25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Fahad Yaasiin oo ka qeyliyay qorshaha dagaal ee Xasan ku soo koobay laba degaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay qorshaha dagaal ee madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu haatan ugu sugan yahay furimaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

Fahad ayaa marka hore bogaadiyay dadaalka iyo garab galka uu madaxweynaha Soomaaliya siinayo labada maamul ee HirShabelle iyo Galmudug, isagoo dhinaca kale dhaliilay qorshaha dagaalka loogu soo koobay labadan deegaan.

“Fadlan soo booqo furimaha kala duwan ee Jamhuuriyada, saxna maahan in qorshaha dagaalka lagu soo koobo laba deegaan oo kaliya muddo ku dhaw saddex sano,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Fahad ayaa sheegay in madaxweynaha loo dhaariyay inuu gaashaan u noqdo guud ahaan dalka, ayna sidaas darteed waajib tahay inuu usoo jeesto dhanka Koonfur Galbeed iyo Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha hal mar hana tuso isagoo si isku mid ah uga hortagaya argagixisada dhibta ku haya meelo kala duwan oo dalka kamid ah,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad;

Madaxweynaha Jamhuuriyada waan ku boogaadinaynaa dadaalka iyo garab galka joogtada ah ee uu siinayao labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug, isagoo furimaha dagaalka naftiisa gaynaya.

Waxaanse Madaxweynaha xusuusinayaa, xilka loo dhaariyey wuxuu farayaa inuu garab iyo gaashaan u noqdo dalka oo idil.

Sidaas awgeed, waxaan u soo jeedinayaa inuu usoo jeesta dhanka Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Madaxweynaha hal mar hana tuso isagoo si isku mid ah uga hortagaya argagixisada dhibta ku haya meelo kala duwan oo dalka kamid ah.

Fadlan soo booqo furimaha kala duwan ee Jamhuuriyada, saxna maahan in qorshaha dagaalka lagu soo koobo laba deegaan oo kaliya muddo ku dhaw saddex sano.

Coldoon oo sheegay inuu ka cararay Burco – Ma wuxuu u baxsaday Shabaab?

0

Burco (Caasimada Online) – Weriye hore Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo waayihii dambe ahaa samafale caawiya dadka danyarta ah, ayaa laga shaki qabaa inuu ku biiray kooxda Al-Shabaab, kaddib markii uu shaaciyey inuu isaga tegay magaaladii uu ku noolaa ee Burco.

Coldoon ayaa sheegay inuu ogaaday in la doonayo in la xiro, isla markaana uu magaalada ka baxay xalay saqdii dhexe.

Arrinta shakiga badan abuurtay ee qoraalkiisa ku jirtay waxay ahayd inuu sheegay inuu tegay “goob uu ku dareemayo ammaan.”

Qoraalka Cabdimaalik Coldoon oo aad u kooban ayaa u dhignaa sidan: “Waan ka tagey Burco. Xalay ayaan guure kaga baxay magaaladaydii Burco, kaddib markii aan ogaaday in la go’aamiyey in la i xiro. Hadda waxa aan ku suganahay meel aan ku dareemayo ammaan.”

Dadka aragtidooda ka dhiibtay qoraalka Coldoon ayaa weydiinaya halka uu aaday, iyagoo si cad u dhahaya: “Ma Jilib baa aaday?”

Cabdimaalik ayaa marar badan bartiisa Facebook ku soo qoray hadallo muujinaya xagjirnimo iyo inuu la dhacsan yahay dhaqdhaqaaqa kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Al-Shabaab.

Wuxuu horey si cad u sheegay in ciidamada iyo madaxda dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Khawaarijta ay yihiin “gaalo raac”, islamarkaana askarigii ay Shabaab dilaan aan loogu yeeri karin “shahiid.”

Coldoon ayaa la sheegay inuu saaxiib dhow la ahaa abwaan Nageeye, oo Shabaab aaday sanad iyo dhowr bilood ka hor. Waxaa sidoo kale jira shaki laga qabo inay lasoo xiriirayaan Nageeye iyo xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab, sida Aadan Sunni oo ay Coldoon is yaqaaneen.

Guddoomiye Amiir oo ku dhawaaqay nidaam cusub oo loo guuraayo + Fal-celinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa ku dhawaaqay nidaam cusub oo loo guurayo, isla markaana ku aadan dhismaha maamullada degmooyinka gobolka Banaadir.

Amiir ayaa shaaca a qaaday in haatan wixii ka dambeeya uu meesha ka saarayo in la qabiileeyo maamullada degmooyinka, wuxuuna tilmaamay in qofka lasoo magcaabayo la’eegi doono shaqadiisa iyo waxa uu qaban karo, si looga gudbo nidaamka qabaa’ilka.

“Degmooyinkan la qabiileystay ma shaqeyn karto reer hebel ayaa degmadaan leh masii jiri doonto. Shan qof oo walaalo ah hadday shaqeynayaan kuwaas ayaan qaadanayaa ” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu shuruud ku xiray in guddoomiye kasta laga rabo inuu aad u yaqaano degmadiisa, maadaama ay saaran tahay mas’uuliyad wayn, taasina lagula xisaabtami doono.

“Qof dool ah oo aan aqoon degmadiisa xil looma dhiibayo, guddoomiyeyaasha degmooyinka haddii aysan aqoon mas’uuliyadooda xilka waa laga qaadayaa” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Waxaa idinka rabaa qof weliba degmada aad mas’uulka ka tahay in aad ka war qabtid dadka adiga ayaa ka mas’uul ah yaan la dhibin”.

Dhinaca kale hadalka kasoo yeeray duqa magaalada Muqdisho ee la xiriira in laga guurayo nidaamla 4.5 ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa dhaliyay hadal-heyn xoogan iyo fal-celin, waxayna dadka su’aallo ka keeneen arrintan, maadaama isaguba metalaad qabiil uu ku yimid kursiga, laguna soo magacaabay.

Axmed Cumar Daacad: “Asagaaba qabiil ku yimid! One man one vote ha la aado si gudoomiyaal sax ah loo helo”.

Cabdulqaadir Maxamuud Jeelle: “Wuu saxan yahay qofkii qabiil inuu guddoomiye degmo ku helo rabo gobolkiisa ha ulaabto halkan waa caasimada dalka.

Saajid Axmed: “Wuu iska hadlay sida ay wax uga socdan gobolka wax kama beddali karo asigaba magac qabiil buuku yimid meesha”.

Ifraax Cabdulle: “Waa saxan yahay qofkii qabiil xiiso kuhaayo tuuladiisa oday dhaqameed haka naqdo”.

Dagaalka Itoobiya oo sii xoogeystay – Dowladda iyo Fano oo guulo kala sheegtay

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay dileen in ka badan 300 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda hubeysan ee Fano, oo horey ula safnayd dowladda dagaalkii ka dhanka ahaa fallaagada TPLF ee gobolka Tigray, kaddib laba maalmood oo ay dagaallo ka socdeen gobolka waqooyi ee Amxaarada.

War-saxaafadeed ay ciidamada soo saareen ayaa lagu sheegay in dagaalyahannada Fano ay weerarro ka fuliyeen goobo kala duwan oo ka tirsan gobolka Amxaarada, balse ay ciidamada “baabi’iyeen” intii lagu guda jiray dagaalladaas.

Taliska milatariga ayaa sheegay in 317 dagaalyahan oo Fano ah la dilay, halka 125 kalena la dhaawacay.

Si kastaba, Abebe Fantahun, afhayeenka Fano ee Wollo Bete-Amxaaro, ayaa si cad u diiday tirada ay sheegtay dowladda, wuxuuna u sheegay wakaaladda Reuters in ciidamada aysan dilin xitaa 30 ka mid ah dagaalyahanadooda.

Dhanka kale, Yohannes Nigusu, afhayeenka Fano ee gobolka Gondar, ayaa sheegay in 602 askari oo ka tirsan ciidamada federaalka lagu dilay dagaalka, 430 kalena lagu dhaawacay, halka 98 askarina la qabtay, isla markaana laga furtay hub.

Xulafe hore oo kala irdhoobay

Kooxda Fano waxay horey uga dhinac dagaallameen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea intii uu socday dagaalkii laba sano qaatay ee lagula jiray Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), taasoo gacanta ku haysa gobolka waqooyi ee Tigray.

Tan iyo markaas, xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa xumaaday, iyadoo Eritrea laga saaray wadahadalladii lagu soo afjaray dagaalka bishii Nofeembar 2022.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo Fano ayaa dib u qarxay bishii Luulyo 2023, kaddib markii ay dadka gobolka Amxaarada dareemeen in lagu khiyaamay qodobbadii heshiiskii nabadeed ee 2022.

Sannadkii hore, TPLF ayaa u kala jabtay laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Debretsion Gebremichael iyo Getachew Reda, kuwaasoo mid walba sheeganaya inuu yahay hoggaamiyaha rasmiga ah ee xisbiga.

Warbixintii ciidanka ee Jimcihii ayaa eedeyn u jeedisay Jeneraalka sare ee milatariga, Migbey Haile, oo lagu tilmaamay inuu ka tirsan yahay garabka Debretsion, iyadoo lagu tuhunsan yahay inuu taageeray weerarrada Fano ee gobolka Amxaarada.

