25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Aabaha gabadhii yareyd ee guurkeedu muranka dhaliyay oo soo hadlay

0

Carmo (Caasimada Online) – Waxaa haatan weji cusub yeeshay kiiska gabar yar oo lagu mehriyay magaalada Carmo ee gobolka Bari, taas oo uu shalay abtigeed soo bandhigay arrinteeda oo ah mid xasaasi ah, waxaana hadda soo hadlay aabaheed oo soo jawaabay.

Gabadha yar oo lagu magacaabo Faadumo Xiddig ayaa sida uu abtigeed sheegay waxa ay jirtaa 8 sano, wuxuuna tilmaamay in nin oday ah uu si qasab ah ugu mehersaday magaalada Carmo, kadib markii la waayay inanta oo horay ay u geeriyootay hooyadeed.

Saciid Abshir Maaxmuud oo ah abtiga ka hadlay dhacdadaan ayaa sidoo kale farriin cod dheer ah u diray laamaha ammaanka iyo bahda garsoorka Puntland, si ay farogeliyaan kiiska gabadhaasi yar oo sidoo kale si weyn u qabsaday baraha bulshada ee Internet-ka.

“Laamaha dowladda ,garsoorka iyo hay’adda xaquuqul insaanka ee Puntland waxaan ka codsanaynaa in gabadhaas yarta ee aan qaangaarin lana xaday, muddo na uu haystay ninkaas daalimka ah laga soo qabto, lana hor keeno caddaaladda, hadda wuxuu ku haystaa guri Carmo ku yaala, waxaa laga dacweeyey saldhiggaciiddan ayaana loo diray kadibna wuxuu hoos ka soo xirtay guriga isaga iyo gabadhiiba,” ayuu yiri Abtiga.

Intaas kadib waxaa isna soo jawaabay aabaha dhalay gabadha yar ee uu muranka ka dhashay guurkeeda, wuxuuna u jawaabay abtiyeyaasha, isaga oo sheegay in gabadhiisu jirto 12 sano, isla markaana uu u mehriyay ninka odeyga ah ee deggan aagga Carmo.

“Inta ay hadba meel ka tegi lahayd oo guri kale tegi lahayd, mana la rabo suuqa naag wareegeyso, marka haddii aad qalad haysaan keena baan iri. Nimanka iska celi, anne waa iska celshay, gabadhaas waa 12 jir waxyar baa u harsan,” ayuu ku jawaabay Aabaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ninka odeyga ah ay ku balameen in gabadha uu wax sii baro, isla markaana maalintii uu ku dhaco dhiiga cadaada uu kadib la aqal-galo, sida uu hadalka u dhigay

“Aniga ninkaas gabadha waa siiyay, waana u mehriyayba, ninkaas maalintii ay gabadhaas caado hesho ayuu guri la galayaa wax kale oo meesha yaallo ma jiraan,” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale, waxaa kiiska haatan si toos ah ula wareegay  laamaha cadaaladda ee Puntland iyo xafiiska Xuquuqul-insaanka, si looga sal gaaro natiijada kiiskan xasaasiga ah ee ku saabsan Faadumo Xidig oo ah gabar yar oo aan qaan-gaarin, misana la mehriyay.

Si kastaba, Dhacdadaan oo si weyn ugu baahday baraha bulshada ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, waxaana dad badan la yaab ku noqday meherka gabadhaasi yar.

Askari sabab yaab leh u dilay taliye koox oo xukun lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Xuseen Xasan Maxamuud Macda oo lagu helay dilka Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cabdi oo ahaa Taliye koox.

Xuseen Xasan Maxamuud Macda ayaa ka tirsanaa Ururka 214-aad Guutada 21-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka XDS. Waxaana dilka uu geystay yimid kadib markii uu u awood sheegtay walaashiis soo korisay.

Wiil ay dhashay walaashiis ayaa qeylo dhaan ugu tagay Ciidamada Boliis Military ee waajibka ka lahaa Xaafadda Al-cadaala Ee Dagmada Heliwaa, si loo joojiyo Eedeysane Macda oo walaashiis ka weyn u gacan qaadaya.

Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali iyo Seddex askari oo uu watay ayaa u dhaqaaqay Joojinta eedeysanaha, Isagoona Eedeysanaha ka dalbaday in uu ku Wareejiyo qoriga.

Xuseen oo ka biya diiday in uu wareejiyo qoriga ayaa baas ooda kaga qaaday Marxuumka, waana Toban iyo Todobadii Bishii November ee sanadkii tagay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sideed iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Xuseen Xasan Maxamuud Macda dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Ex S/le Xoogga Shaafici Maxamed Xaanshi Cali.

Xukunkan ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

DF oo keensatay diyaarado DAGAAL oo dheeraad ah

Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo dhanka casriyeynta ciidamada ah kadib markii ay la wareegtay diyaaradda weerarka ah ee qumaatiga u kaca, T129 ATAK, taasoo ay soo saartay shirkadda Turkish Aerospace Industries.

Iibsiga diyaaraddan ayaa noqonaysa isbeddel weyn oo ku yimid Ciidanka Cirka Soomaaliya, iyadoo dalka uu doonayo in uu xoojiyo awoodda hawlgallada milatari si wax looga qabto hanjabaadaha amni ee sii socda.

Iyadoo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, uu weli yahay mudnaanta koowaad, Soomaaliya ayaa maalgelin ku sameyneysa diyaarado casri ah oo hawada ah si ay u sugto amniga dhulka una horumariso dagaalka lagula jiro kooxaha fallaagada ah.

T129 ATAK waa diyaarad weerar oo leh laba kursi, looguna talagalay taageeridda ciidanka dhulka, kormeerka hubeysan, iyo weerarro bartilmaameedsan. Waxay ku saleysan tahay madalkii A129 Mangusta, waxaana loo habeeyey si ay u daboolo baahida Ciidamada Turkiga, kahor intaysan dalal kale sida Soomaaliya daneyn.

Diyaaraddan ayaa aad u lebbisan, waxaana lagu qalabeeyey garab weyn oo leh shan baal iyo marsho dabada kaga yaal oo labo baal leh, taasoo u suurta galinaysa in ay si hufan uga hawlgasho meelaha adag.

Waxay leedahay qalab avionics casri ah, oo ay ku jiraan: nidaam toos ah oo xakameeya duulista, nidaamka hagista gudaha ee isku xiran GPS, iyo indho-gashi duuliyaha ku rakiban oo suurta gelinaya in bartilmaameed la beegsado maalintii iyo habeenkii.

Waxaa tamar siiya laba matoor oo ah LHTEC T800-4A, iyadoo leh xawaare joogto ah oo gaaraya 269 km/h iyo masaafo dheer oo gaareysa 1,000 km, taasoo siinaysa dabacsanaan hawlgal oo sare.

Diyaaraddan ayaa sidoo kale lagu qalabeeyey hub kala duwan oo u diyaarsan xaaladaha dagaal. Waxay leedahay qori 20mm ah oo lagu rakibay turub, kaasoo ridi kara illaa 500 xabbadood, iyo afar garab oo xambaari kara 1,200 kg oo sahay ah.

Waxa kale oo lagu hubeyn karaa gantaallada lidka taangiyada ee UMTAS, gantaallada hagista leh ee 70mm Cirit, gantaallo cirka-cirka ah, iyo qoryaha 12.7mm ah. Qalabkan kala duwan wuxuu siinayaa T129 awood ay ku taageerto ciidanka dhulka iyo weerarro sax ah oo lagula beegsado bartilmaameedyo la tilmaamay.

Si loo kordhiyo badbaadada diyaaraddu ay ku yeelan karto meelaha halista ah, waxaa lagu xoojiyey difaacyo casri ah oo ay ka mid yihiin: qalabka dhuxul-kariyaha infrared, qalab jameeya hirarka raadiyaha, nidaamka digniinta gantaallada, iyo qalab ogaada hanjabaadaha raadaarka — kuwaas oo kor u qaadaya awoodda ay diyaaradda uga badbaadi karto weerarada laga soo rido dhulka.

Keenista T129 ATAK ee ciidanka Soomaaliya waxay muujinaysaa kobaca iskaashi milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Iskaashigan ayaa si weyn u kordhay sanadihii la soo dhaafay, gaar ahaan iyadoo la dhisay saldhigga milatari ee TURKSOM ee Muqdisho, halkaas oo lagu tababaro ciidamo Soomaali ah oo sidoo kale helaya agab casri ah iyo wareejin tignoolajiyadeed.

