25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Somalia seeks Trump ties, balancing US interests

MOGADISHU, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud (HSM) is actively pursuing deeper ties with US President Donald Trump’s administration, aiming to leverage Trump’s renewed focus on extractive industries for Somalia’s economic benefit and enhanced security cooperation.

Despite indications that some within the Trump administration favor closer engagement with the self-declared independent region of Somaliland, HSM has established strategic relationships within influential American political and business circles.

Among HSM’s notable allies is Trent Franks, a former Republican Congressman and Arizona-based Liberty Petroleum Corporation chairman. Liberty Petroleum holds exploration rights for three offshore blocks in Somalia’s deepwater zones, presenting substantial potential for the nation’s economic growth.

The arrangement is expected to generate significant government revenue and employment opportunities within Somalia’s burgeoning oil and gas sector.

Franks also reportedly enjoys a close relationship with the newly appointed US Energy Secretary, Chris Wright, who leads the energy firm Liberty Energy.

This connection offers President Mohamud a significant channel through which to advance Somalia’s ambitions in oil and gas development with the US.

However, this cooperation has encountered obstacles. In March 2024, Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre rejected a petroleum agreement signed with Liberty Petroleum, citing procedural and legal irregularities. This incident underscored internal disagreements within the Somali government regarding foreign oil contracts.

Further underscoring a potential alignment, President Trump has already demonstrated a security commitment to Somalia. In January, he authorized military strikes against Islamic State (ISIS) militants operating in Puntland, a semi-autonomous region in northeastern Somalia.

This action signals a willingness for military engagement in the country, a notable departure from Trump’s first term, which saw the withdrawal of US troops.

The prospect of a sustained US security presence will likely be a crucial point of discussion between the two nations, particularly given the persistent challenges posed by extremist groups and broader regional instability.

President Mohamud praised the United States’ decisive actions against terrorism and expressed gratitude for its continued security support.

Additionally, in December 2014, the Somali Embassy in Washington, D.C., engaged the services of the political lobbying firm BGR Group shortly after the Biden administration forgave Somalia’s billion-dollar-plus debt.

The BGR Group was contracted to provide government relations services to strengthen U.S.-Somalia relations.

Sawirro: Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Ankara + Xogta safarka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalkaTurkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, oo halkaasi ay ku yeelanayaa kulamo xasaasi ah.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

Booqashadani ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto Khawaarijta si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, kaas oo gaarsiisan heer istaraatijiyadeed isla markaana taabanaya dhinacyada amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.

Heshiisyo cusub oo Ankara lagu saxiixayo

Sida aan horay u baahinay Soomaaliya waxaa la keenay diyaarado dagaal oo Turkiga laga keenay, kuwaas oo maalmahaan lagu howlanaa dib u howlgelintooda.

Xasan Sheekh ayaa hadda Turkiga kusoo saxiixaya heshiis ku saabsan diyaaradahaas oo ka howlgeli doona dalka oo dhan, gaar ahaan goobaha ay joogaan kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha dalka Turkiga iyo madaxda sare ee shirkadda sameysa diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar, heshiisyada la gelayo ayaa ku saabsan howlgelinta diyaaradaha cusub ee Soomaaliya la keenay oo labo nooc oo casri ah, kuwaas oo ugu yaraan seddax xabo ah.

Inkastoo aan lasii faah-faahin nooca heshiisyada la kala saxiixanayo, hadana waxay Soomaaliya si joogto ah ugu baahnaa doontaa in laga caawiyo gantaalaha ay diyaaraduhu ku ridayaan argagixisada iyo tababarka askarta Soomaaliyeed ee howlgelineysa.

Xasan Sheekh ayaa hadda qorsheynaya inuu xoogga saaro duqeymaha, isagoo maaanta kasoo laabtay furimaha dagaalka, kadib markii saakay Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ku xiga degmadii uu xalay Xasan Sheekh ku hoyday ee Cadale.

Si kastaba, culeys badan ayaa ka jira dagaalka dhulka ah, waxaana gacanta Al-Shabaab galay dhul badan, lama garanayo meesha ay wax ka qaldan yihiin, balse waxaa muuqata in habac badan uu ka jiro dhanka hoggaaminta dagaalka ee dowladda.

Xog: Sirdoonka Mareykanka oo toos uga howl-galaya Boosaaso, kana furtay xafiis

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa xafiis ku-meel-gaar ah ka furatay magaalada Boosaaso, sida ay shaacisay shabakadda sirdoonka falanqeeya ee Africa Intelligence, oo fadhigeedu yahay Faransiiska.

Warbixintu waxay sheegtay in saraakiil ka tirsan CIA-da ay ugu yaraan labo jeer booqdeen Boosaaso tan iyo markii uu bilowday hawlgalka Hillaac ee lagu beegsaday kooxda Daacish ee fadhigeedu ahaa buuraha Calmiskaad.

Xafiiskan cusub ayaa gacan ka geystay fududeynta duqeymo dhinaca cirka ah oo lagu dilay xubno sare oo ka tirsanaa Daacish, iyadoo inta badan dhulkii ay ku sugnaayeen laga saaray.

Sidoo kale, saraakiisha Mareykanka ayaa tababaro siiyey xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka Puntland ee PISA, si ay uga caawiso dabagalka iyo baarista shaqsiyaadka looga shakisan yahay falalka argagixisada.

Waxaa intaas dheer, in Boosaaso ay booqdeen xubno ka socda hay’adaha sirdoonka dalalka UK iyo Morocco, taasoo la xiriirta kaddib markii dagaalladii ka dhacay buuraha gobolka Bari lagu dilay xubno haystay dhalashada dalalkaasi.

Hawl-galka Hillaac ayaa hadda keenay in kooxda Daacish looga adkaado meelo muhiim ah, iyadoo xoojinta iskaashiga sirdoonku uu qeyb ka yahay dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada ee ka howlgala gobollada waqooyi ee Soomaaliya.

Duqeymaha cirka ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaaraya dagaalkan oo haatan wejigiisa saddexaad uu bilowday, iyadoo labadii weji ee hore looga sifeeyay kooxda dhul ballaaran oo ay ku sugnaayeen, iyadoo ciidamadu gacanta ku dhigeen saldhigayo muhiim ah oo kooxdu ku laheyd buuraha Calmiskaad.

Daawo: Gabar Jarmal ah oo Muqdisho lagu afduubtay 7 sano kahor oo soo hadashay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sonja Nientiet oo aheyd kalkaaliso u dhalatay dalka Jarmalka, isla markaana gudaha magaalada Muqdisho lagu afduubtay horraantii bishii May ee sanadkii 2018-kii ayaa xalay baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalkeeda oo la waysanaa tan iyo markaas, ayada oo walaac laga qabay inay nooshahay iyo in kale.

Haweeneydan ayaa xilliga la afduubanayay ka howl-galeysay xarunta Hay’adda ICRC ee Muqdisho, waxayna ka shaqeynaysay arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya, iyada oo markii dambe dhibane u noqotay caawinta ay dalka u timid, waxaana lagu waayay geeri iyo nolol midna, tan iyo markii la kaxeystay oo maanta laga joogo muddo 7 sano ah.

Muuqaalkeeda ayaa xalay lagu baahiyay bar Youtube ah oo shalay uun lagu furay magaca Liiban Osman, balse aan la xaqiijin karin inuu magaciisa dhabta ah yahay, waxaana wejiga haweeneyda oo xijaabneyd ka muuqda daruuf iyo walwal xooggan,

Waxaa kale oo muuqaalka laga dhex maqlayay sawaxanka carruur iyo haween banaanka ka hadlaya, taas oo muujineyso in lagu dhex hayo guri ay dad kale ku nool yihiin.

Sonja Nientiet oo ku hadleysay Luqadda English-ka ayaa sheegtay inay nafteeda ay ku jirto halis, haddii aan laga soo deynin dadka haysta oo aan weli haybtooda la garan, balse raba lacag madax furasho ah, sida laga dheehan karo muuqaalka ay baahiyeen.

Sidoo kale waxa ay farriin culus u dirtay dowladda Jarmalka oo ka codsatay inay dadaal xoogleh u gasho sidii ay xorriyaddeeda dib ugu heli lahayd, ugulana midoobi lahayd qoyskeeda.

Dhanka kale, fal-celin xoogleh ayaa ka dhalatay muuqaalka haweeneydan ee haatan la baahiyay, waxaana dadka Soomaaliyeed ee ka hadlay ee aad uga xumaadeen sida arxan darrada ah ee loola dhaqmay Sonja Nientiet, iyaga oo tilmaamay inay ku jirto gacanta koox cadow ah oo arxan darran.

Ibraahim Cismaan: “Dhibaatada iyo daruufta ka muuqata wax yar maahan, diinteenu ma qabto qof aan waxba kuu geysan inaa dhibaateyso, Muslim iyo gaal wuxuu ahaadaba”.

Faadumo Cabdullahi: “Please calankeenna ayaa ku saaran Profile-ka hanaga suurad xumeyn haddii aad argagixiso tahay ama tuug kale”.

Ciise Faarax: “Qofka muuqaalkaan soo galiyey waxaan kuugulana talinayaa inaad gabadhaas xorriyadeeda siisaan waayo waa qof dumar ah in ku filan waad dhibteen”.

“Gabadha meel guri ah bay ku xiran tahay oo carruur ka qayl-qaylinayso bal dhegaysta saxmad ka jirta meesha,” ayey tiri Nimco Xaaji

Cabdirisaaq Ibraahim: “Fadlan, diintaada, dadkaaga iyo dalkaaga ka daa suurad xumeynta, waxaa sameeyseen ma aha dhaqan wanaagsan, 7 sano bilaa natiiyo tihiin intaa kadib iska fasaxa”.

Dowladda oo shaacisay in dib loola wareegay Masaajid Cali Gaduud + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo shalay ay qabsadeen Al-Shabaab kadib weerar ku bilowday qaraxyo oo maleeshiyaadka ku qaadeen deegaanka.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Sheekh Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay furinta hore ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka hortageen weerar ay soo qaadeen Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in khasaare culus la gaarsiiyay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan deegaanka Masaajid Cali Gaduud ay gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda, isaga oo cararbka ku adkeeyay in aysan jirin meel looga laabto, ayna ka go’an tahay difaaca deegaankaas.

“Ciidamada qaranka oo kaashanaya iyo kuwa deegaanka ayaa waxa ay ka war heleen cadow raba inay arbushaan degmda Masaajid Cali Gaduud, waxayna ku baxeen halkaas, waxaana Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab wayn, halkaasna waxaa gacan ku heynteeda iska leh ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ee xaq u dirirka ah,” ayuu yiiri.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Meel loo laabto ma jirto illaa dalka laga sifeeyo Al-Shabaab ,Masaajid Cali Gaduudna waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka.”

Dhanka kale, waxa uu ka warbixiyay howl-gallo kale oo ka dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud oo ay duqeymo barbar socdeen, wuxuuna carabka ku dhuftay in khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin tiro rasmi ah.

Afhayeen Abuukar ayaa sidoo kale soo hadal qaaday duqeymihii cuslaa ee ka dhacay degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbbada Hoose, wuxuuna sheegay lagu beegsaday saldhigyo muhiim ah oo kooxda ku lahayd degmadaasi, laguna dilay maleeshiyaad tiro badan iyo horjoogayaal ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta, sida uu hadalka u dhigay.

“Degmada Jilib ayaa duqeymo is daba joog ah lagu gaarsiiyay khasaare cadowga Al-Shabaab oo ahayd saldhigga ugu wayn ee ay ku leeyihiin Soomaaliya, dowladda ayaa u daadatay waxayna ku dishay kooxda ka tirsan Shabaab iyo horjoogayaal,” ayuu raaciyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan dib u billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo hakad ku yimid muddooyinkii u dambeeyay, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda ay soo galeen gobollada Shabeelooyinka, sidoo kalena lagu arkay deegaanno aad ugu dhow magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Dagaalladii ugu cuslaa ee ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaannada Ceel-Baraf iyo Daaru-Nicma, Ceel Cali Axmed, Masaajiid Cali Gaduud, Sabiid iyo Canoole, degmada Awdheegle iyo deegaanno kale, waxaana barbar socday duqeymo diyaaradeed oo xoogan.

Duqeymaha cirka ah waxay ka mid yihiin istaraatiijiyadda dagaal ee lagu yareynayo khatarta weerarrada tooska ah iyo in lagu wiiqo awoodda kooxaha hubeysan, waxaana Soomaaliya ka caawiya dalal waa wayn sida Mareykanka, Turkiga iyo Itoobiya.

Xogta dagaal lagu jabiyay Al-Shabaab oo maanta dhacay

0

Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo maanta ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale dagaalka ayaa kusii fiday tuulooyinka u dhow deegaanka Abagbeeday, iyada oo dhawaqa rasaasta iyo hubka ay isku adeegsanayeen labada dhinac laga maqlayay meelo ka fog fog deegaanka uu dagaalka ka dhacay ee gobolka Bakool.

Taliyaha guutada 9-aad ee ciidanka Xoogga dalka Gashaanle dhexe Yuunis Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay dagaalka ay la galeen kooxaha Khawaarijta, wuxuuna sheegay in khasaare culus ay gaarsiiyeen, ayna ku jabiyeen dagaalka, balse ma caddeyn inta uu gaarsiisan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalka kadib ay hub iyo saanad milatari kasoo furteen xubnaha kooxda Al-Shabaab ee ay jabka ku gaarsiiyeen aagga degmada Xudur.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka dhacay deegaanka Abagbeeday ee gobolka Bakool oo hoostaga Koonfur Galbeed Soomaalya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo toddobaadyadii la soo dhaafay ay gobollada Baay iyo Bakool gaareen tiro badan oo dagaalyahanno ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo wata gaadiidka dagaalka, laguna soo jabiyay howlgallada ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu shaaciyay taliyaha qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Xasan Isaaq Cumar, oo loo yaqaanno (Xasan Baydhabo).

Taliyaha ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab ee deegaannada Koonfur Galbeed, wuxuuna tilmaamay inay ka hortagayaan, taas oo keentay dagaalka maanta ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

“Waan ognahay in cadowga nabadda diidan laga saaray Shabeellaha Dhexe. Waxa ay la kulmeen khasaare ballaaran, haatanna waxay u jiheysteen dhanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool. Ciidankeenna waa diyaar, waxaana uga hortagi doonnaa qorshahooda sidii aan horeyba ugu guuleysanay gobollo kale,” ayuu yiri Janaraal Xasan Baydhabo.

Sidoo kale waxa uu faray ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan aaggaas in ay galaan heegan buuxa, si ay uga hortagaan in weeraro ay Al-Shabaab ka gaystaan halkaasi.

