26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Jabuuti oo cadeysay siday uga carootay go’aankii Muuse Biixi uu badda ku siiyey Itoobiya

0

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda ee dalka Djibouti, Ilyaas Muuse Dawaleh oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay aragtida dowladda Djibouti ee heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Ethiopia iyo Somaliland, kaas oo Muuse Biixi uu ku saxiixay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti aysan dooneyn inay dhex gasho arrimaha gudaha ee Somaliland, balse ay beeninayaan warar been abuur ah oo ku saabsan arrintaas oo khuseeya Jabuuti.

Wuxuu sheegay in Jabuuti iyo Somaliland ay walaalo yihiin, balse mowqifka Jabuuti uu cadyahay, markii la joogo wixii dhacay, isagoo muujiyey in sharafta madaxweynaha Jabuuti uu meel uga dhacay Muuse Biixi.

“Mowqifka Madaxweyne Ismaaciil iyo Jabuuti waa cadyahay, sharaftu waa in arrinta miiska saaran runta laga sheego, waxaa la rabay in Muuse sheego hadii uusan dhab ka aheyn heshiiska Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Dawaaleh.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leeyihiin aayahooda inay ka tashadaan, balse Jabuuti ay samadoon ama dhexdhexaadiye ka yihiin arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama ay dhiig wadaagaan.

“Wax noo qarsoon maleh mowqifkeenu waa cadyahay, Muuse Biixi waxaan ka weynay habeen kale nala hoyo, kadibna waxaan ka war helnay inuu galay heshiis kale oo aad idinkuba aragteen, waan la yaabnay, waana cadeynay mowqifkeena arrinta Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Jabuuti.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti aysan caqabad u arkin walaalahood Somaliland, “Heelka ay naga taagan tahay walaalnimada Somaliland, waxaan Midowga Yurub uga ololeynay in dhaqaale lagu siiyo sidii ay u dhisan laheyd kaabayaal dhaqaale, maadaama ay nabadooda dhisteen,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti ayaa shacabka Somaliland u sheegay inay u hayaan galgaceyl walaalnimo, balse tallaabadii Muuse Biixi ay ka xumaatay Jabuuti, “Canaantaas waa u taallaa Muuse Biixi, laakiin isaga ayey u taallaa sidii uu u laab xaaran lahaa walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil,” ayuu yiri Wasiir Ilyaas Muuse.

Hoos ka dhageyso wareysigaan uu siiyey VOA

Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshe culus oo u bilowday Turkey iyo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo mahadcelin iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhaqan-gelinta heshiiskan ay suurta gelinayso dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yeesha in ay kaligood sugaan difaaca badaheenna, muddo dhow kaddib, haddii Alle idmo.“Heshiiska aan la saxiixanay Soomaaliya wuxuu caalamka tusay in xiriirka walaaltinimo uu ahaan doono mid waligiis

“Heshiiska aan la saxiixanay Soomaaliya wuxuu caalamka tusay in xiriirka walaaltinimo uu ahaan doono mid waligiis sii jiri doona. In markabkaan dagaal uu yimaado Soomaaliya waxay qeyb ka tahay heshiiskii difaaca Badda ee Soomaaliya iyo Turkiga ay galeen,” ayuu yiri Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaana xusid in maalinta dhaqangalka heshiiskaan lagu soo beegay maalinta sanad-guurada 104-aad ee qarannimada Turkiga, taasi oo muujinaysa ahmiyadda heshiiskani u leeyahay labada dal walaalaha ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiskani horseedi doono in la gaaro Soomaaliya ku filan difaaca iyo ilaalinta xeebaheeda oo hadda ay dhibaato ba’an ku hayaan Maraakiib shisheeye, kuwaas oo xeebaha dalka uga kaluumeysta si sharci darro ah, halka qaarkooda ay ku shubaan maadooyin sun ah oo halis ku ah noolaha ku jira Badda.

Hoos ka daawo

 

Maxay abwaanada reer Somaliland ee Al-Shabaab ku biiray uga duwan yihiin dadka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-heyn xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay tirada sii kordheysa ee abwaanada kasoo jeeda gobollada waqooyi ee ku biiraya kooxda Shabaab, waxaana abaaankii ugu dambeeyay uu noqday Maxamed Maxamed Ibraahim (Jeesto).

Abwaan Jeesto oo tegay Jilib, iskuna dhiibay kooxda Al-Shabaab ayaa kahor inta uusan aadin ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ku noolahaa muddooyinkii lasoo dhaafay

Ninkan ayaa inta uu joogay Muqdisho ayaa waxaa horay u xiray hay’adda NISA, kadib tuhuno soo galay isaga oo loo haystay markaas inuu baraha bulshada ka taageeray kooxda Al-Shabaab, balse waxaa lagu sii daayay damiin, isaga oo ugu dambeyn aaday dhanka Jilib.

Dhowr jeer ayay hor ayay dhacday in rag kasoo jeeda gobolada waqooyi ama Somaliland ay isku dhiibeen kooxda Al-Shabaab, waxaanaAbwaan Maxamuud Jeesto kasii horreeyay Abwaan Nageeye Khaliif,  Sheekh Aadan Sunne, Cabbdiwaaxid Cali Gamaadiid iyo rag kale.

Haddaba Maxay Abwaanada kasoo jeeda Somaliland ee ku biiray Shabaab uga duwan yihiin dadka kale?

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka falceliyay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in aysan waxba ku kula duwaneyn shaqsiyaadka ku biiraya Al-Shabaab ha joogaan koonfur ama waqooyi, isaga oo sheegay in laga haboon yahay in deegaan loo tiiriyo qofka ku biiro kooxdaas.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in aan abwaan la oran karin qof tiriyay labo gabay ama saddex gabay, sida uu hadalka u dhigay.

“Reer Koofurow qofkii laba ama saddex gabay tiriya waa abwaan ka daaya” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Wiilkii AS ku biirana hayb tilmaamka halka degaan ah ka daaya, illeyn Koonfur waa looga biiraa degaankiisana ma sheegtaane”.

Dhinaca kale qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaalaha baraha bulshada ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay qodobkan arrintan xasaasiga ah.

Maxamed Khadar “Abwaan, aqoonyahan, qoraa, suxufi waxaas dhan shakibaa iga galay, Koonfur meel cajib weeye “.

Cabdiraxmaan Gurey ayaa falcelintiisa ku yidi”Abwaanimadii shaqo kale ayay noqotay hadda”.

Guuleed Xuseen “Nin koonfur joogo ragaas waxee yihiin looma tilmamaayo midka waqooyi ka yimid mindhaa xiisa gooni ah ayaa haaya”.

Maxamed Muuse “Magaca Abwaan aya Khalad laga galay, ninka timo deesta labdoo eray isku aadista Abwaan maaha”.

 

 

Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku ridday sarifle jaajuus u ahaa Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Maxamed Cali Xersi Diirshe oo ay ku xukumay1 5 sano oo xabsi ciidan ah, kadib markii lagu helay kamid ahaanshiyaha xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa loo soo xiray inuu ka tirsanaa qeybta Jaajuusnimada iyo inuu gacantiisa ku fuliyey Falal agagixisanimo.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, ayuu ku lahaa goob uu gabbaad ka dhiganayey oo lagu sarifo lacagaha, isaggoo Khawaarijta uu u gudbin jiray xogaha Ciidanka Muqdisho ka baxa ee ku wajahan Shabeellaha hoose, islamarkaana maraya Wadada Ceelasha Biyaha, tiradooda iyo gaadiidka ay wataan intaba.

Al-Shabaab waxuu ku biiray 2012, waxaana ku tashkiiliyey Yuusuf Xasan Ibraahim oo horey Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay ugu xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah, isaggoo ku daray qeybta Jaajuusnimada iyo Bombo tuurka, Xogaha uu helana waxaa uu u gudbin jiray Yuusuf Xasan Aadan.

Bishii Lixaad sanadii 2022 waxa uu Bomb gacmeed ku tuuray saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo xilligaasi ku sugnaa goob timaha lagu jarto, sidoo kale Goobo kale oo ay kamid yihiin Alnasri 3 iyo Hotel Musdalifo ayuu Bomb ku tuuray.

Falalkaasi argagixisanimo ee uu geystay Maxamed Cali, ayaa waxaa ka dhashay dhaawaca seddex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen Haween.

Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa u cararay deegaanka Jannaale, kadib markii Ciidanka amniga ay soo qabteen Yuusuf Xasan Ibraahim oo ahaa Horjoogihiisa, Afar bilood kadibna waxa uu kusoo laabtay Ceelasha Biyaha isaggoo sii amba-qaaday dhagartiisa, waxaana markaan horjooge u ahaa nin lagu magacaabo Nabadoonka.

Hay’adaha amniga oo ku raad-joogay Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa Deeganka Ceelasha biyaha kasoo qabtay taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo tobankii Bisha Labo iyo Tobnaad ee 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday Labo iyo Tobankii Bishii seddexaad ee Sanadkaan 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamed Cali Xersi Diirshe 15 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Dagaal horleh oo ka qarxay Garoowe + Khasaaraha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka qarxay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Dagaalka oo ka dhacay dhanka bari ee magaalada ayaa wuxuu u dhexeeyay rag hubeysan oo isku qabtay dhul ku yaalla halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa is rasaaseynta dhex martay labada dhinac ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa weli is horfadhiya, waxaana soconayo dadaallo ay wadaan madaxda Puntland iyo waxgaradka Garoowe, si looga hortago xiisaddaasi.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa gaaray meesha lagu dagaalamay, waxayna isku geedaameen labada dhinac ee dagaalamay.

Xaaladd ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in iska hor imaad kale uu ka dhaco Garoowe, maadaama ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkaasi, inkastoo oo ay socdaan dadaallo ay wadaan ciidamada Booliska.

Garoowe ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca iska hor imaadyo hubeysan oo ka dhasha muranada dhulalka iyo kuwa kale oo ku aadan la dagaallanka kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaaladaas iyo deegaanada kale ee hoos yimaada.

Wararkii ugu dambeeyay ee doon sidday muhaajiriin oo ku degtay xeebaha JABUUTI

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Laanta Socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM ayaa maanta sheegtay, in ugu yaraan 16 muhaajiriin ah ay ku dhinteen meel ka baxsan xeebaha Jabuuti dhawaan, kaddib marki ay la qallibantay dooni ay la socdeen.

Hay’adda IOM waxay sheegtay in sidoo kale la la’yahay 28 kale oo ka mid ahaa 77 qof oo la socday doonta.

Qoraal ay IOM ku daabacday barta X ayey ku sheegtay in dadka doonta saarnaa ay ku jiraan caruur.

Shilkaan ayaa ah kii labaad oo ka dhaca aagaasi, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ugu yaraan 38 qof oo ay ku jireen carruur ayaa ku dhintay masiibo laba todobaad ka hor ka dhacday meel u dhaw xeebaha Jabuuti, kaddib marki ay dagtay dooni ay saarreeyeen dad muhaajiriin ah.

IOM ayaa sheegtay in xafiiskeeda Jabuuti uu ka qeyb-qaadanayo howlaha gurmadka ah ee lagu caawinayo dhibanayaasha.

VOA

Cali Guudlaawe oo tegay DEGMO ay halis ku hayaan Al-Shabaab, kadibna ka sameeyay…

0

Balcad (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Caki Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Cali Guudlaawe iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin xildhibaano, wasiiro iyo saraakiil ayaa waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay maamulka Balcad iyo shacabka degmadaasi.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray magaaladan oo ay halis ku hayaan Al-Shabaab kormeeray xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale waxa uu la kulmay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS oo uu kala hadlay qorshaha amniga iyo ka hortegga weerarada Al-Shabaab ee magaaladaasi.

Intaasi kadib Cali Guudlaawe ayaa daah-furay mashaariic muhiim ah, isla markaana ay waqti dheer ay sugayeen dadka deegaanka ee ku dhaqan aagga degmada Balcad.

Waxaa kale oo uu xariga ka jaray garoonka kubbadda cagta ee Dr. Ayuub Jeenyo kaas oo horumar u ah dadka deegaanka.

Madaxweynaha HirShabelle oo ka baxay Muqdisho ayaa safar dhulka ah ku gaaray Balcad, isaga oo maray laamiga dheer ee isku xira labada magaallo, kaas oo dib loo dhisay.

Balcad ayaa ah magaallo dalxiiseed qurux badan, balse waxaa mararka qaar weeraro toos ah kusoo qaada Al-Shabaab oo ku sugan deegaano u dhow magaaladaasi.

default

 

Maxaad ka ogtahay afarta qalad ee weyn ee Muuse Biixi uu galay | W/Q: Senator Dubbe

Aan ku bilaabo’e: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxu 24 saacadood kahor saxeexay warqaddii ugu muhiimsanayd ee dhammaadka muddo xileedkiisa, waa warqaddii in doorasho loo dareero.

Haa, halkaa waxa ku soo dhammaanaya 7 sanadood oo Muuse hayey xukunka Somaliland. Saacadda madaxweyne saxeexo in doorasho loo dareero waa saacadda qiyaamuhu dhaco oo kale ee aan madaxweynayaasha xil iyo xoolo toona loo doonan, xitaa telefoonada aan laga qaban, dadkuna sida daruuraha u guur guuro. Taliyayaasha ciidamaduna iska xaadiriyaan xarumaha mucaaradka.

Aan ku yara noqonno 2017kiiye, anigu Muuse imaatinkiisii baan wax ku lahaa, weliba hawl badani iga soo martay. Sababta oo ah waxan ka filayey in uu noqon karo geed weyn oo damal ah oo iska daa Soomaali e’ Afrika ka shaqeeya ururinteeda iyo midnimadeeda.

Xilligii ololaha marka la’ i weydiiyo aragtida iyo hoggaaminta Muuse waxan cod bixiyayaasha ku odhan jirey “Muuse waa Paul Kagame, madaxweynaha Rwanda oo kale, ninkaas uun buu ku bannaan yahay”.

Si aan taa u xaqiijiyo bal aan inyar kula wadaago dhibtii aan u maray. Marka laga tago ololihii, marka laga tago wax ka dejintii qorshaha guusha, marka laga tago is barbar taaggii xilligii uu dhawrka qof haystay, marka laga tago dooddii iyo dirirtii aanu dad badan isku seegnay, marka aanan xusin safaradii dhaadheeraa ee maalin-gaalka iyo guuraha lahaa ee Sool, Sanaag illaa Awdal, xitaa kuwii qurbaha iyo qaboobaha. U codayntiisii oo keli ah saddex jeer baan England uga soo dhoofay. Saddexda jeer waxa ay kala ahaayeen:

Kow; Is-diiwaan gelintii koowaad oo aan maalintii ugu dambaysay iska diiwaan geliyey tuulada Coodanle oo ka tirsan Degmada Buuhoodle.

Laba; kaadh qaadashadii oo inta aan maalin Khamiis ah ka soo baxay London, flydubai subax hore ku imi Hargeisa, baabuur Landcruser ah ka kaxaystay, Jimcihii 4tii galabnimona aan noqday qofkii ugu dambaysay ee card kiisa ka qaata Qorulugud.

Saddex: Codayntiina aniga oo 3 Habeen iyo 3 maalmood u soo jeeday ololihiisa, maalintii doorashada oo dhanna aan shaqaynayey, baan casar gaabkii tuulada Balli Calanle oo Burco u jirta 150km ka soo codeeyey, si aanu codkayga ugu dhicin, sababta oo ah Balli Calanle waa meeshii 2003 sanduuqii yaallay ee Siilaanyo codka u badan lahaa la kansal gareeyey, sidaasna uu ku waayey Madaxweyne-nimadii. 14 sanadood ayaa u dhaxaysay galabtaas iyo galabtan aan dul taaganahay sanduuqii Balli Calanle laftiisii.

Habeenkaas waraaqaha codaynta la soo daad guraynayeyna intiisii badnayd waan soconayey oo baabuur baan waday, hawsha oo badnayd darteed, iyo in aan wax khilaaf ahi dhulkan oo ah dhulka gobolka Togdheer ugu cod badan aanu ka dhicin.

Balli-dhiig illaa Burco ayaan marba tuullo tegeyey, aniga oo weliba inta badan hurda ayaan haddana baabuurka waday, waan xasuustaa si aan indhaha u kala qaado marba inta aan istaago baan caagad biyo ah madaxa iskaga shubayey.

Waxan hubaa in ragga maanta Madaxweyne Muuse la jooga aanu ku jirin nin qudha oo intaa u maray doorashadiisii oo celcelis ahaan illaa Europe illaa Hawd 30,000 oo kiiloomitir u socday in uu Muuse noqdo madaxweyne.

Sababtaas baan uga gaabsaday in aan Muuse Biixi iyo todobadiisii sanadood ee taariikhiga ahaa wax ka sheeg sheego oo aan marba fartayda dhinacyada ka eego. Maantana ku fogaan maayo ee si aanu madaxweynaha ka dambeeyaa ugu dhicin qaladaadkii oo kale ayaan u qorayaa dhawr qalad oo waaweyn oo Muuse ku dhacay. Waa cashar ee ma’aha siyaasad.

Madaxweyne Muuse wuxu sameeyey qaladaad badan, fursado badanna wuu lumiyey. Xitaa waxa soo martay mar bilowgii 2020kii loo cumaamaday in uu noqdo boqorka 30ka malyuun ee Soomaaliyeed, oo ahayd meeshii aan la’ jeclaa, laakiin ay taladu seegtay oo uu qaadan kari waayey.

Hadda kama hadlayo arrimahaas iyo qaladaadkii odaygu uu galay oo dhan oo ay ugu weynayd tii Laascaanood. Sidoo kale ka hadli maayo qaladaadkii maamul, maaliyadeed, milateri, cadaaladeed iyo horumarineed ee maalinlaha ahaa, inkasta oo aanay ahayn in ay dhacaan haddana way dhacaan, waana laga kabtaa. Laakiin qaladaadka laf jabka ah ee istaraatiijiga ahi waa jab iyo fashil. Halkan waxan kaga hadlayaa 4 qalad oo waaweyn oo gudaha Somaliland ah. Bal ila eeg 4 tan qalad oo ahaa kuwii dhalay wixii ka xumaaday oo dhan.

Qaladka koowaad: Madaxweyne Muuse marnaba muu dhisan, mana uu lahayn “cabinet” ama Gole Wasiirro oo run ah todobadaas sanadoodba.

December 2017kii ayuu dhisay Golaha Agaasimayaasha, 2022 kiina waabu ka maarmay agaasimayaashii. Madaxweyne Muuse, markii uu xukuumadda dhisay kaddib ayaa guddoomiye kamid ah xisbiyada mucaaradku weydiiyey wuxu ku falay dadkan uu ku sheegay wasiirada ee Muuse laftiisa haddii la’ weydiiyo aanu qaar badan oo uu wasiiro u magacaabay garanayn ba (illaa todoba kamid ah weligii muu arag, iyaguna weligood TV moojaane toos umay arag). Muuse wuxu ku yidhi guddoomiyahaas “waar ma rabo dad ila murma”.

Taas waxaaba ii sii xaqiijiyey nin ku magacaaban wasiir laakiin ah agaasime wanaagsan baan maalin ku idhi waar maxaad u hadli weydeen ee madaxweynahan iyo xisbigan dhulka la jiidayo u difaaci weydeen, wuxu igu yidhi haddii aan hadlo madaxweynaha ayaa i xasuusanaya.

Halka Madaxweyne Muuse soo dhisay xukuumaddaas aan la’ murmayn ee uu doorbiday in uu noqdo keli-jire, halkii uu ka noqon lahaa wadar-jire, waxan anigu goob joog u soo ahaa oo aan wada garanayaa dowladdihii ay soo dhiseen madaxweynayaashii Muuse ka horreeyey, illaa madaxweyne Cabdiraxman Tuur iyo xukuumaddiisii dhammayska ahayd.

Bal mid kamid ah xukuumadahaas aan tusaale u soo qaato: Madaxweyne Cigaal 1997kii wuxu soo dhisay xukuumad ahayd mar la’arag. Wuxu golishiisa wasiirada isugu keenay madaxweynayaal, waxannu ku naanaysi jirnay xukuumaddii madaxweynayaasha.

Daahir Riyaale ayuu markii koowaad-ba madaxweyne ku xigeen u xushay, Ambassador Fagadhe oo cilmiga diblomaasiyadda aqoon durugsan u lahaa, muddo dheerna kamid ahaa madaxda sare ee hay’adda ILO, Kofi Anan, Beutrous Qali, Isayas Afawerqi, Meles Zenawi iyo madaxda kale oo gobolkubana ay aad u dhegeysan jireen ayuu Wasaaradda Arimaha Dibadda u dhiibay.

Axmed Yuusuf Ducaale oo 1967kii ahaa Wasiirkii Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayuu Tacliinta u dhiibay, Madaxweyne Siilaanyo ayuu ka dhigay wasiirkiisa Maaliyadda, Dr Gaboose oo shirkii Cigaal lagu doortay guddoonkiisa iyo qabsoomiddiisaba lahaa ayuu Arimaha Gudaha iyo Amniga u dhiibay, Cabdillahi Darawal ayuu ka dhigay Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta, Dr Cabdi Aw Daahir caafimaadka, Prof Caynab Gaashaandhigga, liiska goluhu waa dheeraa Prof. Gees, Ambassador Abdullahi M Ducaale, Siyaasi Cali Warancadde, iyo xitaa aftahankii Jaamac Gaas Macaawiye oo 21 sano Wasiir ka soo ahaa dowladdii Maxamed Siyaad ayuu wasiiro ka dhigtay oo waaya aragnimadiisa ka maarmi waayey. Cigaal wuxu ahaa another level.

Madaxweyne Muusena, Shukri Bandare oo 14 sano ku magacawnayd Wasiirka Environment ka oo intay daashay daashay boqol jeer ku tidhi in aan nasto baan rabaa ee i beddel ayuu dhegeysan waayey, oo beddeli waayey, iyada oo ay suuqa joogaan 100 siyaasi oo karti iyo aqoon leh oo reer Oodweyne ah, oo boqol meelood wax uga tari lahaa. Sacad oo ku magacaaban Wasiirka maaliyaddu 2 sano kahor ayuu codsaday shaqo ka tegis, laakiin dowladi waxa ay ku shaqaysaa aqoonta, ilaalinta, kartida iyo xil kasnimada goleheeda wasiirada.

Isku shaandhaynta iyo is beddelkeeduna waa sida saliidda olyada baabuurta ee ay waajibka tahay in muddadiiba mar la kala beddelo. Muuse adduunka wuxu ugu necbaa kelmadda isku shaandhayn, waxa laga sheegay “hebel ku beddel hebel maxay soo kordhinaysaa”. Dabcan, Dowladnimaduba waa hebel oo shaqayn waayey ku beddel hebel oo ka karti badan, laakiin waa marka shaqo la rabo.

Qaladka Labaad: Madaxweyne Muuse wuxu bilowgiiba joojiyey wareeggii lacagta ee suuqa

Kelmaddii “Handaraab” ma ahayn kelmad u fiican dhaqaalaha, maalgashiga iyo wax kala iibsiga. Qofka yaqaanna inta ugu yar ee cilmiga dhaqaalaha wuu fahmayaa in haddii aad joojiso wareegga lacagta ay saamaynayso miisaaniyaddaada oo dakhliga iyo cashuurtuba ay hoos u dhacayaan, dadkuna aanay wax nafleh kala iibsanayn. Waa sidii qasabadda biyaha oo aad dhexda ka jartay, afkana ka sugayso in biyo kaaga soo dhacaan.

Xukuumadaha Ingiriisku marka dhaqaaluhu yara liico waxa ay sii daayaan mashaariic badan si lacag fiicani suuqa u gasho oo wax loo kala iibsado. Haddaba handaraabkii Muuse, aafadii ka dhalatay waa tii Sheekh Aadan Siiro “Allah yarxamhu” inoo sharxi jirey ee odhan jirey “waa la soo ootay”, busaarad aawadeed.

Qaladka 3-aad: Madaxweyne Muuse wuxu guurey geeddi qaldan

Dunida kale oo dhan qofka ku doorta waa la sharfaa oo la weyneeyaa, oo loo abaal gudaa, taladaa wax laga siiyaa, adiga oo isaga haysta ayaa la raadiyaa inta kaa maqan. Muuse dagaalkii koowaad wuxu ku qaaday xisbigiisii, taageerayaashii, u codeeyayaashiisii, iyo power base kiisii, weliba iyaga oo jecel, oo aan kursiga ku haysan, codkoodana mar walba ula diyaar ah.

Bari illaa galbeed madaxweyne Muuse taageerayaashii xisbigiisa wuu tuuray, gaar ahaan boqolaalkii kun ee uga codeeyey Togdheer, Sool, Sanaag iyo Saaxil. Qoladii galbeedna muddo dheer ayay ahaayeen gacmo ku gabbad. Fartiinnaa eedeysaan waxay ahayd farriin ku cusub taariikhda siyaasadda adduunka, mana tirmayso weligeed.

Nin reer Hargeisa ah oo aqoon durugsan u leh culuumta siyaasadda ayaan weydiiyey hal shay oo uu ku xusuusan doono madaxweyne Muuse. Ninkaas political scientist ka ahi wuxu igu yidhi: “Sidii David Axelrod u ahaa madixii ololaha madaxweyne Obama ayaa Muuse Biixi na todoba sanadood u ahaa madixii ololaha ee Cabdiraxman Cirro”.

Arrintaas professor-ku waxay i xasuusisay qiso ku dhacday nin shiidaalka ka ganacsada, ninkaas oo kamid ahaa dadkii aad ugu ololeeyey Muuse Biixi ayaa bilowgii xukunka Muuse dalka keenay markab shiidaal.

Markii shiidaalkii Berbera yimi ayuu Madaxweynuhu diiday in la shubo, 45 maalmood markii uu markabkii badda taagnaa ee ganaax ku socday ayaa waxa madaxtooyada tegey mid kamid ah dadkii ka codeeyey ee mucaaradka ahaa, markaas buu ku yidhi madaxweyne markabka ii sii daa waxbaan ku leeyahaye. Sorry buu yidhi waxan moodayey in ay leeyihiin qoladii kursiga i saartay. Sidii buu ku sii daayey markabkii oo dekedda berbera uu ugu ogolaaday.

Waxa taa ka sii yaab badnaa sida uu u fogeeyey saddexdii ganacsade ee waaweynaa ee kala ahaa Maxamed Aw Siciid, Maxamed Siciid Ducaale iyo Axmed Cismaan Geelle, kuwaas oo saamayn aad u badan ku lahaa guud ahaan shacabka Somaliland gaar ahaannna u codeeyayaasha Kulmiye. Ganacsiga kale ee faraha badan ee ay lahaayeen dadkii doortay ee uu xannibay, qaarkoodna illaa maanta xanniban yihiin idinba waad wada ogtihiin.

Waxa iyana la’ yaab ahayd oo waxaba ka sii darnayd maalintii ninkii Maxamuud Xaashi ee aanu weligii Muuse madaxweyne noqdeen la’aantii uu yidhi xisbiga Kulmiye ma’aha oo kama tirsana, dad badan baa yidhi oo haddaa yaa ah Kulmiye! Xilligii daraawiish ayaa wiil isku darsaday karti, geesinimo, cilmi, aftahanimo iyo akhlaaq, niman Sayidka la joogay ka masayreen.

Kaddib aabihii bay ku yidhaahdeen wiilkaagu waa caasiyoobay oo sayidkii ayuu xukunka ku haystaa, ee intaanu xujoobin wax ka qabo. Odaygii waxba ma hubsane wiilkiisii oo iska hurda ayuu xabbad ku soo dhuftay.

Kaddibna Sayidkii ayuu warkii kula soo kallahay oo ku yidhi wiilkaygii kugu caasiyey anigaa gacantayda ku soo dilay. Sayid Maxamed wuxu yidhi hadal taariikhda galay oo ahaa: Hebelow, haddii anigu aan wiilkaas oo kale dhali lahaa iskama dileen. Nin raba in dowladdiisu guuleysato Maxamuud Xaashi oo in badan diyaar u ahaa in uu la shaqeeyo ma dayriyeen, kumana beddesheen “waxba”.

Kolley anigu, waa halkii Sayidka e’ iskama fogeeyeen Ina Xaashi oo kale. Ugu yaraan waxan is lahaa marka uu laba sano xilka hayo “midterm” kiisa marka xaalku ku adkaado ayuu sidii Raisal Wasaaraha Ingiriiska ee Rishi Sunak odhan doonaa “waar intii aan garanayey way dhaaftay ee ninkii gaadhigan wadi jirey ee David Cameron ii doona”.

Runtii arrimahaas oo dhami may ahayn qaladaad siyaasadeed ee waxay ahaayeen strategic mistakes, weliba qalad istaraatiiji ah oo hoggaanka soo socda ee Kulmiye saamayn ku yeelan doona.

Qaladka 4-aad: Jidkii qodxaha lahaa

Madaxweyne Muuse wuxu 30 sano kahor indhaha siyaasadda ku kala qaaday Madaxweyne Cigaal. Kaddibna farsamo u shaqaysay Maxamed X Ibraahim Cigaal ayuu manaam iyo riyo ku arkay in isagana ay u shaqayn karto.

Waxa hubaal ah haddii aanu dhici lahayn dagaalkii October 1994kii ee Jaamac Maxamed Qaalib hoggaaminayey in Cigaal kursiga waayi lahaa doorashadii dhici lahayd sannad kaddib 1995. Siilaanyo wuxu nagu yidhi “Jaamac Yare aad baan ula hadlay oo ku idhi haddii dagaal dhaco doorasho dhici mayso, haddii doorasho dhici weydana Cigaal baa joogaya oo kursigu bannaanaan maayo ee adigu Cigaal ha ka dhigin “President for life”Madaxweyne aan weligii dhicin”. Runtii sidii Siilaanyo sii saadaaliyey bay u dhacday.

Dagaalkii wuu dhacay, waxaana ka dhashay madaxweynihii 6da bilood u hadhsanaayeen in uu kursiga ku sii fadhiyo 9 sanadood oo kale illaa uu ka geeryooday. Muuse Biiixi illaa bilowgiiba sawirkaas baa maskaxdiisii ku wareegayey, iyo sidii uu mar kale u ciyaari lahaa ciyaartaas duugga ah ee 30 jirka ah. Arrintaasina waqti badan, fikir badan iyo dhaqaale badan bay ka khasaarisay Madaxweyne Muuse.

Laakiin wuxu qaldayey in isaguna aanu ahayn Cigaalkii 1994kii, mucaaradka maantuna aanu ahayn kii Salbalaar ee xaafadda Tarabuunka ee Xamar laga hoggaaminayey, isbahaysigii marya aloolka ee 1994/1995 na aanu maanta jirin, xitaa aanay suurtagal ahayn in la sameeyo, siyaasadda maanta ee gobolkuna aanay ahayn tii iska hurudday ee jirtay 30 sano kahor.

Fikrikaas ku dayashada aan suurtagalka ahayni waxa ay i xasuusisay sheekadan: Bilowgii sagaashamaadkii ayaa waxa xaafadda Shola Manganaaya ee Addis Ababa noogu sheekeeyey ninkii ku dayday madaxweynihii Masar ee Jamaal Cabdinaasir.

Ninkaasi wuxu ahaa nin weyn oo reer Cadmeedkii hore ahaa, wuxu yidhi sanadihii kontomaadkii waxan indhaha ku kala qaaday Jamaal Cabdinaasir oo ah hoggaamiyaha Carab ugu saamaynta badan, wuxu dhalinyarada carbeed u ahaa tusaale ay ku daydaan, waa run oo Mucammar Al Qaddaafigii Liibiyaba wuxu ku riyoon jirey in uu mar uun noqdo Jamaalkii yaraa ee carbeed.

Xiligaas ayuu yidhi baa waxa nalooga sheekeeyey in Jamaal aqoon durugsan u leeyahay dabbaabaadka ama kaarayaasha, kaddibna waxan jeclaystay in aan barto dabbaabaadka si aan u noqdo Jamaalkii Soomaalida.

Warqad dheer baan u qoray buu yidhi Madaxweyne Jamaal Abdulnaasir, xilligu waa 1958kii, Masar waxa ay Cadan ku lahayd xafiis sida qunsiliyadda u shaqeeya, warqaddii markii aan dhammeeyey waxaan geeyey buu yidhi qunsiliyaddii Masar ee Cadmeed si ay ugu gudbiyaan madaxweynahooda, maaddaama ay adag tahay in warqad caadi ah oo aan boosta ku diraa u tagto Madaxweyne Jamaal. Bil kaddib qunsuliyaddii waxay ii soo dirtay farriin ah in ay ii hayaan jawaab ka timi Qaahira.

Aniga oo u qaadan la’ baan u tegey buu yidhi, waaba warqad ka timi Madaxtooyadii Masar. Madaxweyne Jamaal Abdinaasir wuu iiga soo mahad celiyey salaantii iyo ammaantii aan u diray, laakiin wuxu ii sheegay in Soomaaliya aanay xor ahayn, isla markaana lahayn dabaabado, laakiin Masar diyaar ula tahay in ay baraan culuumta kale ee uu rabo in uu barto. Haddaba, sidii ku dhacday ninkaa iska jibbooday ee Jamaal Cabdinaasir iskaga dayday ayaa Madaxweyne Muusena ku dhacday.

Bilowgiiba waxay ahayd in Muuse Biixi aanu waxaas waqti iskaga lumin, sababta oo ah xilligan la joogo ee dunida uu hago social media-hu dagaalku waa sida kayn dab qabsaday oo aan la’ xakamayn karin, waad bilaabi kartaa laakiin ma joojin kartid, sidoo kale ma ogid haddii xabbadi dhacdo meesha ay ku dambayn doonto xabbadaasi.

Xilliyadana in Somaliland dagaal ka dhaco waxa ku ducaysta xoogagga argagixisada ee Al Shabaab iyo Daacish, oo habeen iyo maalin ilaahay ka barya, iyaga oo ka dhex raadinaya fursad shaydaan oo ay ku xasuuqaan shacabkeeda, sida ay u xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed ee kaleba. Xilligana waxa ka hortaagan nabadda, maamulka dowliga ah oo iyaga hortood dhismay iyo shacabka oo iskaashaday ayaa maanta ka hortaagan soo dhex-galka bulshada.

Sidaas darteed inta uu dagaal sokeeye fursad ka raadinayey waxa ay ahayd in Muuse uu shantiisa sano iyo labada suubbiska ah, 7dii saas sanadood si xasilloon oo xarrago iyo waxqabad leh u qaato, kaddibna 2024 Xisbigiisa Kulmiye ka soo sharraxo nin miisaan leh oo Galbeedka Burco ah.

Isaguna maaddaama uu 2025 noqonayo 80 jir uu si sharaf leh u ritaayaro, oo xurmo iyo taariikh xasiloon oo lagu xusuusto ka tago. Sidiisaba, madaxweyne, dirham iyo diinnaar toona lagama dhaxlo oo kama tago, xitaa 30 sano kaddib guryaha aynu maanta ku jirno dadkii koowaad ee lahaa lama xasuusan doono, tan rasmiga ahina waxa ay tahay madaxweyne wuxu ka tagaa taariikh iyo legacy. Laakiin macal asaf, I am so sorry! hadda wax kastaa way talo xumaysteen, waqtigiina wuu dhammaaday. Ciilow ba’ay talo xumaan cudur ka weynayne.

ii oggolow in qormadan aan ku soo afmeero beydad kamid ah maansadii Hadraawi ee Galangal ee soo baxday 1983kii oo aad mooddo in ay maanta taagan tahay. Hadraawina wuxu yidhi:
Gebegebada sheekada
Gabaygaygan kama wado
Gaaxnuug la talintii
Gabbal dhacay ka hadalkii
Hadda galabta sheekada
Waxan uga gol leeyahay
Samihiyo is garabsiga
Berri yaan la gees marin
(Hadraawi, Galangal 1983).

W/Q: Senator Cismaan Dubbe

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

DF oo soo saartay digniin – Maxaa dhacaya asbuucan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniino la xiriira fatahaado horleh oo laga cabsi qabo, kuwaasi oo la filayo in ay dhacaan asbuucan.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool gobollada Bay, Bakool, Galgaduud, Gedo iyo Jubbada Hoose.

“Degmooyinka kor ku xusan waxay wajihi doonaan khataro ka imankarta Fatahaada webiyada iyo daadadka ay togagu soo rogaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda SODMA, xarunteeda ka digista halis-wadareedka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Juba taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia.”

Hoos ka aqriso digniinta SODMA

➤ Todobadda casho ee soo socota oo ah asbuuca ugu danbeya bisha Abriil 2024-ka waxa aad u sareeysa suurta-galnimada in ay ka dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada, kuwaas oo aadka u saameeyndoona qaar ka mid ah degmooyinka dalka sida; 𝗝𝗼𝘄𝗵𝗮𝗿, 𝗕𝗮𝗹𝗲𝘁𝘄𝗲𝘆𝗻, 𝗕𝘂𝗹𝗮𝗯𝘂𝗿𝗱𝗲, 𝗟𝘂𝘂𝗾, 𝗗𝗼𝗹𝗼𝘄 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗯𝗶𝗴𝘂 𝘂𝘂𝘀𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻.

➤ Degmooyin ka mid ah gobolada 𝗕𝗮𝘆, 𝗕𝗮𝗸𝗼𝗼𝗹, 𝗚𝗮𝗹𝗴𝘂𝗱𝘂𝘂𝗱, 𝗚𝗲𝗱𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝗝𝘂𝗯𝗮𝗱𝗮-𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲 ayaa waxaa aad u sareeysa suurta-galnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyn doonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas.

➤ Degmooyinka kor ku xusan waxay wajihi doonaan khataro ka iman karta fatahaada webiyada iyo daadadka ay togagu soo rogaan.

➤ Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Juba, taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia.

Hay’adda SODMA oo horay u soo saartay xarunteeda ka digista halis wada-reedka saadaasha roobab ka iyo digniino sanadkii tagay ee 2023 roobabkii ma hiigaanka ahaa oo dalka ka da’ay, kuwaas oo geeystay daadad iyo fatahaada El-Niño, ayaa markale bulshada Soomaaliyeed u direeysay digniino iyo talooyin, si loogu feejignaado saameynta roobabka guga ku yeelan karo nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.

Ethiopia oo fara-gelin taban ku yeelan karta Somaliland iyo arrin laga cabsi qabo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafkii arrimaha doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan laga gaaray isfaham siyaasadeed, ayada oo lagu dhawaaqay inay qabsoomi doonto bisha Novermber ee sanadkaan.

Waxaa soo baxaya walaaca fara-gelin taban oo xukuumadda Addis Ababa ku yeelato doorashooyinka Somaliland, si ay kursiga ugu boobto Muuse Biixi, oo isagu Itoobiya la saxiixday is-afgarad beenaad lagu rumeynayo riyada Itoobiya ee helitaanka dhul badeed.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kasoo saaray heshiiska doorashada Somaliland ayaa bogaadiyay in ugu dambeyn la go’aamiyey qabashada doorashooyinka muddo dhaafka ee madaxtinimada maamulkaas.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale wuxuu usoo jeediyay xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo ururrada siyaasadeed inay u diyaar-garooban sidii looga hortagi lahaa qorshe kasta oo la isku-dayo in doorashada loogu boobo, kuwaasi oo xilligaan ka imaan kara dhanka xukuumadda Abiy, oo gacan saar la’leh Biixi.

“Xisbiyada Mucaaradka ah iyo ururrada kale ee siyaasadeed ee Somaliland, waxaa saaran masuuliyad wayn oo u bahaan xikmad, dulqaad, ku dhac iyo dhiiranaan lagu wajo mitid dirirka Muuse, caqabadaha uu dhigayo iyo miinooyinka siyaasadeed ee uu aaasayo.”

Hoos ka aqriso qoraalka

Waxaa bogaadin mudan guddiga doorashooyinka Somaliland ee ugu danbayn go’aamiyey in bisha November ee sanadka la qabto doorashooyinkii madaxtinimada maamulkaas.

