25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Turkey oo ka dartay

Istanbul (Caasimada Online) – Banaan-baxayaasha Turkey ayaa sii wada in aysan u jixin-jixin xarigga lagu beegsanayo, xilli 1,500 oo qof la xiray ayada oo toddobaad ay galeen mudaaharaadyadii ugu waaweynaa ee ka dhaca Turkiga tan iyo 2013 ee ka dhan ah maamulka Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Bannaan-baxyadu waxay qarxeen 19-kii Maarso kaddib markii la xirhay duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu, oo ka tirsan mucaaradka, taasoo qayb ka ahayd baaritaan musuq-maasuq iyo “argagixisanimo” lagu eedeeyay, arrintaas oo taageerayaashiisu ku tilmaameen “afgambi”.

Kumanaan qof ayaa maalin kasta isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo jebinaya xayiraadaha bannaan-baxyada ee ka jira Istanbul iyo magaalooyin waaweyn oo kale, iyadoo la xiray 1,418 qof ilaa Talaadadii, sida ay sheegtay dowladda.

Dadkii la xiray waxaa ka mid ah wariyaha AFP Yasin Akgul, oo wakaaladda fadhigeedu yahay Paris ay sheegtay inuu shaqadiisa ka qabanayay goobta bannaan-baxyada.

Madaxweyne Erdogan, oo si isdaba joog ah ugu tilmaamay mudaaharaadyada “argagixisanimada waddooyinka”, ayaa kordhiyay weerarrada uu ku hayo xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga Dadka (CHP), oo uu ka tirsan yahay Imamoglu, iyo hoggaamiyahooda Ozgur Ozel.

Ozel oo la hadlayay dadweyne badan ayaa sheegay in xisbigiisu aanu ku baaqi doonin bannaanbax habeenimo oo cusub oo Arbacadii ka dhici lahaa xarunta duqa magaalada Istanbul, balse halkii laga tagi lahaa wuxuu ugu baaqay shacabka inay ka qaybqaataan isu-soo-bax weyn oo Sabtida ka dhici doona magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, lama hubo haddii ardayda carooyinka wata – oo door muuqda ka qaadanayay bannaan-baxyada oo aan dhammaantood taageere u ahayn CHP – ay ka baaqsan doonaan inay waddooyinka buuxiyaan.

Intii uu socday todobaadkii la soo dhaafay, habeen kasta bannaan-baxyadu waxay isu beddelayeen iska hor-imaadyo laamaha booliiska rabshadaha, kuwaasoo sida ay sheegayaan hay’adaha xuquuqul insaanku ay cabsi gelin ku noqdeen. Hase yeeshee, ma jirin iska horimaadyo noocaas ah Talaadadii, sida ay sheegeen wariyeyaasha AFP.

‘Qol kama banaan xabsiyada Istanbul’

Xarigga Yasin Akgul, oo Talaadadii maxkamad la hor geeyay kadib markii isaga iyo lix wariye kale lagu qabtay howlgallo waaberigii Isniinta, waxaa si adag u cambaareeyay hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo wakaaladda AFP, oo sheegtay in xariggiisa, isagoo 35 jir ah, uu yahay mid “aan la aqbali karin”, islamarkaana ay dalbanayaan in si degdeg ah loo sii daayo.

“Waxaan si aad ah uga walaacsannahay wararka sheegaya cadaadiska ka dhanka ah bannaan-baxayaasha iyo suxufiyiinta Turkiga,” ayuu yiri diblomaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska, isagoo codsaday inaan magaciisa la shaacin, wuxuuna xusay in Akgul “si xirfadaysan u tabinayay bannaan-baxyada”.

Hoggaamiyaha CHP Ozgur Ozel, oo la hadlayay kumanaankii qof ee habeenkii toddobaad ee isku xigay isugu yimid hoolka magaalada Istanbul, ayaa sheegay in cadaadiska dowladda uu kaliya sii xoojinayo dhaqdhaqaaqa shacabka.

“Waxaa jira hal arrin oo Mr Tayyip u baahan yahay inuu ogaado: tiradeennu kuma yaraanayso xariga iyo caburinta!” ayuu ku adkeystay.

Wuxuu sheegay in xadiga xariggu uu gaaray heer “xabsiyada Istanbul aysan wax meel ah ka sii harin.”

Imamoglu isna wuxuu fariin ad-adag ku baahiyay baraha bulshada, isagoo si toos ah u bartilmaameedsanaya Erdogan, wuxuuna ku hanjabay in “sanduuqa codbixinta lagaga adkaan doono”, isagoo ku eedeeyay hoggaamiyaha Turkiga “inuu ku dhuumanayo xafiiskiisa Ankara si uu u ilaashado kursiga, halkii uu dalka maamuli lahaa.”

“Waan midoobi doonnaa… waan guulaysan doonnaa,” ayuu ku daray.

Erdogan ayaa isna weerar toos ah ku qaaday Ozel, isagoo khudbad u jeediyay xisbigiisa, wuxuuna ugu yeeray hoggaamiyaha CHP “siyaasi si buuxda u guul-darreystay oo ay nafsaddiisa haysato rajo iyo cabsi is biirsaday.”

Wuxuu intaa ku daray in CHP ay sababtay “qoraallo badan oo xitaa musalsallada Brazil-ka ka badan” marka loo eego kiisaska musuqmaasuqa ee ka jira degmooyinka Istanbul.

‘Annagu argagixiso ma nihin’

Inkasta oo cadaadiska dawladeed uusan yareynin tirada bannaan-baxayaasha, haddana sida uu sheegay wariye AFP ah, ardaydii tiro badan ee isugu soo baxday magaalada Talaadadii ayaa wejiyadooda qarinayay.

“Waxaan rabnaa dowladda inay is-casilaan, waxaan rabnaa xuquuqdeena dimoqraadiyadeed, waxaan maanta u dagaallamaynaa Turkiga xor ah,” ayuu yiri arday 20 jir ah oo magaciisa ku sheegay Mali, mar uu la hadlayay AFP.

“Annagu argagixiso ma nihin, waxaan nahay arday, sababta aan halkan u joognaana waa inaan u ololeyno xuquuqdeena dimoqraadiyadeed iyo ilaalinta dimoqraadiyadda,” ayuu yiri.

Sida inta badan dadka kale ee bannaanbaxaya, wajigiisa wuu qariyay wuxuuna ka gaabsaday in magaciisa oo dhameystiran la shaaciyo sababo la xiriira cabsi uu ka qabo aargoosi.

Arday kale oo 25 jir ah oo magaceeda ku sheegtay Lydia, iyadoo wejiga qarsatay, ayaa ugu baaqday shacabka intiisa kale inay bannaan-baxyada ku soo biiraan.

Si ka duwan maalmaha hore, CHP ayaa sheegtay inaanu jiri doonin isu-soo-bax Arbacada ka dhacaya hoolka magaalada, balse Ozel ayaa ugu baaqay dadka inay isugu yimaadaan Sabtida xaafadda Maltepe ee Istanbul si ay u dalbadaan in doorasho degdeg ah la qabto.

Qofkii labaad ee kasoo jeeda K/Galbeed oo toddobaad gudihiis lagu dilay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta ka dhacay magaalada Garoowe, kaas oo loo geystay wiil da’diisa lagu sheegay 18 jir.

Wiilkan dhallinyarada ah ayaa kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed, wuxuuna ka shaqayn jiray dhaqidda baabuurta gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Mustafe Manuur oo baabuur nooca Leyla-Calaawi ah ku dhaqayay bannaanka hore ee Hotel Taleex, ayaa la toogtay kadib markii askari ka tirsan ilaalada hotelka uu rasaas ku furay.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in marxuumka la amray inuu joojiyo dhaqidda baabuurka, balse isla markiiba lagu dhuftay tacshiirad, taas oo sababtay geeridiisa.