“Waxaan faray taliyeyaasha guutooyinka Qaybta 60-aad in ay feejignaadaan, isla markaana ay sugaan ammaankooda, ayna difaacaan gobolka cadowga,” ayuu raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada ayaa Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare culus, taas oo keentay in dagaalyahannadooda ay u kala firxadaan deegaanno cusub oo ay ugu horreeyaan gobollada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed.

Daawo: Xasan Xundubey oo shaaciyey qorshaha Abgaal ee dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha beesha Abgaal ee dagaalka Khawaarijta, isagoo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey dagaalkii ka dhacay Masaajid Cali Gaduud, wuxuuna sheegay in lagu guuleystay in deegaanka dib looga qabsado kooxda Al-Shabaab.

“Sheekh Shariif iyo Cali Guudlaawe oo deegaanka madax ka ah ayaa noogu weyn, waan la wadaagnay culeyska jira waana diyaar, Sheekh Shariif hada wuxuu ku maqan yahay cumrada, markii uu yimaado waa safka hore dagaalka ayuu wax ka gelayaa,” ayuu yiri Xasan Xundubey.

Xundubey oo wareysi siiyey Dalsan TV ayaa  sharaxaad ka bixiyey qorshaha socda, wuxuu sheegay inuu xubin ka yahay guddi beesha ah oo baaritaan ku sameeyey sababta u fududeysay kooxda Al-Shabaab inay soo galaan Shabeellaha Dhexe, baaritaan kadib wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay kula kulmeen Cadale, iyagoo u gudbiyey warbixin dhameystiran.

“Intii aan joognay Cadale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, si guud iyo siyaabo gaar gaar ahba waan ula kulanay, waxaan u gudbinay go’aan lagu abaabulayo howlgalka oo beeshu ka mideysan tahay, in kastoo ay jiraan dad muhiim ah uu cumrada jira, hadana wax kasta waa noo diyaar, waana ku laabaneynaa deeganaada kooban ee cadowgu soo galay,” ayuu yiri Xundubey.

Wuxuu sheegay in dadka reer Sh/Dhexe ay diyaar u yihiin in dhulkooda ay xoreystaan oo difaacdaan, “dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa waxaan u diyaarsanahay in sidii aan horay uga xoreysanay deegaanka aan hadana u xajisano guusha, marka yaan afka lagu taageerin Khawaarijta,” ayuu yiri.

Xundubey ayaa sheegay deegaanada ay Shabaab soo galeen inay yihiin kuwo kooban oo isku aadan, “qaladaadii dhacay ee sababay inay Shabaab soo galaan deegaanka ayaan saxeynaa, kadibna waxaan iska saareynaa cadowga, ragga dhan waa diyaar, xitaa aniga, furinta ayaan tegeynaa,” ayuu yiri Xundubey.

Wuxuu sheegay in aysan jirin cid hadda lagu eedeyn karo in dagaalka aysan diyaar u aheyn, laakiin waa la isku canaana karaa gaabiska jira, “anigu waxaan qabaa hadii dulduleelkaan aan saxno Al-Shabaab malaha awood ay dadkaan ku hor istaagaan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray in gobollada Shabeellooyinka ay muhiim u yihiin amniga Muqdisho iyo difaaca qaranimada Soomaaliya, “Taasi waxay sababtay in madaxweynuhu baxo oo Shabeellaha Dhexe dego, si loo difaaco qaranimada, meeshii culeys ka yimaado in  madaxweynuhu u gurmado wax ceeb ah maaha,” ayuu yiri.

Wasiirkii hore ee amniga ayaa sheegay in Shabaab aysan laheyn awood ay ku hor istaagaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka “Howlgalka hadda bilaabanaya waa kii lagu soo afjari lahaa kooxdaan, malaha wax awood ah, dadka afka ku jebinaya ha joojiyeen, hadii kale waxaad gaari doontaan maalin aad ka shalaayi doontaan,” ayuu hadalkiiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo

Xasan Sheekh oo u baxay safar dibadda xilli uu dagaalka marayo meel xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga.

Safarkan ayaa ku yimid kadib casuumaad uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Inta lagu gudajiro booqashada, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada-hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo argagixisada.

Booqashadani ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto Khawaarijta si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, kaas oo gaarsiisan heer istaraatijiyadeed isla markaana taabanaya dhinacyada amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.

Safarka madaxweynaha oo yimid xilli xasaasi ah

Safarka madaxweynaha ee Turkiga ayaa imanaya xilli uu meel xasaasi ah marayo dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo iyadu shalay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo qiyaastii 40 km koonfureed kaga beegan degmada Cadale, halkaas oo shalay uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa madaxweynaha, uuna kasoo laabtay shalay.

Qabsashada kooxda ayaa timid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay degmada isaga baxeen, kaddib weerar aroornimadii hore ee shalay ku bilowday qaraxyo, sida wararku sheegayaan.

Xaaladda amni ee Sh/Dhexe ayaa laga deyrinayaa, iyadoo go’aanka madaxweynaha ee ku aaddan soo gaabinta safarkiisa Cadale uu muujinayo heerka sare ee khatarta amni ee ka taagan gobolka, taasoo u baahan in si deg-deg ah looga jawaabo.

Heshiisyo cusub oo Ankara lagu saxiixayo

Sida aan horay u baahinay Soomaaliya waxaa la keenay diyaarado dagaal oo Turkiga laga keenay, kuwaas oo maalmahaan lagu howlanaa dib u howlgelintooda.

Xasan Sheekh ayaa hadda Turkiga kusoo saxiixaya heshiis ku saabsan diyaaradahaas oo ka howlgeli doona dalka oo dhan, gaar ahaan goobaha ay joogaan kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha dalka Turkiga iyo madaxda sare ee shirkadda sameysa diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar, heshiisyada la gelayo ayaa ku saabsan howlgelinta diyaaradaha cusub ee Soomaaliya la keenay oo labo nooc oo casri ah, kuwaas oo ugu yaraan seddax xabo ah.

Inkastoo aan lasii faah-faahin nooca heshiisyada la kala saxiixanayo, hadana waxay Soomaaliya si joogto ah ugu baahnaa doontaa in laga caawiyo gantaalaha ay diyaaraduhu ku ridayaan argagixisada iyo tababarka askarta Soomaaliyeed ee howlgelineysa.

Xasan Sheekh ayaa hadda qorsheynaya inuu xoogga saaro duqeymaha, isagoo shalay kasoo laabtay furimaha dagaalka, kadib markii Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ku xiga degmadii uu habeen hore Xasan Sheekh ku hoyday ee Cadale.

Si kastaba, culeys badan ayaa ka jira dagaalka dhulka ah, waxaana gacanta Al-Shabaab galay dhul badan, lama garanayo meesha ay wax ka qaldan yihiin, balse waxaa muuqata in habac badan uu ka jiro dhanka hoggaaminta dagaalka ee dowladda.

Xukuumada Saciid DENI oo bilowday beegsi ka dhan ah…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni ayaa bilowday in ay beegsato siyaasiyiinta ka ra’yi duwan, iyadoo shalay xabsiga dhigtay siyaasi ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Mideeye.

Siyaasigan oo lagu magacaabo Axmed Shire Yaasiin ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe kadib markii uu kasoo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay xisbiga Mideeye ayaa si adag loogu cambaareeyay xariga siyaasigan, oo uu ku tilmaamay mid sharciga ka baxsan.

“Xisbiga Mideeye wuxuu si adag u cambaaraynayaa xarigga sharci-darrada ah ee loo geystay Axmed Shire Yaasiin oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga mucaaradka ee Mideeye.

