28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Faah-faahin: Socdaalka Madaxweyne Xasan ee Mareykanka iyo ujeedkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha ayaa ku sii jeeda dalka Maraykanka.

War saxaafadeedka ayaa lagu yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay ku  gaarayo dalka Maraykanka.

Waxaa safarkaan Madaxweynaha ku wehliyo Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha dibadda Marwo Fowziyo Yusuf Xaaji Aadan, iyo la taliya-yaasha Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa madax sar-sare ee ka tirsan dowladda Maraykanka. Kulamaadaas ayuu Madaxweynaha uga hadli doonaa sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya.

Boqashadaan ayaa waxeey tahay mid muujineyso sida ay uga go’an tahay Madaxweynaha adkeeynta xiriirka Soomaliya iyo Maraykanka.

Bilihii ugu danbeeyay ayuu Madaxweynaha safaro ku tagay dalalka Geeska Afrika, lana saxiixay heshiisyo laba dhinac ah. Heshiisyadaas oo ku aadan amniga iyo horumarka.

Si loo hubiyo, horumarka la gaaray. Dibna aan loogu noqon bur-bur Madaweynaha wuxuu diiradda saaray in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya ay la’leedahay beesha caalamka, si looga gudbo caqabadaha hortaagan amniga iyo horumarka ka jira Soomaaliya.

Safarkaan ayuu Madaxweynaha kala hadli doonaa dowladda Maraykanka amniga iyo horumarka oo 1 ka ah lixda Tiir Siyaasadeed ee Madaxweynaha. Sidoo kalena wuxuu la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka.

Si kastaba, waxa isna dalka Maraykanka shaley u ambabaxay madaxweynihii hore dowladdii KMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed kaasoo ka tagay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu ku noolaa tan iyo markii looga adkaaday doorashadii ka dhacday Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Tahniyad: Qadar iyo Anisa

0

C/Risaaq Maxamuud Diirye

Mowliid Maxamuud Diriye

Sugaal Maxamuud Dirye

Cali Dalabey,

Cabdulaahi Dalabey

Hooyo Madiino Macalin

Aabo Maxamed Axmed Dalabey

Iyo Aabo Maxamuud Didye Iyo

Hooyo Faadumo Cali

Fartuun Ciise Cisman

Fuad Maxamed Cali

Yusuf Xundubey

Salax Cismaan Dirye

Cabdulqadir Maxamuud Dirye

Axmed Cali Sheikh

Dhamaan Reer Dalabey Iyo Reer Dhagadheere Waxay Tahniyad Dhalasho U Dirayaan Qadar Maxamuud Dirye Iyo Aniso Maxamed Axmad Dalabey Oo Wiil Ugu Dhashay Wadanka Mareekanka Gaar Ahaan magaalada Wilmar e gobolka Minnesota, wiilkaasi waxaa loo bixiyay Kamaal Qadar, waxayno lee nahay kusoo bar baar diinta Islaamka.

Somaliland oo wada hadalladii ayada iyo Somalia war culus kasoo saartay

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in dib ay u billaaban doonaan wadahaddaladii u dhexeeyay maamulkaas iyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo u qabtay Hargeysa wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar ayuu ku shaaciyay inay dib u furmi doonaan wada-hadalladii u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay in wadahadallada labada dhinac ay daba joogaan kuwa kal hore ka dhacay London iyo Dubai bartamihii 2012.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuusan maamulkiisu aqbali doonin in shaqsiyaad ka soo jeeda Somaliland ay ka qeyb-galaan wada-hadallada ayagoo matalaya dowladda Soomaaliya.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegamaya iyadoo dhawaan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu shaaciyay hadal kan la mid ah oo la xiriiray dib u furmashada wada-hadallada u dhaxeeya labada dhinac.

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu kaga hadlay shirkiisan jiraa’id Maamulka Somaliland iyo Wadahaladii u socday Dowladda iyo madaxda maamulka Somaliland, isagoo rajo ka muujiyay inay dhowaantan bilaaban doonaan wadahadaladaasi.