“Askari hubaysan oo ilaalada hotelka ka mid ah ayaa qori ku qabtay marxuumka, wuxuuna ku amray inuu joojiyo dhaqidda baabuurka,” ayuu yiri qof ka mid ah dadkii ku sugnaa agagaarka hotelka xilliga dilku dhacay.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Si lama filaan ah ayuu rasaas ugu furay, waxaana meydkiisa laga qaaday goobta, isagoo rasaas badan jirkiisa ka muuqatay.”

Mustafe Manuur waa qofkii labaad ee toddobaad gudihiis lagu dilo magaalada Garoowe, isagoo kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Waxaa ka horreeyay Cabdimaalik Xuseen, oo isna lagu dilay goob tima-jare ah, iyadoo aan weli la soo qaban eedeysanaha loo haysto falkaas, taas oo si weyn uga naxdisay dadka ku dhaqan Garoowe.

Guddiga doorashada oo ku dhawaaqay isbeddel ku yimid jadwalka doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in isbeddel ku yimid jadwalkii doorashooyinka, gaar ahaan diiwaan-gelinta ururrada siyaasadeed.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in guddigu uu 21 maalmood oo dheeraad ah ku kordhiyay waqtigii diiwaangelinta ururrada siyaasadeed, taas oo markii hore ahayd in la soo gabagabeeyo 31-ka Maarso.

Waxa uu xusay in xisbiyadii hore isku diiwaangeliyay billowgii sannadkan ay mar kale u baahan yihiin inay dib isu diiwaangeliyaan, maadaama sharciga cusub ee doorashooyinka sidaas farayo.

“Maalmihii la soo dhaafay, waxaan wadahadallo la yeelanay ururradii hore isku diiwaangeliyay iyo kuwa weli ku guda jira howsha diiwaangelinta. Waxay naga codsadeen in 21 maalmood lagu daro muddadii hore loo asteeyay ee 31-ka Maarso,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dhawaan la qaban doono doorashada golaha deegaanka dhammaadka bisha Juun, taas oo ay shacabka ku dooran doonaan mas’uuliyiinta hoggaaminaysa, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka.

Diiwaan-gelinta iyo qaadashada shahaadada ururrada siyaasadeed ayaa sidoo kale waxaa barbar soconaysa saxiixa shuruucda la soo kordhiyay, oo ururrada laga rabo inay saxiixaan.

Guddoomiyaha ayaa shaaciyay in aan wax khidmad ah laga qaadi doonin ururradii hore isku diiwaangeliyay ee markale la faray inay dib isu diiwaangeliyaan si ay u qaataan shahaadada cusub.

Tallaabadani waxay ku soo aadaysaa xilli dalka uu ku jiro dagaal, ayna ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka, oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya, xubnaha mucaaradka, iyo qaar kamid ah maamullada dalka.

Villa Soomaaliya ayaa qorsheysay in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, balse qorshahaasi waxaa si cad uga horyimid Puntland, Jubbaland, iyo madaxdii hore ee mucaaradka ah, kuwaas oo u arka mid dano gaar ah laga leeyahay.

PUNTLAND oo tallaabo ka qaaday wariye qaatay kaarka aqoonsiga ee DF Soomaaliya

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) –  Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah dowladda federaalka, taas oo la xiriirta khilaafka ka dhashay kaarka aqoonsiga ee ay bixiso hay’adda NIRA ee dowladda dhexe.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii xalay ciidamada ammaanka Puntland ay magaalada Gaalkacyo ku xireen Wariye madax-bannaan oo lagu magacaabo Dalmar Socdaal oo kaarka aqoonsiga muwaadinimo ka qaatay Gaalkacyo, dhanka Galmudug.

Puntland oo si weyn u diidan xafiiska NIRA ee koonfurta Gaalkacyo ayaa xabsiga dhigtay Wariyaha oo illaa iyo hadda ku xiran xabsi ku yaalla waqooyiga magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daray ain Wariyaha la jir dilay ka hor inta aan la xirin, taas oo dhalisay caro xooggan oo ay muujiyeen ururada saxaafadda iyo bulshada deegaanka.

Dhowaan Puntland ayaa si cad uga hortimid kaarka aqoonsiga qaranka oo dowladda federaalka ka bilowday Gaalkacyo, gaar ahaan qaybta ay maamusho Galmudug, waxaana arrintaas su’aal ka keenay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali (Jifojabsade).

Guddoomiyaha ayaa ku hanjabay in tallaabo adag ay ka qaadayaan qof weliba oo reer Puntland ah oo qaata kaarka aqoonsiga muwaadinnimo ee hay’adda NIRA oo hoostagta dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna xariga Wariyaha la xiriira go’aankaasi.

Faysal Sheekh (Jifojabsade) ayaa intaasi kusii daray in qofkii qaata kaarkaas uu lumin doono xuquuqda aas-aasiga ah ee Puntland, balse ma caddeyn tallaabada ay qaadayaan ama waxa ay tahay xuquuqda uu waaynayo qofka qaata kaarka hay’adda NIRA.

Sababta ugu weyn ee ay Puntland ku diiday arrintan wuxuu ku sheegay in jiritaanka hay’adda NIRA aysan aqoonsaneyn, isla markaana ay tahay hay’ad aan ku dhisneyn nidaamka dastuurka ee heshiiska lagu yahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Qofkii qaata Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka ee Soomaaliya ee NIRA wuxuu lumin doonnaa xuquuqda aas-aasiga ah ee Puntland, Dadbaa inta tagaan ayay leeyihiin aqoonsi Ayaan ka qaadaneynaa, horta dastuur ahaan ayaa jiritaankeeda la isku hayaa” ayuu horay u yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Puntland.

Horay Puntland ayaa marar badan uga hortimid tallaabooyin ay qaaday dowladda federaalka, sida qaadista imtixaanaadka mideysan, wax ka beddelka dastuurka, dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo go’aanno kale oo xasaasi ah.

Dhammaan go’aannadan ayaa daba socda is faham-waaga Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo horay ugu kala tegay arrimaha siyaasadda oo ay isku fahmi waayeen, waxaana haatan xiisadda uga sii daray qorshaha ay waddo Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka oo dhaliyay khilaaf horleh oo xooggan.

Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday kula wareegay Masaajid Cali Gaduud

0

Cadale (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xooggan oo qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyaga oo dagaal kadib gudaha u galay deegaankaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay ku beegsaday saldhigyo ciidamada huwanta ay ku lahaayeen halkaas, waxayna ka weerareen dhowr jiho, ayada oo kadib sidaas uu ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka qaraxyada iyo dagaalka xigay ay ka dhasheen khasaare xooggan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen deegaanka, kadib markii ay ka baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee saaka lagu weeraray deegaankaasi oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka socday abaabul xooggan.

Qoraal ay baahisay kooxda waxa ay ku sheegtay in dagaalyahannadooda ay weerareen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, ayna gudaha u galeen, welina uu socda howlgalka.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay HirShabelle oo lagu magacaabo Daa’uud Xaaji Cirro ayaa xaqiijiyay in laga baxay magaalada, balse waxa uu wacad ku maray in caawa aysan ku hoyan doonin Khawaarijta oo dib looga soo saari doono.

“Miney Cali Gaduud caawa ku hoydaan gabarteenuba guur ma leh” ayaa ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray afhayeenka u hadlay dowlad goboleedka HirShabelle.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa aagga Masaajid Cali Gaduud oo laba sano kahor laga xoreeyay Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugan yahay aagga Cadale, halkaas oo uu ka hogaaminayo dagaalka ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe, si loo dardar-geliyo gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

YURUB oo aad u careysan kadib sirtii Mareykanka ee lagu ogaaday fadeexaddii Signal

Brussels (Caasimada Online) – Mararka qaar waxaa wanaagsan inaadan ogaan waxa ay saxiibadaada isku sheegaan marka aadan joogin. Tusaale ahaan: marka saaxiibkaaga ugu dhow uu kuugu yeero “NACAS,” kugu eedeeyo inaad tahay “ku dul noole” isla markaana uu yiraahdo waa in lagugu khasbaa inaad bixiso wax aadan waligaa ogeyn in la qorsheeyay.

Mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin ka tirsan Britain iyo Midowga Yurub ayaa si isku dhafan oo caro iyo niyadjab leh uga falceliyay xog sir ah oo shaaca laga qaaday, taas oo muujisay farriimo gaar ah oo ay is dhaafsadeen saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Donald Trump, kuwaas oo ka hadlayay duqeymo la qorsheeyay oo lagu beegsanayo fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen.

Sida uu qoray The Atlantic, oo tifaftirihiisa si khalad ah loogu daray group chat ay barta Signal ku leeyihiin xubnaha sare ee maamulka Trump, madaxweyne ku-xigeenka JD Vance ayaa sheegay inuu neceb yahay “in mar kale la samata-bixiyo Yurub” iyadoo la qaaday tallaabo militari oo lagu difaacayo maraakiibta ganacsiga, taas oo badankeed faa’iido u leh ganacsiga Yurub. Wasiirka difaaca Pete Hegseth ayaa ugu jawaabay: “Waan kula qabaa nacaybka Yurub oo kaliya cunid diyaar u ah. Waa NAXDIN.”

Jawaabta Britain

Diblomaasi British ah ayaa sheegay inuu si amakaag leh u daawanayay markii farriimahaasi la shaaciyay fiidnimadii Isniinta, isagoo dhacdada ku tilmaamay “mid aad u yaab badan.” Wuxuu intaas ku daray in arrintani ay xoojisay dareenka ah in Vance yahay ninka hormuudka u ah cadaawadda Maraykanka ee Yurub, taasoo – sida uu sheegay – ku qasbeysa Trump iyo saraakiisha kale inay qaataan mowqif adag si Trump uusan u muuqan mid ka jilicsan Vance.

Dhinaca kale, wasiirro iyo mas’uuliyiin British ah ayaa si dadban isugu dayay in ay yareeyaan waxyeellada ka dhalatay shaacinta xogtan, iyagoo adkeeyay in xiriirka xulafonimo ee Maraykanka uu weli xooggan yahay isla markaana hababka isgaarsiinta ay ammaan yihiin.

Si kastaba, Wasiirkii hore ee Difaaca Britain, Grant Shapps, ayaa sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha maamulka Trump ay si muuqata ugu baahan yihiin in dib loo baro muhiimadda xulafada. Wuxuu sheegay inay ahayd mid khaldan in la yiraahdo ciidamada Yurub waxba kama qaban khatarta Xuutiyiinta ay taageerto Iran ee weeraraya maraakiibta ganacsiga.

Farriimaha la dusiyay ayaa xitaa ka koobnaa dood ku saabsan sidii Yurub loogu khasbi lahaa inay bixiso kharashaadka hawlgalka. Warbixino kale ayaa muujinaya in duqeymaha laga hadlayay ay taageero ka heleen diyaaradaha shidaal-siinta ee Britain.

“Waan oggolahay in Yurub ay wax badan ka qabato arrimaha amniga,” ayuu Shapps ku qoray baraha bulshada X. “Laakiin [Ra’iisul Wasaare] Sir Keir [Starmer] waa inuu xusuusiyaa Maraykanka in UK ay hormuud ka ahayd. Anigaa amray afar duqeyn oo RAF ay ku qaadeen Xuutiyiinta, Royal Navy-na waxay difaacday maraakiibta Badda Cas. Ciidamadeennu waxay halis ugu jireen badbaadinta ganacsiga. Qaar ka mid ah madaxda DC waa in la xusuusiyaa.”

Ed Davey, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Liberal Democrats, ayaa yiri: “JD Vance iyo saaxiibadiis xitaa uma qalmaan inay maareeyaan group chat, iska daa hoggaaminta ciidanka milatari ee ugu awoodda badan dunida. Arrintani waxay welwel gelinaysaa hay’adaha amniga ee ku aaddan xogta aan la wadaagno.”

Yurub inteeda kale

Meelo kale oo Yurub ka tirsan, diblomaasiyiinta ayaa muujiyay murugo iyo rajo-beel. Hammigii ay ka qabeen in Vance iyo kooxdiisu si dadban ugu kacsan yihiin Yurub balse ay si gaar ah u muujinayaan garasho iyo xushmad, wuu ka baxay meesha.

“Waa niyad jab in la arko sida ay uga hadlayaan Yurub marka ay moodayaan in cidina maqlayn,” ayuu yiri diblomaasi Midowga Yurub ah oo codsaday inaan la magacaabin “Laakiin ma ahan wax la yaab leh… Hadda waxaan aragnay sida ay arrimaha u eegaan, iyadoo wax diblomaasiyad ah aan lagu darin.”

Sarkaal kale oo Midowga Yurub ah ayaa yiri: “Vance waa ninka hada haysta aragtidan xagjirka ah, laakiin wuu khaldami doonaa oo mar uun wuu fashilmi doonaa.” Wuxuu intaas ku daray in Maraykanka uu mar kale noqon doono xulafo la isku halayn karo.

Diblomaasi labaad oo Yurub ah ayaa raaciyay in taariikhdu muujisay in Maraykanku uu ugu dambayn ku soo noqon doono doorkiisii xulafo dhab ah. “Waqtigan, inkastoo la maqlo hadallo diblomaasiyadeed oo macaan, kalsoonidu way burburtay,” ayuu yiri. “Ma jiri karto xulafnimo la’aan kalsooni. Sidaas darteed, Yurub waa inay wax badan qabataa, maadaama aysan haysan ikhtiyaar kale.”

Marka laga hadlayo arrinta Maraykanku uu ku dalbanayo kharashaadka hawlgalka, sarkaal sare oo Midowga Yurub ah ayaa si kaftan leh u yiri: “Wali biilkii nalama soo gaarsiin.”

Xogta dabley hubeysan oo weerar culus ku qaaday saldhigga Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka dabley hubeysan ay weerar culus ku qaadeen saldhigga bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Maleeshiyaadka weerarka qaaday ayaa la sheegay inay ka caroodeen hub xalay laga qabtay, kadib howlgal ciidamada ay ka sameeyeen gudaha magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa saaka kusoo waabariistay dhawaqa rasaas xooggan oo laba dhinac ah, taas oo laga maqay saldhiga bartamaha Boosaaso, halkaasi oo xalay la geeyay hub lasoo qabtay oo ay laamaha amniga ku tilmaameen mid sharci darro ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerarka, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay tiro ahaan.

Sida uu sheegay sarkaal u hadlay Booliska gobolka Bari, ciidamada ayaa iska difaacay weerarka lagu soo qaaday wuxuuna xaqiijiyay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana la filayaa in laamaha amniga Puntland ay faah-faahin dheeraad ah ka bixiyaan shaqaaqada saaka ka dhacday halkaasi.

Boosaaso ayay mararka qaar waxaa ka dhaca iska hor imaadyo khasaare gaysta, waxaana sidoo kale xilliyada qaar weeraro ka fuliyo kooxaha argagixisada.

Weerarka saaka ayaa kusoo aadayo, xilli haatan magaaladaasi uu ka socdo abaabulka dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish oo galay wajiga saddexaad, kaas oo si gaar ah uga socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga Calmiskaad.

Waxaa sidoo kale magaalada ay fadhi u tahay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo dagaalka Daacish darda-gelinayo, si looga xoreeyo dhulka kala sarreeyo ee Puntland.

Si kastaba, dagaalka Daacish ayaa haatan maraya meel adag, waxaana oo xalay oo ugu dambeysay duqeymo iyo howlgallo culus ay ka dhaceen aagga fog ee dhulka buuraha Calmiskaad, kuwaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Duqeynta oo uu fuliyay Mareykanka ayaa si gaar ah uga dhacday aagga Togga Miiraale, halka howlgal kale oo lagu dilay 4 xubnood oo Daacish u qabilsanaa qaraxyada uu isna ka dhacay deegannada Buqa Sarre, Xoomiso iyo Guryasamo ee aagga Calmiskaad.

