28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

99 jir Maxkamad loo soo taagay fal tuugnimo ah (Wax kasta filo)

BEIJING  – 99 jir u dhashay dalka China, ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada caasimadda ah ee Beijing, ayada oo lagu eedeynayo inuu ka xaday 750,000 oo Yaun una dhiganta (76,329 pound) nin Mareykan ah.

Warbaahinta dalka Shiinaha, ayaa waxay ay arbacadii soo warisay in ninkaasi uu yahay dambiilihii ugu weynaa ee Maxkamad lasoo taago gudaha dalka China.

Zhou Zhiping, ayaa dhashay sanadii 1913-kii, boqolkiisuna waa qariib, waxaana uu sheegay inuu ahaa guddoomiye gobol oo hore intii lagu guda jiray xukunkii wadiniyiinta China, ka hor intii aysan shuuciyiinta awooda qabsan sanadii 1949-kii.

Wargeyska Beijing News, ayaa kasoo xigtay Zhou, isaga oo sheegaya inuu xiriir la lee yahay hogaamiyayaasha China, ayna ka caawin karaan inaan hantidiisa la xanibin.

Sababo la xiriira da’diisa oo aad u weyn darted ayaa Zhou waxaa lagu sii daayay damaanad.

Waxaa kale oo la sheegay in dacwad oogayaasha ay gurigiisa su’aalo ku weydiiyeen.

Daawo Gabar Leh Lugo Dahab ah.

Muuqaalka maanta aan idiin soo gudbineeyno waa mid marka aa daawato aad aad u qiirooneeyso waa gabar aan gacmo laheyn balse lugaheeda wax kasta ku qabsaneeyso waana Mucjiso rabaani ah oo dhanka alle ah.

Hadaba Aqristoow ogoow alle qof walbo oo bini’aadam ah waxuu ku maneeysanayaa wax wanaagsan tanina waxeey ka mid tahay qadarta alle Aniguna waxaan cinwaan uga dhigay Gabar leh Lugo Dahab ka qiimo badan waana run ee nala daawo.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GAN:

 

Safaaradda Somalia ee Talyaaniga oo ka warbixisay wiil Soomaali ah oo isku dilay xabsi ku yaalla dalkaas

Roma (Caasimada Online) Safaaradda Soomaalida ee dalka Talyaaniga ayaa ka warbixisay wiil Soomaali ah oo isku dilay xabsi ku yaalla magaalada Lecce ee dalkaas.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Roma Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” oo la hadlaayay VOA –da ayaa sheegay in galabta safaradooda uu soo gaaray wiil Soomaali ah isku dilay xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga, gaar ahaan xaafadda Lecce.

“Arrintaas warkeeda waxa ay na soo gaartay galabta , waxana ay ahayd xabsiga Lej ee ku yaalla Talyaaniga, halkaasoo wiil Soomaali ah uu Axadii toddobaadkan oo ahayd 6-dii bishan uu isku dilay, waxa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi oo dhashay 1-dii bishii February 1974-tii ayuu Soomaaliya ku dhashay.”

Waxa kaloo danjire Nuur Cadde uu intaas ku daray in saraakiisha maxaabiista ay u sheegeen in wiilka ay u socotay xabsi kaasoo uu dhammeen san lahaa bisha 4-aad ee sannadkan aan ku jiro.

Waxa kaloo uu sheegay in wiilka loo tagay isagoo meel ku tiirsan, markii la arkayna la soo qaaday, oo dhulka la dhigay si loo fiiriyo, markiiba waxaa la ogaaday in uu dhintay.

Dajiraha Nuur Cadde mar la weydiiyay in la soo gaarsiiyay safaaradda sida uu isku dilay iyo sababta keentay?

Wuxuu sheegay inta uu sheegay kaliye la soo gaarsiiyay safaaradda, laakin weli uu baaritaan socdo, kaasoo lagu oggaanaayo wax yaabaha sababay in uu isdilo wiilkan.

Waxa kaloo uu sheegay in safaaradda ay ka codsadeen in marka uu soo dhammaado baaritaanka ay soo sheegi doonaan oo ay xiriir la sameen doonaan cid ku dhow wiilka ama ehel yihiin.

Isagoo intaas ku daray in safaaradda la soo gaarsiiyay warqada ay ku qorantahay geerida.

