28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

XOG: Fowsiya oo Baarlamanka looga yeerayo si looga xaqiijiyo midnimada

Wasiirka arrimaha dibedda Somalia, ayaa su’aalihii ay ka war wareegtay markii ay warbaahinta wareysi siisay, waxaa lagu hor weydiin doonaa Baarlamanka Somalia, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo horey magaalada Hargeysa uga sheegtay inay u dhiman doonto gooni isu taagga Somaliland, ayaan ilaa iyo hadda si cad u qeexin, haddii mowqifkaas ay ka laabatay iyo in kale.

Fowsiya ayaa sidoo kale carro xoogan ku abuurtay Somalia markii wareysi ay bixisay ku tiri “Somalia waa dalkeyga, Somaliland-na, waa dalkeyga”, ayada oo markaas Somaliland oo ah qeyb ka mid ah Somalia ku qeexeysa dal madax banaan.

Caasimada Online ayaa xog ku heshay in xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somalia ay wadaan qorshe Fowsiya lagu horkeenayo baarlamanka, si ay u caddeyso waxa ay ula jeeday faalloyinkaasi.

“Somalia ma ahan laba dal, oo waa hal, Somaliland-na waa qeyb ka mid ah Somalia, sidaa darteedn ayaynu ka dooneyno inay si cad u qeexdo hadalkeeda” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada wada qorshaha Fowsiya lagu hor geynayo Baarlamanka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, sababo la xiriira qorshaha oo weli qabyo ah.

Waxa kale oo uu sheegay in dowladda dhexdeeda uu ka jiro tuhun xoogan oo ku aadan Fowsiya, isdaa darteedna la doonayo in wax kasta la kala caddeeyo, oo arrintan ay meel u dhacdo.

Sida xildhibaanka inoo sheegay waxaa Fowsiya looga wici doonaa Baarlamanka, marka ay kasoo laabtaan fasaxooda kadib markii uu xirmay kalfadhigoodii ugu horeeyay, ayada oo tirada xildhibaanada aadka ugu carreysan Fowsiya ee wada tallaabadan ay gaarayaan illaa 45.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa marka ay warbaahinta la hadleysa waxa ay isku daydaa inay farxad geliso labada dhinac ee Somalia iyo maamulka Somaliland, ayada oo diidan inay midnimada Somalia ka dhigto muqaddas.

Waxa ay sidoo kale nasiib u yeelaty oo wareystay weriyayaal aan sidii la doonayay u weydiin s’aalaha si hadaladeeda ay u kala saarto.

Daawo Video: Ilmahaaga yar ma hor dhigi lahayd Libaax raba inuu cuno?

Mararka qaar fara ka cayaarka, waxa uu gaaraa meel aan loo baahneyn. Qoysas Mareykan ah ayaa ilmahooda yar yar hor dhigaya Libaax, ayaga oo ay cayaar ka tahay, balse waxaa ka xiga Muraayad. Video-ga waxaad ka arki doontaa Libaaxii oo u bax baxsanaya ilmihii yaraa inuu cuno, balse ka waran haddii muraayadda jabto oo uu kasoo dhex baxo, illeen wax kasta waa suurta gal’e. Bal nala daawo video-gan adaa yaabi doonee.

Wariye Cabdi Casiis koronto oo wali la baadi goobayo, kadib markii…..

Waxaa walli baadi goob loogu jiraa halka lala aaday Wariye Cabdicasiis Cabdi Nuur Ibraahim “Koronto”, oo dhawaan ay xerteen ciidamada booliska Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaanan la  ogeyn halka ay la aadeen ciidamada booliska ,wallow la sheegay inay ku warejiyeen ciidamada hayada Nabad sugida ee magaalada Muqdisho.

Wariyaal ka tirsan Radio Dalsan oo la hadlay Caasimada Online xafiiska Muqdisho ayaa sheegay in ilaa iyo iminka wax hadal ah aysan ka heynin wariyaha iyo hayada Nabad sugida ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ilaa iyo hadda lama hayo sababta keentay xariga wariye Koronto oo ciidamada booliska ay xereen islamarkaana ku wareejiyeen hayada nabad sugida qaranka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wariyaha loo heysto warbixin dhawaan uu baahiyay Tv-ga Aljazeera ee xaruntiisa tahay dalka Qatar,taasi oo ku aadaneyd kufsiga lagu hayo haweenka ku nool xeryaha barakacayaasha ee kuyaala magaalada Muqdisho.

R/W Saacid oo soo bandhigay wax qabadka xukuumaddiisa

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mduane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa galabta Warbaahinta Shir jaraa’id ugu qabtay xafiiskiisa, isaga oo faah faahin dheer ka bixiyay waxqabadka Xukuumada ee mudada 55-ta maalmood ah ee ay jirtay, waxana uu si gaar ah diirrada ugu saaray Midnimada iyo Wadajirka ka dhaxeeya hay’addaha sare ee Qaranka, sida Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Xukuumaddiisa.

“Maanta waa maalintii 55-aad ee Xukuumadda Isbedel-doonka ah ee Soomaaliya ka dhalatay, Baarlamaankuna ansixiyay November 16, 2012,  Xubnaheeda iyo Barnaamijkeeda Waxqabadka”.

“Maanta waxa aan mareynaa kala bar 100-kii maalmood ee ugu horeysay ee Xukuumaddan, Waxaanan doonayaa inaan caddeeyo himilada Xukuumaddeena ee Isbedel-doonka ah.

Ra’iisal Wasaare Saacid waxa uu ku darey: “Marka hore, waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in aan ka hortagnay wixii dawladihii hore curyaamin jiray. Waxaa jiri jirtay in khilaafaadyo soo dhexgalaan hay’addaha ugu sareeya  Dowladda Sida, Madaxtooyada, Xukuumada iyo Baarlamaanka, wax ka sokeeya Wadajir waxba kuma suurtagali karaan, sidaasi owgeed, waxaan xoogga saarnay midnimada iyo wada shaqeynta saddexdan hay’addood, waxaana u shaqeynaa sida ugu wanaagsan uguna quruxda badan si ay u hirgalaan howlihii Dayacmay ee Dowladda”.

Waxqabadka iyo Dhaqanka Xukuumada:

Soo celinta Dawladnimada waxaa saldhig u ah u adeegga Shacabka Soomaaliyeed. Sidaa awgeed Xukuumaddeydu waxay xoogga saartay 100-ka maalmood ee ugu horreeya in ay muujiso in ay shacabka u adeegeyso. Sidaa awgeed, waxaan goostay in aanaan ka bixin dalka gudihiisa mudaddaasi. Waxa aan doonaynnaa in marka hore aan kasbanno kalsoobnida dadweynaha oo aan ku dadaalno waxqabadka iyo baahinta adeegga Dawladda annagoo ku tashanaynna awoodeenna. Marka aad taas muujiso ayuu imaan doontaa taageerada kale ee caalamkuna.

Xiriirka Caalamka iyo dalalka Deriska:

Xiriirka aynu la leenahay Caalamka iyo Dalalka Deriska ah ma jiro maanta maalin uu ka wanaagsan yahay. Maalin kasta wey noo yimaadaaan, waanan u tagnaa waxaanan u wada shaqeynaa si aad u dhow. “Waxa arrintaas tusaale u ah booqashooyinkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh oo si wanaagsan loogu soo dhoweeyey dalalkii uu tagay oo dhan. Haatana uu ku tegi doono dalka Mareykanka oo uu casuumaad rasmi ah ka helay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Saacid.

Dhanka Ammaanka:

Markii uu ka hadlayey sugidda Ammaanka gudaha waxa uu Ra’iisal Wasaare Saacid yiri: “Ammaanka Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Ra’iisal Wasaaraha oo lagu qaado gaadiid Gaashaaman ma ahan amniga, balse sugidda Amniga ee Muhiimadda inoo leh waa midka dadweynaha” auu sheegay Ra’iisal wasaare Saacid waxana uu ku darey: “Isbaarooyinkii ka badnaa 60-ka, maanta hal kama yaallo, waana siyaasadda sugidda amniga dadweynaha iyo xasiloonida il gaar ah ayaan ku heyneynaa, intii yareyd ee aanu jirnayna in ka badan 7 Milyan oo Dollar ayaannu u qorsheynay inaannu ku sugno ammaanka dadweynaha, adinka oo ka war qaba tabarta Dowladda, runtiina wey ku yartahay, sababtoo ah ammaanka dadka waa muhiimadeena koowaad”.

Argagixisada iyo Kooxaha Nabad-diidka ah:

Ra’iisl Wasaare Saacid waxa uu yiri: “wey naga go’antahay inaanu la dagaalanno Argagixisada hubeysan, waana baabi’ineynaa, waanan ka sifeyneynaa dalka si shacabkeennu uga ammaan helo, Caalamkuna uga ammaan helo. Bal eega inta fashil ku dhacday Argagixisada, qaraxyadii ay ka fulin jireen maalin kasta dalka waa la xakameeyey oo inta la fashiliyay ayaa ka badan inta ay fuliyaan”.

 

Burcad Badeedda:

“Bal eega Burcad badeedkii sida ay hoos ugu dhacday Afduubkoodii iyo dhibaateyntoodii. Taasina waxay ku timid dadaalka la geliyay, markii horena dhaqanka Soomaalida ka mid ma aheyn Burcad badeednimo iyo Jidgooyo” ayuu yiri R.wasaaraha oo tilmaamay in Burcadkii dadka qafaalan jiray ay marayaan inay dadka ay heystaan sii daayaan si bilaa shuruud ah.

“Miiskaan aan fadhiyo waxaan ku qaabilay saddex ruux oo Ajnabi ah oo muddo labo sano ka badan ay afduub u heysteen Burcadu, waxaana idiin cadeynayaa inaan khasab loo soo furan, waxay ku qanceen wadahadaladii dowladdu la sameysay iyada oo aan wax Laaluush ah ama madaxfurasho ah la siinin, waxaanuna sugeynaa inta kale ee harsan dhamaantood la sii daayo” ayuu mar kale yiri isagoo ugu hambalyeeyey maamulka Ximan iyo Xeeb dadaalkii ay u galeen inay Burcad badeeda ka dhaadhiciyaan inay ka tanaasulaan fikirkaasi khaldan.

Balanqaad:

“Waxaanu balan qaadaynaa inaanu kala shaqeyneyno sidii ay dhalinyaradaasi Burcad badeeda ah sidii ay noloshooda wax uga bedeli lahaayeen oo ay u horumarin lahaayeen noloshooda”.

Tacadiga Weriyeyaasha:

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inay hoos u dhacday dilkii Weriyeyaasha lagu hayay intii ay xukuumadani jirtay, waxayna ku timid dadaalka Sugidda Amniga. Ma ogolin mana ogolaan doono in la dhibaateeyo u adeegayaasha saxaafada, waana ka difaaceynaa caddowga dilaya ee oranaya maxaad wax nooga sheegeysaan, waxaanse idinkula dar daarmayaa inaad qalinkiina iyo codkiina ku taageertaan Isbedelka, Nabadda iyo Dowladnimada.

Abaaraha:

“Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii  iyo dhibkii, balse dadka liita u samafalkiisa waxay noo tahay muhiimada koowaad, dalka gudihiisa iyo Dibadiisa Qaxootiga joogana mar kasta waanu ka fikireynaa”.

War-xuma tashiilka:

“Shacabka Soomaaliyeed waa inay taageeraan Isbedelka cusub, yaan lagu mashquulin fadhi ku dirir iyo awoodii hebelbaa lunsaday” ayuu yiri isagoo xusay in Dowladdu ay ku dhisantahay Dastuurka ayna xushmeynayaan madaxda oo dhan “Yaan lagu fikirin hebel iyo hebel inta isku dhacaan aan ku garab noqdo hebel, kadibna halkaasi shaqo ha kaaga soo baxdo, taasi waa la soo dhaafay dibna loogu noqon mayo Insha allah, War-xuma tashiilkana waa in la iska daayaa”.

Gobolada iyo Maamulada dalka:

“Dhanka Jubba-land beryahaan dambe waxaa ka jira xasarado, xukuumadana siyaasada ay ku wajaheyso wey cadahay, wax la qarinayana ma ahan. Waxaana ka rabnaa in qeybaha qolyaha Nabad diidka ah ay ku harsan yihiin laga saaro, markaasi kadibna dadka degan dhulkaasi ay sameystaan Maamuladooda, balse waa in Dowladdu hogaaminta dhismaha maamulka ay yeelataa, waana in la waafajiyaa Dastuurka qodobadaasi ayaana saldhig u ah dhismaha maamulka Jubbooyinka” ayuu tilmaamay R.wasaare Saacid oo xusay in arrintaasi ay raali ka yihiin dadka ku dhaqan degaanadaasi, dalalka deriska ah iyo caalamkana ku taageersan yihiin.

