25 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Somalia: Trump’s term won’t change Somaliland policy

DAVOS, Switzerland – Somalia remains confident in its territorial integrity and its relationship with the United States despite speculation that the new Trump administration might recognize the breakaway region of Somaliland, a senior Somali presidential adviser said Friday.

Speaking on the sidelines of the World Economic Forum in Davos, Yusuf Hussein, a senior adviser to the Somali President, affirmed that the US and Somalia remain “strong allies” across economic and security domains.

“Nothing has changed since Trump’s first term,” Hussein told Semafor, dismissing concerns about a potential policy shift regarding Somaliland. “We’re not sure why anyone would try to raise this about our country.”

These comments come amid growing speculation that the newly inaugurated Trump administration might take steps to recognize Somaliland’s self-declared independence.

This speculation has been fueled by the expected appointment of J. Peter Pham, a former special envoy for the Sahel and Great Lakes regions during Trump’s first term, to lead the President’s new Africa team.

Pham’s appointment sparks speculation

Pham is a known advocate for Somaliland and has been a vocal critic of the previous Biden administration’s “One Somalia” policy, which maintained the US’s official position of recognizing a unified Somalia.

During his tenure as a special envoy, Pham was a frequent visitor to Somaliland and often praised its democratic progress in contrast to the instability that has plagued Somalia for decades.

“The United States will continue to engage with all partners that can make progress in counterterrorism and development, which includes Somaliland,” Pham said to VOA Somali Service in December 2020.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 after the collapse of the Siad Barre regime, which plunged the country into a prolonged civil war.

Located on the strategically important Gulf of Aden, Somaliland has since established a relatively stable democratic system, holding regular elections and maintaining its own security forces.

Despite its de facto independence and relative stability, Somaliland has not been recognized by any sovereign state.

The international community, including the African Union (AU) and the United Nations (UN), has largely adhered to a policy of supporting a unified Somalia, focusing instead on helping to rebuild the federal government in Mogadishu.

Political instability, clan-based conflicts, and the rise of extremist groups have marked Somalia’s history since gaining independence in 1960. The collapse of the central government in 1991 led to a protracted civil war and the emergence of numerous autonomous regions, including Somaliland and Puntland.

In recent years, the Federal Government of Somalia, backed by the international community and the African Union Mission in Somalia (AUSSOM), has made some progress in restoring stability and combating the al-Qaeda-linked Islamist group al-Shabaab.

However, the country continues to face significant challenges, including ongoing terrorist attacks, political infighting, and humanitarian crises.

US-Somalia relations under scrutiny

The US has been a key partner for Somalia in its fight against al-Shabaab, providing significant military and financial aid. The US military presence in Somalia, primarily focused on counterterrorism operations, has been a source of both support and controversy.

The potential appointment of Pham to a prominent Africa policy role raises questions about the future trajectory of US-Somalia relations.

While Hussein’s comments suggest that Somalia is not overly concerned about a radical shift in US policy, the situation bears close watching as the new Trump administration’s foreign policy priorities become clearer.

This could be influenced by the firm and the development of a relationship between Somaliland and Taiwan, which, in 2020, set up representative offices in each other’s territories.

Jubaland oo soo bandhigtay gaadiid siday ‘Hilibka Geriga’ iyo rag ku howlanaa arrin halis ah

0

Dhoobley (Caasimada Online) – Booliska degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa soo xiray labo nin, kuna raad jooga mid kale kadib markii lagu soo qabtay iyagoo ugaarsanaya, kana ganacsanaya hilibka Geriga.

Dadka ku nool gobolka Jubbada Hoose ayaa la sheegay inay aad u xiiseeyaan Hilibka Geriga, taasi oo keentay in rag badan ay ka ganacsadaan.

Dilka ugaarta ayaa mamnuuc ka ah Soomaaliya, balse sanadihii dowlad la’aanta iyo dagaallada ay ka jireen dalka ayuu dib u bilowday.

Sharciga lagu mamnuucay ka ganacsiga iyo dilka ugaarta ayaa weli ka jira dalka, balse ma jirto cid dhaqan gelisa, maadaama aysan dowladdu u xil saarin hay’ad gaar ah.

Taliyaha booliska degmada Dhoobley G/Sare Maxamed Haybe Muxumad ayaa TV-ga Jubbaland u sheegay in rag ku eedeysan toogashada iyo ka ganacsiga ugaarta la soo xiray.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in rag kale oo lagu ogaaday kiiskaan ay boolisku ku raad-joogaan.

Taliyaha Booliska Dhoobley ayaa digniin u diray cid kasta ee lug yeelata waxyeeleynta deegaanka, maadaama aagga Dhoobley ay ugaartu ku badan tahay.

“Ciidamada boolisku way shaqeeyeen aad bay arintaas uga soo horjeedaan, wayna dadaaleen, waxa lagu soo helay xoolahaas si dayday ah, magaalada ayaa la rabay in la soo galiyo, waynu ogaanay kabacdina waa ka hortagnay oo hawlgal baan ka sameynay, waa ku guuleysanay,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Degmada Dhoobley.

Labada nin ee lasoo qabtay waxaa wehliya seddax kamid ah gaadiidkii ay ragaasi ku ugaarsa jireen, sida uu sheegay Taliyaha Booliska Dhoobley.

“Mid baxsaday maahane, labo nin iyo seddax gaari oo Hilibkii Geriga uu saaran yahay ayaan soo qabanay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliye Maxamed Haybe.

Ugaar badan ayaa u yaacday gudaha dalalka deriska la ah Soomaaliya, kadib markii ay ku nabadgali waayeen gudaha dalka.

Sidoo kale, markii kala dambeyntu meesha ka baxday dadka Soomaaliyeed ayaa bilaabay inay dhirta jaraan, taas oo ka qeyb qaadatay in ugaarto isaga cararto Soomaaliya, intii dalka ku hartana weli waa la ugaarsadaa.

 

Sawirro: Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta?

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Guddoomiye Al-Yamaaxi sida Soomaaliya ay u qadarinayso doorka Baarlamaanka Carabta ee taageerada iyo garab istaagga dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya oo Baarlamaanka Carabtu ay ku soo bandhigaan fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyey sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, isdhaafsiga khibradaha iyo mideynta go’aammada heer Carbeed ee arrimaha caalamka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi ayaa bogaadiyey wada-shaqeynta Soomaaliya iyo dalalka Carabta ee ku aaddan taageerada qadiyadaha Carabta. Sidoo kale, wuxuu ammaanay aragtida istiraatiijiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriirta doorashooyinka soo socda, la dagaallanka argagixisada, iyo xoreynta deegaannada ay ku hareen argagixisadu.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan Qaahira ayaa dhigiisa dowladda Masar la galay heshiisyo iskaashi oo hor leh, kaasi oo labada dowladood muhiim u ah.

Kulamadii labada Madaxweyne ayaa la isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatijiyadeed taas oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka iyo dhaqaalaha.

Dhanka waxbarashada, Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Alshariif ayaa kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarrada ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay’adaha Labada dal, gaar ahaan Garsoorka iyo Amniga. Masar ayaa muujisay sida ay u garab taagan tahay dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan argagixisada.

Sidoo kale Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan in dal-ku-galka laga dhaafo baasaboorka diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado iskaashiga diblumasiyadeed ee labada dal.

Sawirro: Puntland oo Daacish ka saaray tuuladii uu deganaa Cabdulqaadir Muumin

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Ciribtirka Kooxaha Khawaarijta ah ayaa maanta si buuxda ula wareegay taliskii argagixisada ee Tuulada Tuurmasaale.

Saldhigga ay ciidanku maanta xoreeyeen waxaa la sheegay inuu ahaa fariisin istaatiiji u ah Kooxda Daacish, wuxuuna ku yaallaa bartamaha Buuralayda Calmiskaad ee Gobalka Bari.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Puntland ayaa sheegay in Tuuladaas uu deganaa hoggaamiyaha Daacish Cabdulqaadir Muumin.

Tuulada Tuurmasaale ayaa la sheegay in talis weyn oo muhiim ah ay u ahayd dhaqdhaqaaqa kooxda Daacish oo hadda wajaheysa dagaal ay ku qaadeen ciidamada Puntland.

Sarkaal sare oo lagu magacaabo Jeneraal Fu’aad Xanaano iyo askar kale ayaa la xaqiijiyey in Puntland ay maanta uga dhaawacmeen dagaalka ay Daacish uga xoreeyeen deegaanka muhiimka ah ee Tuurmasaale.

Dhanka Kale ciidanku waxa ay cagta  mariyeen saldhigii difaaca u ahaa Tuurmasaale oo isna lagu magacaabo Janajiifta.

Sidoo kale Ciidamada Puntland waxay ku guulaysteen inay saaraan tobanaan miinooyinka dhulka lagu aaso ah oo ay Daacish gelisay wadooyinka soo gala deegaankaas.

Khawaarijta Daacish ayaa toddobaadkii u dambeyay jab culus lagu gaarsiiyey dagaalka ka socda deegaanada maamulka Puntland, waxayna ciidamadu ku sii siqayaan dhulka buuraleyda ah oo kooxdu meydad iyo dhaawacyo tiro beel ah ay la gashay.

 

Magacyada shaqsiyaadka miisaanka leh ee Xamaas rabto in lasii daayo

Gaza (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu hirgelay heshiiska xabbad-joojinta Gaza, waxaa biloeday sii daynta la-haystayaasha Israa’iil iyo maxaabiista Falastiiniyiinta ah.

Iyadoo loo kala qeybinayo dhowr weji laga soo bilaabo Axadii toddobaadkan waxay warbaahinta Israa’iil daaha ka qaaday shakhsiyaad miisaan leh oo haatan u xiran Israa’iil, kuwaas oo Xamaas dalbanayso in la sii daayo inta lagu jiro wejiyada labaad iyo saddexaad ee heshiiska.

Shakhsiyaadka miisaanka leh ee aan la sii deyn doonin wejiga koowaad, balse Xamaas ay ku adkaysanayso inay guul ka gaari doonto sii-dayntooda wejiyada soo socda, sida uu baahiyay Kanalka 12 ee Israa’iil waxaa ka mid ah;

1- Cabbaas Al-Sayyid: Waa hogaamiye ka tirsan garabka militariga ee Xamaas, wuxuuna qorshaheeda lahaa qarax ka dhacay hoteelka Park ee magaalada Netanya habeenka ciidda Fasaxa Yuhuudda 2002, kaas oo sababay dilka 30 qof iyo dhaawaca 140 kale, waana weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ay Falastiiniyiintu fuliyaan intii lagu jiray Intifaadii 2, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil. Wuxuuna ku xukuman yahay 35 xabsi daa’in ah.

2- Ibraahim Haamid: Wuxuu ahaa hogaamiyaha garabka militari ee Xamaas ee Daanta Galbeed ee la haysto, wuxuuna mas’uul ka ahaa weeraro badan. Waxayna Israa’iil ku xukuntay dilka 46 Israa’iiliyiin ah iyo 54 xukun xabsi daa’in.

3- Cabdalla Gaaliib Al-Barghouti: Sidoo kalena loo yaqaano Injineerka Xamaas, waa maxbuuska leh xukunka ugu sarreeya ee adduunka, iyadoo loo xukumay 67 xukun xabsi daa’in, wuxuuna ka tirsan yahay hoggaanka Xamaas, waana injineer iyo khabiir ku takhasusay sameynta waxyaabaha qarxa.

4- Xasan Salaama: Wuxuu ku biiray dagaalka Israa’iil tan iyo markii uu ahaa dhallinyaro, waxaana la xiray marar badan intii lagu jiray Intifaadii 1. Ninkan ayey Israa’iil xirtay dhowr jeer oo kala duwan, iyadoo ugu dambeyntii ku xukuntay 48 xabsi daa’in ah.

Sii-deynta maxaabiistaan ayaa loo wareejiyay wada-hadallada wejiga labaad, waxaana lagu wadaa in la falanqeeyo arrimaha la-haystayaasha Israa’iil ee ay ka midka yihiin askarta, saraakiisha iyo ragga rayidka ah.

Halka Xamaas ay dalban doonto tanaasul badan oo dhqanka sii-daynta ragga ka xiran ah, sida ay baahisay warbaahinta Kan ee Israa’iil.

Wejiga koowaad ee heshiiska Xabbad-joojinta ayey Israa’iil kusii deyn doontaa sida la qorsheynayo illaa 735 maxbuus oo Falastiini ah, halka ay Xamaas uga beddelanayso illaa 33 qof oo la haystayaal Israa’iiliyiin ah.wq

DAACISH oo xeelad laba ujeedo leh u adeegsaneysa dagaalka Puntland ku qaaday

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa horraantii sanadkaan bilaabay dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Daacish oo saldhigooda u weyn uu yahay buuraha gobolka Bari.

Tan iyo markii uu dagaalkan bilowday waxay kooxda la timid istaraatiijiyad u muuqata inay hore u adeegsatay kooxda Al-Shabaab, xilligii dagaalkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku qaaday 2022-2023.

Istaraatiijiyaddan ayaa ah in aan dagaal toos ah la’la gelin ciidanka dowladda oo looga baxo hadba goob, taas beddelkeeda in ciidanka miino dhulka loo geliyo, drone lagu weeraro, la marin habaabiyo, kolba doc iyo dib loo weeraro iyo iska daba wareeg.

Istaraatiijiyadda noocaan ah ayaa badana dhasha laba ujeedo sida ay Caasimada Online ku ogaatay baaris amni oo sameysay, taas oo kooxda Daacish istustay inay u leedahay faa’iido, kuwaas oo kala ah;

1. Inay khasaarahooda yareeyaan, dhanka kalena, si aan la dareemayn inay u dhiig bixiyaan ciidanka.

2. Inay waqti iyo dhaqaale badan ka bixiyaan. Sida caadiga ah, jabhaddu wakhti kuma socda ee cidda wakhtiga iyo dhaqaalaha ku socda waa dowladda.

Sidaas awgeed, mar walba oo dagaalku daba dheeraadu waxay dhib iyo dhiigbax ku tahay dowladda. Waana sababta ay iska daba wareegga u wado kooxda Daacish.

Khubarada amniga ayaa ku talinaya in howl-galka ka dhanka ah Daacish oo haatan dardar ku socdo lagu kabo istaraatiijiyad miro looga keeni karo dagaalka, si kooxda xiniinta looga taabto.

Kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa waxay dhibaato weyn ku yihiin dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo dib u dhac weyn ku keenay dalkeenna, waxaana la gudboon cid walba inay u istaagto sidii dalka looga suulin lahaa, iyadoo marka hore dowladdu daacad ka noqoneyso dagaalkooda.

Fiqi oo xaqiijiyay xilliga ay ciidanka MASAR imanayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyay in ciidamada Masar ay saddex bilood gudahood ku imaanayaan Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan uu socdo wada-hadal farsamo oo looga hadlayo sidii loo saldhigi lahaa ciidamada ka imaanaya Masar iyo Itoobiya, si ay qayb uga noqdaan AUSSOM.

“Ciidamada Masar iyo Itoobiya ee ku biiraya AUSSOM waxaa socda wada-hadal farsamo, saddex bilood gudahood ayay dalka ku imaan doonaan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Itoobiya meel iska dhigtay heshiiskii xad-gudubka ahaa kadib wada-hadalkii labada dhinac ee Ankara ku dhex-maray, sidaas darteedna aysan jirin sabab loogu diido kamid noqoshada howlgalka cusub.

“Xafiiska nabadda iyo ammaanka ayay codsi u gudbisteen, wixii farsamo hadda farsamadeeda way socotaa, Itoobiya sidii hore ciidamo ah meesha ma joogaan, shardigii dowladda ay ku xireysayna ma jiro oo xiligii loo qabtay kahor ayay ka laabteen.”

Dowladda Masar ayaa muddooyinkii dambe si weyn u daneynaysay kamid noqoshada howl-galka cusub, xilli ay Itoobiya ku sigatay in laga reebo howl-galka, wallow ay markiiba dambe isfaham la gaartay dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, howl-galka AUSSOM oo haatan dalka ka bilowday ayaa lagu qiimeyn doonnaa waxyaabaha uu kusoo kordhiyo Soomaaliya, maadaama dalal cusub lagu soo kordhiyay halka askarta howl-galkaan qeybta ka ah ay si toos ah ula howl-gali doonaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

NORWAY oo xukun adag ku riday gabdho Soomaali ah oo…

0

Oslo (Caasimada Online) – Maxkamad ku taal dalka Norway ayaa Jimcaha maanta ah xabsiga dhigtay laba gabdhood oo walaalo ah, kadib markii lagu helay inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish (IS), kadib markii ay si qarsoodi ah ugu safreen dalka Suuriya iyagoo da’yar ah sannadkii 2013-kii.

Labada gabdhood oo hadda kala jira 27 iyo 31 sano ayaa lagu helay dambiga ah inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish oo ah koox argagixiso oo liiska madow kaga jirta dalka Norway iyo waddamada reer galbeedka.

Gabadha weyn ayaa lagu xukumay afar sano oo xarig ah, halka walaasheed ka yar lagu riday xukun laba sano ah oo mid kamid ah sannadahaas uu yahay mid la hakiyay.

Xukunnadan ayaa waafaqsanaa codsigii xeer-ilaaliyeyaasha. “Maxkamaddu waxay go’aamisay in si shaki la’aan ah loo caddeeyay in labada eedaysane ay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish, si la mid ah intii ay awoodeen haweenka ee looga baahnaa, iyagoo ahaa xaasas iyo hooyooyin guri,” ayay go’aamisay maxkamadda degmada Oslo.

Gabdhahan oo ah muwaadiniin Norwegian ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa beeniyay dambiyada lagu soo oogay, iyagoo ku adkaystay in lagu qasbay inay ku biiraan kooxda, ayna ku sugnaadaan Suuriya.

Waxay si qarsoodi ah uga baxsadeen Norway dabayaaqadii 2013-kii, iyagoo jira 16 iyo 19, si ay markii dambe ku sharraxeen email ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah nidaamka Bashaar al-Assad.

Markii ay tageen Suuriya, waxay guursadeen dagaalyahannada Daacish. Gabadha ugu weyn ayaa markii dambe dhashay laba gabdhood, halka tan ugu yarna ay dhashay hal gabar.

Maamulka Norway ayaa dib u soo celiyay labada gabdhood bishii Maarso 2023, iyagoo sabab uga dhigay daryeelka carruurtooda oo hooyooyinkood lala geeyay xabsiga Roj oo ay maamulaan Kurdiyiinta, kaasi oo loogu talagalay maxaabiista jihaad doonka ah ee ku yaalla waqooyi-bari Suuriya.

Dalka Norway, aqoonsiga eedaysanayaasha inta badan lama shaaciyo illaa xukunku ka xaqiiqoobo iyadoon wax racfaan ah laga qaadan.

Labada gabdhood oo racfaan ka qaadan kara xukunka ayaa ahaa dulucda buug ay qortay qoraaga reer Norway ee Asne Seierstad.

FARMAAJO ma ku haftay tallaabadii u dambeysay mise?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Talaadadii sii daayey farriin iskugu jirtay walaac, digniin iyo baaq, xilli dhinaca kale guddiga halka garab ah ee doorashooyinka ay shaaciyeen inay bilaabayaan diiwaan-gelinya ururro cusub.

Dastuurka Soomaaliya ayaa dhala doorashooyinka, dastuurka la boobay inuu dhali karo doorasho xalaal ah sooma saarayo caqliga caadiga ah.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay in madaxweyne Xasan Sheekh uu go’aansaday inuu sameysto doorasho u gaar ah oo isagu maamulanayo, taas oo dalka gelin karta kala tag iyo qalaalaso horleh.

Sharciga doorashada, sharciga xisbiyada iyo dhismaha guddiga doorashada waxay dhamaan u baahan yihiin heshiis sharci ah iyo mid siyaasadeed, labadiina ma haystaan.

Haddana, guddiga halka garab ee doorashadu waxay weli ku adkeysanayaan inay noqon karaan guddi dhab oo jira oo shaqo doorashana qaban kara.

Farmaajo ayaa horey looga diiday guddi doorasho oo uu sameystay, haddana guddiga uu Xasan Sheekh sameystay uma badna inay heli karaan aqbalaad siyaasadeed iyo mid bulsho, waxayna ku dhamaan doonaan isla wadaddii uu ku dhamaaday guddigii Farmaajo sameystay ayey leeyihiin dadka ka faalloonaya arrimahan.

Maqnaashaha Puntland iyo Jubbaland iyo in aan wax talo ah laga siinin wax ka beddelka dastuurka iyo geediga doorashada ayaa ku sawireysa sida ay laandheer uga sii dhacayaan midnimada dalka iyo wadajirka umadda.

Farmaajo mar uu qodobkan ka hadlayay waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh tiisa gaarka ah ka doortay isku haynta dalka.

Nuxurka farriinta Farmaajo waxay aheyd in marka hore dastuurka la isla ogolaado, dhinacyada maqan la doono, doorashaduna noqoto mid loo dhan yahay oo uusan hal qof laheyn.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si gaar ugama hadlin nuuc doorasho, laakiin wuxuu soo jeediyay in loo baahan yahay wadatashi qaran oo ay qeyb ka yihiin maamulada, baarlamaanka iyo madaxdii hore ee qaranka.

Farrintiisu waxay u muuqatay mid waaqaca la socota, waxayna kabtay hadal uu dhawaan soo jeediyay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, kaas oo sheegay in aan Muqdisho laga qaban karin doorasho hal dhinac ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaciisa weli laga soo warinayaa inuu aaminsan yahay in guddigiisa gaarka ah ee doorashadu ay keeni karaan xisaab fudud oo kusii haysan karo kursiga Villa Somalia, isagoo qiimaheeda oo gacan ka hadal hubeysan noqon kara hadda u diyaarsanaya hub iyo maleeshiyaad gaar ah

Sarkaal sare oo ciidanka Puntland oo qarax lala beegsaday + Khasaaraha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lala beegsaday Taliye Fu’aad Xanaano oo kamid ah saraakiisha sare ee ciidanka difaaca maamulka Puntland.

Taliye Fu’aad iyo ciidamo uu hoggaaminayey oo howl-galo ka waday buuraha Calmiskaad ayaa lala beegsaday qaraxan oo ahaa miino, sida ay inoo xaqiijiyeen laamaha amniga Puntland.

Qaraxan oo haleelay Taliyaha iyo ciidamada uu hoggaaminayay xilli ay baacsanayeen maleeshiyaad ka tirsan Daacish oo ay ka qabsadeen saldhig ciidan ayaa wararka waxay sheegayaan inuu kasoo gaaray dhaawac culus.

Taliye Fu’aad Xanaano iyo hal askari oo ka tirsan ciidankii la socday ayaa ku dhaawacmay, kadib markii miino la kacday taliyaha iyo ciidamadu hoggaaminayay ee howl-galka dagaal ka waday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in taliyaha iyo ciidanka uu hoggaaminayay socdaal lug ah ku jireen markii uu qaraxa miino la kacay oo aysan wax gaadiid dagaal ah wadan, balse dowladdu weli war rasmi ah kama soo saarin sida ay wax u dhaceen.

Dagaalka Puntand iyo Daacish ayaa sii xoogeysanaya, waxaana shalay ugu dambeysay ay kooxda ciidamada maamulkaasi ku weerartay diyaarad ay kasoo buuxisay walxaha qarxa, waxaana ku dhintay ugu yaraan hal askari, halka ay ku dhaawacmeen illaa saddex kale.

TRUMP oo tallaabo culus u qaaday xiisadda Badda Cas

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii dib ugu calaameeyey dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen, oo si rasmi ah loogu yaqaanno Ansaarullaah, “urur argagixiso shisheeye”, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Tallaabadan ayaa horseedi doonta cunaqabatayn dhaqaale oo ka adag tii maamulka Biden uu saaray kooxda xulafada la ah Iiraan, taas oo jawaab u ah weerarada ay uga geystaan maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas iyo kuwa dagaalka Mareykanka ee ilaalinaya marin-biyoodka muhiimka ah.

Dadka taageersan tallaabadan ayaa sheegaya inay ahayd mid lagama maarmaan ah, inkastoo khubaro qaarkood ay sheegayaan inay saameyn ku yeelan karto cid kasta oo loo arko inay caawinayso Xuutiyiinta, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka.

“Hawlgallada Xuutiyiintu waxay halis gelinayaan amniga dadka rayidka ah iyo shaqaalaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, badbaadada saaxiibadeena gobolka ee ugu dhow, iyo xasilloonida ganacsiga badda ee caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Aqalka Cad.

Xuutiyiinta, oo gacanta ku haya inta badan Yemen, ayaa fuliyay in ka badan 100 weerar oo ka dhan ah maraakiibta maraya Badda Cas tan iyo bishii November 2023, iyagoo sheegaya inay garab taagan yihiin Falastiiniyiinta dagaalka kula jira Israel.

Waxay quusiyeen laba markab, waxay qabsadeen mid kale, waxayna dileen ugu yaraan afar badmaaxe.

Weerarada ayaa carqaladeeyay maraakiibta caalamiga ah, taasoo ku qasabtay shirkadaha inay maraan waddo dheer oo qaali ah oo ku wareegsan koonfurta Afrika muddo ka badan hal sano.

Kooxdu waxay bartilmaameedsatay koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo isku xira marin-biyoodka ciriiriga ah ee Bab al-Mandab, oo ah marin muhiim ah oo u dhexeeya Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Xilligii maamulka Biden, militariga Mareykanka wuxuu isku dayey inuu ka hortago weerarada Xuutiyiinta si loo ilaaliyo isu socodka ganacsiga, waxayna qaadeen weeraro marmar ah si loo yareeyo awoodda militariga Xuutiyiinta. Laakiin ma aysan bartilmaameedsan hoggaanka kooxda.

Bilowgii xilkiisa madaxtinimo ee 2021, Joe Biden wuxuu ka laabtay calaameyntii argagixisada ee Trump si wax looga qabto walaacyada dhanka bani’aadannimada ee ka jira Yemen.

Kadib weerarada Badda Cas, Biden ayaa sannadkii hore wuxuu kooxda ku calaameeyey “Urur Argagixiso oo Caalami ah”. Laakiin maamulkiisa ayaa dib u dhigay inuu u adeegsado magacaabista FTO oo ah mid ka culus.

Hay’adda samafalka ee British-ka ah ee Oxfam ayaa sheegtay in tallaabadani ay sii xumeyn doonto dhibaatada dadka rayidka ah ee Yemen, iyadoo carqaladeynaysa soo dejinta muhiimka ah ee cuntada, daawada, iyo shidaalka.

“Maamulka Trump wuu ogyahay cawaaqibyadan laakiin wuxuu doortay inuu hore u socdo, si kastaba ha ahaatee, wuxuuna qaadi doonaa mas’uuliyadda gaajada iyo cudurrada ka dhalan doona,” ayuu yiri agaasimaha nabadda iyo amniga ee Oxfam America, Scott Paul.

Maamulka Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu la shaqeyn doono saaxiibada gobolka si loo tirtiro awoodaha Xuutiyiinta, loogana xayuubiyo kheyraadka “sidaasna loogu joojiyo weerarada ay ku hayaan shaqaalaha iyo dadka rayidka ah ee Mareykanka, saaxiibada Mareykanka, iyo maraakiibta Badda Cas.”

Calaameyntan ayaa sidoo kale horseedi doonta dib u eegis ballaaran oo lagu sameeyo la-hawlgalayaasha Qaramada Midoobay, ururada aan dawliga ahayn iyo qandaraaslayaasha ka howlgala Yemen, sida uu sheegay Aqalka Cad.

“Madaxweynuhu wuxuu farayaa USAID inay xiriirka u jarto hay’adaha lacagaha siiya Xuutiyiinta, ama kuwa ka soo horjeestay dadaallada caalamiga ah ee lagu xakameynayo Xuutiyiinta iyagoo iska indha tiraya argagixisada iyo xadgudubyada Xuutiyiinta,” ayaa lagu yiri bayaanka Aqalka Cad.

Xuutiyiinta ayaa maalmihii u dambeeyay waxay tilmaameen inay yaraynayaan weerarada Badda Cas ka dib heshiis xabad joojin ah oo marxalado badan leh oo dhexmaray Israa’iil iyo Xamaas.

Horraantii Arbacadii, kooxdu waxay sii daysay shaqaalihii markabka ganacsiga ee Galaxy Leader in ka badan hal sano ka dib markii ay qabsadeen markabkan sitay calanka Bahamas.

Reuters

Sisi oo ku dhowaaqay arrin culus oo la xiriirta Soomaaliya

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa Khamiistii sheegay in Masar ay mar walba taageere u ahaan doonto Soomaaliya, isagoo xaqiijiyay inay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan sidii loo gaari lahaa guulo dheeraad ah.

Sisi ayaa ku dhowaaqay in amniga iyo xasilloonida Soomaaliya ay qayb muhiim ah ka yihiin amniga qaranka Masar.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu Madaxweyne Sisi hoosta uga xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika oo saameyn ku leh amniga caalamka.

Wuxuu sheegay inay isku raaceen dhiggiisa Soomaaliya muhiimadda ay leedahay in la qabto shir saddex geesood kale oo ay ku mideysan yihiin Masar, Soomaaliya iyo Eritrea si loo xoojiyo iskaashiga, isagoo tusaale u soo qaatay horumarka laga gaaray shirkii Asmara ee 2024-kii ee horseeday isbeddel ku yimid xiriirka saddexda dal.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda arrimaha gobolka iyadoo qayb ka ah dadaalka lagu taageerayo dalka aan walaalaha nahay ee Soomaaliya oo ah udub-dhexaadka xaqiijinta xasilloonida Geeska Afrika, ayuu yiri madaxweyne Sisi.

Sisi ayaa intaa ku daray in wadahadallada uu la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya ay taabteen horumarradii ugu dambeeyay ee gobolka, oo ay ku jiraan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee gobolka Geeska Afrika iyo sidoo kale amniga Badda Cas.

Sisi ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sheegay in booqashadiisa Masar ay ka tarjumeyso xiriirka qotada dheer ee labada dal ka dhexeeya, isagoo ku adkeystay in booqashadu ay ku soo beegmeyso xilli uu xiriirka Masar iyo Soomaaliya marayo horumar weyn.

Sisi ayaa sheegay in tani ay tahay kulankii afaraad ee dhexmara isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya tan iyo Jannaayo 2024, isagoo intaa raaciyay in kulanka maanta uu ujeedkiisu yahay in la xaqiijiyo himilooyinka labada shacab ee walaalaha ah.

Wuxuu sheegay inay isku raaceen madaxweynaha Soomaaliya in la sii wado dadaallada wadajirka ah ee fulinta heshiiska iskaashiga militari ee labada dal kala saxiixdeen bishii Agoosto 2024 si kor loogu qaado awoodda dowladda Soomaaliya iyo hay’adaheeda qaran ee ilaalinta nabadda iyo amniga iyo la dagaallanka ururada argagixisada iyo xagjirka.

Sisi ayaa sheegay in wadahadallada si faahfaahsan loogu falanqeeyay ka qaybgalka ciidamada Masar ee howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay in tallaabadani ay ujeeddadeedu tahay oo keliya xaqiijinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, balse aysan ahayn mid khatar ku ah dal kale.

Ka qaybgalka Masar ee howlgalka Midowga Afrika waa mid togan oo ujeeddadiisu ugu weyn tahay in la muujiyo midnimada lala leeyahay walaalaha Soomaaliya, ayuu yiri.

Wuxuu tixraacay bayaan siyaasadeed wadajir ah oo uu la saxiixday madaxweynaha Soomaaliya si kor loogu qaado xiriirka oo loo gaarsiiyo iskaashi istiraatiiji ah oo daboolaya dhinacyada siyaasadda, milatariga, dhaqanka iyo dhaqaalaha.

Sida ku cad bayaanka, labada dal ayaa yeelan doona wadahadal siyaasadeed sannadle ah oo heer madaxweyne ah si loola socdo horumarka xiriirka labada dal iyo sahaminta hababka lagu sii xoojinayo xiriirkan.

Sisi ayaa sheegay inuu goobjoog u ahaa isagoo ay weheliyaan madaxweynaha Soomaaliya saxiixa heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya wasaaradaha arrimaha dibadda ee labada dal ee dhinaca tababarka diblomaasiyadeed, iyo sidoo kale heshiis lagu is-dhaafsanayo ka-dhaafitaanka fiisaha dal-ku-galka ee dadka haysta baasaboorada diblomaasiyadeed ee labada dal, taasoo kor u qaadaysa hababka wadatashiga siyaasadeed iyo iskaashiga Masar iyo Soomaaliya.

Sisi ayaa sheegay in wadahadallada labada dhinac ay taabteen horumarka laga gaaray dhinaca dhaqaalaha ka dib markii la bilaabay duulimaadyadii EgyptAir ee u dhexeeyay Qaahira iyo Muqdisho.

Wuxuu intaa raaciyay inay isku raaceen baahida loo qabo in la sii wado dardarta hadda jirta iyo in la sii xoojiyo xiriirka labada dhinac muddada soo socota iyadoo la qaadayo tallaabooyin dheeraad ah oo lagu kobcinayo iskaashiga dhinacyada caafimaadka, caddaaladda iyo dhismaha awoodda.

Sawirro: SSC-Khaatumo oo yeelaneysa garoon casri ah

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa maanta dhagax-dhigay Gegagada diyaaradaha caasimadda Laascaanood.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa ka warbixiyey xaaladaha uu soo maray iyo qorshaha uga dejisan ka wasaarad ahaan garoommada SSC-Khaatumo.

Dhismaha gegada diyaadadaha caasimadda ayaa kamid ah qorshaha isku-tashiga bulshada ee lagu horumarinayo deegaanka.

Garoonkan ayaa si casri ah loo dhisayaa, iyadoo dhismaheeda si rasmi ah loo guda-galayo dhagax dhiga, waana mashruuci u weynaa ee maamulka KMG ee SSC-Khaatumo uu fuliyo.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa si gaar ah ugu mahad-celiyey guddiga horumarinta caasimadda oo gacanta ku haya dhismaha gegadan.

Sidoo kale wuxuu hoggaamiyaha ku ammaanay guud shacabka reer SSC-Khaatumo sida ay markasta diyaarka ugu yihiin horumarinta deegaankooda, isaga oo xusay in ka xukuumad ahaan uu muhiimad gaar ah u leedahay horumarinta iyo casriyeynta kaabayaasha dhagaalaha.

Mashruucan isku-tashiga bulshada ayaa horay ugu guulaystay dhismaha xarumo dawladeed iyo kuwo dan guud ah oo badan.

Trump oo laba dalab oo culus hor-dhigay Sacuudi Carabiya

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay inuu ka dalban doono Sacuudi Carabiya iyo OPEC inay hoos u dhigaan qiimaha shidaalka, isla markaana ku boorrin doono Riyadh inay kordhiso maalgashigeeda Mareykanka oo ay ka dhigto $1 tirilyan, taasi oo ka badan $600 bilyan oo markii hore la shaaciyey.

Hadalka Trump ayaa yimid maalin kadib markii uu la hadlay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed bin Salmaan, iyagoo ka wada hadlay waxa Aqalka Cad uu ku tilmaamay “himilooyinka dhaqaale ee caalamiga ah” ee boqortooyada iyo arrimaha ganacsiga.

Khamiistii, wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in boqortooyadu ay qorsheyneyso inay $600 bilyan ku maalgeliso horumarinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee Mareykanka afarta sano ee soo socota.

“Laakiin waxaan weydiisan doonaa Dhaxal-sugaha, oo ah nin cajiib ah, inuu kordhiyo oo uu gaarsiiyo ilaa $1 tirilyan,” ayuu Trump ka yiri Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka ee ka dhacaya Davos, Switzerland, oo uu qaba fogaan arag ah uga qeyb-galay. “Waxaan filayaa inay sidaas sameyn doonaan sababtoo ah waxaan ula dhaqannay si wanaagsan.”

Trump waxa kale oo uu ugu baaqay dalalka Khaliijka inay hoos u dhigaan qiimaha shidaalka, isagoo ku adkeeyey in tallaabadaasi ay ka caawin karto soo afjaridda dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

“Haddii qiimaha shidaalka uu hoos u dhaco, dagaalka Ruushka iyo Ukraine wuxuu dhammaanayaa isla markiiba. Hadda, qiimaha shidaalku wuu sarreeyaa, taasina waxay sii wadaysaa dagaalka – waa in qiimaha la dhimaa,” ayuu yiri Trump.

“Waxay ahayd inay arrintaas horay u sameeyaan. Dhab ahaantii, ilaa xad iyagaa mas’uul ka ah waxa dhacaya,” ayuu Trump ku daray.

Xafiiska isgaarsiinta ee dowladda Sacuudiga ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiga ku saabsan faallooyinka Trump ee madasha Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka.

Maxkamad hakisay fulinta mid ka mid ah amarada Trump ee ka dhanka ah soo-galootiga

0

Washington (Caasimada Online) – Garsoore Mareykan ah ayaa si ku meel gaar ah u hor istaagay amarkii madaxweyne Donald Trump ee ahaa in uu beddelo sharciga dhalashada.

Sharcigan oo la qorsheynayay inuu dhaqan galo bisha Febraayo, ayaa wuxuu Garsoore John Coughenour ku tilmaamay amarkan mid si cad uga soo horjeeda dastuurka dalka Mareykanka.

Garsooraha ayaa amar ku bixiyay in si ku meel gaar ah loo joojiyo mid kamid ah amarada fulinta ee Trump, kaas oo doonayay in loo diido dhalashada carruurta muhaajiriinta aan sharciga lahayn.

“Tani waa amar aan gabi ahaanba aan dastuuri ahayn,” ayuu yiri garsooraha. Waxay ka dhigan tahay in amarka fulintiisa la hakin doono 14 maalmood iyadoo la sugayo dacwado kale ee dhanka sharci ah.

Dhanka kale, illaa afar gobol oo kala ah- Washington, Arizona, Illinois iyo Oregon ayaa weydiistay maxkamadda degmada in ay xannibto amarka inta ay maxkamadda federaalku go’aan ka gareyso dacwadaha ka dhanka amarka Trump ee ay gudbiyeen.

Amaradii is-dabajooga ahaa ee uu mdaxwayne Trump soo saaray maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa kamid ahaa in sharciga dhalasahada wax laga badalo. Sharciga dhalashada oo ah mid ku qoran dastuurka ayaa dhigaya in caruurta ku dhalata gudaha Mareykanka ay si toos ah u noqdaan Ameerikaan.

Trump ayaa ku amray hay’adaha Mareykanka inay diidaan inay aqoonsadaan dhalashada carruurta ku dhalatay Mareykanka haddii aysan hooyadood iyo aabahood midna ahayn muwaadin Mareykan ah ama sharci ahaan aysan haysan deganaanshaha joogtada ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadan doono go’aanka uu soo saaray gorsoorahaasi.

“Waxaa iga daa-dagi la’a fahamka sida xubin ka tirsan golaha garsoorka uu si aan leex leexad lahayn u sheego in amarkan uu yahay mid aan dastuuri ahayn,” ayuu yiri qareenka waaxda cadaaladda ee Mareykanka ee difaacay amarka Trump.

Sawirro: Asad Diyaano oo si cajiib u abaal-mariyey askarigii uu feeray Xasan Firinbi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Asad Diyaano) ayaa u xiray darajada Labo-Xidigle Xuseen Maxamed Xasan oo ahaa Askari kulankii ugu dambeeyey ee Baarlamaanka lagu dhex-feeray.

Askariga maanta la dalacsiiyey ayaa waxaa si ku talagal ah u feeray Xildhibaan Xasan Firinbi oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Falkaas ayaa ka dhacay gudaha hoolka Villa Hargeysa, xili lagu gudaha jiray kulankii ugu dambeeyey ee labada aqal ee baarlamaanka 27-kii November ee sanadkii tagey.

Taliska Booliska ayaa sheegay in askarigaan dallacsiinta uu ku mutaystay akhlaaqdii uu muujiyey, markii uu xildhibaanku u gacan qaaday.

Warbaahinta ayaa toos looga daawanayey xildhibaanka oo askariga feeraya iyo askariga oo is xakameynaya gacmahana gadaal marsaday.

Sidoo kale qoraalka booliska waxaa lagu cadeeyey in askarigaan ay madaxda qaranka cajab gelisay sidii uu waajibaadkii askarnimo ee saarnaana u gutay, isagoo weliba dhaawac ah.

Sanka ayuu dhaawac culus ka soo gaaray askariga, waxaana la dhigay isbitaalka Madiina, halkaas oo Taliyaha Booliska iyo madax kale ay ku booqdeen.

Xildhibaan Xasan Firinbi ayaa falkii uu u geystay askarigaan kala kulmay dhaleeceyn aan caadi aheyn, wuxuuna ugu dambeyntii bixiyey raali gelin.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Xildhibaan Xasan Firinbi ka ganaaxay kulamada baarlamaanka, muddo labo bilood ah, taasi oo ah ganaax uu ku muteystay gacan qaadkii uu ku sameeyey askariga.

Roobow oo digniin culus soo saaray kadib arrin la ogaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku socota Macaahida sharciga, Dugsiyada Qur’aanka iyo Imaamyada Masaajidda.

Wasaaradda ayaa dhinacyadaas uga digtay in ay la shaqeeyaan, lala macaamilaan kooxaha Khawaarijta ah.

Wasaaradda Awqaafta ayaa ku goodisay in cidii lagu helo fal la xiriira in Khawaarijta uu la shaqeeyo laga qaadi doono talaabo adag.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa cuskatay labo qodob oo kala ah:

  1. War-Saxaafadeedkeedi hore ee ku tarlikheysnaa Tr. 07/02/2023 ee lagu mamnuucay la macaamilka iyo u tagista kooxaha Khawaarijta.
  2. Shirarkii ugu dambeeyay ee Culimada Soomaaliyeed ee ku qabsoomay Muqdisho Oktoobar 2022, Janaayo 2023 iyo Julaay 2024, laguna soo saaray Fatwooyinka Sharciga ah ee ka dhanka ah la macaamilka kooxaha Khawaarijta.

Qoraalka waxaa lagu yiri “Wasaaraddu waxay xog ku heleysaa in ay weli jiraan qaar kamid ah Dugsiyada Qur’aanka, Maamulayaasha Macaahida Sharciga iyo Imaamyada Masaajidda qorsheynaya inay u hogaansamaan amarrada Khawarijta.”

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay inay heyso xog sheegeysa in qaar kamid ah xubnaha kor ku xusan ay ku howlan yihiin aadista goobaha khawarijtu ku dhuumaaleysato.

Wasaaradda Awqaafta ayaa qoraalkaan ku cadeysay in qof kasta oo macallim dugsi Qur’aan, maamule Machad, mu’adin, imaam masjid, khadhiib ama daaaci ah ee lagu helo la macaamilka khawaarijta ama u hogaasamida amarradooda laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

“Qofkii la macaamila Khawaarijta looma hayo wax cudur daar ah,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka ay soo saartay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha islaamka ee xukuumadda Soomaaliya.

Egypt and Somalia elevate ties to strategic alliance

CAIRO, Egypt – Egypt and Somalia solidified their burgeoning relationship on Thursday, signing a landmark agreement elevating ties to a “strategic partnership” to bolster cooperation across military, economic, and political spheres.

The deal comes as a potential thaw in tensions between Somalia and Ethiopia emerges, marked by a recent declaration in Ankara, Turkey, where leaders of both countries pledged to resolve their dispute peacefully.

The agreement was sealed in Cairo during a meeting between Egyptian President Abdel-Fattah El-Sisi and his Somali counterpart Hassan Sheikh Mohamud. It marked their fourth encounter in just over a year, underscoring the rapid rapprochement between the two nations.

“We are here today to launch a new era of deep cooperation,” El-Sisi declared at a joint press conference following the talks at the Ittihadiya Palace.

Discussions heavily emphasized the volatile security landscape in the Horn of Africa, a region plagued by conflict, piracy, and the threat of extremist groups like Al-Shabaab, an Al-Qaeda affiliate. The leaders also addressed concerns over security in the Red Sea, a crucial international shipping lane.

The backdrop to these discussions was the significant development in the Somalia-Ethiopia dispute, albeit nascent.

On December 11, 2024, Turkish President Recep Tayyip Erdoğan hosted Somali President Hassan Sheikh Mohamud and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed in Ankara.

The meeting resulted in a joint declaration where both leaders reaffirmed their commitment to each other’s sovereignty and territorial integrity and agreed to resolve their differences through dialogue.

The Ankara Declaration specifically addresses the controversial memorandum of understanding signed in January 2024 between Ethiopia and Somaliland, a self-declared independent region of Somalia.

The deal, which grants Addis Ababa access to the Red Sea in exchange for potential recognition of Somaliland’s independence, was vehemently rejected by Mogadishu as a violation of its sovereignty.

In the declaration, Somalia and Ethiopia agreed to “closely work together to finalize mutually advantageous commercial arrangements” that would allow Ethiopia “reliable, secure, and sustainable access to and from the sea, under the sovereign authority of the Federal Republic of Somalia.” With Turkey’s facilitation, they committed to starting technical negotiations by the end of February 2025.

“We agreed on the need to intensify efforts to maintain peace and security in that vital region, which affects global security,” El-Sisi said.

He added that Somalia’s security was “integral” to Egypt’s national security. Though not mentioned explicitly, the Ankara Declaration provides a new and potentially hopeful context to these statements.

Military cooperation takes center stage

The two countries pledged to implement a military cooperation protocol signed in August 2024 to strengthen Somalia’s armed forces in their fight against terrorism.

El-Sisi also clarified Egypt’s role in the newly formed African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), which will be deployed this month. The mission replaces the long-running African Union Mission to Somalia (AMISOM), which has operated since 2007.

“Our participation is positive,” El-Sisi stressed, dismissing any notion of ulterior motives. “For more than 30 years, we have been concerned about the situation in Somalia… Our participation primarily aims to demonstrate solidarity with the Somali people.” The president emphasized that the move was not intended to threaten any country.

The future trajectory of Egypt’s military cooperation with Somalia will be closely watched in light of the Ankara Declaration and the potential for improved relations between Somalia and Ethiopia.

AUSSOM, mandated by the AU Peace and Security Council, is tasked with supporting the Somali government in stabilizing the country and combating the persistent threat of Al-Shabaab. The group continues to carry out deadly attacks despite years of counter-insurgency efforts.

Strengthening economic and diplomatic ties

Beyond security cooperation, Cairo and Mogadishu agreed to deepen economic ties, building on the recent launch of a direct EgyptAir flight route between the two capitals.

The leaders also witnessed signing an agreement on diplomatic training and a deal granting visa exemptions for diplomatic passport holders, further streamlining official exchanges.

They committed to boosting cooperation in healthcare, capacity building, and judicial matters.

El-Sisi and Mohamud reaffirmed their commitment to the trilateral partnership with Eritrea, established at the Asmara Summit in October 2024.

They agreed on the importance of holding a second summit to solidify this regional alliance. However, the evolving relationship between Somalia and Ethiopia and Eritrea’s close ties with Addis Ababa will likely influence the dynamics of this trilateral partnership.

Egypt and Somalia share deep historical ties, with Egypt having played a significant role in Somalia’s post-independence era. However, relations cooled during Somalia’s long period of civil strife.

The current strategic partnership marks a rekindling of this historical bond, now unfolding against a backdrop of a potentially changing regional order signaled by the Ankara Declaration.

Xaalad si weyn looga deyrinayo oo ka taagan Itoobiya – Maxaa soo kordhay?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xaaladda amni ee Itoobiya ayaa walaac xooggan laga muujinaya, xilli khubarada ay ka digayaan in taageerayaasha kooxaha isku haya Itoobiya ay faa’iideysanayaan teknoolojiyad casri ah iyo aqoon-darro dhanka warbaahinta ah.

Kooxahan ayaa alaadahan si weyn ugu adeegsanaya faafinta warar been abuur ah oo kicinaya xanafta u dhaxaysa qowmiyadaha, arrinkaas oo khatar gelinaya in ay sii laba qarxaan rabshadaha ka taagan dalkaasi.

Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, lehna 120 milyan oo qof, ayaa waxaa ka jira kala qaybsanaan siyaasadeed oo aad u qotodheer iyo qowmiyado aad u tiro badan oo kala duwan, kuwaas oo sababay colaado gudaha ah oo tobanaan sano socday.

Xaaladdaas ayaa si fudud u sahlaysa faafinta wararka beenta ah ee 36-ka milyan ee qof ee isticmaala baraha bulshada ee Itoobiya. Qeybta hubinta wararka ee wakaaladda wararka AFP, oo loo yaqaan AFP Fact Check ayaa beenisay muuqaallo badan oo la farsameeyay bilihii u dambeeyay.

Muuqaalladaas waxaa ka mid ahaa khudbado si qaldan loo farsameeyay oo uu jeediyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo war been abuur ah oo sheegayay in hoggaamiye jabhadeed uu dhintay.

Workineh Diribsa, oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Jimma kana faallooda arrimaha saxaafadda, ayaa sheegay in aqoon la’aanta dhanka warbaahinta ay “sii hurinayso colaadihii horay u jiray, ayna abuurayso caqabado cusub oo xagga bulshada iyo siyaasadda ah.”

Aqoonta dhanka warbaahinta ayaa ah awoodda qofka uu ku fahmi karo, kuna falanqayn karo wararka, muuqaallada ama waxyaabaha kale ee la soo dhigo baraha internetka, si uu si madaxbanaan u go’aamiyo in ay yihiin run ama been abuur.

Farsamaynta muuqaallada oo aad u fududaatay

Inkastoo dagaalkii arxan darrada ahaa ee labada sano ka socday gobolka waqooyiga Tigray uu soo dhammaaday bishii November 2022, haddana waxaa jira colaado kale oo dhowr ah oo ka socda gobollada Amxaarada iyo Oromia oo ay ku lug leeyihiin jabhado hubeysan.

Baaritaannada AFP Fact Check ayaa lagu ogaaday in dhammaan dhinacyada ay faafiyaan warar been abuur ah si ay u kiciyaan xiisadaha, una aflagaadeeyaan kuwa ka soo horjeeda.

Haddii markii hore la beddeli jiray qoraallada qoraalka iyo sawirrada, hadda waxaa jira aalado caqliga macmalka ah ama AI oo si bilaash ah loo heli karo kuwaas oo sahlaya in si fudud loo farsameeyo codka iyo muuqaallada.

Tusaale ahaan, muuqaal laga soo duubay Abiy Axmed sanadkii 2020 oo uu kaga hadlayay dilkii fannaankii caanka ahaa ee Itoobiya, Hachalu Hundessa, ayaa la farsameeyay si loo tuso inuu ka hadlayo madax-goyn naxdin leh oo ka dhacday Oromia bishii November 2024.

Muuqaal kale ayaa lagu baahiyay war been abuur ah oo ku saabsan geerida taliye jabhadeed oo ka tirsan gobolka Amxaarada.

Taageerayaasha dawladda ayaa bishii Luulyo 2024 baahiyay muuqaal lagu adeegsaday cod u muuqday in lagu sameeyay AI, kaas oo si been abuur ah loogu sheegay in hay’adda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch ay ugu baaqday beesha caalamka inay Ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) u aqoonsato urur argagixiso.

“Waxaa la arkaa khudbado la farsameeyay oo ay jeedinayaan dad caan ah, iyadoo la soo qaadanayo muuqaallo hore oo aan xiriir la lahayn xaaladda hadda jirta, si loogu beddelo ama looga jaro ereyo, looguna isticmaalo si qaldan,” ayuu yiri Terje Skjerdal, oo ah bare Jaamacadeed oo ku takhasusay saxaafadda kana soo jeeda dalka Norway, isla markaana si aad ah u baaray arrimaha warbaahinta Itoobiya.

“Dhinacyada ku dagaallamaya Itoobiya waxay u dagaallamayaan inay maamulaan macluumaadka baraha bulshada, iyagoo adeegsanaya farsamooyin been abuur ah oo aad u casri ah, aqoon darrada dhanka warbaahinta ayaana xaaladda ka sii dartay,” ayuu raaciyay.

Kala qaybsanaanta oo aad u xooggan

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Sanduuqa Horumarinta Raasamaalka ee Qaramada Midoobay sannadkii 2024, aqoon la’aanta dhanka qoraalka, akhriska iyo xisaabta ee dhalinyarada ayaa sii hurinaysa dhibaatadan.

Hase yeeshee, Befekadu Hailu, oo ah hoggaamiye bulsho rayid ah, ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ay tahay “ka-qaybgal la’aanta” warbaahinta maxalliga ah, ha ahaadaan kuwa dawladdu leedahay ama kuwa madaxa-bannaanba.

Soo bixitaanka aaladaha lagu faafiyo wararka beenta ah ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilligii uu Abiy Axmed qabtay talada dalka iyo dagaalkii Tigray, kuwaas oo ahaa arrimo dadweynaha aad ugu kala qaybsameen.

“Isbeddelkii siyaasadeed ee Itoobiya ka dhacay 2018 ka dib, dadweynaha aad ayey ugu kala qaybsan yihiin ujeeddooyin siyaasadeed oo iska soo horjeeda, taasina waxay abuurtay jawi ay kooxaha isku haya ay u adeegsadaan wararka beenta ah si ay u maamulaan sheekooyinka ay faafinayaan,” ayuu yiri Befekadu.

Wuxuu intaas ku daray in kuwa abuura wararka beenta ah ay haystaan dhiirigelin dhaqaale, si ay u kordhiyaan tirada dadka ay gaarayaan iyagoo isticmaalaya waxyaabo kicinaya colaadda.

Skjerdal ayaa sheegay in kor loo qaado aqoonta warbaahinta ay fure u tahay la dagaallanka caadeysiga wararka been abuurka ah iyo kuwa rabshadaha kicinaya.

“Intaa waxaa dheer, dadaallada xaqiijinta xogta, sida aan ku aragnay ururrada madaxbannaan sida AFP, ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay, waana in lagu sameeyaa luuqadaha maxalliga ah,” ayuu raaciyay.

AFP ayaa hadda ku shaqeysa 26 luuqadood, iyadoo la kaashanaysa barnaamijka xaqiijinta xogta ee Facebook.

Go’aankii u dambeeyay ee Meta ay ku joojisay xaqiijinta xogta Facebook iyo Instagram ee Maraykanka ayaa dhaliyay cabsi ah in shirkadda teknoolojiyadda ay joojin karto barnaamijyadeeda la shaqeeya dhinacyada saddexaad ee adduunka oo dhan.

Xasan Sheekh iyo Al-Siisi oo kala saxiixday heshiisyo xasaasi ah

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Cabdulfataax Al-Siisi ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira.

Kulankan labada madaxweyne ayaa la isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatijiyadeed, iyagoo qalinka ku duugay heshiisyo muhiim ah, taas oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka iyo dhaqaalaha.

Dhanka waxbarashada, Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Alshariif ayaa kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarrada ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.

Sidoo kale labada madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta hay’adaha labada dal, gaar ahaan garsoorka iyo amniga, iyadoo Masar ay muujisay sida ay u garab taagan tahay dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan argagixisada.

Labada madaxweyne ayaa goob-joog u ahaa heshiis ay kala saxiixdeen wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ku saabsan in dal-ku-galka laga dhaafo baasaboorka diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa waxaa kor loogu qaadaya iskaashiga diblumasiyadeed, waxayna Labada dowladood ka wadahadlayaan sidii dhammaan muwaadiniinta Soomaaliya iyo Masar loogu fududeyn lahaa isu-socodka, meeshana looga saari culeyska ka jira dhanka dal-ku-galka.

Ugu dambeyntiina labada madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada iskaashigan lagu hormarinayo xiriirka labada dal, waxayna fareen guddiyada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Masar ee u xilsaaran dhaqan-gelinta heshiisyadan in ay dedejiyaan dhammaystirka hiigsiga iskaashiga walaalnimo ee labada dal.