25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Mourinho: “Intii aan joogay Inter waxaan Balotelli ka qori karay buug 200 oo baal ah”

Tababaraha kooxda Real Marid Jose Mourinho ayaa ka hadlay xaalada intii uu Inter Milan macalin ugu Mario Balotelli, wuxuuna sheegay inuu weeraryahanka Manchester City uu yahay ‘cunug lagu maadeysto’.

Tababaraha reer Portugal ayaan jecleysan hab dhaqanka da’yarka dalka Talyaaniga wuxuuna sheegay inuu aad ula yaabay ninkaan carada badan.

si kastaba, Mourinho ayaa ka gaabsaday inuu xiriir aan wanaagsaneyn weli kala dhexeeyo Balotelli, wuxuuna qirtay inuu yahay da’yar tayo leh.

“Waxaan ka qori karay buug 200 [Laba boqol] oo xaanshi ah labadeydii sano ee aan Inter wada joognay Mario, laakiin buugaasi ma uusan ahaadeen riwaayad, buugu wuxuu ahaan lahaa mid qosol badan sababtoo ah waa nin maadeed, waa cunug lagu maadeeyso,” ayuu Jose  u sheegay TV-ga CNN.

Sampdoria oo albaabada u furtay hadii uu Cassano kusoo laabanaayo kooxda.

Kooxda ciyaarta horyaalka Serie A Sampdoria ayaa albaabkeeda u furtay hadii uu kooxda kusoo laabanaayo Antonio Cassano – laakiin ma ahan isagoo ciyaaryahan ah.

Antonio Cassano oo haatan 30 jir ah ayaa 2007dii Sampdoria uga soo biiray kooxda Real Madrid, laakiin wuxuu ka tegay bishii Janaayo ee sanadii lasoo dhaafay ka dib markii uu cilaaqaad xun dhex maray isaga iyo madax weynaha kooxda Riccardo Garrone.

Wuxuu hada u ciyaaraa kooxda Inter Milan isagoo uga soo biiray AC Milab, waxaana la sheegaa inuu jeclaan lahaa inuu xirfadiisa ciyaareed ku afjaro kooxda Marassi.

Ki kastaba madaxweyne ku xigeenka Doria Edoardo Garrone ayaa maanka ku haya in Cassano ay macquul tahay inuu kooxda dib ugu soo laabto inuu waayo kale la wadaago.

“Inuu Cassano kusoo laabto Sampdoria waa wax macquul ah, laakiin ma ahan isagoo ciyaaryahan ah,” ayuu yiri Garrone.

“Cassano waa ciyaaryahan aan marnaba la helin taasna waa sababta uu ku yahay mid ka mid ah dad kooban oo loogu jecelahay kubada cagta. Wuxuu leeyahay awood aad u wanaagsan waxaana la fahmi karaa ciyaaryahan inuu wanaagsan yahay iyo in kale marka uu da’ noqdo.

“Mustaqbalka waxaan door bidi lahaa, marka uu Cassano kubada cagta ka fariisto, inuu noo soo laabto uuna soo saaro ciyaaryahano mustaqbal ku leh kubada cagta.”

Manchester United oo 30 milyan ku dooneysa kubad sameeyaha Real Madrid Mezut Ozil.

Sida ay daabaceen inta badan wargeysyada kasoo baxa dalka Ingiriiska Manchester United ayaa si weyn u dooneysa kubad sameeyaha dalka Germnay iyo kooxda Real Madrid Mezut Ozil, iyadoo ay dhowaanahaan suuqa xanta ah yaaleen warar sheegayey in Ozil uu ka tegaayo Madrid.

Ka dib markii uu Real kusoo biiray kubad qaabeeyaha dalka Croatia Luka Modric, 23 jirkaan ayaa u waayey booskiisa qadka dhexe iyadoona loo door biday inuu ka ciyaaro labada garab midkood, waxaana ay arintaani keentay inay xaaladiisa isha ku hayaan kooxo dhowr ah oo ka dhisan dalka England.

Manchester Utd ayaa haatan isi soo diiwaan gelisay iyadoo miisa soo saartay 30 milyan oo euro inay ku qaadato xidiga asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga, waxaana horay u doonayey kooxda Liverpool ee dalka England.

Johan Cruyff oo sheegay in Real Madrid ay ka Qatar badan tahay koox walba.

Halyeeygii kooxda Barcelona Johan Cruyff ayaa ka hadlay kulanka ugu xiisaha badan Primera Division ay kooxdiisii hore ay la ciyaareyso axada kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid, wuxuuna maanka ku hayaa inaysan aheyn wax la aqbali karo in Barca ay gegadeeda Camp Nou guul darro kaga soo gaarto kooxda heysata Horyaalka La Liga.

Kooxda Jose Mourinho ayaa sided dhibcood ka dambeysa Barcelona iyadoo keliya la ciyaaray lix kulan, wuxuuna Cruyff ka digayaa inay xaaladaan Real ku noqoneyso inay El Clasico guul darro huwiso Barca.

“Caadiyanba ma garaneysid waxa dhici doona, laakiin xiligaan waxaan u maleynayaa in Madrid ay koox walba ka qataysan tahay sababtoo ah aad ayey uga dambeeyaan [Farqiga dhibcaha],” Cruyff ayaa sidaasi u sheegay Sky Sports.

“Hadii kulankaan ay guul darreystaan waxay taasi la micno tahay inay horyaalku sabir ku dhowaado. Waa kulan caadi ay ka tahay in lagu dagaalamo. Madrid waxay sameyn doontaa wax walba oo ay ku bedeleyso xaaladaan ku hareereysan.

“Cadaadis ayaa kori doona Mourinho ka dib hadii ay lumiyaan kulanka axada. Ka dibna waxaa jiri doona dhibaatooyin waa weyn.”

Daafaca Manchester United Chris Smalling oo qarka u saran inuu garoomada kusoo laabto.

Manchester United oo waayadaan dhibaato ka heysatay dhanka difaaca ayaa maqashay inuu tababarka kusoo laabtay Chris Smalling.

Smalling ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo markii uu xilli ciyaareedkii hore lugta ka jabay, laakiin waxaa la fahamsan yahay inuu kusoo laabtay tababarka kubada cagta iyadoo laga yaabo inuu keydka kusoo bilowdo kulanka axada ay kooxdiisu booqaneyso Newcastle United.

Sir Alex Ferguson ayaa ku dhibaatoonaayey difaac la’aanta kooxdiisa, tiiyoo uu ku taagnaa Rio Ferdinand iyoo Jonny Evans, halka kabtan Nemanja Vidic lagu sameeyey qaliin isagoona garoomada ka maqnaan doona lix isbuuc.

Kismaayo ma waxay bedeshay Eritrea?

Waxaa maalmahan soocusboonaaday arinta kismaayo oo ah mid sadex geesood ah,balse waxaan lagaranayn sida ay arintaas kusoogaleen ururka Igad oo lasheegay inay shir Looga hadlayo arimaha gobolada Jubooyinka kabilaabeen magaalada Nayroobi.

Waxaana dadka soomaaliyeed isweydiinayaan kismaayo magaalo soomaliyed miyaa? mise waa dal kusoo- kordhay dalalkii laysku dhihi jiray IGAD,waxaana filayaa Kismaayo waxay bedeshay Dalka Ereteriya oo kabaxay dalalka Igad laysku dhihi jiray.

Waxaana tooshka uqaadanay sidii aan dadka soomaliyeed uga iftiimin lahayn, arinta kismaayo waxaana hada muuqata in difaac layskugu jiro oo koox waliba ay sugayso sidii ay tan kale uga guulaysan lahayd, magaaladan waxay soomartay gacmo badan balse kuma aysan qancin sida loo maamulayey iyo weliba cida maamulaysaba.

Waxaana ugu xukun dheeraa Maamulkii ladhihi jiray Dooxada Jubba, Dadka qaarna ay ugu yeeri jireen Walaalaha Galgaduud.

Kooxaha hada doonaya inay gacanta u gasho magaaladani waxay kakoobanyihiin dhowr qaybood, Kooxda Raaskaamboni(Beesha Absame) Kuwa sita Magaca Dawladda Federaalka ah(Sade-Mariixan)

Amisom(keenya keliya) iyo kooxa kale oo dhaqaale doon ah, sida U.S.A,Norwey,France, iyo kuwa kale oo laga yaabo inay kusoo biiraan, waxaana jira inay xulufo yihiin Amisom & Raaskaamboni, ayna

iska ilaalinayaan Maamul ay Dawladu lug kuleedahay uu yimaado Gobolka J/hoose, balse waxay ku faraxsan yihiin Maamul laga keeno Magaalada Nayrobi oo uu horseed kayahay Ruux kasoojeeda besha

Absame,taasina waa midaan dhacayn oo Keenya Dhulka ay hada haysato(N.F.D) ayaa in laga doono ay munaasab tahay ee mid kale looguma deri karo.

Waxaase xaqiiqdu tahay inay Beesha Absame xaq uleedahay inay kaqaybqaadato xukunka Gobolada Jubooyinka oo ay mudo dheer kutaamaysay, balse wadada ay u marayso waa inaysan noqon mida

Hadda jirta oo keenya kushukaaminayso inay beelaha kale uga xaqleeyihiin, ayna kugacan siindoonaan.

Ugu danbayntiina waxaan beelaha kale ee arintan kulugta leh usheegaynaa inay arinta dhulka dhigaan xukunkana laga dhigo mid dadka Soomaliyeed wadaagayaan balse aan laga dhigin mid gacan

Kurimis ah,waxaana xaqiiq ah in dadka iyo degaanada jubooyinka aysan colaad danbe u baahnayn ayna xiligaan tahay markii ay kabogsan lahaayeen colaadaha sokeeye, damaca beelaha.

Degaanada jubooyinka ee xiligan aad ayuu ukala duwan yahay waxaana jira, beelo kuqanacsan in maamul loo dhiso gobolka dadkuna ay si nabad ah ugu wada noolaadan waxayna aaminsanyihiin

in Kismaayo tahay Magaalo ka tirsan geyiga Soomaliyeed Khayraadkana ilaahay ayaa u hibeeyey, waxayna kulan satay Bad, Webi, & Dhulbeered.

Inay dhulkeena damaaciyaan dadka shisheeye ,

Inay dheemankeena gurtaan dadka shisheeye,

Dhoohnaanta dadkeena ayaa dhibaatada abuurtay

Suldaan Ali Abdulahi Hassan
Sweden Västerås
[email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online.

Daawo Video: Somali Airlines oo dib u howl galeysa iyo quruxdeeda 2012.

Waxaa jira warar sheegaya in dib u habeyn ay ku socoto shirkaddii Somalia Airlines, islamarkaana laga yaabo in dhowaan ay shaqo billowdo.

Sida wararka qaar ay sheegayaan dowladda Turkiga ayaa Dowladda Somalia ku gacan siineysa dib u qaabeynta shirkadda iyo dhowr diyaaradood oo ay ku howl billaabi doonto.

Lama shaacin waqti, hase yeeshee webka Somali Airlines ayaa waxaa lasoo dhigay video muujinaya mid ka mid ah diyaaradaha oo duulimaadyo xayeysiis ah sameyneysa, ayna ka muuqato qurux cajiib ah iyo inay tahay mid sanadkan 2012 la sameeyay.

Daawo Video-ga lasoo dhigay www.somaliairlines.net

Madaxweyne Maxaa kuu haray?, mar haddii aad…………!!!!

Madaxaweyne Xasanoo Maxaa kuu haray mar hadaad ra’iisal wasaarihi magacaabi weysan tahay. Maxaa kuu haray mar hadaad Kismaayo maamul umagacaabi kari weysay. Maxaa kuu haray mar hadaad xabashida gobalada ka saari weysan tahay, intaa oo ahayd qodobada ugu muhiim sanaa ee isbedelka dhacay laga filayay inuu si deg dega u hirgeliyo, laakiin waxa aan aragno weli waa sidoodii.

Mar hadii Mahiga lala tashanaayo oo Faroolane Puntland kasoo hadlaayo sidii dawlad madaxbanaan, Maxaa cusub ee madaxweynuhu la yimid oo uu kaga duwanyahay Shariifkii laga qeylshay.

Mudane Madaxweyne qodobka koowaad ee aad ilaalisaa ha noqdo haybada qaranka iyo tan madaxweynaha, hadii intaa aad ka gaabiso oo aad Mahiga iyo wasiirada Uganda iyo wax lamid ah aad meel la fariisato aadna kala tashato aayaha qarankeena, waxaa dhici doonta in lagu sharfo daayee in aan magacaaga laguugu yeerin sidii kuwii kaa horeyeeyay oo dadku quursadeen.

Tan labaadna waa inaad go’aan adag oo geesinimo leh aad ka qaadataa arimaha xasaasiga ee qaranka aadna cidna uga heybeysan go,aankaaga waayo Somalia maanta adaa u sareeyo mana tihid ra’iisal wasaare la casaliyo sidii Farmaajo.

Waxan idaacadaha ka maqlayay nin afayeen u ah jabhada Raskambooni oo si anshaxa ka fog madaxweynaha ula hadlayay, wuxuuna sheegay in aan Muqdisho wax maamula looga soo magacaabeyn oo Nairobi ay ka sugayan maamul gobeleed. Aaway afhayeenadii madaxtooyada mexey si kulul ugu jawaabi waayeen si madaxweynaha go,aankiisa ay hordhac ugu noqdaan mise maba jiraan !!!

Waxaan rabnaa dawlada ku dhisan xafiisyo isla shaqeeya islana jaanqaada oo aanay dhicin in madaxweynihii dalka uu aflagaadeeyo wasiir Kenyan ah, madaxweynaha uu jawaab baqasho leh ku celiyo sidii hore u dhacday xiligii Shariif. Taasi maaha dawladnimo, madaxweyne maanta fursadaad heysataa ee is gaar intaan lagu gaarin.

Gunanad:

Madaxweynaha asaa dalka u taliyo waa inuu go.aan ka gaara
-Magacaabista ra’iisal wasaaraha uu doonayo ama kan ay shacabku rabaan.
-Maamul u sameynta Kismaayo iyo gacan ku haynta dhaqaalaha Kismaayo.
-Inuu dedejiyo ka bixtaanka xabashida gobalada ay dalka ka joogaan
-Ka talinta dhamaan arimaha dalka iyo maamul gobaleedyada. Intaas waa su,aalaha ugu ad adag ee horyaala madaxweynaha oo xalkeeda looga fadhiyo

Alow Somalia noo dhowr 
WQ: C/rashiid Soomaali.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online.

Awaare oo ka dhammaan la’ xafiiska Madaxweyne Xasan. (Maxaa socda?)

Cali Cabdi Awaare, oo ah siyaasi kasoo jeeda Puntland, ayaa dad badan oo siyaasadda faalnqeeya ka yaabiyay, sababo la xiriira sida uu maalmihii ina dhaafay ugu dhowaa madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud.

Mr. Awaare oo horey wasiir uga soo noqday maamul goboleedka Puntland, ayaa dhowr kullan oo is xig xigay la qaatay madaxweynaha toddobaadkan gudihiisa.

“Cali Cabdi Awaare, waa ka dhammaan la’ yahay xafiiska madaxweynaha, oo kullamo dhowr ah ayuu la qaatay” waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia.

Mr. Awaare ayaa ka mid ah dadka doonaya in loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Somalia, taasi oo codsi ku aadan uu si toos ah ugu gudbiyay madaxweynaha, hase yeeshee waxaa naloo sheegay inaan wax go’aan ah la siin.

Awaare ayaa tagay Muqdisho 24-kii september, waxaana ilo-wareedyo kale ay sheegeen inay soo dhoweeyeen dad madaxweynaha uu u diray.

Saddex Midna Ra’iisal Wasaare Xaq Uma Laha! “FAALLO”

Mudane Madaxweyne, Prof. Hassan Sh. Mohamoud,

Waxaad Madaxweyne u noqotay dal iyo dad kala qaybsan oo qabyaaladu ay bedeshay nidaamkii dawliga ahaa iyo kala daymbayntii. Waxaad ku jirtaa jaahwareer beelkastaba rabto ra’iisal wasaare oo aan marnaba la tixgelinayn dawladnimada iyo sharafta qaranimada..

Xaaladdaas oo kale waxay u baahantahay go’aan geesinimo oo aan u danaynayn beel iyo shisheeye midna. Waxaa la dhahaa oodo dhacameed marba sida ay u kala sarreeyaan ayaa loo kala guraa. Maanta waxaad u baahantahay taageerada dadka Somalia intooda badan. Waxaan kugula talinayaan inaadan 3 qolo midna siin jagada ra’iisal wasaaraha kuwaas oo kala ah:

Somaliland: Waxay Somaliland ku dhawaaqday inay ka noqotay midnimadii Ayala lahayd Somalia waxayna samaysatay dawlad u gaar ah. Markaas haddii ra’iisal wasaare la siiyo aan Somaliland tegikarayn waa jago qasaartay oo ay u bahaantahay waxtarkeeda Somalķa.

Puntland: Puntland waa gobol ka tirsan Koonfur balse waxay samaysatay maamul u gaar ah oo leh qaab dawladeed, laba sedna xaq uma laha. Maalinta ay baabi’iso dawladnimada ay sheeganayso oo noqoto maamul goboleed hoos yimaadda dawladda Federaalka ah xaq ayay u leedahay inay u tartanto ra’iisal wasaaraha. Haddii Puntland ku dhawaaqdo inay goosatay marka ay weydo ra’iisal wasaaraha maaha wax meel gaadhaya waayo marnaba kama maarmaan hantida ay ku leeyihiin Mogadisho iyo Jubbada Hoose. Waa ayaamo waxay maqnaataa.

DamJadiid : Dal dhisan oo midaysan ayaa Xisbigaagu ku doodikaraa inuu qaato jagooyinka muhiimka ah. Maanta taasu ma joogto oo marba sidii loo jabo ayaa loo dhitiyaa, dalku waxa uu ku suganyahay xaalad la rabo in laysku keeno oo waa dad iyo dal kala tegay.

Siyaasiga lagu magacaabo Farmaajo oo haysta taageerada shacabka laga soo bilaabo Koonfurta Gaalkacayo ilaa Kismaayo ayaa nabadgelyo iyo dawladnimo kula hirgelinkara, ku dhiiro magacaabistiisa si aadan u lumin taageerada shacabka. Kismaayana (The Jewel of the South) waxay dhulballaarsiga Kiiniya kaga badbaadikartaa madaxweyne iyo ra’iisale wasaare haysta taageerada shacabkka. Beel ama shisheeye dan gaar ah leh ka fadil danta dalkaaga iyo inta waxatrikarta. Mahadsanid Mudane Madaxweyne.

Ibrahim Hassan Gagale (B.A and B.S) USA.
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Daawo Sawirrada: Koox Fanaaniin caan ah oo Muqdisho laga sagootiyay

Xaflad si heer sare ah lo soo agaasimay isla markaasna ay kasoo qayb galeen maamulka G/banaadir,xilibaano iyo ururada bulshada ayaa maanta waxay kadhacday hotelka City Place ee degmada C/casiis,xafladaan ayaa waxaa sagootin loogu sameeynayay fanaaniinta walaaha reer jabuuti ee “Deegaan”.

Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo goobta hadal kajeediyay ayaa waxa uu si aad ah u amaanay fanaaninta iyo abwaanada reer jabuuti, oo iyaga had iyoo jeerba utaagan midnimada ummada Soomaaliyeed,tarsan ayaa sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday doorka ay fanaaninta jabuuti kulahaayeen baraarujinta shacabka somaliyeed iyo ineey kashaqeeyaan midnimadooda.

Sidoo kale waxaa goobta kahadlay Abwaanka Caanka ah ee soomaaliyeed marna ladhihi karo waa Shakispiirka Soomaaliya Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise Singub,abwaan sangub waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay imaanshihiisa magaalada Muqdisho “runtii magaalada muqdisho oo ay mudo iigu danbeeysay,maanta waxaa kamuuqanaya horumar iyo waa cusub,shacabka reer muqdisho waxaan ugu baaqayaa iney xoojiyaan sii adkaynta midnimada iyo nabada dalka’ayuu yiri abwaan Singub.

Fanaaniinta reer Jabuuti ee Deegaan,ayaa intaas kadib waxay goobta kusoo bandhigeen heeso katarjumaya wadaniyada islamarkaasna aad u qiiro galisay dadkii goobta kusugnaa,heesaha ay goobta kaqaadeen ayaa waxaa kujiray hees laqaaday shirkii carta ee lagu soo unkay doowladii uu madaxda ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan.

Siidookale fanaaniintan ayaa soo bandhigay heeso kale oo ay ku cabirayaan nabada ka hanaqaaday magaalada Muqdsho,waxaana kamid ahaa hees lagu magacaabo”Xamareey manabadbaa”,heestaan ayaa waxay xamaasad galisay dadkii goobta kusugnaa oo dhan iyadoo halmar sacab iyo mashxarad ay goobta isqabsatay,sidokale waxaa is hilmaamay ooba masraxa ciyaarta soo fuulay masuuliyiin uu kamid yahay duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo la arkayay isagoo ciyaaraya,sidookale waxaa kamid ahaa masuuliyiintaas Warsame Joodax.

Intaas kadib ayaa fanaaniinta iyo dadkii goobta joogayba waxay udhaqaaqeen dhanka Tiyaatarka qaranka oo isaga hada ay kusocoton dib u dhis,Duqa magaalada Muqdisho Tarsan ayaa fanaaniinta iyo abwaanada kadalbaday ineey soo booqdaan tiyaatarka iskuna soo sawiraan si ay fariin ugu diraan fanaaniinta kale ee dibada kunool si ay iyagana gacan uga gaystaan dib u dhiskiisa.

Sawirrada

 

Lineker oo raali gelin ka bixiyey markii uu sajuuda Ait-Fana ku tilmaamay cows cunid.

Gary Lineker ayaa raali gelin ka bixiyey ka dib markii uu dabaal dega sajuuda ee laba ciyaaryaahan oo muslim ah oo u ciyaara kooxda Montpellier xalay ku sifeeyey inay cunayaan cowska garoonka, isagoo daadihiye ka ahaa TV-ga Al Jazeera.

Wuxuu kulankii Uefa Champions League si toos ah ugu tebinaayey Bariga dhexe ee Al Jazeera +3, markii uu goolkii furitaanka ee Karim Ait-Fana uu ka dhaliyey Schalke ku sifeeyey inuu ciyaaryahanku cowska cunaayo.

“Dadaal heer sare ah oo ka yimid Karim Ait-Fana, kaasoo goolka kasoo toogtay meel dheer cowskana cunay…sidaas ayuu sameeyey,” ayuu yiri Lineker, iyadoona markaas sawirku muujinaayey 23 jirka garabka ka ciyaara ee reer France oo saxiibkiisa reer Morocco Younes Belhanda la sujuudaya.

Waxaa sidaasba si la mid ah soo badanaayey ciyaaryahanada diintooda ku sifeeya dabaal degyadooda, sida kuwa muslim qaaliska ah ee weerarka uga ciyaara kooxda Newcastle Demba Ba iyo Papiss Cisse.

Fikrada Lineker ayaa ka turjumeysay sida uu u heyso diin aan aheyn tan Islaamka waxaana akoonkiisa Twitter-ka uu weeraryahankii hore ee xulka England iyo kooxda Tottenham ku bixiyey raali gelin.

51 jirkaan ayaana 1.1 milyan oo ku xiran Bogiisa Twitter ku hor faafiyey dhacdo uu isagu saameyn ku lahaa ka dib markii uu sidoo kale faafiyey dhalashada 21-aad ee wiilkiisa George.

“Waan ka xumahay balse ulama aana jeedin diinta ciyaartoyda,” ayuu Lineker ku Qoray bogga uu ka isticmaalo Twitter.

Raskambooni “Dowladda wax shaqo ah kuma lahan maamul u sameynta Kismaayo” + Shir ka socda Nairobi.

Magaalada Nairobi waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo maamul u samaynta Kismaayo.

Urur goboleedka Igad ayaa shirkani marti geliyay, waxaana ay doonayaan in dhinacyada dhamaan ay ka qeyb-qaataan maamul u dhisidda Kismaayo.

 Ciidanka Kenya ee hoos tago AMISOM ayaa maalmo ka hor qabsaday magaalada iyagoo kaashanayo dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegaya in ay ka shaki qabaan Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Cabdisamad Maxamd, ayaa sheegay in arrimaha maamul u samaynta gobolka loo dhaafo dowladda cusub ee Soomaaliya, maadama uu dalka ka baxay xilligii kumeel-gaarka.

Afhayeenka ururka Raaskambooni, Cabdinaasir Seeraar, ayaa BBC u sheegay in ay dhisayaan maamul kumeel-gaar ah oo ay ka war sugayaan shirka ka socda magaalada Nairobi.

Seeraar ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya uusan dhigaynin in dowladda ay magacawda maamullada gobollada, islamarkaana  hadda ay wadaan qorshe ay Maamul KMG ah ugu sameenayaan magaalada Kismaayo, isagoo gaashaanka u daruuray hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in Dowladda ay Maamul u sameyn doonto Kismaayo.

“Dowladda waxbo kama galin Maamul u sameynta magaalada Kismaayo iyo gobbolada Jubbooyinka, waxaa fiican in Madaxweynuhu uu dib u akhriso Dastuurka, Dastuurka kuma taallo in Madaxweynuhu uu Maamullo u sameeyo gobbolada dalka,”ayuu yiri Mr Seeraar.

Figo: “Raul wuxuu doonayey inuu xirfadiisa ciyaareed kusoo afmeero Real, balse…..”

Ciyaryahankii hore ee xulka Portugal Luis Figo ayaa aaminsan in halyeeyga kooxda Real Madrid Raul uu doonayey inuu kobaha iska siibo isagoo xiran maaliyada kooxda Real kana hor ciyaaraya taageerayaasha Santiago Bernabeu, laakiin taasi aysan noqon mid miro dhasha.

Halyeegi weerarka ka ciyaara, ayaa hada qandaraas kula jira kooxda ka dhisan dalka Qatar ee Al Sadd,, wuxuuna kooxda reer Spain uga biiray Schalke 2010kii, laakiin Figo ayaa maanka ku haaya in ciyaaryahankii hore ee ay isku kooxda ahaan jireen uusan meelna u baqooleen.

“Raul wuxuu doonayey inuu xirfadiisa ciyaareed ku dhameysto Real Madrid, laakiin sidaasi ma aysan noqon. Wuxuu ka tegey Real. Waxaan rajeynayaa inuu ku farax san yahay Qatar,” ayuu Figo u sheegay TV-ga Al Jazeera.

39 jirkaan ayaana doonaya in sanadkaan Cristiano Ronaldo la gudoonsiiyo abaal marinta Ballon d’Or. Isagoona sheegay inuusan shaqo ku laheyn farxad la’aanta Ronaldo.

“Waxaan aaminsanahay inuu sanadkaan ku guuleysan karo Ballon d’Or sabbabtoo ah wuxuu kusoo guuleytay horyaalka La Liga. Ma ganaayo sababta ka dambeysa farxad la’aantiisa. Waa inaad isaga weydiisaa. Taasi ma ahan aniga shaqadeyda.”

Gerrard oo sheegay inuu laba mar ku sigtay inuu ku biiro Chelsea, balse uu diiday.

Kabtan Fantastic ayaa sheegay inuu iska indha tiray dalabyo labo ah oo uu kula biiri lahaa kooxda Chelsea, wuxuuna hooska ka xariiqay inuusan dooneyn inuu ka tago kooxdiisa Liverpool oo uu daacad u yahay.
Steven Gerrard ayaa Liverpool kusoo biiray isagoo da’yar wuxuuna sheegay inuu iska diiday inuu la midoobo maal qabeenka reer Russia Roman Abramovic.
“Miyaan ka baqaayey go’aan keyga ? Maya ma dooneyn inaan ka tago Liverpool,” ayuu Gerrard u sheegay boga la magac baxay My Liverpool Story.
“Xaqiiqdii waxaan jeclahay inaan sii jooho halkaan [Liverpool] waxaan daacad u ahay kooxdeyda, labadii isku day oo ay dooneysay inay Chelsea igu qaadatana waan fashilay.”

Kaka oo kalsooni ku qaba inuu ciyaaro El Clasico.

Rick Kaka ayaa maanka ku haaya in loogu yeero kulanka ay qabtaan indhaha aduunka ee El Clasico Barcelona vs Real Madtd, ka dib bandhigiisii cajiibka ahaa ee kulankii Ajax.
Ka dib ciyaartii ay Los Blancos 4-1 ku xaaqaday Ajax ayuu la hadlay saxaafada wuxuuna sheegay inuu kalsooni ku qabo in Jose Mourinho uu u yeero kulanka ka dhacaya Comp Nou Stadium.
“Ma garanaayo hadii aan ciyaarayo kulanka Barcelona, waxaan sugayaa go’aanka Jose si buuxda ayaana usoo diyaar garoobay,” ayuu yiri xidigii ku guuleystay laacibka aduunka ee 2007dii.

Mr Ronaldo oo kala gooyey Mucjisadii Messi (Warbixin xiiso badan)

Waxaa qiimeyn lagu sameeyey sedaxdii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaaraan labada ciyaaryahan ee xafiiltama Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, natiijada qiimeynta waxaa 7-0 ku badiyey xidiga Real Madrid kasoo sedaxdisii kulan ee ugu dambeysay shabaqa soo taabtay Todoba jeer.
Mucjisada Kubada cagta ee kooxda Barcelona Lionel Messi ayaase shabaqa soo taaban waayey sedaxdii kulan ee ugu dambeysay.
Ronaldo ayaa dhaliyey Sedaxleey kulankii xalay ay kooxdiisu 4-1 ku cabtay kooxda Ajax. Wuxuuna sidoo kale dhaliyey sedaxleey kulankii Horyaalka ay Real 5-1 uga badisay Diportivo La Coruna, halka uu goolka kale ka dhaliyey Man City, wuxuuna sidaasi ku dhaliyey 7 gool.
Dhanka kale kama uu badna sedaxdii kula ee ugu dambeysay ee sidoo kale wuxuu ka sitaa gool dhalinta Uefa Champions League oo uu ku hugaaminaayo afar gool, halka Messi leeyahay laba gool oo keliya.
Labada xidig ayaa laga war dhowrayaa waxa ay ka sameeyaan kulanka la wada sugaayo ee El Clasico Barcelona vs Real Madrid.

Amisom oo gacanta ku soo dhigtay kooxaha dila Weriyeyasha .

Amisom ayaa maanta daboolka ka qaaday in nolasha lagu soo qabtay dhowr qof oo dil ugaystay Wariyaasha ka howlgala Muqdisho.

Cali Adan Xumad oo ah Afhayeenka AMISOM ayaa maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in howlgalo magaalada laga sameeyay ay jiraan dad gacanta lagu soo dhigay.

Afhayeenka Wuxuu sheegay in dadkaasi qaarkood ay ka danbeeyeen dilalkii qorsheesnaa ee loo geestay qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgalayay Muqdisho.

Cali Aadan Xumud Sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan dad kale oo ay baaritaano ay ku socdaan isla markaana markii ay dadkaasi ku cadaado in la soo taagi doono maxkamad.

Wuxuu sheegay in Amaanka Magaalada Muqdisho sugideeda ay ku guulaysteen Ciidankooda dhawaana ay si rasmi u howlgali doonaan Ciidamada Booliska.

Man City oo dooneysa inay qadkeeda dhexe kusoo darto Vidal.

Manchester City ayaa diyaar u ah inay markaan soo qaadato xidga kooxda Juventus Arturo Vidal, ka dib markii ay xagaaga ku hungowday ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Rome Daniele De Rossi, sida ay ogaatay shabakada Goal.com
Tababare Roberto Mancini ayaa diyaar u ah inuu ciyaaryahanka qadka dfhexe ee heerka caalami dalka Chile laakiin kooxda heysta horyaalka England Premier League ayaa dhibaato kala kulmi doonta Juve oo aan dooneyn inay iibiso furaha qadkeeda dhexe.
“Mancini wuu jecelyahay ciyaaryahankaan wuxuuna doonayaa inuu milkiile yaasha kala hadlo xaaladiisa,” ayey Goal.com kasoo xigatay ilo ku dhow Man City.
“Xagaagii hore waxaa jiray wadahadalo uu Tevez ama Dzeko ugu weecanaayo Juve, laakiin Old Lady waxay dooneysaa Lacag kaash ah.”
25 jirkaan ayaa sidoo kale soo jiitay Real Madrid ka dib markii uu Serie A ku hugaamiyey Juventys oo uu kaga soo biiray Bayer Leverkusen, taas micnaheeda ayaana ah inay City soo qaadan karto marka uu suuqu furmo.

Rooney oo Joe Hart ku tilmaamay gool hayaha ugu wanaagsan caalamka.

Weeraryahanka kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa ku sheegay gool hayaha kooxda Manchester City Joe Hart inuu yahay midka ugu wanaagsan ee gool ilaaliya, ka dib markii uu muujiyey bandhig cajiib ah kulankii Borussia Dortmun isagoo kooxdiisa ku hugaamiyey dhibicda ay ka heleen ciyaarta.
Iyadoo ay aheyd inay guuleystaan hadan a kooxda oberto Mancini ayaan nasiib uu yeelan guul gool ku laad uu dhaliyey Mario Balotelli ayana simay goolasha cyaarta.
Si kastaba gool hayuhu wuxuu sameeyey badbaadoyin badan, Rooney ayaana maanka ku haya inaysan la’aanti City hesheen dhibicda.
“Waa inaan dhahaa Joe wuxuu sameeyey wax aan caqli gal aheyn. Aniga ahaan wuxuu iila muuqdaa gool hayaha ugu wanaagsan caalamka,” ayuu Rooney ku qoray Bartiisa Twitter-ka.
Guul darro 3-2 ah ayaa kazoo gaartay Madrid bilowgii Group-yada, kooxda Mancini ayaana mar kale barbaro ka heshay kooxda Jurgen Klopp, Mancini ayaana amaanay bandhiga ninka reer England.
“Joe Hart wuxuu naga badbaadiyey guul darro,” ayuu Mancini u sheegay Saxaafada.
“Wuxuu badbaaiyey wax kasta. Sidaas darted waa inaan u mahad celiyaa.
“Wuxuu muujiyey bandhig Fantastik ah. Ma garanaayo hadii ay aheyd kii ugu wanaagsanaa taariikhda kubada cagta, laakiin wuxuu sameeyey wax aad u fiican.”