25.2 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Wasiir xagjir ah oo Muqdisho u tagtay qorshe ka dhan ah Soomaalida ku nool dalka…

Helsinki (Caasimada Online) – Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Finland, Meri Rantanen, oo ka tirsan xisbiga mayalka adag, ayaa booqasho ku tagtay Soomaaliya. Ujeedkeedu waxa uu ahaa sidii ay wada-hadallo ula yeelan lahayd mas’uuliyiinta Soomaaliya si loo helo hannaan lagu celin karo magangalyo-doonka Soomaaliyeed ee ku sugan Finland.

Arrintan ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Finland. Dad badan ayaa aaminsan in tallaabadan ay qayb ka tahay olole siyaasadeed oo lagu beegsanayo Soomaalida aan haysan sharciga degenaanshaha ee ku nool Finland.

Bayaanka, Rantanen waxa ay ku caddeysay in Finland ay rabto in ay kobciso iskaashi wax-tar leh oo ay la yeelato Soomaaliya, kaas oo dan u ah labada dal.

“Mudnaanta koowaad ee Finland waa in la dejiyo qorsheyaal wax-ku-ool ah oo la xiriira dib-u-celinta iyo horumarinta iskaashiga Soomaaliya ee arrimahaas la xiriira. Tani waxa ay ka dhigan tahay in Xisbiga mayalka adag ee Finland uu helayo hannaan uu dib ugu celin karo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee magangalyo-doonka ah ee ku sugan Finland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Intaas beddelkeeda, dawladda Finland waxa ay dib u bilaabi doontaa barnaamijkeeda horumarineed ee labada geesoodka ah ee Soomaaliya, kaas oo hore u joogsaday ka dib go’aankii Wasiirka Ganacsiga Dibadda iyo Horumarinta, Ville Tavio, oo isaguna ka tirsan isla Xisbiga (Finns).

Wasiirku waxa uu iftiimiyay in iskaashiga horumarineed uu shardi ku yahay in waddamadu ay oggolaadaan in ay dib u soo celiyaan muwaadiniintooda marka ay Finland codsato.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Facebook ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mooyee, dawladda Soomaaliya weli ma soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan booqashada Wasiiradda Arrimaha Gudaha Finland iyo in ay jiraan wax wada-hadallo ah oo ku saabsan qorshaha dib-u-celinta muwaadiniinta.

Wasiiraddu waxa ay la kulantay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.

Tirada saxda ah ee dadka aan sharciga ku joogin Finland si cad uma cadda, laakiin waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 3000-6000 oo qof sida ay sheegtay Hay’adda Qaxootiga ee Finland. Soomaalida aan haysan sharciga degenaanshaha ee ku sugan Finland waxa lagu qiyaasaa 100-200 oo qof.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa rumaysan in tiradan yari aanay culays ku ahayn nidaamka dawladda iyo bulshada ee Finland. Waxay aaminsan yihiin in ujeeddada hadda loo soo qaaday arrintan Soomaaliya ay tahay oo keliya in lagu xoojiyo ololaha Xisbiga Finns ee doorashooyinka ismaamulada iyo degmooyinka ee soo socda ee dhici doona bisha April 2025.

Riikka Purra, Guddoomiyaha Xisbiga mayalka adag ee Finland, ahna Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas, ayaa soo dhaweysay hindisaha Rantanen ee ah in la helo hannaan lagu celiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan sharciga haysan ee ku sugan Finland, loona celiyo Soomaaliya.

Waxayna qoraal ay soo dhigtay barta X (Twitter-ka) ku tiri: “Wasiiradda Arrimaha Gudaha Rantanen ayaa booqasho ku tagtay Soomaaliya. Horumarinta qorshaha dib-u-celinta awgeed. Iskaashigii horumarineed ee laba-geesoodka ahaa ee Barnaamijka Soomaaliya waa uu hakaday sababtoo ah qorshihii dib-u-celinta oo aan sidii la rabay u shaqeyn.”

Sebastian Tynkkynen, oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Yurub kana mid ah Xisbiga Finns, kaas oo caan ku ah hadalladiisa dhaleeceynta ah ee ka dhanka ah soo-galootiga, gaar ahaan Soomaalida ku nool Finland, ayaa isna ammaanay isku dayga Rantanen ay ku doonayso inay ku hesho hab lagu celiyo magangalyo-doonka ka yimid Soomaaliya ee aan haysan magangalyada ama ogolaanshaha degenaanshaha Finland.

Tynkkynen ayaa yiri: “Mari waxay booqatay Soomaaliya si ay u horumariso qorshaha dib-u-celinta Soomaalida ee dalkooda hooyo. Waa haweeney wax qabad dhab ah muujisay.”

Falanqeeyayaasha Finland waxay ku tilmaameen booqashada Wasiiradda Rantanen ee Soomaaliya inay tahay farsamo ay ku hormarinayso xisbigeeda doorashooyinka ismaamulada iyo degmooyinka ee soo socda, iyada oo isku dayaysa inay ku kasbato cod-bixiyeyaal dheeraad ah.

Xisbiga Finns wuxuu hore uga faa’iidaystay faafinta warar aan sax ahayn oo ku saabsan soo-galootiga ku nool Finland, isaga oo ku tilmaamay kuwa culays ku haya bulshada Finnishka iyo kuwo ku tiirsan canshuur bixiyayaasha. Waxay arrimaha xuquuqda aadanaha iyo arrimaha bani’aadamnimada ka dhigeen kuwo siyaasadeysan.

CIA-da oo sii daysay sir xasaasi ah oo ku saabsan arrin caalamku ku wareersanaa

Langley (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa muddo sanado ah ku adkaysanaysay in aanay haysan xog ku filan oo lagu go’aamin karo in xanuunkii safmarka ahaa ee COVID-19 uu si dabiici ah uga dhashay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, ama inuu si kama’ ah uga soo baxay shaybaar cilmi-baaris oo halkaas ku yaalla.

Hase yeeshee, hay’addu waxay soo saartay qiimayn cusub toddobaadkan, iyadoo falanqeeyayaashu ay sheegeen in ay hadda aaminsan yihiin in fayrasku uu ka soo baxay shaybaarka.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in aanay jirin xog sirdoon oo cusub oo ka dambaysa isbeddelka hay’adda. Balse, waxa ay ku salaysan tahay isla caddeymihii ay bilihii la soo dhaafay baaritaan ku hayeen.

Si kastaba ha ahaatee, falanqayntan ayaa qayb ahaan ku salaysan in si dhow loo eegay xaaladihii ka jiray shaybaarada ammaankoodu aadka u sarraysnaa ee ku yaallay gobolka Wuhan ka hor intii aanu cudurku dillaacin, sida ay sheegeen dad xog-ogaal u ah shaqada hay’adda.

Afhayeen u hadashay hay’adda ayaa sheegtay in aragtida kale ay wali tahay mid macquul ah, ayna hay’addu sii wadi doonto qiimaynta xog kasta oo sirdoon oo cusub oo la isku hallayn karo.

Qaar ka mid ah saraakiisha Maraykanka ayaa sheegaya in dooddani aanay wax badan ka beddelayn xaqiiqda: Dowladda Shiinaha ayaa ku guuldarraysatay inay nidaamiso suuqyadeeda ama ay kormeer ku samayso shaybaaradeeda. Laakiin kuwa kale waxay ku doodayaan in ay tahay arrin muhiim ah oo xagga sirdoonka iyo sayniska ah.

John Ratcliffe, oo ah agaasimaha cusub ee CIA, ayaa muddo dheer taageersanaa aragtida ah in fayrasku uu ka soo baxay shaybaarka. Wuxuu sheegay in ay tahay xog sirdoon oo muhiim ah oo u baahan in la fahmo, ayna saamayn ku leedahay xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha.

Ku dhawaaqista isbeddelkan ayaa timid wax yar kaddib markii Mr. Ratcliffe uu u sheegay wargeyska Breitbart News in aanu mar dambe doonayn in hay’addu “ka aamusto” doodda ku saabsan halka uu ka soo bilowday safmarka COVID-19.

Mr. Ratcliffe ayaa muddo dheer sheegayay in uu rumaysan yahay in fayrasku ay u badan tahay in uu ka soo baxay Machadka Wuhan ee Virology.

Saraakiisha ayaa sheegay in hay’addu aanay ra’yigeeda u weecinaynin madax cusub, ayna qiimaynta cusub ay muddo soo socotay.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay ee maamulka Biden, Jake Sullivan, oo ah La-Taliyaha Amniga Qaranka, ayaa amar ku bixiyay in dib u eegis cusub oo sir ah lagu sameeyo halka uu ka soo bilowday safmarka.

Qayb ka mid ah dib-u-eegistaas, agaasimihii hore ee hay’adda CIA, William J. Burns, ayaa u sheegay falanqeeyayaasha in ay u baahan yihiin in ay mowqif ka qaataan halka uu COVID ka soo bilowday, in kasta oo uu sheegay in aanu isagu midna taageersanayn, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka.

Sarkaal kale oo sare oo Maraykan ah ayaa sheegay in ay ahayd go’aanka Mr. Ratcliffe in uu xogta sirta ka qaado oo uu sii daayo falanqaynta cusub.

Tan iyo markii uu dillaacay safmarka, waxaa jiray su’aalo la iska waydiinayo in labada shaybaar ee coronavirus-ka ku baarayey magaalada Wuhan ay si adag u raaceen hab-maamuuska badbaadada iyo in kale.

Hay’addu waxay qiimaynteeda cusub ku samaysay “kalsooni hoose,” taasoo macnaheedu yahay in xogta sirdoon ee ka dambaysaa ay tahay mid aan dhammaystirnayn oo goos-goos ah.

Xitaa iyadoo aanay jirin xog adag, haddana aragtida sheegaysa in fayrasku uu ka soo baxay shaybaar ayaa taageero ka helaysa hay’adaha sirdoonka. Laakiin falanqeeyayaasha qaarkood ayaa su’aal ka keenay xikmadda ku jirta in mowqif la beddelo iyadoo aanay jirin xog cusub.

Saraakiishii hore ayaa sheegaya in aanay diiddanayn baaritaan cusub oo lagu sameeyo xogta sirdoonka ee la xiriira halka uu COVID ka soo bilowday oo uu sameeyo maamulka Trump. Madaxweyne Biden ayaa amar ku bixiyay dib u eegis cusub oo lagu sameeyo xogta sirdoonka horraantii xilligiisa kaddib markii saraakiisha ay u sheegeen Aqalka Cad in ay hayaan xog aan weli la baadhin.

Mr. Ratcliffe ayaa walaac ka muujiyay siyaasadaynta hay’adaha sirdoonka. Mr. Ratcliffe, oo ahaa agaasimaha sirdoonka qaranka ee maamulkii koowaad ee Trump, ayaa qormo uu ku qoray Fox News sanadkii 2023 ku dooday in CIA aanay doonayn in ay taageerto aragtida ah in fayrasku uu ka soo baxay shaybaar si ay uga fogaato dhibaatooyin dhanka geopolitics-ka ah oo soo wajaha maamulka Biden.

“Dhibaatada dhabta ah ayaa ah, qiimaynta keliya ee ay hay’addu samayn karto – taasoo ah in fayras dilay in ka badan hal milyan oo qof oo Maraykan ah uu ka soo bilowday shaybaar ay maamusho Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP) kaas oo cilmi-baaristiisa ay ku jirtay shaqo loo hayay milatariga Shiinaha – waxay leedahay saamayn aad u wayn oo dhanka geopolitics-ka ah oo uusan maamulka Biden doonayn in uu si toos ah u wajaho,” ayuu ku yiri qormadaas, oo uu la qoray Cliff Sims, oo ka mid ahaa kaaliyeyaashiisa sare.

Senatarka Tom Cotton, oo ah Jamhuuri ka soo gala gobolka Arkansas, ahna guddoomiyaha cusub ee Guddiga Sirdoonka ee Aqalka Senate-ka, ayaa muddo dheer sheegay in uu u malaynayo in safmarku uu ka soo bilowday mid ka mid ah shaybaarada Wuhan, wuxuuna ammaanay isbeddelka ku yimid go’aanka hay’adda.

“Hadda waxa ugu muhiimsan waa in Shiinaha laga dhigo in uu bixiyo magdhowga cudurka uu ku sii daayay adduunka,” ayuu yiri Mr. Cotton.

Mr. Ratcliffe ayaa sheegay Khamiistii, markii la dhaariyay, in baaritaanka halka uu COVID ka soo bilowday ay tahay mudnaanta “Maalinta 1-aad”.

“Waxaan u malaynayaa in sirdoonkeena, sayniskeena iyo caqligeena saliimka ah ay dhammaantood muujinayaan in asalka COVID uu ahaa likitaan ka dhacay Machadka Wuhan ee Virology,” ayuu u sheegay Breitbart.

 “Laakiin CIA ma aysan samayn qiimayn taas ah ama ugu yaraan si fagaare ah uma aysan sheegin qiimayntaas. Marka waxaan diiradda saari doonaa arrintaas oo aan eegi doonaa xogta sirdoonka, waxaanan xaqiijin doonaa in dadweynuhu ay ogaadaan in hay’addu ay ka baxayso aamusnaanta.”

Saraakiisha sirdoonka ee sarsare ee maamulka Biden ayaa difaacay hab-raacooda iyo qaab-dhismeedkooda shaqo. Waxay sheegeen in aanay jirin xog sirdoon oo la qariyay, waxayna ku adkaysteen in siyaasaddu aanay wax door ah ku lahayn falanqayntooda.

Saraakiishan ayaa sheegaya in ay jiraan dooddo macquul ah oo xooggan oo taageeraya labada aragtiyood ee ah in fayrasku ka soo baxay shaybaar iyo in uu si dabiici ah ku abuurmay, balse aanay jirin xog sirdoon oo go’aan kama dambays ah ka gaadhi karta labada dhinac midkoodna.

Si loo xoojiyo aragtida sheegaysa in fayrasku uu si dabiici ah ku abuurmay, saraakiisha sirdoonka waxay jeclaan lahaayeen in ay helaan xayawaankii u gudbiyay bini’aadamka ama ay helaan fiidmeer sidday fayraskii asalka u ahaa coronavirus-ka sababa COVID.

Sidoo kale, si loo xaqiijiyo in fayrasku uu ka soo baxay shaybaar, hay’adaha sirdoonka waxay jeclaan lahaayeen in ay helaan caddeyn muujinaysa in mid ka mid ah shaybaarada Wuhan uu ka shaqaynayay fayras awoowe u ah midka si toos ah u horseeday cudurka.

Midkoodna caddeymahan lama helin.

Laakiin Mr. Ratcliffe wuxuu ballan-qaaday CIA ka firfircoon, waxaana suurtogal ah in uu amro tallaabooyin dheeraad ah oo lagu dhex galo shaybaarada Wuhan ama dowladda Shiinaha si loo raadiyo xog dheeraad ah.

Ma noqon doonto sir fudud in la soo helo. Saraakiisha sarsare ee dowladda Shiinaha ma oga, mana rabaan in ay ogaadaan, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka. Marka haddii ay jirto xog sirdoon, waxay u badan tahay in ay ku qarsoon tahay meel ay adag tahay in la gaaro.

Saraakiisha sirdoonka ee la waraystay toddobaadyadii u dambeeyay ayaa sheegaya in ay suurtogal tahay in caddeyn noocaas ah ay ku jirto shaybaar ku yaal Shiinaha, ugu yaraan aragti ahaan. Laakiin, waxay yiraahdeen, waxay weli u badan tahay in jawaabaha su’aalaha ku saabsan asalka fayraska ay ka imaan doonaan horumar dhanka sayniska ah, ee aysan ka imaan doonin xog sirdoon oo la helay.

Intii lagu jiray maamulkii Biden, hay’adaha sirdoonka ayaa u janjeeray dhanka aragtida ah in fayrasku uu ka yimid suuqa. Laakiin saraakiisha ayaa si fudud u qirtay in aysan ahayn arrin la hubo.

Shan hay’adood, oo ay ku jiraan Guddiga Sirdoonka Qaranka iyo Hay’adda Sirdoonka Difaaca, ayaa qiimeeyay in soo-gaarista dabiiciga ah ay u badan tahay in ay sababtay cudurka. Laakiin waxay sheegeen in ay kalsooni hoose oo keliya ku qabaan qiimayntooda.

Ilaa hadda, laba hay’adood, FBI-da iyo Waaxda Tamarta, ayaa u maleeyay in fayrasku uu ka soo baxay shaybaar. Laakiin aragtiyahoodu way kala duwan yihiin. FBI-du waxay rumaysan tahay in fayrasku uu ka yimid Machadka Wuhan ee Virology. Waaxda Tamarta waxay taageertay shaybaar kale, Xarunta Wuhan ee Xakamaynta Cudurrada.

Saraakiisha ayaan sheegin in CIA ay aaminsan tahay in mid ka mid ah labada shaybaar uu yahay isha ugu macquulsan ee fayraska.

 

Maxay Masar ka tiri qorshaha Trump ee dadka Gaza loogu rarayo Masar iyo Urdun?

0

Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa Axaddii si adag u diidday qorshaha barakicinta qasabka ah ee shacabka Falastiin, kaddib markii madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu soo jeediyay qorshe lagu “nadiifinayo” Marinka Gaza, dadka ku noolna loo rarayo dalalka Masar iyo Urdun.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay “sii wadayso taageerada ay u hayso adkaysiga iyo halganka shacabka Falastiin ee dhulkooda”.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Masar waxay diiddan tahay ku xad-gudub kasta oo lagu sameeyo xuquuqdaas aan laga gorgortami karin, ha ahaato mid deegaamayn lagu samaynayo dhulka, dhul boob ah, ama in dadka asal ahaanba dhulkaas u dhashay laga qasbo inay ka baxaan, iyadoo la adeegsanayo barakicin, dhiirrigelinta raritaan qasab ah, ama in Falastiiniyiinta laga rujiyo dhulkooda, ha ahaato si ku-meel-gaar ah ama mid joogto ahba”.

Trump, oo hadlayay kaddib 15 bilood oo dagaal ah, ayaa sheegay in Gaza ay isku beddeshay “goob burbur”, wuxuuna yiri “waxaan jeclaan lahaa in Masar ay qaabisho dadka, sidoo kale Urdun ay iyana qaabisho qaar.”

Waxa uu intaa ku daray in dadka ku nool Gaza loo rari karo “si ku-meel-gaar ah ama si joogto ah.”

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas bishii October ee sanadkii 2023-kii, labada dal ee deriska la ah Falastiin ayaa si isdaba joog ah uga digayay qorshayaal lagu doonayo in Falastiiniyiinta Gaza looga raro Masar, halka kuwa Daanta Galbeedna loo masaafurinayo Urdun.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa isna ku raacay hadalka Masar, wuxuuna Axaddii sheegay in “barakicinta qasabka ah iyo ka erinta dadka dhulkooda hooyo ay tahay isir sifayn.”

“Tallaabooyinkii hore ee lagu doonayay in shacabka Falastiin looga rujiyo dhulkooda, ha ahaato barakicin, dhul boob ama deegaamayn ballaarin, waxaa la xaqiijiyay inay fashilmeen,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay urur goboleedka.

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, oo Trump sheegay inuu la hadli doono Axaddii, ayaa marar badan ka digay in barakicintani ay ujeedkeedu tahay “in meesha laga saaro himilada iyo qaddiyadda dowladnimada Falastiin.”

Al-Sisi ayaa qorshahan ku tilmaamay “khad cas” oo khatar weyn ku ah amniga qaranka ee Masar.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa Axaddii ugu baaqday dhinacyada ay khusayso inay dhaqan geliyaan “xalka labada dowladood,” kaas oo Qaahira ay sheegtay in ay noqon doonto mid aan suuragal ahayn haddii Falastiiniyiinta laga saaro dhulalkooda.

NISA oo gacanta ku dhigtay gawaari sahay u siday Shabab

0

Cadaado (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada NISA, qaybtooda Galmudug ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday gawaari u socday Al-Shabaab.

Illaa laba gaari oo shidaal iyo agabyo kale u waday kooxda ayaa lagu qabtay aagga degmada Baxdo, sida ay innoo xaqiijiyeen waredyo xilkas ah

Labada gaari iyo raggii waday ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa loo gudbiyay dhinaca taliska Nisa degmada Cadaado ee isla gobolka Galgaduud.

Sidoo kale saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa sheegay in haatan baaris ku hayaan gaadiidka la qabtay iyo sidoo kale ragga la socday, si loo ogaado xogtooda.

Ciidamada iskaashanaya ayaa weli howlgallo culus ka sii wada aagga degmada Wasil, kuwaas oo lagu beegsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaannada ay kaga sugan Galgaduud iyo Mudug.

Si kastaba, maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa haatan wajahay culeys ugu xoogganaa oo uga imaanaa xagga dowladda iyo saaxibada caalamiga ah oo kordhigay dagaalka.

Sawirro: Shir xasaasi ah oo laga yeeshay amniga Xamar

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay guddoomiyay shir xasaasi ah oo ka dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kaas oo diiradda lagu saaray amniga caasimada.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar, Taliyeyaasha qeybta guud ee Booliska iyo Nabad sugida G/Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa Saldhigyada.

Ugu horreyn duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hey’addaha amniga oo la wadaagay qorshahooda amniga iyo natiijada laga gaaray howlgalladii u dambeeyay.

Dhankiisa guddoomiye Amiir oo madasha ka hadlay ayaa boogaadiyay guulaha laga gaaray amniga ay ku naaloonayaan bulshada Gobolka Banaadir, waxa uuna faray laamaha amniga iyo maamullada degmooyinka in la sii xoojiyo wada-shaqeynta guud si looga hortago wax weliba oo liddi ku ah amniga daasimada.

Sidoo kale waxaa shirkaan looga hadlay sare u qaadida nadaafada iyo bilicda caasimada, dar-dargelinta dakhli aruurinta, u diyaar garowga xilli roobaadka, si looga sii gaashaanto.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa kula dar-daarmay saraakiisha iyo maamullada degmooyinka in ay si hufan oo ay ku jirto daacadnimo iyo Alla ka cabsi ay u gutaan waajibaadka loo igmaday isla markaana la iskula xisaabtami doono mas’uuliyada shacabka.

Si kastaba, Xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa haatan deggan, waxaana alaaba howlgallo joogto ah ka sameeya ciidamada booliska Soomaaliya iyo kuwa xasilinta caasimada ee Boolis Milataari oo fariisimo ka sameystay gudaha iyo daafaha caasimada.

Daawo: Wasiir si adag uga jawaabay hadalkii Celi Jeyte ee beesha Gaaljecel xanuujiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa si adag uga jawaabay hadalkii shalay ka soo yeeray Cali Jeyte oo ah hoggaamiyaha ciidamada macawiisley u qaabilsan xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel ayaa sheegay in hadalkii Cali Jeyte uu xagal-daacinayo howlgalka.

“Cali Jeyte wuxuu yiri cid kasta oo deegaanada Shabaab joogaan loogu tago waa argagixiso, hadalkaas waxaa ka muuqata xagjirnimo,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji.

Sidoo kale, wasiirka ayaa u cudur daaray Cali Jeyte, wuxuuna sheegay in hadafka uu ka kala hadalkaas uu fahmi karo “Ujeedka hadalka Cali wuxuu ahaa inay kacaan dadka jooga meelaha ay Shabaab ku dambeeyaan oo dagaalamaan,” ayuu yiri.

Wasiirka oo baaq u diray masuuliyiinta hormuudka u ah bulshada ayaa yiri, “Cidda kaliya ee hadalada xanafta leh ay fursadda siinayaan waa Khawaarijta, masuuliyiinta waxaan ugu baaqayaa inay ka fiirsadaan hadallada xanafta leh, ee qabaa’ilka isku diraya.”

Sidoo kale, Wasiir Cali Xaaji ayaa qiray in Sanbaloolshe uu saxay qaladkii Cali Jeyte, “Ma ahayn hadal qabta dadka dhibanayaasha u ah Khawaarijta, balse isla goobtii ayaa lagu saxay, marka waa in laga socdaa, lagana taxadaraa waxyaabaha noocaas ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay in beeshiisa Gaaljecel ay diyaarisay ciidan ku filan xoreynta deegaanada beesha, kuwaas oo garab ka heli doona dowladda federaalka, sida uu sheegay.

Xalay hadalka Cali Jeyte waxaa sidaan si ka adag uga jawaabay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel, wuxuuna sheegay in Cali Jeyte uu khatar ku yahay Hooyadiis iyo Aabihiis oo jooga deegaanada Shabaab maamulaan, isla markaan aan la shaqeyn kooxda.

Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa shalay Buuloburde ka sheegay in dadka jooga goobaha ay Shabaab maamulaan ay yihiin Shabaab kale, balse Taliyaha NISA Sanbaloolshe oo garab taagnaa ayaa qaladkaas saxay, wuxuuna qiray inay jiraan dad shacab ah oo kooxdaas aan la shaqeyn, lana dagaalami doona hadii laga dul kiciyo.

Hoos ka daawo wareysiga Wasiir Cali Xaaji uu siiyey Somali Cable

Somalia iyo Masar oo maanta ku dhawaaqay qorshe ka cusub howlgalka AUSSOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka farsamada ah oo ay la yeelatay Jamhuuriyadda Carabta Masar, kuwaas oo ku saabsan qorshaha ka qeyb galka Ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM.

Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa caddeysay ka go’anaashaheeda taageerada Dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogtahay doorka Masar ay ka qaadan karto ciribtirka Khawaarijta, waxayna ka rajaynaysaa inay gacan ka geystaan ​​si lamid ah dalalka kale ee saaxiibka la ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda.

Sarkaal ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta Qaahira ku saxiixay heshiiska bilaabidda qorshaha ugu dambeeya howlgalka.

Ciidamada Masar ayaa lagu wadaa in toddobaadyadaan lagu soo daabulo Soomaaliya, kani waa go’aan dhibaya Itoobiya oo walwal badan ka qabta in Masar ay awood militeri ku yeelato Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore tegay Qaahira kadib casuumad uu ka helay dhiggiisa Masar, waxayna kala saxiixdeen heshiis kale oo miisaan culus leh.

Heshiiskaas ayaa qeexayey istaraatiijiyad rasmi ah oo iskaashi amni ah, sidoo kale waxaa horay u jiray heshiis iskaashi oo seddax geesood ah oo ka dhexeeya Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

Dhaqdhaqaaqa ay Soomaaliya ka wado gobolka Geeska Afrika waa mid ruxaya qalbiyada Itoobiyaanka oo khatar amni ka dhex arka, maadaama Masar, Eritrea iyo xittaa Soomaaliya ay cadow u arkaan Itoobiya.

Iyadoo uu taagan yahay qorshe ay Soomaaliya garab militeri ugu raadsaneyso la dagaalanka argagixisada, maadaama uu dhamaaday howlgalkii ATMIS, ayaa hadana waxaa gobolka xiisad ka abuuray damacii oo if-baxay bilowgii 2024 ee Itoobiya ay dooneysay inay ku dhacdo badda Soomaaliya.

Tiirka ay xilligaan ku taagan tahay Daacish iyo laba arrin oo la gudboon Saciid DENI

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa horraantii sanadkaan bilaabay dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Daacish oo inta badan saldhigatay buuraha gobolka Bari.

Howl-galladii u dambeeyay ee lagu qaaday kooxda ayaa waxaa soo baxeysa in lagama maarmaan tahay in xididda loo siibo tiirarka ay xilligaan ku taagan tahay kooxda, taas oo ugu muhiimsan yahay dhanka sirdoonka ama waxa ay ugu yeeraan amniyaatka.

Khubarada amniga ayaa qaba in dagaalka nuxurkiisa ee kooxdan lala galo ay tahay midka sirdoon, maadaama ay kooxda unugyo qarsoon horey ugu beertay qaar kamid magaalooyinka gobolka Bari oo ugu horreyso Boosaaso.

Sida shalay dhacday guri ku yaalla magaalada Boosaaso ayey laamaha amniga ugu tageen qaraxyo iyo hub kale oo culus, kaasi oo uu deganaa nin ajnabi ah oo ciidanka toogteen xilli uu qarax miino ah ku aasayay waddo muhiim ah oo ku taalla Boosaaso.

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa haatan horyaalla inay shaqo adag ka qabato unugyada sirdoon ee daadsan magaalooyinka Carmo iyo Boosaaso, iyadoo sirdoon dharcad ah lagu daadinayo, si looga hortago weeraro aargoosi, islamarkaana xididda loogu siibo tiirka ugu adag ee kooxda ku leedahay gudaha maamulka.

Sidoo kale waxaa khubarada amni ku talinayaan in magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo kamid yihiin lagu wada xiro kamaaradaha qarsoon ee loo yaqaan CCTV, iyadoo qulqulka ajaanibta la xakameynayo, maadaama dagaal-yahaanada u badan ee kooxda ay yihiin ajaanib.

Inta madaxweyne Saciid Deni uu isku hawlayo buuraha in ka badan waa inuu isku hawlaa Boosaaso iyo magaalooyinka kale ayey leeyihiin khubarada amniga, oo ku talinayay in sirdoonka Puntland uu door muhiim ah ka qaato dagaalka socda.

Indha-Cadde oo caddeeyay mowqifkiisa dib u dhisidda ciidanka badbaado qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo kamid ah saraakiiisha Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo qaylo dhaanta mucaaradka.

Jeneraal Indha Cadde oo wareysi gaar ah siiyay Radio Kulmiye ayaa marka hore ka hadlay qorshaha mucaaradka ee ku aadan dib u dhisidda bad-baado qaran 2 oo ay ku goodiyeen iay ku wajahayaan madaxweyne Xasan, haddii aanu dhexda soo dhigin doorashada.

Yuusuf Indha Cadde ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aanu qayb ka noqon doonin qorshahahaasi, isla markaana aanu qoray u qaaday doonin Xasan Sheekh iyo dowladdiisa.

“Xasan Sheekh haddii uu doorasho qof iyo cod ah qabanaayo iyo haddii ma aragtay ku guuleysanaayo ama ku guul dareysanaayo aniga hadda aragtideyda iyo waxa aan ka qabo waa wax kale, laakiin qoray maya” ayuu yiri Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad ”Indha Cadde

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Hadda muxaafad ma’ihi, mucaaradna kuma ihi dowladdaan waxaan ahay nin Soomaali ah oo janan ah oo ka tirsan ciidamada qalabka sida”

Jananka ayaa xusay in aanu mucaarad noqon doonin, haddii uu qoray uu qaadanayo kaliya uu la dagaalamayo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Aniga marna lagama yaabo inaan qoray qaato, haddii aan qoray qaadanaaayo halkaas iyo Al-Shabaab diyaar ayaan u ahay inaan la dagaalamo, laakiin inaan Xasan Sheekh iyo inaan qoray u qaato diyaar uma ihi inaan mucaarad galana diyaar uma ihi” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladda siyaasadeed ee dalka ay kacsan tahay, isla markaana madaxda dowladda, qaar kamid ah maamullada dalka iyo mucaaradka ay isku khilaafsan yihiin sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya.

TRUMP oo wada qorshe xasaasi ah oo dadka GAZA loogu rarayo laba dal kale

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Sabtidii soo bandhigay qorshe uu ku tilmaamay mid “lagu nadiifinayo” Gaza, isagoo sheegay inuu doonayo in Masar iyo Urdun ay qaataan dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool deegaankaas, taas oo uu sheegay in ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta oo ka dhalata Bariga Dhexe.

Trump, oo Gaza ku sifeeyay “goob burbur xooggan uu ka muuqdo” kaddib dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamas, ayaa shaaca ka qaaday inuu arrintan kala hadlay Boqorka Urdun, Cabdalla II, isla markaana uu rajeynayo inuu Axadda maanta ah la xiriiro Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi.

“Waxaan jeclaan lahaa in Masar ay qaadato dadka. Sidoo kale, waxaan jeclaan lahaa in Urdun ay dadka qaadato,” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha isagoo la socday diyaaradda Air Force One.

“Waxaan ka hadlaynaa qiyaastii hal milyan iyo bar qof, waxaan dooneynaa inaan gebi ahaanba meeshaas ka sifeyno khilaafaadka. Waad ogtihiin, qarniya badan waxaa ka dhacayay iska hor imaadyo isdaba joog ah. Marka, waxaan qabaa in tallaabo degdeg ah loo baahan yahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Inta badan 2.4 milyan oo qof ee ku nool Gaza ayaa ku barakacay, marar badan, dagaalka oo ka dhashay weerarkii Xamas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii October, 2023-kii.

Trump waxa uu sheegay in dadka reer Gaza dib u dejin loo sameyn karo “si ku-meel-gaar ah ama mid waqti dheer ah.”

“Xilligan la joogo, waa goob gebi ahaanba burbursan, dhismayaashii way dumeen, dadkuna way ku dhimanayaan,” ayuu yiri. “Marka, waxaan doorbidayaa inaan arrintan kala kaashado qaar ka mid ah dalalka Carabta, isla markaana aan guryo uga dhisno meel kale oo ay nabad gelyo ugu noolaan karaan, si isbeddel loo helo.”

Xabad-joojin iyo heshiis maxaabiis is-dhaafsi ah oo dhex maray Israa’iil iyo Xamas – kaas oo la saxiixay maalintii ugu dambeysay ee maamulkii Madaxweyne Joe Biden, balse uu Trump sheeganayo inuu isagu hormuud ka ahaa – ayaa gashay toddobaadkii labaad.

– Hub loo fasaxay Israa’iil –

Maamulka cusub ee Trump ayaa ballanqaaday “taageero aan kala go’ lahayn” oo uu siinayo Israa’iil, iyadoo aan weli la shaacin faahfaahinta qorshaha maamulkiisa ee ku aaddan siyaasadda Bariga Dhexe.

Trump waxa uu Sabtidii xaqiijiyay inuu faray Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka (Pentagon) inay fasaxdo shixnad hub ah oo ka kooban bambooyin culeyskoodu yahay 2,000-lb oo loogu talagalay Israa’iil, taas oo uu hor istaagay Madaxweynihii isaga ka horreeyay, Biden.

“Waan fasaxnay. Maanta ayaan fasaxnay,” ayuu yiri Trump. “Kharashkooda way bixiyeen, muddo dheerna way sugayeen.”

Duqeymaha aargoosiga ah ee Israa’iil ayaa burbur laxaad leh gaarsiiyay dhulka Falastiin, iyadoo ay burbureen kaabayaashii asaasiga ahaa, waxaana Qaramada Midoobay ay ku qiyaastay in dib-u-dhiska uu qaadan doono sannado badan.

Bishii October, xilligii uu ku guda jiray ololihiisii doorashada madaxtinimada, Trump ayaa sheegay in Gaza oo dagaal uu halakeeyay ay “ka qurux badnaan karto Monaco” haddii “si habboon dib loogu dhiso.”

Wiilka uu soddogga u yahay Trump, isla markaana horey uga soo mid noqday shaqaalaha Aqalka Cad, Jared Kushner, ayaa bishii Febraayo soo jeediyay in Israa’iil ay dadka rayidka ah ka daadgureyso Gaza si looga faa’iideysto fursadaha dhaqaale ee ka jira “dhulka xeebta ku teedsan.”

Dhanka Falastiiniyiinta, isku day kasta oo looga rarayo Gaza wuxuu dib u xusuusin doonaa dhacdooyin murugo leh oo taariikhda ku suntan, kuwaas oo ay Carabtu ugu yeeraan “Nakba” ama masiibo – barakacii ballaarnaa ee Falastiiniyiinta xilligii la dhisayay Israa’iil 75 sano ka hor.

Israa’iil ayaa beenisay inay hayso wax qorshe ah oo ay dadka reer Gaza ugu qasbeyso inay ka baxaan deegaankooda.

Hase yeeshee, qaar ka mid ah xubnaha xag-jirka ah ee ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa si cad u taageeray fikradda ah in dadka reer Gaza ay si ballaaran uga baxaan dhulka Falastiin.

Mukhtaar Maxamed Shariif oo lagu xukumay xabsi 17 sano ah kadib dhacii $250 milyan

Minneapolis (Caasimada Online) – Mukhtaar Maxamed Shariif, oo udub-dhexaad u ahaa qorshihii dhaca hantida dadweynaha ee ugu baaxadda weynaa taariikhda Mareykanka ee la xiriira COVID-19, ayaa Jimcihii lagu xukumay 17 sano iyo bar oo xabsi ah, xukunkaas oo ah mid ka mid ah kuwa ugu culus ee kiiskan ilaa iyo hadda.

Shirqoolka dhaca hantida dadweynaha ee barnaamijka “Feeding Our Future” oo lagu qiyaasay $250 milyan, ayaa lacagihii loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta baahan u weeciyay dhanka iibsiga gawaarida raaxada, hantida ma-guurtada ah, iyo maalgashiyo dibadeed.

Toddoba toddobaad oo maxkamadeyn ah oo ka dhacday Maxkamadda Federaalka ee Degmada Minneapolis bishii Juun 2024, taas oo ay guddoominaysay Garsoore Nancy E. Brasel, ayaa Mukhtaar Shariif lagu helay dambiyada afar eedeymood oo kala ah: shirqoolista fal-dambiyeed xagga isgaarsiinta ah, fal-dambiyeed xagga isgaarsiinta ah, shirqoolista been xalaaleyn lacag, iyo fal-dambiyeed been xalaaleyn lacag.

“Inaan ogaado in ficilladaydu ay wax u dhimi karaan sumcadda bulshadaas, ayna xitaa kicin karaan aragtiyo taban oo ku saabsan isla bulshadaas, waa culeys weyn oo aan xambaarsanahay,” ayuu yiri Mukhtaar isagoo ilmaynaya.

Si kastaba ha ahaatee, raalligelintiisa shucuurta leh wax badan kama beddelin mowqifka Garsooraha Federaalka ee Nancy Brasel.

“Markii dunidu ay ku jirtay xaaladdii ugu nugleyd, ma aadan ahayn gargaare; waxaad ahayd tuug,” ayay tiri Garsoore Brasel, iyadoo carrabka ku adkeysay “ixtiraam-darrada baaxadda leh ee uu Mukhtaar u hayo sharciga.”

Garsooraha ayaa ku dhawaaqday xukunka 210-ka bilood ah, oo ay ku jiraan saddex sano oo sii-deyn kormeer leh iyo waajib ah inuu bixiyo magdhow dhan $48 milyan oo dollar.

Taageerayaasha Mukhtaar, oo in ka badan 100 ka mid ah ay buux-dhaafiyeen qolka maxkamadda iyo goobaha ku teedsan, ayaa si shucuur leh uga falceliyay xukunka 210-ka bilood ah.

Qaarkood waa ay ooyeen, halka kuwa kalena ay muujiyeen caro. Nin ayaa ku dhawaaqay, “Caddaalad ma jirto,” taasoo ku kalliftay garsooraha inay dalbato nidaam iyo kala dambeyn.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sidoo kale ku eedeeyeen inuu carqaladeeyay caddaaladda, isagoo tirtiray barnaamijka Signal-ka oo duubay marag-furka goob-joogayaasha intii ay socotay maxkamadeyntiisa. Garsoore Brasel ayaa ficilladiisa, oo ay ku jirto inuu wax ka ogaa faragelinta xeer-beegtida, ku tilmaantay “ixtiraam-darro aan hore loo arag oo loo hayo sharciga.”

Barnaamijka “Feeding Our Future” oo ay maamusho Waaxda Beeraha ee Mareykanka ayna fuliso Waaxda Waxbarashada ee Minnesota, ayaa lacagaha ku celin jiray ururada kafaala qaada, iyadoo lagu saleynayo tirada cuntada la bixiyay.

“Feeding Our Future”, oo ah urur aan faa’iido doon ahayn oo kafaala qaaday goobo ay ka mid yihiin kuwa Mukhtaar, ayaa door weyn ka ciyaaray fududeynta sheegashooyinka been abuurka ah iyagoo ku beddelanayay lacago laaluush ah.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in Mukhtaar iyo saaxiibbadiisii dhagar-qabayaasha ahaa ay been-abuureen tirada cuntada, qaansheegyada, iyo diiwaannada imaanshaha si ay u sheegtaan malaayiin dollar oo lacag celin ah oo loogu talagalay cuntooyin aan weligood la bixin.

Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Lisa Kirkpatrick, ayaa qorshahan ku tilmaamtay “xatooyo bareer ah” oo lagu sameeyay lacagaha canshuur-bixiyeyaasha ee loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta.

Mukhtaar, oo 34 jir ah, ayaa soo noqday Maamulaha Guud ee Shirkadda Afrique Hospitality Group, shirkaddan uu u adeegsaday inuu ku leexiyo lacagihii laga soo xaday Barnaamijka Nafaqada Carruurta ee Federaalka.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in Mukhtaar uu jeebkiisa ku shubtay in ka badan $1.3 milyan oo dollar, isagoo soo gudbiyay sheegashooyin been abuur ah oo ku saabsan inuu quudinayo ilaa 3,500 oo carruur ah maalin kasta goobo aan jirin, isla markaana uu sameystay shirkado been abuur ah si uu been xalaaleeya lacagaha.

Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Joe Thompson, ayaa qorshahan ku tilmaamay mid “xatooyo bareer ah,” isagoo yiri, “Qorshahoodu wuxuu ku lug lahaa cuntooyin been abuur ah, carruur been abuur ah, qaansheegyo been abuur ah – balse lacag dhab ah ayaa ku lug lahayd.”

Thompson ayaa sidoo kale diiday doodaha difaaca ee ah in Mukhtaar uu ahaa ka-qaybgale yar oo ku lug lahaa dhaca. “Uma dhaqmaynin sidii hoggaamiye bulsho – wuxuu buuxsanayay jeebkiisa,” ayuu yiri Thompson, isagoo dalbaday xukunka ugu badan ee 22-sano ah ee hoos yimaada tilmaamaha federaalka.

Fadeexaddan, oo ay ku lug leeyihiin 70 eedaysane, ayaa gilgishay gobolka Minnesota. Dhaca ayaa wiiqay kalsoonida dadweynaha, wuxuuna dhaawac weyn u geystay sumcadda bulshada Soomaali-Mareykanka. Hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa walaac ka muujiyay sida kiiskani u sii xumeyn karo aragtiyaha taban ee bulshada Soomaalida laga haysto.

 

Maxay aheyd hadiyaddii Xamaas ay siisay haweenka Israa’iiliyiinta ee la sii daayay?

Gaza (Caasimada Online) – Axaddii, saddex haween Israa’iiliyiin ah oo Xamaas maxaabiis ahaan u haysatay ayaa lagu sii daayay qayb ka mid ah heshiiskii maxaabiis is-dhaafsiga, waxaana la siiyay wax u muuqday “boorsooyin hadiyad ah” oo ay siiyeen dagaalyahannada ururka Falastiiniyiinta.

Xamaas ayaa baahisay muuqaal muujinaya saddexda maxbuus oo kala ah – Doron Steinbrecher, Emily Damari iyo Romi Gonen – oo la siinayo boorsooyin warqado ka samaysan, kuwaas oo la sheegay inay ku jireen waxyaabo xusuus u ah waayihii ay maxaabiis ahaan ugu jireen Gaza.

Muuqaalka la baahiyay, haweenka ayaa lagu arkayaa iyagoo dhoollacaddeynaya oo la kaftamaya ragii hayay, kuwaas oo boorsooyinka loogu magac daray ‘hadiyadaha’ ka siinaya daaqadda gaari, iyagoo inta badan ka duwan shaashadda.

Boorsooyinka ayaa waxaa ku sawirnaa astaanta garabka hubeysan ee Xamaas ee Al-Qassam.

Maxaabiista oo weli dhoollacaddeynaya, ayaa kor u haya boorsooyinka buniga ah ee la sheegay inay ku jireen “hadiyado iyo xusuus” lagu xusayo sii deyntooda.

Muuqaallada ayaa muujinaya in ugu yaraan hal shay oo boorsooyinka ku jiray uu ahaa shahaado gaar ah, oo mar kale ay ku sawiran tahay astaanta Al-Qassam, oo cinwaan looga dhigay ‘Heshiiska Sii-daynta’ oo ku qoran luuqadaha Cibraaniga iyo Carabiga labadaba, iyadoo warbaahinta Israa’iil ay sheegtay in dukumiintiga ay saxiixday Hay’adda Laanqayrta Cas xilligii maxaabiista la wareejinayay.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in boorsooyinka ay sidoo kale ku jireen sawirrada maxaabiista xilligii ay xabsiga ku jireen, khariidadda Marinka Gaza, iyo silsilado wata calanka Falastiin.

Maxaabiista Israa’iiliyiinta ah ayaa 471 maalmood ku qaatay maxaabiis ahaan gudaha Gaza, kaddib markii lagu qabtay weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas 7-dii October 2023.

Warbaahinta Israa’iil ayaa “boorsooyinka hadiyadaha” ku tilmaantay fal dacaayad ah oo ay Xamaas soo agaasintay.

Hase yeeshee, qaar ka mid ah isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa is barbar dhig ku sameeyay tilmaanta muujinaysa naxariista iyo guud ahaan muuqaalka caafimaad iyo farxadeed ee maxaabiista Israa’iiliyiinta, iyo xaaladda maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ay sii deysay Israa’iil, kuwaas oo in badan oo ka mid ah ay ka muuqdeen calaamado muujinaya dayacaad iyo suurtagalnimada in si xun loola dhaqmay xabsiyada Israa’iil.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sidoo kale weerarro ku qaaday guryaha qoysaska dhowr maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo la sii daayay, iyagoo ka hortagayay in la sameeyo wax dabaaldeg ah.

Ku dhowaad 300 Falastiiniyiin ah ayaa lagu sii daayay heshiiskii maxaabiis is-dhaafsiga, iyadoo intooda badan lagu hayay xabsiyada Israa’iil iyadoo aan wax maxkamad ah la soo taagin ama xitaa wax dacwad ah aan loo soo jeedin.

Abaabulkii ugu xooganaa oo ka socda Hiiraan kadib markii…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Gobolka Hiiraan oo aheyd halkii uu ka bilowday gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa haatan ka socda abaabulkii ugu dambeeyay.

Taliyaha ciidanka nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe, Taliyaha ciidanka dhulka Sahal Cabdullaahi iyo ergeyga madaxweynaha u qaabilsan ciidanka Macawiisleyda Cali Jeyte ayaa abaabulkii u dambeeyay howl-galka Al-Shabaab ka wada gobolkaasi.

Mas’uuliyiinta oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka ayaa haatan waxay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka u sheegeen inay u diyaar garoobaan dagaalka Shabaab looga xoreynayo qeybaha ay kaga sugan yihiin Hiiraan.

Taliye Sanbaloolshe oo dhawaan ku guuleystay in si nabad ah gacanta dowladda loogu soo celiyo xaruntii gobolka Hiiraan ayaa ciidamada iskaashanaya ubsheegay in la joogo xilligii lasoo afjari lahaa kooxda.

“Waxaa la idinka doonaya inaad qeyb muhiim ah ka qaadataan dagaalka lagu xorreynayo dalka, waxaa lagama maarmaan ah inaan iska qabano dadka ku dhexjira Al-Shabaab ee anagana nagu dhex jira, waxaan rabna cadawga inaan meelaha uu joogo ugu tagno, kuwa dhibaatada ay ku hayaana aad ka xoreysan,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ergey Cali Jeyte oo iyagna la hadlay ciidamada ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay wax walba oo ku baxaya sidii dalka loo xoreyn lahaa, islamarkaana laga sugayo guulo la taaban kara inay kasoo hoyaan dagaalka Al-Shabaab ee markale dib uga bilaabanaya Hiiraan.

“Maanta fursad baad haysataan, shalay hawshii billaabatay oo xooga hakatay darteed cadowga waa soo duulay oo soo noqday,” ayuu yiri taliyaha ciidan dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxa uu intaas kusii daray “Maanta waxaa fursad ah dowladdii Soomaaliyeed oo ciidankii xoogga dalka iyo nabad-sugidda dhamaan garabkiina la yahay, waxaana diyaar u nahay haddaad saad, hub, rasaas iyo wax kaste oo ku baxayo nimankaas Khawaarijta dalka looga saarayo.”

Abaabulka ciidan ee ka socda gobolka Hiiraan ayaa imanaya xilli dhawaan lagu guuleystay qaadista isbaaroyinkii yaalay magaalada Beledweyne iyo hareeraheeda, taas oo culeys amni iyo mid dhaqaale ku ahaa dadka deegaanka.

Itoobiya oo ka walaacsan tallaabada ay qaadeen DF Soomaaliya iyo Masar

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda feraalka Itoobiya ayaa haatan si weyn isha ugu hayso fulinta heshiiska ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Masar oo dhowaan bog cusub u furay xiriirkooda.

Itoobiya oo weli Masar ay isku hayaan arrinta wabiga Nile ayaa haatan walaac xooggan ka muujineyso tallaabada ay qaadeen Soomaaliya iyo Itoobiya oo sii xoojiyay iskaashigooda milatari.

Labada madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdifitaax Al-siis ayaa dhowaan isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatijiyadeed oo xooggan.

Waxay sidoo kale qalinka ku duugeen heshiisyo muhiim ah, taas oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, waxbarashada, Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Alshariif ayaa kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarrada ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.

Dhanka waxbarashada, Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Alshariif ayaa kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarrada ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.

Si kastaba, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si weyn ugu loolamayo gudaha Soomaaliya, waxaana labada dal ay sidoo kale qayb ka noqon doonaan howlgalka cusub ee AUSSOM oo Soomaaliya ka bilowday sanadkan 2025.

Imaaraadka oo diyaarad qaas usoo direy Cirro + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu baxay dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.

Safarka madaxweynaha Somaliland ayaa imanaya kadib marti qaad rasmi uu ka helay dowladda Imaaraadka Carabta, iyadoo u soo dirtay diyaarad khaas ah oo ah Royal Jet.

Safarka Cabdiraxmaan Cirro ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu dalka dibadiisa ugu baxo intii uu xilka la wareegay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka madaxtooyada, wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha, taliyaha sirdoonka, la-taliyaha sare ee madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha, madaxa xafiiska madaxweynaha iyo hawl-wadeeno kale.

Sidoo kale safarka madaxweynaha waxaa ku wehlinayey marwada koowaad ee Somalia Marwo Farduus Maxamed Rooble.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxay ku sugnaan doonan dalka Imaaraadka Carabta muddo saddex cisho ah, waxayna kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dawladda Imaraadka Carabta, iyagoo kala hadli doona arrimo mudnaan u leh labada dowladood iyo labada shacab.

Muddada uu madaxweynuhu booqashada rasmiga ah ku joogo dalkaasi wuxuu sidoo kale kulan la yeelan doona jaaliyada reer Somaliland ee ku sugan dalka Imaraadka Carabta.

Guddiga doorashooyinka qaranka oo gaaray maamulkii u horeeyay + Qorshaha

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wafdi ka socda guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhoweeyay wafdiga guddiga doorashooyinka qaranka.

Xubnahan guddiga doorashooyinka qaranka ee gaaray magaalada Baydhabo ayaa halkaasi u tagay dardar-gelinta doorashada qof iyo codka ah ee la filayo in dalka ay ka dhacdo.

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa dhawaan shaaciyay jadwalka doorashada, iyagoo ku dhowaaqay inay furan tahay diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda.

Diiwaan-gelinta ururrada siyaadadda ayaa bilaabatay 20-kii Janaayo, iyadoo socon doonta illaa 31-ka Maarso 2025. Muddadaas ayuu guddiga sheegay in ururrada siyaasadda lagu siin doono shahaadada aqoonsiga ah, islamarkaana ay saxiixi doonaan shuruucda lasoo kordhiyay ee doorashooyinka.

Guddiga ayaa horey u sheegay inuu gaari doono goobo lasoo sahmiyay, si dadka halkaas ugu nool ay u helaan xuquuqdooda codeynta oo ay ku dooran karaan qofka ku metala siyaasadda si looga gudbo doorasho dadban.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli dalka ay haatan ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya, xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid maamullada dalka.

Sawirro: Bandhiggii awood ee caalamka ka yaabiyey ee Xamaas ay sameysay

Gaza (Caasimada Online) – Toddobaad gudihiis, markii labaad ayay Xamaas u adeegsatay munaasabadda wareejinta la haystayaasha Israel ee ay ku wareejinaysay Hay’adda Laanqayrta Cas (Red Cross) si ay u muujiso in ay weli tahay xoog weyn oo ka arrimiya Marinka Gaza, inkastoo 15 bilood oo dagaal ah uu khasaare naf iyo maalba ah gaarsiiyay kumanaan ka mid ah dagaalyahanadeeda iyo dad rayid ah, magaalooyinkana uu burburiyay.

Wareejintii afar la hayste oo dhacday Sabtidii ayaa ka sii bandhig badnayd tii Axaddii hore, markaas oo la sii daayay saddex haween ah oo la hayste ahaa.

Sabtidii, Xamaas ayaa masrax ka taagtay Fagaaraha Falastiin ee badhtamaha Magaalada Gaza – oo ah deegaan ay aafeeyeen duqeyntii cirka iyo duullaankii dhulka ee Israa’iil.

Masraxa ayaa waxaa ku dhegganaa boor ay ku qoran tahay farriin luuqadda Hibrew-ga ah oo u qornayd: “Sahyuuniyaddu ma guulaysan doonto”. Boqolaal dagaalyahanno huwan maaskaro, xiran tuute, iyo dad rayid ah ayaa isugu soo baxay goobta agagaarkeeda.

Masraxa dushiisa, Xamaas ayaa ku qabatay munaasabad saxiix ah oo u dhaxaysay mid ka mid ah xubnaheeda iyo wakiil ka socday Hay’adda Laanqayrta Cas, oo markii dambe la wareegtay afartii la hayste.

La haystayaasha, oo dhammaantood ahaa askar ka tirsan ciidanka ilaalada xuduudaha, kana howlgeli jiray saldhig ku yaalla xadka Gaza, laguna afduubtay saldhiggaas 7-dii Oktoobar 2023, xilligii weerarkii ay Xamaas horkacaysay ee lagu qaaday Israa’iil, ayaa fagaaraha yimid iyagoo la socda kolonyo ka kooban gawaari SUV ah oo kuwa dhexdhexaadka ah.

Waxaa lagu soo kaxeeyay masraxa, iyagoo xiran dareys ciidan, taasoo u muuqatay in loogu talo-galay in lagu muujiyo in la haystayaashani yihiin askar, ee aysan ahayn rayid.

Dagaal-yahanno sita kaamarado qaali ah ayaa daba socday la haystayaasha, iyadoo laga yaabo in ay duubayaan muuqaal lagu baahin doono baraha bulshada.

Masraxa dushiisa, la haystayaasha ayaa dhoollacaddeeyay oo u gacan haatiyay dadweynihii farxadda la qaylinayay ee u sacbinayay, halka dagaal-yahanada Xamaas ee hubaysan ay garab taagnaayeen.

Hay’adda Laanqayrta Cas ayaa sheegtay inaysan wax faallo ah ka bixinayn hawlgallada socda.

Admiral Daniel Hagari, afhayeenka ciidamada Israa’iil, ayaa sheegay in Xamaas ay caddaysay “arxan-darradeeda” intii lagu jiray wareejintii Sabtidii, taas oo uu ku tilmaamay “munaasabad ujeeddooyin siyaasadeed leh.”

Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in Xamaas ay ku qasabtay la haystayaasha inay dhoolla-caddeeyaan oo ay gacan haatiyaan, taasoo qayb ka ah ol’ole borobogaando ah oo loogu talo-galay in lagu gudbiyo farriin ah in kooxdu ay si wanaagsan ula dhaqmayso maxaabiisteeda.

Wareysi dhawaan ay siisay telefishin Israa’iili ah, Chen Goldstein-Almog, oo ahayd la hayste Israa’iili ah oo la sii daayay November 2023, ayaa sheegtay in markii iyada iyo gabadheeda, Agam, la sii daayay, lagu wareejiyay gaari ay lahayd Hay’adda Laanqayrta Cas oo ay ku hareeraysnaayeen dad badan.

“Waxaan xasuustaa in Agam ay igu tiri: ‘Hooyo, maanta ayaynu dhimaneynaa’,” ayay tiri, iyadoo dib u xasuusanaysa dhacdadaas. “Waxay ahayd arrin cabsi badan ilaa daqiiqaddii ugu dambeysay.”

Wareysi uu bixiyay kadib sii-dayntii la haystayaasha ee Axaddii hore, Yves Daccord, oo ah agaasimihii hore ee guud ee Hay’adda Laanqayrta Cas, ayaa sheegay in wareejinta la haystayaasha ay tahay inay ka dhacdo meel deggan, oo ka fog dadweynaha.

“Guud ahaan, sida ugu habboon waa in aysan jirin dad badan,” ayuu yiri Mr. Daccord. Sii daynta la haystayaasha goob fagaare ah oo ay dad badan isugu soo baxeen, ayuu raaciyay, waxaa ku lamaanan khataro iyo xaalado lama filaan ah.

Dhakhaatiirta reer Israa’iil ee u dooda la haystayaasha Gaza ayaa ka digay in hab-maamuuska wareejinta oo fawdo ah ay kicin karto xusuus xanuun badan oo ku saabsan waayihii ugu horreeyay ee la haystayaasha ay ku qaateen Gaza, markaasoo dagaal-yahanada qaar ka mid ah ku soo dhex mariyeen dad qeylinaya.

“Sii dayntu waxay dib u soo noolaynaysaa, ilaa xad, xanuunkii afduubka,” ayuu yiri Dr. Hagai Levine, oo ah madaxa kooxda caafimaadka ee Madasha Qoysaska La Haystayaasha iyo Dadka La La’yahay, oo ah urur Israa’iili ah.

Tan iyo markii heshiiskii xabad-joojinta ee u dhexeeyay Xamaas iyo Israa’iil uu dhaqan galay Axaddii hore, Xamaas ayaa si weyn u dadaalaysay sidii ay u muujin lahayd in ay weli tahay xoogga ugu weyn ee Falastiiniyiinta ee ka jira Gaza, iyadoo dagaal-yahanada ay dhoolla-tus ku marayeen badhtamaha magaalooyinka, saraakiisha booliiskuna ay joogaan isgoysyada.

Ma cadda tirada dagaalyahannada, saraakiisha booliiska, xafiisyada dawladda, iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ka badbaaday dagaalka, laakiin iyadoo munaasabadda wareejinta si fagaare ah loo muujiyey, Xamaas ayaa si cad u sheegtay inay weli ka taliso qaybo ka mid ah Gaza oo ay ka dhaceen qaar ka mid ah duqeymihii ugu khasaaraha badnaa ee dagaalka.

Gobolka Tigray ee Itoobiya oo qarka u saaran dagaal cusub

0

Mekelle (Caasimada Online) – In ka badan labo sano kaddib markii heshiis nabadeed uu soo afjaray dagaalkii ba’anaa ee ka socday gobolka Tigray ee Itoobiya, ayaa loolan awoodeed oo ka dhex aloosan xisbigii hore u awoodda badnaa ee TPLF waxa uu dhaliyay eedeymo “khiyaamo qaran” ah iyo inqilaab militari.

Suurtagal ma tahay in xiisadahan soo kordhay ay horseedaan rabshado cusub xilli goor dhow uun laga soo kabtay mid ka mid ah colaadihii ugu dhimashada badnaa qarnigan, kuwaas oo ay ku naf waayeen dad lagu qiyaasay 600,000 oo ruux?

– Waa maxay TPLF? –

Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa maamulaysay guud ahaan Itoobiya ku dhawaad soddon sano, illaa uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo aan ahayn Tigray, xukunka la wareegay 2018-kii.

La wareegiddii xukunka ee Abiy ayaa dhalisay bilooyin ay xiisad ka dhex taagnayd isaga iyo hoggaanka TPLF, taas oo ugu dambayn ku kalliftay Abiy inuu ciidamo u diro Tigray bishii November 2020, isagoo ku eedeeyay ciidamadooda inay weerareen xeryo ay lahaayeen ciidamada federaalka.

Tani waxay hurisay dagaal labo sano socday oo u dhexeeyay fallaagada Tigrayga iyo ciidamada dowladda oo ay taageerayeen maleeshiyaad iyo ciidamada Eritrea, kaas oo ugu dambayntii lagu soo afjaray heshiis nabadeed bishii November 2022, oo loo yaqaan Heshiiskii Pretoria.

Maamul ku-meel-gaar ah oo cusub ayaa laga unkay Tigray, waxaana hoggaamiye looga dhigay ruug-caddaa TPLF ka tirsan, Getachew Reda, iyadoo ay kormeeraysay dowladda federaalka.

Hase ahaatee, bilooyinkii u dambeeyay waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya Getachew iyo hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael.

– Maxay isku hayaan? –

Getachew ayaa wajahaya dhaleecayn la xiriirta dib-u-dhac ku yimid dhaqan-gelinta heshiiskii nabadda — gaar ahaan ka saarista ciidamada Eritrea ee dhulka Tigrayga iyo dib-u-celinta hal milyan oo qof oo dagaalka ku barakacay.

Ciidanka Difaaca Tigray (TDF) ayaa markii hore dhexdhexaad ka ahaa is-qabqabsiga u dhexeeya Getachew iyo Debretsion.

Balse warqad la shaaciyay Talaadadii, ayaa “hoggaanka sare ee ciidamada hubaysan ee Tigray” waxa ay ku eedeeyeen maamulka ku-meel-gaarka ah “in uu meel iska dhigay danta qaran ee shacabka Tigrayga, isla markaana uu ku kacay falal khiyaamo qaran ah”.

Khabiir ajnabi ah, oo diiday in magaciisa la xuso, ayaa ku qiyaasay in ku dhawaad 200 oo taliye ay taageersan yihiin warqadda.

Warqadda, waxay ku taageereen go’aan ay soo saartay TPLF sannadkii hore, kaas oo loogu baaqayay in Getachew laga xayuubiyo xilka hoggaamiyaha gobolka — mooshin ay xannibtay dowladda federaalka ee Abiy.

Getachew ayaa sheegay in warqadda cusub loogu talagalay “in si cad loogu dhawaaqo afgambi, isla markaana lagu wiiqo Heshiiskii Pretoria”.

Kjetil Tronvoll, oo ah cilmi-baare khilaafaadka ka faallooda, kana tirsan Kulliyadda Jaamacadda Bjorknes ee Norway, ayaa sheegay in “khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira TPLF” iyo “wax-qabad la’aanta dowladda federaalka ee ku aaddan fulinta Heshiiskii Pretoria” ay sii xoojinayaan xiisadaha.

Waxa uu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in saddexda arrimood ee ugu waaweyn ay yihiin “laba-wajiilenimo awoodeed, kala aragti duwanaansho dhanka mabda’a ah, iyo gacan ku haynta kheyraadka,” gaar ahaan dahabka.

– Xaaladdu intee bay ka sii dari kartaa? –

Ilo-wareed dhanka ammaanka ah, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa u sheegay AFP in “kooxda taageersan Debretsion ay dhaqdhaqaaqyo samaynayso, balse khatarta amni ay xaddidan tahay — ma filayo in rabshado baahsan ay qarxaan, dadku aad bay uga daaleen dagaal.”

Tronvoll ayaase rajo xumo ka muujiyay, isagoo ka digay in khilaafku uu “isu rogi karo rabshado”.

“TDF ayaa horay u kala qabatay labada dhinac, waxa ayna uga digtay inay sii hurinayaan colaadda, balse hadda waxa ay u muuqataa in khilaafkii siyaasadeed uu dhex galay TDF,” ayuu yiri.

Khabiirkii ajnabiga ahaa ee aan la magacaabin ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay “mid aad looga naxo”.

“Dhinaca Getachew waxa uu u arkaa mowqifka militariga mid ah iclaamin dagaal — dadkuna waxay bilaabeen inay lacag kala baxaan bankiyada, ayna kaydsadaan raashin,” ayay tiri, iyadoo intaa ku dartay in mowqifka Ra’iisul Wasaare Abiy uu u badan yahay inuu noqon doono mid go’aan qaadasho leh.

Jonah Wedekind, oo ah cilmi-baare ka tirsan machadka Arnold Bergstraesser ee Jarmalka, ayaa sheegay in xaaladdu ay labada dhinacba ka dhigi karto kuwo tabar-daran.

“Ma cadda in TPLF ay weli awood ku leedahay inta badan shacabka, iyo in maamulka ku meel gaarka ah loo arko mid si sharci ah u matala dadka Tigray marka la eego dowladda federaalka,” ayuu yiri.

“Muuqaalka siyaasadeed ee Tigray hadda waxa uu u muuqdaa mid kala daadsan si aan horay loo arag.”

Mas’uul ka tirsanaa maamulka GEDO oo qarax lagu dilay

0

Beled-xaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee degmada Beled-xaawo Cabdifataax Nuur Mataan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Cabdifataax Nuur Mataan iyo askar la socotay ayaa qaraxa miino shalay lagula eegtay gudaha degmadaasi, isaga oo xalay u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhaawaca soo gaaray guddoomiye ku xigeenka ayaa loo waayay gurmad de-deg ah, si loogu soo qaado magaalada Muqdisho, sababo la xiriira ciriiriga ka jiray dhanka diyaaradaha, iyada oo mar dambe suuragashay in diyaarad qaas ah loo diro taasi oo shalay galab keentay Muqdisho oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay jirto dhimasho iyo dhaawac kale oo gaaray askartii la socotay mas’uulkaasi oo haatan la xaqiijiyay geeridiisa.

Gedo ayaa waxaa haatan ka jira dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwa ciidan oo ay ka dhex faa’iideysaneyso kooxda Al-Shabaab oo weli ku xooggan gobolkaasi.

Horay maleeshiyaadka kooxda ayaa qarax ugu dishay saraakiil iyo mas’uuliyiin sar sare, waxaana kamid ah taliyihii NISA ee Gedo Marxuum Bakaal Kooke oo sidaan oo kale qarax miino ay kooxda ugu dishay dabayaaqadii 2022-kii, xilligaas oo uu gobolku kacsanaa.

PUNTLAND oo soo saartay go’aan culus oo ka dhan ah dadka Ajaaniibta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa go’aanno culus dul-dhigtay dadka ajaaniibta ah ee ku sugan deegaannada maamulkaasi iyo kuwa imaanaya, xilli haatan uu dardar xoogleh ku socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish oo ay ku jiraan ajaaniib badan.

Puntland ayaa gebi ahaan mamnuucday in qof ajnabi ah oo sharci darro ku jooga deegaannadeeda in aan guri laga kireyn karin maanta kadib, sidoo kalena aan la shaqaaleysiin karin.

Sidoo kale waxaa laga mamnuucay tuugsiga goobaha dadweynaha, iyada oo dhanka kale shirkadaha la faray in qof ajnabi ah oo aan haysan sharci aanay u furin karin Sim-Card.

Waxaa kale oo la joojiyay ganacsiyada yaryar ee lala wareego waddooyinka iyo xaafadaha, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay warsaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Hoose ka akhriso:-

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo xeerinaysa nabaddgelyada iyo badqabka dadka iyo hantidooda waxay soo saartay qodobada hoos ku xusan:-

  1. Iyada oo laga duulayo khataraha amni ee jira waxaa reeban inay ajaaniibtu Puntland ku soo gasho sifo aan sharci ahayn.
  2. waxaa la mamnuucay dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda.
  3. waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya.
  4. Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo. Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto.
  5. Waxaa la mamnuucay ganacsiyada yar yar ee aan sharciyeysnayn ee suuqa lala wareego.