DF Somalia oo shaacisay xogta howl-gal wadajir ah oo ka dhacay buuraha Golis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal wadajir ah oo ka dhacay deegaannada maamulka Puntland, gaar ahaan Buuraha Golis ee gobolka Bari.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in howlgalkan, oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah, ay iska kaashadeen Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Daacish.

“Warbixinnadii ugu horreeyay ee laga helay howlgalkan oo dhacay xalay, ayaa muujinaya in dagaalyahanno badan oo Daacish ah la dilay, iyadoo aan la soo sheegin waxyeello soo gaartay dad rayid ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Duqeymaha cirka ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo la ogaa in ay gabaad ka dhigtaan dagaalyahannada Daacish, waxaana hadda socda qiimeyn lagu sameynayo khasaaraha cadowga.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:

Howlgal si wadajir ah loo fuliyay, oo ay hoggaaminayeen Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu beegsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugnaa Buuraha Golis ee gobolka Bari, Puntland.

Warbixinnadii ugu horreeyay ee laga helay howlgalkan, oo dhacay xalay, ayaa muujinaya in dagaalyahanno badan oo Daacish ah la dilay, iyadoo aan la soo sheegin waxyeello soo gaartay dad rayid ah. Qiimeyn lagu sameynayo khasaaraha cadowga ayaa hadda socota.

Duqeymaha cirka ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo la ogaa in ay gabaad ka dhigtaan dagaalyahannada Daacish, iyagoo qayb ka ah dadaalka ballaaran ee la dagaallanka argagixisada, oo ay hormuud u yihiin ciidamada Daraawiishta Puntland ee ka howlgala vuuraha Calmiskaad.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo garab ka helaysa saaxiibadeeda caalamiga ah sida AFRICOM, waxay sii wadi doontaa howlgallada milatari ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada sida Daacish iyo Al-Shabaab, kuwaas oo khatar weyn ku ah nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

DF oo uga mahad-celisay Turkey arrin ay u suurta-galisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si qoto dheer ugu mahadcelisay dowladda Turkiga taageerada xooggan iyo garab istaagga ay u fidisay dadaallada socda ee lagula dagaallamayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, oo la hadlay TRT Afrika, ayaa muujiyay muhiimadda iskaashiga difaaceed ee Turkigu si joogto ah ula garab taagan yahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda xagjirka ah ee muddada dheer carqaladeyneysay xasilloonida dalka.

Wasiir Aweys ayaa carrabka ku adkeeyay in taageerada Turkiga aysan ku koobnayn kaliya dhinaca farsamada, balse ay ka turjumayso walaaltinimo qoto dheer oo xoojinaysa awoodda ciidamada amniga xilli muhiim ah oo dalku wajahayo.

“Xiriirka aan la leenahay Turkiga waa mid waara, ku dhisan dan wadaag iyo iskaashi istaraatiji ah,” ayuu yiri Wasiir Aweys. “Waa tiir muhiim u ah la-dagaalanka argagixisada, xoojinta amniga, iyo horumarinta nabadda waarta ee gobolka. Iskaashigan wuxuu tusaale u yahay sida awoodaha soo koraya ay gacan uga geysan karaan xasillinta iyo dib-u-dhiska dowladaha kasoo kabanaya colaadaha.”

Nabad lagu gutay Ramadaanka

Wasiir Aweys ayaa sidoo kale ammaanay taageerada Turkiga ee bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo ku tilmaamay tallaabo dhab ah oo muujinaysa midnimo iyo garab istaag. Wuxuu xusay in iskaashiga labada dal uu si weyn uga qayb qaatay dadaallada dhismaha nabadda ee Soomaaliya.

“Iskaashigeennu wuxuu ahaa mid lama huraan ah,” ayuu yiri. “Garab istaagga joogtada ah ee ay Turkigu na siiyeen intii lagu jiray Ramadaanka wuxuu muujiyay walaaltinimo dhab ah, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay soo celinta nabadda dalka.”

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa si weyn uga faa’iideystay taageerada Turkiga oo ay ka mid yihiin tababarka dugsiyada milateriga, taageero farsamo, iyo qalab horumarsan oo dhanka difaaca ah. Taageeradan ayaa horseeday horumar la taaban karo, taasoo keentay in Ramadaanka 2025 uu noqdo mid ka nabad badan sannadihii hore ee ay colaadaha iyo amni darridu hareeyeen.

“Iskaashigan awgiis, waxaan markhaati ka nahay Ramadaan deggan oo ka duwan kuwii hore,” ayuu yiri Aweys. “Khayraadka ay ina siiyeen iskaashigan difaaceed ayaa muhiim u ahaa xoojinta hawlgalladeenna milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ay si weyn uga qayb qaateen guulaha aan ka gaarnay dagaalka.”

Xakamaynta dacaayadda Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoggaaminaya dagaal qaran oo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, taasoo Soomaaliya ku haysay argagixiso muddo ka badan toban sano.

Dhawaan, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa guulo waaweyn ka gaartay kooxdaas, iyagoo dilay in ka badan 80 dagaalyahan isla markaana gacanta ku dhigay tiro kale.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xakameynayo warbaahinta faafisa borobogaandada Al-Shabaab, iyadoo xirtay xarumo warbaahineed oo lala xiriiriyay kooxda.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Warbaahinta Soomaaliya ayaa ammaanay tallaabadan, isagoo sheegay inay lagama maarmaan u tahay difaaca shacabka lagana ilaaliyo marin habaabinta iyo adeegsigga khaldan ee diinta.

Waxaa intaa dheer, dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday isticmaalka magaca “Al-Shabaab” warbaahinta qaar, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xadidayo saameynta kooxda ee doodaha bulshada.

Wasiir Aweys ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay isagoo mar kale ku celiyay go’aanka Soomaaliya ee ah inay si buuxda u cirib tirto Al-Shabaab. Wuxuu carabka ku adkeeyay in ciidamada amniga oo ay garab taagan yihiin Turkiga iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ay dalka ka xorayn doonaan kooxaha argagixisada ah.

“Waxaan kalsooni ku qabnaa guusha howlgaladeenna, iyadoo aan leenahay meel istiraatiji ah oo muhiim ah gobolka,” ayuu yiri. “Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Turkiga taageeradooda joogtada ah. Anagoo la kaashanayna saaxiibadeenna, waxaan cirib tiri doonnaa Al-Shabaab, waxaana dalka dib ugu soo celin doonnaa nabad iyo xasillooni waarta.”

Madax-bannaanida Soomaaliya

Wasiir Aweys ayaa sidoo kale ugu baaqay warbaahinta caalamka inay ka fiirsato sheegashooyinka ah in xiriirka Turkiga uu saameyn ku yeeshay go’aannadii dhowaan ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in sheegashooyinkaas ay si khaldan u matalayaan madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo xusay in hoggaanka dalka uu go’aamada u gaaraa si madax bannaan oo ku saleysan danaha qaranka iyo shacabka.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay saaxiibadeeda caalamiga ah, iyadoo u maraysa hannaan waafaqsan himiladeeda amniga, horumarka iyo isku filnaanshaha.

 Isagoo xusay in Soomaaliya tahay dal madax bannaan, ayuu adkeeyay inay ka go’an tahay dhisidda xiriir istiraatiji ah oo ku saleysan is-ixtiraam, si mudnaanta loo siiyo amniga, horumarka, iyo xasilloonida dalka.

 

Al-Shabaabkii Sh/Dhexe oo u cararay laba gobol oo kale kadib guul-darrooyin culus

Baydhaba (Caasimada Online) – Tiro badan oo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, oo ay wehliyeen gaadiid dagaal, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay u wareegay gobollada Bay iyo Bakool, kaddib guuldarrooyin culus oo ka soo gaaray dagaallada socda ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha milatariga Isniintii.

Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Janaraal Xasan Isaaq Cumar, oo loo yaqaanno Xasan Baydhabo, ayaa sheegay in ciidamada ammaanku si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa kooxdaasi ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed.

