25.2 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Guddoomiye Amiir oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta qorshaha Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir oo maanta ka qayb-galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo la xiriira amniga caasimada iyo doorashooyinka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeyn sii xoojinta amniga, si ay u suuragasho qabashada doorashadweyne ee qof iyo codka ah.

Amiir ayaa sidoo kale xusay in qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan in doorashooyinka ay qayb ka yihiin, ayna ku dadaali doonaan, sidii ay shacabka usoo dooran lahaayeen hoggaankooda.

“Waxaan rabaa inaan idin la wadaago ka guddoomiye iyo duq magaalo ahaan in amniga caasimada uu yahay hadafkayga koowaad, su ay u dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ah yoolka dowladda hadda jirta” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Ammaanka hadda meesha uu marayo waa fiican yahay, haddane howl adag ayaa noo taallo, sidaa darteed waa inaan wada dadaalnaa oo gacmaha is qabsanaa”.

Waxaa kale oo uu farriin u diray bulshada Muqdisho oo uu ka dalbaday inay ku gacan siiyaan dhammaan qorshayaasha hormarineed ee uu wado maamulka gobolka Banaadir.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay dood xooggan ka taagan tahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo codka ah kasoo horjeedo maamullada Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Raaskambooni

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal culus uu ka dhacay aagga deegaanka Raaskambooni, kaas oo u dhexeeyay Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo ay wateen ciidanka maamulka Jubbaland oo ku socdaalayay duleedka Raaskambooni, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ciidamada la weeraray ayaa kasoo baxay dhinaca xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya, waxayna kusii jeedeen isla deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkan ayaa sheegtay in weerarka ay ku dishay ugu yaraan 1 askari, ayna ku dhaawacday 3 kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha Jubbaland oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay ee ay guusha ka sheegatay Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose.

Al-Shabaab ayaa weli u xoogan Jubbooyinka, waxaana badanaa ay ka fuliyaan weeraro qaraxyo ah iyo kuwa toos ah oo ay ku qaadaan ciidamada ka howlgala gobolladaasi.

Fiqi oo shaaciyay in dhinacyo dhowr ah ay isku dayeen in Masar laga reebo AUSSOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in dhinacyo dhowr ah isku dayeen in Masar laga reebo howl-galka cusub ee AUSSOM.

Wasiir Fiqi oo ka hadlayey xaaladdii loo soo maray in ciidamada Masar ay aqbasho dowladda si ay qayb uga noqdaan howl-galka ayaa wuxuu si daahsoon u sheegay in bilihii lasoo dhaafay dhinacyo kala duwan laga soo tuurayay sidii Masar looga hortagi lahaa inay ku biirto howl-galka cusub ee dalka ka bilowday.

Inkasta uusan magac xusin cidda ama dhinaca dowladda Soomaaliya ku cadaadiyay sidii Masar looga reebi lahaa howl-galka, ayaa haddana waxaa iska cad in liiska ay safka hore uga jirto Itoobiya, oo ayadu si weyn isku hayaan Masaarida.

“Bilihii lasoo dhaafay waxaa jiray cadaadis Masar looga reebi rabay howl-galka Midowga Afrika, dhinacyo kala duwan ayaa laga soo tuuray arrintaas. Jabuuti iyo dalalka kale ee deriska ayaa howl-galkan ku jira balse culeyska waxaa la saaray Masar ku biiristeeda howl-galkan,” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Masaarida ay taageeraan ciidamada ammaanka dowladda, islamarkaana ay gacan ka geystaan tababarkooda iyo qalabeyntooda, sidaas awgeed aysan jirin sabab keeni karta in laga reebo ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Itoobiya oo xiisad dhanka biyaha webiga Nile-ka kala dhaxeysa Masaarida ayaa dhowr jeer isku-deyday tallaabooyin ay ku hor istaageyso in Masar ay saami ku yeelato ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.

Si kastaba, Qaahira ayaa dadaalkii ay gelisay ka qeyb noqoshada howl-galka cusub ugu dambeyn ku guuleysatay saddex maalin kahor, iyadoo laga aqbalay xubinnimada howl-galkan dalka bilowday sanadkan cusub.

Daahir Amiin Jeesow ma wuxuu leeyahay xasaanad ka dheeri ah xildhibaannada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa si weyn u weeraray Xildhibaan Daahir Jeesoow, isagoo su’aal geliyay inuu leeyahay xasaanaad ka duwan midda xildhibaannada.

Cosoble oo daba socday hadal uu dhawaan warbaahinta mariyey xildhibaan Jeesoow, kaasi oo uu kaga soo horjeestay in guluf culus lagu qaado deegaanada galbeedka Hiiraan, oo uu sheegay in Shabaab ku haystaan dadkiisa, uuna rejo niyadjab ka muujiyay in shacabka iyo Shabaab isku si loo dilo karo, taas oo madaxweynihii hore ee HirShabelle wax lala yaabo ku tilmaamay.

“Waxaan dhageystay Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesoow oo dhahaya galbeedka Hiiraan waxaa ku nool oo la-heystayaal ku ah adeeradey, abtiyaashey iyo eedooyinkay, haddii Shabaabka jooga galbeedka Hiiraan la weerarana waxaa halkaas ku la’anaa tolkey ee yaan la weerarin,” ayuu yiri Cosoble.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ku talinayaa in xildhibaanada Soomaaliya la siiyo xasaanad la mid ah midda uu leeyahay Xil Dahir Amiin Jeesaw ama asaga laga qaado xasaanadda dheeriga ah ee inuu heysto uu warbaahinta ka qirayo.”

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble;

Waxaan dhageystay Xildhibaan Dahir Amiin Jesaw oo dhahaya galbedka Hiiraan waxaa ku nool oo la heystetayaal ku ah adeeradey, abtiyashey iyo eedooyinkey, hadii Shabaabka jooga galbeedka Hiiraan la weerarana waxaa halkaas ku la’anaa tolkey ee yaan la weerarin.

Waxaan u maleynayaa xildhibaan Daahir inuu leeyahay xasaanad ka duwan midda ay leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaan ku talinayaa in xildhibaanada Soomaaliya la siiyo xasaanad la mid ah midda uu leeyahay Xil Dahir Amiin Jeesaw ama asaga laga qaado xasaanadda dheeriga ah ee inuu heysto uu warbaahinta ka qirayo.

Kuye yaan loo dhawaanin Shababka jooga galbeedka Hiiraan. Xil Dahirow, seedi ama naga cesho Shabaabkaaga oo yeysan webiga ka soo talaabin ama waa ku qasbannahay inaan ugu tagno galbeedka Hiiraan.

Soomaaliya oo waayeysa $125 milyan oo ay ka heli jirtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa waayeysa lacag taageero ah oo dhan 125.5 milyan dollar, kadib markii hay’adda USAID ku dhowaaqday inay si KMG ah u joojinayso dhammaan barnaamijyadeeda taageerada dhaqaale ee caalamiga ah.

Tan ayaa imaneysa hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ay Soomaaliya u ballan-qaaday malaayiin doollar oo lagu taageerayo dadaallada horumarinta iyo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.

Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa bishii October ee sanadkii tegay waxay kala saxiixdeen heshiis $68.5 milyan ah oo loogu talagalay horumarinta dhaqaalaha, dib u habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada iyo awood-siinta haweenka iyo dhallinyarada.

Waxaa kamid ahaa heshiiskan ballan-qaad lagu ballaarinayo barnaamijyada waxbarashada, iyadoo la qorsheynayay in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ay ka faa’iideystaan, laguna dayactiro 200 fasal ka badan.

Sidoo kale isla sanadkaas bishii December waxay USAID ku dhowaaqday $29 milyan oo dheeri ah oo loogu tala-galay wax ka qabashada cunto yaraanta iyo nafaqobxumada ka jirta Soomaaliya.

Maal-gelintan ayaa xoogga saareysay sugnaanta cuntada iyo xoojinta u adkeysiga bulshooyinka maxalliga ah ee la daala-dhacaya saameynta isbeddelka cimilada.

Iyadoo hakinta barnaamijyada USAID ay durba walaac xooggan ka abuurtay Soomaaliya oo xilligaan si weyn ugu tiirsan gargaarka caalamiga ah si loo maareeyo xaaladaha nololeed ee adag.

Sidoo kale wuxuu go’aanka Mareykanka saameyn weyn ku yeelan karaa qoysaska nugul ee ka faa’iideysta barnaamijyada taakulo, iyadoo geesta kalena abuureysa hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalka taageerada Mareykanka ee Soomaaliya

Xayiraadda SHIINAHA oo walaac ka abuurtay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Shiinaha ayaa dhowaan xayiraad kusoo rogay soo-dejinta xoolaha iyo hilibka xoolaha ee ka imanaya Soomaaliya iyo dalal kale, tallaabadaas oo walaac xooggan ka dhalisay Soomaaliya, halkaasoo dhaqaalaha dalku uu aad ugu tiirsan yahay dhoofinta xoolaha.

Xayiraaddan, oo looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurrada xoolaha, gaar ahaan cudurka qow-qowda, ayaa saamayn ballaaran oo toos ah ku leh ganacsiga Soomaaliya iyo hab-nololeedka bulshada reer guuraaga ah.

Xayiraadda, oo ay ku dhawaaqday Wakaaladda Guud ee Kastamka Shiinaha, ayaa si gaar ah u saamaynaysa dalalka waaweyn ee dhoofiya xoolaha, oo ay ku jiraan Soomaaliya, Ghana, Masar, iyo Nigeria.

Badeecadaha la warshadeeyay iyo kuwa aan la warshadeyn labadaba, sida idaha, ariga, digaagga, iyo deerada, ayaa dhamaantood qayb ka ah alaabaha ay xayiraaddu khusayso.

Go’aankan ayaa daba socda digniino culus oo kasoo baxay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) oo ku saabsan cudurro xoolo oo ka dillaacay gobollo dhowr ah.

Dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa si weyn ugu tiirsan dhoofka xoolaha, kuwaasoo qiyaastii boqolkiiba toddobaatan (70%) ka ah guud ahaan waxyaabaha dalka laga dhoofiyo.

Sanadkii 2023-kii, dalku wuxuu ku dhowaad $1 bilyan oo dollar ka soo saaray dhoofinta geela, lo’da, ariga, iyo idaha, kuwaasoo loo iib geeyey, inta badan, dalka Sucuudi Carabiya. Sidaas darteed, xayiraaddan cusubi waxay saamayn laxaad leh ku yeelan kartaa nolosha dhaqaale ee bulshada reer guuraaga ah iyo guud ahaan dhaqaalaha qaranka.

Ilaa iyo hadda, xukuumadda Soomaaliya kama aysan hadlin xayiraaddan, taasoo abuuraysa su’aalo la xiriira sida ay Muqdisho u waajaheyso, ugana falcelineyso xaaladdan cusub.

Xayiraadaha Shiinaha ayaa sidoo kale khuseeya dalal ku yaalla qaaradaha Aasiya iyo Yurub, sida Pakistan, Afghanistan, Jarmalka, iyo Bulgaria.

Cudurka qow-qowda, oo ah xanuun fayras keeno, si aad ahna u faafa, ayaa ah udub-dhexaadka walaacyadan caalamiga ah. Cudurku wuxuu curyaamiyaa wax soo-saarka, wuxuu khatar ku yahay ganacsiga, sidoo kalena, wuxuu khatar weyn ku yahay nolosha reer guuraaga adduunka oo dhan.

Faafitaannadii ugu dambeeyey ee cudurka, oo ka dhacay gobollada sida Caucasus, Ruushka, iyo Bartamaha Aasiya, ayaa sare u sii qaaday wacyiga la xiriira baahida loo qabo tallaabooyin ka-hortag oo degdeg ah.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa iyadu billowday inay dhakhaatiirta xoolaha iyo xirfadlayaasha kale ee arrimaha xoolaha siiso tababarro dhanka internetka ah, kuwaasoo ku saabsan maaraynta iyo xakamaynta cudurrada xoolaha.

Soomaaliya lafteedu waxay horrey ula daalaa dhacday dhibaatooyin la xiriira cudurrada xoolaha. Bishii Agoosto ee sannadkii 2023-kii, waxaa gobollada Mudug iyo Galgaduud laga soo sheegay cudurka loo yaqaanno “Jadeeco Madow,” ama “Ku Habso.”

Cudurkaas, oo la rumeysan yahay inuu kasoo billowday dhanka Itoobiya, ayaa sababay calaamado aad u daran, oo ay ka mid yihiin qandho, duuf sanka ka socda, iyo caajis ama itaal-darro. Xoolaha uu ku dhaco cudurka ayaa caadiyan u dhinta muddo toddobaad gudihiis ah.

Dr. Suleymaan Maxamed Saalax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa ku tilmaamay faafitaanka cudurkaas mid aad u daran, isagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in si weyn loo xoojiyo tallaabooyinka looga hortagayo cudurrada xoolaha ee Soomaaliya.

Waxaa intaa dheer, in ka sokow caqabadaha la xiriira cudurrada, qaybta xanaanada xoolaha ee Soomaaliya waxaa ruxay fadeexad weyn.

Warar ayaa sheegaya in xukuumadda Soomaaliya ay dhowaan siisay ganacsade shisheeye ah, xuquuq gaar ah oo la xiriirta dhoofinta xoolaha, arrintaas oo caro xooggan ka dhex dhalisay ganacsatada maxalliga ah iyo ku dhowaad 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa si kulul u dhaleeceeyey go’aanka xukuumadda, iyagoo ku dooday inuu meesha ka saarayo, isla markaana dhaawac weyn u geysanayo danaha ganacsatada Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale sheegeen in hal meel lagu uruurinayo awoodda qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqaalaha dalka.

Xildhibaannadu waxay dalbadeen in go’aankaas si degdeg ah dib looga noqdo, iyagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad ah haddii walaacyadooda aan wax laga qaban.

Doorka dheeraadka ah ee ciidamada UPDF laga siiyey Somalia oo muran dhaliyey

Kampala (Caasimada Online) – Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ayaa isku diyaarinaya inay ka qaataan dowr nabad ilaalineed oo ballaaran gudaha Soomaaliya, iyagoo hoos tegaya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Howlgalkan, oo hawlgalladiisa bilaabay 1-da Janaayo 2025, wuxuu socon doonaa shanta sano ee soo socota, waxaana Uganda ay la wareegtay maamulka laba qeybood oo dheeraad ah—qeybaha 1 iyo 3—oo ay markii hore maamulayeen ciidammada Burundi.

Tallaabadan ayaa rajo wanaagsan laga muujiyay gudaha Uganda, iyadoo saraakiisha ay ammaaneen sida ay UPDF uga go’an tahay xirfaddooda ciidannimo.

Brigadier General Felix Kulayigye, afhayeenka UPDF, ayaa muujiyay sida ay ciidamadu ugu faraxsan yihiin kaalintan la ballaariyay, isagoo yiri, “Doorkan dheeraadka ah ee cusub wuxuu ka dhigan yahay inaan qabannay shaqo aad u wanaagsan, waana ku faraxsannahay inaan qaadanno.”

Ka qeybgalka UPDF ee Soomaaliya waxa uu socday dhowr sano, ciidamaduna waxa ay la kulmeen caqabado kala duwan oo ka jira gobolkaas xasiloonida ka arradan.

Uganda ayaa markii hore gaysay Soomaaliya in ka badan 12,000 oo askari, balse tiradaas ayaa markii dambe hoos loo dhigay ilaa 3,000, kaddib markii howlgallada kale ee nabad ilaalinta ay qaateen mas’uuliyado dheeraad ah.

Kulayigye ayaa u xaqiijiyay dadweynaha in ciidanku uu si wanaagsan ugu diyaar garoobay inuu la tacaalo baahiyaha sii kordhaya.

“Markii hore waxaan halkaas ku haysannay ciidamo ka badan kuwa maanta jooga. Markii ay daneeyayaasha kale soo biireen, waxaan dib u soo celinnay qaar ka mid ah ciidammada. Hadda, waxaan sugeynaa tilmaamaha, waxaana diyaar u noqon doonnaa inaan dirno ciidamo dheeraad ah si ay u qaataan doorka cusub,” ayuu sharraxay.

Iyadoo xamaasadda ciidanku ay muuqato, haddana howlgelinta la ballaariyay ayaa walaac ka dhex dhalisay siyaasiyiinta mucaaradka.

Dhaliilayaashu waxa ay ku baaqayaan in baaritaan dheeraad ah iyo isla xisaabtan la sameeyo ka hor inta aan ciidamo dheeraad ah la geynin Soomaaliya. Xildhibaan Francis Mwijukye oo ka tirsan Baarlamaanka Degmada Buhweju ayaa walaaciisa soo bandhigay, isagoo su’aal geliyay maamulka dhaqaalaha loo qoondeeyay howlgalka nabad ilaalinta.

“UPDF waa inay Baarlamaanka uga warbixiso dhaqaalaha ay ka helaan saaxiibbada horumarinta si ay ciidamadeenna halkaas ugu sii hayn lahaayeen. Qaar ka mid ah wiilasheenna lama siin mushaar tan iyo Janaayo 2024, haddana saaxiibbada horumarinta sida Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa maalgelinaya hawlgallada ciidan ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan qalabka iyo mushaharka shaqaalaha,” ayuu yiri Mwijukye.

Sidoo kale, Derrick Nyeko, wasiirka hooska ee amniga, ayaa ka digay xaaladda nololeed ee ciidamada UPDF ee hadda ku sugan Soomaaliya.

“Ma diri karno ciidamo dheeraad ah Soomaaliya haddii xaaladaha nololeed ee ciidamadeenna halkaas ku sugan ay tahay mid laga walaaco. Qaar xitaa ma haystaan qalab la isticmaali karo sida agabka aasaasiga ah,” ayuu xusay.

Nyeko ayaa ka digay in ciidamo badan oo loo diro xaaladahan ay horseedi karto arrimo fal-dambiyeedyo ah, taasoo keeni karta cawaaqib xumo sharci iyo mid sumcadeedba ku yeelan karta Uganda.

Iyadoo UPDF ay isu diyaarinayso inay bilowdo cutubkan cusub ee Soomaaliya, ayaa dooddu ka socotaa sidii loo dheelli tiri lahaa u diyaar ahaanshaha ciidanka iyo baahida loo qabo daah-furnaan iyo isla xisaabtan.

Iyadoo cadaadiska gudaha iyo dibaddaba uu sii kordhayo, tallaabooyinka ciidanku qaadaan bilaha soo socda ayaa u badan inay qaabeyn doonaan mustaqbalka ka qeybgalka Uganda ee dadaallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

DENMARK oo difaaceeda xoojisay xilli ay wajaheyso duulaan uga imanaya Trump

0

Copenhagen (Caasimada Online) – Denmark ayaa Isniintii shaacisay inay ku bixin doonto 14.6 bilyan oo Krone-ka Danish-ka ah ($2.05 bilyan) si ay u xoojiso joogitaankeeda ciidan ee gobolka Arctic-ga, kaddib markii uu dib u soo cusboonaaday xiisaha madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu u qabo inuu gacanta ku dhigo Greenland, oo ah dhul is-maamul hoosaad leh oo hoos yimaada Denmark.

Bishan, Trump ayaa sheegay in Greenland ay muhiimad istaraatiijiyadeed u leedahay amniga Maraykanka, isla markaana ay tahay in Denmark ay ka tanaasusho gacan ku haynta jasiiraddan muhiimka ah ee Arctic-ga.

Waxaa jirta hadal-hayn iyo cabsi ku saabsan in Trump uu awood u adeegsan karo inuu qabsado Greenland, taasi oo walaac ka abuurtay caasimadaha Yurub.

Kaddib in ka badan toban sano oo ay si aad ah hoos ugu dhigtay kharashaadka dhinaca difaaca, sannadkii hore Denmark waxay u qoondeysay 190 bilyan oo Krone-ka Danish-ka ah ($26 bilyan) ciidammadeeda muddo toban sano ah, qeyb ka mid ahna hadda waxaa loo asteeyay Arctic-ga.

Denmark, iyadoo mas’uul ka ah sugidda amniga iyo difaaca Greenland, haddana waxay leedahay awood ciidan oo kooban oo ku sugan jasiiraddan baaxadda weyn, taas oo inta badan loo arko inay tahay meel amni ahaan dalool weyn uu ka jiro.

Waqtigan xaadirka ah, awoodaha ciidan ee Denmark waxaa ka mid ah afar markab oo kormeer ah oo duug ah, diyaarad ilaalo ah oo nooceedu yahay Challenger iyo 12 kooxood oo wata eeyaha barafka lagu jiido, kuwaas oo dhamaantood loo xilsaaray inay kormeeraan dhul baaxaddiisu afar jeer ka weyn yahay dalka Faransiiska.

Miisaaniyadda cusub waxaa ka mid ah maalgelinta saddex markab oo cusub oo ciidammada badda ah oo loogu talagalay hawl-gallada Arctic-ga, taasoo laba laabaysa tirada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ilaalo foge ah ee markii hore la qorsheeyay, afarna ka dhigaysa, iyo sidoo kale in kormeerka lagu sameeyo dayax-gacmeedyada, sida uu shir jaraa’id ku sheegay Wasiirka Difaaca Denmark, Troels Lund Poulsen.

Xisbiyada siyaasadda ayaa isku raacay in miisaaniyad dheeraad ah loo qoondeeyo Arctic-ga, heshiis kaas oo la soo bandhigi doono qeybta hore ee sannadkan.

Ciidammada Maraykanka ayaa saldhig rasmi ah ku leh Xarunta Cirka ee Pituffik oo ku taal waqooyi-galbeed Greenland, goobtaas oo ah deegaan istaraatiijiyad u ah nidaamkeeda digniinta hore ee gantaalaha ballistic-ga, maadaama jidka ugu gaaban ee Yurub ka soo gala Waqooyiga Ameerika uu maro jasiiradda.

Trump oo billaabay qorshe dhalashada Mareykanka lagala noqonayo soo-galootiga qaar

7Washington (Caasimada Online) – Waxaa jiri jirtay in muhaajiriinta ku guulaysta dhalashada Mareykanka lagala noqon karay oo keliya haddii ay qariyaan taariikhdoodii Naasinimo, xiriir la lahaayeen argagixisada, ama ay ka been sheegeen codsigooda – tiradooduna way ka yareyd darsin qof sannadkii.

Arrimuhu way isbeddeleen intii lagu jiray maamulkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Donald Trump, markii uu horkacay olole lagula noqonayo dhalashada kumanaan muwaadiniin Mareykan ah oo asal ahaan muhaajiriin ah – inkastoo uusan weligiis gaarin hadafyadiisii.

Toddobaadkii hore, Trump wuxuu dib u bilaabay dadaalladaas, isagoo amray in “khayraad ku filan” lagu bixiyo la noqoshada dhalashada qaar ka mid ah muwaadiniinta Mareykanka, taasoo qayb ka ah qorshihiisa ballaaran ee xaddidaadda socdaalka.

Waxyaabaha mudnaanta u leh ee ku taxnaa amar-fulineedkiisii maalintii ugu horraysay waxaa ku jirtay hal sadar oo tixraacaya dhaqan-gelinta qayb ka mid ah sharciga socdaalka, kaas oo u oggolaanaya dowladda inay la noqoto dhalashada Mareykanka ee muhaajir haddii “si sharci-darro ah lagu helay.”

Tilmaamahan ayaa ku qoran amarka loogu magac-daray “Ka Ilaalinta Mareykanka Argagixisada Shisheeye iyo Khataraha Kale ee Amniga Qaranka iyo Badbaadada Dadweynaha.” Waa calaamad muujinaysa in dhalasho ka-qaadistu ay qayb ka noqon doonto beegsigiisa, sida ay sheegtay Amanda Frost, oo ah bare dhanka sharciga ah kana tirsan Jaamacadda University of Virginia, isla markaana ah qareen u doodda arrimaha socdaalka.

“Waan aragnay wixii dhacay markii hore,” ayay tiri Frost. “Khayraad aad u badan ayaa la geliyay la noqoshada dhalashada.”

Amarka cusub ee Trump ayaan dareen badan kicin, iyadoo ay socdeen amarro xiriir ah oo indhaha soo jiidanayay, kuwaas oo daah-furayay “tarxiil-wadareedka” ballanqaadkiisa ahaa.

Toddobaadkiisii ugu horreeyay, Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo xuduudda qaran ah; wuxuu geeyay 1,500 oo askari xuduudda, oo ay ku jiraan ciidan dagaal; wuxuuna u igmaday kumanaan kale oo saraakiil sharci-fulinta federaalka ah inay xiraan soogalootiga, iyo tallaabooyin kale.

Laakiin tilmaamahan aamusan ee ka socda xafiisyada dambe ayaa walaac ku abuuray u doodayaasha xuquuqda muhaajiriinta, sababtoo ah shabaqa ballaaran ee maamulkiisu shiday markii ugu dambeysay.

“Tan iyo markii la saxiixay amar-fulineedka, waxaa jirta cabsi guud,” ayay tiri Gintare Grigaite, oo ah qareen u doodda arrimaha socdaalka oo fadhigeedu yahay New Jersey, taasoo si guul leh uga hortagtay dacwad la noqosho dhalasho ah intii lagu jiray maamulkii ugu horreeyay ee Trump. Waxay ka jawaabeysay wicitaanno ka imaanayay macaamiisheeda walaacsan, oo ay ku jiraan kuwa horay u noqday muwaadiniin.

“Dadku waxay is-weydiinayaan noocyo kala duwan oo mala-awaal ah,” ayay tiri. “Ma jiraa waddo sharci ah oo qof raaci karo, oo uu kaga qaadi karo dhalashadooda? Haddii wax walba ay run yihiin, waa inaysan cabsan. Haddii ay dhalashada ku heleen si xaq ah, markaa waa inaysan ka baqin in lagala noqdo dhalashada.”

Olole ‘dulqaad la’aan’ ah

Intii lagu jiray maamulkii koowaad ee Trump, Xeer-ilaaliyihii Guud ee markaas, Jeff Sessions, wuxuu amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo 700,000 oo muwaadin oo dhalashada qaatay, iyadoo ujeedadu ahayd in qiyaastii 1,600 oo kiis la geeyo maxkamadaha.

Dadaalkan la noqoshada dhalashada wuxuu qayb ka ahaa ololihii “dulqaad la’aanta” ee maamulka, kaas oo loogu yaqaanay maxkamadeynta dadka xuduudaha ka soo tallaaba iyo kala-soocidda qoysaska.

Afhayeen u hadlay Adeegga Dhalashada iyo Socdaalka ee Mareykanka (USCIS), oo dib u eegis ku sameeya codsiyada dhalashada, ayaan ka jawaabin codsi wargeyska USA TODAY u gudbiyey oo looga doonayey fal-celin.

Riyadii hore ee Trump ee baaritaanka muwaadiniinta dhalashada qaatay waxay ahayd ballaarin laga sameeyay hindise ka bilaabmay xilligii Madaxweyne Barack Obama.

Waqtigaas, dowladda federaalka waxay ka beddeshay warqad una beddeshay adeegsiga faraha dhijitaalka ah, saraakiisha Amniga Gudaha waxay soo saareen boqolaal kiis oo muwaadiniin dhalashada qaatay oo horay loo tarxiilay ama ka been sheegay diiwaannada dembiyada ee USCIS aysan arki karin.

Maamulka Obama wuxuu bilaabay dib u eegis, isagoo ujeeddadiisu ahayd inuu dhalashada kala noqdo muwaadin kasta oo xiriir la leh ururada argagixisada shisheeye.

Dib u eegistii dhalasho ka qaadista ee Obama waxay diiradda saartay dadka laga yaabo inay xiriir la leeyihiin kooxaha argagixisada, ama taariikh dembiyeed leh, ama kuwa khatar ku ah amniga qaranka.

“Waxay iska in-dhatireen is-khilaafka caadiga ah ee ku jira taariikhda socdaalka qofka,” ayay tiri Cassandra Burke Robertson, oo ah bare dhanka sharciga ah kana tirsan Jaamacadda Case Western Reserve, taasoo baaritaan ku samaysay ololayaasha dhalasho ka qaadista.

“Maamulka Trump ayaa taas beddelay. Waxay khayraad dheeraad ah geliyeen barnaamijka. Tilmaamtu waxay ahayd in la raadiyo dhalasho ka qaadista qof kasta oo leh sababo macquul ah oo taas loo sameyn karo.”

Taas waxaa ka mid ahaa “is-khilaaf ku jira faylka – xitaa khaladaadka qoraalka ama qalad aan ula kac ahayn oo ku jira habsocodka socdaalka,” ayay tiri.

Cilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa in maamulkii ugu horreeyay ee Trump uusan weligiis gaarin hadafkiisii ahaa inuu 1,600 oo kiis u gudbiyo dacwad madani ama dembi, laba waddo oo loo isticmaalo in lagu buriyo dhalashada.

Irina Manta, oo ah bare dhanka sharciga ah kana tirsan Jaamacadda Hofstra, ayaa bilowday dhismaha xog-ururin kiisaska dhalasho ka qaadista. Waxay ka heshay 168 kiis maxkamadaha intii lagu jiray maamulka Trump iyo 64 kiis intii lagu jiray maamulka Biden, taasoo soo jeedinaysa in dadaalku laga yaabo inuu gaabiyay laakiin uusan dhammaan afartii sano ee la soo dhaafay.

“Waxaad u malayn lahayd in dhalasho-qaadashadu ay tahay mid kama dambays ah, iyadoon loo eegin waxa dadku sameeyeen ama aysan samayn,” ayay tiri Manta. “Dawladdu waa inaysan awoodin inay soo noqoto shan sano ka dib oo ay su’aal geliso.”

Habka Trump – oo Hay’adda Heritage Foundation ee muxaafidka ah ku qeexday Mashruuceeda 2025 – ayaa aad u ballaarnaa. Mark Krikorian, agaasimaha fulinta ee Xarunta Daraasaadka Socdaalka ee garabka midig u janjeerta ayaa sheegay in shabakad ballaaran la furo, iyadoo lagu raadinayo khiyaano ama been-abuur, ay macno samaynayso.

“Waxay ka dhigaysaa sharciyada inay macneeyaan waxa ay sheegayaan,” ayuu yiri Krikorian. “Si ahaan, waa inay ahaataa mid ballaaran sababtoo ah nidaamka socdaalka oo dhan ayaa ahaa mid aad u dabacsan.”

Dadaal beegsi oo siyaasadeysan

Sanadihii 1950-meeyadii, dowladda Mareykanka waxay adeegsatay awooddeeda la taaban karo si ay dhalashada ugala noqoto muhaajiriinta ay u aragtay cadow siyaasadeed – hoggaamiyeyaasha shaqaalaha, suxufiyiinta, ama dadka dhaleeceeya dowladda ee lagu eedeeyay inay yihiin shuuci, ayay tiri Frost, baraha sharciga ee Jaamacadda Virginia.

“Wuxuu ahaa dadaal aad loo beegsaday, siyaasad badan leh oo xilligii Dagaalkii Qaboobaa socday,” ayay tiri.

Intii lagu jiray labadii dagaal adduun iyo ilaa 1950-meeyadii, qiyaastii 22,000 oo muhaajiriin ah ayaa dhalashadooda Mareykanka lagala noqday.

Maxkamadda Sare waxay soo afjartay ololayaasha dhalasho ka qaadista ee siyaasadaysan 1967-kii, iyadoo xukuntay in dowladda ay kaliya ka qaadi karto dhalashada muhaajir haddii ay dhacdo been-abuur ama “been-sheegid ula kac ah.”

Rubuc qarnigii ka hor inta uusan Trump xafiiska qaban markii ugu horreysay, laga soo bilaabo 1990 ilaa 2017, dowladda Mareykanka waxay beegsatay celcelis ahaan 11 muwaadin oo dhalashada qaatay sannadkii, sida lagu sheegay cilmi-baarista Frost.

Intooda badan waxay galeen dembiyo dagaal ama arxan-darrooyin kale, ka dibna waxay ka been sheegeen taariikhdooda si ay u helaan dhalashada.

“Maamulkii ugu horreeyay ee Trump, waxaan aragnay koror aad u weyn oo ku saabsan tirada dacwadaha dhalasho ka qaadista,” ayay tiri Burke Robertson. “Waa caddahay in maamulkiisa (cusub) uu u muuqdo mid ka bilaabaya meeshii ay ka tageen.

MELONI oo hoos u dhigtay hadalladii Trump ee Gaza

0

Riyadh (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in aysan rumeysneyn in Donald Trump uu leeyahay “qorshe qeexan” oo lagu rarayo dadka Falastiiniyiinta ah ee Gaza, hase yeeshee ay soo dhaweysay doodda ku saabsan dib-u-dhiska dhulkaas.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Sabtidii sheegay inuu doonayo in Urdun iyo Masar ay qaataan dadka Gaza, isagoo soo jeediyay in “si buuxda loo nadiifiyo halkaas” – fikrad ay si degdeg ah uga soo horjeesteen hoggaamiyayaasha Falastiiniyiinta, Jaamacadda Carabta, Urdun, iyo Masar.

Meloni, oo ka qeybgashay caleema-saarkii Trump isla markaana rajeyneysa inay isku xirto maamulka Mareykanka iyo Midowga Yurub, ayaa arrinta ku tilmaantay “mid adag.”

“Trump wuu saxan yahay marka uu leeyahay in dib-u-dhiska Gaza uu si cad uga mid yahay caqabadaha waaweyn ee aan wajahayno, hase yeeshee, si guul loo gaaro, waxaa lagama maarmaan ah in beesha caalamku ay si weyn uga qeybqaadato,” ayay tiri intii lagu jiray booqasho ay ku tagtay Sacuudi Carabiya.

“Marka laga hadlayo arrinta qaxootiga, waxaan u maleynayaa, mar kale, inaanan la tacaaleynin qorshe qeexan. Waxaan aaminsanahay in aan wajaheyno dood ku saabsan la-tashiyo lala sameynayo dhinacyada gobolka, kuwaasoo shaki la’aan ay tahay in la xoojiyo ka qeyb qaadashadooda,” ayay tiri.

Dadka Gaza oo gaaraya 2.4 milyan ayaa intooda badan lagu barakiciyay dhowr jeer dagaalka ka socda ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas oo bilowday kadib weerarkii Xamaas ay ku qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023.

Trump ayaa sheegay in dhulka dagaalka uu saameeyey uu noqday “goob burbur” isagoo intaa ku daray in “qarniyo badan ay halkaas ka dhacayeen dagaallo badan. Ma aqaan, waa in wax uun la sameeyo.”

Waxa uu sheegay in raritaanka dadka Gaza uu noqon karo mid “ku-meel-gaar ah ama mid joogto ah.”

Dhanka Falastiiniyiinta, isku day kasta oo looga rarayo Gaza wuxuu dib u xusuusin doonaa dhacdooyin murugo leh oo taariikhda ku suntan, kuwaas oo ay Carabtu ugu yeeraan “Nakba” ama masiibo – barakacii ballaarnaa ee Falastiiniyiinta xilligii la dhisayay Israa’iil 75 sano ka hor.

Meloni ayaa ka digtay “saameynta ballaaran” ee qaxootiga Suuriya ee dalalka gobolka qaarkood, taasi oo ay sheegtay “in aanay caawinayn xasilloonida.”

“Kuwani waa arrimo runtii aad u adag, laakiin xaqiiqda ah in laga doodayo, xitaa heer aan rasmi ahayn, iyada oo lala tashanayo dhinacyada gobolka, waxay ila tahay inay muujineyso in arrinta dib-u-dhiska Gaza si dhab ah looga shaqeynayo,” ayay tiri.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa hadalladan jeedisay intii ay ku sugneyd booqasho ay ku tagtay Sacuudi Carabiya, halkaas oo labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi iyo warshado oo qiimahoodu gaarayo qiyaastii $10 bilyan.

Somali Prime Minister faces no-confidence motion

MOGADISHU, Somalia – Political efforts to unseat Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre are gaining momentum in Nairobi, Kenya, where members of Somalia’s House of the People are meeting to strategize.

Lawmakers are reportedly finalizing plans for a no-confidence motion against Barre, which they intend to submit during the 6th parliamentary session set to open in February.

The draft motion is already underway, according to sources close to the discussions. If passed, it could bring Barre’s tenure to an abrupt end. However, should he survive this challenge, he may cement his position as one of Somalia’s longest-serving prime ministers in recent history, a rare feat in the country’s tumultuous political landscape.

Rising political tensions

The looming no-confidence motion reflects mounting tensions in Somali politics. Observers note that parliamentary activity often wanes after the 6th session as the focus shifts toward preparing for national elections. This timeline adds urgency for Barre’s opponents, who aim to act swiftly before political attention dissipates.

The situation escalates hostilities between Barre and Jubaland President Ahmed Mohamed Islam, widely known as Ahmed Madobe. Their feud intensified following a military confrontation in Ras Kamboni, a strategic border town, where federal forces clashed with Jubaland troops.

The incident marked a significant escalation in the long-running rivalry between Somalia’s federal government and the semi-autonomous Jubaland state.

Madobe, who is currently in Nairobi, has reportedly been rallying support for the motion among Somali lawmakers. His defiance of a federal ban on international travel further underscores the depth of his resistance to Mogadishu’s authority.

Analysts view his lobbying efforts as a key component of the broader political battle taking shape.

Federal vs. regional power struggles

The conflict between Somalia’s federal government and its regional states has long undermined political stability. Jubaland, located in southern Somalia, has been at the center of these disputes, with disagreements over resource control, security, and political autonomy frequently surfacing.

Ahmed Madobe, a pivotal figure in Somalia’s federalism debates, has consistently resisted federal efforts to centralize power. His ongoing challenge to the government, both politically and militarily, underscores the fragile nature of Somalia’s governance system.

The outcome of this no-confidence motion could have far-reaching consequences. If Barre is removed, it may deepen political instability as Somalia prepares for national elections. Conversely, his survival could strengthen his administration but risks further polarizing relations with regional leaders like Madobe.

The motion also highlights the persistent inability of Somalia’s political elite to reconcile their differences and focus on pressing national issues such as security, economic reform, and reconciliation.

The stakes are particularly high as international partners look for signs of stability in a country struggling with decades of conflict and governance challenges.

As the 6th parliamentary session approaches, all eyes will be on developments in Nairobi and Mogadishu, where the battle over Somalia’s political future unfolds.

Xog: Mooshin ka dhan ah Xamsa oo ka socda Nairobi iyo qorshaha siyaasadeed oo halis ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Guux mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka billowday magaalada Nairobi, iyadoo kulamo saacadihii la soo dhaafay ay yeesheen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ka arrinsadeen qorshayaashooda.

Xildhibaanadaan ayaa doonaya mooshinka Xamse lagu furo kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka oo furmaya bisha Febraayo.

Ilo ku dhow dhow kulanka Xildhibaannada ayaa sheegaya inuu socdo qabyo qoraalka mooshinka.

Waxay qorsheynayaan in marka uu furmayo Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka ay ugu gudbiyaan Guddoonka Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiska jooga sannadkiisii saddexaad ayaa haddii uu ka badbaado mooshinka lagu soo beegayo Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka waxa uu haystaa fursad uu ku noqdo Raysalwasaarihii ugu cimriga dheeraa.

Sida hore loogu arki jiray taariikhda Baarlamanka, Kalfadhiga 6aad wixii ka dambeeya waxaa yaraada awoodda iyo abaabulka Baarlamaanka sababo la xiriira in la galayo dhammaadka muddo xileedkiisa dowladda oo lagu mashquulayo u diyaar garowga doorashooyinka.

Abaabulka Mooshinkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo Axmed Madoobe uu joogo Nairobi, dagaalka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Axmed Madoobe ayaa qarxay wixii ka dambeeyey dagaalkii Raaskambooni.

Dagaalka dowladda federaalka iyo Axmed Madoobe ayaa gaaray gacan ka hadal, waxaana ku adkaaday Axmed Madoobe, mar kale ayuu jebiyey go’aankii ay dowladdu uga mamnuucday safarada dibadda ah, wuxuuna Nairobi ka wadaa dagaal siyaasadeed oo ubucdiisu tahay mooshin.

 

Xogta dagaalkii lagu laayey Al-Shabaab oo maanta looga xoreeyey 4 deegaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka oo is kaashanaya ayaa maanta weerar culus ku qaaday tuulooyin ay gobolka Hiiraan uga sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Mid kamid ah dagaalladii ugu cuslaa ayaa dhacay maanta, waxayna ciidamadu ku guuleysteen in ay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanada Beero-Yabaal, Bur-Abooto, Eega-Galmay, Jidcillaan iyo Caddow Gurey.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Cabdullaahi Cumar oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ay howlgalladii maanta dhacay ku dileen maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Korneyl Cabdullaahi Cumar ayaa balan qaaday inay saacadaha socda warbaahinta u soo bandhigi doonaan sawirada meydadka Shabaab-kii ay ku dileen dagaalkii maanta.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay burburiyeen saldhigyadii cadowgu ay ku dhuumaaleysanayeen, kana furteen hub iyo saanad ciidan oo nooc walba leh.

Ciidamada ayaa weli sii baacsanaya firxadka Khawaarijtii maanta lagu jebiyey dagaalka deegaanadaas looga xoreeyey, sida uu sheegay sarkaalkaan u hadlay militeriga Soomaaliya.

Dagaalka ayaa kooxda looga qaaday Seddax jiho, waxaana kala hoggaaminayey Hoggaamiyaha Macawiisley Cali Jeyte iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Khaalid.

Ciidamada waxaa u suurtagashay inay kooxda kala wareegaan bartilmaameedyadii ay ku weerareen, waxaana la isula gudbay deegaano hor leh oo Al-Shabaab ay ku xooggan yihiin.

Muxuu ahaa qorshaha James Swan uu maanta u tegay wasaaradda warfaafinta DF? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.

Wasiirka iyo Danjire Swan ayaa ka wadahadley doorka warbaahinta qaranka ay ka qaadaneyso ajendayaasha muhiimka ah ee dalka, sida dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka iyo arrimaha kale ee hortabinta u Ieh Soomaaliya.

Wasiirka iyo wakiilka ayaa sidoo kale dul istaagey horumarka ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka gaartey dhanka arrimaha amniga iyo sida Ciidamada Qalabka Sida diyaarka ugu yihiin in marka uu dhammaado Hawlgalka AUSSOM ay la wareegaan amniga dalka.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sidoo kale la wadaagey Wakiilka Qaramada Midoobay horumarka laga gaarey hawlaha dib u eegista dastuurka iyo doorashooyinka ku saleysan qof iyo cod ee la qorsheynayo in dalka ay ka qabsoomaan sannadkan iyo sannadka xiga ee 2026-ka.

Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa bogaadiyay hawlaha u qabsoomay DFS , isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, Isla markaana xoojin doonto iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Waasiirka iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale booqday Kaydka Dhexe ee Cajaladaha ee Warbaahinta Qaranka.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta ayaa uga mahad celiyay doorka Qaramada Midoobay ay ka cayaartey arrimaha la xiriira taageerada Soomaaliya ee 30kii sanno ee la soo dhaafey, isagoo hoosta ka xariiqay in taageeradaas ay qeyb weyn ku lahayd dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Afar nin oo aflageedeeyey Nebiga (NNKH) iyo qur’aan oo dil lagu xukumay

Islamabad (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa afar nin ku xukuntay dil, kadib markii ay baraha internet-ka ku faafiyeen qoraallo lagu aflagaadeynayo diinta, sida uu maanta sheegay xubin ka mid ah koox “qareenno gaar ah oo is-abaabulay” oo dacwaddan soo oogay.

Afarta nin ayaa lagu xukumay magaalada Rawalpindi, oo ah magaalo ciidan oo ku dhow caasimadda Islamabad, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Rao Abdur Raheem, oo ah qareen ka tirsan Guddiga Sharciga ee Kahortagga Aflagaadeynta Diinta ee Pakistan (LCBP).

Aflagaadeynta diintu waa eedeyn culus dalka Pakistan oo ay Muslimiintu u badan yihiin, halkaas oo xitaa eedeymo aan la hubin ay kicin karaan caro dadweyne oo sababi karta dilal sharciga baal-marsan.

Dalka Pakistan ayaa waxaa aad ugu soo badanayay dacwad-oogista kiisaska “aflagaadeynta diinta ee online-ka”, iyadoo kooxo gaar ah ay dacwado ka dhan ah boqollaal dhallinyaro ah ku soo oogayaan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen falal aflagaadeyn diinta ah.

“Waxaa lagu xukumay dil… Jimcihii, kadib markii lagu helay inay online-ka ku faafiyeen qoraallo aflagaaddo ah oo ka dhan ah Nabiga Muxammad (NNKH) iyo Qur’aanka Kariimka,” ayuu yiri Raheem oo la hadlay AFP Isniinta maanta ah.

“Dacwaddeenna waxaa lagu xoojiyay caddeymo forensik ah oo laga soo uruuriyey aaladihii loo adeegsaday falkan foosha xun,” ayuu raaciyay isagoo ka hadlayay mid ka mid ah dacwadihii ugu dambeeyay ee kooxda LCBP ay soo oogtay.

In kasta oo xukunnadan ay dhaceen, haddana dalka Pakistan weli cidna uma dilin aflagaadeynta diinta darteed.

Xubin ka tirsan koox taageero ah oo ay sameysteen qoysaska eedeysanayaasha ayaa u xaqiijiyay wakaaladda AFP xukunka, wuxuuna sheegay in kooxdu ay racfaan ka qaadan doonto xukunka.

“Hab-socodka xarigga iyo dacwad-oogista kiiskan wuxuu la mid yahay kuwii hore,” ayuu yiri xubintan ka tirsan kooxda taageerada, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo amni dartood.

“Waxaan ugu baaqeynaa dowladda inay sameyso guddi baara kororka kiisaskan, ka hor inta aysan dhallinyaradan ku lumin sanadaha ugu wanaagsan noloshooda xabsiyada gudaheeda.”

Inta badan kiisaska aflagaadeynta diinta ee online-ka waxaa maxkamadda horkeena “kooxo gaar ah oo is-xilqaamay” oo ay hoggaamiyaan qareenno, isla markaana ay taageeraan mutadawiciin internet-ka ka baara dadka lagu tuhunsan yahay dembiyadan, sida ay sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo booliska.

LCBP ayaa ah kooxda ugu firfircoon kooxahaas ka hawlgala dalka Pakistan.

Sheraz Ahmad Farooqi, oo ah mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxdan, ayaa u sheegay AFP bishii Oktoobar ee sanadkii hore in “Ilaahay uu u doortay shaqadan sharafta leh”.

Warbixin ay soo saartay Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha ee ay dowladdu maamusho bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayaa lagu sheegay in ay jiraan 767 qof, oo u badan rag dhallinyaro ah, oo xabsiyada ku jira iyagoo sugaya maxkamadeyn la xiriirta eedeymo aflagaadeyn diinta ah.

“Kiisaskan, waxaa si cad loogu tuntay hanaanka sharciga, iyadoo la arkay xadgudubyo habraaceed oo muhiim ah oo dhacay marxalado kala duwan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

“Xarigga waxaa inta badan fulinayay shakhsiyaad gaar ah halkii ay ka ahaan lahaayeen hay’adaha sharci-fulinta.”

Kiisaska ayaa sanado badan jiitami kara, in kastoo xukunnada dilka inta badan loogu beddelo xabsi daa’in marka racfaan laga qaato Maxkamadda Sare.

Maxkamad gaar ah ayaa la aasaasay bishii Sebtembar ee sanadkii hore si loo dedejiyo tobannaanka kiis ee harsan.

Kulan xasaasi ah oo maanta ka dhacay wasaaradda amniga + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga gudaha XFS General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay kulanka muhiim ah oo ka dhacay xarunta wasaaradda.

Kulankan oo ahaa shirka joogtada ah ee guddi howleedka farsamo ee xiriirka arrimaha xasilinta, ayaa waxaa diirada lagu saaraay marxalada ugu muhiimsan ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Kulanka oo bishani ay martigelisay wasaaradda amniga gudaha ayaa waxaa kasoo qayb-galay dhammaan agaasimayaasha waaxyaha xiriirka ee wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha xasilinta.

Guddoomiyaha guddiga Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa ugu horeyn ka warbixiyay sooyaalka, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsiga waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlaha wasaaradda amniga, xasliinta iyo waxqabadka guddiga mudadii uu jiray.

Wasiir Fartaag oo ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyay howlaha guddiga isaga oo adkeeyay muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha xasilinta iyo wacyigelinta deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Waxa uuna ugu dambeyn kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xafiisyadooda warbaahineed yeeshaan qorshayaal mideysan oo loogu adeegayo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa haatan dib u abaabuleysa howl-galka dhowrka weji leh ee kula dagaalameyso kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisa koowaad kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Xasan Sheekh hubka ma ka dhigi karaa Sheekh Shariif? – Maxaa ka socda Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan dood cusub, waxayna la xiriirta hubka ku jira gacanta siyaasiyiinta.

Nidaamka madaxweyns Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu eedeynayo boob hanti, hub aruursi iyo dhismaha maleeshiyaad gaar ah ayaa hadda u runqaasaday inay hubka ka aruuriyaan inta ka aragtida duwan.

Madaxweyne Xasan ayaa awooddiisa shaqsiga ah ku beddelay dastuurkii lagu doortay, isagoo qortay mid u qaabeysan inay wax walba ku dhamaadan sida uu isagu rabo, wallow uusan weli dhaqan-gelin dastuurkaasi la beddelay.

Xasan Sheekh markaana wuxuu tijaabinaya in uu isagu noqon karo awooda ciidan ee qudha ee taalla magaalada Muqdisho, maadaama uusan haatan dalka ka wada talin. Waa hub arurin siyaasadeysan oo dhaqan-gelinteedana ay dhibaato ka dhalan karto.

Dadka Soomaaliyeed ayaa weli si dhab uga heshiisiinin colaadihii sokeeye, waana midda keentay inay weli jiraan qabaa’iilo hubeysan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn uga horyimid hub ka dhigistan siyaasadeed oo haddii la aqbalo ku dhamaan doonta “xukun boob iyo mucaarad xir-xiran”.

Sheekh Shariif wuxuu ku yiri kooxda Xasan Sheekh ee aliftay qorshahan “ha soo daahinina waana idin fahamsanahay”. Isla Muqdisho dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa isku deyday qorshe noocaan ah si ay awoodda ciidanka ugu isticmaalaan xukun dheereysi, laakiin waa la diiday oo gunaanadkiina kooxdii Farmaajo waa u shaqeysan weysay inay xoog ku joogaan xukunka.

Dadkii diiday qorshihii hub ka dhigista ee dowladdii Farmaajo waxaa ugu horreeyay Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo magaalada ku mari jiray tikniko fara badan, ilaaladiisuna waxay bilaabeen amar diido, iyaga oo markii dambe isku dhaceen ciidanka asluubta.

Hadda madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ahaa ninkii diiday hub ka dhigistii dowladdii hore ayaa ku hanjabaya inuu hub ka dhigis sameynayo, waxaana la eegaya haddii mucaaradka maanta ka go’aan jilicsanaan doonaan Xasan Sheekhii shalay.

Si gaar ah waxaa loo eegayaa madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo loo yaqaano siyaasi saameyn ku dhex leh ciidanka, sidoo kalena leh diiwaan ciidan.

Shariifku durba waa sii hormarsaday diidmadiisa qorshahan. Waxaana lasoo wariyay inuu maalmihii tegay magaalada Muqdisho ka waday kulamo uu la yeelanayo saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin hub gacanta ku haya.

Damacii hub ka dhigistii shalay ee Farmaajo iyo midka uu maanta wado madaxweyne Xasan Sheekh, labaduba waa doonis siyaasadeed iyo dariiq la rabo in loo maro in si fudud lagu kala adkaado caasimadda.

Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalin walba tijaabinaya go’aanno qaris ka tuurnimo ah, mana qaatan tallooyinka badbaadada illaa ay birta is arkaan, sidii maalintii Raaskambooni.

Mareykanka oo ka laabtay go’aan culus uu ka qaatay dal u tarxiilayo muhaajiriin horleh

0

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cade ee Mareykanka ayaa goor dhaweyd sheegay in madaxweyne Trump uu ka laabtay canshuur kordhin uu dul saaray Axaddii badeecadaha ay Colombia u soo dhoofiso Mareykanka.

Arrintaasi waxay ka dambeysay kaddib marki uu madaxweynaha Colombia Gustavo Pedro diiday, in lava diyaaradood oo millatari oo Mareykanka kasoo qaaday muhaajiriin Colombian ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka.

Gustavo ayaa u sheegay Mareykanka in uu aqbalayo qaadashada muwaadiniintiisa laga soo tarxiilayo Mareykanka, haddii ay dowladda Mareykanka ku keeneyso diyaarad rayid ah, balse uusan aqbaleyn diyaarado millatari.

Tan ayuu sheegay Gustavo inay noqoneyso mid sumcad dil ku ah dadkiisa, sidaas darteedna uusan aqbaleyn in muhaajiriinta lasoo celinayo dalkiisa lagu keeno diyaar ciidan.

Aqalka Cad ayaa hadda sheegay in Colombia ay ogolaatay in muwaadiniinteeda laga keenayo Mareykanka lagu geeyo Colombia diyaarado millatari, iyadoo aanan dib loo dhigeyn.

Colombiya ayaa iyaduna sheegtay in Dowladda Mareykanka ay aqbashay in muwaadiniinta Colombiya ay ula dhaqanto si sharax leh.

Ciidamada PUNTLAND oo saldhigyo waaweyn kala wareegay Daacish + Sawirro

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Puntland ayaa weli sii wada howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo haatan laga dareemayo xaalad kacsanaan.

Qoraalka kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa looga hadlay howlgalladii ugu dambeeyay iyo guulaha ay ka gareen ciidamadu.

Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay maanta la wareegtay saldhigyo muhiim ah oo ay kooxda ku laheyd deegaannada Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo isha Siido

“Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland waxay la wareegeen goobo talisyo u ahaa Argagixisada Daacish, kuwaasi oo kala ah deegaannada Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo isha Siido” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale saraakiisha horkaceysa dagaalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalladooda, ujeedkana uu yahay in argagixisada lag saaro aaggaasi.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Daacish oo ku aadan howlgalladaasi ee ay haatan guulaha waa wayn ka sheegatay dowlad goboleedka Puntland.

Puntland ayaa haatan sii xoojineyso dagaalka kooxda Daacisha, waxayna ciidamada isku sii fidinayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxaana ugu dambeysay oo ay dhowaan si buuxda ula wareegay taliskii argagixisada ee Tuulada Tuurmasaale ee gobolkaasi.

Xog: Madaxweyne XASAN Sheekh oo u baxaya safar kale oo dibadeed + Qorshihiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u baxaya safar kale oo dibadeed, xilli uu dhowaan cagta soo mariyay dalal dhowr ah oo kala duwan, kuwaas oo ay kamid yihiin Itoobiya, Uganda, Jabuuti, Masar iyo Switzerland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan madaxweynaha uu kusii jeedo safar kale oo uu ku gaarayo dalka Tanzania, halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Xasan Sheekh uu la kulami doono madaxweynaha dalkaasi  Samia Suluhu Hassan oo ay ka wada-hadli doonaan xiriirka labada iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashooda.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu joogo magaalada Arusha ee dalka Tanzania bilaabi doono kulamo kale oo la xiriira dadaallada Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo ay haatan xubin buuxda ka tahay Soomaaliya, isla markaana ah urur dhaqaale oo muhiim ah.

Safarada uu galay madaxweynaha ayaa aad u kordhay maalmahan, waxaana isku maray todobaadyo gudahood waddamo badan, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan

Zakariye Cali oo kamid a dhalinyarada isticmaala baraha bulshada ayaa yiri “Canshuurtii shacabka Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa diyaarado iyo hoteelo ayuu ku dhameeyey”

Aweys Siraad Cumar “Xasan safraaye waa la dhihi karaa intuu safar yahay iyo inta uu dalka joojo safarka ayaa badan”.

Mahad Xasan “Miisaaniyadii qaranka sookan xasan isaga iyo qoyskiisii ay ka dhigteen nool lagu raaco diyaaradaha”.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan ayaa todobaadkii hore ka qayb-galay shirkii dhaqaalaha adduunka ee lagu qabtay dalka Switzerland iyo waxaana ku xigay oo uu tegay shir-madaxeedka barnaamijka horumarinta beeraha Qaaradda Afrika ee (CAADP) oo iska ka dhacay Kampala ee caasimada dalka Uganda.