Imaatinka T129 waa qeyb ka mid ah dadaallo ballaaran oo lagu horumarinayo xirfadda iyo qalabka ciidamada Soomaaliya, si loo casriyeeyo awoodda milatari loona dhimo ku-tiirsanaanta ciidamo shisheeye. Iyadoo ay awood u leedahay in ay madax-bannaan uga hawlgasho deegaanada adag, T129 waxay noqonaysaa qalab muhiim ah oo lagu xakameeyo loona xasilin karo goobo istiraatiiji ah.

Dhinaca kale, Turkiga ayaa dhowaan sidoo kale Soomaaliya siiyey diyaarad drone ah oo ah Bayraktar Akıncı, sida uu daabacay Army Recognition, taasoo sii xoojinaysa awoodda cirka ee dalka. Si kastaba ha ahaatee, diyaaradda T129 ATAK ayaa leh muhiimad gaar ah maadaama ay si dhakhso leh uga falcelin karto xaaladaha degdegga ah ayna siin karto ciidanka dhulka taageero toos ah oo sax ah.

Awoodda ay u leedahay in ay la qabsato dagaallada aan caadiga ahayn ayaa ka dhigaysa hub muhiim ah oo wax looga qaban karo hanjabaadaha kooxaha hubeysan ee ku sugan meelaha fog.

Go’aanka Soomaaliya ay ku heshay T129 ATAK wuxuu la jaanqaadayaa qorshayaal ballaaran oo istiraatiiji ah, gaar ahaan kuwa la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxaha fallaagada ah iyo kobcinta awoodda milatari ee gudaha.

Dowladda ayaa ku dadaalaysa in ay dhisto awood ciidan oo cirka ah si ay uga maarmo ku-tiirsanaanta ciidamo shisheeye. Diyaaraddan oo leh howlo badan iyo waxtar dagaal oo sare, waxay siineysaa ciidamada Soomaaliya qalab degdeg ah oo wax ku ool ah si ay uga jawaabaan khataraha amni ee soo noqnoqda.

Keenista diyaaraddan weerarka ah ee T129 ATAK waxay muujinaysaa in Soomaaliya ay qaadayso tallaabo weyn oo lagu xoojinayo awoodda militari ee dalka. Iibsigan wuxuu caddeyn u yahay sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta awoodda isdifaaca iyo weerarka, iyadoo sidoo kale la xoojinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee lala leeyahay Turkiga.

Diyaaraddan ma ahan kaliya iib gooni ah, balse waa qeyb ka mid ah isbeddel ballaaran oo lagu sameynayo dhismaha ciidamada Soomaaliya, iyadoo la doonayo in la casriyeeyo hab-raaca ciidanka, lana helo madax-bannaani hawlgal oo buuxda si wax looga qabto caqabadaha amniga ee hadda iyo kuwa mustaqbalka.

 

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay furimaha dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu laabtay furimaha dagaalka, halkaas oo uu dhowr maalmood ka hor uga soo baxay si uu ula kulmo wafdi sare oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa deegaanno kala duwan dib uga bilaabayo abaabul iyo shirar la xiriira howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo dhulka ay weli gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha ayaa dhowaan go’aansaday inuu si toos ah dagaalka uga hoggaamiyo furimaha hore, isla markaana uu ula joogo ciidamada iskaashanaya ee dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo Macawiisleyda, kuwaas oo difaac adag kaga jira jiidda hore.

Dhanka kale, ciidamo ka tirsan ilaaladiisa oo kusoo haray degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa adkeeyay amniga, iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya uu u sii jihaysanayo deegaanno aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dagaalka hoggaaminaya, uu ku haminayo in ciidda ka hor laga saaro Al-Shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay culays badan saareen.

Degmada Aadan-Yabaal, oo hadda ah difaaca ugu dambeeya ee ciidamada dowladda, waxaa maalmo ka hor gaaray gurmad culus oo ka yimid Hiiraan, kuwaas oo xoojinaya dagaalka Al-Shabaab ee la qorsheynayo in toddobaadkan la dardar geliyo.

Dagaallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ayaa sii xoogeysanaya maalin kasta. Al-Shabaab waxay wadaan weerarro is-daba-joog ah, halka dowladda ay ka go’an tahay in waqti kooban lagu soo afjaro kooxdaas.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay u guureyso furimaha dagaalka, sida lagu gaaray shir deg-deg ah oo Jimcaale ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada.

Group Chat sir ah oo xubnaha maamulka Trump ku dejiyeen qorshe dagaal oo la helay

Washington (Caasimada Online) – Saraakiil sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka ayaa ka wada hadlay qorshayaal ciidan oo aad u xasaasi ah, iyagoo adeegsanaya group chat lagu abuuray App aan loo astayn xogta sirta ah, kaasi oo si khaldan loogu soo daray suxufi, sida uu Isniintii xaqiijiyay Aqalka Cad.

Brian Hughes, oo ah afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, ayaa sheegay in fariimaha lagu shaaciyay warbixin gaar ah oo uu qoray Jeffrey Goldberg, tifaftiraha majalladda Atlantic, ay yihiin kuwo dhab ah. Waxa uu intaa ku daray in maamulka Trump uu baarayo sida lambarkan khaladka ah loogu soo daray group-ka.

Lambarkaasi khaladka lagu soo daray ayaa ahaa midka Jeffrey Goldberg, kaas oo warbixintiisa si faahfaahsan uga hadlay kulan muhiim ah oo siyaasadeed, kaas oo dhacay ka hor hawlgal ciidan oo dhacay Maarso 15, kaas oo lala beegsaday maleeshiyada Xuutiyiinta ee Yemen.

Goldberg ayaa sheegay in wadahadalka lagu soo daray isagoo adeegsanaya barta fariimaha qarsoodiga ah ee Signal, waxaana kusoo daray Michael Waltz, la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Donald Trump.

Ka qayb-galayaasha kale ee muuqday waxaa kamid ahaa madaxweyne ku-xigeenka JD Vance, xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio, xoghayaha difaaca Pete Hegseth, agaasimaha sirdoonka qaranka Tulsi Gabbard, agaasimaha CIA John Ratcliffe iyo kaaliyayaal kale oo sare, sida lagu sheegay warbixinta Atlantic.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, Hughes, ayaa wadahadalka ku tilmaamay inuu yahay “caddayn muujinaysa heerka sare ee isku-duwidda siyaasadeed iyo wada-shaqaynta maamulka Trump uu ku fulinayay istiraatiijiyaddiisa amniga qaranka.”

Si kastaba ha ahaatee, shaacinta xogtan ayaa isla markiiba dhalisay su’aalo ku saabsan sida maamulka Trump uu uga hadlay arrimaha sirta ah iyo haddii tallaabo anshaxeed laga qaadi doono qofkii ku lug lahaa.

Saraakiisha sare ee maamulka Trump ayaa maalmahan ka digayay inay baaritaan ku sameyn doonaan xog sir ah oo loo dusiyay saxaafadda, iyagoo tusaale usoo qaatay warbixinno dhowr ah oo arrintan ku saabsan. Qaarkood ayaa sidoo kale muddo dheer dhaleeceynayay sida Dimoqraadiyiintu u maareeyeen xogta sirta ah xaalado hore.

Trump oo aan qeyb ka ahayn

Madaxweyne Trump, oo u muuqday inuusan ka mid ahayn wadahadalkaas, ayaa iska fogeeyay arrinkan, isagoo yiri markii maqaalka la daabacay kadib, “Waxba kama ogi arrintan,” wuxuuna intaa raaciyay, “Ma jecli majalladda Atlantic.”

Goldberg ayaa hore usoo jiitay caro badan oo uu muujiyay Trump intii uu xilka hayay kadib markii majalladdu soo qortay sannadkii 2020 inuu si gaar ah u aflagaadeeyay askarta Maraykanka ee ku dhintay dagaallada.

Goldberg ayaa sheegay inuu helay casuumaad uu ku xirmayo App-ka Signal Maarso 11, oo uu usoo diray Waltz. Goldberg, oo adeegsanaya xarafyada “JG” ee barta fariimaha, ayaa sheegay inuu maleynayay in qofka casuumay uu yahay la-taliyaha amniga qaranka, balse sidoo kale uu ka shakiyay inay dad kale iska dhigayaan.

Laba maalmood kadib, Goldberg ayaa sheegay inuu helay ogeysiis laga soo diray Signal oo uu ku jiro wadahadal kooxeed oo cinwaankiisu yahay “Houthi PC small group,” oo tilmaamaysa kulan guddiga sare ee amniga qaranka oo ay inta badan ka qayb galaan wasiirrada iyo saraakiisha kale ee sare.

Akoonada qaar ayaa u muuqday kuwo ay leeyihiin ku-xigeennada saraakiisha sare, sida Andy Baker, la-taliyaha amniga qaranka ee Vance, iyo Dan Caldwell, oo ah kaaliye sare oo u shaqeeya Hegseth.

Vance oo diiday weerarka Xuutiyiinta

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa ku sheegay wada-hadalka inuu aaminsan yahay in maamulka Trump uu samaynayo “qalad” isagoo billaabaya hawlgal milateri oo Maraykanku ku tilmaamay mid furan oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tilmaamay in kaliya boqolkiiba 3 ganacsiga Maraykanka uu maro kanaalka Suweys, halkaas oo Xuutiyiintu ay ka beegsadeen maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta Badda Cas, isagoo sheegay inay jirto “khatar dhab ah oo ah in dadweynaha Maraykanku aysan fahmin sababta hawlgalku muhiim u yahay.”

Hegseth ayaa ugu jawaabay isagoo sheegay inuu fahmayo walaaca Vance, kuna taageerayo inuu arrinta Trump kala hadlo.

Xoghayaha difaaca ayaa sidoo kale xusay inay adagtahay in shacabka loo sharxo hawlgalka, sababtoo ah “dadku ma yaqaaniin cidda ay yihiin Xuutiyiintu,” wuxuuna soo jeediyay in shacabka Maraykanka lagu qanciyo in “1) maamulka Biden uu ku fashilmay joojinta weerarrada iyo 2) in kooxda ay maalgaliso Iran.”

Waxaa muuqday in tani ay ahayd tilmaan ku saabsan fashilkii maamulka Biden ee ka hortagga weerarrada Xuutiyiinta iyo taageerada muddada dheer ee Tehran siiso kooxdaas.

Si ka duwan Vance, Hegseth ayaa soo jeediyay in tallaabo degdeg ah la qaado, isagoo sheegay inay jirto halis ah in qorshaha Trump uu bannaanka usoo baxo ama Israel ay marka hore weerarto kooxda, taasoo ka dhigaysa inay lumaan fursad ay ku bilaabaan arrintan sida ay iyagu doonayaan, sida uu sheegay Goldberg.

Intii qorshaha weerarka uu sii socday, Hegseth ayaa faahfaahin siiyay xog Goldberg sheegay inay khatar gelin karto ciidammada ama sirdoonka Maraykanka, gaar ahaan kuwa ku sugan Bariga Dhexe. Faahfaahintaas waxaa kamid ahaa noocyada hubka iyo sida loo weerari doono bartilmaameedyada Xuutiyiinta.

Sean Parnell, afhayeenka Hegseth, kama jawaabin codsiyo faallo ah oo loo diray Isniintii. Hegseth ayaa diyaarad milatari ugu ambabaxay Aasiya waxyar kahor intaan maqaalka Atlantic lasoo daabicin. CIA iyo Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ayaan iyaguna ka jawaabin codsiyo fal-celin oo loo diray.

Hegseth, oo hore uga tirsanaa ciidanka National Guard iyo taleefishinka Fox News, ayaa horey u sheegay inuu doonayo inuu dib usoo celiyo isla-xisaabtanka Pentagon-ka. Kahor intii aanu maamulka Trump ku biirin, wuxuu sannadkii 2023 dhaleeceeyay waaxda cadaaladda ee aan sida habboon u baarin maamulka Biden oo uu sheegay inuu xogta sirta ah si xun u maareeyay.

Shabaabkii ugu badnaa oo buux dhaafiyay K/Galbeed

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Al-Shabaabkii ugu badnaa ay buux dhaafiyeen deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed kadib markii lagu jabiyay dagaallada ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay qaybo badan oo kamid ah gobollada Baay iyo Bakool, taas oo keentay in la dareemo xaalad kacsanaan ah, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa arrintan ka hadlay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaannadaasi, waxayna sheegeen inay la socdaan xogta kooxda Al-Shabaab iyo dhaq-dhaqaaqooda, iyaga oo sheegay inay ka hortagi doonaan.

Taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka Jenaral Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay inay la socdaan Shabaabka soo galay gobollada Baay iyo Bakool, kadib jabkii lagu gaarsiiyay dhanka Shabeelaha Dhexe.

“Waxaan ogaanay cadowgii nabad-diidkii ahaa in loo soo jabiyay xaggeena, waana cadow gabalkiisa soo dhacay oo soo jabay waayay” ayuu yiri taliye Xasan Baydhabo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda ay bilaabeen dhaq-dhaqaaq ku aadan deegaannada Koonfur Galbeed, balse ay ka war hayaan, kana hortagi doonaan doonaan.

“Maadaama gacan adag loo gaystay waxay bilaabeen inay usoo firxadaan deegaannadan Koonfur Galbeed, gaar ahaan Baay iyo Bakool oo hadda ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan, waxaana rabnaa inaan ka hortegno qorshaha Al-Shabaab” ayuu sii raaciyay taliyuhu.

Waxaa kale oo uu faray inay heegan buuxa galaan ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed, si ay uga hortagaan culeys ay Al-Shabaab soo saaraan gobollada Baay iyo Bakool oo ay suuragal tahay inay ka fuliyaan howlgallo culus.

“Saraakiisha guutooyinka iyo ururada qaybta 60-aad waxaan faray in si xoogleh loo feejignaado, la’iskana ilaaliyo nabad-diidka” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana labada gobol ee Baay iyo Bakool ka taagan cabsi ay dareemayaan dadka deegaanka oo ku aadan inay dagaallo dib uga qarxaan gobolladaasi maadaama labda dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaas.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xooggan tahay kooxda Al-Shabaab, iyada oo oo aan weli si rasmi ah looga bilaabin gulufka ay waddo dowladda oo hadda ku kooban maamullada HirShabelle iyo Galmudug oo dhul ballaaran lagaga kooxda.

Sawir shaki ku abuuray shacabka oo lagu arkay Villa Somalia – Maxaa lagu fasiray?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa aad loo falanqeeyay sawir lagu arkay Villa Somalia, kaas oo ay qabteen kaamirooyinka xilli Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ay madaxtooyada ku soo dhaweynayeen Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Sawirka la arkay wuxuu ahaa mid muujinaya qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh oo derbiga ku xardhan, waxaana sawirkaasi abuuray hadal-heyn xooggan.

Sawirkaasi wuxuu ka kooban yahay saddex sawir oo isku dhegsan hal boor, kuna daabacan derbiga weyn ee madaxtooyada, kaas oo qof kasta oo u socda xafiisyada madaxtooyada uu soo hor marayo.

Iyadoo madaxda laga duubayay sawirro iyo muuqaallo ayaa sawirkan ay qabteen kaamirooyinku, taas oo dhalisay hadal-heyn xoog leh oo ka tarjumeysa shaki dadweynaha ka qabaan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee qabashada doorasho xor iyo xalaal ah iyo suurta-galnimada inuu xilka wareejiyo haddii laga guuleysto.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli madaxtooyada dhismo cusub lagu sameeyay, dalkuna uu dagaal ku jiro, shakiga doorashaduna uu sii xoogeysanayo, iyadoo muddo xileedka Madaxweynaha uu sii dhammaanayo.

Hadal-heynta shacabka ka timid sawirkan ayaa muujineysa cabsi laga qabo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu bilaabayo kaligii-talisnimo, isla markaana aysan muuqan astaan muujineysa in uu diyaar u yahay qabashada doorasho la mid ah middii uu markii hore xilka ku yimid.

Dad badan oo aragtidan qaba, baraha bulshada ku faafiyay, waxay aaminsan yihiin in aan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah oo Madaxweynaha uu sheegay inuu qaban doono, iyagoo ololihiisa u fasirtay inuu damacsan yahay inuu sii joogo xukunka inta xaaladdu ka noqonayso sida uu rabo.

Qaarkood waxay la yaab ku tilmaameen sababta dal dagaal ku jira, madaxtooyadiisa loogu sawiray qoyska Madaxweynaha, halka qaar kalena ay su’aal geliyeen xikmadda ka dambeysa buunbuuninta qoyska Madaxweynaha.

Hoos ka eeg sawirka:

 

Muxuu horey u sheegay duuliyaha diyaaradii Muqdisho u soo socotay ee dhacday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhammaan shantii qof ee saarnaa diyaarad xamuul ah oo ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho 5:44 daqiiqo galabnimo, xilliga Geeska Afrika, maalintii Sabtida, ayaa geeriyooday, sida uu sheegay maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa DHC-5D Buffalo, laguna sameeyay dalka Canada, ayaa ka diiwaangashanayd dalka Kenya. Waxaa saarnaa laba duuliye, injineer, iyo qof maamula xamuulka.

Agaasimaha Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa BBC-da uga warramay sidii ay wax u dhaceen ka hor inta aysan diyaaradda dhicin.

“Shantii iyo afartan iyo afar daqiiqo ayey ahayd, maqribkuna wuu soo dhowaa. Hal matoor ayaa diyaaradda ka damay, sida aan ognahay iyo sida diiwaanka ku jirta, markii ay kusoo dhawaatay Muqdisho. Kadib, hawada ayey ka baxday,” ayuu yiri.

Diyaaradda ayaa subaxnimadii hore ee Sabtida ka duushay garoonka Muqdisho iyadoo u qaaday raashin ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala, kuwaasoo hore loogu yaqaanay ATMIS.

Diyaaradda ayaa si nabad ah xamuulka ugu geysay magaalada Dhoobley, balse markii ay kasoo laabatay oo ay dooneysay inay kusoo degto Muqdisho, ayay ku burburtay degaanka koonfureed ee magaalada.

Sida la sheegay, diyaaradda waxay ku dhacday dhul ciid ah oo ku dhow badda, oo aan dad joogin.

Agaasime Axmed Macallin Xasan ayaa xaqiijiyay in, shan daqiiqo gudahood kadib markii ay waayeen xiriirka diyaaradda, la ogaaday in ay cilad jirto.

“15 daqiiqo gudaheed waxaan ku helnay in diyaaradda ay ku dhacday meel 13 kiiloomitir u jirta garoonka Muqdisho, dhinaca koonfureed, kuna dhow xeebta,” ayuu yiri.

Meydka shanta qof ee la socday diyaaradda ayaa laga soo qaaday goobta ay ku burburtay, waxaana la keenay Muqdisho ka hor inta aan loo sii gudbin dalkooda.

Diyaaradda oo aan ku dhicin goob dad badan joogaan iyo iyada oo ahayd mid xamuul ah ayaa hoos u dhigtay khasaaraha nafeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gurmadkii gaaray diyaaradda ay heleen hal qof oo nool, balse geeriyooday markii dambe.

Sababta keentay shilka diyaaradda ilaa hadda lama oga. Agaasime Axmed waxa uu sheegay in ay socoto baaris la xiriirta waxa sababay shilka.

“Waxa kaliya ee xaqiiqda sheegi kara waa qalabka xogta duuba ee diyaaradda. Inta aan ognahay, duuliyaha ayaa noo sheegay in hal matoor uu ka damay diyaaradda. Wixii intaas ka dheer waxaa lagu ogaan doonaa baaritaanka hadda socda,” ayuu yiri.

Baaritaanka ayaa la filayaa in uu qaato ugu badnaan hal sano, balse waxaa la rajeynayaa in warbixin horudhac ah ay si degdeg ah usoo baxdo.

Diyaaradda ayaa la sheegay in maalmo ka hor dayactir lagu sameeyay, islamarkaana aysan lahayn cilad la ogaa. Khubarada qaarkood waxay qabaan in shilalka diyaaradaha ay sababaan diyaarado gaboobay iyo xaaladaha adag ee lagu shaqeynayo.

Diyaaradda DHC-5D Buffalo waa nooc loogu talogalay in ay ku degto garoomada yaryar ama meelaha ciriiriga ah. Inta badan waxaa loo isticmaalaa in ay xamuul geyso meelaha fog ee ay adag tahay in la gaaro.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu yar ee ay ka dhacaan shilal diyaaradeed marka loo eego caalamka. Sanadkii tagay ee 2024, wax shil ah kama dhicin dalka.

Sanadkii 2022, bishii Luulyo, waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku dhacday diyaarad rakaab ah oo ka timid magaalada Baidoa.

Sidoo kale, sanadkii 2020, diyaarad ay lahayd shirkadda Skyward ee dalka Kenya ayaa ku burburtay dhabaha ay diyaaradaha ka haadaan ee garoonka Aadan Cadde. Diyaaradda waxaa saarnaa afar qof oo shaqaale ah, waxaana dhaawacyo kasoo gaareen laba kamid ah.

Dalalka Mareykanka, Ruushka, Canada, Brazil, iyo Colombia ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee ay ka dhacaan shilalka diyaaradeed adduunka.

Xildhibaan Abiib oo ka hadlay sababtii looga saaray BFS iyo arrimaha xasaasiga ah ee uu ka shaqeeyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib oo ka tirsanaa Golaha Shacabka, balse dhowaan Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe sheegay inuu lumiyey xubinimadii Baarlamaanka, kadib markii uu imaa diidal labo kalfadhi, ayaa soo saaray qoraal dheer oo uu ku faahfaahiyey sababta loo beegsaday iyo arrin xasaasi ah oo ka shaqeynteeda uu ku dakanoobay.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Xildhibaan Abiib oo ciwaan uu uga dhigay “Farriin Ku Socota Shacabka Soomaaliyeed.”

Waxaan maanta hortiinna ka taaganahay anigoo aan ruxmin, aanan naxayn, si aan u kashifo khiyaano si wanaagsan loo maleegay oo lagu doonayo in la iga aamusiiyo. Isbahaysi ka kooban saraakiil sare, taageerayaal gooni-goosad ah, iyo siyaasiyiin fursad-raadis ah ayaa isku bahaystay si ay iga saaraan Golaha Shacabka – ma aha maxaa yeelay waxaan galay wax dambiya, balse waa maxaa yeelay waxaan si geesinimo leh uga hortagay musuqmaasuqa, riyooyinka gooni-goosadka, iyo dambiyada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

Muddo saddex sano ah, waxaan si hagar la’aan ah ugu shaqeynayay difaaca madax-bannaanida Soomaaliya, kashifidda musuqmaasuqa, iyo u doodidda caddaaladda dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Dadaalladaydaas ayaa iga dhigtay bartilmaameed ay beegsatay isbahaysi xooggan oo doonaya in ay meesha ka saaraan qof kasta oo si cad uga hor yimaada danaha ay ka leeyihiin xukunka.

Isbahaysigan waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, iyo hoggaamiyaha maamulka gooni-goosadka ee Hargeysa – dhamaantood waxay si wadajir ah isugu dayeen in ay i aamusiyaan kaddib markii aan si aan cabsi lahayn u kashifay musuqmaasuqooda, beentooda, iyo xadgudubyadooda ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Gaar ahaan, hoggaamiyeyaasha dhaqdhaqaaqa gooni-goosadka ee Hargeysa iyo Muqdisho (Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, iyo hoggaamiyaha maamulka gooni-goosadka ee Hargeysa), oo dhammaantood ka soo jeeda hal beel oo gooni u taagan, ayaa si gaar ah uga carooday mowqifkayga adag ee aan ka qaatay been-abuurkooda iyo dambiyadooda. Waxaan caalamka tusay xasuuqyadii ay ka gaysteen SSC Khaatumo iyo dulmiga ay weli ku hayaan shacabka Awdal, oo la dhibaateeyay kaliya maxaa yeelay ma oggolaanin xukunka lagu khasbayo, balse ay dalbadeen xaqooda aayo-ka-tashi.

Halka ay ka noqon lahaayeen xaqiiqada, shakhsiyadahan musuqmaasuqa la tacaalayay waxay malaayiin dollar oo xoolo ummadeed ah, lacago laaluush ah, iyo hanti la dhacay u adeegsadeen olole ba’an oo ay igu doonayaan in la iga saaro – waxay taas ku sameeyeen iyaga oo helaya oggolaanshaha Madaxweynaha Soomaaliya. Tani ma aha maamul-wanaag. Tani ma aha dimoqraadiyad. Tani waa siyaasiyiin dambiileyaal ah oo sida tuugada u dhaqmaya.

Markii ay ku guuldarreysteen isku-daygii sharci-darrada ahaa ee ay igu doonayeen in ay iga saaraan Baarlamaanka, waxay qaadeen tallaabooyin kale oo ka sii liita. Hadda, Wasiirka Hawlaha Guud, oo horay u ahaa Wasiirkii Maaliyadda ee uu Madaxweynaha shaqada ka eryay bishii Luulyo 2023, ayaa loo xilsaaray in uu fuliyo shirqoolkooda. Wuxuu si toos ah ula shaqeynayaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo si sharci-darro ah loo soo magacaabay, si uu u cabburiyo, u cabsigeliyo, uguna qasbo odayaasha dhaqanka ee beeshayda in ay doortaan qof kale oo aan aniga ahayn oo u matala kursiga (HOP #201), iyaga oo u hanjabaya in haddii aysan sidaas samayn, kursigaas loo bedeli doono beel kale oo Soomaaliyeed.

Faragelintan siyaasadeed ee furan waxay si cad u jebineysaa Heshiiskii Siyaasadeed ee Carta iyo habka awood-qaybsiga 4.5, oo damaanad qaadaya matalaad cadaalad ah oo loo siman yahay. Odayaashii dhaqanka ee ahaa xudunta siyaasaddeenna iyo ilaalinta dhaxalkayaga ayaa hadda lagu cadaadinayaa loona adeegsanayaa dano gaar ah – taasoo mar kale caddayn u ah heerka ay gaarsiisan tahay musuqmaasuqa ay wadaan shaqsiyaadkan damiir-laaweyaasha ah.

Dhaqan-xumadan waxaa sii xoojinaya Wasiirka Hawlaha Guud, oo halkii uu ka difaaci lahaa dadkiisa, uu doortay in uu noqdo shisheeye kalkaal u ah Wasiirka Maaliyadda ee beddelay. Halkii uu u istaagi lahaa caddaaladda, wuxuu hadda u adeegayaa kuwa maal-gelinaya in meesha la iga saaro, iyaga oo isticmaalaya canshuurtii ummadda Soomaaliyeed iyo deeqihii caalamiga ahaa ee loogu talagalay horumarka dalka, balse hadda loo adeegsanayo in lagu fuliyo olole siyaasadeed oo lagu baabi’inayo qofkii ka horyimaada.

Laakiin aan si cad u sheego: ma cabsi gelayo. Ma laabanayo. Ma khiyaanaynayo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ee ii doortay.

Waxaan dhaar ku maray in aan u adeegayo Soomaaliya, mana ka tegi doono waajibaadkaas. Waan sii wadi doonaa halganka aan ugu jiro caddaaladda, daboolka ka qaadista musuqmaasuqa, iyo difaaca madax-bannaanida dalkeenna. Ma jiro qof sharciga ka sarreeya – ha ahaado Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirrada, ama hoggaamiye gooni-goosad ah.

Shacabka Soomaaliyeedow, waxaan idiin ku baaqayaa in aad u istaagtaan diidmada musuqmaasuqa, boobka siyaasadeed, iyo cabburinta. Kuwii maanta aniga isku dayaya in ay aamusiyaan, berri idinka ayay idin beegsan doonaan. Soomaaliya waa dal ay leedahay dadkeeda, ma aha dal tiro yar oo siyaasiin musuqmaasuq ah ay iibsadaan mustaqbalkiisa.

Halgankani ma aha mid aniga kaliya i khuseeya – waa halgankii Soomaaliya. Waxaan u taagnaan doonaa ilaa dalkeenna laga xoreeyo gacanta kuwa doonaya in ay burburiyaan.

Ilaahay ha daayo Soomaaliya iyo dadkeeda!

Dr. Abdillahi Hashi Abib – BA, MA, MASc, Ph.D

E: [email protected]

W: + 1-571-436-7586 M: + 252-6108-22469

MASAR iyo ERITREA oo soo saaray go’aan adag xilli DF la rumeysan yahay inay Itoobiya…

Asmara (Caasimada Online) – Eritrea iyo Masar ayaa diiday in wadamada aan xeebaha lahayn ay ka qayb qaataan sugidda amniga Badda Cas, iyagoo ula jeeda Itoobiya, waxayna sheegeen in maamulka marin-biyoodkan ay tahay inay hoggaamiyaan “dalalka ku teedsan Badda Cas”

Go’aankan ayaa laga shaaciyey war kasoo baxay madaxtooyada Masar, kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cismaan Saalax, uu Axaddii booqasho ku tagay Qaahira.

Diidmada Masar iyo Eritrea ayaa imaneysa ayada oo Soomaaliya iyo Itoobiya ay u socdaan wada-hadallo ku saabsan sidii Muqdisho ay marin bad u siin laheyd Addis-Ababa, kadib markii labada dal ay ka heshiiyeen khilaaf u dhaxeeyey.

Afhayeenka madaxtooyada Masar, Danjire Maxamed Al-Shennaawi, ayaa sheegay in Cismaan uu farriin uu ka siday Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, uu gaarsiiyay Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi. Madaxweyne Al-Sisi ayaa dhankiisa xaqiijiyay in “Masar ay ka go’antahay xoojinta xiriirka labada dal.” Waxa kale oo uu tilmaamay in wadahadalladu ay diiradda saareen “xasiloonida gobolka iyo iskaashiga dhinaca amniga.”

Kulanka, oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Cabdalaati iyo Madaxa Hay’adda Sirdoonka Guud Rashad Xasan, ayaa sidoo kale looga hadlay amniga Badda Cas.

Labada dal ayaa carrabka ku adkeeyay in “dalalka xeebaha leh” ay tahay inay hoggaanka u qabtaan maamulka marinka biyahaas, iyagoo si adag u diiday “in ay farageliyaan dalalka aan xeebaha lahayn,” oo loola jeedo Itoobiya oo raadineysa bad.

Booqashada ayaa timid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu Khamiistii khudbad uu baarlamaanka ka jeediyay ku tilmaamay marin u helidda Badda Cas inay Itoobiya u tahay “arrin muhiim u ah jiritaankeeda,” balse meesha ka saaray inay Eritrea “ku duulayaan.”

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xal kasta lagu saleeyo “is-faham” iyo “mabaadii’da suuqa,” isagoo ka digay in haddii aan arrintan xal laga gaarin ay mustaqbalka sababi karto caqabado badan.

Dhanka kale, Cismaan ayaa hore u sheegay in Eritrea ay “la yaabban tahay” waxa uu ku tilmaamay “hanka khaldan iyo fikirka gaboobay” ee Itoobiya ay ku raadineyso marin biyood, ha noqoto “diblomaasiyad ama awood milateri.”

Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay hubiso in Itoobiya ay ixtiraamto “madax-bannaanida iyo wadajirnimada dhuleed ee dalalka dariska ah.”

Kulankii Axadda dhexmaray Eritrea iyo Masar ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xaaladaha Suudaan iyo Soomaaliya, iyadoo walaac laga muujiyay “colaadda muddada dheer socotay ee Suudaan” iyo saamaynta ay gobolka ku leedahay.

Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradooda “dadaallada nabadda lagu soo celinayo,” waxayna ku celceliyeen muhiimadda ay leedahay “xasiloonida Soomaaliya si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo ilaalinta amniga gobolka.”

Safarkii Cismaan ee Qaahira ayaa yimid kaddib booqasho uu hore ugu tegay Riyadh, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan bin Cabdallaah.

Kulankaas ayuu sidoo kale farriin ka siday Madaxweynaha Eritrea oo uu gaarsiiyay Dhaxal-sugaha ahna Ra’iisul Wasaaraha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan bin Cabdulcasiis.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo arrimaha muhiimka ah ee gobolka, iyadoo kulanka uu goob joog ka ahaa Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Injineer Waliid bin Cabdikariim Al-Khureyji.

 

XAMZA oo caawa ka qeyb galay shir xasaasi ah oo ay madaxda Afrika isugu timid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay kulan madaxeed wadajir ah oo ay yeeshaan dalalka xubnaha ka ah urur gobolleedyada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee EAC iyo SADC.

Kulanka oo ahaa mid ku dhacay aaladda fogaan-aragga, ayaa looga hadlay xaaladda amni darro ee ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlay kulanka ayaa waxa uu sheegay in xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta Bariga Congo ay masuuliyad ka saaran tahay dalalka gobolka in ay xal u helaan, isla markaana si degdeg ah wax looga qabto.

R/Wasaare Xamsa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay aaminsan tahay in nabad waarta oo laga gaaro DRC lagu heli karo qorshe dhameystiran, oo ay ka qayb qaataan dhammaan dhinacyada is haya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, si xal kama dambeys ah oo amni loogu helo dagaalka.

War murtiyeed ka soo baxay shirka wadajirka ah ee labada urur ee EAC iyo SADC ayaa waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo ah Madaxweynayaal hore kuwaasi oo ka shaqeyn  doona xal u helidda arrinta DRC, waxaana ay kala yihiin:

1. Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo

2. Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta

3. Madaxweynihii hore ee South Africa, Kgalema Motlanthe

4. Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Catherine Samba Panza

5. Iyo Madaxweynihii hore ee Ethiopia, Sahle-Work Zewde

Xogta hoobiyeyaal lagu garaacay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyayaal ah oo maanta lala beegsaday qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in ilaa 10 madfac oo hoobiyayaal ah ay ku kala dhaceen xaafado kala duwan, halka qaarna ay ku dhaceen xerada ciidamada dowladda ee degmada.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in madaafiicdan ay sababeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo askar ka tirsan dowladda.

Sidoo kale, wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in dadka ku geeriyooday weerarkan uu ka mid yahay sarkaal lagu magacaabi jiray Xuseen Xaaji Maxamed, oo loo yaqiinay Aw Koombe.

Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xilliga weerarka uu halkaas ku sugnaa taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, iyo saraakiil kale.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee dowladda federaalka oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan hoobiyeyaasha.

Weerarkan maanta lagu qaaday degmada Afgooye ee duleedka Muqdisho ayaa imaanaya, iyadoo toddobaadkii hore weerar la mid ah lagu qaaday xerada Xalane ee ku taalla gudaha xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo si cajiib ah looga sagootiyay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Soomaaliya, Cabdisalam Cabdi Cali ayaa maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ka sagootiyey Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa soo gaba-gabeeyay booqasho labo maalmood ah oo uu ku joogay dalka, ayaa Intii uu ku sugnaa Muqdisho kullamo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya.

Kulamada guddoomiyaha iyo madaxda Soomaaliya ayaa inta badan diirada lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Afrika, taageerada howl-galka AUSSOM, iyo dadaallada nabadda iyo dib-u-dhiska dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ayaa uga mahad-celiyey Guddoomiyaha Midowga Afrika booqashadiisa iyo doorka Midowga Afrika ee nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Waxa uuna ra’iisul wasaare ku-xigeenku xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ballan-qaaday inuu xoojinayo garab istaagga Midowga Afrika ee Soomaaliya, si ay u gaarto isku filnaan buuxda, ugana gudubto marxaladihii adkaa ee ay soo martay 30-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale taageeray qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya iyo dagaalka AS, wuxuuna boggaadiyay labadaasi qodob oo uu tilmaamay inay gacan ku siinayaan madaxweynaha.

Egypt, Eritrea oppose Ethiopia’s Red Sea bid amid Somalia talks

Cairo (AFP) – Egypt and Eritrea have vehemently opposed landlocked countries’ involvement in managing the Red Sea’s security, directly targeting Ethiopia’s ambitions to secure maritime access.

The announcement, made by Egypt’s presidency following diplomatic talks in Cairo, underscores the increasing strategic importance of the Red Sea, a vital waterway that is now at the center of growing tensions.

The joint stance emerged from Eritrean Foreign Minister Osman Saleh’s official visit to Cairo, during which he met Egyptian President Abdel Fattah al-Sisi, Foreign Minister Badr Abdel-Aty, and Intelligence Chief Rashad Hassan.

Both countries emphasized that “Red Sea littoral states” should exclusively handle security arrangements governing this essential shipping lane, explicitly excluding Ethiopia.

Recently, Ethiopia indicated that gaining access to the Red Sea is crucial for its national interests, intensifying regional diplomatic friction.

Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed recently highlighted the importance of securing maritime access through the Red Sea as “vital” for Ethiopia’s survival.

“Our future depends on this,” Abiy stressed in his parliamentary address, advocating for solutions grounded in mutual understanding and market-driven principles. He firmly dismissed suggestions of military intervention against Eritrea.

Abiy’s remarks followed recent diplomatic discussions between Ethiopia and Somalia, exploring possibilities for Ethiopia to use Somali ports for maritime access after settling past diplomatic tensions.

Firm stance from Eritrea and Egypt

Responding assertively, Eritrea’s Osman Saleh labeled Ethiopia’s quest for maritime access as based on “outdated ambitions” and “misguided aspirations,” urging the international community to ensure Ethiopia respects neighboring countries’ sovereignty and territorial integrity.

Egyptian presidential spokesperson Mohamed al-Shenawi affirmed President al-Sisi’s commitment to strong bilateral ties with Eritrea, highlighting their shared focus on regional stability and security cooperation.

The joint statement declared, implicitly referencing Ethiopia’s recent initiatives, “The security of the Red Sea must remain exclusively under the control of coastal states, free from external interference. “

Ethiopia, Africa’s second-most populous nation, became landlocked after Eritrea gained independence in 1993. Thus, Ethiopia lost direct access to Red Sea ports. This limitation significantly affects Ethiopia’s economy, making it heavily dependent on ports in neighboring Djibouti.

Historical animosity, particularly stemming from the Eritrean-Ethiopian war (1998–2000)—which concluded without fully resolving core territorial issues—continues to influence regional dynamics.

Although relations improved following a 2018 peace agreement for which Abiy Ahmed was awarded the Nobel Peace Prize, the crucial issue of maritime access remains unresolved.

The Cairo talks also addressed regional conflicts, expressing deep concern about prolonged violence in Sudan and its destabilizing regional effects.

Egypt and Eritrea reaffirmed their shared commitment to international efforts toward peace, emphasizing the importance of stability in Somalia as a key factor for regional security and the fight against terrorism, providing reassurance to the audience.

Saleh’s visit to Cairo followed diplomatic engagements in Saudi Arabia with Foreign Minister Prince Faisal bin Farhan, during which they discussed similar regional concerns.

These diplomatic activities underscore Eritrea’s proactive regional approach amid rising maritime security tensions.

Experts caution that persistent disputes over Red Sea access could exacerbate regional instability. However, they also highlight the potential for diplomatic solutions to prevent escalation, offering a glimmer of hope for resolution.

SOOMAALIYA oo maanta si rasmi ah ugu biirtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay Heshiiska Bangiga Dhoofinta iyo Soo-dajinta ee Afrika (Afreximbank).

Tan ayaa Soomaaliya ka dhigeysa dalkii 53-aad oo xubin ka noqda hay’addan maaliyadeed ee ka howl-gasha guud ahaan qaaradda Afrika.

Ku biiritaanka Soomaaliya ee Afreximbank ayaa lagu caddeeyay qoraal rasmi ah oo uu saxiixay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hirsi Jaamac Gaani, kaasoo lagu wargeliyay in Soomaaliya ay aqbashay heshiiska aas-aaska ee bangiga, isla markaana ay qaadayso dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo dedejiyo ansixinta heshiiska.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay xubinnimada Afreximbank tallaabo muhiim ah oo horay loogu sii qaadayo koboca dhaqaale, horumarinta kaabayaasha ganacsiga iyo warshadaha dalka.

Waxa kale oo ay xustay in tani ay Soomaaliya ka caawinayso ka qeyb-qaadashada dadaallada isku-xirka dhaqaalaha Afrika, gaar ahaan iyada oo loo marayo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA).

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Guddiga Agaasimayaasha ee Afreximbank, Prof. Benedict Oramah ayaa si diirran u soo dhoweeyay go’aanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in isdhexgalkaasi uu kor u qaadayo faa’iidooyinka labada dhinac ee iskaashiga cusub.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdullaahi ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay caan ku yihiin ganacsigooda iyo hal-abuurkooda dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan fursadaha ballaaran ee uu Afreximbank bixiyo.

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe xoojineysay joogitaankeeda gobolka iyo ka-qeybgalka ururrada iyo dalladaha qaaradda, iyadoo xaqiijisay ku biiristeeda urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

DF oo howl-gal culus ku qaaday Shabaab soo galay waddada Muqdisho iyo…

0

Balcad (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta ciidamo dheeraad ah ay u dirtay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, kadib markii dhowaan ay soo galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo waddo furis ah ka bilaabay inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo ah halka lagu arkay xubnaha kooxda Al-Shabaab, si ay uga sifeeyaan dhulkaasi, una fududeeyaan isku socodka labada magaallo.

Deegaannada ay howlgallada ka socdaan waxaa kamid ah deegaanka Qalimow oo dhaca waddadaas, waana deegaan istaraatiiji ah halkaas oo ay soo gaareen Al-Shabaab.

Waxaa kamid ah meelaha kale ee lagu arkay xubnaha Al-Shabaab deegaanno isku xiro magaalooyinka Balcad iyo Afgooye, halkaas oo ay kusii jeedaan ciidamada dowladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay halkaasi ka sameysteen bar-koontarool iyaga oo sidoo kale wada dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa ujeedkeedu yahay in looga hortago xubnaha Al-Shabaab ee mararka qaar kusoo dhuunta deegaannadaasi, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dhawaan ayaa sidoo kale la arkay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo taagan waddada maraysa deegaannada Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi, iyaga oo baarayay gaadiidka dadka rayidka ah.

Al-Shabaab ayaa Ceelasha Biyaha ka damisay layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, waxayna dadka deegaanka u sheegeen inay si nabad ah ku joogaan halkaasi. Lama soo werin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen markii ay halkaas yimaadeen.

Xaaladdan cusub ayaa cabsi xooggan ku abuurtay dadka deegaanka, waxaana arrintaasi dhalisay hadal-heyn ballaaran oo ka socota baraha bulshada, iyadoo dadku ay is-weydiinayaan sida ay kooxdaasi ugu suuragashay inay si sahlan ku gaaraan halkaasi.

Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa haatan laga dareemayaa culeysyo cusub oo kooxda ay ku hayso shacabka iyo deegaannada, kaddib markii ay dib ula wareegeen tuulooyin horay looga saaray, waxaana hadda socda howlgallo culus oo lagu doonayo in lagu xoreeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa xirtay tuutaha, wuxuuna gaaray furimaha hore ee dagaalka, si uu dhiirogelisyo ciiidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Soomaaliya ayaa haatan wajahaysa xaalad u baahan badbaado degdeg ah, maadaama Al-Shabaab ay wadaan weerarro is-daba-joog ah oo aan horay loo arag, halka awoodda ciidamada qaranka ay meelaha qaar hoos u dhacday, waxaana muuqda baahi weyn oo loo qabo abaabul xooggan iyo dadaal mideysan oo heer qaran ah.

Somalia’s unwavering stand against terror after assassination attempt

MOGADISHU, Somalia – A seismic tremor has ripped through Somalia, not of the earth, but of insidious intent. The recent, calculated assassination attempt on President Hassan Sheikh Mohamud near the Ceelgaabta intersection on 18th March 2025 is not merely a violent act; it is a stark, audacious challenge to the very soul of the Somali nation. This moment, fraught with peril, demands not fear, but a resolute, unified response, a crucible in which Somalia’s collective resolve is forged.

The explosion, a calculated attempt to dismantle the fragile yet burgeoning stability, was a direct assault on the nation’s progress. It sought to shatter the confidence built through hard-won gains against Al-Shabaab. Instead, it must serve as a galvanizing force, igniting a national flame of unity, patriotism, and unwavering support for the government’s relentless campaign against terrorism. This is not a partisan issue; it transcends political affiliations and tribal loyalties. It is a fundamental question of Somalia’s survival.

Global Condemnation and Enduring Support: A Foundation, Not a Fortress

The international community, recognizing the gravity of the situation, has responded with swift and unequivocal condemnation. The United States, the European Union, the United Arab Emirates, and Qatar have reaffirmed their commitment to Somalia’s security and stability. Statements of solidarity from the U.S. Department of State, pledges of continued funding for security sector reforms from the EU, and strong condemnations from the UAE and Qatar are vital. They signal a unified front against terrorism, a global recognition of the stakes.

However, these expressions of support, while invaluable, are not a substitute for internal fortitude. They provide a foundation, not a fortress. The true power lies within the Somali people, in their capacity to unite and defend their nation.

President Mohamud’s Frontline Leadership and Return: A Testament to Unwavering Commitment

In a powerful demonstration of his commitment, President Hassan Sheikh Mohamud had recently spent time on the frontlines, directly engaging with Somali National Army (SNA) forces in the Hiiraan and Middle Shabelle regions. His presence amidst active combat zones underscored his dedication to the fight against Al-Shabaab. Following this period of frontline engagement, he returned to Mogadishu to attend to urgent official matters, whereupon the assassination attempt occurred. This sequence of events, showing the president’s willingness to be with the troops, then returning to his duties, is a testament to his unwavering commitment. He has traded the perceived safety of heavily fortified offices for the perilous reality of the battlefield, a decision that underscores his dedication to eradicating terrorism at its source.

This assassination attempt was not merely an attack on an individual; it was an assault on Somalia’s resolve to reclaim its territory and secure its future. The President’s willingness to risk his life for his nation demands a reciprocal commitment from the Somali people – a unified front in support of his leadership.

Analyzing the Attack: A Strategic Shift and a Call for Unity

This attack is distinct from previous acts of terror for several crucial reasons:

  1. Strategic Targeting: The deliberate targeting of the President underscores Al-Shabaab’s desperation and their intent to strike at the heart of the Somali state.
  2. Psychological Warfare: The attack is a calculated attempt to sow fear and demonstrate the group’s capacity to strike at the highest levels. This psychological warfare must be countered with a display of unwavering national resolve.
  3. A Test of National Unity: Historically, such attacks have exacerbated political divisions. This time, it must serve as a catalyst for unprecedented unity, a rejection of fragmentation.

Military Gains and Enduring Challenges: A Path Forward

Despite the persistent threat of terrorism, the Somali National Army (SNA), with the support of international partners, has achieved significant territorial gains. Key military successes include the liberation of strategic towns in Hiiraan, Galgaduud, and Lower Shabelle, the elimination of high-ranking Al-Shabaab leaders in Middle Shabelle, and intelligence-led operations that have neutralized key terrorist commanders.

However, significant challenges remain:

  • Urban Terrorism: Al-Shabaab’s shift towards urban attacks, including bombings and targeted assassinations, necessitates enhanced security measures in urban centers.
  • Political Exploitation: The group’s attempts to exploit political rivalries and tribal divisions require a unified national response.
  • Foreign Interference: The potential for external actors to fuel instability underscores the need for a strong, self-reliant Somali government.

Recommendations: A Comprehensive Strategy for National Resilience

To ensure lasting security and stability, Somalia must adopt a comprehensive strategy that encompasses the following:

  1. Unwavering National Support: Political leaders, community elders, and religious scholars must publicly condemn Al-Shabaab and demonstrate unwavering support for President Mohamud and the government. The diaspora must mobilize resources to support security forces.
  2. Enhanced Intelligence and Security: Increased investment in intelligence, expanded international counterterrorism cooperation, and the deployment of advanced surveillance technology are crucial.
  3. Community Engagement and Public Awareness: Local communities must be actively involved in counterterrorism efforts, and religious leaders must counter extremist narratives. Schools and universities must educate the youth on the dangers of extremism and provide alternative pathways to economic empowerment.
  4. Addressing Political and Tribal Divisions: Political leaders must prioritize national unity, and tribal elders must act as mediators. A national dialogue on peace and reconciliation is essential.
  5. Strengthened International Partnerships: Somalia must leverage international security assistance while building self-sufficient security forces and strengthening cooperation with neighboring countries. Foreign allies should increase economic and military aid to strengthen Somalia’s defense against terrorism. The government should work closely with neighboring countries to prevent Al-Shabaab from using border regions as hideouts.

A Defining Moment: Choosing Unity Over Division

The assassination attempt on President Mohamud is a stark reminder of the challenges facing Somalia. It is a call to action, a demand for unity, and a declaration that terrorism will not prevail. The future of Somalia rests on the collective resolve of its people. By rejecting division, embracing unity, and standing in solidarity with their government, Somalis can forge a future free from the scourge of terrorism.

This is not merely a battle for territory; it is a battle for the soul of Somalia. The choice is clear: unity or division. The answer will define the nation’s destiny. We must reject division, silence, and indifference.

Terrorism has no place in Somalia. Al-Shabaab must be eliminated. And every Somali—whether at home or abroad—must stand up and say:

“We will not be intimidated. We will not surrender our country to terrorists. We stand with our President. We stand with our government. We stand with Somalia!

About the Author

Prof. Abdinasir Ali Osman is a highly respected senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His career spans across the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond.

As a leading expert in humanitarian, governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his life to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development. His work has influenced policy decisions, empowered young professionals, and strengthened governance frameworks in fragile and conflict-affected environments.

You can reach him through email: [email protected]  

Waa kuma hoggaamiyaha Xamas ee lagu dilay duqeynta?

Gaza (Caasimada Online) – Weerar dhanka cirka ah oo Israa’iil ka fulisay magaalada Khan Younis ee Koonfurta Qaza ayaa lagu dilay Saalax al-Bardaweel, oo ahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Xamaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in duqeynta sidoo kale lagu dilay xaaskiisa. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay dilka Bardaweel, oo loo arkayay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee siyaasadda Xamaas kaddib dilkii Yahya Sinwar iyo Rawhi Mushtaha.

Inkasta oo wararkaasi sii xoogeysanayaan, Israa’iil illaa iyo hadda kama aysan hadlin sheegashadaas.

Maamulka caafimaadka ee Qaza, oo ay Xamaas gacanta ku hayso, ayaa sheegay in ugu yaraan 18 qof lagu dilay weerarradii Axaddii ka dhacay Khan Younis iyo Rafah.

Weerarrada Israa’iil iyo xabbad-joojintii burburtay

Israa’iil ayaa dib u bilowday duqeymo culus oo ay ku hayso Gaza, taasoo timid kaddib markii ay burburtay xabbad-joojin socotay ku dhawaad laba bilood. Dowladda Israa’iil waxay Xamaas ku eedeysay inay diiday heshiis cusub oo uu Maraykanku soo jeediyay si xabbad-joojinta loo kordhiyo.

Dhanka kale, Xamaas waxay Israa’iil ku eedeysay inay ka baxday heshiiskii hore, kaasoo ay dhexdhexaadinayeen Qatar, Masar iyo Maraykanka. Heshiiskaasi wuxuu ku salaysnaa sii deynta maxaabiista, ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Qaza iyo wadahadallo lagu soo afjarayo dagaalka.

Bayaan ay Xamaas soo saartay, waxay ku sheegtay in Bardaweel, oo 66 jir ahaa, la dilay isaga oo la tukanaya xaaskiisa markii gantaal uu ku dhacay teendhadii ay ku sugnaayeen.

Xaaladda Gaza iyo khasaaraha dagaalka

Tan iyo markii uu dagaalku qarxay 7-dii Oktoobar 2023, Israa’iil waxay wajaheysay eedeymo ku aaddan duqeymaha ay ka waddo Gaza.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in dagaalku yahay mid lagu burburinayo Xamaas, taasoo ka dhalatay weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil, weerarkaasi oo lagu dilay 1,200 qof, laguna afduubtay 251 kale.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ayaa sheegtay in in ka badan 49,500 Falastiiniyiin ah lagu dilay Qaza tan iyo markaas, iyadoo burbur xoogan uu soo gaaray kaabayaasha iyo guryaha Marinka Gaza.

Dhanka Rafah, wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in ciidamada Israa’iil ay go’doomiyeen baabuurta gurmadka degdegga ah, iyadoo dhowr shaqaale caafimaad ah ay ku dhaawacmeen. Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaas culus lagu furay xaafado ku yaalla magaalada, taasoo sii murjisay xaaladda bani’aadamnimo ee halkaas ka taagan.

Masar miyey ogolaatay in la dejiyo nus milyan reer Gaza?

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa si cad u beenisay wararka sheegaya in ay oggolaatay in nus milyan qof oo reer Gaza ah dib u dejin loogu sameeyo dhulkeeda.

Waaxda Warfaafinta Masar (SIS) ayaa war qoraal ah ku sheegtay in wararkaas yihiin been-abuur aan wax sal iyo raad ah lahayn.

Masar waxay sheegtay in mowqifkeedu ahaa mid cad tan iyo bilowgii dagaalka Gaza bishii Oktoobar 2023, iyada oo gebi ahaanba ka soo horjeeda in Falastiiniyiinta la barakiciyo – si khasab ah ama si iskood ahba.

Warbixintan ayaa timid kadib markii warbaahin ay ku jirto midda Israa’iil ay daabacday sheegashada ah in Masar ay diyaar u tahay in ay si ku meel gaar ah u dejiso qaxooti Falastiiniyiin ah oo ka yimid Gaza, loona diyaariyay magaalo cusub oo ku taalla Waqooyiga Sinai.

Al-Sisi oo caddeeyay mowqifkiisa

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fattaax Al-Sisi ayaa dhankiisa si cad u beeniyay wararka sheegaya in uu qorsheynayo in Falastiiniyiinta laga raro Gaza loona wareejiyo dhulka Masar.

Sheegashadan waxaa xoojiyay hadal uu jeediyay Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yisrael Katz, oo tilmaamay in qorshahani uu la xiriiray hindise uu horay u soo jeediyay Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump.

Katz ayaa sidoo kale ku hanjabay in Israa’iil ay sii wadayso duullaanka Gaza ilaa Xamaas ay sii deyso la haystayaasha Israa’iil.

Dowladda Israa’iil ayaa Talaadadii dib u billowday duqeymihii ba’an ee Gaza, ka dib markii wadahadalladii xabbad-joojinta ay burbureen.

Tallaabadan ayaa dhalisay cambaareyn caalami ah, iyadoo Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, uu muujiyay walaac ka dhashay sida uu u socdo dagaalka.

Masar ayaa markale ku celisay in aysan aqbali doonin wax qorshe ah oo Falastiiniyiinta looga raro dhulkooda, iyada oo ku adkeysatay in xalka Gaza uu yahay in la helo nabad waarta oo aan ku salaysnayn barakicin ama xad-gudub xuquuqda Falastiiniyiinta.

Horjooge Shabaab ah iyo ilaaladiisa oo duqeyn lagu dilay

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo garaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay duqeymo xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka dhaceen deegaanka Alkowsar ee gobolkaasi, kuwaas oo dhaliyay khasaare xoogleh.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa la soo wariyay in lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarinta, waxaana gaaray khasaare culus.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana duqeyntan si gaar ah loola beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna magacaabo Cali Biyow Gaafow iyo ilaaladiissa, kuwaa soo ku dhintay duqeynta xalay ka dhacday deegaanka Alkowsar.

Sarkaalka la dilay ayaa si weyn looga yaqaanay Shabeelaha Dhexe, wuxuuna kamid ah horjoogayaasha Al-Shabaab ee hoggaaminayay xubnahooda soo galay gobolkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaas, waxaase la filayaa in saacadaha soo socda ay ka bixiso faahfaahin rasmi ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga Alkowsar illaa Aadan Yabaal oo ay isku hayaan labada dhinac.

Maalmo kahor ayaa sidaan oo kale loo duqeeyay deegaanno ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, sida Ceel Cali Axmed, Ceelbacad iyo aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana jira khasaare culus oo la gaarsiiyay argagixisada.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in la bartilmaameedkooda uu yahay goobo ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Khawaarijta, si looga saaro halkaasi.

Waxaa kale oo jirtay in la duqeeyay gudaha degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, taas oo lagu beegsaday xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin.

Duqeymahan ayaa waxaa lagu taageerayaa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee haatan dagaalka adag kula jiro argagixisada oo ay isku hayaan Shabeellooyinka.

Waxaa kale oo looga hortegayaa qorshaha dib isku soo abaabulidda Al-Shabaab oo mar kale kusoo rogaal celisay deegaanno horay looga xoreeyay, iyadoo ujeedka duqeymaha ay yihiin in lagu curyaamiyo awooddooda.