26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Cirro oo meesha ka saaray arrin walaac xooggan laga qabay – Maxaa dhacay maanta?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta meesha ka saaray walaaca laga qabay dib u dhac ku yimaada doorashooyinka isku sidan ee golayaasha wakiilada iyo deegaanka Somaliland.

Madaxweynaha oo maanta la kulmay komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa xaqiijiyay in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada doorashooyinka, sidaa darteedna ay doorashooyinka isku-sidkan ay ku qabsoomi doonaan xilliga loo muddeeyey, taasi oo ah 31-ka bisha May, 2026-ka.

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey mudadii uu madaxweynuhu xilka hayey, Cirro ayaa komishanka uga mahad-celiyey booqasho-hawleedka ay ugu yimaadeen, iyadoo Komishanka uga warbixiyay madaxweynaha habsami-u-socodka hawlaha ay uga wakiilka yihiin maamulka.

Sidoo kale, komishanka doorashooyinka waxay Madaxweynaha kala hadleen diyaarinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyin isku-sidkan ee inagu soo fool leh.

“Madaxweynaha ayaa komishanka ku amaanay hirgelinta doorashadii xasaasiga ahayd ee madaxtooyada. Madaxweynuhu wuxuu komishanka u sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo, xil-kasnimo, bisayl iyo adkaysi ay ugu jilib dhigeen in masuuliyaddii doorashooyinka madaxtooyadu ay ku dhammaatay guul,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Mudane Cirro ayaa komishanka ku wargeliyay in ay dib u eegis iyo daraasaadba ku sameeyaan wixii khaladaad iyo caqabado ah ee ka soo baxay doorashadii lasoo dhaafay, sida looga bixi karo laguna sixi karo caqabadaha iyo duruusta laga baran karo si mustaqbalka looga digtoonaado.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale wuxuu komishanka u xaqiijiyey in uu fulayo ballan-qaadkii uu la galay bulshada Somaliland ee ahaa in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada doorashooyinka, sidaas darteedna ay doorashooyinka ku qabsoomi doonaan waqtigeeda, iyadoo xukuumadda ay diyaar u tahay inay bixiso wixii dhaqaale ah ee ku baxaya qabsoomidda doorashooyinka.

Uganda oo ku gacan seyrtay dalab uu u gudbiyay Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegay waddanka Uganda Jimcihii, isagoo la kulmay dhiggiisa Uganda, Yoweri Musuveni.

Booqashadan gaarka ah ayaa daarneyd arrimo ku saabsan howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya inay ciidanka Uganda la wareegaan fadhiyada ciidanka Itoobiya ee qeybo kamid ah gobollada Baay, Bakool iyo Gedo, si gaar ah goobaha uu Xasan Sheekh xiiseynayo in ciidan Ugandes ah la geeyo magaalada Baydhabo, ayada oo hadafku yahay mid siyaasadeed.

Itoobiya ayaa la sheegay inay dhawaan aqbashay inay ka baxdo magaalada Baydhabo kadib cadaadis uga yimid dowladda federaalka, balse hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa isna madaxweyne Xasan Sheekh ku cadaadinaya inuu ka leexdo Itoobiyaanka Baydhabo jooga, arrintaas ayuuna dhawaan kala hadlay.

Warar ay soo dusiyeen xubno kamid ah wafdiga Xasan Sheekh u raacay Uganda ayaa xaqiijinay inuu madaxweynaha Uganda ka cago jiiday in ciidankiisa la geeyo meelo si waaweyn uga fog magaalada Muqdisho.

Haddii uu ciidankeena dagaal qabsado ma heli karno gurmad, dalkuna iskuma furno, ciidan yar oo diyaarado lagu qaadeyna kuma filna gurmadkaas, ayuu ku dooday Museveni.

Waxaa la sheegay in Yoweri Museveni uu kula taliyay madaxda dowladda Soomaaliya inay ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya u dhaafaan goobaha ay hadda joogaan, maadaama ay u dhow yihiin xadkooda, faham fiicana ka haystaan bulshada goobahaasi ku nool.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda Soomaaliya sooma qaadan jawaab qancisa, waxaana la warinayaa in markale ay dalab cusub ka fikirayaan. Jawaabta Uganda faa’iido fiican ayey u tahay Lafta-gareen, oo isagu haatan olole ugu jira in Itoobiyaanka sii joogaan Baydhabo.

Lafta-gareen oo sugaayey in Xasan Sheekh ka noqon doono go’aanka uu Itoobiyaanka kaga saarayo magaalada Baydhabo ayaa hadda fahamsan in codsigiisa uu wax weyn ka joogin dhinaca Xasan Sheekh.

Ogaanshaha Lafta-gareen ee ah in Xasan Sheekh qaaday tallaabo lidi ku ah codsigiisa ayaa la aaminsan yahay inay labada nin dhex dhigi karto shaki cusub oo siyaasadeed.

Howl-galka cusub ee AUSSOM waxaa doorka xulashada ciidanka iyo goobahaba iska leh dowladda federaalka Soomaaliya, welina si fiican uma bilaaban howsha.

Xogta dagaal culus oo dib uga qarxay gobolka GEDO

0

Luuq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta dagaal qaraar uu dib uga qarxay aagga degmadaasi, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo indhowaanahan colaadoodu ay ka taagnayd halkaasi.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa lasoo wariyay inuu saaka ka dhacay aagga Beerta Salaadey oo qiyaastii 4 KM oo kalita u jirta degmada Luuq, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan uu daba socdo mid kale oo shalay maleeshiyaadkan ku dhex-maray isla degmada Luuq, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan ilaa 2 qof halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana labada beelood helayaan ciidamo gurmad ah, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan halkaasi.

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa waxaa horay heshiis u kala dhex-dhigay madaxweynaha Jubbaland, balse waxaa ku yimid fashil, iyada oo mar kale ay dib u  bilaabatay xabadda.

Gedo ayaa waxaa ka jira xaalado adag, waxaana gobolka ka taagan xiisad kale oo u dhexeyso Jubbaland iyo dowladda dhexe oo ku dagaalamay degmada Baardheere.

DF oo shuruud adag ku xirtay wada-hadallada Somaliland kadib arrin ay ka carootay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Sanad kaddib markii maamulka Somaliland uu heshiis is-afgarad ah oo dhanka badda ah la saxiixday dowladda Itoobiya, ayaa maamulka cusub ee Hargeysa wuxuu haatan doonayaa inuu dib u furo wadahadalladii uu la lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa soo dhisay gole wasiirro ah oo aqlabiyad ahaan taageersan in dib loo hagaajiyo xiriirka Muqdisho, iyadoo ujeedadu tahay in la soo celiyo saameyntii diblomaasiyadeed ee luntay.

Wax yar kaddib doorashadii madaxtinimada Somaliland ee 2024-tii, Maxamuud Aadan Jaamac (Galal), oo ah afhayeenka xisbiga Waddani, isla markaana dhowaan loo magacaabay wakiilka maamulka Somaliland u fadhiya Taiwan, ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka cusub uu dib u eegis ku sameyn doono heshiiskii is-afgaradka badda ee lala galay Itoobiya.

“Xisbiga Waddani wuxuu heshiiskaas is-afgaradka badda u arkaa tallaabo khaldan oo uu Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, u adeegsaday si uu ku qariyo guul-darrooyinkii hoggaamineed, isla markaana uu uga faa’iidaysto siyaasad ahaan ka hor doorashadii madaxtinimada ee 2024-ka,” waxaa sidaas qortay xarun cilmi-baaris oo ku taalla Hagreysa.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hoos u dhigtay howlihii Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland, xafiiskaas oo sanadkii 2023-kii loo xil saaray inuu wadatashiyo qaran ka sameeyo arrimaha wada-hadallada lala yeelanayo maamulka Somaliland.

Cabdikariim Guuleed, oo ah madaxa Xafiiska Ergeyga, ayaa booqasho ku tagay Galmudug sanadkii 2023-kii, taasoo qeyb ka ahayd socdaallo wadatashi ah oo uu ku marayay dalka, xilligaas oo uu socday dagaalkii Laascaanood.

Guuleed ayaa si cad oo aan shaki ku jirin u diiday sheegashadii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ee ku saabsanayd in xuduudihii gumeysiga lagu saleeyo gooni-isu-taagga Somaliland.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku boorriyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu dib u bilaabo wada-hadallada -maamulka Somaliland, hal sano kaddib munaasabaddii arooska ee sanadkii 2022-kii ka dhacday Jabuuti.

Dadaallada Madaxweyne Geelle ayaa horseeday heshiiskii bishii December 2023-kii ee Jabuuti ku dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Heshiiskaas ayaa maamulka Somaliland u aqoonsaday hay’ad ka madax-bannaan Dowladda Federaalka, waxaana lagu soo nooleeyay heshiisyo hore oo ay ku jirtay qodob dhigaya “in aan la siyaasadayn gargaarka bani’aadminimo,” qodobkaas oo uu Madaxweyne Biixi u cuskaday inuu saxiixo heshiiskii is-afgaradka badda ee Itoobiya.

Heshiiskaas is-afgaradka badda ayaa xumeeyay xiriirkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, ka hor inta uusan dhalan heshiiskii Ankara ee 2024-kii, kaas oo ku qasbaya dowladda Addis Ababa inay ixtiraamto midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay si sharciga waafaqsan u raadsato marinno ganacsi oo badda ah.

Heshiiskii is-afgaradka badda ayaa sidoo kale banaanka soo dhigay mabaadii’ cad oo hagta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Halka siyaasiyiinta Muqdisho ay u arkayeen matalaadda Somaliland ee hay’adaha federaalka tallaabo dano gaar ah laga leeyahay, ayaa maamulka gooni-u-goosadka ah waxa uu matalaaddaas u fasirtay mid lagu taageerayo sheegashadiisa gooni-isu-taagga oo ku dhisan xuduudihii gumeysiga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska diiday baaqyo loogu jeedinayay inay dib u bilowdo wada-hadallada ay la yeelan lahayd maamulka Somaliland.

La-taliye sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa yiri, “Mabda’a hagaya wadahadal kasta oo mustaqbalka dhaca waa inuu ku qasbayaa maamulka Somaliland inuu u hoggaansamo waajibaadka ka saaran ixtiraamka midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.”

Magaalada Diridhaba, halkaas oo lagu qabtay munaasabad lagu xusayay aqoonsiga ay hay’adda UNESCO u aqoonsatay Xeer Ciise inuu ka mid yahay dhaxalka dhaqameed ee aan la taaban karin ee adduunka, ayaa dowladda Itoobiya waxay u diiday wafdi ka socday maamulka Somaliland inay khudbad ka jeediyaan munaasabadda. Taas beddelkeeda, waxaa madasha khudbadda loo ogolaaday wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xog: Xubnaha Daacish ee Soomaaliya bilaabay inay u baxsadaan dalalka dariska

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Deegaanada maamulka Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ay weeraro culus ku qaadeen ciidanka Puntland.

Kooxda ayaa lagu jabiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay aagga buuraha Calmiskaad, halkaas oo sidoo kale lagu gaarsiiyay khasaare culus.

Dagaalka ayaa weli sii socda, waxayna ciidamada Puntland kusii dhawaanayaan buuraha hoostooda oo ay ku yaallaan godad waa wayn oo ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Daacish oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib kusoo duushay gudaha dalka Soomaaliya.

Maleeshiyaadka kooxda oo dareemay culeys xooggan ayaa haatan bilaabay inay u baxsadaan dalalka dariska ah, sida uu shaaciyay taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Puntland Jeneraal Cismaan Cige oo xog cusub ka bixiyaan howlgallada socda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaarkood ay isku dayayaan inay u baxsadaan dhanka Koofurta Soomaaliya, balse ay soo afjari doonaan, si looga sifeeyo dhulka Puntland.

Jeneraal Cismaan Cige ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay inay siweyn u feejignaadaan, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

“Dagaalkii dhacay waxaa ka soo baxay firxad badan oo sharwadayaasha xaggooda ka imaanaya kuna wajahan dowladaha dariska ah, Koonfurta Soomaaliya iyo kuwa jihadu ka lunsan tahay oo iska yaacaya” ayuu yiri taliye ku-xigeenka labaad ee Booliska Puntland.

Si kastaba, Puntland ayaa weyn loogu boggaadiyay dagaalka ay ku qaaday kooxda Daacish, waxayna taageero ka heleysaa saaxibada caalamiga ah oo duqeymo ka fuliya gobolka Bari.

DF oo war rasmi ah ka soo saartay qorshaha reer Gaza loogu soo rarayo Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay inaysan qayb ka noqon doonin qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiin ee ka soo jeeda Gaza, kadib markii warbaahinta Israa’iil iyo UK ay soo tebiyeen warar sheegaya in gobollo gooni u goostay iyo kuwa ismaamula ee Soomaaliya ay qaabili karaan dadka reer Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan ku dhawaaqay qorshe si weyn loo cambaareeyay oo Mareykanku ku qabsanayo una dib u dhisayo Gaza, isagoo qorsheynaya in dadka deegaanka laga saaro laguna beddelo “guryo cusub oo casri ah” oo ku yaalla gobolka.

Hase yeeshee, Caasimada Online ayaa ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo sheegay in Soomaaliya aysan qayb ka noqon doonin “siyasadaha barakicinta ee Mareykanku u qorsheeyay Falastiiniyiinta.”

Soomaaliya oo diiday qorshaha Gaza

Bayaan ay goor dambe soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya waxay taageero buuxda u muujisay xaqa sharciga ah ee shacabka Falastiin, iyagoo leh “xaq buuxa oo ay ugu dhisan karaan dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Bariga Qudus,” sida ku cad go’aannada sharciga caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay qorshe kasta oo lagu doonayo in dadka Falastiiniyiinta lagu barakiciyo xoog, iyadoo sheegtay in “tallaabooyinka noocaas ah ay yihiin ku xadgudub ba’an oo ka dhan ah sharciga bini’aadantinimo ee caalamiga ah, islamarkaana wiiqaya dadaallada lagu doonayo nabad waarta.”

Somaliland waa gobol waqooyiga Soomaaliya ku yaalla oo ku dhawaaqay madax-bannaani sanadkii 1991, balse ilaa hadda aan si rasmi ah loo aqoonsan. Puntland waa gobol ismaamul ah oo sidoo kale ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, kana soo horjeeda siyaasadaha dawladda federaalka. Wuxuu sanadkii hore xiriirka wada-shaqeyn u jaray dowladda federaalka.

