25.6 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Xildhibaano xule lagu dilay Muqdisho.

Alaha u naxariisto waxaa maqribnimadii caawa lagu dilay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho Malaq Issaq Ibraahim oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee 135 xubnoo ka koobnaa ee soo xulay 275 xildhibaan ee dowladda Somalia.

Kooxo hubaysan oo aan la ogayn cida ay ka tirsan yihiin ay bistoolad ku toogteen Malaaq Isaaq Ibraahim oo ku sugnaa gurigiisa degmada Waabari ee magaalada Muqdisho kadibna ay isaga baxsadeen.

Malaaq Isaaq Ibraahim ayaa dhaawac uu kasoo gaaray rasaastaas waxaana loola cararay isbitaalka Daaru Shifa ee degmada Hodan halkaas oo daqiiqado kadib uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Guriga Malaaqa ayaa ku Yiilay Xaafadda Via Leberia ee degmada Waabari halkaas oo sidoo kale horey dil loogu gaystay Xildhibaan Mustaf oo kamid ahaa xildhibaanada cusub isla markaasna Sodog u ahaa madaxweynihii hore Somalia Shariif Sheekh Axmed waxaa kaloo lagu dilay isla deegaanka Waabari Abwaan Warsame Shirwac.

Malaaqan ayaa kamid ahaa malaaqyada Digil  iyo Mirifle waxana uu ahaa nin nabadda jecel.

Si kastaba Dilalka,qaraxyada,iyo arrimo kale oo amaan darro ah ayaa Magaalada Muqdisho iyo qeybo kamid ah dalka Somalia marti ay u noqdeen.

Maxaad kala socotaa saameynta iyo dhibka sarifka lacagaha qalaad uu ku hayo dhaqaalaha Somalia? (Q. 2aad)

Qeybtii 2-aad  Halkan ka arag Qeybtii 1-aad.

Waxaan horay uga soo hadalanay in dalkii laga isticmaalo laba lacagood kuwaas oo kala ah Shilin Soomaaliga iyo Dollar ka waliba uu isticmaalka lacagta dollar ka aad looga isticmaali ogyahay markii loo barbardhigo lacagta Shilin Soomaaliga ah, iyo guud ahaanba saameynta ay ku leeyihiin dhaqaalaha soomaaliya.

Muhiimada Sicirka Sarifka (importance of exchange rate)

Sicirka sarifka lacagta ayaaa wuxuu door muhiim ah ka qaataa qaab nololeedka bulshada ku dhaqan dalka, waxaa jira halbeegyo badan oo lagu cabiro dhaqaalaha wadanka kuwaas oo ay kamid yihiin sicirka sarifka (exchange rate), sicir barar (inflation rate), dulsaarka (interest rate) ( miisaaniyada ganacsiga(balance of trade) iyo waliba intaas iyo in kasii badan, laakiin exchange rate ka ayaa wuxuu yahay midka ugu muhiimsan ee lagu cabiro dhaqaalaha wadanka.

Marka larabo in la ogaado wadamado dhaqaalaha fiican miseba dhaqaala xoogan leh ayaa waxaa la eegaa qiimaha lacagta wadanka iyo deganaanta sicirka sarifka, hadii uu wadanka lacagtiisu qiima leedahay xadiga isbadalka lacagtana aanu sidaa u sareynin waxey calaamad u tahay maamul wanaaga dhaqaalaha wadanka, Sadaas darteeda ayaa nin khabiir ah ku ah lacagaha caalamka oo lagu magacaabo Professor Robert Mundell ayaa wxuu yiri “if there is a single issue that could lead to the breakup of Canada, it’s the exchange rate” (hadii uu j iro arrin kaliya oo sababi kara inuu kala qeybiyo wadanka CANADA, wuxuu noqonayaa sicirka sarifka). Dabcan waa hadal oo xoogan kaasoo kuu tilmaamaayaa muuhimada exchange rate ka uu uleeyahay wadanka illaaa heer lagu tilmaamo waxa kaliya ee sababi kara in uu kala qeybsamo wadan gaar ahaan Kanada sida khabiirkuba yiri.

Maanta hadii lacagteenu qiima lahaan laheed waxey inoo horseedi lahayd in wadankeena dhaqaale xoogan yeesho dadkuna nolol aad u qiima badan heli lahaayeen oo qarinagan 21aad umadeenu gaajo iyo harraad uma dhimateen intaana waxaa inoogu wacan jaahilnimada inaga heysata xaga dhaqaalaha, oo maanta raga dhaqaala yahanada caalamka waxey cilmi baaris badan ku sameeyaan waxyaabaha xasilin kara dhaqaalaha wadanka si looga hor tago sicir barar ku imaan kara dhaqaalaha wadan uu leeyahay. Marka hadii wadamadii inaga dhaqaale badnaa nagana aqoon badnaa oo lacagtooda qiima leedahay walibana lacag gaar ah isticmaala ay cabsi ka qabaan dhaqaale bur bur maxaa innaga dowladeena u diiday in ay dollarka mamnuucdo lacag gaar ahna inoo sameyso si aan awoodeena dhaqaale sare ugu qaadno. Intaa kadib waxaan guduha usii galeynaa qeybaha kala duwan uu saameynta ku yeeshay mise ku yeelankara horumarka dhaqaalaha soomaaliya, waxaana ka mid ah sida soo socota:

Maciishada (Cost Of Living)

Marka hore waxaa muhiim an ineynu isla fahanno waxa loola jeedo “Maciishad”. Maciishadu waa qiimaha meel dhexaadka ah si joogta loo kala siisto adeega iyo alaabada ee suuqa yaalla, hanoqoto cuntada, caafimaadka iyo wixii lamid ah. waa hubaal in maciishada gobalada dalka aaney isku wada mid ahaan karin taasina waxey ku xirantahay dakhliga dadka iyo kheyraadka uu gobalka leeyahay, waayo gobalada kala duwan ee soomaaliya maanta heerka maciishadooda isku mid maahan wey kala qaalisan yihiin weyna kala jaban yihiin, taasina waxey ku xirantahay kheyraadka kala duwan, dakhliga iyo tirada bulashada kunool gobalka, sidaa darteed hadii aan isdultaagno tusaalooyin yar oo aad ufudud oo kusaabsan nolosha dhabta ah ee ka jirta dalka una suuragalin kara aqristayaasha maqaalkan inay si dhib yar u fahmaan mise sawir guud ah ay ka qaataan saameynta lacagta qalaad (dollar ka) ay ku leedahay dhaqaalaha dalkeena.

Taariikhda
Qiimaha Sarifka
Qiimaha Sokorta Sh.So
Qiimaha sokorta Dollar ahaan
May 13, 2010
$1 = Sh.So 32000
1kg =  Sh21,000
1kg  = $0.65
8 November, 2012
$1=Sh22,000
1kg = Sh17,000
1kg = $0.77
                        
Sida ka muuqata shaxda sare, waxaa aan arki karnaa sid soo socota:

Innagoo ka amba qaadeyna shaxda sare ayaan waxaan ka garan karnaa qiimadhaca ku dhacay lacagta dollar ka heerka uu gaarsiisanyahay iyo sida uu u saameeyay maciishada bulshada soomaaliyeed ee dakhligooda ku xiranyahay lacagta dollarka.

Labadaan sano gudahooda ayaa wuxuu dollar ka qiimadhacay heer gaaraaya 45.44% markii loo bar bar dhigo lacagta shilin soomaaliga, halka badeecada gaar ahaan sokorta qiimaheedu iyadana sare ukacay 18.5% waxaan meesha ka garan karnaa marka hadii lacata la isticmaalo uu qiima dhac ku yimaado in ay nolashu qaali ku noqoneyso dadka dollar ka isticmaala maadaama awoodooda wax iibsiga ay hoos u dhacday.

Hadii aan sikale u dhaho, kasoo qaad mid kamid ah macalimiinta iskuulka oo mushaarkiisu ahaa $200 (May 2010 kii) laba sano kadib oo maanta ah intaa kuma noolaan karo, oo wuxuu horay ugu iibsan jiray maanta kuma iibsan karo waayo $200 ayaa waxey qiima dhacday 45.44% sidaa darteeda waxey lamid noqoneysaa isagoo $110 mushaar ahaan u qaata marka laga gooyo hoos udhaca 45.44% oo lamid ah $ 90, sidaa darteeda macalinkaa kaliya maahee qof waliboo dollar mushaar ahaan u qaata intaas ayuu qiima dhacay mushaarkiisa taasoo saameyneysa noloshiisa iyo dadka isaga ku tiirsan intuba.

Gabagabadii iyo gunaanadka, waxaan kusoo gabagabeyneynaa qeybtaan, muhiimada sicirka lacagta (exchange rate), iyo sida uu usaameynaayo maciishada (Cost Of Living) innagoo soo qaadanay tusaalooyin aad u sahlan iyo waliba oraah ay yiraahdeen dad khabiir ku ah arima dhaqaale si aqristuhu u fahmi karo macnaha dhabta ee maqaalka.

F.G: isbedelka saraifka dollrka waxaan kasoo qaatay, webka horseed media iyo Abdiqani Muuse Farah, oo kusugan dalkii, ahna qof si wanaagsan ula socda sarifka doolar iyo Shilin Soomaaliga.
http://horseedmedia.net/2010/05/13/ganacsiga-sicirka-iyo-suuqa/
Lasoco qeybta labaad iyo todobaadka dambe.
Qore: Liban Mohamed Mursal (Moha Gaas).
Melaka, Malaysia.
Graduate of Banking & Finance.
fadlan waxii talo iyo tusaale ah waxaad kusoo hagaajinkartaa:
[email protected]

Man United oo 12 milyan Janaayo ku dalban doonta xidiga kooxda Celtic Victor Wanyama.

Manchester United ayaa kor u qaaday xiisaha ay u qabto xidiga qadka dhexe ee kooxda Celtic Victor Wanyama.

Ciyaaryahanka u dhashay dalka Kenya ayaa ahaa geesiga Celtic kulankii Arbacada ay 2-1 ku dardareen Barcelona, wuxuuna kooxdiisa u dhaliyey goolka furitaanka isagoona luuq geliyey xidigaha sida aadka ah iskula jaan qaada Xavi iyo Andres Iniesta.

Bandhigiis ayaa soo jiitay United iyadoo agaasimaha wakiilada Yurub ee kooxda Martin Ferguson uu ku sugnaa Celtic Park si uu mar kale u daawado 21 jirkaan.

Wargeyska Sportsmail ayaa markii ugu horeysay bishii Jiune daaha ka qaaday in United ay isha ku heyso horumarka uu sameynaayo.

QPR ayaana ku guul darreysatay inay 10 milyan oo ginni bishii August kula soo wareegaan Wanyama halka Manchester City, Arsenal iyo Sunderland ay sidoo kale xiiso u qabeen.

Celtic ayaa sanadii hore Wanyama kala soo wareegtay kooxda Germinal Beerschot  ee ka dhisan dalka Belgium waxaana uga baxay saxiixiisa 90 kun oo ginni isbuucii lasoo dhaafay tababare Neil Lennon ayaa sheegay inay ku rabaan 25 milyan oo ginni.

Si kastaba, kooxda ka dhisan Premier League ayaa si aad ah isha ugu haaya xilli ay doonayaa inay Janaayo u diraan dalab ku dhow 12 milyan oo ginni United ayaana culeys saari doonta inay soo dhaqaajiyaan. Tababare Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inuu qadkiisa dhexe ku xoojiyo Wanyama oo ah xidig da’yar.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Liverpool oo qarka u saaran inay Janaayo dalab u dirto weeraryahanka Celtic Tony Watt.

Liverpool ayaa lasoo werinyaa inay ka fikireyso si ay ula soo saxiixato da’yarka kooxda Celtic Tony Watt ka dib markii ay wakiilo daawada u dirtay weeraryahanka. Sida uu qoray wargeyska Caught Offside.

Tababre Brendan Rodgers ayaa doonaya inuu inuu dalab u diro 18 jirkaan ku dhashay Coatbridge, xilli uu xidiga ku jira ciyaartoyda ka yar 21 jirada Scotland uu gool ka dhaliyey kooxda Barcelona ka dib markii ay kooxdiisu ka gaartay guul taariikhi ah.

Liverpool ayaa xidigaan xaaladiisa la socotay dhowr bilood laakiin waxaa ku dhalatay inay lasoo wargeegaan ka dib markii uu 10 daqiiiqo isku baray Catalan, waxaana laga yaabaa in Janaayo ay dalbato kooxda ka dhisan gobolka Merseyside.

Reds ayaa ka dhibaatooneysay dhanka weerarka iyadoo hada uu yahay weeraryahankooda keliya Luis Suarez iyo Fabio Borini oo dhaawac qaba

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Luis Nani oo dhaawac darti Toban maalmood garoomada uga maqnaan doona.

Manchester United ayaa weyn doonta 10 maalmood xidiga garabka uga ciyaara Luis Nani ka dib markii dhaawac uu kasoo gaaray feysha [Seeda Lugta].

Xidiga dalka Portugal ayaa dhibaato asiibtay intii ay socotay ciyaartii Arbacada Champions League ay ku wajaheen Braga waxayna taasi la micno tahay inuu seego kulanka Sabtida ee Aston Villa.

“Nani wuxuu ku maqnaan doonaa dhaawac ka asiibay feysha. Waxay qaadan doontaa ilaa 10 maalmood,” ayuu yiri Sir Alex Ferguson.

Daafaca dhexe Jonny Evans ayaa u halgamaya inuu kooxda kala qeyb qaato kulanka Aston Villa ka dib dhaawac uu ka qabay Gumaarka, taasoo loo macneysan karo kulankii labaad ee afar maalin gudahood uu ciyaaro Chris Smalling.

“Jonny shaki ayaa ku jira,” ayuu yiri Ferguson.

“Ma ahan dhaawac halis ah. Waan baareynaa rajo weyn ayaan ka qabaa inuu fiicnaan doono.”

United ayaa waxaa horay dhaawac uga qabay kabtankooda Vidic kaasoo qaliin la marsiiyey.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Wafdigii Kismaayo inay galaan loo diiday oo la ogaaday in la dili rabay.

Wafdigii dhawaan laga celiyay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa waxa ay sheegeen inay ka bad baadiyay Qorshe dil oo loo qaban qaabiyay.

Salaad Cilmi Axmad oo kamid ahaa Masuuliyiinta booqday Kismaayo balse laga hor istaagay Garoonka Diyaaradaha oo warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa qeexay in la dili rabay.

Masuulkan ayaa sheegaya inay heleen Sir ah in hadii kismaayo ay gudaha u gali lahaayeen in loo dhigay Fariisimo badan oo Ciidamo Raaskambooni ah si ay u risaas ugu furaan wafdiga.

Dilka fashilmay ayuu sheegay inuu soo abaabulay hogaamiyaha Raaslkambooni Axmad Madoobe oo uu  sheegay inuu yahay Xag jir.

Salaad cilmi Axmad ayaa hadalkiisa waxaa uu intaa ku daray inay ceebtahay in Axmad Madoobe uu laalo go’aanka Madaxwaynaha Soomaaliya.

AC Milan oo dhibaatadu kusii badaneyso ka dib dhaawac soo gaaray Ignazio Abate.

AC Milan ayaa xaqiijisay in Ignazio Abate uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan muddo laba isbuuc ah ka dib dhaawac cajirka ah, oo uu ku seegayo ciyaaraha ay Milan wajaheyso Fiorentina iyo Napoli.

Daafaca midig ayaa bedel lagu sameeyey daqiiqadii lixaad ee kulankii Milan ay 1-1la dhaafi weysay Malaga ciyaar ka tirsaneyd Champions League, waxayna Website-kooda ku xaqiijiyeen inuu garoomada seegi doono laba isbuuc ka dib dhaawacan.

Tijaabooyin badan ayaa la marsiiyey dhaawac, waxaana loo ohol waayey in la xaliyo inuusan garoomada ka maqnaan ugu yaraan 15 maalmood, waxaana laga yabaa inuu GYM-ka tababar ku sameeyo marka ay kooxdiisu Axada isku diyaarineyso inay wajahdo Fiorentina.

Daafaca heerka caalami ee dalka Italy ayaa ka mid ahaa kooxda uu tababare Massimiliano Allegri u doortay inay garoonka kusoo bilowdaan laakiin daqiiqadihii furitaanka ayaa lagu bedelay Mattia De Sciglio.

Kooxda San Siro ayaa booska Tobnaad ka fadhisa Serie A ka dib markii ay ku bilaabatay si aan looga baran waxaana hada dhaawac kasoo gaaray daafacooda garabka midig.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Ballack oo laga ganaaxay kexeynta gaariga ka dib markii uu ku waday xawaare 131mph ah.

Michael Ballack ayaa laga ganaaxay kaxeynta gaariyaasha muddo 18 bilood ah waxaana la dul dhigay inuu bixiyo 5,400 oo ginni ka dib markii uu gaarigiisa ku kexeeyey xawaare ah 131mph wado ku taala dalka Spain bishii October.

Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe uga ciyaari jiray Chelsea iyo Germany oo 36 jir ah ayaa ka fariistay kubada cagta laba isbuuc ka hor inta uusan shilka gelin, wuxuuna kaxeynaayey gaari nuuciisu yahay Audi Q7 iyadoo uu xawaarihii loogu talo galay laba jiraaray kaasoo ahaa 75mph, sida laga xaqiijiyey maxkamada ku taala Caceres Shalay.

Ballack, ayaa sidoo kale lagu amray inuu bixiyo lagacta ganaaxa, waxaana loo qabtay inuu shan maalin racfaan uga qaato ganaaxaan.

Ballack ayaana la sheegay inuu ka leexday isagoo lagu heystay inuu ka baxay xawaarihii loogu talo galay.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

 

 

Wafdi ka socday Sweden oo la kulmay Maamulka Gobolka Banaadir.

Wafdi kasocday dowlada Sweden ayaa maanta waxaa ay soo gaareen magaalada Muqdisho kuwaa oo kulumo la qaatay Masuuliyiinta gobolka Banaadir.

Kadib markii ay Muqdisho ay soo gaareen Wafdigan oo ahaa Baarlamanka  Sweden ayaa waxaa ay kula shireen Aqalka Maamulka Gobolka  masuuliyiinta Maamulkaas.

Masuuliyiinta Dowlada Sweden ay u soo dirtay Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaysay Xildhibaanad Kariina oo kulanka kadib saxaafada la hadashay ayaa sheegtay u jeedkooda uu yahay sida maamulka Gobolka Banaadir ay ugu saacidi lahaayeen Soo celin bilicda Muqdisho.

Waxaa ay sheegtay  in Wadooyinka Bur bursan ee Muqdisho ay dhisi doonaan ayna farax gelinayso Imaanshaha Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Maxamad Yuusuf Cismaan oo lahadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Caalamka uu diyaar ula yahay Sidii uu garab istaagi lahaa Maamulka Gobolka Banaadir.

Arsenal oo dooneysa weeraryahan Charlie Austin xilli ay u aragto bedelkii Van Persie.

Arsenal ayaa ku biirtay liiska kooxaha diiradu u saaran tahay Charlie Austin oo u ciyaara kooxda Burnley. Sida uu qoray Wargeyska Daily Mail.

Weeraryahankaan 20ka gool dhaliyey ayaa waxaa soo kordhaayey wakiilada daawanaya ee ka socda Premier League iyadoo shan kulan goob joog ay ahaayeen waxayna la dheceen qaab ciyaareedkiisa kor u socda.

Newcastle ayaa waqti dheer lala xiriirinaayey halka Liverpool, Everton, Reading iyo Aston Villa ay sidoo kale u qaateen inuu yahay mid ka mid ah gool dhaliyeyaasha ugu sareeya Yurub.

23 jirkaan ayaa waxaa u imaanayey dalabyo badan Burnley ayaana riski geli karta dalabyadaas u imaanaya ciyaaryahanka ay sanadii hore kula soo wareegeen 1.5 milyan oo ginni.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Chelsea oo 8 milyan ku dooneysa weeraryahan ay u arato inuu yahay bedelkii Drogba.

Chelsea ayaa ka fikireysa inay soo dhaqaajiso weeraryahanka quwada leh ee kooxda Vitesse Arnhem Wilfried Bony. Sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ivory Coast ayaa 12 gool dhaliyey 11 kulan oo uu u saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkaan waxaana lagu qiimeeyaa 8 milyan oo ginni.

23 jirkaan ayaa bishii August inta badan loo qiimeynaayey inuu ku biiro kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Aston Villa.

Dhanka kale, tababaraha Fluminense  Abel Braga ayaa xaqiijiyey in daafaca midig ee dalka Brazil Wallace oo 18 jir ah uu ku biirayo Chelsea laakiin weli lama dhameystirin saxiixa warqadaha lagula kala wareegayo.

Da’yarka PSV Eindhoven Riechedly Bazoer ayaa waxaa isbuucaan booqday Chelsea iyo Arsenal iyadoo mustaqbalkiisa lala xiriirinayo.

16 jirkaan daafaca ka ciyaara ayey PSV ka dalbatay qandaraas sedax sano ah laakiin wuxuu isha ku hayaa inuu u dhaqaaqo England iyadoo ay sidoo kale Manchester City ku jirto kooxaha daneynaya.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Axmed Madoobe & Ismacil Saxardid oo looga yeeray Madaxtooyada!

Warar aan ka helayno Aqalka Madaxtooyada Vila Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegayaan in Madaxwaynaha uu qadka Telefoonka kula xiriiray Masuuliyiinta dowlada iyo Raaskambooni ee jooga Kismaaayo.

Madaxwayne Xasan ayaa si gaar ah waxaa uu ula hadlay Hogaamiyaha Raaskambooni Axmad Madoobe iyo Waliba Taliyaha ciidamada dowlada  Cismaaciil saxardiid oo labadooda Maskaxdooda ka socda waxii ay doonaana Kismaayo kasameeyo iyagoo cabsi aan ka qabin Madaxda dowlada.

Sida Xogta aan ku helayno madaxwaynaha ayaa ka dalbaday in labadooda ay yimaadaan Muqdisho si ay ula shiraan Saraakiisa Dowlada iyo Amisom.

Xiriirka Madaxwaynaha uu la sameeyay Axmad Madoobe iyo Cismaaciil Saxardiid ayaa waxaa uu soo baxay markii ay kulan ka yeesheen Amisom iyo Madaxwaynaha Is hortaagii lagu sameeyay Wafdi dowlada ka socday oo Kismaayo geli lahaa.

Labada Nin ee loo yeeray ayaa waxaa ay doonayaan in Magaalada Kismaayo  iyaga ay la wareegaan taas oo ay raali kaga tahay Dowlada Kenya.

Tarsan oo muddo kadib afka furtay: Shaqadiisa oo uu dad kale u diray.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmad Nuur Tarsan ayaa dar daaran u jeediyay Xukuumnada Soomaaliya taa oo dhinacya badan ka hadlaysa.

Tarsan ayaa ku war geliyay Dowlada Soomaaliya inay dar dar geliso Xaalada Amaanka Gobolka oo uu sheegay in waqti badan iyo dadaal ay ku bixiyeen Amaanka uu sheegay in hada uu ka jiro Muqdisho.

Waxaase yaab leh in isaga oo ah oo guddooyiha gobolka Banaadir uu Dowladda lee yahay ammaanka Muqdisho wax ka qabato.

Gudoomiyaha oo booskiisa uu shaki ku jiro in rag kale loo soo magacaabo ayaa tibaaxay in Gobolka Banaadir heerar kala duwan  uu soo maray hada amni buuxa dadka ay ku haystaan.

Waxaa uu Gudoomiya ka codsaday Baarlamanka Soomaaliya inay Ansixiyaan Golaha Wasiirada ee Tobonka  ka kooban ee uu wato Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax iyagoo aan u fiirinaynin qabiil.

Tarsan ayaa ku nuux nuuxsaday in laga gudbay Qabiil oo shaqsiga Hormar keenayo uu ku fariisanayo Xafiiskaas.

Kenya oo ka hadashay tallaabadii ay Raaskambooni Kismaayo kaga celisay waftigii Amisom iyo DF

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay dhacdadii laba maalmood ka hor ka dhacday magaalada Kismaayo, halkaasi oo dagaal yahannada jabhadda Raaskambooni ay celiyeen wafti ka socday dowladda Somalia iyo Amisom.

Wasiirka Dalxiiska Kenya, Danson Mwazo ayaa cudur daar u yeelay tallabadaasi, islamarkaana difaacay.

Danson, oo wareysi siiyay idaacadda BBC ayaa sheegay in loo baahnaa in marka hore qaban qaabo la sii sameeyo, ka hor inta aysan waftiga halkaas iman.

“Aniga iskama gali karo aqalka baqortooyada UK, waa in lasii sheegaa oo lasii diyaariyaa wax walba” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu difaacay eedeymaha ku saabsan in dowladdiisa ay garab siiso maleeshiyada hal beel oo ay Kismaayo u qabatay.

“Maleeshiyo maahan, waa ciidan dowladeed, midda kalena aniga ma kala aqaano qabaa’ilka Soomaalida, Soomaalida waa isugu key mid” ayuu yiri.

Dhinaca kale Danson Mwazo ayaa sheegay in joogitaankooda Soomaaliya yahay mid aan cayineyn oo aan waqti lahayn.

Wasiirku, waxa uu sheegay in aan waqti loo qaban karin ka bixitaanka ciidankooda ee Soomaaliya, waxaana uu sabab uga dhigay inay dagaal kula jiraan argagixiso.

Magacyada Soomaali ku geeriyootay dooni ay kaga tahriiibeen Libya.

Dhowaan ayay ahayd markii Soomaali badan ay ku dhinteen dooni ay saarnaayeen oo kula degtaya badda, ayaga oo ka tahriibay dalka Libya, kuna socda Talyanaiga.

Haddaba Caasimada Online ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay qaar ka mid ah magacyadii dadkii halkaasi ku dhintay. Waxaa magacyadan nasoo garsiiyay mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Libya, hase yeeshee ma jiraan weli magacyo rasmi ah oo kasoo baxay safaaradda Somalia ee Libya.

1- Maxamed Muqtaar Cariif
2- Maxamed Cabdi Nuur
3- C/risaaq Faarax Qorane
4- C/qaadir Cilmi Wardheere
5- Maxamed Muslim Maxamed
6- Mahad Ceynte Xaashi
7- Ismaaciil Axmed Maxamed
8- Sadiiq Aadan Maxamuud
9- C/risaaq Maxamed Jaamac
10- Xasan Cabdi Axmed
11- Liibaan Maxamed Xasan
12- Shardi Maxamud Axmed
12 Cabdi C/laahi Guure
13- Haashim Axmed Cabdulle
14- Xamdi Xuseen Nageeye
15- Canab Axmed Faarax
16- Asli Cumar Abubakar
17- Nimco Crashiid Jaamac
18- Nuurto Axmed Maxamed Xasan
19- Cali Xasan Axmed
20- Leyla Cali Axmed
21- Leyla Yuusuf Axmed
22- Sahal Yuusuf Aadan
23- Leyla Cabdulle
24- Shamso Xasan

ILA TALI AQRISTE: “Markii aan ku dhowaado wuu iga durqaa, markii aan ka quustana hami buu i galiyaa”

Aqrsite, waxaan halkan kuugu soo gudbineynaa dhambaal ka yimid aqriste kale oo idinka doonaya talo, waa barnaamij cusub oo aan ugu magac darnay ILA TALI AQRISTE: Ujeedka ayaa ah qofkii talo raba inuu soo weydiisto aqristayaasha aan u fududeyno, maadamaa uu heli karo fikrado badan oo kal duwan, mark ala isku geeyana noqon kara wax ku ool.

Waxaan idin ka codsaneynaa inaad aqrisaan farriintan, kadibna wixii talo ah oo wanaagsan aad ku darsataan, adinka oo hab qoraalkiina ka ilaalinaya qaladadaada ama Tape error-ka, si qofka talada ku socoto uu fahamkiisa ugu fududaado. Waxaad taladaada ku qori kartaa qeybta comments-ka.

Fadlan si anshax iyo wanaag leh ula tali walaalkaa ama walaashaa. Adigana haddii aad talo doon tahay noogu soo dir arrintaada [email protected].

Talo doonka ugu horeeya ee barnaamijkan ILA TALI AQRISTE oo maanta nala soo xiriiraY waa gabar aan magaceeda kusoo koobeyno Ayaan, si aan u ilaalinayo Privacey-geeda oo joogtaa Seattle, Washington, USA.

Waxa ay qoraalkeeda usoo dhigtay sidan.

“Markii aan kow jeceylka u qaaday, waxaan aaminsanaa inaan qaatay go’aanka ugu wanaagsan nolosheyda, welina sidii ayaa aaminsanahay, hase yeeshee waxoogaa shaki ah ayaa nolosheeda hareeyay maalmahan.

Adduunka isaga ayaan ugu jeclahay, waa indhaheyga, nafteyda, dawadeyda iyo wax walba oo aan farxad ka heli karo, mase maleynayo in halka aan joogo uu isagana ila joogo.

Mar waxaan is iraahdaa adduunka adiga ayuu kuu jecel yahay, marna waxaan is iraahdaa inaad jirto iyo in kaleba kala ma oga, waayo waxaan arkay in si un uu igaga baxsanayo, haddana ii jaceyl gelinayo. Marka aan doonayo inana kulanno waxay igaga dhigan tahay wax aad u adag, oo 20 cudur ayaa kasoo sokeeya, marka aan teleefonkiisa waco, inta badan igama qabto, haddii uu iga qabtana, mashquul iyo si kasta oo uu hadalkeyga kaga baxsan karo ayuu sameeyaa.

Haddaan muddo sidaa ahaado, waxaan dareemaa inay tahay waqtigii aan nafteyda samir siin lahaa, balse iima suurta gasho. Markii aan is iraahdo faraha ka qaad oo ha wicin, oo aan wax ku dhow toddobaad ka aamusnaado, isaga ayaa isoo raadiya wuu I xaal mariyaa, wuxuuna igu beeraa jaceyl aan baaxadiisa qiyaasi karin. Arrintan hal mar ma aysan dhicin oo waa ay soo noq noqotay, waxaan qiyaasay in 6 jeer uu sidaas sameeyay, haddana mar walba aan samrayay.

Waxaan is weydiiyay sida uu iga damacsan yahay, mararka qaar waxaan is iraahdaa waa daacad, mararka qaarna wxaaan isu dareemaa inaan la heyste u ahay, oo uu doonayo inaan meel kale u weecan isgaana uusan dan iga lahayn.

Arrintan aad ayay u fikrisay maksaxdeyda, waxaan kala dooran la’ ahay inaan isga daayo iyo inaan si aan wax kusii wado, oo rajo ku nool ahaado, go’aan ahna waan qaadan wayayay ee ILA TALI AQRISTE

Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan, Qeybti 6-aad)

Qeybti 6-aad   Qeybihi hore halkan ka arag 1-aad   2-aad  3-aad 4-aad 5-aad

Jiifkii ayey ka toostay oo fadhiisatay, waana naxay oo moodday in ay tegayso. Oo maxay u tegaysaa ma gacan barakaysan oo aad ku dabiibaysey in aad marisay wax aan ahayn baad ku samaysay? Iyada oo fadhida ayey diracii qaarka dambe ka soo faydey oo kor isaga siibtay, dabadeed iyada oo sidii ay ku dhalatay ah dhinacii ay awel u jiiftay mooyee dhinaca kale xaggaaga u soo jiifsatay, iyada oo sii leh: “Alla caawa kululaa! Sheekh, gacantaada durba il baan iskaga gartay ee i wada mari.” ”Eebbe ha kugu dabiibo!” ayaad u celisay, oo salaaxiddii ku sii wadday.

Xubin qiimo leh oo jidhkeeda kaa qarsooni ma jirto. Imika si aan xad lahayn baad isu celinaysaa ee ma miyir qabtid. Habeenno badan ayaad xaalad tan la mid ah ku riyootay, malaha tanina waa riyo. Maad hubsatid? Calaacal sidii hore ka dhiirran inta aad barako ku afuuftay ayaad legga kaga salaaxday qunyarna kor ula raacday ilaa naaska. Inta ay yar taahday ayey kugu soo durugtay oo jidhkeeda kaaga ku soo cadaadisay, gacantana bawdada kaa saartay. Markaas baa miyir kuugu dambaysey.

Inta aad kor u boodday ayaad nalkii aad hoos joogteen damisay, dabadeed iyada oo jirjircadka isu sii rogaysa dusha kaga degtey.

Dhar sare iyo mid hooseba waxaa kuu ahaa shaadh iyo macawis, labadiibana durba waa ay kaa maqan yihiin. In aad adigu iska bixisay iyo in ay iyadu kaa bixisay ma kala ogid. Waxaad hubtaa shaadhkii ugu yaraan in ay laba badhan go’een. Waxaad kale oo hubtaa kitaabbadii oo rixli wada saarraa in aad harraati ku kambashay. Waxaad kale oo hubtaa tusbixii oo jilibka kaa muday in aad meel fog ku maguujisay. Waxaad kale oo hubtaa saacaddan in aadan kitaab, tusbax, denbi iyo diin toona dan ka lahayn. Waxaadse kale oo hubtaa in uu qubays kugu waajibay.

Iyaduna waxay hubtaa sariirta in ay goor roon ka soo kacday. Waxay kale oo hubtaa muruqyada adadag ee meel walba kaga giigsani in ay ku sii giigsanaadaan mooyee wax kale in aanay dan ka lahayn. Waxayse kale oo u hubtaa qadaadkeeda sida ba’an dhulka loogu xoqayaa in uu barkin u baahnaa.

Goor dambe oo aad xiiq tiranyseen waxaad ku calaacashay: “Alloow tooba! Alloow tooba!…” Iyaduna waxay kuugu jiibisey: “Aammiin!” Inta aad Ilaahay ka baqaysid in aan ka yarayn waxaad ka baqaysaa ninkeeda oo idiin soo gala. Iyadu Ilaahay ka biqi mayso, waxayse isku si uga baqaysaa ninkeeda iyo fadeexad.

Intii hore waad waallaydeen, markiise aad miyirsateen ayaad fekerteen. Iyada ayaa dhiirran oo isxilqaantay, oo inta ay salligii la kacday kugu tidhi: “Aynu meel asturan tagnee ina keen.” Adiguna kitaabbadii iyo tusbixii oo halkii daadsan inta aad ka tallaabsatay ayaad sidii sange taxaaban naagtii ku hor socotay dabo saqlaysay. Qaybta dambe ee beerta oo caws doog ah leh ayey ku geysay. Guriga waxaad u geli weydeen haddii uu odaygeedu soo galo jeer uu iskiin soo dul taago ma ogaan kartaan. Halkii ayaad muddo kale sii laba legdoonayseen. Markii dambe waad laylyantay oo toobaddii iyo istaaqfurullihii badnaa waad joojisay. Sida iyadaba miyirku ugu soo noqday adigana in uu kuugu soo noqday waa ay hubtaa, malahase in aad sideeda raalli u tahay ma hubto. Malaha si ay taa u ogaato ayey tidhi: …………LA SOCO QEYBTA XIGTA JIMCAHA XIGA INSHA ALLAH

W/Q: Ibraahin Axmed Yuusuf (Hawd).

Kismaayo: Weriyayaal lasii daayay.

Ku dhawaad Toban Wariye oo lagu haystay Magaalada Kismaayo ayaa dib xuriyadooda u helay kadib marki Wafdigii ay raaceen loo diiday inay galaan magaalada Taasna waxaa ay keentay In Wariya Kismaayo looga soo dhextago.

Wariyaashan oo u sheeqaya Idaacada dalka iyo Dibada,Wakaaladaha ayaa waxaa Muqdisho ka kaxeeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada iyo Amisom laakiin ma aysan soo noqon.

Waxaa ay sheegeen Wariyaashan in mudo labo maalin ay ku xayirnaayeen garoonka diyaaradaha Kismaayo loogana digay inay wax dhaq dhaqaaq ah Sameeyaan iyadoo Isgaarsiinta magaalasdana la jaray.

Faarax Cabdi Warsame oo ah filim qaade ka tirsan wakaalada wararka AP ayaa u sheegay BBC-da in ka badan 38-saacadood  inay ku xayirnaayeen garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Waxaa uu Wariyuhu hadalkiisa uu intaa ku daray  inuu u yimid Taliyaha haysta Garoonka Kismaayo waxaana uu ku wargeliyay inaysan fasax  u haysan inay magaalada galaan.

Faarax ayaa Carabaabay in lagu soo daayay dadaal dheer ka dib ay dib ugu soo noqotay diyaaradii markii hore soo qaaday,waxaana warar ay sheegayaan in Madaxwaynaha uu amray in lasoo celiyo wariyaasha

Xildhibaano u gudbiyay Jawaari arrin aysan ku farxi doonin Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Saacid.

Mudanayaan tiradoodu gaarayso 30 ayaa waxay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maanta u gudbiyeen qoraal ay kaga dalbanayaan inaan codka kalsoonida ah la siin xukuumada Somalia ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Saacid ilaa inta laga soo dhameystirayo.

Xildhibaanadan ayaa waxay sheegeen in dastuurka dalka uu dhigayo inaan codka kalsoonida ah la siin xukuumada iyadoo aan lasoo dhameystirin, iyagoo sheegay in sababta ay sidan u yeeleen ay tahay si sharciga loo ilaaliyo.

Wasiirkii hore ee Dastuurka hadana ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Somalia C/raxmaan Xoosh oo ka mid ah mudanayaasha gudbiyay qoraalkan ayaa sheegay in Gudoomiyaha uu u sheegay in qoraalkooda uu u gudbin doono Madaxda Dowlada si ay go’aan uga qaataan.

“Dowlad aan dhameystirnayn in la ansixiyo waxay noqonaysaa in dastuurka dalka lagu tuntay, taasna ma ahan mid aan aqbalayno, waayo dastuurka waxaa sameeyay in lagu dhaqmo” ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sh. Cismaan (Jawari) ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha habeenkii xukuumada lagu dhawaaqay inuu si dhaqso ah ku horkeeno baarlamaanka si codka kalsoonida ah loogu qaado.

Arintan ayaa waxay abuuraysaa muran soo dhexgalaya xukuumada iyo baarlamanka balse lama oga go’aanka ay xildhibaanadu qaadan doonaan, iyadoo xukuumada la horgeynayo baarlamaanka Maalinta Sabtida ah.

Xukuumada cusub ayaa waxay ka kooban tahay 10 wasiir oo laba dumar ay ku jiraan, waxaana labada haweenka midood loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada Somalia.

Arriintan ayaa caqabad cusub ku noqon doonta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo qorshahoodu ahaa in golaha wasiirada la ansixiyo ayada oo aan lagu soo darin wasiiro ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha.

Mucjisada nambarka Toddobaad (7)

Dunidan guudkeeda waxaa saaran oo aad ku arkeysa wax yaabo ku tusinaya waano iyo cibro qaadasho, waxaan ku eegeynaa qormadeena xikmadooyinka qaar oo laga helo tirooyinka xisaabta hadii aan soo qaadano xikmadooyinka ku jira number (7)

Ma ogtahay akhristow in (suuratul faatixa) inay tahay (7) aayadood.

Ma ogtahay in qur’aanka lagu sheegay (7) sabuul.

Ma ogtahay in qur’aanka lagu sheegay (7) saccood.

Ma ogtahay maalmaha isbuuca in ay yihiin (7) maalmood.

Ma ogtahay in salaada marka la sujuudo la dhigo dhulka (7) xubnood.

Ma ogtahay in salaada ciida la aqriyo takbiirta (7) jeer.

Ma ogtahay xajka marka la dawaafayo lagu wareego (7) jeer.

Ma ogtahay in buurta safwa orod lagu maro (7) jeer.

Ma ogtahay marka dhagax tuurasha ay tahay (7) jeer.

Ma ogtahay in samooyinka ay yihiin (7) samo.

Ma ogtahay in badaha ay yihiin (7) badood.

Ma ogtahay in dhulku uu yahay (7) arlo.

Ma ogtahay in qaaradaha dunida ay yihiin (7) qaaradood.

Ma ogtahay akhristow dagaalkii qaydara uu dhacay sanadkii (7) aad ee hijriyada.

Ma ogtahay in hadii ay ilmo kuu dhashaan maalinta (7) aad loo wan qalo.

Ma ogtahay in ilmaha lagu amro salaada marka ay gaaraan (7) jir.

Ma ogtahay in midabada qaanso roobaadka ay yihiin (7) midab.

Ma ogtahay akhristow in lamaaha is guursada ay (7) galaan.

Ma ogtahay in qur’aanka uu yahay (7) jalaad.

Ma ogtahay in maalinta qiyaamaha hooska alle mooye uusan jirin hoos kale ay harsan doonan hooska alle (7) qofood.

Ma ogtahay in albaabada naarta alle hanaga koriyee ay yihiin (7) albaab.

Ma ogtahay akhristow in malikii masar uu ku riyooday (7) riyo.

Ma ogtahay akhristow In taabashada eyga la meyro (7) jeer.

Ma ogtahay akhristow in caruurta nabi muxamad (NNKH) ay ahaayeen (7) caruur ah.

Ma ogtahay akhristow in dayaxa uu sameeyo bishii (7) wareeg.

hadaba akhristow bal malee oo raadi tiro ka xikmad badan number (7) oo yeelan karta si fooyinka aan kor ku soo sheegnay taasoo ay gaar u yihiin tirada number (7) xikmadaasi waxay tahay una badan diini oo uu alle ku galadeystay number (7) hodana ku ah xikmadahaasi.

W/Q: Mohamed Ahmed Halane

E-mail:[email protected]