26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Sawirro: Heshiiskii Xasan iyo xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta oo fulay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah u dhaqangalay qodob kamid ah heshiiskii ay dhawaan gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo afar kamid ah xubnaha mucaaradka ee isaga baxay Madasha Samatabixinta, waxaana lagu dhawaaqay xisbigii ugu horreeyay oo ay yeelanayaan xubnaha heshiiska la galay si u galaan doorashada tooska ah.

Xisbigan oo la magac baxay Hormarka iyo Midnimada Qaranka ee Soomaaliya (NPU) ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kamid ah ragga heshiiska la gaaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabad wayn oo lagu daah-furay xisbigan ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb-galay odayaasha dhaqanka, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, dhalinyaro, culima-u-diin, haween iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Shariif Xasan oo qoraal soo saaray ayaa ku dhawaaqay in xisbigiisa uu u furan yahay cid kasta, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka qayb-galo doorashada dalka ka dhaceysa.

“Aniga oo ah Sharif Hasan Sheikh Adan waxaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqnay aas-aaska Xisbiga Hormarka iyo Midnimada Qaranka ee Soomaaliya (NPU)” ayuu yiri Shariif.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono horumarka dalka, sidii la’isugu soo dhaweyn lahaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Aniga iyo xubnaha xisbiga NPU, waxaa nago’an inaan ka shaqeyno hormarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo midnimo, nabad iyo horumar dhab ah” ayuu raaciyay.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maalmo kahor ay Villa Somalia heshiis ku gaareen Madaxweyne Xasan, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Wasiir hore Daahir Maxamuud Geelle iyo guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kal Bayaan ka soo baxay kulankooda ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen in Baarlamaanka uu doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Hoggaamiyayaasha iyo ku-xigeennada dowlad-goboleedyada waxaa soo dooranaya golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada,” ayaa lagu yiri bayaanka ay si wadajir ah u soo saareen dowladda iyo xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa sidoo kale qeyb ka ah in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha uu leeyahay Madaxweynaha, iyadoo codka kalsoonida u qaadi doono Baarlamaanka, uuna awood u yeelanayo inuu kala laabtana.

Madaxweynaha Jubaland oo arrimo xasaasi ah la wadaagay XAMSE WARFAA + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan dalka Kenya ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Nairobi ee Caasimada dalkaasi, kuwaas oo uu la yeelanayo dhinacyo kala duwan.

Axmed Madoobe ayaa qaabilay Xamse Warfaa oo horey u ahaa lataliyaha Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Joe Biden, isaga oo la wadaagay arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda dalka.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale xog-warran ka siiyay Xamse Warfaa xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo xusay dadaallada Jubaland ay ugu jirto xasilinta iyo horumarinta deegaanada Dawladda Jubaland.

Dhankiisa Xamse Warfaa ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jubaland kulanka uu qaabilay, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay wadaagista aragtiyaha iyo xogta ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka horreeyay kulamo kale oo uu Axmed Madoobe la yeeshay siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan xildhibaanno, kuwaas oo iyana ku sugan caasimada Nairobi.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka u dhexeeya Jubbaland iyo Puntland, kaas oo gaaray heer gacan ka hadal ah, kadib dagaallo qaraar oo labada dhinac ku dhex-maray Raaskambooni iyo Beledxaawo ee maamulkaasi.

Sidoo kale dhowaan Jubbbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ku baaqday in la isugu yimaado shirweyne lagu badbaadinayo dalka, iyada oo sidoo kale taageeertay bayaankii kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Si kastaba, Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana weli la isku hayaa hanaanka loo wajahayo doorashooyinka 2026 iyo wax ka beddalkii horay loogu sameeyay dastuurka oo ay diidan yihiin mucaaradka, Jubbbaland iyo Puntland.

Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay degmada Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo, oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee si weyn looga yaqaanay gobolka Gedo, ayaa lagu dilay magaalada Beledxaawo.

Dilka waxaa geystay rag hubeysan oo aan la aqoonsan, kuwaas oo xalay markiiba ka baxsaday goobta. Nabadoonka ayaa sidoo kale ka tirsanaa golaha guurtida degmada.

Ilo amni ayaa sheegay in weli aan la ogaan sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka Nabadoonka, hase yeeshee ciidamada ammaanka degmada Beledxaawo ayaa bilaabay baaritaanno ku saabsan kooxdii falka geystay.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo, Shire Cabdul Keynan, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo bulshada magaalada, isagoo ku tilmaamay Nabadoon Buurdhuubo inuu door muhiim ah ku lahaa nabadaynta gobolka, gaar ahaan Beledxaawo.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Allaha u naxariisto Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo, oo gacan ka xaqdaran ku dishay degmada Beledxaawo. Wuxuu ahaa shaqsi muhiim ah kana tirsanaa golaha guurtida degmada,” ayuu yiri guddoomiye Shire Cabdul Keynan.

Wuxuu intaas ku daray in geerida Nabadoonka ay tahay khasaare weyn oo soo gaadhay bulshada deegaanka, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyska iyo shacabka deegaankana siiyo samir iyo iimaan.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Gedo uu wali ka taagan yahay xaalad siyaasadeed iyo amni oo cakiran, taas oo ka dhalatay khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, iyo sidoo kale weerarro ay fuliyaan kooxo hubeysan.

Xasan Sheekh iyo Xamza oo ku wajahan Laascaanood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa tegi doona magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre ayaa qorshuhu yahay inay qeyb-galaan xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Senator Cabdullaahi Timacadde.

Timacadde ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka kaalintii ay ku lahayd in laga dulqaado dadka ku nool gobollada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle xaaladihii adkaa ee ay muddo dheer ku jireen.

Wuxuu tilmaamay in hoggaanka qaranku uu fuliyey waajibaadkooda ilaalinta midnimada dalka. Dowladda Federaalka ayaa door weyn ku laheyd in Laascaanood laga dhiso maamul rasmi ah oo kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Senator-ka ayaa carrabka ku adkeeyey in xildhibaanada labada aqal ee laga soo doorto Sool, Sanaag iyo Cayn ay si wadajir ah ugu shaqeyn doonaan taageerada iyo xoojinta maamulka cusub, si uu u yeesho awood uu kaga gudbo caqabadaha horyaalla.

Sidoo kale, wuxuu xusay in la dhammayn doono khilaafkii iyo kala qaybsanaantii hore uga dhex jirtay siyaasiyiinta ku metela Dowladda Federaalka gobolladaasi.

Cabdullaahi Timacadde, oo horey u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa caan ku ahaa inuu si dhow ula shaqeeyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Hase yeeshee, waayadan dambe wuxuu ka mid noqday siyaasiyiinta taageeray mowqifka bulshada reer Sool ee ku adkaysatay dhismaha maamul cusub oo ay iyagu hoggaaminayaan.

Wafdi ka socda Mareykanka iyo dalal dhowr ah oo maanta gaaray Hargeysa + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo ka kala socda dalal iyo qaarado kala duwan; sida Afrika, Asia, USA iyo Yurub (Kenya, Tanzania, Uganda, USA, Qatar, China, India iyo Austria) ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Wafdigan oo uu hoggaaminayey PLO Lumumba Foundation ayaa waxaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa ka wada-hadlay sidii loo maalgashan lahaa fursadaha badan ee dihin ee ka jira Somaliland, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Cirro ayaa wafdiga soo dhaweeyey, kuna dhiirrigeliyey in ay maalgashadaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada tamarta , wax-soo-saarka iyo kheyraadka dabiiciga ah, kuwaasi oo ah fursado ballaadhan oo dihin oo u baahan in la maalgashado, isla markaana loo rogo koboc dhaqaale iyo shaqo-abuur bulshada Somaliland u horseeda horumar la taaban karo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay ka jirto nabad, xasillooni, deggenaansho siyaasadeed oo la isku hallayn karo, maamul hufan iyo hannaan dimuqraadi ah, taasi oo suurto-gelinaysa in la sameeyey maalgashi waxtar u leh labada dhinacba.

Dhinkooda, wafdigan ballaaran ee ka kala yimid qaarado iyo dalal kala duwan, ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad-naqay soo dhaweynta diirran iyo wadahadallada midho-dhalka ah.

Waxa ay ballan-qaadeen in ay si mug leh u darsi doonaan fursadaha kala duwan ee maalgashi ee ka jira Somaliland, gaar ahaan kuwa la xidhiidha tamarta, wax-soo-saarka, khayraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wafdigan ayaa ka marag-kacay in Somaliland ay tahay dal leh nabad, xasilooni iyo degganaansho siyaasadeed oo dhiirri gelin karta, soona jiidan karta maalgashiga caalamka, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Finland oo qaaday tallaabo ka dhan ah Soomaaliya kadib arrin ay diiday DF

0

Helsink (Caasimada Online) – Dalka Finland wuxuu sii wadi doonaa hakinta barnaamijkiisa horumarinta ee Soomaaliya ilaa ay Muqdisho aqbasho dad badan oo la celinayo, waxaa sidaas sheegay Wasiirka Horumarinta, Ville Tavio, isagoo intaa ku daray in gargaarka dib loo bilaabi doono oo kaliya marka laga gaaro “horumar la taaban karo” oo ku saabsan celinta dadka Soomaalida.

“Waxaan u maleynayaa inay caddaalad tahay in maamul aan soo dhoweyneyn muwaadiniintiisa uusan isna helin maalgelin horumarineed,” ayuu yiri Tavio.

Finland waxay hakisay Barnaamijkeedii Soomaaliya ee Somalia Country Programme bishii Nofeembar 2024, iyadoo joojisay go’aannada cusub ee horumarinta, laakiin oggolaatay in la dhameystiro mashaariicdii horey u socday. Hakinta ma saameyneyso gargaarka bini’aadannimo, deeqaha la siiyo ururada aan dowliga ahayn ama taageerada qeybta gaarka ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qorsheysay inay sanadkiiba u qoondayso Soomaaliya 8 ilaa 9 milyan oo Euro laga bilaabo sanadkan, laakiin wali laguma dhawaaqin xirmo cusub oo beddesha tii hore.

Warbaahinta dadweynaha ee Yle ayaa sheegtay in Tavio uu soo jeediyay halbeeg ah in ugu yaraan 100 muwaadin Soomaaliyeed la aqbalo celintooda kahor inta aan dib loo soo celin maalgelinta horumarinta. Wuxuu diiday inuu ka hadlo tiradaas isagoo u soo mariyay kaaliyihiisa.

Arrinkan ayaa siyaasad ahaan xasaasi ka ah Soomaaliya, halkaasoo mas’uuliyiintu ay daliishadaan xaaladaha amni iyo inay ka caga-jiidayaan inay dib u qaabilaan muwaadiniin dibadda ku soo galay xukunno dembiyeed.

Celinaha qasabka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn loo hakiyay ku dhawaad saddex sano laga soo bilaabo 2021, waxaana dib loo bilaabay dabayaaqadii sanadkii hore.

Ilaa hadda sanadkan, booliska Finland waxay celiyeen 11 muwaadin Soomaaliyeed, oo saddex ka mid ah ay si iskeed ah u noqdeen. Guddiga Booliska Qaranka ayaa ku qiyaasay in qiyaastii 100 ilaa 200 oo muwaadin Soomaali ah ay suurtagal tahay inay sugayaan in la celiyo, inkastoo aysan bixin tiro sax ah. Hay’adda Socdaalka Finland waxay sanadkan soo saartay 128 go’aan oo tarxiil ah oo ku socda muwaadiniin Soomaaliyeed; celinta badankeed waxay ku lug leedahay dad lagu helay dembiyo.

Sida uu dhigayo sharciga Finland, hal dembi oo ciqaabtiisa ugu badan ay tahay ugu yaraan hal sano oo xarig ah, ama dembiyo yaryar oo soo noqnoqda, ayaa sababi kara tarxiil. Go’aannada diidmada magangalyada ayaa ah sabab kale oo caan ah.

In kasta oo celinta dadka ay maamusho Wasaaradda Arrimaha Gudaha, haddana barnaamijka isbaheysiga talada haya wuxuu u oggolaanayaa Finland inay ku xirto gargaarka horumarinta iskaashiga waddan lala shaqeynayo ee dhinaca dib-u-qaabilidda iyo taageerada uu u hayo nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan shuruucda.

Iyadoo dooneysa inay dardargeliso celinta dadka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mari Rantanen ayaa booqatay Muqdisho bishii Janaayo si ay ula kulanto Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil. Sidoo kale Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil wuxuu u safray Helsinki dabayaaqadii bishii Juun si uu ugala soo qeybgalo wadahadallo daba-socod ah.

Rantanen waxay sheegtay inay “muhiimad weyn u leedahay Finland in la dhiso habraacyo celin oo wax-ku-ool ah oo lala yeesho Soomaaliya,” iyadoo intaa ku dartay in iskaashigu uu horumar ka samaynayo.

Si loo taageero fulinta, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qorsheyneysaa mashruuc muddo-gaaban ah oo ku kacaya dhowr boqol oo kun oo Euro si loo xoojiyo hawlaha hay’adda socdaalka Soomaaliya.

Jaaliyadda Soomaalida Finland waxay tiradoodu gaaraysaa qiyaastii 20,000 oo qof, oo ku dhawaad kala bar ay ku nool yihiin nawaaxiga magaalada Helsinki, sida uu sheegay Ururka Soomaalida Finland (Finnish Somali League).

Qiyaastii saddex-meelood labo meel waxay ku dhasheen Finland. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in xiriirka labada dal uu dhinacyada kale ka wanaagsan yahay, dowladduna waxay tilmaantay in hakinta horumarinta la qaadi karo marka uu soo hagaago iskaashiga dib-u-qaabilidda.

Go’aanka Finland wuxuu ku soo beegmayaa xilli dhowr waddan oo Yurub ah ay adkeynayaan mowqifkooda ku aaddan muhaajiriinta Soomaalida. Dalka Jarmalka, mas’uuliyiintu waxay kordhiyeen tarxiilka muwaadiniinta Soomaalida ah ee lagu helay dembiyo culus, iyagoo cuskanaya amniga guud iyo waajibaadka sharciyeed.

Sweden ayaa sidoo kale qaadday tallaabo adag. Dowladda waxay xagaagan tarxiishay siddeed Soomaali ah, waxayna isu diyaarineysaa inay celiso ugu yaraan 15 kale, kuwaasoo badankoodu ay hadda xabsiyada ku jiraan. Isbeddelka siyaasadeed wuxuu ka tarjumayaa dadaalka ballaaran ee Sweden ay ku dhaqangelinayso qaar ka mid ah sharciyada socdaalka ee ugu adag muddo tobannaan sano ah, kuwaasoo ay taageerayaan xisbiga midigta-fog ee Sweden Democrats.

Dowladaha kale ee Yurub ayaa si is barbar socota u adkeynaya kontoroollada. Ireland waxay ballaarisay kormeerka xuduudaha kaddib markii magangalyo-doon, oo ay ku jiraan Soomaali, ay ka soo gudbeen UK si ay uga fogaadaan qorshaha muranka dhaliyay ee London ee Rwanda.

Jasiiradda gacan-saarka le leh Faransiiska ee Mayotte oo ku taal Badweynta Hindiya, ayaa waxaa ku xayirmay muhaajiriin Soomaali ah oo wajaha halis tarxiil, taasoo qayb ka ah ololaha ay kula dagaallameyso socdaalka aan sharciga ahayn.

Ciidamada Jubaland ee u baxsaday Kenya oo wajahaya laba daran mid dooro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan gudaha Mandheera ee dalka Kenya ayaa wajahaya xaalad adag, kadib markii lagu eedeeyay dilal ka dhacay gudaha dalkaasi.

Ciidankan oo kasoo baxay magaalada Beledxaawo kadib markii ay dagaal uga soo saareen ciidanka dowladda federaalka oo haatan ku sugan magaaladaasi.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua oo shir jaraa’id qabtay ayaa dowladda Ruto ugu baaqay in gudaha Mandheera laga saaro ciidanka Jubbaland. Rigathi ayaa sheegay in uu hayo caddeymo muujinaya in askarta Jubbaland ay dad rayid ah ku dileen deegaannada dhaca Mandheera.

Dadka la dilay ayuu sheegay inay gaarayaan illaa shan ruux, halka toddobo kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta ciidanka Jubbaland, kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaallada deegaanka.

“Ciidanka Jubbaland dad ayay ku dileen gudaha Mandheera, waa in la billaabo howl-gal looga saarayo gudaha Kenya,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa caddeeyay in aan la aqbali karin in gudaha Kenya, gaar ahaan Mandheera ay wax ku dilaan ciidan shisheeye, waa kuwa Jubbaland ee ka soo baxay Beledxaawo. Tan ayaa ka dhigan in ciidanka Jubbaland ay u furan tahay inay isku dhiibaan ciidanka dowladda federaalka ama si dhuumaleysi ah kusii joogaan gudaha Kenya.

Kenya oo saaxiib dhaw la’ah maamulka Jubbaland ayaa ka gaabsanaysa in si toos ah ugu lug yeelato dagaalka Kismaayo iyo Muqdisho, iyadoo toddobaadkii u dambeeyay qaaday dadaallo ay ku dooneyso in hoos loo dhigo xiisadda labada dhinac.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, xogo hoose ayaa xaqiijiyay in khadka telefoonka ay ku wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe. Wada-hadalkaas ayaa waxaa fududeeyay Taliyaha Sirdoonka Kenya, Nuuradiin Yuusuf Xaaji.

Nuuradiin ayaa toddobaad ka hor safar qarsoodi ah ku tagay Kismaayo, sida ay illo wareedyo si dhow ula socda arrintaan inoo xaqiijiyeen.

Labada mas’uul ayaa wada-hadalkooda u horeeyay ee ay ku qaateen taleefanka uu ahaa mid kooban, kaasi bilow u noqonaya qaboojinta xiisada labada dhinac. Kadib wada-hadalka telefoon ee labada madaxweyne, Axmed Madoobe ayaa gaaray magaalada Nairobi.

Khilaafka Xasan Sheekh iyo Madoobe ayaa kasoo bilowday shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii October 2024, markii la isku mari waayey ajandayaashii la xiriiray guddigii doorashada iyo in doorashooyinka qof iyo cod lagu soo doorto madaxda maamullada.

Axmed Madoobe ayaa xilligaas ku dooday in doorashooyinka maamullada ay gooni u qabsadaan, halka Villa Soomaaliya ay ku adkeysaneysay hal guddi doorasho oo ay dowladda federaalku gacanta ku hayso inay qabtaan doorashada labada heer.

Tan iyo markaas wixii ka dambeeyay khhilaafka ayaa isku bedelay dagaallo culus oo ka dhacay Raaskambooni bishii December 2024 iyo Beledxaawo July 2025, taas oo keentay in ciidamo labada dhinac ah ay xadka Soomaaliya iyo Kenya ka tallaabaan.

Sawirro: R/W Xamza oo si cajiib ah loogu soo dhaweeyey Madaxtooyada Serbia

0

Belgrade (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada Belgrade ayaa si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada ee Serbia, iyada oo loogu sameeyay maamuus heer sare ah, kadibna wuxuu kulan miro dhal ah kula yeeshay dhiggiisa dalkaasi Mudane Đuro Macut.

Labada Ra’iisul wasaare ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr oo ay ka mid yihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan  dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo wada-shaqeynta amniga, waxbarashada iyo caafimaadka.

Sidoo kale labada dowladdood ayaa kala saxiixdeen heshiis wada-shaqeyn ah oo la xiriira caafimaadka, kaas oo ay iska kaashan doonaan Soomaaliya iyo Serbia.

Xamse oo kulanka ka hadlay ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado maalgashi oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha buluugga ah, Beeraha, iyo Xoolaha, kuwaas oo ganacsatada Serbia siinaya fursad maalgashi ay ku sameyn karaan.

Sidoo kale  waxa uu ku casuumay dowladda iyo ganacsatada Serbia in ay soo booqdaan Soomaaliya, si loo sii ballaariyo iskaashiga labada dal, loona sahmiyo ilaha ku habboon ee ay maalgashi ku sameyn karaan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale uga mahad celiyey dhiggiisa Jamhuuriyadda Serbia Mudane Đuro Macut soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga la socda, isaga oo xusay in la sii xoojin doono iskaashiga diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa safarkan kahor lugta soo mariyay dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb galay Shirka 7-aad ee China-Arab States Expo, oo lagu qabtay magaalada Yinchuan, wuxuuna soo bandhigay horumarka iyo fursadaha dalkeenna ka jira.

Waxaa kale oo uu kalan lasoo yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha, Mudane He Wei, isaga oo kala hadlay soo celinta saaxiibtinimada xooggan ee taariikhiga ah ee ka dhaxaysay Soomaaliya iyo Shiinaha.

Cirro oo deg-deg usoo fara-geliyay cabsida soo wajahday Itoobiyaanka Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa si rasmi ah u caddeeyay in dadka Itoobiya kasoo jeeda ee ku nool gudaha Somaliland loo tixgelinayo muwaadiniin Itoobiyaan ah, isla markaana aan la oggolaan doonin in dhibaato loo geysto.

Cirro oo khudbad ka jeedinayay Qasriga Madaxtooyada ayaa sheegay in ciidamada ammaanka lagu wargeliyay inay si buuxda u ilaaliyaan ajaanibta ku sugan dalka, gaar ahaan Itoobiyaanka, kadib markii ay soo baxday cabsida falal lagu dhibaateynayo muwaadiniin Itoobiyaan ah.

“Dadka Itoobiyaanka ahi Itoobiyaan bay naga yihiin, cid kasta oo dhib u geysata waa lagu qaadi doonaa tallaabo sharci ah. Ciidamada ammaanka amarkaas ayay heystaan,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiisado ka dhashay dhacdooyin lala xiriiriyay Itoobiyaan ay keeneen cabashooyin bulshada dhexdeeda. Madaxweyne Cirro wuxuu ku adkeystay in xukuumaddiisu ay u hoggaansan tahay ilaalinta xuquuqda dadka ajaanibta ah, taas oo waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah iyo dhaqanka martisoorka Soomaalida.

Isagoo hadalka sii wata, Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muhiim u aragto ilaalinta xiriirka qotada dheer ee kala dhexeeya Itoobiya, oo uu ku tilmaamay deris istiraatiiji ah iyo saaxiib ganacsi oo taariikhi ah.

“Xiriirka Somaliland iyo Itoobiya waa mid gaar ah oo muddo dheer soo jiray, bulshada labada dhinacna ma kala maarmaan,” ayuu ku daray.

Hadallada Madaxweynaha ayaa loo arkaa fariin lagu dejinayo xiisadaha bulsho ee dhowaan soo kordhay, isla markaana xoojinaysa wadajirka iyo xiriirka siyaasadeed ee Somaliland iyo Itoobiya.

Soomaalida iyo muhaajiriinta kale ee ku nool UK oo cabsi xooggan ay soo wajahday

0

London (Caasimada Online) – Iyadoo xiisadaha ka dhanka ah dadka muhaajiriinta ah ay sare u kaceen guud ahaan Britain, ayaa qaxootiga ku nool gobolka Wiltshire ee galbeedka Ingiriiska waxay sheegeen inay aad uga baqayaan in ay guryahooda ka baxaan.

Maxamed waxa uu dalka UK yimid 2021-kii, isaga oo ka soo qaxay dalka ay dagaalladu aafeeyeen ee Suudaan. Hadda waxa uu haystaa aqoonsi qaxootinimo, waxana uu ka shaqeeyaa sidii maamule – balse waxa uu sheegay in isaga iyo qaxootiga kale aysan ka bixin guryahooda Swindon marka ay shaqada ka soo laabtaan, sababtoo ah waxa ay “ka baqayaan” in “la beegsado” ama “lagu garaaco”.

Dashi, oo UK ku timid iyada oo 13 jir ah, caruusadna ka ahayd Soomaaliya, ayaa ku baaqday in la siiyo dadweynaha wacyigelin dheeraad ah si ay “bulshooyinku isu soo dhaweeyaan”.

Hoggaamiyaha golaha deegaanka Swindon, Jim Robbins, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo doodda ku saabsan socdaalka, balse wuxuu dadka ka niyad jabiyay in ay mudaaharaad ka dhigaan meel ka baxsan hoteel ay deggen yihiin dadka magangalyo-doonka ah.

Mudaaharaadyada ka dhanka ah muhaajiriinta ee bannaanka hoteellada lagu dajiyo qaxootiga ayaa ku fiday dalka oo dhan tan iyo markii ay ka bilowdeen Hotel The Bell ee Epping, Essex. Dad badan ayaa ku biiray mudaaharaadyadan.

Daawashada qalalaasaha bulsheed ee dalka oo dhan ka dilaacay ayaa Maxamed welwel ku abuuray.

“Markaan arko dad mudaharaadaya oo cid uga soo horjeeda dhalashadooda ama fikradooda siyaasadeed, waxaan dareemayaa inaanan ammaan ahayn,” ayuu yiri. “Waxay i xasuusinaysaa wixii ku dhacay waddankeyga.”

Dagaal sokeeye ayaa ka jiray Suudaan muddo tobannaan sano ah, iyadoo colaaddii ugu dambeysay ay bilaabatay 2023. Maxamed waxa uu ahaa 10 jir markii isaga iyo qoyskiisu ay ka qaxeen tuuladii ay degganaayeen ee Darfur, halkaas oo weerar ka dhacay uu sababay dhimashada 21 qof.

“Waxaan dhex cararnay kaynta si aan nafteena u badbaadino,” ayuu yiri. Maxamed waxa uu 18 sano ku qaatay xero barakac ka hor inta aanu ka bixin dalka.

‘Cabsi ku noolaanshaha’

Maxamed waxa uu sheegay in noloshii xerada qaxootiga ay ahayd “masiibo” sababtoo ah raggu awood uma lahayn inay bannaanka u baxaan, cabsi laga qabo in la dilo awgeed. Waxa uu sheegay in aanu sii adkaysan karin “cabsi ku noolaanshaha”, sidaas darteed ayuu isaga oo ka soo horjeeda rabitaanka qoyskiisa uga soo baxay si uu u helo “meel nabdoon oo ammaan ah”.

Waxa uu u safray Liibiya, Talyaaniga iyo Faransiiska, ka hor inta aanu isaga iyo siddeed kale ku dhicin safar khatar ah oo ay kaga soo tahriibeen Calais ilaa Dover.

Maxamed waxa uu sheegay in safarku khatar ahaa, naftiisana uu ka baqay, balse xitaa dalalkii uu marayay kuma dareemin ammaan buuxa, maadaama aanu helin taageero wanaagsan.

Markii uu yimid UK 2021-kii, Maxamed wuxuu yiri: “Waxaan dareemay ammaan, waxaanan yeeshay saaxiibo badan, dadkuna way saaxiibtinimo muujiyeen.”

Laakiin mararka qaar xaaladdu way mugdi noqotay. Isagoo ka baqaya in “la beegsado” ama “lagu garaaco”, ayuu yiri: “Maalmahan waxaan isku dayaa inaan is ilaaliyo, waxaan iska jooga guriga; markaan shaqada dhammaysto dibadda uma baxo.”

‘Dhisidda nolol’

Aabbaha Dashi waxa lagu dilay farmashiyaha qoyska oo ku yaalla Soomaaliya. Waxay noqotay dhibane gudniinka fircooniga ah, waxayna UK ku timid iyadoo caruusad yar ah, 13 jirna ah, si ay ula joogto ninkeedii loo guuriyey. Waxay sheegtay inay “dhibaato badan kala kulantay ninkeeda” nolosheeda UK.

“Lama hadli karin mas’uuliyiinta, ma aqoonin luqadda, maan garanayn sharciga iyo sida uu u shaqeeyo,” ayay tiri. “Aad baan u go’doonsanaa – waxay ahayd aniga iyo isaga.”

Dashi ayaa ugu dambayntii ka baxsatay ninkeedii, waxayna u mahad celineysaa UK, iyadoo tiri: “Waxay i siisay fursad mustaqbal iyo dareen ah dhisidda noloshayda. Hadda waxaan haystaa gabadh, mana doonayo in dhibaato kale na soo gaadho.”

Waxay sheegtay in haddii ay weli ku noolaato Soomaaliya, ay u badan tahay inay dareemi lahayd “cabsi la mid ah” sida dadka qaar ee Britishka ah ay ka qabaan muhaajiriinta, “laakiin waxbarashada iyo wacyiga ayaa fure u ah.”

“Aan isu keeno bulshooyinka, dadka British-ka ah iyo qaxootiga,” ayay tiri. Waxay rajaynaysaa in dadka ay is fahmi doonaan oo ay baran doonaan “sida loo wada shaqeeyo.”

Swindon waxa ay hore u lahayd saddex hotel oo lagu dajiyo magangalyo-doonka, balse hadda waxa jira hal kaliya, kaas oo ay ku nool yihiin wax ka yar 100 qof.

Hoggaamiyaha golaha deegaanka Swindon, Jim Robbins, ayaa soo saaray bayaan uu kaga codsanayo dadka deegaanka inaysan ku mudaaharaadin bannaanka hoteellada ay deggen yihiin qaxootiga.

Waxa uu yiri: “Tani macnaheedu maaha inaan rabno in la joojiyo ka hadalka arrinta muhaajiriinta, balse inta badan magangalyo-doonka magaalada waa qoysas. Ma rabno inaan aragno carruur horey uga soo carartay cabsi iyo khatar dibadda ah oo haddana gudaha Swindon cabsi ku dareema.”

Mr. Robbins ayaa sheegay in xildhibaanadu “fahmeen xoogga dareenka arrintan leedahay”. Balse wuxuu kula taliyay dadka mudaaharaadaya in ay “bartilmaameedsadaan kuwa wax go’aamin kara.”

Waxa uu yiri: “Arrintani ma aha mid dawladda hoose oo keliya khusayso, laakiin waxaan ka doorbidi lahayn in dadku ku mudaaharaadaan bannaanka xarumaha dawladda hoose ee jidka Euclid halkii ay ka hor istaagi lahaayeen hudheel ay carruurtu ku nool yihiin.”

Isha: BBC Somali

Xog: Suudaan oo DF uga soo dacwootay Imaaraadka oo Puntland ka wada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha milatari ee Sudan ayaa ku cadaadinaya dowladda federaalka Soomaaliya in ay joojiso waxa ay ku tilmaameen qulqul qarsoodi ah oo ciidan calooshood u shaqeystayaal iyo hub ah oo laga soo marsiinayo Puntland, iyadoo taageero ka helaya Imaaraadka Carabta, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Codsigan waxaa si gaar ah u gudbiyey taliyaha sirdoonka Sudan Lt-Gen Ahmed Ibrahim Ali Mufaddal, oo toddobaadkan u yimid Muqdisho kulan uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin amni oo sar-sare.

Mufaddal waxa uu watay fariin uu ka sidey hoggaamiyaha ciidanka Sudan iyo madaxa dowladda ku meel-gaarka ah, Gen Abdel Fattah al-Burhan, oo adkeeyay “baahida degdegga ah” ee iskaashi lagu baaro marinada lagu tuhunsan yahay in hubka iyo dagaalyahannada lagu keeno, gaar ahaan dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee mashquulka badan ee Boosaaso.

Khartoum waxay ku dooday in dagaalyahanno shisheeye, oo ay ku jiraan askar u dhashay Colombia, ay ku soo qulqulayaan Puntland, kadibna uga soo gudbayaan Sudan, si ay u xoojiyaan ciidanka Rapid Support Forces (RSF), oo dagaal dhiig badan ku daatay kula jira Ciidanka Qalabka Sida ee Sudan tan iyo bishii Abriil 2023.

Imaaraadka Carabta ayaa si adag u beeniyey eedeymahan, iyagoo ku tilmaamay “warar marin habaabin ah,” halka Puntland-na ay iyaduna diiday inay wax lug ah ku leedahay arrintan.

Abu Dhabi ayaa si degdeg ah uga jawaabtay tallaabadan Sudan ee Muqdisho, iyadoo wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru Dowlaha Shakhboot bin Nahyan u dirtay Muqdisho maalmo kadib booqashadii taliyaha sirdoonka Sudan. Masuuliyiinta Imaaraadka ayaa mar kale xaqiijiyey xiriirka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay la leeyihiin Soomaaliya, iyagoo muujiyey welwelka ay ka qabaan eedeymaha Khartoum.

Sidoo kale, wafdi kale oo ka socda dowladda Imaaraadka Carabta ayaa mar kale shalay socdaal ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, oo ay kula kulmeen madaxweynaha Soomaaliya.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa muddo dheer khilaaf la lahayd Imaaraadka oo xiriir dhow la leh Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo ah maamullo iskood is-maamul ah oo marar badan ay isku dhaceen Muqdisho.

Inkastoo Puntland ay diidday eedeymaha, Sudan ayaa ku adkeysanaysa in xiriirka dhow ee gobolkaas uu la leeyahay Abu Dhabi uu ka dhigay xarun lagu kala gudbiyo hub iyo calooshood u shaqeystayaal.

Khilaafkan ayaa daba socda go’aankii Khartoum ee bishii May ay ku jartay xiriirka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka, iyadoo ku eedeysay inay hub iyo taageero farsamo siinayso RSF. Sidoo kale, dhowaan, Sudan waxay sheegatay inay soo ridday diyaarad ay leedahay Imaaraadka oo sidday dagaalyahanno shisheeye gudaha Darfur – eedeymo ay Imaaraadku ku tilmaameen kuwo aan sal lahayn.

Dagaalka Sudan ayaa qarxay Abriil 2023 markii xiisad u dhexeysay ciidanka Burhan iyo RSF oo uu hoggaamiyo Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan “Hemedti,” ay isu beddeshay dagaal furan. Labadan hoggaamiye oo horey ugu mideysnaa in ay xukunka ka tuuraan madaxweynihii muddo dheer talinayey Omar al-Bashir, ayaa maanta hoggaaminaya ciidan iska soo horjeeda oo ku dagaalamaya awoodda dalka.

Colaadda ayaa dishay in ka badan 40,000 qof, iyadoo barakicisay ku dhowaad 12 milyan, sida ay sheegayaan hay’adaha gargaarka, taas oo Sudan ka dhigtay mid ka mid ah masiibooyinka bani’aadannimo ee ugu daran caalamka. Qeybo ballaaran oo ka mid ah Khartoum ayaa burburay, halka dagaalkuna uu ku faafay gobolka Darfur oo lala xiriirinayo dilal qabiil iyo xasuuqyo.

Khartoum waxay ku adkeysaneysaa in RSF uu dagaalka ku sii waddo keliya taageero shisheeye, iyadoo mar kasta ku eedeysa Imaaraadka inay siiyaan hub iyo adeegyo, eedeymo Imaaraadku ku diideen “been cad.”

Bishii la soo dhaafay, Sudan waxay sheegtay inay mar kale soo ridday diyaarad Imaaraati ah gudaha Darfur oo sidday dagaalyahanno u dhashay Colombia, halkaas oo ugu yaraan 40 qof lagu dilay. Imaaraadka ayaa mar kale ku tilmaantay sheegashadaasi mid loogu talagalay in lagu daboolo khilaafaadka gudaha Sudan.

Dalabkeeda tooska ah ee ay u jeedisay Soomaaliya, waxay Sudan ka rajaynaysaa inay ku hesho taageero goboleed iyo in la kordhiyo dabagalka lagu hayo waddooyinka sahayda ee la tuhunsan yahay ee RSF. Laakiin Muqdisho, codsigan wuxuu abuurayaa xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah: la saftashada Sudan waxay halis gelin kartaa xiriirka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta, oo ah maalgeliye muhiim ah iyo saaxiib dhanka amniga ah oo ay Soomaaliya leedahay.

PUNTLAND: Caqabadda ugu adag ee hortaalla Firdhiye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye, hoggaamiyaha la doortay ee maamulka Waqooyi Bari waxaa horyaalla filashooyin iyo fikrado miisaan leh oo uga baahan inuu xaqiiqooyin jira u beddelo.

Maamulka Waqooyi Bari wuxuu ka dhex curtay laba maamul goboleed oo diidan, waana Puntland iyo Somaliland. Waxaana la fahamsan yahay inay labadaasi maamul ku dadaali doonaan inay nidaamkan cusub dibriyaan.

Puntland iyo Somaliland waxaa dastuurkooda ku qoran in Sool iyo Sanaag ay ka tirsan yihiin iyaga. Firdhiye shaqada ugu horreysa ee u taalla waa inuu Puntland iyo Somaliland qorshe gaar ah ka yeesho.

Isku xeelad uma baahna inuu u adeegsado. Puntland kuma soo duuli doonto maamulka Waqooyiga Bari, laakiin waxaa la aaminsan yahay inay tijaabin doonto inay siyaasad ahaan u wiiqdo maamulka.

Firdhiye waa inuu helaa caqli siyaasadeed oo uu Puntland kula ciyaaro, isaga oo xasuusan garab istaagii ay u sameeyeen xilligii ay xaaladda adag ku jirtay magaalada Laascaanood.

Dhinaca Puntland waxaa weli xilal sare ka haya xubno kasoo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag. Waxaana hoggaanka maamulka Puntland ay qaarkood qabeen in muddo ah in la kala gurto dadka, xilalka iyo deegaanada qaar.

Inkastoo soo jeedintaas ka timid dhinaca Puntland loo arkaayay mid kamid ah qorshooyin la rabay in lagu daahiyo dhismaha maamulka Waqooyi Bari, haddana ma jiraan wax diidaya inuu Firdhiye isagu hadda dooddaasi soo cusbooneysiiyo, oo uu dalbado in labada maamul kala gurtaan si nabad ah oo dhaqan siyaasadeed iyo mid ehelnimo leh.

Faah-faahinta duqeymo iyo dagaal ka dhacay Calmiskaad

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaciyay inay la wareegeen dhul buuraley ah oo ku yaalla gobolka Bari, kadib markii ay dagaal toos ah iyo duqeymo xooggan ku qaadeen maleeshiyada Daacish ee halkaasi ku sugneyd.

Howl-galkan culus oo socday tan aroornimadii hore ee saaka waxay ku burburiyeen difaacyo adag oo maleeshiyaadka Daacish kaga dhuumanayeen togga Baallade oo dhinaca Koonfur Bari ka xiga Boosaaso.

War kasoo baxay taliska ciidanka Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland dagaalkii maanta ku dileen dagaallamayaal ka tirsanaa kooxda.

“Ciidamada ayaa weli ku baacsanaya firxadka baxsaday goobihii hawl-galka ka dhacay, kuwaasi oo marba god laga saarayo,” ayaa lagu yiri bayaanka taliska ciidanka Puntland.

Howl-galkan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa dharinta Carabi iyo Kal-idaad oo ka wada tirsan togga Baallade. Howl-galladan ayaa socday 12-kii saac ee u dambeeyay, sida uu sheegay taliska.

Dhinaca kale, Ciidamada Puntland ayaa isla maanta howl-gal kale oo ay ka sameeyeen ceelasha Aleelooyin ee buuraha Calmiskaad ku dilay xubno ka tirsan kooxda.

Xubnahan ayaa la sheegay inay ka firxadeen hawl-galkii Baallade, waxaana ciidamadu gacanta ku dhigeen ceelashii labada Aleelo oo ay ka nadiifiyeen maleeshiyaadka kooxda.

Puntland ayaa dhawaan kordhisay tirada ciidamada Daraawiishta ee ku sugan Gobolka Bari, iyada oo ujeedadu tahay in gebi ahaanba looga saaro Daacish deegaannada ay weli kaga sugan yihiin buuraleyda gobolkaas.

DF oo dalab yaab leh oo ka dhan ah mucaaradka iyo Puntland u gudbisay W/Bari

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Waqooyi Bari ka dalbatay inay mucaaradka ka difaacaan dowladda dhexe, xilli uu meel adag marayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh oo muddooyinkii dambe magaalada Laascaanood ugu sugnaa dhameystirka dhismaha maamulka Waqooyi Bari ayaa hoggaanka maamulka u soo jeediyay in ay mucaaradka Muqdisho iyo deriskooda uga filnaadan dowladda, gaar ahaan mucaaradada laga abaabulayo Puntland.

“Xamar mucaaradad ayaa ka socota, mucaaradadaas agtiina ayay imaaneysa oo deegaanadii aad ehelka aheydeen ayaa looga durbaan tumanayaa. Halkana waxaa imaan doontaa umadda Soomaaliyeed masaalixdeeda inta ka talinaysa ayaa imaan doonta oo Federaalka ah, iyadana u diyaar garoobo,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Wasiirka ayaa sidoo kale si duur xul ah hoggaanka maamulka Waqooyi Bari iyo shacabkiisa ugu baaqay inay u diyaar garoobaan duullaan kasta oo uga imaan kara dhanka Somaliland, oo ayadu weli ku doodeysa in Laascaanood iyo dhulka Sool ay qeyb ka yihiin maamulkeeda.

“Waxaad kaloo u diyaar garowdaan agagaarkeena mucaaradada magaca Soomaaliyeed ka xun imaan doonta wixii idinkaga beegan inaad ka tiraahdan hadduu Ilaahay yiraahdo,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa ka soo farcamay maamulka KMG ahaa ee SSC-Khaatumo oo la sameeyay bishii August 2023, iyada oo muddadii laba sano ahayd la qabtay wadatashiyo, shirar ballaaran iyo qorista dastuur ku-meel-gaar ah, taas oo ugu dambeyntii dhashay doorashadii Sabtidii ka dhacday Laascaanood.

Maamulkan ayaa waxaa haatan hoggaaminya 5-ta ee soo socota Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari. Ninkan oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada ayaa si weyn ugu xiran dowladda dhexe.

Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka riixaysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku laheyd doorashada Waqooyi Bari. Dowladda dhexe ayaa u aragta maamulkan mid wax badan ka tari qorshaheeda doorasho iyo iska caabbinta maamulka Puntland oo si weyn isku hayaan Muqdisho.

Maxaa maanta ka dhacay xerada Balidoogle? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta tababar gaar ah usoo xiray dufcaddii ugu horreysay ee Layli Saraakiil ah oo qaatay tababar Kumaandoos ah.

Munaasabadda lagu soo xirayay tababarkan ayaa ka dhacday dugsiga tababarka Gaashaanle Xasan Tuure ee xerada Balidoogle. Layli Saraakiishan ayaa halkaas kusoo bandhigay dhoolatus muujinayay xirfado ciidan oo heer sare ah.

Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa hadal ka jeediyay munaasabadda, isagoo caddeeyay in tababarada noocan ah ay muhiim u yihiin horumarinta awoodda ciidamada.

Wuxuu tilmaamay in tababaradu ay sare u qaadi doonaan xirfadaha Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo Askarta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Tababarkani waxa uu astaan u yahay dadaalka lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Qaranka.

Xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa gacanta ku hayo Mareykanka, oo kamid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, iyadoo ciidamo boqalaal ah iyo saraakiishooda ay joogaan xeradaasi.

Waxaa kale oo uu Mareykanka taageero milatari iyo tababar siiyaa ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab oo saldhiggooda ugu wayn uu yahay xerada Balidoogle.

Xog: Wafdi Imaaraad ah oo safar qarsoodi ah maanta ku yimid Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Imaaraadka Carabta ayaa mar kale socdaal ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wafdigan oo qaab qarsoodi ah kusoo galay dalka, waxay galabta diyaarad gaar ah oo siday ay kasoo degtay dhanka Hangarka qeybta Afisyoone, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo halkaasi ku sugan.

Xogaha hordhaca ah ayaa sheegaya in wafdigan loo galbiyay dhanka Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay kula kulmayaan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha wafdigan Imaaraadka ee maanta yimid dalka ayaa waxaa ku jira ganacsato, sida ay sheegayso xogta aan ka helayno wafdigaan.

Illaa hadda si dhab ah looma oga ujeedada safarka xubnahan ka socda Imaaraadka Carabta, waxaase la sheegayaa inay daba socdaan wafdi maalmo ka hor yimid Muqdisho.

Wafdigaasi ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Sheikh Shakhbuut, kaas oo kusoo aaday saacado kaddib markii uu Muqdisho soo gaaray Taliyaha Sirdoonka Suudaan.

Si kastaba, wafdigan ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan qorsheynayo inuu u safro Imaaraadka, si loo sii xoojiyo xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka Carabta oo muddooyinkii dambe mugdi galay.

Imaaraadka ayaa ku lug leh olole ka dhan ah Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo Abu Dhabi ay hormuud ka tahay dadaalada aqoonsi raadinta Somaliland, gaar ahaan ololaha ka socda Washington, kaasi oo si adag uga hortimid xukuumadda Muqdisho.

DF oo qorsheynaysa inay lacag ka dhigto qaadashada kaarka aqoonsiga – Goorma?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in bilaha soo aadan ay lacag ka dhigto kaarka aqoonsiga qaranka ee ay bixiso hay’adda NIRA.

Maareeyaha Hay’adda NIRA, Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) oo wareysi siiyay telefishinka dowladda ayaa waxa uu sheegay in sababta haatan looga dhigay in kaarka lacag la’aan lagu qaato ay tahay xaaladda daruufeed ee wajahayaan bulshada Soomaaliyeed.

Cabdiweli ayaa xusay in ujeedka uu yahay in bulshada Soomaaliyeed oo dhan ay wada qaataan kaarka NIRA, sidaas darteedna ay xilligaan adkaatay in lacag lagu bilaabo, maadaama ay bulshada oo qeyba kala duwan leh aysan awoodi karin.

“Dowladda waxay yaqiinsatay in dadka Soomaaliyeed dad badan oo ka mid ah ay awoodin adeegyo badan oo heli lahaayeen lacag ku bixiyaan. Id-gana haddii la rabo in dadkii oo dhan wada qaataan, oo qof kasta qaato, dadka Soomaaliyeed dhamaantood ma awoodi karaan,” ayuu yiri Maareeye Cabdiweli.

Waxa uu intaas kusii daray “Si qofkasta u heli karo Id-ga, in loo sameeyo waqti lacag la’aan uu noqdo, si fursad loogu siiyo dadka saboolka ah ee aan awoodi karin Id-ga, si aysan hadhoo caqabad ugu noqon. U turis dowladdu u turtay dadka ayay aheyd in lacag la’aan lagu qaato.”

Inkastoo Maareeyaha uusan toos uga jawaabin goorta ay dowladdu lacag ka dhigi doonto qaadashada kaarka aqoonsiga ee NIRA, haddana waxaa hadalkiisa laga fahmi karaa in qorshaha ugu jirto dowladda in lacag laga dhigo bilaha soo aadan.

“Xaqiiqdu waxa weeyi weligiis lacag la’aan ma noqon doono, kaarkana lacag wuu noqon doona. Ha sugin maalinta lacagta uu noqonayo ee ka faa’iideyso hadda,” ayuu yiri Maareeyaha hay’adda NIRA.

Kaarka aqoonsiga qaranka ayey dowladdu dooneysa in lagu xiro adeegyo badan oo dowli ah, iyadoo dhawaan ay hay’adda socdaalka dhaqan-gelinayso in qof kasta oo sameysanaya baasaboor uu sito kaarka NIRA, taas oo waajib ka dhigaysa qaadashada kaarkan.

Daawo: Yaasiin Farey oo lagu eedeeyay inuu gatay reer Siinaay, laaluush ka qaatay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Fareey) oo dhawaan si adag uga horyimid barakicinta ay dowladdu ka bilowday xaafadda Siinaay ayaa lagu eedeeyay inuu qaatay laaluush aamusiin ah.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Siinaay oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Xildhibaan Yaasiin Farey inuu madaxooda gatay, kadib markii uu u muujiyay inuu garabkooda yahay.

“Dadka Siinaay cirka kama soo dhicin dad haybtooda la yaqaano waaye. Si aan loola dhaqmin dadka dhulka dowlada laga barakaciyay ayaa dadka Siinaay looga barakaciyay,” ayuu yiri Suldaan Cumar Maxamed Siyaad.

Waxa uu intaas kusii daray: “Xildhibaan Yaasiin Fareey telefoonka waa naga qaban waayay. Xildhibaankeenna wuxuu gatay madaxyadeeni oo boosas iyo lacag inooga beddeshay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayay ka dalbadeen in uu hoos u eego arrinta Siinaay, oo uu sheegay in laga gatay dadkii waxgalka ahaa ee u doodayay. “Weligeen dowlad nalama hadal, kuwo ay ganacsato soo dirsatay wax waa ka ogtahay ee dad wax lala hadlo dham ayaa nahay ee waxaa ka codsanaynaa in aad nala hadasho.”

Suldaanka ayaa sheegay inay ka war hayaan heshiis hoose oo dhexmaray qolo uu ku sheegay mas’uuliyiin iyo ganacsato dhulkaasi daneynaysa ay la gaareen Yaasiin Farey, kadib markii Madaxweynaha uu sharad uga dhigay in mas’uuliyiinta metela dadkaasi kula socdaan arrintaan.

“Nimankaan Yaasiin jiriya markii la yiri, waa jirsheen meel aan anigu dayeen ay kula hadleen, Yaasiin iyo niman iska soo horjeedi jiray oo dhihi jiray: nama metelo, isma naqaano, 81 ayaa la yiraahda iyo kan 15 ayaa la yiraahda nimankii la dhihi jiray isoo baalka uga jira noogu dambeysay.”

Xildhibaan Yaasiin Fareey oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey si adag isku hor taagay burburinta xaafadda Siinaay, oo ay howl-gal ka bilaabeen ciidamada dowladda Soomaaliya, si cagta loo mariyo dhismaha dhulkaasi.

Fareey ayaa markaas hanjabaad culus kasoo saaray burburinta dhulkan oo xiisad xooggan ay ka taagan tahay, isagoo ku goodiyay in wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha ay qaadi doonaan dadka ku howlan oo uu tilmaamay inay garanayaan, balse haatan waa ka aamusay, kana gaabsaday barakicin ka socota dhulkaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka

Fadeexad: Xildhibaano la siiyay lacag been abuur ah doorashadii Waqooyi Bari

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Kadib doorashadii 30-kii August ka dhacday magaalada Laascaanood, waxaa soo baxaysa in musharaxiintii u tartamay madaxweynaha iyo ku-xigeennada ay qaarkood dollar been abuur ah siiyeen xildhibaannada baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sida lagu yaqaano nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhacda, ayna soo doortaan baarlamaannada, musharaxiinta ayaa kumanaan doollar u qeybiya xildhibaannada, si ay ugu codeeyaan, ama si kala u dhahno “u iibsadaan codadka ay kusoo bixi lahaayeen”.

Haatan, qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka maamulka Waqooyi Bari ayaa walaac xooggan ka muujiyey sax ahaanshaha lacagihii ay ka qaateen musharixiintii ka qeyb-gashay doorashada hoggaanka maamulka.

Xildhibaannada oo qaarkood u qaadan waayay lacagaha been abuurka ah ee la siiyay ayaa warbaahinta si hoose ugu xaqiijiyay in ay jiraan lacago been abuur ah oo ka soo gaaray qaar kamid ah musharixiintii madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari.

Lacagtan oo xildhibaannada ugu yeeraan “sooryo” ayaa kala bar noqotay lacag faalso ah ama been abuur wadata muuqa doollarka.

“Kalabadh lacagtii sooryada ee aan ka qaatay musharaxa aan codka siiyey waxay noqotay mid been ah oo samays ah,” ayuu yiri mudane ka mid xildhibaannada la siiyay lacagta faalsada ah ee maamulka Waqooyi Bari.

Si kastaba, Xildhibaanada ayaa dhaqan u ah inay codkooda ka iibsadaan murashaxa u tartamaya hoggaanka heer federaal iyo maamul goboleed, halka murashaxa naftiisa kalsoonida uu qabo ay tahay lacagta faraha badan ee xildhibaanada uu siinaayo, balse waxaa mararka qaar dhacda in murashaxiin badan lacag laga qaato codkana aan la siin.

Puntland oo laamaha amniga Kenya ka codsatay in ay soo qabtaan Prof. Cabdiwahaab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku dalbaday laamaha ammaanka ee dalka Kenya in ay qabtaan oo baaritaan ku sameeyaan Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo falanqeeya arrimaha siyaasadda.

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Prof. Cabdiwahaab inuu taageeray argagixisada caalamiga ah ee Daacish, taas oo Puntland kula dagaallamayso gobolka Bari.

“Waxaan odhan lahaa laamaha ammaanka ee Kenya waa inay waydiiyaan Cabdiwahaab sababta uu Daacish u taageeray. Caalamku wuxuu isku raacsan yahay in Daacish tahay argagixiso caalami ah, qof kasta oo taageero siiyana shuruucda dawliga ah ee dalalka kala duwani si isku mid ah ayay maxkamadayn karaan,” ayuu yiri wasiirka.

“Sida aan ka warqabno, dhowr jeer ayay dowladda Kenya su’aalo ka waydiisay xagjirnimadiisa. Hadda dambiga uu galay waa caddahay, waa in laamaha ammaanka Kenya qabtaan oo maxkamad geeyaan, si bulshada looga nabadgalo aragtiyaha argagixisonimo ee uu aaminsan yahay,” ayuu raaciyay Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

“Macquul ma aha qof xagjir ahi inuu macallin u noqdo dhalinyarada mustaqbalka dalka Kenya. Kuwa buuraha Calmiskaad ciidamada difaaca Puntland ku dileen ee asal ahaan Kenya kasoo jeeda, waxaa dhici karta inuu isagu soo abaabulay. Dr. Cabdiwahaab fal denbiyeed buu faraha kula jiraa. Wuxuu ka shaqeeyaa safaaradda Suudaan ee Kenya, waxna ku bartay Suudaan. Dad badan oo halkaas wax ku bartay ayaa qayb ka ah aragtiyada xagjirnimada ee aaminsan in xukuumadaha xoog lagu beddelo, kuwaasina waxay ahaayeen kuwii ka dambeeyay nidaamkii Maxaakiimta ee Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Ninkan waa xagjir iyo basaas u shaqeeya dowladda Suudaan. Macquul ma aha qof aqoonyahan sheeganaya inuu dhiigga ciidamada difaaca Puntland ku tilmaamo xayeysiis loo sameynayo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Ninkani wuxuu duullaan ku yahay nabadda iyo xasilloonida caalamka, gaar ahaan geeska Afrika,” ayuu wasiir Caydiid ku soo afjaray qoraalkiisa.

Jawaabta wasiirka ayaa timid kadib markii dhawaan Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad uu wareysi ku sheegay in dagaalka Puntland kula jirto Daacish uu yahay xayeysiis loo samaynayo madaxweyne Siciid Deni, oo ay riixayaan dalal shisheeye, isla markaana uu dafay in Daacish dhab ah ku jirto buuraha Calmiskaad ee Puntland. Hadalkiisa ayaa dhaliyay falcelin xooggan.