28.3 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

KASHIFAAD: Burburin xoogan oo ku socota wasaarada arrimaha dibedda Somalia + Kaalinta Fowsiya

Sidii Dawladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u dhacdey, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somalia waxey aheyd Wasaaradda ugu ceymo fiican sababtuna waxey aheyd waxaa jirey diplomasiyiin fara badan oo si fiican u mathala Dawladda Somalia danaheeda caalamiga ah.

Maadaama safiiro badan oo Somali ah ay muddo dheer sii joogeen dalalkii ay ka shaqeynayeen, safiiradaas waxey kasbadeen kalsoonida dalalkii ay safiirka ka ahaayeen; sida safiirka Kuwait, safiirka Saudi Arabia iyo safiirka Masar. Dhanka kale waxaa jira safiiro dayacey dantii iyo hantidii dalku lahaa; qaar safiiradda ka mid ah ayaa guryihii dawladda iibsadey; qaar kalena waxey ka kireysteen ururo dhaqan-xun; qaar kale waxey iibsadeen taargooyinkii baabuurta diploomasiga ah ee Somalia oo waxaa dad ajnabi ah ku wataan dalalka ay safiirka ka yihiin; qaar kalena waxey safaaraddii ka dhigteen shirkad ay iska leeyihiin oo kale.

Isku soo duub, dhib kasta oo safaaradaha ka jirta, waxaa badnaa safiiro si hufan oo wadaninimo leh u gudan jirey shaqadooda, una difaaci jirey danaha ummadda Somaliyeed. Taasna waxey dhalisey in Somalia sii ahaatey dawlad ka muuqata maxfalada caalamiga ah.

Maamuladii soo marey Somalia tan iyo intii dawladdii Madaxweyne Maxamed Siyad Barre ka danbeysey, waxey fahmeen qiimiga ay leeyihiin safiirada Somalia, waxeyna ka xishoodeen iney bedelaan ama wax dhib ah u geystaan; ayagoon wax dhaqaale ah uheyn, balse aan xittaa mushaar siin 22-dii sano oo la soo dhaafey.

Dawladda Madaxweyne Hassan Shekh waxey Wasiirka Arrimaha Dibedda u magacawdey Haweeney Somaliyeed oo aan wax khibrad ah u laheyn siyaasadda arrimaha dibedda. Haweeneydaan taariikhdeeda maqaalka labaad ayaan si tafaftiran uga soo sheekeyn doonaa waayo waxey nala degeneyd LONDON.

Wasiiraddu waxey hadiiba bilawdey iney faraha la gasho dhammaan safaaradaha, waxey amar ku bixisey in dhammaan in ka badan 300 oo diplomaasi ay soo galaan Xamar; waxey amartey in dhammaan safaaradaha la soo xiro; waxey sameysey guddi uu madax u yahey Safiir Yusuf Dheeg oo ah nin Somaliland u adeega oo ka shaqeeya baa’bi’inta Somalia. Yusuf Dheeg waxaa u qorsheysan inuu dhammaan safiirada iyo qunsuliyadaha wax-ku-oolka-ah ka takhaluso oo uu ku bedelo dad aan khibrad laheyn si siyaasadda Somalia u dhammaato oo dhinicii kaliya oo u noolaa Somalia laga tirtiro.

Yusuf Dheeg iyo Wasiiraddu waxey heshiis ku yihiin sidii loogu adeegi lahaa Somaliland. Muddo aan fogeyn ka hor waxey Wasiiraddu u tartameysey Madaxtinimada Somaliland. Waxaa la yaab leh sababta loogu dhiibey iney hogaamiso siyaasadda Somalia.

Shirkii dawladaha Islaamka oo ka dhacey Djibouti (Jabuuti) waxaan kala kulmey dhawr masuul oo Carab ah, waxeyna iweydiiyeen Somalia raggii miyaa ka dhamaadey? Sidee qof dumar ah uga dhigteen Wasiirka Arrimaha Dibedda? Miyeydaan ogeyn in dhammaan dawladaha Islamku ay arrintaas ka xumaadeen? Xaggeese u dirsaneysaan waayo wasiir muslim ah oo la kulmaya ma leh?

Waxaa Xamar ka bilawdey qorshe lagu tirtirayo wixii wanaag ahaa oo ku harey safaaradaha Somalia oo dhan. Mashaakilka Somalia ka jira oo farihii ka batey awgeed, Madaxweynaha Somalia arrintaani waa ka hoos baxdey.

Madaxweynaha Somalia waxaan ku baraarujineynaa inuu si fiican ula socdo qorshaha lagu maleegayo sidii loo tirtiri lahaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somalia iyo diploomaasiyiinta khibradda dheer u leh.

Ugu danbeyntii, in ka badan 74 diploomaasi ayaa waxey la heshiiyeen lawyers caalami ah oo xuquuqda diploomaasiyiinta caawiya, waxeyna ka codsadeen iney xuquuqdooda ka daafacaan dawladda Somalia. Diploomaasiyiintu waxey ku doodayaan:

1- In aan mushaar la siin 21 sano oo la soo dhaafey;

2- In aan la siin kharashaad kale oo fara badan oo ay xaq u lahaayeen;

3- In lagu amrey iney Xamar soo galaan ayadoon loo heyn hooy nabad ah oo ay degaan, nabadgelyadooduna khatar galeyso;

4- In lagu talo jiro in shaqooyinka laga qaado, xaq la’aan la ruqseeyo.

Haddaba haddii uusan Madaxweynuhu arrintaan si fiican wax uga qaban waxaa dhici karta in uu ku dhaco hog loogu talo galey dawladdiisa.

Adduunka oo dhan waligeed kama dhicin in hal mar la soo wada xereeyo dhammaan diploomaasiyiinta dalka u wada shaqeysa. Taasin waxey kuu caddeyneysaa qorshaha lagu cirib tirayo siyaasadda arrimaha dibedda ee Somalia oo ay ka danbeeyaan Wasiiradda iyo Yusuf Dheeg.

Qoraalkeyga labaad waxaan ku soo qaadi doonaa taariikhda Wasiiradda iyo famiilkeeda, khaas ahaan aabaheed. Sidoo kale, waxaan si fiican uga soo faaloon doonaa mudadii ay LONDON ku nooleyd.

Ugu danbeyntii, diplomacy kasta oo Somali ah oo dhib ka tirsanaya Dawladda Somalia, waxaan ku guubaabinayaa inuu emailkaan igala soo xiriiro, asagoo si detailed ah usoo qoraya dhibta uu tirsanayo; oo ka bixinaya FACTS cad oo la taaban karo. Waxaan u gudbineynaa urur lawyers ah oo caalami ah oo lacag la’aan arrintooda ugu dacwoonaya. Sidoo kale waxaan ka digeynaa in aan wax BEEN ah naloo soo qorin waayo diplomaasigii dacwad been ah soo qora asaga ayaa dacwadu ku soo noqoneysaa.

Ahmed Warsame

LONDON, United Kingdom

General Dhaga Badan oo u digay Ciidamada DF ee Jowhar

0

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeeda Cabdi kariin Yuusuf Aadan dhaga badan ayaa ugu digay ciidamada Dowlada soomaaliya ee dhawaan la wareegay Jowhar inaysan dareeska ciidanka dowlada dadka ku waxyeelayn.

Dhaga Badan oo ka hadlayay Jowhar xili deeq la gaarsiinayay ciidamada huwanta ayaa waxaa uu la dar daarmay in Askarta Dowlada ee jooga cirifka hore iyo kan dambe ee Jowhar.

Abaanduulaha ayaa ugu digay in shacabka Beeralayda ah aysan  dhibaato u gaysan Islamarkaan ay dhulka ay la galin sharafta uu leeyahay Labiska ay xeran yihiin.

Ma ahan buu yiri in dareeska Askarta marka ay dadka arkaan ay ka cararaan hasa ahaatee loo baahan yahay in loo soo cararo waxaana warkaan uu yimid iyadoo Meelihii ay ciidamada qabsadeen ay dhibaato ka gaystaan.

Ugu dambay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa laga hergeliyay Maxkamada Dacwada taas lagu qaadayo dacwadaha.

QM oo ka digtay arrin kusoo wajahan Somalia (Aqri faah faahinta)

0

Nairobi (Caasimada Online) Warbixin uu soo saaray maanta oo Arbaca ah  Xafiiska isku duwidda gargaarka arrimaha bini’aadnimo ee QM OCHA, ayaa ka digay abaar mar kale ku dhufata SOomaaliya.

Edem Wosornu , oo ah ku-simaha ku-xigeenka madaxa Xafiiskfa OCHA, Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka cabsi qabaan Soomaaliya in ay ka dilaacdo abaar mar kale.

Waxa ay intaas ku dartay in Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha mushkiladaha ugu ballaaran ee bani‘aadnimo ay ka jiraan caalamka maanta la joogo.

Mrs. Wosornu ayaa laakin hoosta ka xariiqday in guulo waaweyn la gaaray, wixii ka dambeeyay abaartii sannadkii hore 2011-kii dhufatay Soomaaliya , hase yeeshee 12 bilood ka dib, weli dhibaatooyin ay taagantahay.
Waxey sheegtay in inkastoo roobab da’ay iyo xadiga gargaarka bani aadnimo ee gaaraya Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay ay wax weyn ka tareen ama ay hoos u dhigeen tirada dadkii u baahnaa gargaarka deg degga ah hadana aan la dhihi karin Somalia waxey ka baxday xaaladii bani aadnimo.

Si kastaba, Qaramada Midoobay waxey sheegtay in ku dhawaad 4 milyuun oo qof ay weli gargaar u baahanyihiin.

Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd waddamo dhowr ah oo ku yaalla geeska Africa, oo sannadkii hore ay ka dilaaceen abaaro xooggan oo dad iyo duunyo fara badan ay ku baaba’een.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

 

“Mudane, Maalka MUQDISHO lama wada laha!” (Farriin run sheeg ah)

Arar

MADAXDA midbaa tagi, midna waa iman. Soo jeede xukun doonaya, sii jeeste xukun laga diray xoog iyo xeeladba, labadaa ayey u dhexeeyaan inta wax xukunta. Waxayse ka siman yihiin BALLANQAAD kuna kala duwan yihiin HIRGALIN iyo HAREERMARID! Oo marna ammaan iyo xan fiican u noqota, marna dhaleecayn iyo dhibsaso u noqota.

Marka laga soo tago awoodda SIYAASADEED ee MADAXTINIMADU leedahay iyo magaca SUUBBAN waxaa kale oo jira AWOOD DHAQAALE ooba la dhihi karo waa ka xoog badan yahay kana adag yahay kan SIYAASADEED, illeen SAYAASAD aan DHAQAALE lagu fuliyo lahayni SIYAASAD  ma ehee. Micnaha SIYAASADI DHAQAALE la’aan ma noolaan karto. Aan soo koobee XUKUN waxaa loogu wada oomman yahay waa: MAGAC IYO MUUNAD, AWOOD SIYAASADEED iyo AWOOD DHAQAAALE.

In badan waxaa xoogga la saaray sidii looga hadli lahaa labada awoodood ee     kala ah MAGACA IYO SIYAASADDA [QOFKA IYO QAUBTA] balse, wali la isma weydiin: AWOODDA DHAQAALE! Waa mare, horta xaggee laga keenayaa? Waa marka labaade, yaa la siinayaa oo qaadanaya? Waana midda aan ku faaqidi donna qormada, sidaa awgeed, haddaad meelaha qaar dhibsato, ama aad u aragto inaysan sidaa ahayn, bal midda kula habboon adna soo bandhig, aan wax kala kororsannee.

Hadduu xilligu yahay xilli doorasho waxaad mar walba maqlaysaa in khilaaf xooggan ka jiro sida loo xulayo inta a xulayo, Beelaha oo isku mari la’ xubnaha u matala Baarlamaanka, sidoo kale, marka la magacaabayo Wasiirka koowaad, waxaad maqlaysaa, Madaxweynaha oo Beel la shiray, kalana tashtay sida loo magacaabi lahaa mudaha u mudan!

Haddii Golaha Wasiirrada la dhisanaya waxaad maqlaysaa, Beelaha oo isku haysta Wasaarad heblaayo, Ra’iiusl Wasaaraha oo culays xooggan uga imaanayo Beel hebel oo isu aragtay inay Wasaaraddaa waligeed iyada loo magacaabi jiray! Sheekooyin caynkaa la halmaale baad maqlaysaa, in kastoo in la isu dheelli tiro Wasiirrada beelaha ay ka soo jeedaan waa mid la fahmi karo, waliba xilligan oo kale.

Haddii Gabayga fahamkiisu kugu adag yahay, haddaad suugaanta madax xanuun ka qaaddo, maanta taaba kuuma wado, waxaanse kula wadaagayaa arrin kale oo aan filayo inaadan madax xanuun ka qaadin, haddii aysan kugu dhalin Goonjab! Illeen waxay ay ka hadlayso baa ah, wax qof walba taaban karo, gaar ahaan qof walba oo ka soo jeeda Muqdisha, waa in haddii 1+1= 2.

Madaxweynaha lagu sheego inuu yahay Aabbe Soomaali mudane Geelle, ka dib markii Jabuuti horseed u noqotay oo ay u soo dhoodhoobtay dawladdii burburka dhalisay ee Cali Mahdi, ayey ka dibna Soomaali u horseedday nidaamka SHAYDAAN ee AFAR iyo BAR, ayuu mar kale shirkii u dambeeyey ee lagu qabtay Jabuuti wuxuu noo soo hindisay Baarlamaankii ka koobnaa SHAN BOQOL iyo KONTON aan ahaa TIRO BADNE TAYO YARE!

Muqdisho iyo Masruufka Dawladda

Maarayn xumaataa
Mashaqiyo abaar iyo
Mawd wadara kaba daran!

Maqaar saarka joogiyo

Madaxtooyo aan jirin

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Baarlamaankii ISLAAMKA iyo AABBAHA Soomaali xaggooda nooga yimid, wuxuu XILDOON – kuwa hore dawladdii C/laahi Yuusuf ugu jiray- iyo XAARAANDOON – kuwii ku soo galay magaca DIINTA – miday yihiin waxaa ku bixi jirtay LACAG dhan: LIX MALYUUN OO DOLLAR maxaa yeelay mid walba oo ka mid ah wuxuu qaadan jiray mushaar, aanse faahfaahsho.

Madaxdii ka tirsanayd dawladdii hore, Madaxweynuhu wuxuu bil walba qaadanayey mushaar dhan BOQOL KUN OO DOLLAR, halka Wasiirka koowaad qaadanayey TODOBAATAN KUN DOLLAR, Guddoomiyaha Baarlamaankuna qaadanayey SIDDEETAN KUN DOLLAR, Ra’iisul Wasaaruhuna qaadanayey TODOBAANTAN KUN OO DOLLAR, Xildhibaan walbana qaadanayey KUN iyo LABA BOQOL oo DOLLAR.

Waaba iga su’aale; fadeexo arrinkan ka weyn yaa arkay? Hore waan u sheegay haddana ku celinayaa, inay lagama maarmaan tahay in la caddeeyo lana xaddido Mushaarka Madaxda Dawladda.

Haddii kuwaa isqabqabsi iyo QANDI aan buuxsamin waqtigii ku dhammaysteen, waxaa la gaaray sida la yiri: ISBADAL, maadaama Madaxda dawladda ugu sarraysa maalmihii xilka looga tanaasulay, loogu shubay ama loo magacaabay, BAARLAMAANkiina ay galeen dad badan oo AQOON YAHANNO u badan, maxay ka badaleen DHIIG MIIRASHADAA waligeedba jirtay, ee aan wali la arag qof yiraa; War sidan wax ha laga badalo iyo sida ha la isu dhaamo?.

Madax waxaa lagu yaqaan : ARAGTI QEEXAN, QORSHAYN QORAN IYO GO’AAN CAD. Weydiinta ugu weyni waa: marka aan eego arrimo badan oo Waddanka ka jira, sida: AMMAANKA CAASIMADDA, CIIDANKA KENYA, XAALADDA JUBBOOYINKA, DIB U DEJINTA QAXOOTIGA IQB, Qodobbadan iyo kuwa kale, maxay ka qabteen madaxdan? Ma la yimaadeen aragti qeexan? Ma laga helay qorshe qoran ama Qaran? Ma qaateen go’aan cad? Waxaan filaa warcelinnadu inay wada noqonayaan MAYA, oo haddaa, xaggee Salaaddu iska qaban la’dahay?.

Inay qodobbadan wax ka qabtaan iska daaye, iyagoo ka gaabshay qodobbadan iyo kuwa la midka ah, ee nolol maalmeedka aan ka maqnaanin karin, ayey dhankii qalcoonaa u fekereen, illeen miyir fayoobi haddii la waayo waxaa imanaysa maan guran, maskax gurracan iyo mayal adayg aan majare iyo meel loo raaco lahayn.

Maareynta Maalka Muqdisho

Hanti waa ma guurtee

Maal aan xisaabnayn
Mooro aan ku oodnayn

Wax musuqa ma waayee!
Malaayiinta qubanee

Maalayacniga iyo

Miisaan li’ida baxa
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Muqdisho oo ah Magaalo Qaxooti dan iyo duggaashi bidday, ay dhexda, dhinac iyo dhan walba ka deggan yihiin, ayaa waxaa ugu darsoomay Baarlamaanka lagu sheegu in 70% ay yihiin AQOON YAHAN badalay QABQABLAYAASHII lana gaaray xilligii ISBADALKA waxayse doonayaan inay u codeeyaan in XILDHIBAAN walba MUSHAAR u qaato bil walba SHAN KUN DOLLAR 5.000$.

Ma aysan fiirin dayaca jira! Ma aysan fiirin dumarka iyo weeyaalka meel walba daadsan! Ma aysan fiirin Agoonta iyo cirroolaha aan aagaan iyo agab midna haysan! Ma aysan fiirin sidii ay wax looga badali lahaa hannaanka maamul xumada Soomaalida la degay! Ma aysan fiirin  sdii ay u soo saari lahaayeen qodobbo looga hortago laguna dagaalo MUSUQMAASUQA! Ma aysan fiirin sidii hawsha baaxadda weyn ee hortaal ay u gudagali lahaayeen, Ma aysan fiirin … Ee waxay fiirsheen sidii ay XOOLO ku heli lahaayeen! Illeen waxay soo dooneen baa taa ehe! Haba helaane, yaa siinaya ama ku leeyihiin?!

Intaa iyo intoo kale ma eegine, waxay isla markii u soo jeesteen Dekadda iyo Garoonka Muqdisha CANSHUURTA ka soo baxda sidii loo qaybsan lahaa! Waxaa damiir la’aan ah, nin asaguba XAMAR QAXOOTI ku ah oo aan Hotelka uu deggan yahay aan dhaafi arin inuu iska qaato lacag uusan mudnayn? Oo maxaan uga jeedaa? Bal aan jilciyo.

Midda marag ma doontada ah waxay tahay in xubnaha Baarlamaanka ay kala yihiin; GANACSATO, qaarkood ay u soo dagaan Maraakiib iyo Doomo, oo haddaa ma wuxuu u baahan yihiin lacagtaa? Qaar kale, waxay madax ka yihiin ama la shaqeeyaan Hay’ado maxalli iyo dawli ah, oo iyaguna ma waxay u baahan yihiin lacagtaa? Waxaa kaloo jira mudanayaal deegaankooda rasmiga ahi yihiin dalal shisheeye, oo haddaa miyuusan is dabbari karin? Kaba muhimsane, maxay ku mutaysteen lacagtaa, iyagoon wali hal mooshin oo nuxur leh ansixin? Anigu ma garan.

Dawladdu waa FEDERAL “GOBOLAYSI”, mudane walba wuxuu matalaa deegaan, sidaa awgeed, waa inuu mushaarka ka keensado deegannada uu ku matalo Baarlamaanka ama Xukuumadda, maxaa yeelay, suuragal ma ahan in maalin walba loo soo taagnaado DEKEDDA IYO GAROONKA MUQDISHO Canshuuraadka laga soo qaaddo, ama deeq dunidu bixiso, oo kaalay dalku Dekado iyo Garoommo kale ma lahan miyaa? Miyeysan jirin meelo kale oo Canshuuro shacabka looga qaaddo? Miyeysan joogin mudanayaal ka soo jeeda deegaannadaa?.

Midda kaba muhimsan baa ah, horta Xildhibaanka yaa soo doortay? Waxaa keensaday ODAY Canka Buuri ugu jiroo, Shaarbbo Galoolanoo Dabo ku Rays leh, haddaba, Xildhibaanka doonaya Mushaar, ha u doonto Odagaa soo magacaabay? Aan sii ballaarshee, ha u doonto Beesha uu ka dhashay ee meesha keensatay, illeen maamulka dawladdu wuxuu ku dhisan yahay waa AFAR iyo BAR oo ka dhigan beelee.

Horta waaba su’aale, Dekadda iyo Garoonka Muqdisha ma Qaalli baa u qoray inay baxshaan mushaarka dawlad walba ee la dhiso? Mise sheekadu waa; SIDII HA AHAATO, HALKIINA HA JOOGTO! Run ahaan waa wax aan suuragal ahayn in marna dadka FEDERAL “BEELAYSI” lagu tatajiyo, marna, aan qodobkii ugu muhimsanaa ee DHAQAALAHA la xiriiray la dhaqangalin.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Max’uud Xasan Suleymaan sidii loo magacaabay shaqadii u horraysay ee uu qabtay waxay ahayd, inuu kormeer ku tagay Dekadda Muqdisha, oo haddaa ma wax gaar ah baa yaal Dekadda? Halka ay ka ahayd inuu la kulmo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Hay’adaha u xil saaran ilaalinta dhaqaalaha qaranka, adba ka sug taa. Kaba sii darane, horta Wasiirka Maaliyaddu socdaal iyo kormeel ma ku tagi doonaa, Dekadaha Berbera, Boosaaso, Kismaayo, Eeyl, Marka, Hobyo IQB?.

Aqriste, aan kuu jilciyee horaba  FEDERAL “BEELO” ah ayaan  u ahayn, oo beel weliba  dhib iyo dheefteeda gaar ayay u qaybsan jirtay, illeen heer; Qoys, Raas, Jilib, Jufo iyo Beel guudba ayaa loo wadaagaaye, waxayna leeyihiin  BOQOLLEEY ay wax ku qaybsadaan, haddaan xubnihii dalka maamulayey ku qaybsannay, maxaa diidaya in dhaqaalaha soo gala iyo kan baxayaba aan ku qaybsanno beel?! Aqriste, xal ma u aragtaa? Waan dareemaa inay adagtahay.

Waxaan waliba ku dari lahaa mudanihii dawladda ka tirsan, ee aan deegaanka ay beeshiisu degto tagi Karin yuu metalaa, inta aanba dhaqaale la gaarin? Hadduusan deegaan matalin yuu xil u hayaa? Haddiise deegaan uu metelo ha la yimaado dheef ama ha ka soo qaato beesha uu dawladda ugu jiro.

Maafiyada tuugtiyo

Jirri Iyo Mariidlaha

Mooryaanta noo tuban

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Farriin

Ugu dambayn, Madaxweyne, dalku waa FEDERAL ama BEELAYSI sida qofba u yaqaan, sidaa awgeed, waa in dhaqaalaha Waddanka soo gala loo dhan yahay, haddaan la yeeli karin, qof walbaa BEESADUU XIL haye ku noqon lahaa ha la yimaado, illeen haddaan sidaa la yeelin, waxay ka dhigan tahay MUQDISHO kaliya hala jaqee, iyana ka daashay GAFANEE.

Dhanka kale, intii shalay MUQDISHO inay CAASIMAD sii ahaato u qaylinaysay maantana waa inay isu qaabiyaan sidii looga qaban lahaa QUUDATADA aan qasadka lahayn, ee mar walba u soo taagan inay cunaan canshuurta laga qaado dadka deggan Muqisho, illeen MIISAANIYADDA la ansixiyey meel kale laga keeni maayee, oo badan MUSHAARKA ay qaadanayaa kuwa isku sheega MASUULIYIIN!

F.G: Meerisyada aan ku soo qaatay qormada, waxay ku jireen Jiifto aan curiyey oo magaceedu ahaa: “Maan maran!”. 

W/Q: Bashiir M. Xersi

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Kulan Xasaasi ah oo Magaalada Caasimada ee Muqdisho ka dhacay.

0

Kulan looga hadlayay Sidii Ururka Jamacada carabta ay ku taageeri lahayd Dowlada Soomaaliya ayaa wxaa magaalada muqdisho ku qaatay Wasiirka Howlaha guud,gaadiidka iyo Dekadaha iyo sidoo kale safiirka Jaamacada carabta ee Soomaaliya Maxamed Idiris.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaarada ee Magaalada Muqdisho ayaa markii uu soo dhamaaday kulankaasi waxaa saxaafada si wadajir ah ula hadlay Muxudiin Maxamed Kaalmooy Wasiirka howlaha guud iyo Dr Maxamed Idiris.

Wuxuu sheegay Wasiirka in ujeedka kulankooda uu ahaa sidii Jaamacada carabta ay uga taageeri laheyd xarumaha Dowladda ee sanadihii dambe burburka xoogan ka muuqday dib udhiskooda.

Dr Maxamed Idiris Safiirka Jaamacada carabta ee Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in Jaamacada carabta ay Dowladda Soomaaliya ka taageerayso dib udhiska xarumaha Dowladda.

wasiirka howlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhanka kale wuxuu dhagax dhigay Xarunta farsamada Gaadiidka Dowladii dhexe.

Ururka Jaamacadad Carabta aya doonaya inay taageeraan dowlada Soomaaliya ilaa ay cagaheeda ay ku istaagto.

 

Wafdi Jabuuti ah oo tagay Muqdisho

0

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya  soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Xildhibaano oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Jabuuti ee howlgalka ujooga dalka Soomaaliya.

Idiris Arnaa’ud Cali oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka maanta ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ay tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Jabuuti iyo sidoo kale dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Sheekh Jawaari oo hadlay ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta Magaalada Muqdisho uu soo gaaro Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Intaasi kadib ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti waxaa loo galbiyay Aqalka Baarlamaanka dalka Soomaaliya halkaasi oo uu kula hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa sheegay in Xildhibaanada ay yihiin wakiilo matalaya shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay mar waliba inay ka fekeraan shacabkooda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu durba ka qayb galay Kulan  Baarlamanka Maanta ugu socday Xarunta Golaha Shacabka

Vidic oo garoomada kusoo laaban doona kulanka Sunderland.

0

Sir Alex Ferguson ayaa huba inuu Kabtan Nemanja Vidic uu diyaar u noqon doono kulanka isbuuca dhamaadkiisa ay ciyaareyso Manchester United.

Katanka ayaa dhaawac ku maqnaa ilaa 19kii September waxaana usii raacay qaliinkii jilibka laakiin wuxuu soo laaban karaa kulanka Sabtida.

Jonny Evans ayaa laga saaray kulankii Axada Manchester derby ka dib dhaawac feysha ah shaki weyn ayaana ku jira kulanka ay la ciyaarayaan Sunderland.

Laakiin Ferguson ayaa aaminsan inuu Vidic diyaar noqon doono ka dib 16-bilood oo dhaawacyo ah, uuna kabo daafac aan raasumaalka laheyn ee kooxda heysa hugaanka Premier League.

Tababaraha United ayaa yiri: “Waxay aheyd wax waali oo kale ah inuu noo ciyaaro kulankii City laakiin kulanka Sunderland… waa hubaal.”

Ferguson ayaana sheegay inay soo laabashada ciyaaryahanka u dhashay Serbia ay tahay wax lagu farxo.

Vidic ayaa muddo dheer garoomada ka maqnaa wuxuuna soo laabtay bilowgii xilli ciyaareedkaan laakiin dib ayaa loo qalay iyadoo uu sababsanaayey dhaawacii soo gaaray kulankii ay United bishii December la ciyaartay kooxda Basel.

Man City, Spurs iyo Chelsea oo isku heysta saxiixa Pedro Obiang.

0

Manchester City ayaa ku biirtay xiisaha loo qabo saxiixa xidiga qaranka Spain iyo kooxda Sampdoria Pedro Obiang, sida uu qoray wargeyska Talksport.

20-jirkaan ayaa loo qiimeeyaa mid ka mid ah da’yarka tayada leh ee kasoo baxay Akadeemiga kooxda Sampdoria xiligii ay u laabatay Serie B.

Xidiga qadka dhexe ee tayada leh, ayaa sidoo kale lagu niinaasaa Perico wuxuuna horaan soo jiitay xiisaha kooxaha Chelsea iyo Tottenham marka lagu daro Inter Milan, Juventus iyo Roma.

Tababaraha KMG ah ee Chelsea Rafael Benitez ayaa la aaminsan yahay inuu la dhacsan yahay Obiang waxaana laga yaabaa inuu Janaayo usoo dhaqaajiyo Stamford Bridge.

Laakiin tababaraha Manchester City Roberto Mancini ayaa isha ku haaya horumarka xidigaan wuxuuna u safray Talyaaniga si uu usoo daawado.

City ayaa ugu cadcad saxiixa xidigaan waxayna Sampdoria kaga dalbanayaan 15 milyan oo ginni Marka uu Janaayo suuqa kala iibsigu dib u furmo.

Soomaalidii ugu tirada badneyd oo lagu xir xiray xaafadda Islii

0

Lix boqol  oo ruux oo lagu eedeynayo inay kulug lahaayeen qaraxii Xaafada Islii ee dadka Soomaalida ay dagaan ayaa la sheegay in dowlada Kenya ay gacanta ku soo dhigtay.

Gudoomiyaha Gobolka Nairobi oo la hadlay warbaahinta Kenya ayaa sheegay in Lex Boqol oo qof ay qaraxyadaas u qabteen oo ay ku jiraan Soomaali.

Waxa ku jira dadka gacanta lagu dhigay dad haysta Kaararka Qaxootiga dib ayaana loogu celin doonaan xeryaha qaxootiga halka kuwa kalana la baari doono.

Sidoo kale waxaa ay Ciidamada Kenya gacanta ku dhigeen sida uu sheegayo gudoomiyaha sadax ruux oo watay Bam iyo Waxyaabo qarxo oo ay la rabeen  inay gudaha la galaan.

Dhinaca kale ciidamadii ugu badnaa ayaa loo dhoobay Magaalada Nairobi oo ay ku soo bateen falalka amaandarida.

Cesare Prandelli oo amaan kala dul dhacay Francesco Totti.

0

Tababaraha xulka Talyaaniga Cesare Prandelli  ayaa amaan kala dul dhacay Francesco Totti  wuxuuna ku sheegay mid tusaale ah da’yarka dalka Italy.

Macalinka Azzurri  ayaa ka hadlaayey markii uu Totti dhaliyey goolkiisii 221aad ee Serie A, iyadoo Kabtanka Rome uu laba gool ka dhaliyey kooxda Fiorentina.

“Nasiib ayaan u lahaa inaan tababar la qaatay bilo kooban aana arkay daacadnimadiisa. Wuxuu tusaale u yahay Jiilka haatan wuxuuna Rikooro ku jebinayaa Rome, iyadoo ay da’du heyso,” ayuu yiri Prandelli.

“Totti waa horyaal dhab ah wuxuuna ahaa mid lagu daysado. Sidoo kale waa ciyaaryahan weyn.”

Totti ayaa kasoo baxay Akadeemiga kooxda Rome wuxuuna xirfadiisa oo dhan usoo ciyaaray kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ku baaqay wada hada lala galo ONLF

0

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Heila Marian Dieseling ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho jabhada ONLF ee dagaalka kala soo horjeeda.

Heila Marian Dieseling Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia inay diyaar u yihiin inay la hadlaan Jabhada ONLF ee Ogdania.

Wuxuu hadalkiisa Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia uu intaa ku daray in si meesha looga saaro dagaalada udhaxeeya ONLF iyo Ethiopia muhiim inay tahay in wadahadal la galo.

Dieseling Wuxuu farta ku fiiqay  inay wanaagsan tahay in wax waliba wada hadal lagu dhameeyo si meesha looga saaro dagaalka islamarkaana lawada sugayo natiijada wada hadalka wixii kasoo baxa.

Dowlada Itoobiya iyo ONLF ayaa la ogyahay inay marar badan ay isku farasaareen kilinka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

David Luiz oo doonaya inuu noqdo Kabtanka kooxda Chelsea.

0

David Luiz ayaa doonaya inuu kooxda Chelsea ku hugaamiyo Koobka Kooxaha Aduunka, wuxuuna ku taamayaa inuu mar uun noqdo Kabtanka kooxda Blues.

Luiz ayaa sidoo kale aaminsan in ciilkii kooxdiisu kasoo qaaday Champions League dartiis ay u qaadi doonaan FIFA Club World Cup, tiiyoo ay Horyaalka Premier League Toban dhibcood ka dambeeyaan hugaamiyeyaasha United.
“Markii ay kusoo mareen waqtiyo xun adigoo ah koox weyn, waxaad u baahan tahay inaad xoog yeelato,” ayuu yiri.

“Waan ogahay shaqsiyadeyda inaan noqon doono hugaamiye caadi ah: Kabtan ayaan ka ahaa Banfica anigoo 21 jir ah, waxaan kabtan ka noqday xulkeyga Brazil, marka waan garanayaa, Hugaamiyeyaasha kooxda sanado badan ayey halkaan joogeen, Waxaan u baahanahay inaan masuuliyad qaado aana isku dayo inaan caawiyo jiilka da’yarka ah ee kooxda. Ciyaartoyda sida Eden Hazard, waxay leeyihiin tayo la yaab leh, laakiin waa qof u baahan taageero. Hada dhow ayuu yimid Premier League, sida Oscar iyo ciyaartooy kale oo dhowr ah, ama Ramires, oo inta badan xishooda. Waxaan u baahanahay inaan caawiyo iyaga.

“Horaan waxaan dhihi jiray garbaheydu waa sida shimbirta marka waan qaadi karaa masuuliyad dheeraad ah. Waana jeclahay. Waan doonayaa. Waxaan door bidayaa inaan caawiyo asxaabteyda kale.”

Man Utd oo Liverpool iyo Man City ka afduubaneysa saxiixa Walcott.

0

Manchester United ayaa ku biirtay xiisaha loo qabo xidiga kooxda Arsenal Theo Walcott, waxayna dooneysaa inay xidigaan ka daba geyso Robin van Persie oo kooxda Old Trafford bishii August kaga soo biiray gegeda Emirates.

Sir Alex Ferguson ayaa isha ku haya inuu soo kaxeysto ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee xulka England, kaasoo uu qandraaskiisa Gunners dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Wargeyska Sportsmail ayaa fahamsan inuu Walcott ka tegi karo Arsenal, hadii uu boos joogta ah ka helaayo Kooxda Red Devils.

Walcott ayaa diiday inuu kooxdiisa shan sano oo qandaraas ah u saxiixo uuna isbuucii ka qaato 75 kun oo ginni, halka aysan wadahadalo fool-ka-fool ah wax natiijo ah kasoo saarin isaga iyo kooxdu ilaa 28dii August. Horaan ayuuna sheegay inuu kooxda sii joogayo laakiin uu doonayo in mushaarkiisa la gaarsiiyo 100 kun oo ginni.

Liverpool, Manchester City iyo Chelsea ayaa dhamaantood xidigaan xiiseynaayey, laakiin United ayaa noqon karta kooxda uu doorto inuu ku biiro xilli ay hugaanka u heyso Barclays Premier League.

Si la mid ah, Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa Janaayo doonaya inuu lasoo wareego ciyaaryahanka garabka kaga ciyaara Man United Nani, kaasoo uu fursad ugu heli karo heshiiska Walcott.

Liverpool oo Sturridge iyo Ince ku dooneysa 18 milyan oo ginni.

0

Liverpool ayaa 18 milyan oo ginni Janaayo kula soo wareegi doonta weeraryahano xoog badan ka dib markii ay wadaladalo talaabo qaaday oo heshiis ah la fureen Daniel Sturridge iyo Thomas Ince.

Brendan Rodgers ayaa rajeynaya inuu gacanta kusoo dhigo xidigahaan sanadka cusub horaantiisa waxaana hada doorka koowaad ee diirada u saaran ah labadaan weeraryahan.

Weeraryahanka kooxda Chelsea Sturridge ayaa rajeynayaa inay Liverpool ku qiimeyso 12 milyan oo ginni, halka weeraryahanka Blackpool Ince ay dib ugu soo ceshan doonaan 6 milyan oo ginni ka dib markii uu 18 bilood ka hor ka dhaqaaqay Anfield markaasoo lagu gatay 250 kun oo ginni.

Rodgers ayaa sheegay bishii lasoo dhaafay inuu isha ku haayo xidigahaan oo uu u arko kuwo uu weerarka isaga dhiso Ince ayaa 20 jir halka Sturridge uu 23 jir yahay. Wuxuuna tababarihii hore ee Swensea jeclaan lahaa saxiixa Walcott laakiin wuxuu doonayaa xagaaga soo aadan.

XOG: Qorshaha maamul goboleed ka kooban 3 gobol oo ka socda Ethiopia

0

Siyaasiyiin iyo wax garad ka tirsan beelaha Digil iyo Mirifle, ayaa ku sugan dalka Ethiopia, halkaasi oo uu ka socdo qorshaha dhismaha maamul Goboleedka South West State (Maamul goboleedka Koonfur Galbeed).

Maamul goboleedkan ayaa ka koobnaan doona saddex gobol oo kale ah, Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle ayaa magaalda Godey kula shirsan saraakiil Ethiopia ah oo ku gacan siinaya dhismaha maamulkan, sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Dadka hormuudka u ah maamulkan wxaaa ka mid ah guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Somalia Sheikh Adan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”.

Wada hadallada u socda Ethiopia iyo Saraakisha Beelaha Digil iyo Mirifle, ayaa ah kuwa hor dhac oo lagu gorfeynayo qaabka uu u dhismayo maamulka ka hor inta aan si rasmi ah loogu fariisan shirka dhismaha maamulka.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in sababaha Ethiopia ay ugu lug leedahay mamaulkan ay ka mid yihiin, ayada oo laga raadinayo awood milatari iyo mid siyaasadeed, maadama Ethiopia ay mar walba saaxib dhow la ahayd beelahaas.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanak Somalia Shariif Xasan Sheikh Adan ayaa isna la sheegay inuu wado dhismaha maamul goboleed laga unkayo gobolladaas, inkasta oo aysan caddeyn in labada maamul ay isku qorshe yihiin iyo inay laba dhinac u kala jeedaan.

Hadaad mooday in Yurub raaxo taal, Daawo dhibka heysta Soomaalidan

Somali magangaliyo doon ah oo ku sugna Xeryaha qaxootiga Wadanka Holland ayaa  bananka la soo dhigay ka dib marki wasaarada cadaalada Wadanka Holland ay so xirtay  Falasha dad badan oo Magangaliyo doon ah.

Dadkaan dhibaatada ugu weyn ee  haysta waa  ayago anan haysan  qalab ay iskuga difaacan  qabowga xad dhaafka ah ee ka dhacaya  Wadanka Holland,

Dadkaan loma ogola in ay shaqaystaan  Dowladana ma siiso wax lacag ah oo ay ku nooladan   waxyabaha  aadka loga xumaado ee dadkaan ku dhacaya ayaa waxaa ka mid ah ayago laga burburiyay  tendhoyin ay ka dhisteen Bariga Magaalada Amsterdam isla markana  Habsiga lagu wada guray inkasto 5 sac ka dib  la soo daayay.

Dadkaan uma gudbi karaan Wadamada Kale ee Yurup sababto ah waxaamarkiba laga helaya faraha Wadanka Holland  waxaana sida shariga ah  dib logu soo celinaya Wadanka Holland.

Arinta kale ee la yabka leh ayaa ah  Barlamanka Wadanka Holland oo usbuci lasoo dhafay u fadhistay labo moshiin oo kala ah in Xayawaanada dibad joog ah la geeyo meel ay ku nooladan  inta qabowgu dhamanayo  iyo In Qoxootiga Somalida ah ee Bananka yaala  lagu celiyo Kamamka Qaxootiga ee horay loga soo saray Madaama u dhacayo Qabow daran.

Barlamanka  Holland ayaa waxaa uu ansixiyay in Xayawaanada dibad jogta ah laga soo xareeyo  Qabowga iyo Barafka dhacaya halka uu diidmo ugu codeeyay in Somalida Bananka Taala lagu celiyo xeryihii horay loga soo saray .

Arinkaan ayaa waxaa uu noqday hadal haynta ugu weyn wadanka Holland usbuci anu soo dhafnay  waxaana  caro ka mujityay Go,anka barlamanka Muslimiinta ku nool Wadanka Holland oo u badan Marocan iyo Turki.

Somalidu waxaay tirahda  Meel hoo u bahan  hadal wax kama taro hadi aad tahay qof somali ah amaba Muslim ah kana  damqanaya  dayaca  haysta  dadkaan Somalida ah waxaad ugu soo hagaajin karta  wixi awoodada ah .

Xawaaladaha Somalida  adigo ku soo qoraya

Horn Cable Tv Holland
Tel: 31684020868

Lacagahaas waxaa  dadkaan garsiinaya Tv ga Calamiga ah ee Horn Cable tv waxana uu ka soo duubi doona  Film cadaynayaa lacag walba iyo qofka soo diray iyo sida lo gudonsiyay dadka ku dhibaataysan  Amsterdam Holland.

Halkan ka daawo

Horn Cable TV Holland

Tel: 31684020868

 

RVP oo iska maslaxeeyey Weeraryahanada Man United.

0

Robin van Persie ayaa hadiiba xoreystay booskiisa weerarka oo ay usoo iibsatay Manchester United, laakiin wuxuu qabaa inuusan kaligi ku aheyn weerarka isagoo jecel inuu la ciyaaro jaalkiisa.

Xidiga heerka caalami ee dalka Holland ayaa 11 jeer shabaqa soo taabtay xilli ciyaareedkaan Barclays Premier League.
Laakiin 29-jirkaan ayaa sheegay inuu weli wax ka barayaao da’yarta ay isku kooxda yihiin Javier Hernandez iyo Danny Welbeck.

Markii la weydiiyey casharka uu ka bartay, Van Persie ayaa yiri: “Inaan ka barto ayaan rabaa, waan ka baran karaa wax fiican sidoo kale.

“Tusaale ahaan, waan jeclahay xamaasada Chicharito. Waan jeclahay sida uu u ciyaaro iyo sida uu tababarka u qaato wuxuuna ku guuleystaa garoonka ka dib tababarka.

“Isbuucyo badan ka hor sidaan ka badan uma uusan ciyaareyn, laakiin wuxuu GYM-ka ku qabanaayey shaqo dheeraad ah waana tusaale uu ku daydo qof walba.

“Danny, isna waa sidoo kale. Booskaan inta badan ma ciyaaro waqtigaan laakiin wuu u baahan yahay wuxuuna u shaqeeyaa si adag.

“Sidaas darteed marka aad heysato afar Weeraryahan oo heer sare ah, way kugu adkaaneysaa inaad kala doorato.

“Qofwalba diyaar ayuu yahay dhamaanteen waxaan nahay wadajir waxaana u baahanahay booskeena.”

Boosaaso: Urur siyaasadeed kale oo looga dhawaaqay Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari waxa shaley looga dhawaaqay urur siyaasadeed kale, kaasoo ka mid noqon doona ururada siyaasadda ee ka dhisan Puntland.

Xaladda loogu dhawaaqay ururkan ayaa wax aka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, waxgarad, culimaa’uddiin, siyaasiyiin iyo qeybaha kale ee bulshada.

Ururkan oo ay ku mideesan yihiin aqoonyahanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaannada maamulka Puntland, waxa loo bixiyay MIDNIMO.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Midninmo Dr. Saadiq Eenow ayaa munaasabada ka sheegay   hadafka loo sameeyay ururkan in uu yahay ka shaqeenta horrumarka iyo nabadgelyada deegaannada maamulka Puntland.

‘’Wax hub ah inaan wax lagu xalin ayaan ku baaqeynaa ,nidaamkan dad wada dhashey ayaa dhistey ,ninkii qori maanta qaata oo wiil nooga dila waxaan la tiigsaneynaa maxkamad meel kasta uu dunida ka tago’’.ayuu yiri Saadiq Eenow..

Waa urur siyaasadeedkii afaraad ee Puntland looga dhawaaqo, iyadoona ururada siyaasadda ee laga dhisay Puntland uu ka mid yahay urur uu lee yahay madaxweyne Faroole oo lagu magacaabo HORSEED.

Si kastaba, Madaxweyne Faroole ayaa hadda doonaya in uu halsano oo kale ku darsado xilkiisa, taasoo ay diidan yihiin siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda Puntland, waxana laga cabsi qabaa in Puntland ay ka dhacaan qalalaaso siyaasadeed haddii uu ku adkeesto madaxweynaha in uu halsano oo kale uu ka darsado xilka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

Fannaanin caan ah oo soo gaaray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) Waxa shaley magaalada Muqdisho soo gaaray fannaaniin caan ah oo ay ka mid yihiin Khaalid Shariif Axmed “Kiin Khaalid” Cabdixakiin Ciise Geedi Fara-yare iyo Xasan Cujeyr Cajami, kuwaasoo in ka badan 20-sano ka maqnaa waddanka.

Fannaaniintan ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde halkaasoo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ku soo dhaweeyeen iyo dad yow kale.

Dadkii soo dhaweeyay waxa kamid ahaa guddoomiye ku xiggeenkii hore ee gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim shaaweeye, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, dadweyne tiro-badan  iyo Fanaanniin ay ku jiraan Bar-baarta Gaashaaman.

Markii la soo dhaweeyay ayaa waxa ay la hadleen saxaafadda, iyagoona sheegay in ay ku faraxsan yihiin in dib ugu soo laabtaan muddo badan kaddib.

Fannaanka caanka ah ee Khaalid Shariif Axmed “Kiin Khaalid” oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dib in uu dib ugu soo laabto dalkiisa isagoona ugu baaqay Fannaaninta kale ee ku nool dalka dibadiisa in ay dib ugu soo laabtan wadankooda.

Magaalada Muqdisho tan iyo sannadkan sii dhammaanaya 2012-ka waxa immaanayay fannaaniin badan iyo dad qurba joog ah oo in mudda ah ka maqnaa dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Laba Wasiir oo maanta su’aalo adag kala kulmay Baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay su’aallo weydiiyeen labo wasiir oo ka tirsan xukuumadda.

Wasiiradda maanta su’aallaha ay weydiiyeen xildhibaannada ayaa kala ahaa ra’iisal wasaar ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan  iyo wasiirka gaashandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.

Kulankii maanta oo shir guddoominaayay  afhayeenka afhayeenka baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, ayaa ugu horreyn waxa uu sheegay  in ajandaha baarlamaanka ee maanta uu yahay  mid su’aallo lagu  weydiinayay wasiirrada arrimaha dibadda iyo Gaashaandhiga.

Markii kulanka uu furmay ayaa ugu horreynna  waxa ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha dibada ay weydiiyeen xildhibaannada labo su’aal oo kala ahaa maxaa kalifay in la kireeyo rugta safaaradda Soomaaliya ee talyaaniga? Maxuusa yahay sababta  kireynta xarunta safaradda Soomaaliya ee Rooma?

Wasiiradda ayaa sheegtay in ay raali galin ka bixinayaan arrintaasi inkasta oo aanan si cad loo ogeyn waxyaabahaas balse ay jiraan gudi loo xilsaaray hantida dowladda ee jirta dalka dibadiisa.

“Anniga waa ay iga horreysay arrintaas, laakin anniga ra’iisal wasaaraha waxa naga go’an in aan hantida Soomaaliya la soo celiyo meel kasta oo ay taallo” ayey tiri wasiiradda.

Waxa intaas kaddib isna su’aallo la weydiiyay wasiirka gaashandhiga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji fiqi waxa la weydiiyay seddax su’aal oo kala ahaa:- maxaa kalifay in maxkamadda ciidammada ay xuraydiisa ka qaado muwaadin wariye Ibraahim Maxamed Aadan oo ka tirsan idaacadda BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga ah? waa maxay mowqifka xukuumadda ee ku aadan xariga wariyahaasi? goorme ayaana xuriyadiisa loo soo celinayaa?

Wasiirka ayaa yiri” In wariyaha uu sii daayay warbixin taas oo ka hadleysay in maxkamadda ay dishay nin aanan loo qaban qareen balse mas’uuliyiin ka socoto BBC-da ay yimaadeen Muqdisho ayna ka bixiyeen raaligalin balse haatan dib loogu celiyay xoriyadiisi.

Labadan wasiir ayaa shaley loo ballan sanaa in su’aallo ay weydiiyaan xubnaha baarlamanka, laakin shaqo ay jireen ayaa loo baajiyay.

Ugu dambeyn afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wariyaha BBC-da Muqdisho uu xor yahay isla  markaana laga siiyay xabsiga dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho