26.5 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Muddo intee la’eg ayuu madaxweyne Xasan Sheekh joogayaa Dhuusamareeb?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo wareysi siiyay Universal Tv ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyay safarka uu madaxweynaha kuu joogo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu Dhuusamareeb u tegay inuu guto waajibaadka shaqo ee saaran, gaar ahaan jiheynta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Safarka madaxweynaha ku joogo halkan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb waa safar shaqo, waa safar uu madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed ugu fulinayo waajibaadka qaran ee ay u igmadeen” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Marka madaxweynaha si guud shaqo gudashadiisa ayuu ku jiraa, si gaar ahna wuxuu halkan u joogaa inuu dardar-geliyo oo dadka reer Galmudug iyo ciidanka qaranka Soomaaliyeed uu ku garab istaago sidii loo soo gabagabeyn lahaa meelaha yar yar ee ay Khawaarijta ka joogta gobollkan”.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in madaxweynuhu uu magaalada Dhuusamareeb joogo illaa inta uu ka dhameysanayo howlaha uu yimid, isla-markaana uu booqan doono deegaano kale oo kamid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug.

“Madaxweynaha meelo kala duwan ayaa tegi doonaa waqti cayiman ma jiro inta uu howlihiisa qabsado waqti uu ku guto ayuu joogi doonaan, gobolka meelo kale oo kamid ah ayuu booqan doonaa, sidoo kale dalka meelo kamid ah ayuu tegi doonaa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in madaxweynaha uu si caadi ah ugu sii shaqeynayo caasimada Galmudug, halkaasna uu ka qabsan doono howl maalmeedkiisa kale.

“Madaxweynaha howlihiisa maalmeedka caadiga waa wataa shaqadiisa caadiga waa wataa, laakiin waqtigiisa ugu badan wuxuu gelinayaa xoereynta dalka” ayuu sii raaciyay.

Sidee loo sugayaa amniga madaxweyne Xasan inta uu ku sugan yahay Galmudug?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee dawlad goboleedka Galmudug.

Ujeedka socdaalkiisa ayaa ahaa in dhamaystirka wajiga koobaad ee dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab uu ka bilowdo Galmudug, iyada oo hawlgallo ay ka bilaaban doonaan deegaannada ay gacanta ku hayaan al-Shabaab.

Magaalada Ceelbuur ayaa kamid meelaha sida wayn loogu taamayo in lagala wareego al-Shabaab.

Amniga madaxweynaha

Ka hor inta uusan soo gaarin magalaada Dhuusamareeb madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa waxaa soo gaaray magaalada ku dhawaad 400 oo askari oo ka tirsan guutada koofiyo-casta ee ilaalisa madaxda dalka iyo madaxtooyada qaranka.

Ciidankaan oo kaashanaya kuwa Galmudug ayaa la wareegay amniga madaxtooyada Galmdug oo ah halka sida rasmiga ah uu u dagay madaxweynuhu.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sida ilo lagu kalsoonaan karo noo sheegeen faarujiyay dhismaha madaxtooyada, si ay xafiis iyo deegaan shaqo ugu noqoto madaxweyne Xassan Sheekh inta uu joogo magaalada.

Dhanka kale amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa qayb laxaad leh ka ciyaaraya ciidamada nabad sugidda qaranka, oo intooda badan ka yimid magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad 20 gawaarida ciidamada ee tiknikada, oo ay saaran yihiin ciidamada nabad sugidda ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb. Waxay si toos ah uga soo ambabaxeen magaalada Mqudisho.

Taliyaha sirdoonka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo isna qaybka ah wafdiga madaxweynaha ayaa saldhig ka dhigtay xaruntii hore ee ay degganayaan hugaamiyaashii Ahlu Sunna.

Dhanka kale ciidmada Galmudug ayaa iyaguna qayb ka ah amniga caasimadda Galmudug, iyaga oo kaalmeynaya ciidamadaan sugaya amniga magaalada.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa laga dareemayaa isabaddal dhinac amniga ah iyo ciidamo ku cusub magaalada oo meelo badan gacanta ku haya.

Shaqada madaxweynaha ee bisha soo socta 

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in madaxweynuhu uu usoo guuray caasimadda maamulkaas ee Dhuusamareeb uuna halkaas ka shaqeyn doono.

“Ujeeddadiisu waa xoreynta waddanka inuu u gacan bannaanaado oo kulamadii siyaasadeed iyo howlihii kale ee qaranku uu u hayay awoodda uu ku saaro howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in madaxweynuhu uu muddo ku sugnaan doono halkaas, uuna yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee caasimaddii dalka uga soo guura howlgal ka dhan ah al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb joogi doona muddo bil iyo bar ah, sida uu Cali Daahir sheegayna, howlgalka ayuu maamulka Galmudug rajeynayaa in lagu soo afjari doono muddo kooban.

Ciidamada qaranka Soomaaliya ayaa awoodda ugu badan ku yeelaya la dagaallanka al-Shabaab ee gobolka Mudug sida uu sheegay Cali, balse waxaa sidoo kale wehliya kuwa macawisleyda oo garab siinaya.

“Wax ka daba 10,000 oo askari ayay dowladdu u diyaarisay in wajiga labaad ee la dagaallanka al-Shabaab ay ka qeyb qaataan oo guluf xooggan lagu qaado al-Shabaab oo hadda ay awooddoodu wiiqanto,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu dagaalkan dhab ka yahay isla markaana uu doonayo in inta ka dhiman sanadka lagu soo afjaro kooxda.

Howlgalkan waxaa sidoo kale qeyb ka ah duqeymo dhanka cirka ah oo ay iska kaashanayaan hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA iyo saaxiibbada Soomaaliya.

Madaale oo lagu weeraray tallaabo uu maanta qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta si weyn loogu weeraray shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Shirkan jaraa’id ayaa waxa uu guddoomiyaha uga hadlay arrimo ku aadan ‘dhul boobka ka socda’ magaalada Muqdisho iyo cabashooyinka soo yeeraya, isaga oo dul istaagay eedeyn culus oo loo jeediyay qoyska madaxweynaha dowlada Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Yuusuf Madaale ayaa beeniyay in qoyska madaxweynaha ay boob ku hayaan dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne, kaasi oo burburin lagu bilaabay, kadib markii la barakiciyay dadkii deganaa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in eedeyntaasi tahay waxba kama jiraan, isagoo tilmaamay in la doonayo in la’iska horkeeno bulshada Soomaaliyeed iyo madaxweynahooda.

“Qaraabada madaxweynaha yaan waxba afka lala raac-raacinee hala hubsado, anigu mas’uuliyad markaan qabto in la qeyliyo iyo in la caytamo ma kala jecli waxaa iga go’an inaan shaqeeyo” ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho.

Haddaba, hadalkaan ayaa waxa si yaab leh loogu weeraray guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana dadka ka fal-celiyay kamid ah;

Maxamed Muuse Aadan: “Timirba lafaa ku jirto maxaa isku soo beegay baahida Talyaaniga ee Case Italia iyo nidaamkaan cusub. Dhul la boobay sidiisaba ma waaro.”

Cilmi ayaa isna waxa uu yiri: “Su’aasha waxay tahay maxaa markii Madaxweyne Xasan la doorto buuqa dhulalka u bataan? 5 sano lasoo dhaafay wax muran iyo buuq dhul ku saabsan ma jirine maxaa hadda kusoo beegay?.”

“Guddoomiye inaad sidaad u dhigtay maahayn inaad udhigto waxaa la rabay inaad ku ekaato dhulka dhul dowladeed buu ahaa Italy. Dadkaas ayadaa lahayd sababta lagu barakiciyay waxaan isleeyahay dowladnimaday dhaawac ku tahay,” ayuu yiri Xamse Xasan.

Axmed Sangab: “War nin weyn baad tahaye Talyaani ma joognee umada Soomaaliyeed ee dagan meesha uga leexo, hadaadan wadin dulmi waxa wadaan waa wixii shalay dagaalada sokeeye sababaye Madaalow dhiiqaad lugaha la galoosiin ee ka jooga.”

Xuseen Diirshe ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Dadka dhul booobka wada ee dhulka dowlada isku dhajinayaaa wa in talaba laga qaaada meesha inay dowlad ka jirtaa wali maba aaminsanaaa dadkan.”

“Tani ma noqon kartaa caqli-galkii dawladnimo?! Falaari gilgilasho kagama harto aaway shuruucdii, nidaamkii maamulka iyo hay’adihii dowliga ahaa?,” ayuu yiri Ismaaciil Axmed.

Cabdull Muuse ayuu yiri “Tuugooyinkii ayaa rabaan dhul aysan laheen inay dhacaayaan 2023.”

“Dowladu wey ku saxsan tahay in dhulka dowladu ay leedahay ey ka saarto dadka laakiin waa inay meel kale u rqadisaa dadkaas oo ay ku nooladaan,” ayuu yiri Aamiin Macallin Qoje.

GALMUDUG oo war kasoo saartay qorshaha Xasan ee Dhuusamareeb iyo dagaalka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxtooyada Galmudug ayaa faahfaahin ka bixisay qorshaha uu damacsan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saldhigtay magaalada Dhuusamareeb, maalmahaana sii deganaa doona iyo sida ay u arkaan go’aankiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa wareysi uu siiyey BBC wuxuu kaga hadlay sida maamulkiisu uu u arko go’aanka Masaxweynaha oo dagaalka Al-Shabaab ka hoggaami doona Dhuusamareeb.

Cali Ciid ayaa sheegay in wax weyn ay Galmudug uga dhigan tahay inay marti geliyaan madaxweynaha Soomaaliya oo ajendihiisu uu yahay xoreynta dalka, isagoo xusay in ka Galmudug ahaana ay ka faa’iideysa doonaan fursadaan ay diyaarka ula tahay madaxda dowladda dhexe oo xoogooda isugu geeyey dagaalka ka socda Galmudug.

“Madaxweynuhu caasimadda Galmudug ayuu u soo guuray kuna shaqeyn doonaa, ujeedadiisu waa inuu xoreynta dalka u gacan banaanaado oo kulamadiisa siyaasadeed uu awooda ku saaro dagaalka Khawaarijta, marka xoogiisa wuxuu go’aansaday inuu isugu geeyo dagaalka Khawaarijta oo Galmudug ka bilowday dalka oo dhana lagu xorey doono,” ayuu yiri Cali Ciid.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in Xasan Sheekh muddo uu ku sugnaa doono Dhuusamareeb, “Waa madaxweynihii ugu horeeyey oo caasimada Soomaaliya uga soo guuray dagaal ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Ciid.

Waxaa la weydiiyey mudada uu Xasan Sheekh sii joogi doono Dhuusamareeb, wuxuuna ku jawaabay Cali Ciid inay qaadan doonto bil iyo wixii ka badan, sida u qorsheysan madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo mudadaasna lagu soo afjari doono Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug.

“Markii la fiiriyo baaxadda howlgalka iyo ciidamada aan diyaarinay, muddo kooban ayaa lagu soo afjari doonaa Khawaarijta joogta Galmudug,” ayuu wareysigaan ku yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Sidoo kale Cali Ciid wuxuu sheegay in howlgalka ka bilaabanaya Galmudug ay dowladda Soomaaliya, Galmudug iyo dadka deegaanku u diyaariyeen ciidan ka badan (toban kun) oo askari oo isugu jira ciidamada qaranka, daraawiishta Galmudug iyo Macawiisley dadka deegaanka ah oo ciidanka garab sii doona.

“Madaxweyne Xasan Sheekh dagaalkaani waa ka dhab, sanadkaan inta uusan dhamaan ayuu doonayaa in dalka oo dhan laga ciribtiro Khawaarijta, howlgalkaan waa ka baaxad weynyahay kuwii hore, taageero dhinaca cirka ahna waxaan ka heli doonaa saaxiibadeena caalamka,” ayuu yiri.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxaa la weydiiyey hadii ay jirto dowlad kale oo Mareykanka aan aheyn oo la qorsheynayo inay fuliso duqeymaha cirka markii loo baahdo, wuxuuna ku jawaabay, “Ma kala qaad qaadayo, laakiin howlgalkaas dhinaca cirka ah waxaa iska kaasha doona hey’adda NISA iyo saaxiibada Soomaaliya taageera.”

Pence’s notes may be Trump’s biggest legal hurdle yet

Washington (Caasimada Online) – Former Vice President Mike Pence, currently a contender in the 2024 Republican presidential race, hinted on CBS’s “Face the Nation” that he might consider testifying against former President Donald Trump if a trial ensues regarding Trump’s alleged criminal conspiracy related to the 2020 election results.

While Pence stated he has “no plans” to stand as a witness, he firmly asserted his commitment to the law, emphasizing, “We’ll respond to the call of the law, if it comes, and we’ll just tell the truth.” 

Contrastingly, Trump’s attorney, John Lauro, appeared confident, welcoming the idea of Pence’s testimony.

According to Lauro, Pence’s testimony would vindicate Trump, strengthening the notion that the ex-president genuinely believed there were significant election irregularities.

He went on record during ABC’s “This Week” to state, “I cannot wait until I have the opportunity to cross-examine Mr. Pence…he will do is completely eliminate any doubt that Mr. Trump firmly believed that the election irregularities had led to inappropriate results.”

The weight of Pence’s notes 

The spotlight shifted towards Pence primarily due to his detailed “contemporaneous notes” leading up to the notorious January 6, 2021, Capitol riot.

These notes and references, such as Trump’s reported comment to Pence – “You’re too honest,” could be pivotal in the prosecution’s case against Trump.

Pence’s campaign hasn’t gained much momentum yet, with donor scarcity potentially preventing him from participating in the upcoming GOP debate. In contrast, Trump, despite facing multiple indictments, has maintained a substantial lead in polls.

Adding to Trump’s legal troubles, he currently faces three indictments and has pleaded not guilty for two separate cases.

These cases revolve around allegations of retaining classified documents post-presidency and concealing hush money payments.

Speculations hint at an upcoming fourth indictment in Georgia concerning Trump’s post-election actions.

Dynamics of the GOP race 

Recently, tensions escalated when Trump openly criticized Pence, dismissing the claim that he ever called him “too honest” and instead labeling him as “delusional.”

This comment arose from a backdrop of increasing strain, where Pence publicly criticized Trump for relying on “crackpot” legal advisors post the 2020 election fallout.

However, Pence’s campaign is attempting to capitalize on Trump’s legal woes. They have launched merchandise bearing a “Too Honest” logo, a move seen as a dig at Trump’s earlier purported comment.

The political rivalry between Trump and Pence has been heightened by recent developments, particularly regarding potential legal implications concerning the 2020 election aftermath.

As the 2024 GOP nomination race progresses, the interplay between the two candidates’ campaigns and Trump’s legal challenges promises a compelling political landscape.

DF oo maanta heshay kaalmo lacag oo la xiriirta dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay danjiraha dpwladda Shiinaha u fadhiya dalkeena Fea Shengchao .

Kulankaan oo goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan madaxda hay’adda SODMA, ayaa waxa uu safiirka guddoomiyaha ku wareejiyey lacag ka badan 150,000 oo dollar oo kaalmo ah.

Kaalmada ayaa dowladda Shiinaha waxay ugu tala-galeen in lagu daabulo gargaar mucaawino ah oo hore ugu soo wareejiyeen hay’adda SODMA, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay hay’adda.

Gargaarka mucaawino ayaa qorshuhu yahay in la gaarsiiyo deeganada kooxda Al-Shabaab laga xoreeyey, kuwa laga xoreyn doono iyo dadka ay saameeyen abaaraha.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray in dowladda Shiinaha hay’adda ay ka caawiso mashaaricda Horumarinta, qalabeenta iyo dhisida ceelasha biyaha, tababarada shaqaalaha hay’adda iyo sii xoojinta xiriirka hay’adda iyo safaarada.

Howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaano badan tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka kooxda.

Tan iyo markaas xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii deegaanadaasi loo gaarsiin lahaa mucaawino iyo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee dadkaasi helin tobankii sano ee u dambeeyay.

Si kastaba, Waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

After 30 years hiatus, Somalia’s blood bank returns

Mogadishu (Caasimada Online) – In a monumental move, Somalia marked a significant milestone in its healthcare trajectory by reopening the National Blood Bank after a hiatus of over 30 years.

This critical initiative is set to address the longstanding blood supply shortage and consequently bolster the chances of saving numerous lives in the nation.

Spearheading the momentous occasion in Mogadishu, Somalia’s Prime Minister, Hamza Abdi Barre, accentuated the gravity of this achievement.

“For a nation that’s constantly tested with calamities and violent disruptions, having a robust system to meet the crucial demand for blood is an imperative,” Barre stated.

Addressing a dire need 

Previously, significant events, such as the Zobe 1 and Zobe 2 explosions in 2017 and 2022, witnessed a surge of public support, with numerous individuals stepping forward to donate blood.

Dr. Ali Haji Adam, Somalia’s Health Minister, voiced a significant challenge from those days: “While there was an outpouring of public donations, the absence of a proper storage facility curtailed our ability to stockpile the donated blood. That predicament is now in the past.”

Emphasizing the profound repercussions of the absence of safe blood accessibility in the country, Dr. Adam said, “Blood unavailability is the second major cause behind maternal mortality during childbirth.”

“This renewed facility ensures that mothers, during their pivotal moments, won’t be deprived of this lifesaving essence.”

The blood bank’s historical context

Initially set up in 1976, the national blood bank had unfortunately been dormant for nearly three decades.

Persistent conflicts rendered the country devoid of a dependable blood source crucial for medical emergencies.

Across Somalia, medical facilities have perennially struggled to secure enough blood supplies.

However, with the revitalized national blood bank, there’s newfound optimism.

“This initiative isn’t merely about catering to immediate accident and disaster-induced needs. It promises to transform the lives of frail children across the country,” shared medical professionals.

Dr. Adam added, “With the capability to house hundreds of thousands of blood donations from the public, we’re poised to make significant strides in healthcare.”

The revival of the National Blood Bank in Somalia isn’t just a beacon of hope for improved medical services and a testament to the country’s resilience and commitment to its citizens’ welfare.

As the nation takes another step forward in strengthening its healthcare infrastructure, countless lives await a brighter, healthier tomorrow.

Laba arrin oo ay ka dhigan tahay ‘baacsiga lagu hayo’ basaasiinta Shabaab ee DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab ayaa muddo fog la aaminsana inay xubno ku dhex beerteen laamaha amniga ah ee dowladda federaalka ah.

Xubno caqiido ahaan u raacsan kooxda, kuwa lacago ka qaata iyo kuwa siyaasadda la gashay ayaa intaba kooxda Al-Shabaab u dhex joogay laamaha ammaanka ee dowladda, laakiin hadda waxaa bilaabatay in la kala miirmo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalin kahor baahisay inay baxsadeen laba xubnood oo basaasin u ahaa kooxaha argagixisada kadib markii ay ogaadeen in xogtooda la helay.

Sidoo kale bayaanka dowladda federaalka oo uu akhriyay Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa lagu sheegay in hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ay gacanta ku dhigtay toban xubnood kamid ah xubnihii argagixisada ugu dhex jiray laamaha ammaanka ee dowladda.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa iyaduna barteeda rasmiga ah ee Twitter-ka ku baahisay inay ku raadjoogto laba xubnood oo baxsad ah.

Xubnahaan oo magacyadooda ay baahisay NISA ayaa waxay kala yihiin; Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali. Mid kamid ah xubnaha la sheegay inay baxsadeen ayaa ka tirsanaa ciidanka Duufaan, kuwaasi oo ay aas-aastay dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo.

Xubno la xukumay, kuwa xiran iyo kuwa baxsad ah kadib laba arrimood ayay tani ku cadeynaysaa maanta.

1. Inuu markii hore jiray isku-milan

Dhacdooyinkii la diiwaan-geliyay tobankii billood ee lasoo dhaafay ee iskugu jira, xubnaha loo xukumay la shaqeynta argagixisada, kuwa u xiran ee hadda baarista ku socoto iyo kuwa u baxsaday dhanka kooxda oo uu ku jiro nin darawal u ahaan jiray guddoomiyihii hore ee golaha shacabka.

Waxay dhamaan ku caddeynayaan inay kooxda heshay fursad ay basaasiin iyo kuwa dhagartooda fududeeya ugu dhex sameysato hay’adaha ammaanka ee dowladda.

2. Inay socoto shaqo xoog leh

Tallaabooyinkan socda waxay ku xaqiijinayaan in dagaal dhab ah lagu jiro oo aad loo kala miirmayo, ayna shaqo fiican waddaan madaxda laamaha amniga ee dalka.

Xubnaha argagixisada ee laga yaabo inay weli ku dhex dhuumanayaan laamaha amniga ee dowladda, waxay sugayaan waa qabasho, xukumid ama sida hadda socota inay raggii u shaqeynayeen aadan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in kuwa argagixisada la shaqeeya lagu raadjoogo, qaarna xogahooda la helay, ayna arrimahaasi la kaashanayaan khubaro caalami ah, iyada oo la adeegsanayo qalab casri ah.

Sawirro: R/W Xamza iyo La-taliyaha Blinken oo kulan ku yeeshay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Mudane Xamza Warfaa oo soo gaaray dalka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo La-taliye Warfaa ayaa iska xogwareystay xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-iinsaanka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xusay in Warfaa uu caddeyn u yahay fir-fircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.

Waxa uuna sheegay in doorka muuqda ee Soomaalida ay ku leeyihiin dalalka horumaray looga baahan yahay in uu ka muuqdo dhulkooda hooyo.

Mudane Xamza ayaa la wadaagay sida ay xukuumadda Dan-Qaran mudnaanta u siisay ilaalinta xurriyadda hadalka, madax-bannaanida saxaafadda iyo xaqiijinta xogsiinta shacabka ee arrimaha dowladnimada.

La-taliye Warfaa ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre soo dhaweynta wanaagsan iyo kulanka miro-dhalka ah.

Warfaa oo kamid ah la-taliyeyaasha muhiimka ah ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan labada Gole, xubno kamid ah wasaaradda arrimaha dibadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Mas’uulkan ka socda dowladda Mareykanka ayaa inta uu joogo Muqdisho la kulmo doono madaxda sare ee dowladda oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dal iyo arrimo kale.

Wuxuu Xamza kamid yahay Soomaalida xilalka muhiimka ah ka heysa Mareykanka, waxaana lamid ah Ilhaan Cumar oo horay marar kala duwan usoo booqatay dalka.

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Muqdisho uu yimid kaaliyaha xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha argagixisada iyo sirdoonka, Brian Nelson, kaas oo wadahadal gaar ah la yeeshay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dalalka xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna dowladda federaalka ah ka taageeraa dhinacyada howlgallada iyo maaliyadda.

Ciidamo Somaliland ka goostay oo ku biiray jabhada Buurta Gacan-Libaax

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamo cusub oo kasoo goostay ciidamada Somaliland ayaa maanta ku biiray jabhada ku sugan buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil.

Ciidankan ayaa sheegay inay markii hore ka tirsanaayeen ciidamada Somaliland ee Laascaanood jooga, iyaga oo sheegay in ay dagaal la galayaan xukuumada Somaliland.

Hoggaanka Jabhadda oo halkaasi kusoo dhaweeyay ciidankan kasoo goostay Somaliland ayaa wuxuu ugu baaqay kuwa kale ee kamid ah ay iskaga soo baxaan, ayna dulmiga diidaan, sida ay sheegeen.

“Sida nimankaniba uga soo baxeen iskaga soo wada baxa dulmi ayaad ku socoteene, tanaa xaqa, dagaalkan xaqa ah soo gala ee rajiimka lagaga xoraynayo waddanka uu baabasaday, dalka iyo dadka iyo diinta.”

Ciidankan ayaa sidoo kale lasoo goostay hubkii ay hore u siisay Somaliland, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay la dagaalaman Somaliland, oo ay hore uga tiirsanaayeen ciidankeeda.

Jabhadda oo la magac baxday ‘Dulmi-diidka’ ayaa waxay dhawaan hanjabaad culus ugu dirtay madaxweynaha, iyaga oo dagaal la galay ciidamada RRU oo dhawaan halkaasi la geeyay.

Inkasta oo ay jabhaddu faah-faahin ka bixin waxay ula jeedo magaca ay la baxday ee “Dulmi-diidka”, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay ka gadoodsan yihiin arrimaha siyaasadda ee la isku hayo gudaha Somaliland oo ay ugu horreyso doorashooyinka, xilli ay dhawaan guddiga doorashooyinka Somaliland ay soo saareen jadwal doorasho.

Jabhaddan ayaa la sheegay in ay si iskooda ah wax uruursadeen, sidoo kalena ay taageere dhaqaale ay ka heleen qaar kamid ah qurbajoogta ay isku deegaanka yihiin, kuwaasi oo dibedda ka wadda olole dhaqaale loogu aruurinayo jabhadda farriisinta ka dhigatay buurta Gacan-Libaax.

Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaaladdo is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka kusoo foodka leh maamulka, taasi oo horseeday in gudaheeda ka abuurmaan jabhaddo kasoo horjeeda maamulka.

Maxaa laga filan karaa dhaq-dhaqaaqa cusub ee uu wado madaxweyne Xasan?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galabtii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Wuxuu ahaa socdaal si weyn loo sugayay, waxaa maalmo kasii horreeyay agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaanno, Wasiirro iyo Saraakiil dhamaan kasoo jeeda deegaanada Galmudug.

Socdaalkan ma ahan dalxiis, dan siyaasadeed iyo olole ee waa safar ay sahay u tahay rasaas. Ceelbuur waa magac ugu badan ee maanta laga sheegayo deegaanada Galmudug.

Sheegistiisu jaceyl iyo naceyb midna ma ahan ee waa duulaan weyn oo deegaanadaasi ku wajahan, si looga saaro gacanta argagixisada oo muddo fog ka talineysay Ceelbuur iyo nawaaxigeeda.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha labada jeer la doortay ee Soomaaliya waxa uu go’aansaday inuu khatar badan qaato, si uu u dhiso qaran ka caagan argagixisada.

Madaxweynaha sidoo kale waa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, ma sahlana in madaxweyne qaran uu ka guuro Villa Somalia oo uu furin dagaal u guuro. Micnaha waa in Xasan fahamsan yahay in jiritaanka argagixisada uu halis ku yahay dowladnimada iyo dadka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaalida waxay badi isweydiinayaan waxa laga filan karo socdaalkan dagaal. Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga soo xigtay in bartilmaameedka koowaad ee madaxweynaha uu yahay in argagixisada lasoo dhaafiyo Galmudug iyo HirShabeelle.

Waa hadaf weyn oo muhiim u ah marxaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya. Dagaal toos ah iyo duqeymo ayaa ku wajahan dhulka ay argagixisada ka joogto Galmudug, inta badana qabaa’ilka dega Galmudug ayaa qeyb ka ah dagaalka.

Dagaalkan wuu ka xoog badnaan doonaa dagaaladii hore, maadaama madaxweynihii qaranka uu furinta joogo. Askari madaxweynihii qaranka la socda hore ma ahane gadaal uma furna.

Siyaasiyiintii lagu eedeynayay in qaarkood ka lug jiidayaan dagaalka, hadda waa qasban yihiin. Wax walba ayaa ka duwa sidii hore, waxaa aad u yar fursadda ay argagixisada ku sii haysan karto Galmudug iyo HirShabeelle.

Dadka kasoo jeeda Ceelbuur iyo nawaaxigeeda oo maalmo kahor ku andacoonayay in aanay dowladda dhexe dagaalka deegaanadooda ahmiyad badan siinin, hadda waxay arkayaan in madaxweynihii uu siiyay mudnaan uusan deegaanada kale siinin.

Iyagana waxaa looga fadhiyaa kaalin ka weyn inta ay deegaanada kale bixiyeen. Rejada ah in dagaalkan uu dhinac u ridi doono khatarta argagixisada ee gobollada dhexe waa mid aad u sareysa.

Diyaar-garowga socda waa mid aad u xooggan, xilli argagixisada dhinac walba ay ciidankii dowladda ka joogaan. Go’aankii shacbiga ahaa ee kooxdan la iskaga dulqaadayay ayaa hadda u muuqda in dib loo dhaqaajin doono markale.

Dadka arrimaha amniga ka faallooda waxay fursad naadir ah u arkaan tallaabada uu maanta qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo ka baxay deegaan u dhow magaalada Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galaduud ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Sabtidii shalay xubnaha Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka Ceel La helay oo u dhow magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay faarujiyeen xarumihii ay ku lahaayeen gudaha deegaankaas oo qiyaastii 50 KM bari ka xiga Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda Al-Shabaab ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan gulufka dagaal iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda Galmudug oo uu shalay gaaray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si KMG u dagay Dhuusamareeb.

Al-Shabaab inta aysan ka bixin deegaankan waxaa la sheegay in la hadleen dadka deegaanka oo ay macsalaameeyeen, waxayna ku wareejiyeen gaadiid ay ka heysteen.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xubnaha Al-Shabaab ee isaga baxay deegaanka Ceel La Helay ay aadeen dhanka bari ee howdka deegaankaasi, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin, sida aan ka soo xiganay qaar kamid ah dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay dhaq-dhaqaaq ka wadan agagaarka magaalada Dhuusamareeb.

Deegaanka Ceel La Helay ee ay isaga baxeen xubnaha Al-Shabaab ayaa ah istiraatiiji, waxaana horay mar u qabsaday ciidamada dowladda, walow ay dib uga soo baxeen.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka socdo gobollada dhexe, kaas oo uu jeedkiisu yahay in kooxda Al-Shabaab looga saaro guud ahaan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Si kastaba, kooxda ayaa haatan wajaheysa culeys xoogan, maadaama wajigii koowaad looga qabsaday magaalooyin muhiim ah, sida Galcad iyo Xarardheere oo ay mudo joogeen.

Daawo: Muxuu Madaale ka yiri ‘dhul boobka loo haysto’ qoyska madaxweynaha?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta shir jiraaa’id ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka hadlay arrimo ku aadan ‘dhul boobka ka socda’ magaalada Muqdisho iyo cabashooyinka soo yeeraya, isaga oo soo hadal qaaday eedda loo jeediyay qoyska madaxweynaha dowlada Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Yuusuf Madaale ayaa ku hormaray muranka ka taagan dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne, kaas oo burburin lagu bilaabay, kadib markii la barakiciyay dadkii deganaa.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in dhulkan oo uu lahaa Talyaaniga, ayna hadda soo dalbaday safaaradda dalkaas, isla-markaana ay rabto inay ku shaqeyso dhulkaasi.

“Arrinta Kaasa Italia sida aan la socono waxaa iska leh Taliyaaniga safaaradda Talyaaniga warqadda ay soo dirtay waa taas, sidaas darteed waxay dalbadeen in loo banneeyo, marka Kaasa Italia shaqsina ma laheyn cid gaar ah oo laheydna ma jirto” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Duqa Muqdisho ayaa soo hadal qaaday eedda loo jeediyay qoyska madaxweyne Xasan Sheekh ee la sheegay inay boob ku hayaan dhulkaas, wuuna beeniyay, isaga oo tilmaamay in la doonayo in la’iska horkeeno bulshada Soomaaliyeed iyo madaxweynahooda.

“Qaraabada madaxweynaha yaan waxba afka lala raac-raacinee hala hubsado, anigu mas’uuliyad markaan qabto in la qeyliyo iyo in la caytamo ma kala jecli waxaa iga go’an inaan shaqeeyo” ayuu mar kale sii raaciyay Duqa magaalada Muqdisho.

Waxaa kale uu ka hadlay dhul boobka ka socda deegaanka Gubadley iyo Xaafadda Waxar-Cadde ee degmada Heliwaa, isaga oo sheegay inay la socdaan qaylo dhaanta kasoo yeertay dhulalkaasi, wuxuuna xusay in qof welba oo cabasho ah uu cadaalad doonto garsoorka.

“Arrinta Gubadley iyo Waxar-Cadde ka taagan oo qolo walbaa siday rabto u hadaaqeyso qof walba oo sharci heysto ha dacwo tego, hana aado garsoorka, laakiin in bannaanka laga qayliyo wax macno ah oo ay soo kordhineyso ma laha” ayuu mar kale yiri Madaale.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Dhulka Warshadda Isbuunyada ee ku dhow xeydaabka garoonka Aadan Cadde, oo sidoo kale laga raray barakacayaashii deganaa halkaasi.

Guddoomiyaha gobolka ayaa shaaciyay in warqayad ay usoo diray hay’adda duulista rayidka ah, isla-markaana ay dalbaday in halis amni ay uga imaan karto halkaasi, kadibna uu amray in laga raro barakacayaasha lana dajiyo meel kale balse uusan ka jirin dhul boob.

“Waxaan dhahnay dadkaas si nabad ah meel ha lagu dajiyo, hana la kiciyo,, intaas uunbaa dhanhay, laakiin dhul ayaa la dhiibay, waa nala dhacay waxaas ma jiraan” ayuu sii yiri.

Daawo: Goob uu shir uga socday xubnaha Al-Shabaab oo weerar culus lagu qaaday

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay qaybo kamid ha gobolka Hiiraan ee HirShabelle.

Howlgalkan oo ay si wadair ah isaga kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo Saaxibada Caalmiga ah ayaa si gaar aha uga dhacay deegaanka Qoob-Yaxaas ee gobolkaasi, waxaana lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Somalia oo war kasoo saartay howlgalkan ayaa shaacisay in weerarka uu dhacay xilli uu shir uga socday halkaasi xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal.

“Howlgalka waxaa lagu beegsaday xarun wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka, xilliga uu howlgalku dhacayay goobta waxaa shir uga socday Kooxo Khawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay sii deysay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxay dowladdu sheegtay in howlgalkan lagu burburiyay xaruntii ay ku shirayeen Al-Shabaab, isla-markaana la laayey xubnihii ku sugnaa halkaasi.

Inta uu howlgalka socday waxaa sidoo kale la gubay gaadiid ay lahaayeen xubnaha Al-Shababa ee uu shirka uga socday deegaanka Qoob-Yaxaas ee gobolka Hiiraan.

“Ciidanka Xoogga iyo saaxiibadood waxa ay ku guulaysteen in ay burburiyaan goobtii isla markaana halkaas lagu laayo maleeshiyaadkii ku shirayay, waxaana sidoo kale la gubay labo gaari oo ay wataan horjoogayaashii Khawaarijta ee halkaas joogay” ayay raacisay

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri  “Tirada dhimashada iyo dhawaaca ee soo gaaray Khawaarijta waxaa ku socota qiimayn waana idinla wadaagaynaa dhawaan insha allaah.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda, waxaana weli ka socda howlgallo culus oo ay barbar socdaan duqeymo ay geysanayaan diyaarado dagaal.

Daawo: Arrintii shalay ka dhacday BF oo fasiraad laga bixiyay – Yaa loo socday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Somali Cable wuxuu kaga hadlay arrintii shalay ka dhacday gudaha xarunta baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kadib markii wasiirka cadaaladda & dastuurka laga saaray kulan ay ku lahaayeen Villa Hargeysa.

Wasiirka ayaa kasoo daahay kulankaasi, oo ay su’aallo ku weydiin lahaayeen xildhibaanada, maadaama uu u gudubiyay hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka, waxayna maqnaashihiisa buuq ka dhalisay golaha, kadib markii ay xildhibaadu dood ka keeneen.

Khaliif Cabdi Cumar oo fasiraad ka bixiyay arrintaas ayaa sheegay in wasiirka lagala dul dhacay caro loo qabay ra’iisul wasaare Xamza iyo golihiisa wasiirada.

“Caradaas waxaa rumeysanahay in ay tahay dhangad loo waday rag kale inay ku dhacday wasiirka cadaaladda, waxaa loo waday ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirada dhamaan waa u careysan yihiin xubnaha baarlamaanka” ayuu yiri xildhibaan Khaliif Cabid Cumar.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay in golaha wasiirada loo haysto shaqadooda, maadaama ay yihiin golaha fulinta ee dowladda Soomaaliya.

“Xukuumadda waxaa lagu heystaa waa howlwadeenadii dalka, annagu waxaa nahay sharci dajiye, xiriirkeenu wa inuu furan yahay” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Ugu dambeyn waxa uu hoosta ka xariiqay in xildhibaanadu ay metalaan guud ahaan shacabka, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la shaqeeyaan xukuumadda, si ay xog u helaan kadibna ay ugu celiyaan dadkooda, si ay ula socdaan wax kasta oo dhacaya.

“Xildhibaanada waxa ay metalaan shacab waxay rabaan xog ay kula noqdaan dadkooda oo haddii ay su’aallo weydiiyaan aqbaar ay rabaan inay kula noqdaan” ayuu mar kale yiri.

Maalmihii la soo dhaafay baaralamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waday qorshe uu kula xisaabtamayo xubnaha Golaha Wasiirada, taas oo si weyn looga dareemay dalka.

Sawirro: Xoogag la abaabulay oo lagu soo bandhigay magaalada Dhuusamareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Deegaanada Galmudug ayaa waxaa weli ka socda abaabulka iyo diyaargarowga ciidamada iyo dadka deegaanka ee ku aaddan wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Xoogag cusub oo ka qayb qaadanaya hawlgalkan ayaa shalay lagu soo bandhigay duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Xoogagan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayuu qorshuhu yahay in ay gacan ka gaystaan hawlgalka ay tahay in lagu wiiqo mintidiinta Al-Shabaab.

Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xoogagan ugu talagalay in ay ka qayb qaataan gulufka Shabaabka lagaga saarayo deegaanada Galmudug.

Maamulada degmooyinka iyo odayaasha beelaha ayaa goobo kala duwan ku abaabulay xoogag deegaanka ah, si ay gacan uga gaystaan hawlgalka uu diyaar garowgiisu socdo ee Al-Shabaab looga xoreynayo Gobollada Dhexe.

Goobta lagu soo bandhigay xoogagan ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano, Saraakiil ciidan, Maamulka Gobolka Galgaduud, odayaal iyo waxgarad deegaanka ah.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa si firfircoon uga socda diyaargarowga loogu jiro gulufka ay tahay in jiridda loogu siibo Shabaabka hubeysan.

Dadka reer Galmudug ayaa muujiyay inay ka go’an tahay in ay wiiqaan kooxaha argagixisada, ka dib sanado badan oo ay duljoogeen.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Khamiistii sheegay in dadkiisu ay fure u noqon doonaan hawlgalka dalka looga ciribtirayo argagixisada.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa KENYA oo howlgal ka sameeyay xadka Somalia

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa si wadajir ah howlgal culus maanta uga sameeyay deegaano u dhow xadka Soomaaliya, kaas oo ka dhan ahaa Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ahaa mid looga hortegayay weerarada Al-Shabaab ayaa waxa ay labada dhinaca ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka xeebta Lamu ee dalkaasi, halkaas oo mararka qaar ay weeraro cuslus iyo qaraxyo miino ay ka geystaan xoogaga Al-Shabaab.

Labada dhinac ayaa sheegay inay iska kaashanayaan xaqiijinta amniga deegaanadaasi oo maalmihii dambe ay xaaladdoodu liidatay, kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab.

Howlgalkan wadajirka ah ee ay sameeyeen milatariga Mareykanka ee taageera Kenya iyo ciidamada dalkaasi ayaa waxaa ka horreeyay dhoolatus milatari oo ay wadajir u sameeyeen labada dhinac, kaas oo ay ka qaybgaleen diyaaradaha gaarka ah ee qumaatiga u kaca.

Mareykanka ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday in ay ka go’an tahay sidii loo xoojin lahaa amniga gobolka Lamu oo saldhig weyn ku leeyihiin ciidamadiisa iyo kuwa Kenya si ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee haatan kusii xoogeysanaya xadka Soomaaliya.

Sidoo kale waaxda difaaca Mareykanka ayaa intaasi kusii dartay  in ay ka go’an tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga guud ahaa Bariga Afrika si looga adkaado kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliso gudaha Soomaaliya iyo dariskeeda.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli ay hadda Kenya wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay weerarada Al-Shabaab, kuwaas oo dib u dhigay qorshihii furitaanka ee xadka labada dal.

Kenya iyo Mareykanka ayaa labaduba qayb ka ah dagaalka ka socda Soomaaliya, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo caawiya ciidamada Xoogga dalka.

Waxay sidoo kale weeraro cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgallada lagu burburinayo kooxda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso wajiga labaad ee gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda federaalka.

Xamza oo shaaciyey arrin xasaasi ah, hey’adaha amnigana amray inay fashiliyaan

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa faray hey’adaha amniga ee magaalada Muqdisho inay aad u feejignaadaan, maadaama kooxda Al-Shabaab ay ku soo jebeyso dagaalada ka socda gobollada dalka.

R/Wasaare Xamza oo hadalkaan galabta ka sheegay goobtii lagu shaaciyey natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dowladda ayaa farriintiisa ku xoojiyey in Muqdisho ay tahay magaalada dadka ku nool ay ku dhex dhuuma karaan dagaalyahanada ku soo jebaya dagaallada xoreynta ah ee dalka ka socda.

“Hey’adaha amniga ee Muqdisho waxaa la farayaa inay feejignaadaan oo ilaaliyaan amniga magaaladaan, markii la duulo ee cadowgu jabo, wuxuu u cararayaa magaalooyinka lagu badan yahay, marka Muqdisho waxay ugu horeysaa magaalooyinka dadka ku nool lagu dhex dhuuma karo,” ayuu yiri R/W Xamza.

R/Wasaare Xamza Barre ayaa baarlamaanka ka dalbaday inay gobollada aadaan oo dadkooda abaabulaan, kana qeyb qaataan dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidamada amniga ku amaanay sida ay u sugeen amniga Muqdisho oo kooxihii dadka dili jiray ay uga sifeeyeen.

“Hey’adaha amniga waxaan farayaa habeenada soo socda in aysan seexan, amniga aad ku soo daasheen sii xajiya inta lasoo afjarayo Khawaarijta,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre oo aad ula dardaarmay laamaha amniga Muqdisho.

Sidoo kale shacabka Magaalada Muqdisho ayuu Xamza kula dardaarmay inay ciidamada sii garab taagnaadaan oo ‘Garanwaaga’ ay guryahooda ka soo saaraan, isagoo ku amaanay sida ay kaalintooda uga qaateen sugida amniga caasimada.

Farriinta Ra’iisul Wasaaraha ee ku socota hey’adaha amniga Muqdisho ayaa ku soo aadeysa iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u safray Dhuusamareeb, si dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo Galmudug uu u hoggaamiyo.

Sidee looga fal-celiyey is-casilaadda agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee madaxtooyada Somalia, Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa maanta is-casilay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online agaasimaha ayaa is-casilaadiisa u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in is-casilaadiisa ay la xiriirto arrin shakhsi ah iyo damac siyaasadeed oo uu ka leeyahy xilka madaxweynaha  ee maamulka Koonfur Galbeed

Xuseen Sheekh Maxamuud oo ay saaxibo dhow yihiin madaxweynaha ayaa xilkan soo hayay tan iyo 23-kii May ee sanadkii ee 2022-kii.

Haddaba sidee looga falceliyay is-casilaadiisa?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay go’aanka agaasimaha is-casilay.

Farxaan Nuur oo kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa yiri “Waxuu isku casilay taas ma aha ee Hinda Calasow ayey isku dhaceen oo madaxtooyada kala wareegtay”.

Cabdifitaax Cali ayaa isna yiri “Dr Hussein Sheikh Mohamud nin ka mudan ma jiro madaxweynaha Koofur Galbeed, waana ninkii maamulka ka dhigi lahaa mid hormarsan”

Cali Haruuse ayaa isaguna ku jawaabay “Madaxweynaha soo socda ee Koonfur Galbeed ma jirto khilaaf ama shaqa xumo uu ku baxay balse hankiisa ayuu soo tijaabinayaa Agaasime Xuseen insha’allah guul ayaan u rajenayaa”.

Yuusuf Cabdi ayaa isna u rajeeyay guul, wuxuuna yiri “Madaxweynaha dhaarta u dhiman ee Koonfur Galbeed”

Ubax Isaaq ayaa iyaduna tiri “Agaasimaha wax ka wayn ayaan kuu rajeynaa shaqo fican ayaad madaxtoiyo ka qabatay”

Maxamed Cabdullaahi isaguna wuxuu ku jawaabay “In doorasho ay dhacayso ayaa ii muuqato”

R/W Xamza oo BF u sheegay sabab yaab leh oo Xasan Macallin uu ku soo daahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay fal-celintii uu maanta golaha shacabka kala kulmay wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Soomaaliya Xasan Macalin.

Xamza oo galabta ka hadlay goobtii lagu shaaciyey natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dowladda ayaa sheegay in wasiirku uu maanta ku daahay shirkii amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh uu shir guddoomiyey.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamza wuxuu sheegay in Wasiir Xasan Macalin uu ka shaqeynayey sidii loo diri lahaa ciidan ka qeyb qaata xoreynta Ceelbuur oo uu ka soo jeedo.

“Baarlamaanka waxaan u sheegayaa Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin shaqo adag ayuu ku maqnaa maanta iyo waayahaan oo dhan, waxa uu ku jiray shirkii amniga Qaranka, markii uu naga soo tegay wuxuu u tegay xildhibaanada oo u xanaaqsan, marka waxaan ka codsanayaa inay xildhibaanadu xaaladda dejiyaan,” Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xamza Barre ayaa baarlamaanka u sheegay in wasiirku shaqo adag uu ku maqnaa, isagoo xildhibaanada ka dalbaday inay baxaan oo deegaanadoodii aadaan oo dadka abaabulaan, kana qeyb qaataan xoreynta dalka.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Wasiirka waxaan saakay kula xisaabtameynay deegaankiisii inuu howl-geliyo oo ciidan diro, inuu dadka abaabulo oo awood uusan laheyn uu ka shaqeeyo ayaan kula xisaabtameynay, markii uu baarlamaanka tegay wax uu ku soo daahay ma aysan weydiin ee waxaa lagu qabsaday waa naga soo daahday.”

Kulankii maanta ee baarlamaanka federaalka Somalia oo la filayay inuu hortago Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin ayaa ka daahay kulankii, ayada oo ay taas xildhibaanada Golaha Shacabka si adag uga hadleen maqnaashaha wasiirka oo mar dambe oo doodu adkaatay soo galay hoolka, balse laga saaray.

Ajendaha ayaa ahaa akhrinta hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda, kaas oo ay xildhibaanadu usoo diyaar garoobeen, balse halkii laga doodi lahaa, wasiirkana uu uga jawaabi lahaa xildhibaanada uu buuqday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa sheegay in ajendahan laga gudbayo, isla-markana waxa laga yeelayo wasiirka laga rabo xildhibaanada.

“Kolley wixii waxaas kalifay golaha ayaa is weydiin doona, taladeedana golaha ayay u taalaa iyo sida laga yeelayo wasiirka” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.