26 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Lineker oo raali gelin ka bixiyey markii uu sajuuda Ait-Fana ku tilmaamay cows cunid.

Gary Lineker ayaa raali gelin ka bixiyey ka dib markii uu dabaal dega sajuuda ee laba ciyaaryaahan oo muslim ah oo u ciyaara kooxda Montpellier xalay ku sifeeyey inay cunayaan cowska garoonka, isagoo daadihiye ka ahaa TV-ga Al Jazeera.

Wuxuu kulankii Uefa Champions League si toos ah ugu tebinaayey Bariga dhexe ee Al Jazeera +3, markii uu goolkii furitaanka ee Karim Ait-Fana uu ka dhaliyey Schalke ku sifeeyey inuu ciyaaryahanku cowska cunaayo.

“Dadaal heer sare ah oo ka yimid Karim Ait-Fana, kaasoo goolka kasoo toogtay meel dheer cowskana cunay…sidaas ayuu sameeyey,” ayuu yiri Lineker, iyadoona markaas sawirku muujinaayey 23 jirka garabka ka ciyaara ee reer France oo saxiibkiisa reer Morocco Younes Belhanda la sujuudaya.

Waxaa sidaasba si la mid ah soo badanaayey ciyaaryahanada diintooda ku sifeeya dabaal degyadooda, sida kuwa muslim qaaliska ah ee weerarka uga ciyaara kooxda Newcastle Demba Ba iyo Papiss Cisse.

Fikrada Lineker ayaa ka turjumeysay sida uu u heyso diin aan aheyn tan Islaamka waxaana akoonkiisa Twitter-ka uu weeraryahankii hore ee xulka England iyo kooxda Tottenham ku bixiyey raali gelin.

51 jirkaan ayaana 1.1 milyan oo ku xiran Bogiisa Twitter ku hor faafiyey dhacdo uu isagu saameyn ku lahaa ka dib markii uu sidoo kale faafiyey dhalashada 21-aad ee wiilkiisa George.

“Waan ka xumahay balse ulama aana jeedin diinta ciyaartoyda,” ayuu Lineker ku Qoray bogga uu ka isticmaalo Twitter.

Raskambooni “Dowladda wax shaqo ah kuma lahan maamul u sameynta Kismaayo” + Shir ka socda Nairobi.

Magaalada Nairobi waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo maamul u samaynta Kismaayo.

Urur goboleedka Igad ayaa shirkani marti geliyay, waxaana ay doonayaan in dhinacyada dhamaan ay ka qeyb-qaataan maamul u dhisidda Kismaayo.

 Ciidanka Kenya ee hoos tago AMISOM ayaa maalmo ka hor qabsaday magaalada iyagoo kaashanayo dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegaya in ay ka shaki qabaan Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Cabdisamad Maxamd, ayaa sheegay in arrimaha maamul u samaynta gobolka loo dhaafo dowladda cusub ee Soomaaliya, maadama uu dalka ka baxay xilligii kumeel-gaarka.

Afhayeenka ururka Raaskambooni, Cabdinaasir Seeraar, ayaa BBC u sheegay in ay dhisayaan maamul kumeel-gaar ah oo ay ka war sugayaan shirka ka socda magaalada Nairobi.

Seeraar ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya uusan dhigaynin in dowladda ay magacawda maamullada gobollada, islamarkaana  hadda ay wadaan qorshe ay Maamul KMG ah ugu sameenayaan magaalada Kismaayo, isagoo gaashaanka u daruuray hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in Dowladda ay Maamul u sameyn doonto Kismaayo.

“Dowladda waxbo kama galin Maamul u sameynta magaalada Kismaayo iyo gobbolada Jubbooyinka, waxaa fiican in Madaxweynuhu uu dib u akhriso Dastuurka, Dastuurka kuma taallo in Madaxweynuhu uu Maamullo u sameeyo gobbolada dalka,”ayuu yiri Mr Seeraar.

Figo: “Raul wuxuu doonayey inuu xirfadiisa ciyaareed kusoo afmeero Real, balse…..”

Ciyaryahankii hore ee xulka Portugal Luis Figo ayaa aaminsan in halyeeyga kooxda Real Madrid Raul uu doonayey inuu kobaha iska siibo isagoo xiran maaliyada kooxda Real kana hor ciyaaraya taageerayaasha Santiago Bernabeu, laakiin taasi aysan noqon mid miro dhasha.

Halyeegi weerarka ka ciyaara, ayaa hada qandaraas kula jira kooxda ka dhisan dalka Qatar ee Al Sadd,, wuxuuna kooxda reer Spain uga biiray Schalke 2010kii, laakiin Figo ayaa maanka ku haaya in ciyaaryahankii hore ee ay isku kooxda ahaan jireen uusan meelna u baqooleen.

“Raul wuxuu doonayey inuu xirfadiisa ciyaareed ku dhameysto Real Madrid, laakiin sidaasi ma aysan noqon. Wuxuu ka tegey Real. Waxaan rajeynayaa inuu ku farax san yahay Qatar,” ayuu Figo u sheegay TV-ga Al Jazeera.

39 jirkaan ayaana doonaya in sanadkaan Cristiano Ronaldo la gudoonsiiyo abaal marinta Ballon d’Or. Isagoona sheegay inuusan shaqo ku laheyn farxad la’aanta Ronaldo.

“Waxaan aaminsanahay inuu sanadkaan ku guuleysan karo Ballon d’Or sabbabtoo ah wuxuu kusoo guuleytay horyaalka La Liga. Ma ganaayo sababta ka dambeysa farxad la’aantiisa. Waa inaad isaga weydiisaa. Taasi ma ahan aniga shaqadeyda.”

Gerrard oo sheegay inuu laba mar ku sigtay inuu ku biiro Chelsea, balse uu diiday.

Kabtan Fantastic ayaa sheegay inuu iska indha tiray dalabyo labo ah oo uu kula biiri lahaa kooxda Chelsea, wuxuuna hooska ka xariiqay inuusan dooneyn inuu ka tago kooxdiisa Liverpool oo uu daacad u yahay.
Steven Gerrard ayaa Liverpool kusoo biiray isagoo da’yar wuxuuna sheegay inuu iska diiday inuu la midoobo maal qabeenka reer Russia Roman Abramovic.
“Miyaan ka baqaayey go’aan keyga ? Maya ma dooneyn inaan ka tago Liverpool,” ayuu Gerrard u sheegay boga la magac baxay My Liverpool Story.
“Xaqiiqdii waxaan jeclahay inaan sii jooho halkaan [Liverpool] waxaan daacad u ahay kooxdeyda, labadii isku day oo ay dooneysay inay Chelsea igu qaadatana waan fashilay.”

Kaka oo kalsooni ku qaba inuu ciyaaro El Clasico.

Rick Kaka ayaa maanka ku haaya in loogu yeero kulanka ay qabtaan indhaha aduunka ee El Clasico Barcelona vs Real Madtd, ka dib bandhigiisii cajiibka ahaa ee kulankii Ajax.
Ka dib ciyaartii ay Los Blancos 4-1 ku xaaqaday Ajax ayuu la hadlay saxaafada wuxuuna sheegay inuu kalsooni ku qabo in Jose Mourinho uu u yeero kulanka ka dhacaya Comp Nou Stadium.
“Ma garanaayo hadii aan ciyaarayo kulanka Barcelona, waxaan sugayaa go’aanka Jose si buuxda ayaana usoo diyaar garoobay,” ayuu yiri xidigii ku guuleystay laacibka aduunka ee 2007dii.

Mr Ronaldo oo kala gooyey Mucjisadii Messi (Warbixin xiiso badan)

Waxaa qiimeyn lagu sameeyey sedaxdii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaaraan labada ciyaaryahan ee xafiiltama Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, natiijada qiimeynta waxaa 7-0 ku badiyey xidiga Real Madrid kasoo sedaxdisii kulan ee ugu dambeysay shabaqa soo taabtay Todoba jeer.
Mucjisada Kubada cagta ee kooxda Barcelona Lionel Messi ayaase shabaqa soo taaban waayey sedaxdii kulan ee ugu dambeysay.
Ronaldo ayaa dhaliyey Sedaxleey kulankii xalay ay kooxdiisu 4-1 ku cabtay kooxda Ajax. Wuxuuna sidoo kale dhaliyey sedaxleey kulankii Horyaalka ay Real 5-1 uga badisay Diportivo La Coruna, halka uu goolka kale ka dhaliyey Man City, wuxuuna sidaasi ku dhaliyey 7 gool.
Dhanka kale kama uu badna sedaxdii kula ee ugu dambeysay ee sidoo kale wuxuu ka sitaa gool dhalinta Uefa Champions League oo uu ku hugaaminaayo afar gool, halka Messi leeyahay laba gool oo keliya.
Labada xidig ayaa laga war dhowrayaa waxa ay ka sameeyaan kulanka la wada sugaayo ee El Clasico Barcelona vs Real Madrid.

Amisom oo gacanta ku soo dhigtay kooxaha dila Weriyeyasha .

Amisom ayaa maanta daboolka ka qaaday in nolasha lagu soo qabtay dhowr qof oo dil ugaystay Wariyaasha ka howlgala Muqdisho.

Cali Adan Xumad oo ah Afhayeenka AMISOM ayaa maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in howlgalo magaalada laga sameeyay ay jiraan dad gacanta lagu soo dhigay.

Afhayeenka Wuxuu sheegay in dadkaasi qaarkood ay ka danbeeyeen dilalkii qorsheesnaa ee loo geestay qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgalayay Muqdisho.

Cali Aadan Xumud Sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan dad kale oo ay baaritaano ay ku socdaan isla markaana markii ay dadkaasi ku cadaado in la soo taagi doono maxkamad.

Wuxuu sheegay in Amaanka Magaalada Muqdisho sugideeda ay ku guulaysteen Ciidankooda dhawaana ay si rasmi u howlgali doonaan Ciidamada Booliska.

Man City oo dooneysa inay qadkeeda dhexe kusoo darto Vidal.

Manchester City ayaa diyaar u ah inay markaan soo qaadato xidga kooxda Juventus Arturo Vidal, ka dib markii ay xagaaga ku hungowday ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Rome Daniele De Rossi, sida ay ogaatay shabakada Goal.com
Tababare Roberto Mancini ayaa diyaar u ah inuu ciyaaryahanka qadka dfhexe ee heerka caalami dalka Chile laakiin kooxda heysta horyaalka England Premier League ayaa dhibaato kala kulmi doonta Juve oo aan dooneyn inay iibiso furaha qadkeeda dhexe.
“Mancini wuu jecelyahay ciyaaryahankaan wuxuuna doonayaa inuu milkiile yaasha kala hadlo xaaladiisa,” ayey Goal.com kasoo xigatay ilo ku dhow Man City.
“Xagaagii hore waxaa jiray wadahadalo uu Tevez ama Dzeko ugu weecanaayo Juve, laakiin Old Lady waxay dooneysaa Lacag kaash ah.”
25 jirkaan ayaa sidoo kale soo jiitay Real Madrid ka dib markii uu Serie A ku hugaamiyey Juventys oo uu kaga soo biiray Bayer Leverkusen, taas micnaheeda ayaana ah inay City soo qaadan karto marka uu suuqu furmo.

Rooney oo Joe Hart ku tilmaamay gool hayaha ugu wanaagsan caalamka.

Weeraryahanka kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa ku sheegay gool hayaha kooxda Manchester City Joe Hart inuu yahay midka ugu wanaagsan ee gool ilaaliya, ka dib markii uu muujiyey bandhig cajiib ah kulankii Borussia Dortmun isagoo kooxdiisa ku hugaamiyey dhibicda ay ka heleen ciyaarta.
Iyadoo ay aheyd inay guuleystaan hadan a kooxda oberto Mancini ayaan nasiib uu yeelan guul gool ku laad uu dhaliyey Mario Balotelli ayana simay goolasha cyaarta.
Si kastaba gool hayuhu wuxuu sameeyey badbaadoyin badan, Rooney ayaana maanka ku haya inaysan la’aanti City hesheen dhibicda.
“Waa inaan dhahaa Joe wuxuu sameeyey wax aan caqli gal aheyn. Aniga ahaan wuxuu iila muuqdaa gool hayaha ugu wanaagsan caalamka,” ayuu Rooney ku qoray Bartiisa Twitter-ka.
Guul darro 3-2 ah ayaa kazoo gaartay Madrid bilowgii Group-yada, kooxda Mancini ayaana mar kale barbaro ka heshay kooxda Jurgen Klopp, Mancini ayaana amaanay bandhiga ninka reer England.
“Joe Hart wuxuu naga badbaadiyey guul darro,” ayuu Mancini u sheegay Saxaafada.
“Wuxuu badbaaiyey wax kasta. Sidaas darted waa inaan u mahad celiyaa.
“Wuxuu muujiyey bandhig Fantastik ah. Ma garanaayo hadii ay aheyd kii ugu wanaagsanaa taariikhda kubada cagta, laakiin wuxuu sameeyey wax aad u fiican.”

 

KASHIFAAD: Suntii Badda Somalia, armay Bariga isu badashay?

Waxaa mahad iska leh allah, naxariisna iyo nabad galyo korkiisa ha’ahaato nibigiisii, waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha.

WadankaSomaliaayaa mudo aad u dheer iska ahaa wadan baylaha oo aan cidina ka warqabin xuddudihiisa cirka, dhulka iyo badaba. MudadaasSomaliawaxay noqotay qashinqubka ay wadamada aduunka wasakhda kusoo daadiyaan. Wasakhadani ma ahan mid caadiya ee waa noocyada  khatarta badan ee radiological (nuclear) Biological, iyo chemical dhibaato wayna u gaysta caafimaadka bini’aadamka isla markaasna ay aad u adagtahay in la suuliyo ama ay kharash aad u badan ku kacayso in la xabaalo.

Hadii dhulka lagu aaso waxay wasakhaysaa biyaha dhulka hoos mara ee laga cabo ceelasha, hadii bada lagu duugo waxay sumaysaa kaluunka iyo noolaha kale ee bada kuwaasoo ay ku sumoobi karaan dadkii cuna, hadii hawada lagu sayro iyogaa gaas ahna adka iyo geedaha ayaa ku sumooba naqas kaas.

Waxaa jira shirkado lacag badan ku qaata in ay xabaalaan suntaas, laakiin qaarkood ayaa xiriir lasamaystaan, mafiyada aduunka iyo madax tuugo ah oo ka tirsan dawladaha wadamada soboolka ah. Meeshii ay shirkadu malaayiin dollar ku bixin lahayd in ay si sax ah u aasto suntan ayay inta markab kabuuxiso kusoo diidisaa wadamada nidaam xumadu ka jirto sidaSomalia.

20 kii sano ee lasoo dhaafaySomaliawaxay ahayd meesha ugu liidata meelaha liita ee aduunka  xaga dawladnimada iyo ilaalinta xuduudaha. Cid ka warqabta majirto waxa maraya hawadaSomalia, bada ama kasoo gash dhulka.

Maalman waxaa soo badanayay cudurada aan horay loo aqoon ama aan badanaan jirin sida burooyin waawayn oo dadka kasoo baxa wajijiga, qoorta, caloosha iyo meelo badan oo jirka kamida.  Kansarku wuxuu ahaan jiray cudur aad ugu yarSomalialaakiiin hada, burooyin kansar ah oo aan la daawayn Karin ayaa kasoo baxay dad badan. Cudurada maqaarka kudhaca aad ayay usii badanyaan. Meelaha qaarkood waxaa lagasoo sheegayaan, kaluunkii oo xeebaha kusoo caarinaya isagoo mayd ah. Kaluumaysatada xeebuhu waxay soo sheegayaan in kaluunkii uuba yaraaday.

XeebahaSomaliawaxaa kusugan kumanaan maraakiib ah oo wax leh iyo waxa ay hayaan aan laqoon. Meesha Qaarkood iyadoo loo jeedo ay bada dhedeed ku warshadaynayaan kaluunkiiSomalia. Waxaa la arkay mariik hubaysan, oo isticmaalaya qaabab kaluumaysi oo aduunka laga mamnuucay markii ay arkaan doomaha kaluumaysatada somalidana rasaas huwiya doomohoodana burburiya. Xeebaha qaarkood kaluumaysatadii somalida waxay uga qexeen arintaas.

Xaga bariga waxaad maqlaysaa diyaarado wax leh aan laqoon oo ku meeraysanaya deegaamo wax dhibaato ama daagaalo ah oo ka jira aysan jirin, meela qaarkood waxaa la arkay iyaga oo uruursanaya duurjoogta qaaliga ah ee waliba Somalia kasii yaraanaysa. Manta waxaan ka akhristay warbaahinta in diyaarad ay ku daadisay wax aan la aqoon dagaan lagu magacaabo Alleybaday Halkan ka akhriso warbihintaas.  

DawladaSomaliaiyo maamulada ka jiroSomaliawax warakamahayaan haddii sun lagu kordaadinayo guryohooda.  HawadaSomaliawaxaa iska maamusha hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay oo malaayiin canshuura ka qaada diyaaradaha ganacsi ee dulmaraSomalia. Hay’adaasi wax kale oo ay hwadaSomaliauqabato majirto, ma dabagasho cidii sharci daro ku marta hawadaSomalia, mana uruuriso dhacdooyinka noocana ee maalinwalba ka dhaca hawada.

Canshuurta hawadaSomalianiman aan waligoodSomaliaimaanin ayaan huteelo Nayroobi kuyaala isga jiifa, baabur qaaliya ka wada iibsaday mushaarna isaga cuna.Somaliamalaha wax ciidan badeed ama cireeda oo talaabo kaqaadi kara arimahan, waana arimoSomaliaugaara oo meelkale oo sidan u liidata majirto.

Maadaama ay dawladaSomaliahada ka baxday ku meel gaarnimadii waxaa looga fadhiyaa madax waynaha cusub iyo dawlada uu soo wadaba in ay hawada Somali maamulkeeda dib ula wareegaan, ayna dabagal ku sameeyaan dambiyada caalamiga ah ee ka socda hawada iyo badaSomalia. Waa in dib loo hawl galiyaa ciidamadii bada iyo cirka si ay wax uga qabtaan arintan oo xal kale loo heli Karin.

Waana in dabagal lagu sameeyaa dabiyadii horay udhacay si maxkamad loola tiigsado cidii ay ku cadaato in ay ka qayb qaadatay sumaynta ka socotaSomalia. Muumulada iyo dadwaynaha Somalia waxaan ugu baaqayaa in ay uruuryaan dhacdooninka arintan kusaabsan wixii lala yaabo oo lagu arko bada, bariga ama kasoo daadta hawadana waa in la kaydiyaa (samples) si hadhow baaritaan loo mariyo, si looga digtoonaado caafimaad ahaan looguna adeegsada cadayn ahaan markii loo baahdo.

Mahadsanidin   

W/Q: Cabdulah

Faallo: Ururka “Damul-Jadiid” iyo Siyaasada Cusub ee Soomaaliya!

Waxaa beryahaanba isa soo tarayay hadalhaynta Urur Diimeed cusub oo la Magac baxay “Damul jadiid” ayadoo dadkuna ay siyaaba kala duwan uga hadlayn hadana waxaan Shaki ku jirin in uu ka dhashay (Damul-jadiid) Khilaafkii hareeyay Ururka Al-Islaax ee ikhwaanul Muslimiinka Soomaaliya.

Ayadoo dadka falanqeeya arimaha xarakaatka islaamiga ay sheegayaan in damul jadiid uu ka horeeyay khilaafkii ugu dambeeyay ee Al islaax guuxa ururkana uu ka dhex jiray ururka al islaax ee soomaaliya iyo laamihiisa dibada, gaar ahaan dalka sudan waxaana guuxaas lagu tilmaamay in uu ka dambeeyay dad badan oo al islaax ka tirsanaa oo aan la dhicin hoolaha ururka iyo isku koobida asaasayaasha ururka al islaax hogaanka iyo talada ururka al islaax.

Halkaana waxaa ka bilaawday dhaqdhaqaaq cusub ee dhiiga cusub (Damul-jadiid) ayagoo ula jeeda sida magacaba ku cad dhiiga cusub ee dacwada Ururka al-islaax ama (ikhwaan al muslimiin) laakiin (damul-jadiid) si rasmiya loo guma dhawaaqin waxaana uu ahaa dhaqdhaqaaq ku koobnaa gudaha (Al islaax).

Waxaana Ururka (Damul-jadiid) uu u badnaa dadka taageero Uruka Al-islaax ee aan sida rasmiga ah uga mid aheyn al-islaax sidoo kale waxaa dhaq dhaqaaqaas ka mid ahaa aqoonyahano iyo dhalinyaro ka tirsan ururka al-islax oo kala jooga gudaha dalka iyo dibada, haba u badnaadeen Dalalka (Qater-Sudan.

Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon ee taagera Ururka Al-islaax markii dambane ka mid ahaa hogaamiyeyaashii dhaqdhaqaaqa (damul-jadiid) ka dibna furtay Urur siyaasadeedka (PDP) ee uu hada hogaamiyo inkastoo Xasan Sh. Maxamud lagu tilmaamo inuu iska dhowro ka mid noqashada rasmiga ah ee Urur diimeedyada (Baycada) hadana lamo ogo jagada rasmiga ah ee uu u ahayay(damul-jadiid) lakiin waxa si weeyn usoo dhaweeyay is sharixidiisii xilka madaxweynaha ururka damul-jadiid ayadoo aqoonyahanada ururku ay Qoraala badan ku qorayeen bogaga kala duwan ee Soomaalida, Carabiga iyo Englishka intaba.

Sidoo kale wexey aad u adeegsanayeen TV.yada iyo Idaacaha Caalamiga iyo gudahaba ayagoo ka fogaanayay taageero gaar ah oo ay taa geerayaan madaxeyne Xasan Sh Maxamud balse taa bedelgeed waxay xooga saareen  soo noqoshada wejiyadii hore ee tagay oo ay si weyn u diidanaayeen ayaga iyo umada Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee waxaa maalin maalinta ka dambeysa soo if baxaya in guushii Madaxweyne Xasan Sh. Maxamud aysan ahayn guul lama filaan ah balse ay ahayd tartan ka qaybgalkiisii si weyn loo soo agadimey Dawladaha islamka iyo Carbtana ay qeyb Libaax leh ka qaateen Aydoo maalmahaane ay fasiri doonaan laakiin falanqeynta inteeda badan ay sheegayaan in masuuliyiin ka tirsan (damul-jadiid) oo ku sugan dalka qter oo ay ku jiraan aqoonyahano caan ah ay ka dhaadhiciyeen dawlada qater siyaasada madaxweynaha iyo barnaamijkiisa iyo mabdaiisa diimeed ee ikhwaanul-muslimiin ayadoo la wada ogyahay in qater ay tahay dawlda kaliya ee ah ikhwaanul-musliim marka laga hadlayo dawladaha khaliijka waxayna si weyn u fangareysaa ururada ikhwaanul muslimiinka ee ka jira wadamada carbta iyo islaamka.

Waxaana tusaale noogu filan Masar iyo tageerada warbaahineed ee al jaziira siiso ikhwaanka masar iyo tan lacageed ee guushii doorashada ka dib loogu deeqay masar 18bilyan mar kaliya ayoo laga yaabo iney sii socoto yaanan maduuca ka bixine beryahaanba waxey bogaga soomaalidu qorayeen in qater ay lacag ku deeqday doorashadii somalia in kastoo aan hadalkaa la hubin iyo qaabka loo bixiyay ayadoo ka fog laaluush sida tii imaaraadka ee shariif loo gu laaluushay qaar ka mid ah Baarlamaan hadana waxaan meesha ka maqneyn kaalinta qater iyo turkiga ay kulahaayen doorashadii si ay meesha uga riixaan daba dhilifyadii wadamada deriska oo ay wax badan ku daawaneyeen wadamada carabta iyo islaamka iney igad maamulato somalia.

Waxana taas loo sababeeyay isbedelka ka dhacay wadamada carbta iyo doowrka cusub ee turkiga aydoo dadka qaar eey sheegayaan in shirkii (itanbul) ka dhacay ee dalka turkiga in uu doowr weeyn uu ku lahaa guushii madaxweynaha kulankaas oo ay ka qeybgaleen aqoonyahano badan oo soomaaliya ayna ku jireen xubnahaan hore u soo sheegnay ee qater ka tagey oo shirkaas ka qeyqaatay iyo xubno kale oo dalka ka tegay oo dhirkaas lagu casuumay iyo odayaal dhaqameedyadii lagu murmay geeyntoodii hadaba waxa halkaa laga arki karaa sida ay ku doodayaan dadka siyaasada odrasa in shirkaas uu ahaa sababta ka dambeysay guushii madaxweynaha sababtoo ah waxaa goob joog ahaa dawlda turkiga oo shirka marti gelisay dawlada qater iyo sudan iyo xubnaha islaamiyiinta(damul-jadiid)iyo al islaax oo is wata iyo duubabkii dhaqanka.

Taa dhigeeda waxaa meesha ka maqnaa cadawgii somalia Ethobia  oo wafdi hooseeya uu matelaayay iyo saxiixayaashii road mabka sakiinoo mar hool dhamaatey yimid mooyee iyo faroole oo ku hadaaqay in meesha wax lagu maleegaayo shariif maxaakimne wuxuu mooday cida islaamigee uu faroole sheegay iney turkigu taageerayo inuu yahay asiga oo liiska odayada laqaaday waxaa laga bixiyay madaxtooyada.

Waxaan shaki ku jirin in siminaaradii duubabka loogu qabtay turkiga ee lagu wacyigelinayay inay soo xulaan xildhibaano sharaf leh aqoona leh intii duubabka wax tarka leh loo arkay eey dawlada turkiga iyo xulufadeeda ay ka dhameeyeen inay soo xulaan xildhibaano taageera xasan sheekh oo u badan aqoonyahano ka soo jeeda beelaha kala duwan ee somalia kuwaas  oo kanixiyay wereegii hore ee doorashada halka wareegii dambane laysugu tagay badbaadinta qaranka Ayadoo aan ognahay in dowlada turkiga ay hogaamiyaan ikhwaanul muslimiinka turkiga gaar ahaan xizbiga c/lla gul iyo erdogan ee aka paety.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata saameynta sxb da cusub ee somalia in kasta oo ay muuqato iney qarinayaan saameyntooda si ay uga fogaadaan muran ka yimaada reergalbeedka oo saaxiibo culus mandaqada ku leh halka  wadamadan carabta iyo turki ay wax saaxiiba ku lahayn iyo ciidan toona sidaa awgeed waxay ku qasbanyihiin inay gaabsadaan inta laga heleyo dawlad somlia oo xoogan ama ay ciidamada amisom ay ciidan ugu darsadaan

Magacaabista Raisal Wasaaraha!!!

Magacaabista raisal wasaaraha waxaa hareeyay mugdi iyo jahawareer kuwa wax saadaaliyana waa ay fara laabteen laakiin waxaad moodaa in laga guuray nin jecleysi iyo raaligelin beeleed taa bedelkeed waxaa bedelay isbahaysi siyaasadeed iyo mid diimeed oo waxaad moodaa in uu madaxweynuhu latashiga dadka uu ku qancinayey ee uu horeba go aan uga gaaray intii uu murashaxa ahaa

taas oo lagu micneeyay in madaxweynuhu uu doonayo in uu wasiirka koowaad kasoo dhex xulo xubnaha (damul-jadiid) oo eey aad udoonayaan wadamada carabta gaar ahaan qater oo ufarta aqoonyahanada damul-jadiid ee qater jooga in nadaxwaynuhu uu soo magacaabo nin carabiga yaqaan fahmi karana siyaasadaha iyo arimaha carabta

sidoo kale waxaanan weli kala cadeyn moqfika ikhwaanul muslimiinka dalka masar oo ayagu weli ku dhegnaa midnimada ururka al islaax si gaarana u taageeraye murashixii baadiyow iyo garabkii cali bashi ee wada safnaa

Inkastoo madaxweynaha masar uu si wanaagsan uga hadlay arimaha soomaaliya

waxaana socda qorsha ay horkeceyso dawlada qater oo ah sidii ay u sameyn laheed isbahaysi siyasadeed oo u dhexeeya masar iyo qater oo ku saabsan sudii ay malafka soomaaliya ula wareegi lagayeen wadamada carbta  waxaana laga yaabaa in masar ay ka mid noqoto holgalka amisom ama ay dalbadaan wadamada carbta iyo turkiga in amisom lagu holgeliyo dallada un si ay uga qeyb qaataab nabadeynta sidii uu mersi ka dalbaday un ka

waxaa cad in damul-jadiid ay wadanka hogaaminayaan fursado badana ay heystaa iyo awood soomaaliya saaxiib la ah mid dhaqaale iyo mi siyaasadeed iyo mid milatery waxaana looga fadhiyaa dawlada cusub in ay ka faaideysato fursadahaas kana maaranyo cadawga umada kuna bedelato ciidamada amisom kuwa masar iyo turkiya si daacadana u tabavara ciidamada soomaaliya wadadaane lagu helo ciidan tayo leh iyo dawlad wax soo saar leh oo laga faaideesto maalgashiga khaliijka iyo tyrkiga si barwaawo iyo baraaro deg deg ah loo

Allow soomaaliya noo dhoowr

WQ: C/rashiid Soomaali

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

“XOG”: Madaxweynaha oo maanta ku dhowaaqaya Ra’iisul Wasaaraha.

Warar soo gaaray Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, uu maanta oo ah Khamiis (October 4, 2012) si rasmi ah ugu dhowaaqi doono Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ugu dambeyn madaxweynaha uu soo geba gebeeyay latashiyadii uu waday muddo ku dhow bil, sidaa darteedna maanta uu ku dhowaaqayo ra’iisul wasaaraha.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha oo arrintan ku aadan, waxaana la sheegayaa in madaxweynuhu uu doonayo inuu ku dhowaaqista ka dhigo mid kadis ah.

Ilaa iyo hadda lama yaqaan cidda madaxweynuhu magacaabi doono, waxaana xubno ka tirsan xafiiskiisa ay inoo sheegeen in xittaa ayaga aysan garaneyn cidda la magacaabayo, oo Madaxweynuhu dhowr goor oo horey is-beddelay.

Waxaa sidoo kale macquul ah in madaxweynuhu maanta haddana mar kale uu ka baaqdo magacaabista, sida dhowr goor oo horey dhacday, hase yeeshee ay u badan tahay inuu ugu dambeyn maanta shaaciyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Magacyada dadka miiska saaran waxaa ugu caansan Maxamed Farmaajo oo horey jagaadaas u qabtay iyo Cadbi Weli Gaas oo iminka haya. Waxaa jira labaatameeyo kale oo ah dad siyaasadda ku cusub, oo ayagana rajo leh.

Madaxweynaha oo horumar ku baaqay

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hadii lagawada shaqeeyo xal uhelida dalka Soomaaliya laga baxayo dhibaatada mudada dheer soo martay dalka Soomaaliya.

Proff Xasan ayaa wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay mid ballaaran islamarkaana hadii Odayaasha Soomaaliyeed iyo sidoo kale dhalinyarada ku nool dalka dhamaantood ay uwada dhaqaaqaan sama ka talinta dalka wax waliba ay noqonayaan kuwa hagaaga.

“Hadii Soomaali oo dhan ay gacmaha isqabsadaan waxaan filayaa in lagaari karo horumar ballaaran oo uu dalka gaaro marka Soomaaliyeey aan kawada shaqeyno horumarka dalka”

Wuxuu sheegay Madaxweynaha dalka Soomaaliya in hada marxalada dalka Soomaaliya uu ku jiro laga gudbayo loona gudbayo marxalad ka wanaagsan tii muddada 20-sano aheyd uu dalka soo maray.

Soomaaliya oo ku jirto Mudo Dagaalo ayaa waxaa muuqata  in Dowlada Soomaaliya ee hada dalka ka jirta qayb lixaadleh ka qaadan doonto Xasiloonida dalka iyo hormarka.

Dhalinyarada Somalida K/Afrika oo ka fekeraya qorshe culus oo…+ Sawiro.

Kulan Weyn oo ay ka soo qeyb galeen Maamulka iyo Ciyaartooyda kooxda koobka lasoo hoyatay ee Banaadir Stars ayaa caawa waxa uu ka dhacay degaanka ay Soomaalida u badan tahay ee Bellville ee magaalada Cape Town ee dalka Konfur Africa.

Kulankani oo ahaa mid casho ah ayaa waxaa lagu dhiira gelinayey kooxda Koobka Soo xayuub satay ee Banaadir Stars iyadoo masuuliyiintii ka hadashay ay ka mid ahayeen Aweys, Macalin Saadaam, Koofuroow, Qeyla Quute iyo Maxamed Cumar kuwaasi oo dhamaan u bogaadiyey kooxda Banaadir Stars.

Macalinka kooxda Banaadir Stars Macalin Nuune kana mid ahaa Ciyaartooyda caanka ah ee laga yaqaano gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in kooxda ay u ciyaareen hab wanaagsan ayna la imaadeen dabeecad wanaag isla markaana ay kor u qaadeen magaca Ganacsatada Soomaalida Koonfur Africa isagoo sheegay in ay shaqada ay u hayaan bulshada ay sii laba jabaaraan.

Urur Weynaha saxafiyinta Soomaaliyeed e Koonfur Africa marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano Sojasa oo maal gelisay Koobkani ayaa waxaa u hadlay gudoomiyaha Ururka Sojasa Mudane Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo) wuxuuna sheegay in ay sii wadayaan taakuleynta iyo garab istaaga Sports-ka isagoo xasuusiyey Ciyaartooyda in Saxaafada iyo Sports-ka ay yihiin Mataano isla markana ay aad ugu farax sanyihiin Saxafiyinta meel kasta oo ay joogaan guusha sharafta leh ee noo soo hooyeen Kooxda Banaadir Stars oo uu Gudoomiyaha Sojasa Deeqdarajo sheegay in uu ka mid ahaa Ciyaartooydii lagu aas aasay kooxdani isla markaana uu ku farax sanyahay meesha ay hadda Joogto.

Si kastaba ha ahaatee Jaaliyada Soomaalida ayaa sheegay in ay aad ugu farax sanyihiin Guusha ay soo hooyeen Kooxdooda isla markana sheegay in wax lagu farxo ay tahay in Calanka Soomaaliya uu ka dul babanayo Garoonka uu ciyaarahani ka socday oo maalin karta ay usoo daawasho tago boqolaal qof.

Daawo Sawiradda

 

Bahda Sojasa.

 

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha oo la kulmay Odoyaasha Dhaqanka

Madaxweynaha Somalia, ayaa galabta magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo uu arrimo badan kala hadlay. Haddaba waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah sawirrada kullanka laga soo qaatay ee nala daawo.

Madaxweynaha Oo Kulamo Xasaasi Ah Laleh Odoyaasha Dhaqanka

Saacadihii ugu danbeeyay ayaa waxaa Villa Somalia kasocday kulamo is daba joog ah oo uu madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh maxamuud laqaadanayay odoyaasha dhaqanka ee soo xulay xubnihii baarlamanka,kulumadan ayaa ku saabsan soo magacaabista Ra’iisulwasaaraha cusub.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii lo dhaariyay xilkan waday latashiyo dhinacyo badan uu lalahaa,si uu usoo magacaabo ra’iisulwasaare ay dadka soo dhoweeyaan islamarkaasna lajaanqaadi kara isbadalka wadanka kacurtay.

Madaxweynaha ayaa waxaa haysta culeys kaga imaanaya dhinacyo badan,waxaa jiro balanqaadyo uu sameeyay xiligii doorashada taasoo ay siyaasiyiinta qaar ee codadkoda siiyay ay doonayaan in uu iyaga umagacaabo xilkaan ama qof ay wataan iyaga,sidokale waxaa jira cadaadis kaga imaanaya dhanka beesha calamka oo iyagana wata shaqsiyaad,iyo Puntland oo iyadana taagan hadan anaga nala siin jagadaan kama mid ahaan doono dowlada cusub.

“Waxaan doonayaa inaan Ra’iisul Wasaare soo magacaabo, Taasina waxay igu kaliftay inaan la tashiyo sameeyo” ayuu Madaxweynuhu ka sheegay kulamo uu Baydhabo iyo Baladweyne kula qaatay waxgaradka Soomaaliyeed.

Hadalo badan ayaa kasoo baxaya magacaabista Ra’iisul wasaaraha iyadoo Xasan Shiikh uu dhow jeer uu isbedel sameeyay, iyadoo la sheegay in mas’uulkii uu doono inuu ku dhawaaqo ay ka daba imaanayaan hadalo, taasina ay tahay mida dhowr jeer dib u dhigtay magacaabida.

Todobaad keliya ayaa ka haray xiligii Madaxweynaha uu ku dhawaaqi lahaa Ra’iisul Wasaare uu dalka yeesho, Laakiin wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay sheegayaan in kulamada uu hada ku jiro ay yihiin kuwiisii ugu dambeeyay.

Dhowr qof ayaa ku Tartamaya inay xilka Ra’iisul Wasaaraha qaabtaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaaraha xilka sii haya Prof. C/weli Maxamed Cali [Gaas] iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo soo noqday Ra’iisul wasaare xiligii ku-meel-gaarka lagu jiray.

Uganda oo Martiqaad u fidisay Madaxweynayaasha Somalia Iyo Masar, maxaa loo casuumay? (Aqri)

Madaxweynayaasha cusub ee dalalka masar iyo Soomaaliya(Xasan Shiikh Maxamuud iyo Mohamed Mursi)ayay dowlada Uganda kumarti qaaday ineey kasoo qayb galaan xaflada golden jubilee.

Wasiirka warfafinta Uganda Karooro Okurut,ayaa talaadadii lasoo dhaafay waxa uu warqad casuumaad ah udiray madaxweynayaasha dhowaan loo doortay dalalka somalia iyo masar,sidoo kale waxaa xafladaan lagu casuumay 15madaxweyne oo kale.

Karooro Okurut,ayaa sidoo kale xafladaan golden jubilee waxa uu kumarti qaaday hay’ado caalami ah,sida QM,midowga yurub EU,ururka barwaaqo sooranka(Commonwealth),Bankiga horumarinta Afrika iyo hay’ado kalo caalami ah.

Hadii aan wax kaxusno madaxweynayaasha lagu marti qaaday xafladaan waxay kala yihiin:Rwanda, Tanzania, Burundi, Kenya, Somalia, Democratic Republic of Congo, South Sudan, Egypt, Somalia, Congo Brazzaville, Central African Republic, Malawi, Gambia, and Benin.

Xafladan ayaa ah mid laqabto hal mar sanadkiiba waana xaflad si aad ah loga yaqaano dalka Uganda.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi ka socday Britain.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray wafdi ka socday Dowlada Ingiriiska kuwaa oo kulamo la qaatay Madaxwaynaha Soomaaliy.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga wuxuu ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaasi oo kulamo ay kuwada qaateen.

Saxaafada ayaa kulankaan  dibad joog ka ahaa lakiin markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wafdiga maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ay kawada hadleen sidi loo garab istaagi lahaa dowladda cusub ee hada Soomaaliya ka hana qaaday.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wasiirada ay balan qaadeen inay taageero siinayaan dowladd dalka Soomaaliya.

Wafdiga Wasiirada ee maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirka arimaha Africa ee dowladda Ingiriiska Mark Simos iyo sidoo kale Wasiirada horumarinta caalamiga ee Dowladda Ingiriiska justic gringin iyaga oo dhamaantood balan qaaday taageerada inay siinayaan dowladda cusub ee dalka Soomaaliya.

Kooxo hubaysan oo dhacay mid kamid ah Xawaaladaha Muqdisho.

Rag hubaysan ayaa maanta dhac ugeestay mid kamid ah xawaaladaha ka howlgala Magaalada Muqdisho.

kooxaha wax dhacay ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen  labo ruux waxaana ay gudaha ugaleen ragaasi xarunta Xawaalada Amaana ee laanta Buulo Xuubeey.

Dablaydaan  hubaysan ayaa waxaa la sheegay inay ku amreen shaqaalaha xawaalada inay furaan qasnada ay ku jirto lacagta hayeeshe waxaa la sheegay in ninki furaha haaye uu ka la cararay taasina aysan ugu suura gelin inay dhaca geestaan burcada.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in kooxaha hubaysan ay shirkada ka qaateen taleefoonadii gacanta ee ay lahaayeen Shaqaalaha ka shaqeynaye Xawaalada Amaana laanteeda Buulo xuubeey ee Magaalada Muqdisho.

Majirto masuul ka tirsan maamulka Degmada Wadajir oo arintani iskudayga dhaca Xawaalada Amaana ka hadlay.

Dhacan ayaa waxaa uu kamid yahay Dhac marar badan kooxo hubaysan ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho.

Man Utd oo saraakiil daawata caawa u diri doona xidiga Dortmund R.Lewandowski.

Manchester United ayaa Saraakiil daawata u diri doona Robert Lewandowski, kulanka caawa ay kooxdiisa BVB ay Etihad Stadium kula madlan tahay kooxda Man City, sida uu qoray wargeyska The Sun.

Red Devils ayaa u sheegay Borussia Dortmund inay weeraryahanka reer Poland ku iibsan doonaan 16 milyan oo ginni.

Waxayna doonayaan inay weerarka kula lamaaniso weeraryahankii  hore ee Arsenal Robin van Persie, kaasoo u muuqday waayadaan hal bowle aysan kooxda dhana uga maarmin.

Si kataba, Alex Ferguson ayaa waqti dheer isha ku haayey Lewandowski oo 24 jir ah, wuxuuna doonayaa inuu kasoo hoos xaluuliyo saxiibkiis Shinji Kagawa.

Iyadoo Indha-indheeyeyaal loo diri doono kulanka caawa ay la ciyaarayaan Manchester City wareega Group-yada ee Champions League.

Lewandowski ayaa 30 gool u dhaliyey Dortmund sanadii lasoo dhaafay, iyadoo xulkiisu uu qeyb ka marti geliyey koobkii Euro 2012.

Fergie ayaa hada heysta weeraryahano ku filan — laakiin wuxuu jeclaan lahaa inuu weerarkiisa sidoo kale qeyb ka dhigo ciyaartoda ka ciyaari kara garbaha.