Khamiistii la soo dhaafay, wargeyska Daily Telegraph ee UK ayaa soo xigtay danjiraha Israa’iil u fadhiya Pacific Southwest, Israel Bachar, oo sheegay in Falastiiniyiinta Gaza lagu wareejin karo Puntland, Somaliland, iyo sidoo kale Marocco.

Wuxuu sidoo kale soo xigtay Yacob Mohamed Abdalla, wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland, oo sheegay in gobolka uu diyaar u yahay inuu soo dhaweeyo qaxootiga Gaza haddii ay si ikhtiyaari ah u yimaadaan.

Afhayeen hore oo u hadlay maamulka Puntland, Cabdullahi Maxamed Jaha, ayaa la sheegay inuu ku soo qoray bartiisa Facebook in dadka Gaza ay wadaagaan diinta Islaamka reer Puntland, isla markaana ay gacan ka geysan doonaan “casriyeynta iyo horumarinta” gobolkaas saboolka ah.

Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in Puntland ay heli doonto fursado “ammaan iyo horumar dhaqaale” haddii ay qaabilaan dadka Gaza, sida uu sheegay wargeyska Telegraph.

Dhinaca kale, Abdirahman Keelo, oo ah cilmi-baare dhanka sharciga ka tirsan Puntland, ayaa u sheegay Caasimada Online in sheegashooyinkan ay yihiin “riyo maalmeed,” marka loo eego xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolka, oo wajahaya faqriga iyo horumar la’aanta baahsan.

“Tani waa fikir aan macquul ahayn iyo aragti waalan,” ayuu yiri Keelo, isagoo intaas ku daray in “barakicinta qasabka ah ay mamnuuc ka tahay sharciga bini’aadannimada caalamiga ah, sidoo kalena ay cadahay in maamulka Mareykanka uu ka sii fogaanayo caqliga intii uu Trump xilka hayay, iyadoo hadalladiisu ay is burinayaan.”

“Ma gaari karno gabagabo macquul ah oo ku saleysan hadalladiisa, xitaa haddii ay ka soo baxaan isaga,” ayuu Keelo hadalkiisa ku daray.

Puntland oo iska fogeysay hadallada Yacquub 

Goor dambe, war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxa ay Puntland isaga fogeysay hadallada Yacquub Maxamed Cabdalla.

Wasaaradda warfaafinta ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in hadalkaasi aanu ka tarjumeynin Puntland, isla markaana uu keli ku yahay wasiirka sheegay, iyada oo sheegtay inay tahay aragtidiisa shaqsiyadeed.

Sidoo kale waxa ay wasaaraddu intaasi kusii dartay inay ixtiraameyso xuquuqda ay reer Falastiin u leeyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkooda.

“Puntland waxay ixtiraamaysaa xuquuqda reer Falastiin u leyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda, Faaladii Wasiir kuxigeenka Warfaafinta kama turjumayn aragtidada Dawlada Puntland waxay ahayd oo keliya aragtidiisa shaqsi oo keliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wadahadallada ku saabsan barakicinta dadka Gaza ee loo wareejinayo gobollo ka tirsan Soomaaliya iyo Marocco ayaa billowday kadib markii Masar iyo Urdun si adag uga soo horjeesteen qorshaha Donald Trump.

Dagaalka Israa’iil ee 15 bilood ka socday Marinka Gaza ayaa si weyn u burburiyay deegaankaas, iyadoo ugu yaraan 61,707 qof lagu dilay, sida lagu sheegay tirokoob cusub oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

ITOOBIYA: oo qarka saaran: Saddex xisbi siyaasadeed oo ku baaqay bad-baado qaran

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa jira calaamado badan oo muujinaya in xaaladda guud ee Itoobiya aysan wanaagsaneyn. Iyadoo ay socdaan laba dagaal oo ka kala socda gobollada Amxaarada iyo Oromada, mid ka mid ah garabyada Xisbiga Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ee waqooyiga ayaa muujiyay damaciisa ku aaddan inuu bilaabo dagaal cusub—kaas oo suuragal ah inuu ku wajahan yahay dawladda federaalka.

Iyada oo ay jiraan xaaladahan cakiran, saddex xisbi mucaarad oo waaweyn ayaa si wadajir ah ugu baaqay “badbaadinta qaranka,” iyagoo ka digaya in Itoobiya ay ku sugan tahay xaalad burbur u dhow.

Xisbiga ENAT, Xisbiga Kacaanka Dadka Itoobiya (EPRP), iyo Xisbiga Midnimada Itoobiya oo Dhan (AEUP) ayaa si dhaliil leh u falanqeeyay natiijooyinka shirkii labaad ee xisbiga talada haya ee Barwaaqo, kaas oo toddobaadkii hore dib u doortay Abiy Axmed inuu sii ahaado madaxweynaha xisbiga.

Shirkaasi waxa uu sheegay in Itoobiya ay gaartay “guulo dhaqaale, diblomaasiyadeed, iyo siyaasadeed” lixdii sano ee la soo dhaafay, isagoo sidoo kale sheegay horumar laga sameeyay garsoorka. Si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinkan ayaa u muuqda kuwo laga shakisan yahay marka loo eego xaqiiqooyinka ka jira gudaha dalka.

Itoobiya ayaa si joogto ah ugu soo muuqataya warbaahinta caalamka arrimo la xiriira dagaallo baahsan iyo qalalaase amni oo ay ku dhinteen kumannaan rayid ah gobollo kala duwan.

Intaa waxaa dheer, xadgudubyo baahsan oo ka dhanka ah xuquuqda aadanaha—oo ay ka mid yihiin xarig aan sharci ahayn, kufsi, iyo dilal aan maxkamad marin oo ka dhaca goobaha colaadda—ayaa si weyn u wiiqaya sheegashooyinka xisbiga talada haya.

“Farxaddeennu waxay noqon lahayd mid aan xad lahayn haddii Itoobiya dhab ahaan gaartay guulaha [uu sheeganayo xisbiga talada haya] lixdii sano ee la soo dhaafay,” ayay saddexda xisbi ku sheegeen baaqooda wadajirka ah ee lagu doonayo in lagu “badbaadiyo qaranka.”

Marka la eego qiimayntooda, xisbiyadu waxay ku doodayaan in “qaranku ku dhow yahay burbur.” Waxay muujinayaan halista daran ee ay wajaheyso xaaladda amniga, iyagoo xusay in “guri nabad lagu gaaro ay hadda la mid tahay in lagu guuleystay lotto.”

Xisbiyadu sidoo kale waxay tilmaameen afduubyo baahsan oo muwaadiniinta lagu qasbo inay bixiyaan malaayiin birr si loo sii daayo. Waxay carabka ku adkeeyeen in dagaallo ka socdaan dhammaan daafaha dalka, taasoo sababaysa dhibaatooyin aad u badan oo haysata shacabka.

Bishii November 2024, xisbiyada mucaaradka oo ay weheliyaan dhaq-dhaqaaqayaal ayaa isku dayay inay abaabulaan mudaharaad dadweyne oo ka dhan ah dagaalka oo ka dhaca magaalada Addis Ababa. Si kastaba ha ahaatee, dawladda ayaa mamnuucday dhacdadaasi, iyadoo xirtay dad badan oo ka mid ahaa qaban-qaabiyeyaasha.

Xisbiyadu waxay hadda ku boorinayaan xisbiga talada haya inuu dib u qiimeeyo xaaladda dalka, iyagoo sidoo kale shacabka ugu baaqaya inay ku biiraan dadaalladooda lagu doonayo in lagu badbaadiyo qaranka.

Sidoo kale, waxay beesha caalamka ka codsadeen inay ka caawiso joojinta dagaallada ka socda qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah. Waxay muujiyeen go’aankooda ah inay si wadajir ah ugu shaqeeyaan sidii loo baajin lahaa halista sii kordheysa loogana badbaadin lahaa Itoobiya burbur sii fida.

Weli lama oga in dawladda uu hoggaamiyo Abiy Axmed ay ka jawaabi doonto baaqa mucaaradka.

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay degmo ka tirsan SH/DHEXE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-Shabaabkii ugu badnaa ay soo buux dhaafiyeen aagga degmada Mahadaay ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gaaray halkaasi ayaa lasoo wariyay inay kasoo firaxadeen dagaalka ka socdeen gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha Al-Shabaab ay fariisimo cusub ka sameysteen deegaanno dhaca Jiinka Wabiga Shabelle oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kooxda ayaa dareentay culeys wayn oo uga imaanaya howlgallada ka socda Hiiraan oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Macaswiileyda.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa deegaannada lagu arkay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo horay looga saaray qaybo badan oo kamid ah Shabeelaha Dhexe, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo ka war helay arrintan ayaa iyaguna u jiheystay aagga Mahadaay, si ay uga hortagaan is uruursiga Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa cabsi xooggan ka muujinayo in uu dagaal ka dhaco halkaasi, maadaama ay soo korortay xaalad cusub oo ku aadan soo laabashada Al-Shabaab.

HirShabelle ayaa waxaa haatan ka socda guluf ka dhan ah argagixisada, waxaana ujeedka uu yahay in laga xoreeyo deegaannada ay ka joogaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

ERDOGAN oo ka hor-yimid qorshaha Trump ee GAZA

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si weyn uga horyimid qorshaha uu damacsan yahay Donald Trump ee uu ku doonayo in shacabka reer Falastiin uga raro gudaha Gaza, si ay ula wareegaan Mareykanka iyo Israel.

Recep Tayyip Erdogan ayaa ganafka ku dhuftay hadalka Trump, wuxuuna shaaca ka qaaday in aysan jirin quwad reer Falastiin ka rari karto dhulkooda, ayna garab istaagi doonaan.

Sidoo kale waxa auu hoosta ka xariiqay in magaalada Gaza, Daanta Galbeed iyo bariga Qudus ay leeyihiin dadka reer Falastiin, isla markaana aan lagu xad-gudbi karin.

“Ma jirto quwad reer Falastiin ka rari karta dhulkooda, Gaza, Daanta Galbeed iyo bariga Qudus waxaa iska leh Falastiin” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Turkiga.

Madaxweyne Trump ayaa markii ugu horreysay shaaciyay qorshahan la yaabka leh Talaadadii lasoo dhaafay, intii lagu jiray shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo sheegay in Maraykanku uu “la wareegi doono” Gaza isla markaana dib u dejin doono laba milyan oo Falastiiniyiin ah.

Waxaa horey loo soo jeediyey in dadkaas la dejin doono Urdun iyo Masar, kuwaas oo ku gacan sayray. Hase yeeshee warbaahinta Israel qaarkeed ayaa werisay in laga yaabo in Mareykanka uu doonayo in dadka Gaza la geeyo Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo Somaliland, iyo Morocco.

Donald Trump ayaa sheegay in dhulka Falastiiniyiinta laga dhigi karo “Riviera-da Bariga Dhexe,” isagoo intaa ku daray suurta-galnimada in ciidamo Maraykan ah loo diro halkaas si loo fududeeyo hawsha.

Somalia rejects Gaza resettlement plans in its territory

0

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s federal government has firmly denied any involvement in plans to resettle Palestinians from Gaza within its borders, following reports from Israeli and British media suggesting that Somalia’s breakaway and semi-autonomous regions might be considered for hosting displaced Gazans.

The controversy emerged after The Daily Telegraph quoted Israel Bachar, Israel’s ambassador to the Pacific Southwest, stating that Palestinian refugees from Gaza could potentially be relocated to Somalia’s Puntland and Somaliland regions, as well as Morocco. This claim has sparked widespread reactions, both domestically and internationally.

Somalia rejects hosting claims

In an official statement issued by Somalia’s Ministry of Foreign Affairs on Sunday, the government reiterated its unwavering support for the Palestinian people’s legitimate right to establish an independent state with East Jerusalem as its capital, in line with international law.

“Somalia will not participate in any displacement policies targeting Palestinians,” the ministry declared, emphasizing that such measures constitute “grave violations of international humanitarian law and undermine efforts toward a lasting peace.”

The Somali government’s statement comes amid growing global criticism of a controversial U.S.-backed plan, announced by U.S. President Donald Trump, to redevelop Gaza.

The plan reportedly includes relocating Gaza’s population and constructing “modern housing” elsewhere—a proposal that has drawn widespread condemnation from human rights organizations, Middle Eastern governments, and international legal experts.

Further fueling tensions, Yacob Mohamed Abdalla, Puntland’s deputy information minister, was quoted by The Daily Telegraph expressing openness to welcoming Gaza refugees if they arrived voluntarily.

Abdalla reportedly suggested that hosting Gazans could contribute to “modernization and economic development” in Puntland, one of Somalia’s semi-autonomous regions facing significant economic challenges.

However, Puntland’s Ministry of Information quickly distanced itself from Abdalla’s remarks, issuing a statement clarifying that his comments were personal opinions and did not reflect the official stance of the Puntland administration.

“Puntland respects the Palestinian people’s right to live peacefully in their homeland,” the ministry stated. “The deputy minister’s comments do not represent the views of the Puntland government.”

Abdirahman Keelo, a Puntland-based legal researcher, criticized the relocation proposal as “unrealistic” and “impractical,” citing the region’s widespread poverty, lack of infrastructure, and ongoing security challenges.

“This is an irrational idea,” Keelo told Caasimada Online. “Forced displacement is prohibited under international humanitarian law. The contradictions in these statements reflect a lack of coherent policy from those proposing such plans.”

Former Puntland spokesperson Abdullahi Mohamed Jaha echoed similar sentiments, stating on Facebook that while Puntland shares religious ties with Gaza’s Muslim population, the region cannot support an influx of refugees.

United global opposition  

The discussions about potentially relocating Gaza residents to Somalia and Morocco gained traction following Egypt and Jordan’s firm opposition to Trump’s proposal.

Both countries, which maintain peace treaties with Israel, have consistently rejected efforts to resettle Palestinian refugees within their borders, citing legal, political, and humanitarian concerns.

International human rights organizations have also condemned the proposal, describing it as a violation of the fundamental rights of Palestinians.

The United Nations and various legal experts have warned that forced displacement violates key provisions of the Geneva Conventions and other international treaties protecting the rights of refugees and displaced persons.

The debate over resettlement comes against the backdrop of an ongoing humanitarian crisis in Gaza. After 15 months of intense conflict between Israel and Palestinian groups, Gaza remains devastated, with at least 61,707 people reported dead, according to figures from the Gaza Ministry of Health.

Thousands more have been injured or displaced, with critical infrastructure, including hospitals, schools, and residential areas, severely damaged.

Sacuudiga oo jawaab kulul ka bixiyey hadal yaab leh oo ka soo yeeray Netanyahu

Riyadh Caasimada Online) – Boqortooyada Sucuudiga ayaa si cad u diiday hadallo kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo ku saabsanaa ka barakicinta Falastiiniyiinta dhulkooda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga Axadda maanta ah.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa soo jeediyay in la dhiso dowlad Falastiini ah oo lagu aas-aaso dhul Sucuudi ah. Netanyahu ayaa u muuqday inuu kaftamayo Khamiistii markii uu ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay weriye ka tirsan Channel 14 oo taageera Netanyahu, kaasoo si khalad ah u yiri “dawladda Sucuudiga” halkii uu ka oran lahaa “dawladda Falastiin,” ka hor inta uusan saxin.

Inkasta oo bayaanka Sucuudiga lagu xusay magaca Netanyahu, haddana si toos ah looguma xusin hadallada ku saabsan dhisidda dowlad Falastiini ah oo laga unko dhulka Sucuudiga.

Masar iyo Urdun ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyay soo jeedimaha Israa’iil, iyadoo Qaahira ay ku tilmaantay fikraddaas “ku xad-gudub toos ah oo lagu sameynayo madax-bannaanida Sacuudiga.”

Boqortooyada ayaa soo dhoweysay “diidmada dalalka walaalaha ah ee ku wajahan hadallada Netanyahu.”

“Maskaxda xag-jirka ah ee gumaysiga taageerta ma fahamsana waxa dhulka Falastiin uu uga dhigan yahay shacabka walaalaha ah ee Falastiin iyo xiriirka damiirka, taariikhiga, iyo sharciga ah ee ka dhaxeeya iyaga iyo dhulkaas,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Doodaha ku saabsan masiirka Falastiiniyiinta Gaza ayaa cirka isku shareeray kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu Talaadadii soo jeediyay qorshe lama filaan ah oo ah in Mareykanku “la wareego Marinka Gaza” oo uu ka dhigo “Riviera-da Bariga Dhexe” kaddib marka Falastiiniyiinta meel kale loo raro.

Dalalka Carabta ayaa si adag u cambaareeyay hadallada Trump, kuwaasoo yimid xilli xabbad-joojin jilicsan ay ka jirtay dagaalka Gaza oo Israa’iil ay kula jirto kooxda Xamaas, taasoo gacanta ku haysa Marinka.

Trump ayaa sheegay in Sacuudiga uusan dalbanayn dowlad Falastiini ah si uu xiriir ula yeesho Israa’iil. Balse Riyadh ayaa si cad u beenisay hadalladiisa, waxayna sheegtay inaanay wax xiriir diblomaasiyadeed la yeelan doonin Israa’iil ilaa la dhiso dowlad Falastiini ah.

Mas’uuliyiinta Gaza ayaa sheegay in dagaalka uu dilay in ka badan 47,000 oo ka mid ah ku dhawaad 2 milyan oo Falastiiniyiin ah oo halkaas ku nool.

DF Somalia oo bayaan kulul ka soo saartay hadalladii loogu gefay Boqortooyada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay hadallada dhiillo abuurka ah ee uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, kuwaas oo uu ku sheegay in “Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay dhulkeeda ka dhisi karto dowlad Falastiini ah maadaama ay haystaan dhul badan.”

Hadalkan oo uu Netanyahu ka sheegay wareysi uu siiyay Channel 14 ee Israa’iil ayaa caro weyn ka dhex dhaliyay dalalka Carabta.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, oo bayaan soo saartay, ayaa ku tilmaantay hadalladan inay yihiin “ku xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay,” iyadoo xustay in ay “ka tarjumayaan aragti la’aan iyo xushmad darro ku wajahan madax-bannaanida dalalka gobolka.”

Soomaaliya ayaa si cad u muujisay taageerada ay u hayso Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo mar kale adkaysay sida ay ugu go’an tahay “mabda’a madax-bannaanida, xasilloonida, iyo ixtiraamka sharciyada caalamiga ah.”

Dhanka kale, Soomaaliya waxay taageero buuxda u muujisay xaqa sharciga ah ee shacabka Falastiin, iyagoo leh “xaq buuxa oo ay ugu dhisan karaan dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Bariga Qudus,” sida ku cad go’aannada sharciga caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay qorshe kasta oo lagu doonayo in dadka Falastiiniyiinta lagu barakiciyo xoog, iyadoo sheegtay in “tallaabooyinka noocaas ah ay yihiin ku xadgudub ba’an oo ka dhan ah sharciga bini’aadantinimo ee caalamiga ah, islamarkaana wiiqaya dadaallada lagu doonayo nabad waarta.”

Hadallada Netanyahu ayaa yimid kadib booqashadiisii Washington, halkaas oo madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu soo jeediyay qorshe uu ku doonayo in dadka Falastiiniyiinta laga raro Gaza oo laga dhigo “Riviera-da Bariga Dhexe.”

Trump ayaa sheegay, “waxaan jeclaan lahaa inaan gacanta ku dhigo Gaza oo aan dib u dejiyaan laba milyan oo Falastiiniyiin ah.” Hadalladan ayaa si weyn loo dhaliilay maadaama ay Gaza u tahay Falastiiniyiinta qayb muhiim ah oo ka mid ah dowladdooda mustaqbalka.

Isaga oo ka jawaabaya dalabka Sacuudiga ee ku aaddan in dowlad Falastiini ah la aasaaso, Netanyahu ayaa yiri: “Qofna ma sameynayo taas. Qofna ma oranayo, ‘haa, sii dowlad Falastiini ah.’ Horey bay u haysteen. Waxaa la yiraahdaa Gaza oo ay xukunto Xamaas.”

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa hadalladan ku tilmaamay kuwo “ka tarjumaya go’doon dhab ah oo ka jira dhabta dhulka,” iyadoo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta labaduba si cad uga hor yimaadeen hadallada Netanyahu.

ISRAEL oo maanta fulisay qeybta ugu muhiimsan heshiiska, kana baxday…

0

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israa’iil ayaa Axadda maanta ah bilaabay ka bixitaanka marinka istiraatiijiga ah ee Netzarim oo ku yaalla Gaza, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Israa’iil iyo Xamaas.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballanqaadyada Israa’iil ee xabbad-joojinta jilicsan ee ay la gashay Xamaas, taasoo si tartiib ah u socota balse wajahaysa tijaabo adag oo la xiriirta in labada dhinac ay heshiis ku gaari karaan sii wadidda xabbad-joojinta.

Israa’iil ayaa heshiiska xabbad-joojinta ku ogolaatay in ciidamadeeda ay kala baxdo marinka Netzarim, oo ah marin cabbirkiisu yahay 6-km ah oo kala qaybiya waqooyiga iyo koonfurta Gaza, loona adeegsaday goob milatari intii uu dagaalku socday.

Markii xabbad-joojintu billaabatay bishii hore, Israa’iil waxay ogolaatay in Falastiiniyiinta ay marinka Netzarim u adeegsadaan inay ku laabtaan guryahooda burburay ee waqooyiga Gaza, iyada oo kumannaan qof ay cagtooda iyo baabuur ugu socdaaleen dhinaca woqooyi. Ka bixidda ciidamada Israa’iil ee goobtaas ayaa ah mid ka mid ah qodobada heshiiska, kaasoo hakiyay dagaalkii socday 15-ka bilood.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ergo u diray dalka Qatar, oo ah dhexdhexaadiyaha muhiimka ah ee dhinaca wadaxaajoodka ah, balse ergada waxaa kamid ah saraakiil heer hoose ah, arrintaas dhalisay shaki ah in aysan keeni doonin natiijo wax ka tarta xabbad-joojinta.

Netanyahu ayaa sidoo kale la filayaa inuu toddobaadkan shir la yeesho wasiirradiisa muhiimka ah si ay uga wada hadlaan wejiga labaad ee heshiiska.

Dilal ka dhacay Daanta Galbeed

Axaddii, Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in laba haween ah oo da’doodu tahay 20-meeyada, mid kamid ahina ay lahayd uur sideed bilood, ay ciidamada Israa’iil toogteen xilli ay howlgallo ballaaran ka wadeen waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto.

Tan iyo markii ay xabbad-joojintu billaabatay 19-kii Janaayo, heshiisku wuxuu la kulmay caqabado badan iyo khilaafyo u dhexeeya labada dhinac, taasoo muujineysa nuglaanta heshiiska.

Axadda maanta ah, waxaa la arkayay baabuur xamuul ah oo sida agab kala duwan, sida taangiyo biyo ah iyo boorsooyin, kuwaasoo u socdaalaya waqooyiga iyaga oo maraya jidka Netzarim. Sida uu qabo heshiisku, Israa’iil waa inay u ogolaataa baabuurta inay maraan iyada oo aan la baarin, mana muuqan wax askar ah oo joogay hareeraha jidka.

Afhayeenka Xamaas, Cabdil-Latif Al-Qanoua, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ay caddeyn u tahay in Xamaas ay “ku qasabtay cadowga inuu aqbalo dalabkeenna” isla markaana ay fashilisay hadalkii Netanyahu ee ahaa “guul buuxda.”

Sawirro: Xasan Sheekh oo maanta qaaday tallaabo si weyn loo soo dhoweeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xaaladda caafimaad ee dhaawacyada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleey.

Dhaawcayda ciidamada ayaa ku jira isbitaallada xoogga dalka iyo qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada ciidamadan oo xaaladdooda caafimaad ay soo hagaagayso.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

“Dowladdiinnu waxa ay idiin ballan-qaadeysaa in ay bixiso dadaal kasta oo wax looga qabanayo caafimaadkiinna. Waxaad tihiin halyeeyo abaal gashanaya dadkooda iyo dalkooda, waxaadna ku taagantihiin waddada xaqa ah ee aad dadkiina ku badbaadinaysaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray hannaanka shaqo, agabka iyo adeegyada uu bixiyo isbitaalka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku jiray, madaxweynaha ayaa oo warbixin ka dhageystay Taliyaha CXDS Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka iyo Agaasinta Isbitaalka oo soo bandhigay qorshaha horumarinta adeeyada Isbitaalka iyo baahiyaha hadda jira.

Odayaal SOOMAALI ah oo raali-gelin siiyey Ruto kadib dhacdadii lagu bah-dilay

Nairobi (Caasimada Online) – Laba maalmood kaddib markii madaxweyne William Ruto lagu buuqay isagoo khudbad ka jeedinayay dadweyne intii uu ku guda jiray socdaalkiisii afarta maalmood ee uu ku tegay gobolka Waqooyi-bari, odayaasha bulshada Soomaaliyeed ayaa madaxweynaha siiyey raalligelin.

Shir jaraa’id oo Axaddii ka dhacay magaalada Isiolo, ayaa odayaasha uu hoggaaminayay Cabdulkadir Shariff, guddoomiyaha Golaha Odayaasha Soomaaliyeed, waxay ku muujiyeen inaysan ku faraxsanayn buuqa lagu sameeyay madaxweynaha intii uu la hadlayay shacabka deegaanka.

“Ujeeddada ugu weyn ee aan maanta halkan u nimid waxay la xiriirtaa dhacdadii ka dhacday booqashadii Madaxweynaha, gaar ahaan xilligii uu la hadlayay shacabka ku sugan dhulka xabsiyada,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

“Waxaan si weyn uga xunahay dhacdadii dhacday, gaar ahaan annaga oo Soomaaliyeed iyo dhammaan bulshada wanaagsan ee Isiolo. Ma jirin sabab loogu buuqo madaxweynaha dalka,” ayuu raaciyay.

Odayaasha ayaa sheegay in buuqa ay sabab u ahaayeen dhalinyaro khamri cabtay oo aan deegaanka ka soo jeedin, taasoo muujinaysa in laga yaabo in meel kale laga soo raray.

“Dhalinyarada khamriga cabtay, haddii aad si taxaddar leh u eegto, ma aha kuwo ka soo jeeda Isiolo. Ficilladoodii ma ahayn kuwo la aqbali karo, waana sababta aan u rabno inaan Madaxweynaha si daacad ah uga bixino raalligelin,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

“Arrintani waxay ahayd dhacdo yar, balse waxaan idin xaqiijinayaa inaan dadaal ku bixinayno sidii khaladkaas loo sixi lahaa.”

Xoghayaha Guud ee Golaha Odayaasha, Iidle Xasan, ayaa isna cambaareeyay buuqa lagu sameeyay Madaxweynaha, isagoo xusay in Madaxweyne Ruto uu door muhiim ah ka qaatay horumarinta arrimaha xoolo-dhaqatada.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa dhacdadii lagu buuqay Madaxweynaha. Wuxuu naga mudan yahay ixtiraam, waana in la ixtiraamaa,” ayuu yiri Iidle.

“Waxaan ku biirayaa odayaasha kale ee raalligelinaya Madaxweynaha. Dhacdadan mar dambe lama soo celin doono, waxaana uga mahadcelineynaa dadaalka uu ku bixiyay horumarinta arrimaha xoolo-dhaqatada,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhacdadii dhacday Jimcihii ayaa dhalinyaro ka tirsan xisbiyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda waxay ku lug yeesheen is-qabqabsi cod dheer ah, taasoo keentay in Madaxweyne Ruto uu ku eedeeyo qaar ka mid ah dhalinyarada in ay u soo direen dad ka ganacsada mukhaadaraadka si ay u carqaladeeyaan kulanka.

“Waxaan ogahay in ganacsatada mukhaadaraadka ay dhalinyaro u soo direen si ay buuq iyo qalqal ugu keenaan kulankan. Digniin baan idin siinayaa, dhalinyaro—uma hanjabi kartaan dowladda. Ajaanib kama imaan karo oo Isiolo uga dhigi karo xarun mukhaadaraad. Tani ma dhici doonto,” ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Ruto.

Isla maalintaas, Senatorka Isiolo Fatuma Dullo ayaa sidoo kale la buuqay iyadoo Madaxweynaha hortiisa taagan, xilli ay dooneysay inay la hadasho dadweynaha deegaanka. Dadkii isugu yimid goobta ayaa bilaabay inay ku qayliyaan, “Dullo waa inay tagtaa,” xilli ay makarafoonka qaadatay si ay hadal ugu jeediso.

Xogta dagaal culus oo ka dhex-qarxay Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal maleeshiyaad ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhex-maray qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Dagaalka oo soo bilowday shalay, soona gaaray illaa xalay ayaa si gaar ah uga dhacay tuulo lagu magacaabo Dhagaxyaaley oo dhanka waqooyi galbeed uga beegan deegaanka Waniile ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa waxaa kala hoggaaminayo Kaba-kutukade iyo horjoogo kale oo deegaan ahaan kasoo jeedao dhanka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgauud.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada dhinac ee ka wada tirsan Khawaarijta ayaa isku khilaafay xoolo ay qafaalasho ahaan uga soo wateen dadka shacabka ah ee ku nool deegaanadaasi, taas oo la’isku fahmi waayay, waxayna arrinta isku rogtay dagaal toos ah.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay hoggaanka sare ee maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda deegaanka lagu dagaalamay ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada labada garab ee ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Marar badan ayaa Shabaab dhexdooda sidaan oo kale ay ugu dagaalameen deegaannada ay ka arrimyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana ka dhasha khasaare ay dhexdooda isu gaystaan maleeshiyaadka Khawaarijta oo sidoo kale halis ku haya shacabka.

Ciidamo maanta la wareegay guriga hooyooyinka iyo haweenkii oo la xir-xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa saaka tegay guriga hooyooyinka, iyaga oo wata gaadiidka dagaalka, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ciidamada ayaa lasoo wariyay inay xoog ku galeen dhismaha guriga, iyaga oo gebi ahaan la wareegay maadaama uu maalmahaan ka taagnaa muran u dhexeeyay ururka haweenka iyo wasaaradda haweenka iyo xuquul insaanka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada saaka ku jarmaaday guriga hooyooyinka ay xireen qaar kamid ah gabdhihii ku sugnaa guriga, kuwaas oo loogu tegay xafiisyadooda.

Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka, Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo wareysi bixisay ayaa si adag uga hadashay falkan, waxayna sheegtay in ciidamo uu soo diray ra’iisul wasaaraha ay soo weerareen gurigooda, ayna xireen qaar kamid ah haweenka.

Batuulo Axmed Gaballe ayaa si weyn u cambaareysay tallaabadan, waxayna sheegtay in xoog loo gala wareegay guriga, iyada oo la adeegsanayo ciidamada ammaanka.

“Gabdhihii ayey garaaceen, kuwa badana waa xireen ciidamada Booliiska oo awood sheeganaya” ayuu tiri guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed.

Muranka gurigan ayaa soo jiitamaayay muddo dheer, wuxuuna soo bilowday xilligii uu wasaaradda joogay wasiir Bashiir Goobe oo hadda loo wareejiyay wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada, iyada oo haatan lagu kala baxay doodii ka taageen guriga.

Ururka Haweenka Soomaaliyeed ayaa in dhowanahaan ka qaylo dhaaminayay arrinta saaka dhacday, waxayna ku doodayeen in guriga ay iyagu leeyihiin, looguna shaqeeyo dumarka.

Cadaanka Koonfur Afrika oo ka fal-celiyey qorshaha Trump ugu soo rarayo Mareykanka

Pretoria (Caasimada Online) – Kooxo matalaya bulshada laga tirada badan yahay ee caddaanka Koonfur Afrika ayaa Sabtidii ka falceliyay qorshe uu madaxweyne Donald Trump ku doonayo inuu qaxooti ahaan dib u dejin loogu sameeyo Maraykanka, iyagoo u sheegay: “waad mahadsan tahay, balse maya.”

Qorshahan ayaa lagu faahfaahiyay amar uu Trump saxiixay Jimcihii, kaas oo joojiyay dhammaan gargaaradii iyo taageerada dhaqaale ee Maraykanku siiyo Koonfur Afrika, taas oo lagu sheegay ciqaab la xiriirta “xadgudubyo xuquuqeed” oo dowladda Koonfur Afrika ku hayso qaar ka mid ah muwaadiniinteeda cadaanka ah, sida uu sheegay maamulka Trump.

Maamulka Trump ayaa ku eedeeyay dowladda Koonfur Afrika inay ogolaatay weerarro rabshado wata oo lagubeegsaday beeraleyda Afrikaaner ee cadaanka ah, iyadoo sidoo kalena ansixisay sharci dhul oo u oggolaanaya inay “si qasab ah uga qaaddo dhulka beeraleyda laga tirada badan yahay ee Afrikaaner-ka ah iyadoon wax magdhow ah la siin.”

Dowladda Koonfur Afrika ayaa beenisay jiritaanka weerarro abaabulan oo lagu bartilmaameedsanayo beeraleyda cadaanka ah, waxayna sheegtay in sharaxaada uu Trump ka bixiyay sharciga cusub ee dhulka ay tahay mid qalad iyo marin habaabin ah.

Afrikaaner-ku waxay ka soo farcameen gumeysatayaashii Dutch, Faransiis, iyo Jarmal oo Koonfur Afrika yimid in ka badan 300 sano ka hor. Waxay ku hadlaan Af-Afrikaans, oo ah luqad ka soo farcantay Dutch-ga oo Koonfur Afrika ku samaysantay, waxaana ay ka duwan yihiin cadaanka kale ee Koonfur Afrika oo asal ahaan ka yimid Britain iyo dalal kale.

Cadaanka Koonfur Afrika waxay ka yihiin ku dhawaad 7% tirada guud ee dadka Koonfur Afrika oo gaaraya 62 milyan.

“Annaga meelna ma aadeyno”

Sabtidii, labo ka mid ah ururrada ugu waaweyn ee matala Afrikaaner-ka ayaa sheegay inay ka gaabsadeen dalabka Trump ee dib-u-dejin Maraykan ah.

“Xubnaheena halkan ayay ka shaqeeyaan, waxayna doonayaan inay halkan ku sii nagaadaan,” ayuu yiri Dirk Hermann, agaasimaha guud ee ururka shaqaalaha Afrikaaner-ka ee Solidarity, kaasoo sheegay inuu matalo ku dhawaad 2 milyan oo qof. “Waxaan u heellanahay inaan ku dhisno mustaqbal halkan. Meelna ma aadeyno.”

Kallie Kriel, agaasimaha guud ee kooxda lobbiga Afrikaaner-ka ee AfriForum, ayaa sheegay: “Waa inaan si cad u sheegnaa: ma doonayno inaan meelo kale u guurno.”

Go’aanka Trump uu ku ciqaabay Koonfur Afrika, oo ah saaxiib ganacsi oo muhiim ah Maraykanka ku leeyahay Afrika, ayaa yimid kaddib markii isaga iyo la-taliyihiisa Koonfur Afrika ku dhashay ee Elon Musk ay ku eedeeyeen hoggaanka madow ee dalkaas inuu leeyahay mowqif cadaawad ah oo ka dhan ah cadaanka. Laakiin sawirka Afrikaaner-ka sida koox dulman oo u baahan in la badbaadiyo ayaa ah mid dad badan oo Koonfur Afrikaan ah la yaabi doono.

“Waa wax lala yaabo in amarka fulinta uu dhigayo sharci u oggolaanaya qaxootinimo Maraykanka koox Koonfur Afrika ku dhex nool oo wali ka mid ah kuwa ugu hantida badan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika.

Waxay sidoo kale dhaleecaysay siyaasadaha maamulka Trump, iyadoo sheegtay in diiradda la saaray Afrikaaner-ka “iyadoo dad jilicsan oo Maraykanka ku sugan oo ka yimid dalal kale laga masaafurinayo lagana diidayo magangalyo xitaa iyadoo ay wajahaan dhibaatooyin dhab ah.”

Waxaa jiray “olole lagu faafinayo warar aan sax ahayn iyo borobogaando” oo lagu beegsanayo Koonfur Afrika, ayay wasaaraddu tiri.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay: “Koonfur Afrika waa dimoqraadiyad dastuur ah. Waxaan qadarinaynaa dhammaan Koonfur Afrikaan-ka, madow iyo caddaanba. Sheegashada ah in Afrikaaner-ku wajahaan caburin aan sharci lahayn oo ay sidaas darteed uga qaxayaan dalkooda hooyo waa mid gebi ahaanba been ah.”

Cadaanka Koonfur Afrika ayaa wali leh heer nololeed ka sarreeya kan dadka madow, in ka badan 30 sano kaddib dhammaadkii nidaamkii midabtakoorka ee apartheid-ka ee la soo afjaray 1994-kii.

Inkastoo ay yihiin tiro yar, cadaanka ayaa leh qiyaastii 70% dhulka beeraleyda gaarka loo leeyahay ee Koonfur Afrika. Daraasad uu sameeyay Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Koonfur Afrika sanadkii 2021 ayaa muujisay in 1% cadaanka ah ay ku nool yihiin saboolnimo, halka 64% dadka madow ay sabool yihiin.

Saxidda qaladaadkii gumaysiga

Sithabile Ngidi, oo ah ganacsade suuqa magaalada Johannesburg, ayaa sheegtay inaysan arag cadaan lagu takoorayo Koonfur Afrika.

“(Trump) waxaa la rabay inuu ka yimaado Maraykanka oo uu yimaado Koonfur Afrika si uu iskiis u arko waxa ka socda, halkii uu ku kalsoonaan lahaa hadalka Elon Musk, oo aan muddo dheer dalka ku noolayn, xitaa aan xiriir la lahayn Koonfur Afrikaan-ka,” ayay tiri Ngidi.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabada Trump ee ka dhan ah Koonfur Afrika ayaa soo jiidatay indhaha caalamka, iyadoo muujisay dareen ay qabaan qaar ka mid ah dadka cadaanka ah ee Koonfur Afrika oo sheegaya inay wajahaan takoor la xiriira aargoosi laga qaadanayo nidaamkii apartheid-ka. Hoggaamiyayaashii nidaamkii apartheid-ka waxay badankood ahaayeen Afrikaaner.

Solidarity, AfriForum, iyo ururo kale ayaa si adag uga soo horjeeda sharciga cusub ee dhul-bixinta, iyagoo sheegay inuu bartilmaameedsanayo dhulka cadaanka oo muddo dheer horumarinayay.

Waxay sidoo kale dhaliilaan sharciyada luuqadda ee cusub oo ay sheegeen inuu xadidayo afkooda Afrikaans ee dugsiyada, iyadoo ay inta badan cambaareeyaan siyaasadaha fursad-siin ee ganacsiga ee Koonfur Afrika oo dhiirrigeliya dadka madow, iyagoo ku tilmaamay kuwo midab-takoor cusub ah.

“Dowladdan waxay oggolaatay in qaybo ka mid ah bulshada la beegsado,” ayuu yiri Kriel oo ka tirsan AfriForum, isagoo uga mahadceliyay Trump in uu arrinta Afrikaaner-ka ka hadlay. Laakiin Kriel ayaa sheegay in Afrikaaner-ku ay heellan yihiin inay sii joogaan Koonfur Afrika.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in sharciyada la dhaleeceeyay ay ujeeddadoodu tahay sidii loo saxi lahaa dhibaatooyinkii ka dhashay gumaysiga iyo ku dhawaad nus qarni nidaam midab-takoor ah, markaasoo dadka madow laga qaaday dhulkoodii lagana xayuubiyay xuquuqdoodii badnayd.

PUNTLAND oo ka laabatay hadalkii uu wasiirkeeda ka sheegay Reer FALASTIIN

0

Garoowe (Caasimada Onlie) – Maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si faah-faahsan uga hadlay qorshaha Israel iyo Mareykanka ay ku doonayaan in shacabka reer Gaza loogu soo raro Puntland iyo Somaliland oo ka tirsan Soomaaliya, si ay ula wareegaan Marinka Gaza.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxaa ay Puntland isaga fogeysay hadal kasoo yeeray wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Yacquub Maxamed Cabdall oo shaaciyay in ay soo dhaweynayaan qaxootiga Falastiin, isaga laakiin shuruud ka dhigay haddii ay si iskood ah uga soo tageen magaalada Gaza.

Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph in dawlad-goboleedku ay ku farxi doonto inay martigeliso qaxootiga reer Gaza, haddii ay si ikhtiyaari ah u yimaadaan.

“Marka hore, waxaan kuu sheegi karaa in Puntland ay ku taal geeska Afrika, Falastiinna ay ku taal Bariga Dhexe. Ma jirto sabab qof looga soo eryo dalkiisa loona geeyo dal kale iyadoo qofkaasi uusan dooran inuu guur”.

Laakiin wuxuu soo dhoweeyay dhaq-dhaqaaqa xorta ah. “Taasi dhib ma leh,” ayuu yiri. “Waan soo dhoweyneynaa waqtigaas, waana iyadoo la eegayo sharciga caalamiga ah.”

Wasaaradda warfaafinta ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in hadalkaasi aanu ka tarjumeynin Puntland, isla markaana uu keli ku yahay wasiirka sheegay, iyada oo sheegtay inay tahay aragtidiisa shaqsiyadeed.

Sidoo kale waxa ay wasaaraddu intaasi kusii dartay inay ixtiraameyso xuquuqda ay reer Falastiin u leeyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkooda.

“Puntland waxay ixtiraamaysaa xuquuqda reer Falastiin u leyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda, Faaladii Wasiir kuxigeenka Warfaafinta kama turjumayn aragtidada Dawlada Puntland waxay ahayd oo keliya aragtidiisa shaqsi oo keliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xogta afduub cusub oo ka dhacay biyaha Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xeebaha degmada Eyl ee gobolkaasi lagu afduubtay doon kalluumeysi.

Doontan oo laga leeyahay dalka Yemen ayaa waxaa la tilmaamaya in dabley hubeysan oo kasoo jeeda deegaannada Puntland ay xeebaha degmadaasi ku qafaasheen.

Doonta la afduubtay ayaa waxay shati kalluumeysi ka haysatay maamulka Puntland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Lama oga dhanka ay dableyda u la aaday doonta, mana jirto illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha amniga Puntland, inkasta oo saraakiisha qaar aan la hadalnay ay xaqiijiyeen dhacdadan.

Afduubkan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee noociisa ee sanadkaan ka dhaca xeebaha Puntland, ayadoo daba-yaqaadii bishii November ee sannadkii tagey ee 2024 ay aheyd markii u dambeysay ee dabley hubaysan xeebaha Puntland ku afduubtaan markab kalluumeysi.

Markabkaasi oo laga lahaa dalka Shiinaha ayaa waxaa markii dambe lagu sii daayay lacag madax-furasho ah. Waxaana la aaminsan yahay in tani ay dhiiri-gelin u noqotay afduubka kasoo cusboonaaday biyaha Soomaaliya.

Si kastaba, afduubkan ayaa muujinaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda ee biyaha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa muddo sanado ah aafeeyay burcad-badeednimo, taas oo heerkeedii ugu sarreeyay gaartay 2011, markaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in 160 weerar ka badan laga diiwaan-geliyay xeebaha Soomaaliya.