Wuxuu yiri:- “Waxaan rajeynayaa in Wadahadaladani ay ka soo baxaan miro wanaagsan oo ay ku farxaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay inay wax lagu taamo tahay Midnimada ummadda iyo wadajirkeedu.

Bartamihii sanadkii tegay ayay ahayd markii ugu horreysay ee ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland si rasmi ah isu soo hor fariistaan tan iyo markii ay Somaliland iskeed ugu dhawaaqday inay gooni isu taagtay oo ay tahay dal ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

DF Somalia oo u yeertay dhammaan Safiiradda ka jooga dalalka Dibedda

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa u yeertay dhammaan danjirayaasha Soomaaliya u jooga caalamka, kuwaasoo lagala hadli doono qorshayaal cusub.

Sida ay Shabakadda Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda waxa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya u yeertay dhammaan danjirayaasha u matalaya Soomaaliya waddamada caalamka.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa wada qorshayaal cusub oo ay ku dooneyso siddii isbadal loogu sameen lahaa qaababka ay ku shaqeeyaan safaaradaha ay lee dahaya dibedda.

Waxa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hooggaaminaayo xogahayha koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Markii wafdiga ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayuu la hadlay saxaafadda waxana uu sheegay in wafdiga u yimaadeen magaalada Muqdisho ka jawaabid ay ka jawaabayaan u yeeris ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya u yeertay dhammaanba safiirrada,mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay dalka dibaddiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa damacsan siddii ay xilalka ugu qaadi lahayd dhowr danjirayaal oo Soomaaliya u fadhiya qaar ka mid ah waddamada caalamka, kuwaasoo dowladda aysan la dhicin qaabka ay u shaqeeyaan.

Waxa dhawaan soo baxay warar sheegaya in safaaradda Soomaaliya ay ku lee dahay Roma laga kireeyay shirkad qaabilsan dalxiiska oo laga lee yahay Talyaaniga.

Arrintaas ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya aysan la dhicin isla markaana lagu soo wargalin tallaabada uu qaaday Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) oo ah danjiraha Soomaaliya u fadhiya Roma iyo midowga Yurub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Dowladda Somalia oo camaabreysay weerarkii Faransiiska

Kulan gaar ah oo ay xalay xubnaha golaha wasiirada kuyeesheen xafiiska R/Wasaaraha Uuna Shir gudoominayay R/Wasaare C/faarax Shirdoon ayaa waxa ay uga hadlayeen Duqeyntii ay Ciidamada kumaandooska dowlada Faransiisku ay Ka sameeyeen Deegaanka Buula Mareer oo Ay Ku doonayeen inay Kusoo furtaan sarkaal Faransiis ah Oo Sanadkii 2009 laga afduubtay Magaalada Muqdisho duqeyntaas oo wax yeeshey dad Shacab ah oo ka agdhawaa goobta ay Argagaxisadu kuheysteen sarkaalkii u dhashay dalka Faransa waxa ayna xubanaha golaha Wasiirada kulankoodi xalay Ku cadeeyeen In Ay aad uga xunyihiin arintaasi.

Dowladda Soomaaliyana ay cambaareyneyso waxa ayna sidoo kale xubnaha golaha Wasiirada Katacsiyeeyeen dadkii Soomaaliyeed ee Ku geeriyooday duqeyntaasi Iyo Dadka Dowladda Faransa uga geeriyooday weerarki Buula Mareer.

R/wasaare Kuxigeen ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Ayaa markii uu soo gabagaboobay Kulankii ay xalay yeesheen golaha wasiirada Xukuuumada Soomaalya lahadashay Warbaahinta Qaranka waxa ayna tilmaamtay in Xukuumadu ay Ka Xuntahay raalina Ka aheyn duqeymihii Dowladda Farinsiisku ay Ka Sameeyeen deegaanka Buulo Mareer ee gobalka Sh/Hoose.