“Jeneraal Migbey Haile waa shaqsi kasoo horjeeda nabadda iyo horumarka, wuxuuna horey shacabka Tigreega ugu riday dagaallo isagoo aan lahayn aqoon ciidan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Si kastaba ha ahaatee, Abebe ayaa u sheegay Reuters in arrintaasi ay tahay “been cad”, isagoo ku adkeystay in Jeneraalka uusan wax xiriir ah la lahayn kooxda Fano.

‘Ciidan xadgudub sameynaya’

Cabsi laga qabo dagaal hor leh ayaa isa soo tarayay toddobaadyadii la soo dhaafay, kaddib markii Eritrea lagu warramay inay ku dhawaaqday isugu yeerid ciidan qaran, halka Itoobiya ay ciidamo u daabushay xadka labada dal.

Dhinaca kale, hay’adda Human Rights Watch ayaa ku eedeysay ciidamada Itoobiya inay geysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaal intii uu socday dagaalka ay kula jiraan kooxda Fano.

Sannadkii hore, Human Rights Watch ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo Itoobiyaan ah ay toogasho ku dileen dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Merawi ee gobolka waqooyi-galbeed ee Amxaarada.

“La dagaallanka ciidamada Itoobiya ay kula jiraan rayidka gobolka Amxaarada waxay meesha ka saaraysaa sheegashada dowladda ee ah in ay doonayso inay sharci iyo kala dambeyn kusoo celiso gobolka,” ayay tiri Laetitia Bader, ku-xigeenka agaasimaha Afrika ee Human Rights Watch.

“Tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kooxda Fano, shacabka ayaa mar kale noqday kuwa ugu badan ee dhibbanayaal u noqda ciidan si xadgudub ah u dhaqmaya, iyadoo aan laga cabsi qabin ciqaab,” ayay sii raacisay.

 

 

 

Khawaarijta: Sida ugu sahlan ee looga guulaysan karo

Tan iyo intii buburka dowladnimadii Soomaaliya dhacay waxaa dalka ku soo xoogaysanayay xagjir wejiyo badan ah kuwaas oo ragaadiyay dalka, kana hor taagan in Soomaaliya nabad hesho dibna u hanato dowladnimadeedii.   In kastoo kooxaha caqabad ku ah Soomaaliya ay fara badan yihiin, hadana, labada xagjir ee ugu halista badani waa xaqjirka qabiil iyo xagjirka diineed.

Maadaama ummadda Soomaaliyeed ay tahay beelo isu tegay, xagjirka qabiilku maaha mid ku cusub, balse, wuxuu ahaa mid mid la nool kuna dhex milmay dhaqanka Soomaaliyeed ee reer-Guuraga ku salaysan.   Laakiin, waxa ku cusub oo ay la kufaa dhacaysaa maanta waa xagjirka diimeed.

Sidaa awgeed, maadaama aanan hal qormo kusoo wada koobi karin labada xagjir, waxaan qormadan kaga hadli doonaa oo qudha xagjirka Diimeed iyo sida looga guulaysan karo.

Sooyaalka Xagjirka Diimeed:

Xagjirka diimeed inuu dhasho waxaa sabab u ahaa burburkii ku yimid Qaranimadii iyo Midnimadii Soomaaliyeed, kaas oo ay asbaabteeda lahaayeen Jabhadihii Xagjirka Qabiil xambaarsanaa, kuwaas oo inay dowladii jirtay ridaan maahee aan wax qorshe badiil ah wadan.

Xagjirka diimeed ee Soomaaliya maaha mid dhawaan bilaabmay, balse, waxaa dad baan oo taariikhda Soomaaliya iyo mida dhaqdhaqaaqyada diimeed wax ka qoraa aaminsan yihiin in xagjirkii ugu xooga badnaa uguna horeeyay ahaa Halgankii Daraawiishta uu hogaanka u hayay Sayid Maxamed Cabdulle Xassan.   Dad badan ayaa laga yaabaa inay dood ka keenaan arintaasi, halgankii Sayidkana u arkaan mid Jihaad iyo wadaniyadeed oo looga soo horjeeday guumaysigii naga diinta iyo dubka duwanaa ee dalka kusoo duulay.  Waa run in halgankaasi sifooyinkaas xambaarsanaa, laakiin, waxaa hareer socday tacadiyo iyo calaamado badan oo lagu garto xagjirka diimeed kaas oo lagula kacay shacab badan oo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, sida:

  • Takfiirinta ama dadka oo la gaalaysiinayo
  • Dhiiga qofka and koox (Qabiil) Muslim ah oo la banaysto
  • Dhac iyo baad loo gaysto bulshada, laguna xalaalaysto xoolahooda.
  • Cirib tir, xasuuq iyo qax loo kacay beelo aad u faro badan oo Soomaaliyeed.
  • Iwm….

Xagjirkii labaad ee aragti, awood iyo saamaynba ku dhawaa kii Sayidku wuxuu ahaa Xarakada Al-Shabaab.

Dhalashadii Al-Shabaab:

Al-Shabaab waxaa dhaliyay duruufo la mid ah kuwii dhaliyay halgankii Daraawiishta sida:

  • In Shacabka Soomaaliyeed noqdeen dad burburay oo beelo isku laynaya, khilaafkoodaasna uu sababay in midnimadii iyo dowladnimadii burburto,
  • In dalka ay soo galeen ciidamo shisheeye, iyo kuwo Itoobiyaan ahba, kuwaas oo dad badan ay u arkayeen guumaysi soo jireen ah oo ku soo duulay dalka, dowlado dano gaar ah ka leh Soomaaliyana ay daaha xagiisa danbe ka maamulayaan, iyo,
  • In nidaamyo reer galbeed oo Shareecada Islaamka ka hor imanaya, midnimadii dalkana u kala qaybshay beelo midba deegaan gaar ah maamulo laga dhisay.
  • Iwm…..

Labadii dhacdo ee sababtay ama soo dedejisay dhalashada Al-Shabaab

  1. Feb, 2006, Dowlada Maraykanka oo isticmaalaysa safaaraday ku leedahay Kenya oo hadafkeedu ahaa sidii Xamar looga nadiifin lahaa Maxkamadahii Islaamiga ahaa, loona soo qaban lahaa rag ay Maraykanku ku raad-joogeen, kuwaas oo lagu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen qaraxyadii August 7, 1998 lala beegsaday Safaaradaha Maraykanka ee Tanzania iyo Kenya, ayaa waxay mashruuc soo siisay dagaal-oogayaashii Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen: (Max’ed Qanyare Afrax, Maxamed Dheere, Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Maxamuud Max’ed (Cumar Finish), Bootaan Ciise Caalim, Bashiir Raage Shiiraar, C/rashiid Shire Il-Qeyte, Cabdi Shukri Cali Xirsi, Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), iyo Ciise Cismaan Cali).  Ragaasi waxay samaysteen isbahaysi ay ku midaysan yihiin oo ay ugu yeereen “soo celinta nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada”.   Sidaas ayaana waxaa muqdishu uga dhashay dagaal kharaar oo dhex maray Isbahaysigan cusub iyo Midowgii Maxkamadaha Muqdisho.

June, 2026 ayaa magaalada Muqdishu laga baacsaday Isbahaysigii ay ku midaysnaayeen Dagaal-Oogayaashii Muqdishu, waxaana magaaladii si buuxda ula wareegay midowgii Maxkamadaha.   Dadka ku noolaa Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya oo ay ragaadisay colaado qabiil oo aan dhamaadka lahayn, baad, dil, dhac iyo boob ay ku hayeen dagaal-oogayaashii deegaamadiisi xooga ku haystay, ayaa soo dhaweeyay Midowga Maxkamahada iyo dhalinyaradii shaadhka diimeed huwan ee ka xoreeyay dagaal ogaayaashaas.

  1. December, 2006 kolkii dowladii ay hogaanka u hayeen Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi oo xaruntoodu ahayd Baydhabo, ay weerar culus kala kulmeen Maxkamadihii Muqdisho, ayay dowladii ku-meelgaarka ahayd taageero ciidan waydiisatay Dowlada Itoobiya.

Sidaa awgeed, waxaan oran karnaa, Al-Shabaab oo markaa aan magac ahaan u jirin laakiin fikar ahaan u jirtay, kuna koobnayd afraad kooban, kuna dhex dhuumanayay Maxkamadihii Muqdishu ayaa dagaalkaas ka dhex arkay fursad, waxayna ku guulaysteen inay si xeeladaysan majaraha u qabtaan hogaanki ciidanka maxkamadaha, dhalinyaro badan oo xamaasad Islaam jacayl iyo guumaysi la dirir ku jirtayna ku qanciyeen inay dhaqdhaaqooda cusub ee xagjirka diimeed ku salaysan ku soo biiraan.

Nasiib daro, soo dhawayntaas iyo farxadaasi mid lagu nagaado muu noqon, maxaa yeelay, markay awood is yare bideen ayay Al-Shabaabku is tustay inay xoog kula wareegi karto koonfurta Soomaaliya, sidaas ayaana dagaalo cusub oo dhex maray Al-Shabaab iyo Maxkamadihii Islaamiga ahaa.   Al-Shabaabku si ay awoodooda u soo bandhigaan dadkana u cabsi geliyaan waxay markiiba kooxdani la soo baxday talaabooyin iyo tacadiyo arxan daro, taas oo keentay in dadkii ka hor yimaadaan.   Waxaa taa dheer inay ganacsatada ku soo rogeen lacag baad ah oo aysan qaadi karin, xasuuq arxan daro kula kaceen shacabka, qaraxyo aan qofna loogu aaba yeelayna ka fuliyeen goobaha waxbarasho, shirarka iyo meelaha kale ee ay dadku isugu yimaadaan.  Waxay la yimaadeen kooxdani dhaqan ku cusub ummadda Soomaaliyeed kaas oo ah fulinta dilal qorshaysan oo lagu ugaarsanayo culimada, aqoon-yahanka, saraakiisha iyo indheergaradka.

Imaanshihii Daacish (ISIS):

Soomaaliya oo culayskii Al-Shabaab la ciir-ciiraysa ayaa waxaa saaxadii kusoo biiray Daacish (ISIS).  Walow labada kooxood ay arimo badan isaga aragti yihiin, hadana waxaa jira meelo ayay ku kala duwan yihiin, sida hogaanka iyo kooxaha ay ku kala ab tirsadaan.   Al-Shabaab waxay xiriir la leedahay Al-Qaacida, halka Daacishna ay ka amar qaadato Daacishta Iraq iyo Siiriya.   Imaanshihii Daacish wuxuu markiiba abuuray isku dhac labada kooxood ku dhex maray Muqdhiso,  kaas oo salka ku hayay tartar loogu jiray cida gacanta ku dhigaysa baada ganacsatada Muqdisho laga qaado.  Maxaa yeelay, laba kooxood midna ma sii jiri karto hadii aysan awood dhaqaale helin.    Al-Shabaab oo dareentay halista kooxda ayaa go’aan ku gaartay inay kooxdaan xididada u siibtay inta aysan awood iyo saamayn weyn ku yeelan koonfurta dalka, gaar ahaan Muqdisho.   Waxaana dagaalkii labada kooxood dhex maray ku guulaystay Al-Shabaab oo si arxan daro ah u xasuuqay Daacishtii Muqdisho joogtay,  sidaas ayaana Daacish isaga huleeshay Muqdisho una digo rogatay deegaamada Calmiskaas ee Puntland.

Al-Shabaab oo isu diyaarinaysa inay la wareegto hogaanka dalka:

Isbedelada Caalamka ka dhacay, gaar ahaan kii ka dhacay Afghanistan oo reer Galbeedkii iyo dowladii taagta yaray ee ay taageeraysay isaga huleeleen dalkaasi,  hogaankii dalkaasina ay si sahlan ula wareegeen Taalibaan,  iyo isbedelka dhawaan ka dhacay Syria ee keligii taliyihii Bashaar Al-Asad ay hogaanka ugala wareegeen kooxihii kasoo horjeeday, ayaad moodaa inay saamayn weyn ku yeelatay siyaasada iyo hab dhaqankii Al-Shabaab, rajo iyo nolol cusubna soo gelisay kooxdan.

Dhinaca kale Daacishta Puntland ku sugan ayaa iyaduna qorshe kaas ka weyn kana halis badan bilowday, iyadoo ku guulaystay inay dhaqaale badan oo baad ah ka qaado ganacsatada reer Puntland, maadaama ay goob istaraatiijic ahna joogto, hub iyo saanad faro badana ka heshay dalalka gacan cadmeed.   Daacish waxay Al-Shabaab kaga duwan tahay, maadaama hogaamiyaha kooxdaasina lagu tuhunsan yahay inuu noqday hogaanka caalamiga ee Daacish,  haduusan ahayna ku jiro hogaanka sare, ayaan gurmad faro badan ka helay dadalka carabta, kuwaas oo ah dagaal-yahano guur cadaa ah oo xeelado ku cusub saaxada dagaalka Soomaaliya la yimid.

Dowlada Puntland iyo hogaankeeda Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo dareemay halista kooxdana uu abaabulay dagaal baaxad weyn kaas oo lagu qaaday Daacish.  Dagaalkaasi wuxuu mideeyay shacabka reer Puntland gudo iyo dibadba.  Qurbajoogta ayaa maayiin lacag ah ugu yaboohay ciidanka, dadka gudaha joogana ay xoolo, raashin, saad iyo sahay kaleba la dhinac taagan yihiin ciidankooda.  Midnimadaan bulsho iyo dhiiranaanta hogaamiyeed, iyo naftii hurisnimada ciidanka ayaana suurta gelisay in mudo ku kooban laba bilood 80% deegaamadii Daacishtu ku dhuumanaysan laga qabsaday, tiro aad u faro badan oo ajaanib u badana laga dilay, hadana lagu raad joogi firxadkoodii.

Nasiib daro, dowlada Federaalka ee uu hogaanka u hayo Madaxweyne Xassan Sheekh oo la mid ah hadaysan kasii liiday tii Ashraf Ghani gii Afghanistan,  awoodiisuna aysan dhaafsiisanayn Muqdisho,  ayaad moodaa inuu ku fashilmay dagaalkii uu iclaamiyay oo ka dhanka ahaa Al-Shabaab.  Madaxweyne Xassan waxaad moodaa inuusan weli fahamsanayn khatarta dalku ku jiro, garowsana inuu ku fashilmay hogaankii dalka mid siyaasadeed iyo mid ciidanba, lama huraana ay tahay inuu siyaasadihiisa fashilmay wax ka bedelo inta uu weli fursada haysto oo uusan noqon madaxweynihii ugu danbeeyay ee ay gacantiisa ku burburto Soomaaliya.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “fulay usha agtiisaa lagu dhuftaa”, tusaale iyo baraarug waxaa ugu filan Madaxweyne Xassan in Al-Shabaab maalin cad Balcad iyo Afgooye oo 30-Km Xamar u jirta midna ay qabsadeen midna soo weerareen, in jidka ceelasha biyaha ay saacado xirteen, in madaxtooyada horteeda gawaaridiisii lagu qarxiyay, maalintii ku xigtayna Xerada Xalane hoobiyayaal lagu soo weeraray.

Dadka arimaha xagjirka diimeed indha-indheeyaa waxay aaminsan yihiin, in Al-Shabaab ay isku diyaarinayaan siday hogaanka dalka ula wareegi lahaayeen, sidaa awgeedna, si ay dib ugu hantaan taageerada shacabka ay go’aan ku gaareen inay yareeyaan ficilada arxan daro oo ay horay u isticmaali jireen, hadana aad moodid inay ciidamo badan kusoo daabuleen duleedyada Muqdisho.

Maxay tahay aragtiyaha iyo ahdaafka ay ka duulayaan kooxahaani?

Labada aragti ee ugu waaweyn waxyaalaha ay asbaab ka dhigtaan kooxahaani waxay tahay:

  • In ciidamo shisheeye oo aan Muslim ahayn dalka ku soo duuleen,
  • iyo in dalka la rabo in la gaalaysiiyo laguna xukumo dastuur iyo nidaamyo aan shareecada Islaamka ahayn.
  1. Aragtida La Xiriirta Ciidanka Shisheeye;
  • Xaqiiqda dhabta ah: Diinta Islaamka ma mamnuucayso iskaashi iyo heshiis ay Muslimiintu la sameeyaan dad aan Muslim ahayn.
  • Maslaxada Ummadda: Haddii dowladdu aysan haysan ciidan ku filan si ay u sugaan ammaanka, waa mas’uuliyad saaran in ay hesho taageero, si nabadda iyo xasilloonida loo sugo.
  • Xigasho Islaami ah: Nabiga (NNKH) ayaa la saftay qabiilooyin aan Muslim ahayn si uu uga hortago cadow soo weeraray Muslimiinta, ama heshiis la galay dad aan muslimiin ahayn si loo xaqiijiyo nabada dadka Muslimiinta ah iyo kuwa la nool ee aan Muslimaka ahaynba. (Tusaale dastuurkii Madiina, Heshiiskii Xudaybiyah, heshiiskii Najran)
  • Khatarta Damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya: ayaad moodaa inay quud iyo xaabo u notay dooda Al-Shabaabka iyo kooxaha kale ee xagjirka diimeed ka qabaan in dalka lagu soo duulay kana difaacayaan cadow soo jireen ah, taas oo ah dareen dad badan Soomaaliyeed manta galay, kadib damacaan markuu soo banbaxay.
  1. Aragtida La Xiriirta Shareecada Islaamka iyo Dastuurka Dalka

    • Diinta Islaamka iyo Maamul-Wanaagga: Islaamka waa diin leh mabaadi’ cadaalad ah, laakiin wuxuu ogol yahay in dowladuhu xeerar u dajiyaan dadka ay maamulayaan si waafaqsan duruufaha bulshada aanan ka hor imanayn diinta.
    • Dastuurka Soomaaliya iyo midka Dowlad-Goboleedyada: Dastuuradan waxaa ku xusan in waxkasta oo ka hor imanaga shareecada Islaamka aan dalka lagu dhaqi karin, markastana marjaca loo noqonayaa yahay Shareecada.
    • Xigasho Islaami ah: Caddaaladda iyo horumarka bulshada ayaa ah ujeeddada ugu weyn ee shareecada, sidaas darteed, dowlad leh cadaalad, nabad iyo horumar waa mid waafaqsan Islaamka. Nabi Maxamed (NNKH) markii uu Madiina yimid wixii ugu horeeyay oo uu sameeyayna waxay ahayd inuu qoray Dastuurkii lagu maamuli lahaa Magaaladaas iyo Ummadda Muslimka ahayd iyo kuwii aan Muslimka ahayn ee la noolaaba.

Sidee Looga adkaan karaa kooxahan?

Marka aad doonaysid inaad la timaado istaraatiijiyo aad uga hortagaysid koox, waxaa lama huraan ah inaad fahamto dhowr arimood, sida:  Maxay aaminsan yihiin, farsamooyinkay adeegsadaan, cida xubnaha ka ah.

Waxaan filayaa inaan wax ka soo niri cida ay yihiin iyo waxa ay adeegsadaan, sidaa awgeed, waxaa isweydiin mudan yaa xubno ka ah kooxahan?

Kooxaha xagjirka diimeed waa huwan kala ujeedaa, laakiin isku hadaf ah.   Waxaa ka mid ah:

  • Khawaarij caqiido ahaan u aaminsan waxan ay samaynayaan,
  • Dhalinyaro dareen wadaniyadeed ku jiro oo aaminsan in dalka lagu soo duulay, sida keliya ee dadka Soomaaliyeed lagu midayn karo, dalkana cadowga looga xorayn karaa ay tahay in kooxahan shaadka diimeed huwan in la taageero,
  • Afraad ciil-qaba cadaalad daro ka tirsanaya qabiilooyinka laandheeraha sheegta ama hogaanka siyaasadeed iyo bulsho haya, sidaa awgeedna, aargudasho ay la beegsanayaan kuwaas u galay xagjirka ama u arka inay kooxahaani cadaalad keeni karaan,
  • Iyo dhalinyaro aan intaa midna ahayn, oo iyaga oo duruufaha dhaqaale iyo raja-xumada haysa looga faa’iidaysanayo loo isticmaalo madax-jebiska iyo dilalka qorshaysan.

Hadaba, maadaama kooxahani ku xididaysteen dalka, isticmaalayaana istaraatijiyooyin halis ah,  waxaa muhiim ah in la adeegsado istiraatiijiyad dhamaystiran oo dhanka amniga, dhaqaalaha, bulshada, iyo sirdoonka isugu jirta.   Sidoo kale, wax laga qabto hogaan xumada, musuq-maasuqa iyo amni darada quudiya sii noolaanshaha Xagjirka Diimeed.

Istaraatiijiyooyinka soo dedejin kara in laga guulaysto xagjirka waxaa ka mid ah:

  1. Xoojinta Amniga iyo Ciidanka:
  • Howlgallo sirdoon iyo ciidan ah: In la helo xog sax ah oo lagu burburin karo unugyada argagixisada.
  • Xaqiijinta amniga xuduudaha: Si looga hortago hub iyo dagaalyahanno cusub oo kusoo biira xagjirka waa in la xuduudaha bad, bari iyo hawaba la xaqiijiyaa.
  • Sugista amniga Muwaadiniinta:  Hadii ciidanku awood u yeesho inuu sugi karo amniga magaalooyinka iyo kan bulshadaba, waxay taasi dhalin doontaa inay shacabku ku dhiirdaan inaysan bixin baada argagaxisadu ka qaado, gabaadna siin.
  1. Dagaal fikar ah:
  • Jawaab cilmiyeed iyo dhaqan: In la sameeyo barnaamijyo wacyigelin ah oo ka hortagaya fikirka xagjirka ah, iyadoo culimada iyo waxgaradka bulshada looga faa’iideysanayo (goobaha waxbarasho, masaajida, xabsiyada la isticmaalo).
  • Warbaahin iyo baraha bulshada: Argagixisadu waxay adeegsadaan internetka si ay u helaan taageerayaal ama u faafiyaan aragtidoona guracan, sidaas darteed,  waxaa lagama maarmaan ah in baraha bulshada iyo warbaahinta laga fuliyo ololeyaal lid ku ah fikirka xagjirka ah, lagana xiro goobaha ay aragtidooda ku faafinayaan.
  • Barnaamijyo toosin iyo dib-u-dhaqan celin: kuwa isa soo dhiiba and horay uga tirsanaa kooxaha argagixisada ee raba inay ka baxaan waa in loo sameeyo dhaqan celin iyo fursado nololeed. (waa in la sameeyaa xarumo dhaqan celis oo takhasus gaar ah u leh sida dhaqan celin loogu sameeyo xagjirka), sidoo kale, ururrada arimaha xagjirka ku takhasusay, xabsiyada iyo wasaarada cadaalada ayaa door weyn arintaan ka qaadan kara).
  1. Dhaqaale iyo Horumar:
  • Xakamaynta maalgelinta argagixisada: In la jaro ilo kasta oo dhaqaale ah oo ay argagixisadu ka baadaan ganacsatada ama ka helaan ganacsiyada sharci-darrada ah, lacagaha madax furashada, iyo taageerooyinka dibadda.
  • Abuurista fursado shaqo: Dhalinyarada shaqo la’aanta ah waa bartilmaameedka ugu weyn ee argagixisadu beegsato, sidaas darted, horumarinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin ayaa yareyn kara koritaanka argagixisada.
  • Canshuurta iyo adeega Bulsho: Canshuurta shacabka laga qaado hadii lagu bixiyo adeegyo bulsho oo la taaban karo, way adkaan doontaa in shacabka iyo dowlada la iska horkeeno.
  1. Dowlad-Wanaag:
  • Maamul wanaag iyo dowlad wanaag: Dadka waxay u janjeeraan in ay taageeraan argagixisada marka ay dowladdu fashilanto, sidaas darteed, wax ka qabashada musuqmaasuqa iyo bixinta adeegyada bulshada waxay muhiim u tahay la dagaalanka argagixisada.
  • Mushahaarooyin wanaagsan iyo isla xisaabtan: Haddii ciidamada iyo howl-wadeenada kale ee xukuumadu aysan helin mushahar wanaagsan ama aysan jirin la xisaabtan sax ah, musuqmaasuqu wuu sii badanayaa.
  • Horumarka la sameeyey waa in la muujiyo: Argagixisadu waxay adeegsadaan dacaayado been abuur ah, marka waxaa muhiim ah in la muujiyo horumarka la gaaray si dadka aan dadka iyo dowlada la iska hor keenin.
  • Adeegayada Bulsho: waa in dowladu xaqiijisaa in sare loo qaado adeegayada bulsho, dowladuna shacabka la wadaagtaa horumarka ay ku talaabsatay iyo qorshayaasha horumarineed ee ay damacsantahay.
  • Hoggaanka wax laga beddelo xilliga doorashooyinka: Waddan kasta oo doorasho xor ah ka dhacdo ama nidaam dowladeed leh, waxaa suurtagal ah in hoggaan wanaagsan la doorto halkii la raaci lahaa argagixiso burburineysa dalkooda.
  • Dadku codkooda adeegsadaan, oo xal sharci ah raadiyaan: Argagixisadu waxay rabaan burbur, laakiin dadku waxay xaq u leeyihiin in ay si nabad ah u codsadaan cadaalad, isbedel, fursadna u helaan inay dooran karaan hogaanka ay rabaan.
  • La dhiso hay’ado la xisaabtami kara dowladda: Xalka saxda ahi waa in la helo nidaam dowladeed oo la xisaabtami kara madaxda sare ee dowlada si musuqmaasuqa loo yareeyo.
  • Dad u qalma hogaanku inay is sharaxaan: Si loo xaqiijiyo in hogaan suuban oo sax ah la helo, waa in dadka dareenka wadaniyadeed leh, dalka iyo dadkana u danqanayaa ku dhiiradaan inay is sharaxaan si ay u qabtaan hogaanka dalka ama uga mid noqdaan howl-wadeenada sare ee dowlada.
  1. Iskaashi Caalami ah
  • Is-dhaafsiga sirdoonka: Wadamada gobolka iyo kuwa caalamiga ah waa in ay wada shaqeeyaan si ay u helaan xog sax ah oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa argagixisada.
  • Xoojinta sharciga caalamiga ah: In la ogaado meelaha ay argagixisadu ku dhuumanayaan, ka helaan taageerada dhaqaale, loosoo mariyo xubnaha argagaxisada caalamiga ah, si sharciyo adag looga sameeyo si aanay u helin gabaad iyo gurmad.

Farah Aw-Osman
[email protected]

Five killed in plane crash southwest of Mogadishu

MOGADISHU, Somalia – Five people were killed after an aircraft crashed on Saturday afternoon approximately 24 kilometers southwest of Somalia’s capital, Mogadishu, according to the Somali Civil Aviation Authority (SCAA).

The crashed plane, a DHC-5D Buffalo aircraft with registration 5Y-RBA, was operated by Trident Aviation Ltd. It was traveling from Dhobley Airport (HCDB) in southern Somalia to Aden Abdulle International Airport (HCMM) in Mogadishu.

The crash occurred around 5:43 PM local time. Preliminary information provided by the SCAA confirms five people were on board, none of whom survived.

Local government agencies, emergency services, and partners are already conducting search and rescue operations at the crash site and have begun preliminary investigations to determine the cause of the crash.

The DHC-5 Buffalo aircraft is typically used for transport and humanitarian aid missions in challenging environments and is known for its short take-off and landing capabilities, which make it suited for operations in Somalia’s remote regions.

Aden Abdulle International Airport is Somalia’s busiest airport and serves as a key hub for humanitarian and diplomatic missions in the Horn of Africa. Dhobley Airport, located near the Kenyan border, frequently supports flights connected to international humanitarian efforts.

In their official statement, the Somali Civil Aviation Authority expressed condolences: “Our thoughts are with the families and loved ones of those affected.”

Further updates are expected as authorities continue their investigation into the tragic incident.

DF oo ku talisay in Jilib laga guuro go’aan culusna ka gaartay degmadaas iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii dhowaan ay Ciidamada Qalabka Sida ka fuliyeen degmada Jilib ayaa sheegaya in jahwareer xooggan uu soo wajahay horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ee halkaasi ka soo maleegi jiray waxyeelada shacabka Soomaaliyeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in horjoogeyaasha Khawaarijta ay bilaabeen inay ka qaxaan magaalada, iyaga iyo qoysaskooda, isla markaana ay raadinayaan goobo cusub oo ay ku dhuumaaleystaan.

Maleeshiyaadka kooxda ayaa iyaguna ku dayanaya horjoogeyaasha, iyagoo dhankooda bilaabay inay ka goostaan kooxda, una baxsadaan goobo ay doonayaan inay kaga badbaadaan weerarrada joogtada ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay halkaasi ka wadaan.

Waxaa la rumeysan yahay in tiro horjoogeyaal ah iyo boqollaal Khawaarij ah ay ku dhinteen weerarrada Ciidamada Qalabka Sida ay ku qaadeen degmada Jilib, halka boqollaal kale oo dhaawac ah ay ku dayacan yihiin magaaladaas.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa maleeshiyaadka Khawaarijta in fursadda keliya ee ay haystaan ay tahay inay isku soo dhiibaan dowladda, isla markaana ay tusaale ka qaataan dhalinyarada la soo marin habaabiyey ee ku qabsaday Jilib, kuwaas oo boqollaal naftooda ku waayeen, qaar intaas ka badanna ay dhaawacyo halis ah soo gaareen,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Qoraalka dowladda ayaa intaas kusii daray, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celineysaa in degmada Jilib iyo dhammaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijtu yihiin bartilmaameed militari oo waqti kasta weerarro lala beegsan karo, waxaana shacabka laga codsanayaa inay ka fogaadaan goobaha ay Khawaarijtu joogaan.”

Sidoo kale dowladda ayaa shacabka faraysa inay laamaha amniga ku soo wargeliyaan firxadka horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka baxsanaya ee soo gaaraya deegaannadooda, si looga hortago in waxyeello soo gaarto shacabka marka ay Ciidamada Qalabka Sida beegsanayaan horjoogeyaasha baxsadka ah.

Toddobaadkii tegay waxaa degmada Jilib ka dhacay duqeymo is daba-joog ah, waxaana la aaminsan yahay in la laayay madax iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin natiijada kama dambaysta ah ee howlgallada dhacay. Dowladda ayaa sheegtay in baaritaanno dheeraad ah ay weli socdaan.

Somalia denies US role in defense minister’s dismissal

Ankara, Turkey – Somalia has firmly denied claims that external pressure from the United States influenced the recent dismissal of its Defence Minister, Abdulkadir Mohamed Nur.

The Middle East Eye published a report on Tuesday suggesting Nur’s removal followed lobbying by the US military. According to the report, President Hassan Sheikh Mohamud reassigned Nur from the Defence Ministry to the Ministry of Ports on Sunday.

The move allegedly stemmed from Washington’s concerns about Nur’s efforts to deepen Somalia’s cooperation with Turkey in military, energy, and aerospace fields, which might slow down US military support for Somalia’s ongoing battle against al-Shabab.

Somalia-Turkey defense deal

The controversy highlighted a significant naval, trade, and defense deal between Somalia and Turkey signed in February last year during Nur’s tenure.

This agreement gave Turkey responsibility for protecting Somali waters, establishing a Somali navy, and assisting in exploring energy resources—an apparent reaction to Ethiopia’s naval agreement with Somaliland.

The report also cited unnamed Somali officials who claimed that US military officers had repeatedly urged President Mohamud to dismiss Nur, alleging inadequate coordination with American forces and demanding access to the agreement with Turkey.

In addition, recent US actions, including security alerts by the embassy in Mogadishu leading to flight cancellations, targeted airstrikes against ISIS leadership in Somalia, and cuts to funding for Somalia’s elite Danab Special Forces, were mentioned in the context of these tensions.

While Ahmed Abdullahi Sheikh, a former Danab commander, reportedly supported Nur’s dismissal, Turkish officials have downplayed its impact on bilateral ties, emphasizing that their relations with Somalia remain institutionally robust.

Somalia’s firm denial

Responding forcefully to the allegations, Somalia’s ambassador to Turkey, Fathudin Ali Mohamed told Middle East Eye, described the claims as “baseless and offensive,” asserting Somalia’s sovereign right to make independent government decisions.

In an emailed statement, Ambassador Mohamed said, “The insinuation that the United States dictated the dismissal of former Defence Minister Abdulkadir Mohamed Nur due to his ties with Turkey is not only baseless but also a grave affront to Somalia’s autonomy.”

He further highlighted that viewing Somalia-Turkey relations through the lens of a single individual’s role was overly simplistic, undermining the deeper strategic partnership between the two nations.

“We categorically reject the narrative that Somalia’s cabinet decisions are subject to foreign pressure. Such claims undermine credibility and distort the reality of our governance,” he stated, emphasizing that leadership changes in Somalia are guided solely by national interests and development priorities.

The US government has yet to comment on these developments.

Diyaarad ku soo socotay Muqdisho oo burburtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad xamuul ah oo ay saarnaayeen ugu yaraan afar shaqaale ah ayaa ku burburtay galabnimadii maanta meel qiyaastii 13km u jirta magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyo iyo saraakiil Soomaaliyeed.

Diyaaradda oo ah nooca De Havilland Canada DHC-5, laguna aqoonsaday lambarka 5Y-RPA, ayaa kasoo duushay degmada Dhoobley kuna wajahneyd Muqdisho xilligii ay dhacday. Dhammaan shaqaalaha diyaaradda la socday ayaa la sheegay inay yihiin muwaadiniin Kenyan ah.

Ciidamada Gaashaan ayaa loo diray goobta si loo baadi goobo wax un haraadi ah oo diyaaradaas iyo rakaabkii la socday laga ceymin karo, aagga deegaanka Jazeera ayaa la qiyaasay in diyaaradaasi ay ku dhacday.

Markii laga soo tago ciidamada dowladda oo safar dhulka ah Muqdisho uga baxay si goobta ay diyaaradaasi ku dhacday ay u raadiyaan, waxaa dhanka hawada ee aaggaas wareegayo diyaarado UN-ku leeyahay, welina lama helin goobta ay diyaaradaasi ku dhacday.

Goobaha looga shakisan yahay in diyaaradaasi ay ku dhacday ayaa laga waayey wax burbur ama dab ka kacay ah, maadaama ay u badan tahay in diyaaradu gubato, markii ay dhulka ku soo dhacdo.

Saraakiisha qaar waxay sheegeen in loo maleynayo in gudaha badda ay ku dhacday, intii baaritaanku socday waxaa la galay habeen, welina ma quusan Ciidamada ammaanka, kooxaha badbaadada iyo quburrada UN-ka ee goobta gaaray.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in la sugayo warbixin rasmi ah oo kasoo baxda kooxaha gaaray goobta shilku ka dhacay.

Ilo-wareedyo ayaa intaas ku daray in diyaaradda ay dhibaato farsamo la kulantay subaxnimadii Sabtida iyadoo ku sugnayd Dhoobley, hase yeeshee ciladdaasi la sheegay in la xaliyay ka hor inta aysan duulin.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa iyadoo baaritaannadu ay socdaan.

Daawo: Cosoble oo su’aal yaab leh hor dhigay Shariif, Kheyre, iyo CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo wareysi siiyey SNTV ayaa su’aal geliyey sababta siyaasiyiinta xil-doonka ah ay dowladda ugu garab istaagi la’yihiin dagaalka, isagoo si qeyn ugu mahad-celiyey madaxweyne Xasan Sheekh.

Cosoble ayaa sidoo kale farriin u diray madaxda dowlad goboleedyada, isagoo kula taliyey inay Tuutaha xirtaan oo dagaalka aadaan, sida Xasan Sheekh iyo Saciid Deni.

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur maa dagaalka aado, maxaa dhacay, Kheyre maa dagalka aado, Sheekh Shariif waaka maalin kasta shir jaraa’id lasoo taagane maa dagaalka hoggaamiyo dhulkiisii afarta tuulo Khawaarijta ka xoreysto, war maxaa dhacay?” Ayuu yiri Madaxweyne hore Cosoble.

Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay cidda ay xukumayaan ragaas xildoonka ah, hadii Shabaab dalkaan qabsado, isagoo ku taliyey in qofkii xil raba marka dagaalka loo diro.

“Hadii dagaalka aadan gelin, oo aadan taageerin, oo hadana aadan ka aamusin ee Khawaarijta aad dhiirigelineyso waa dhibaato, wax walba oo siyaasigu sheego. Shabaab-ku waa macneysanaayaan, ama kulanka baarlamaanka halaga sheego ama shir jaraa’id, inta soo jartaan intii warkiisa ka anfacda ayey leeyihiin waa taas waxaan idiin sheegeynay,” ayuu yiri Cosoble.