“Waan ognahay in cadowga nabadda diidan laga saaray Shabeellaha Dhexe. Waxa ay la kulmeen khasaare ballaaran, haatanna waxay u jiheysteen dhanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool. Ciidankeenna waa diyaar, waxaana uga hortagi doonnaa qorshahooda sidii aan horeyba ugu guuleysanay gobollo kale,” ayuu yiri Janaraal Xasan Baydhabo.

Taliyuhu waxa uu xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda heegan ugu yihiin inay ka hortagaan joogitaanka kooxda ee Koonfur Galbeed.

“Waxaan faray taliyeyaasha guutooyinka Qaybta 60-aad in ay feejignaadaan, isla markaana ay sugaan ammaankooda, ayna difaacaan gobolka cadowga,” ayuu yiri.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada ayaa kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare culus, taasoo keentay in dagaalyahannadooda ay u kala firxadaan deegaanno cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ciidan, ayaa booqday jiidaha hore ee dagaalka ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, si uu uga qeyb galo kormeerka hawlgallada, kuwaas oo lagu xoojiyay weerarada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, ciidamo ka tirsan ilaaladiisa oo kusoo haray degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa adkeeyay amniga, iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya uu u sii jihaysanayo deegaanno aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dagaalka hoggaaminaya, uu ku haminayo in ciidda ka hor laga saaro Al-Shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe, oo hadda ay billaabeen in ay ka cararaan.

Mareykanka oo duqeyn culus xalay ka fuliyay Calmiskaad

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn culus oo xalay diyaaradaha duuliye la’aanta ay ka fuliyeen aagga buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay weli ku sugan yihiin xubno ka tirsan kooxda Daacish.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa weerarkan dhanka cirka ah fuliyay Mareykanka oo beegsaday fariisimo ay Daacish ku lahaayeen agagaarka togga Miiraale.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan lagu taageeray ciidamada Puntland, xilli uu socday dagaal culus oo ay la galeen kooxda Daacish, kaas oo dhaliyay khasaare xooggan.

Puntland oo faah-faahin ka bixisay weerarkan waxa ay sheegtay in lala beegsaday firxadka kooxda Daacish, welina ay waddo qiimeynta khasaaraha ka dhashay.

“Duqeyn caawa ka dhacday Miiraale-Calmiskaad, waxaa lala beegtay firxadka Argagixisada Daacish, duqeynta waxa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamul goboleedka Puntland.

Waxaa kale oo jira howlgal kale oo ay ciidamada Puntland ka fuliyeen deegannada Buqa Sarre, Xoomiso iyo Guryasamo ee Calmiskaad, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda Daacish, isla markaana u qaabilsanaa qaraxyada nooca miinooyinka.

Puntland ayaa shaaca ka qaaday in inta uu socday howlgalka la dilay illaa 4 ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo soo bandhigtay maydadkooda iyo qaraxyada ay diyaariyeen.

“Ciidanku wuxuu dilay 4 ka mid ah firxadka Argagixisada Daacish kuwooda miinooyinka iyo qaraxyada qaabilsan, Hawlgalka ayaa ka dhacay deegannada Buqa Sarre,Xoomiso iyo Guryasamo ee Calmiskaad” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Mareykanka oo ku aadan duqeyntaasi, waxaase inta badan uu faah-faahinta dib kasoo sheegaa marka uu fuliyo weerarka kadib, waana tan dahaareysa in xog dhammeystiran laga helo sida khasaaraha ka dhashay weerarkaas inta uu gaarsiisan yahay, cidda sida rasmiga ah loo beegsaday iyo haddii dad rayid ah wax gaareen.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee ka qayb-qaadanaya dagaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish, si looga saaro dhulka buuraleyda ah ee Bari.

Waxaa sidoo kale dagaalkan ku jira Isu Tegga Imaaraadka Carabta, oo isna duqeymo ku taageeraya ciidamada Puntland ee sii koraya buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Daacish.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa horay albaabada u furay cid walba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Xog: Diyaaradaha Soomaaliya ee AKINCI oo berri howlgelaya iyo cabsi soo wajahday Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda AKINCI oo dhawaan laga soo dejiyey magaalada Muqdisho, kadib markii ay Soomaaliya ka heshay Turkiga ayaa la sheegay in Arbacada berri ay howlgeli doonto, taas oo ka dhigan in duqeymaha Al-Shabaab ay bilaabeyso.

Diyaaradaan oo labo xabo ah ayaa ah nooc casri ah, Injineerrada gacanta ku haya ayaa qabsaday in muddo toddobaad ah ay ku rakibayaan qalabkeeda markii la keenay, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka Soomaaliya.

Berri oo Arbaco ah ayey AKINCI bilaabeysaa duullimaadyadeeda Soomaaliya, gaar ahaan dhulka ay Al-Shabaab joogaan, si ay u beegsato cadowga oo duqeymo u fuliso.

Sida ay noo sheegeen saraakiisha noo warantay, waxaa la qorsheeyey in labada diyaaradood ee AKINCI deg deg loogu diro gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo Al-Shabaab ay soo buux-dhaafiyeen.

Aagga degmada Afgooye ayey soo dhoobteen Al-Shabaab, waxayna Hoobiye ku garaacaan ciidamo badan oo dowladdu geysay degmadaas, si ay uga difaacaan kooxda oo soo qabsatay degmada Awdheegle iyo deegaanada Bariire, Sabiib iyo Caanoole.

Diyaaradaan oo dadka Soomaaliyeed ay si weyn u hadal hayaan ayaa durba loo bixiyey magacyo yaab leh, sida ‘Queen Manoogto, Ciiltira, Afur-qaado’ iyo magacyo kale oo qosol leh.

Kooxda Al-Shabaab oo soo qaaday dagaalo culus ayaa walwal ku abuurtay shacabka, taasi oo sababtay in la xiiseeyo diyaaradahaan sida daran u laaya kooxda oo horay aysan Soomaaliya u heysan.

Sidoo kale waxaa jira noocyo kale oo diyaaradaha dagaalka ah oo weliba casri ah oo Soomaaliya ay ka heshay Turkiga.

Saraakiisha xogtaan na siisay waxay Caasimada Online u xaqiijiyeen in dowladda Soomaaliya ay leedahay milkiyadda diyaaradahaan, inkastoo aysan sheegin in lacagta lagu iibiyey ay Soomaaliya bixisay iyo in dowlad kale ka bixisay toona.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durba ka qeylisay duqeymaha ay fulinayaan ciidamada cirka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibo u badan Mareykanka, kadib markii la duqeeyo xaruntooda ugu weyn ee Jilib iyo goobo kale oo xasaasi ah.

Hogaamiyaasha kooxda ayaa isaga cararay meel kasta oo lagu beegsan karo waxaana maalmahaan yaraaday dhaqdhaqaaqii kooxda, maadaama dowladda Soomaaliya ay kordhisay duqeymaha oo la beegsaday dhowr goobood oo maleeshiyaad ay ku abaabulayeen.

Xasan Sheekh iyo El-Sisi oo caawa xiriiray, kana wada-hadlay arrin xasaasi ah

0

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa caawa waxaa qadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax El-Sisi, oo la wadaagay dhambaal tacsi ah.

Tacsida El-Siisi ayaa ku saabsan qaraxii lagu weeraray kolonyada Madaxweynaha toddobaadkii lasoo dhaafay, xilli uu u socday furimaha dagaalka, masuuliyadda qaraxaas waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne El-Sisi ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay badqabka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo ku celceliyay mowqifka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ee ku aaddan garab istaagga Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in si aan mugdi ku jirin uu u cambaareynayo dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada, sida ay baahisay Villa Somalila oo xogta wadahadkaan ku qortay luuqadda Carabiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha Masar ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah inta ku dhaawacantay.

Dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qiimeeyay dadaalkan walaaltinimo ee deeqsinimada leh, isagoo dhiggiisa Masar uga mahadceliyey garab istaagiisa.

