale bishii May 1991, waxayna diiday inay qeyb ka noqoto nidaamka Federaalka.

Somaliland looma aqoonsanin waddan madax-bannaan, balse waxay leedahay lacag u gaar ah, bangi dhexe, ciidan, waxayna qabataa doorashooyin joogto ah oo madaxweyne iyo baarlamaan.

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa tallaabadan u arkay isku day lagu dhacay dhulkooda iyadoo loo dhiibayo dowlad shisheeye iyadoo aan lala tashan.

Wargeyska Somaliland Chronicle ayaa tifaftirkiisa ku sheegay in Soomaaliya ay bixineyso “dhul aysan maamulin tan iyo markii George HW Bush ahaa madaxweyne (1980-meeyadii).”

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho iyo Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka midkoodna kama aysan hadlin arrimaha ku xeeran warqadda iyo soojeedinteeda.

Si kastaba ha ahaatee, waxyaabaha ku jira warqadda ayaa tijaabo adag ku noqday xiriirka dowladda Federaalka iyo maamullada kale ee dalka, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha amniga. Tan iyo sannadkii hore, Puntland waxay guulo ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, balse waxay dowladda Federaalka ku eedaysay inaysan taageero siin.

Dowladda Federaalka lafteeda waxay dagaal adag kula jirtaa Al-Shabaab, oo ah koox awood badan ku leh gobollada dhexe iyo koonfureed ee Soomaaliya.

Tan iyo markii Soomaaliya ay qaadatay nidaamka Federaalka, khubarada siyaasadda sida Maxamuud Maxamed waxay qabaan in awoodda dowladda dhexe ay xadidan tahay, gaar ahaan iyadoo xiriirka Puntland iyo Muqdisho aanu wanaagsanayn sannadihii la soo dhaafay.

Maxamuud Maxamed ayaa yiri, “Haddii soojeedinta la sameeyay iyadoo aan Puntland lala tashan, xiriirka Garowe iyo Muqdisho wuxuu noqon karaa mid sii xumaada.”

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxay ku celcelisay inay leedahay madax-bannaani dhuleed, iyadoo qaar ka mid ah khubaraduna ay u arkaan in soojeedintan loogu talagalay inay fariin siyaasadeed gudbiso.

Baashiir Goth, oo madax ka ah Ergada Somaliland ee Maraykanka, ayaa qoraal jawaab ah ka soo saaray warqadda, isagoo yiri: “Aqoonsiga Somaliland waxaa Soomaaliya u adeegsaneysaa inay Maraykanka ku soo jiidato isticmaalka iyo maamulka dekedda Berbera.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa Reuters u sheegay: “Maraykanku doqon ma aha, waxayna og yihiin cidda ay kala xaajoonayaan arrimaha dekedda Berbera.”

Sebtember sannadkii hore, Soomaaliya waxay mamnuucday in Somaliland loo tilmaamo waddan madax-bannaan, iyadoo ka dalbatay shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya inay macluumaadkooda ku muujiyaan in Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliya.

Shirkadaha diyaaradaha sida Turkish, Qatar iyo Ethiopian ayaa amarkaasi fuliyay, iyadoo markii dambe shirkadda xawaaladda Dahabshiil ay sidoo kale tallaabadan raacday.

Soomaaliya waxay tallaabadan adag qaaday kadib markii Somaliland iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiis ay Somaliland ku siisay Itoobiya dhul xeebeed dhan 20 km.

Xiisadda ka dhalatay heshiiskaas ayaa markii dambe qabowday kadib markii Turkigu soo dhexgalay, isagoo dhex-dhexaadin ka sameeyay Addis Ababa iyo Muqdisho.

IRAN oo dalalka Carabta uga digtay arrin ay ku taamayaan

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa gaashaanka ku dhufatay dalabka Mareykanka ee ah inay si toos ah uga wada xaajoodaan barnaamijkeeda nukliyeerka ama ay wajihi karto weerar militari, iyadoo uga digtay dalalka deriska ah ee saldhigyada siinaya Mareykanka inay noqon karaan bartilmaameedyo haddii ay ku lug yeeshaan arrintaas, sida uu sheegay sarkaal sare oo reer Iran ah.

Inkastoo Iran ay diiday dalabka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee wadahadallada tooska ah, haddana waxay dooneysaa inay sii waddo wadaxaajoodka dadban ee dalka Cumaan, oo muddo dheer soo ahaa marin ay labada waddan ee xifaaltamaa isugu gudbiyaan farriimaha, sida uu Reuters u sheegay sarkaalka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.

“Wadahadallada dadban waxay fursad u siinayaan in la qiimeeyo sida ay dhab uga tahay Washington inay xal siyaasadeed ka gaarto arrinta Iran,” ayuu yiri sarkaalkaasi. Inkastoo wadadu ay noqon karto mid adag, haddana wadahadallada ayaa bilaaban kara dhowaan haddii farriimaha Mareykanku ay muujiyaan taageero arrinkaas ku saabsan, ayuu intaa raaciyay.

Iran ayaa si rasmi ah digniin ugu dirtay dalalka Ciraaq, Kuwait, Imaaraadka Carabta, Qatar, Turkiga iyo Baxreyn, iyadoo u sheegtay in taageero kasta oo ay siiyaan weerar uu Mareykanku ku qaado Iran—oo ay kamid tahay isticmaalka hawadooda ama dhulkooda—loo arki doono fal cadawtooyo ah.

“Ficilkaasi wuxuu yeelan doonaa cawaaqib xun,” ayuu yiri sarkaalkaasi, isagoo xusay in hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, uu ciidamada Iran galiyay heegan sare.

Digniinaha Madaxweyne Trump ee ku saabsan weerarka militari ee ka dhanka ah Iran ayaa sii kordhiyay xiisadda gobolka, kaasoo markii horeba la daalaa dhacayay dagaallada Gaza iyo Lubnaan, duqaymaha ka socda Yemen, isbeddelada hoggaanka Suuriya, iyo dagaallada ay iswaydaarsadeen Israa’iil iyo Iran.

Waxaa jira walaac weyn oo laga qabo in gobolka uu ku fido dagaal ballaaran, taasoo walaac badan ku abuurtay dalalka gacanka Carbeed ee uu hal dhinac ka xigo Iran, dhinaca kalena boqortooyooyinka Carabta ee Mareykanku xulafada la yahay, kuwaasoo sidoo kale ah marin muhiim u ah shidaalka caalamiga ah.

Afhayeenada dawladaha Ciraaq, Kuwait, Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Baxreyn ayaan wali ka jawaabin codsiyo lagu waydiistay faahfaahin dheeraad ah. Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegtay inaysan ka warqabin digniin rasmi ah, balse fariimaha noocaas ah lagu gudbin karo qaabab kale.

Arbacadii, warbaahinta dowladda Iran ayaa shaacisay in Kuwait ay u xaqiijisay Tehran inaysan marnaba oggolaan doonin in dalkeeda loo isticmaalo fal cadawtooyo oo ka dhan ah waddan kale.

Ruushka, oo ah xulafada Iran, ayaa Khamiistii sheegay in hanjabaadaha Mareykanka ee weerarka ka dhanka ah Iran ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, Jimcihiina wuxuu ku baaqay in xaaladda la dejiyo.

Iran ayaa isku dayaysa inay taageero dheeraad ah ka hesho Ruushka, balse waxay ka shakisan tahay sida dhab ahaan ay Moscow uga go’antahay inay difaacdo xulafadeeda. Arrintaas waxay ku xirnaan doontaa xiriirka ka dhexeeya Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayuu sheegay sarkaal labaad oo reer Iran ah.

Laba bilood oo fursad ah

Trump ayaa sheegay inuu doorbidayo heshiis lala gaaro Iran oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka halkii uu dagaal militari qaadi lahaa, isagoo 7-dii Maarso warqad ku saabsan arrintan u qoray hoggaamiyaha sare ee Iran, Khamenei.

Sarkaalka koowaad ee reer Iran ayaa sheegay in wareegga hore ee wadahadallada dadban laga yaabo inay dhex-dhexaadiyaan mas’uuliyiin ka socda Cumaan oo ka kala dhex shaqeyn doona wafdiyada Iran iyo Mareykanka. Khamenei ayaa oggolaaday in Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araqchi ama ku-xigeenkiisa Majid Takht-e Ravanchi ay ka qaybgalaan wadahadallada laga yaabo inay ka dhacaan magaalada Muscat.

Afhayeen u hadlay dowladda Cumaan ayaan wali ka jawaabin codsi faahfaahin dheeraad ah lagu waydiistay.

Si kastaba ha ahaatee, sarkaalka ayaa sheegay in la heli karo fursad laba bilood ah oo heshiis lagu gaari karo, isagoo ka digay in haddii wadahadalladu ay dib u dhacaan laga yaabo in Israel ay qaaddo weerar gaar ah, taasoo sababi karta dib u soo celinta dhammaan cunaqabateynada caalamiga ah ee lagu soo rogo Iran, si looga hortago inay hesho hubka nukliyeerka.

Iran ayaa muddo dheer iska fogeysay eedaynta ah inay raadineyso hub nukliyeer ah, laakiin hay’adda tamarta nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Iran ay si weyn u kordhisay kobcinta Yuraaniyamka heerka 60%, taasoo aad ugu dhow heerka loo isticmaalo hubka ee 90%.

Dalalka reer Galbeedka ayaa sheegay in aan loo baahnayn in Yuraaniyamka loo kobciyo heerkaas sare barnaamij rayid ah darteed, iyagoo sheegay inaan waddan kale oo sameeyay tallaabadan aysan ka harin hub nukliyeer ah.

Inkastoo Iran sheegtay inay diyaar u tahay wadahadal lala yeesho Mareykanka haddii looga hadlayo arrimaha nukliyeerkeeda, haddana waxay gabi ahaanba diiday inay toos u wadaxaajoodaan inta Mareykanku uu hanjabaado wado. Iran ayaa sidoo kale sheegtay in barnaamijkeeda gantaalaha aanay marnaba diyaar u ahayn inay ka wadaxaajoodaan.

Taliyaha sare ee ciidamada kacaanka Iran (IRGC), Amirali Hajizadeh, ayaa Isniintii sheegay in saldhigyada Mareykanku uu ku leeyahay gobolka ay noqon karaan bartilmaameed haddii dagaal dhaco.

Sannadkii 2020, Iran ayaa bartilmaameedsatay saldhigyo Mareykanku ku lahaa Ciraaq kaddib markii Mareykanku dilay Qassem Soleimani oo ahaa taliyihii ciidamada Quds ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga, iyadoo lagu bartilmaameedsaday weerar gantaallo oo ka dhacay magaalada Baqdaad.

Xog: Xasan oo isugu yeeray saraakiisha amniga kadib arrin halis ah oo soo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan degdeg ah isugu yeeray madaxda iyo saraakiisha hay’adaha qaabilsan sugidda ammaanka Muqdisho, kadib weerarro hoobiye loo adeegsaday shalay iyo maanta lagu qaaday Madaxtooyada Qaranka iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde oo ah labada goob ee ugu muhiimsan Caasimadda.

Guddoomiye Yaabooh oo metelayey maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ugu muhiimsan hay’adaha amniga ayaa hor fariistay Madaxweynaha oo aad uga careysan weerarradii dhacay oo ilaa hadda aan cidna loo soo qaban, ayaa su’aalo adag weydiiyey saraakiisha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha iyo masuuliyiinta kale ee amniga qaabilsan weydiiyey sababta ay uga hortegi waayeen weerarradaas, haddii ay taas ku guul darreysteena ay u ogaan waayeen goobta laga soo tuuray iyo cidda soo riday.

Ilo wareedyo kulankaas uga warramay Caasimada Online ayaa sheegay in Madaxweynuhu ku canaantay saraakiisha amniga sababta ay ku waayeen xogta magaalo ay 24-ka saac ka shaqeeyaan, galaan galka ay bulshada ku dhex leeyihiin ayuu sidoo kale su’aalo badan ka weydiiyey.

Madaxweynaha ayaa ugu gooddiyey in saraakiisha amniga lagu xisaabi doono oo xabsi, baaritaan iyo xil ka qaadis ay wajihi doonaan haddii hoobiye dambe lagu soo rido Muqdisho, isagoo u muujiyey in wax dulqaad ah uusan u haynin amni darrada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa shalay ku dhiirraday inay gudaha Muqdisho isaga duubaan muuqaal, iyagoo hoobiye ka ridaya gudaha caasimadda, taasoo abuurtay qalqallo amni oo xoog leh, muuqaalkaas oo ragga hoobiyaha ridaya ay afka soo xirteen ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada.

Amniga Garoonka Muqdisho ayey maanta saameyn ku yeesheen hoobiyaashii lagu soo riday, waxaana la xaqiijiyey inay hawada ka laabatay diyaaradda Turkish Airline, taasoo ka degtay dalka Jabuuti, kuna laabatay Ankara. Dadka saarnaa ee maanta Muqdisho ka soo dego waayey waxaa kamid ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maalmahaan ku maqnaa dalka Ingiriiska.

Guddoomiye Amiir oo hadda weysan diyaarad dalka keenta, kadib markii uu maanta ka laabtay hawada Muqdisho hoobiyaha soo dhacaya dartiis, ayaa wajahaya cadaadis uga imaanaya Madaxweynaha oo ku amray inuu degdeg dalka u yimaado, maadaama ay socdaan qulqulatooyin amni, sidoo kalena ay socdaan shirarkii golaha wadatashiga qaranka.

Xogta qarax iyo dil ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax xoogan iyo dil uu ka dhacay aagga degmada Mahadaay ee gobolkaasi, xilli ay halkaasi ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika, xilli ay marayeen waddo dhex-marta deegaanka Buurane ee Shabeellaha Dhexe, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa uu khasaare kasoo gaaray ciidamada Burundi, waxayna kadib fureen rasaas dhalisay khasaare kale oo gaaray shacab.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay mid kamid ah gaadiidka ay wateen ciidamada Burundi ee ka howlgalka gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo xusay inuu burburay, sidoo kalena uu jiro khasaare kale.

Waxaa kale oo uu xaqiijiyay in rasaasta ay fureen ciidamada uu ku dhintay nin shacab ah oo xoolo dhaqato ahaa, isla markaana kamid aha dadka deegaanka Buurane.

“Adeerow meeshaan dhibaato ayaa ka dhacday qaraxaa dhacay, qoladaan waxaa lala beegsaday Burundi markii uu ku qarxayne nin maskiin ah oo Geeley ah ayay xabad la dhaceen, waana dhintay” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Goobjoogaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mar kasta oo la qarxiyo ciidamada shisheeye ay badanaa rasaas furaan, taas oo ay waxyeelo kasoo gaarta rayidka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Burundi oo ku aadan qaraxa ay ciidamadooda la beegsatay kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan qaraxa ah ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo dhowaan uun soo galay deegaannadii horay loogala wareegay ee gobolkaasi oo ay dib u qabsadeen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa haatan gobolka ka wada guluf culus oo ay uga hortagayaan culeyska ay Al-Shabaab soo saareen gobolka Shabeellaha Dhexe.

C/raxmaan Cabdishakuur oo si cajiib ah u qeexay xaaladda dowladnimada Soomaaliya

Xilligii Dowladdii Rayadka ahayd, ciidanka qalabka sida waxaa lagu tababarayey in ay Dowladda (Dhulka, Nidaamka Dastuuriga ah, Shacabka & Xukuumadda) ka ilaaliyaan khataraha dibadda iyo gudaha.

Dibada ayey siyaasadda ka joogeen, waxayna ku tababarnaayeen in xukuumaduhu waqti go’an xilka haynayaan, isna beddelayaan, laakiin Dowladdu weligeed jirayso.

Boliiska Soomaaliya wuxuu ahaa kan ugu magaca iyo muunada sarreeya Bariga Afrika, wuxuu u xil-saarnaa dhowrista sharciga iyo kala dambeynta, ilaalinta nafta iyo hantida muwaadinka, ka hortagga, ogaanshaha iyo baarista dambiyada, ilaalinta nabadgelyada waddooyinka iyo la dagaallanka fallaagonimada iyo fulinta dhammaan shuruucda iyo xeerarka dalka.

Waxay qaadan jireen tababarka ugu fiican, waxay haysteen qalabka ugu wanaagsan, waxayna heli jireen mushaarka ugu badan. Waxay lahaayeen akadeemiyad tababar, Isbitaal lagu daweeyo iyo guryo lagu siiyo dayn ay muddo ku soo gudaan, taas ayaana keentay in ay Soomaaliya ahayd dalka ugu ammaanka badan Bariga Afrika, Booliskiisana laga masayro.

Sirdoonka wuxuu ka tirsanaa Booliska, waxayna ku shaqeyn jireen qarsoodi iyo sir buuxda, waxay la mid ahaayeen hawada oo ka dhignayd in ay meel walba joogaan, laakiin aadan arki karin.

Xaaskaaga, adeegahaaga guriga, waardiyahaaga, qofka aad wada shaqaysaan, saaxiibkaaga warbaahinta, darawalka, taksiilaha iyo umulisada ayaa ka mid ahaa, sidaa darteed adeegyada sirdoonka waxay ahaayeen halbowlaha Qaranka.

Waa ogaayeen waxa la yiri iyo cidda samaysay, sida ay u dhaceen, goobta ay ka dhaceen iyo goorta ay dhaceen, waxay ururin jireen oo ay falanqeynayaan dhammaan xogaha kala duwan ee la xariira waajibaadkooda shaqo, waxay u xilsaarnaayeen in ay ka hortagaan shirqool kasta oo lagu wiiqayo midnimada qaranka, waxay kaloo u taagnaayeen ka hortagga khataraha dibadda iyo gudahaba ee halista ku ah jiritaanka dowladda.

Ciidamada qalabka sida ee Milateriga, Booliska iyo Nabadsugidda waxay hoos imaanayeen maamulka rayidka waxayna fulinayeen awaamiirta xukuumad sharci ah ee xilligaa talada dalka haysa.

Waajibka ciidanka waxaa ka mid ahaa ilaalinta nidaamka dastuurka iyo hubinta in isbeddel siyaasadeed uusan noqon mid rabshado, fowdo & qalaalase leh.

Ciidankii dibadda ka joogay siyaasadda ayaa 1969kii taladii dalka la wareegay, waxay laaleen dastuurkii iyo Maxkamaddii Sare, waxay kala direen Baarlamaankii, waxay mamnuuceen Xisbiyadii Siyaasadeed.

Ciidankii ahaa hay’adda keli ah ee ka madaxbannaan siyaasadda, loollanka qabiil iyo kala qaybsanaan, una taagnaa ilaalinta jiritaanka qaranka ayaa siyaasaddii lugaha la galay, degmo ilaa madaxweyne iyagaa xilalkii iska buuxiyey, loollankii dhexdooda ahaa ee inqilaab, dil, shirqool, xabsi iyo jabhado lahaa ayaa dumiyey dowladdii.

Haatan, dalkeenna waxa ka jira ma aha dowlad ee waa qalfoofkii dowladda, sababtoo ah dowladdu dalka oo idil gacanta kuma hayso, mana laha ciidan qalab sida oo ah dhabarkii ay ku tiirsanaan lahayd oo difaaca xudduudaha berriga, bada iyo cirka, ilaaliya Nidaamka Dastuuriga ah, kana hortaga khataraha argagexisada iyo shirqoolka dibadda.

Dhinaca kale, waxaan tabar lahayn hay’adihii maamulka, maaliyada, iyo garsoorka ee halbawlaha u ahaa socodsiinta hawlaha dowladda iyo adeegga danta guud.

Waxaan xasilnayn oo heshiisna lagu ahayn siyaasaddii hagi lahayd dib u dhiska ciidanka iyo hay’adaha kale ee halbawlaha u ah dawladda.

Hoggaamiyayaasha dalkooda dowlad u dhisa, iyadoo ay caqabadahaasi jiraan, ama ka gudbiya marxalado halis ku ah jiritaanka dowladda waxaa loogu yeeraa rag dowladeed (Statesmen), shakhsiyaadkaasi waxay kulansadaan karti hoggaamineed, fogaan arag, daacadnimo, aqoon iyo xirfad dowladnimo.

Ilaa aan ka garano muhiimadda uu hoggaanku u leeyahay samatabixinta iyo jiritaankeenna ummadnimo, una hawlgalno sidii lagu heli lahaa, halistu waa ina dul hognaan doontaa.

W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Wasiir Jaamac oo muujiyey doorkii Mareykanku ku lahaa xil ka qaadistiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii xilka baneeyey ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya hogaaminayey afartii sano ee lasoo dhaafay ayaa maanta cadeeyey in dagaal kala dhaxeeyo Mareykanka, taasi oo sababtay xil ka qaadistiisa.

Khudbadii uu maanta jeediyey wasiir Jaamac wuxuu ku soo gabagabeeyey “Waxaan ku faraxsanaa culeys kasta oo aan la kulmay, anigoo ku adkeystay difaaca danaha qaranka Soomaaliyeed, waxaana leeyahay cid kasta oo neceb danaha qarankaan, adey taladii ku seegtaye warhooy Soomaaliya, Soomaalibaa leh.”

Sida ay horay u baahisay Caasimada Online, in xilka wasaaradda gaashaandhigga laga qaado wasiir Jaamac waxaa kaalin weyn ku lahaa Mareykanka oo ka mid ah dowladaha dhismaha ciidanka iyo dagaalka argagixisada ka kaalmeeya Soomaaliya.

Wasiir Jaamac oo saaxiib dhow la ahaa Turkiga ayaa ku guul darreystay inuu isku wado labada dowladood ee Turkiga iyo Mareykanka oo door weyn ka qaata dhismaha ciidanka xoogga dalka iyo dagaalka Khawaarijta, si gaar ah duqeymaha.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo maanta xilka wareejiyey ayaa si cad u diiday inuu u mahadceliyo Mareykanka oo dhamaan masuuliyiinta kale ee dowladda Soomaaliya aysan ka daalin mahad-celintiisa.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dowladaha Turkiga, Imaaraadka Carabta, Qatar, Masar, Uganda, Eritrea iyo Jabuuti oo aan ka helay taageeradii dhismaha awoodda difaaca qaranka Soomalaiyeed,” ayuu wasiir Jaamac oo aan halkaas ku xusin Mareykanka.

Sidoo kale, Wasiir Jaamac ayaa maanta u mahad celiyey dowladaha Soomaaliya u soo diray Ciidamada Midowga Afrika, isagoo sheegay in ciidamada uu dhisay ee xoogga dalka ay gaarayaan 20,000 oo askari, kuwaas oo dhismahooda ay gacan ka geysteen Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Eritrea.

Labo ilo wareed ayaa sheegay in dadaalladii Wasiir Cabdulqaadir uu ku doonayay inuu xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada difaaca, tamarta, iyo hawada sare ay ka careysiisay Washington, taas oo xiriir dhow la leh dhaqdhaqaaqa Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika.

Intii uu wasiirka ahaa Cabdulqaadir, Soomaaliya iyo Turkigu waxay February 2024 kala saxiixdeen heshiis ballaaran oo dhinacyada ciidamada badda, ganacsiga iyo difaaca ah.

Faahfaahinta heshiiskan looma shaacin si buuxda, laakiin waxaa ku jiray samaynta ciidanka badda Soomaaliya iyo sahanka kheyraadka tamarta, taas oo qayb ka ahayd jawaab-celin laga bixiyay heshiiska Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Ankara, isla markaana xiriir dhow la yeeshay madaxda Turkiga, ayaa la sheegay inuu ka xanaajiyay Maraykanka, taas oo sababtay inay dalbadaan in xilka laga qaado.

Mas’uul Soomaali ah ayaa u sheegay Middle East Eye in saraakiisha Maraykanku ay si joogto ah Madaxweyne Xasan Sheekh ugu cadaadinayeen inuu xilka ka qaado Nuur, iyagoo ku eedeeyay inuu iskaashi ku filan la samayn waayay ciidamada Maraykanka.

“Sidoo kale waxay codsadeen inay helaan nuqul ka mid ah heshiiskii la saxiixay February,” ayuu yiri mas’uulkaasi, isagoo intaa ku daray, “Waxay ka walwalsanaayeen qorshayaasha la xiriira in Turkigu Soomaaliya ka hirgeliyo saldhig hawada sare oo laga yaabo inay ku jiraan tijaabooyin gantaallo riddadoodu dheer tahay.”

Waxaa kale oo Maraykanka ka careysiiyay heshiisyada Turkigu kula galay Soomaaliya ee la xiriira sahminta shidaalka iyo gaaska.

Labada ilo ayaa sheegay in tallaabadii ugu dambeysay ee sii xumeysay xaaladda ay ahayd markii Turkigu Talaadadii hore Muqdisho keenay laba diyaaradood oo dagaal oo nooca Bayraktar Akinci ah, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddiga dagaalka ee DF oo qaaday tallaabo deg deg ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulankoodii ugu horeeyey isugu yimid guddigii lala yaabay ee maalmo ka hor ay xukuumadda Soomaaliya u xil saartay taakulada dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka ayaa guddoomiye looga dhigay guddigaas, waxaana xubno ka ah Cali Xoosh, Cali Xaaji, Xagaa, Bashiir Goobe, Maxamed Amiir iyo Maxamuud Macalin, xulashada guddigaan ayaa abuurtay hadal-heyn, waxayna dad badan aragtidooda ku cabireen in dowladdu aysan dagaalka daacad ka aheyn.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee xubnaha Guddigaan ay maanta yeesheen, waxaana kulanka soo camiray wasiirro kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray garab istaagga ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka dagaallamaya qeybo kamid ah gobollada dalka iyo sidii bulshada Soomaaliyeed “loogu baraarujin lahaa dhagarta ay kooxaha Khawaarijta ah u maleegayaan shacabka.”

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad, ayaa kulankaas ka sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Sidoo kale, wuxuu wasiirradii kulanka yimid ka dalbaday in si isku mid ah loo garab istaago ciidamada geesiyaasha ah ee xoogga dalka.

Cabdisalaan Dhaay ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ka doonayaan in ay gacan ka gaystaan difaaca dalka iyo ciribtirka cadowga argagixisada ah.

Dadka Soomaaliyeed ee isha ku haya talaabooyinka ay qaadeyso dowladdu ayaa aad u falanqeeyey markii ay soo baxday magacaabidda ragaan.

Aragtida bulshada ayaa ku saleysan in xubnahaan aysan laheyn tayo loogu xil-saaro dagaalka argagixisada oo ah mid culus oo u baahay qof geesi ah oo ku dhac leh, waxna tari kara ciidamada ama keeni kara aragti lagu guuleysan karo.