Kabtanka kooxda Chelsea ayaa laba isbuuc kasoo fikiraayey qoraalkii ay dacwadiisa kasoo saareen gudigii madaxa banaanaa ee FA-gu u xil saareen hadaladii cunsuriga ahaa ee uu Terry u adeegsaday daafaca QPR Anton Ferdinand.
Terry, oo la ganaaxay afar kulan iyo 22o kun oo ginni ayaana raali gelin ka bixiyey wixii uu garoonka ku dhex sameeyey, isagoo ku tilmaamay wax aan macquul ka aheyn inay ka dhacaan ciyaar kubada cagta ah.
“Waxaan doonayaa inaan fursadaan uga faa’iideysto inaan ku raali geliyo qof walba erayadii aan ku dhex isticmaalay ciyaarta,” ayuu yiri Terry.
“Inkastoo aan ka murugsanahay sida ay wax u go’aamiyeen FA-gu, hadana waxaan aqbalay inaan isticmaalay erayadaas, oo ahaa kuwa aan la marnaba laga aqbali Karin garoon kubada cagta ah iyo xitta nolashaba.
JT ayaa sidoo kale sheegay inuu ka xun inuu ka hoos maray heerkii ay ka filayeen taageerayaasha Chelsea. Wuxuuna sheegay inaysan mar dambe dhici doonin.
“Erayadii aan isticmaalay ayaa ahaa kuwa ka hooseeya heerkii ay iga fileysay Chelsea Football Club, iyo anigaba, tanina mar kale ma dhici doonto.”
Terry ayaa seegi kulanka sabtida ay kooxdiisu la ciyaari doonto Tottenham, marka lagu darro kulamada Manchester United ee 28da October iyo kulanka Carling Cup ee u dhexeeya labada koox sedax maalmood ka dib, wuxuuna tababuunka ka fuuli doonaa kulankiisa ugu dambeeya ee Chelsea ay u safri doonto Swensea City.
John Terry wuxuu maanta ku dhawaaqi doonaa hadii uu rafcaan ka qaadanaayo ganaaxiisii afarta kulan ahaa ee la dul dhigay ka dib markii uu hadalo cunsyri ah u adeegsaday difaaca kooxda Queens Park Rangers Anton Ferdinand.
JT iyo la taliyeyaashiisa ayaa heystay laba isbuuc inay uga soo fekeraan warbixintii ay soo saareen gudigii madaxa banaanaa ee loo xil saaray kiiska Terry iyo Ferdinand kuna soo rogay ganaaxa afarta kulan ah iyo 220 kun ee ginni, John ayeyna qasab ku tahay inuu jawaab bixiyo kama dambeys 6:00 PM xiliga England, taasoo ah waqtiga ugu dambeeya ee uu racfaan ku qaadan karo ama uu ku aqbali karo ganaaxa.
Kabtanka Chelsea oo racfaan ka qaata ganaaxan ayaana noqon dooonta mid dhibaato sii dhalisa maadaama lagu tilmaamay cafis uu weydiisto inay tahay wax aan la aqbali karin.
Frank McLintock ayaa u sheegay taageerayaasha Arsenal inay iska iloobaan in Gededa Emirates Stadium ay ku arkaan ciyaaryahan lagu soo iibshay lacag fara badan.
Saxaafada ayaa soo jeedineysay in Gunners ay tababarahooda Arsene Wenger gacanta ka saartay 35 milyan oo ginni, taasoo uu Janaayo kula soo wareegi doono xidig weerarka ka ciyaara.
Laakiin Halyeeygii hore ee Highbury McLintock ayaa cadeeyey Siyaasada Wenger, inuusan hal ciyaaryahan kusoo iibsan doonin lacag intaas dhan.
“Waxaa jiray warar ay saxaafadu qoreysay maalihii lasoo dhaafay in Arsene Wenger uu 35 milyan kusoo iibsan doono weeraryahan laakiin uma maleynaayo inuu weligiis sidaas sameyn doono,” ayuu yiri Frank McLintock.
Arsenal ayaa lala xiriirinaayey inay Janaayo lacag badan u huri doonto xidiga aadka loogu qiimeeyo weerarka ee Radamel Falcao.
Federico Macheda ayaa qarka u saaran inuu ka tago kooxdiisa Manchester United, ka dib markii uu xidigu ka waayey boos joogta ah, sida ay qortay majalada The Sun.
21 jirkaan, weerarka ka ciyaara ayaa kulankiisii ugu dambeeyey ciyaaray kulamadii Boxing Day-ga ee sanadii hore.
Wakiilkiisa Giovanni Bia, ayaa laga soo xigtay isagoo dhahaya: “Wuxuu doonayaa inuu ciyaaro hadii uusan awoodi karin ka dib Janaayo waxaan isku deyi doonaa inaan helno xal wax bedela.”
Liverpool ayaa lasoo sheegayaa in saraakiil indha-indheeya ay u dirtay daafaca tayada leh ee Genoa Andreas Granqvist iyo qadka dhexe ee kooxda Palermo Josip Ilicic.
Waxaa la rumeysan yahay in kooxda Anfield wakiilo ka socda ay ku sugnaayeen gegeda Marassi intii ay socotay ciyaartiiGenoa-Palermo ka hor inta aan la aadin qaramada.
Si kastaba, sida ay tebinayaan saxaafada guduha Talyaaniga, Liverpool ayaa wax ka badan kulankaan la qaadaneysa Ilicic.
24 jirkaan dalka Slovenia ayaa ku sugnaa Rosanero tan iyo 2010kii, waxaana loo qiimeeyaa mid ka mid ah qadka dhexe ee kooxda ugu fiican.
Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay inay xaqiiq tahay inay jeclel yihiin Daniele De Rossi, laakiin wuxuu cadeeyey in wax ku saabsan arinka aysan usoo bandhigeyn saxaafada.
Kooxda ka dhisan dalka Faransiiska ayaa ka dhex muuqatay suuqyada Yurub ka dib markii ay lasoo wareegeen xidigo magac leh sida Zlatan Ibrahimovic, Thiago Silva iyo Ezequiel Lavezzi.
Sida uu tebinaayo Sky Sport Italia, maalqabeenada reer Qatar ayaa diyaar u ah inay heelaan geesiga qadka dhexe ee kooxda AS Rome.
“Waa dhab, inaan jecelnahay De Rossi. shaki la’aan waa ciyaaryahan weyn, laakiin wax ku saabsan kama aan sheegeyno saxaafada.”
De Rossi ayaa lasoo sheegayaa inuu khilaaf xoogan kala dhexeeyo tababarihiisa Zdenek Zeman kaasoo aan la ciyaarsiin kulankii 2-0 ku dhamaaday ee Atlanta.
Waxaa laga yaaabaa in mar walba aad maqasho in Ciidamada Dowladda Somalia aysan qaadan wax mushahar ah, marka ay qaataanna ay helaan lacag aad u yar oo aan u dhigmin naf hurnimo, ayada waddaniyadduu dhinaceedu tahay.
Sida aan ognahay mushaharka ciidanka DF waa 100 illaa 200 oo dollar bishii, ayada oo ay ku xiran tahay darajada askariga, hase yeeshee mararka qaar taas ayaaba wareer ka gasha.
Balse ka wraan ciidamada AMISOM ee jooga Somalia. Warbixin aan helnay oo gaar ah ayaa sheegeysa in sanadkan oo kaliya ciidanka Amisom ay ku baxayso lacag dhan 437 Milyan oo ah kaliya qalabka iyo agabka dagaal.
Lacagtaas 338 milyan oo ka mid ah wxaa bixiyay Mareykanka.
Askari kasta oo ka mid ah Amisom waxa uu mushahar ahaan u qaataa 1028 dollar bishii, waxaana lacagtaas bixiya Midowga Yurub. Waxaa taas dheer 500 oo dollar oo ay dowladdii soo dirtay bil kasta ku qaadato.
Askarigii ku dhintaa dagaalka waxa ay qoyskiisa magdhow ahaan u lee yihiin 100 kun oo dollar, halka ciidamada Soomaalida, kii dhintaa aanba la is warsan.
Lacagta 437 milyan ee dollar ah xitaa sanadkii masoo gasho Dowladda Somalia, oo lama siiyo.
Haddaba su’aasha ayaa ah maxay beesha caalamka u dooneyn inay dhisto ciidamada qaranka Soomaaliyeed, oo ay lacag badan ku bixiso, mase waxaan la dooneyn in Somalia ay isku filnaanto, oo weligeed ay na dul fadhiyaan Uganda, Burundi, Kenya iyo wixii la halmaala?
Maxay tahay sidoo kale sababta Dowladda Somalia iyo madaxdooda aysan uga hadlin arrintan oo aysan ugu sheegin beesha caalamka in Ugaandeeska aysan ka karaamo badneyn askariga Soomaaliga ah, mise dadkoodaba qiimo lama lahan?
Weli ma hayno ciddii arrinkan ka jawaabi lahayd, balse aqriste wad ku biirin kartaa fikirkaaga.
W/Q: Axmed Cali Sheikh Tifaftiraha Caasimada Online.
Ciidamada Amisom ee taageeraya dowladda Somalia, ayaa caqabad ku noqday nolosha dad badan oo degan duleedka magaalada Muqdisho, sida ay dadkaasi ka cabanayaan.
Waxaa dadkaasi ka mid ah dadka degan deegaanka No.50 ee duleedka Xamar, oo sheegay inay wajahayaan biyo la’aan baahsan oo sababteeduna ay lee yihiin ciidamada Amisom.
Mid ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa Caasimada Online ka codsaday in cabashadooda la baahiyo, waxaana uu sheegay in ciidamada Amisom ee dhowaanahan howl gallada ka wdaay gobolka Shabeelada Hoose, ay ka hor taagan yihiin inay ka dhaansadaan ceelka kaliya ee deegaanka uu lee yahay.
“Waxaan qabnay hal ceel, halkii ceelna waxaa farriisin ka dhigtay ciidanka Amisom, markii dadku halkaas ay u biyo dhaansi doontaanna xabbad ayaa lagu soo ceyriyaa” ayuu Xaaji Xasan macow u sheegay Caasimada Online.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in taasi ay usii dheer tahay boobka iyo burcadnimada ay ciidamada Dowladda Somalia ku hayaan dadka deegaanka.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelada Hoose Cabdullahi Muuse Abuukar, oo aan arrintan wax ka weydiinay ayaa difaacay ciidanka Amisom, waxaana uu sheegay in cashada dadka deegaanka ay tahay mid aan jirin.
Haddii wali Kala guurkii lagu jiro, maadaama aan wali la dhammaystirin dhismihii dawladnimo, maadaama aan wali la kala guran oo wali goradda la iskula jiro, lase yiri waxaa laga baxay ku meel gaarkii, sida la sheegay, aanse sidaa ahayn, aqriste, bal sii goob qormadii ahayd: “Ku meel gaarkii ma laga baxay?!”.
Haddii uu dhacay kala wareeg, dadka intiisa badanse ku tilmaameen ISBADAL, aniguse aan ku gaabsanayo kala wareeg, maadaama aan la garanayn meeshuu ka yimid, waxa sababay, cidda horseedday ama maalgalisay, maxaa yeelay beeso ayaa lagu kala baxay, cidda uu ka goys haysto ee uu ku daaban yahay, ayaan qoray qormadii ahayd: “Maxaa dhacay?!”.
Hadda waxaa loo madlan yahay dhismaha Golaha Wasiirrada, oo laga sugayo inuu soo magacaabo Mudane Shirdoon, oo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh u xushay inuu xilkaa qabto, marka laga soo tago soo dhawaynta dhiirran iyo midda dhabbacanba, waxaa mudane Shirdoon hortaal hawl aan yarayn, oo ay ugu horreyso dhismaha Golihiisa Wasiirrada, waana mid aan wax uga dhihi doono qormada dhexdeeda.
Bartamihii bishii afraad ee sannadkan ayaan qoray qorma cinwaankeedu ahaa: “Foolal cusub iyo Faro Caddaana!” oo aan ku qoray dhawr qodob oo muhim u ah maamul walba oo ka dhismaya Soomaaliya, Gobol, Degmo iyo Tuulaba. Qormadaa waxaa wehlisay heesta: “Waa inaan dib loo arag” ee ay ku xareediyaan Kooxda Qaylodhaan erayadii Bashir M. Hersi.
Maanta oo wajigii hore ee qodabbadii qormadaa iyo heestuba hirgaleen, ayaan doonayaa in aan mar kale ku soo laabto isla mawduucii, si aan u sii xoojiyo qodobbadaas, loona dhammaystiro hannaanka geeddi socodka billowday, ilaa laga guranayo mirihii oo dhan, maadaama aan is leeyahay in maanta ay tahay maalintii la hirgalin lahaa qodob iyo qoraal, hawraar iyo hadal midkood ku jira, ee aan hoosaasin iyo haasawe midna loo hamuun qabin.
Haddii madaxda dawladda u sarraysaa aysan ku sheegganayn:
Inay ka qaybqaateen dagaal sokeeye.
Inay ka qaybqaateen dagaal diimeed.
Inay lunsadeen hanti qaran.
Inay qabyaaladiistayaal yihiin.
Inay yihiin qabqablayaal.
Aqriste, xasuuso qodobbadan horaan u qoraye, waxaanna ku sii dari lahaa qodobbadan:
in haraadigu uusan kala harin, waxaan uga jeedaa, maadaama madaxdii hore uusan qofna dib uga soo laaban, waa inaan xil loo magacaabin masuul walba oo xil hore uga soo qabtay dawladihii burburka, gaar ahaan Golaha Wasiirrada inaan lagu soo darin Wasiirradii dawladihii hore dalka u soo maray, marka laga reebo dawladdii Maxamed Siyaad Barre, isna waa inuusan ku eedaysnayn xasuuq, barakicin iyo muqus.
In mudanihii Wasiir noqda uusan Baarlamaanka xubin ka sii ahaan, oo mid ku ekaado Xildibaannimo ama Wasiirnimo, sidaa waxaan u leeyahay inaysan dhicin inuu laba Mushaar qaato [Laba canlayn] illeen beesaba looma hayee. Taa sokow, inuusan laba awood oo is dhexgalaysa isla hayn, dabcan, dunida waa ka jirtaa, oo wax diidaya ma lahan, balse, dani anaga nooguma jirto, illeen mudane isagu isu codaynayaa, is dacweyn maayee!
Inqofkii xil sare qabanaya, uusan mushaar iyo biil lahayn, ee ku shaqaynayo iskaa wax u qabso iyo mutadawacnimo ama Folontari, Mushaar iyo biil midna aan la siin, dabcan waa in muddo loo qabtaa middan.
Qodobkan bal aan daliil u doonee, Allaha u naxariistee, Abwaan C/qaadir Xersi “Yamyam” baa shirkii Addis Ababa ka dhacay sanaddii 1993-dii ku maansooday sidan:
Waagii mudnaantiyo
Wasiir magac ku faanaa
Baabuur madaw iyo
Muraayadaha xiran jiray
Meelaha nacfiganale
Loo kala hor mari jiray
Maareeyana la noqon jiray
Gudbe maalmahoodii!
Waxa timid marxalad adag
Oo maamul sare iyo
Ninka madax u ciilqaba
Masuuliyadu qaadiyo
Kow dhaar la mariyaa
Tahay miiskii soo gado
Musuqana dil baa tahay
Mushaar ma lihid shaqaduna
Maqrib iyo ilaa subax
Ilaa qaranka maydkaa
Lagu hubiyo meel wacan
Halkaaseey maraysaa.
Haddii aan mushaar la’aan la joogi karin waa in la cayimaa mushaarka qofkii xil sare qabanaya, maxaa yeelay xaddidka lacagaha soo gala madaxdan waxay xakamayn kartaa isdaba marin iyo musuqmaaq inuu dhaco, kaba si muhimsane, waxaa lagula xisaabtami karaa dakhliga soo gala, oo laguna qaadi karaa xisaabi xil ma leh.
In la kala qaado xilka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho, micnaha in laba qof loo kala magacaabo, maadaama ay xallin karto gunuunac hoose oo iman kara ama jiraba.
In mudane Tarzan uu ku ekaado Xildhibaannimadiisa, maadaama laga codsaday inuu labada jago mid ku koobnaado, gaar ahaan loo qabtay in bil gudeheed uu ku hor yimaado Baarlamaanka si loo dhaarsho, uuna u wareejiyo xilka uu hayo ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisha.
In la baddalo Maareeyaha Dekadda Muqdisho iyo Maraayaha Garoonka Aadan Cadde, maxaa yeelay xilalkan marka laga soo tago inay xasaasi yihiin, waa ilaha ugu muhimsan ee dawladda dhaqaale ka soo galo, sidaa awgeed, waa in loo xulaa rag hufan oo aan ka soo qaybqaadan maamulladii hore ee musuqu daashaday.
In xilalka laga qaado dhammaad saraakiisha ugu sarraysa ee ciidaanka iyo nabad sugidda, marka laga reeno Gen. Dhaga badan, Abbaaduuliyaha Ciidan Qaabka Qaranka, oo aan la’aantiis guushaan la gaareen.
In la baddalo Guddoomiyaha Maxkamadda sare, dabcan ma sharcibaa mise ma ma ahan? Waa arrin kale, ujeedku waa inaysan kala harin hoggaankii hore, ee nala haray halkanna na soo gaarsiiyey.
Ugu dambayn, isu gaynta qodobbadab yaa isugu soo aruuraya cinwaanka qormada, ee ah: “Haraadigu yuusan kala harin” maadaama ay sii xaqiijinayso in aan la kala reebin kuwii musuqa iyo murrugmaarugta ku mashaqeeyey dalkan iyo dadkan.
Halka “Foolal cusub iyo Faro Caddaana” furfurkeedu yahay sidan: foolalka cusubi waxay daaqadda ka saarayeen kuwii sanadaha silica siyaasadda hoggaanka u hayey, faro caddiduna, waxay meesha ka bixiyeen dhamman xaaraan ku naaxyada, iyo xinjirro daadiyayaasha!
Qormada waxaan ku soo afmeerayaa heestii: “Waa inaan dib loo arag” ee ay ku xareediyaan Kooxda Qaylodhaan, erayadii Bashir M. Hersi, iyadoo qoraal, maqal iyo muuqaal ah, si aad u daawto heesta oo muuqaal ah liilkan hoose sii raac:
Waxaa magaaladda Nairobi ka socda wadahadalo sir ah oo u dhaxeeyo ururka ONLF iyo Dowlada Itoobiya,
Waxaa wadahadalkan ka qaybgalaya madax sare oo wasaarada Arimaha dibadda ee Itoobiya ka socata iyo Wafdi 7 xubnood ah oo ururka ONLF ka socda oo uu hogaaminayo cabdiraxmaan Maadeey, oo ah xoghayaha arimaha Dibadda ee ONLF.
Ilaa iyo hada warar badan lagama hayo arimaha laisla gaaray, balse waxaa jira in sideedii bilood ee la soo dhaafay ay jireen isu soo dhowaansho muuqda oo ku saabsan in uu heshiis rasmi ah dhexmaro itoobiya iyo ONLF.
Waxaana howshani dhexdhexaadinaya dowladda kenya mas’uuliyiin ka tirsan.
Kulankan waxaa ka horreeyey labo kulan oo hore oo Nairobi iyo London lagu qabtay.
Sida lagu wado hadii uu wadahadalkan horay u socdo, waxa ugu horeeya ee laisla meel dhigi doona waa xabad joojin rasmi ah, maadamaada dagaalka ONLF iyo Itoobiya u dhaxeeya uu weli socdo.
Ka dibna waxaa la guda geli doonaa dhamaystirka qodobada lagu wada heshiinyo oo dabcan ay ka mid noqonayaan, awooda iyo maamulka gobolka Soomaalida.
Arinta Kismaayo ayaa ah mid qasan weli oo aan xal dhameys tiran loo helin, iyadoo dowlada cusubna ay sheegtay in loo sameyn doono maamul rayid ah, hadalkaasna ay ka caroodeen dad badan iyagoo ku tilmaamay in maamul loo sameeyo Kismaayo Beledweynane la dhaho maamulka idinka soo sameysta in ay tahay arin aan dhex dhexaad ahayn.
Dowladaha France iyo Ingriiska ayaa gar wadeen ka ahaa in maamul loo sameeyo Kismaayo kaasoo lagu magcaabo Azaaniya, ama Jubbaland, balse qorshahooda ayaa ahaa in maamulka la magacaabo ka hor intaysan Soomaaliya yeelan dowlad loo dhan yahay, waxaase taasi daahiyay isqab qasi dhexdooda ah, waxaana dhacday in madaxweynihii la doortay ka hor intii aan maamulkii Kismaayo la magcaabin.
Xog aan helnay ayaa haddaba sheegeysa in madaxweynaha jamhuuriyada Xasan Sheikh uu warqad codsi ah u diray dowladaha Farnce iyo England kuna saabsan in ay joojiyaan maamulka ay doonayaan inay u magacaabaan Kismaayo, ayna sidoo kale taasi ku cadaadiyaan Kenya.
Madaxweynaha ayaa labada dowladood ee reer Yurub u sheegay in Dowladda Somalia lagu ixtiraamo aayo ka talinta dalkeeda, isaga oo intaas ku daray in Dowladdu aysan kasoo hor jeedin maamul halkaas laga dhiso, balse ay dooneyso oo kaliya in ayada kaalin ku lahaato.
Ujedadooda ayaa ahayd inay maaul u sameeyaan Kismaayo ka hor intaan lagu dhawaaqin dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, balse nasiib daro dowladii ayaa ka soo hormartay maaulkoodii intaan lagu dhawaaqin, taasina waxay keentay in Dowladda Somalia ay arrinta soo fara geliso.
Ilo ku dhow xafiiska madaxweynaha Somalia ayaa inoo sheegay in dowlada England ay sheegtay inay tix gelineyso codsigii madaxweynaha maadaama Soomaaliya ay na mar walba dooneyso wixii Soomaalida dan ah, islamarkaana aysan dowladda Somalia u dhinac mareyn dalka.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta Cod caqilibadleh waxaa uu ka helay baarlamanka Soomaaliya oo dalbaday in la horkeena Ra’iisul Wasaaraha Sida lagu balansaana maanta ayuuna hortagay.
Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta hortagay Baarlamanka waxaana Mudanayaasha Baarlamanka ay u muujiyeen in raali ay ka yihiin Ra’iisul Wasaare Saacid.
Dhamaan waxaa lagu wargelinayaa bulshada Somaliyeed in hawada uu kusoo biiray Website afka Soomaaliga iyo afka English-ka wax ku qora si deg deg ahna usoo gudbinaya dhacdooyinka Soomaaliya iyo Caalamkaba.
Webkaan oo la magac baxay www.somaliawitness.com ayaa waxa uu yahay mid ay akhristayaashiisu ka heli doonaan warbixino u badan dhacdooyinka markaasi taagan, arimaha layaabka, diinta, dhaqanka iyo waxyaabaha dahsoon oo bulshada usoo bandhigi doono.
Waxaa ka howlgalaya Webka www.somaliawitness.com saxafiyiin ku taqasusay qorista wararka iyo warbixinada waxaana ay mar waliba soo bandhigeysaa warar hufan oo xaqiiq ah.
Bismillaah, Dalka Masar ayaa sanadkan dooraashadii ka dhacday waxaa loo diiday in uu ka qeyb qaato mid kamid ahaa musharaxiinti ugu cadcadeed doorashada, sababta lagu fogeeyana waxey aheyd in HOOYADII oo geeriyootay ey horay u heysatay sharciga daganaanshada mareykanka, sidaa darteed ayaana loogu diiday in uu wadanka xil sare ka qabto.
Dalkeena Soomaaliya waxaa ka jirto xaalad ka duwan midaa aan kor kusoo xusnay, qofka doonayo in uu xil qabto wuxuu ku faanaa in uu heesto jinsiyad wadan kale, toban eray marki uu ku hadlo sagaal kamida waa af qalaad, ingiriis ama talyaani, wuxuu isku dayaa in uu muujiyo in uu ku hadlo luqad caalami ah, waxaana aamin sanahay in uusan khalad ku laheyn asagu, balse khaladka ey leedahay cidi ku qadarisa.
Marki aan eegno heykalka golaha shacabka Soomaaliyeed uu ku dhisanyahay waa heykal baqdin galinaya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, inta badan xilibaanada cusub waxey horay ugu dhaarteen dalal kale in ey si daacad ah ugu adeegayaan, waxey saxiixeen warqado badan si ey u qaataan jinsiyado wadaman ajaanib ah, maantane waxey ku dhaarteen in ey u adeegayaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo cabsi badan la qabo ayaa hadane la’ismoogeysiiyay oo danaha umada laga hormariyay, sidaas ayeyna ku noqdeen hey’ada ugu sareysa dowlada.
Doorashooyinkii madaxtinimada dalka waxey abuurtay shakiyo badan oo ku wajahan baarlamaanka, waa kee shidaalka ey ku dhaqaaqaan, yaa farta ugu fiiqay go’aanka ey isla wada qaateen, sidaas oo ey tahay hadane dadka oo idil waxey u oomanaayeen dowladnimo oo waa lasoo dhaweeyay go’aanadi ey gaareen.
Balse warki hore war soo dhaaf, xilibaandu kuma hadlaan afka Soomaaliga, mana fahmaan, gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamad Cusmaan Jawaari ayaa kulankii ugu dambeeyay ka sheegay in ey xilibaanada codsadeen in xeer hoosaadka baarlamaanka loogu tarjumo luqadaha carabiga iyo ingiriiska, dalabka qeybtiisa hore waa mid dastuuri ah, mana khaldana, waayoo luqada carabiga iyo tan Soomaaliga waa luqadaha rasmiga ah ee dalka sida ku cad dastuurka, balse waxaa fajiciso noqotay in xilibaan Soomaaliyeed uu yiraahdo afka Soomaaligaa ma fahmo ee English wax la’iigu sheego, taana waxey kor u qaaday baqdinti laga qabay gabi ahaanba golaha shacabka.
Soomaaliya waxaa si rasmi ah hogaanka ugu haya laba jinsiiladle aanan la hubin jinsiyada uu daacada u yahay, arimahaane waa in shacabku wacyi buuxa ka heestaa, hadii dastuurka Soomaaliya uusan xad u yeelin cida qaban karta hogaanka dalka ugu sareeya, waxaa ka dhalan karto cawaaqib xumo, waayoo lama hubo qofka sodon sano ku noolaa galbeedka waxa qalbigiisa ku jira iyo cida uu daacada u yahay.
Sida ku cad dastuurka Soomaaliya muwaadinka Soomaaliyeed waa loo ogolyahay in uu qaato jinsiyad kale, loomana diidana in uu xil ka qabto dowlada, BALSE waxaa lagama maarmaan ah in loo yeelo xad, sida in sadaxda masuul ee ugu sareysa dalka eysan qabanin cid aanan aheyn Soomaali barax tiran, halka qofka doonayo in uu kamid noqdo golayaasha kale ee dowlada lagu xiro shuruud adag sida in uu si sax ah u yaqaano afka Soomaaliga iyo dhaqanka Soomaalida iyo diinta islaamka, sidaa waxaa looga badbaadi kara in dalkeena laga maamulo meel aanan dareensaneyn.
Wabillaahi towfiiq W/Q Axmed Xalaal [email protected] Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.
Dowlada Soomaaliya ayaa haatan waxaa ay ku howlantahay Sidii garooonka Stadio Muqdisho looga saari lahaa Ciidamada Amisom oo hada ay u tahay Xarun militeri.
Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Sportiga ayaa booqosho ku tagay garoonka waxaana ay damacsanyihiin inay dayactir ku sameeyaan.
Muqdisho waxaa hada ka socda Tartanka heerka koowaad ee dalkeena Soomaaliya waxaana jirta in baahi loo qabo garoomada kubada cagta ay dagan yihiin ciidanka Amisom sida Garoonka Stidio Muqdisho .