26.1 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Somaliland oo halis amni ku tilmaamtay safarka Xamza, dalabna u dirtay caalamka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale si adag u cambaareysay safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu ku tegayo magaalada Laascaanood oo haatan uu ka taliyo maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa safarka Ra’iisul Wasaare Xamza lagu tilmaamay mid halis amni oo weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana si toos ah u dhaawacayaa madax-bannaanida Somaliland.

“Booqashadan aan waqtigeedu habboonayn waxay wiiqeysaa dadaallada socda ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Dowladda Somaliland waxay u aragtaa arrintan mid kacsan oo culus, waxayna si cad u sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga masuul noqon doonto cawaaqib kasta oo ka dhasha xiisad iyo qalalaase amni,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland.

Somaliland ayaa ugu baaqday Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah inay si cad u aqoonsadaan in ficillada mas’uuliyiinta Soomaaliya ay khatar toos ah ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka.

Sidoo kale waxay ugu baaqday hay’adaha mas’uulka ka ah ee goboleed iyo caalami ah inay si dhaqso leh, oo wadajir ahna uga fal-celiyaan ficillada wiiqaya xasilloonida ee ka imanaya Soomaaliya, sida lagu yiri bayaanka.

Hoos ka aqriso bayaanka Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag oo aan mugdi ku jirin u cambaareyneysaa booqashada la qorsheeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo magaalada Laascaanood.

Falkan kacsan wuxuu si toos ah u dhaawacayaa madax-bannaanida Somaliland wuxuuna halis weyn ku yahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Booqashadan aan waqtigeedu habboonayn waxay wiiqeysaa dadaallada socda ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Dowladda Somaliland waxay u aragtaa arrintan mid kacsan oo culus, waxayna si cad u sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga masuul noqon doonto cawaaqib kasta oo ka dhasha xiisad iyo qalalaase amni.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqeysaa Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah inay si cad u aqoonsadaan in ficillada mas’uuliyiinta Soomaaliya ay khatar toos ah ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka. Muddo tobannaan sano ah, Somaliland waxay dulqaad u muujisay falalka kicinta ah, iyadoo weligeed u taagnaatay tiir xasilloonida iyo awood dhisaysa nabadda gobolka.

Dowladda Somaliland waxay ugu baaqeysaa hay’adaha mas’uulka ka ah ee goboleed iyo caalami ah inay si dhaqso leh, si wadajir ahna uga fal-celiyaan ficillada wiiqaya xasilloonida ee ka imanaya Soomaaliya.

Haddii tallaabo deg-deg ah la qaadi waayo, waxa sii xoogeysan doona xaaladaha aan dawladnimadu gacanta ku hayn ee gobolka horey u nuglaa, taas oo sababi karta dhibaatooyin hor leh sida barakac, tahriib, musiibo bini’aadannimo, iyo khataro amni oo xuduud-dhaaf ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale caddaynaysaa inay ka go’an tahay nabadda, wada hadalka, iyo iskaashiga goboleed. Si kastaba ha ahaatee, waxay qaadi doontaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo madax-bannaanideeda iyo ammaankeeda haddii khatar la kulanto.

Soomaaliya oo maanta dib usoo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee dalka…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa magaalada Addis Ababa kulan rasmi ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ukraine, Danjire Andrii Sybiha.

Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo taariikhi ah, maadaama lagu shaaciyay dib u soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Intii uu socday kulankaasi, labada mas’uul waxay saxiixeen heshiis rasmi ah oo ah hab-maamuus diblumaasiyadeed. Heshiiskaas ayaa u gogol xaaraya dib u bilaabashada xiriir rasmi ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Ukraine, kadib muddo xiriirkaasi hakad ku jiray.

Saxiixa hab-maamuuskan diblumaasiyadeed wuxuu muujinayaa rabitaanka labada dowladood ee ah in ay dib u dhisaan, isla markaana xoojiyaan xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee dhinacyada kala duwan. Waxay sidoo kale caddeeyeen sida ay uga go’an tahay in ay wada shaqeyn dhab ah yeeshaan.

Wada-hadalka labada wasiir ayaa si qoto dheer diiradda u saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga laba geesoodka ah. Waxay si gaar ah uga wada hadleen fursadaha horumarineed ee labada dal u dhaxeeya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku dheeraaday sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in la yeesho xiriir diblumaasiyadeed oo miro dhal ah. Wuxuu xusay in xiriirka Ukraine uu muhiim u yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiirka Soomaaliya wuxuu bogaadiyay dadaalka Ukraine ay muujisay ee ku aaddan furitaanka bog cusub oo iskaashi iyo isfaham ku dhisan. Wuxuu intaas ku daray in arrintani ay tusaale u tahay sida dalalka caalamku u daneynayaan in ay la shaqeeyaan Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu si buuxda ula shaqeeyo Soomaaliya. Wuxuu carabka ku adkeeyay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo qarannimada Soomaaliya.

Danjire Sybiha wuxuu tilmaamay in xiriirka cusub uu horseedi karo iskaashi dhaqaale, taageero farsamo, iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh. Wuxuu sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin in ay sahamiyaan fursado cusub oo ganacsi iyo horumarin ah oo ka dhex dhalan kara labada dal.

Kulanka labada wasiir ayaa sidoo kale lagu muujiyay sida xiriirka diblumaasiyadeed uu muhiim ugu yahay amniga iyo xasilloonida gobolka. Labada dhinac waxay isku raaceen in la sii wadayo kulamada iyo wada hadallada si loo xaqiijiyo horumar joogto ah.

Ugu dambayn, heshiiskan cusub wuxuu calaamad u yahay bilow cusub oo xiriir wanaagsan oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Ukraine, taasoo ka tarjumaysa danta guud iyo rabitaanka labada dal in ay noqdaan saaxiibo dhow oo si hufan u wada shaqeeya.

Wafdi miisaan culus oo maanta gaaray Laascaanood ka hor Xamza + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wafdigan oo hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay hoggaanka maamulka iyo bulshada magaalada Laascaanood.

Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulka SSC ku soo dhaweeyey wafdigaan, halkaas oo kulamo ay uga socdaan.

Soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Laascaanood ayaa loo arkaa mid si cad u muujinaysa in dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay maamulkan ku-meel-gaarka ah.

Inta lagu guda jiro safarka, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo qorshe is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku dhiirrigelin doonaa maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo inay dardar geliyaan habraaca dhismaha maamul goboleed rasmi ah oo si buuxda uga tirsan dowladda Federaalka. Arrintani waxay ka dhigan tahay tallaabo siyaasadeed oo muhiim u ah gobolka.

Kulammo gaar ah ayaa sidoo kale la qorsheeyay in Ra’iisul Wasaaruhu la yeesho odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaannada Baran, Dahar, iyo Laas Qoray. Ujeeddada kulammadan ayaa ah in la dhiso is-faham siyaasadeed oo ku saleysan awood-qaybsiga iyo nabadgalyada deegaanka.

Mid ka mid ah yoolalka ugu waa weyn ee socdaalka ayaa ah in la dhagax dhigo ugu yaraan toban mashruuc oo horumarineed, kuwaasoo muhiim u noqon doona baahiyaha shacabka ee dhanka adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha nadiifta ah.

Xasan oo casuumad u diray madax goboleedyada marka laga reebo Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka duulaya baaqii Midnimada iyo Wadatashiga Qaran ee 31-dii Maarso 2025, ayaa casuumaad u diray madaxda dowlad-goboleedyada si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wadatashiga Qaranka.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri: “Madashan uu Madaxweynuhu ku baaqay oo ku muddeysan 1-da ilaa 2-da bisha Maajo (May), ayaa muhiim u ah xaqiijinta midnimada qaranka iyo sidii wadajir loogu dhammeystiri lahaa howlgalka xoreynta dalka iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wadatashiyo la yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed, sida lagu xusay qoraalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in wada-tashi, wada-shaqeyn iyo iskaashi lagu xaqiijiyo danaha Soomaaliyeed, oo ay ugu horrayso xoreynta deegaannada ay weli haystaan argagixisadu, dhammaystirka dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.”

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in casuumaadda loo diray dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada, marka laga reebo madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe. Tani waxay waafaqsan tahay xogtii ay Caasimada Online baahisay xalay, taasoo sheegaysay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday in uu casuumo Axmed Madoobe.

Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa ku adkeysatay in la casuumayo oo kaliya madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada leh sharciyad dastuuri ah iyo awood go’aan-qaadasho. Waxay u aragtaa in Axmed Madoobe uusan haysan sharciyad.

Go’aanka lagu reebay Madoobe wuxuu ka tarjumayaa mowqifka Villa Somalia ee ah in muddo-xileedkiisu dhammaaday, taasoo sii adkeynaysa khilaafka ka taagan hab-dhismeedka federaalka ee dalka.

Inkasta oo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada aysan ahayn kuwo cusub, haddana waa markii ugu horreysay ee madaxweyne federaal ah si rasmi ah uga reebo hoggaamiye dowlad-goboleed ka qaybgalka shir qaran oo heer sare ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale diiday codsi uga yimid wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, oo ku saabsanaa in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay.

Faah-faahinta dagaal culus oo mar kale ka qarxay GEDO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu halkaas mar kale ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu saacadihii lasoo dhaafay si xoogleh uga socday duleedka degmada Luuq, iyadoo rasaas xoogan la maqlay gudaha degmada. Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa la sheegayaa inay isticmaalayaan hubka noocyadiisa kala duwan, taasoo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalkan dib u qarxay ayaa daba socda dagaallo horey uga dhacay magaalada Luuq, kuwaasoo sababay xaalad amni darro oo isa soo taraysa.

Sida la og yahay, labada dhinac ee dagaalamaya ayaa horey ugu muransanaa maamulka degmada Luuq iyo sidoo kale aargoosi ku saleysan dilal hore u dhacay. Waxaa la xusuustaa in dhowr jeer oo hore ay isku dhaceen isla beelahan, balse aan xal rasmi ah laga gaarin khilaafkooda.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, oo uu hormuud u yahay madaxweyne ku-xigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan, ayaa horey ugu guuldareystay in ay xaliyaan xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.

Inkasta oo dadaallo nabadeed la sameeyay, haddana dagaalka ayaa si kedis ah dib ugu qarxay, taasoo muujinaysa sida xal waara looga gaari la’yahay arrinta.

Odoyaasha dhaqanka ee degmada Luuq ayaa cod dheer ku baaqay in la joojiyo dagaalka, iyagoo ka digay inuu khasaare hor leh dhaliyo. Baaqyadaas nabadeed weli ma aysan yeelan wax saameyn ah, maadaama dagaalkii uu sii laba kacleeyay mar kale.

Dagaalamayaasha labada beelood ayaa horey waxaa heshiis u kala dhex dhigay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, hase yeeshee heshiiskaasi ma noqon mid waara.

Markii heshiiskaasi burburay, waxaa muuqata in beelahaasi ay mar kale u laabteen adeegsiga hubka. Ilaa iyo hadda lama oga tallaabada ay qaadi doonaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee ku aaddan xallinta colaaddan ka taagan Luuq.

Colaadda sii kordheysa ee degmada Luuq ayaa walaac weyn ku abuurtay bulshada deegaanka, kuwaasoo baaqyo isdaba joog ah u diraya dhinacyada dagaalamaya iyo dowladda, si loo soo afjaro rabshadaha.

Xogtii ugu dambeysay ee safarka R/Wasaare Xamza ee Laascaanood – Maxaa cusub?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa la filayaa inuu safar shaqo oo laba maalmood ah ku tago magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Socdaalkan ayaa waxa uu noqonayaa mid si weyn u saameyn kara jihada siyaasadeed ee gobollada waqooyi, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya SSC-Khaatumo iyo dowladda dhexe.

Laascaanood, oo ah xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, ayaa muddooyinkii u dambeeyay noqotay meel ay si gaar ah u eegayaan dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda dalka.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo arkaa mid si cad u muujinaysa in dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay maamulkan ku-meel-gaarka ah.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa bilaaban doona maalinta Jimcaha haddii dib u dhac kooban ku imaan, iyadoo la filayo in uu magaalada ka ambabaxo Sabtida. Socdaalku wuxuu noqonayaa mid kooban oo laba maalmood ah, balse muhiimad weyn xambaarsan.

Xamza Cabdi Barre waxa uu socdaalkiisa ku wehlin doonaa ku dhawaad toban wasiir oo ka tirsan xukuumaddiisa. Waxa xusid mudan in wasiirradaas aysan ku jirin xubno ka soo jeeda gobollada Somaliland, taas oo u muuqata in dowladda Federaalka ay rabto in safarkan uu yeesho astaan mideysan oo qaran.

Inta lagu guda jiro safarka, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo qorshe is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku dhiirrigelin doonaa maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo inay dardar geliyaan habraaca dhismaha maamul goboleed rasmi ah oo si buuxda uga tirsan dowladda Federaalka. Arrintani waxay ka dhigan tahay tallaabo siyaasadeed oo muhiim u ah gobolka.

Kulammo gaar ah ayaa sidoo kale la qorsheeyay in Ra’iisul Wasaaruhu la yeesho odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaannada Baran, Dahar, iyo Laas Qoray. Ujeeddada kulammadan ayaa ah in la dhiso is-faham siyaasadeed oo ku saleysan awood-qaybsiga iyo nabadgalyada deegaanka.

Mid ka mid ah yoolalka ugu waa weyn ee socdaalka ayaa ah in la dhagax dhigo ugu yaraan toban mashruuc oo horumarineed, kuwaasoo muhiim u noqon doona baahiyaha shacabka ee dhanka adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha nadiifta ah.

Mashruucyadan ayaa la filayaa inay sii xoojiyaan kalsoonida shacabka SSC-Khaatumo ay ku qabaan dowladda dhexe, iyo sidoo kale in ay tusaale u noqdaan sida ay u wada shaqeyn karaan heerarka dowladda kala duwan.

Intaa waxaa sii dheer, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si rasmi ah u furi doonaa xafiiska Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ee magaalada Laascaanood. Tani waxay dadka deegaanka siin doontaa fursad ay ku helaan kaararka aqoonsiga qaranka, taasoo muhiim u ah xaqiijinta xuquuqaha muwaadiniinta.

Guddoomiyaha hay’adda NIRA ayaa horay u tagay magaalada Laascaanood, waxaana wararku sheegayaan in howlaha diyaargarowga furitaanka xafiiskaasi ay meel wanaagsan marayaan.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli uu gobolka weli wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo adag, balse safarkan ayaa loo arkaa mid iftiin u yeeli kara dadaallada lagu doonayo xasilinta iyo horumarinta deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa muujiyay xiisad iyo filasho weyn oo ku aaddan booqashada Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo rajeynaya in socdaalkani uu noqdo mid billaabaya wejigii cusub ee wada-hadalka, nabadda, iyo horumarka.

Falanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa safarkan ku tilmaamay “booqasho taariikhi ah” oo xoojin karta wada shaqeynta SSC-Khaatumo iyo dowladda Federaalka. Waxay sidoo kale saadaalinayaan in socdaalkan uu calaamad u noqon karo isbeddel siyaasadeed oo cusub oo ka dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Inkasta oo dadka qaar ay isweydiinayaan cidda ugu faa’iido badan booqashadan, haddana waxaa cad in socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid leh saamayn fog, lagana yaabo inuu beddelo jihada siyaasadeed ee SSC iyo guud ahaan gobollada waqooyi.

Arrimaha ku xeeran safarka Xamza ee Laascaanood iyo siduu usoo afjari karo S/land

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa Sabtidii sheegay inuu qorsheynayo booqasho uu ku tagayo magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Khaatumo.

Safarkan ayaa noqonaya mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay muddo ka badan nus qarni oo uu mas’uul sare booqdo magaalada istiraatiijiga ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ku sugan Laascaanood ayaa xaqiijiyay in booqashadu dhici doonto, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin jadwalkeeda. Waxaa hadda magaalada ku qul-qulaya wafdi horudhac u ah safarka Xamza.

Shacabka magaalada ayaa si weyn u diyaarinaya soo dhaweynta, waxaana lagu wadaa xaflad ballaaran in ay dhacdo. Wadooyinka Laascaanood waxaa durba lagu arkayaa boorarka sawirka Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo shacabka ay si weyn u muujinayaan rajadooda ku aaddan safarkan la filayo.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in safarkiisu ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Khaatumo, islamarkaana aan loo fasiranin mid abuuri kara kala qeybsanaan, balse ah mid lagu doonayo midnimo Soomaaliyeed.

“Booqashadayda Laascaanood waxay salka ku haysaa xoojinta xiriirka shaqo ee ka dhexeeya maamulka Khaatumo iyo Dowladda Federaalka. Ma aha safar lagu waxyeelleynayo gobol ama maamul kale, mana aha mid lagu kala fogeynayo dadka Soomaaliyeed. Waa safar lagu mideynayo shacabka walaalaha ah,” ayuu yiri Xamza.

Wuxuu uga mahadceliyay shacabka iyo maamulka Khaatumo waddaniyadooda iyo soo dhaweynta diirran ee uu dareemay xitaa ka hor intaanu gaarin magaalada.

Khaatumo waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaanideeda 25-kii Agoosto 2023, kadib dagaal culus oo ay la gashay ciidamada Somaliland oo laga saaray saldhig istiraatiiji ah oo ku yaalla buuraha ku hareeraysan Laascaanood. Dagaalkaasi oo socday bilooyin ayaa sababay dhimashada boqolaal qof iyo barakaca boqolaal kale.

Booqashadii ugu dambeysay ee mas’uul sare uu ku tago Laascaanood ayaa ahayd mid dhibaato sababtay.

Dilkii madaxweyne Sharmaarke

15-kii Oktoobar 1969-kii, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke — oo sidoo kale ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee dalka — ayaa lagu dilay Laascaanood xilli uu booqasho rasmi ah ku jiray.

Waxaa dilay askari, taas oo horseedday in xukunka laga tuuro dowladdii markaas jirtay, waxaana xukunka la wareegay taliskii milatariga ee uu hoggaaminayay Janaraal Maxamed Siyaad Barre, oo dalka xukumayay 21 sano. Ninkii dilka geystay waa la toogtay.

Waxaa markaa la fahmi karaa sababta safarka Xamsza uu durba u kiciyay dareenno kala duwan oo xooggan.

Inkasta oo dad badan oo Soomaaliyeed ay u arkaan safarka mid rajo leh, haddana waxaa jira dhaleeceyn iyo cabasho ka timid dhanka Somaliland.

Laascaanood gudaheeda, shacabka iyo mas’uuliyiinta deegaanka waxay si diirran u soo dhaweeyeen wararka ku saabsan safarka, iyaga oo caddeeyay in Khaatumo tahay maamul Soomaaliyeed oo nabad ah, oo u furan cid walba.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Khaatumo, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa xaqiijiyay in la sugayo safarka Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaan u diyaargarownay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka oo la filayo inuu dhowaan yimaado magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Maamulka Khaatumo waa midka ugu nabdoon Soomaaliya. Shacabku si weyn ayay u sugayaan safarkiisa, waxayna diyaar u yihiin inay si diirran u soo dhaweeyaan,” ayuu yiri Wasiir Xijaar.

Falcelinta Hargeysa

Dhanka Hargeysa, wararka booqashada si wanaagsan looma qaadan.

Hoggaamiyeyaal iyo dad rayid ah oo hadlay waxay sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha uusan ku soo dhaweyn karin Laascaanood, iyagoo ku eedeeyay inuu jebinayo xeerar caalami ah. Somaliland ayaa sheegata inay ka go’day Soomaaliya, inkasta oo aysan weli helin aqoonsi caalami ah.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cigeh, ayaa ku celiyay sheegashada gooni-isu-taagga Somaliland, isagoo si adag uga hadlay safarka Xamza.

“Madax-bannaanida Somaliland iyo dawladnimadeedu waa xaq taariikhi ah oo sharciyaysan, kuna saleysan rabitaanka shacabka. Socdaalkayaga madaxbannaanida waa mid ku saleysan adkaysi, is-maamul iyo xaq,” ayuu ku qoray bartiisa X.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasin Sheekh Cali, ayaa isaguna si toos ah ula hadlay saxaafadda Talaadadii, isagoo muujiyay dareen cad.

“Waddankeena iyo xuduudihiisa waan difaacaynaa si kasta oo ay ku kacdo. Nabaddeenna yaan loo arkin tabar-darro, balse waa dulqaadkayaga. Waxaan u aragnaa booqashadaada iyo falalkaaga mid la mid ah duullaankii Vladimir Putin uu ku qaaday Crimea iyo Donbas. Taasi ma keeneyso in Ukraine aysan jirin. Haddii aad tagto Laascaanood ama Garoowe, adigaa iska leh, laakiin annaga diyaar baan u nahay inaan is difaacno si kasta oo loogu baahdo,” ayuu yiri Wasiirka.

Mowduuca ugu hadal-heynta badan

Safarka Xamza ee Laascaanood ayaa noqday mowduuca ugu weyn ee laga hadlayo guud ahaan Soomaaliya.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa u arka booqashada inay tahay fursad lagu soo afjari karo ajandaha muddada dheer ee gooni-isu-taagga Somaliland.

Nabiil Afrax, falanqeeye siyaasadeed oo reer Puntland ah, ayaa sheegay in booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay leedahay muhiimad qaran, ayna saameyn ku yeelan karto midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo xaalada gobolka Sool iyo Sanaag.

“Booqashada Xamza waxay calaamad u tahay jebinta sheegashada Somaliland ee gooni-isu-taagga, waxayna ka careysiin doontaa siyaasiyiinta Hargeysa ee mabda’aas shacabka ka iibinaya. Laascaanood muddo dheer waxay ahayd meel lagu loollamo. Dad badan oo waddani ah waxay safarkan u arkaan mid lagu adkeynayo midnimada qaranka,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in guusha safarka ay ku xirnaan doonto sida dowladda dhexe ay ula macaamisho Maamulada Khaatumo iyo Puntland. Wuxuuna ku daray in tijaabada dhabta ah ay tahay in safarku nabad ku dhammaado.

Cabsi amni

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha amniga ayaa muujiyay walaac la xiriira booqashada, iyagoo tilmaamay in ay xambaarsan tahay khataro siyaasad iyo amni.

“Waxaan ka walwalayaa ammaanka Ra’iisul Wasaaraha marka uu tago Laascaanood. Inkasta oo Khaatumo haatan xor tahay, Hargeysa iyo Garoowe ma ogolaan doonaan in uu booqdo dhul ay iyagu sheegtaan. Waxaa sidoo kale jira khataro kaga iman kara kooxaha sida Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri Cabdi Cali, oo ah falanqeeye siyaasadeed.

Laascaanood waxay ku taallaa gobolka Sool, oo u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe — kuwaas oo muddo dheer ku muransanaa lahaanshaha magaalada tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

25-kii Agoosto 2023, Laascaanood waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay tahay deegaan xor ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhawaysay, waxayna aqoonsatay Khaatumo inay maamulka ugu cusub ee dalka, loona diyaarinayo dowlad goboleed.

Laascaanood waa magaalo leh taariikh qoto dheer, waxaana inta badan lala xiriiriyaa halgankii gobonnimada. Waxay u dhowdahay magaalada Taleex oo ahayd xaruntii Daraawiishta uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan — halyeygii Soomaaliyeed ee la dagaallamay gumeystihii Ingiriiska.

Jaamac Cali, darawal ka shaqeeya Laascaanood, ayaa rajo ka muujiyay safarka, wuxuuna codsaday in taallo loo dhiso halyeyga Soomaaliyeed ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

“Waan soo dhaweyn doonnaa Ra’iisul Wasaaraha, waanan ilaalin doonnaa sidii ukumo. Haddii uu yimaado, waxaan rajaynayaa inuu taallo weyn ka dhiso bartamaha magaalada — taallo loogu magac daro Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, aabbihii halganka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jamaac.

Gabar Somali ah oo lagu dilay Denmark iyo ninkii dilay oo…

Copenhagen (Caasimada Online) – Booliiska Denmark ayaa baaraya nin looga shakisan yahay inuu habeenimadii Isniintii toorey ku dilay gabar Soomaali ah oo 21 sano jir ahayd, dhacdadaas oo ka dhacday xaafadda Gormsvej ee magaalada Herning. Booliisku waxay rumeysan yihiin in weerarku uusan ahayn mid si aan kala sooc lahayn loo fuliyey.

Marxuumadda ayaa la helay waxyar un kadib 9:00 habeennimo iyadoo qabta dhaawacyo badan oo toorey ah. Dad marayey goobta ayaa la xiriiray adeegyada gurmadka degdegga ah, waxayna isku dayeen inay u fidiyaan gargaarka deg-degga ah, balse waxaa markii dambe geerideeda lagu xaqiijiyey isbitaalka Gødstrup. Booliiska ayaa sheegay in baaritaanka lagu sameyn doono meydka Talaadada.

Booliisku waxay sheegeen in ninka looga shakisan yahay uu ka baxsaday goobta isagoo u jihaysan dhanka Silkeborgvej iyo Herning Center. Waxaa lagu tilmaamay inuu yahay nin u dhexeeya 20 ilaa 25 sano jir, dhererkiisuna yahay qiyaastii 180 sentimitir (5’9), jir ahaanna caato ama dhexdhexaad ah, maqaarkiisuna yahay bunni.

Muuqaal ahaan, waxaa lagu sifeeyey inuu u egyahay qof ka soo jeeda Bariga Dhexe. Markii ugu dambeysay waxaa lagu arkay isagoo xiran surwaal isboorti oo madow ah, jaakad buuran oo madow iyo af-saab.

“Waxaan hawlgallo ka wadnay aagga habeenkii oo dhan, annagoo adeegsaneyna diyaarado aan duuliye lahayn iyo eeyaha booliiska,” ayuu yiri Taliye Hans Roost oo ka tirsan Booliiska Bartamaha iyo Galbeedka Jutland. “Waxaan si weyn u daneynaynaa in aan helno xog kasta oo la xiriirta wixii aan caadi ahayn ee la arkay.”

Booliiska ayaa ugu baaqay dadka deegaanka ee leh kamarado ammaanka ama dashcam-yada inay dib u eegaan duubistooda laga soo bilaabo 7:00 ilaa 10:00 fiidnimo ee Isniintii, gaar ahaan agagaarka Gormsvej.

Sidoo kale, muuqaalada laga duubay Axaddii iyo waaberigii Isniintii ayaa loo arkaa inay wax tar yeelan karaan. Dadka xog haya waxaa la oggol yahay inay si qarsoodi ah talooyin u gudbiyaan.

“Haddii aad waddadaasi ku martay baabuur leh dashcam, ama halkaas ku joogtay, fadlan nala soo xiriir,” ayuu yiri Roost.

Illaa iyo hadda, hubkii lagu dilay gabadha lama helin, sidoo kalena qofna looma xirin kiiskan.

Roost wuxuu sheegay in natiijooyinka hore ay muujinayaan in gabadha si gaar ah loo bartilmaameedsaday. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in baaritaanku wali furan yahay, isla markaana dhammaan suurtagalnimada la tixgelinayo.

“Waqtigaan faahfaahin dheeri ah kama bixin karo, balse waxaa jira caddeymo xooggan oo muujinaya in weerarku uusan ahayn mid aan loo qorsheyn,” ayuu yiri.

Subaxnimadii Talaadada, booliisku waxay saldhig booliis oo guur-guura ka hirgeliyeen xaafadda Gormsvej si ay gacan uga geystaan baaritaanka una taageeraan dadka deegaanka ee walaacsan. Waddooyinkii horay loo xiray ee ku yaallay Gormsvej, Thyrasvej iyo Silkeborgvej ayaa la furay mar dambe iyadoo la dhimay joogitaanka booliiska ee halkaas.

Qof kasta oo haysta xog ama aragti la xiriirta kiiskan waxaa lagu boorriyey inuu la xiriiro Booliiska Bartamaha iyo Galbeedka Jutland, lambarka 114.

Wararkii ugu dambeeyey ee kiiska dacwada ka dhanka ah Imaaraadka ee ka socda ICJ

Khartoum (Caasimada Online) – Suudaan ayaa Khamiistii u sheegtay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) in Imaaraadka Carabta uu yahay “xoogga kaxeeya” ee ka dambeeya xasuuqa ay ka wado Darfur kooxda fallaagada ah ee dagaalka kula jirta ciidanka dowladda, taas oo ay ku eedeysay in Imaaraadku taageero siinayo.

Khartuum ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraadka hor geysay ICJ, iyadoo ku eedeysay inuu door ku leeyahay xasuuqa lagula kacayo beesha Masalit, iyada oo la adeegsanayo taageerada loo fidiyo ciidanka Rapid Support Forces (RSF) ee dagaalka kula jiray ciidamada qaranka tan iyo 2023.

Imaaraadka ayaa si adag u beeniyay inuu taageero siiyo RSF, wuxuuna ku tilmaamay dacwadda Suudaan “riwaayad siyaasadeed” oo carqaladaynaysa dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof.

Markii uu furayay dacwadda, wasiirka caddaaladda ku meel gaarka ah ee Suudaan, Muawia Osman, ayaa maxkamadda u sheegay in “xasuuqa socda aanu suuragal noqon lahayn la’aanta kaalmada Imaaraadka, oo ay ku jirto dirista hubka lagu taageerayo RSF.”

“Taageerada tooska ah ee Imaaraadku siiyo RSF—oo ay ku jirto sahayda hubka iyo kaalmooyin kale—waxay ahayd, welina tahay, xoogga ugu weyn ee kaxeeya xasuuqa hadda socda. Waxaa ka mid ah falal ay ka mid yihiin dil, kufsi, barakicin khasab ah, iyo dhac hantiyadeed,” ayuu yiri Osman.

Suudaan waxay maxkamadda ka codsatay in ay amarto Imaaraadka inuu joojiyo taageerada la tuhunsan yahay ee RSF, isla markaana bixiyo magdhow buuxa oo ay ku jiraan lacago la siiyo dhibbanayaasha dagaalka.

Balse Reem Ketait, oo ah mas’uul sare oo u hadashay Imaaraadka, ayaa sheegtay in dacwadda Suudaan ay tahay “adeegsi qaldan oo xad-dhaaf ah oo lagu sameeyay hay’ad caalami ah oo sumcad leh,” isla markaana ay tahay dacwad “aan wax sal ah ku lahayn sharciga ama xaqiiqada.”

“Suudaan waxa ay hadda u baahan tahay ma aha riwaayad siyaasadeed, balse waa xabbad-joojin degdeg ah iyo ballanqaad dhab ah oo labada dhinac ee dirirta ku lugta leh ay kaga go’an tahay wadahadal nabadeed,” ayay tiri Ketait oo war-saxaafadeed soo saartay.

Dacwaddan ayaa timid maalin un kaddib markii Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ay ugu baaqeen ciidamada dowladda iyo kuwa RSF in ay dib u bilaabaan wadahadallo nabadeed oo lagu xallinayo colaadda dalka.

‘Dacwad si cad loo dhisay’

Khubarada sharciga caalamiga ah ayaa ka digay in dacwadda Suudaan ay halis ugu jirto in ay ku burburto sababo la xiriira awoodda maxkamaddu u leedahay inay dhageysato.

Markii Imaaraadka uu saxiixay Heshiiska Xasuuqa (Genocide Convention) sanadkii 2005, wuxuu ku daray reservation—ama diidmo gaar ah—oo la xiriirta qodob muhiim ah oo u oggolaanaya dowladaha xubnaha ka ah in ay is dacweeyaan ICJ.

Michael Becker, oo ah khabiir ku takhasusay sharciga caalamiga ah kana tirsan Trinity College ee Dublin, ayaa ku qoray maqaal uu u diray mareegta Opinio Juris in dacwadda Suudaan ay taabanayso “su’aalo muhiim ah.”

“Sida laga filan karo, maadaama Imaaraadku uu sameeyay reservation ku saabsan Qodobka IX markuu saxiixay heshiiska 2005, Maxkamaddu waxay u badan tahay in ay go’aamiso inaysan awood u lahayn dhageysiga murankan,” ayuu Becker qoray.

Suudaan waxay ku doodday in diidmada Imaaraadka ay si toos ah uga hor imanayso ujeeddada guud ee Heshiiska Xasuuqa, kaas oo diiradda saarayay mas’uuliyadda caalamiga ah ee ka hortagga dambiyada ugu xun ee bani’aadantinimada.

Go’aannada ICJ, oo dhageysta murannada dowladaha u dhexeeya, waa kama dambays, waana qasab in la fuliyo. Hase yeeshee, maxkamaddu ma hayso awood ay ku dhaqan geliso amarradeeda.

Tusaale ahaan, ICJ waxay horey ugu amartay Ruushka inuu joojiyo duullaanka Ukraine, balse amarkaasi lama fulin.

“Waxaan maxkamadda horteeda keennay dacwad aad iyo aad u cad,” ayuu yiri wasiir Osman isagoo la hadlayay warbaahinta hortiisa Qasriga Nabadda ee magaalada Hague, halkaas oo ay ICJ fadhigeedu yahay.

“Anaga oo aaminsan, haddii aysan jirin taageerada Imaaraadka, dhammaan xadgudubyada ka dhanka ah heshiiska xasuuqa lama arki lahayn,” ayuu ku daray.

Xog: Go’aanka Xasan Sheekh ee ka qeyb-galka Madoobe ee shirka uu ku baaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay in hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Madoobe,” uusan ka mid noqon doonin wajiga hore ee wadatashiyada qaran ee la qorsheynayo, taasoo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda dowladda federaalka ee la xiriirta wadahadallada siyaasadeed.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah kulan dhowaan albaabadu u xirnaayeen oo dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, madaxweynuhu wuxuu soo bandhigay qorshe labo weji ah oo loogu talagalay in lagu gaaro is-afgarad qaran oo ku saabsan arrimaha mudnaanta leh.

Wajiga koowaad wuxuu u furnaan doonaa dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, iyadoo diiradda la saarayo qorsheyaal lagu wajahayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Wadahadalladan ayaa lagu wadaa in si toos ah looga baahiyo telefishanka qaranka si loo dhiirrigeliyo daahfurnaan iyo ka-qaybgal ballaaran.

Wajiga labaad, oo Villa Somalia ku tilmaantay “wada-hadal maamul,” ayaa xadidi doona ka-qaybgalka, waxaana lagu casuumi doonaa oo kaliya madaxda sare ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ee leh sharciyad dastuuri ah iyo awood go’aan qaadasho.

Axmed Madoobe oo laga reebay

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay wada-hadal toos ah oo uu la yeesho Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, balse si cad ayuu u sheegay in Axmed Madoobe aanu ka mid noqon doonin ka qaybgalayaasha shirka.

“Tani ma aha kulan dib u midayn ah. Waa wada-hadal u dhexeeya mas’uuliyiinta leh xilka iyo awoodda go’aan qaadashada,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia. “Kaliya kuwa si sharci ah u metela dowladda iyo shacabka ayaa lagu casuumayaa.”

Go’aanka lagu reebay Madoobe wuxuu ka tarjumayaa mowqifka Villa Somalia ee ah in muddo-xileedkiisu uu dhammaaday, arrintaasoo sii adkeynaysa khilaafka ka jira hab-dhismeedka federaalka ee dalka.

Inkasta oo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada aysan ahayn kuwo cusub, haddana waa markii ugu horreysay ee madaxweyne federaal ah si rasmi ah uga reebo hoggaamiye dowlad-goboleed ka qaybgalka shir qaran oo heer sare ah.

Dowladda Mareykanka, oo ah saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya kala shaqeeya amniga iyo xasillinta, ayaa si rasmi ah loogu wargeliyay qorshahan. Sida la sheegay, Danjire Riley wuxuu ku boorriyay Madaxweyne Xasan Sheekh in geeddi-socodku noqdo mid furan oo loo dhan yahay, inkastoo qaabka kama dambaysta ah ee shirka uu muuqdo mid horey loo go’aamiyay.

Xaaladda guud oo kacsan

In kasta oo Soomaaliya ay qabatay doorashooyin federaal ah sanadkii 2022 kadib dib u dhacyo badan, haddana khilaafaad siyaasadeed ayaa weli jira — gaar ahaan muranka ka dhashay isbeddellada dastuurka ee dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirrada iyo baarlamaanka, kuwaas oo ay Puntland iyo kooxaha mucaaradka ahi si adag u diideen.

Dhinaca amniga, ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyada deegaanka ee Ma’wisleyda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa wali wada hawlgallo ballaaran oo ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada bartamaha dalka. Kooxda Al-Shabaab ayaa weli halis amni ku ah dalka, iyadoo inta badan ka faa’iideysata xaaladaha siyaasadeed ee aan xasilnayn si ay dib isu abaabusho una fuliso weerarro.

Iyadoo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee xasillinta (AUSSOM) uu si rasmi ah u beddelay ATMIS, waxaa sii kordhaya baahida loo qabo in hoggaanka dalka ay gaaraan is-afgarad guud oo ku saabsan jihada siyaasadeed iyo midda amni.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu shirka soo socda u arkaa mid lagama maarmaan u ah xasillinta dalka, siyaasiyan iyo amni ahaan. Haddaba, su’aasha taagan waxay tahay: ma ka reebista hoggaamiyeyaal awood leh ayaa lagu gaari karaa ujeeddadaas, mise waxay sii wiiqi doontaa dadaallada lagu raadinayo midnimo qaran?

Maxaad kala socota xagjirka Puntland ee neceb Khaatumo?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Xildhibaan Qaalib Xasan Baaruud oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya maamulka Puntland iyo kan Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay laga dareemayay xiisado siyaasadeed oo isa soo taraya.

Xildhibaan Qaalib, oo laga soo doorto gobolka Sool, ayaa shaaca ka qaaday in labada maamul ay yihiin dad walaalo ah oo daris ah, balse ay jiraan siyaasiyiin iyo wariyeyaal ka dhex shaqeynaya labada dhinac kuwaas oo uu ku eedeeyay inay abuurayaan nacayb iyo kala fogaansho, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu xildhibaanku ku tilmaamay dadkaasi inay yihiin xag-jiriin khatar ku ah jiritaanka Puntland iyo mabaadi’dii lagu aas-aasay maamulkaas.

“Dadka reer SSC-Khaatumo, Puntland waa gaashaan iyo difaac bir ah oo aan la jebin karin. Waa udub-dhexaadka jiritaanka Puntland. Laakiin siyaasadda guud, saxaafadda iyo hay’adaha dowladda Puntland waxaa ku dhex jira dad xagjir ah oo khatar ku ah jiritaanka Puntland iyo mabda’a lagu dhisay,” ayuu yiri Xildhibaan Qaalib Baaruud.

Wuxuu intaas ku daray in dadkani ay yihiin kuwo si cad loo garanayo, isla markaana ay xilli walba wadaan hawlo siyaasadeed oo lagu kala fogeynayo Puntland iyo SSC-Khaatumo.

“Dadkaasi waa kuwo aan colaad iyo nabad midna Puntland wax ku soo kordhin karin. Hadh iyo habeen waxa ay ka shaqeynayaan waa kala fogaanshaha dadka walaalaha ah,” ayuu yiri.

Xildhibaan Qaalib ayaa sidoo kale si toos ah u dhaliilay kooxaha magacooda ku sheegaya SSC-Khaatumo, isagoo ku eedeeyay inay afduubteen halgankii, ayna hadda ku mashquulsan yihiin hurinta kala-qaybsanaan siyaasadeed.

“Waa isla kooxdii magaca SSC-Khaatumo afduubtay, halgankii is-yeelyeelsi ka dhigtay, haddana isku dirka shacabka walaalaha ah ku raadinaysa dano gaar ah oo Laascaanood iyo Xamar ka dhex raadinaysa. Labada dhinacba waxay khatar ku yihiin midnimada shacabka Puntland iyo SSC-Khaatumo,” ayuu yiri.

Hadalka Xildhibaan Qaalib ayaa kusoo beegmaya xilli ay maalmihii u dambeeyay si weyn u soo baxayeen warar muujinaya xurguf hoose oo u dhexeysa Laascaanood iyo Garoowe – labo maamul oo deegaan ahaan isku dhow, balse hadda kala aragti duwan arrimaha siyaasadeed.

Xiisaddan cusub ayaa sidoo kale imaneysa iyadoo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, uu gaaro magaalada Laascaanood – xilli uu khilaaf siyaasadeed xooggan kala dhexeeyo maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Turkey iyo Israel oo billaabay wada-hadal looga hortagayo dagaal ku dhex-mara dalka…

Baku (Caasimada Online) – Turkey iyo Israel ayaa yeeshay wadahadallo farsamo oo loogu talagalay in laga hortago isku dhacyo suurtagal ah oo ka dhex dhaca ciidamadooda ku sugan gudaha Suuriya, sida uu sheegay sarkaal Turkish ah Khamiistii.

Wadahadalladii ugu horreeyay ayaa Arbacadii ka dhacay dalka Azerbaijan, iyada oo lagu gogol xaarayay sidii loo dhisi lahaa “nidaam hoos u dhiga xiisadda si looga fogaado dhacdooyin aan la rabin oo ka dhaca Suuriya,” sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga oo codsaday in aan la shaacin magaciisa, maadaama ay tahay siyaasad rasmi ah oo lagu ilaaliyo xogta.

“Dadaallada waxaa lagu wadi doonaa dhismaha hab lagu ilaaliyo deegaan dagaal-la’aan ah.”

Tan iyo markii uu xilka ka degay madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad dhammaadkii sanadkii hore, Israel iyo Turkiga ayaa ku tartamaya saameynta ay ku leeyihiin gudaha Suuriya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa sheegtay in diyaarado dagaal oo Israa’iili ah ay duqeeyeen saldhig ciidan oo gudaha dalkaas ku yaalla — saldhig Turkigu la sheegay inuu damacsan yahay inuu u adeegsado ballaarinta saameyntiisa gobolka.

Israel ayaa si gaar ah uga walaacsan in hoggaanka Islaamiga ah ee cusub ee ka arriminaya Suuriya in uu khatar ku noqdo xuduudda Israel, waxayna samaysay aag nabadeed oo ku yaalla gudaha Suuriya si ay u xakameyso khatartaasi.

Doorka sii kordhaya ee Turkiga gudaha Suuriya ayaa sidoo kale walaac ku abuuray Israel, iyadoo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu Talaadadii sheegay in saldhigyo milatari oo Turkigu ka sameeyo Suuriya ay noqon karaan “halis toos ah oo ku wajahan amniga Israel.”

Dowladda Ankara ayaa si buuxda u taageeraysa maamulka cusub ee Suuriya, kaas oo ay hoggaaminayaan kooxihii mucaaradka ahaa ee uu Turkigu taageerayay intii uu socday dagaalkii sokeeye ee socday muddo 13 sano ah. Taageeradaas ayaa sidoo kale ka mid ah howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish.

Sarkaalka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in weli lagu guda jiro qorsheynta saldhig tababar oo ay wada yeeshaan Turkiga iyo Suuriya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dhammaan hawlahaasi lagu wado si waafaqsan sharciga caalamiga ah “iyadoo aan la beegsanaynin waddan saddexaad.”

Xafiiska Netanyahu ayaa xaqiijiyay in wadahadallo ay dhaceen Arbacadii, isagoo xusay in labada dhinac “isku afgarteen in la sii wado wadahadallada si loo ilaaliyo xasilloonida ammaanka gobolka.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa Arbacadii sheegay in Turkigu “uusan wax qorshe ah ka lahayn inuu dagaal ka bilaabo Suuriya – ha ahaato Israel ama waddan kale oo gobolka ah.” Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in Ankara “aysan indhaha ka qabsan doonin xaalad kasta oo ka dhex dilaacda gudaha Suuriya – ha ahaato fowdo, weerar ama kicin – taas oo khatar ku noqon karta amniga qaranka Turkiga.”

In kasta oo ay horey iskula shaqeyn jireen sidii lammaane istiraatiiji ah, xiriirka u dhexeeya Israel iyo Turkiga ayaa muddo dheer ahaa mid qabow, wuxuuna sii xumaaday intii uu socday dagaalka Israel iyo Xamaas ee ka socda Marinka Gaza. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si joogto ah u cambaareeyay dagaalkaasi, taasoo kicisay jawaabo kulul oo uga yimid madaxda Israel.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa toddobaadkan raadinayay taageero siyaasadeed oo uga timaada saaxiibkiisa, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo ka doonayay garab uu kaga hortago Turkiga oo uu Israel u aragto inuu si isa soo taraysa u noqday dal cadaawad u haya.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa halkii uu ka garab istaagi lahaa Netanyahu, wuxuu si weyn u ammaanay Erdogan, isaga oo ku tilmaamay “ninkii la wareegay arrimaha Suuriya,” wuxuuna isku soo bandhigay inuu noqon karo dhex-dhexaadiye dhexdooda ah, isagoo Netanyahu ugu baaqay inuu “macquul noqdo” marka uu wajahayo Ankara.

Masar oo Soomaaliya ka taageeraysa ka hortagga weerarrada lagu laayo…

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa haatan dowladda Soomaaliya ka taageeraysa sidii looga hortagi lahaa weerarada gaadmada ah ee kooxda Al-Shabaab ku layso askar badan oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro kooxda.

Masar ayaa taageeradan muhiimka ah ku xaqiijisay kulanka ka dhacay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaasi oo u dhaxeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa dalkaas, Badr Abdelatty.

Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo si gaar ah looga wada -hadlay dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha.

Labada mas’uul waxay muujiyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo wax ku ool ah.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahad-celiyay dowladda Masar taageerada ay mar walba siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, waxbarashada, iyo arrimaha bini’aadantinimada. Wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid qoto dheer oo ku dhisan iskaashi iyo is-aamin.

Intii uu kulanku socday, labada wasiir waxay isla garteen in la sii xoojiyo wadashaqeynta labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, si looga hortago khataraha ka imanaya kooxaha xagjirka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty ayaa si gaar ah u sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu kordhiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Abdelatty wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashi heer gobol iyo caalami ah, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, Wasiirka Masar wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay mar walba ixtiraamayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taasoo uu sheegay in ay tahay arrin lama taabtaan ah.

Wuxuu intaas ku daray in Masar ay taageerayso hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo dadaallada lagu sugayo ammaanka gudaha iyo dib u dhiska dalka, isagoo ballan qaaday in xiriirka labada dowladood uu sii socon doono.

Ugu dambeyn, kulanka labada wasiir ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ballaaran oo la xiriira sii wadida wada-hadallada iyo dhisidda qorshayaal iskaashi oo waxtar u leh labada dal iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Explainer: How PM Hamza’s Las Anod trip could end Somaliland’s narrative?

Las Anod (Caasimada Online) – Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre announced on Saturday his intention to visit Las Anod, the interim capital of the newly formed Khaatumo administration.

The planned visit is being described as historic. It will mark the first time in more than half a century that a senior Somali official has traveled to the strategically significant city in the Sool region of northern Somalia.

Local authorities in Las Anod have confirmed that preparations for the visit are underway. However, an official schedule has not yet been released. Advance delegations have already begun arriving in the city in anticipation of the Prime Minister’s arrival.

Residents are actively preparing to welcome the Prime Minister, and a large reception ceremony is expected. Billboards featuring his image have appeared across the city as locals express hope and excitement for the high-level visit.

Prime Minister Hamza emphasized that the visit aims to strengthen cooperation between the Federal Government of Somalia and the Khaatumo administration. He underscored that the trip should not be interpreted as divisive but as a step toward national unity.

“My visit to Las Anod is focused on reinforcing the working relationship between the Khaatumo administration and the Federal Government. This is not a visit meant to harm any region or administration, nor is it an attempt to divide the Somali people. It is a mission for unity,” he stated.

The Prime Minister also expressed gratitude to the people and leadership of Khaatumo for their patriotism and the warm reception extended to him—even before his arrival.

Khaatumo officially declared its autonomy on August 25, 2023, following a fierce battle with Somaliland forces, who were ousted from a strategic military post in the hills surrounding Las Anod. The months-long conflict resulted in hundreds of deaths and widespread displacement.

The last high-level visit to Las Anod ended in tragedy.

The assassination of president Sharmaarke

On October 15, 1969, then-President Abdirashid Ali Sharmaarke—Somalia’s first Prime Minister—was assassinated in Las Anod during an official visit.

He was shot by a soldier, a killing that triggered the fall of the civilian government and the rise of the military regime led by General Mohamed Siad Barre, who ruled the country for 21 years. The soldier responsible for the assassination was executed.

This historical context helps explain the strong hopeful and critical reactions that Prime Minister Hamza’s planned visit has stirred.

While many Somalis view the trip as hopeful, the Somaliland administration has expressed disapproval and concern.

However, within Las Anod, local leaders and residents have enthusiastically welcomed the news of the visit, reaffirming that Khaatumo is a peaceful Somali administration open to all.

General Abdi Hassan Mohamed Hijar, Khaatumo’s Minister of Justice and Religious Affairs, confirmed the region is fully prepared.

“We are ready to receive the Prime Minister of the Federal Government, who is expected to arrive in Las Anod soon. Khaatumo is the most peaceful administration in Somalia. Our people are eagerly awaiting his visit and are ready to welcome him warmly,” Minister Hijar said.

Reaction from Hargeisa

In Hargeisa, the news of the planned visit has been met with hostility.

Some Somaliland leaders and civilians accused the Prime Minister of violating international norms, claiming he has no right to visit territory they consider part of Somaliland. While Somaliland claims independence from Somalia, it has not received international recognition.

Somaliland Presidential Spokesperson Hussein Aden Igeh reiterated the self-declared republic’s secessionist position and issued a stern warning regarding the visit.

“Somaliland’s independence and sovereignty are legally grounded and historically justified, based on the will of our people. Our quest for statehood is rooted in self-governance, resilience, and legitimate rights,” he wrote on platform X.

During a press conference on Tuesday, Somaliland’s Minister of Information, Ahmed Yasin Sheikh Ali, took an even stronger tone.

“We will defend our country and its borders by any means necessary. Do not mistake our peace for weakness—our restraint is not surrender. We view your visit and actions as comparable to Vladimir Putin’s invasion of Crimea and Donbas. That did not erase Ukraine. If you choose to visit Las Anod or Garowe, that’s your decision—but we are fully prepared to defend ourselves,” the Minister declared.

Hamza’s anticipated visit to Las Anod has become Somalia’s most widely discussed topic.

Political analysts see the trip as a critical opportunity to counter Somaliland’s long-running secessionist agenda.

Nabil Afrah, a political analyst from Puntland, said the Prime Minister’s visit holds national importance and could reshape the future of Somali territorial unity, particularly in the Sool and Sanaag regions.

“Hamza’s visit challenges Somaliland’s secessionist claims and is likely to anger Hargeisa’s political elite, who have long pushed that narrative. Las Anod has long been a flashpoint. Many patriots see this visit as a bold step in strengthening national unity,” he said.

He added that the success of the visit will depend on how the Federal Government engages with the Khaatumo and Puntland administrations. The true test, he noted, will be whether the visit concludes peacefully.

Security concerns

Security analysts have voiced concern over potential risks associated with the visit, citing political tension and militant threats.

“I’m worried about the Prime Minister’s safety in Las Anod. Although Khaatumo is currently in control, both Hargeisa and Garowe may resist his presence in areas they claim. There are also looming threats from extremist groups such as Al-Shabaab and ISIS,” said analyst Abdi Ali.

Las Anod lies in the contested Sool region, between the cities of Hargeisa and Garowe—areas that have disputed control over the city since Somalia’s central government collapsed in 1991.

On August 25, 2023, Las Anod formally declared itself a liberated city. The Federal Government welcomed the declaration and recognized Khaatumo as Somalia’s newest regional administration, paving the way for its integration as a federal member state.

Las Anod is a city with deep historical roots and strong ties to Somalia’s anti-colonial struggle. It is located near Taleh, the former headquarters of the Dervish movement led by Sayid Mohamed Abdulle Hassan, a national hero who fought against British colonial forces.

Jamac Ali, a driver in Las Anod, expressed optimism and called for a monument to honor the legendary freedom fighter.

“We will welcome the Prime Minister and protect him like an egg. If he comes, I hope he will build a major monument in the city center dedicated to Sayid Mohamed Abdulle Hassan—the father of Somalia’s liberation struggle,” Jamaac said.

Dafle: Aas-aasihii hay’adda NISA oo geeriyooday iyo Fahad Yaasiin oo xog culus bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa geeriyooday aas-aasihii Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Jeneraal Axmed Saleebaan Cabdalla (Dafle) siyaasigii ugu saameynta badnaa qaaradda Afrika sanadihii lixdamaadkii, sidoo kalena ahaa saraakiishii ugu xukunka adkeed dowladdii kacaanka ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Isagoo ah nin da’a ah ayuu caawa geeriyooday Dafle, muddo dheer ayuu ka soo shaqeynayey Hay’adda NISA, isagoo ahaa Agaasimihii aas-aasay, sidoo kale wuxuu door cajiib ah ka soo qatay dagaaladii Soomaaliya ay la gashay Itoobiya iyo xornimada dalal badan oo Afrikan ah.

Fahad Yaasiin oo NISA Agaasime ka soo noqday ayaa kamid ah dadka ka hadlay geerida Dafle, wuxuuna sheegay inuu la yaabay xogtiisa markii uu ugu tegay Taliska NISA ee Habar-Khadiija, isagoo sheegay inuu ugu magac daray Masjid laga dhisay xarunta NISA.

“Aasaasihii koowaad Sirdoonka Soomaaliya Dafle, wuxuu mar ahaa siyaasigii ugu saamaynta badnaa Qaarada Afrika, isagoo sabab u noqday xornimada tiro ka 10 dal oo Afrikaan ah, loollankii dagaalkii qaboobaa wuxuu udub dhexaad u ahaa tartanka labadaas quwadood ee Qaaradda Afrika iyo dunida Carabta qaarkeed” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Wuxuu sheegay in awoodda Sirdoonka Soomaaliya uu gaarsiiyey heer ay ka war qabeen nolosha ka jirtay guriga Mingistu Xayla Maryam-kii Itoobiya.

“Guulihii furimaha dagaalkii 1977-kii waxaa saldhig u ahaa in sirdoonku heli jiray xogta Ciidanka Itoobiya, Maskaxdii iyo farshaxankii uu ku dhisay Sidoonka Qaranka Soomaaliya ayaa weli lagu hoggaamiyaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad Yaasiin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in markii uu noqday Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, inuu arkay taariikhda uu Dafle ka tagay, isagoo yiri, “waxaan ugu magac daray Masjidka weyn ee xarunta Hay’adda ka dhisan – Allaha u naxariisto Axmed Saleebaan Dafle.”

Wasiirka Amniga Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo isna ka hadlay geerida Jeneraal Dafle ayaa yiri, “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uu ka baxay Allaha u naxariistee Jeneraal Axmed Saleebaan Dafle oo kamid ahaa saraakiishii haldoorka ahaa, mudda dheerna u soo adeegayey dalkiisa, isaga oo soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira kuwa ciidan iyo maamul.”

Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo xubin ka tirsan Guddiga Sare ee Siyaasadda ee Dowladdii Milateriga ayaa ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Blegiumka.

Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo sidoo kale soo noqday Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxaa soddog u ahaa Madaxweynihii Dowladda Milateriga Marxuum S/Gaas Maxamed Siyaad Barre.

General Axmed Saleebaan Dafle ayaa ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya, sanadkii 1937-kii, waxaana 1971-kii loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Qaranka (NSS) xilkaasi oo uu muddo dhowr sanno ah hayey, intaan loo magacaabin xilal kale oo qaran, intii ay dalka ka talineysay Xukuumaddii Milateriga.

Burburkii dowladii dhexe kadib, Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafla) waxa uu ku noolaa dalka Eritrea, kadibna waxaa uu uga sii gudbay magaalada Brussels ee dalka Belgiumka oo uu caawa ku geeriyooday.

Daawo: Xafiiska Xamza oo qodobo ka soo saaray safarka Laascaanood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, uu ku tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, oo uu ku tilmaamay in uu yahay 𝗦𝗮𝗳𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮.

Waa safarkii ugu horeeyey ee Ra’iisul Wasaare Soomaaliyeed u uku tegayo Laascaanood, waa booqasho qeyb ka ah ‘dadaallada xukuumadda Xamsa ee nabadda, midnimada, iyo horumarinta dalka’ sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaatay go’aan adag oo ay ku ilaalineyso midnimada dalka, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa si dhow ugu kuur-geli doona xaaladda dhabta ah oo ay ku noolyihiin bulshada ku dhaqan deegaanada SSC Khaatumo.

Xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay Xamza Cabdi Barre uu booqashadaan diiradda ku saari doono arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, six al waara loogu helo duruufaha ay la tacaalayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada SSC Khaatumo.

Masuuliyiinta SSC Khaatumo ayuu Xamsa Cabdi Barre la kulmi doonaa inta uu ku sugan yahay Laascaanood, sidoo kale wuxuu la kulmayaa qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ay shaacisay xukuumaddu.

Hormarka deegaanka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira ayaa diiradda lagu saari doonaa safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ee Laascaanood, nabadeynta deegaanka iyo mideynta bulshada ayaa saldhig looga dhigi doonaa wax kasta.

Xamza Cabdi Barre, ayaa Laascaanood ka dhagax-dhigi doona, kuwa la hirgeliyana xarigga ka jari doona, sida lagu shaaciyey faahfaahinta xukuumadda ee safarkaas.

“Xukuumadda Soomaaliya waxaa ka go’an in guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan adeegyo tayo leh” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Türkiye iyo Soomaaliya oo saxiixday heshiis gaas iyo shidaal looga soo saarayo…

Ankara (Caasimada Online) – Türkiye iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan sahaminta shidaalka iyo gaaska gudaha dalka, taasoo ah tallaabo weyn oo hor leh oo lagu xoojinayo iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada dal ee dhinaca tamarta.

Heshiiskan oo Khamiista maanta ah lagu saxiixay magaalada Ankara, ayaa shirkadda shidaalka qaranka Türkiye ee Turkish Petroleum Corporation (TPAO) siinaya oggolaansho ay ku sahamiso saddex aag oo dhuleed oo ku yaalla Soomaaliya, kuwaas oo guud ahaan baaxaddoodu gaareyso ku dhawaad 16,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran.

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Türkiye, Alparslan Bayraktar, iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiiskan, kaasoo ah tillaabo cusub oo lagu ballaarinayo iskaashiga labada dal ee dhinaca tamarta.

“Heshiiskan wuxuu billow u yahay iskaashi cusub oo dhinaca dhulka ah,” ayuu yiri Bayraktar. “Waxaan ku bilaabi doonnaa baaritaanno seismic oo ah 2D iyo 3D, iyadoo aan si degdeg ah ugu tallaabi doonna qodista marka aan helno xog dhammeystiran.”

Tani ma aha markii ugu horreysay ee labada dal ay ka wada shaqeeyaan arrimaha tamarta. Xagaagii hore, Türkiye iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis wadaag ah oo ku saabsan sahaminta shidaalka badda.

Türkiye waxay markaas u dirtay markabka sahminta ee Oruç Reis, oo ah mid ay dalka gudihiisa ku horumarisay, si uu baaritaanno uga sameeyo biyaha Soomaaliya. Markabkan ayaa weli ka shaqeynaya saddex aag badeed oo guud ahaan dhul ahaan gaaraya qiyaastii 15,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran.

“Ilaa hadda, mashruuca waxaa la dhameystiray boqolkiiba 78,” ayuu yiri Bayraktar. “Waxaan hiigsaneynaa in baaritaannada seismic-ka la dhammeeyo bisha May. Marka xogta la falanqeeyo, ayaa la go’aamin doonaa tallaabooyinka xiga ee qodista.”

Iskaashi ka baxsan shidaalka

Labada dal waxay sidoo kale eegayaan fursado iskaashi oo ka baxsan shidaalka iyo gaaska. Wasiir Bayraktar wuxuu sheegay in Türkiye ay rajaynayso in iskaashiga lagu ballaariyo qeybta macdanta.

“Waxaan dooneynaa inaan xiriirka sare u qaadno, annagoo bilaabayna mashaariic la taaban karo oo dhanka macdanta ah,” ayuu yiri. “Iskaashigan wuxuu ka tarjumayaa aragti dheer oo ku wajahan horumar waara iyo xasillooni goboleed.”

Wasiirka Soomaaliya, Daahir Shire, ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid taariikhi ah, wuxuuna sheegay in uu sare u qaaday heerka xiriirka labada dal.

“Heshiiskan wuxuu xiriirkeena u gudbinayaa marxalad cusub,” ayuu yiri. “Waxaan ku faraxsanahay inaan si wadajir ah u horumarino khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, si ay labada dhinacba uga faa’iideystaan. Markii shuruucdeenna iyo habraacyadeenna sharciyeed ay diyaar noqdaan, waxaan si diirran u soo dhoweyn doonnaa shirkadaha macdanta ee Turkiga.”

Bayraktar wuxuu intaa ku daray in wafdiga Soomaaliyeed ay Türkiye sii joogayaan dhowr maalmood si ay u booqdaan xarumo muhiim ah oo ay kamid tahay markabka qodista ee Fatih.

Türkiye sidoo kale waxay dadaal xooggan ku bixineysaa horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee tamarta. Bisha May 2-deeda, magaalada Istanbul waxay martigelin doontaa Shirka Caalamiga ah ee Khayraadka Dabiiciga ah, halkaas oo wasiirrada tamarta iyo shirkadaha waaweyn ee caalamka ay ka wada hadli doonaan fursado cusub. Shirka waxaa marti-gelin doona Madaxweynaha Türkiye Recep Tayyip Erdoğan.

“Türkiye waxay garab istaagtay Soomaaliya xilliyadii ugu adkaa,” ayuu yiri Bayraktar. “Hadda, waxaan ku faraxsanahay inaan garabkooda ku sii soconno xilli ay u jiheysanayaan mustaqbal ifaya.”

New Türkiye-Somalia oil deal expands energy ties on land

ANKARA, Türkiye—Türkiye and Somalia have signed a new agreement for onshore oil and gas exploration, taking another big step in their growing energy partnership.

The deal, signed Thursday in Ankara, gives Türkiye’s national oil company, Turkish Petroleum Corporation (TPAO), the green light to explore three land blocks in Somalia covering around 16,000 square kilometers.

Turkish Energy and Natural Resources Minister Alparslan Bayraktar and Somali Minister of Petroleum and Mineral Resources Dahir Shire Mohamed signed the agreement, which adds a new layer to the countries’ ongoing cooperation in energy.

“This agreement marks the start of a new onshore partnership,” Bayraktar said. “We’ll begin with two- and three-dimensional seismic surveys, and based on what we find, we’ll move quickly to drilling.”

This isn’t the first time the two countries have teamed up on energy. Last summer, Türkiye and Somalia signed a production-sharing deal for offshore exploration. Türkiye sent its locally developed seismic vessel, Oruç Reis, to Somalia’s coastal waters. That vessel is still at work, surveying three offshore areas that span about 15,000 square kilometers.

“So far, the project is 78% complete,” Bayraktar said. “We’re aiming to finish the seismic surveys by May. Once we’ve analyzed the data, we’ll decide on the next steps for drilling.”

Looking beyond oil

Both countries are also eyeing future opportunities beyond oil and gas. Minister Bayraktar said Türkiye hopes to expand the partnership into the mining sector next.

We’re preparing to take this relationship to the next level by launching concrete mining projects,” he said. “This isn’t just about energy—it’s about long-term development and building regional stability.”

His Somali counterpart, Minister Dahir, echoed those thoughts and called the agreement a historic moment. “This deal takes our relationship to a whole new level,” he said.

“We’re excited to develop Somalia’s natural resources in a way that benefits both sides. And once our legal frameworks are ready, we’re looking forward to welcoming Turkish mining companies to Somalia.”

Bayraktar added that Somalia’s delegation will stay in Türkiye for a few more days to visit key facilities, including the Fatih drillship.

Türkiye’s commitment to global energy cooperation is also moving forward. On May 2, Istanbul will host the International Natural Resources Summit, where energy ministers and major companies worldwide will explore new opportunities. The summit will be held under the patronage of President Recep Tayyip Erdoğan.

“Türkiye stood by Somalia during its most difficult times,” Bayraktar said. “Now, we’re proud to walk alongside them as they move toward a brighter future.”

Maamulka Trump oo isku khilaafsan xiritaanka safaarada Mareykanka ee Muqdisho

Washington (Caasimada Online) – Guulo dhowaan ah oo ay gaareen falaagada Islaamiga ah ee Soomaaliya ayaa sababay in qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay soo jeediyaan in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, isla markaana laga daadgureeyo inta badan shaqaalaha, si looga hortago khataraha amni, sida ay sheegeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah wadahadallada gudaha oo la hadlay New York Times.

Hase yeeshee, masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Trump, gaar ahaan kuwa ka tirsan Golaha Amniga Qaranka, ayaa ka digaya in xiritaanka safaaradda uu dhaawici karo kalsoonida lagu qabo dowladda dhexe ee Soomaaliya, isla markaana uu sababi karo burbur degdeg ah. Taa bedelkeeda, waxay taageersan yihiin in la kordhiyo howlgallada Mareykanka ee Soomaaliya si loogu sii xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Doodaha is khilaafsan waxaa hurinaya xusuusta dhacdooyin xanuun badan oo hore u dhacay, sida weerarkii 2012 ee koox Islaami ah ku qabsatay xarunta Mareykanka ee Benghazi, Liibiya, iyo burburkii lama filaanka ahaa ee xukuumaddii Afghanistan xilligii ciidamada Mareykanka ay ka baxayeen dalkaas sannadkii 2021.

Tani waxay sidoo kale muujinaysaa caqabadda ballaaran ee hortaagan maamulka Trump marka uu dejinayo istiraatiijiyadda siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya — dal ay hareeyeen khilaafaadyo qabiil iyo kala dambeyn la’aan, halkaas oo Mareykanku muddo labaatan sano ku dhow ku waday dagaal xadidan oo ka dhan ah argagixisada, balse horumar muuqda aan laga gaarin.

Arrintan ayaa u muuqata inay iska hor keenayso la-taliyaha sare ee Madaxweynaha ee la-dagaalanka argagixisada, Sebastian Gorka — oo taageersan in si adag loo wajaho kooxaha Islaamiyiinta ah — iyo xubno kale oo xag-jir ah oo ka tirsan isbahaysiga siyaasadeed ee Trump, kuwaas oo ka soo horjeeda dagaallada “aan dhammaan” ee bilowday kadib weeraradii 11-kii September 2001, kuna dooda in Soomaaliya aysan ahayn mid dan weyn ugu fadhida Mareykanka.

Toddobaadkii hore, Gorka ayaa shir isugu yeeray saraakiil ka kala socota hay’adaha dowladda ee ay khuseyso, si looga arrinsado jihada siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin xog ogaal u ah wada-hadalladaas, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin maadaama arrintu tahay mid xasaasi ah. Shirkaas ayaa la sheegay inuu ku dhammaaday iyadoo aan la gaarin go’aan rasmi ah.

Dowladihii Mareykanka ee kala dambeeyay ayaa raacay siyaasad ku qotonta taageeridda dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyagoo tababar iyo qalab u fidinayay unugyada gaarka ah ee Danab, sidoo kalena adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn si ay u siiyaan taageero cirka ah marka ay la dagaallamayaan kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al Qaacida.

Siyaasaddan ayaa loogu talagalay in ay dhidib u dhigto awoodda dowladda Soomaaliya si ay mustaqbalka u sugi karto ammaankeeda. Laakiin, sida dhacday meelo kale oo ay ka mid tahay Afghanistan, yoolkaasi wali ma rumoobin.

Xaaladdu waxay kasii dartay warar sheegaya in qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya aysan dagaalka u istaagin, iyo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu eedeeyay inuu ka leexday taageerayaal ka tirsan beelaha mucaaradka iyo xitaa kuwa garabkiisa taagnaa.

Golaha Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaan ka jawaabin codsiyo falcelin ah oo arrintan la xiriira.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Arbacadii sheegay in safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay “si buuxda u shaqeyneyso” isla markaana wasaaraddu ay “si joogto ah u qiimeyso ugana falceliso xogaha la xiriira khataraha, iyadoo la waafajinayo tallaabooyinka ammaanka iyo howlgalka.”

Maureen Farrell, oo horey u ahayd masuulka siyaasadda Afrika ee Wasaaradda Difaaca xilligii maamulka Biden, ayaa sheegtay in Al-Shabaab aan lagu jabin karin kaliya awood milatari. Waxay ku talisay in Mareykanku diiradda saaro xubnaha xagjirka ah ee halista leh, iyadoo lagu dadaalayo in inta kale ee kooxda lagu qanciyo wadahadal siyaasadeed.

“Haddii aan ka fekerayno in aan yareyno joogitaankeenna, waa in aan ka faa’iideysanaa fursaddaas si aan cadaadis ugu saarno horumar dhab ah oo lagu gaaro himilooyinkeenna,” ayay tiri Farrell, oo haatan ah madaxweyne ku xigeen ka tirsan shirkadda la-talinta amniga ee Valar Solutions. “Waa fursad naadir ah oo aan si daacad ah u sheegan karno in aan diyaar u nahay in aan baxno haddii isbedello la taaban karo aan la helin.”

Muddadii ugu badneyd ee xukunkiisa hore, Madaxweyne Trump wuxuu xoojiyay howlgalka milatari ee Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo ka qaaday xayiraado xilligii Obama la saaray duqeymaha. Balse toddobaadyadii ugu dambeysay ee xafiiskiisa, wuxuu si lama filaan ah u amray in inta badan ciidamada laga saaro Soomaaliya, marka laga reebo tiro yar oo ilaalinaysa safaaradda.

Ciidamadii ayaa dib loogu daabulay Kenya iyo Jabuuti, hase yeeshee si wareegto ah loogu soo celinayay gudaha Soomaaliya si ay u taageeraan ciidamada Soomaaliya ee Mareykanku tababaray. Sannadkii 2022, kadib markii hoggaanka milatariga ay sheegeen in gelitaanka iyo ka bixitaanka dalka uu khatar yahay, Madaxweyne Joe Biden ayaa oggolaaday in ciidamada Mareykanka dib loogu celiyo joogitaan rasmi ah gudaha Soomaaliya.

Waxaa haatan gudaha Soomaaliya ku sugan 500 ilaa 600 oo askari Mareykan ah, sida uu sheegay Taliska AFRICOM. Maamulka cusubna wuxuu fuliyay dhowr duqeyn oo ka dhan ah xubno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugan waqooyiga dalka.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, guulo dagaal oo ay gaareen Al-Shabaab ayaa keenay in kooxda ay ku soo dhowaato magaalada Muqdisho, taas oo keentay walaac ku saabsan ammaanka safaaradda Mareykanka — xarun si weyn loo ilaaliyo oo ku taalla gudaha garoonka diyaaradaha. Roobabkii xilli roobaadka ayaa hakiyay dagaalka, taas oo bixisay waqti dheeraad ah.

Omar Mahmood, falanqeeye sare oo ka tirsan Hay’adda Crisis Group una qaabilsan Soomaaliya iyo Geeska Afrika, ayaa sheegay in weerarradii ay Al-Shabaab bilaabeen dabayaaqadii Febraayo ay si lama filaan ah ugu dhaceen dowladda, taas oo keentay in kooxda ay dib u qabsato qaar ka mid ah tuulooyin ay horey u weysay laba sano kahor. Si kastaba, wuxuu sheegay in guulaha la sheegayo ay yihiin kuwo la buunbuuniyay, isla markaana kooxda aysan hadda u muuqan inay Muqdisho bartilmaameedsanayso.

“Dowladdu si dhab ah ayay ula tacaaleysaa xaaladda – ciidamadii dhawaan la tababaray ma aysan la falgelin dagaalka si wanaagsan, siyaasadduna si xun ayay u kala firdhan tahay – balse cabsi laga qabo in Muqdisho la qabsado waa mid si weyn loo buunbuuniyay,” ayuu ku yiri email. “Tani waa wax ku caadi ah Soomaaliya, gaar ahaan dhexdeeda saaxiibada caalamiga ah, in marka ay wax yar qaldamaan, ay dadku si degdeg ah ugu rido cabsi iyo saadaal xun.”

Si kastaba, qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa wali taageersan in safaaradda la xiro, lagana daadgureeyo shaqaalaha si nidaamsan, si looga fogaado baahi degdeg ah oo lagu sameeyo howlgal samatabixin, sida tii ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Kabul, Afghanistan, bishii Agoosto 2021.

Waxaa kale oo jirta cadaadis lagu saarayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda in ay isku ururiso howlaheeda safaaradeed ee qaaradda Afrika. Sidaa darteed, ururinta shaqaalaha Mareykanka ee Soomaaliya meel kale oo Bariga Afrika ah, sida Kenya ama Jabuuti, ayaa u adeegaysa yoolka dhimista kharashaadka dowladda, sida ay sheegeen masuuliyiin arrinta ka warqabay.

Qaybo ka mid ah Soomaaliya ayaa si iskood ah isugu caleemo saaray maamullo madax-bannaan. Mid ka mid ah ikhtiyaarrada la tixgelinayo ayaa ah in qaar ka mid ah xarumaha iyo hantida Mareykanka la geeyo saldhig militari oo wakhtigii Soviet-ka laga dhisay Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan u soo jeediyay maamulka Trump inuu la wareego saldhigyo ciidan iyo dekedo, oo ay ku jirto mid ku taalla Somaliland, inkastoo dowladda federaalka aysan maamul u lahayn dhulkaas, sida ay Reuters daabacday dabayaaqadii Maarso.

Shirkii toddobaadkii hore, Gorka ayaa la sheegay inuu si adag uga hor yimid fikradda ah in la yareeyo joogitaanka Mareykanka, isagoo ku dooday in aan la aqbali karin in Al-Shabaab ay dalka la wareegto, isla markaana soo jeediyay in la kordhiyo weerarada lagu beegsanayo dagaalyahanada kooxda.

Isbedel kasta wuxuu saameyn ku yeelan karaa xiriirka Mareykanka la leeyahay dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. Itoobiya, Imaaraadka Carabta, Turkiga, iyo Masar ayaa leh ciidamo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, halka Kenya ay si toos ah u la kulantay weerarro ay kooxdaasi ka fulisay gudaha dalkooda.

Yaraynta howlgallada ayaa sidoo kale keeni karta su’aalo ku saabsan in hay’adda CIA ay sii wadi karto hawlaheeda gudaha Soomaaliya. Xusuusin ahaan, weerarkii Benghazi, kooxaha weerarka geystay waxay weerareen xarunta CIA-da ee ku taallay meel u dhow safaaradda Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan arrimahan waxay ku xiran yihiin go’aanka siyaasadeed ee Mareykanka ka qaadanayo Soomaaliya: in la sii wado siyaasadda hadda jirta si Al-Shabaab loo xakameeyo, in si weyn loo kordhiyo duqeymaha ka dhanka ah kooxda, ama in la yareeyo joogitaanka iyadoo la ilaalinayo awoodda lagu fulin karo weerarro fogfog oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada argagixisada.

Qayb muhiim ah oo ka mid ah su’aashu waxay tahay: haddii Al-Shabaab ay la wareegto dhul ballaaran oo ka mid ah Soomaaliya, ma ku ekaan doonaan xukun gudaha ah, mise waxay bilaabi doonaan weerarro dibedda ah ama martigelin doonaan kooxo argagixiso ah oo sidaas sameeya?

Kooxda Al-Shabaab waxay ka dhalatay fowdadii siyaasadeed ee Soomaaliya bartamihii 2000-meeyadii, waxayna 2012-kii daacad u noqotay Al Qaacida. Qaar ka mid ah garabyadeeda ayaa weerarro ka fuliyay meel ka baxsan Soomaaliya, sida toogashadii 2013 ee ka dhacday xarunta Westgate Mall ee Nairobi, Kenya, iyo weerarkii 2020 ee lagu qaaday saldhig Mareykanka leeyahay oo ku yaalla Manda Bay, Kenya, kadib markii maamulka Trump uu kordhiyay duqeymaha.

Soomaaliya waxay ka soo horjeeddaa gacanka Cadan, dhinaca dalka Yemen, halkaas oo maamulka Trump uu kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta ay Iran taageerto, kuwaas oo khatar ku haya marin-biyoodka ganacsiga caalamiga ah ee Suez. Taliyaha Taliska AFRICOM, Gen. Michael E. Langley, ayaa toddobaadkii hore u sheegay Congress-ka in milatarigu uu si dhow ula socdo calaamado muujinaya xiriir suurtagal ah oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta.

Charlie Savage wuxuu wax ka qoraa arrimaha ammaanka qaranka iyo siyaasadda sharciga.

Eric Schmitt waa weriye ka tirsan The New York Times oo ku takhasusay arrimaha ammaanka qaranka, isaga oo si gaar ah diiradda u saara howlaha milatari ee Mareykanka iyo arrimaha la xiriira la-dagaallanka argagixisada ee dibadda. Wuxuu ku hawlanaa tabinta mowduucyadan muddo ka badan soddon sano.

Muxuu yahay heshiiska ay saxiixday DF ee $306 milyan?

Kuwait (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la saxiixatay Sanduuqa Lacagta Carabta (Arab Monetary Fund – AMF) heshiis looga cafinayo dayn gaaraysa $306.5 milyan, tallaabo muhiim ah oo ay dowladda ku tilmaantay guul istaraatiiji ah oo kaalin weyn ka qaadaneysa barnaamijka dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka.

Soomaaliya, oo muddo tobannaan sano ah la daalaa-dheceysay dagaallo sokeeye iyo burbur baahsan, ayaa hadda ku jirta dadaallo dib-u-dhis dhaqaale. Dhibaatada waxaa sii xumeeyay abaaro, fatahaado iyo weerarro xagga dalagga ah oo ayaxa geystay sannadihii u dambeeyay.

Heshiiskan wuxuu qayb ka yahay dadaallada socda ee Soomaaliya ay ugu jirto cafinta deymaha culus ee dalka ku dhacay tobannaan sano kahor, xilli uu burbur ku yimid hay’adihii dowladda kaddib markii uu billowday dagaalkii sokeeye sanadkii 1991. Intii u dhaxeysay, Soomaaliya waxay ka baxday nidaamka maaliyadeed ee caalamka, iyadoo aan lahayn awood ay ku maamusho daymaha ama ay ku hesho deeqo iyo maalgelin caalami ah.

Sanadkii hore, Soomaaliya waxay ku guuleysatay in laga cafiyo 99% dayntii ay ku lahayeen waddamada xubnaha ka ah Paris Club – tallaabo lafdhabar u ahayd dadaallada ay ku dooneyso in ay dib ugu biirto nidaamka maaliyadeed ee caalamka.

Heshiiska ay la gashay AMF—oo xarunteedu tahay Abu Dhabi, islamarkaana hormuud u ah xasilloonida maaliyadeed iyo horumarka dhaqaale ee dalalka Carabta—ayaa salka ku haya dib-u-habayn lagu sameynayo deynta ay Soomaaliya ku lahayd sanduuqaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu AMF soo saaray. Balse, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin heshiiska.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiim u yahay dadaallada Soomaaliya ee dhinaca cafinta daymaha, isla markaana uu yahay “tallaabo aasaasi u ah dib-u-xirirka Soomaaliya la leedahay sanduuqa.”

Saxiixa heshiiskan oo Arbacadii ka dhacay magaalada Kuwait, ayaa sidoo kale “ka tarjumaya kalsoonida sii kordheysa ee beesha caalamka ay ku qabto jihada cusub ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaallada dib-u-habaynta.”