Xisbi ayaa ka digay xarigga siyaasadaysan ee dowladdu ku caburinayso xisbiyada mucaaradka, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Axmed Shire, oo xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo.

“Ma aqbalayno in Puntland ay ku dayato dhaqanka laga soo min-guuriyay Somaliland, oo qof kasta oo caasimadda Soomaaliya taga la xiro. Puntland waa in ay dhowrto dastuurkeeda iyo xeerarka u yaalla, ayna xaqiijiso xornimada muwaadiniinteeda iyo wada-noolaanshaha bulshada.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Mideeye oo dhameystiran;

Xisbiga Mideeye wuxuu si adag u cambaaraynayaa xarigga sharci-darrada ah ee loo geystay Mudane Axmed Shire Yaasiin oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga.

Mudanaha ayaa si aan waafaqsanayn sharciga loogu xiray Garoonka Diyaaradaha Garoowe, iyada oo aan la sheegin wax denbi ah oo uu galay.

Waxaan si cad u muujinaynaa in xariggaas uu yahay mid baalmarsan xeerarka dalka u yaalla, maadaama uusan jirin wax denbi ah oo lagu eedeeyey Mudabe Axmed Shire Yaasiin.

Falalka sidan oo kale ah, waxay halis gelinayaan sumcadda Puntland, iyagoo carqalad ku noqonaya nabadda iyo midnimada bulshada.

Waxaa si isa soo tarayey bilihii ugu danbeeyey xarigga sharci-darrada ah ee lagula kacayey muwaaddiniin wax denbi ah aan gelin, taasoo looga gollahaa keliya, cabburin iyo cadaadis siyaasadeed oo loola jeedo in la aamusiyo codadka ka aragtida duwan dowladda.

Hab-dhaqanka ay dowladda hadda jirta la timid wuxuu u egyahay midkii kaligii-talisyada oo aan oggolayn isla-xisaabtan iyo sixid , isla markaana aan tixgelinayn sharciga iyo xuquuqda muwaaddiniinta.

Xisbiga Mideeye wuxuu ku baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah, loo sii daayo Mudane Axmed Shire Yaasiin, xoriyaddiisana dib loogu soo celiyo.

Ma aqbalayno in Puntland ay ku dayato dhaqanka laga soo min-guuriyay Somaliland, oo qof kasta oo caasimadda Soomaaliya taga la xiro.

Puntland waa in ay dhowrto dastuurkeeda iyo xeerarka u yaalla, ayna xaqiijiso xornimada muwaadiniinteeda iyo wada-noolaanshaha bulshada.

Kheyre oo war ka soo saaray qabsashada Al-Shabaab ee Masaajid Cali Gaduud

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay si weyn u damqisay in argagaxisadu ay dib u qabsadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo ay Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa deegaanku ka xoreeyeen laba sano ka hor.

Kheyre ayaa sheegay inuu uga digayo bulshada Soomaaliyeed in deegaan ay argagaxisadu la wareegeen loo fasiro fashil ku yimid qof, koox, ama beel gaar ah, taas oo uu sheegay inay bulshada kala qeybineyso, midnimada ummadda kala dhantaaleyso, isla markaana hiillo iyo dhiirrigelin u tahay argagaxisada arxanka daran.

Hoos ka aqriso qoraalka Kheyre oo dhameystiran:

Waxaa i damqisay in argagaxisadu ay maanta dib u qabsadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo ay Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada deegaanku ka xoreeyeen laba sano ka hor, ayna nooga shahiideen halyeeyo qaran oo naftooda qaaliga ah u huray xoreynta dadkooda iyo dalkooda.

Argagaxisadu waa caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan horumarka Soomaaliya, waxayna duullaan ku yihiin guud ahaan dadka iyo deegaannada Soomaaliyeed. Soomaalidu waa ul iyo diirkeed, waana fashil u soo hoyday qof kasta oo Soomaali ah mar kasta oo ay argagaxisadu naga qabsadaan taako ka mid ah dhulkeenna hooyo.

Haddaba, waxaan bulshada Soomaaliyeed uga digayaa in deegaan ay argagaxisadu la wareegeen loo fasiro fashil ku yimid qof, koox, ama beel gaar ah. Fasirkaasi wuxuu bulshada kala qeybinayaa, midnimada ummaddana wuu kala dhantaalayaa, wuxuuna u yahay hiillo iyo dhiirrigelin argagaxisada arxanka daran.

Guulihii horay looga gaaray la dagaallanka argagaxisada iyo deegaannadii laga xoreeyay waxaa lagu xaqiijiyay wadajirka dadka Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, taas oo tusaale nool u ah awoodda wadajirka iyo in midnimadu tahay jidka kaliya ee looga guuleysan karo argagaxisada.

Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa inuu qaato kaalinta hoggaamineed ee samatabixinta dadka iyo dalka, meel iska dhigo waxyaabihii sababay in lagu kala irdhoobo siyaasadda, bulshada Soomaaliyeedna u fidiyo gogol qaran oo looga tashanayo samatabixinta dalka, si wadajir looga shaqeeyo xoreynta dalka iyo ciribtirka khawaarijta.

Waxaan ku jirnaa tobanka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ku boorrinayaa in loo duceeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si aan kala har lahaynna u garab istaagno Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Maxaa muhiim ka dhigay deegaanka Masaajid Cali-Gaduud ee shalay la qabsaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya dagaal shalay ku dhex maray ciidamada dowladda federaalka oo ay weheliyaan kuwa deegaanka, iyo kooxda Al-Shabaab, deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi sababay in kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku dhigto xero ciidan.

Weerarka ayaa mid culus oo ku bilowday qaraxyo, kadibna uu xigay weerar toos ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisimaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la soo werinayaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Arbacadii Cadale kula hadlay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa yiri: “Maanta cid iga dambeyso oo aad sugeysaan ma jirto. Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaan idinla jooga.”

Muhiimadda Masaajid Cali Gaduud

Deegaanka Masaajid Cali Gaduud wuxuu hoos yimaadaa deegaanno badan marka juqraafi ahaan la eego, wuxuuna muhiimad gaar ah u leeyahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Labada dhinac ee is haya—ciidamada dowladda federaalka iyo Al-Shabaab—ayaa u muuqda kuwo ku loolamaya gacan ku haynta deegaankaas.

Hase yeeshee, la wareegista deegaankaasi ayaa adkaatay maadaama uu yahay magaalo u furan tuulooyin badan isla markaana aan lahayn difaac xooggan.

“Dowladda marka la eego, runtii dagaalka Masaajid Cali Gaduud muhiimad gaar ah uma siineyso in si joogto ah loo joogo. Waxaadse mooddaa inay tahay meel munaasab ah oo labada dhinac ay awooddooda ku soo bandhigayaan,” ayuu yiri Axmed Kaboole, oo ah khabiir ka faallooda arrimaha amniga.

“Dowladdu waxay dooneysaa inay firfircooni muujiso oo ay deegaannada la wareegtay gacanta ku hayso, balse aad bay u muuqataa in halkaas uusan ka jirin ciidan joogto ah oo difaaca deegaanka. Dhanka kale, Al-Shabaab waa koox guurguurta oo si sahal ah deegaanka ku soo gali karta, shacabka dhibaateyn karta, kadibna ka baxda. Arrintaas waxay saameyn ku yeelan kartaa wada-shaqeynta shacabka iyo dowladda,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Kaboole wuxuu sidoo kale sheegay in ujeedka ugu weyn ee Al-Shabaab ka leedahay deegaankaasi ay tahay inay niyad-jabiyaan shacabka, una muujiyaan inay weli awood ku leeyihiin deegaannadaas. Magaaladu ma laha difaacyo adag oo dowladda u suuragelin kara in ay si joogto ah u ilaaliso.

“Magaaladan waxa ay muddo dheer hoos tagtay Al-Shabaab, marka la eego. Haddii ay gacanta ku dhigaan, waxay u sahlaysaa inay weerarro ka abaabulaan dhanka Jowhar, Baladweyne iyo Galgaduud, iyadoo dhammaan gobolladaasi muhiim u yihiin isku xirka kooxdu,” ayuu yiri.

Duqeymaha cirka iyo dagaalka Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan dib u billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo hakad ku yimid muddooyinkii u dambeeyay.

Dagaalladii ugu cuslaa ee ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, gaar ahaan Ceel-Baraf iyo Daaru-Nicma, halkaas oo Al-Shabaab laga saaray mar kale.

Duqeymaha cirka ayaa sidoo kale lala beegsaday kooxda.

“Duqeymaha waa bartilmaameedyo qorsheysan, waxaana fuliya dowladaha aan saaxiibka nahay ee beesha caalamka. Annaguna waxaan tilmaannaa halka ay joogaan. Duqeymuhu waxa ay ka dhaceen Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Jubada Hoose, waana sii wadeynaa. Meel kasta oo ay joogaan waxay noo yihiin bartilmaameed,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in duqeymahaas lagu dilay horjoogayaal badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa xusay in dalalka ka caawiya Soomaaliya duqeymaha cirka ay ka mid yihiin Mareykanka, Turkiga, Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta.

Duqeymaha cirka waxay ka mid yihiin istaraatiijiyad dagaal oo Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya, si loo yareeyo khatarta weerarrada tooska ah iyo in lagu wiiqo awoodda kooxaha hubeysan. Mareykanka ayaa duqeymahaas u kala saara kuwa qorsheysan iyo kuwa isdifaac ah.

Militariga Mareykanka oo weerar cusub ka fuliyey xilli dagaalka uu sii xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in Talaadadii ay fuliyeen duqeymo badan oo cirka ah oo ka dhan ahaa Daacish-ta Soomaaliya, iyadoo howlgalkaasi lagu fuliyay iskaashi buuxa oo lala yeeshay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarrada ayaa ka dhacay Buuraha Golis, oo ah dhul buuraley ah oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, kaas oo muddo dheer xarun u ahaa kooxda xiriirka la leh Daacish ee ka howlgasha Geeska Afrika.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeynta hordhaca ah ay muujinayso in lagu dilay dhowr xubnood oo ka tirsan ISIS-Somalia, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

“ISIS-ta Soomaaliya waxay muujisay rabitaan iyo awood ay ku weerarto ciidamada Mareykanka iyo kuwa ay bahwadaagta yihiin,” ayuu yiri taliska AFRICOM, wuxuuna intaas ku daray, “Kooxdani waxay si joogto ah halis ugu tahay amniga iyo danaha Mareykanka.”

Howlgalka Talaadada ayaa qeyb ka ah taxane weerarro ah oo dhawaanahan lala beegsanayay xubnaha kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Laga soo bilaabo 1-da Febraayo, oo ahayd dhowr toddobaad uun kaddib markii madaxweyne Donald Trump uu dib ugu soo laabtay xafiiska, AFRICOM waxay fulisay ugu yaraan afar duqeyn oo cirka ah oo lala beegsaday ISIS-Somalia, iyo dhowr kale oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Duqeyntii dhacday 1-dii Febraayo ayaa lagu dilay 14 dagaalyahan, oo uu kamid ahaa Axmed Macalinaynayn, kaas oo ahaa mas’uul sare oo ISIS-Somalia u qaabilsanaa qorista iyo maalgelinta dagaalyahannada.

Saraakiisha ayaa ku tilmaamay inuu ahaa hoggaamiye muhiim u ah howlaha dibadda, isla markaana mas’uul ka ahaa dirista dagaalyahannada jihaad-doonka ah ee gudaha u gala waddamada Mareykanka iyo Yurub. Duqeyntaasi oo sidoo kale lagu qaaday Buuraha Golis ayaa lagu burburiyay godad iyo bohollo ay ku dhuumanayeen madaxda sar-sare ee ISIS-ta Soomaaliya.

Kooxda Daacishta Soomaaliya ayaa la aas-aasay sanadkii 2015-kii, waxaana sameeyay xubno hore uga tirsanaa Al-Shabaab. Tan iyo markaas waxay isku ballaarisay awooddeeda, iyadoo noqotay halis weyn oo gobolka ka jirta.

Warbixinno sirdoon ayaa qiyaasaya in tirada dagaalyahannada kooxdaasi ay u dhaxeyso 600 ilaa 1,500 dagaalyahan, iyadoo tiradu isbeddelayso marka loo eego qorista dagaalyahannada ajaanibta ah iyo xiriirada kooxdu ay la leedahay ururrada kale ee xagjirka ah.

Daacishta Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilal qorsheysan, qaraxyo, iyo weerarro isdaba joog ah oo ka dhan ahaa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

AFRICOM ma aysan shaacin faahfaahin gaar ah oo la xiriirta weerarradii Talaadada, iyadoo sabab looga dhigay ilaalinta amniga iyo xogta sirta ah ee howlgalka.

ABIY AHMED oo qaaday tallaabo xasaasi ah oo la xiriirta xiisadda gobolka Tigray

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii shaacisay inay magacaabi doonto hoggaamiye cusub oo madax u noqon doona maamulka ku-meel gaarka ah ee gobolka Tigray, halkaas oo xiisado bilooyin socday oo u dhexeeya kooxo iska soo horjeeda ay halis gelinayaan heshiiskii nabadda ee jilicsanaa.

Gobolka ayaa weli la daalaa dhacaya saamayntii dagaalkii culusaa ee socday laba sano, kaas oo ku dhammaaday heshiis nabadeed oo sanadkii 2022 lagu gaaray magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, heshiiskaas oo lagu dhisay maamulka ku-meel gaarka ah ee hadda jira.

Dagaalka ayaa ka mid ahaa kuwii ugu dhimashada badnaa tobankii sano ee la soo dhaafay, isaga oo galaaftay nolosha ku dhawaad 600,000 qof. Waxaa isku dagaallamay kooxda mucaaradka Tigray iyo ciidamada federaalka Itoobiya oo ay taageerayeen maleeshiyooyin deegaanka ah iyo ciidamada dalka Eritrea.

“Dowladda federaalka, iyadoo tixgalinaysa xaaladaha dhabta ah ee dhulka ka jira, waxay qaaday tallaabo ay muddo hal sano ah ugu kordhinayso waajibaadka maamulka ku-meel gaarka ah,” ayuu ku qoray Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed bartiisa X. Waxa uu intaa raaciyay in maamulka hadda jira uusan ku guulaysan inuu dhamaystiro howlihiisa muhiimka ah muddadii loo qorsheeyay.

Abiy oo fariintiisa ku qoray afka Tigrinya ayaa sheegay inay lagama maarmaan noqotay in madax cusub loo magacaabo maamulka ku-meel gaarka ah ee Tigray, kaas oo beddeli doona Getachew Reda, balse ma sheegin wakhtiga rasmiga ah ee lagu beddelayo.

Getachew kama jawaabin codsi faallo oo ay u dirtay wakaaladda wararka AFP.

Khilaafka Getachew iyo Debretsion

Xiisadda hadda ka taagan Tigray ayaa ka dhalatay khilaaf gudaha ah oo la xiriira awood qaybsiga, kaas oo u dhexeeya Getachew iyo Debretsion Gebremichael, oo ah hoggaamiyaha Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF).

“Haddii si wanaagsan loo maareeyo xilliga kala-guurka, waxay noqon kartaa fursad looga baxo xiisadda hadda jirta,” ayuu AFP u sheegay Wondimu Asamnew, oo aad ugu dhow Debretsion.

“Labadii sano ee maamulka uu hayay Getachew Reda waxaa lagu tilmaami karaa mid xiisado iyo iska hor imaadyo badan lahaa; hadda waxaan u baahanahay dowlad xasiloon,” ayuu sii raaciyay.

Inkasta oo xabbaddu istaagtay, haddana fulin la’aanta qayb ka mid ah heshiiskii Pretoria ayaa sii hurisay khilaafka ka dhex jira hoggaanka siyaasadeed ee gobolka Tigray.

Taageerayaasha hubaysan ee Debretsion ayaa bishan la wareegay maamulka degmada Adigrat, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Tigray, kuna dhow xadka Eritrea, waxayna meesha ka saareen duqii magaalada ee uu magacaabay Getachew.

Kooxda Debretsion ayaa sidoo kale la wareegtay xarunta maamulka magaalada Mekele, iyagoo dib ugu soo celiyay duqii magaalada ee ay iyagu doorteen iyo idaacadda deegaanka.

Awoodda Getachew oo sii yaraaneysay

Kjetil Tronvoll, oo ah khabiir arrimaha Geeska Afrika ahna borofisar ka tirsan Jaamacadda Cusub ee Oslo, ayaa sheegay inuusan la yaabin isbeddellada hadda socda.

Kooxda Getachew ayaa si tartiib-tartiib ah u waayay gacan-ku-hayntii maamulka, wuxuuna sheegay in awoodda Getachew ay sii yaraanaysay.

“Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa si dhow ula socday isbeddelka xaaladda loollanka siyaasadeed,” ayuu Tronvoll u sheegay AFP.

Wuxuu intaas ku daray inay ahayd waqti munaasib ah in dowladda federaalka ay xilka ka qaaddo Getachew maadaama uu dhammaaday waqtigii maamulka kumeel gaarka ah.

Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay magaalada Addis Ababa ayaa walaac xooggan ka muujiyay xiisadaha cusub ee gobolka.

Sidoo kale, dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay xiisadda qaboojiyaan, isla markaana si degdeg ah u bilaabaan wadahadallo xal lagu raadinayo.

Madaxweyne Cagjar oo dab kusii shiday xiisadda kala dhexeysa ururka ONLF

0

jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Itoobiya Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo hadal siiyay warbaahinta ayaa dab kusii shiday xiisadda kala dhexeysa Ururka ONLF, isaga oo si kulul ugu jawaabay dhaliilaha uga imaanayo ururkaas oo horay maamulkiisa ugu eedeeyay waxqabad la’aan iyo fadhiidnimo.

Cagjar ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeymahaasi, wuxuuna ONLF ku tilmaamay koox macangag ah oo dulqaad yar, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay intii karaankooda ah dadaalayaan, isla-markaana ay diyaar u yihiin isla xisaabtan dhab ah.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in deegaanka ay ka jirto baahi badan, laakin ay xoogga saarayaan sidii looga jawaabi lahaa, inta ay awood ahaan dabooli karaan.

“Baahiyaha shacabka Deegaanka haysta way badan yihiin, marnaba dowladdu kuma doodin inay ka jawaabi karto dhammaan baahiyaha horumarka ee shacabku qabaan. Waxay ka jawaabaysaa kuwa ay u aragto in lagu wajihi karo tabarta la haysto,” ayuu yiri Cagjar.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sheegay in ONLF aysan sixid ka ahayn dhaliisheeda ee ay kaliya dooneyso xukunka, ayna ku mashquulsan tahay danaheeda gaarka ah.

“Waxay muujinaysaa dulqaad yarida iyo macangagnimada kooxaha ku mashquulsan dhalliil-sheegga, kuwaas oo sida muuqata, haddii ay iyagu xilka hayn lahaayeen, laga yaabo inaanay ogolaan lahayn cid ka aragti duwan inay hadashaba!” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in golayaasha awoodda u leh qiimeynta waxqabadka xukuumadda si joogto ah loola wadaago qorshayaasheeda iyo caqabadaha jira ee maamulkiisa, lana xiriira deegaanka iyo horumarintiisa, si wadajir loogu wajaho.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan ONLF dhalliilo isdaba joog ah u jeedisay maamulka Mustafe Cagjar, iyagoo ku eedeysay in wax horumar ah aanu deegaanka ka hirgelin intii uu xilka hayay.

ONLF ayaa sidoo kale si guud saluug uga muujisay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee xisbiga talada haya ee gobolka Soomaalida, taas oo hoos u dhigtay kalsoonida labada dhinac oo horay u yeeshay wada-hadallo looga hadlay xiisadda dhexdooda ah.

Xog: Xasan Sheekh oo safar deg deg ah ugu baxaya Turkiga iyo qorshaha cusub ee socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka soo laabtay furimaha dagaalka ayaa berri safar deg deg ah ugu baxaya dalka Turkiga, halkaas oo heshiisyo cusub uu ku soo saxiixayo.

Sida aan horay u baahinay Soomaaliya waxaa la keenay diyaarado dagaal oo Turkiga laga keenay, kuwaas oo maalmahaan lagu howlanaa dib u howlgelintooda.

Xasan Sheekh ayaa hadda Turkiga u aadaya inuu soo saxiixo heshiis ku saabsan diyaaradahaas oo ka howlgeli doona dalka oo dhan, gaar ahaan goobaha ay joogaan kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha dalka Turkiga iyo madaxda sare ee shirkadda sameysa diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar, heshiisyada la gelayo ayaa ku saabsan howlgelinta diyaaradaha cusub ee Soomaaliya la keenay oo labo nooc oo casri ah, kuwaas oo ugu yaraan seddax xabo ah.

Inkastoo aan lasii faahfaahin nooca heshiisyada la kala saxiixanayo, hadana waxay Soomaaliya si joogto ah ugu baahnaa doontaa in laga caawiyo gantaalaha ay diyaaraduhu ku ridayaan argagixisada iyo tababarka askarta Soomaaliyeed ee howlgelineysa.

Xasan Sheekh ayaa hadda qorsheynaya inuu xoogga saaro duqeymaha, isagoo maaanta kasoo laabtay furimaha dagaalka, kadib markii saakay Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ku xiga degmadii uu xalay Xasan Sheekh ku hoyday ee Cadale.

Xasan Sheekh oo shalay ka baxay Muqdisho ayaa sii maray degmada Raagaceelle oo ciidan xoog leh oo dadka deegaanka ah uu ku diyaarsanaa, wuxuuna kula balamay inay is difaacaan oo dhulkooda aysan ka cararin, wuxuuna u gudbay Cadale oo saldhig uu ka dhigtay.

Culeys badan ayaa ka jira dagaalka dhulka ah, waxaana gacanta Al-Shabaab galay dhul badan, lama garanayo meesha ay wax ka qaldan yihiin, balse waxaa muuqata in habac badan uu ka jiro dhanka hoggaaminta dagaalka ee dowladda.

Somalia election deadline extended amid political tensions

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s National Independent Electoral Commission (NIEC) has extended the deadline for political party registration by 21 days, from March 31 to April 21, 2025, ahead of planned June local elections.

NIEC Chairman Abdikarin Ahmed Hassan announced the decision in Mogadishu, citing the need to give political associations more time to comply with new electoral regulations.

Hassan emphasized that previously registered associations must also re-register for updated certification due to recent legislative changes.

“Over the past few days, we held extensive discussions with previously registered groups and those still in the registration process,” Hassan said. “They requested a 21-day extension beyond the initial March 31 deadline.”

Historic shift to direct elections

Somalia is preparing for its first direct local council elections in June, a significant departure from the traditional clan-based voting system. Chairman Hassan described this as a historic step in returning electoral power to the Somali people.

Voter registration will commence shortly, with trained electoral officials ready to manage the process across districts.

However, the move toward direct elections has increased political tensions between Somalia’s federal government and regional administrations, notably Puntland and Jubbaland, which have openly opposed the central government’s electoral strategy.

Both regions have suspended cooperation with the federal government, citing concerns over perceived attempts at centralizing political power.

In December 2024, tensions escalated into violence when federal and regional troops clashed in Raskamboni over a disputed local election, highlighting the fragility of the current political environment.

Implications of new electoral laws

The recently enacted Political Associations and Parties Bill, approved by Somalia’s cabinet in August 2024, clearly distinguishes between political associations and parties.

Associations must compete in local elections, with the top three subsequently recognized as national political parties qualified for national and regional elections.

Under this law, political groups are also subject to stringent financial transparency and regulation guidelines and must participate in a public funding mechanism with contributions from federal and regional governments.

Chairman Hassan clarified that previously registered political groups will not incur additional re-registration fees, emphasizing the commission’s commitment to an inclusive political process.

Despite efforts to streamline the electoral process, Somalia faces significant hurdles, including ongoing security threats from Al-Shabaab, logistical issues in voter education and registration, and persistent political disputes among key stakeholders.

The international community continues to urge political leaders in Somalia to engage in dialogue, emphasizing the necessity of cooperation and compromise for credible and peaceful elections.

Somalia’s clan-based power-sharing

Somalia’s political landscape has been characterized by a protracted transition, often shaped by intricate clan-based power-sharing arrangements. Historically, elections have primarily relied on indirect voting, where lawmakers chosen by clan delegates elect high-ranking officials.

The current push for a direct “one person, one vote” system signifies a potential paradigm shift in Somali electoral practices. Supporters argue that it would bolster democratic legitimacy and directly empower citizens.

Conversely, critics voice concerns about potential manipulation, lack of adequate infrastructure and security across all regions, and the risk of exacerbating existing clan tensions if such a significant change is not implemented through broad consensus and careful planning.

Puntland has emerged as a leading voice of opposition against the federal government’s perceived unilateral approach to this electoral model, advocating for a more inclusive and consultative process involving all relevant stakeholders.

Jubbaland has echoed these concerns, emphasizing the imperative of establishing a stable and secure environment before undertaking such a fundamental electoral transformation.

The NIEC’s decision to extend the political party registration deadline could be seen as an attempt to provide additional time for parties to meet new regulatory requirements and potentially alleviate some immediate tensions surrounding electoral preparations.

However, the underlying disagreements regarding the national electoral framework remain a formidable challenge as Somalia navigates its path towards future elections.

Sawirro: Xamza oo caawa si adag uga hadlay dagaalka Al-Shabaab – Muxuu ka yiri?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo caawa hadlay ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro cadowga Khawaarijta ee nabadda iyo horumarka u diiddan umadda Soomaaliyeed.

Xamsa ayaa sheegay in cadowga jab xooggan ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, xilli uu ka hadlayey munaasabad Afur wadareed ah oo ay iskugu yimaadeen ardayda Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka Malaysia.

“Qorshuhu ma ahan oo kaliya in Khawaarijta la iska celiyo ee waa in dalka laga tirtiro, maxaa yeelay wax horumar ah dalkeennu ma sameyn karo, inta ay taako ka mid ah joogaan, waana lagama maarmaan in aan dhammaanteen u midowno dagaalkooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Hadalka Xamsa Cabdi Barre ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay jabeen dagaal culus oo kooxda Al-Shabaab ay kula wareegtay Masaajid Cali Gaduud oo ah deegaan muhiim ah oo 40 KM waqooyi ka xiga degmada Cadale.

“Caawa waa 27 Ramadan, waliba sida culimada badankoodu sheegtay aad baa loogu badiyaa in ay tahay habeenka Leylatul Qadriga, waxaan ugu yeerayaa dadka Soomaaliyeed dhammaantood in la is cafiyo, qof qof iyo koox koox in la isku cafiyo, dalkana loo duceeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ra’iisul Wasaaruhu.

Xamsa ayaa munaasabadaas uga mahadceliyey aqoonyahanka afurka soo agaasimay, isagoo ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska ka socda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kaalinta aqoonyahanka ay tahay lama huraan, si buu yiri “loo xaqiijiyo hiigsiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan Soomaaliya xasilloon oo horumar gaarta.”

Dhibaatada ugu weyn ee hadda Soomaaliya ka jirta waa kooxda Al-Shabaab oo dadka aad u laysa, kana soo horjeeda wax kasta oo nidaam iyo dowladnimo ah, sidoo kale dowladda oo dagaal rasmi ah kula jirta ayaa hadda waxaa soo wajahay culeys dhanka qorshaha dagaalka iyo nidaamka ciidanka ah, taas oo fursad u siisay kooxdaan cadowga ah inay dib ugu soo laabtaan dhul labo sano ka hor laga xoreeyey.

Somali President to head to Turkey for drones After Al-Shabab gain

Mogadishu, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud is set to travel to Turkey for urgent talks and to sign new agreements just hours after returning from frontline areas where government forces are battling the Al-Shabaab militant group.

The visit comes as Al-Shabaab claimed to have retaken a strategically important town in the Middle Shabelle region, highlighting the persistent security challenges facing the Horn of Africa nation.

President Sheikh’s trip to Turkey, scheduled for Thursday, will focus on finalizing a deal for Turkish-made combat drones, according to sources familiar with the matter.

Somalia has recently received several of these aircraft, which have been undergoing reactivation. The president is expected to meet with his Turkish counterpart and top executives from Bayraktar, a Turkish defense company that manufactures the drones.

The agreements are anticipated to cover the full operationalization of the newly acquired drones across Somalia, with a particular focus on targeting areas where Al-Shabaab militants are active.

While the specifics of the agreements remain undisclosed, it is understood that Somalia will require continued assistance with drone-launched munitions and training for Somali personnel who will operate the advanced aircraft, reported to be at least three in number and of two modern types.

Al-Shabaab offensive in Middle Shabelle

The president’s diplomatic push in Ankara coincides with a significant setback on the ground. On Wednesday morning, Al-Shabaab launched a fierce attack, beginning with vehicle-borne explosives, on the town of Masaajid Cali Gaduud in the Middle Shabelle region.

This area, located near the town of Cadale, where President Sheikh spent the previous night, had been under government control since it was recaptured from Al-Shabaab two years ago.

Local sources confirmed that after the initial explosions, Al-Shabaab fighters engaged in direct clashes with Somali government forces and the local pro-government militia known as Macawiisley.

Al-Shabaab claimed in a statement that their fighters had entered and fully controlled the town and that operations were ongoing.

Da’uud Haji Cirro, a spokesperson for the HirShabelle state, where Masaajid Cali Gaduud is located, confirmed the withdrawal of government forces but vowed that the militants would not hold the town overnight and would be driven out.

 “They will not spend the night in Masaajid Cali Gaduud,” he stated in a brief message.

The attack underscores the ongoing challenges in the fight against Al-Shabaab, which frequently launches early morning assaults on government positions.

Despite previous territorial gains by government forces, the group maintains a strong presence in parts of the country, particularly in the southern and central regions.

President’s frontline engagement

President Hassan Sheikh has been actively involved in directing the counter-offensive against Al-Shabaab in the Shabelle regions, which border the capital Mogadishu.

On Tuesday, he visited the frontline town of Cadale, meeting with local clan militias in Raagaceelle and urging them to defend their territory.

 His presence in the area aimed to galvanize efforts to push back against the militants, who have been exerting pressure on previously liberated areas.

However, the recent loss of Masaajid Cali Gaduud raises questions about the government’s current military strategy and leadership effectiveness. “

There is a lot of pressure in the ground war, and Al-Shabaab has taken a lot of territory. It is not known what is going wrong, but it seems there is a lot of weakness in the leadership of the government’s war,” a local observer noted.

Turkey’s role in Somalia’s security

Turkey has become a significant security partner for Somalia in recent years, providing military training, equipment, and infrastructure development.

The acquisition of Turkish-made drones is a notable step in bolstering Somalia’s air capabilities against Al-Shabaab, which has relied on ambushes and ground attacks.

The Bayraktar TB2 drones, which Somalia is believed to have acquired, have proven effective in various conflicts. They offer reconnaissance and precision strike capabilities. Their deployment could significantly enhance the Somali National Army’s ability to target Al-Shabaab’s strongholds and disrupt their operations.

The upcoming agreement in Turkey is expected to solidify this security cooperation and provide Somalia with crucial tools in its long-standing fight against the Islamist insurgency.

However, the recapture of Masaajid Cali Gaduud serves as a stark reminder of the complexities and persistent threats on the ground, even with enhanced military capabilities.

Countering alarmist narratives on Al-Shabaab’s ‘power grab’

In response to Adam Daud Ahmed’s op-ed, “From Insurgency to Power Grab: Al-Shabaab’s Deadly Advance on Mogadishu Signals Somalia’s Descent into Disaster,” published in the Addis Standard on March 21, 2025, a critical examination of its central assertions is warranted. Ahmed’s analysis, while aiming to highlight Somalia’s security challenges, presents an oversimplified and alarmist portrayal of Al-Shabaab’s capabilities and the Somali government’s resilience, necessitating a more nuanced and evidence-based assessment.

Ahmed’s core argument, positing Al-Shabaab’s transition from an insurgency to a governing entity poised for the capture of Mogadishu, is fundamentally flawed. This narrative disregards the established pattern of Al-Shabaab’s fluctuating territorial control, characterized by a reliance on asymmetric warfare rather than sustained conventional dominance. This pattern indicates an insurgency focused on disruption, not the establishment of enduring governance.

Furthermore, Ahmed’s analysis omits crucial context regarding the counterterrorism efforts of the Somali National Army (SNA) and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). Recent military operations have yielded demonstrable successes, reclaiming strategic territories and disrupting Al-Shabaab’s operational capacity, directly contradicting the notion of an imminent takeover.

The depiction of the Somali federal government as a “failing entity” consumed by internal strife necessitates a more nuanced perspective. Political tensions within Somalia’s federal system, such as those with Puntland and Jubaland, reflect the inherent complexities of a developing federal structure. While significant, these disputes do not necessarily signify systemic collapse. The current administration’s efforts to unify regional states under a national security framework, alongside intensified military operations and increased civilian-military cooperation, demonstrate a proactive approach to security challenges.

The assertion that the fall of Mogadishu would destabilize the Horn of Africa and lead to the establishment of a radical Islamist state is an overstatement. Unlike the Taliban, Al-Shabaab lacks widespread popular support, maintaining control through coercion rather than voluntary allegiance. The Somali population largely rejects the group’s extremist ideology. 1 Moreover, Somalia benefits from substantial military, intelligence, and financial support from international allies, including the United States, Turkey, Qatar, and the African Union, mitigating the risk of regional destabilization. 2 Simplistic comparisons with the Taliban’s takeover of Afghanistan fail to acknowledge the fundamentally different socio-political context in Somalia, characterized by a stronger tradition of resistance to extremist rule and a robust network of international support.

Instead of alarmist pronouncements, a constructive approach necessitates a balanced analysis that acknowledges both the challenges and the progress in Somalia. This includes recognizing the government’s efforts to strengthen its security apparatus and address governance issues. The international community should prioritize sustained support for Somalia’s stabilization efforts, including military assistance, capacity building, and governance reforms. Emphasizing the resilience of the Somali people and the vital role of community-led resistance in countering Al-Shabaab’s influence is crucial. Sensationalist narratives undermine stability efforts and can create a self-fulfilling prophecy of despair.

In conclusion, Ahmed’s op-ed, while intended to raise awareness, presents a distorted and counterproductive narrative. A more nuanced and evidence-based analysis is essential to inform effective policy and support Somalia’s progress towards stability. The focus must remain on fostering constructive engagement and recognizing the resilience of the Somali people.

About the Author

Prof. Abdinasir Ali Osman is a senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His expertise spans the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond. A leading expert in migration, governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his career to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development in fragile and conflict-affected environments.

Contact: [email protected]

Reference:

Xasan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib weerarkii Masaajid Cali Gaduud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, kadib weerarkii maanta ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaan aan ka fogeyn Cadale, halkaas oo uu ku sugnaa madaxweynaha, taasoo keentay inuu soo gaabiyo safarkiisii gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta qabsatay Masaajid Cali Gaduud, oo qiyaastii 40 km dhanka koonfureed kaga beegan degmada Cadale, halkaas oo saacadihii dambe uu ku sugnaa madaxweynaha.

Qabsashada kooxda ayaa timid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay degmada isaga baxeen, kaddib weerar aroornimadii saaka ka bilowday qaraxyo, sida wararku sheegayaan.

Xaaladda amni ee Shabeellaha Dhexe ayaa laga deyrinayaa, maadaama gobolkan uu xuduud la leeyahay caasimadda Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sii wada weerarrada ay ku beegsanayaan goobaha ay dowladda maamusho ee ku dhow caasimadda.

Kooxda oo muddo nafis ah helaysay, ayaa hadda muujinaysa in ay weli xooggan tahay, iyagoo si joogto ah u adeegsanaya qaraxyada iyo weerarrada tooska ah ee ay ku beegsanayaan goobaha ciidanka.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka madaxweynaha ee ku aaddan soo gaabinta safarkiisa Cadale wuxuu muujinayaa heerka sare ee khatarta amni ee ka taagan gobolka, taasoo u baahan in si degdeg ah looga jawaabo.

Madaxweynaha ayaa shalay magaalada Raaga Ceelle, oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kula kulmay boqolaal ka mid ah halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawiisleyda, kuwaas oo dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geesiyaasha deegaanka ku dhiirrigeliyay go’aanka ay ka qaateen in ay argagixisada Al-Shabaab uga dulqaadaan shacabka ay dhibaataynayaan.

Madaxweynaha ayaa intaas kaddib gaaray degmada Cadale, halkaas oo uu maanta kasoo tegay, isagoo soo gaabiyay qorshihiisii uu halkaas uga waday hoggaaminta abaabulka iyo howlgalka ka dhanka ah argagixisada.