Sidoo kale, Madaxweyne hore Cosoble wuxuu taageeray halganka ciribtirka Khawaarijta ee Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu Tuutaha u xirtay.

“Sida Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ay Tuutaha u xirteen ee dagaalka u aadeen ayaan ka rabnaa in Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Laftagareen dagaalka u aadaan, war dadkiinii hadii cadow heysto yaad xukumeysaan?” Ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Cosoble.

Sidoo kale, Cosoble wuxuu farriin u diray Baarlamaanka, wuxuu sheegay in dowladda lagu soo duulay meel ay dood kasii wataana aysan xaaladu joojin, isagoo ugu baaqay inay furimaha tagaan oo ciidanka iyo bulshada ku hoggaamiyaan dagaalka Khawaarijta.

Hoos ka daawo

Puntland oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – War=saxaafadeed kasoo baxay taliska Booliska Puntland ayaa waxaa looga hadlay dagaal maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada booliska iyo kuwa kale oo ka tirsan PSF, waxaana ku dhintay ugu yaraan 2 askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in iyagu ay qaadeen howlgalka, isla markaana ay kusoo qabteen gaari bas ah oo horay looga dhacay xafiiska hanti-dhowrka maamulka Puntland, waxayna ku eedeeyeen in falkaasi ay ka dambeeyeen ciidamada PSF-ta.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen gaariga baska iyo gaari kale oo ay saarnaayeen ciidamada kale ay gacanta ku dhigeen, haatana ay wadaan baaris dheeraad ah.

Sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay askartii la socotay gawaaridaas ee dagaalka la galay ciidamada Booliska Puntland, sida lagu sheegay qoraalka.

“Gaarigan, oo la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, ayaa lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd. Markii ay ciidanka amniga isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa si ula kac ah rasaas ugu furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka PSF oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay Garoowe iyo eedeynta culus ee loo jeediyay.

Warsaxaafadeeda ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta hawlgal qorsheysan ku qabtay gaari bas ah oo horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Dawladda, kaas oo ay si sharci-darro ah u dhaceen maleeshiyaad isku ekeeysiiyay ciidanka amniga, kuwaa oo horay loo oran jiray PSF.

Gaarigan, oo la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, ayaa lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd. Markii ay ciidanka amniga isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa si ula kac ah rasaas ugu furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka Booliska Puntland, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga, ayaa si degdeg ah u jawaabay, iyagoo gacanta ku dhigay labada gaari iyo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa falkan gurracan.

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga.  Booliska Puntland waxay bulshada u caddeynayaan in aysan jiri doonin cid ka sarreysa sharciga, cid kasta oo isku dayda in ay carqaladeyso amniga shacabka ama ay ku takri-fasho awoodda dowladda, si kastaba ha isku qarisatee, lala xisaabtami doono.

Marka baaritaanku dhammaado, Boolisku waxay dadweynaha u soo bandhigi doonaan faahfaahinta dhabta ah ee kiiskan, si ay caddaaladdu u noqoto mid muuqata. Dowladda Puntland waxay mar kale ku adkeynaysaa go’aankeeda ah in aan la aqbali doonin kooxo hubeysan oo isku daya in ay dhibaato ku hayaan nidaamka iyo kala dambeynta.

Xasan Sheekh oo taleefan kula xiriiray Amiirka Qatar – Maxay ka wada-hadleen?

0

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, waxayna ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo taagan.

Amiirka Qatar ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u muujiyay in dalkiisu si buuxda ula garab taagan yahay taageero kasta, si cadowga Khawaarijta ah ay uga guuleysato dowladda Soomaaliya.

Amiirka ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku bogaadiyey dagaalka uu ku ciribtirayo Khawaarijta ee tuutaha uu u xirtay furimaha dagaalkana uu u joogo, isagoo cadesyey inay lama taabtaan agtooda ka tahay amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

Amiirka Qatar ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ka wareystay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee Muqdisho loogu geystay, maalintii uu u socday furimaha dagaalka.

Amiirka ayaa xaqiijiyay mowqifka adag ee dowladda Qatar ay ku taageereyso Soomaaliya, isagoo u rajeeyay caafimaad iyo badbaado dadkii ku dhaawacmay weerarkii Madaxweynaha lagu soo qaaday.

Dhankiisa, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qatar uga mahadceliyey garab istaagga walaaltinimo ee wanaagsan, isagoo aad ugu mahadceliyey Amiirka Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee mideeya labada dal iyo shacabka ee walaalaha ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sugan degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo hoggaaminta dagaalka iyo abaabulka ciidanka uu u joogo.

Somalia’s power paradox: How elite domination stalls national progress

Mogadishu, Somalia – In a land where the echoes of gunfire mingle with the whispers of clandestine deals, a silent battle for Somalia’s soul is being waged. Not on the battlefields, but in the opulent villas and clandestine meetings of the nation’s elite. Are they the architects of Somalia’s salvation, or the puppeteers of its perpetual crisis?

Somalia’s history, a tapestry woven with threads of resilience and ruin, has always been shaped by its elite. Defined by power, wealth, and influence, these individuals, from clan elders to tech tycoons, hold the keys to the nation’s destiny. But as Somalia teeters on the precipice of either unprecedented progress or a descent into deeper chaos, the question looms: can this elite class rise above self-interest and steer the nation towards genuine stability?

A Chronicle of control: Somalia’s evolving elite

From the dawn of independence to the digital age, Somalia’s elite has morphed and adapted, reflecting the nation’s tumultuous journey.

  • Pre-Independence: Clan elders, religious scholars, and a nascent class of colonial-educated bureaucrats laid the groundwork for a nascent nation.
  • Post-Independence: Political leaders and intellectuals sought to build a modern state, but the seeds of future conflict were already sown.
  • The Barre Era: The military regime centralized power, creating a new elite of military officers and state-aligned businessmen, while silencing dissent.
  • The Collapse: The abyss of civil war fractured the elite, giving rise to warlords and opportunistic businessmen who thrived in a stateless economy.
  • The Federal Era: Today, a complex web of politicians, business magnates, academics, and diaspora professionals grapple with the challenge of rebuilding a shattered nation.

The architects of progress? Or the engineers of entrenched division?

Somalia’s elite wields immense power. They shape policies, control vast economic resources, and influence public opinion. Yet, their actions often raise more questions than answers.  

  • Economic Titans or Parasitic Profiteers? While some business elites have fueled economic growth, others are accused of exploiting the nation’s vulnerabilities, enriching themselves at the expense of the masses.
  • Political Saviors or Clan-Bound Puppets? Politicians strive to build a functional government, but clan-based allegiances and entrenched rivalries often undermine their efforts.  
  • Intellectual Visionaries or Detached Academics? Academics and think tanks offer valuable insights, but their influence remains limited, often overshadowed by the raw power of political and economic elites.
  • Religious Mediators or Political Pawns? Religious leaders play a crucial role in peacebuilding, but their influence is sometimes compromised by political affiliations.
  • Diaspora Heroes or Distant Observers? Diaspora professionals bring vital expertise and investment, but their engagement is often hampered by mistrust and a lack of understanding of the complex realities on the ground.

The shadow of distrust: A widening gap between elite and citizen

A critical issue is the growing chasm between Somalia’s elite and its people. A lack of transparency, coupled with perceived self-serving actions, has eroded public trust.  

  • The Information Black Hole: Access to information is tightly controlled, creating an environment of speculation and suspicion.
  • The Clan Curse: Deep-rooted clan divisions continue to undermine national unity, with elites often prioritizing clan interests over the common good.
  • The Security Paradox: Persistent instability, fueled by extremist groups and internal conflicts, creates a climate of fear and uncertainty.
  • The Brain Drain: Educated Somalis continue to flee the country, depriving it of critical expertise and talent.
  • The Inequality Abyss: Economic growth has benefited a select few, leaving the majority of Somalis trapped in poverty.

A crossroads of destiny: Will Somalia’s elite choose nation over self?

Somalia stands at a pivotal moment. Its elite must decide: will they perpetuate the cycle of division and self-interest, or will they forge a new path towards unity and prosperity?

  • The Imperative of Unity: Overcoming clan divisions and fostering inclusive governance is paramount.
  • The Foundation of Strong Institutions: Building a functional judiciary, security sector, and civil service is essential.
  • The Promise of Equitable Growth: Ensuring that economic development benefits all Somalis is crucial.
  • The Power of Reconciliation: Addressing historical grievances through dialogue and conflict resolution is vital.
  • The Vital Role of the Diaspora: Leveraging their expertise and investment is key to national development.  
  • The Cornerstone of Integrity: Leading with ethical principles and accountability is non-negotiable.

The unseen hand: Elite influence and the future of Somalia

As the words of C. Wright Mills resonate, elites recognize and reinforce each other’s positions. In Somalia, this reality demands a critical examination of the power dynamics at play. Will they continue to operate within the shadows of self-interest, or will they step into the light of national responsibility? The choices they make today will determine whether Somalia becomes a beacon of hope or a cautionary tale.

About the Author

Prof. Abdinasir Ali Osman is a highly respected senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His career spans across the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond.

As a leading expert in humanitarian, governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his life to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development. His work has influenced policy decisions, empowered young professionals, and strengthened governance frameworks in fragile and conflict-affected environments.

You can reach him through email: [email protected]  

Maxaad ka ogtahay arrinta yareysay qaraxyadii Muqdisho? + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, oo maanta si rasmi ah xilka ugu wareejisay wasiirka cusub, ayaa ka hadashay arrin xasaasi ah oo ku saabsan amniga magaalada Muqdisho.

Fardowsa ayaa shaaca ka qaaday in sababta hoos u dhigtay qaraxyadii hore uga dhici jiray magaalada Muqdisho ay ahayd howl gaar ah oo ay qabatay wasaaraddeeda, iyadoo tilmaantay in gaadiidka lagu qasbay inay xirtaan taariko rasmi ah oo summad u gaar ah leh.

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqday in baraha koontaroolada ee ciidamada la geeyay lagu qalabeeyay agab casri ah oo lagu hubiyo gaadiidka kala gudbaya magaalada Muqdisho, si loo xaqiijiyo in ay yihiin kuwo diiwaangashan oo soo maray nidaamka wasaaradda.

Waxay sidoo kale xustay in labadii sano ee la soo dhaafay ay xoogga saartay wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, gaar ahaan mideynta sumadaha kala duwan ee gaadiidka dhex mara caasimadda iyo gobollada dalka.

“Qaraxyada waxaan ku yareynay inaan gaadiidka diiwaangelinay oo taariko ku xirnay. Muqdisho maanta waa adag tahay inuu maro gaari aan summad lahayn, halka markii hore ay jireen kuwo badan oo si xor ah u socon jiray,” ayay tiri Wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal khudbadeedii xil wareejinta.

Hadalkan ayay ka sheegtay munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo xilka si rasmi ah ugu wareejisay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuux. Munaasabaddaas waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Jaamac.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan laga dareemayaa deganaansho amni oo ballaaran, iyadoo si weyn hoos ugu dhacay weerarradii qaraxyada ahaa ee ay si joogto ah Al-Shabaab uga fulin jireen gudaha caasimadda. Hadda waxay kooxdaasi ku soo koobantay qaraxyada miinooyinka ah ee mararka qaar lagu aaso hareeraha waddooyinka.

Weerarkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa mid lala beegsaday kolonyada madaxweynaha toddobaadkii hore, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceelgaabta, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Isbeddelka ku yimid amniga caasimadda waxaa lagu micneeyay qorshayaal amni oo cusub oo ay hirgelisay dowladda federaalka, taasoo ciidamo badan geysay gudaha iyo duleedka Muqdisho, si ay u laba jibbaaraan howlgallada lagu sugayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, dowladda federaalka waxay xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, iyadoo garab ka helaysa shacabka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Hoos ka daawo muuqaalka

Wararkii ugu dambeeyay ee dhaq-dhaqaaqa madaxweyne Xasan ee Cadale + Sawirro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo weli ku sugan degmada Cadale, ayaa sii wada kulammo uu ku dardar-gelinayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan ayaa maanta mar kale qaabilay qayb kale oo ka mid ah bulshada gobolka, sida odayaasha dhaqanka, waxgaradka, hoggaanka Macawiisleyda, iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada ay howlgalladu ka socdaan, isagoo kala hadlay doorkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Sidoo kale, intii uu kulanku socday, Madaxweynaha iyo madaxda uu la kulmay waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in ciidamada lagu garab istaago halganka socda.

Waxaa sidoo kale lagu balamay in dadaallada la sii wado, isla markaana dib loogu laabto furimaha dagaalka si loo xoojiyo gulufka ka dhanka ah argagixisada.

Xalay, Madaxweynaha wuxuu sidan oo kale u qaabilay odayaal kale, waxgarad, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, guddoomiyihii hore ee gobolkaas, guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Muqdisho, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Shalay, waxaa Madaxweynaha Cadale uga daba tegay odayaasha dhaqanka Mudullood oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxaana Cadale ka socda abaabul dagaal oo xooggan, kaas oo la qorsheynayo in toddobaadkan natiijo laga gaaro.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dagaalka hoggaaminaya, uu ku haminayo in ciidda ka hor kooxda Al-Shabaab laga saaro gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay culeys weyn saartay.

Degmada Aadan-Yabaal, oo hadda ah difaaca ugu dambeeya ee ciidamada dowladda, waxaa maanta gaaray gurmad culus oo ka yimid Hiiraan, kuwaas oo lagu xoojinayo dagaalka Al-Shabaab, waxaana la qorsheynayaa in toddobaadkan la dardar-geliyo howlgalka.

Dagaallada u dhexeeya dowladda iyo kooxaha argagixisada ee ka socda Soomaaliya ayaa sii xoogeysanaya maalin kasta. Al-Shabaab waxay wadaan weerarro isdaba joog ah, halka dowladda ay ka go’an tahay in muddo kooban lagu soo afjaro kooxdaas.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa maanta ku dhawaaqday go’aan culus, waxayna u guureysaa furimaha dagaalka, sida lagu sheegay shir degdeg ah oo maanta ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada.

Hoos ka daawo sawirrada:

Arrin qarsooneyd oo soo baxday kadib Shabaabkii lagu arkay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed, oo qoraal soo saaray, ayaa si guud uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, culeysyada ka taagan duleedka Muqdisho iyo gobollada Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan howlgallo culus.

Cabdinuur ayaa marka hore bogaadiyay qorshaha madaxweynaha ee dagaalka, isaga oo xusay in madaxweynuhu habeenkii labaad ku hoyanayo furinta hore ee dagaalka si uu u dhiirrigeliyo ciidamada.

Waxaa kale oo uu si adag uga hadlay tallaabooyinka ay qaadayaan Al-Shabaab oo lasoo baxay xeelad cusub, kadib markii lagu arkay deegaanno aad ugu dhow magaalada Muqdisho. Wuxuuna tilmaamay in arrintaasi muujinayso in dhinaca dacaayadda ay hormood ka yihiin, marka loo eego tabinta warbaahinta dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Xasan oo habeenkii labaad ku hoyanaya degmada Cadale oo 220km u jirta Xamar, waxay muujinaysaa inay jirto cudud ciidan oo dhul fog lagu xasilin karo. Hase yeeshee, in Shabaab ay caawa dadka ku cabsi geliyaan Ceelasha Biyaha iyo Afgooye waa astaan muujinaysa in istiraatiijiyadda warbaahineed ee Khawaarijtu ay ka tayo sarreyso midda ay dowladda miisaaniyad malaayiin ah ku bixiso. Waa hubanti in dagaal aan dacaayad iyo qorshe warbaahineed oo tayo leh lagu garab wadin uusan guuleysan karin,” ayuu yiri agaasimihii hore ee warfaafinta madaxtooyada, Cabdinuur Maxamed.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in xukuumadda looga baahan yahay inay dib u qiimeyso warbaahinta dowladda, si ay u qaadato doorka kaga aaddan dagaalka socda.

“Haddii aan dagaalka dacaayadda laga hormarin kan qoriga, waxaa maalin dhaw la arki doonaa dad Shabaab ka cararay oo ka qaxaya dhul nabdoon iyo xaafado u dhow caasimadda,” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri Cabdinuur.

Qoraalka oo dhameystiran hoos ka akhri:

Khawaarijtu ma haystaan cudud gaashaandhig oo ay uga hortagaan dagaal fool ka fool ah Ciidamada Beelaha Macawiisleyda ee AK47 ku hubeysan, iskaba daa ciidan qaran oo tababar iyo agab ku filan haysta e.

Madaxweyne Xasan oo habeenkii labaad ku hoyanaya degmada Cadale oo 220km u jirta Xamar, waxay muujinaysaa inay jirto cudud ciidan oo dhul fog lagu xasilin karo. Hase yeeshee, in Shabaab ay caawa dadka ku cabsi geliyaan Ceelasha Biyaha iyo Afgooye waa astaan muujinaysa in istiraatiijiyadda warbaahineed ee Khawaarijtu ay ka tayo sarreyso midda ay dowladda miisaaniyad malaayiin ah ku bixiso. Waa hubanti in dagaal aan dacaayad iyo qorshe warbaahineed oo tayo leh lagu garab wadin uusan guuleysan karin!

Waxaa muuqata in sida khubarada warbaahinta dowladda ay wax noogu soo gudbiyaan uu ka macno badan yahay sida Cali Yare Cali oo qol mugdi ah dhex fadhiya uu wax noogu soo gudbiyo, mararka qaarna isagaaba noo soo alifa xoogaa aan ku nafisno oo run u yara eg, sida muuqaal duqeyn ah oo Ukraine laga fuliyay. Hadda waa “jeeb-ku-jire” oo kaligiis duul ah. Sow yaab maaha!

Haddii aan dagaalka dacaayadda laga hormarin kan qoriga, waxaa maalin dhaw la arki doonaa dad Shabaab ka cararay oo ka qaxaya dhul nabdoon iyo xaafado u dhow caasimadda.

Xukuumaddu dib ha isu qiimeyso, madaxweynuhuna saacadda Rolex-ka ah ee uu ku xarragoonayo isagoo aag dagaal jooga, gurigiisa Madaxtooyada ha uga tago, si ay ciidanku u dareemaan inuu la duruuf iyo la dareen yahay.

Dowladda oo ciidamo badan u dirtay waddada Muqdisho iyo Afgooye + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcihii qaaday tallaabo milatari oo lagu wajahayo culeyska ay kooxda Al-Shabaab ka abuurtay deegaanno u dhow caasimadda Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la geeyay waddada u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, si ay uga hortagaan xubnaha Al-Shabaab ee la sheegay inay halkaasi soo galeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu ka sameysteen bar-koontaroolo cusub waddada dhinaceeda, iyaga oo sidoo kale baaraya gaadiidka isticmaalaya waddada.

Tallaabadan ayaa ujeedkeedu yahay in looga hortago xubnaha Al-Shabaab ee mararka qaar kusoo dhuunta deegaannadaasi, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dhawaan ayaa sidoo kale la arkay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo taagan waddada maraysa deegaannada Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi, iyaga oo baarayay gaadiidka dadka rayidka ah.

Al-Shabaab ayaa Ceelasha Biyaha ka damisay layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, waxayna dadka deegaanka u sheegeen inay si nabad ah ku joogaan halkaasi. Lama soo werin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen markii ay halkaas yimaadeen.

Xaaladdan cusub ayaa cabsi xooggan ku abuurtay dadka deegaanka, waxaana arrintaasi dhalisay hadal-heyn ballaaran oo ka socota baraha bulshada, iyadoo dadku ay is-weydiinayaan sida ay kooxdaasi ugu suuragashay inay si sahlan ku gaaraan halkaasi.

Horay sidan oo kale ayay kooxda Al-Shabaab usoo gaareen degmada Balcad oo qiyaastii 35 KM u jirta caasimadda, halkaas oo ay muddo kooban haysteen ka hor inta aysan isaga bixin.

Dhinaca kale, gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa laga dareemayaa culeysyo cusub oo kooxda ay ku hayso shacabka iyo deegaannada, kaddib markii ay dib ula wareegeen tuulooyin horay looga saaray, waxaana hadda socda howlgallo culus oo lagu doonayo in lagu xoreeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa xirtay tuutaha, wuxuuna ku sugan yahay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Cadale, halkaas oo uu ka hoggaaminayo howlgallada ay iska kaashanayaan dowladda iyo shacabka deegaanka.

Soomaaliya ayaa haatan wajahaysa xaalad u baahan badbaado degdeg ah, maadaama Al-Shabaab ay wadaan weerarro is-daba-joog ah oo aan horay loo arag, halka awoodda ciidamada qaranka ay meelaha qaar hoos u dhacday, waxaana muuqda baahi weyn oo loo qabo abaabul xooggan iyo dadaal mideysan oo heer qaran ah.

Xogta DAGAAL sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal barqanimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Garoowe, xarunta gobolka Nugaal, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Puntland.

Dagaalkan oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa si gaar ah uga dhacay kantaroolka bari ee caasimadda Garoowe, wuxuuna dhexmaray ciidamada Booliska Puntland iyo ciidamo kale oo ka tirsan PSF, kuwaas oo ka yimid dhanka gobolka Bari.

Iska horimaadka oo socday muddo kooban ayaa sababay dhimashada illaa laba askari, halka ay dhaawacmeen afar kale, oo uu ku jiro taliyaha garoonka diyaaradaha Garoowe, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu ka dhashay markii ciidamada Booliska ay isku dayeen inay ka reebaan baabuur dowladeed oo ay wateen ciidamada kasoo jeeda Bari, balse ay arrintaasi diideen, taasina ay keentay in is rasaaseyn ay bilaabato, taas oo sababtay khasaare labada dhinac ah.

Dhinaca kale, weli wax war ah kama soo bixin madaxda Puntland, gaar ahaan talisyada Booliska iyo PSF, oo ku saabsan dagaalka dhacay.

Xaaladda goobta lagu dagaalamay ayaa hadda deggan, waxaana dhaq-dhaqaaqii magaalada dib ugu soo laabtay sidii caadiga ahayd, iyadoo ay goobta ku sugan yihiin ciidamada Booliska Puntland.

Labadan ciidan ee ka wada tirsan Puntland ayaa horey isugu dhacay marar badan, waxaana la xasuustaa dagaalkii culusaa ee ka dhacay magaalada Boosaaso.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo Puntland ay haatan dagaal adag kula jirto kooxda Daacish, iyadoo ciidamadeeda ay isugu geeyeen aagga buuraha Calmiskaad, si dhulka buuraleyda ah looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ujeeddadoodu tahay in si degdeg ah lagu soo afjaro dagaalka ka dhanka ah Daacish, iyadoo lagu wado in howlgalka la soo gabagabeeyo ka hor ciidda bisha Ramadaan, si guud ahaan looga xoreeyo kooxdaasi deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Tan iyo markii uu bilowday howlgalka, ciidamada Puntland ayaa ku dhaqaaqay dardar hor leh, waxaana la sheegay in muddo kooban lagu guuleystay in la maro saddex weji oo muhiim ah, iyadoo haatan la marayo wajigii ugu dambeeyay ee howlgalka, sida uu sheegay maamulka.

Cosoble oo meesha ka saaray kala jiidashada Xasan iyo Deni, dirayna farriin culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa qoraal uu soo saaray ku diray farriin culus oo ku saabsan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Dagaalkan oo ay hoggaaminayaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayuu Cosoble ku baaqay in aan la siyaasadeyn, isla markaana laga fogaado kala-qeybsanaan.

Sidoo kale, wuxuu codsaday in labada madaxweyne ee dadaalka adag bixinaya lagu garab istaago howlgalka socda, si si mideysan looga hortago kooxaha argagixisada ah oo fursad ka raadinaya kala qeybsanaanta bulshada.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa farriin gaar ah u diray madaxda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dowlad-goboleedyada, isagoo ugu baaqay inay ku daydaan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland.

Wuxuu intaas ku daray in xilligan aan loo baahneyn kala saarka mucaarad iyo muxaafad, maadaama uu dalku ku jiro marxalad dagaal oo u baahan midnimo qaran.

“Sida Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni tootaha u gashteen una aadeen furimaha dagaalka, waa in ay saddexda kale iyaguna u aadaan. Waa in la midoobaa oo si wadajir ah loo galaa dagaalka; mucaarad iyo muxaafidba waa waajib saaran,” ayuu yiri Cali Cosoble.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan ku sugan furinta hore ee dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay Al-Shabaab dib uga qabsadeen deegaanno horay looga saaray.

Dhanka kale, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynuhu ku hamminayo in kooxda Al-Shabaab laga saaro Shabeellaha Dhexe kahor ciidda, maadaama ay culeys badan kusoo kordhisay gobolkaas iyo deegaanno u dhow caasimadda.

Degmada Aadan-Yabaal oo hadda ah difaaca ugu dambeeya ee ciidamada dowladda, waxaa haatan gaaray gurmad culus oo ka yimid Hiiraan, kuwaasoo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la qorsheynayaa in toddobaadkan uu dagaalku dardar yeesho.

Dagaallada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ah ayaa sii xoogeysanaya maalin kasta. Al-Shabaab waxay wadaan weerarro is-daba-joog ah, halka dowladda ay ka go’an tahay inay kooxdaasi ku soo afjarto waqti kooban gudaheed.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha, Xamsa Cabdi Barre, ayaa iyaduna dhankeeda ku dhawaaqday go’aan culus, iyadoo la qorsheynayo inay u guurto furimaha dagaalka, sida lagu shaaciyay shir degdeg ah oo shalay ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Faah-faahinta qarax xooggan oo maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay waddada Warshadaha ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo gaystay khasaare u badan dhaawac.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeyso Ex-control Afgooye iyo Haanta-dheer, waxaana ku dhaawacmay illaa 5 qof oo shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay meel mashquul badan oo ay dadka ku badnaayeen, taas oo keentay in mar qura ay xaaladda ay isbedasho.

Sidoo kale qaraxa kadib ayaa waxaa hakad galay dhaq-dhaqaaqa waddada oo ay isaga kala gooshaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa raaxada, maadaama ay tahay waddada Warshadaha waddo muhiim ah oo aad u isticmaalaan dadweynaha Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaanno kooban ka sameeyay goobta, waxaana haatan caadi ku soo noqday dhaq-dhaqaaqa guud.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha amniga oo ku aadan weerarka qaraxa ah ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Khamiistii ayay ahayd markii laamaha amniga ay soo qabteen saddex nin oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana qaraxyo soo gelinayay caasimada, kuwaas oo ay soo bandhigeen laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale qaraxan ka horreeyay mid kale oo 18-kii bishaan Ceelgaabta lagula eegtay kolonyo galbineysay madaxweynaha oo kusii jeeday furimaha dagaalka.

Qaraxa ayaa haleelay mid kamid ah afarta gaari ee gaarka ah ee Madaxweynaha ee Buruufta ah oo nooca aysan xabaddu karin ah, waxaana mas’uuliyadda sheegtay kooxda Al-Shabaab oo shaacisay in qof uu is qarxiyey.

Weeraradan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ay sii kordhinayaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo ka saaraya godadkooda iyo meelaha ay kaga dhuumaaleysanayaan dhulka miyiga ah ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday in ciidamada qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka ay guulo waaweyn gaareen howlgalka ciribtirka Khawaarijta.