Masar ayaa kamid ah dalalka la qorsheeyey inay ciidamo u soo diraan Soomaaliya, so dagaalka Khawaarijta ay uga garab siiyaan dowladda, una bedelaan ciidamada ATMIS oo howlgalkoodu dhamaaday.

Farriintaan waxay Madaxweyne Xasan Sheekh soo gaareysaa isagoo caawa ku hoyanaya furimaha dagaalka, horay waxaa sidaan oo kale loogu soo diray farriimo lamid ah tan Sisi, dowlado badan ayaa garab istaag u muujiyey Madaxweynaha markii la weeraray kadib.

Daawo: Xasan Sheekh oo balan culus la galay ciidamo uu kula kulmay furimaha dagaalka

0

Raagaceelle (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu laabtay furimaha dagaalka ayaa sheegay in wasiirrada iyo saraakiisha ciidamada ay maalmaha soo socda iska xaadiri doonaan furimaha dagaalka, isla markaana isaga oo ugu sareeya dalka uu hoggaami doono dagaalka.

“Qof dambe oo la sugayo maanta ma jirto, anigoo madaxweynaha Jamhuuriyadda ah waa ikanaa, waan idiin imid, wasiirradii iyo saraakiishii ciidamada ayaa dagaalka soo gelaya, cid maqan ma jirto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa maanta boqolaal macawiisley ah kula kulmay degmada Raageceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay isku dhaarsadeen isaga iyo geesiyaasha macawiisleyda.

“Guushiina guul Soomaaliyeed waaye, Soomaali kasta idinka ayuu idin sugayaa, balan ayaan wada galnay, dagaalka Al-Shabaab go’aan ayaa nooga yaalla inaan fulino diyaar ma u nahay? Guuleysta waan idiin soo noqon doonaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo Tuute iyo Bistoolad xiran, gacmahana kor u taagaya.

Madaxweynaha oo diyaarad militeri Muqdisho ka qaatay ayaa Raagaceelle uga sii gudbay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo saldhigga hoggaaminta dagaalka u noqon doonta.

Madaxweynaha ayaa dadka reer Raageceelle ku bogaadiyey sida ay deegaankooda uga difaacdeen Khawaarijta, wuxuuna balan kula galay inay xoreeyaan deegaano hadda ku jira gacanta cadowga.

“Waligiis deegaankiina Shabaab ma imaan, jaceyl idinkuma deynin ee tabar ayaa u diiday, sida aad isku dhaarsateen oo hubkiina u wada qaadateen ayaa la idinkaga baqay, sharaf ayaad ku nooshihiine guuleysta oo sharaftiina difaacda,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo soo hadal qaaday howlgalka ciribtirka Khawaarijta Daacish ee ka socda Puntland ayaa sheegay in guusha ay gaarayaan ciidamada Puntland ay tahay guul ay Soomaaliyeed, “Anagaa iska leh waa guusheena xoreynta Calmiskaad,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Imaaraadka oo gaarsiiyey Masar arrin xasaasi ah oo uu Mareykanka ugu hanjabay

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu hanjabtay Dowladda Masar in laga jarayo taageerada dhaqaale ee Mareykanka haddii ay diiddo inay qaabbisho boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo kasoo barakacay marinka Gaza, sida lagu sheegay farriin uu Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, u gudbiyay Qaahira, sida uu weriyay ilo-wareed la hadlay Al-Araby Al-Jadeed.

Ilo-diblomaasiyadeed Masri ah ayaa u sheegay Al-Araby Al-Jadeed in booqashadii kooban ee uu Madaxweyne Bin Zayed ku tegay Qaahira dhammaadkii toddobaadkii hore ay qeyb ka ahayd wadahadallo uu la yeeshay mas’uuliyiin Maraykan ah oo ku saabsanaa xaaladda Gaza, halkaas oo Israa’iil dib u billowday weerarradeeda milatari toddobaadkii hore.

Trump ayaa soo jeediyay in Falastiiniyiinta Gaza, oo ku sugan goob dagaal, si khasab ah loogu raro dalalka deriska la ah sida Masar iyo Urdun—qorshe ay labaduba si adag u diideen, islamarkaana si weyn loo dhaleeceeyay, looguna eedeeyay inuu yahay isku day lagu sifeynayo qowmiyadda dhulka Falastiiniyiinta.

Qaahira ayaa soo jeedisay qorshe kale oo beddel ah, kaasoo dhigaya in dib-u-dhiska Gaza loo qabto si marxalado ah, laguna daro dib-u-habeyn lagu sameeyo maamulka halkaas ka jira, balse Maraykanka iyo Israa’iil ayaa si cad u diiday.

Waddamo kale oo ay ka mid yihiin Suuriya, Suudaan iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu taliyay in ay qaabbilaan barakacayaasha, hase yeeshee dhammaantood way ka hor yimaadeen arrintaas.

Kulanka u dhexeeyay Bin Zayed iyo Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ee ka dhacay Qaahira ayaa la rumeysan yahay inuu qeyb ka yahay dadaalka Mareykanka ee ku aaddan in Masar lagu cadaadiyo inay oggolaato in Falastiiniyiinta loo raro dhulka Sinai, oo xuduud la leh Gaza iyo Israa’iil.

Sida uu sheegay ilo-wareed Masri ah oo la hadlay Al-Araby Al-Jadeed, farriinta loo gudbiyay Madaxweyne Sisi ayaa tilmaamaysay in tani ay tahay fursaddii ugu dambeysay oo lagu gaari karo dan-wadaag, iyadoo Masar loo ballanqaaday taageero dhaqaale oo ballaaran iyo in balaayiin doollar lagu shubo dhaqaalaha burburka kusii socda ee dalka, haddii ay oggolaato in qeyb ka mid ah shacabka Gaza loo raro gudaha Masar.

Haddii Masar ay diiddo dalabkaas oo ay sii adkaysato mowqifka diidmada ee ku saabsan qorshaha muranka leh ee Trump, Mareykanka ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo in uu taageeradiisa dhaqaale u wareejiyo dalal kale, sida uu sheegay ilo-wareedku.

Qorshaha Mareykanka ayaa lagu sheegay inuu damacsan yahay in u dhaxeeya 500,000 ilaa 700,000 oo Falastiiniyiin ah loo raro woqooyiga Sinai. Arrintan waxaa sidoo kale laga soo xigtay warbaahinta Israa’iil ee i24NEWS.

Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in Mareykanka iyo Israa’iil ay hadda diiradda saarayaan Masar, balse marka xigta ay u jeedsan doonaan Urdun, oo ay doonayaan in ay ku dajiyaan Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed—arrin ay dowladda Urdun si adag uga hortimid.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa horey u dhistay waax gaar ah oo u xilsaaran fududeynta “ka bixitaanka ikhtiyaariga ah” ee Falastiiniyiinta. Sidoo kale, mas’uuliyiin xag-jir ah oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku baaqaya in si buuxda loo la wareego Gaza iyo Daanta Galbeed, lagana dhiso deegaannadii Israa’iil ee hore looga saaray.

Masar oo si cad u beenisay wararka

Dowladda Masar ayaa Isniintii mar kale si adag u beenisay wararka sheegaya in ay oggolaatay qorshaha lagu rarayo Falastiiniyiinta Gaza, iyadoo lagu beddelanayo taageero dhaqaale.

Qaahira ayaa horay u beenisay eedeymahaas Jimcihii la soo dhaafay.

“Masar waxay mar kale xaqiijineysaa mowqifkeeda cad ee ah in si buuxda loo diido qorshe kasta oo lagu doonayo in walaalaheenna Falastiiniyiinta si khasab ah ama si mutadawacnimo ah looga raro marinka Gaza, gaar ahaan in loo raro gudaha Masar,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Warfaafinta Dowladda (SIS).

Bayaan ayaa intaas ku daray in tallaabo noocaas ah ay sababi karto dhamaadka qadiyadda Falastiiniyiinta, isla markaana ay khatar weyn ku tahay amniga qaranka Masar.