Dhinaca kale wasiirka ariimaha dibada Soomaaliya ayaa tilmaamtay in guul ay dowlada Soomaaliya Ka gaartay Burcad Badeeda Soomaalida ah iyadoo loo marayo hab wada Hadal Taasna ay suurta galisay in si shuruud La’aan ah ay Kusoo daayaan dad Ay Heysteen Burcadu Iyadoo sidoo kale R/wasaare kuxigeenku faraxad Ku tilmaamtay in Tiro Burcad Badeed ah oo Gaaraya 120  ay isisoo dhiibaan.

Habeen kahor ayey aheyd markii deegaan Kuyaala gobalka Sh/Hoose ay Ka fuliyeen Diyaaradaha dagaalka Faransiisku howlgal ay Kusoo Furanayeen Denis Alakis oo 2009 Laga Afduubtay magaalada Muqdisho howlgalkaasi oo Qasaaraha Ka dhashay Ilaa hadda Ay Faahfaahino dheeraad ah Kasoo Baxayaan, iyadoo Faransiiskuna war ay Kasoo Saartay Howlgalkaasi lagu Sheegay in hal Askari Iyo Denis Alakis oo ay afduubka u Heysteen Al Qaacida Ay Ku geeriyoodeen howlgalkaasi.

Amin Arts oo Sawir Cajiib ah ka Sameeyay Madaxtooyada Somalia

0

Farshaxaniistaha Weyn ee Amin Arts ayaa Sawir Cajiib ah ka sameeyay madaxtooyada Somalia, taasi oo ah in Madaxweynaha cidii dooneysa Balantiisa ay bixiso Lacag waa sida Sawirka uu Muujinaya.

Cartoonada uu Sameeyo Farshaxaniistahaan ayaa ah kuwo dadka soomaaliyeed ka qosliya oo mar kasta u soo daawasho taga Cartoonada Cajiibka ah ee uu Sameeyo Farshaxaniistahaan Amin Arts.

carton

Sheikh Shariif oo ka tagay Kampala

Kampala (Caasimada Online) Sida ay u sheegeen Shabakadda Caasimada Online illo lagu kal soon yahay madaxweynihi hore ee DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku sugnaa magaalada Kampala tan iyo markii looga adkaaday doorashadii September 2012-dii, ayaa la sheegay in uu aaday dalka Maraykanka.

Shariif Sheekh Axmed oo laga siiyay magaalada Kampala ee caasimada Uganda isaga iyo qoyskiisa, ayaa la sheegay in uu shaley u duulaymagaalada Washington ee xarunta dalka Maraykanka.

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Cabdixakiim Fiqi oo hoygiisa Kampala ku booqday Madaxweynihii hore Shariif Axmed
Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Cabdixakiim Fiqi oo hoygiisa Kampala ku booqday Madaxweynihii hore Shariif Axmed

Muxuu salka ku hayaa socdaalkiisa?

Sida ay sheegeen dad ku dhow-dhow Shariif Sheekh Axmed ayaa u aaday Washington siddii uu casharo ku saabsan dowlad wanaaga iyo dimiquradiyadda uga bixin lahaa Jaamacad halkaas ku taalla oo lagu casuumay.

Waxa kaloo la sheegay inta uu joogo jaamacadda Washington University in uu ardayda u faah-faahin afartii sano ee dowladdiisa ku-meel-gaarka wax yaabaha ay u qabatay dalka ku yaalla geeska Africa.

Waxa ku dhaweeyay garoonka Entebbe ee Uganda , wasiirka gaashandhigga Soomaaliya Cabdi Xakiin Maxamud Xaji Fiqqi iyo safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Uganda Seyd Axmed Sheeq Dahir.

Illaa hadda lama sheegin sababta keentay in Shariif Sheekh Axmed uu casharo ka bixiyo Jaamacadda G. Washington ee magaalada  Washington .

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Wasaaradda Howlaha guud ee DF oo ku dhowaaqday war farxad leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Howlaha guud,  Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Somalia ayaa ku dhawaaqday war lagu farxo oo ku saabsan waxbarashada dalka.

Muxiyadiin Maxamed Kaalmooy oo ah wasiirka wasaaraddaasi ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda ay dhowaan bilaabi doonto dib u dhiska goobihii Waxbarashada dalka ee ee ku burburay dagaaladii sokeeye.

Kaalmooy  ayaa sheegay in Wasaarada ay ka go’antahay dib u dhiska xarumihii dowladda iyo Kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo intaa ku daray howlahaasi ay goor dhow Wasaaraddu bilaabidoonto.

Waxa uu sidoo kale ka dalbaday umadda Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan howlahaasi dib u dhiska dalka.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in kulankii golaha wasiirada looga hadlay Sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadii waxbarashada ee lacag la’aanta ahaa sidaasi darteedna ay wasaaraddu bilaabi doonto dib u dhiska dugsiyadii waxbarashada ee ku burburay dagaalada, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ay wasaaraddu si hufan u gudandoonto howlaha ay bulshada u heyso.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Askar shacab dhibaateynaysay oo la qabtay (Maxaa ku dhacay kadib?)

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa  AMISOM oo isgarabsanaya ayaa gacanta kusoo dhigay askar ka tirsan dowlada kuwaasi oo dhibaato ku hayay shacabka ku dhaqan Shabeelaha Hoose,sida masuuliyiinta maamulka ay sheegeen.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Siidii,oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in askartaasi ay ku sugnaayeen degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo degmada Afgooye ee isla gobolka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in askartaasi ay ka wadeen degmooyinkaasi Kufsi iyo dhac loo geysanayay dadka shacabka ah ,isagoo sheegay in maxkamad lasoo taagi doono sida uu hadalka u dhigay.

Ku dhawaad 7 askari ayuu sheegay in gacanta ay kusoo dhigeen ciidamada dowlada kuwaasi oo xabsiga la dhigay,maadaama ay dhibaateynayeen shacabka ku dhaqan degmada marka iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Arinta kasoo yeertay maamulka gobolka Shabeelaha hoose ayaa imaanaya iyadoo dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmooyinka gobolka mudooyinkii ugu dambeeyay ay kasoo yeeraysay cabasho ku aadan dhibaatooyin ay kala kulmaan ciidamada dowlada.

Iibinta guryaha iyo dhulalka Muqdisho oo digniin culus laga soo saaray.

Nabadda kasoo bidhaantay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ayaa keentay in magaalada dad badan ay ku qul qulaan, ayaga oo ka imanaya caalamka daafahiisa iyo gobollada kale ee Somalia.

Waxaa sare u kacay iibsiga dhulalka, guryaha, dhismaha iyo kirada guryaha, ayaga oo dad badan ay iibsanayaan guryo iyo dhismooyin lacag qaali ah lagu kala gadanayo.

Hase yeeshee waxaa taas daba socda in dad badan la siray oo laga iibiyay dhulal iyo guryo kuwa sheeganaya aysan lahayn, taasina ay keentay inay meel cidlo ah kusoo dhacaan markii dadkii dhabta u lahaa ay soo baxeen.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa haddaba arrintaas ka digay, waxaana uu shacabka ugu baaqay inaysan is waalin oo aysan qaadin duufaantan.

Maamulka waxa uu dadka iibsanaya iyo kuwa iibinayay guryaha ugu digay inay si deg deg ah u joojiyaan, ayna ka war sugaan illaa maamulka si dhab ah uga sameynayo shaqaale iyo hay’ado awood u leh oo arrintan kala furdaamiya.

Waxa uu maamulka sheegay in ciddii iibsata guri aysan lahayn iyo kan iibiyayba ay xabsi geli doonaan, ayna usii dheer tahay in wixii lacag ah ee halkaas uga luma aysan dib u heli doonin, gurigana ay qaadan doonaan kuwii lahaa.

Maamulka gobolka ayaa sidoo kale ugu baaqay in dadka iibsanaya guryo ay hubaan milkiyaddisa in ayaga xitaa ay dib u dhigaan, si maamulka awood ugu yeesho in iibsashadooda la sharciyeeyo.

Dad badan oo dhowaan kumanaan kun oo dollar guryo looga iibiyay ayaa meel cidlo ah kusoo dhacay, kadib markii ay caddaatay in dadka ka iibsaday ay wateen aysan ahayn kuwii dhab ahaan lahaa guriga.

Daawo Video Cajiib ah: Koox Tuugo ah oo 1 Daqiiqo Bank ku dhacay.

Weli ma aragtay Aqristoow Bank 1 daqiiqo lagu dhacayo waa kanaa ee nala Daawo Koox Tuugo ah oo xariifiin ah oo ka yaabsaday Caalamka.

Aqristoow Video ayaan idiin soo xulnay ee nala wadaag waa Video lagu duubay kaamirada Qarsoon ee aan la arki kareyn.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO:

Ma tahay Qof rumeysan Allaah iyo Rasuulkiisa Muxammed (NNKH)?

Keligey ayaan ahaa, waxaan kujiray qol gaara, waxaan damcay inaan sameeyo xumaan. Aniga xumaan uma arkaya waxaas. Waxaan damcay inaan netka furo, heeso aan dhagaysta, sawirra xun xun aan daawado, aan dad caayo, anigoo waxyaabahaas oo dhan jecel inaan waqtiga ku dilo. Markii aan isu soo diyaariyey howlahaas inaan gudo galo, yaa waxaan is weydiiyey anigoonan jecleen inaan isweydiiyo su’aalo dhowr ah.

Yaan ahay anigu? Muslim sowma ahi?

Maxaan ku ahay Muslim? Sowma rumeysni nebi Muxammad (NNKH)?

Haddiiba aan rumeysnahay nebinnimadiisa markaas xaqiiqdii waxaan rumeysanahay jirintaanka Ilaahay.

Ma jecli doqonnimada, laakiin wixii uu igu yiri shaqsigii aan rumeysnaa, iyo wixii uu iga reebey iyo wixii uu i amray haddii aanan ka reebtoomin, oo aanan falin, markaas sow doqon u bareeray ma noqonaya ciqaabta arrinkaas?

Waxaan isweydiiyey yaa ciqaabtaasi fulinaya?

Wuxuu shaqsiga aan nebinnimada u rumeyey (NNKH), ii sheegey in uu Ilaahay fulinaya.

Haddaba warkaasi waa run xaqiiq ah.

Tusaale ayaan soo qaatay.

Haddii uu boqorka magaalladeyda uu nin iisoo dira oo uu igu yiraahda waxaas iyo waxaas haddaad samayso waalagu ciqaabi dab ayaana lagugu gubi, dabeetana uu iisoo dira rag iga ilaaliya waxa la iga reebey oo haddii aan falo u sheega boqorka. Markaas digtooni ayaan samayn lahaa si dhab. Markaas ma dhagaysan lahayn heesta haddii uu boqorka iga reebey anigoo ka cabsanaya ciqaabtiisa dabka, markaas ma beenin lahayn warka ninka uu iisoo direy, markaas ma daawan lahayn sawirro xun xun haddii uu iga reebi lahaa, markaas markaas, markaas, markaasi ma samayeen wax walboo uu iga reebey. Waana fulin lahaa wax walboo uu i amray.

Ninka aan sidaasi uga baqaya ee boqorka ah, ciqaabta ugu weyn ee uu i marsiin kara haddii aan amarkiisa khilaafo waxay tahay inuu halmar i gubo oo aan sidaas kudhinto.

Ka warrama Allaha weyniga badan ee keliga ah ciqaabtiisa, haddii aan caasiya nebigiisa iyo isaga. Haddii aan falo wuxuu iga reebey asagoo ii jeedo. Waa ciqaab naar olal badan oo 70 000 darajo ka xanuun badan dabka adduunka, waana mid aanan halmar ku dhimanayn ee aan weligey ku jiraya.

Haddii aan waxaas oo idil aan iska indha tira oo aan xumaantaasi ku dhiirada.

Wallaahi doqon baan ahay, mana rumeysni ciqaabta Alle, iyo jiritaankiisa, iyo Rasuullimada nebigiisa.

Haah!! maxaa yeeley haddii aan sidaas sameeyo, waxay ila tahay dhalanteed warkan la sheegaya, waxaana iga dhaadhacsan in lagu iman doono nooc riyo riyo ah oo aan xaqiiq ahayn.

Oo ma intii aan arkay dalaa’il iyo xujooyin cad cad oo agta Rabbigey ka yimid ayaan sidaas sameeynayaa? Ma waxaan dafiri karaa abuurkii hore, ee Ilaahay iyo in nolasha adduunyada ay iyadu tahay midda riyo riyada ah tan xaqiiqadana aan geli doonna marka aan tan adduunka ka toosno oo aan dhimanno?

Waxaan damcay inaan waxaas oo idil dafira oo aan laad ku maro, anigoo is illawsiinaya, kana qoomameynaya sababtii aan isu weydiiyey su’aalahaasi.

Waxaan durba soo xasuustay hadal laabta ii qaboojiyey oo aan kala soo dhex baxay kitaabka aan qaadan waayay wuxuu iga reebaya, kaasoo ah ”Alle waa qafuuru raxiim”.

Aad baan u farxay.

Haa Alle waa qafuuru Raxiim, naxariis badan, wuuna ii dembi dhaafi doonaa ayaan iska dhaadhiciyey.

Ku qabso ku qadi meysid ayay sheekadii ii noqotay. Laakiin xaal wuxuu is baddalay markaan soo xasuustay inay daran tahay ciqaabtiisa (Shaddiidul Ciqaab).

Labo dariiq ayaa ii furmatay oo ah

In aan waxa kan xumaanta aan sameeyo, oo aan noqdo qof aanan yaqiinsaneen yaqiin dhab ah iyo xaqiiq in la isasasoo saaraya, oo la is xisaabinaya (laakiin afka ka yiraahda soo saariddu waan rumeysanahay iyo ciqaabtuba).

Ama in aan waxan ka reebtooba, oo aan noqdo qof yaqiinsan yaqiin dhab ah, kana cabsada carada Alle.

Markaasaan xasuustay weynida Alle, oo waxiday, oo aan ku xamdiyey, oo aan weyneeyey. Allaahu akbar.

Walaalkay Muslimka ahaw, walaashey Muslimadda ahay, is weydii xumaan marka aad samayneyso, ma ogtahay inaad dafireysa jiritaanka Rabbi, ma ogtahay inaad dafireysa rumeynta nebi Muxammad (NNKH), ma ogtahay inaad dafireysa isasoo saarka Qiyaamaha iyo Janno iyo naar.

Nebigu (NNKH), wuxuu yiri ”Qof Muslima ma sinneysto”. Macnaha iimaankii (rumeyntii xaqa Qiyaamaha, isasoo saarka, naar iyo Janno) ayaa laabtiisa laga saaraa, markaasuu xumaanta ku dhacaa. Wal ciyaadu billaah.

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]

Duleedka Gelinsoor oo lagu dagaalay

Caasimada Online ayaa warar dheeraad ah ka heshay dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka degmada Gelinsoor ee gobolka Mudug ,kaasi oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed wada dega deegaanada gobolka Mudug iyo ximan iyo xeeb,waxaana la sheegayaa inaan la ogeyn waxyaabaha keenay dagaalka ka dhacay xalay duleedka degmada Gelinsoor.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayay isku adeegsadeen labada dhinac,dhawaqa rasaasta waan ka seexan weynay”Sidaa waxaa caasimada Online u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka degmada Gelinsoor.

Sida wararka aan ku helayno lix ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalka oo xilli habeen ah dhacay,waxaana ku dhaawacmay dad kale oo badan  oo isugu jira dadka dagaalamay iyo dadka deegaanka.

Deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa degmada Gelinsoor u jira qiyaasti 40 Km dhanka waqooyi Galbeed,waxaana la sheegayaa in beelaha dagaalamay marar badan ay ku dagaalameen halkaasi.

Daawo Sawirrada: R/W Saacid oo soo bandhigay ajaanib lasoo furtay

Moqdisho, 12, jan, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” oo galabta shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku soo bandhigay sadex nin oo ay burcad badeed afduub u haysteen in ka badan labo sanadood, sadexda nin ayaa u dhashay dalka Siiriya waxaana la kala yiraahdaa Ridwaad Khaalid Daaha, Mu’ayid Hani Weliyow iyo Yahye Cali Cabsi.

Ra’iisul Wasaare “Saacid” oo ka warbixinaya qaabka loo soo daayey iyo dareenkiisa ayaa yiri.

“Aad waxaan ugu faraxsanahay in ay dib u helaan xorriyadooda, runtii si aan waafaqsanayn shuruucda caalamka iyo xuquuda bini’adamka ayaa xorriyadooda looga haystay muddo ka badan labo  sanadood, kadib markii la afduubtay iyagoo la socday markab la yiraahdo  Orna  oo ay wateen bishii Dec, 2010. Waa nasiib daro mana jirto wax sharaxaad ah oo laga bixin karo sidii ay u waayeen xoriyadooda, shacabka Soomaaliyeedna waa ka tacsiyeeynayaan in muddo intaas le’eg la haysto dad aan waxba galabsan. Waxaan halkaan uga soo jeedinayaa mahad naq balaaran maamulka Ximin iyo Xeeb oo ay nala jooggaan qaar ka mid ah masuuliyiintooda oo xil iska saaray sidii   la haystayaashaan u dhashay dalka Siiriya ay dib ugu heli lahaayeen xoriyadooda mana jiraan wax madax furasha ah oo laga bixiyey siidayntooda”

Dhankakale  Ra’iisul Wasaare “Saacid” ayaa sheegay sida ay dadka Soomaaliyeed ugu qanacsan yihiin dowladooda cusub una garab taagayn yihiin.

“Tani waxay markhaati ka tahay sida ay ugu kalsoon yihiin shacabka Soomaaliyeed  dowladda cusub  oo muddada gaaban jirtay, waxaana muuqata sida Burcad badeedku u qaateen baaqa dowaldda  oo ahaa in dadka ku howlan burcad badeednimada ay faraha kala baxaan. Sidoo kale dowaldu waxay balan qaadaysaa inta ay jooggaan muwaadiniintaan u dhashay dalka Siiriya  magaalada Muqdisho in ay dowladu bixinayso kharashkooda, ayna damaanad qaadayso amnigooda, sida ugu dhaqsaha badana dowladdu ugu diyaarinayso tikidhadii ay ku aadi lahaayeen dalkoodii,  arinkaasna wuxuu ka turjumayaa dhaqanka wanaagsan ee Islaamka. Waana ka xunahay wixii gaaray mana ahayn go’aan dad Soomaaliyeed ay gareen ee waa arin ay ku dhaqaaqeen dhalinyaro caadaystay burcad badeednimo”

Sidoo kale Ridwan Khaalid Daaha oo ka mid ahaa ragga loo haystay afduubka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxanyahay in ay dib u helaan xorriyadooda, isagoona u mahadceliyey dowladda Soomaaliya sida wanaagsan oo ay gacanta uga geysatay siidayntooda iyagoon  bixin wax madax furasho ah.

Arritaan ayaa ku soo beegantay iyadoo Burcad badeed gaaraysa 100 ay ka tanaasuleen falalkii xumaa ee ay gacanta kula jireen muddooyinkii u danbeeyey, isla markaana maalmo ka hor lasii daayey saddex nin oo u kala dhashay waddamada Siiriya iyo Sirilaanka, kadib markii ay isku howshay sii dayntooda dowladda Soomaaliya.

—-Dhamaad—-

Daawo Sawirrada

rw (1)rw (3)rw (4)rw (7)rw (8)rw (9)

Daawo Muuqaalkaan Yaabka Badan.

Muuqaalka Maanta Aqristoow waa Muuqaal La Yaab leh oo aan u arkay mid marka aad aragtaan aad la yaabeeysaan  kaas oo ah Aroos Xabado loo ridaya hadane Xabadahaasi halis qatar ah oo sababi karto dhimasho.

Hadaba Aqristoow Daawo ma dabaal dagmaa sidaan mise waa cawaanimo waan la yaabnee nala arag adinkana Aqristayaasheena Qiima Badan.

HALKAAN HOOSE RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GA: