27.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Xog Dheeri ah: Rabshado khasaaro geestay oo ka dhacay Seylac

Seylac (Caasimada Online) Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Seylac, rabshado maanta ka dhacay halkaas waxa ku dhaawac inta la ogyahay illaa 12-qof.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay ka qaybgalayeen dibad bax ka dhacay magaalada, kuwaasoo markii dambe isku badalay isku dhacyo dhexmaray dadka reer Seylac iyo ciidamada maamulka Somaliland.

Rabshadaha ayaaa la sheegay in ay salka ku hayaan kaddib markii dad ka cabanayay natiijooyinka doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dhacay Somaliland ay bannaanbax ka sameeyene magaalada, kuwaas oo markii dambe isku gadaamay xarrunta dowladda hoose ee magaalada Saylac.

Markii rabshadaha ay cirka isku shareereen waxa ciidamada maamulka Somaliland ay u adeegsadeen dadkii dibad baxa dhigayay  rasaas, si ay u kala eryaan.

Qaar ka mid ah dadkii dhaawaca ayaa loo qaaday Isbitaalada waddanka Djibouti sida ay lee yihiin dadka ku sugan Seylac.

Waxa kaloo xiray xadka Djibouti ay la wadaagto dhinaca maamulka Somaliland, waxa maanta gabi ahaan istaagay gaadidkii aadi jiray dhinaca dalka Djibouti.

Horrey ayaa rabshado dad ay ku dhinteen kuwa kale ay ku dhaawacmeen waxay ka dhaceen magaalada Hargeysa, taasoo daba socotay doorashadii golayaasha hoose ee ka dhacday labo bil ka hor deegannada Somliland.

Ciidamo xooggan ayaa magaalada Seylac loo diray, waxana lagu soo waramayaa in xaalladda ay deggan tahay laakin wax bandow u eg ay ka jirto magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Ambashadii Ahmed ERIKSSON! Qormo xanuun badan xambaarsan

Muqdisho (Liido) – Isagoo aad u yar oo aan gaarin da’dii dugsi Quraanka ayaa Ahmed loo waday dalka Sweden. Farxad, duco iyo u hanweynaan ayaa lagu sagootiyey.

Axmed waa 4 sano jir marka loo wadayo dhanka Sweden, lamana socdaan hooyadii Falxado iyo Aabihiis Cawaale. Waxaa lagu daray qoys deriskooda ah oo Sweden ka helay degenaansho qaxootinimo. Ujeedkuna wuxuu ahaa in marka uu Sweden tago la dhiibo kaddibna waalidkiisa uu sidaas ugu dacwoodo oo inta iyagana la qaado meeshaas ku wada noolaadaan. Qadartuse waxa ay ka qoran tahay dhanka rabbi.

Axmed dhib waxaa ugu filnaa in isagoo yar laga wadayo hooyadiis iyo aahibiis, iyaguna sidoo kale ma quurin wiilkee dantaa tiri, qofna kuma tashaneyn inuu Axmed inta ambado, ku dhex kori doono qoys noloshiisa dambe oo dhan bedelaya.

Axmed waxaa la xafidsiiyey been la isku yara toostoosiiyey oo kooban. Waxaa lagu yiri Dowladda Sweden u sheeg in aad tahay wiil yar ambad ah oo reerkiisii ay ku kala lumen dagaala Soomaaliya ka socda. Isla markaasna ka codso in ay magangelyo ku siiso waalidkaana laguu keeno.

Axmed intanba wuu yiri, laakiin waaxda socdaalka waxay ogaayeen in 4 jir uusan keligiis u soo safri Karin Sweden oo ay tahay in la keenay oo ujeeddo kale laga leeyahay.

Axmed waxaa la weydiiyey su’aal aan waxa la xafidsiiyey ka mid aheyn, taas oo ahayd “Wax qaraabo ah ma kuu joogaan Sweden?” wuxuuse ku jawaabay “maya” waayo ciddii keentayna meel kuma oga, cid kale oo loo sheegay in uu sheegtana ma jirin.

Markii warbixintaas yar laga qoray waxaa loo yeeray Maria Eriksson oo aheyd naag ilmaha aan waalidkood la socon in ay heyso u qaabilsan waaxda socdaalka. Waa naag askariyad dharcad ah oo lagu hubo in ay caruurta heyn karto isla markaasna xaalkooda daraaseyn kareyso marka ay timaado in caruur yar yar arrimo qarsoon laga baaro.

Maria waxay Axmed u sheegtay in ay waalidkiis u noqoneyso, isla markaasna ay gurigeeda geyn doonto, isna waa caruure wuu aqbalay, waxaana markaas u tarjumaayey tarjumaan waaxda socdaalka ka tirsan. Sidii ayuuna ku raacay oo maalmihii Ambashadiisa ay dhabbe cusub cagta ku saareen.

Afar jirkan ambadka ah wuxuu ka dhashay qoys danley ah oo aabaha iyo hooyadaba xoogsato yihiin, waana arrinta keentay in deriskoodii isaga soo waday ku fekeraan in ay wiilka u wadaan. Subaxdii canjeero yar oo la siiyo ayuu duhurkii ku gaari jiray, intaasna banaanka gurigooda ayuu ciid ku beegi jiray, mararka qaarna wuxuu dandaro darteed ku hurdoon jiray derbiyada uu ku cayaaro hoostooda maadaama ay hooyadii iyo aabihiis wada xoogsi tageen.

Axmed wuxuu curad u yahay qoys ka kooban Aabe, hooyo iyo seddax caruur ah oo ay dhaleen, labada ka yariba waa gabdho, waxaana la kala yiraahdaa Xanaan iyo Bilqiis.

Haatan meesha la keenay ma leh ciid la beego. Dhan walba dhulku waa baraf. Waana qabow cadaab u dhigma. Dadkan ALLAAH ku beerayse way ku qanacsan yihiin oo waa dhulkoodii hooyo. Qabowga barafka waxaa lagu qiyaasi karaa kii ay wadaadada Suufiyadda janadda ku fasiri jireen marka ay kitaabadda laqbeynayaan. Hase yeeshee kan haddii uu janno ahaan lahaa xitaa nafta uma roonaan laheyn.

Maalintii Axmed la keenay gurigan reer Eriksson, waxay Maria bartay wiilkeeda cusub, waa Axmede, reerkeeda oo ka koobnaa Hooyadeed Emma Eriksson, labo wiil oo ay sidiisa oo kale u heyso oo la kala yiraahdo Hassan Eriksson iyo Mohamed Eriksson iyo nin ay ugu sheegtay in uu yahay ninka ay isla nool yihiin oo la yiraahdo Johan, bisad yar oo reerka ka mid ah oo iyadana la yiraahdo Simba Eriksson iyo Eeyga reerka oo ah mid duq ah oo la yara xushmeeyo oo magiciisa la yiraahdo Jack Eriksson, kaas oo sawirkiisa uu derbiga surnaa.

Axmed sida qof fahmaya Maria hadalkeeda Swedish-ka ah ayuu madaxa uun ruxaayey, mararka qaarna oohin ayuu afka la taagayey, markaas ayey siineysay wax ay ugu yeereyso “Godis… Godis” oo ay ula jeeddo (Nac Nac), isagiina ereyadii Godis wuu xafiday markiiba, wuu ku hadaaqaa marka uu doonaayo in uu iyada la hadlo, iyadana Nacnac ayey u soo bixisaa marka uu Godis dhahaba.

Axmed waxaa halkaas uga bilaabatay nolol qorsheysan, waxaa la geeyey xanaano uu maalintii oo dhan soo joogo ama waxa ay Swedish-ku dhahaam (Dagis). Waa meel lagu xanaaneeyo ilmaha, isla markaasna uu afka kula baran karo caruurta kale. Maalmaha uu todobaadka ku dhammaado waxaa la geeyaa Kaniisada galbihiina waxay reerka oo dhan aadaan Shineemo ama Disco Tech meeshii hadba ay isku af gartaan. Habeenkii waxaa loo shidaa film caruureed, cuntadii uu dalbado ayaa la siiyaa, naftiisa waxayba gashay nolol ka tan weyn oo ku hilmaamay waalidkiisii.

Islaantii duqda aheyd ee dhashay Maria ayuu ugu yeeraa Mor-Mor (Mur Mur) oo macnaheedu yahay “ayeeyo!”, Maria wuxuu ugu yeeraa hooyo, kaba sii darane midka baas ee guriga kula nool Maria ee Johan (Yohan) ah, oo ah mid ay balwadi dilootay wuxuu ugu yeeraa aabe, balse Johan ma jecla in aabe la dhaho, wuuna neceb yahay in uu ilmo dhalo, wax naxariis ahna uma hayo ilmaha yar yare e ambadka ah ee guriga kula nool.

Axmed markii uu dhawr bilood la joogay reerkii oo afkiina bartay ayaa la kala dooran siiyey in uu doonaayo in waalidkiisii Soomaaliya jiray loo keeno iyo in kale, waa canug yar oo bad ka tan weyn galaye wuxuuba hilmaamay in ay reer ka maqnaayeen. Wuxuu doortay in uu rabo in uu la noolaado reerka. Xitaa wuuba hilmaamay kalmadihii Soomaaliga ahaa ee uu fahmi karaayey markii uu yaraa.

Waalidkiisii waxaa ugu wardambeysay markii ay reerkii ka soo waday u sheegeen in wiilkoodii la geeyey waaxda socdaalka si uu isu dhiibo kaddibna reerka u dacwoodo, waa afar jir qofka la doonayo in uu reer u soo dacwoodo, isagana xitaa wuuba hilmaamay. Warqad ay ku qornaayeen lambaro waalidkiis laga heli karo oo la soo siiyey way ka dhacday illeen waa ilmo yare. Sidii ayey ku kala lumeen isaga iyo reerkiisii.

Axmed wuxuu ku soo dhex koray bey’ad Swedish ah oo aad uga duwan tan Soomaalida, dhaqan ahaan, diin ahaan iyo aqlaaq ahaan intaba. Isaga wuxuu isu arkaa nin ku fiican balse haddii Soomaalida la weydiiyo canuga noociisa oo kale u soo koray waxay dhihi lahaayeen nolosha ayuu ka dhacay. Qamriga, hilib doofaarka, tubaakada iyo gabdhaha aan xalaasha aheyni waa u caadi isaga, waayo dadka uu la koray aktooda dembi iyo ceeb midna kuma aha, isagana weligiis lama dhihi waxan waa dembi iyo waxan waa sax, kaliya dembi sharciga dalka laga galo ayuu fahmi karaa, balse wax xiriir ah oo ka dhexeeya noloshiisa iyo ALLIHII abuuray ma jiraan.

Axmed wuxuu leeyahay gabar saaxiib ah (Girl Friend) oo Swedish ah. Waxaa lagu magacaabaa Åsa Åberg. Habeenada Sabtida iyo Axadda waxay la jiifataa qolkiisa, kamana duwana nin iyo xaaskiisa marka ay isla joogaan. Guud ahaan wax aqlaal Islaam ah dhanna kama heysto wiilkan ambaday.

Noloshaas baas ee xaaraanta oo dhami kulansatay ayuu ku barbaaray Axmed. In kastoo uu gibilkiisa madow mararka qaar uu la yaabo wuxuu isu arkaa wiil Swedish ah oo dhalad ah, aad ayuuna isula qab weyn yahay.

Afkii Soomaaliga wuu ka lumay, magiciisii Axmed Cawaale ahaa waxaa loogu bedelay Ahmed Eriksson, waayo qoyska ayuu si rasmi ah uga mid noqday, waalidkiisii dhabta ahaa wuu hilmaamay, wuxuu isu arkaan in ay dhashay Maria.

Axmed wuxuu reer Eriksson ka tirsan yahay 16 sanadood, wuuna ku dhex qaangaaray, weligiisna ma dareemin in ay dhaleen waalid kale. Tixgelinta la siinayey iyo sida loo koolkoolinayey darteedna wuxuu jaceyl waalidnimo u qabaa Maria iyo Hooyadeed Emma.

Laakiin labo arrimood ayaa mar walba waxay ku noqonayeen su’aal adag ama xal xiraale uu furi waayey. Midda koowaad wuxuu is weydiiyaa maxaa adiga ku madoobeeyey hooyadaa Maria iyo ayeydaa Emma ay u cad yihiin? Midda labaadna marka ay is qabtaan dhalinta Swedish-ka ah ee yar yar waxay ku caayaan (Jävle Infandrare) oo macnaheedu yahay Shaydaanyahow soogalootiga ah. Wuxuu is weydiiyaa maxay soo galooti kuu leeyihiin hooyadaa iyo aabahaaba waa Swedish.

Dareenkaas ayaa in badan qalbigiisa ku gaamuray, laakiin wuu iska indho tiraayey. Maalin ayuu Axmed Eriksson oo wiil ay is qabteen ku yiri “Soo galooti” aad uga xanaaqsan wuxuu qolkiisa la galay fikir, gocasho ayuu galay, kaddibna wuxuu go’aansaday inuu hooyadiis Maria waydiiyo sababta loo leelayahay “Soo galooti” iyo sababta iyadana ay u cadahay, isagana u madow yahay.

Maria waxba kama qarin Axmed oo dhabta ayey fart aka saarta. Waxay u sheegtay in aysan iyada dhalin, oo ay ka soo wadatay meesha qaxootiga lagu qaabilo xilli uu 4 jir ambad ah ahaa, sidaasna ay ku soo korsatay.

Iyadii ayuu ku dheygagay. Isagii ayuu muraayad ka hormuuqatay isku eegay. Wuu gareystay in labadan midab aysan is dhalin. Wuxuu waydiiyey in ay garaneyso hooyadii iyo aabihii dhalay iyo in kale, iyo meesha ay ku nool yihiin. Waxay u sheegtay in aysan waalidkiis garaneyn, laakiin maalintii uu yaraa uu isaga u sheegay in hooyadii la dhaho Falxado, aabihiisna la dhaho Cawaale, isla markaas ay ka soo jeedaan dal la yiraahdo Soomaaliya.

Axmed wuxuu dhegta u qabaa in bulsho la yiraahdo Soomaali ay degan tahay Sweden, qofse kama yaqaano. Su’aalo badan ayaa madixiisa isku dhaafdhaafaya, wuu wareersan yahay, hooyadii uu jeclaa waxay leedahay aniga kuma dhaline waan ku soo korsaday.  wuxuuse waydiiyey imisa sano ayaan idinla noolaa, waxay ugu jawaabtay 15 sanadood.

Wuxuu sii waydiiyey inta aan idinla noolaa waalidkeyga ma ii raadiseen marna?, iyadoo yara naxsan oo ka baqeysa inuu careysan yahay ayey ku tiri “Maya” adiga ayaa tiri “Ma doonayo” aniga oo ilaalinayo xaquuqdaa ilmonimo ayaan kaa daayay maadaama aadan dooneyn, hadeerse waad baadi goobi kartaa waalidkaaga, anigana sidii uun baan hooyadaa u ahay oo taasi nama kala wadeyso.

Madax xanuunkii hayey ayaa ku kordhay, waa uu ka dhaqaaqay Maria. Fikir ayuu bilaabay. Dib ayuu u gocday hadaladii cunsuriyadda ahaa ee ay caruurta Swedish ah ku dhihi jireen. Marba wax buu ku fikiray, xitaa inuu is dilo kol ay tahay, wuu is waydiiyey in uu talaab uun qaado. Wuxuuna xal u waayey sida isaga iyo waalidkiisa ay ku kala lumeen iyo waxa keenay Sweden haddii uu Soomaaliya ka soo jeedo.

Axmed Eriksson waqti adaq ayaa soo wajahay. Raadadkiisii oo dhan ayaa ka kala maqan. Mana garanayo meel uu ka raadiyo. Reerkii uu ku soo koray wuu la colloobay. Niyad-xumo badan ayey ka dareemayaan. Gabadha saaxiibtiis aheyd ee Åsa way la yaaban tahay, dabeecado qalafsan oo aan looga baran ayuu la soo baxay.

Magaalada uu Axmed Eriksson degan yahay ee Karlstadt waxaa degan Soomaali aan sidaas u badneyn. Iskuulka uu dhigtana caruur Soomaali ah ayaa dhigata.  Lebiskiisa, timihiisa raamada leh iyo magaca loogu yeero iskuulka oo ah Eriksson darteed caruurtaas xitaa ma dareemin in wiilkan dhiig Soomaaliyeed ku jiro.

Axmed murugadii la soo deristay waxaa laga dareemay iskuulkii uu dhiganaayey. Waa lagu wareeray xaalkiisa, waayo wuxuu ka mid ahaa ardayda ugu firfircoon ee loogu jecel yahay, wuxuuna ahaa wiil jecel inuu heeso, qoob ka cayaarkana wuu ku wanaagsan yahay oo cidda uu la noolaa ayaa bah-shineemo iyo Disco Tech aheyd.

Maalin ayay maamulka iskuulka ka shireen arrintiisa, waxay go’aansadeen in Eriksson uu la kulmo haweeneyda iskuulka u qaabilsan la talinta ardayda ay dhibaatada la soo deristo, isaga ayay u bandhigeen wuuna aqbalay.

Subaxdii uu balanta la lahaa markii uu xafiiskeeda shaqada ugu soo galay Margareta Anderson waxay isla tageen qolkii qaabilaada. Waxay weydiisay dhibaatooyinka la soo dersay. Si aan dhib badneyn uyuu ugu sheegay in isagoo 18 jir ah loo sheegay in cidda soo korisay ee uu la noolaa aysan dhalin, waalidkiisana uusan garaneyn meel uu ka raadiyo taasina ku reebtay uttin uusan ogeyn sida uu kaga soo kabsan karo.

Margareta, oo ah khabiirad cilmi nafsiga ku taqasustay, waxa ay Axmed Eriksson waydiisay halka ay qoyskiisa ka soo jeedaan dhalasho ahaan, wuxuuna ku yiri “Sumeliya”, way garatay in uu Soomaaliya ula jeedo, waxayna iyada oo saxeysa ku tiri “Soomaaliya ayaad ula jeedaa!” Madaxa ayuu ruxay isaga oo dareensiinaya in ay sax tahay.

Waxa ay waydiisay “Ma jiraan dad Soomaali ah oo aad asxaab la tahay?” Wuxuu ku yiri “Maya!” Waxa ay waydiisay in uu u baahan yahay in uu barto dad Soomaali ah iyo in kale, isagana wuxuu ku jawaabay “Miyaanba heli karaa in aan barto qof aan waalidkeyga ka dugsado” “Way sahlan tahay ayey tiri” wayna ka dhaqaaqday.

Waxa ay soo laabatay iyadoo ay la socdaan gabar iyo wiil Soomaali ah oo ardayda iskuulka ka mid ah, isaga wuu garanayaa balse in ay Soomaali yihiin horey uma ogayn, iyagana sidoo kale waxay moodi jireen caruurta Latin America laga keeno ee ay korsadaan Swedish-ka.

Gabadhu waa Safiyo, wiilkuma waa Warsame, waana walaalo isla dhashay, inkastoo ay ku dhasheen, kuna barbaareen Sweden, waa kuwo waalidkood la nool oo Soomaalinimada wax badan isaga ku dhaama.

“Ursäkta! Kan ni hjälpa till” ayey ku tiri, iyadoo ula jeeda “Naga raalli ahaadee mana caawin kartaan?” iyaguna waxay ugu jawaabeen “Javist!” oo la macne ah “Dabcan!”

Margareta waxay Safiyo iyo Warsame ku tiri “Waad garaneysaan baan filaayaa Eriksson, waa saaxiibkiin, balse maanta arrinta murugo leh ayaa heysata, idinka ayaanna filayaa in aad tihiin dadka ugu dhaw ee ka caawin kara arrintaas”.

Warsame ayaa durba ku yiri “Haye Eriksson maxaa dhib ah ee jira, waa balan waan ku caawineynaa?” Isaga oo yara dhoolacadeynaya ayuu ku jawaabay “Mahadsanid saaxiib, waan hubaa in aad I caawineyso”

Axmed waxaa iskuulka oo dhan looga yaqaanaa Eriksson oo ah magaca qoyska uu la nool yahay, muuqaalkiisana waa mid gaar ah oo ka duwan ardayda kale, timihiisa waa Raamo, dharka wuxuu u qaataa sida fanaatiinta Jamaica, meel aan midabka madow aheyd kama shaabaho Soomaali.

Axmed wuxuu saaxiibadiisa Safiyo iyo Warsame u sheegay in uu yahay Soomaali, uusanna garaneyn af Soomaali iyo qof Soomaali ah, taas oo ay u dheer tahay in uusan garaneyn waalidiintii dhashay. Ogeyna meesha ay ku dambeeyaan iyo si uu u baadi goobo, sidaas darteed wuxuu ka codsaday in ay ka caawiyaan sidii uu u heli lahaa dad Soomaali ah oo arrimihiisa ka gacan siiya.

Safiyo oo Warsame ka weyneyd, ayaa u sheegtay in ay u geyneyso aabaheed si uu uga caawiyo waxa uu doonayo. Soo jeedintaas waxay neef weyn ka soo fujisay Margareta iyo Axmed Eriksson oo labaduba xaajadu ka wareersaneyd. Warsame wuxuu Axmed kula kaftamay inuu u maleyn jiray canug laga keensaday Brazil ama uuba yahay Jamaican. Axmed wuxuu ku jawaabay “Maanta walaalkaa baan ahay”

Kaftan kaddib Axmed wuxuu la balamay Safiyo iyo Warsame, Margareta iyo isagana waxay ku balameen in ay la socoto xaalkiisa. Sidii ayeyna dhammaantood ugu laabteen fasaladoodii iskuulka, iyadana shaqadeeda ku wadatay.

Axmed Eriksson waxaa loo geeyey Xaaji Daahir oo ah Safiyo iyo Warsame aabahood, waxaana loo sheegay in uu yahay wiil Soomaaliyeed oo habow ah waalidkiisana aan garaneyn.

Haaji Daahir wuu soo dhoweeyey Axmed inkastoo uu muuqaalkiisa yaa dhibsaday. Wuxuu waydiiyey “macagaa?” “Eriksson” ayuu ugu jawaabay. “Magacaasi Soomaali ma aha ee magacaa?” ayuu Xaaji Daahir ku celiyey. Axmed oo naxay ayaa ku jawaabay “Det är afternamn” oo uu ula jeeday waa magaca qoyskeyga.

Odey Daahir oo ah dadka dhaqanka Soomaalida ku ad adag, balse il bax ah, durba niyad ahaan wuu u saluugay wiilkan tintiisa raamada leh la moodo Amxaar miyi ku dhalad ah, ama Jamaican waayuhu ka daba tagay.

Kamase aamusine wuxuu ku yiri “Maandhow haddii aad Soomaali tahay Eriksson magac Soomaali ah ma ahan, tintan iyo qaabkanna qaab Soomaaliyeed ma ahan, ee si aan waalidkaaga kuula raadiyo dad aan xaalkaaga ka wareysto ii keen” “Okey” ayuu ku jawaabay Axmed.

Cabitaan ayaa loo keenay, Xaaji Daahirna wuxuu Axmed waydiiyey “Ma dukataa?” Axmed wuu fahmi waayey waxa loola jeedo dukasho, balse Warsame ayaa u fasiray. Wuxuu ku jawaabay “Maanta ka hor ma maqal ereyga dukasho, aniga kaniisada waan tagaa, Baptizing ama “Waqlal-gaaleed” waa la ii sameeyey, balse regular uma tagno kaniisadda” ayuu yiri. Jwaabtaasi waxay ka yaabisay qoyska reer xaaji Daahir oo dhan.

Warsame ayaa waydiiyay kaniisadee ayaad ka tirsan tahay? Wuxuuna ku jawaabay “Pingstkyrkan” oo uu ula jeedo Kaniisada Pentecostalka. Mar qura ayaa la wada ashahaatay, Axmedna yaxyax ayey ku noqotay. Wuxuuse la yaaban yahay dadka isaga la yaaban.

Ugu dambeyn Xaaji Daahir wuxuu Axmed ku yiri, “Waalidkaa waan kula raadinayaa haddii aad hal shuruud fulinayso” “Waa in aad diintaada Islaamka dib u qaadataa oo aad muslimtaa” ayuu ku yiri.

Axmed wuxuu ku jawaabay aniga weligey Muslim ma noqon, marka ma qasab baa in aan hadda muslimo? “Waa qasab” ayuu odeygii ku jawaabay.

Axmed wuxuu odeygii waydiiyey “Muslimiintu soo ma ahan argagaxiso? Sideen argagaxiso hadda ugu biiraa?” odey Daahir wuu fahmay in wiilkan uu diinta Islaamku ka og yahay inta uu ka arkay TV-yada Swedish-ka ah oo mar walba sawir xumeeya diinta Islaamka.

Wuxuu isku dayey inuu xaalka u dejiyo, wuxuu u sheegay inuu wax badan fahamsiin doono haddii uu gurigiisa si joogto ah u yimaado, sidii ayuuna ku aqbalay. Axmed farxad ayey ku beertay markii uu maqlay odey Daahir oo ilmihiisa ku leh gacan qabta walaalkiin, bara bulshada Soomaalida ah ee reer Karlstadt, masaajidka geeya, Af Soomaaliga, diinta Islaamka iyo dhaqan Soomaalida intaba.

Isaga oo aad moodo inuuba waalidkiis helay, farxadda badan ee ka muuqato darteed ayuu yimid gurigii uu ku soo koray ee reer Eriksson. Ayeydii Emma iyo hooyaddiis Maria uga sheekeeyey dhammaan talaabooyinkii uu qaaday iyo waxa u qabsoomay. Iyaguna kama aysan waaline waxay u sheegeen in ay ku faraxsan yihiin ayna ku gacan siin doonaan in uu hammigiisa gaaro.

Axmed wuxuu hooyadiis Maria ka codsaday in ay mar u raacdo guriga Xaaji Daahir si uu xaajiga iyada uga wareysto arrinkiisa, isla markaasna uga caawiyo helitaanka waalidkiisa. Way ka aqbashay.

Axmed kulankii uu la qaaday Xaaji Daahir iyo Maria waxaa uga soo baxday in uu waalidkiis ka soo raadiyo Soomaaliya, waxayna Maria ka balan qaaday in ay ka dhiibeyso ticket-ka uu Soomaaliya ku aadayo, iyo qarashaadka kale ee uu u baahan yahay intaba. Xaaji Daahirna wuxuu balan qaaday inuu ka caawinayo sidii uu Soomaaliya gudaheeda uga raadin lahaa waalidkiisa.

Xaaji Daahir wuxuu Axmed kula taliyey in uu Af Soomaaliga barto inta uusan Soomaaliya aadin. Waxaa lagu daray caruur yar yar oo Af Soomaaliga maalmaha Sabdi iyo Axad lagu baro madal ay isugu yimaadaan Soomaalida oo uu Xaaji Daahir maamule ka yahay.

Muqdisho oo ah halka waalidkii uu ku tuhmayo in ay ku nool yihiin, wuxuu ka aaminsan yahay in ay tahay magaalo degaan u ah argagaxiso, qawleysato iyo wax ma garad. Sidaas waa sida uu TV-yada ka arkay, wax niyad wanaag ahna uma haayo. Laakiin way ka go’an tahay in uu yimaado si uu waalidkiisa ula kulmo haddiiba ay nool yihiin.

Axmed Eriksson iyo Muqdisho

Axmed wuxuu isa soo diyaariyaba, afka Soomaaliga barto, isagoo u haraadsan inuu waalidkii arko balse aan heyn wax raad ah oo uu ku heli karo ayuu ka soo degay qaroonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Waa keligiis, ma wato qof caawiya, mana yaqaano sida la isu furdaamiyo, halkii uu ku noolaana ma aheyn nin safra oo Yurub gawaari ayaa la raacaa ama tareeno inta badan. Kani waa safarkii ugu dheeraa ee uu galo, waana kii ugu dhib badnaa.

Imaatinkiisaba wuxuu la kowsaday dhibaatooyin nololeed oo uusan filaneyn. Markii uu soo istaagay miiska Visaha laga qaato ee la weydiiyey magiciisa iyo halka uu ka yimid ayuu ku jawaabay “Eriksson”.

Sarkaalkii Visaha dhiibayey oo yaaban ayaa si kulul ugu yiri “Oo maxaad ahayd?” wuxuu ka filayey inuu Af Soomaali kula hadlayo ayuu ugu jawaabay af Swedish, taas oo ka careysiisay sarkaalkii. “Xagaas istaag” ayaa lagu yiri, Baasaboorkiina waa laga reebtay.

Waxaa taas u wehliyey in uu qalalay oo dhidid badani korkiisa ka soo daatay, kaas oo shaki ku abuuray sarkaalkii Visaha siin lahaa.

Waxaa loo gudbiyey waaxda Nabadsugidda garoonka, Booliiska, Waaxda Socdaalka iyo Nabadsugiduba waxay bilaabeen inay si wada jir ah u wareystaan, waase la fahmi waayey afkiisa, oo Soomaaligii inta uu ka bartay naxdintii ayaa ka kala lumisay.

Labo maalmood oo baaritaan rafaad ah kaddib, waa la soo daayey. Dhibaato kalese waxay ka qabsaday kaddib markii dhawr hotel oo uu geeyey taksigii uu qaatay ay diideen inuu dego hoteelkooda, iyagoo markaas ku go’aan qaadayey muuqaalkiisa yaabka leh ee ay ugu soo jiidashada badan yihiin timihiisa raamada ah.

Ugu dambeyn hotel ayuu degay. Waxaa lagula taliyey inuu tinta iska xiiro, wuuna xiiray tintiisa raamada laheyd ee uu korinayey tan iyo yaraantiisii. Joogistiisa Muqdisho weli uma sahlin in uu waalidkiisa helo. Dhibaatooyin cusub ayaa mar walba wajahayaa. Xitaa wuxuu ku sigtay dhawr mar in la dilo.

Xilli galab ah ayuu oo xiise u qaba Muqdisho wuxuu tagay xeebta Liido si uu ugu soo fahmeysto. Markii ay xeebta ku yara dabaasheen isaga iyo wiil yar oo la socday ayey yimaadeen maqaayad xeebta ku taalla oo ay ka dalbadeen Sambuus iyo Shaah.

Axmed in uu qurbaawi yahay waa la wada dareemay, dadkuna maadaama ay xiiseynaayaan dadka qurbaha ka yimaada waa la soo dhoweeyey. Dhibaatose waxay timid markii nin meesha fadhiyey uu magiciisa waydiiyey isaguna ku jawaabay “Eriksson”.

Degaha ayaa la taagay oo in aan la fahmin wuu dareen, markaas ayuu ku celiyey “Magaceyga waa Axmed Eriksson” waxay ka aheyd dadka fahamsii.

Ninkii oo ka carooday ninka magaca gaalka sheeganaya, haddana isla quman ayaa intuu ku soo jeestay si kulul ugu yiri “Ma gaal baad tahay” isna wuu iska aamusay.

Ninkii wuxuu ku qayliyey dila “Gaalka gaalku dhalay” kaddibna waxba lama hubsane Axmed ayaa qaylo iyo ciid firdhis lagu wada bilaabay.Naxdin darteed wuu suuxi gaaray.

Maskiin Allaa u maqane dadka isu soo xoomay waxaa qori ku kala eryey waardiyihii maqaayadda.

Axmed dhawr bilood oo uu Muqdisho joogay, wuxuu waayey qof xitaa garanaya magaca waalidkiisa. Isagoo quus jooga, laabashadiisa maalmo ka dhiman tahay ayaa maalin wuxuu la sheekeystay islaanta Hoteelka Nadiifisa, wuxuu u sheegay inuu waalidkiisa raadinaayo, laakiin uusan garaneyn meel uu ka helo.

Islaantii waxay ku tiri “Waxaan garanaayaa islaan uu wiil Yurub looga waday isagoo yar ka maqan yahay, mar walbana quraan u aqriso dartiis” Wuxuu waydiiyey magaceeda ma kasaayi, balse beri iyadoo socota ayaan kuu keenaayaa.

Subixii xigtay, Axmed waxaa hoteelkii loogu keenay islaan dhibaateysan oo lugta midig ka go’an, daruuf badanina ka muuqato, biro lagu boodana ku socota. Markii ay ka soo hor baxday ee ay u sheegtay inuu wiil kaga maqan yahay ayuu waydiiyey magaceeda, waxay ugu jawaabtay “Falxado” qalbiga ayaa Axmed gariiray marka uu magacaas maqlay.  Wuxuu waydiiyey wiilka kaa maqan Magiciis “waxay ugu Jawaabtay “Axmed” aabihiisna ayuu u raaciyey waxay ugu jawaabtay “Cawaale”

Axmed farxad darteed ayuu inta marka hore hooyadiis isku duubay kaddibna suuxdin dhulka kula dhacay. Markii uu soo naaxay waxaa loo sheegay in aabihiis iyo walaalihiis seddax ka mid ah dagaaladii sokeeye ku dhinteen oo gurigoodii madfac kula dhacay, isla madfacaasina uu yahay kan hooyadiis lugta ka jaray. Hal wiil iyo gabar oo reerka u harayna ay ku kala maqan yihiin iskuul iyo shaqo. Safarkii Axmed ee Muqdisho guul naxdin badan leh ayuu ku dhamaaday, balse nasiib darrooyin badan ku hareereysan yihiin.

Wixii talo soo jeedin ah ku soo hagaaji [email protected]

Daawo Muuqaal lagu Farxo Dhallinyaro Musliminaya Dhallinyaro kale

Muuqaalka Maanta aan idiin soo gudbineeyno waa mid marka aad aragto aad aad ugu farxeeyso waa Dhalinyaro la musliminaayo oo aad ugu faraxsan Diinta suuban ay soo galayaan ee Islaamka ah.

Hadaba Daawo waa arin lagu farxo una baahan in aan kawada qeyb qaadano baahinta diinteena marka aad daawato Takbiirta saddex jeer ku dhawaaq alle haka abaal mariyee.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO:

 

Hab dhaqanka ilaalada Madaxda Dowladda. “Warbixin + Gorfeyn”

Muqdisho (Caasimada Online) Marka aad tagtid xarumaha dowladda ama aad ka qaybgashid shirarka jaraa’id oo ay qabtaan madaxda dowladda, waxaad arkeysaa hab dhaqan aad u xun oo ay ku kacayaan ilaalada madaxda dowladda.

Laga bilaabo ilaalada madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha golaha baarlamaanka, waxa ay isla wadaagaan dhaqan aad u xun oo aysan xitaa ku dhaqmin ilaalada wafduuda caalamiga ee timaada dalka.

Tusaale, marka uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shir jaraa’id ku qabanaayo xarunta Villa Somalia ama meelaha uu booqanayo, waxaa dhacda in baabuurka lagu wado isaga ay la socdaan illaa afar ama shan baabuur oo kale oo ay saaran yihiin ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha.

Waxa ay sameeyaan iyagoo socda baabuurka yey orday iyo qababac iyo xoog ku fuulaan waxaana moodaa in ay yihiin maleeshiyaad ku sugan goob colaadeed, waxa intaas u dheer baabuurta si waalan ayaa loo wadaa oo aad is lee dahay darwalka baabuurka ma cabsan yahay tolow!!!

Waxaan ka mid ahaa raxan  wariyaal ah oo ka qaybgalay shir jaraa’id oo ka dhacayay Villa Somalia, waxa inta uusan shirka qabsoomin dhacday in ra’iisal wasaaraha xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka soo baxay kulanka, kuna sii jeeda aqalkiisa, ilaaladiisa gaarka ah ay sameeyeen is-waal iyo in baabuurta si xowli ah loo wado.

Waxan anniga iyo koox wariyaal ah is weydiinay maxaa ku kalifay in sidan oo dhan isku waalaan ilaalada ra’iisal wasaaraha, maadama ay ku jiraan meel ammaan ah, isla markaana uu baabuurka la socdo ra’iisal wasaaraha.

Mid ka mid ah wariyaashii aan isla joognay oo ka socday Al-Jazeera ayaa igu yiri waa dhaqan ay lee yihiin dhammaan ilaalada madaxda dowaldda, oo haddii aysan sida sameen waxa loo arkayaa ma shaqeyste aan waxbo tari hayn.

Markaas yaan ku iri waxa hadda shir jaraa’d qabtay danjire Agustine Mahiga oo ay la socdaan saraakiil badan oo ka socota midowga Africa, ilaalada la socota is-waal iyo baabuurka oo si xawaara ah loo wado ka muuqan ee maxaa meesha ka qaldan.

Wariya kale ayaa igu yiri, war kuwan waa kuwa sharci iyo nidaam soo arkay marka isku mid ma ahan dhallinyaradan waa kuwixii badan kood ahaa maleeshiyaadkii dhibka ku hayay magaalada oo ciidan laga dhigay.

Siddii u dhaqmaan ilaalada guddoomiyaha golaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari?

Waxbo kama duwan kuwa aan ka soo sheekeenay ilaalada guddoomiyaha baarlamaanka, marka uu immaanayo kal fadhiyada golaha baarlamaanka, waxa la socda dhowr ilaalo ah, kuwaasoo inta uusan baabuurka ka soo dagin meelaha odar isla markiina difaac gala, Malaha waxaad moodaa kuwa dagaal ku jira, waxa intaas dheer si hal-haleel ah ama xoog ayaa lagu galiyaa xarunta baarlamaanka, isagoo xitaa salaamin dadka meesha jooga ama waardiyaha irida ayuu orad ku gala.

Dhibaatada ay ku qabaan Saxaafadda ilaalada madaxda dowladda.

Suxufiyiinta ka howlgasha Muqdisho dhibaato wayn yey ku qabaan madaxda dowladda, waxa ay ku dhibaan meelaha ay joogaan madaxda dowladda in si fudud ay howshooda u gutaan, waxa ay is hortaagaan kaamirada ama iyaga ayaa buuq galiya wariyaasha codadka ka duubanaya shirka jaraa’id

Waxa kaloo wariyaasha ay soo maraan dhowr jid gooyooyin oo yaalla xarumaha madaxda dowladda kuwaasoo si weyn la isku soo baaro, intaas la isugu ma turo ee waxaaba sii dheer in lagu marsiiyo mashiino wax baaro.

Waxa kaloo dhacda in wariyaasha loo sheego shir jaraa’id oo ay qabanayaan madaxda dowladda, markii ay yimaadaan ayaa wariyaasha waxa ay goobta joogaan dhowr saacadood oo aad u badan, taasna ay keento in shaqooyin badan oo ay qabsan lahaayeen ay meesha ku xayiranto.

Marka qaar waxaaba dhacda in iyagoo joogay goobta dhowrkaas saac la yiraahdo iska baxa shir jaraa’id ma jiro.

Waxa kastoo wariyaasha marka uu shirka jaraa’id uu qabto loo sheegaa in wax su’aalo ah aysan jirin oo ay iska baxaan, warkana ay qaataan.

Waxa kaloo aan ku arkay xarumaha madaxda, marka ay shirka jaraa’id qabtaan wafuuda caalamiga ah, in wariyaal badan aan loo sheegin magaca ama xilka uu hayo shaqsiga shirka jaraa’id qabtay taasna dhib ay ku noqoto wariyaasha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Shabakada Wararka Balcad.com oo hawada ku soo noqotay Booqo.

0

Maamulka Shabakada Balcad.com waxuu ku wargelinayaa Aqristayaasha Shabakada Balcad.com in hawada mar kale ay dib ugu soo noqotay Shabakadaasi kadib Cilado heestay iyo Server cusub ay u guuraysay kadib.

Hadaba Booqo Shabakada Balcad.com oo Warar Deg Deg ah aad ka heleeyso 24 saac.

BOOQO BALCAD.COM

 

Wasiirka gaashaandhiga Somalia oo kashifay xiriiro badan oo qarsoonaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhiga Somalia Cabdixaiim Maxamuud Fiqi, ayaa sheegay in burcad badeeda dalka Somalia ay taageero ka helaan dalal shisheeye, oo isku dayaya inay qaribaan ammaanka iyo xasiloonida dalka ku yaalla geeska Africa.

Isaga oo la hadlayay wakaaladda wararka Iran ee FNA, ayaa Fiqi waxa uu sidoo kale tilmaamay xiriir ka dhaxeeya burcad badeedda iyo kooxda Al-Qacida.

“Waa macquul taas…waana ay caddahay in kooxaha burcad badeeda ay maal geliyaan kooxo iyo dowaldo shisheeye, oo isku dayaya inay wiiqaan nabadda iyo xisiloonida Somalia, ayaga oo doonaya inay ka taajiraan afduubka doomaha maraya biyaha Somalia” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Dowladda Somalia ay mucaaradsan tahay burcad badeednimada, waxaana uu intaas ku daray in Muqdisho ay ku tala jirto inay xoojiso ciidamadeeda badda, si looga hortago shufto badeedda.

Fiqi ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay taageerto dhismaha ciidamada badda Somalia, taasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu dhameyanayo burcad badeedda gobolka.

Xafiiska Wararka Caasimada Online

Muqdisho, Somalia

Hambalyo dhalasho

0

Hambalyo-Dhalasho

Ayeeyo   Khadiijo Xaaji   Cabdoow   Cumar

Hooyo    Saynab   Maxamed   Ducaale

C/maalik          Cali  Naasir

C/Casiis    Cali  Naasir

C/wahaab Cali Naasir

Qadan       Cali Naasir

Farduus     Cali Naasir

Jamaad      Cali Naasir

Shaafici Cabdi

Bashiir Axmed

Maxamed Jaamac

Mukhtaar Cali

Xirsi C/laahi

C/naasir  Maxamuud  Cumar

Zamzam  Yuusuf  Nuur

Ardo     Maxamed     Cali

Farxiyo    Aadan

Faa’iso     Ibraahin    Isxaaq

Deeqo      Ibraahin    Isxaaq

C/fitaax    Ibraahin   Isxaaq

Deeqo      Maxamed  Xasan

Ayaan      Aadan       Cali

Aamino   Maxamuud  Axmed Garweyne

Fartuun    Cali     Cabdi

Dhamaan asaxaabtaasi oo kala jooga Soomaaliya iyo Maraykanka waxay hambalyo leeyihiin Jaamac Cali Naasir iyo Xaaskiisa Faa’iso Muuse Cali oo uu 04/01/2013 wiil ugu dhashay Minneapolis ee Dalka maraykanka, Wiilkaasi Waxaa loogu wanqalay Maxamed Jaamac Cali Naasir, soo barbaar ayay leeyihiin, noqo kii Dalkiisa, dadkiisa iyo Diintiisaba anfaca. Aamiin

 

Farriin ka timid Dowladda Somalia oo ku socota Soomaalida oo idil

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Somalia ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay diyaar u tahay inay dalka dib ugo soo celiso dhammaan muwaadiniinteeda kala jooga caalamka, ayada oo ammaanka dalka uu soo hagaagayo.

Dowladda wax ay si gaar ah u sheegtay dadka qaxootiga ah ee ku dhibaateysan meelo ay Kenya ugu horeyso, oo dhowaan amarro adag lagu soo rogay.

Dowladda Somalia waxa ay sheegtay in xaaladda dalka ay sii hor mareyso.

“Wax soo saarka cuntada ayaa lagu wadaa inuu sare u kaco, dhammaadka sanadkan, waxaana jira xaalado muujinaya in wax soo saarka beeraha ee gobollo badan uu sare u kici doono” ayaa lagu yiri bayaanka Dowladda Somalia.

Dowladda Somalia waxa kale oo ay sheegtay inay horumarisay xaaladda ammaanka ee dalka, taasi oo ogolaan doonta in hay’ado badan oo gar gaar oo caalami ah ay dadka caawiyaan.

Xaaladda sii hor mareysa ee Somalia ayay tiri Dowladda,  ayaa sidoo kale hay’adaha Qaramada Midoobe ee UNICEF iyo WHO iyo kuwa la saaxiibka ah u ogolaatay inay caafimaad la gaaraan kuwa ugu beylahan shacabka ee haweenka iyo caruurta.

Dowladda Somalia ayaa bayaankeeda kusoo geba gebeysay in dhammaan xaaladahaas wanaagsan ee dalka iminka kasii hormaraya ay ogolaan doonto in shacabka Soomaaliyeed ay dalkooda dib ugu soo laabtaan, ayna ugu yeereyso sidan.

Xafiiska Warar Caasimada Online

Muqdisho, Somalia

 

Faroole oo ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa 4-tii sano

Boosaaso (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Mamamuud Faroole ayaa ka hadlay xaflad xaley ka dhacday magaalada Boosaaso oo lagu dabaal dagayay sannad guuradii afaraad ee ka soo wareegtay markii la dhisay maamulkiisa ayaa ka hadlay arrimo badan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay ay qabteen waxyaabo fara badan oo ah xagga horrumarka.

Madaxweynaha ayaa sheegay muddadaas in ay wax badan ka qabeen arrimaha ammaanka. Siyaasadda, la dagaalanka burcad-badeeda iyo ballaarinta maamulkiisa.

“Waxqabadkii muddii afarta sano ee aan jirnay waxa ay ahayd afar sano oo howl badan waxaad ogtihiin meesha aan wax ka billownay, haddii laga eego xagga amniga, dhaqaalaha, xagga wax qabadka hey’addaha caalamiga ah ee Soomaaliya ku tiirsan tahay waqtiga xaadirka oo aysan isku filneen, haddii laga eego adeegga bulshadda,

Wuxuu sii hadlay “ Waxa aan xafiiska la wareegnay iyadoo magaalada Boosaaso amnigeeda uu aad u liito oo aron karo wax badan ayaa laga qabtay, bishii October 2008-dii waad ogtihiin qaraxyadii ka dhacay waxana la wareegnayo deeganno badan” ayuu yiri Faroole.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in horrumarka uu gaaray maamulkiisa uu ka mid yahay dastuur u sameenta Soomaaliya in ku-meel-gaarka laga baxo.

“Dowladda Fedaraalka Soomaaliya siddii ay uga bixi lahayd ku-meel-gaarnimada waan is qabanay, laakin aaqirkii waxa ay noqotay in aan wadashaqeyno oo wixii ragga qaar ay halakan ka sheegeen aan meel marino Puntland ayaa hormuud u ahayd waxana ay ka dhacday gudaha Puntland iyadoo meel kale lagu qaban waayay oo Soomaaliya ah” ayuu yiri markale Faroole.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in maamulkiisa uu xilka u dhiman yahay muddo hal sano oo dheeri ah, taasoo u oggalaanaayo dastuurka Puntland.

Madaxweynaha ayaa dhaleeceeyay dad uu ugu yeeray in ay yihiin qaswadayaal doonaya in ay la burburiyo maamulka Puntland.

Si kastaba, hadalka madaxweynaha Faroole ayaa ku soo beegmaya iyadoo muddada loogu talagalay in uu xafiiska hayo ay ku ekeed shaley oo bisha January ahayd 8-da 2013-ka.

Ammaanka magaalooyinka Puntland ayaa la adkeyay waxana meel kasta la dhigay ciidamo badan oo ammaanka suga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

Daawo Video-gan: Halista Kaamirada Qarsoon ee Sanadka Cusub 2013.

0

Muuqaalka Maanta waxaa idiin soo gudbineynaa Kaamirada Qarsoon ee ugu halista badan sanadka cusub 2013 kaas oo aduunka ka yaabsaday Barnaamij kooban oolaga diyaariyay.

Hadaba Aqristoow Daawo Muuqaalkaan adaa yaabi doono qaabka Kamirada Qarsoon ay u soo qabaneyso Dad si qarsoodi ah loo tooganaya.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GAN:

 

Garsoorayaal sii daayay nin 30 sano ku xukumnaa oo sharciga la mariyay

Muqdisho (Caasimada Online) Maxkamada Sare ee dalka ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay shaqada ka ceyrisay seddax garsoore oo ka tirsan maxkamadda racfaanka, kuwaasoo lagu helay in ay ka dambeeyeen sii deeynta nin lagu xukumay 30-sano oo xarig ah.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Ceydiid Cabdulaahi Ilkaxanaf ayaa saxaafadda u sheegay in ninka la sii daayay uu ka dambeeyay dilka labo shaqaale oo ajaaniib ah oo ka tirsanaa hey’adda MSF kuwaasoo la dilay sannadkii 2011-ka.

“ Waxa jirtay in nin la shaqeen jiray hey’adda MSF ee magaalada Muqdisho kaasoo loo qabtay dilka labo dhaqtar oo u kala dhashay Belgium iyo Indonesia oo lagu dilay xaafada Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

“Ninkan ayaa sheegay in uu qirtay dilka labada shaqaalaha oo bastooladii iyo wixii uu ku dilay la soo qabtay ayaa lagu qabtay, maxkamadda gobalka ayaa la geeyay, dacwadiina maxkamadda gobalka ayaa qaaday dacwadda waxa ay ku xukuntay ninkii 30-sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo aad u badan.

“Racfaan buu ka qaatay markaas ninkii, racfaankii garsoorayaal seddax ah ayaa dacwada racfaanka galay, markiina waxa garsoorayaasha amreen in la sii daayo ninka, oo xabsiga laga sii daayo waliba sida ugu dhaqsiyaha badan, ninkii wuu tagay isla maalintiiba waa uu baxsaday, waxana aan oggaanay in uu galay Guriceel.”

Wuxuu intaas ku daray guddoomiyaha maxkamadda sare in MSF shaqaalihii ka joogay Guriceel ay isaga baxeen magaalada Guriceel markii ay oggaadeen in ninka uu soo galay halkaas,waxan markii dambe ay ka baxeen dhammaan gobalada dhexe oo dhan.

Marka waxa soo baxday in isbitaaladii MSF ay joogeen in ay soo baxeen dhaqtar la’aan iyo dawo la’aan toona, marka annaga ayaa galnay kulan oo ah guddiga adeegga sare ee garsoorka uu ugu weyn yahay guddoomiyaha maxkamadda sare, waana fadhiisanay.

Marka wuxuu sheegay in ay u soo baxday waxa uusan xaq u lahayn garsoorka in ay meesha ka soo baxeen markiiba xukun ayaa ku dhacay seddaxda garsoor ayuu yiri Ilka xanaf.

Ma ahan wax ku cusub arrimahan Soomaaliya, waayo dhowr jeer ayey dhaceen iyadoo nin la xukumay la sii daayo ama lagu helo dambi culus, waxana door ku leh arrimahaas hey’addaha dowladda, gaar ahaan kuwa ciidanka ama maxkamaddaha dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Warbixin: Socdaalka Fowsiya ee Roma

Roma (Caasimada Online) Wafdi ay hooggaamineyso ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta oo Talaado ah booqday saxaafaradda Soomaaliya ay ku lee dahay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Wasiirka iyo wafdigeeda ayaa soo booqatay xarunta safaaradda iyo dhammaan qolalka ku yaalla, halkaas oo ay kula kulantay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkaas iyo midowga Yurub Nuur Xuseen Nuur Cadde.

Waxa kaloo wasiiradda ay kulan la qaadatay jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Roma, iyadoona kala hadashay siddii wax loogu qaban lahaa dalka, iyo in laga shaqeeyo in Soomaalida ku dhaqan dalkaas ay u noqon lahaayeen kuwa isku xiran.

Wasiirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Talyaaniga ay kala hadashay siddii dadka Soomaalida ee ku nool Talyaaniga loo oggaan lahaa oo aan la dhibaateen.

Wasiiradda oo socdaalo hadda ku maraysa Yurub ayaa shaley la kulantay dhiggeeda dalka Tanyaaniga Giulio Terzi.

Kulanka labada Wasiir oo qaatay saacado dhowr ah ayaa waxa ay ku gorfeeyeen arrimo ay ka mid tahay adkeynta xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga, iskaashiga dhinacyada horrumarinta, sida nabadgalyada, waxbarashada iyo Beeraha.

Waa markii ugu horreysay ee ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ay booqato dalka Talyaaniga.

Wasiiradda ayaa horrey u soo booqatay dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London halkaasoo ay kula kulantay dhiggeeda dalkaas William Hague.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Roma

 

Diyaarad dhaawacyo badan ka qaaday Garbahaarey iyo xog kale.

Ciidamo badan oo ka socda dowlada dalka Ethiopia oo maalintii shalay gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa maanta fariisimo ka sameystay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo  aad u badan islamarkaana ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Ciidamadaan ayaa gelinkii hore ee shalay gaaray degmadaasi Garbahaarey,waxaana maanta sidoo kale ay fariisin ka dhigteen duleedka degmadaasi garbahaarey.

Dhanka kale warar hoose oo aan helayso ayaa  sheegaya in diyaarad kasoo dagatay dowlada garoonka Garbahaarey ay maanta ka qaaday degmadaasi dhaawacyada ciidamo isugu jiro Ethiopian iyo Soomaaliya kuwaasi oo ku waxyeeloobay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka.

Ma jiro wax faahfaahin intaasi sii dhaafsiisan,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo kan Degmada.