Danjire Nuur Cadde ayaa sidoo kale sheegay in markii la maqlay warkan in safaaradda ay la soo xirireen dad badan oo Soomaali ah, kuwaasoo raba in ay oggaadaan waxa ka jira warkan, laakin aysan arkin illaa hadda dad yaqaana wiilka is dilay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Roma

Ujeedada wafdiga Galmudug ay u yimaadeen Muqdisho

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ,waxaana wafdiga qeyb ka ahaa gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo usoo galbiyay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

C/samad Nuur Guuleed,madxaweyne ku xigeenka Galmudug oo markii ay kasoo dageen garoonka Muqdisho ka dib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ujeedada ay usoo gaareen magaalada Muqdisho uu ahaa kulamo la filayo inay la qaataan madaxda dalka.

Mr Guuleed, ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay inay madaxda dalka kala hadli doonaan hishiis dhawaan ay la galeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu sunna ee gobolka Dhexe,kaasi oo dhigayay mideynta maamulo dhowr ah.

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegay in wafdigaani ay kulamo la qaadan doonaan wasiirka arimaha gudaha iyo madaxweynaha dalka oo ay ka wada hadli doonaan arimo dhowr ah.

Axmed Daaci “isbaarooyinka waxay yaalaan xafiisyada DF”

Axmed Xasan Daaci ,gudoomiyaha degmada Wadajir oo bilooyin ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in magaalada Muqdisho walli ay yaalaan isbaarooyinkii lagu guuleystay in laga qaaday degmooyinka gobolka Banaadir.

Axmed Daaci ,ayaa sheegay in dowlada aysan waxba ka qaban 80% isbaarooyin oo uu sheegay in wali ay yaalaan degmooyinka gobolka Banaadir ,laguna dhibaateeyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Isaga oo ka hadlayay nooca isbaaradaasi  ay tahaya ayuu sheegay inay yaalaan goobaha waxbarashada iyo xafiisyada dowlada Soomaaliya,isagoo sheegay in ilaa iyo iminka aan waxba laga qaban.

Wuxuu sidoo kale kahadlay Axmed Daaci,xafiiska maamulka Banaadir ee dowlada Soomaaliya,wuxuuna ka dhawaajiyay in xafiiskaasi maamulka uu ku shaqeeyo laakiin shacabka Muqdisho aan waxba loogu qaban,sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Daaci ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dowlada inay ka faa’ideystaan waqtigooda islamarkaana wax laga qabto dhibaatada shacabka heysato.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ee Mudug oo arin ku hishiiyay

Waxii ka dambeeyay kulamo maalmahaan ka dhacayay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maamulka Gobolka Mudug ee Puntland wuxuu ku dhawaaqay qodobo dhowr ah oo ay ku jireen hishiis ay kala saxiixdeen labada Maamulka ee Galmudug iyo Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigey”,oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku hishiiyeen ladagaalanka dadka amni darada ka geysanaya deegaanada gobolka Mudug.

Maxamed Tigeey, ayaa sheegay in dhanka amaanka uu yahay mid wanaagsan loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo,sida uu sheegayna dhankooda wuxuu xusay inay diyaar u yihiin.

Dhanka maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay inay adkeeyaan amaanka ayna kasoo baxaan balanta la wada gaaray sida uu sheegay oo ahaa ka wada shaqeynta amaanka deegaanada maamulka iyo ka hortagida wax walbaa oo qilaaf ka dhex abuurayo labada maamulka.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in la furi doono waddooyin labada dhinac isku xera loona bixin doono wadooyinka nabada,isagoo xusay ganacsatada gobolka ay wada shaqeyn wanaagsan dhex mari doonto.

Galmudug iyo Puntland ,gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, marar badan waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay beelaha kasoo kala jeeda labada dhinac.

Maraakiib ay lee dahay Somalia oo ku xiran Yemen ayaa qarka u saaran in ay quusaan haddii aan la badbaadin.

Sana’a (Caasimada Online) Maraakiibtan oo tiradooda ay tahay afar ayaa wax isbadal ah ku soo biirin tan iyo markii dib loogu wareejiyay gacanta dowladda Soomaaliya sannadkii 2010-kii.

Waxaanta tan iyo xilligaas ay ku jireen gacanta nin Soomaali ah, oo markii hore ku magacownaa maamulaha maraakiibtaasi.

Waxa ka shaqeenaayay oo haddana dul jooga ku dhawaad 10-shaqaale oo isugu jira Badmaax, Kabtano,Injineero iyo Shabaak tolayaal, kuwaasoo iyana xaaladooda sida maraakiibta ay u liidato.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen Genaral Ismaaciil Qaasim Maajid oo isaga iyo shaqaalaha markabka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Sana’a ee xarunta dalka Yemen ayaa sheegay in uu soo arkay maraakiibta iyo shaqaalaha.

Wuxuu sheegay in xaallada shaqaalaha iyo maraakiibta ay u liidato sida uu sheegay.

“ Maraakiibta inta ay joogsatay illaa hadda waxaa laga joogaa 7-sano, tayadooda iyo shaqadooda waxa uu joogsaday 2006-dii wixii ka dambeeyay maraakiibta si tartartiib ayey shaqada ku gabeen illaa 20010-kii, shaqaalaha la socday kuwii Soomaalida ahaa wali waa ay dul joogaan, wixii kale ee ajaaniib ahaa iyana waa la dhoofiyay”

Wuxu intaas ku daray in shaqaalaha iyo maraakiibta ay ku socotay tan iyo xilligaas dacwado, taasoo uu ku heestay nin u dhashay dalka Yemen, waxaana ay la xiriirtaa lacago ka badan hal milyan oo dollarka Maraykanka, taasoo uu sheegay ninka reer Yemen in uu ku siiyay shidaal iyo agabkale intii ay maraakiibta ka howgalayeen badda.

Laakin arrintaas shaki badan ayey galiyeen shaqaalaha iyo dadkii kale ee arrinta xog ogaalka u ahaa.

Shaqaalaha maraakiibta waxa ay walaac xooggan ka muujiyeen sii -jiritaanka hantidaas qaran haddii aan la soo gaarin iyagona tilmaamay in afarta markab ay haatan qarka u saaran yihiin in ay daggaan.

Waxa kaloo ay xaqiijiyeen in qarashka lagu soo saari doono maraakiibta uu in badan ka badnaan yahay midka hadda lagu dayactiro karo.

Ugu dambeyn waxa ay ku taliyeen in dowladda Soomaaliya dabaqato hantidaas ay Soomaaliya lee dahay.

“ Annaga dhibaato xooggan ayaa halkan nagu heesato, 10-wasiir ayaa halkan yimid illaa haddana wax ma heyno xoolahan dowladda Soomaaliya waxa looga baahan yahay in ay badbaadiso.” Ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha maraakiibta, intaas sano ayaan badbaadineynay, dowladda meesha ay rabto hala aado.

Maraakiibtan oo magacyadooda ay kala yihiin Cusmaan Geedi Raage, Faarax Oomaar, 21- Okotobar kow iyo laba. ayaa waxa ay ka mid ahaayeen ilihii dhaqaale ee dowladdii Millatariga la hayd.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Sana’a

Mareykanka oo 2 nin oo jooga Somalia ku raadinaya $10 milyan + Magacyada

Washington (Caasimada Online) Dowladda Mareykanka ayaa yaboohday 10 milyan oo dollar oo la siinayo qofkii soo qabta laba nin oo ah baxsad, kuwaasi oo sanaddii 2008 lagu helay dambi ah inay dileen diblomaasi Mareykan ah iyo darawalkiisa oo Sudan ahaa.

John Granville oo u shaqeynayay hay’adda USAID iyo darawalkiisa Cabdulrahman Cabas Rahama oo ahaa shaqaale ka tirsan USAID, ayaa u geeriyooday xabado madaxa looga dhuftay maalinkii sanadka cusub ee 2008, ayaga oo jooga magaalada Khartoum.

Waaxda Arrimaha dibedda Mareykanka ayaa ku yaboohday min shan milyan oo dollar madaxdyada Cabdulbasid Alxaj Alxasan Xaji Xamad iyo Maxamed Makawi Ibrahim Maxamed.

Makawi ayaa ahaa hogaamiyaha weerarka, halka Cabdulbasid uu ka ahaa toogtaha labaad.

Labada ninba waa ay baxsadeen, waxaana la tuhmayaa inay ku dhuumaaleysanayaan Somalia, kadib markii ay xabsi ka baxsadeen sanaddii 2010.

Laba nin oo kale oo shirqoolka la maleegay ayaa sanaddii 2009 dambi lagu helay, hase yeeshee waa ay baxsadeen. Mid ka mid ah ayaa la sheegay in lagu dilay Somalia bishii May ee 2011.

Xafiiska Wararka Caasimada Online

Minneapolis, Minnesota, USA

DF iyo hay’adda MSF oo qoorta isugula jira arrin ka dhacday Muqdisho.

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda MSF ayaa warbixin ay soo saartay, waxa ay dowladda Soomaaliya ka dalbatay in ay soo cadeeyso qaabka loo sii daayay nin la sheegay in uu ka dambeeyay dilka labo ka mid ah shaqaalahooda oo bishii December sannadkii 2011-kii lagu dilay Muqdisho.

Madaxa howgalada MSF Mary Nicolay ayaa u sheegtay VOA –da in ay arrintaas walaac ku heyso.

“ Illaa hadda arrinta sida ay u  dhacday cid noo sheegtay ama nagu soo wargalisay ma lahan sida ay saxaafadda u maqashay ayaan annagana u maqalnay, waxa ay ahayd arrin uu mugdi ku jiro sii deesmada iyo waxa dhacay” ayey tiri Ms. Nicolay.

Iyadoo intaas ku dartay in masuuliyiinta dowladda aysan dhayalsan arrintan oo ay hadda baaraan.

Mar la weydiiyay in dowladda ay u sheegtay arrintan sida ay ka yeeli doonto , waxa ay tiri:-

“Maya cid ka tirsan dowladda Soomaaliya oo arrinkan si rasmi ah noo ogeysiisay ma jirto, sidiina oo kale ayaan warkan ka akhriyay shaley warbaahinta, gaar ahaan in guddoomiyaha maxkamadda sare Soomaaliya Ceydiid Ilka Xanaf  uu baarayo arrinka si dhab ah oo isku dayaayo in uu wax kala cadeeyo, waana soo dhaweyneynaa arrintan maxaa yeelay waxaan aad ugu jahwareenay in qof dambi lagu helay haddana la sii daayo iyadoo aan la sheegin sababaha ka dambeesa in la sii daayo” ayey markale sheegtay Mrs. Nicolay.

Waxa kaloo la weydiiyay iyadoo hey’addooda baaritaan ku sameesay shilka in ninka loo soo qabtay uu yahay ninkii falka sameeyay oo dilay labo ka mid ah shaqaalihiina?

Waxa ay ku jawaabtay “Ruuxa la qabtay waxa la xiray isla maalintii uu dilka dhacay, waxana laga dhex qabtay dhismaha hey’addu dagganeed isagoo ku lug lahaa rasaas ka socotay dhismaha dhexdiisa, marka waxan oggeyn in la xiray, kaddibna lagu helay dambigii uu ku eedeesnaa isla markaana la sii daayay marka arrinta waan ku jahawareenay arrinkan”ayey sheegtay markale madaxa howlgalada MSF.

Ugu dambeen waxa la weydiiyay si uun in ay ugu lug yeelatay sii deenta ninka shaqadii ay ka hayeen Soomaaliya?Waxa ay tiri : “ Aad baan uga walaacsanahay in qof lagu helay dambi ah in dilay shaqaalaheena rag ka mid ah haddana la sii daayo, marka arrinkan walwal weyn ayuu nagu hayaa, aan ku celiyo waan soo dhaweyneynaa dowladda Soomaaliya in arrinkan ay si dhab u eegeeso oo ay baareyso”

Mar ay ka hadashay waxa ay jeclahaayeen in dowladda sameeso ayey sheegtay “ In dowladda caddeeso qof dambi lagu helay haddana la sii daayo, waana howl dowladda sharci ahaan u taalla, waxana ay ahayd in ay dabagasho oo annaga aan wax ka oggaano sida lagu sii daayay ninka, maxaa yeelay xaallada ma ahan mid la dhayal san karo, waa xaallad jahawareer leh.”

Si kastaba hadalka MSF ayaa ku soo beegamaya iyadoo shaley maxkamadda sare ee dalka shaqada ka ceyrisay seddax ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda kuwaasoo la sheegay in ay ka dambeeyeen sii deenta nin lagu xukumay 30-sano oo xarig, kaasoo ka dambeeyay dilka labo nin oo u kala dhashay waddamada Indonesia iyo Belgium oo lagu dilay Muqdisho.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi