26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Xogta afduub cusub oo ka dhacay biyaha Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xeebaha degmada Eyl ee gobolkaasi lagu afduubtay doon kalluumeysi.

Doontan oo laga leeyahay dalka Yemen ayaa waxaa la tilmaamaya in dabley hubeysan oo kasoo jeeda deegaannada Puntland ay xeebaha degmadaasi ku qafaasheen.

Doonta la afduubtay ayaa waxay shati kalluumeysi ka haysatay maamulka Puntland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Lama oga dhanka ay dableyda u la aaday doonta, mana jirto illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha amniga Puntland, inkasta oo saraakiisha qaar aan la hadalnay ay xaqiijiyeen dhacdadan.

Afduubkan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee noociisa ee sanadkaan ka dhaca xeebaha Puntland, ayadoo daba-yaqaadii bishii November ee sannadkii tagey ee 2024 ay aheyd markii u dambeysay ee dabley hubaysan xeebaha Puntland ku afduubtaan markab kalluumeysi.

Markabkaasi oo laga lahaa dalka Shiinaha ayaa waxaa markii dambe lagu sii daayay lacag madax-furasho ah. Waxaana la aaminsan yahay in tani ay dhiiri-gelin u noqotay afduubka kasoo cusboonaaday biyaha Soomaaliya.

Si kastaba, afduubkan ayaa muujinaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda ee biyaha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa muddo sanado ah aafeeyay burcad-badeednimo, taas oo heerkeedii ugu sarreeyay gaartay 2011, markaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in 160 weerar ka badan laga diiwaan-geliyay xeebaha Soomaaliya.

Baaq deg deg ah oo laga soo saaray shir ay Soomaaliya qeyb ka tahay oo ka dhacay…

0

Darusalaam (Caasimada Online) – Shir ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Afrika oo qeyb ka tahay Soomaaliya oo looga hadlayay qalalaasaha ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa ku baaqay “xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah,” taas oo lagu dhaqan geliyo shan maalmood gudahood.

Kooxda fallaagada ah ee M23 ayaa muddo gaaban ku qabsatay dhul ballaaran oo ku yaalla bariga dalka Congo oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah ee DRC, iyada oo weerarradooda ay ku dhinteen kumannaan qof, halka malaayiin kalena ay barakaceen.

Dowladda DRC ayaa kooxda M23 u aqoonsan koox argagixiso ah, halka Qaramada Midoobay iyo Maraykanku ay u aqoonsadeen koox fallaago ah oo hubeysan.

Shirka oo ka dhacay dalka Tanzania ayaa waxaa ka qeyb talay madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, iyo dhiggiisa Congo, Felix Tshisekedi, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Ururka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) oo ka kooban 16 dal.

Kagame ayaa shirka si toos ah uga soo qeyb galay, halka Tshisekedi uu uga qayb galay muuqaal ahaan.

Bayaan ay shirka ka soo saareen ayaa lagu sheegay in taliyeyaasha milatariga labada dhinac ay “kulmaan shan maalmood gudahood si ay u hagaan hirgelinta xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah.”

Sidoo kale waxaa lagu baaqay in la furo marinno bini’aadantinimo si loo daadgureeyo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Dhanka kale, dagaal ayaa weli ka socday meel 60 km u jirta caasimadda gobolka South Kivu ee Bukavu, sida wakaaladda wararka ee AFP ay u sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah iyo kuwa amni.

Kooxda M23 ayaa toddobaadkii hore la wareegtay magaalada istiraatiijiga ah ee Goma, oo ah caasimadda gobolka North Kivu, waxaana ay hadda weerar ku hayaan gobolka deriska la ah ee South Kivu, taasoo sii hurinaysa qalalaasaha muddada dheer ka jiray gobolkaas.

Cabsida dadka deegaanka

Tan iyo markii M23 ay mar kale soo ifbaxday sanadkii 2021, wada-hadalladii nabadda ee ay marti-geliyeen Angola iyo Kenya ayaa guuldarreystay, dhowr xabbad-joojinoodna waa ay burbureen.

In kasta oo Rwanda ay si isdaba joog ah u beenisay inay taageerto M23, haddana warbixin ay diyaariyeen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay sanadkii hore ayaa lagu sheegay in Rwanda ay ciidammo gaaraya 4,000 oo askari ay ka joogaan DRC, isla markaana ay si sharci-darro ah uga faa’iidaysato kheyraadka dabiiciga ah sida dahabka iyo macdanta coltan oo muhiim u ah sameynta taleefannada casriga ah iyo kombiyuutarrada.

Rwanda waxay ku eedeysay DRC inay hoy siisay kooxda hubeysan ee Democratic Forces for the Liberation of Rwanda (FDLR), taasoo ka kooban Hutu la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen xasuuqii Tutsiga ee dhacay 1994-kii.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli warar au sheegayaan in M23 ay kusii dhowaaneyso magaalada Kavumu ee gobolka South Kivu, halkaas oo uu ku yaallo garoon diyaaradeed muhiim u ah ciidamada Congo.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in cabsi baahsan ay ka jirto magaalada Bukavu, iyadoo dadku ay xirayaan dukaamadooda kuna dadaalayaan inay magaalada ka baxaan.

Kufsi wadareed iyo addoonsi

Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Volker Turk, ayaa Jimcihii yiri, “Haddii aan wax laga qaban, xaaladda bariga DRC waxay noqon kartaa mid kasii darta taasoo saameyn ku yeelan karta xitaa dalalka deriska ah.”

Turk wuxuu sheegay in ilaa 3,000 oo qof la xaqiijiyay la dilay iyo 2,880 kalena ay dhaawacmeen tan iyo markii M23 ay gashay Goma bishii Janaayo 26, balse khasaaraha rasmiga ah uu noqon karo mid aad uga badan inta la hayo.

Wuxuu sidoo kale xusay in kooxdiisu ay baarayso eedeymo badan oo la xiriira kufsi wadareed, kufsi xoog ah iyo addoonsi galmo.

Kooxda M23 ayaa horey u magacowday duq magaalo iyo maamul u gaar ah Goma.

Waxay ku hanjabtay inay gaari doonto caasimadda qaranka, Kinshasa, inkastoo oo uu u dhexeeyo dhul weyn oo gaaraya 1,600 km, kaas oo le’eg Galbeedka Yurub.

Ciidanka DRC, oo ku caan baxay tababar la’aan iyo musuqmaasuq ayaa dhowr jeer dib uga gurtey furimaha dagaalka.

Weerarka M23 wuxuu sare u qaaday cabsida dagaal gobolka wada gaara, maadaama dalal dhowr ah sida Koonfur Afrika, Burundi iyo Malawi ay militari ahaan u taageerayaan DRC.

VOA

DENI oo guddoomiyey shir xasaasi ah oo ku saabsan dagaalka Daacish + Sawirro

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maant shir-guddoomiyay kulan ay yeesheen labada Gole ee maamulka oo ku saabsan hawl-galka argagixisada Daacish looga sifeynayo Puntland ee ka socda buuralayda Calmiskaad.

Kulanka ayaa marka hore lagu boggaadiyey guulaha laga gaaray hawl-galka wejiga koowaad iyo bilowga wejiga labaad, waxaana laga tacsiyeeyay ciidanka Geesiyaasha ah ee ku shahiiday intu hawl-galka socday, iyadoo inta dhaawacantayna loo rajeeyay caafimaad iyo soo kabasho deg-deg ah.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay guddiyada ka shaqeenayey hawl-galka, iyadoo qorshuhu yahay in dhakhso lagu soo afjaro inta maleeshiyaadka Daacish ee weli ku dhuumaleysanaya buuraha gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shacabka reer Puntland u muujiyeen isku duubni iyo garab istaag ciidan, isagoo muujiyey in ay tahay wax loo baahan yahay in dadka reer Puntland dowladd iyo shacab qof walbo xil gaar ah iska saaro hal ganka lagu jiro.

“Qofna yuu qof ku haleyn, wixii la xiriira sifeynta argagixisada,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid iyo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Maxamed Baari Shire, Xildhibaan baarlamaanka Soomaaliya Gen. Bashiir Ameerico, xubnaha goleyaasha dowladda ee ku sugan Boosaaso, guddiga taakuleynta hawl-galka, saraakiisha amniga, guddoomiyeyaasha gobollada Bari iyo Nugaal, guddoomiyaha degmada Boosaaso, la-taliyeyaal madaxweyne iyo xubno kale.

Dagaalka Daacish oo maamulka Puntland uu jilba dhigtay horraantii sanadkan ayaa waxaa laga gaaray guullo wax ku ool ah, iyadoo oo kooxda laga burburiyay saldhigyo muhiim ah oo ku lahaayeen buuraha gobolka Bari, waxaana haatan loo gudbay wejiga labaad oo la rajeynayo in horumar wanaagsan laga sameeyo.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay go’aankii lagu sii daayay lamaanihii Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay sii deynta lamaanihii kooxda Al-Shabaab ee kasoo muuqday Maxkamadd Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo lagu kala magacaabo Abshir Aadan Maxamed iyo Xafsa Maxamed Macallin, waxayna shalay oo Sabti ahayd ay maxkamaddu dib ugu soo celisay xorriyooddooda.

Arrinta xiisaha u yeeshay kiiskan ayaa ah, kadib markii wiilkan dhalinyarada ah oo ku sugnaa aagga Ceelbuur uu maxkamadda ka arkay xaaskiisa oo eedeysane ah, isaga oo kadib go’aansaday inuu kasoo baxo kooxdaAl-Shabaab, si uu badbaadiyo xaaskiisa, maadaama aanu lahayn wax dambi ah, loona haystay in isaga ay u socotay.

Lamaanahan ayaa sidoo kale waxaa hada loo qorsheynayaa aroos wayn iyadoo ay taageeri doonto dowladda Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ku sugnaa maxkamadda.

“Waan ku faraxsanahay sida ay maxkamadda noo sharaftay aniga iyo xaaskeyga oo ay xornimo na siisay, waxaan u mahadcelinayaa dadkii ka qayb qaatay. Dowladda si wanaagsan ayay noo soo dhaweysay waxaan leeyahay dadka arinta na haysatay ay haysato ka faa’iideysiga fursaddan idin muuqato” ayuu yiri Abshir Aadan Maxamed.

Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aankii lagu sii daayay lamaanihii Al-Shabaab?

Cali Cabdiraxmaan “Dowladdu way ku deg-degtay ayaan is leeyahay wiilkaan sii dayntiisa, waxaa macquul ah gebadha xog badan haysay isla markaana wiilkaan Shaaab so direen”.

Sacdiyo Cabdicasiis “Waa arrin aad u wanaagsan mudana in lagu faano dabcan dad badan oo meel ay u socdaan aqoon ay ku dhaliili doono arinkaan ogow cafisku waa muhiim.

Axmed Saciid “Qiirada inta la’iska daayo dadkan meel nooga haaya wlhi haddii kale allaha u naxariisto shacabkee xasuuqeyn ayaa ku waalan doontaan”.

Farxaan Faarax “Waa ayaan darro weyn in nin AL-Shabaab ah sidaan loo maamuso taageeridaan iyo garab istaagan waxaa u baahan askarta masaakiinta ah”.

Luul Xaaji “Gabadha in la sii daayo wa caadi laakiin wiilka in sidaa fudud lo daayo ma aheyn?”.

Cabdullaahi Mowliid “Maasha Allaha Jacaylku ha waaro way ku mahadsantahy dowladu inay cafiis u fidiso lamaanhan da’da yar”.

Sawirro: Taliye Khaalid oo kulan xasaasi ah isugu yeeray saraakiisha Jabuuti

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar (Khaalid) ayaa xerada Dab iyo Dhagax ee qeybta 27-aad oo ku taalla magaalada Buuloburde kulan kula qaatay Taliyaha qeybta 4-aad ee howlgalka xasilinta iyo tageerada midowga Afrika (AUSSOM Col. Saciid Waaberi oo ay weheliyaan tmTaliyaha Guutada 11-aad ee Ciidamada Jabuuti  Col. Maxamed Axmed Yuusuf iyo saraakiil kale oo booqasho ku tegay degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Qeybta 27-aad Col. Cabdullahi Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM .

Arrimaha looga hadlay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa sidii loo sii laba jibaari lahaa howlgallada ka dhan ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Hiiraan iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AUSSOM, kuwa Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Khawaarijta kala wareegay deeganno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo dagaaladii dhacay khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa gobolka Hiiraan, halkaas oo dagaalka Al-Shabaab uu ka hoggaaminayey.

Sidoo kale Ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal ayaa kaalin lixaad leh ka qaatay dagaalka, iyagoo hubka culus ku garaacay Al-Shabaab, taasi oo fududeysay in goobihii lagu dagaalamay ay isaga cararaan.

Ciidamada Macawiisley ee dadka deegaanka ayaa door lixaad leh ka qaadanaya dagaalka Hiiraan looga saarayo argagixisada, waxaana taariikhda gashay sida dadka reer Hiiraan ay ugu dhiiran yihiin inay iska xoreeyaan cadowgooda.

Dagaaladii ugu cuslaa oo Hiiraan ka dhacay toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa lagu xoreeyey deegaano muhiim ah, kooxda Al-Shabaab oo dagaalka ku jabtay ayaa galbeed u dhaaftay Wabiga Shabeelle, waxaana hadda la abaabulayaa howlgalkii looga talaabi lahaa wabiga.

SSC oo dib u hawl-galisay warshad weyn oo ku bur-burtay dagaalka + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabadda dib-u-howl-galinta warshadda biyaha Laascaanood, taasi oo ku bur-burtay intii uu socday dagaalkii Laascaanood ee u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Warshaddan oo ah mashruuca biyo nadiifinta ee guud ahaan ugu weyn dalka Soomaaliya, sida uu sheegay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, ayaa waxaa markii hore maal-geliyay ganacsatada deegaanka, kuwaas oo markale burburkii kaddib dadaal ku bixiyay dib-u-dhiskeeda.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa uga mahad-celiyay ganacsatada waqtigooda iyo hantidoodaba geliyay hirgelinta warshaddan muhiimka ah.

Sidoo kale, wasiirka biyaha iyo macdanta SSC-Khaatumo, Xildhibaan Cali Warsame Dhakaawe ayaa xusay in shirkaddani ay noqon doonto hanti ay wada leeyihiin shacabka iyo dowladda, iyadoo loo maamuli doono habka iskaashiga dowlad iyo ganacsato (Public-Private Partnership).

Ugu dambayntiina, hoggaamiyaha ayaa caddeeyay in xukuumaddiisu ay ku taagan tahay mabda’a isku-tashi, islamarkaana aysan cid kale ku tiirsanayn, isagoo xusay inay muhiimad gaar ah siinayaan ka qeyb qaadashada mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo deegaanka.

Tan iyo markii ay gacan ku haynta magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool la wareegtay SSC-Khaatumo waxaa si tartiib ah usoo laabanayay adeegyada muhiimka ah, iyadoo dib u dhis lagu sameeyay goobo bixin jiray adeegyo muhiim ah oo kamid ah shirkadda maanta dib loo hawl-galiyay.

Danab oo maydadka Al-Shabaab badan ugu tegay godadka hoostooda

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlga qorsheysan oo ciidamada kumaandooska Danab oo kaashanaya kuwa Jubbaland ay maanta ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Wayaanta, halkaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyey Kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka.

Kahor weerarka lagu qaaday Al-Shabaab ayaa waxaa ciidamada ay madaafiic ku garaaceen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaada kooxda oo ay ku jireen godad waa wayn oo la burburiyay, waxaana kadib guud ahaan deegaanka la wareegay ciidamada huwanta.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Danab, howlgalka ayaa ahaa mid si xeeladaysan loo qorsheeyay, isla markaana guuleystay, maadaama lagu jabiyay xubnaha Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay dhulka la sameen godoadkii ay ku jireen Al-Shabaab, ayna kugu tageen maydad ay ka carareen, sida ay hadalka u dhigeen.

Way awoodi waayeen in ay meydadkoodii iyo saanadoodii qaataan godadka ayaana loogu tagay kuwii ka geeriyooday Al-shabaab oo godadka dhex daadsan”  ayuu yiri mid kamid saraakiisha howlgalka ka qayb-qaatay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha k sheegteen ciidamada Danab iyo Darawiishta Jubbaland.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka  Wayaanta ee gobolka Jubbada Hoose.

Israel oo maanta sii deysay 200 oo Falastiiniyiin ah

Gaza (Caasimada Online) –  Isra’il ayaa Sabtidi shalay sii deysay ku dhawaad 200 oo qof oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo ku jiray xabsiyada Isra’il, saacado kaddib marki ay Xamaas shalay subaxdi fasaxday saddex ka mid ah la heystayaasha reer Isra’il.

Hey’adda Laanqeerta Cas ee caalamiga ah ayaa Isra’il kasoo wareejisay 183 Falastiiniyiin ah. Isra’il waxay sheegtay in 18 ka mid ah dadkaasi ay ku xakunnaayeen xabsi daa’in halka 54 kalana ay ku dhaceen xakunno muddo dheer.

Qaarkood ayaa sida la xaqiijiyay xirnaa wax ka badan 200 sannadood. Degmada Beytuuniya ee dhinaca Daanta Galbeed, dad badan ayaa isugu soo baxay si ay u salaamaan maxaabiista iyaga oo lulalay calanka Falastiin kuna qeylinayay erayo ay ku taageerayaan Xamaas.

Bisha Cas waxay sheegtay in 7 ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay Isra’il deysay ay xaaladdooda caafimaad liidatay, isla markaana loola cararay isbitaalka.

111 ka mid ah Falastiiniyiinta la soo daayay ayaa kasoo jeeday Gaza, lagana qabtay halkaasi wixi ka danbeeyay kaddib weerarki 7-badi October ee sannadki 2023-ki. Maxkamad la’aan ayay xirnaayeen, waxana si diirran loogu soo dhaweeyay koofurta Gaza.

Dhanka Xamaas, waxay shalay sii daayeen saddex nin oo Isra’iliyiin ah oo ka mid ahaa la heystayaasha ku xirnaa Gaza.

Waxay aheyd marki shanaad oo ay labada dhinac is weydaarteen maxaabiis iyo la heystayaal tan iyo marki uu dhacay wajiga koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ee ay dhex dhexaadiyeen, Mareykanka, Masar iyo Qatar.

Puntland open to hosting Gazans if relocation is voluntary

GAROWE, Somalia – Officials in Somalia’s semi-autonomous Puntland region have indicated their willingness to accept Palestinian refugees from Gaza following remarks by US President Donald Trump, who suggested “clearing Gaza” and relocating its residents to other countries.

On Friday, President Trump claimed that Gaza would be handed over to the United States by Israel, elaborating on his controversial plan for an American administration of the war-stricken region, which includes the permanent resettlement of Palestinians.

This contentious proposal marks a significant shift from longstanding US foreign policy in the Middle East, potentially altering decades of diplomatic approaches to the region.

When questioned about the plan on Friday, President Trump told reporters that Gaza “will be given to us by Israel” and asserted that his proposal to assume control over the Gaza Strip, currently governed by Hamas, has “been “very well received.”

Israeli and US officials are reportedly exploring Morocco, along with Somalia’s two autonomous regions—Puntland and Somaliland—as potential destinations for relocating Gazans.

According to Channel 12 News on Wednesday, the White House considers Morocco, Puntland, and Somaliland as part of the relocation plan.

Puntland’s response

Speaking to The Telegraph, Yacqub Mohamed Abdalla, Puntland’s Deputy Information Minister, stated that the region would welcome Gazan refugees if they came of their own free will.

“First, I can tell you that Puntland is in the Horn of Africa, and Palestine is in the Middle East. There is no reason for a person to be evicted from his country and taken to another country when that person has not chosen to move,” Abdalla said. However, he added, “That [free movement] is not a problem… We will welcome them then, and it is by international law.”

In a separate statement posted on Facebook, Abdullahi Mohamed Jama, a former spokesperson for the Puntland government, argued that accepting Palestinians would benefit the region and garner international support.

Jama emphasized the shared Islamic faith between Gazans and Puntland residents, suggesting that the refugees would contribute to the “modernization and development” of the state. He referenced the approximately 10,000 refugees who fled the war in Yemen and brought “technical expertise” upon their arrival in Puntland.

“It is best to take advantage of the unplanned opportunities that sometimes arise,” Jama added, claiming that hosting Gazans would elevate Puntland’s standing in the world and bring “security and economic development” in return.

Controversial Israeli proposal

The comments from Puntland officials come amid reports that some Israeli officials have been exploring options for the “voluntary migration” of Palestinians from Gaza.

Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu reportedly told a meeting of his Likud party last year: “Our problem is [finding] countries that are willing to absorb Gazans, and we are working on it.”

The US State Department, under the Biden administration, has condemned statements advocating for the resettlement of Gazans outside the territory, calling them “inflammatory and irresponsible.”

Reports have also surfaced that Israel investigated the possibility of relocating Palestinians to the Democratic Republic of Congo.

On Thursday, Israeli Foreign Minister Israel Katz stated that Norway, Spain, and Ireland had a “legal duty” to take in any resident of Gaza after the countries recognized a Palestinian state.

Puntland, Somalia, and Israel

Puntland, a region in northeastern Somalia, declared itself an autonomous state in 1998. It has a complex relationship with the Federal Government of Somalia in Mogadishu.

In March 2023, Puntland withdrew its recognition of the federal government following a dispute over constitutional amendments, particularly the transition to direct, one-person-one-vote elections.

Somalia, located in the Horn of Africa, has experienced decades of conflict and instability, including the rise of the jihadist group Al-Shabaab. The country is considered a fragile state, facing significant challenges in terms of security, governance, and humanitarian needs.

Will Brown, an Africa expert at the European Council on Foreign Relations, described the prospect of sending hundreds of thousands of Gazans to Somalia as “absurd.”

“Somalia is a failed state plagued by jihadist violence. The idea of dumping highly traumatized people there is shocking,” Brown said.

The Gaza Strip, a Palestinian territory bordering Israel and Egypt, has been under a blockade imposed by Israel and Egypt since 2007 when the Islamist group Hamas took control.

This blockade severely restricts the movement of people and goods in and out of Gaza, contributing to a dire humanitarian situation.

Any discussion of relocating Gazans raises significant ethical and legal concerns. International law, including the principle of non-refoulement, prohibits the forced return of refugees or asylum seekers to a place where they face persecution or serious harm.

The suggestion of mass displacement also echoes the historical displacement of Palestinians during the 1948 Arab-Israeli War and the Six-Day War in 1967, a highly sensitive issue known as the Nakba (“catastrophe”) in Arabic.

Daawo: Erdogan oo Soomaaliya ugu abaal guday ‘bilad sharaf’ kadib markii ay…

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa bilado gaar ah ku sharfay Dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan dalal kale oo Turkiga ka taageeray wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhul-gariirkii 6-dii Febraayo, 2023.

Maamuuskan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Magaalooyinka iyo Isbadalka Cimilada.

Munaasabad lagu xusay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay dhulgariirka ayaa lagu qabtay Gobolka Adiyaman, Madaxweynaha Turkiga ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Dowladda Soomaaliya.

Recep Tayyip Erdogan ayaa xusay in Jamhuuriyadda Turkiga ay mar walba shacabka Soomaaliyeed garab taagan tahay, si lamid ah sida ay u soo garab istaageen markii uu haleelay dhul gariirkii dadka badan galaaftay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa salaan u diray Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Turkiga Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa Madaxweynaha Turkiga ka guddoomay biladda xasuusta, isagoo uga mahadceliyey taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ay la garab taagan tahay dalkiisa.

Erdogan ayaa dowladaha lagu casuumay uga mahad celiyey garab istaagooda, sidoo kale kulankaan ayaa lagu gorfeeyey sidii looga hortagi lahaa dhibaatadii ka dhalatay isbadalka Cimiladda.

Hoos ka daawo

Somalia: Senior ISIS leader killed in US airstrike ordered by Trump

WASHINGTON, D.C. — A U.S. airstrike in Somalia last week killed a senior ISIS leader believed to have played a pivotal role in recruiting operatives for attacks in Western countries, according to the Daily Mail.

Ahmed Maeleminine, identified as a top ISIS official overseeing recruitment, financing, and international operations, was the primary target of the operation. U.S. intelligence agencies had been tracking him for an extended period due to his involvement in training militants to carry out deadly attacks abroad.

“This individual recruited terrorists from around the world, trained them to kill innocent civilians, and dispatched them to Western countries to conduct jihadist attacks,” said Sebastian Gorka, a senior counterterrorism director  in the Trump administration.

Intense deliberations

The airstrike, conducted in Puntland, Somalia, followed 36 hours of high-level deliberations within the White House. Former President Donald Trump, who announced the operation on Truth Social, claimed the strike neutralized a significant threat to the U.S. and its allies.

“These murderous terrorists, hiding in caves, posed a grave danger to America and our allies,” Trump stated. “Our airstrikes obliterated their hideouts, eliminating numerous militants without causing harm to innocent civilians.”

The decision to authorize the strike reportedly followed detailed intelligence briefings with Gorka and National Security Advisor Mike Waltz, who presented the case to Trump in the Oval Office.

“We provided the President with intelligence on Maeleminine’s hideouts in northern Somalia and the severe threat he posed,” Gorka explained. “President Trump immediately authorized the operation with his signature Sharpie pen.”

Execution of the operation

On Saturday morning, around 9:50 a.m., 16 U.S. F-18 fighter jets launched precision airstrikes targeting multiple sites in the Cal-Miskaad region of Puntland. The aircraft, identified as Super Hornets, reportedly took off from the USS Harry S. Truman stationed in the Red Sea.

Eyewitnesses reported seeing massive plumes of smoke following at least seven consecutive explosions.

General Adan Abdi Hashi, commander of the Puntland Darawish Forces, told VOA that the strikes targeted nearly 10 locations, primarily caves believed to house foreign militants.

“We believe numerous fighters were killed in these airstrikes,” Hashi said.

The operation marks the first U.S.-authorized airstrike since Trump’s return to office in January 2025.

Gorka criticized the Biden administration’s counterterrorism approach, alleging a lack of decisive action against emerging threats.

“While the Biden administration allowed terrorist groups to regroup in Afghanistan and Syria, President Trump’s leadership has reasserted America’s commitment to dismantling jihadist networks,” Gorka claimed.

ISIS has sought new strongholds since losing its territorial base in Iraq and Syria. The group’s Somali affiliate has grown in prominence, with reports suggesting that its leader, Abdulqadir Mumin, may have assumed broader leadership within the global ISIS movement.

The Somali government welcomed the U.S. airstrike, describing it as a “significant step” in the fight against terrorism.

We commend the decisive efforts led by the United States in combating terrorism,” said a spokesperson for Somalia’s federal government. “Together, we will continue to dismantle terrorist networks and build a future free from extremism.”

Hoggaamiyaha lagu dilay weerarkii Trump uu amray ee Soomaaliya oo la shaaciyey

Washington (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Mail ee UK ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntii cirka ee toddobaadkii hore ka dhacday Soomaaliya lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kaasoo la rumeysan yahay inuu mas’uul ka ahaa qorista argagixiso loogu talagalay fulinta weeraro ka dhaca dalalka Galbeedka.

Ninka la beegsaday ayaa magaciisa lagu sheegay Ahmed Maeleminine, oo ah sarkaal sare oo Daacish u qaabilsanaa qorista dagaalyahannada, maalgelinta, iyo hoggaaminta howlgallada dibadda.

“Ninkani wuxuu qortay argagixiso ka kala yimid caalamka daafihiisa, wuxuuna u tababaray si ay u dilaan dad aan waxba galabsan, kadibna wuxuu dib ugu celiyay dalalka reer Galbeedka si ay halkaas uga fuliyaan weeraro Jihaadi ah oo ka dhaca in ka badan hal waddan,” wxaaa sidaas yiri Sebastian Gorka, oo ah agaasimaha sare ee la-dagaallanka argagaxisada ee maamulka Trump.

Sanadihii u dambeeyay, laanta Daacish ee Soomaaliya ayaa yeelatay awood sii kordheysa, iyadoo lacago u kala diraysa caalamka, isla markaana qorsheyneysa weeraro heer caalami ah.

Gorka ayaa xusay in Ahmed Maeleminine si weyn looga dhex aqoonsanaa hay’adaha sirdoonka ee Mareykanka.

Wuxuu intaa ku daray: “Sida uu Madaxweyne Trump ku sheegay qoraalkiisii caanka noqday ee ku saabsanaa howlgalkan, ciidamadeennu waxay muddo dheer daba joogeen oo kormeerayeen Ahmed Maeleminine, laakiin maamulka Biden ayaa si joogto ah uga caga jiiday inuu qaado tallaabo kasta oo ka dhan ah maskaxdan argagixiso.”

Faahfaahinta howlgalkan waxaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday Madaxweyne Trump Sabtidii la soo dhaafay, isaga oo soo dhigay muuqaal muujinaya duqeynta ka dhacday Soomaaliya.

Trump ayaa bartiisa Truth Social ku qoray: “Argagixisadan dilaaga ah, oo aan ku ogaanay inay ku dhuumanayaan godad, ayaa khatar ku ahayd Mareykanka iyo xulafadeenna.”

“Duqeymaha cirka ayaa burburiyay godadka ay ku gabaadsanayeen, waxaana lagu dilay argagixiso badan, iyadoo aan waxyeello loo geysan shacab aan waxba galabsan.”

36 oo dadaal culus ah

Howlgalkani wuxuu yimid ka dib 36 saacadood oo dadaal culus ah oo ka socday Aqalka Cad, iyadoo saraakiishu ay marka hore u ololeynayeen oggolaanshaha duqeynta, kadibna ay si dhow ula socdeen natiijooyinka ka dhalanaya.

Gorka iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Mike Waltz ayaa Khamiistii lka horeysay Sabtida weerarka uu dhacay hortagay Madaxweyne Trump, iyaga oo la wadaagay warbixin sirdoon oo ku saabsan howlgalka, taasoo ka dhacday Xafiiska Oval-ka.

Gorka ayaa yiri: “Waxaan madaxweynaha siinay warbixin ku saabsan halista xooggan ee uu Ahmed Maeleminine xambaarsanaa iyo godadka uu ku dhuumanayay ee waqooyiga Soomaaliya, iyo waliba xaqiiqda ah in Aqalka Cad ee Biden uu diiday inuu wax ka qabto.”

“Madaxweynuhu isla markiiba wuxuu oggolaaday fulinta howlgalka, isaga oo ku saxiixay qalinkiisa caanka ah ee madow ee Sharpie.”

Amarka fulinta howlgalka ayaa loo gudbiyay taliska ciidamada, waxaana “ciidamada ugu awoodda badan caalamka ugu dambeyntii loo fasaxay si ay mar kale u gutaan waajibaadkooda,” ayuu hadalka ku daray Gorka.

Kooxda Gorka iyo Waltz ayaa Sabtidii subax isugu yimid xarunta dhexe si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada duqeynta.

Abbaaro 9:50 subaxnimo, 16 diyaaradood oo dagaal oo nooca F-18 ah ayaa duqeeyay godadka ku yaallay gobolka Puntland ee Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Super Hornets ay ka soo duuleen markabka dagaal ee Harry S. Truman, oo ku sugnaa Badda Cas.

Dad goob joogayaal ah ayaa soo warinaya inay arkeen olol cirka isku shareeray oo ka dhashay ugu yaraan toddobo qarax oo is xig-xigay.

Generaal Adan Cabdi Xaashi, oo ah taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland, ayaa u sheegay VOA: “Duqeymaha ayaa lagu beegsaday ku dhawaad 10 goobood oo ku yaalla deegaannada Cal-Miskaad, inta badan goobaha la beegsaday waxay ahaayeen godad, waxaana aaminsannahay in dagaalyahanno badan ay ku dhinteen duqeymahaas.”

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa howlgallo militari ka billaabay aagga dhamaadkii sannadkii hore si ay maleeshiyaadka, kuwaasoo u badan ajaanib, uga saaraan buuraleyda.

Duqeyntii Sabtidii ayaa noqotay tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Trump amar ku bixiyo tan iyo markii loo dhaariyay xilka taliyaha guud markii labaad.

Kordhinta beegsiga argagixisada

Gorka ayaa hadalkiisa ku soo xiray: “Iyadoo maamulka Biden uu si fudud Afghanistan ugu wareejiyay kooxaha argagixisada, iyo burburkii ka dhacay Dimishiq, waxaan aragnay dib u soo laba-kacleyn ku yimid dhaq-dhaqaaqyada Jihaad-doonka caalamiga ah, gaar ahaan qaaradda Afrika.”

“Jilayaasha sharka wada ee doonaya inay na waxyeelleeyaan ayaa loo oggolaaday inay dib u habeyn ku sameystaan safafkooda, isla markaana ay ballaariyaan howlahooda, haa, waqooyiga Soomaaliya wuxuu noqday saldhig cusub oo ay Daacish ku xoogeysato.”

“Xaaladdaas oo idil ayaa is-beddeshay 12:01 saac ee January 2025 markii Madaxweyne Trump uu mar kale noqday Taliyahayaga Guud, Mareykankuna hadda wuu soo laabtay.”

Daacish waxay si weyn u raadisay goobo cusub oo ay ku gabaadsato tan iyo markii ay lumisay gacan ku haynta dhulkeedii saldhigga u ahaa ee Ciraaq iyo Suuriya.

Laanta Daacish ee Soomaaliya ayaa qaadatay doorka ugu weyn ee ururka, iyadoo warar la helayo ay sheegayaan in hoggaamiyahaheeda Cabdulqaadir Muumin uu la wareegay hoggaanka guud ee dhaq-dhaqaaqa Daacish.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay duqeyntan, iyadoo ku tilmaantay “tallaabo muhiim ah” oo loo qaaday dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay: “Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada go’aanka adag ku saleysan ee Mareykanku hoggaaminayo ee lagula dagaallamayo argagaxisada.”

“Si wadajir ah, waxaan sii wadi doonnaa burburinta shabakadaha argagixisada … waxaanna dhiseynaa mustaqbal argagaxisada xor ka ah.”

Wasiir C/llaahi Fartaag oo sheegay in Axmed Madobe uu falaagoobay, kana baxay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa mar kale weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulka Jubbaland oo uu mar usoo ahaa ku xigeen, kaas oo uu hadda khilaaf xoogan oo siyaasadeed iyo dagaalba uu kala dhexeeyo dowladda federaalka.

Fartaag ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu falaagoobay, islamarkaana uu ka baxay xayndaabkii dowladnimada, isagoo ku eedeeyay inuu la dagaalamay dowladda iyo ciidamadeeda, uuna ka horyimid qarankiisa, taasina ay tahay dambi wayn oo qaran.

“Dowladnimadu waxay ku jirtaa in la isku hoggaansamo Axmed waa falaagoobay, dowladnimadii ayuu ka baxay wuxuu ku duulay dowladda Soomaaliya iyo ciidankeedii, waana la’iska dhicinayaa,” ayuu yiri wasiir Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay inuu ka gaabiyay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan Jubbooyinka, isaga oo sheegay inuu fadhiid ka dhigay maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalkii Raaskambooni, wuxuuna sheegay in ciidamadii Jubbaland ee weeraray kuwa dowladda ay soo dhex mareen Al-Shabaab, taasina ay tahay dambi kale oo wayn oo ay galeen Axmed Madoobe iyo kooxdiisa.

“Axmed Madoobe waa eedeysane fadhiid ah oo diiday dagaalka Al-Shabaab, ciidamadii Raaskambooni dowlada ayaa amartay in dib ugurtaan kadib markii ciidamadii Jubbaland ay soo dhexmareen Al-Shabaab” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga gudaha Soomaaliya.

Wasiir Fartaag oo kamid ah mas’uuliyiinta kasoo jeeda Jubbaland, gaar ahaa Gedo ayaa waxa haatan ay si wayn isugu hayaan Axmed Madoobe, waxaana dagaalka uu gaaray meeshii ugu xumaa, kadib markii uu labada dhinac uu ka dhex-qarxay dagaal toos ah.

Maxkamadda ciidamada oo go’aan lama filaan ka gaartay kiiska lamaanihii Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta go’aan rasmi ah ka gaartay kiiska lamaanihii Al-Shabaab ee kasoo muuqday maxkamadda, kuwaas oo hadal heyn ka dhaliyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Kiiska ayaa ka dhashay kadib markii maxkamadda la horgeeyay Xafsa Maxamed Macallin oo loo haystay inay u socotay Seygeeda oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo ku sugnaa aagga degmada Ceelbuur, iyada oo lala soo qabtay haween kale oo kusii jeeday dhulka Shabaab.

Arrinta ayaa sidoo kale waji cusub yeelatay, kadib markii uu isa soo dhiibay Seyga Xafsa oo isna usoo gacan galay dowladda, kaas oo lagu magacaabo Abshir Aadan Maxamed.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa sheegay in markii u arkay in xaaskiisa ay saaran tahay maxkamadda ciidamada uu go’aansaday inuu kasoo baxo Al-Shabaab, si uu badbaadiyo xaaskiisa, maadaama aanu lahayn wax dambi ah, loona haystay in isaga ay u socotay.

Maanta maxkamadda ciidamada ayaa lamaanahan dib u siisay xoriyadooda, waxayna taageertay guurkooda oo haatan la qorsheynayo.

Abshir Aadan oo goobta ka hadlay, isaga oo ay hareero taagaan yihiin xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay go’aanka maxkamadda, wuxuuna farriin u diray saaxibadiisii hore ee ku jira kooxda Al-Shabaab.

“Waan ku faraxsanahay sida ay maxkamadda noo sharaftay aniga iyo xaaskeyga oo ay xornimo na siisay, waxaan u mahadcelinayaa dadkii ka qayb qaatay” ayuu yiri Abshir.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Dowladda si wanaagsan ayay noo soo dhaweysay waxaan leeyahay dadka arinta na haysatay ay haysato ka faa’iideysiga fursaddan idin muuqato”.

Dhinaca kale wasiirada iyo xildhibaannada ku sugnaa maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in laamahan la taageeri doono, si ay u dhistaan qoyskooda, waxaana lagu wareejiyay lacag, taas oo qayb ka ah dhismaha qoyskooda oo ay dowladdu ka taageereyso.

Suuqa Bakaaraha oo xiran iyo DF oo qaaday tallaabo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaan xirmay suuqa weyn ee Bakaaraha, sababo la xiriira canshuurta ay soo rogtay dowladda Soomaaliya oo ay weli cabasho ka yiihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin canshuuraadka lasoo rogay, waxayna tilmaameen inay kasii wadi waayeen ganacsigooda.

Sidoo kale wax aay tilmaameen in maalin kasta la handado, isla-markaana loogu tego goobahooda ganacsi, iyaga la waydiinayo inay soo daabacaan akoonadooda.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo si deg-deg ah usoo farogelisay arrintan ayaa si adag uga hadashay go’aanka ganacsatada ee ku aadan shaqo joojinta ay sameeyeen.

Wasiirada amniga, diinta iyo warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa arrintan si faah-faahsan uga hadlay, waxayna ka horyimaadeen go’aanka ganacsatada ee lagu xiray suuqa Bakaaraha.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dowladdu ay la scodo ganacsato si dadban ula shaqeeyo Al-Shabaab, isla markaana maalgeliy, isaga oo tilmaamay in laga qaadi doono tallaabo adag.

“Dowladda waxa ay heysaa xogta dad si dadban iyo si toos ah u maalmagaliya kooxda Al-Shabaab” ayuu yiri Al-Cadaala.

Wasiirka amniga gudaha, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa isaguna intaasi ku daray in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lacag u gaysa Al-Shabaab.

“Cidii lagu qabto iyadoo Bac-Madoow lacag ugu qaadeyso Al-Shabaab Talaabo weyn ayaa laga qaadi doonaa,AS waa dhinteen lacag ha siin” ayuu raaciyay wasiir Fartaag.

Dhankiisa wasiir Mukhtaar Roobow oo meesha ka hadlay ayaa yiri  “Reer Bakaaro cudur daar uma heli karaan inay dhahaan kooxda Al-Shabaab ayaa xoog lacag nooga qaadayo”.

Puntland oo beenisay arrin laga faafiyay DF Somalia oo ku saabsan dagaalka socda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo uu uga jawaabay arrin si weyn loogu dhaleeciyay dowladda federaalka, taas oo la xiriirka dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish ee ka scoda Bari.

Puntland ayaa si cad u beenisay in dowladda Federaalka ay carqalad galisay baasaboorka askarta ku dhaawacmay dagaalka, kadib markii arrintaas si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Mid kamid ah xubnaha Guddiga Taakulada Ciidamada Puntland oo lagu magacaabo Axmed Hurre ayaa shaaca ka qaaday in aanay jirin dhibaato ay kala kulmeen dowladda dhexe, taas oo ku saabsan adeegga baasaboorka ee askarta ku dhaawacmay dagaalka Daacish.

“Anigoo ku hadlaya afka guddiga taakulada ciidamadeenna, waxaan cadeynayaa in aaney jirin wax caqabad ah oo xagga baasaboorka ah, mana jirto is-hortaag ay samaysay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha JFS,” ayuu yiri Axmed Hurre ooxubin ka ah guddiga.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in aad looga fiirsado wararka noocaan oo kale ah iyo been abuurka lagu faahinayo baraha bulshada, kuwaas oo laga leeyahay dano gaar ah.

Dhankeeda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo arrintan ka hadashay ayaa sheegtay in muddo hal maalin ah lagu soo saaro baasaboorka askarta dhaawacyada ah ee u baahan daryeelka caafimaad ee dibadda ah, si looga tacaalo xaaladdooda caafimaad.

Arrintan waxay kusoo aadeyso, iyada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Puntland oo horay isugu qabtay arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka, wuxuuna gaaray heer ay go’do wada shaqeyntooda.

Roobow oo sheegay arrin uu sameeyo mar kasta kadib ka laabashadii fikirka Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay arrimo ku aadan dagaalka kooxda Shabaab.

Wasiirka oo su’aalo adag kala kulmay Wariyeyaasha ayaa mar kale ku celiyay inuu mar kale ka Towbad keenay fikirka Al-Shabaab, isla markaana uu mar kasta Alle waydiisto dambi dhaaf.

Sidoo kale wuxuu dalbaday in loo sacbiyo, maadaama uu kasoo laabtay waddadii hore ee khaldaneyd, iyada oo kadib wasiiradii iyo dadkii kale ee meesha joogay ay la dhaceen jawaabtiisa.

“Aniga fikirkii Al-Shabaab mar hore ayaan ka towbad keenay ee sacbiya, marwalba oo aan Salaad Tukadana Ilaaheey ayaan baryaa” ayuu yiri wasiir Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Towbada waa wax joogta ah runtii wax kasta oo khalad ah oo aniga iga dhacay horayna waa uga Towbad keenay Salaad kasta oo dukanada rabigey waan baryaa”

Waxaa kale oo uu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka dalbaday inay u istaagaan ka qayb-galka dagaalka cadowga looga xoreynayo dalka.

“Farrinteyda ugu dambeyn waxa ay tahay la dagaalanay nimanka ee idinka naftiina ku bilaaba” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay maalgelinta argagaxisada, isaga oo sheegay in cudur daar aanu lahayn qof kasta oo lacag u geeya kooxda Al-Shabaab.

Trump oo war cusub ka soo saaray qorshihii Marinka Gaza – Maxaa is-beddelay?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in uusan “wax deg-deg ah” ugu jirin hirgelinta qorshihiisa dib-u-dhiska Marinka Gaza, kaas oo uu doonayo in Maraykanku la wareego dhulka dagaalladu burburiyeen isla markaana dalal kale la dejiyo Falastiiniyiinta halkaas ku nool.

Trump ayaa sidoo kale ka laabtay qorshihiisii hore ee ahaa in ciidamo Maraykan ah loo diro si ay u fuliyaan aragtidiisa ku saabsan dib-u-dhiska Gaza – qorshahaas oo ay si weyn uga soo horjeesteen xulafada Washington, dalalka mucaaradka ah, iyo daneeyayaasha gobolka Bariga Dhexe.

“Maraykanku wuxuu arrintan u arki doonaa sidii heshiis maalgashi guryo, annagoo noqonayna maalgeliyayaal muhiim u ah gobolkaas,” ayuu Trump ka sheegay Aqalka Cad, isagoo intaa ku daray inaysan jirin “wax deg-deg ah oo aan qabno.”

Trump ayaa markii ugu horreysay shaaciyay qorshahan la yaabka leh Talaadadii, intii lagu jiray shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo sheegay in Maraykanku uu “la wareegi doono” Gaza isla markaana dib u dejin doono laba milyan oo Falastiiniyiin ah.

Waxaa horey loo soo jeediyey in dadkaas la dejin doono Urdun iyo Masar, kuwaas oo ku gacan sayray. Hase yeeshee warbaahinta Israel qaarkeed ayaa werisay in laga yaabo in Mareykanka uu doonayo in dadka Gaza la geeyo Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo Somaliland, iyo Morocco.

Trump ayaa sheegay in dhulka Falastiiniyiinta laga dhigi karo “Riviera-da Bariga Dhexe,” isagoo intaa ku daray suurta-galnimada in ciidamo Maraykan ah loo diro halkaas si loo fududeeyo hawsha.

Xubno ka tirsan maamulka Trump ayaa la sheegay in ay si lama filaan ah uga naxeen hadalladii hore ee madaxweynuhu jeediyay, ayaga oo isku dayey in ay maareeyaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio, oo isku dayayay inuu difaaco isla markaana yareeyo saamaynta hadalka Trump, ayaa Arbacadii yiri: “Tani looma jeedin inay noqoto tallaabo cadaawad leh. Waxaa loogu talagalay, sidaan u maleynayo, inay noqoto dadaal deeqsinimo leh, oo ah dalab dib-u-dhis iyo qaadashada masuuliyadda hogaaminta hawshaas.”

Sababta uu DONALD TRUMP ugu soo dhacay dhabbaha dagaalka ee Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Baadigoobka iyo la dagaallanka kooxda Daacish ee Afrika ayaa noqon karta hawl adag, maadaama ay kooxdu ku dhuumaaleysanayso buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Laakiin sida caadada u ah Donald Trump, kadib markii uu toddobaadkii hore amar ku bixiyay in la duqeeyo aaggaas, qoraal ayuu soo dhigay baraha bulshada oo uu ku leeyahay: “WAA KU HELI DOONAA, WAANA KU DILI DOONAA!”

Trump ayaa sheegay in duqeynta, oo timid wax ka yar laba toddobaad kadib markii uu xilka hayay, lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Daacish iyo maleeshiyaad kale oo ku sugnaa maamul-goboleedka Puntland, isla markaana ay “burburiyeen godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen, ayna dileen argagixiso badan, iyadoo aan sinnaba loo dhibaateyn dadka shacabka ah.”

Wuxuu ku faanay in uu ku guuleystay halkii uu ku fashilmay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden.

“Biden iyo saaxiibadiis tallaabo degdeg ah ma aysan qaadin oo shaqadan ma aysan qabteen,” ayuu yiri Trump.

Xaqiiqda ah in Soomaaliya ay noqotay bartilmaameedkii ugu horreeyay ee hawlgallada ay fuliyaan ciidamada maamulka cusub ee Mareykanka ayaa ka yaabisay dad badan oo dalkaas ku nool, kuwaas oo ka cabsi qabay in Mareykanku uusan taageero u muujin doonin Soomaaliya.

Markii ugu horreysay ee uu xilka qabtay, Trump wuxuu dalka ka saaray ilaa 700 oo askari oo Mareykan ah, go’aankaas oo dib u beddelay Madaxweynihii hore, Joe Biden.

Heshiiskii ahaa $600,000 (£492,000) ee sanadkiiba ah oo dowladda Soomaaliya dhawaan la saxiixatay shirkadda BGR Group ee Washington ayaa muujinaya walaaca dowladda.

Xilligii Biden, ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya waxay wadeen hawlgallo gaar ah, iyagoo tababar siinayay ciidamada Soomaaliya, waxayna fuliyeen duqeymo joogto ah.

Maalin ka hor inta uusan dhicin weerarka cirka, wargeyska Washington Post wuxuu daabacay wareysi uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka codsaday dowladda Mareykanka in “aysan saarin la-taliyeyaasha Mareykanka ee taageera tababarka ciidamada gaarka ah ee dalkiisa.”

Qoraal uu xafiiskiisu soo dhigay barta X weerarka kadib ayaa sidoo kale muujiyay codsiga dowladda Soomaaliya, wuxuuna qiray “taageerada joogtada ah ee Mareykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah,” iyadoo xafiisku soo dhoweeyay “waxqabadka joogtada ah ee Donald Trump.”

Balse duqeymaha cirka ah ayaa ka duwan hawlgallada ay fuliyaan ciidamada dhulka jooga, madaxweyne Trumpna ma uusan joojin duqeymaha cirka markiisii ugu horreysay ee uu xilka qabtay.

“Duqeymahan kama dhigna in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada milatari ee Soomaaliya,” ayuu yiri Matt Bryden, oo ah la-taliyaha xarunta cilmi-baarista Sahan oo fadhigeedu yahay Nairobi.

Hannaanka la dagaallanka kooxaha argagixisada ee Puntland ayaa ka duwan qaabka ay u wajahaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo Puntland xiriirka u jartay bishii Maarso ee sanadkii hore.

Iyagu aad ayay isugu kalsoon yihiin, si weynna uguma tiirsana taageerada ciidamada Midowga Afrika, oo ku dhowaad 12,000 oo askari ka tirsan ay joogaan, iyo quwadaha caalamka oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Turkiga.

Maxamed Mubaarak, oo ah madaxa xafiiska isku xirka hawlgallada amniga Puntland, ayaa sheegay in ciidanka ka soo jeeda waqooyi-bari ay dagaal kula jiraan kooxda Daacish, iyagoo aan garab iyo mahadcelin toona ka helin cid kale.

“Waan la dagaallameynaa Daacish, maadaama ay dhibaato ku tahay caalamka. Taageero badan ma aanan helin marka laga reebo Kenya, Itoobiya, iyo Imaaraadka. Ma ogayn in Mareykanka uu fulin doono wax ka badan hal duqeyn,” ayuu yiri Mubaarak.

Puntland waxay sheegtay in ciidamadeedu ay qabsadeen ilaa 48 goobood oo ay Daacish ku dhuumaaleysanayeen, halka ay burburiyeen tobannaan diyaarado aan duuliye lahayn iyo walxaha qarxa tan iyo markii ay dagaalka tooska ah bilaabeen sanadkii hore.

Inkastoo Daacish ay Soomaaliya ka hawlgashay muddo toban sano ah, haddana waxay la kulantay khatar ka yar kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku haysa qeybo badan oo dalka ka mid ah, waxaana lagu tilmaamaa kooxda ugu guulaha badan ee Al-Qaacida ka tirsan.

Ha yeeshee waayadan dambe, Daacish waxay noqotay koox aad muhiim ugu ah gudaha, gobolka, iyo caalamkaba.

Maamulka Puntland iyo saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay in hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, Cabduqaadir Muumin, uu hadda yahay hoggaamiyaha guud ee kooxda.

Warbixinno horudhac ah ayaa muujinaya in lagu dilay duqeyn uu Mareykanka fuliyay bishii May ee lasoo dhaafay, balse weli lama xaqiijin.

Haddii Muumin uu yahay hoggaamiyaha Daacish, isla markaana uu noolyahay ama dhintay, Daacish-ta Soomaaliya waxay welwel weyn ku abuurtay dalalka shisheeye.

Trump ayaa sheegay: “Dilaayaashan, oo la arkay iyagoo godad ku dhuumaaleysanaya, waxay u hanjabeen Mareykanka iyo xulafadiisa.”

Daacish waxay sidoo kale fariisimo ku leedahay dalalka Mozambique, Mali, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, ilaa Nigeria.

“Daacish-ta Soomaaliya waxay u taagan tahay inay fududeyso oo gacan ka geysato weerarrada kooxda ee Galbeedka, oo Mareykanku kamid yahay,” ayay tiri Tricia Beton, oo ah maamulaha xarunta la dagaallanka argagixisada ee jaamacadda Mareykanka ee Washington.

“Saaxiibada caalamiga ah waa inay taageero dheeraad ah siiyaan dadaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda.”

Mr. Bryden waxa uu sheegay in wada shaqeyn lala yeesho fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ee Badda Cas ee Yemen ay iyaduna tahay arrin jirta.

“Sida Al-Shabaab, Daacish-ta Soomaaliya waxay hub iyo tababar ka heshay Xuutiyiinta Yemen, taasoo walaac ku haysa dowladda Mareykanka iyo xulafadeeda,” ayuu yiri.

Tirada sii kordheysa ee dagaalyahannada shisheeye ayaa ku biiraya kooxda, taasoo sare u qaadaysa awooddooda tiro ahaan iyo khibraddooduba.

Dadka ugu badan ee Daacish-ta ay qortaan ayaa loo maleynayaa inay yihiin tahriibayaal Itoobiyaan ah, kuwaas oo isugu yimaada magaalada Boosaaso ee Puntland si ay nolol cusub ugu raadsadaan.

Daacish waxay siisaa mushaar ka badan inta ay ka heli jireen waddamada Khaliijka, waxaana khubaradu sheegeen in qaar ka mid ah madaxda sare ee kooxda ay asal ahaan yihiin Itoobiyaan.

“Waxaan Daacish-ta Soomaaliya ku qiyaasaynaa in in ka badan 80% ay yihiin dagaalyahanno shisheeye, isla markaana ay badankood ka yimaadeen dalalka Waqooyiga Afrika, Itoobiya, iyo Bariga Dhexe,” ayuu yiri Mubaarak.

Wuxuu sidoo kale sheegay in tiradooda lagu qiyaaso ilaa 1,000, kormeerayaasha Qaramada Midoobayna waxay ku qiyaaseen 600 ilaa 700.

Bishii Oktoobar ee sanadkii hore, taliyaha ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika, Michael Langley, ayaa sheegay inuu u maleynayo in tirada kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya ay “laba jibaarantay” sanad gudihiis.

Kooxda ayaa bishii Diseembar geysatay mid ka mid ah weeraradooda ugu casrisanaa, iyagoo duqeeyay xero ay leeyihiin ciidamada milatariga oo ku taalla gobolka Bari ee Puntland.

Waxay kooxda soo saartay bayaan ay ku sheegtay in hal qof oo Soomaali ah uusan ku lug lahayn weerarkaas. 12-ka qof ee weerarka fuliyay ayaa ka kala yimid dalalka Tanzania, Algeria, Morocco, Libya, Tunisia, Yemen, iyo Itoobiya.

Khubarada arrimaha Mareykanka, Qaramada Midoobay, iyo Soomaaliya ayaa sheegay in qayb muhiim ah oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaale ee Daacish, xafiiska Al-Karrar, uu ku yaallo Puntland, kaas oo dhaqaale iyo khibradba siiya qaybaha kale ee kooxda ee ku sugan Afrika iyo meelo kale.

Xafiiska Xakameynta Hantida Dibedda ee Mareykanka (OFAC) ayaa sheegtay in Daacish-ta Soomaaliya ay uruurisay ku dhawaad $2 milyan horaantii sanadkii 2022, iyagoo canshuuro ka soo uruuriyay ganacsatada gudaha dalka, badeecadaha la soo dhoofiyo, dadka xoolo-dhaqatada ah, iyo beeraleyda.

Haddii ciidamada Puntland ay ku guuleystaan inay dalka ka saaraan maleeshiyaadkaasi, taageerada cirka waxay noqonaysaa mid aan waxtar badan lahayn.

Wax yar kadib duqeyntii uu Mareykanku fuliyay, booliska Puntland ayaa sheegay inuu isa soo dhiibay hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaaliya ee dilalka geysta, Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid.

Balse khubaradu waxay sheegayaan in weerarrada cirka loo baahan yahay inay noqdaan kuwo joogto ah si loo ciribtiro kooxda Daacish ee ka jirta Soomaaliya isla markaana looga hortago in kuwo kale la abuuro.

Ma cadda in Mareykanka iyo hoggaamiyahooda aan siyaasadiisa la saadaalin karin ay doonayaan inay sii wadaan duqeymaha ay ka fuliyaan buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Puntland: Maydadka ajaaniib horleh oo laga helay buuraha yo kuwa kale oo la qabtay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faa-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo culus oo ay weli ciidamada Puntland kasii wadaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, kuwaas oo lagu beegsanayo Khawaarijta Daacish ee ku sugan halkaasi.

Ciidamada ayaa helay maydadka ajaaniib horleh oo ka tirsanaa kooxda, kadib markii ay maanta la wareegeen saldhigyo ku yaalla aagga buuraha Calmiskaad ee gobolkaasi.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in maydadkan ay ka carareen maleeshiyaadka Daacish, kadib markii lagu jabiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee Bari.

“Ciidanku waxay heleen Maydad hor leh oo ah Ajaanib Argagixisada Daacish, uga carareen saldhigyo Ciidanku kala wareegay. Howlgalka Amni ayaa weli ka socda Togjaceel – Calmiskaad.” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Sidoo kale howlgal kale oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu soo qabtay ajaaniib kale oo la tuhmayo inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaanno dheeraad ah, sida uu sheegay talisku.

“Laamaha Amniga ayaa qabtay 4 qof oo 3-Ajaanib tahay, kuwaas oo baaritaan lagu hayo, waxaa lala xiriiriyey Argagixisada Daacish” ayaa mar kale lag yiri qoraalka.

Puntland ayaa sii laba jibaartay dagaalka ay kula jirto argagixisada, waxayna taageero ka heleysaa saaxibada caalamiga oo iyaguna duqeymo ka wada aagga hore ee dagaalka.