27.2 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Puntland: Maydadka ajaaniib horleh oo laga helay buuraha yo kuwa kale oo la qabtay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faa-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo culus oo ay weli ciidamada Puntland kasii wadaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, kuwaas oo lagu beegsanayo Khawaarijta Daacish ee ku sugan halkaasi.

Ciidamada ayaa helay maydadka ajaaniib horleh oo ka tirsanaa kooxda, kadib markii ay maanta la wareegeen saldhigyo ku yaalla aagga buuraha Calmiskaad ee gobolkaasi.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in maydadkan ay ka carareen maleeshiyaadka Daacish, kadib markii lagu jabiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee Bari.

“Ciidanku waxay heleen Maydad hor leh oo ah Ajaanib Argagixisada Daacish, uga carareen saldhigyo Ciidanku kala wareegay. Howlgalka Amni ayaa weli ka socda Togjaceel – Calmiskaad.” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Sidoo kale howlgal kale oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu soo qabtay ajaaniib kale oo la tuhmayo inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaanno dheeraad ah, sida uu sheegay talisku.

“Laamaha Amniga ayaa qabtay 4 qof oo 3-Ajaanib tahay, kuwaas oo baaritaan lagu hayo, waxaa lala xiriiriyey Argagixisada Daacish” ayaa mar kale lag yiri qoraalka.

Puntland ayaa sii laba jibaartay dagaalka ay kula jirto argagixisada, waxayna taageero ka heleysaa saaxibada caalamiga oo iyaguna duqeymo ka wada aagga hore ee dagaalka.

Shacabka Boosaaso oo sameeyay arrin yaab leh oo la xiriirta dagaalka Daacish

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sameeyay arrin yaableh oo la xiriirta dagaalka adag ee ay Puntland kula jirto kooxda Daacish, kaas oo haatan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi.

Shacabka oo ka duulayo ilaalinta nabad-gelyada deegaanka ayaa ku dhaqaaqay arrin aad loo boggaadiyay, kadib markii ay gacanta ku dhigeen nin waxlo ku siday bac madow oo lagu arkay magaaladaasi.

Ninka oo ay gacanta ku dhigeen dadka deegaanka ayaa waxaa markii dambe lagu wareejiyay laamaha amniga, si loogu sameeyo baaris waxaana la ogaaday inuu waday qashin.

Qoraal kooban oo kasoo baxa Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa looga hadlay dhacdadan, waxaana aad loogu boggaadiyay shacabka Boosaaso, iyada oo looga mahadceliyay sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka ee maamulka Puntland.

Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay muujineyso inay soo jeedaan shacabka Puntland, ayna diyaar u yihiin inay ka hortagaan dhagarta kooxaha argagixisada ah.

“Shacab ayaa la dagaalay Nin qashin waday, oo ay uga shakiyeen amni daro, Laamaha Amniga oo goobta yimi ayaa hubiyey in qashin bacda ku jiro- kadib ayaa dadkii sii daayeen ninkii. DADKEENU WAA SOO JEEDAA” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Dhowaan ayay ahayd markii dadka deegaanka ay soo sheegeen nin ajnabi ahaa oo miino ku aasayay waddo ku taalla Boosaaso, kaas oo ay toogasho ku dileen ciidanka Puntland.

Xasan oo ka qayb-galay shir aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda dalka…

0

Daarusalaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Daarusalaam uga qayb-galay Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Dalladaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika (SADC), kaas oo laga hadlayey xal u helidda colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC).

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay madasha ayaa ka hadlay muhiimadda shirkan uu u leeyahay xasilloonida gobolka, waxa uuna soo bandhigay sida Soomaaliya oo ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay uga go’an tahau xoojinta  doorka Afrika ee xal u helista dhibaatooyinka ka jira qaaradda,.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay xiisaradaha ka jira bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, isaga oo sheegay in xalka uu ku jiro is afgarad iyo nabad.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka digay sii so socoshada dhiiga daadanayo, wuxuuna labada dhinac ee is haya ugu baaqay inay fursad siiyaan wada-hadallada socda.

“Colaadda ka taagan bariga DRC waa musiibo bini’aadantinimo, waxayna u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta. Diblomaasiyadda wadajirka ah ee labada urur waa fure muhiim ah si loo yareeyo xiisadaha, waana in xal lagu raadiyaa wadahadal iyo is-afgarad, halkii dagaal xal looga dhigi lahaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaallada nabadeed ee ay hogaaminayaan EAC iyo SADC, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xalka colaadda DRC, iyada oo ka faa’iideysaneysa waayo-aragnimadeeda dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabadda.

Halista Somaliland uga iman karta dagaalka Puntland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay dagaalka ay Puntland ku qaaday kooxda Daacish ee haatan ka socda aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Abiib ayaa marka hore garab istaag u muujiyay ciidanka Puntland, wuxuuna ku taliyay in meel kasta looga soo wada jeesto argagixisada.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa usoo jeediyay Somaliland inay muujiso feejignaan, ayna ka hortagto firxadka maleeshiyaadka Daacish, si looga hortago halista kooxda ee Somaliland.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay muujiso taxaddar dheeraad ah si aan firxadka argagixisadu gabbaad uga dhigan buuraha silsiladda Gollis iyo dhulka xadka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waayo balaayo madax la qabto ayay leedahay ee minjo la qabto maleh.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Maxamed Abiib.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan;-

𝐓𝐚𝐚𝐠𝐞𝐞𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐰𝐥𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐜𝐢𝐝𝐡𝐢𝐛𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝

Waxaan taageero iyo garab istaag u muujinayaa ciidamada dowladda Puntland ee buuraha Calmiskaat dagaalka kula jira argagixisada caalamiga ah ee Daacish. Argagixisadu arxan iyo ehel toonna ma gasho, inama kala jecla oo iyagu waxay inoo arkaan cadow, iyagana waa in aynu u aqoonsanaa cadow.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay muujiso taxaddar dheeraad ah si aan firxadka argagixisadu gabbaad uga dhigan buuraha silsiladda Gollis iyo dhulka xadka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waayo balaayo madax la qabto ayay leedahay ee minjo la qabto maleh.

Waqtigan adag, qof walba oo Soomaali ah waxa waajib ku ah in uu taageero walaalaha Puntland, kuwaas oo ku jira jihaad xaq ah oo ay ku difaacayaan diinteenna suubban, sidoo kalena ku ilaalinayaan sharafka dalkooda iyo dadkooda.

Guulaysta walaalayaal, waxaan taaganahay garabkiina

Xogta duqeyn culus oo lala beegsaday Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo mar kale xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan oo haatan ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada ee Al-Shabaab.

Weerarkan dhanka cirka ah oo ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah ayaa si gaar ah uga dhacay in u dhexeysa deegaannada Jicibow iyo Beerayabaal, iyada oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta ay daba socotay dagaallo qaraar oo shalay ka dhacay gobolka, isla markaana jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale saraajiisha ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lagu dilay xubno sar sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta kuwa kale la dhaawacay, balse ma shaacin tiradooda.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannada dhaca Jiinka Wabiga Shabelle oo ah halka ay isku hayaan labada dhinac.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 30 xubnood, sida uu sheegay gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in nolosha ay kusoo qabteen dagaalamayaal kale oo 3 gaaraya, kuwaas oo sawirradooda ay soo bandhigeen, iyagoo indhaha ka duuban.

Si kastaba, Hiiraan ayaa waxaa mar kale dib uga curtay kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo uu ujeedkiisu yahay in Al-Shabaab looga saaro gobolkaasi.

Israel oo 3 maxbuus looga sii deynayo 183 ruux oo Falastiiniyiin ah

0

Gaza (Caasimada Online) – Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah oo ay ku beddelanayso 183 maxbuus oo Falastiiniyiin u xiran Israa’iil, waana markii shanaad ee is-dhaafsigan tan iyo markii la gaaray xabad joojinta aan cagaha badan ku taagneyn ee Gaza.

Isdhaafsigaan ayaa imaanaya xilli uu gobolka ka jiro buuq ka dhashay soo jeedintii ka timid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku aadaneyd in Marinka Gaza laga sifeeyo dadka ku nool iyo in Mareykanka uu la wareego dhulka Falastiiniyiinta.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyey Jimcihii in ay heleen liiska la haystayaasha laga sii deynayo Gaza ka dib markii Xamaas ay daabacday saddex magac oo maxaabiis ah oo la sii daynayo.

Saddexda nin ee lagu wado in la sii daayo Sabtida ayaa kala ah Eli Sharabi, Or Levy iyo Ohad Ben Ami, sida ay sheegtay Xamaas. Magacyadooda waxaa xaqiijiyay xafiiska Netanyahu.

Sida heshiisyada dhacay ku xusan, marka la sii deynayo Maxbiista waxaa lasii gudbinayaa xogtooda si Xukuumadda Israa’iil ay ugu wargeliso ehelkooda una diyaargaroobaan sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen inkasta oo hubin caafimaad waqti badan qaadaneysa ay gelinayaan.

Xamaas waxaa weli u xiran Maxaabiis u badan ciidan kuwaas oo 7dii Oktoobar 2023 kasoo qafaalatay deegaanno amni ahaan ay Israa’iil aamsanayd in aanay u gudbi Karin balse weerar qorshe badan la geliyay lagu gudbay.

Fahad Yaasiin oo arrin ku saabsan Soomaalida ku amaanay Madaxweyne William Ruto

0

Nairobi (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin ayaa Madaxweynaha Kenya William Ruto ku amaanay sida uu ugu hiiliyey Soomaalida Kenya, isagoo ku tilmaamay madaxweynihii ugi fiicnaa dhamaan madaxweynayaashii soo hoggaamiyey dalkaas.

Fahad ayaa soo tiriyey fursado badan oo Madaxweyne William Ruto uu siiyey Soomaali Kenyanka, isagoo sheegay in guushooda uu ku faraxsan yahay maadaama uu “muddo dheer ku noolaa magalada Mandheere.”

Hoos ka Akhriso qoraalka Fahad Yaasiin:

Afartii Madaxweyne ee Kenya soo martay waxay gobolka Soomaalida, dad ahaan iyo deegaan ahaan, isugu dareen dayac, dulmi, iyo in la duudsiiyo xuquuqda ay ku leeyihiin Kenya.

William Ruto waa Madaxweynihii ugu horreeyey oo Soomaalida Kenya ula dhaqma si la mid ah muwaadiniinta kale ee dalkiisa. Sidaas uma dhahayo in uu xilal muhiim ah u magacaabay dad Soomaali ah, sababtoo ah waa xilal ay ku kasbadeen mudnaan iyo karti ay u leeyihiin xilalka loo igmaday.

Muddo 62 sano ah, waa markii koowaad ee Madxaweyne Kenyan ah uu seexdo gobolka Soomaalida.

Wuxuu saxiixay xeer qeexaya in la laalo hannaanka hubinta marka ay dalbanayaan kaarka aqoonsiga iyo baasaboorka.

Waxaa la dhisayaa wadada isku xirta Marsabit ilaa Mandera oo dhan 750KM. Intaas waxaa ka muhimsan in la fasaxayo tirakoobka saxda ee Soomaalida.

Maadaama aan qayb noloshayda kamid ah la noolaa shacabka Mandera, si dhaw baan u dareemayaa farxadda shacabkaasi walaalaha ah, taas oo ah mid aysan ka helin afartii Madaxweyne ee Kenya soo martay.

Turkey iyo Itoobiya oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta heshiiskii Ankara ee Somalia

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mudane Gedion Timotheos, ayaa Khamiistii, 06-da Febraayo 2025, waxa uu kulan muhiim ah magaalada Ankara kula yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Burhanettin Duran.

Sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, kulankan ayaa looga arrinsanayay qorsheynta wadahadallo farsamo oo dhawaan la filayo in ay yeeshaan labada dal, kuwaas oo looga gol leeyahay hirgelinta Baaqa Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Labada dhinac ayaa intii kulanka socday “is weydaarsaday aragtiyo la xiriira dhinacyada farsamo” ee Baaqa Ankara, si gaar ahna waxay falanqeeyeen habka ugu wanaagsan ee loo hirgelin karo qodobada baaqaas ku xusan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya waxay xaqiijisay in Wasiir Gedion uu “hoosta ka xariiqay sida ay Itoobiya uga go’an tahay hirgelinta dhammaystiran” ee heshiiska, isagoo uga mahadceliyay dowladda Turkiga doorka mugga leh ee ay ka qaadatay fududeynta heshiiska saddex-geesoodka ah ee ay la gashay Soomaaliya.

Baaqa Ankara, oo ay magaalada Ankara ku kala saxiixeen Madaxweynaha Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Mohamud, ayaa waxa uu dib u xoojiyay “ixtiraamka iyo ballanqaadka qotada dheer ee ay u hayaan madax-bannaanida, midnimada, xornimada, iyo wada-jirka dhul ee midba midka kale,” sida lagu caddeeyay war-saxaafadeed wadajir ah oo ka dhashay shirka.

Heshiiskan ayaa sidoo kale qiray “fursadaha faa’iidooyin badan oo kala duwan oo suurtagal ah” oo ay Itoobiya ka heli karto “helitaan sugan oo ah marin bad,” iyadoo si xooggan loo adkeeyay ixtiraamka “dhul-wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Waxaa sidoo kale lagu caddeeyay in hoggaamiyeyaashu ay ku heshiiyeen “in meel la dhigo lana dhaafo khilaafaadka iyo arrimaha muranka dhalin kara.”

Baaqa Ankara ayaa si faahfaahsan u qeexaya qorshayaal ku aaddan wadahadallo farsamo oo laga yeelanayo arrinta helitaanka badda ee Itoobiya, kuwaas oo la qorsheeyay in ay si rasmi ah u billaabmaan bisha Febraayo 2025, isla markaana la soo gabagabeeyo muddo afar bilood gudahood ah.

Labada dal ayaa ku heshiiyay “in si dhow ay uga wada shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa is-afgaradyo ganacsi oo faa’iidada labada dhinac ah ku jirto,” iyadoo si buuxda loo tixgelinayo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Baaqa Ankara ayaa ku soo beegmay xilli uu meel xun marayay xiriirka labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya horraantii sannadkii 2024, ka dib markii Itoobiya ay saxiixday heshiis is-afgarad ah (MoU) oo ay la gashay Somaliland.

Heshiiskaas is-afgaradka ah ayaa dhigayay qodobo ku saabsan kiraysashada 20 kiiloomitir (12 mayl) oo ka mid ah xeebta Somaliland, iyadoo Itoobiya ay beddelkeeda ku ballanqaaday aqoonsashada madax-bannaanida Somaliland.

Tallaabadan ayaa waxaa ka dhashay dhaleeceyn xooggan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay “ku xadgudub cad oo lagu sameeyay madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.”

Si kastaba ha ahaatee, ka dib saxiixii Baaqa Ankara, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar rasmi ah ku tegey Itoobiya 11-kii Janaayo 2025, halkaas oo uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed kala heshiishay dib u soo celinta xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa iyo xoojinta iskaashiga dhinaca amniga ee gobolka.

Booqashadan ayaa si rasmi ah u soo afjartay xurguf diblomaasiyadeed oo sannad qaadatay, taas oo ka dhex taagnayd labada dal ee dariska ah.

War-murtiyeed wadajir ah oo labada dhinac ka soo saareen kulankoodii, ayaa hoggaamiyeyaashu waxay si wadajir ah u ballanqaadeen “in la soo celiyo lana xoojiyo xiriirkooda laba geesoodka ah iyada oo loo marayo diblomaasiyad buuxda oo ay caasimadahooda ku kala yeeshaan.”

Waxay sidoo kale farreen ergadooda diblomaasiyadeed ee ku sugan goobaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka “in si dhow ay uga wada shaqeeyaan arrimaha danta labada dal khuseeya.”

Waxaa intaa dheer, waxay si adag isugu raaceen baahida loo qabo “iskaashi mug leh” si wax looga qabto xasilloonida gobolka, waxayna isku afgarteen inay si dhow isaga kaashadaan dadaallada lagu xoojinayo horumarka wadajirka ah iyo is-fahamka qotada dheer ee labada dhinac.

DF oo soo bandhigtay Al-Shabaab nolosha lagu qabtay iyagoo dagaalamaya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal culus oo saakay waaberigii hore soo bilowday ayaa maanta ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo hoos taga degmada Buuloburde, halkaas oo lagu xubno ka tirsan Al-Shabaab oo maxaabiis dagaal ah.

Al-Shabaab ayaa saakay intii aan la gelin salaadii subax weerar ku soo qaaday fariisimihii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa deegaanada Jiinka Wabiga Shabeelle ee maalmihii lasoo dhaafay laga xoreeyey, waxaana dhacay dhacay dagaal aad u culus.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay dileen in ka badan 30 Horjooge iyo maleeshiyaad kale, dagaalka ayaa ka dhacay aagga deegaankaa Jiciboow oo dhaca jiinka Wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in nolosha ay kusoo qabteen dagaalamayaal kale oo 3 gaaraya, kuwaas oo sawirradooda ay soo bandhigeen, iyagoo indhaha ka duuban.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya Abuukar Macalin oo galavta shir haraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaalamayaal badan ay Shabaab ka dileen, sidoo kalana kuwa nolosha lagu soo qabtay dhul weynna looga saaray.

Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Cabdullaahi Cumar Maxamed oo kamid ah saraakiisha howlgalkaan wax ka hogaaminaysa ayaa sheegay in degaano badan oo dhinaca Jiinka Wabiga ay kaga dhuumaalaynayeen laga saaray halkaasna khasaare dhimasho iyo dhaawacba lagu gaarsiiyay Kooxdii Al shabaab.

Dagaalka xooggiisa ayaa saakay waxa uu ka dhacay deegaanno u dhaxeeya Beera-Yabaal iyo Jicibow oo ku yaala jiinka webiga Shabeelle, isla karkaana hoos taga Buuloburde, halkaas oo muddaba ay dhufeysyo uga qodnaayeen kooxda Al-Shabaab.

Turkiga oo war cusub kasoo saaray shidaal sahmintii ka socotay badda Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa Jimcaha maanta shaaciyay in markabka sahminta shidaalka ee “Oruc Reis” uu dhameystiray 50 boqolkiiba baaritaannada shidaal ee badda Soomaaliya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Anadolu.

Markabka “Oruc Reis”, ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore ku xirtay dekedda Muqdisho si uu u billaabao hawlgal sahmin ah oo lagu baarayo saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya.

Bayraktar ayaa la kulmay Wasiirka cusub ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, iyo wafdi uu hoggaaminayay, kulankaas oo ka dhacay magaalada Istanbul, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta X.

Labada wasiir ayaa “ka wada hadlay wejiga xiga ee hawlgallada sahminta iyo fursadaha iskaashi ee cusub oo aan ka hirgelin karno dhulka.”

Bayraktar waxa uu sidoo kale shaaciyay in Turkiga iyo Soomaaliya ay bilaabeen geeddi-socod cusub oo iskaashi dhanka macdanta ah kaddib kulankaas.

“Waxaan sii wadi doonnaa dadaallada aan ugu jirno inaan gaarsiino iskaashigeenna tamarta iyo macdanta heer ka tarjumaya xiriirka dhow ee daacadda ah ee ka dhaxeeya dalalkeenna,” ayuu yiri Bayraktar.

Oruc Reis ayaa ka wadda biyaha Soomaaliya daraasado saddex-cabbir (3D) ah oo dhanka ciidda ah, kuwaas oo lagu ururinayo xog muhiim ah oo sahmin ah si loo ogaado meelaha suurtagalka ah ee saliidda iyo gaaska dabiiciga ah muddo lix illaa toddoba bilood ah.

Xogtan ayaa lagu falanqeyn doonaa caasimadda Turkiga ee Ankara si loo aqoonsado goobaha ugu habboon ee lagu sameyn karo qodista batroolka iyo gaaska.

Markabka Oruc Reis ayaa sahmin ka wada qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasaaradda tamarta Turkiga.

Oruc Reis ayaa waxaa wehliya laba markab oo kuwa dagaalka ah, oo sugaya amnigiisa.

Wasiir Bayraktar waxa uu sheegay in shirkadda Turkish Petroleum ay haysato shatiyada sahmin ee dhul-badeed loo qeybiyey saddex goobood oo ka kooban 15,000 oo km oo isku wareeg ah.

Somalia: ISIS suffers heavy losses as Puntland troops advance

BOSASO, Somalia – Security forces in Somalia’s semi-autonomous region of Puntland have seized a large swathe of territory previously controlled by the Islamic State (ISIS) group during recent military operations, officials and Reuters journalists report. Puntland hopes the advancements will lead to increased international support.

The gains mark a significant setback for the ISIS affiliate in Somalia, which has grown in prominence in recent years and become the target of US airstrikes.

Reuters journalists gained rare access to the village of Balidhidin, in the Golis Mountains of northern Somalia. This central ISIS stronghold had been under the group’s control for a decade.

They observed Puntland security forces patrolling the area, with residents moving around the wreckage of armored vehicles destroyed in recent fighting. The area has been the target of previous US airstrikes.

Local residents reported that security forces had also captured other nearby areas. Many Balidhidin residents had fled the group’s harsh rule, particularly after the district commissioner was assassinated in 2021.

They sought refuge in neighboring villages and the port city of Bossaso.

“We faced great fear. We were threatened,” said Saido Abdirahman, who recently returned to Balidhidin. “Even though we were mothers staying at home, there was fear that forced people to flee.”

ISIS in Somalia: A growing threat

The ISIS branch in Somalia, estimated to have between 700 and 1,500 fighters concentrated in the Puntland mountains, is considerably smaller than the al-Qaeda-linked al-Shabaab, which controls large parts of southern and central Somalia. However, analysts say ISIS has become an important part of the global ISIS network in recent years.

Officials and analysts indicate the group is supported by foreign fighters from the Middle East and other African countries and by revenue generated from taxing local businesses.

Some media outlets reported last year that the group’s leader, Abdul Qadir Mumin, had become the global leader of ISIS, citing US officials. ISIS has not officially confirmed this.

The US military has conducted airstrikes against the group for years and has also helped train Puntland security forces.

Puntland’s Information Minister, Mohamed Adan, told Reuters that regional security forces had captured 250 square kilometers of territory, including 50 bases previously controlled by ISIS, since December 31st. This marks the largest offensive against the group in recent years.

A Puntland military spokesman told Reuters on Thursday that security forces had killed at least 85 ISIS fighters in clashes over the past two days, while 17 Puntland soldiers also died in the fighting.

Minister Adan stated there was no cooperation on the operation with the federal government in Mogadishu, from which Puntland officially withdrew its recognition last year. He appealed to the international community for greater assistance.

“This is a global war against terrorists. We are asking the international community to provide us with experts, military equipment, anti-mine equipment, and devices to stop the terrorists’ drones. It’s a difficult fight,” Adan said.

Puntland-Federal political tensions  

The relationship between Puntland and the Federal Government of Somalia (FGS) in Mogadishu has been strained. Puntland withdrew its recognition of the FGS in 2023 due to disagreements over power-sharing and constitutional issues. This lack of coordination complicates the fight against extremist groups like ISIS and al-Shabaab.

Matt Bryden, a Somalia analyst at Sahan Research, said certain elements that worked with the former presidential administration in the US, some of whom have been openly critical of the Mogadishu government, are likely to strengthen direct security cooperation with local authorities like Puntland to combat ISIS and al-Shabaab.

“There was already recognition that the Somali federal government is not exactly a reliable partner at the moment when it comes to fighting armed extremist groups,” Bryden said.

Somalia’s Information Minister, Daud Aweis, said the FGS welcomes the support of international partners and “works continuously with relevant security agencies, including Puntland, to ensure the effectiveness of counter-terrorism operations.”

“Strengthening Somali federal institutions and ensuring a unified national strategy are essential for achieving lasting security and stability,” he said.

The US State Department did not immediately respond to a request for comment.

Xasan oo aaday safar kale oo dibad – Xaguu ka degay?

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Intaas kadib, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galabta u amba-bixi doona magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya.

Madaxweynaha ayaa Daarusalaam uga qayb-gali doona shir aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay iskaashi buuxa iyo taageero ku aaddan nabadda iyo horumarka mandiqadda.

Safarada madaxweynaha ee dibadda oo tan iyo markii uu la wareegay tallada dalka isdaba joog noqday ayaa dad badan qabaan in laga maarmi karay, maadaama ay ku baxaan kharashaad badan oo meelo kale oo uga mudan looga faa’iideysan lahaa.

PUNTLAND oo jawaab lama filaan ka bixisay qorshaha loogu soo rarayo dadka Gaza

0

Garoowe (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ka hadlay qorshaha Israel iyo Mareykanka ay ku doonayaan in shacabka Gaza loogu soo raro Puntland iyo Somaliland oo ka tirsan Soomaaliya, si ay ula wareegaan Marinka Gaza.

Yacquub Maxamed Cabdalla, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ee Puntland, ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph in dawlad-goboleedku ay ku farxi doonto inay martigeliso qaxootiga reer Gaza, haddii ay si ikhtiyaari ah u yimaadaan.

“Marka hore, waxaan kuu sheegi karaa in Puntland ay ku taal geeska Afrika, Falastiinna ay ku taal Bariga Dhexe. Ma jirto sabab qof looga soo eryo dalkiisa loona geeyo dal kale iyadoo qofkaasi uusan dooran inuu guuro.”

Laakiin wuxuu soo dhoweeyay dhaq-dhaqaaqa xorta ah. “Taasi dhib ma leh,” ayuu yiri. “Waan soo dhoweyneynaa waqtigaas, waana iyadoo la eegayo sharciga caalamiga ah.”

Dhinaca kale, qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo ahaa afhayeenkii hore ee dawlad-goboleedka Puntland, ayaa sheegay in qaabilaadda Falastiiniyiinta ay faa’iido u yeelan doonto gobolka, ayna ka caawin doonto inuu taageero ka helo beesha caalamka.

Dadka reer Gaza waa “dad Islaam ah”, sida reer Puntland oo kale, waxayna wax ku biirin doonaan “casriyeynta iyo horumarinta” dawlad-goboleedka. Qiyaastii 10,000 oo qaxooti ah oo ka soo cararay dagaalka Yemen ayaa keenay “khibrad farsamo” markii ay yimaadeen.

Haddii ay qaabisho reer Gaza, heerka Puntland ee adduunka ayaa sare u kici doona, waxayna heli doontaa “ammaan iyo horumar dhaqaale” beddelkeeda, ayuu yiri Cabdullaahi.

“Waxaa ugu wanaagsan in laga faa’iideysto fursadaha aan qorsheysnayn ee mararka qaarkood soo baxa,” ayuu raaciyay.

Bishii Maarso ee sannadkii hore, Puntland ayaa aqoonsigii kala noqotay dawladda federaalka, kaddib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka, gaar ahaan u-gudbidda cod-bixinta tooska ah ee qof-iyo-codka ah, oo ka duwan tii hore ee ku dhisnayd nidaamka qabiilka. Xiriirka Muqdisho ayaa weli kacsan.

Will Brown, oo ah khabiir arrimaha Afrika ka faallooda oo ka tirsan Golaha Yurub ee Xiriirka Dibadda, ayaa sheegay in ka hadalka in boqolaal kun oo reer Gaza ah loo diro Soomaaliya ay tahay “wax aan caqligal ahayn”.

“Soomaaliya waa dawlad fashilantay oo ay aafeeyeen rabshadaha jihaad-doonka. Fikradda ah in dad aad u dhaawacan lagu daadiyo halkaas waa mid naxdin leh,” ayuu yiri.

Iyadoo uu xukunka hayo Joe Biden, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa cambaaraysay hadallada ku saabsan dib-u-dejinta reer Gaza ee dibadda, iyagoo ku tilmaamay “kuwa hurin ah oo aan mas’uuliyad ku jirin,” iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in dawladdu ay baarayso sidii Falastiiniyiinta loogu rari lahaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Qaar ka mid ah saraakiisha Israa’iil ayaa aaminsan in Trump taageerada buuxda ee uu siiyay fikradda, iyo awoodda diblomaasiyadeed ee ay keenayso, ay furi karto heshiis.

Benjamin Netanyahu, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, ayaa lagu soo warramayaa inuu shir ay lahaayeen xisbigiisa Likud, uu ka sheegay sannadkii hore: “Dhibaatadeennu waa [helidda] dalal diyaar u ah inay qaabilaan reer Gaza, waana ka shaqeyneynaa.”

Khamiistii, Mr Katz wuxuu yiri Norway, Spain iyo Ireland “sharci ahaan waxaa ku waajib ah inay ogolaadaan in qof kasta oo degan Gaza uu soo galo dhulkooda” kaddib markii ay aqoonsadeen dawlad Falastiiniyiin ah.

Lafta-gareen oo arrin xasaasi ka dalbaday Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhigeeda Soomaaliya ayaa maalmahan ku mashquulsanaa calaamadeynta goobaha cusub ee ay ku shaqeyn dooanan ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasi oo loo yaqaano AUSSOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo jeedisay inay Itoobiya baneyso gobolada Bakool, Bay iyo Gedo. Laakiin Itoobiya ayaa qeyb ahaan taas ka cago jiiday, waxay si weyn iskaga riixeen inay ka baxaan gobolka Gedo, sidoo kale gobolka Bakool ayey ku faro adeygeen, waxaase lasoo wariyay inay aqbaleen inay ka baxaan qeybo kamid ah gobolka Baay oo ay ku jirto magaalada Baydhabo.

Caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa hadda si weyn ugu tiirsan kaalmada milateri ee Itoobiya, waxayna ciidankeeda joogaan Madaxtooyada Koonfur Galbeed, garoonka diyaaradaha iyo goobo kale oo muhiim ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa damacsan in magaalada Baydhabo la geeyo ciidan ka socda waddanka Uganda, sida ay sheegayaan xubno ka tirsan dowladda federaalka. Isbeddelka ciidan ee magaalada Baydhabo ma noqonayo mid amni oo keliya, ee sidoo kale wuxuu noqonaya mid siyaasadeed.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo la sheegay inuu helay xogta ah inay Itoobiyaanku ogolaadeen in Baydhabo ka baxaan ayaa la sheegay inuu si gaar ah qodobkan uga hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo dalbanaya in Baydhabo lagu daro goobaha ay sii joogayaan ciidanka Itoobiya.

Sida ay illo ka tirsan Villa Somalia inoo xaqiijiyeen, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa jawaab diidmo ah ama ogolaansho ah siinin Lafta-gareen, wuxuu qabsaday in isaga laga warsugo muddo 10 cisho ah.

Lafta-gareen markii uu jeedinayay codsigan waxaa wehliyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa go’aan weyn ku yeelan doonta haddii ay Baydhabo geyso ciidan iyada ka amar qaata. Lafta-gareen wixii markaa ka dambeeya wuxuu kala dooran doona inuu ku baxo jidkii Shariif Xasan Sheekh Aadan ama inuu boqolkiiba boqol isku dhiibo taliska Xasan Sheekh oo ay Villa Somalia go’aan ka gaarto mustaqbalkiisa xukunka Koonfur Galbeed.

Haddii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku adkeysto inay ciidanka Itoobiya ka baxaan magaalada Baydhabo, Lafta-gareen wuxuu ku qasbanaan doona inuu qaato go’aan siyaasadeed oo degdeg ah.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabadii uu xalay qaaday madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay war-saxaafadeed kasoo saaray dagaalka ka socda Puntland, kadib muddo uu ka aamusna madaxweynaha dagaalkaasi, oo ciidamada maamulka Puntland ay kula jiraan kooxda Daacish.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen ciidanka iyo shacabka dowlad-gobolkeed Puntland, wuxuuna faray xukuumadda in ay dardar-geliso hirgelinta go’aanka taageerada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay argagixisada Daacish kaga sugan yihiin buuraleyda gobolka Bari.

War-saxaafadeedka madaxweynaha ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin kala duwan, iyadoo dadka qaar ay madaxweynaha ku dhaliileen sababta uu uga aamusna tan iyo markii uu dagaalka bilowday, halka kuwo kalena ay madaxweynaha ku bogaadiyeen inuu kasoo hadlay dagaalka xaqa ah ee ciidamada Puntland ku jiraan haba lasoo daahee.

Caasimada Online oo indhaha la raacday faallooyinka laga dhiibtay qoraalka madaxweynaha, ayaa waxaa dowladda Xasan Sheekh loogu baaqay in hadal keliya uusan wax ka tarin dagaalka ka socda buuraha gobolka Bari, balse looga baahan yahay inay gacan ka geystaan.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Axmed Cabdikariin Waayo-arag: “Af keliya lama rabo waa in saanad ciidan iyo garab istaag muuqda loo diraa, ma ahan in halganka Puntland ka socdo indho siyaasad lagu eego. Gobanimada waa geed ku baxa dhiiga geesiga, Allaha guuleeyo geesiyaasha la diriraya cadawga.”

“Madaxweynaha haduu hadlo muxuu u hadlay haduu aaamuso muxuu u aamusey Soomaaliyeey xagee niila raacaa bal soo sheega,” ayuu yiri Maxamed Ugaas.

Cabdulqaadir Bootaan: “Madaxweynuhu waa mahadsan yahay garab istaag balaaran bay mudan tahay dawlada Puntland ee Soomaaliyeed. Argagixisadaas in laga xoreeyo dhulka Soomaaliyeed waa lama huraan. Guuul Soomaaliya”

Maxamuud Xirsi ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Wad laso daahdey Xasan Sheekh Maxamuudow intaas baa isbuucyo dagaalka socday kari weysay.
Hadalkana kugu dhegnaa.”

Liibaan Cali Cabdi: “Wixii dhexdeena waxa ka weyn cadowga in loo midoobo argagixiso arxan nama dhax yaalo, Allow Soomaali mideey oo cadowga ka baqo.”

Cabdinaasir oo kamid ah dadka ka fal-celiyay waxa uu yiri “War qaduhu badanaa!!. Kaarayaasha Xamar ku prakingman iyo diyaaradaha sawir ahaan miyey u yaalaan dalka?. DFS, Sheeko xariiradeeda waan naqaanaa ama gacan haka gaysto ama ha iska aamuseen.”

“Qawda maqashiii waxna ha u qaban maah maah Soomaaliyeed bey aheyd, waxaa xaqiiqo ah in dalkeena Soomaaliya uusan laheyn madax u danqata shacbiga Soomaaliyeed, oo damiir masuulnimo leh,” ayuu yiri Bashiir Xasan.

Cabdirisaaq Xasan: “Xasanoow waaa in Saadka aad laba dhigtaaaaa oo garoomada Puntland mashquul noqdaan maalmaha soo socda, kolkaaas baanu ku rumaysan.”

“Illa culumadii waa weyneed markay ka aamusi waayeen ficiltankaaga dowlanimada ka baxsan, warbaahintii tooshka kugu wada ifisay miyaa caawa is sii adkeyn waysay oo isa soo daad raacisay,” ayuu yiri Maxamed Kismaayo.

Bashiir Macalim Cabdi: “Baaq xoog lagaaga keenay waaye ee furimaha Puntland tag si aa u aamino dhab ahaanshiyaha taageeradaada.”

Shacabka Gaza oo si yaab leh uga fal-celiyey qorshaha loogu soo rarayo Soomaaliya

Gaza (Caasimada Online) – Shacabka Gaza oo ka hadlay isku dayga la doonayo in loogu soo raro Soomaaliya ayaa wargeyska The Telegraph u sheegay in isku dayada lagaga saaraayo Marinka aysan “marnaba guuleysan doonin”.

Israa’iil ayaa xoojineysa qorshe ay dadka reer Gaza ugu dirayso Puntland, oo ah gobol iskiis isku maamula oo ka tirsan Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay uu u rari doono goobo “aad uga ammaan badan, uguna qurux badan” Gaza.

Khamiistii, Israel Katz, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, ayaa faray Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) inay isu diyaariyaan “Haajiridda ikhtiyaariga ah” ee Falastiiniyiinta Marinka Gaza, oo ay ku jiraan “qaban qaabooyin gaar ah” oo dhinaca badda iyo cirka ah.

“Ma garanayo sababta ay Soomaaliya iyo Marocco u doorteen, iyo in dalalkani ay oggolaadeen inaan Gaza ka soo qaxno, laakiin Israa’iil waxay damacsan tahay inay qabsato Gaza, ayna ballaariso, kana dhisto deegaanno ay Yuhuuddu degto,” ayuu yiri Axmed al-Hato, oo 50 jir ah, kuna nool magaalada Gaza.

“Dawlad Falastiiniyiin ah ayaan dhisan doonnaa, marnabana kama qaxayno Gaza.”

“Runtii, waan ka xumahay waxa aan sheegi doono,” ayay tiri Saamiya al-Faqawi, oo 27 jir ah, kuna nool Khaan Yuunis, laakiin “in Soomaaliya loo doorto dal aan dhulkeenna uga soo haajirno, magangalyana ka raadsanno waa wax lagu qoslo”.

Wuxuu Axmed yiri: “Soomaaliya waa dhul aad u sabool ah, waana dhul oomane ah… Waxaan kula talinayaa kuwa ka hadlaya barakicinteena inay fahmaan sida ay nolosheennu tahay, ayna ogaadaan inta aan jecelnahay Gaza, uguna xirannahay.”

Maxamed al-Batniji, oo 55 jir ah, kana soo barakacay magaalada Gaza, ayaa isna taageeray aragtida Trump ee ku saabsan quruxda iyo awoodda horumarineed ee xeebta Gaza.

“Sannad iyo bar ka hor waxaan ku noolaa guri cusub oo ka mid ah dhismayaasha dhaadheer ee casriga ah ee badda dhinaceeda ku yaalla, una dhow Corniche-ka iyo dekedda Gaza. Waa meel aad u qurux badan, degganna,” ayuu yiri. “Saacado badan ayaan badda dhinaceeda fadhiisan jiray, daaqaddaydana waan ka arki karay.”

Isagoo si toos ah ula hadlayay Trump, wuxuu yiri: “Yaan la dhihin waxaad isku dayaysaa inaad Gaza ka dhigto goob dalxiis oo ay dadka dibadda ka yimaadaan u soo dalxiis tagaan. Gaza-dan annagaa leh, cid kalena ugama tagayno.”

Will Brown, oo ah khabiir arrimaha Afrika ka faallooda oo ka tirsan Golaha Yurub ee Xiriirka Dibadda, ayaa sheegay in ka hadalka in boqolaal kun oo reer Gaza ah loo diro Soomaaliya ay tahay “wax aan caqligal ahayn”.

“Soomaaliya waa dawlad fashilantay oo ay aafeeyeen rabshadaha jihaad-doonka. Fikradda ah in dad aad u dhaawacan lagu daadiyo halkaas waa mid naxdin leh,” ayuu yiri.

Israel oo xoojisay qorshaha shacabka Gaza lagu keenayo Puntland – Maxaa cusub?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa xoojineysa qorshe ay dadka reer Gaza ugu dirayso Puntland, oo ah gobol iskiis isku maamula oo ka tirsan Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay uu u rari doono goobo “aad uga ammaan badan, uguna qurux badan” Gaza.

Khamiistii, Israel Katz, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, ayaa faray Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) inay isu diyaariyaan “Haajiridda ikhtiyaariga ah” ee Falastiiniyiinta Marinka Gaza, oo ay ku jiraan “qaban qaabooyin gaar ah” oo dhinaca badda iyo cirka ah.

Trump ayaa xoojiyay soo-jeedintiisii ahayd in Maraykanku uu qabsado oo dib u dhiso Gaza, inkastoo ay saraakiisha Aqalka Cad isku dayeen inay yareeyaan tallaabadaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aan loo baahnayn ciidammo Maraykan ah si looga dhigo Gaza “mid ka mid ah horumarrada ugu waaweyn uguna cajiibka badan ee noociisa ah ee adduunka”, halka Falastiiniyiinta loo rari doono “guryo cusub oo casri ah oo ku yaalla gobolka”.

Inkastoo ay jirto iska-caabbin caalami ah oo xooggan, hadallada Trump ayaa kiciyay rajooyin muddo dheer soo jiitamayay oo ay Israa’iil qabtay oo ah in dadka reer Gaza laga saaro dhulka xeebta ah ee ay qarniyo badan deggenaayeen.

Dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun ayaa diiday inay martigeliyaan mid ka mid ah labada milyan ee qof ee ku haray Marinka burburay, iyagoo sheegay in tallaabadaasi ay si xun u wiiqi doonto dhismaha dawlad Falastiiniyiin ah.

Laakiin habeenkii Arbacada, Israel Bachar, qunsulka guud ee Israa’iil u fadhiya Koonfur-galbeed ee Baasifigga, ayaa sheegay in la tixgelinayo meelo kale oo loo raro.

“Sida aan maqlayo, waxaan ka hadlaynaa saddex dawladood oo kala duwan,” ayuu Bachar u sheegay CBS News. “Oo hadda waxaad heli doontaan war muhiim ah.”

“Waxaan ka hadlaynaa mid [oo ku taal] Morocco, laba [oo ku taal] Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland, si gaar ah Puntland waa meesha ay fiirinayaan, laga yaabee, inay dadka u raraan saddexdaas meelood.”

Dadka reer Gaza ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph inaysan qorsheyneyn inay ka tagaan guryahooda oo ay aadaan Soomaaliya, ama meel kale, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay isku day lagu doonayo in isir sifeyn lagu sameeyo.

Sarkaal Israa’iili ah, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa sheegay inay tahay “mid aad u degdeg ah” in laga hadlo meelaha suurtagalka ah ee loogu talagalay ka-qaxidda ikhtiyaariga ah.

“Haddana, dabcan waxaa jira iskaashi heer sare ah oo u dhexeeya Trump iyo Ra’iisul Wasaaraheena arrinta ku saabsan.”

Amit Segal, oo ah weriye Israa’iili ah oo xog-ogaal ah, laguna tiriyo inuu ku dhow yahay Benjamin Netanyahu, ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay baarayso tallaabooyin ay Falastiiniyiinta ugu dirayso Puntland, Somaliland, iyo Morocco.

“Labada hore waxay raadinayaan aqoonsi caalami ah, tan saddexaad waxay ka walaacsan tahay inay sii haysato aqoonsiga madax-bannaanideeda ee Saxaraha Galbeed, dhammaan saddexduna waa dalal ay ku badan yihiin Muslimiin Sunni ah,” ayuu yiri.

Sweden oo qorshe cusub la timid kadib toogashadii…

0

Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Sweden ayaa Jimcaha maanta ah ku dhawaaqday inay soo saari doonto hindise sharciyeed lagu beddelayo xeerarka hubka, laguna xaddidayo helitaanka hubka daran-dooriga ah kadib dhacdadii toogashada ugu dhimashada badnayd ee dalka ka dhacday toddobaadkan.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii nin hubeysan uu Talaadadii dilay 10 qof kadibna is-dilay, isagoo weeraray xarun waxbarasho oo ku taalla magaalada Orebro, galbeedka Stockholm.

“Waxaa jira noocyo hub ah oo halis badan, kuwaasoo kaliya loo oggolaan karo isticmaalka rayidka xaalado gaar ah,” ayay dowladda ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Xisbiga Sweden Democrats oo taageero siiya dowladda ayaa oggolaaday hindise lagu beddelayo sharciga hubka, iyadoo diiradda la saarayo xaddidaadda helitaanka hubka daran-dooriga ah, sida lagu sheegay bayaanka.

“Falkii naxdinta lahaa ee Orebro wuxuu soo saaray su’aalo muhiim ah oo ku saabsan xeerarka hubka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Booliiska ayaa sheegay inay goobta ka heleen dhowr hub iyo 10 qasnado hub oo maran oo uu ka tegay eedeysanaha.

Inkasta oo booliisku aysan faahfaahin noocyada hubka la helay, haddana waxay xaqiijiyeen in eedeysanuhu uu haystay shati afar hub ah, saddex kamid ahna lagu arkay meel u dhow.

Dowladda ayaa sheegtay inay si gaar ah u doonayso in la xaddido helitaanka hubka daran-dooriga ah sida AR-15, iyadoo xustay inuu yahay “tusaale hub awood u leh inuu qaado xabbado badan isla markaana waxyeello culus geysan kara waqti kooban gudaheed.”

Waxay intaa ku dartay in Hay’adda Ilaalinta Deegaanka ee Sweden ay oggolaatay isticmaalka hubkan ugaarsiga sannadkii 2023, balse hadda la doonayo in la joojiyo oggolaanshahaas.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay beddeli doonto xeerarka lagu qiimeeyo qofka u qalma inuu hub haysto.

Waxay tixraacday baaritaan dhawaan la sameeyay oo lagu ogaaday in “shuruudo dhowr ah oo hadda qayb ka ah qiimeynta ku habboonaanta ruqsadda hub haysashada aysan si cad u qeexneyn.”

Baaritaankan oo natiijadiisa la horgeeyay dowladda bishii May, ayaa xusay in “aan la diidi karin” in shakhsiyaad rabshado u janjeera ay heli karaan ruqsad ugaarsasho si ay u helaan qoryo otomaatig ah oo si fudud loogu rakibi karo xabbado waaweyn.

Xukuumadda isbahaysiga ayaa sheegtay inay amar siin doonto booliiska iyo adeegyada bulshada si ay kor ugu qaadaan iskaashiga ku saabsan soo sheegista dadka caafimaad ahaan aan u qalmin inay hub haystaan.

Booliiska ayaa sheegay inay weli ku hawlan yihiin ogaanshaha sababta ka dambeysay falka toogashada.

Anna Bergqvist oo hoggaamineysa baaritaanka, ayaa u sheegtay wakaaladda AFP Khamiistii in dadka la dilay ay ka mid yihiin “dad leh dhalashooyin, jinsi, iyo da’yo kala duwan.”

Telefishinka TV4 ayaa baahiyay muuqaal uu duubay arday ku dhuumaaleysanayay musqul, iyadoo laga maqlo dhawaqa rasaas ka dhacaysa dibadda iyo qof qeylinaya: “Waxaad ka tagaysaa Yurub!”

Safaaradda Suuriya ayaa sheegtay in ugu yaraan laba kamid ah dadka la dilay ay yihiin Suuriyaan, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee Bosnia ay Khamiistii sheegtay in haweeney u dhalatay Bosnia la dilay.

Qaar kamid ah dadka la dilay weli lama aqoonsan, balse booliiska ayaa u sheegay AFP inay suuragal tahay in howshaasi la dhameystiro Jimcaha.

Warbaahinta Sweden ayaa ku magacowday eedeysanaha Rickard Andersson, oo 35 jir ahaa, balse ma jirto xaqiijin rasmi ah oo arrintaas la xiriirta.

Warbixinada warbaahinta Sweden ayaa sawir ka bixiyay eedeysanaha oo ahaa nin deegaanka u dhashay, kuna noolaa si go’doon ah, islamarkaana la sheegay inuu la daalaa dhacayay dhibaatooyin dhanka maskaxda ah.

19 jir Soomaali ah oo 4 jir ku waayey xubintiisa taranka, oo lagu rakibay mid cusub

Hyderabad (Caasimada Online) – Wiil Soomaali ah, oo afar jir ahaa markii uu xubintiisa taranka ama guskiisa ku waayay caabuq daran oo ka dhashay gudniin, ayaa hadda dib u helay noloshiisii caadiga ahayd, kadib qalliin loogu sameeyey magaalada Hyderabad ee dalka India.

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee gobolka Telangana, dhakhaatiirta qalliinka ee Isbitaallada Medicover ay dib u dhiseen xubinta gebi ahaanba go’day, iyagoo soo celiyay dareenkii iyo shaqadii uu lahaa, una suurageliyey 19-jirkan inuu nolol caadi ah ku noolaado.

Kaddib markii xal loogu waayay dalal badan oo uu tagay, bukaanku wuxuu la tashaday dhakhaatiirta qalliinka ee Isbitaallada Medicover. Dr. A.V. Ravikumar, oo ah khabiir sare oo dhinaca kaadi-mareenka iyo cudurrada ragga ah, iyo Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar, oo ah dhakhtar ku takhasusay qalliinka plastic-ga ah, kuwaas oo si wadajir ah u qorsheeyay, uguna guuleystay qalliin aad u adag oo dib-u-dhisid ah.

Qalliinkan oo socday 10 saacadood, laguna sameeyay mikroskoob, ayaa waxaa xubinta lagu dhisay unugyo laga soo qaaday gacanta, taasoo u sahashay bukaanka inuu dib u helo awooddii uu sida caadiga ah ugu kaadin lahaa.

Dr. A.V. Ravikumar ayaa sheegay in bukaanku uu haatan awood u leeyahay inuu si caadi ah u kaadiyo, halka Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar uu isna xusay in bukaanku uu si buuxda u soo ceshaday dareenkii xubinta, isla markaana lagu rakibay qalab ka caawiya inuu kaco (penile implant), taasoo u saamaxaysa inuu nolol galmo oo caadi ah ku noolaado.

“Sannado badan, waxaan ahaa qof murugaysan, oo dareemaya inuusan dhammaystirnayn. Maanta, waxaan dib u helay sharaftaydii, kalsoonidaydii, iyo fursad aan nolol caadi ah ku noolaado,” ayuu yiri bukaanka oo magaciisa la qariyey.

Shabaab oo jab culus lagu gaarsiiyay Hiiraan – Sidee dagaalka u dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo saaka ka dhacay deegaano hoostaga degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo dhex-maray kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa yimid kadib markii ciidamada isgarabsanaya ay weerar culus ku qadaeen difaacyo adag oo kooxda ka sameysatay deegaano ku yaala jiinka Wabiga Shabeelle, gaar ahaan deegaanka Jiciboow.

Dagaalka oo saacado socday ayaa waxaa jab xoogan loogu geystay kooxda Al-Shabaab, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo dagaal-yahaano badan, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka.

Intii uu socday howl-galka ciidamada isgarabsanaya ayaa waxay nolosha ku qabteen xubno Shabaab, sida uu xaqiijiyay guddoomiye Muuse Salaad.

“Argagixisada waxaa ka saarnay deegaano badan, waxaana ka dilnay saddex horjooge iyo maleeshiyaad badan, waxaana nolol ku qabanay xubno kale oo argagixisada kamid ah,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Waxa uu inaas kusii daray “Waa jabeen argagixisada, waxaana hadda firxadkooda ka gudbayaan Wabiga Jiciboow ee dhanka Galbeed.”

Howl-galka dib uga billowday bariga gobolka Hiiraan ayaa guulo hordhac ah ka soo hoyeen geesiyaasha Macawiisley iyo kuwa xoogga dalka.

Si kastaba, dagaalka maanta ka dhacay deegaanada dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle ayaa daba socda dagaalo xooggan oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Beera-yabaal iyo Jiciboow oo kooxda si dhuumaaleysi ah iskaga gudbi jirtay.