25 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Mas’uul ka tirsanaa maamulka GEDO oo qarax lagu dilay

0

Beled-xaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee degmada Beled-xaawo Cabdifataax Nuur Mataan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Cabdifataax Nuur Mataan iyo askar la socotay ayaa qaraxa miino shalay lagula eegtay gudaha degmadaasi, isaga oo xalay u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhaawaca soo gaaray guddoomiye ku xigeenka ayaa loo waayay gurmad de-deg ah, si loogu soo qaado magaalada Muqdisho, sababo la xiriira ciriiriga ka jiray dhanka diyaaradaha, iyada oo mar dambe suuragashay in diyaarad qaas ah loo diro taasi oo shalay galab keentay Muqdisho oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay jirto dhimasho iyo dhaawac kale oo gaaray askartii la socotay mas’uulkaasi oo haatan la xaqiijiyay geeridiisa.

Gedo ayaa waxaa haatan ka jira dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwa ciidan oo ay ka dhex faa’iideysaneyso kooxda Al-Shabaab oo weli ku xooggan gobolkaasi.

Horay maleeshiyaadka kooxda ayaa qarax ugu dishay saraakiil iyo mas’uuliyiin sar sare, waxaana kamid ah taliyihii NISA ee Gedo Marxuum Bakaal Kooke oo sidaan oo kale qarax miino ay kooxda ugu dishay dabayaaqadii 2022-kii, xilligaas oo uu gobolku kacsanaa.

PUNTLAND oo soo saartay go’aan culus oo ka dhan ah dadka Ajaaniibta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa go’aanno culus dul-dhigtay dadka ajaaniibta ah ee ku sugan deegaannada maamulkaasi iyo kuwa imaanaya, xilli haatan uu dardar xoogleh ku socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish oo ay ku jiraan ajaaniib badan.

Puntland ayaa gebi ahaan mamnuucday in qof ajnabi ah oo sharci darro ku jooga deegaannadeeda in aan guri laga kireyn karin maanta kadib, sidoo kalena aan la shaqaaleysiin karin.

Sidoo kale waxaa laga mamnuucay tuugsiga goobaha dadweynaha, iyada oo dhanka kale shirkadaha la faray in qof ajnabi ah oo aan haysan sharci aanay u furin karin Sim-Card.

Waxaa kale oo la joojiyay ganacsiyada yaryar ee lala wareego waddooyinka iyo xaafadaha, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay warsaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Hoose ka akhriso:-

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo xeerinaysa nabaddgelyada iyo badqabka dadka iyo hantidooda waxay soo saartay qodobada hoos ku xusan:-

  1. Iyada oo laga duulayo khataraha amni ee jira waxaa reeban inay ajaaniibtu Puntland ku soo gasho sifo aan sharci ahayn.
  2. waxaa la mamnuucay dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda.
  3. waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya.
  4. Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo. Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto.
  5. Waxaa la mamnuucay ganacsiyada yar yar ee aan sharciyeysnayn ee suuqa lala wareego.

Daawo: DF xog xasaasi ah ka bixisay dagaalkii Mesagawaa oo lagu jebiyey Al-Shabaab

0

Mesegawaa (Caasimada Online) –Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Al-Shabaab jab culus lagu gaarsiiyey maanta.

Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay meel duur ah ayaa sheegay in weerarkii Al-Shabaab ay fashiliyeen dadka deegaanka oo xogtooda u soo gudbiyey ciidanka.

Sidoo kale, Afhayeenka Gaashaandhigga Soomaaliya wuxuu xaqiijiyey in dadka deegaanka ay ka qeyb qaateen dagaalka, taasi oo fududeysay in Shabaab ay dagaalka ku jabaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkaas qaaday waaberigii hore ee saakay, balse waxaa la sheegay inay ku soo dhaceen fariisimihii ay ku ogaayeen ciidanka oo loo baneeyey.

Al-Shabaab waxaa u qorsheysneed inay dagaalka bilaabaan inta aan la gaarin salaadii subax ee saakay, balse ciidanka oo ka aag bedeshay goobihii ay horay u deganaayeen ayaa jebiyey kooxda.

Dagaalka ayaa u bilowday markii ay qoraxdu soo baxday sidii ay u qorsheeyeen ciidamada xoogga dalka oo garab militeri iyo mid xooraan ka helaya dadka deegaanka, waxaana u suurtagashay in kooxda ay jebiyaan.

Khasaaraha ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ka soo gaaray ayaa ahaa mid aad u kooban, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen, halka Al-Shabaab ay ku baaba’een dagaalkii maanta, maadaama uu fashilmay qorshihii ay dejiyeen.

Sidoo kale, Ciidamada Xoogga waxaa saaciday diyaaradaha dagaalka oo kor ka tooganayey firxadka Shabaab-kii weerarka soo qaaday.

Maanta oo dhan waxaa aagga deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud ka socday baacsiga firxadka Al-Shabaab, waxaana dhulka howdka ah daadsan meydadka maleeshiyaadkii kooxda oo jab culus kala kulmay dagaalka.

Hoos ka daawo

Jeesow oo u jawaabay Cali Jeyte, kana horyimid qorshaha macawiisleyda Xawaadle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka hor yimid in ciidamada macawiisleyda beesha Xawaadle loo diro galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo la qorsheynayo in maalmaha soo socda laga xoreeyo kooxaha Khawaarijta ah.

Taliyaha NISA, Hoggaamiyaha Ciidamada Macawiisley Cali Jeyte, Taliye ku xigeenka ciidanka Dhulka Jeneraal Khaalid iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugan aagga degmada Buuloburde, halkaas oo maanta looga dhawaaqay dagaal ka dhan ah argagixisada.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka horyimid qorshaha socda, wuxuuna sheegay in macawiisleyda beesha Xawaadle ay khatar ku yimiin beeshiisa Gaaljecel.

Wuxuu sheegay in dad iyo deegaan toona aysan dhaafi doonin ciidamada beesha Xawaadle, hadii wabiga ay uga talaabaan dhinaca galbeed.

Jeesow ayaa ku dooday in Hooyadii iyo walaalihii ay degan yihiin deegaanada ay joogaan Al-Shabaab, isla markaana ciidamada beesha Xawaadle aysan cafi doonin, isagoo ka niyad jabsan in shacabka iyo Shabaab isku si loo dilo.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa u jawaabay hoggaamiye Cali Jeyte oo maanta ku baaqay in Shabaab la iska soo afjaro, isagoo toos ugu hanjabay dadka ku dhex nool kooxda Al-Shabaab.

“Al-Shabaab Hooyadey iyo Aabaheey ayaa la joogo, kamana tirsana, hadalka Cali Jeyte waa kicin, Macawiisleeydii isbaaradu u tiilay deegaanada bari ee gobolka Hiiraan, in hadana la dhaho Galbeed ayaa loo soo rarayaa oo isbaarooyin kale ay dhiganayaan fikir saliim ah ma ahan” ayuu yiri Jeesow.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysigaan siiyey TV-ga Shabeelle ayaa tusaale u soo qaatay labo wiil oo ka soo jeeday beesha Gaaljecel, kuwaas oo macawiisleyda beesha Xawaadle ay xaniyaha ka jareen, iyagoo ku eedeynaya Al-Shabaab.

Sidoo kale, arrinta isbaarada oo macawiisleyda aad loogu eedeeyo ayuu walwal ka muujiyey Xildhibaan Jeesow, “Dhib ka dulqaad oo dhib kale urar ayaa heysata dadkeyga,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo xil sare u magacaabay Aamina Axmed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo digreeto soo saaray ayaa maanta xil sare u magacaabay Marwo Aamina Axmed Samatar (Keyf), taas oo noqotay Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM).

Aamina oo ah gabar dhalinyaro ah oo firfircoon ayaa horay uga shaqeysay hay’ado kala duwan oo dowladda ah, waxaana hadda loo xushay arrimaha haweenka.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay marwo Aamina Axmed Samatar Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM)” ayaa lagu yiri wareegtada.

Dhinaca kale waxaa magacaabistaan ka dhalatay hadal-heyn xooggan, waxaana ka fal-celiyay qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada.

Seerjito Looyaan ” Maxaa qasab ka dhigaya Geneder maxaa loo isticmaali waayey *WOMEN* Ra’iisul wasaaraha dhiiqadan yaa gelinooyo?”.

Axmed Cabdi “Haweenka xafiiska jooga oo la isku duwaa mindhaa tiro badanaa”

Xaakim Cadnaan “Masha allah hambalyo agaasime Aamin Keyf Axmed waad u qalantaa booskaan qof kaaga habboona ma lahan guuleyso habo”.

Kamaal Xuseen “Dadka mushaarka toos usiiya maxa noo bareesiin”.

Raage Aadan Cali “Oo odaygu ma xafiis haweenka loogu soo aruuriyo buu leeyahay”.

Wafdi ka socda DF Soomaaliya oo ka qayb-galay dabaal-dega aqoonsiga…

0

Jigjiga (Caasimada Online) –  Wafdi heer wasiir ah oo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad loogu dabaal-degayo aqoonsiga Xeerka Soomaaliyeed ee xeer Ciise oo ay dhawaan aqoonsatay Hay’adda UNESCO.

Xubnaha ka qayb-galay munaasabaddan ayaa waxaa kamid ahaa Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya, Cabdiwahaab Cumar Caananuug, kuwaas oo khudbada ka jeediyay xafaladda oo ka dhacay magaalada Diridhabe ee Dowlad Deegaanka.

Munaasabaddan oo halku-dhig looga dhigay “Xeer Ciise waxa uu gundhig u yahay sinnaanta, caddaaladda iyo midnimada”, ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay boqolaal qof, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax ka kala socotay wadamada Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya.

Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo madasha ka hadlay aqoonsiga xeerkan uga mahadceliyay hay’adaha iyo dadkii ka shaqeeyay, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo horumarinta dhaqamada soo jireenka ah.

Dhankiisa Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa  guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay soo dhoweynta munaasabadaan Xeer Ciise.

Xeerkan ayaa xeer gaar u ah Beesha Ciise ee Dir, Ciisaha ee degta dalka Jabuuti, waxaana ka dhashay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale Beesha Ciise ayaa degta qeybo badan oo kamid ah gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Xeerka Beesha Ciise waxaa si wadajir ah u aqoonsaday dawladaha Soomaaliya, Ethiopia iyo Jabuuti.

Sidoo kale Xeerka Bulshada Ciise waxaa aqoonsatay Hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobey, wuxuuna kamid noqday xeerarka laga tixgeliyo qeybo kamid ah caalamka.

Xogta nin ajnabi ah oo iska leh guriga qaraxyada laga soo qabtay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland oo weli sii wada howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ayaa maanta beegsaday guriga nin ajnabi ah oo kooxda ka tirsanaa, kaas oo xalay la dilay, isaga oo miino ku aasayay waddo ku taalla Boosaaso, waxayna gacanta kusoo dhigeen qaraxyo iyo agabyo kale oo halis ah.

Taliska ciidanka booliska oo ka warbixiyay howlgalkaasi ayaa sheegay in lagu xaqiijinayay amniga, ayna soo qabteen qaraxyo, bambooyin iyo agabyo kale, kuwaas oo laga helay guriga ninkii ajnabiga ahaa ee ay xalay ciidanku ku dileen gudaha magaaladaasi.

Xogta ninkan oo ajnabi ah ayaa waxaa soo gudbiyay dadka shacabka ah, isla markaana sidaas ay ku howlgaleen ciidamada ammaanka, kadibna ay toogteen ninkaasi oo qarxiyay miinada, markii uu isku dayayne inuu baxsado la dilay.

“Ninka oo Ajenebi ah ayaa markuu arkay in Ciidanku soo aadeen qarxiyey miinadii uu aasayay isagoo isku dayay in uu fakado , Balse markiiba Ciidanka ayaa toogtay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada booliska ee maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale taliska qeybta Booliiska Gobolka Bari ayaa bulshada Boosaaso ugu baaqay in ay taxadaraan, soona sheegaan cid walba oo ay kaga shakiyaan in ay ammaanka lid ku tahay.

Dhinaca kale waxaa maanta howlgal kale oo culus uu ka dhacay aagga Calmiskaad, kaas oo lagu beegsaday talis ay Daacish ku lahayd halkaasi, kaas oo gebi ahaan la burburiyay.

Sidoo kale ciidanka ayaa la wareegay saldhigaas oo ku yaalla deegaanka Warisoor, aaga Turmasaale ee Calmiskaad, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ciidanka difaaca.

“Ciidanku waxay la wareegeen Taliskii Argagixisada Daacish ku laheyd deegaanka Warisoor, aaga Turmasaale ee Calmiskaad. Sawirada iyo muuqaalada goordhow” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamada isku sii fidinayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxaana ugu dambeysay shalay oo ay si buuxda ula wareegay taliskii argagixisada ee Tuulada Tuurmasaale ee gobolkaasi.

Maxay Xamaas ku bedelatay afarta askari ee maanta u gudbisay dhanka Israel?

0

Gaza (Caasimada Online) – Xamaas ayaa maanta sii deysay afar haween ah oo ka tirsan ciidamada Israel, kuwaasi oo ay ku bedelatay ilaa 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah.

Is-dhaafsigan oo qeyb ka ah heshiis xabbad-joojinta ah oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka 15-ka bilood ka socday Gaza.

Afarta qof ayaa la geeyay fagaare ku yaal magaalada Gaza oo ay ku sugnaayeen dad badan oo Falastiiniyiin ah, waxaana hareeraha ka taagnaa tobanaan ka tirsan ciidamada Xamaas oo hubeysan.

Waxa ay gacan haadinayeen dadka iyagoo dhoola-cadeynayayay ka hor intii aan la kaxeynin, waxaana lagu qaaday gawaarida hay’adda ICRC oo u geeyay ciidamada Israel.

Askartan oo kala ah; 1- Karina Ariev, 2- Daniella Gilboa, 3- Naama Levy iyo 4- Liri Albag, ayaa dhamaantood ka howl-galayay aag ku yaalla agagaarka Gaza, waxaana afduubay dagaalyahannada Xamaas oo xoog ku qabsaday xaruntooda intii uu socday weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii October, sanadkii 2023-kii.

Waalidiintood ayaa markii ay shaashadda ka arkeen sacab iyo farxad la ooyay, iyagoo si toos ah sii deynta uga daawanayay saldhig ciidan oo ku yaalla xadka.

Magaalada Tel Aviv, boqolaal Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha lagu magacaabo Hostages Square, iyagoo muujinayay farxadda sii deynta askarta oo ay ka daawanayeen shaashad weyn.

Askarta la sii daayay ayaa qoysaskooda dib ula midoobay wax yar ka dib, sida laga soo xigtay militariga, waxaana loo qaadi doonaa isbitaal ku yaal bartamaha Israel, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Israel,

Farxadda sii deynta haweenkan ka tirsanaa ciidamada ayaa waxaa barbar socday niyad jab ka dib markii haweeney rayid ah oo lala sii deyn lahaa afarta askari laga waayay liiska dadka ay Xamaas sii deyneyso.

Afhayeen u hadlay milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay tahay in la jebiyay xabbad joojinta, halka Xamaas ay sheegtay in ay tahay arrin farsamo.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Falastiiniyiinta Gaza aan loo oggolaan doonin in ay dib ugu soo laabtaan dhanka waqooyi ee Marinka illaa inta arrintan laga xallinayo.

Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa ka barakacay waqooyiga Gaza intii uu socday dagaalka.

Sarkaal Falastiini ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhexdhexaadiyeyaashu ay ka shaqeynayaan sidii loo xallin lahaa arrintan.

Xamaas ayaa sheegtay in 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah la sii deyn doono maanta taas oo qayb ka ah is-dhaafsiga. Waxaa ka mid ah maleeshiyaad lagu xukumay xabsi daa’im. Ku dhawaad 70 ka mid ah ayay Xamaas sheegtay in lagu wado in la tarxiilo.

Is-weydaarsiga dhacaya Sabtida maanta ah ayaa ah kii labaad tan iyo markii ay bilaabatay xabad joojinta 19-kii Bishan Jannaayo islamarkaana Xamaas ay wareejisay saddex dumar ah oo Israa’iiliyiin rayid ah oo ay ku beddelatay 90 maxaabiis Falastiiniyiin ah.

War ka cusub xarunta gantaallada ee Turkigu uu ka dhisayo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Turkiga ayaa ku dhow inuu dhammeystiro dhismaha xarun laga gano gantaallada hawada sare oo ku taalla gudaha Soomaaliya, taasoo dhismaheedu billowday bishii December ee sanadkii 2024.

Wareysi uu siiyay wargeyska Military Africa, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku nuux-nuuxsaday in xaruntani ay faa’iidooyin dhaqaale u keeni doonto Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin abuurista shaqooyin iyo kororka dakhliga.

In kasta oo aan la shaacin goobta rasmiga ah ee ay xaruntani ku taallo, haddana meesha istiraatiijiga ah ee ay Soomaaliya kaga taallo dhul-baraha u dhow iyo marinkeeda Badweynta Hindiya ayaa ka dhigaya goob ku habboon ridista gantaallada iyo howlaha hawada sare.

Mashruucan hammi-weynaha ah ayaa waafaqsan laba ujeeddo oo istiraatiiji ah oo uu leeyahay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan: in Turkigu noqdo quwad dhinaca hawada sare ah iyo inuu ballaariyo saameyntiisa Geeska Afrika.

Turkiga ayaa sanadkii 2021-kii daah-furay barnaamij toban sano ah oo ku aaddan hawada sare, kaasoo ay qayb ka yihiin horumarinta nidaamyada dayax-gacmeedka iyo dhismaha xarun laga hago dayax-gacmeedka. Khabiirradu waxay xusayaan in xarunta gantaallada ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka gaaritaanka ujeeddooyinkaas.

Iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa dhaafsiisan xaruntan. Tan iyo sanadkii 2017, ciidamada Turkiga ayaa askarta Soomaaliyeed ku tababarayay xerada TÜRKSOM, iyagoo xoojinaya awoodaha difaaca ee dalka.

Shirkadda Turkish Petroleum ayaa sidoo kale la siiyay xuquuqda sahaminta shidaalka ee biyaha dhul-badeedka Soomaaliya, halka heshiisyo lagu gaaray dib-u-dhiska iyo casriyeynta ciidamada badda ee Soomaaliya.

Intaa waxaa dheer, Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageeray dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, tamarta, iyo kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xoojinaya xiriirka laba geesoodka ah.

Si kastaba ha ahaatee, xarunta gantaallada ayaa ka dhigan guul taariikhi ah oo muujineysa himilooyinka ballaaran ee Turkiga, iyadoo xoojineysa doorkeeda quwad goboleed iyo mid caalami ah oo soo koraysa dhinacyada difaaca iyo tiknoolojiyadda hawada sare.

Iyadoo Turkigu uu horumar ka sameynayo inuu noqdo dal ka mid ah kuwa awoodda u leh hawada sare, iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya ayaa muujinaya suurtagalnimada koror dhaqaale iyo mid istiraatiiji ah oo labada dalba dan u ah.

Horumarkan ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqaya sida uu Turkigu diyaar ugu yahay inuu kula loollamo quwadaha waaweyn ee adduunka tartanka dhinaca hawada sare.

Xog: Cirro oo safarkiisii ugu horreeyay u baxaya + Dalka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in safarkiisii ugu horreeyo uu ugu ambabaxo magaalada Abu Dubai ee caasimada ee dalka Imaaraadka. Carabta.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Madaxweyne Cirro uu safarkan galayo beri oo ah 26-ka Janaayo, isaga oo casuumaad ka helay madaxda dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha cusub ee Somaliland uu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono madaxa Isu Tegga Imaaraadka, isaga oo kala hadli doono xiriirka labada dhinac iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ballaaran ee ay leeyihiin.

Imaaraatka Carabta ayaa haatan daneynaya in uu hoos u daadiyo siyaasadda uu ku wajahayo Somaliland, maadaama uu meesha ka baxay Muuse Biixi Cabdi oo ay isku wanaagsanaayeen, waxayna hadda bilaabeen la macaamilka tooska ee C/raxmaan Cirro.

Horay Madaxweynaha cusub ee Somaliland ayaa u ballan qaaday in uu xoogga saarayo hagaajinta siyaasadda dibaddaiyo tan gudaha si loo hormariyo xiriirka Somaliland.

Safarkan ayaa noqonayo kii ugu horreeyey ee uu baxo Madaxweyne Cirro tan iyo markii uu ku guuleystay kursiga Madaxweynaha 13-kii Nofeembar ee sanadkii hore ee 2024-kii.

Si kastaba, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu kamid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ee Somaliland ee marar badan maamulkii Muuse Biixi Cabdi ku dhaliilay safarka Imaaraadka iyo diidmada uu kala hortagay socodsiinta heshiisyo kala duwan oo ay wadagaleen xiligaas.

Villa Somalia oo ka jawaabtay walaaca laga qabo in Trump uu aqoonsado Somaliland

Washington (Caasimada Online) – Soomaaliya kama walaacsana mustaqbalka madaxbanaanida dhulkeeda, waxaa sidaas sheegay la-taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada, iyadoo maamulka Trump la hadal hayo in laga yaabo inuu diyaar u yahay inuu aqoonsado gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Isagoo ka hadlayay kulan-dhinacmeedka Madasha Dhaqaalaha Adduunka, Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in Mareykanka iyo Soomaaliya ay weli yihiin xulafo isku dhow oo ka wada shaqeeya arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha iyo amniga.

“Wax iska beddelay ma jiraan tan iyo muddo xileedkii koowaad ee Trump,” ayuu yiri. “Ma garan karno sababta qof u doonayo inuu arrintan ka hadlo, gaar ahaan marka la eego dalkeenna.”

J. Peter Pham, oo ahaa ergey hore oo gaar ah oo Mareykanka u qaabilsanaa gobollada Sahel iyo Harooyinka Waaweyn intii lagu jiray muddo xileedkii koowaad ee madaxweyne Trump, ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo kooxda cusub ee Afrika ee Madaxweynaha.

Pham ayaa si weyn u taageeri jiray waxa loogu yeero horumarka dhanka dimoqraadiyadda ee Somaliland iyo dadaallada ay ugu jirto in Mareykanku aqoonsado qaranimadeeda. Pham waxa uu sidoo kale si adag u dhaliili jiray siyaasadda aan rasmiga ahayn ee Aqalka Cad ee Biden ee ku aaddan “Hal Soomaaliya”.

Somaliland ayaa dhaqaale badan ku bixisay shirkado ololeeyayaal ah ama lobbies oo Jamhuuri ah, si ay ugu dhaadhaaciyaan qaar ka mid ah xubnaha Congress-ka in Somaliland loo aqoonsado dal ka madax-banaan Soomaaliya. 

Dib ugu soo laabashada Aqalka Cad ee Trump ayaa rajo gelisay Somaliland, ayada oo Trump marar badan uu horey u weeraray Soomaaliya, isaga oo ay is-hayaan Ilhaan Cumar.

Si kastaba, arrinta Somaliland ayaa la rumeysan yahay in aysan wax ahmiyad ah u lahayn madaxweynaha cusub ee Mareykanka, islamarkaana aanay xitaa maankiisa ku soo dhicin, ayada oo ay horyaallaan arrimo boqolaal jeer uga muhiimsan.

ILHAAN CUMAR iyo Donald Trump oo durba ay ka dhex tafatay – Maxaa cusub?

0

 Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo laga so doortay gobolka Minnesota ayaa markale dib u bilowday mucaaradnimo ka dhan ah madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, iyada oo ku qaaday weerarkii ugu horreeyay ee siyaadeed.

Ilhaan Cumar oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si adag u dhalleeceysay siyaasadaha uu la yimid Trump, oo dhowaan uun xafiiska la wareegay, iyada oo si weyn uga hortimid

Gabadhaan oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu qaaday madaxweynaha cusub kadib markii uu xilka la wareegay ay muujinayaan aragti naceyb iyo dib u dhac, sida ay ku sheegtay qoraalkeeda.

Sidoo kale waxay saluug wayn iyo quus wayn ka muujisay qorshaha Trump uu ku doonayo in dhalashada Mareykanka lagala laabto dadka ku dhasha Maraykanka, joojinta barnaamijyada dib u dejinta qaxootiga, kuwaas oo ay sheegtay in ay uga sii darayaan dhibaatada isbeddelka cimilada adduunka.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in tallaabooyinka noocan ah ay ka dhigan yihiin dib u dhac ku yimid dadaallada horumarka iyo sinnaanta, iyada oo caddeysay in ay ka go’an tahay inay si adag uga hortagto siyaasadahaas, isla markaana ay sii wadi doonto u doodista maamul caddaalad ah oo waara.

“Ma cabsan doono, waxaan difaaci doonaa bulshooyinkayada kala duwan ee soo galootiga ah,” ayey tiri Ilhaan Cumar oo ballan-qaaday in ay ku adkeysan doonto difaaca xuquuqda dadka ay matasho.

Tani ayaa muujineyso in mar kale ay is wajihi doonaan Trump iyo Ilhaan oo muddo xileedkii hore la xasuustaa meesha uu gaaray dagaalkooda siyaasadeed, welina waxa ay u muuqataa in arrintu sideedii tahay, labada mas’uulna ay mar kale ka dhex-tafatay.

Sawirro: Arrin lala yaabay oo lagu arkay xeebta Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Meydadka in ka badan 100 kalluunka nocoa Homboro (Dolphin) ah ayaa laga helay xeebaha gobolka ismaamulka Puntland ee Soomaaliya, iyadoo saraakiishu ay weli baaritaan ku wadaan waxa sababay dhimashadooda.

Wasiirka kalluumeysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ilaa iyo hadda la tiriyay ugu yaraan 110 Homboro oo dhintay, kuwaas oo laga helay meel aan sidaas uga fogeyn dekedda Boosaaso, isla markaana shaybaarro laga qaaday si loo ogaado waxa dhacay.

“Ilaa hadda, waxaan ognahay in dhimashadoodu aysan ka dhalan dhaawacyo ka soo gaaray shabaqyada, maxaa yeelay ma jirin wax dhaawacyo ama jeexjeexyo ah oo ku yaalla,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in saraakiishu aysan aaminsaneyn in maaddooyin sun ah ay sabab u yihiin maadaama kalluunka ku nool aagga uusan u muuqan inuu waxyeello soo gaartay.

Dadka deegaanka iyo askar ayaa isugu soo baxay si ay u daawadaan muuqaalkan naxdinta leh, iyagoo sanka ka qabsaday urka ka soo baxayay kalluunka.

Wasaaradda Deegaanka ayaa tilmaamtay afar arrimood oo suurtagal ah inay sabab u noqdeen dhacdadan: isbeddellada xaaladaha biyaha badda ee keenaya cunto yari, kalluunka ugaarsada Homboro oo u soo qaxaya xeebaha, dhibaatooyin caafimaad ama cudurro ku dhaca kalluunka oo sababa in ay raadsadaan biyo gacmeed, iyo khalkhal ka yimaada wasakhowga biyaha ama buuqa badda oo carqaladeyn kara dabeecadahooda.

Sidoo kale, waxaa suuragal ah in dhaawacyo la xiriira kalluumeysiga, sida ku dhegista shabaqyada, ay sabab u yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka ayaa ku adkeysanaya in laga yaabo in qashin kiimiko ah lagu daadiyay badda, taasi oo laga yaabo inay sumeysay doofaar-badeedka.

Soomaaliya ayaa muddo dheer loo isticmaali jiray goob lagu aaso qashinka halista ah, laga soo bilaabo horraantii 1990-meeyadii, iyadoo arrintaasi ay sii socotay intii uu socday dagaalkii sokeeye.

Weelal ay ku jiraan kiimikooyin halis ah ayaa si joogta ah loogu arkay xeebaha Soomaaliya, taasoo walaac ka dhalisay saameynta ay ku yeelan karto noolaha badda.

Xogta weerar qarax ku bilowday oo Al-Shabaab ay ku qaaday Masagawaa

0

Masagawaa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar qarax ku bilowday iyo dagaal toos ah oo kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo dhinac ah ku dhex-maray magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay gudaha magaaladaasi ku qaadeen weerar ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kadibna waxay iska caabin xooggan kala kulmeen ciidankii ku sugnaa halkaasi.

Inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka, maadaama uu aad u xooggana ayaa waxay wararka sheegayaan inay jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxa iyo dagaalkii xigay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay ciidamada iskaashanaya ay fashilyeen weerar gaadmo ahaa oo kooxda Al-Shabaab ku qaaday Masagawaa.

“Geesiyaasha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca ee ku sugan magaalada Masagaway ee gobolka Galgaduud ayaa fashiliyey weerar gaadma ah oo ay Khawaarijta soo qsadeen waxaana lagu dhuftay dharbaaxo kulul,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Waxaa weli maqan isgaarsiinta Masagawaa iyo deegaanno kale oo hoostaga, si dhab ah looma sheegin sababta hawada ka saartay, waxaana adag in la helo xogo ka madax-bannaan dhinacyada dagaalamay si loo ogaado khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey dhowr jeer weeraro ku bilowday qaraxyo ugu soo qaaday magaalada Masagawaa, si ay dib ugu qabsadaan magaaladan muhiimka ah oo haatan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa deegaanka.

Saciid DENI oo indhihiisa ku soo arkay saraakiishi ku dhaawacantay dagaalka

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa tegay garoonka magaaladaasi, isaga oo u tegay saraakiil iyo askar kusoo dhaawacantay dagaalka Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah.

Deni ayaa booqday dhaawacyada Jenaraal Fu’aad Xanaano iyo Dabale Jaamac Nuur oo kusoo dhaawacmay howl-galka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, kuwaasi oo diyaarad lagu geeyay Boosaaso, si loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad.

Madaxweynaha Puntland ayaa garab istaag u muujiyey saraakiisha iyo askarta dhaawacyada ah, isaga oo u kuurgalay xaaladdooda caafimaad, si uu qiimeeyo daryeelkooda.

Sidoo kale wuxuu faray guddiga taakuleynta ciidanka in xaaladda caafimaad ee saraakiishan dhakhso looga howlgalo, si ay u helaan daryeel caafimaad oo dhammeystiran oo dalka iyo dibadda ah.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalladu u socdaan sidii loogu talagalay, isla markaana ay guullo waa wayn kasoo hoyeen ciidamada.

Ciidanka ayaa la wareegay talisyo muhiim ah, waxayna Puntland sheegtay inay sii firxanayaan xubnaha kooxda Daacish

“Ciidanka Dowladda Puntland ee ku jira Hawlgalada ciribtirka Argagixisada, ayaa guulo waaweyn ka gaaray hawlgalka buuralayda Calmiskaad, taasi oo siweyn ay usoo dhoweeyeen dadka reer Puntland oo isku duuban Dowlad iyo Shacaba. Waxaana  inta badan Ciidanku la wareegay meelaha ay talisyada waaweyn ka sameysatay Argagixisada Daacish oo hadda firxad ah” ayaa lagu yiri qoraalka ay shaacisay madaxtooyada Puntland.

Si kastaba, Puntland ayaa xooggeeda isugu geysay dagaalkan, waxaana qorshaheeda uu yahay in maleeshiyaadka kooxda Daacish ay ka tirtirto dhulka buuraha ee maamulkaasi.

Ciidanka PUNTLAND oo toogasho ku dilay nin ajnabi ah oo…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen magaalada Boosaaso, kaas oo lagu dilay xubin ka tirsan kooxda Daacish oo qarax diyaarinayay.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Puntland waxaa ninkan lagu dilay aagga Nakhiil, isaga oo miino ku aasayay waddo wayn oo ku taalla halkaasi.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in xogta ninkan oo ajnabi ah ay soo gudbiyeen dadka shacabka ah, islamarkaana ay sidaas ay ku howlgaleen ciidamada ammaanka, kadibna ay toogteen ninkaasi oo qarxiyay miinada, markii uu isku dayayne inuu baxsado la dilay.

“Ninka oo Ajenebi ah ayaa markuu arkay in Ciidanku soo aadeen qarxiyey miinadii uu aasayay isagoo isku dayay in uu fakado , Balse markiiba Ciidanka ayaa toogtay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada difaaca ee maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale, taliska ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo amniga Boosaaso, ayna ka hortagi doonaan isku day kasta oo ka yimaada argagixisada.

“Ciidanka ayaa heegan buuxa ugu jira adkeynta amniga magaaalada Boosaaso, waxayna uga mahadcelinayaan Shacabka Boosaaso sida dhakhsaha ah ee ay usoo gudbinayaan qofkii ay ka shakiyaan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Waa baraarug Shacab iyo Dowlad heegan ah oo isku duuban, si looga hortago dhagar kasta oo ay maleegaan Argagixisadu iyo cidkasta oo lagu ogaado in ay u joogaan magaalooyinka .

Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamada isku sii fidinayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxaana ugu dambeysay shalay oo ay  si buuxda ula wareegay taliskii argagixisada ee Tuulada Tuurmasaale ee gobolkaasi.

Mareykanka: Laba Soomaali ah oo xukun adag lagu riday

Tucson (Caasimada Online) – Laba nin oo Soomaali ah oo ku nool magaalada Tucson ee gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa xukun lagu riday kaddib markii lagu helay dambi ah inay maleegeen qorshe ay dibadda ugu safrayaan si ay ugu biiraan koox argagixiso Islaami ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Axmed Mahad Maxamed, oo 26 jir ah, iyo Cabdi Yamani Xuseen, oo 25 jir ah, ayaa qirtay dambiga ah inay maleegeen qorshe ay ku taageerayaan Kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam (ISIS) bishii Agoosto ee sanadkan 2024-ka.

Toddobaadkii hore, xaakim ka tirsan maxkamad degmo oo Mareykan ah ayaa xukun ku riday Maxamed iyo Xuseen, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka ee Gobolka Arizona.

Maxamed ayaa lagu xukumay 11 sano oo xarig ah, halka Xuseen lagu riday xukun ah siddeed sano ah oo ay ku xigi doonto sii-dayn ay la socon doonto kormeer inta noloshiisa ka dhiman, sida ay xeer-ilaaliyeyaashu sheegeen.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxa ay intaa ku dareen in labada nin laga tarxiili doono dalka Mareykanka dibna loogu celin doono Soomaaliya marka ay dhammeystaan muddada xukunkooda.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxa ay sheegeen in Maxamed uu ugu yaraan tan iyo bishii Agoosto 2018-kii internetka ka raadinayay shaqsiyaad kale oo taageersan Daacish. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu damacsanaa inuu dadka kale qoor-gooyo, oo is-miidaamiyo.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxa ay tilmaameen in riyada keliya ee Maxamed ay ahayd inuu aado Suuriya, kuna biiro Daacish, ugana barbar-dagaallamo.

Isaga iyo Xuseen ayaa kulmay sannadkii 2019-kii si ay uga wada hadlaan qorshahooda. Xilligaas, Xuseen ayaa sheegay inay tahay inay weeraraan Aqalka Cad haddii mas’uuliyiinta Mareykanka ay ka hor istaagaan inay u safraan dibadda si ay u geystaan falal argagixiso ah, sida ay xeer-ilaaliyeyaashu iftiimiyeen.

Labada nin ayaa billaabay diyaarinta safarkooda ay ugu biirayaan Daacish bishii Juun ee 2019-kii, iyagoo iibiyay baabuurtooda, kana goostay tikidhada diyaaradda ee ka duulaysay magaalada Tucson kuna sii jeeday Qaahira. Waxay qorsheeyeen inay si tahriib ah uga gudbaan una galaan qaybta Jasiiradda Siinaay.

Hase yeeshee, hay’adda dambi-baadhista ee FBI-da ayaa ku qabatay gudaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Tucson ka hor intaysan raacin diyaaraddii ay ku bixi lahaayeen.

Maxamed ayaa haystay lacag dhan $10,000 oo ay labada nin damacsanaayeen inay u adeegsadaan kharashaadka safarka iyo soo iibsashada hub, sida ay xeer-ilaaliyeyaashu caddeeyeen.

Xaggee Shabaab geeyaan lacagaha baadda ee ay ka qaadaan Shacabka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee wasaaradda awqaafka iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan lacagaha baadda ah ee ka qaadaan shacabka.

Nadaara oo horay uga soo goostay Al-Shabaab, hadana mas’uul dowladood ayaa bixiyay xog xasaasi ah oo ku aadan halka ay geeyaan lacagaha ay aruuriyaan Al-Shabaab ee syaabaha kala duwan looga qaado dadka shacabka iyo sidoo kale ganacsatada.

Agaasime Ibraahim Nadaara ayaa shaaca ka qaaday in lacagahan oo si xoog ah shacabka looga qaato ay si gaar ah u isticmaalayaan horjoogayaasha kooxdan iyo caruurtooda, islamarkaana aysan dib ugu soo celin dadka shacabka ah ee ku nool deegaanooda.

“Lacagaha baadda ah ay qaadaan waxaa ka faa’iideystaan, iyaga carruurtooda iyo islaamahoooda, waxaana lacagtaas xooga looga soo qaadaa shacabka,” ayuu yiri Ibraahim.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in aanay jirin iskuul, waddo ama xarun dadweyne oo ay dhiseen Al-Shabaab, taasna ay caddeyneyso ujeedkooda gaarka ah.

“Lama hayo laamiyo ay dhiseen, lama hayo buundooyin, iskuullo iyo jaamacado ay dhiseen inta ay hadda sameeyaan waa inta danta u ah Shabaab uun” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Waa dad dul saaran shacabka oo dhuuqaayo faa’iido ay dadkii u celinaayana aysan jirin, intaana waxaa sii dheer dhibaatada ay usii gaysanayaan shacabka”

Al-Shabaab ayaa lacagaha ugu badan ka hesho shacabka iyo ganacsatada, taas oo la sheego inay xittaa maalgeliso dagaalyahanadeeda, kuna sameysato qaraxyada ay ka fuliyo caasimada iyo magaalooyinka kale ee dalka, taas oo iyana ah dhibaato kale oo wayn

Somalia: Trump’s term won’t change Somaliland policy

DAVOS, Switzerland – Somalia remains confident in its territorial integrity and its relationship with the United States despite speculation that the new Trump administration might recognize the breakaway region of Somaliland, a senior Somali presidential adviser said Friday.

Speaking on the sidelines of the World Economic Forum in Davos, Yusuf Hussein, a senior adviser to the Somali President, affirmed that the US and Somalia remain “strong allies” across economic and security domains.

“Nothing has changed since Trump’s first term,” Hussein told Semafor, dismissing concerns about a potential policy shift regarding Somaliland. “We’re not sure why anyone would try to raise this about our country.”

These comments come amid growing speculation that the newly inaugurated Trump administration might take steps to recognize Somaliland’s self-declared independence.

This speculation has been fueled by the expected appointment of J. Peter Pham, a former special envoy for the Sahel and Great Lakes regions during Trump’s first term, to lead the President’s new Africa team.

Pham’s appointment sparks speculation

Pham is a known advocate for Somaliland and has been a vocal critic of the previous Biden administration’s “One Somalia” policy, which maintained the US’s official position of recognizing a unified Somalia.

During his tenure as a special envoy, Pham was a frequent visitor to Somaliland and often praised its democratic progress in contrast to the instability that has plagued Somalia for decades.

“The United States will continue to engage with all partners that can make progress in counterterrorism and development, which includes Somaliland,” Pham said to VOA Somali Service in December 2020.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 after the collapse of the Siad Barre regime, which plunged the country into a prolonged civil war.

Located on the strategically important Gulf of Aden, Somaliland has since established a relatively stable democratic system, holding regular elections and maintaining its own security forces.

Despite its de facto independence and relative stability, Somaliland has not been recognized by any sovereign state.

The international community, including the African Union (AU) and the United Nations (UN), has largely adhered to a policy of supporting a unified Somalia, focusing instead on helping to rebuild the federal government in Mogadishu.

Political instability, clan-based conflicts, and the rise of extremist groups have marked Somalia’s history since gaining independence in 1960. The collapse of the central government in 1991 led to a protracted civil war and the emergence of numerous autonomous regions, including Somaliland and Puntland.

In recent years, the Federal Government of Somalia, backed by the international community and the African Union Mission in Somalia (AUSSOM), has made some progress in restoring stability and combating the al-Qaeda-linked Islamist group al-Shabaab.

However, the country continues to face significant challenges, including ongoing terrorist attacks, political infighting, and humanitarian crises.

US-Somalia relations under scrutiny

The US has been a key partner for Somalia in its fight against al-Shabaab, providing significant military and financial aid. The US military presence in Somalia, primarily focused on counterterrorism operations, has been a source of both support and controversy.

The potential appointment of Pham to a prominent Africa policy role raises questions about the future trajectory of US-Somalia relations.

While Hussein’s comments suggest that Somalia is not overly concerned about a radical shift in US policy, the situation bears close watching as the new Trump administration’s foreign policy priorities become clearer.

This could be influenced by the firm and the development of a relationship between Somaliland and Taiwan, which, in 2020, set up representative offices in each other’s territories.

Jubaland oo soo bandhigtay gaadiid siday ‘Hilibka Geriga’ iyo rag ku howlanaa arrin halis ah

0

Dhoobley (Caasimada Online) – Booliska degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa soo xiray labo nin, kuna raad jooga mid kale kadib markii lagu soo qabtay iyagoo ugaarsanaya, kana ganacsanaya hilibka Geriga.

Dadka ku nool gobolka Jubbada Hoose ayaa la sheegay inay aad u xiiseeyaan Hilibka Geriga, taasi oo keentay in rag badan ay ka ganacsadaan.

Dilka ugaarta ayaa mamnuuc ka ah Soomaaliya, balse sanadihii dowlad la’aanta iyo dagaallada ay ka jireen dalka ayuu dib u bilowday.

Sharciga lagu mamnuucay ka ganacsiga iyo dilka ugaarta ayaa weli ka jira dalka, balse ma jirto cid dhaqan gelisa, maadaama aysan dowladdu u xil saarin hay’ad gaar ah.

Taliyaha booliska degmada Dhoobley G/Sare Maxamed Haybe Muxumad ayaa TV-ga Jubbaland u sheegay in rag ku eedeysan toogashada iyo ka ganacsiga ugaarta la soo xiray.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in rag kale oo lagu ogaaday kiiskaan ay boolisku ku raad-joogaan.

Taliyaha Booliska Dhoobley ayaa digniin u diray cid kasta ee lug yeelata waxyeeleynta deegaanka, maadaama aagga Dhoobley ay ugaartu ku badan tahay.

“Ciidamada boolisku way shaqeeyeen aad bay arintaas uga soo horjeedaan, wayna dadaaleen, waxa lagu soo helay xoolahaas si dayday ah, magaalada ayaa la rabay in la soo galiyo, waynu ogaanay kabacdina waa ka hortagnay oo hawlgal baan ka sameynay, waa ku guuleysanay,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Degmada Dhoobley.

Labada nin ee lasoo qabtay waxaa wehliya seddax kamid ah gaadiidkii ay ragaasi ku ugaarsa jireen, sida uu sheegay Taliyaha Booliska Dhoobley.

“Mid baxsaday maahane, labo nin iyo seddax gaari oo Hilibkii Geriga uu saaran yahay ayaan soo qabanay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliye Maxamed Haybe.

Ugaar badan ayaa u yaacday gudaha dalalka deriska la ah Soomaaliya, kadib markii ay ku nabadgali waayeen gudaha dalka.

Sidoo kale, markii kala dambeyntu meesha ka baxday dadka Soomaaliyeed ayaa bilaabay inay dhirta jaraan, taas oo ka qeyb qaadatay in ugaarto isaga cararto Soomaaliya, intii dalka ku hartana weli waa la ugaarsadaa.