25.6 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Daawo Sawirrada: Dibad bax lagu taageeray Xukuumada R/W Saacid.

Daawo Sawirada Dibadbax lagu muujinayay Xukuumada Ra’iisul  Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Koonis ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha iyo qaarkamid ah golahiisa Wasiirada ayaa ka qaygalay dibadbaxaan kana hadlay.

Baarlamanka oo dalbaday in la hor keeno Madaxwaynaha iyo R/W.

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa waxaa ay ku dalbadeen in Baarlamanka ay horyimaadaan Madaxda Dowlada.

Ujeedka kulankan oo ahaa Mid looga hadlayay Xeer hoosaadka ayaa lagu lafa guray arimo badan oo lagu laalay Qodobo badan.

Inta uu Kulanka furnaa ayaa Mudanayaasha Baarlamanka waxaa ay gudoomiyaha Baarlamanka ka dalbadeen in la horkeeno Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Shirdoon.

Kadib markii maalintii shalay Garoonka  diyaaradaha Magaalada Kismaayo laga celiyay Wafdi Dowlada iyo Amisom ka socday oo Ciidamada Raaskambooni ay is hortaageen.

Arintaas ayay doonayaan Baarlamanka in Madaxda Dowlada hadii ay Hogaanka Dalka  yihiiin ay jawaab cad ka keenaan in wafdi la hor istaago.

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka carooday dhacdada Kismaayo,Waxaana Baarlamanka ay ka Codsadeen Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay horyimaadaan Baarlamanka si jawaab looga helo.

R/Wasaaraha Somalia oo Shacab badan ka hor qudbeeyay Maanta.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay Xukuumada uu Ra’iisul Wasaaraha uu ka yahay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Dibadbaxan ayaa waxaa ka qaybgalay Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya iyo qaybaha kale ee Bulshada oo kasoo kala tagay 16 degmo ee Muqdisho.

Ardayda ayaa qayb ka ahayd maanta Dibad baxaan oo ka qabsoomay Garoonka Stadium Koonis

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay banaanbaxan Xukuumada Shirdoon lagu taageerayay.

Ra’iisul Wasaaha iyo Golahiisda Wasiirada oo uu kamid yahay Wasiirka Gaashaandhiga ayaa tagay Koonis,waxaana Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu sheegay in Isbadal uu la imaan doono.

Waxaa uu Wacad kumaray Shirdoon in Xukuumadiisa oo Tobanka ah inay kafiicnaandoona Xukuumadihii dalka soo maray.

Lionel Messi: Kubada ayaa shabaqa geli weysay kulankii aan la ciyaarnay Celtic.

Lionel Messi ayaa sheegay in bandhigii Barcelona xalay guul daradu kaga soo gaartay Celtic uusan aheyn mid qalad ku dhacay, Catalans ayaana guul darro kasoo gaartay wareega Group-yada Champions League ka dib sedax sanadood.

Goolal ka kala yimid Victor Wanyama iyo Tony Watt ayaa shaki geliyey hugaanka Blaugrana ee Group G waxayna hada hugaanka ku heysa laba dhibcood taasoo cadaadiska kusii kordhneysa kooxda Tito Vilanova.

Ciyaarta ka dib, weeraryahanka reer Argentina ayaa sheegay inuusan xumeyn bandhigii kooxdiisu ayna abuureen Fursado badan balse wuxuu sheegay in goolhaye Fraser Forster uu ahaa midka guusha u horseeday kooxda ka dhisan gegeda Celtic Park — ee magaalada Glasgow.

“Waan sameynay wax walba oo haboonaa, waxaan u ciyaarnay si ka wanaagsan kulankii aan la ciyaarnay laba isbuuc ka hor, laakiin kubada ayaa shabaqa geli weysay,” ayuu Messi u sheegay saxaafada.

“Wax la mid ah ayaa ka dhacay Comp Nou. Waxay u ciyaarayeen qaab difaaceed waxayna sugayeen inay qaadaan Kootara Ataak. Aad ayey ugu raaxeysanayeen Koonooyinka iyo kubadaha dhaadheer, taasina waa sababta keentay inay dhaliyaan labadooda gool.”

Messi ayaa dhanka kale ka hadlay sida ay ciyaartaani qiimo ugu laheyd Barcelona inkatoo ay qasaariyeen.

“Kulanka aad ayaan u daneyneynay, waxaad ka ogaaneysaa wixii aan dooneynay inaan sameyno, waxaan abuurnay fursado badan, laakiin ma aanan u dhameytirin sidii la rabay goolhayahooduna wuu wanaagsanaa,” ayuu ku daray.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Baarlamanka oo kursi gaaban ugu fadhiya xukuumada Shirdoon!

Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa mudo waxa uu la’aamusnaa inuu soo magacaabo RW, kadib maalmo aad ufarabadan oo ay shacabka iyo Baarlamankaba kawar sugayeen ayaa ugu danbeyntii waqtiga kama danbeysta maalin kahor waxa uu madaxweynaha soo magacaabay RW ku cusub siyaasada Soomaaliya(Cabdi Faarax Shirdoon Saacid).

Sida uu qorayo dastuurka qabyo qoraalka Soomaaliya RW waa inuu xukuumadiisa kusoo dhisaa mudo bil ah, waana xukuumadii ugu horeesay oo dastuuri ah kadib bur burkii doowladii Milatariga, qaabkii uu madaxweynaha ula soo daahay magacaabista RW ayaa RW Saacid isna ula soo daahay xukuumadiisa Cusub kahor hal maalin waqtigii logu talo galay inuu soo dhiso.

RW Saacid ayaa kadib is qabqabsi iyo dood dheer waxa uu soo magacaabay wasiiro kakooban 10 wasiir, waana xukuumadii ugu horeesay oo nuucaan oo kale ah kadib doowladihii KMG ahaa ee wadanka Soomaray marka loo fiiriyo xagga tirade, Nuuca iyo tayadaba.

RW Saacid ayaa kahor intuusan agacaabin Xukuumadiisa waxa uu kusoo xushay dhowr arimood, waxaana ugu horeeya xaga tayada, tirade wasaaradaha, saamiga qabaliga{4.5}.

1-Xagga Tayada:

Wasiirada 10-ka ah ee ay ka koobantahay xukuumadan Cusub, ayaa waxay yihiin kuwo leh aqoon durugsan iyo Khibrad shaqo, tusaale ahaan waxaa ku jira xubno horay wasiiro uga soo noqday xukuumadii Maxamed C/laahi Farmaajo oo ay wada xasuustaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay qabatay xukuumadaas mudadii lixda bilod ahaa ee ay jirtay, sidoo kale xukuumadaan waxaa kujira wasiiro ku dhow dhow doowladaha Yurub iyo Mareeykanka watana shahaadooyin sar sare lehna Khibrado shaqo islamarkaasna ay kasoo shaqeeyeen wadamadaas, sidoo kale waxaa kujira wasiiradaan rag horay ula soo shaqeeyay hay’adaha gargaarka ee hoostaga QM.

 2-Tirada wasiirada:

Yareynta wasaaradaha waxaa jira dad soo dhaweeyay iyo kuwo aad udhaliilay, hadaan ku hormarno dadka ayidsan yareynta wasaradaha waxay ku doodayaan ineey lagama maarmaan tahay in layareeyo si ay isula jaan qaadaan si fudud islamarkaasna uu aad uyaraado qarashkaku baxa.

Dhanka kale waxaa jira siyaasiyiin iyo dad aad udhaliilay yareynta wasaaradaha, kuwaasoo iyagana ku doodaya ineeysan maslaxad ugu jirin ummada Soomaaliyeed yareynta wasiirada, waxay qabaan in Soomaalida aysan hada ubisleen siyaasada ku dhisan yareytnta maadama awooda lagu qaybsado hab qabiileed oo ah 4.5.

3-Qaanuunka qabaliga{4.5}.

Sidaan hiray usoo xusnay umada Soomaaliyeed in muda ahba waxay wax ku qaybsan jireen hab qabiil, waxayna Soomaalida uqaybsantaa 5 qaybood oo waaween, 4 kamid ahna waxaa lagu magacaabaa qabaa’ilka waaween xoogana leh, iyo qaybta 5-aad oo iyagana lagu magacaabay beesha 5-aad, waana dulmi ay kuheshiiyeen beelaha kale ee isku tilmaamay beelaha waaween, laakin waxaa xusid mudan in madaxda cusub ee hada wadanka Hogaamisa ay jabiyeen qaanuunkaas qabaliga ah mudana soo jiray.

RW Saacid ayaa 10 wasiir ee uu soo magacaabay kasoo xulay dhamaan beelaha Soomaaliyeed si siman iyo inuu kasoo xushay dadka aqoonta iyo khibrada uleh wasaaradaha dhamaan.

4-Nuuca Xukuumada: 

Xukuumadan cusub ayaa kaduwan xukuumadihii soo maray wadanka Soomaaliya, waana xukuumad aad ukooban talo leh ayna kadhex muuqdaan dhamaan beelaha Soomaaliyeed si siman, marka loo fiiriyo madaxda cusubna waxay fursad usiin doontaa ineey si aad ah isula jaanqaadaan maadaama ay tahay mid kooban ayna ku jiraan dad leh aqoon cilmiyeed iyo mid khibradba.

5-Kaalinta dumarka:

Xukuumadan ka kooban 10-ka wasiir ayaa waxaa jirta in haweenka Soomaaliyeed ay kuleeyihii labo kursi oo muhiim ah, amaba waxaa ladhihi karaa waxay kaheleen 20%, waxana markii ugu horeesay taariikhda Soomaaliya Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna wasiirka arimaha dibadda loo magacaabay haweeneey, waana marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, sidoo kale Drs Maryam Qaasim ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka arimaha Bulshada, waxaana waradeeda hoos imaan doona dhowr wasaaradood sida, wasaarada Tarbiyada, waxbarashada, Caafimaadka, shaqada iyo Isboortiga, taasna waxay kadhigantahay in haweenka Soomaaliyeed ay door weyn ku leeyihiin Xukuumadan cusub.

Aragtida shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka:

Sidaan horayba usoo sheegnay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku kala qaybsamay sida loo soo xulay xukuumadan Cusub ee uu RW Saacid soo magacaabay, waxaa kaloo jiray qayb sadexaad oo katirsan bulshada Soomaaliyeed oo iyaga aanba wax muhiimad ah siinin magacaabista xukuumada cusub, kaliya dadkaan waa kuwo la dirira nolol maalmeedkooda.

Beesha caalamka ayaa durbadiiba soo dhoweeyay magacaabista xukuumada cusub, dowlada Ingiriiska ayaana ugu horeesay oo iyada si diiran usoo dhoweeyay sidokale Mareeykanka ayaa soo dhoweeyay iyo Faransiiskaba, laakin ilaa iyo hada waxaan soo dhoweyn laga haynin doowladaha jaarka nala ah sida Itobiya iyo Kenya waxaana taas ay siyaasiyiinta wax taxliiliya ku magacaabeen faragalinta ay ku hayaan gudaha Soomaaliya iyo ineey xukuumadan kadhax waayeen rag iyaga xulufo la ahaa oo ay quud dareeynayeen in lagu soo daro.

Baarlamanka Soomaaliya Malaga yaabaa ineey codka kalsoonida siiyaan xukuumadan?

Waxaa jirta maah-maah Soomaaliyeed oo leh{luuq-luuq maroow laasim wadaduu imaanaa} taas micnaheeda waxaan ula jeedaa RW Saacid iyo madaxweyne Xasan Shiikh hadeey soo magacaabeen xukuumad kooban oo tayo leh iyo hadii kaleba waxaa meel ufadhiya oo sugaya Baarlamanka islamarkaasna laga rabo ineey ansixiyaan wasiirada cusub, iyadoo xiriirka udhaxeeya golaha fulinta iyo sharci dajinta uu sanadihii ugu danbeeyay ahaa mid aad uxun, waxaana taas usabab ah in dhan walbo uu soo faragashto howsha dhanka kale.

Kadib ku dhawaaqista golaha wasiirada waxaa jiray hadalo iyo guux hoose oo kasoo yeeray qaar kamid ah baarlamanka Soomaaliya, kuwaasoo ku goodinayay ineeysan codka kalsoonida siin doonin xukuumada, waxaana taas loo sababeeynayaa in qaar kamid ah xubnahaas ay iska waayeen xukuumada cusub si shaqsi ahaan iyo si qabiilba, sidaa darted waxaa jira shaki weyn oo laga qabo baarlamanka ineey lugta saaraan xukumadan oo ay codka udiidaan taasoo dhabar jab ku noqon doonta RW Saacid.

Chelsea oo ku dhow inay 5 milyan kula soo saxiixato daafaca midig ee Fluminese Wallace.

Chelsea ayaa qarka u saaran inay 5 milyan oo ginni kula soo saxiixato xidiga daafaca dadabka midig ee reer Brazil Wallace. Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

Kooxda heysata Koobka Kooxaha Yurub ayaa laba sano ka hor 40%  yeelatay daafaca midig ee kooxda Fluminese ka dib markii uu Deco si xor ah ugu biiray kooxda.

Hada ayaa Blues dooneysaa inay lasoo saxiixato xidigaan kaasoo ay u aragto inuu yahay ciyaaryahan tayo leh, balse waxaa kula dhegan Manchester City, Juventus iyo Napoli.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Lukas Podolski oo ka cawday inay Arsenal ka ciyaarsiiso boos uusan ku wanaagsaneyn.

Lukas Podolski ayaa daaha ka qaaday inuusan la dhacsaneyn booska uu ka ciyaaro kooxdiisa Arsenal.

Tan iyo markii uu Koln kasoo dhaqaaqay intii lagu jiray xagaaga, weeraryahanku wuxuu ka ciyaarayey garabka bidix, Theo Walcott ayaana horay u codsaday in laga ciyaarsiiyo booska gool dhalinta isagoona ku xiray qandaraas cusub oo ay kooxdu ka hesho.

Walcott ayaa sedaxley shaqaba cuskiyey kulankii 7-5 ay Arsenal Capital One Cup-ka guul kaga gaartay Reading wuxuuna markaasi ka ciyaarayey booska weerarka dhexe Podolski ayaana rajo ka muujinaya in isna booskiisa la siiyo maadaama uu ku dhiban yahya ka ciyaarista garabka.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ka ciyaaro booska weerarka dhexe,” ayuu yiri xidiga reer Jarmal.

“Garabka bidix waa inaan shaqo badan oo daafac ah qabtaa, waa inaan si joogto ah horay iyo gadaal ugu ordaa. Mana ihi ciyaaryahan ku wanaagsan garabka.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Roberto Mancini oo Agaasimaha Man City weydiisan doona inuu usoo iibiyo De Rossi.

Tababare Roberto Mancini ayaa weydiisan doona Agaasimaha Kubada Cagta ee Man City Txiki Begiristain inuu kooxda Janaayo loosoo xera geliyo ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Rome Daniele De Rossi. Sida uu qoray Wargeyska Daily Mail.

Sky Blue ayaa xidiga reer Talyaani raadineysay dhamaan xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay  laakiin wuxuu go’aansaday inuu iskala sii joogo kooxdiisa Giallorosi.

Si kastaba, De Rossi, oo 29 jir ah saaxiibadiis ku sugan Rome ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka tago caasimada Talyaaniga wuxuuna kooxda weydiisan doonaa in la suuq geeyo.

Rome ayaa xidigaan ku dooneysa 20 milyan oo ginni waxaana mushaarkiisa lagu sheegaa 100 kun oo ginni isbuucii.

Tani waxaa laga yaabaa inay dhibaato u keento City si ay u ilaaliyaan Xeerka Uefa Financial Fair Play.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Arsenal oo isha la raaceysa daafaca bidix ee kooxda PSV Eindhoven Jetro Willems.

Arsenal ayaa lasoo werinayaa inay markaan shiishka saaraneyso da’yarka dalka Holland ee ka ciyaara daafaca dambeedka bidix Jetro Willems iyadoo tababare Arsene Wenger uu raadsanaayo inuu kooxda kusoo dabaqo daafac adag oo dababka bidix ah. Sida uu qorat wargeyska Caught Offside.

Da’yarka PSV Eindhoven ayaa qeyb ka ahaa xulkii Holland ee tababare Bert Van Marwijk uu kaga qeyb galay ciyaarihii Euro 2012 waxaana xidigaan lala xiriirinaayey ilaa 2011kii inuu ka tago Philips Stadion.

Willems ayaa boos Line-up ah ka heysta PSV, wuxuuna kooxdiisa ka caawiyey inay si heer sare ah ku bilaabato Horyaalka Eredivisie halka ay dhibic ka dambeeyaan kooxda hugaanka heysa ee FC Twente.

Wenger ayaa loo arkaa mid Albaabka tusin doona xidiga reer Brazil Andre Santos kaasoo ay kooxdu ku eedeysay inuu si aan caqli gal aheyn Funaanada uga bedeshay Robin Van Persie, iyadoo lagu eedeeyey inuu sumcada kooxda hoos u dhigay xilli ciyaaryahanka laga reebay kulankii 2-2 ku idlaaday ee Gunners ay booqatay Schalke.

Xidiga dalka England Kieran Gibbs ayaa lagu amaanay sida uu uga soo baxay booskiisa daafaca bidix laakiin nasiib xumo dhaawac ayaa soo gaaray taasoo Wenger ku qasbeysa inuusan ka meermeerin doonashada 18 jirkaan Willems, kaasoo uu macalinka reer France u arko dooq ku fiican Emirates Stadium.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Pep Guardiola oo ku dhowaanaya inuu qabto shaqada Tababarenimo ee Man City.

Pep Guardiola ayaa kusii dhowaanaya inuu qabto shaqada tababarenimo ee Manchester City xilli lala xiriirinaayo in Roberto Mancini albaabka la tusi doono xagaaga. Sida uu qoray wargeyska The Sun.

Tababarihii hore ee Barcelona ayaa kubada cagta ka qaadanaayey sanad nasasho ah ka dib markii uu kooxda reer Spain ka tegay dhamaadkii sanadii hore.

Hada wakiilkiisa ayaa daaha ka rogay in kooxda heysata Horyaalka England ay ka mid tahay kooxaha doonaya tababaraha heerka caalami ee dalka Spain.

Jose Maria Orobitg ayaana hoos u dhigay inay keliya AC Milan rabto tababaraha: “Albaabkoodu wuu u furan yahay, sida kooxo Manchester City, Chelsea iyo kuwo kale.

“Pep wuxuu dhegeysan doonaa dalabyada ka dibna wuu ka fikiri doonaa.

“Laakiin ma aanan ka hadlin wax quseeya Milan sababtoo ah Guardiola kooxna ma qabanaayo ilaa xilli ciyaareedka soo aadan.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Ferguson: Ujeedkeygu waa inay Man Utd ku guuleysato shan koob oo Champions League ah.

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inay Manchester United u tartanto Rikoorka u yaala Liverpool kaasoo ah inay heysato shan koob oo Yurub ah ka dib markii ay Red Devils iska xaadirisay Wareega 16ka Uefa Champions League.

“Marka aan milicsano Taariikhda kooxdeena, waxaan ku guuleysanay koobab badan waxaana doonayaa inaan mar kale ku guuleysto aan qowska galno sida Liverpool, oo ah kooxda aan la xafiiltano, Bayern Munich iyo Ajax,” ayuu yiri Ferguson, kaasoo ay kooxdiisy koobkaan ku guuleysatay Sedax jeer.

Manchester United ayaa loo calaamadeeyey inay u gudubtay wareega 16ka ka dib markii ay xalay 3-1 ugu awood sheegteen Braga oo goolka uga hormartay laakiin markii dambe ay ka dhaliyeen sedax gool.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Madaxwayne Xasan oo hogaaminaya dibad bax Muqdisho ka dhacaya.

Wararla aynu ka helayno saakay Aqalka Madaxtooyada Vila Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta muqdisho uu ka dhacayo dibad bax balaaran oo lagu taageerayo Xukuumada Tobonka Wasiir ee Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Dhaqaaq dadka Shacabka ayaa ka socda degmooyinka waa wayn ee Muqdisho kuwaa oo ka qaybgalaya dibad baxa maanta oo khamiista ah qabsoomaya laguna taageerayo Wasiirada Cusub.

Sida ay wararka ay leeyihiin Madaxwayanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tagi doona goobta uu dibadbaxa ka dhacayo ee Stidium Banaadir Isaga iyo Ra’iisul Wasaare Shirdoon halkaas oo dadka ay kula hadli doonaan.

Amaanka Caasimada Soomaaliya ayaa la adkeeya iyadoo xalay lasii howlgaliyay Ciidamada inay amaankeeda sugaan halka uu ka dhacayo dibad baxa.

Madaxwayanah Iyo Ra’iisul wasaarihiisa ayaa doonaya maanta muujiyaan  inay u diyaar garooween howlgalkooda afarta sano ee soo aadan.

Axmad Madoobe oo Liin ku dhiijiyay inuu Xiriir kala dhaxeeyo Kenya.

Gudoomiyaha jabhada Raaskambooni Axmad Madoobe ayaa beeniyay in dabada ay ka riixayso jabhadiisa Dowlada Wadanka Kenya.

Sheekh Axmad madoobe ayaa  ka hadlay xiriirka iyaga iyo Kenya u dhaxeeya oo Ciidamadeeda ay joogaan Soomaaliya.

Hogaamiyaha Raaskamboni ayaa gaashanka u daruuray Siyaasad ahaan Raaskambooni iyo Dowlada Kenya wax u dhaxeeya kadib markii ay soo baxeen in Kenya ay garab u tahay Raaskambooni.

“dadkaan waxay leeyihiin dowlada Kenya ayaa Qabiil taageeraysa waxayna wadataa nin la yiraa Axmed Madoobe, waxayna wadataa Qabiilka Axmed Madoobe”sidaa waxaa Yiri hogoomiyaha ururka rasklambooni.

Axmad Madoobe ayaa muhiimada dagaalka sal balaarsiga u wadaan waxaa uu ku sheegay inay tahay sida dadka shacabka ay u doortaan cidii iyaga u roon.

Warkan ayaa soo baxay xili uu jiro qilaaf u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya ee fadhigeeda yahay muqdisho iyo Waliba Jabhada Raaskambooni oo shalay is hortaagid ku sameeyay Wafdi dowlada iyo AMisom oo gali lahaa kismaayo.

Kooxo hubaysan oo Ganacsade ku dilay Magaalada Gaarisa.

Booliska Magaalada Magaalada Gaarisa ayaa saakay howlgal waxaa ay kula jarmaadeeen qaybaha ay ka koobantahay degmadaas kaas oo ay ku beegsanayaan koooxo Nin ganacsade Xalay dilay.

Ciidamada Kenya ayaa howlgalkan waxaa ay ka wadaan goobaha ay dadka Soomaalida ay u badan yihiin waxaana xeran goobaha ganacsiga sababa ku aadan in dadka leh goobahaas la tuhmo.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Jaamac Aadan ayaa la sheegay in goobta risaasta lagula dhacay ay isaga baxsadeen kooxaha falkaasi geystay iyadoo dhaawac ahaan looga soo qaaday halkaasi kadibna uu ku geeriyooday isbitaalka Magaalada Gaarisa.

Dilka ruuxani ganacsadaha ah ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Hotelada Ceynul Qamar, iyo Al-waqaf ee Bartamaha Magaalada Gaarisa.

Baarlamanka oo kulan Xasaasi ah Muqdisho ku yeelanaya maanta.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta markale ay yeesheen fadhigoodii maalmihii u dambeeyay ay ku yeelanayeen magaalada Muqdisho.

Kal fadhiga Baarlamanka ayaa waxaa looga doodi doonaa arinta xeer hoosaadka oo wali aan xal waara  laga gaarin iyadoo qadobo badan ay ku laalayaan Baarlamanka.

Waxaa kale oo looga hadli doonaa Amaanka Xildhibaanada kadib markii maalintii shalay uu qarax ka dhacay meel udhow xarunta golaha shacabka oo ku shirayeen.

Kulankaan inuu dhacayo ayaa waxaa Caasimada waxaa  u sheegay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Nuur Faarax.

Waxaa uu sheegay Xildhibaankan mar la waydiyay in maalin walba laysugu yimaada arimaha xeer hoosaadka ayaa waxaa uu ku jawaabay in la soo dhamaystirayo waqti dhow.

Maalintii Shalay ayay Baarlamanka ka doodeen gunada ay qaadanayaan iyo Xildhibaanka waxa lagu ciqaabayo hadii uu dambi galo.

Madaxwaynaha Somalia oo ka hadlay dib u soo noqoshada Obama.

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay in dib loo doorto dhigiisa dalka Mareykanka Brack Obama.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya oo soo gaaray Shabakada Caasimada ayaa waxaa uu ugu hambalyeeyay madaxwayne Obama guusha uu gaaray Markii Ninka la tartamayay uu ka adkaaday.

Xasan Sheekh ayaa carabaabay inay ula dabaalgayaan Madaxwaynaha iyo shacabka Mareykanka doorashadii markale Aqalka Cad uu ugu soo noqday.

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka ayuu sheegay Xasan Sheekh inuu wanaagsanaa intii uu Madaxwayne Obama maamula mareykanka uu hayay.

Obama ayaa qudhiisa waxaa uu sheegay in siyaasadiisa Cusub markale uu ku wajahayo dalal badan oo Soomaaliya ay ku jirto.

R/W: Saacid oo la marsiin waayay Faarax C/Qaadir. “XOG”

Ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa uu golahahiisa Wasiirada ka saaray Farax Cabdiqadir oo ka mid ahaa Xisbiga nabada ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheikh, ahna hogaamiyaha kooxda Damul Jadiid.

Sida dad badani la socdeen xulista golaha wasiirada ayaa waxa ay qaadatay waqtigi ugu dheera ee lagu soo xulo gole wasiiro oo ay yeelato Somalia.

Dib u dhaca ku imanayay markasta Magacaabida golaha wasiirada ayaa waxaa u sabab ahaa kala fikir duwanansho dhex taalay Madaxweynaha iyo R/wasaaraha Somalia.

Waxyaabaha ugu badan ee labadaasi Masuul ay isku haysteen ayaa waxaay ahayeen 3 qodob oo si weyn logu kala fogaa waxaayna kala ahayeen sidan.

1-Madaxweynaha oo rabay in Wasiirka waxbarashada laga dhigo saaxibkiisa qaliga ah Farax Cabdiqadir Farax Sakiin iyo R/wasaaraha oo la soo marsiin wayay in uu Wasiirada ku dar Farax Cabdiqaadir.

2 Qabiilka la siinaayo mid ka mid ah Labada Wasiir ee ay heshay beesha hawiye Madaxweynaha ayaa qabay in la siiyo Beesha Xawaadle halka R/wasaaraha uu qabay in la siiyo beesha Murursade.

3 Madaxweynaha oo qabay in golaha Wasiirada lo qaybsado Xisbiga Rajo Forum ee u hogaanka u yahay R/wasaare Saciid iyo Xisbiga Nabada ee uu hogaanka u yahay Madaxweyne Xasan Sheikh iyo R/wasaare Saacid oo arinkaas ka soo horjeeday.

Sadexdaas qodob ayaa ugu muhiimsana waxyabaha markasta dib u dhigayay so magacaabida golaha wasiirada cusub ee Somalia .

Dood dheer iyo falanqayn mudo qadatay waxay labada masuul isla garteen in qof kasta meeshisi ka soo dago oo islamarkan meel dhexe la iskugu yimaado.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa qasab ku noqotay in uu ka tago Saxiibkis qaliga aha ee Farax Cabdiqadir waxana uu siistay Abtigiis oo ka soo jeeda beesha Xawaadle in lagu daro golaha wasiirada.

R/wasaare Saacid ayaa asagana ku qasbanaaday in uu ka soo fuuqo beeshi uu la rabay in ay noqoto Wasiirka labaad ee ay beesha hawiye heshay waxana uu ogoladay in beesha Xawaadle la siiyo Wasiirki la isku haystay mar hadi Madaxweyne Xasan Sheikh uu ka tagay Saxiibkiisa qali ah.

Dhanka kale R/wasaare Saacid ayaa waxaa uu ku adkaystay in Golaha Wasiirada ay qaybsadaan 3 Xisbi 1 -Xisbiga Nabada 2 -Xisbiga Tayo- 3 Xisbiga Rajo Forum.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxa uu aqbalay in golaha wasiirada lo qaybsaday 3 xisbi waxa hadana dood badan ka dhalatay qaabka 3 xisbi ay u qaybsanayaan 10 ka Wasiiir dood dheer ka dib waxaa la isla gartay in 4 Wasiir la siiyo Xisbiga Rajo Forum 4 Wasiirna la siiyo Xisbiga Nabad 2 Wasiirna la siiyo Xisbiga Tayo oo lagu tala galay in lagu qanciyo Shacabka Somaliyeed oo aad u taagera Xisbigaas.

Qaabkan marki lo qaybsaday ayaa waxaa R/wasaaraha uu shurud ka dhigay in Madaxweynaha usan faraha la soo galidoonin Wasiir kuxigeenada Wasiiru dowleyaasha iyo iyo Wakaalado Awooda badan oo la magacaabi doono dhawan Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxaa uu balan qaday in usan ku farogalin doonin qaybaha dhimaan ee Xukumada R.wasaare Saacid.

R/wasaare Abdi Farah Shirdoon ayaa intaan la magacaabin ka hor waxaa uu balanqaaday in uu Madaxweynaha qayb lixaad leh ka siin doono Xukumada u soo dhisayo balse marki la magacaabay ayaa waxa uu la soo baxay miciyo dhaadher waxaana uu in badan ka dulbooday balanqaadyadi horay uu ula galay Madaxweyne Xasan Sheikh.

Xubno ku sugaan Villa Somalia ayaa waxaay ino shegeen in Madaxweyne Xasan Sheikh uu ku kaadsoomay Magacaabisti Xilka R/wasaaraha uu u magacaabay Cabdi Farax Shirdoon waxaayna shegeen in Dr.Saacid uu ka ad adag yahay sida in badan oo Somali ah ay u malaynayaan.

Shirdoon ayaa hada waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheikh uga dheereyay Xiriirka Wamada Dariska ah iyo waliba Calamka waxaana la aminsan yahay in Dr Saacid u kaliyah sugaayo in Barlamanka Somalia ay kalsoonida siyaan golaha cusub ee Wasiirada.

Wax yaabaha Xusida mudan ayaa waxaa ugu weyn in Amar ka soo baxay Xubnaha beesha Calamka kaas oo ahaa in golaha wasiirada laga dhigo 9 Wasiir Madaxweyne Xasan sheikh na uu ogoladay uu R.wasaare Saacid jabiyay waxaa taasi ka sii daraan in qodob ka mid ah Dastuurka Somalia u Dr. Saacid si toos ah uga tilaabsaday marki uu jabiyay qodobka qaylada badan dhaliyay ee 4.5

Dr. Saacid ayaa waxa uu shegay in beesha shanaad ay aqoon ahaan iyo ilbaxnimo ahaanba ay ka horeyso beelaha 4ta ah ee qaata inta badan saami qaybisiga siyaasada Somalia waxaana uu shegay in manta wixi ka danbeya beelaha somaliyeed ay isku xaquuq noqonayaan.

Madaxweynaha Xasan sheikh ayaa arinkaasi si taxadar leh u soo dhaweyay waxaana uu shegay in arinkaasi yahay mid meesha ku jira lakiin ku xadgudubka dastuurkana uu yahay danbi laga galayo wadanka,

Xogtaan oo aan in badan soo aruurinay isla markana aan la kaashanay howlwadeeno ka kala tirsan Xafisyada Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa waxaay walaac ka muujinaysa wadashaqaynta dhexmari karta Madaxweyne Xasan Sheikh iyo R.wasaare Saaciid oo ah nin mowqiif adag islamarkana aan jeclayn in la soo faragaliyo arimaha Xafiiskisa.

Arinta kale ee la yaabka leh ayaa waxaay tahay R.wasaare Saacid waxaa uu si toos ah u diiday in uu qaabilo wufuud isdaba joog ahayd oo dhawaanahan ku soo qulqulayay Magaalada muqdisho waxana uu shegay in usan u hayn waqti uu kula kulmo balse xaqiiqda ayaa waxay tahay in uu Saacid sugaayo inta Barlamanka Somalia ka ansixinaayo Xukumada u soo magacaabay ka dib na uu howlahiisa bilaabo asago leh awood u kaga hortago farogalin kasta oo xafiskiisa lagu sameeyo.

Mid ka mid ah dadka aadka ugu dhow Xafiiska R.wasaare Saacid ayaa waxaa uu ino shegay in Dr.Saacid u sugaayo in mar un la ansixiyo golaha wasiirada ee uu soo magacabay ka dib na lo tagi doono wajiga rasmiga ah ee R.wasaare Saacid.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhankiisa u muqda Shaqsi qabweyn oo isi siiyay Awooda aan Dastuurka cusub ee Somalia ku qornayn dastuurka cusub ayaa waxaa uu awooda siinaya R.wasaaraha wana meesha labada masuul ay isku qaban doonan .

Dhanka kale Madaxweynaha iyo R.wasaaraha ayaa si weyn ugu kala fog arimaha ku sabsan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo dooda badan oo arinkaas ku sabsan oo ay wada yeesheen Madaxweynaha iyo R.wasaaraha ayaa lagu kala boday balse wali ma cada qodobka rasmiga ah ee ay isku fahmi wayeen labada masuul .

Ugu danbeyn dad badan ayaa waxaay qaban in Madaxweyne Xasan Sheikh uu ku dag dagay magacaabida uu R.wasaare Saacid u magacaabay xilka Wasiirka kowaad ee Somalia waxana lagu macnaynaya in Saacid u yahay shaqsi ad adag oo aan la jaan qaadi karin Madaxweyne Xasan Sheikh

Uganda oo shaacisay waqtiga ay ka baxeyso dalka Somalia.

Uganda ayaa waqti 10 maalmood ah oo shalay ka billaabatay u qabatay QM inay kaga soo jawaabto eedeymaha ay u jeedisay xukuumaddaasi, ee ah inay hubeyso mucaaradka Dr Congo.

Kampala waxa ay tiri “Haddii QM aysan 10 maalmood gudahood jawaab ku keenin, askari ka tirsan ciidankeena masii joogi doono Somalia”.

Ra’iisul Wasaaraha Uganda ayaa u sheegay TV-ga Press TV ee dalka Iran in kadib marka ay wada tashi la yeelato saaxiibadeeda oo uu ku jiro ururka Midowga Africa, ay Uganda ciidankeeda kasoo qaadan doonto Somalia, Central African Republic iyo DR Congo.

Waxa uu sheegay in ciidamada Uganda ee jooga saddexdaas dal ay ku jiraan heegan ayna sugayaan kaliya amarka ay kusoo baxayaan, kaasi oo uu sheegay inuu dhici doono hadii QM aysan jawaab bixin.

1o-ka maalmood ayaa ku eg 15-ka bishan.

Si kastaba dimlomaasiyiin badan ayaa aaminsan in Uganda aysan ciidankeeda kala bixi doonin Somalia, islamarkaana hanjabaadaheeda ay yihiin kaliya kuwa ay QM kaga raadineyso inay kaga laabato eedyenteeda.

Windows Live Messenger oo la joojinayo, maxaa lagu badalayaa?

Warkan ayaa soo baxay 18 bilood ka dib markii Shirkadda Microsoft ay ku dhawaaqday in ay ku bixineyso $8.5 Bilyan barnaamijkeeda horumarinta softwareka isgaarsiinta.

Microsoft ayaa sheegtay in Windows Live Messenger (WLM) laga joojin doono isticmaalkiisa bisha March sanadka 2013 adduunka oo dhan, marka laga reebo wadanka China oo uu ka sii shaqeyn doono. Shirkadda ayaa baddalkaasi xoogga isugu geyn doonto barta loo yaqaano Skype.

Windows Live Messenger ayaa la howlgeliyey sanadkii 1999, xilligaasi oo loo yaqaanay MSN Messenger, ayadoo marar badan wax laga baddalay laguna kordhiyey is wicd muuqaal ah (Video Call) iyo sidoo kale in lagu ciyaaro Games.

Sanadkii 2009kii ayaa shirkadda Microsoft waxay sheegtay in dadka isticmaala Windows Live Messenger ay gaareen 330 Milyan oo adeegsadayaal nool ama waxa ay u yaqaanaan (Active Users).

Baaritaan ay sameysay shirkadda qaabilsan sahaminta iyo barista isticmaalka ee lagu magacaabo Comscore ayaa shaaca ka qaadday in Windows Live Messenger uu wali laba laba lab ka dad badan yahay xagga isticmaalka aaladda Skype bilowgii sanadkan. Windows Live Messenger waa aaladda labaad ee ku soo xigta Yahoo marka loo eego xagga email chatting ama wada hadalka tooska ah ee emailka laysu mariyo.

Laakiin warbixntaas ay soo saartay Comscore ayaa muujisay in dadka isticmaala ee Ameerikaanka ah ay hoos u dhacaan sanadba sanadka ka danbeeye tiro lagu qiyaasay 48%, liddigeedana tirade Ameerikaanka isticmaalaya Skypeka ay sii kordhayaan xilliba xilliga ka danbeeya.

“Adeegyada sare ee uu qabto Skype ayaa fursad u ah in lacag ka sameeyaa lagana kasbado dadka isticmaalaya, Micrrosoftina waxay ayaduna raadineysaa fursadahaas oo kale” sidaa waxaa yiri Brian Blau.

“Messengerku uma sameysna qaab ay shirkadaha iyo TVyada isticmaali karaan laakin Skype isagu waa uu yahay qaabkaas” ayuu sii raaciyey Brian Blau.

Waxuu xusay in shirkaddu, waa Microsoft e, ay bilowday in ay Skpye ku biiriso Softwarekeda cusub ee telifoonada ee Windows 8 ku shaqeeya.

Si loo fududeeyo guuritaankaasi, Microsoft waxey qorsheyneysaa iney keento qiddad loo wareejin karo contatctskii ama asxaabtii kugu jirtay Windows Liveka loogu wareejiyo Skypeka.

Qatarta ayaa ah in ay guuritaankani sababto ama dhiirigeliso dadkii ku xirnaa WLM in ay u wareegan aaladaha kale sida WhatsApp Messenger, Google Talk ama AIM.

Laakiin Microsoft waxaa qeyb ahaa xoojinaya xiriirkii sanadkii hore ay la wadaagtay shabakadda Facebook. Isticmaalka muuqaal ku hadalka ee Skype (Skype Video Calling) ayaa aad uga badan qoraal ku wada hadalka manta.

WD: Yusuf Shuqale Hassan

[email protected]

Saraakiisha Amisom iyo M/weynaha oo kulan deg deg ah yeeshay.

War goordhow aan ka helnay aqalka Madaxtooyada Vila Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan deg deg ah uu dhex maray Madaxda Dowlada iyo Saraakiisha Amisom.

Madaxda Sare ee Taliska AMisom ayaaa gaaray Hoyga madaxwaynaha waxaana ay la shireen Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha ugu sareeya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Andrew Gutti iyo saraakiil kale oo ka socota ciidamada AMISOM ayaa Madaxwaynaha la joogay iyadoo  lagu  gorfaynaya sida aan wararka ku helayno dhacdadii maanta Wafdiga Dowlada iyo Amisom  loogu diiday kismaayo.

Maanta ayaa waxaa Ciidanka Taageerada Siiya Dowlada ee raaskambooni  ay Kismaayo galitaankeeda u diideen wafdi Amisom iyo dowlada.