25.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Ciidamo Somaliland ka goostay oo ku biiray jabhada Buurta Gacan-Libaax

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamo cusub oo kasoo goostay ciidamada Somaliland ayaa maanta ku biiray jabhada ku sugan buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil.

Ciidankan ayaa sheegay inay markii hore ka tirsanaayeen ciidamada Somaliland ee Laascaanood jooga, iyaga oo sheegay in ay dagaal la galayaan xukuumada Somaliland.

Hoggaanka Jabhadda oo halkaasi kusoo dhaweeyay ciidankan kasoo goostay Somaliland ayaa wuxuu ugu baaqay kuwa kale ee kamid ah ay iskaga soo baxaan, ayna dulmiga diidaan, sida ay sheegeen.

“Sida nimankaniba uga soo baxeen iskaga soo wada baxa dulmi ayaad ku socoteene, tanaa xaqa, dagaalkan xaqa ah soo gala ee rajiimka lagaga xoraynayo waddanka uu baabasaday, dalka iyo dadka iyo diinta.”

Ciidankan ayaa sidoo kale lasoo goostay hubkii ay hore u siisay Somaliland, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay la dagaalaman Somaliland, oo ay hore uga tiirsanaayeen ciidankeeda.

Jabhadda oo la magac baxday ‘Dulmi-diidka’ ayaa waxay dhawaan hanjabaad culus ugu dirtay madaxweynaha, iyaga oo dagaal la galay ciidamada RRU oo dhawaan halkaasi la geeyay.

Inkasta oo ay jabhaddu faah-faahin ka bixin waxay ula jeedo magaca ay la baxday ee “Dulmi-diidka”, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay ka gadoodsan yihiin arrimaha siyaasadda ee la isku hayo gudaha Somaliland oo ay ugu horreyso doorashooyinka, xilli ay dhawaan guddiga doorashooyinka Somaliland ay soo saareen jadwal doorasho.

Jabhaddan ayaa la sheegay in ay si iskooda ah wax uruursadeen, sidoo kalena ay taageere dhaqaale ay ka heleen qaar kamid ah qurbajoogta ay isku deegaanka yihiin, kuwaasi oo dibedda ka wadda olole dhaqaale loogu aruurinayo jabhadda farriisinta ka dhigatay buurta Gacan-Libaax.

Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaaladdo is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka kusoo foodka leh maamulka, taasi oo horseeday in gudaheeda ka abuurmaan jabhaddo kasoo horjeeda maamulka.

Maxaa laga filan karaa dhaq-dhaqaaqa cusub ee uu wado madaxweyne Xasan?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galabtii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Wuxuu ahaa socdaal si weyn loo sugayay, waxaa maalmo kasii horreeyay agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaanno, Wasiirro iyo Saraakiil dhamaan kasoo jeeda deegaanada Galmudug.

Socdaalkan ma ahan dalxiis, dan siyaasadeed iyo olole ee waa safar ay sahay u tahay rasaas. Ceelbuur waa magac ugu badan ee maanta laga sheegayo deegaanada Galmudug.

Sheegistiisu jaceyl iyo naceyb midna ma ahan ee waa duulaan weyn oo deegaanadaasi ku wajahan, si looga saaro gacanta argagixisada oo muddo fog ka talineysay Ceelbuur iyo nawaaxigeeda.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha labada jeer la doortay ee Soomaaliya waxa uu go’aansaday inuu khatar badan qaato, si uu u dhiso qaran ka caagan argagixisada.

Madaxweynaha sidoo kale waa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, ma sahlana in madaxweyne qaran uu ka guuro Villa Somalia oo uu furin dagaal u guuro. Micnaha waa in Xasan fahamsan yahay in jiritaanka argagixisada uu halis ku yahay dowladnimada iyo dadka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaalida waxay badi isweydiinayaan waxa laga filan karo socdaalkan dagaal. Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga soo xigtay in bartilmaameedka koowaad ee madaxweynaha uu yahay in argagixisada lasoo dhaafiyo Galmudug iyo HirShabeelle.

Waa hadaf weyn oo muhiim u ah marxaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya. Dagaal toos ah iyo duqeymo ayaa ku wajahan dhulka ay argagixisada ka joogto Galmudug, inta badana qabaa’ilka dega Galmudug ayaa qeyb ka ah dagaalka.

Dagaalkan wuu ka xoog badnaan doonaa dagaaladii hore, maadaama madaxweynihii qaranka uu furinta joogo. Askari madaxweynihii qaranka la socda hore ma ahane gadaal uma furna.

Siyaasiyiintii lagu eedeynayay in qaarkood ka lug jiidayaan dagaalka, hadda waa qasban yihiin. Wax walba ayaa ka duwa sidii hore, waxaa aad u yar fursadda ay argagixisada ku sii haysan karto Galmudug iyo HirShabeelle.

Dadka kasoo jeeda Ceelbuur iyo nawaaxigeeda oo maalmo kahor ku andacoonayay in aanay dowladda dhexe dagaalka deegaanadooda ahmiyad badan siinin, hadda waxay arkayaan in madaxweynihii uu siiyay mudnaan uusan deegaanada kale siinin.

Iyagana waxaa looga fadhiyaa kaalin ka weyn inta ay deegaanada kale bixiyeen. Rejada ah in dagaalkan uu dhinac u ridi doono khatarta argagixisada ee gobollada dhexe waa mid aad u sareysa.

Diyaar-garowga socda waa mid aad u xooggan, xilli argagixisada dhinac walba ay ciidankii dowladda ka joogaan. Go’aankii shacbiga ahaa ee kooxdan la iskaga dulqaadayay ayaa hadda u muuqda in dib loo dhaqaajin doono markale.

Dadka arrimaha amniga ka faallooda waxay fursad naadir ah u arkaan tallaabada uu maanta qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo ka baxay deegaan u dhow magaalada Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galaduud ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Sabtidii shalay xubnaha Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka Ceel La helay oo u dhow magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay faarujiyeen xarumihii ay ku lahaayeen gudaha deegaankaas oo qiyaastii 50 KM bari ka xiga Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda Al-Shabaab ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan gulufka dagaal iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda Galmudug oo uu shalay gaaray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si KMG u dagay Dhuusamareeb.

Al-Shabaab inta aysan ka bixin deegaankan waxaa la sheegay in la hadleen dadka deegaanka oo ay macsalaameeyeen, waxayna ku wareejiyeen gaadiid ay ka heysteen.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xubnaha Al-Shabaab ee isaga baxay deegaanka Ceel La Helay ay aadeen dhanka bari ee howdka deegaankaasi, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin, sida aan ka soo xiganay qaar kamid ah dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay dhaq-dhaqaaq ka wadan agagaarka magaalada Dhuusamareeb.

Deegaanka Ceel La Helay ee ay isaga baxeen xubnaha Al-Shabaab ayaa ah istiraatiiji, waxaana horay mar u qabsaday ciidamada dowladda, walow ay dib uga soo baxeen.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka socdo gobollada dhexe, kaas oo uu jeedkiisu yahay in kooxda Al-Shabaab looga saaro guud ahaan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Si kastaba, kooxda ayaa haatan wajaheysa culeys xoogan, maadaama wajigii koowaad looga qabsaday magaalooyin muhiim ah, sida Galcad iyo Xarardheere oo ay mudo joogeen.

Daawo: Muxuu Madaale ka yiri ‘dhul boobka loo haysto’ qoyska madaxweynaha?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta shir jiraaa’id ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka hadlay arrimo ku aadan ‘dhul boobka ka socda’ magaalada Muqdisho iyo cabashooyinka soo yeeraya, isaga oo soo hadal qaaday eedda loo jeediyay qoyska madaxweynaha dowlada Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Yuusuf Madaale ayaa ku hormaray muranka ka taagan dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne, kaas oo burburin lagu bilaabay, kadib markii la barakiciyay dadkii deganaa.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in dhulkan oo uu lahaa Talyaaniga, ayna hadda soo dalbaday safaaradda dalkaas, isla-markaana ay rabto inay ku shaqeyso dhulkaasi.

“Arrinta Kaasa Italia sida aan la socono waxaa iska leh Taliyaaniga safaaradda Talyaaniga warqadda ay soo dirtay waa taas, sidaas darteed waxay dalbadeen in loo banneeyo, marka Kaasa Italia shaqsina ma laheyn cid gaar ah oo laheydna ma jirto” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Duqa Muqdisho ayaa soo hadal qaaday eedda loo jeediyay qoyska madaxweyne Xasan Sheekh ee la sheegay inay boob ku hayaan dhulkaas, wuuna beeniyay, isaga oo tilmaamay in la doonayo in la’iska horkeeno bulshada Soomaaliyeed iyo madaxweynahooda.

“Qaraabada madaxweynaha yaan waxba afka lala raac-raacinee hala hubsado, anigu mas’uuliyad markaan qabto in la qeyliyo iyo in la caytamo ma kala jecli waxaa iga go’an inaan shaqeeyo” ayuu mar kale sii raaciyay Duqa magaalada Muqdisho.

Waxaa kale uu ka hadlay dhul boobka ka socda deegaanka Gubadley iyo Xaafadda Waxar-Cadde ee degmada Heliwaa, isaga oo sheegay inay la socdaan qaylo dhaanta kasoo yeertay dhulalkaasi, wuxuuna xusay in qof welba oo cabasho ah uu cadaalad doonto garsoorka.

“Arrinta Gubadley iyo Waxar-Cadde ka taagan oo qolo walbaa siday rabto u hadaaqeyso qof walba oo sharci heysto ha dacwo tego, hana aado garsoorka, laakiin in bannaanka laga qayliyo wax macno ah oo ay soo kordhineyso ma laha” ayuu mar kale yiri Madaale.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Dhulka Warshadda Isbuunyada ee ku dhow xeydaabka garoonka Aadan Cadde, oo sidoo kale laga raray barakacayaashii deganaa halkaasi.

Guddoomiyaha gobolka ayaa shaaciyay in warqayad ay usoo diray hay’adda duulista rayidka ah, isla-markaana ay dalbaday in halis amni ay uga imaan karto halkaasi, kadibna uu amray in laga raro barakacayaasha lana dajiyo meel kale balse uusan ka jirin dhul boob.

“Waxaan dhahnay dadkaas si nabad ah meel ha lagu dajiyo, hana la kiciyo,, intaas uunbaa dhanhay, laakiin dhul ayaa la dhiibay, waa nala dhacay waxaas ma jiraan” ayuu sii yiri.

Daawo: Goob uu shir uga socday xubnaha Al-Shabaab oo weerar culus lagu qaaday

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay qaybo kamid ha gobolka Hiiraan ee HirShabelle.

Howlgalkan oo ay si wadair ah isaga kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo Saaxibada Caalmiga ah ayaa si gaar aha uga dhacay deegaanka Qoob-Yaxaas ee gobolkaasi, waxaana lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Somalia oo war kasoo saartay howlgalkan ayaa shaacisay in weerarka uu dhacay xilli uu shir uga socday halkaasi xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal.

“Howlgalka waxaa lagu beegsaday xarun wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka, xilliga uu howlgalku dhacayay goobta waxaa shir uga socday Kooxo Khawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay sii deysay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxay dowladdu sheegtay in howlgalkan lagu burburiyay xaruntii ay ku shirayeen Al-Shabaab, isla-markaana la laayey xubnihii ku sugnaa halkaasi.

Inta uu howlgalka socday waxaa sidoo kale la gubay gaadiid ay lahaayeen xubnaha Al-Shababa ee uu shirka uga socday deegaanka Qoob-Yaxaas ee gobolka Hiiraan.

“Ciidanka Xoogga iyo saaxiibadood waxa ay ku guulaysteen in ay burburiyaan goobtii isla markaana halkaas lagu laayo maleeshiyaadkii ku shirayay, waxaana sidoo kale la gubay labo gaari oo ay wataan horjoogayaashii Khawaarijta ee halkaas joogay” ayay raacisay

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri  “Tirada dhimashada iyo dhawaaca ee soo gaaray Khawaarijta waxaa ku socota qiimayn waana idinla wadaagaynaa dhawaan insha allaah.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda, waxaana weli ka socda howlgallo culus oo ay barbar socdaan duqeymo ay geysanayaan diyaarado dagaal.

Daawo: Arrintii shalay ka dhacday BF oo fasiraad laga bixiyay – Yaa loo socday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Somali Cable wuxuu kaga hadlay arrintii shalay ka dhacday gudaha xarunta baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kadib markii wasiirka cadaaladda & dastuurka laga saaray kulan ay ku lahaayeen Villa Hargeysa.

Wasiirka ayaa kasoo daahay kulankaasi, oo ay su’aallo ku weydiin lahaayeen xildhibaanada, maadaama uu u gudubiyay hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka, waxayna maqnaashihiisa buuq ka dhalisay golaha, kadib markii ay xildhibaadu dood ka keeneen.

Khaliif Cabdi Cumar oo fasiraad ka bixiyay arrintaas ayaa sheegay in wasiirka lagala dul dhacay caro loo qabay ra’iisul wasaare Xamza iyo golihiisa wasiirada.

“Caradaas waxaa rumeysanahay in ay tahay dhangad loo waday rag kale inay ku dhacday wasiirka cadaaladda, waxaa loo waday ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirada dhamaan waa u careysan yihiin xubnaha baarlamaanka” ayuu yiri xildhibaan Khaliif Cabid Cumar.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay in golaha wasiirada loo haysto shaqadooda, maadaama ay yihiin golaha fulinta ee dowladda Soomaaliya.

“Xukuumadda waxaa lagu heystaa waa howlwadeenadii dalka, annagu waxaa nahay sharci dajiye, xiriirkeenu wa inuu furan yahay” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Ugu dambeyn waxa uu hoosta ka xariiqay in xildhibaanadu ay metalaan guud ahaan shacabka, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la shaqeeyaan xukuumadda, si ay xog u helaan kadibna ay ugu celiyaan dadkooda, si ay ula socdaan wax kasta oo dhacaya.

“Xildhibaanada waxa ay metalaan shacab waxay rabaan xog ay kula noqdaan dadkooda oo haddii ay su’aallo weydiiyaan aqbaar ay rabaan inay kula noqdaan” ayuu mar kale yiri.

Maalmihii la soo dhaafay baaralamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waday qorshe uu kula xisaabtamayo xubnaha Golaha Wasiirada, taas oo si weyn looga dareemay dalka.

Sawirro: Xoogag la abaabulay oo lagu soo bandhigay magaalada Dhuusamareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Deegaanada Galmudug ayaa waxaa weli ka socda abaabulka iyo diyaargarowga ciidamada iyo dadka deegaanka ee ku aaddan wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Xoogag cusub oo ka qayb qaadanaya hawlgalkan ayaa shalay lagu soo bandhigay duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Xoogagan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayuu qorshuhu yahay in ay gacan ka gaystaan hawlgalka ay tahay in lagu wiiqo mintidiinta Al-Shabaab.

Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xoogagan ugu talagalay in ay ka qayb qaataan gulufka Shabaabka lagaga saarayo deegaanada Galmudug.

Maamulada degmooyinka iyo odayaasha beelaha ayaa goobo kala duwan ku abaabulay xoogag deegaanka ah, si ay gacan uga gaystaan hawlgalka uu diyaar garowgiisu socdo ee Al-Shabaab looga xoreynayo Gobollada Dhexe.

Goobta lagu soo bandhigay xoogagan ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano, Saraakiil ciidan, Maamulka Gobolka Galgaduud, odayaal iyo waxgarad deegaanka ah.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa si firfircoon uga socda diyaargarowga loogu jiro gulufka ay tahay in jiridda loogu siibo Shabaabka hubeysan.

Dadka reer Galmudug ayaa muujiyay inay ka go’an tahay in ay wiiqaan kooxaha argagixisada, ka dib sanado badan oo ay duljoogeen.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Khamiistii sheegay in dadkiisu ay fure u noqon doonaan hawlgalka dalka looga ciribtirayo argagixisada.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa KENYA oo howlgal ka sameeyay xadka Somalia

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa si wadajir ah howlgal culus maanta uga sameeyay deegaano u dhow xadka Soomaaliya, kaas oo ka dhan ahaa Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ahaa mid looga hortegayay weerarada Al-Shabaab ayaa waxa ay labada dhinaca ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka xeebta Lamu ee dalkaasi, halkaas oo mararka qaar ay weeraro cuslus iyo qaraxyo miino ay ka geystaan xoogaga Al-Shabaab.

Labada dhinac ayaa sheegay inay iska kaashanayaan xaqiijinta amniga deegaanadaasi oo maalmihii dambe ay xaaladdoodu liidatay, kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab.

Howlgalkan wadajirka ah ee ay sameeyeen milatariga Mareykanka ee taageera Kenya iyo ciidamada dalkaasi ayaa waxaa ka horreeyay dhoolatus milatari oo ay wadajir u sameeyeen labada dhinac, kaas oo ay ka qaybgaleen diyaaradaha gaarka ah ee qumaatiga u kaca.

Mareykanka ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday in ay ka go’an tahay sidii loo xoojin lahaa amniga gobolka Lamu oo saldhig weyn ku leeyihiin ciidamadiisa iyo kuwa Kenya si ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee haatan kusii xoogeysanaya xadka Soomaaliya.

Sidoo kale waaxda difaaca Mareykanka ayaa intaasi kusii dartay  in ay ka go’an tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga guud ahaa Bariga Afrika si looga adkaado kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliso gudaha Soomaaliya iyo dariskeeda.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli ay hadda Kenya wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay weerarada Al-Shabaab, kuwaas oo dib u dhigay qorshihii furitaanka ee xadka labada dal.

Kenya iyo Mareykanka ayaa labaduba qayb ka ah dagaalka ka socda Soomaaliya, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo caawiya ciidamada Xoogga dalka.

Waxay sidoo kale weeraro cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgallada lagu burburinayo kooxda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso wajiga labaad ee gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda federaalka.

Xamza oo shaaciyey arrin xasaasi ah, hey’adaha amnigana amray inay fashiliyaan

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa faray hey’adaha amniga ee magaalada Muqdisho inay aad u feejignaadaan, maadaama kooxda Al-Shabaab ay ku soo jebeyso dagaalada ka socda gobollada dalka.

R/Wasaare Xamza oo hadalkaan galabta ka sheegay goobtii lagu shaaciyey natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dowladda ayaa farriintiisa ku xoojiyey in Muqdisho ay tahay magaalada dadka ku nool ay ku dhex dhuuma karaan dagaalyahanada ku soo jebaya dagaallada xoreynta ah ee dalka ka socda.

“Hey’adaha amniga ee Muqdisho waxaa la farayaa inay feejignaadaan oo ilaaliyaan amniga magaaladaan, markii la duulo ee cadowgu jabo, wuxuu u cararayaa magaalooyinka lagu badan yahay, marka Muqdisho waxay ugu horeysaa magaalooyinka dadka ku nool lagu dhex dhuuma karo,” ayuu yiri R/W Xamza.

R/Wasaare Xamza Barre ayaa baarlamaanka ka dalbaday inay gobollada aadaan oo dadkooda abaabulaan, kana qeyb qaataan dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidamada amniga ku amaanay sida ay u sugeen amniga Muqdisho oo kooxihii dadka dili jiray ay uga sifeeyeen.

“Hey’adaha amniga waxaan farayaa habeenada soo socda in aysan seexan, amniga aad ku soo daasheen sii xajiya inta lasoo afjarayo Khawaarijta,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre oo aad ula dardaarmay laamaha amniga Muqdisho.

Sidoo kale shacabka Magaalada Muqdisho ayuu Xamza kula dardaarmay inay ciidamada sii garab taagnaadaan oo ‘Garanwaaga’ ay guryahooda ka soo saaraan, isagoo ku amaanay sida ay kaalintooda uga qaateen sugida amniga caasimada.

Farriinta Ra’iisul Wasaaraha ee ku socota hey’adaha amniga Muqdisho ayaa ku soo aadeysa iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u safray Dhuusamareeb, si dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo Galmudug uu u hoggaamiyo.

Sidee looga fal-celiyey is-casilaadda agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee madaxtooyada Somalia, Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa maanta is-casilay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online agaasimaha ayaa is-casilaadiisa u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in is-casilaadiisa ay la xiriirto arrin shakhsi ah iyo damac siyaasadeed oo uu ka leeyahy xilka madaxweynaha  ee maamulka Koonfur Galbeed

Xuseen Sheekh Maxamuud oo ay saaxibo dhow yihiin madaxweynaha ayaa xilkan soo hayay tan iyo 23-kii May ee sanadkii ee 2022-kii.

Haddaba sidee looga falceliyay is-casilaadiisa?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay go’aanka agaasimaha is-casilay.

Farxaan Nuur oo kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa yiri “Waxuu isku casilay taas ma aha ee Hinda Calasow ayey isku dhaceen oo madaxtooyada kala wareegtay”.

Cabdifitaax Cali ayaa isna yiri “Dr Hussein Sheikh Mohamud nin ka mudan ma jiro madaxweynaha Koofur Galbeed, waana ninkii maamulka ka dhigi lahaa mid hormarsan”

Cali Haruuse ayaa isaguna ku jawaabay “Madaxweynaha soo socda ee Koonfur Galbeed ma jirto khilaaf ama shaqa xumo uu ku baxay balse hankiisa ayuu soo tijaabinayaa Agaasime Xuseen insha’allah guul ayaan u rajenayaa”.

Yuusuf Cabdi ayaa isna u rajeeyay guul, wuxuuna yiri “Madaxweynaha dhaarta u dhiman ee Koonfur Galbeed”

Ubax Isaaq ayaa iyaduna tiri “Agaasimaha wax ka wayn ayaan kuu rajeynaa shaqo fican ayaad madaxtoiyo ka qabatay”

Maxamed Cabdullaahi isaguna wuxuu ku jawaabay “In doorasho ay dhacayso ayaa ii muuqato”

R/W Xamza oo BF u sheegay sabab yaab leh oo Xasan Macallin uu ku soo daahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay fal-celintii uu maanta golaha shacabka kala kulmay wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Soomaaliya Xasan Macalin.

Xamza oo galabta ka hadlay goobtii lagu shaaciyey natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dowladda ayaa sheegay in wasiirku uu maanta ku daahay shirkii amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh uu shir guddoomiyey.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamza wuxuu sheegay in Wasiir Xasan Macalin uu ka shaqeynayey sidii loo diri lahaa ciidan ka qeyb qaata xoreynta Ceelbuur oo uu ka soo jeedo.

“Baarlamaanka waxaan u sheegayaa Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin shaqo adag ayuu ku maqnaa maanta iyo waayahaan oo dhan, waxa uu ku jiray shirkii amniga Qaranka, markii uu naga soo tegay wuxuu u tegay xildhibaanada oo u xanaaqsan, marka waxaan ka codsanayaa inay xildhibaanadu xaaladda dejiyaan,” Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xamza Barre ayaa baarlamaanka u sheegay in wasiirku shaqo adag uu ku maqnaa, isagoo xildhibaanada ka dalbaday inay baxaan oo deegaanadoodii aadaan oo dadka abaabulaan, kana qeyb qaataan xoreynta dalka.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Wasiirka waxaan saakay kula xisaabtameynay deegaankiisii inuu howl-geliyo oo ciidan diro, inuu dadka abaabulo oo awood uusan laheyn uu ka shaqeeyo ayaan kula xisaabtameynay, markii uu baarlamaanka tegay wax uu ku soo daahay ma aysan weydiin ee waxaa lagu qabsaday waa naga soo daahday.”

Kulankii maanta ee baarlamaanka federaalka Somalia oo la filayay inuu hortago Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin ayaa ka daahay kulankii, ayada oo ay taas xildhibaanada Golaha Shacabka si adag uga hadleen maqnaashaha wasiirka oo mar dambe oo doodu adkaatay soo galay hoolka, balse laga saaray.

Ajendaha ayaa ahaa akhrinta hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda, kaas oo ay xildhibaanadu usoo diyaar garoobeen, balse halkii laga doodi lahaa, wasiirkana uu uga jawaabi lahaa xildhibaanada uu buuqday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa sheegay in ajendahan laga gudbayo, isla-markana waxa laga yeelayo wasiirka laga rabo xildhibaanada.

“Kolley wixii waxaas kalifay golaha ayaa is weydiin doona, taladeedana golaha ayay u taalaa iyo sida laga yeelayo wasiirka” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb iyo kulamo u billowday

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Agaasimaha NISA Mahad Salaad, masuuliyiin ka kala tirsan Galmudug iyo DF iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa Dhuusamarreeb ku soo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kadib soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh waxaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada Galmudug, halkaas oo kulamo ay uga bilowdeen.

Durbadiiba Madaxweynaha ayaa kulamo ka bilaabay Madaxtooyada Galmudug, wuxuuna kulankii ugu horeeyey la yeeshay Qoor Qoor, ku xigeenkiisa Cali Ciid, Agaasimaha NISA Mahad Salaad iyo wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb sii joogi doona ugu yaraan 10-ka maalmood ee soo socda, sida ay qorsheysay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaas ka hoggaami doona dagaalka Galmudug looga sifeynayo Al-Shabaab oo hadda ku sugan magaalooyin ay ugu waaweyn yihiin Ceelbuur iyo Galhareeri.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu rabo in hal toddobaad lagu soo afjaro Shabaab-ka ku sugan Galmudug, si loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka.

Xasan Sheekh, Inta uu joogo Dhuusamareeb ayaa la xoreynayaa Ceelbuur, waxaana la qorsheeyey inuu tago magaaladaas, si bulshada reer Ceelbuur uu ula hadlo.

Daawo: Muxuu Mustaf Dhuxulow ka yiri isku dayga xil ka-qaadista Xasan Macallin?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay dooda baarlamaanka hareysay ee ku aadan in tallaabo xilka qaadis lagu sameeyo Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka oo maanta la filayay inuu hortago, balse ka baaqday, taas oo ay xildhibaanadu ku tilmaameen inay ku tahay gef.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay inuu metalo Wasiirka, isla-markaana aysan suuragal aheyn in xilka qaadista lagu billaabo Xasan Macalllin.

“Wasiirka Dasuurka ayaa lagu bilaabaa in inta xilka looga qaado wax socon karo ma’aha, waxayse ku socon karin annaga maxaan qabaneynaa?” ayuu yiri xildhibaan Dhuxulow.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in baarlamaanka uu u furan yahay in loo yeero wasiirka, kadib wax laga weydiiyo sababta keentay inuu ka baaqdo kulanka loogu yeeray.

“Wasiirkaas laba arrin waa lagu sameyn karaa in inta loo yeero hadda raalli-gelin dhiib wixii khaldana sheeg & in maalin kale loo yeero, marka midda xilka dib noogu dhiga” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Annaga baarlamaanka wixii qadarin ah oo xildhibaanada naga mudan yihiin diyaar ayaa u nahay”

Dhanka kale, xildhibaan Jeeg oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa isugna taageeray hadalka Dhuxulow, wuxuuna soo jeediyay in laga laabto xilka qaadista.

“Xildhibaan Mustaf Dhuxulow hadalkiisa in la tixgeliyo waan qabaa reerkaan horaa 7 daqiiqo lagu diraye yaanan loo fiirin mar kale” ayuu isna yiri xildhibaan Jeeg.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Wasiirka Cadaaladda oo mar dambe tegay xarunta baarlamaanka, laga soo saaray kulanka, wuxuuna guddoomiyaha baarlamaanka ku dhawaaqay in arrintiisa ay go’aan kama dambeys ah ka gaarayaan xildhibaanada golaha.

Sawirro: Xasan Sheekh oo guddoomiyay shir xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ka qabsoomay xarunta Villa Soomaaliya, ayada oo uu sidoo kale goobjoog ahaa ra’iisul wasaare Xazma.

Waxaa sidoo kale shirkan ka qeyb-galay ra’iisul wasaare xigeenka, wasiirrada amniga, gaashaandhigga arrimaha gudaha, maaliyadda, caddaaladda, diinta iyo taliyeyaal.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin dhammeystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay taliyeyaasha ciidamada, kuwaas oo ka warbixiyay amniga dalka iyo dadaalada socda ee halganka loogu jiro xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dalka oo xor ah, si nabad ahna ay ugu kala gooshayaan magaalooyinka iyo deegaannada la xoreeyay.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay amniga magaalada Muqdisho, isaga oo hay’adaha ammaanka ku  ku bogaadiyay sida ay u xaqiijiyeen nabad-geyada.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Shirka ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab oo qudheeda kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha dalka.

Weerarada ayaa qaarkood waxa ay ku beegsataa xarumaha ciidamada iyo kuwa hay’adaha dowladda, waxaana ugu dambeeyay qaraxii ismdaaminta ee Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Agaasimihii madaxtooyada oo is-casilay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu is-casilay agaasimihii guud ee madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, kaas oo xilkan hayay tan iyo 23-kii May ee sanadkii ee 2022-kii.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiya is-casilaadda agaasimaha, kaas oo warqadda ugu gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in is-casilaadiisa ay la xiriirto arrin shakhsi ah, sida ay kasoo xiganay ilo ku dhow dhow Villa Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay Xuseen Sheeh Maxamuud ayaa isku casilay arimo la xiriira damaciisa siyaasadeed ee xilka madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ninkan ayaa loo badinayo inuu isu soo sharaxo xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhawaan la qaban doon, walow ay dood xoogan ka taagan yahay xilliga doorashada.

Xuseen Macallin ayaa kamid ah saaxibada aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna xubin firfircoon ka yahay xisbiga UPD ee madaxweynaha.

Sidoo kale wuxuu door weyn ka qaatay ololihii dib u doorasho ee Xasan Sheekh oo ku soo baxay doorashadii 15-kii May ee sanadkii hore, kadib markii uu ka adkaaday Farmaajo.

Kadib Xuseen oo markaas shaq la’aan ah, maadaama uu waayay kursigiisii Senator ayaa waxaa loo magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada oo uu haatan iska casilay.

Agaasimaha intuu xafiiska joogay wuxuu hormuud u ahaa howlo siyaasadeed oo muhiim u ahaa dawladda, gaar ahaan heshiisyadii taariikhiga ahaa ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Si kastaba, Ninkan ayaa haddii u ku dhowaaqo musharraxnimadiisa wuxuu kamid noqon doonaa ragga ugu cad cad ee musharixiinta Koonfur Galbeed, maadaama uu ku dhowyahay madaxweyne Xasan Sheekh, sidoo kalena uu taageero weyn ka heli karo Villa Soomaaliya.

 

Xog: Madaale oo Mahad Salaad ka codsaday inuu ka difaaco xil qaadis ku wajahan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan oo ka tirsan Madaxtooyada, NISA iyo Gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo in uu xilka ka qaado Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho.

Arrintaan oo aad u xoogeysatay maalmihii lasoo dhaafay ayaa ilo kala duwan waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu bilaabay dadaalo uu uga hortagayo qorshaha xil ka qaadistiisa.

Dad kala duwan oo ay ku jiraan Xildhibaano ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir uu Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ka codsaday in lala heshiisiiyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo uu khilaaf kala dhaxeeyo bilooyinkii lasoo dhaafay, si uu uga qeyb qaato ka hortagga xil ka qaadistiisa.

Guddoomiye Madaale ayaa isku dayay in Agaasimaha NISA ay ku kulmaan Muqdisho, balse waa uu ku guul dareestay dadaalkiisa, waxaana dhici karta in uu dhawaan u safro Dhuusamareeb si ay isugu arkaan Agaasimaha NISA.

Mahad Salaad iyo Madaale ayaa kol hore isku fahmi waayay Barnaamijyo siyaasadeed iyo kuwa amni oo ka jiray Muqdisho, waana sababta keentay in uu xumaado xariirka labada Mas’uul.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Agaasimaha NISA waxaa la sheegaa in ay ahaayeen ragii ka shaqeeyay in Madaale loo magacaabo duqa magaalada, balse labada mas’uul ayaa ku hunguubay magacaabista Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Villa Somalia ayaa Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ku eedeysay in uu Madaxtooyada ka xigsan waayay cabashada beelaha daga Muqdisho iyo HirShabeelle iyo in shaqada gobalka ay aad u liidato.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qorshenaya in uu isbadalo sameeyo marka uu kasoo laabto safarkiisa Dhuusamareeb.

Daawo: Xildhibaano maanta dalbaday in xilka laga qaado Wasiirka Cadaaladda DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee baarlamaanka federaalka Somalia oo la filayay inuu hortago Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallin ayaa ka daahay kulankii, ayada oo ay taas xildhibaanada Golaha Shacabka si adag uga hadleen maqnaashaha wasiirka oo mar dambe oo doodu adkaatay soo galay hoolka, balse laga saaray.

Ajendaha ayaa ahaa akhrinta hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda, kaas oo ay xildhibaanadu usoo diyaar garoobeen, balse halkii laga doodi lahaa, wasiirkana uu uga jawaabi lahaa xildhibaanada uu buuqday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa sheegay in ajendahan laga gudbayo, isla-markana waxa laga yeelayo wasiirka laga rabo xildhibaanada.

“Kolley wixii waxaas kalifay golaha ayaa is weydiin doona, taladeedana golaha ayay u taalaa iyo sida laga yeelayo wasiirka” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Intaasi kadib qaar kamid ah xildhibaanada ayaa qaatay hadalka, waxayna arrintan ku tilmaameen inay gef iyo jariimo ku tahay golaha.

Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid ayaa soo jeediyay in baarlamaanku dib u eegis ku sameeyo wasiirka, codna loo qaado si xilka looga qaado, maadaama uu saameey xil gudasho la’aan.

“Waxaa gef iyo jariimo ah xildhibaanadan mas’uuliyiinta ah ee shacabka metalaaya ajende loo soo diray akhrinta koowaad lasoo akhriyay loo soo diyaar garoobay, waqtig la geliyay in haddana waa baaqday wasiirkii ayaa la waayay, ayada oo Wasaaraddu leedahay wasiir wasiir dowle iyo wasiir ku xigeen” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Mudane guddoomiye haddii aan nahay Golaha Shacabka waajibaadkeena in si sax ah aynu u gudano, wasiiradiid dhaqankaas sameeyay waa in dib eegis lagu sameeyaa oo hadda cod loo qaadaa weliba” ayuu mar kale yiri xildhibhaanku.

Dhankiisa xildhibaan Maxamed Cabdi Xajir Maareeye oo kulanka ka hadlay ayaa dalbaday in tallaabo culus laga qaado wasiirka, maadaama uu fududeystay baarlamaanka.

“Ma xasuusto wasiir sidaas oo kale u dhaqmay intaan ku jiray dowladda, nidaamka dowliga ah iyo kala dambeynta hadii ay ka dhunto qaranka wax dambe oo u haray ma jirto. Anigu waxaan qabaa haddii wasiirku inta la gaarsiiyay in halkan laga rabo , haddane uu golahan yareystay in tallaabada ugu haboon laga qaado” ayuu isna yiri Xildhibaan Maareeye.

Dood dheer ka gadaal wasiirka oo soo daahay ayaa kulanka yimid, waxaana kadib hadalka qaatay gudoomiyaha oo amray inuu baxo, isagoo sheegay in arintiisu go’aan laga gaarayo.

“Arrintaan xildhibaanadu waxa ay u qaateen ihaano iyo yareysi sidaas daraadeed wasiir waxaan ku dhihi lahaa maanta waa fasaxan tahay golaah ayaa arrintaas go’aan ka gaaraya” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Hadal hayn culus oo ka dhalatay xil loo magacaabay gabadha Aadan Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalintii Khamiista, waxaa golaha wasiirada ee Soomaaliya ansixiyeen xubnaha maamulka sare ee hay’adda istaraatiijiyadda Soomaaliya.

Hadaba arrintaan ayaa hadal hayn abuurtay kaddib markii la ogaaday in xubin kamid ah guddigaan ay ka mid tahay qoyska guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Xabiibo Sheekh Aadan oo ah xubinta la hadal hayo ayaa ah gabar uu dhalay guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiska xukuumadda Soomaaliya.

Dad badan oo arrintaan uga falceliyay baraha bulshada ayaa ku tilmaamay eex, inkasta oo horay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay, in caruurta ay dhaleen madaxda dawladda federaalka ee Soomaaliya ay xaq u leeyihiin kamid noqoshada shaqaalaha dawladda.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo ana iksu daynay inaan la xariirno si aan wax uga waydiinno fikirkiisa ku aadan hadal haynta ka dhalatay gabadhiisa ayaysan noo suura galin inaan la hadalno.

Masuuliyiinta kale oo qaraabadoodu u shaqeeyaan dawladda

Hadal uu sheegay wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji kaas oo tibaaxay in uu reerkiisa shaqaaleysiinayo haddii uu fursad u helo ayaa dhawaan qabsaday baraha bulshada.

Wasiirka oo hortagay Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hor sheegay in uu reerkiisa shaqaaleysiinayo haddii uu fursad u helo.

Wasiir Jibriil oo ka jawaabaya su’aal uu guddiga Golaha Shacabka ka weydiiyay shaqaale cusub oo uu qortay, kuwaasi oo ku beel ah wasiir Jibriil, ayaa waxa uu yiri:

“Shaqaalaha dowladda Soomaaliya ee 4.5 lagu saleeyay, mab’da aad qabtid ee ah walaasha iyo walaalka ama nin kugu qaraabada ayaa qortay ma qabi, hadda kuu sheegaa ninka u sokeeya ee wax siinayo waa ninka qaraabadeyda hadda u heli karo meel, waxaa rabaa in si saraaxa iskaga hadlo,” ayuu yiri wasiir Jibriil Cabdirashiid.

Balse maalmo kadib hadalkaan ayuu wasiirku raali galin bixiyay. Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan jirin xubno ay qaraabo yihiin oo uu horay shaqo u siiyay.

Dhanka kale waxaa hadal hayn baraha bulshada ka dhaliyay gabar uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh taas oo ku magacaaban xilka la taliyaha madaxweynaha qaranka.

Gabadhaan ayaa lagu magacabaa Jihaan Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo safarro kala duwan oo uu kamid yahay shirkii Ururuka Jaamacadda Carabta u raacday madaxweynaha.

Dhanka kale Jihaan ayaa ka soo muuqatay shaashadaha iyada oo sawiro kala duwan ku wehlisa aabaheed marar kala duwan oo madaxweyne Xasan Sheekh uu kulamo lalahaa masuuliyiin kale oo caalami ah. Waxaa kamid ahaa shir uu New York u tagay madaxweynuhu bilowgii sanadkaan.

Soomaali ayaa walwal ka muujisay in dadka aan madaxda dawladda qaraabada la ahayn ay ka niyad jabaan raadinta shaqooyinka dawladda, maadaama ay u arkaan in fursado badan ay helayaan qaraabada masuuliyiinta hay’adaha dawladda.

Xogta labada sarkaal oo dowladda ay sheegtay inay u baxsadeen Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ku raad-jooga Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali oo ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaas oo la ogaaday inay si hoose ula shaqey jireen argagixisada Al-Shabaab.

”NISA waxa ay raadinaysaa Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali oo baxsad ah, Fadlan haddii aad hesho xog horseedi karta in la qabto la soo xiriir hay’adaha ammaanka,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay NISA.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ragaan ayaa midba mar la waayey markii ay hey’adaha dowladda ka dhex bilowdeen baaritaano ku saabsan xubnaha ku dhex qarsoon ee u basaasa kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa shalay galab sheegay in baaritaanadaas lagu qabtay in ka badan 10 qof oo si hoose ula shaqey jiray Al-Shabaab, kadib baaris ay sameysay hey’adda NISA.

Caasimada Online ayaa ogaatay in labada nin ee hadda ay dowladu baafineyso ay isku dhiibeen kooxdii ay sida hoose ula shaqey jireen ee Al-Shabaab.

Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise wuxuu ahaa sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab intii uu hoggaanka NISA ahaa Fahad Yaasiin, dhowr bilood oo dhaqan gelin ah kadib waxaa lagu biiriyey NISA, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ciidanka Duufaan ee loo adeegsaday weerarradii lagu qaaday mucaaradka intii ay socotay doorashada dalka.

Markii ay bilaabatay in la is daba galo ayuu u baxsaday Al-Shabaab, sarkaalka labaad ee dowladdu ay sheegtay inuu baxsaday waa Ayaanle Maxamed Cali oo ahaa sarkaal soo maray NISA, balse markii uu baxsaday wuxuu ka tirsanaa Booliska.

Ninkaas si hoose ayuu ula shaqey jiray Al-Shabaab, isagoo ahaa sarkaal lagu aaminay howlo muhiim ah, balse ugu dambeyntii wuxuu fashilmay habeen uu hoggaaminayey Shabaab degaanka Arbacow oo u dhow Ceelasha-biyaha ku soo weeraray ciidanka Boolis-militaar ee xasilinta caasimadda.

Nin ka mid ahaa Shabaab-kii uu hoggaaminayey ee soo weeraray xerada Arbacow ayaa l qabtay isagoo dhaawac ah, kadibna wuxuu sheegay in Ayaanle Maxamed Cali oo ka tirsan booliska Soomaaliya uu hoggaaminayey maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ninkii bixiyey xogtaas ee Shabaab ka tirsanaa, maadaama lagu qabtay dhaawac markii dambe waa uu dhintay, habeenkaas kadibna waxaa la waayey Ayaanle Maxamed Cali ahaa sarkaal dowladeed, balse basaas u ahaa Al-Shabaab.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in lagu daba jiro labadaas sarkaal ee horay uga tirsanaa hey’adaha amaanka ee dowladda, una basaasi jiray Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa shacabka ka codsaday inay dowladda lasoo wadaagaan hadii ay helaan xogta ragaan, iyadoo la iska ilaalinayo xiriirkooda iyo la macaamilkooda.

Hoos ka eeg sawirada labada nin

 

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta xarigga ka jaray xarun muhiim u ah Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa xarigga ka jaray xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka oo xilligaan muhiim u ah Soomaaliya.

Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa madaxda sare ee wasaaradda caafimaadka, xildhibaano, wasiiro, dhaqaatiir iyo marti-sharaf kale.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso horumarinta iyo soo-nooleynta adeegyadii bulshada oo ay ugu horreeyaan Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xaruntan dhiigga ay xilligan baahi weyn u qabeen guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Xamza ayaa sidoo kale  ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada hirgelinta xaruntani, isaga oo shaaciyay in tani ay ka tarjumeysa xaqiijinta yool muhiim ah.

“Dalkeennu wuxuu kamid yahay waddamada ay ka dhacaan musiibooyinka, taas oo lagama maarmaan ka dhigeysa in la helo xarun keydisa dhiigga” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Si kastaba, Bangiga Dhiigga Qaranka oo la aas-aasay sannadkii 1976 dii ayaanan hawlgelin muddo ku dhow soddon sanno, waxaana dib-u-howlgelintiisu ay buuxin doontaa baahi weyn oo ay dadka Soomaaliyeed u qabeen in ay helaan keyd loogu hagaago dhiigga.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-