25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Horjooge Shabaab ah iyo ilaaladiisa oo duqeyn lagu dilay

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo garaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay duqeymo xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka dhaceen deegaanka Alkowsar ee gobolkaasi, kuwaas oo dhaliyay khasaare xoogleh.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa la soo wariyay in lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarinta, waxaana gaaray khasaare culus.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana duqeyntan si gaar ah loola beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna magacaabo Cali Biyow Gaafow iyo ilaaladiissa, kuwaa soo ku dhintay duqeynta xalay ka dhacday deegaanka Alkowsar.

Sarkaalka la dilay ayaa si weyn looga yaqaanay Shabeelaha Dhexe, wuxuuna kamid ah horjoogayaasha Al-Shabaab ee hoggaaminayay xubnahooda soo galay gobolkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaas, waxaase la filayaa in saacadaha soo socda ay ka bixiso faahfaahin rasmi ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga Alkowsar illaa Aadan Yabaal oo ay isku hayaan labada dhinac.

Maalmo kahor ayaa sidaan oo kale loo duqeeyay deegaanno ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, sida Ceel Cali Axmed, Ceelbacad iyo aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana jira khasaare culus oo la gaarsiiyay argagixisada.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in la bartilmaameedkooda uu yahay goobo ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Khawaarijta, si looga saaro halkaasi.

Waxaa kale oo jirtay in la duqeeyay gudaha degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, taas oo lagu beegsaday xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin.

Duqeymahan ayaa waxaa lagu taageerayaa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee haatan dagaalka adag kula jiro argagixisada oo ay isku hayaan Shabeellooyinka.

Waxaa kale oo looga hortegayaa qorshaha dib isku soo abaabulidda Al-Shabaab oo mar kale kusoo rogaal celisay deegaanno horay looga xoreeyay, iyadoo ujeedka duqeymaha ay yihiin in lagu curyaamiyo awooddooda.

Mahad Cabdi Maxamed oo lagu dilay Waqooyiga London

London (Caasimada Online) – Aabe Soomaaliyeed oo ku dhintay rasaas madaxa looga dhuftay waqooyiga London ayaa magaciisa la xaqiijiyey inuu yahay Mahad Cabdi Maxamed.

Booliiska ayaa degdeg ku gaaray Waddada Waverley ee Tottenham abbaaro 8:45 fiidnimo, Khamiistii, 20-ka Maarso, kadib markii loo soo sheegay toogasho lagu dhaawacay laba nin.

Markii ay ciidanku goobta yimaadeen waxay halkaasi ka heleen nin loo aqoonsaday inuu yahay Mahad, oo rasaas kaga dhacday madaxa, halka nin kale oo 26 jir ahna dhaawac rasaas uu ka soo gaaray lugta.

Inkasta oo ay ciidamada booliiska iyo adeegga caafimaadka degdegga ah ee London isku dayeen inay dhaawacyada wax ka qabtaan, haddana Mahad dhaawaciisa ayaa noqday mid halis ah, isagoo isla goobta ku geeriyooday.

Qoyska marxuumka, oo aad uga murugaysan dhacdadan, ayaa maanta soo saaray bayaan ay kaga hadlayaan xanuunka ka dhashay falkaasi.

Bayaanka ayaa lagu yiri: “Qoyskeennu waxa uu ka murugoonayaa lumitaanka xanuunka badan ee wiil, walaal, aabe iyo saaxiib ahaa.”

“Waxaan si xushmad leh idiinka codsanaynaa inaad nagu ixtiraamtaan xilligan adag. Aad baan idiinka mahadcelinaynaa fahamka iyo taageeradiinna.”

Ninka kale ee dhaawaca lugta qaba ayaa wali lagu daaweynayaa isbitaalka, xaaladdiisuna waa mid deggan kadib qalliin lagu sameeyay.

Ilaa hadda cidna looma soo xirin falkaasi, iyadoo Taliyaha Dembi-baarista Gaarka ah ee waqooyiga London, Rebecca Woodsford, ay bulshada ka codsatay inay booliiska kala shaqeeyaan baaritaanka.

Waxay tiri: “Laba nin ayaa Khamiistii lagu toogtay waddo dadweyne ah, midkoodna nasiib darro wuxuu naftiisa ku waayay dhacdadan.”

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska iyo saaxiibbada marxuumka xiligan adag.Waxaan fahamsanahay saameynta ay tani ku yeelan karto bulshada deegaanka. Kooxdaydu waxay si adag uga shaqaynayaan ururinta caddaymaha iyo baaritaanka sababta dhacdadan.”

“Waxaan ka codsanayaa dadka deegaanka ee arrintan walaaca ka qaba inay la hadlaan saraakiisha ku sugan goobta ama kooxda booliiska ee xaafaddooda.”

“Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa qof kasta oo joogay aagga wixii ka dambeeyay 8-da fiidnimo ee Khamiistii 20-ka Maarso inuu booliiska la xiriirro haddii uu arkay ama maqlay wax laga shakisan yahay.”

“Macluumaadka aad haysaan waa muhiim, waxaana suurtagal ah inuu nagu caawiyo sidii loo heli lahaa dadkii falka ka dambeeyay. Fadlan la xiriira booliiska, waxaana la idiin ballanqaadayaa taageero buuxda.”

Qof kasta oo xog haya wuxuu la xiriiri karaa booliiska isagoo adeegsanaya lambarka CAD7426/20March, ama haddii aad rabto inaad xogtaada qariso waxaad la xiriiri kartaa Crimestoppers lambarka 0800 555111

 

Sawirro: Midowga Afrika oo taageero wayn u muujiyay qorshaha Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf oo Axadii soo gaaray Muqdisho ayaa xalay kulan casho sharaf ah loogu sameeyay xarunta madaxtooyada qaranka, kaas oo ay ka qayb-galeen madaxda sare ee dalka, sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyeyaala labada Aqal, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamuud Cali Yuusuf oo ka hadlay madasha ayaa ballan-qaaday inuu xoojinayo garab istaagga uu Midowga Afrika u muujiyo Soomaaliya, si ay u gaarto isku filnaan buuxda, ugana gudubto marxaladihii adkaa ee ay soo martay 30-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale taageeray qorshaha Xasan ee ku aadan la dagaallanka argagixisada iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya, wuxuuna boggaadiyay labadaasi qodob oo uu tilmaamay inay gacan ku siinayaan madaxweynaha.

“Inta aan Guddoomiyaha Midowga Afrika ahay garab istaagga wax joogsanaya ma ahan, Soomaaliya waxa ay ku socotaa dhabbaha doorasho qof iyo cod ah.”  ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Dhankiisa, madaxweyne Xasan Sheekh oo isna hadalka qaatay ayaa u mahadceliyay guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, wuxuuna hoosta ka xaiiqay in Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka saaaran ee guud ahaan Qaaradda Afrika.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Soomaaliya iyo Jabuuti ay isku milan yihiin siyaasad ahaan iyo qadiyad ahaan, ayna yihiin walaalo, sidaas awgeed ay ula shaqeynayaan sidii Soomaaliya oo ku guuleysatay kursigaan oo kale.

“Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf waxa ay Soomaaliya kuu ballan-qaadeysaa in ay kaala shaqeyso mas’uuliyadda ballaaran ee heer qaaradeed ah, Nin Soomaaliya yaqaan oo duruufaheedana fahmaya oo xannuunka Soomaaliya dhiniciisa kasoo qabtay ayaa guddoominaya Midowga Afrika waana kaba sii fiican”  ayuu yiri Xasan Sheekh.

Horay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu taageertay Maxamuud Cali Yuusuf inuu noqdo guddoomiyahah cusub ee Midowga Afrika, isaga oo ka adkaaday musharrixii ka socday Kenya ee Raila Odinga, wuxuuna helay taageeradii loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka, taasoo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka qaaradda, oo ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah.

Diblomaasigan oo si fiican ugu hadla Soomaali, Carabi, Ingiriisi iyo Faransiis – ayaa si dhow ula xiriira madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Jabuuti oo ugu dambeyn hanatay kursigaan ayaa ka mid ah dalalka ugu dadka yar Afrika, iyadoo ay ku nool yihiin qiyaastii hal milyan oo qof, balse waxay leedahay goob istiraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama ay ku taallo badda u dhow marinka Bab-el-Mandeb, oo uu maro ganacsiga caalamiga ah.

Daawo: Beesha Duduble oo kiis xasaasi ah ku eedeysay beesha Saleebaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beesha Duduble ee (Maxamuud Hiraab) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeymo culus u soo jeediyey Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo beesha Saleebaan, gaar ahaan macawiisleyda degan degmada Baxdo.

Bayaan ka soo baxay beesha Duduble ayaa lagu sheegay in dad xoolo dhaqato ah looga weeraray deegaan lagu magacaabo Haan-labile oo ka tirsan gobolka Galgaduud, deegaankaas ayaa ku yaalla soohdinta uu wadaago dhulka ay degaan beelaha Saleebaan iyo Duduble

Weerarkaas oo dhacay toddobaadkii hore waxaa lagu dilay seddax nin oo beesha Duduble ka soo jeeday, waxaana lagu dhaawacay labo kale, ragga dhinta waxaa laga furtay qoryahoodii, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ciidamada dilay ragaas ayaa waxaa hoggaaminayey guddoomiye ku xigeenka degmada Baxdo Axmed Salaad, waxayna ka jawaabayeen cabasho uga timid rag ay qaraabo yihiin oo aagga uu weerarkaasi ka dhacay degan, kuwaas oo ragga markii dambe la dilay ay subixii hore nin ka dhaawaceen.

Sidoo kale baaritaanka aan sameynay waxaan ku ogaanay in baraag ay lahaayeen nimanka Saleebaan uu khilaafku ka bilowday, ragga Duduble ee la dilay waxaa la sheegay in Baraagta ay yimaadeen iyagoo doonaya inay duugaan, qorshaha waxaa lagu sheegay barakicin aaggaas ka socotay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa galabtii Talaadada ee ragaas la dilay habeenkeedii wuxuu bartiisa Facebook ku qoray in ciidan ka baxay degmada Baxdo ay soo dileen rag Shabaab ah, inkastoo postigaas uu goor dambe ka saaray bartiisa Facebook, kadib markii uu qoraal jawaab u ah soo saaray wasiiru dowlaha gaashaandhiga Cumar Cali oo Duduble kasoo jeeda.

Isku soo wada duuboo Caasimada Online mar kale waxay sameysay xooraan, waxaana ragga la dilay ee beesha Duduble kasoo jeday loo badiyey inay Shabaab ahaayeen, sidoo kale deegaan ahaayeen, dagaalna salka ku haya dhul daaqsimeedna uu beesha Saleebaan kala dhaxeeyey halkaas oo dhowr jeer ay isku fara sareen.

Odayaasha shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxay codsanayaan in dadkii laga dilay magtooda la siiyo raali gelina ka bixiso dowladda federaalka, gaar ahaan wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ay ku eedeeyeen in mar kasta uu shaati Shabaab u geliyo dadka ay ka disho beeshiisa Saleebaan.

Hoos ka daawo

Shabaab oo weerar culus ku qaaday Kenya – Dhimashada 6 askari, iyo dhaawaca 4

Garissa (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix askari oo boolis ah ayaa la dilay, afar kalena waa ay dhaawacmeen kadib weerar lagu qaaday xero boolis oo ku taal dalka Kenya, kaas oo ay fuliyeen dagaalyahanno la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya.

Warbixin ay Axaddii soo saareen booliska Kenya ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka dhacay degmada Garissa ee bariga Kenya, taas oo ku taalla xadka Soomaaliya.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in weerarku uu dhacay aroornimadii hore, iyadoo kooxaha hubaysan ay weerar culus ku qaadeen xero ay deggenaayeen ciidamo kayd ah oo booliska ka tirsan, iyagoo “isticmaalay hub kala duwan oo ay kula wareegeen xerada.”

“Waxaa la xaqiijiyay dhimashada lix askari, afar kalena dhaawac ayaa soo gaaray kuwaas oo hadda lagu dabiibayo isbitaal,” ayaa lagu yiri warbixinta booliska.

Inkastoo kooxda al-Shabaab aysan weli sheegan mas’uuliyadda weerarkan, haddana kooxda ayaa marar badan weerarro ka geysatay aagga xadka, iyadoo bartilmaameedsata saldhigyada ciidamada iyo goobaha ay rayidku joogaan.

Weerarku wuxuu yimid toddobaad kadib markii safaaradda Mareykanka ee Kenya ay soo saartay digniin la xiriirta amniga, taas oo ay dadka safarka ah uga digtay inay tagaan deegaanno ka tirsan Kenya, gaar ahaan degmada Garissa ee ku teedsan xadka Soomaaliya, iyadoo laga cabsi qabo weeraro.

Muddo sanado ah ayay kooxda al-Shabaab, oo xiriir dhow la leh al-Qaacida, dagaal hubeysan kula jirtay dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyadoo doonaysa inay dalka ka hirgeliso nidaam shareecada Islaamka ku saleysan, sida ay iyagu u fasirteen.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa dhacay kadib markii al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda qarax miino oo Talaadadii ka dhacay meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si adag u cambaareeyay weerarkaas lagu bartilmaameedsaday kolonyo, wuxuuna dib u xaqiijiyay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliya “dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida,” sida uu sheegay afhayeenka ku-xigeenka Qaramada Midoobay Farhan Haq.

Dhanka kale, safaaradda Britain ee magaalada Muqdisho ayaa cambaareysay weerarka, waxayna mar kale xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siinayso dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto argagixisada.

“Boqortooyada Midowday waxay sii ahaan doontaa saaxiib adag oo garab istaaga dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto xagjirayaasha mas’uulka ka ah weerarkan foosha xun,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay safaaraddu.

Horraantii bishan Maarso, dagaalyahanno ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday hoteel ku yaalla bartamaha Soomaaliya, halkaas oo ay ku shirsanaayeen mas’uuliyiin dowladeed iyo hoggaamiyeyaal dhaqameed oo ka arrinsanayay sidii kooxda loo xakameyn lahaa. Weerarkaas ayaa sababay dhimashada dad badan, sida laga soo xigtay wararka goobta laga helay. 

Ciidamada PUNTLAND oo saldhigyo waa weyn maanta kala wareegay DAACISH

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in weli ciidamada difaaca Puntlan ay sii wadaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah, iyaga oo la wareegay saldhigyo waa wayn.

Ciidamada ayaa saacadihii ugu dambeeyay la wareegay saldhigyo waaweyn oo ay kooxdu ku lahayd aagga buuraha Calmiskaad ee Bari, sida ay sheegtay Puntland.

Taliska ciidanka PMPF ayaa ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee dhacay, wuxuuna sheegay in ciidamadu ay burburiyeen talisyo mileeshiyaadka Daacish samaysteen, kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay degaannada Lugta Kalalay, Baraagaha Moqor yare iyo Moqor wayne iyo Dharinta Barile oo hoostaga Calmiskaad.

“Ciidamada Difaaca Puntland ayaa maanta hawlgallo qorshaysan ka fuliyey Lugta Kalalay, Baraagaha Moqor yare iyo Moqor wayne iyo Dharinta Barile, halkaasi oo ay ku burburiyeen Talisyo cusub oo ay lahaayeen Argagixisada Daacish” ayuu qoraalka.

Sidoo kale ciidamada ayaa intii ay ku guda jireen howlgalka, waxa ay gacanta ku dhigeen agab ay xubnaha Daacish u adeegsan jireen waxyaabaha qarxa, gaar ahaan miinada iyo qalab kale oo muhiim ah, sida lagu sheegay warbixinta ciidanka PMPF.

Waxaa kale oo uu talisku intaasi kusii daray in ciidamada difaaca Puntland ay ka go’an tahay in la tirtiro kooxaha argagaxisada, lagana saaro dhulka buuraleyda ah ee Bari.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Daacish oo ku aadan howlgallada ka dhacay halkaas ee ay guulaha ka sheegatay Puntland, waxaana muddooyinkii lasoo dhaafay aad u yaraaday dhaq-dhaqaaqa kooxda ee gobolkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa aagga buuraha Calmiskaad oo ay isku fidinayaan ciidamada Puntland, iyaga oo sii eryana firxadka maleeshiyaadka Daacish ee muddada dheer ku sugnaa buuraha hoostooda.

Puntland ayaa dhwaan ku dhawaaqay wajiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish, waxaana ujeedka uu yahay in laga sifeeyo deegaannada maamulkaas oo ah fadhiga ugu wayn ee kooxda.

Dagaalka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa ka qayb-galaya saaxibada caalamiga ah, sida Mareykanka iyo Imaaraadka oo duqqeymo ku taageero ciidamada Puntland.

Al-Shabaab militants kill six Kenyan officers near border

Garissa, Kenya — At least six Kenyan police officers were killed and four others injured early Sunday morning in a deadly assault on a police camp near the Somali border, an attack attributed to suspected al-Shabaab militants, according to Kenyan authorities.

The attack occurred in Garissa County’s Fafi area, close to Kenya’s eastern border with Somalia. Militants stormed a camp housing National Police Reservists around dawn, using firearms and edged weapons, said Kenyan police spokesperson Michael Muchiri.

“The attackers shot and stabbed the reservists, ransacked the camp, and fled with weapons and ammunition,” Muchiri told reporters, adding that several militants were believed to have been killed during the ensuing firefight.

Following the incident, Kenya’s security forces increased their presence in Garissa County, launching operations to track down and apprehend the assailants.

The Kenyan government reiterated its commitment to bolstering security in the volatile border region, frequently targeted by al-Shabaab.

Recent security warnings

The attack comes just a week after the U.S. Embassy in Kenya issued a travel advisory, cautioning its citizens against visiting border areas, including Garissa County, due to heightened threats from terrorism, kidnapping, and violent crime.

Al-Shabaab, affiliated with al-Qaida, has waged an insurgency against Somalia’s central government for over a decade, aiming to establish its interpretation of Islamic Sharia law.

The extremist group has frequently targeted Kenyan territory in retaliation for Kenya’s military presence in Somalia as part of the African Union-led peacekeeping mission (AUSSOM).

Notorious attacks by the group in Kenya include the 2013 Westgate Mall siege in Nairobi, which left at least 67 dead, and the 2015 Garissa University College massacre that killed 148 people, mostly students.

The international community has strongly condemned the ongoing violence perpetrated by al-Shabaab.

Recent statements from the United Nations and countries including the United States and the United Kingdom have reaffirmed support for Somalia and Kenya in their ongoing efforts against terrorism.

UN Secretary-General Antonio Guterres recently condemned an al-Shabaab attack near Somalia’s presidential palace earlier this month, pledging continued international assistance for regional stability and counter-terrorism efforts.

Despite significant military campaigns against the militants by Somalia and its international partners, al-Shabaab continues to pose a severe security threat across East Africa, exploiting weak governance and porous borders.

Kenya, which shares a lengthy border with Somalia, remains particularly vulnerable, highlighting persistent security challenges in preventing cross-border incursions by militant groups.

Daawo: Cududdii Ahlu-Sunna oo lasoo nooleeyey, qorshaha socda iyo walwalka Qoor Qoor

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamadii Ahlu-Sunna ee gobollada dhexe ayaa dib loo aas-aasay, kadib qorshe maalmo kooban ka socday Guriceel iyo Dhuusamareeb, waxaa maanta lasoo bandhigay cudud ciidan oo xoog leh.

Qorshaha dib loogu aas-aasay Ahlu-Sunna waxaa gadaal ka riixeysa dowladda federaalka, waxaana la sheegay inay xoreynayaan degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee Al-Shabaab ay ka joogaan Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo cabsi badan ka qaba qorshaha lagu soo nooleynayo cududdii ciidan ee Ahlusunna ayaa dhankiisa wada dhaqdhaqaaq, isagoo maalmihii lasoo dhaafay ciidamo u diray deegaanada ku xeeran Dhuusamareeb ee mararka ay Shabaab yimaadaan.

Ciidamo ay hoggaaminayaan saraakiishii hore ee Ahlu-Sunna ee ku kala firirtay dagaaladii ay la galeen Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa maanta la isukeenay, waxaana loo jiheeyey dhanka Ceelbuur, oo Shabaab ay ku xooggan yihiin.

Jeneraal Aadan Labo-afle oo ah sarkaal ka tirsan qeybta 60-aad ee Militeriga Soomaaliya ee Koonfur Galbeed ka howlgasha ayaa loo diray Galmudug, si ciidankaan uu u aas-aaso, waxaana muuqata in maalmo kooban uu shaqadaas ku qabtay.

Jeneraal Labo-afle iyo saraakiisha kale ee hoggaamineysa ciidankaan abaabulan ee Ahlu-Sunna ayaa maanta warbaahinta kula hadlay deegaanka Ceel Cali Mire oo bari ka xiga garoonka diyaarada ee magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiisha ayaa wacad ku maray in maalmo kooban ay ku geli doonaan Ceelbuur, iyagoo sheegay inay garanayaan dagaalka Al-Shabaab, isla markaana ay ku rajo weyn yihiin inay ka guuleystaan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweynaha deegaanka Axmed Qoor Qoor ma ogola qorshaha lagu soo nooleynayo Ahlu-sunna oo dagaal uu uga saaray saaxada siyaasadda Galmudug, balse qorshaha ay wadato dowladda federaalka ayuu hor istaagi waayey.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga qorshaha dib loogu aas-aasay ciidamadii Ahlusunna ee gobollada dhexe, balse waxaa la xaqiijiyey in Xasan Sheekh, Mahad Salaad, Sheekh Shaakir iyo Jeneraal Labo-afle ay isla ogyihiin arrintaan.

Sidoo kale, lama hubo in go’aanka lagu dhawaaqay ee xoreynta Ceelbuur uu sax yahay, balse tuhunka jira waa in ciidankaan lagu jiheyn doono doorashada Galmudug oo bilo kooban ay ka harsan yihiin.

Hoos ka daawo

Daawo: Xasan Sheekh oo furinta ka soo laabtay – Maxaa ka dhacay Muqdisho maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo laabtay furimaha dagaalka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mahamoud Ali Youssouf oo ay isla garteen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaadanayo dadaallada nabadeynta, dib-u-dhiska dowladnimada iyo xoojinta amniga gudaha ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen walaalaha Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada xasuuqa ku haya shacabka Soomaaliyeed, kana soo horjeeda jiritaanka iyo horumarka dalka.

Xasan Sheekh ayaa aad u ammaanay sida dalalka Gobolka ay u kordhiyeen garab istaagga ku aaddan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

“Argagixisada uma harin meel ay kaga dhex dhuuman karaan Soomaaliya, dhulkii iyo dadkiiba waa diideen, Alle idankii, waa ku guuleysan doonnaa in aan gebi ahaanba ka dabar-goyno dalkayaga oo iska dulqaadno dhagartooda, boobkooda iyo xasuuqa ay ku hayaan nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa isla qaatay in labada dhinac ay ka wadasheeyaan horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, iyo xoojinta amniga gobolka, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato geeddi-socodka dib u habaynta Midowga Afrika, kana shaqeyso in ay khibraddeeda daminta colaadaha sokeeye iyo nabadaynta ay uga faa’iideyso dalalka qaaradda iyo gobolka.

Madaxweynaha ayaa ku faanay in Soomaaliya ay ku jirtay dalalkii ugu horeeyey ee aasaasay Ururka Midowga Afrika, isagoo Guddoomiyaha cusub uga mahadceliyey booqashadiisa iyo sida uu Soomaaliya ugu balan-qaaday garab istaagga buuxa.

Maxamuud Cali Yuusuf oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti 20-kii sano ee lasoo dhaafay, ayaa dhowaan loo doortay guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, wuxuuna maanta safarkiisii ugu horeeyey ku yimid Muqdisho.

Hoos ka daawo

DF oo beenisay inay dhul dheeraad ah siisay Galmudug kadib eedeyntii Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay inay dhul ballaarsi u sameysay maamulka Galmudug, kaddib markii Puntland ay ku eedeysay hay’adda diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga qaranka (NIRA) inay deegaanno ka tirsan maamulka Puntland ku dartay Galmudug.

Bayaan kasoo baxay hay’adda NIRA ayaa lagu beeniyay eedeyntaas, iyadoo hay’addu caddeysay in aysan jirin meel ay deegaanno Puntland uga dartay dowlad-goboleedka Galmudug.

Waxay sidoo kale sheegtay in foomamka baraha bulshada ku baahay ee arrintan la xiriira ay yihiin been-abuur, kaas oo maamulka Garoowe usoo cuskaday eedeyntan.

“Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) waxay si cad u beeninaysaa eedaymaha la faafiyay ee la xiriira xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee daanta Galmudug. NIRA waxay caddaynaysaa in foomka Baraha Bulshada lagu faafiyay uu yahay mid been-abuur ah; foomka rasmiga ah ee Hay’adda waxaa laga heli karaa website-keeda iyo xarumaheeda kala duwan,” ayaa lagu yiri bayaanka NIRA.

Waxaa kale oo lagu yiri bayaanka: “Ma jiro wax go’aan ah oo ay NIRA gaartay kaas oo deegaanno ka tirsan Puntland lagu hoos-geynayo Galmudug. Eedeymaha noocaan ah waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, laguna marin-habaabinayo bulshada.”

Hay’adda NIRA ayaa hoosta ka xariiqday inay u hoggaansan tahay xuduudaha dastuuriga ah iyo nidaamka federaalka ee dalka, ayna ka go’an tahay in si cadaalad ah oo hufan loo gaarsiiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed adeegga kaarka aqoonsiga qaranka.

“NIRA waxay bulshada Soomaaliyeed u bayaaminaysaa inay deegaannada harsan ka hirgelin doonto Laamo rasmi ah oo loogu adeego shacabka, waxayna daadejinta adeeg-bixineed la kaashanaysaa dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.”

Maamulka Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay eedeymo culus u jeedinayay dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan ay dowladda dhexe iska fogeysay, taasi oo ugu dambeysay eedeyntii hay’adda NIRA u jeediyay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Dowladda Mareykanka oo sharciga qaxooti kala laabatay 532,000 oo qof + Sababta

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in sharciga kala noqoneyso boqolaal kun oo qaxooti ah, taas oo siinaysa waqti kooban oo ay dalka uga baxaan, haddii kale ay wajahaan tarxiil

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu fulin doono ololaha ugu weyn ee masaafurinta taariikhda Mareykanka, isaga oo xoogga saaraya xakameynta qaxootiga ka soo jeeda dalalka Latin America.

Amarkan wuxuu saameyn doonaa ku dhawaad 532,000 oo qof oo u dhashay Cuba, Haiti, Nicaragua, iyo Venezuela, kuwaas oo markii hore Mareykanka u soo galay iyagoo ka faa’iideysanaya barnaamij uu sameeyay madaxweynihii hore Joe Biden bishii Oktoobar 2022, barnaamijkaas oo la ballaariyay bishii Janaayo ee sannadka xigay.

Qaxootigaas waxay waayi doonaan xaaladdooda sharci 30 maalmood kadib marka amarka cusub lagu daabaco Diiwaanka Rasmiga ah ee Federaalka, oo loo qorsheeyay Talaadada soo socota.

Sida ku cad amarka, qof kasta oo barnaamijkan uu kafaala qaaday waa inuu “ka baxaa Mareykanka” ugu dambeyn Abriil 24, haddii uusan helin xaalad cusub oo sharci oo u oggolaanaysa inuu waddanka sii joogo.

Ururka Welcome US, oo ka shaqeeya taageeridda qaxootiga ku sugan Mareykanka, ayaa ku booriyay kuwa uu amarkani saameynayo inay si degdeg ah ula xiriiraan qareen dhinaca socdaalka.

Barnaamijka CHNV iyo saamayntiisa

Barnaamijka loogu talagalay dadka u dhashay Cuba, Haiti, Nicaragua, iyo Venezuela, oo loo yaqaan CHNV, ayaa markii hore lagu dhawaaqay Janaayo 2023. Wuxuu dadka ka soo jeeda dalalkan u oggolaaday inay Mareykanka ku joogaan muddo laba sano ah, iyadoo bil walba la siin jiray oggolaansho 30,000 qof.

Madaxweyne Biden ayaa barnaamijkan ku tilmaamay hab “amin ah oo bani’aadannimo” oo lagu yareynayo culeyska ka jira xadka Mareykanka iyo Mexico oo aad u buuxay. Balse Waaxda Amniga Gudaha ayaa ku adkeysatay Jimcaha in barnaamijku uu ahaa “ku meel-gaar.”

“Paroolka waa dabeecad ahaan mid ku meel-gaar ah, parool kaligii ma ahan saldhig sharci oo lagu heli karo xaalad socdaal, mana ahan aqoonsi rasmi ah oo Mareykanka loogu soo galay,” ayay tiri waaxda.

Saamaynta qaxootiga iyo qareennada

Nicolette Glazer, oo ah qareen dhinaca socdaalka ku takhasustay, ayaa sheegtay in amarkani uu saameyn doono inta badan nus-milyanka qof ee Mareykanka ku yimid barnaamijka CHNV.

“Waxay kaliya soo gudbiyeen 75,000 oo codsiyo magangelyo rasmi ah, sidaas darteed inta badan dadka CHNV waxay waayi doonaan xaaladdooda sharci, rukhsadaha shaqada, waxayna la kulmi doonaan in la masaafuriyo,” ayay ku qortay barta X. “Fowdadu waxay noqon doontaa mid aad u weyn.”

Karen Tumlin, oo ah agaasimaha xarunta xuquuqda qaxootiga ee Justice Action Center, ayaa sheegtay in maamulka Trump uu jebinayo ballan-qaadkii ay dowladdu u sameysay boqolaal kun oo qaxooti ah iyo kafaala-qaadayaashooda.

“Ka noqoshada lama filaanka ah ee xaaladda sharciga ah ee boqolaal kun oo qaxooti ah waxay keeni doontaa fowdo iyo murugo aan loo baahnayn oo qoysas iyo bulshooyin badan soo wajihi doona,” ayay tiri Tumlin.

Toddobaadkii hore, Trump ayaa adeegsaday sharci aan caadi ahayn oo waqti dagaal loo isticmaalo si uu diyaarad ugu daadgureeyo in ka badan 200 oo xubnood oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin koox dambiileyaal Venezuelan ah, kuwaas oo loo wareejiyay El Salvador.

Dalkaasi ayaa ballanqaaday inuu xabsiga dhigi doono qaxootiga, xitaa kuwa Mareykanka ah, si qiime jaban.

Sanadihii la soo dhaafay, in ka badan todoba milyan oo Venezuelan ah ayaa ka qaxay dalkooda iyagoo ka cararaya burburka dhaqaale ee dal batroolka ku qanisan. Madaxweynaha bidixda ah ee Nicolas Maduro—oo Mareykanku si aad ah u dhaleeceeyay—ayaa wajahaya cunaqabateyn weyn.

Bisad duureed weerar cajiib ah ku qaaday ciidanka Israel + Khasaaraha ka dhashay

Tel Aviv (Caasimada Online) – Warbaahinta Israa’iil ayaa daabacday warbixino faah-faahsan oo ku saabsan weerar ay qaaday bisad duureed, taasoo ka timid dhanka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Weerarkan ayaa ka dhacay xadka ay Israa’iil iyo Masar wadaagaan, halkaas oo bisaddu ay si lama filaan ah ugu weerartay qaar ka mid ah ciidamada Israa’iil.

Sida laga soo xigtay warbixinnada, bisadda ayaa qaniintay oo xag-xagtay askar ka tirsan ciidanka Israa’iil, taasoo sababtay dhaawacyo culus, oo qaar kamid ah askarta u dhinteen.

Askartii waxyeelladu gaartay ayaa loo qaaday xarumo caafimaad, si loogu daaweeyo dhaawacyada ay bisaddu gaarsiisay.

Dhererka bisadda duureed ee weerarka geysatay ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 60 ilaa 130 sintimitir, waxayna ku dhaqaaqday xawaare sare, iyadoo si toos ah ugu gashay xero ciidan oo ku taalla difaacyada Israa’iil ee xadka Masar.

Kadib markii ay bisaddu fulisay weerarka, waxay dib ugu laabatay dhulkii ay ka timid ee Masar, arrintaas oo dhalisay hadal hayn badan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay weerarkan, balse dhacdadan ayaa noqotay mid la yaab leh oo xiiso badan dhalisay.

Qaar ka mid ah askartii dhaawacantay ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid deg-deg ah, bisaddu ay si kedis ah ugu booday, ayna u suurta-gashay in ay dhaawacyo gaarsiiso.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada Israa’iil dagaal kula jiraan shacabka Falastiin ee Gaza, isla markaana la diiwaangeliyay dhacdooyin kale oo la yaab leh, sida weerar ay geysteen shinni, roob xooggan oo askartu u adkeysan waayeen, iyo xanuun dhanka maskaxda ah oo la sheegay in uu saameeyay qaar ka mid ah ciidanka Israa’iil.

Al-Shabaab oo laga cabsi qabo inay si qarsoodi ah u soo buux-dhaafiyeen Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe xoogga saartay deegaannada dhaca duleedka magaalada Muqdisho, ayaa waxaa shaki xooggan laga muujinayaa suurta-galnimada inay si qarsoodi ah gudaha ugu soo galeen caasimadda.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Cali Cosoble oo arrintan ka hadlay, ayaa shaki weyn ka muujiyay in kooxdu ay dagaal-yahanno badan si dhuumasho ah ugu soo gelisay caasimadda.

Wuxuu laamaha amniga usoo jeediyay inay sameeyaan baaritaanno culus oo deg-deg ah, si looga hortago dhagarta cadowga, oo mar walba u xeeladeysanaya dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

“Dagaalka lagula jiro AS waa in dhinacyo badan laga fiiriyo. Waxaan shaki weyn ka qabaa inay si dhuumasho ah u soo buux-dhaafiyeen Xamar,” ayuu yiri Cali Cosoble.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ku talinayaa in baaritaanno culus laga sameeyo gudaha caasimadda. Ka-hortagga ayaa ka tayo sarreeya ka-dabatagga.”

Al-Shabaab iyo duleedka Muqdisho

Maalmo kahor ayey aheyd markii la xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu arkay waddada maraysa deegaannada Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi, iyaga oo baarayay gaadiidka dadka rayidka ah.

Al-Shabaab ayaa Ceelasha Biyaha ka damisay layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, waxayna dadka deegaanka u sheegeen inay si nabad ah ku joogaan halkaasi.

Lama soo werin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen markii ay halkaas yimaadeen. Inkasta oo markii dambe ay ku baxeen ciidamada dowladda oo haatan gacanta ku haya ammaanka deegaannadaasi.

Horay sidan oo kale ayay kooxda Al-Shabaab usoo gaareen degmada Balcad oo qiyaastii 35 KM u jirta caasimadda, halkaas oo ay muddo kooban haysteen ka hor inta aysan isaga bixin.

Kooxda waxay deegaannadan ku gashay sawirro, kuwaasi oo ay baahisay warbaahinta kooxda oo iyadu ka dhigeysa in dagaal-yahaannadeeda ay si rasmi ah ula wareegeen deegaannadaasi.

Waa istaraatiijiyad cusub oo haatan kooxdu u adeegsaneyso baraha bulshada, si ay u muujiso inay weli leedahay awood ay meel ku qabsan karto.

DF oo loo haysto in ‘dhul Puntland ah ay ku dartay’ Galmudug – Sidee u dhacday?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulla Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay degmooyin ka tirsan maamulkeeda ay ku dartay maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali oo ka horyimid tallaabadan ayaa sheegay in dowladda dhexe ay degaannada gobolka Mudug ka hurinayso colaad ay fooda isku daraa labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale waxa uu ka digay in aysan marna ka maamul ahaan aqbali doonin in colaad iyo isku dhacyo hubaysan laga abaabulo gobolka Mudug.

Sidee dhul Puntland ah loogu daray Galmudug?

Hay’adda dowladda federaalka Soomaaliya u diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee NIRA ayey Puntland ku eedeysay in degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban u diiwaan-gelisay kuwa ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug.

Tan ayaa waxaa si weyn uga qeyliyay maamulka Puntland, oo sheegay in aysan aqbali doonin in dhul kamid ah la siiyo maamulka ay jaarka yihiin ee Galmudug.

“Maamulka gobolka Mudug wuxuu si cad u cambaaraynayaa go’aanka sharci darrada ah ee ay qaaday hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga DFS ee NIRA, kaasi oo degmooyinka Galdogob iyo Jarriibam ee Puntland uu gebi ahaanba ugu daray maamulka Galmudug,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Waxa uu intaas kusii daray: “Qoraalkaan oo aan helnay waxa uu salka ku hayaa xaqiraad lagula kacayo dad iyo degaan ka tirsan Puntland, waxaana si buuxda halkaan uga cadaynaynaa in degmooyinka Jariiban, Goldogob iyo Gaalkacyo oo iyada la wada dagan yahay ay yihiin degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland ee Soomaaliya.”

Tallaabooyinkan ayuu ku sheegay kuwa soo noq-noqday oo ka hor imaanaya dastuurka dalka, isla markaana ah fal khatar gelinaya nabadda, wadajirka, darisnimada iyo xasiloonida bulshada ku dhaqan deegaanada gobolka Mudug ee labada maamul.

“Ma aha wax la aqbali karo in mar walba la maqlo qoraalo caynkaas ah oo salka ku haya dano siyaasadeed iyo xaqiraad joogta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Faysal Sheekh Cali.

Ugu dambeyntiina, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa ugu baaqay hay’adda diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee NIRA in ay waantoobaan go’aannada noocaan ah, isla markaana ay ixtiraamaan jiritaanka maamulka Puntland iyo xuduudaheeda dastuuriga ah.

Xaaladda ITOOBIYA oo kasii dareysa kaddib weerarro abaabulan oo dhacay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xiisadda colaadeed ee ka taagan Itoobiya ayaa kasii dareysa kadib markii jabhadda Fano ay weerarro qorsheysan ku qaaday ciidamada qaranka.

Maleeshiyada Fano ayaa sheegtay inay guullo la taaban karo ka gaareen weerarro ay ku qaadeen ciidamada qaranka, taasoo sii xoojisay xiisadaha colaadeed ee dalka ka taagan.

Ciidamada difaaca Itoobiya ayaa dhankooda xaqiijiyay inay iska horimaadyo culus ka dhaceen ugu yaraan lix aag oo ka tirsan gobolka Amxaarada, halkaasoo lagu dilay in ka badan 300 oo dagaalyahan oo ka tirsan Fano.

Eedeymaha ka dhanka ah Tigray

Ciidamada Itoobiya ayaa eedeyn culus u jeediyay Sarreeye Guuto Migbe Xayle, oo kamid ah taliyayaasha ugu caansan ciidamada Tigray, iyagoo ku eedeeyay inuu gacan ka gaystay abaabulka gulufyada maleeshiyada Fano ee gobolka Amxaarada.

Waa markii ugu horreysay oo saraakiil sare oo Tigray ah si toos ah loogu eedeeyo inay ku lug leeyihiin colaadda Axmaarada.

Jeneraalka oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag u beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in ciidanka Tigray uusan wax xiriir ah la lahayn Eritrea.

Dhawaan, xukuumadda Abiy Axmed ayaa koox ka tirsan xisbiga siyaasadeed ee Tigray ku eedeysay inuu xidhiidh la leeyahay Eritrea, hase yeeshee, ra’iisul wasaaruhu wuxuu horraantii toddobaadkan meesha ka saaray suurtagalnimada dagaal u dhaxeeya dowladdiisa iyo Eritrea.

Illaa iyo hadda ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashada dowladda Itoobiya ee khasaaraha ka dhashay dagaallada ka socda Amxaarada.

Xiisadda Eritrea iyo Ethiopia

Walaaca laga qabo dagaal labada dal dhexmara ayaa sii xoogeystay toddobaadyadii la soo dhaafay, kadib markii Eritrea ay ku dhawaaqday abaabul ciidan oo qaran, sida laga soo xigtay hay’ad xuquuqda aadanaha u doodda.

Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed iyo saraakiil la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Itoobiya ay ciidamo u dirtay xadka ay la wadaagto Eritrea.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timotowos, ayaa toddobaadkii hore sheegay in mid ka mid ah kooxaha Tigray uu xiriir la leeyahay Eritrea, inkastoo uusan si gaar ah u caddeyn.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cismaan Saalax, ayaa ku gacan seyray eedeymahaasi, isaga oo ku eedeeyay Itoobiya inay raadineyso gelitaan bad leh iyo saldhig ciidan.

Gobolka Tigray, oo mar xudun u ahaa dagaal sokeeye oo lagu qiyaasay inuu galaafatay nolosha nus milyan qof, ayaa weli wajahaya xasillooni darro.

Inkastoo heshiis nabadeed la gaaray dabayaaqadii 2022, haddana khilaaf cusub ayaa ka dhex qarxay maamulka ku meel gaarka ah iyo mucaaradka TPLF, taasoo sababtay in koox hubeysan la wareegto xafiiska duqa magaalada Mekelle.

Xiisadda ka dhex taagan Itoobiya iyo Eritrea, oo ay uga sii darayso khilaafka Tigray, ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in dib loogu laabto dagaallo hor leh.

DF oo jawaab ka soo saartay haddii Mareykanka ku lug lahaa xil ka qaadista Jaamac

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u beenisay wararka sheegaya in cadaadis dibadeed oo Mareykanku ku lug leeyahay uu sababay xil-ka-qaadistii dhawaan lagu sameeyay wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Warbixin ay Talaadadii daabacday Middle East Eye ayaa lagu sheegay in xilka qaadista wasiir Nuur ay ka dambeysay olole ka yimid saraakiil ka tirsan militariga Mareykanka. Sida warbixinta lagu sheegay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amray in Nuur laga qaado xilka Wasiirka Gaashaandhigga, ayada oo loo magacaabay Wasiirka Dekedaha.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo walaaca Mareykanka ee ku saabsan dadaalka wasiir Jaamac uu ku xoojinayay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada difaaca, tamarta, iyo hawada sare.

Waxaa la sheegay in Mareykanku ka cabsi qabay in xiriirkan sii xoogeysanaya uu carqaladeeyo taageerada militariga Mareykanka uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Heshiiska difaaca Soomaaliya iyo Turkiga

Murankan ayaa iftiimiyay heshiis muhiim ah oo dhinacyada badda, ganacsiga iyo difaaca ah oo Soomaaliya iyo Turkigu kala saxiixdeen bishii February ee sanadkii hore, xilligii wasiir Jaamac uu xilka hayay.

Heshiiskan ayaa Turkiga u xil saaray ilaalinta biyaha Soomaaliya, dhismaha ciidanka badda Soomaaliya, iyo ka caawinta sahminta kheyraadka tamarta ee Soomaaliya, iyadoo loo arkayay tallaabadan inay jawaab u ahayd heshiis Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland oo dhinaca ciidamada badda ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale soo xigatay saraakiil Soomaaliyeed oo magacooda la qariyay, kuwaas oo sheegay in saraakiil ka tirsan milatariga Mareykanka ay marar badan Madaxweynaha Soomaaliya ku cadaadiyeen inuu xilka ka qaado wasiir Nuur, iyagoo ku eedeeyay inuu si aan ku filneyn ula shaqeynayay ciidamada Mareykanka, isla markaana ay ka dalbadeen in faahfaahinta heshiiska Turkiga lala wadaago.

Waxaa intaas dheer, warbixintu waxay soo hadal qaaday tallaabooyin dhowaan ay qaadeen Mareykanku, sida digniino amni oo ay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho soo saartay oo sababay kansalaadyo duullimaadyo badan ah, duqeymo bartilmaameed ah oo lala beegsaday madaxda kooxda Daacish ee Soomaaliya, iyo dhimista dhaqaalaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Saraakiisha Turkiga waxay hoos u dhigeen saameynta arrintan, iyagoo carrabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal uu yahay mid adag oo ku dhisan wada-shaqayn heer hay’adeed ah.

Soomaaliya oo beenisay eedeymaha

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Fathudin Cali Maxamed, oo ka jawaabay wararkan ayaa wareysi uu siiyay Middle East Eye ku tilmaamay inay yihiin kuwo “aan sal iyo raad lahayn” islamarkaana “meel ka dhac ah,” isagoo ku adkeystay in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo awood u leh inuu si madax bannaan u gaaro go’aannada dowladda.

Bayaan uu ku soo diray email ayuu Safiir Maxamed ku yiri, “Sheegashada ah in Mareykanku uu ka dambeeyay xil-ka-qaadista wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, sababo la xiriira xiriirkiisa Turkiga, waa mid aan sal lahayn oo meel ka dhac ku ah madaxbannaanida Soomaaliya.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga aan lagu soo koobi karin kaalinta hal shaqsi, isagoo carrabka ku adkeeyay inay tahay marin habaabin lagu fududaynayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal ka dhexeeya.

“Waxaan si cad u diideynaa fikradda ah in go’aamada Golaha Wasiirrada Soomaaliya lagu qaato cadaadis shisheeye. Sheegashooyinka noocaas ah waxay dhaawacayaan kalsoonida waxayna marin habaabinayaan xaqiiqada dowladnimadayada,” ayuu yiri safiirku, isagoo intaa ku daray in isbeddellada hoggaaminta Soomaaliya ay ku salaysan yihiin oo keliya danta qaranka iyo baahiyaha horumarka dalka.

Dowladda Mareykanka ayaan weli ka hadlin arrintan.

Xogta kulanka R/W Xamza iyo guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku yimid dalka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa kulankooda uga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Midowga Afrika iyo Soomaaliya.

Labada masuul ayaa si gaar ah diiradda u saaray arrimaha amniga, la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyo doorka hawlgalka cusub ee AUSSOM ee Midowga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha booqashadiisa, taasoo muujineysa ahmiyadda uu Midowga Afrika u leeyahay Soomaaliya.

Xamza ayaa intii uu kulanka socday tilmaamay guulaha waaweyn ee dowladda Soomaaliyeed ka gaartay dhinacyo kala duwan, gaar ahaan dagaalka xooggan ee lagu ciribtirayo argagixisada, taasoo halis ku ah amniga guud ee gobolka.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, oo ugu horreyn ka mahad-celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Dowladda Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka qaadatay guushii Maxamuud Cali Yuusuf ee hoggaaminta AU-da, oo uu kaga adkaaday musharraxii ka socday Kenya, Raila Odinga.









Guddoomiyaha M/Afrika oo soo gaaray Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta socdaalkiisii ugu horreeyay kusoo gaaray magaalada Muqdisho, kadib casuumaad ay u fidisay dowladda.

Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana uga hortgay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda.

Sidoo kale, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka caasimada, iyada oo ciidamo dheeraad ah lasoo dhoobay waddooyinka si ay u sugaan amniga wafdiga ka socda Midowga Afrika

Guddoomiyaha ayaa soo dhaweyn kadib loo galbiyay xarunta madaxtooyada qaranka, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxda sare ee dalka oo ay ka wada-hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga dalka iyo arrimaha ka cusub gobolka.

Sidoo kale waxaa kulamadaas lagu soo qaadi doonaa kaalinta ciidanka AUSSOM ee ku aadan howlgallada socda iyo garab istaagga AU ee la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Horay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu taageertay Maxamuud Cali Yuusuf inuu noqdo guddoomiyahah cusub ee Midowga Afrika, isaga oo ka adkaaday musharrixii ka socday Kenya ee Raila Odinga.

Febraayo 15, 2025, ayey ahayd markii Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti tan iyo 2005, loo doortay inuu hoggaamiyo Guddiga Fulinta Midowga Afrika, wuxuuna helay taageeradii loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka, taasoo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka qaaradda, oo ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah.

Diblomaasiyiin yar ayaa leh waayo-aragnimo la mid ah tan diblomaasiga 59-jirka ah, Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana u sahlay inuu hoggaanka qabto ololihiisii xasilloonaa, kaas oo uu kaga guuleystay siyaasiga rug-caddaaga ah ee Kenya, Raila Odinga.

Waxaa kale oo loo arkayay mid fursado yar leh marka la barbardhigo siyaasiga rug-caddaaga ah ee Kenya, Raila Odinga. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay amaaneen ololihiisa xasilloon ee uu ku doonayay inuu beddelo Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad, si uu hoggaanka ugu qabto ururka Midowga Afrika.

Diblomaasigan oo si fiican ugu hadla Soomaali, Carabi, Ingiriisi iyo Faransiis – ayaa si dhow ula xiriira madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Jabuuti oo ugu dambeyn hanatay kursigaan ayaa ka mid ah dalalka ugu dadka yar Afrika, iyadoo ay ku nool yihiin qiyaastii hal milyan oo qof, balse waxay leedahay goob istiraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama ay ku taallo badda u dhow marinka Bab-el-Mandeb, oo uu maro ganacsiga caalamiga ah.

Khasaaraha dhimasho ee diyaaraddii ku soo socotay Muqdisho ee burburtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shan qof ayaa ku dhimatay shil diyaaradeed oo dhacay galabinamadii Sabtida, meel ku dhow 24 kiiloomitir dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA).

Diyaaradda dhacday oo nooceedu ahaa DHC-5D Buffalo, islamarkaana lahayd summadda diiwaangelinta 5Y-RBA, waxaa lahayd shirkadda duulimaadyada ee Trident Aviation Ltd.

Waxay kasoo duushay garoonka diyaaradaha magaalada Dhoobley (HCDB) oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya, waxayna kusii jeedday Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle (HCMM) ee magaalada Muqdisho.

Shilku wuxuu dhacay qiyaastii 5:43 galabnimo xilliga maxalliga ah. War hordhac ah oo kasoo baxay SCAA ayaa xaqiijiyay in dhammaan shantii qof ee diyaaradda saarnaa ay geeriyoodeen. Hay’adda ma aysan sheegin dhalashada shanta qof, balse warar aan helnay waxay sheegayaan in ay ahaayeen Kenyan.

Hay’adaha dowladda, adeegyada gurmadka degdegga ah iyo hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya ayaa durba billaabay howlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta goobta shilka. Waxaa sidoo kale socda baaritaan hordhac ah si loo ogaado sababta shilka keentay.

Diyaaradda DHC-5 Buffalo ayaa inta badan loo isticmaalaa howlaha gaadiidka iyo gargaarka bani’aadamnimo, gaar ahaan goobaha fogfog iyo deegaanada ay adag tahay in lagu safro. Waxaa caan ka dhigay awoodeeda inay ka duusho ama ku degto garoomada yaryar, taasoo ka dhigaysa mid ku habboon xaaladaha adag ee Soomaaliya.

Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ayaa ah garoonka ugu mashquulka badan Soomaaliya, waxaana inta badan laga fuliyaa howlaha gargaarka iyo socdaallada diblomaasiyadeed ee gobolka Geeska Afrika. Garoonka Dhoobley oo ku dhow xadka Kenya ayaa isna inta badan qaabbila duulimaadyada la xiriira howlaha gargaarka caalamiga ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa loogu tacsiyeeyay dadkii ay dhibaatadu gaartay, waxaana lagu yiri: “Waxaan la qaybsanaynaa murugada qoysaska iyo ehelada dadkii ay masiibadu haleeshay.”

Ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in diyaaradda ay dhibaato farsamo la kulantay subaxnimadii Sabtida iyadoo ku sugnayd Dhoobley, hase yeeshee ciladdaasi la sheegay in la xaliyay ka hor inta aysan duulin.

Waxaa la filayaa faahfaahin dheeraad ah marka ay mas’uuliyiintu soo gebagebeeyaan baaritaannada socda.

 

Fahad Yaasiin oo ka qeyliyay qorshaha dagaal ee Xasan ku soo koobay laba degaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay qorshaha dagaal ee madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu haatan ugu sugan yahay furimaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

Fahad ayaa marka hore bogaadiyay dadaalka iyo garab galka uu madaxweynaha Soomaaliya siinayo labada maamul ee HirShabelle iyo Galmudug, isagoo dhinaca kale dhaliilay qorshaha dagaalka loogu soo koobay labadan deegaan.

“Fadlan soo booqo furimaha kala duwan ee Jamhuuriyada, saxna maahan in qorshaha dagaalka lagu soo koobo laba deegaan oo kaliya muddo ku dhaw saddex sano,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Fahad ayaa sheegay in madaxweynaha loo dhaariyay inuu gaashaan u noqdo guud ahaan dalka, ayna sidaas darteed waajib tahay inuu usoo jeesto dhanka Koonfur Galbeed iyo Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha hal mar hana tuso isagoo si isku mid ah uga hortagaya argagixisada dhibta ku haya meelo kala duwan oo dalka kamid ah,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad;

Madaxweynaha Jamhuuriyada waan ku boogaadinaynaa dadaalka iyo garab galka joogtada ah ee uu siinayao labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug, isagoo furimaha dagaalka naftiisa gaynaya.

Waxaanse Madaxweynaha xusuusinayaa, xilka loo dhaariyey wuxuu farayaa inuu garab iyo gaashaan u noqdo dalka oo idil.

Sidaas awgeed, waxaan u soo jeedinayaa inuu usoo jeesta dhanka Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Madaxweynaha hal mar hana tuso isagoo si isku mid ah uga hortagaya argagixisada dhibta ku haya meelo kala duwan oo dalka kamid ah.

Fadlan soo booqo furimaha kala duwan ee Jamhuuriyada, saxna maahan in qorshaha dagaalka lagu soo koobo laba deegaan oo kaliya muddo ku dhaw saddex sano.