“Masar waxay qaaday culays dhaqaale iyo mid maaliyadeed oo aad u weyn sababo la xiriira mowqifkeeda ku aaddan Gaza… Laakiin marna taas kama aysan dhigin in ay oggolaato wax tanaasul ah—xitaa midka ugu yar—ee ku saabsan amniga qaran ama xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiiniyiinta,” ayay tiri SIS.

Masar oo soo jeedisay qorshe cusub  

Masar ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu soo celinayo xabbad-joojintii Gaza, sida ay ilo-amaanka u sheegeen Reuters Isniintii. Tani ayaa imaaneysa xilli mas’uuliyiinta caafimaadka Falastiiniyiinta ay sheegeen in ugu yaraan 65 qof lagu dilay duqeymo Israa’iil ka geysatay Gaza 24-kii saac ee ugu dambeysay.

Qorshahaan cusub, oo lasoo jeediyay toddobaadkii hore, ayaa ka danbeeyay markii Israa’iil dib u billowday weerarradeeda cirka iyo dhulka 18-kii Maarso, taasoo soo afjartay xabbad-joojin socotay laba bilood, kaddib 15 bilood oo dagaal ah oo sababay dhimashada in ka badan 60,000 oo qof, kuwaasoo badankood ahaa rayid.

Qorshaha Masar wuxuu dhigaya in Xamaas toddobaad kasta sii deyso shan maxbuus oo Israa’iili ah, halka Israa’iil ay bilaabeyso wajiga labaad ee xabbad-joojinta usbuuca xiga, sida ay sheegeen labo ilo-amaanka.

Xamaas ayaa weli haysta 59 maxbuus, iyadoo la rumeysan yahay in 24 ka mid ah ay weli nool yihiin. Intii kalena waxaa lagu sii daayay is-weydaarsiyo kala duwan oo hore loo gaaray.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Mareykanka iyo Xamaas labaduba ay oggolaadeen qorshahan, laakiin Israa’iil wali kama aysan bixin wax jawaab ah.

Mas’uul ka tirsan Xamaas oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in “soo jeedinno kala duwan” ay socdaan, islamarkaana la isku dayayo in la yareeyo farqiga, si loo helo is-afgarad horseedi kara wajiga labaad ee heshiiska.

Qorshaha Masar waxa uu sidoo kale ka kooban yahay jadwal qeexaya in ciidamada Israa’iil si buuxda uga baxaan Gaza, iyadoo Mareykanka uu bixinayo dammaanad qaad, taasoo lagu beddelanayo in la sii daayo dhammaan maxaabiista harsan.

Wasiirka Arrimaha Istiraatiijiga ee Israa’iil, Ron Dermer, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan Washington kula kulmo mas’uuliyiin Maraykan ah, si ay uga wadahadlaan doorka Israa’iil ee la xiriira maamulkeeda milatari ee marinka Gaza, sida uu sheegay The Times of Israel, oo soo xigtay ilo Israa’iili ah.

Nin kasoo goostay Al-Shabaab oo shaaciyay xog xasaasi ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa maanta dhageysatay dacwadda 10 eedeysane oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab. Labo ka mid ah eedeysanayaashan ayaa la sheegay in ay yihiin ajaaniib.

Mid ka mid ah eedeysanayaasha la horkeenay maxkamadda ayaa sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab balse uu ka soo goostay.

Ninkaan oo aan magaciisa si rasmi ah loo shaacin, ayaa ka hor sheegay maxkamadda in kooxdu u diyaarineysay in xero lagu tababaro maleeshiyaad Shabaab ah uu ka sameeyo magaalada Buuhoodle iyo deegaannada ku xeeran ee gobolla Cayn.

“Aniga waxaa la ii xilsaaray in aan mucaskar ka sameeyo Buuhoodle iyo nawaaxigeeda, taas ayaana igu kaliftay in aan Shabaab ka soo goosto,” ayuu yiri eedeysanahan oo maanta kasoo hormuuqday maxkamadda.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dad badan oo ku nool Buuhoodle ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo uu sheegay inay tababaro kusoo qaateen magaalada Jilib, ayna si qarsoodi ah ugu nool yihiin magaaladaasi.

“In badan oo kamid ah dadka nool Buuhoodle waa Shabaab. In badan oo tababar u socday ayaa la qabtay,” ayuu yiri ninkan oo kamid ah tobanka eedeysane ee maanta maxkamadda dhageysatay kiiskooda.

Ninkan oo si gaar ah looga dhex magacaabin liiska 10 eedeysane, ayaa waxa kale oo uu sheegay in markii hore uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, halkaas oo laga tashkiiliyay, kadibna uu go’aansaday inuu u safro magaalada Jilib oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale sheegay in markii uu ka quustay fikirka Al-Shabaab uu isku dhiibay ciidamada Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Itoobiya, balse ay u sheegeen in aysan caawin karin, iyagoo kula taliyay inuu aado Puntland. Wuxuu intaa ku daray in markii uu ka baxay Al-Shabaab loo hanjabay oo lagu eedeeyay inuu basaas yahay.

Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa la filayaa in ay dhawaan soo saarto xukunka 10-ka eedeysane ee la horgeeyay.

Magacyada eedeysanayaasha:

1. Nuur Maxamed Macalin – 30 jir

2. Mutahar Xaamud Qaayib – 24 jir (Ajnabi)

3. Salaad Caseyr Muuse – 62 jir

4. Mushiir Maxamed Siciid – 38 jir (Ajnabi)

5. Ibraahin Yuuya Alii – 35 jir

6. Cabdilaahi Cali Ayuu – 25 jir

7. Cabdilaahi Axmed Yuusuf – 25 jir

8. Maxamed Macalin Aadan – 25 jir

9. Xasan Yuusuf Macalin Isaaq – 27 jir

10. Axmed Maxamed Cabdi – 40 jir

Maxkamaddu waxay sii wadi doontaa dhageysiga dacwadda, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la soo gabagabeeyo kiiska.

Sawirro: Xasan Sheekh oo boqolaal Macawiisley ah kula kulmay Raaga Ceelle

0

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa kulan muhiim ah la qaatay boqolaal ka mid ah Macawiisleyda.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayuu madaxweynuhu kula hadlay boqolaal ka mid ah halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawiisleyda deegaanka, kuwaas oo haatan dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa geesiyaasha deegaanka ku boorriyey sida ay uga go’an tahay in ay dhibaatada argagixisada Shabaab uga dulqaadaan dadkeenna ay dhibaataynayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kaddib gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu kasii wadi doono hoggaaminta abaabulka iyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya oo haatan hoggaaminaya dagaalka, ayaa ku haminaya in ciidda ka hor laga saaro kooxda Al-Shabaab oo culeys badan ku haysa gobolka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dagaallada ka socda Soomaaliya ee u dhexeeya dowladda iyo kooxaha argagixisada ah ayaa sii xoogeysanaya maalin kasta. Al-Shabaab waxay wadaan weerarro isdaba joog ah, dowladdana waxaa ka go’an in ay waqti kooban ku soo afjarto kooxdaas.

Si kastaba, howl-galladu haatan waxay ku socdaan dardar xooggan, iyadoo door muhiim ah ay ka qaadanayaan diyaaradaha dagaalka oo casri ah, kuwaas oo ka barbar dagaalamaya ciidamada dowladda iyo geesiyaasha deegaanka ee naftooda u huraya in ay argagixisada ka xoreeyaan dalka.











Ilhaan Cumar oo si cajiib ah uga fal-celisay qorshaha looga tarxiilayo Mareykanka

Washington (Caasimada Online) –  Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay arrimo xasaasi ah oo ku aadan qorshaha la doonayo in looga soo tarxiilo gudaha dalkaasi, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.

Ilhaan ayaa si weyn uga fal-celisay qaraar dhowaan la diyaariyay oo ah in xil ka xayuubin lagu sameeyo kadibna loo masaafuriyo Soomaaliya oo asal ahaan kasoo jeeda, iyada oo arrintaas ku tilmaamtay inay tahay riyo maalmeed, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxa ay soo hadal qaaday xiisadda u dhaxaysa xubnaha aadka u mayalka adag ee xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka iyo iyada, taas oo xoogaysaneyso waxayna n Maraykanka ay u siman yihiin ayada iyo Elon Musk oo ah maalqabeen xubin ka ah xukuumadda Maraykanka.

Hadalkan ayaa yimid ayadoo xildhibaanno Maraykan ah wadaan qorshe la doonayo in lagu musaafuriyo Ilhaan oo muddo dheer uu xifaaltan kala dhaxeeyey madaxweyne Trump, laakinse hadda xubno kale ay ku soo biireen.

Wareysi ay bixisay oo qayb yar oo ka mid ah ay soo galisay barteeda X ayay ku sheegtay in ayada iyo xoghayaha waaxda cusub ee dhawaan la aasaasay ee waxtarka xukuumadda Elon Musk, ay labadooduba yihiin “laba qof oo muhaajiriin ah, laakinse aan wax badan ka baran sharciga dalka”.

“Aniga iyo Elon waxaan labadeennaba muhajiriin ku nahay dalkan, waxayna u eg tahay in qofkeenna uusan isku dhibin inuu barto shuruucda dhulkan. Gabi ahaanba waa xuquuqda dastuuriga ah ee dadka inay xuquuq leeyihiin ayadoo aan loo eegin meeqaamkooda” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Waxaa kale oo ay sheegtay in aanay xaq dastuuri ah u lahayn maamulka Donald Trump in ay tarxiilaan ama qaadaan dadka sida sharciga u jooga Dalkaas, waxa ay tilmaamtay in loo baahanayo shuruudo badan oo haddii laga soo gudbo dadka la qaadi karo.

“Waxaan leenahay nidaam la maro, waxa aan leenahay talaabooyin la isku hubiyo. Waxa aan ognahay in marka dadka loo diyaarinayo tarxiil, inay tahay in ay hor tagaan xaaakimka socdaalka” ayay mar kale tiri Ilhaan Cumar

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Waxaan ognahay inay tahay in aad hesho ruqsad soo qabasho oo uu saxiixay xaakimka socdaalka ka hor inta aadan aadin in aad qof soo xirto. Dhamaantood arrimahaas waa xogta ay dadku doonayaan inay ogaadaan, kumana noolaan karno meel la iska indhatiro isku xukunka sharciga, oo aan iska indha tirayno nidaamka la maro, oo aan abuurayno jawi cabsi leh”.

Hadalkan ayaa u muuqda in aysan jirin sharciyad ka xayuubinaysa xilka loo doortay ee Congresska & in aan dalka laga tarxiili karin, muwaadinimadana aan lagala noqon karin.

Wasiiro ka tirsan DF oo ku wajahan furimaha dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku wajahan furimaha hore ee daaalka, si ay u dhiirogeliyaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ee la dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

Wasiirada oo ka baxaya Muqdisho ayaa fulinayo amarkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa in xukuumadda ay u guureyso jiida hore ee dagaalka, si ay u qaadato doorkeeda.

Sidoo kale wasiirada ayaa tagi doono gobollada Shabeellooyinka iyo deegaanno ka tirsan Galmudug oo haatan ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ujeedka ayaa ah inay booqdaan fariisimaha ciidamada, iyaga oo ciidamada kala hadli doono halganka socda, si ay ugu boggaadiyaan inay dagaalka sii wadaan.

Xukuumadda Ra’iisul Wassaare Xamza ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday in ay u guureyso furimaha dagaalka, iyada oo looga dhawaaqay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada.

Xamza ayaa maalintaas sheegay in dadka Soomaaliyeed heystaan fursad muhiim ah oo waqti kooban lagu soo afjari doono kooxaha Khawaarijta ah, maadama ay ku jiraan marxalad dhammaad ah, lana doonayo in shacabka Soomaaliyeed gamcaha isu qabsadaan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen ilaalinta amnigooda iyo xasilloonida dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda haya hoggaaminta dagaalka, wxuuuna dib u xirtay tuutihiisa, isaga oo isku maray seddax degmo oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ah magaalo xeebta badweynta Hindiya saaran ayuu Xasan Sheekh degay, waxaana heegan la geliyey dhamaan qeymaha kala duwan ee ciidamada qaranka waxaana la isugu geeyey Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan aagga Cadale.

Degmada Aadan-Yabaal oo hadda ah difaaca ugu dambeeya ee ciidamada dowladda waxaa maanta gaaray gurmad culus oo ka yimid Hiiraan, kuwaas oo xoojinaya dagaalka Al-Shabaab ee la qorsheynayo in la Dardar geliyo toddobaadkaan bilaabanaya.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh oo dagaalka hoggaaminaya uu ku haminayo in ciidda ka hor Shabeellaha Dhexe laga saaro kooxda Al-Shabaab oo culeys badan soo saartay gobolkaas.

Si kastaba, Al-Shabaab oo culeys soo saartay Shabeelaha Dhexe ayaa hadda bilowday dib u gurasho, waxayna gaareen deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed, sida laga soo xigtay ilo wareedyo dhanka ammaanka ah oo lagu kalsoonaan karo.

DAACISH oo dib isku soo abaabushay iyo dagaal culus oo maanta ka socda…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in mar kale ay dib isku soo abaabuleen xubnaha Daacish ee dhulka buuraleyda ah kula dagaalamaya ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland.

Kooxda ayaa lasoo wariyay in xalay ay weerar culus kusoo qaaday fariisin ay ciidamada difaaca Puntlad ku leeyihiin aagga buuraha Xabley ee degmada Ufayn, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal culus oo u dhexeeyo labada dhinac, welina ka socda halkaasi.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu soo gaaray illaa saaka, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xubnaha weerarka soo qaaday ay si gaar ah u beegsadeen saldhig ku yaalla deegaanka Dhaban-qooxle ee buuraha Xabley, halkaasi oo ay isku fara saareen maleeshiyaadka kooxda Daacish iyo ciidanka Puntland.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa goobta looga dilay Puntland, waxaana jira dhaawacyada lix askari kale oo loo soo qaaday dhinaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale, Puntland ayaa dhankeeda sheegtay in dagaalamayaal ka tirsanaa argagixisada ay ku dishay dagaalka ay kula gashay aagga degmada Ufayn ee gobolka Bari, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii lasoo dhaafay ciidamada difaaca Puntland ay kordhiyeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah, iyaga oo la wareegay saldhigyo waa wayn.

Ciidamada ayaa saacadihii ugu dambeeyay la wareegay saldhigyo waaweyn oo ay kooxdu ku lahayd aagga buuraha Calmiskaad ee Bari, sida ay sheegtay Puntland.

“Ciidamada Difaaca Puntland ayaa maanta hawlgallo qorshaysan ka fuliyey Lugta Kalalay, Baraagaha Moqor yare iyo Moqor wayne iyo Dharinta Barile, halkaasi oo ay ku burburiyeen Talisyo cusub oo ay lahaayeen Argagixisada Daacish” ayuu lagu yiri qoraal shalay kasoo baxay taliska PMPF.

Sidoo kale ciidamada ayaa intii ay ku guda jireen howlgalka, waxa ay gacanta ku dhigeen agab ay xubnaha Daacish u adeegsan jireen waxyaabaha qarxa, gaar ahaan miinada iyo qalab kale oo muhiim ah, sida lagu sheegay warbixinta ciidanka PMPF.

Puntland ayaa dhwaan ku dhawaaqay wajiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish, waxaana ujeedka uu yahay in laga sifeeyo deegaannada maamulkaas oo ah fadhiga ugu wayn ee kooxda.

Dagaalka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa ka qayb-galaya saaxibada caalamiga ah, sida Mareykanka iyo Imaaraadka oo duqqeymo ku taageero ciidamada Puntland.