Maamulka Galmudug:

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya Xukuumadiisa maamulka Galmudug, isagoo sheegay inuu jiro xiriir wanaagsan oo dhow inuu kala dhaxeeya, isagoo u hambalyeeyey hogaanka maamulkaasi, isagoo u rajeeyey horumar.

Maamulka Puntland:

Ra’iisal Wasaaraha wuxuu sidoo kale ka hadlay xaaladda maamulka Puntland wuxuuna u diray hambalyo sida ay u xaliyeen arrimahooda gaarka ah, maadaama ay todobaadyadii ugu dambeeyay ka jireen xaaladdu adag, isagoo u rajeeyey inuu alle u siyaadiyo horumarkaasi.

Maamulka Somaliland:

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu kaga hadlay shirkiisan jiraa’id Maamulka Somaliland iyo Wadahaladii u socday Dowladda iyo madaxda maamulka Somaliland, isagoo rajo ka muujiyay inay dhowaantan bilaaban doonaan wadahadaladaasi.

“Waxaan rajeynayaa in Wadahadaladani ay ka soo baxaan miro wanaagsan oo ay ku farxaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay inay wax lagu taamo tahay Midnimada ummadda iyo wadajirkeedu.

Oday 80 jir oo Caalamka ka Yaabsaday Kadib 6 Sano uu dul taagnaa Qabriga Xaaskiisa oo dhimatay. “VIDEO”

Oday 8o jir oo Caalamka ka yaabsada kadib 6 sano oo uu dul taagnaa Qabriga Xaaskiisa asagoo ka sheekeeynaya sababaha keenay in uu qabriga xaaskiisa dul taagnaado.

Hadaba Aqristoow horay ma u aragtay arintaan oo kale nala wadaag muuqaalkaan oo nala daawo aqristoow muuqaalkaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GAAN:

 

Xafiiska Ra’isul Wasaare Saacid oo Maanta War Culus ka soo baxay.

Dib-U-Eegis Lagu Sameeyey Qaab Dhismeedka Wasaaradaha Qaarkood. 

Muqdisho, 11, jan, 2013…..Shir Jara’id oo uu xalay ku qabtay xafiiskiisa Xooghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamuud Xirsi Cabdulle ayaa ka hadlay dib-u-eegis lagu sameeyey qaab dhismeedka qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, ka dib markii ay soo gaareen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baahi loo qabo in la kala qeexo howlaha wasaaradaha qaarkood.

 Waa tan Dikreetadii oo dhamaystiran:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed. 

Markuu arkay:            In loo baahan yahay in dib loo eego xilalka

                                               qaab- dismeedka Wasaaradaha qaarkood, 

Markuu arkay:            Markii ay soo gaareen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha in baahi

                                             loo qabo in la kala qeexo hawlaha Wasaaradaha qaarkood; 

Markuu tix-geliyey:   Markii uu la tashi buuxa la sameeyey dhinacyo kala duwan oo xog-oggaal u ah farsamada maamulka dowladda;

Marku tix-geliyay:     Qodobada 97, 99, 100 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed 

Wuxuu soo saaray Xeerkan:

Qodobka 1-aad

Waxaa is-beddel lagu sameeyey magacyada wasaaradaha soo socdo: 

a)  Wasaaradda Arimaha Dibadda waxaa hadda kadib ay noqon doontaa Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana la raaciyay howlihii iskaashiga Caalamiga ah.

b)  Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa hadda kadib ay noqon doontaaWasaaraadda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.

c)  Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iy Dekedaha, waxay hadda ka dib ay noqon doontaaWasaaradda Howlaha Guud, Dekedaha Iyo Gaadiidka Badda, waxaana la raaciyay hawlihii dhalinta iyo qaybihii korontada.

Qodbka 2-aad

Dhammaan howlihii la xiriiray Dalxiiska iyo Duurjoogta waxay si KMG ah u hoos tagayaan Xafiiska Raiisulwasaaraha.

Qodobka 3-xaad

Wasiirada, Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir-ku-xigeenada Wasaaradahaasi wax isbedel ah laguma samayn.

Shaqo Wacan

Kenya ayaa Welwel kii ugu weynaa ka Muujisey Dadka Soomaaliyeed ee Dib ugu laabanaya Dalkooda

Tan iyo markii Ciidamada Kenya ay soo galeen Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Jubooyinka Bishii Oktoobar ee 2011 ayaa waxaa Dalka Kenya ka Bilowdey Qaraxyo , Dilal , Dagaalo hase yeeshee gelitaankaasi waxaa uu keenay in Ciidamada Kenya ay si toos ah u dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed oo markii hore halkaa u tagey in ay ka helaan Nabadgelyo

Dhibaatadaas waxay saameeyeen Dadka Soomaaliyeed kii ka soo jeedey “Gobolka Waqooyi bari” iyo kii ka tagey dalka Soomaaliya waxaana dadka Soomaaliyeed lagula kacay Dil, Xarig Hanjabaad iyo Boob iyadoo si gaar ah loo Bartilmaameedsadey qof kasta oo Soomaali ah meeshuu doono ha ka yimaado , waxaana Xabsiyada dalkaas ka buuxa dad fara badan oo Soomaali ah iyadoo Dawlada Kenya arritaan uga timid Dhaleeceeyn aad u weyn.

Dadka soomaaliyeed ee ku noolaa Mudada dheer Wadankaasi kuna ganacsanayey Hanti aad u balarana ku yeeshey ayaa Bilaabey in ay dib ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya waxaa dadkaasi dalka Kenya uga baxayaan Diyaarado iyo Gaadiidka dhinaca Dhulka ah , waxaana Gobolada Soomaaliyeed maalin weliba ku sii qul qulaya dad fara badan oo ka yimid Wadankaasi qaarkood waxay soo Xaraasheen Hantidii ay ku lahaayeen ha noqoto Guryihii dhaadheeraa ee ay halkaasi ka dhisteen sidoo kale waxay Xaraasheen Hantidii kale ee ay ka mid ahaayeen Gawaari iyo Badeecooyinka kale .

“Markii horeba dhib baan ku qabney Ciidamada Kenya marka waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed ee weli ku Harsan Wadankaasi oraahdaan “Nin Gurigaadii kuugu dilaya kiisa kuuma Dhaafayo” ee inta ay goori goor tahay wadankaasi isaga soo baxa meel idiin ka wanaagsan ma jirto Wadankaada “ayuu yiri Ismaacil Xasan oo aan kula kulaney mar uu ka soo degey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

“Weligeen dadka Soomaaliyeed Madaxfurasho ayaa loogu haystey Wadanka Kenya Madaxfurashadii baa sii balaaratey oo ku darsantey Dil iyo Boob marka waxaa dadka Soomaaliyeed aan kuula talinayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo guuraan Dalkaasi oo wadankooda Maalgashadaan “ayey tiri Xaawo Cali oo markii ay ka soo degeysey Garoonka wadatey dhowr Caruur ah iyadoo sii raacisey “Waa Ilaah Mahadii haddi aan dib ugu soo laabtey Wadankeygii .

Qulquka dadka Soomaaliyeed ee Wadanka Kenya waxaa la sheegey in uu dhabar jab ku noqdey Dowlada Kenya waxaana la xaqiijiyey in dhaqaalihii ka soo geli jirey Dowlada Kenya Ganacsiga dadka Soomaaliyeed uu hoos u dhacay, sidoo kale waxaa ugu darsamey markii iyana uu hoos u dhacay Dhaqaalihii ka soo Xaroon jirey dadka Dalxiiska ah waxaana dadka Saadaaliya Dhaqaalaha Kenya waxay sheegeen in Kenya uu ku soo fooleeyahay Qalalaase Dhinaca Dhaqaalaha ah kii ugu weynaa waxaana Durba dalkaasi ka bilowdey in Bankiyada lagala baxo Lacagaha, sidoo kale Dhaqaalihii ay ka heli jirtay Dowlada Kenya Xeryaha Qaxootiga ee dadka Soomaaliyeed ku lahaayeen Wadankaasi oo isagana meesha ka sii baxaya, hadaba la arki doono waxa uu ku damabeeyo wadanka Kenya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]

Maxkamadda ciidanka qalabka sida oo shaacisay nooca tallaabada laga qaadi doono Askarigi lagu qabto kufsi.

Muqdisho ( Caasimada Online) Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Genaral Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa sheegay in askariga lagu qabto ama ay ku cadaadato in geestay fal kufsi ah goobta lagu dili doono.

Wuxu hadalkan ka jeediyay markii shaley degmada Afgooye lagu soo bandhigay rag lagu eedeeyay in ay geesteen falal kufsi oo ka tirsan ciidamada dowladda kuwaasoo lagu soo qabqabtay gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxu kaloo sheegay in howgalkii shaley lagu soo qabtay illaa labo nin ah oo lagu eedeeyay in ay geesteen falal kufsi ah.

“Kiisaska kufsiga oo kale cidii ay ku cadaato waa xukun dil ah, labadan nin waxa lagu soo eedeeyay falalkaas, marka ma ahan wax sahlan baaritaan ayaa lagu sameen doonaa gacanta ciidamada qalabka sida ayeyna ku jiraa illaa baaritaanka uu dhammaado lama fasixi doono” ayuu yiri Mungaab.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono askarta dowladda ee ku dhibaateeya dadka safarka waddada u dhexeesa Muqdisho iyo Afgooye.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kufsiga ku soo badanaya dalka ay dowladda tallaabo adag ka qaadi doonoto ciddii ay ku soo cadaato.

“Xukuumadda waxa ka go’an in il naxariis daro kula dhaqanto dadka burcadnimada iyo xatooyada kula dhaqaaqa dadka masaakiinta ee musaafarka ah, waxa kaloo xukuumada ka go’an in ay il gaar ah kula dhaqanto dadka caadeestay in ay kufsi iyo fara xumeyn kula dhaqaaqaan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga.

Waxa ay arrimahan yimaadeen iyadoo inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye maalmahan ay ka immaanayeen warar sheegaya in askarta dowladda ay kufsi iyo dhac ay kula dhaqaaqaan dadka ku safra waddadaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Warqado ay ku qoran yihiin digniino oo lagu arkay Marka

Marka (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo degmada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saaka halkaas lagu arkay warqado digniin ah oo magaalada dhan lagu daadiyay.

Sida ay sheegayaan dadka magaalada, warqadaha ayaa ku qoran askarta dowladda inaysan wax ka iibin ciddii lagu arkana tallaabo laga qaadi doono.

Markii la arkay saaka warqadaha ay ku qoran yihiin digniinaha ayaa la sheegay in ganacsatada magaalada  la soo daristay cabsi ballaaran, taasoo keentay in aan waxbo laga iibin askarta dowladda.

Ma cadda cidda warqadaha ku daadiyay magaalada Marka iyo sababta ka dambeesa, waxana markii warkan la maqlay magaalada lagu soo daadiyay ciidamo badan.

Sidoo kale maamulka magaalada ayaa la filayaa in gordhow ay shir jaraa’id ku qabtaan magaalada iyagoona ka hadli doona arrinta maanta ka jirta magaalada.

Warqadaha ayaa la sheegay in magaalada lagu daadiyay habeenkii xaley, mana jirto cida ka hadashay arrinkan.

Dadka ku sugan suuqa Marka ayaa gacanta ku heesta warqadaha oo meel kasta lagu daadiyay gaar ahaan suuqyada iyo goobaha ganacsiga ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Marka

Maamulka Gobalka Banaadir oo sheegay in gacan la siin doono dadka guryahooda xoogga looga heesto.

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay inuu maamulkiisa gacan siin doono dadka guryahooda xoogga looga heesto haddii ay la yimaadaan dukumeentiyo cadeenaya in ay iyaga lee yihiin.

Tarsan ayaa sidoo kale sheegay  haddii ay jiraan kooxo isku haleenaya qabiil oo guryo ama beero xoog  ku haysta kuwaasoo ay lee yihiin dad kale in arrintaas uu gacan ka geesan doono maamulkiisa.

Wuxuu kaloo ugu baaqay shaqsiyaadka xoogga  ku haysta hanti ay leeyihiin dad kale in ay iska wareejiyaan inta aan la horkeenin sharciga, isla markaana ay cafis waydiistaan sida uu hadalka u dhigay.

Tarsan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqanka gobolka Banaadir inay is cafiyaan ayna isku celiyaan hantiidii la kala dhacay 20-kii sano ee lagu jiray collaadda iyo nidaam darida.

Hadaka Tarsan ayaa yimid iyadoo ay maalmahan soo badanayaan dad sheegaya in guryo amah ama hanti kale oo ay lahaayeen ay xoog ku heestaan shaqsiyaad kale kuwaasoo ku sugan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Sheekh caan ah oo isu sharxay xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland

Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxayay Warar sheegayay in lagu wado in la dhiso maamul Goboleed loo dhan yahay oo uu yeesheean gobolada Jubbooyinka.

Sh. Maxamed Ibrahim Shakuulooka mid ah Culimada Soomalida kuwa ugu waawayn magaalada Nairobi ayaa la sheegay in uu ka mid yahay musharixiinta lagu wado in ay ku Guulaystaan arintaas.

Shakuul ayaa ah Ganacsade caan ah waxa uuna ahaa hada ka hor afhayeenka Ganacsatada Soomaalida Islii, waxaana dhawaan loo magacaabay Chairmanka Gudiga Soomaalida ee dib u Doorashada Xildhiaab Yusuf Xasan oo ah Xildhibaan laga soo doorto Degmada kaamakuji ee Xaafada islii.

sheekh-Shakuul-300x181Ilo Wareedyo ka ag dhaw Shakuul ayaa sheegay inuu aad ugu rajo weyn yahay in uu Noqdo Madaxweynaaha Jubbooyinka.

“ waxa uu ka midyahay Shakuul Musharixiinta,waana musharax waxaana lagu wadaa in uu ku Guulaysto, Raja Fiican ayuu leeyahay”ayuu yiri mid ka mid ah Gacan yarayaashiisa oo la hadalayay Bogan.

Sidoo kale shakuul ayaa waxa uu ka mid yahay aqoonyahanada ka soo jeeda deegaankaas ee ugu fir fircoon, waxana ku soo bartay dalka dibadiisa waxa uuna ka yimid Wadamada Reergalbeedka Gaarahaan North America waxa uuna haystaa shahaadada Master Degree, waxa uuna ku hadlaa luqado dhowr ah.

Dad badan ayaa is waydiinaya maxay kusookor dhinkartaa arrinka Jubbooyinkahaddii oo xaaladeeda cakiran tahay hadii siyaasigan aqoonyahankan wadaadka ah uu Noqdo Madaxweynaha Jubbaland.

Dhinaca kale Warar la isladhexmarayo ayaa sheegayo in haddii uu Shakuul is sharaxo uu kuguulasankaro Jagadaas Maadaama uu sumcad weyn ku dhexleeyahay ummada Soomaaliyeed,

Sheikh shakuul ayaa ah ganacsade caan ah oo jooga magaalada Nairobi, waxaana si gaar ah loogu Xusuustaa horumarka Dacwada iyo arrimaha bulshada ee Muslimiinta gaarahaan North America halkaas oo uu ka ahaa Imaam Masjid.

Waxaana si gara ah loogu Xusuustaa ama loogu tilmaamaa in uu Xiriir wanaagsan uu la leeyahay Wadamada Dersikaee Kenya iyo Ethiopia iyo caalamka, intiisa kale.

Dadkaqaarkood ayaa Tilmaamay in wax badan uu ka qaban karo xaalada siyaasadeed ee Jubooyinka, waxna ku soo kordhin karo dadka gaaraya Kumanaanka kun ee dibada uga maqan Gobolada Jubbooyinka kuwaas oo Qaxooti ku ah Dalalka Kenya iyo Itobiya.

Ugudambeytii waxaa ma jiraan hadal si rasmi ah uga soo baxay shakuul oo sheegaya in uu yahay musharax u taagan Madaxweynanimada Jubbooyinka, Balse waxaan isku dayi doonaa in aan Waraysi arintaas kala yeelano.

Sheikh shakuul ayaa waxa uu yahay shaqsi inta badan ka hadla xaalada Soomaalida dagan islii, waxa uuna Xili walba dadka u sheegaa in Nabada la qaato oo dhiig uusan daadan.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
[email protected]