25.6 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Al-Shabaab oo cashir loogu dhigay 2 gobol – Maxaa 24-kii saac ee tegay dhacay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 24-kii saac ee la soo dhaafay, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisley waxay casharro lama ilaawaan ah u dhigeen kooxda Al-Shabaab.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo geesiyaasha Xoogga iyo kuwa deegaanka ay Shabaabka ugu dhigeen cashir lama ilaawaan ah.

Deegaanka Aboorey

Argagixisada ayaa lagu gaarsiiyay khasaare culus, kaddib dagaallo dhowr jeer la isku noqday oo socday muddo saddex maalmood ah. Waa deegaanka keliya ee argagixisada lagu gaarsiiyay jabkii ugu cuslaa tan iyo muddooyinkii u dambeeyay, iyagoo cududdooda isugu geeyay halkaas.

Waxaa la sheegay in kooxdaasi ay halkaas keeneen ajaaniibtii ugu badneyd, kuwaas oo u badnaa Oromada.

Muhiimadda deegaanka Aboorey u lahayd argagixisada waxay ahayd laba ujeeddo: Marka koowaad, inay deegaankaas kaga tallaabaan dhanka Yasooman, halkaas oo ay ku taallo dhul buuraley ah si ay weerarro uga fuliyaan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan ka tirsan.

Marka labaad, in ay gurmad degdeg ah ka helaan dhanka galbeed, gaar ahaan jiinka webiga Shabeelle. Gurmadkooda wuxuu ka imaan karaa deegaanada galbeedka Hiiraan sida Buq-Aqable, taasoo muujineysa istiraatiijiyadda muhiimka ah ee deegaanka Aboorey u leeyahay kooxdaasi.

Aboorey waxaa hadda ku sugan ciidamada qaranka iyo xoogagga xaq u dirirka deegaanka, waxaana mar kale la jebiyay Al-Shabaab, oo dib u gurtay kaddib markii ay ku guuldarreysteen weerarkii rogaal-celiska ahaa ee ay markale ku soo qaadeen deegaankaas.

Dagaalka Aadan Yabaal

Shalay duleedka degmada Aadan Yabaal wuxuu ahaa goob ay argagixisadu isku dayeen inay ku yareeyaan cadaadiska ay ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ku saareen Aboorey, si aysan u helin gurmad.

Labada dagaal oo isku waqti dhacay waxay muujinayaan sida sare ee uu u yahay mooraalka iyo isku xirka ciidamada. Saraakiishii hoggaaminaysay labada dagaal waxay muujiyeen adkeysi iyo dhiiranaan si ay u xaqiijiyaan ujeeddada dagaalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odawaa, iyo saraakiil kale oo ka tirsan XDS, NISA, iyo Macawiisley oo ku sugnaa Aboorey, waxay isku dhaarsadeen in argagixisada aan laga joojin xabbad iyo hub culus ilaa godadkooda laga soo saaro iyagoo meyd ah.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeystay, iyadoo dagaalka lagu xoojiyay diyaarado casri ah, kuwaas oo garab siinaya ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka si loo ciribtiro kooxaha argagixisada.

Xogta mashruuca marinka xiriirinaya Berbera iyo Addis Ababa ee qorshihiisu socdo

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa martigelisay shir muhiim ah oo lagu gorfeynayo horumarinta marinka ganacsi ee muhiimka ah ee isku xira dekedda Berbera (Somaliland) iyo magaalada Addis Ababa (Itoobiya).

Shirka waxaa ka qeyb-galay maayarro iyo mas’uuliyiin ka kala socday Dowlad-deegaanka Soomaalida iyo Somaliland. Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd sidii dib-u-habeyn iyo horumarin loogu sameyn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, si loo fududeeyo ganacsiga, isu-socodka dadka iyo badeecooyinka.

Marinkan ayaa loo arkaa inuu yahay xariiq istiraatiji ah oo xoojin kara xiriirka dhaqaale iyo bulsho ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Faa’iidooyinka mashruuca iyo aragtiyaha mas’uuliyiinta

Injineer Shaafi Axmed Macallin, maayarka magaalada Jigjiga, ayaa sheegay in marinkan uu xambaarsan yahay muhiimad weyn oo dhaqaale iyo istiraatiji ah, isagoo tilmaamay in uu fure u noqon karo isku xirka bulshada iyo kor u qaadidda iskaashiga gobolka.

“Waa mashruuc la isku hallayn karo oo wax weyn ka beddeli doona dhaqaalaha gobolka. Waxaa la rajeynayaa in dhammaan magaalooyinka uu marayo ay si wadajir ah uga faa’iideystaan,” ayuu yiri Injineer Shaafi oo la hadlay BBC-da.

Wuxuu sidoo kale xusay in shirkan lagu falanqeynayo caqabadaha iyo fursadaha mashruuca, iyadoo jaamacadaha maxalliga ah, sida Jaamacadda Jigjiga, ay sameeyeen daraasado ku saabsan saameynta iyo faa’iidada uu leeyahay.

Dekedda Berbera iyo doorka Itoobiya ee gobolka

Mashruuca dhismaha waddada isku xirta Berbera iyo Addis Ababa ayaa bilowday sanadkii 2021, kaddib heshiis dhex maray shirkadda DP World iyo Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya.

Shirkadda DP World ayaa ku dhawaaqday maalgelin dhan $1 bilyan oo doollar, taasoo la qorsheeyay in lagu fuliyo muddo 10 sano ah si loo horumariyo kaabayaasha ganacsi ee marinka muhiimka ah.

Dekedda Berbera, oo shirkadda DP World si weyn u ballaarisay, ayaa kaalinta 165-aad kaga jirta dekedaha ugu sarreeya caalamka, sida uu sheegay Bangiga Adduunka. Sidoo kale, waxay noqotay deked si weyn ula tartami karta kuwa kale ee gobolka Geeska Afrika.

Itoobiya, oo leh dad kor u dhaafaya 100 milyan, ayaa si weyn ugu baahan dekedo wax ku ool ah si ay uga soo dejiso badeecooyin iyo ugu dhoofiso wax soo saarka dalkeeda, sida bunka.

Inkasta oo Itoobiya muddo dheer ku tiirsaneyd dekedaha Jabuuti iyo Suudaan, haddana waxaa muuqata in ay dooneyso in ay balaadhiso xulashooyinkeeda, iyadoo qorsheyneysa in ay la wareegto saami ka mid ah dekedaha ay leeyihiin dalalka dariska ah.

Golaha Wasiirrada oo meel-mariyay heshiis cusub oo lala soo galay waddanka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar.

Heshiiskan ayaa ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, taas oo u oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka.

Golah ayaa looga warbixiyay guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada, isla markaana ay geesiyaasha qaranku deegaanno badan ka saareen Al-Shabaab.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixisada lagu sifeynayo.

Sidoo kale waxaa la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardar-galiyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada.

Golaha Wasiirrada ayaa dhawaan xaqiijiyay xoojinta howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo uu ra’iisul wasaaruhu magacaabay guddi taakulada geesiyaasha dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo Daacish.

Daawo: DF oo Muqdisho ku xirtay ciidamo kasoo cararay furimaha dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay askar ka tirsan ciidamadeeda oo kasoo baxsaday furimaha dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu xaqiijiyay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan “Shub”, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta oo loo diray dagaalka ay si fuleynimo ah uga soo baxsadeen aagga hore, kadibna ay kusoo laabteen Muqdisho. Taliyuhu wuxuu ku tilmaamay falkaas mid ceeb ku ah askartaas, sida uu hadalka u dhigay.

Taliye Shub ayaa xusay in askartii la qabtay lagu xiray xabsiga dhexe ee Xamar, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Rag isku mid ma aha, goobta dagaalka ayaa lagu kala baxaa. Kuwa fuleyda ahaa ee ka soo cararay jiidda hore annaga Muqdisho kuma dayn, waanu soo qabanay, waaran ayaana u jarnay, xabsiga ayaana ku shubnay,” ayuu yiri.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in weli ay baadi-goobayaan askari kale oo baxsad ah, isla markaana la filayo in mar dhow la soo qabto.

“Waxaa jira nin naga fakaday oo aan weli raadineyno, waana heli doonnaa, isaguna wuxuu geli doonaa Gaal Shire,” ayuu yiri Taliye Shub.

Dhanka kale, taliyaha ciidanka Asluubta ayaa ammaan u jeediyay askarta kale ee weli ku sugan furimaha dagaalka, isagoo ku bogaadiyay sida ay uga qayb-qaadanayaan howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada dalka.

Maalmo kahor ayaa Muqdisho laga sagootiyay ciidamo ka tirsan Asluubta, kuwaas oo loo diray furimaha hore si ay uga qayb-qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayna garab siiyaan ciidamada milateriga iyo kuwa deegaanka ee dagaalka ku jira.

Sidoo kale, ciidamo ka tirsan Booliska ayaa iyana lagu daray safka hore, si ay u xoojiyaan dagaallada ka socda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay Al-Shabaab isku dayeen inay dib usoo abaabulaan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa guulo la taaban karo ka gaaray dagaalladii u dambeeyay, iyagoo xoreeyay deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ka tirsan maamulka HirShabelle.

Sidoo kale, waxaa lagu dilay tiro badan oo maleeshiyaad ah iyo horjoogayaal ka tirsanaa kooxda, iyadoo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay si rasmi ah u shaacisay maydadka qaarkood.

Daawo: Maydka Jeneraal Sheegow oo diyaarad laga saaray garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online)Allah ha u naxariistee, waxaa haatan socota qabanqaabada aaska marxuum Jeneraal Sheegow Axmed Cali, oo saaka maydkiisa lagu wareejiyay ehelkiisa, kaddib markii uu dhowaan geeriyooday isaga oo xabsi ku jiray gacanta dowladda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa salaadda Janaasada lagula tukaday isbitaalka Digfeer, waxaana aaska ka qayb-galay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Liibaan Cali Yarow, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka oo kasoo jeeda beesha uu ka dhintay.

Maydka marxuumka oo dadweynuhu kasoo qaaday isbitaalka ayaa si lug ah loogu qaaday garoonka Aadan Cadde, halkaas oo diyaarad looga qaaday, waxaana ehelladiisu sheegeen in lagu aasi doono magaalada Jowhar oo uu deegaan ahaan kasoo jeeday.

“Waxaa la isku afgartay in la dhameystiro aaskiisa, dowladdana waxay ogolaatay in Jananka lagu wareejiyo ehelkiisa,” ayuu yiri Dr. Mahad Hashim oo ka mid ah ehellada.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray: “Beesha Jareerweyne ayuu ka dhintay AUN Jeneraal Sheegow, maydkiisana maanta waxaan ku aaseynaa magaalada Jowhar.”

Sheegow ayaa horay loo sheegay in xanuunkiisu uu kasoo bilowday cagaarshow, balse uu ugu dambeyn u dhintay kansar, sida uu toddobaadkii hore warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka warfaafinta ee HirShabeelle, Cabdishakuur Shaashaa, oo Jananka qaraabo la ahaa.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay isbitaal geysay Jeneraalka, haddana ehelkiisu waxay ku doodayaan inuu u dhintay dayacaad caafimaad, maadaama uusan helin daryeel ku filan.

Jeneraal Sheegow ayaa loo xiray iska horimaad Muqdisho ku dhex maray ciidamo uu hoggaaminayay iyo kuwa dowladda. Kaddib qabashadiisa, waxaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa haatan socda dadaallo lagu doonayo in lagu sii daayo 22 dhalinyaro ah oo lala xiray Jeneraalka, kuwaas oo ehelladoodu codsanayaan in xorriyaddooda dib loo siiyo.

“Waxaa kale oo jira 22 dhalinyaro ah oo maxaabiis ah, kuwaas oo dowladda u xiran. Howlo farsamo oo haatan socda ayaa jira, marka la dhameystiro iyagana waa la sii deyn doonaa,” ayuu mar kale yiri Dr. Mahad Hashim oo ka mid ah ehellada marxuum Sheegow.

Puntland oo gashay xaalad adag, kadib arrin culus oo soo korortay (Warbixin)

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda Gargaarka ee Dowlad-goboleedka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday xaalad adag oo ka taagan deegaannada maamulkaasi, taasoo sababtay barakac, dhimasho xoolo, iyo kororka cudurro la xiriira biyo la’aanta.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in abaar baahsan ay ku dhufatay guud ahaan Puntland, iyadoo xaalado aad u adag laga soo sheegayo dhammaan gobollada iyo deegaannada maamulka.

Qiimeyn la sameeyay ayaa muujineysa xaalad degdeg ah oo la xiriirta nafaqo-xumo sii kordheysa, gaar ahaan haweenka iyo carruurta ku sugan Puntland.

Wasaaradda ayaa soo saartay baaq degdeg ah oo ku saabsan wax-ka-qabashada xaaladaha bani’aadanimo ee ka soo kordhay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

“Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Puntland ayaa baaq kasoo saartay xaaladda abaareed ee ka jirta deegaannada Puntland, taasoo sababtay biyo la’aan baahsan oo saameysay dhammaan gobollada iyo deegaannada maamulka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay farriin culus u dirtay hay’adaha samafalka, iyadoo ugu baaqday inay qaataan doorkooda, una gurmadaan qoysaska ay saameeyeen xaaladaha adag ee ka taagan Puntland.

“Wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa hay’adaha bah-wadaagta la ah ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadanimada inay ka qeyb qaataan sidii gargaar biyo-dhaan ah loogu sameyn lahaa dadka ay abaartu saameysay,” ayaa lagu sii daray bayaanka.

Intaas waxaa lagu daray in, “Wasaaradda ay ku hawlan tahay sidii looga hortagi lahaa khataraha ka dhalan kara abaaraha iyo yaraanta biyaha ee ka jira deegaannada Puntland.”

Puntland ayaa hore ugu jirtay xaalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Daacish, waxaana hadda kusoo biiray dhibaato bani’aadanimo oo si weyn u saameysay bulshada deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, guud ahaan Soomaaliya waxaa laga soo warinayaa abaar daran, iyadoo roobabkii la filayay aysan di’in, arrintaasoo uga sii dartay kuleylka iyo xaaladda abaarta ee dalka ka jirta.

Cabdikariin Qalb-dhagax oo xil sare loo doortay maanta

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa maanta loo doortay hoggaanka sare ee ururka ONLF, kadib kulan ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaas oo ay isugu yimaadeen xubnaha ururka.

Golaha Dhexe ee ONLF ayaa xilkan u doortay Qalbi-dhagax, iyagoo xilkii guddoomiyenimo ka qaaday Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku kacay tallaabooyin ka hor imaanaya xeer-hoosaadka ururka.

War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay ONLF ayaa lagu sheegay in guddoomiyihii hore uu jabiyay xeer-hoosaadka ururka, faragelinna ku sameeyay habraaca go’aan-qaadashada, isla markaana khatar geliyay badqabka xubnaha xisbiga.

Kaddib xil ka qaadistaas, Cabdikariin Qalbi-dhagax oo horey u ahaa ku-xigeenka guddoomiyaha ONLF, ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka guddoomiyaha, wuxuuna sii hoggaamin doonaa ururka ilaa laga gaarayo shirweynaha guud ee xiga.

Sidoo kale, ururka ONLF ayaa hoosta ka xariiqay in mowqifkiisu weli yahay sidii hore, islamarkaana uu taageersan yahay heshiiskii nabadeed ee la gaaray sanadkii 2018, kaas oo ay ku tilmaameen tiirka nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan deegaan Soomaalida Itoobiya.

Qalbi-dhagax, oo ah sarkaal sare oo ururka ONLF ah, ayaa si weyn loogu xasuustaa doorkiisii dagaalka ururka, iyadoo xusuus gaar ahna loo hayo dhacdadii ay dowladda uu hoggaaminayay Farmaajo ugu gacan gelisay Itoobiya. Arrintaas ayaa dhaliyay caro weyn, hase yeeshee markii dambe ayuu dib u helay xorriyaddiisa, kaddib isbeddallo siyaasadeed oo ka dhacay Itoobiya.

Isbeddelka haatan lagu sameeyay hoggaanka sare ee ONLF ayaa kusoo beegmaya xilli uu khilaaf culus u dhexeeyo ururka iyo maamulka Madaxweyne Mustafe Cagjar, kaas oo ay isku hayaan arrimo la xiriira maamulka dowlad-deegaanka Soomaalida.

Ururka ONLF ayaa dhowaan ku eedeeyay Mustafe Cagjar waxqabad la’aan iyo hoggaan xumo, taasoo uu madaxweynaha si adag uga jawaabay, isagoo eedeymahaas ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn.

Cagjar ayaa dhankiisa ONLF ku sifeeyay koox adag oo aan dulqaad badan lahayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Baahiyaha shacabka deegaanka haysta waa badan yihiin, dowladduna marnaba kuma doodin inay ka jawaabi karto dhammaan baahiyaha horumarineed ee shacabka. Waxay ka jawaabeysaa kuwa ay u aragto in lagu xallin karo tabarta jirta,” ayuu yiri Madaxweyne Cagjar.

Si kastaba ha ahaatee, ururka ONLF ayaa si cad u muujiyay niyad-jab uu ka qabo tallaabooyinkii u dambeeyay ee xisbiga talada haya, taasoo hoos u dhigtay kalsoonidii labada dhinac, kuwaas oo horay u yeeshay wada-hadallo lagu xallinayay khilaafkooda siyaasadeed.

Halka laga dhisayo xarunta dayax-gacmeedka Turkey ee Soomaaliya oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) Dhaqdhaqaaq aan horay loo arag oo ay qabteen dayax-gacmeedyo sirdoon oo caalami ah ayaa laga dareemay xeebaha Soomaaliya, taas oo dhalisay walaac sii kordhaya oo ku saabsan barnaamijka hawada sare ee Turkiga ee si xawli ah u kobcaya.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Intelligence Online, oo ah hay’ad sirdoon oo fadhigeedu yahay Faransiiska, dayax-gacmeedyo casri ah oo ay leeyihiin shirkadda Maraykanka ah ee Maxar, kooxda Faransiiska ah ee Airbus Defence and Space, iyo shirkadda Shiinaha ee Changguang Satellite Technology, ayaa si joogto ah ula socday laba goobood oo gaar ah oo ku yaalla gudaha Soomaaliya.

“Tirada badan ee sawirrada la qaaday” ayaa si cad u muujinaysa in dadaal xooggan lagu bixinayo la socodka dhaqdhaqaaqyada ka dhacaya goobahaas.

Falanqaynta Intelligence Online ayaa tilmaamaysa in mid ka mid ah goobahaas, oo ku taalla xeebta magaalada Kismaayo, loo maleynayo inuu yahay saldhig sahayda lagu kaydiyo.

Goobta labaad, oo ku taalla meel ku bannaanka Jamaame ee dhanka koonfur-bari balse xigta dhinaca xeebta, ayaa loo arkaa inay tahay halka laga dhisayo saldhigga hawada sare ee Turkiga – mashruuc uu Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ku dhawaaqay bishii November ee la soo dhaafay.

Inkasta oo dowladdu ay dhowr toddobaad kadib si rasmi ah u xaqiijisay mashruuca, haddana lama sheegin faahfaahin ku saabsan halka ama goorta la dhisayo saldhigga. Intelligence Online waxay rumaysan tahay in kormeerayaashan caalamiga ah ay haatan iyagu si gaar ah u ogaadeen xogtaas.

Jamaame oo si gaar ah loola socdo

Kormeerka xooggan ee dayax-gacmeedyada caalamiga ah ay si gaar ah u diiradda saareen bannaanada Jamaame ayaa si weyn u muujinaya in halkaasi ay tahay goobta loo asteeyay saldhigga hawada sare ee Turkiga. Tani waxay la jaanqaadaysaa hadalkii Madaxweyne Erdoğan, waxayna dhalinaysaa su’aalo muhiim ah oo la xiriira saameynta istiraatiijiyadeed ee xarun noocaas ah ku yeelan karto Geeska Afrika oo ah gobol xasaasi ah.

Daba-galka joogtada ah ee ay sameeyeen quwadaha waaweyn ee dunida ayaa muujinaya heerka walaaca ay ka qabaan waxa Turkigu ka wado gobolka, iyo sida ay ugu baahan yihiin in si dhab ah loo fahmo ujeedada iyo qorshihiisa dhabta ah ee mashruuca.

Saldhigga dayax-gacmeedka ka sokow, Intelligence Online waxay sheegtay in yoolalka istiraatiijiyadeed ee Turkiga ay sidoo kale ku wajahanyihiin horumarinta awoodda difaaca. Sida lagu sheegay xogtii hore, Ankara waxay muujisay inay dooneyso saldhig madax-bannaan oo dayax-gacmeedyo laga tuuro oo ku dhow dhul-baraha.

Iyadoo Soomaaliya ay leedahay “muuqaal si toos ah ugu furan Badweynta Hindiya,” warbixintu waxay tilmaamaysaa in dalka uu yahay “goob istiraatiiji ah” oo ku habboon saldhig noocaas ah. Qorshahan ayaa la mid ah kan Talyaaniga oo raba inuu dib u furo saldhiggiisii hore ee Kenya, iyo xiisaha Sacuudigu ka qabo saldhigga Duqm ee dalka Cumaan.

Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in Turkigu “uusan ku koobnayn oo keliya dhismaha saldhigga dayax-gacmeedka.” Ankara waxay sidoo kale raadineysaa “goob ku habboon oo ay ka dhisto xarun lagu tijaabiyo gantaallo waaweyn oo masaafado fog fog u duula.”

Dhismaha juqraafiyeed ee Turkiga ayaa ka dhigaya tijaabooyinkaasi kuwo adag in la sameeyo – waxaana si fudud ula socon kara quwado kale – maadaama gantaalladu ay u duuli karaan dhanka Badda Midhiterranean ama Badda Madow.

Dhanka kale, dhulka baaxadda leh ee Soomaaliya oo dad yari ku nool yihiin ayaa bixinaya jawi aad u habboon oo lagu sameeyo tijaabooyin noocaas ah, iyada oo laga fogaado meelaha si weyn loo deggan yahay, isla markaana laga yaabo inay yaraato indho-indheynta caalamiga ah marka la joogo marxaladaha ugu muhiimsan ee tijaabada.

Maxamuud Yuusuf Cali oo bah-dilay safiirka Israa’il ee Itoobiya – Sidee wax u dhaceen?

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya ayaa laga saaray kulan uu qabanaye Midowga Afrika toddobaadkan, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid liddi ku ah sharafkiisa.

Mas’uul Israa’iili ah oo la hadlay wakaaladda wararka Associated Press Arbacadii ayaa sheegay in safiirka laga saaray xafladda sannadlaha ah ee lagu xusayo xasuuqii Rwanda ee 1994, kaddib codsi uu bixiyay guddoomiyaha Guddiga Fulinta Midowga Afrika, Maxamuud Yuusuf Cali, oo ka soo jeeda Jabuuti.

“Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Midowga Afrika wuxuu doortay inuu madasha kusoo daro arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah Israa’iil,” ayuu yiri safiirka Israa’iil, Avraham Nigusse, oo Talaadadii ku baahiyay hadalkan baraha bulshada. Waxa uu intaas ku daray in dhacdadani “muujinayso faham la’aan qoto dheer oo laga qabo taariikhda dadka Rwanda iyo Yuhuudda,” isagoo xusay in uu casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Rwanda.

Afhayeen u hadlay Maxamuud Yuusuf Cali, oo hore u ahaan jiray wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, kama jawaabin codsiyo dhowr ah oo la xiriiray faallo laga sugayay. Maxamuud ayaa xilka guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika la wareegay bishii Febraayo, isagoo mudda-xileedkiisu yahay afar sano.

Diblomaasi ka tirsan Midowga Afrika oo la hadlay warbaahinta Arbacadii ayaa sheegay in safiirka Israa’iil laga saaray munaasabadda maadaama aysan hadda haysan xubinimadii “goobjooge” ee hay’adda, taasoo xarunteedu tahay Addis Ababa, caasimadda Itoobiya.

Isra’iil waxay dib u heshay maqaamka goobjooge ee Midowga Afrika sanadkii 2021, labaatan sano kaddib markii laga qaaday, sababo la xiriiray khilaafkeeda kala dhaxeeya Falastiiniyiinta. Si kastaba ha ahaatee, sannadkii 2023 ayaa mar kale la hakiyay, iyadoo arrintaas loo gudbiyay guddi madaxda Afrika ka kooban si dib u eegis loogu sameeyo.

Guddigaasi weli ma uusan soo saarin go’aan kama dambeys ah. Bishii Febraayo ee sannadkii hore, diblomaasi sare oo Israa’iili ah ayaa sidoo kale laga saaray shir-madaxeedkii Midowga Afrika, kaddib markii lagu helay inuusan haysan aqoonsi rasmi ah oo u oggolaanaya ka qeybgalka.

Midowga Afrika wuxuu xiriir dhow la leeyahay Falastiiniyiinta, iyadoo madaxda Falastiin marar badan lagu casuumo inay khudbado ka jeediyaan shirarka waaweyn ee ururka.

Bishii hore, Israa’iil waxay jebisay xabbad-joojin waxayna dib u billowday duullaankeeda milatari ee Gaza. Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in in ka badan 50,000 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay dagaalka, tan iyo weerarkii ay kooxda Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023.

Koonfur Afrika, oo ah dal xubin ka ah Midowga Afrika oo miisaan weyn ku leh, ayaa dacwad ka dhan ah Israa’iil u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), iyadoo ku eedaysay xasuuq ay ka geysatay Gaza. Israa’iil ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, waxayna ku tilmaantay kuwo “laga xumaado oo been abuur ah.”

Somali President excludes Madobe from key national talks

MOGADISHU, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has ruled out the participation of Jubaland leader Ahmed Mohamed Islam “Madobe” in a planned round of national consultation talks, signaling a decisive shift in the federal government’s approach to political dialogue.

According to Caasimada Online sources familiar with a recent closed-door meeting between President Mohamud and U.S. Ambassador Richard H. Riley, the president outlined a two-stage plan to foster consensus on key national priorities.

The first phase will be open to all Somali politicians and focus exclusively on strategies to defeat the Al-Shabaab insurgency. These discussions are expected to be broadcast live on national television to promote transparency and inclusivity.

However, the second phase—described by Villa Somalia as a “governing conversation”—will be restricted to top federal and state officials. Participation will be limited to leaders with what the presidency views as constitutional mandates and decision-making authority.

No Madobe participation

President Mohamud has expressed a willingness to engage directly with Puntland’s President, Said Abdullahi Deni, but has made it clear that Madobe will not be part of the discussions.

“This is not a reunion. It’s a conversation for those with political responsibility,” said an official from Villa Somalia. “Only those capable of making binding decisions will take part.”

The exclusion of Madobe reflects the federal government’s view that his political mandate is no longer valid—a position that further complicates Somalia’s already delicate federal structure.

While regional leadership disputes are not new, this marks the first time a federal president has explicitly ruled out a federal member state leader from participating in such high-level talks.

The United States, a key partner in Somalia’s security and stabilization efforts, has been briefed on the plan. Ambassador Riley reportedly encouraged President Mohamud to ensure the process remains as inclusive as possible, though the final structure of the talks appears firmly in place.

The broader context remains tense. Although Somalia held federal elections in 2022 following lengthy delays, political divisions persist—particularly over a recent package of constitutional amendments passed by the cabinet and parliament, which Puntland and other opposition groups have rejected.

Meanwhile, Somali government forces, supported by local Ma’wisleey militias and international partners, are engaged in a sustained military campaign against Al-Shabaab in central regions. The group continues to pose a serious threat, often exploiting political uncertainty to regroup and carry out attacks.

With the African Union’s new stabilization mission (AUSSOM) underway following the end of the ATMIS mandate, the urgency to align national leadership around a unified strategy is growing. President Mohamud has positioned the upcoming consultations as crucial for political and security stabilization.

Whether excluding confident leaders will strengthen or strain that effort remains to be seen.

Sacuudi Carabiya oo hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 14 dal + Magacyada iyo sababta

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si ku-meelgaar ah u hakisay dhowr nooc oo fiisooyin ah oo loogu talagalay muwaadiniinta 14 dal, oo ay ka mid yihiin Masar, iyadoo ay socoto u diyaar garowga xilligii xajka.

Sida ay u xaqiijiyeen mas’uuliyiin u warramay ARY News, joojinta fiisooyinka Cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoyska ayaa looga golleeyahay in laga hortago dadka aan iska diiwaangelin ee isku dayaya inay xajka u gutaan si sharci-darro ah.

Sanadihii la soo dhaafay, dad badan oo xajiyiin ah ayaa ku sii nagaanayay dalka kadib marka ay dhacdo muddada fiisadooda, iyagoo isku dayaya inay si qarsoodi ah uga qaybqaataan xajka. Arrintan ayaa sababtay ciriiri xad dhaaf ah iyo walaac dhanka amniga ah.

Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale muujiyeen cabsi laga qabo in dad wata fiisooyin ganacsi ama qoys ay u beddelaan inay si sharci-darro ah uga shaqeeyaan gudaha dalka, taasoo saameyneysa suuqa shaqada isla markaana ku xad-gudbeysa shuruudaha fiisada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa sheegtay in tallaabadani ay ujeedadeedu tahay in lagu nidaamiyo habraacyada socdaalka loogana shaqeeyo badbaadada xilliga xajka. Qof kasta oo lagu helo inuu si sharci-darro ah ugu sugan yahay Boqortooyada waxaa laga yaabaa in laga mamnuuco gelitaanka dalka muddo shan sano ah.

Dalalka ay joojintu saameysay waxaa ka mid ah: Hindiya, Pakistan, Bangladesh, Masar, Indonesia, Ciraaq, Nigeria, Urdun, Aljeeriya, Suudaan, Itoobiya, Tuunis, Yemen, iyo Marooko.

Mas’uuliyiintu waxay u sheegeen ARY News in dadka haysta fiisada Cumrada ay wali geli karaan boqortooyada illaa 13-ka Abriil. Si kastaba ha ahaatee, hakinta fiisada ayaa la filayaa inay sii socoto ilaa bartamaha bisha Juun, marka uu xajku si rasmi ah u soo gabagaboobo.

In ka badan 1,000 oo qof oo ku dhintay xajka 2024

Xilliga xajka ee 2024, ugu yaraan 1,301 xaaji ayaa geeriyooday, badankoodna waxaa sababay kulaylka daran. Inta badan dadka dhintay ma haynin ruqsad xaj oo rasmi ah.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in ilaa 400,000 oo xaaji aan iska diiwaangelin ay ka qayb galeen xajka sanadkan, tiro badan oo ka mid ahna ay ka yimaadeen Masar.

Dal kasta waxaa loo qoondeeyaa tiro cayiman oo ruqsado xaj ah oo lagu qaybiyo nidaam cabbir iyo lotari ah. Si kastaba, sababo la xiriira kharashka sarreeya ee baakadaha xajka rasmiga ah, dad badan ayaa isku daya inay si aan sharci ahayn uga qaybqaataan xajka.

Xaajiyiin badan oo aan is diiwaangelin badanaa ma helaan adeegyo muhiim ah sida teendhooyin qabow leh, isbitaallo, ama adeegyo gurmad degdeg ah — taasoo khatar sii gelisa safarka xajka oo horeyba u ahaa mid adag oo culus.

Egypt backs Somalia’s unity amid Horn of Africa tensions

CAIRO, Egypt – Egyptian Foreign Minister Badr Abdelatty held talks on Wednesday with his Somali counterpart, Ahmed Moallim Fiqi, reaffirming Egypt’s full support for Somalia’s sovereignty, stability, and national institutions during mounting tensions in the Horn of Africa.

During the meeting in Cairo, Abdelatty stressed Egypt’s deep respect for Somalia’s territorial integrity and unity, underlining the importance of preserving the country’s cohesion in the face of growing security challenges.

He also highlighted the need to strengthen cooperation between the two countries in combating terrorism and extremist ideologies that continue to destabilize the region.

Abdelatty called for increased regional and international efforts to confront terrorism, urging joint action to tackle the root causes of violence and insecurity. He reaffirmed Egypt’s readiness to stand with Somalia as it rebuilds state institutions and restores peace.

The two ministers emphasized the value of close coordination between Cairo and Mogadishu on regional and global issues, particularly in forums focused on the Horn of Africa. Both sides praised the long-standing and friendly relationship between Egypt and Somalia, shaped by decades of cultural, political, and religious ties.

This diplomatic engagement follows the December 2024 Ankara Declaration, a significant development where Turkey successfully mediated talks between Somalia and Ethiopia. The agreement aimed to resolve tensions arising from Ethiopia’s earlier maritime deal with Somaliland, which had threatened to destabilize the region.

Under the Ankara Declaration, both nations agreed to respect Somalia’s sovereignty while facilitating Ethiopia’s access to the sea through Somali territory, marking a pivotal step towards regional stability .​

Egypt, which has been locked in a years-long dispute with Ethiopia over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) on the Nile, sees the latest developments as a strategic concern in its broader regional calculus. 

For Egypt, reaffirming its support for Somalia is more than a gesture of solidarity—it reflects a calculated effort to maintain influence in the Red Sea and the Horn of Africa, where geopolitical competition is intensifying.

Somali Foreign Minister Fiqi expressed his appreciation for Egypt’s continued support, particularly during moments of political uncertainty and external pressure. He voiced Somalia’s strong desire to deepen bilateral ties with Egypt and work together to promote regional stability and development.

Maamulka madaxweyne Trump oo ka laabtay go’aan ka dhan ahaa Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Maamulka Trump ayaa dib u bilaabay gargaar cunto oo degdeg ah oo dhan $169.8 milyan oo la siinayo Soomaaliya, isagoo ka laabtay go’aan lama filaan ah oo hakiyay gargaarkaas – arrin cabsi badan ku abuurtay hay’adaha samafalka iyo bulshada Soomaaliyeed, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo la hadlay Reuters.

Lacagtan ayaa lagu maalgelinayaa barnaamijyo muhiim ah oo ay waddo Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kuwaas oo ay ka mid yihiin nafaqeynta carruurta nafaqo darradu saameysay, bixinta raashiin gargaar ah, iyo adeegyada duulimaadka degdegga ah ee bani’aadannimo.

Soomaaliya waxay ka mid ahayd dhowr dal oo si lama filaan ah loogu hakiyay gargaarka toddobaadyo ka hor, iyadoo tallaabadaasi qayb ka ahayd isbeddel ballaaran oo lagu sameeyay siyaasadda gargaarka dibadda ee Mareykanka ee Madaxweyne Donald Trump.

Go’aanka degdegga ah ee dib loogu celiyay gargaarka, wax yar un ka dib markii la hakiyay, wuxuu muujinayaa cadaadis gudaha ah oo sii kordhaya iyo jahawareer hareeyay qaabka maamulka Trump u wajahayo arrimaha gargaarka bani’aadannimo.

Sida ay sheegeen lix ilo-wareed oo arrintan si dhow ula socda, ugu yaraan lix barnaamij oo gargaar ah ayaa dib loo hawlgeliyay – oo ay ku jiraan barnaamijyada raashiinka ee Soomaaliya, Suuriya, Lubnaan, Urdun, Ciraaq iyo Ecuador.

Go’aanka dib-u-celinta ayaa lagu shaaciyay email gudaha ah oo uu diray ku-simaha ku-xigeenka aAgaasimaha USAID Jeremy Lewin, oo hore uga tirsanaa Waaxda Hufnaanta Dowladda ee uu hoggaamiyo Elon Musk.

Jahawareer gudaha ah iyo isbeddello degdeg ah oo ka jira USAID

“Waan ka xumahay isbeddelka badan ee abaalmarinnada,” ayuu Lewin ku qoray farriinta ay heshay Reuters. “Waxaa jira dhinacyo badan oo daneynaya arrimahan, waana in aan si wanaagsan u dheelitirnaa danta guud. Anigaa qaladka iska leh, mas’uuliyaddana waan aqbalayaa.”

Kooxda Stand Up for Aid, oo ka kooban saraakiil hore iyo kuwo xil haya, ayaa sheegtay in qandaraasyada WFP ee la joojiyay ee dalalka Lubnaan, Suuriya, Soomaaliya iyo Urdun ay gaareen in ka badan $463 milyan. Qaybta Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu wajahneyd taageero loogu talagalay bulshooyin nugul oo wajahaya cunto-yari ba’an.

Reuters ayaa horey u soo tabisay in maamulka Trump uu hakiyay barnaamijyo gargaar oo ka jiray in ka badan 12 dal — oo ay ku jiraan Afgaanistaan, Yemen, Soomaaliya, iyo Suuriya — taasoo ka dhigan jaris ka badan $1.3 bilyan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa horay ugu oggolaaday qaar ka mid ah barnaamijyadaas inay helaan ka-dhaafis miisaaniyadeed, balse barnaamijyo badan ayaa si kedis ah loo hakiyay dhammaadkii toddobaadkaas.

Hay’adaha samafalka ayaa si weyn uga walaacay arrintaas. Isniintii, WFP ayaa ka digtay in jarista gargaarka cunnada ee degdegga ah ee 14 dal ay noqon karto “xukun dil ah” oo lagu riday malaayiin qof oo durba ku nool xaalad gaajo daran.

Gargaar dibadeed oo ay la socdaan shuruudo

Wasaaradda Arrimaha Dibadda kama aysan hadlin markiiba dib-u-soo-celinta gargaarka, balse afhayeenkeeda Tammy Bruce ayaa markii dambe saxaafadda u sheegtay in maamulka Trump uu weli u heellan yahay gargaarka dibadda – inkastoo ay jiraan shuruudo.

Waxay sheegtay in Mareykanku uu hakiyay gargaarkii loogu talagalay Afgaanistaan oo ay xukumaan Taliban iyo Yemen oo ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta, iyadoo laga baqayo in gargaarkaasi uu u faa’iideeyo kooxaha hubeysan.

“Barnaamijyo dhowr ah ayaa si qalad ah loo joojiyay, balse hadda waa la soo celiyay oo dib ayaa loo hawlgeliyay,” ayay tiri Bruce.

Si kastaba, dhaleeceeyayaashu waxay sheegeen in isbeddellada joogtada ah ee maamulka Trump ay muujinayaan dhibaato weyn. Maamulku wuxuu si weyn u jaray miisaaniyadda USAID — hay’adda u xilsaaran maaraynta gargaarka bani’aadannimo ee Mareykanka.

Bilyaanno dollar ayaa laga jaray tan iyo markii uu Trump mar labaad xafiiska la wareegay bishii Janaayo, iyadoo go’aannadaas ay inta badan ahaayeen kuwo aan laga fiirsan oo ay hareeyeen isbeddello degdeg ah iyo jahawareer gudaha ah.

Xildhibaannada Dimuqraadiga ee Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka ayaa warqad ay u direen Xoghayaha Rubio ku muujiyay walaac, iyagoo si adag u dhaleeceeyay qorshaha lagu doonayo in lagu hoos geeyo USAID Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taasoo ay ku tilmaameen “mid dastuuri-darro ah, sharci-darro ah, aan caddaalad ahayn, waxyeello leh, isla markaana aan habboonayn.”

Waqtigan xaadirka ah, barnaamijyada gargaarka degdegga ah ee cunnada Soomaaliya waa la soo celiyay. Hase yeeshee, hubanti la’aanta ka taagan gargaarka Mareykanka ayaa weli jirta — iyadoo malaayiin qof ay wali ku sugan yihiin xaalad mugdi ah.

MASAR oo mar kale garab istaag xooggan u muujisay Soomaaliya kadib markii…

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa Arbacadii wadahadallo rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, isagoo mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee Masar u hayso madax-bannaanida, midnimada, iyo xasilloonida Soomaaliya, xilli xiisado siyaasadeed ay ka taagan yihiin Geeska Afrika.

Intii uu socday kulanka ka dhacay Qaahira, Abdelatty wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay Masar uga go’an tahay dhowrista midnimada dhuleed iyo wadajirka siyaasadeed ee Soomaaliya. Wuxuu xusay in ilaalinta midnimada dalka ay lama huraan u tahay la tacaalidda caqabadaha amni ee isa soo taraya.

Sidoo kale, wuxuu muujiyay muhiimadda iskaashi dhow oo labada dal ku dhex mara la-dagaallanka argagixisada iyo fikradaha xagjirka ah ee wiiqaya nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Abdelatty wuxuu ku baaqay in la xoojiyo dadaallada gobolka iyo beesha caalamka ee lagula tacaalayo argagixisada, isagoo carabka ku dhuftay baahida loo qabo tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabto sababaha salka u ah rabshadaha iyo xasillooni darrada.

Wuxuu mar kale caddeeyay in Masar ay diyaar u tahay inay garab istaagto Soomaaliya inta ay dib u dhiseyso hay’adaha dowliga ah ayna xasillooni buuxda ku soo celineyso gudaha dalka.

Labada wasiir waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in labada dal si joogto ah uga wadashaqeeyaan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan madalaha lagu falanqeeyo xaaladaha Geeska Afrika. Waxay si wadajir ah u ammaaneen xiriirka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, oo salka ku haya is-dhaafsi dhaqan, siyaasadeed, iyo diimeed muddo dheer soo taxnaa.

Wadahadalladan ayaa yimid kadib heshiiskii muhiimka ahaa ee Bayaankii Ankara oo la gaaray bishii Diseembar 2024, kaasoo uu Turkigu ka dhex-dhexaadiyay Soomaaliya iyo Itoobiya. Heshiiskaas ayaa lagu xalliyay xiisad ka dhalatay heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland, kaasoo khatar geliyay xasiloonida gobolka.

Bayaanka Ankara wuxuu dhigayay in labada dhinac ay ixtiraamaan madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana loo oggolaado Itoobiya inay marin badeed ku hesho iyada oo loo marayo dowladda Soomaaliya. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid horseedi karta degganaansho ballaaran oo gobolka ah.

Masar, oo horey khilaaf ballaaran uga dhexeeyay Itoobiya arrinta Biyo-xireenka Weyn ee Webiga Nile (GERD), waxay horumarkan cusub u aragtaa mid si toos ah u taabanaya danaha istaraatiijiyadeed ee ay ku leedahay gobolka.

Taageerada Masar ay mar kale u muujisay Soomaaliya waxa ay ka tarjumaysaa in ka badan xiriir diblomaasiyadeed oo saaxiibtinimo ah—waxa ay muujinaysaa dadaal la xisaabtamay oo ay Masar ku doonayso inay xoojiso saameynteeda siyaasadeed ee Badda Cas iyo Geeska Afrika, meelahaasoo uu tartanka geostrategic-ku sii xoogeysanayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Masar taageeradeeda joogtada ah, gaar ahaan xilliyada ay jirto hubanti la’aan siyaasadeed iyo cadaadis dibadeed. Wuxuu xusay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la sii xoojiyo xiriirka laba-geesoodka ah ee kala dhaxeeya Masar, si wadajir loogu shaqeeyo nabadda, horumarka, iyo xasilloonida gobolka.

Dubai to host the 2nd global Islamic FinTech awards 2025

A Prestigious Celebration of Innovation and Excellence in Shariah-Compliant Financial Technology

 (April 09, 2025 Dubai – UAE): The 2nd Global Islamic FinTech Awards organized by AlHuda Centre of Islamic Banking and Economics (CIBE) will take place on April 15, 2025 at the Dusit Thani Hotel Dubai, UAE. This esteemed event will recognize and honor groundbreaking achievements in Islamic FinTech, spotlighting the individuals, organizations and initiatives that are driving the convergence of financial technology and Shariah-compliant solutions.

As the Islamic FinTech sector continues to flourish—valued at $100 billion and projected to reach $180 billion by 2026—the awards ceremony will serve as a global platform to celebrate innovation, ethical finance, and financial inclusion. The event will coincide with the 2nd Global Islamic FinTech Forum (GIFT 2025), creating a synergistic environment for knowledge-sharing, networking, and collaboration among industry leaders, regulators, and innovators. They will explore cutting-edge developments in digital payments, Blockchain solutions, Islamic crowdfunding, and wealth management.

The awards will honor achievements across a diverse range of categories, including Best Islamic FinTech Startup, Shariah-Compliant Investment Platforms, Tech for Social Good, Best Islamic Digital Bank, and Best Islamic Blockchain Solution. Other notable categories include Best Islamic Cryptocurrency and Excellence in Islamic FinTech Regulation, showcasing the breadth of innovation in the sector.

Nominations are open through self-submissions or research-based recommendations by AlHuda CIBE’s expert team. The deadline for submissions is April 12, 2025 with finalists announced on April 13, 2025.

Mr. Muhammad Zubair, Managing Director of AlHuda CIBE, emphasized the significance of the awards: “The Global Islamic FinTech Awards are more than just recognition—they are a catalyst for growth and innovation in ethical finance. By honoring trailblazers in this space, we inspire further advancements that align with Islamic principles while addressing global financial challenges.”

Organizations and individuals are invited to submit nominations by completing the Awards Form available at www.alhudacibe.com/giftf2025/awards and emailing it to [email protected]

Attendees can also register to witness the celebration of excellence at the Dusit Thani Hotel, UAE. 2nd Global Islamic Fintech Awards 2025 is a must-attend event for FinTech entrepreneurs, investors, policymakers and Islamic finance professionals seeking to shape the future of ethical digital finance.

AlHuda Center of Islamic Banking and Economics (CIBE) is a well-recognized name in Islamic banking and finance industry for research and provides state-of-the-art Advisory Consultancy and Education through various well-recognized modes viz. Islamic Financial Product Development, Shariah Advisory, Training Workshops, and Islamic Microfinance and Takaful Consultancies etc. side by side through our distinguished, generally acceptable and known Publications in Islamic Banking and Finance.

We are dedicated to serving the community as a unique institution, advisory and capacity building for the last twelve years. The prime goal has always been to remain stick to the commitments providing Services not only in UAE/Pakistan but all over the world. We have so far served in more than 104 Countries for the development of Islamic Banking and Finance industry. For further Details about AlHuda CIBE, please visit: www.alhudacibe.com

For Media Contact:
Ms. Shaguftta Perveen
Manager Communications
[email protected]
Call: +971 52 865 5523

Qorshaha DF ee maxaabiista dagaalka Somaliland marka Xamza tago Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo hordhac ah oo si weyn loo qarinayey, balse ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii xabsiyada Laascaanood looga sii deyn lahaa maxaabiista dagaalka ee kasoo jeeda Somaliland, kuwaasoo ku jira nolol hubanti la’aan ah.

Wadahadallo badan ayay dowladda federaalka Soomaaliya arrintan kala yeelatay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, waxaana hoosta laga xariiqay in aanay suurtagal ahayn in dad Soomaaliyeed, iyagoo maxaabiis dagaal ah, lagu hayo gudaha Jamhuuriyadda.

Inkastoo diidmo badan ay muujisay SSC — oo maxaabiis dagaal uga xiran yihiin gudaha Somaliland — isla markaana ay gorgortan adag kala hortagtay arrintan, haddana waxaa la sheegaya in lagu qanciyey in maxaabiistan laga sii daayo xabsiga.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in ay suurtagal tahay in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu Laascaanood ka sii daayo maxaabiistii dagaalka ee ay SSC-Khaatumo ku qabsatay dagaalkii ay la galeen Somaliland, sida ay u sheegeen Caasimada Online ilo xog ogaal ah.

Ku dhowaad 300 oo maxaabiis dagaal ah — oo ay ku jiraan saraakiil sare — ayaa ku xiran magaalada Laascaanood. Waxaa la rumeysan yahay in go’aan laga gaaray sii deyntooda kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu qorsheeyey inuu booqdo magaalada.

Faysal Cabdi Bootaan, oo ahaa sarkaalkii ugu sareeyey ciidamada Somaliland ee ka dagaalamayey aagga Laascaanood ilaa saldhiggii Goojacadde ee lagu jebiyey, ayaa ka mid ah maxaabiista dagaalka ee ku xiran Laascaanood.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu wadaa inuu booqdo Laascaanood Jimcaha ama Sabtida. Maanta ayaa halkaas laga dejiyey ilaaladiisa gaarka ah iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa.

Sidoo kale, berri waxaa halkaas tegi doona mas’uuliyiin, weriyeyaal ay dowladda soo xulatay, iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay Laascaanood. Waxaa halkaas ka socda qabanqaabada soo dhaweynta wafdiga dowladda federaalka, halka Somaliland ay waddo hanjabaad iyo isku dayo gudaha iyo dibaddaba ah oo lagu hor istaagayo safarka ra’iisul wasaaraha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa in laga sii daayo maxaabiista Somaliland ee ku xiran Laascaanood, halka madaxda Hargeysa ay wadaan olole ay ku diiddan yihiin in Xamse Cabdi Barre booqdo magaalada. Dhankooda, dadka reer Laascaanood oo ka adkaaday Somaliland ayaa dhistay maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa ka hadlay socdaalka la filayo in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tago Laascaanood, isagoo sheegay inay arrintan kala hadleen dowladda Mareykanka, kuna dacweeyeen si “looga hor istaago tagitaankiisa Laascaanood.”

Wasiirka oo ka hadlayay madal lagu qabtay barta X-Space ayaa caddeeyey sida ay uga soo horjeedaan socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo sheegay inuu sababi karo dhibaato iyo xasillooni darro ku timaada gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali, oo wareysi siiyey BBC, ayaa sheegay in “Laascaanood ay tahay dhulka Somaliland,” isaga oo safarka Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamay mid daandaansi iyo xasarad abuur ah.

“Somaliland waxaa ka go’an inay difaacato xuduudaheeda, dalkeeda iyo dadkeedaba — wax kasta oo ay ku qaadato. Tani waa colaad. Waxaan u aragnaa xadgudub, jawaab uu fahmi karo waan ka bixinaynaa,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin.

Trump reverses Somalia aid cut, restores $169M in funding

WASHINGTON, D.C — The Trump administration has reinstated $169.8 million in emergency food aid to Somalia, reversing a sudden cut that had sparked alarm among humanitarian organizations and local communities, source told Reuters. 

The funding supports vital programs run by the World Food Programme (WFP), including nutrition for malnourished children, food relief, and humanitarian air support.

Somalia was one of several countries affected by abrupt aid suspensions last weekend, part of a broader shake-up in U.S. foreign assistance under President Donald Trump.

The rapid reversal just days later highlights growing internal pushback — and the chaos surrounding the administration’s approach to humanitarian aid.

According to six sources familiar with the matter, at least six aid programs were reinstated, including food assistance in Somalia, Syria, Lebanon, Jordan, Iraq, and Ecuador.

USAID Acting Deputy Administrator Jeremy Lewin, a former member of Elon Musk’s Department of Government Efficiency, communicated the decision in an internal email.

Internal chaos and reversals at USAID

“Sorry for all the back and forth on awards,” Lewin wrote in the message seen by Reuters. “There are a lot of stakeholders, and we need to do better about balancing these competing interests. That’s my fault, and I take responsibility.”

According to Stand Up For Aid, a group of current and former U.S. officials, the canceled WFP contracts for Lebanon, Syria, Somalia, and Jordan were worth over $463 million. Somalia’s share included critical support for vulnerable populations facing widespread food insecurity.

Reuters reported earlier this week that the Trump administration had halted aid programs in more than a dozen countries — including Afghanistan, Yemen, Somalia, and Syria — amounting to more than $1.3 billion in cuts.

U.S. Secretary of State Marco Rubio had previously granted some of these programs waivers following an earlier round of budget slashes, but many were suddenly scrapped over the weekend.

Humanitarian agencies reacted with concern. On Monday, the WFP warned that cutting emergency food assistance in 14 countries could amount to a “death sentence” for millions of people already living in extreme hunger.

Foreign aid with caveats

The State Department did not immediately comment on the restored awards, but spokesperson Tammy Bruce later told reporters that the administration remains committed to foreign aid — with caveats.

She said the U.S. is withholding funding from Taliban-ruled Afghanistan and Houthi-controlled Yemen, citing concerns that aid may benefit armed groups.

“There were a few programs that were cut in other countries that were not meant to be cut — those have been rolled back and put into place,” Bruce said.

Still, critics say the wider pattern is troubling. The Trump administration has significantly cut USAID, the leading agency responsible for managing U.S. humanitarian programs.

Billions of dollars have been pulled since Trump began his second term in January, with decisions often characterized by abrupt changes and internal confusion.

Democrats on the Senate Foreign Relations Committee voiced concern in a letter to Secretary Rubio, criticizing the plan to restructure the State Department — including folding in USAID — as “unconstitutional, illegal, unjustified, damaging, and inefficient.”

For now, Somalia’s emergency food programs are back in place. But the uncertainty surrounding U.S. aid remains — leaving millions of people caught in the middle.

Somaliland oo dal iyo dibad ka wada olole ka dhan ah qorshaha R/W Xamza, kuna dacweysay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay socdaalka la filayo inuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ku tago magaalada Laascaanood, waxaana uu sheegay inay kala hadleen Maraykanka oo ay ku dacweeyeen si ‘looga hor istaago tagitaankiisa Laascaanood.’

Wasiirka oo ka hadlay madal barta X-Space ah oo lagu wadajiray ayaa cadeeyey sida ay uga soo horjeedaan socdaalka la filayo in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku tago Laascaanood, isagoo sheegay inay keeni karto dhibaato iyo xasilooni darro ku timaadda gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo wareysi siinayay BBC ayaa sheegay in ‘Laascaanood ay tahay dhulka Somaliland’ isaga oo daandaansi iyo xasarad abuur ku tilmaamay safarka ra’iisul wasaare Xamse ee Laascaanood.

“Somaliland waxaa ka go’an inay difaacato xuduudaheeda iyo dalkeeda iyo dadkeedaba, wax kasta oo ay ku qaadato, tani waa colaad, waxaan u aragnaa xadgudub, jawaab uu fahmi karana waan ka bixinaynaa,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Laascaanood tegaya Jimcaha ama Sabtiga, maanta waxaa Laascaanood laga dejiyey ilaaladiisa gaarka ah iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa.

Sidoo kale, berri waxaa baxaya masuuliyiin, weriyaal iyo marti sharaf kale oo ku casuuman Laascaanood, waxaana halkaas ka socota qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga DF, halka Somaliland ay wado hanjabaad iyo isku dayo ka socda dal iyo dibad oo ay ku hor istaageyso safarkaan.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, waxaa suurtagal ah in ra’iisul wasaare Xamsa uu Laascaanood ka siidaayo maxaabiistii dagaalka ee SSC Khatumo ay ku qabsatay dagaalkii ay la gashay Somaliland.

Ku dhawaad 300 oo maxaabiis dagaal ah oo saraakiil sare ay ku jiraan ayaa ku xiran Laascaanood, waxaana loo badinayaa in go’aan lagu gaaray in xabsiga laga sii daayo, markii uu booqdo Xamsa Cabdi Barre.

Soomaaliya, JABUUTI illaa Ciraaq – Sidee ayey kooxda Ansar Allah u ballaaraneysaa?

Qaahira (Caasimada Online) – Warbaahinta Carabta ayaa dhawaan tabisay in Ciraaq ay isku dayayso inay xakameyso joogitaanka kooxda Ansar Allah, ee ku magaca dheer Xuutiyiinta ee gudaha dalkeeda. Kooxdan oo taageero ka hesha Iran, gacantana ku haysa waqooyi-galbeed ee Yemen, ayaa lagu soo warramayaa inay xubno ku tababarto gudaha Ciraaq, gaar ahaan xarumaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda ee magaalada Baqdaad.

Hase yeeshee, iyadoo Ciraaq ay isku dayeyso inay iska caabiso, Xuutiyiintu si aamusnaan leh ayay u sii ballaarinayaan joogitaankooda—markan gudaha Afrika, taas oo falanqeeyayaashu ku tilmaameen inay tahay tallaabo halis ah oo lama filaan ah.

Joogitaanka Xuutiyiinta ee Geeska Afrika oo sii xoogaysanaya

Sanadihii ugu dambeeyay, Xuutiyiintu waxay joogitaan xooggan ka samaysteen gobolka istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika, gaar ahaan waddamada Jabuuti, Soomaaliya (ay ku jiraan Somaliland iyo Puntland), Eritrea iyo Itoobiya.

Joogitaankooda gobolka ayaa u sahlaya inay u soo dhawaadaan Israel, oo ay weeraro ku hayaan, gaar ahaan dhinaca juqraafi ahaan, sidoo kalena waxay xoojineysaa awooddooda marin-biyood muhiim ah. Geeska Afrika wuxuu kaga beegan yahay dhinaca kale ee gacanka Cadan, isagoo ku teedsan xeebaha Badda Cas, taas oo Xuutiyiinta siinaysa awood muhiim ah oo ay ku carqaladeyn karaan marinnada maraakiibta iyo suurtagalka ah inay taageeraan Xamaas gudaha Gaza.

Mid ka mid ah arrimaha ugu walaaca badan ayaa ah wada-shaqaynta ka dhaxaysa Xuutiyiinta iyo kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya, sida kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida iyo waliba xubno ka tirsan Dacaish. Warbixinnada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay kulamo la yeesheen wakiillo ka socda Xuutiyiinta gudaha Soomaaliya, iyagoo ka codsaday hub iyo tababarro.

Al-Shabaab ayaa beddelkeeda ballanqaaday inay xoojin doonaan weerarrada burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadan, isla markaana weerarro ku qaadi doonaan maraakiibta ganacsiga, iyagoo sidoo kale carqaladayn doona xorriyadda marista badda. Kooxda ayaa sidoo kale ballanqaaday inay lacag madaxfurasho ah ka qaadan doonaan maraakiibta ay qabtaan.

Warbixinnadu waxay intaas ku darayaan in Xuutiyiintu ay Al-Shabaab siiyeen tababar iyo hub ay ka mid yihiin diyaaradaha drones-ka iyo walxaha qarxa, kuwaas oo si qarsoodi ah loogu soo geliyay dekedaha koonfureed ee Soomaaliya. Khubarada ayaa xiriirka labada koox ku tilmaamay mid danaysi ku salaysan, kana fog fikir diimeed—laakiin qayb ka ah qorshe ballaaran oo Xuutiyiintu ay ka wadaan meel ka baxsan xuduudaha Yemen.

Qorista, faafinta fikirka iyo hub tahriibinta

Febraayo sanadkan, dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa soo bandhigtay marqaati-furka Cali Axmed Yaidi, oo ah muwaadin Eritrea ah kana tirsan qabiilka Cafar—oo ku kala nool waddamo badan oo Geeska Afrika ah.

Yaidi ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay samaysteen unugyo argagixiso oo la socda dhaqdhaqaaqa badda Cas, sidoo kalena ay dad ka qorayaan Jabuuti iyo Itoobiya oo labaduba aad ugu nugul xagjirnimada Islaamiga ah sababtoo ah xuduudahooda furan ee ay Soomaaliya la wadaagaan.

Sida Yaidi sheegay, nin ka tirsan Xuutiyiinta oo lagu magacaabo Maxamed Cali Muusa ayaa kula kulmay gudaha Jabuuti, wuxuuna u diyaariyay isaga iyo sagaal qof oo kale inay doon ku tagaan dekedda Xudeyda ee Yemen. Halkaas waxaa kaga hortegay saddex nin oo midkood ahaa qof Cafar ah, kuwaas oo loo xil saaray isku dubaridka hawlgallada Xuutiyiinta ee gobolka.

Kooxda ayaa markii hore lagu hayay guri ku yaalla Xudeyda, ka dibna waxaa loo wareejiyay xarun kale oo xeebta ku taal, halkaas oo laba bilood lagu siinayay tababar diimeed oo ka dhan ah dowladda sharciga ah ee Yemen.

Intaas ka dib, waxaa loo wareejiyay guri qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Sanca, halkaas oo lagu xiray, waxaana loo oggolaan jiray inay bannaanka u soo baxaan oo keliya xilliyada cuntada iyo tababarka. Xuutiyiintu waxay isku dayeen inay ku khasbaan afkaartooda, iyagoo soo jeediyay in carruurta Cafarta loo soo diro Yemen si loogu “barbaariyo” fikir ahaan.

Yaidi ayaa ugu dambayn dib loogu celiyay Jabuuti, isagoo loo xil saaray inuu soo qoro xubno cusub. Waxaa loo ballanqaaday lacag dhan $500 qof walba oo uu soo qoro, iyo taageero dhaqaale iyo militari oo Iran ka timid, si qabiilka Cafarta looga gooyo Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea, sida ay Iran u taageerto Xisbullah gudaha Lubnaan iyo Xuutiyiinta Yemen.

Xuutiyiinta: Wakiil cusub oo Iran u qaabilsan Afrika?

Danny Citrinowicz, oo ka tirsan barnaamijka Iran ee xarunta INSS, horena madax uga ahaa qeybta Iran ee sirdoonka milatariga Israel, ayaa sheegay in Xuutiyiintu hadda yihiin wakiilka cusub ee Iran u qaabilsan Afrika.

Citrinowicz ayaa xusay in bartilmaameedkooda istiraatiijiga ahi yahay Geeska Afrika, laakiin sidoo kale ay muujiyeen xiiso ku saabsan waqooyiga iyo koonfurta Afrika. “Xiriirka Xuutiyiinta iyo Afrika waa mid dabiici ah marka loo eego Iran, sidaas darteed waa hormuudka hawlgallada Iran ee Afrika,” ayuu yiri.

Waxaa uu ka digay in fiditaanka Xuutiyiinta loo arko halis guud oo soo foodsaartay danaha Israa’iil iyo reer Galbeedka, isla markaana aysan ku koobnayn Yemen oo keliya balse ay tahay arrin guud oo Afrika ka taagan. 

Hadalkii carada dhaliyay ee Faysal Waraabe ee Xamar oo jawaab adag laga bixiyay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Nabadoon Cabdulqaadir Abaabul oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu jawaabay siyaasiga caanka ah ee reer Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo dhowaan sheegay in Xamar ay la wareegi doonto kooxda Al-Shabaab.

Waraabe oo ka hadlayay safarka ra’iisul wasaare Xamza ee Laascaanood ayaa sheegay in aanu waxba soo kordhineynin, isla markaana bisha May ee sanadkan laga qabsanayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Socdaalka Ra’iisul wasaare ee Xamza ee Laascaanood wax micno ah maleh, bisha May ee sanadkan ayay Al-Shabaab la wareegeysaa Muqdisho,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Intaasi kadib Nabadoon Cabdulqaadir Abaabul oo soo hadlay ayaa sheegay in Faysal uu caddeeyay taageerada uu u hayo Al-Shabaab, uuna bannaanka usoo wada baxay, isaga oo xusay in hadalkiisa uu muujinayo inuu u adkeysan waayay jabka loo gaystay Khawaarijta.

“Maalin dhexdaas ayaa waxaan dhageystay nin Faysal Cali Waraabe la yiraahdo oo dhahaayo bisha May Xamar ayay qabsanayaan Al-Shabaab aniga marka aan fiirshay waxaan is iri ilmihii ayaa laga xanjafiyay ow soo diray haddana odayaashii ayaa soo baxay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Nabadoon C/qaadir Abaabul.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Soomaali ha ogaato Al-Shabaab meel ayuu yeeshay, waana walax meel laga soo diray, afkana odayaal siyaasiyiin ah ay ku difaacayaan”

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in hadalkiisa uu lamid yahay xabadda Al-Shabaab, isaga oo Somaliland ka dalbaday inay ka daba tegto hadalkaasi, ayna raalligelin bixiso.

“Faysalow adiga oo xabad nagu soo riday ayay la mid tahay Shabaab xabadoo nagu ridaayo, waana takane meel kuu taallo, mana ilaawi doono, haddii ay Somaliland ka bixinin raalligelin rasmi ah,” ayuu mar kale yiri Nabadoon Cabdulqaadir Abaabul.

Hadalkan Faysal Cali Waraabe ayaa sii xoojiyay eedeymaha loo jeediyo Somaliland ee ku aadan ‘xiriir kala dhexeeya Al-Shabaab’ maadaama Abwaanno ka yimid Hargeysa ay aadeen Jilib, ayna ku biireen dagaalka ay kooxda ka waddo koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba, wuxuu hadalkan sidoo kale kusoo aaday, iyada oo haatan dagaallo culus ay ka socdaan Shabeellooyinka oo ay soo galeen Al-Shabaabkii ugu badnaa, waxaana guluf culus ku qaaday dowladda federaalka oo kaashaaneysa shacabka iyo saaxiibada caalamka.