Sida la wada ogsoonyahay doorashadani waxay ku timid halgan iyo loollan adag, iyada uu labo sano oo muddo xileedkiisa ka dheeri ah Muuse Biixi kursiga ku mitidayey. Waxaa u rajaynaynaa in ay si nabad ah oo daahfuran ku dhacdo.

Waa doorasho muuhiim u ah Somaliland iyo Soomaaliya. Inkastoo ay teeda haysato ciddii ay taageertana culays ku tahay, maadaama aysan tabar dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed lahayn, Itoobiya waxay isku deyi doontaa in ay xeelado taban iyo fara-gelin gurracan ku gacansiiso Muuse Biixi oo ay ka mid tahay dagaal lagu qaado Khaatumo, iyo in la boobo doorashada.

Xisbiyada Mucaaradka ah iyo ururrada kale ee siyaasadeed ee Somaliland, waxaa saaran masuuliyad wayn oo u bahaan xikmad , dulqaad, ku dhac iyo dhiiranaan lagu wajo mitid dirirka Muuse, caqabadaha uu dhigayo iyo miinooyinka siyaasadeed ee uu aaasayo.

DF Soomaaliya oo war culus kasoo saartay colaadda beelaha ‘ee xarka goosatay’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa maanta bayaan kasoo saartay dagaal beeleedyada kusoo laab-laabtay qeybo kamid ah dalka.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto “colaadaha gaystay khasaaraha aan loo baahneyn ee beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya gobollada dalka”.

Sidoo kale waxay ku baaqday in qeybaha dirirtu ka dhaxeyso ay joojiyaan colaadaha iyo daadinta dhiiga sokeeya, islamarkaana laga shaqeeyo nabadda, xasiloonida, wada noolaashiyaha iyo wada-jirka bulshada.

“Wasaaraddu waxay marwalba diyaar u tahay hormuudnimada dadaallada nabadeynta,” ayaa lagu yiri baaqa kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, kaasi oo dowlad-goboleedyada, odayaasha dhaqanka, culimada iyo dhamaan qeybaha bulshada in ay kaalin ka qaataan daminta colaadaha socda.”

Wasaaradda ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay inay xoojineyso ajendaha qaran ee ah in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qoraalka Wasaaradda marnaba si gaar ah looguma xusin colaad beeleed ka taagan gobol gaar ah, xilli maalmo kahor uu maleeshiyo beeleed uu dagaal ku dhex-maray degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa jira magaalooyin kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed, sida Diinsoor iyo Buurhakaba oo iyana ay ka taagan yihiin dagaal beeleedyo, taasi oo ay faro-gelisay dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ciidan gaysay degmooyinkaasi.

Daawo: Xog cusub oo kasoo korortay 5 qof oo loo xiray dilkii Cabdinaasir Dahable

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamida Ehellada iyo Waalidiinta dhalinyaradii reer Somaliland ee loo xiray dilkii Injineer Cabdinaasir Dahable ayaa la hadlay warbaahinta iyagoo qabao cabasho weyn.

Cabdinaasir oo kasoo jeeday Gobolka Awdal ayaa lagu dilay Muqdisho, gaar ahaan qolkiisa, guri uu ka deganaa agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Dhalinyaro u badan reer waqooyi ayaa loo qabtay dilka Cabdinaasir, waxaana weli ku socda baaritaan oo looma gudbin maxkamadaha dalka.

“Waxaan maanta joognaa Awdal, waxaa Muqdisho nooga xiran shan wiil, waxaan dowladda Soomaaliya ka codsaneynaa inay soo deyso hadii aysan wax dambi ah laheyn,” ayuu yiri mid kamid ah odayaashii hadlay.

Waxaa soo hadlay maanta ehellada dadka loo qabtay dilkii Cabdinaasir, iyagoo sheegay in ciqaab daran ay ku wajahayaan xarunta dembi baarista booliska ee CID-da Muqdisho.

Waxay sheegeen in loo diiday in la booqdo oo xitaa ay arkaan caruurtoodii, iyadoo lasoo dhaafay bil Ramadaan oo qiimaheeda la ogyahay iyo maalmihii ka dambeeyey ee ciida.

“In wiilashaas dadkoodii iyo reerahoodii loo diido oo booqashadii ehelka meesha laga saaro, waa wax Soomaalinimada ka baxsan, sharciga lama horgeyn, waxaana naloo sheegayaa in si joogto ah loo jirdilo,” ayuu yiri Mid kamid ah odayaashii hadlay ee reer Awdal.

Sidoo kale odayaasha u hadlay ehellada waxay sheegeen inay ka war heleen in dhalinyarada loo soo xiray kiiskaas ay la kulmaan tacadiyo culus iyo jirdil joogto ah, iyagoo codsi u diray dowladda federaalka.

Hoos ka daawo cabashada odayaasha

Markab dagaal oo Turkigu leeyahay oo maanta imanaya Muqdisho – Maxaa dhacaya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedda Muqdisho waxaa lagu wadaa in maanta uu ku soo xirto Markab dagaal oo dowladda Turkiga ay leedahay, kaas oo ah Markabkii ugu horeeyey ee howlgalka Turkiga oo loo saxiixay in 10 sano uu sugo amniga iyo xasiloonida badda Soomaaliya.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saakay lagu wadaa inay tagaan dekedda Muqdisho, si Markabka Turkiga iyo saraakiisha la socota ay ugu soo dhaweeyaan Muqdisho, waxaana toos u bilaabanaya howlgalka Turkiga oo soo degaya xeebaha Soomaaliya.

Markabkaan ayaa la sheegay inuu sido qalab lagu rakibiyo xeebaha dalka oo ilaalada amniga ka qeyb qaata, diyaarado sahan sameeyana, doomo iyo agabyo kale oo muhiim u ah howlgalka Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaa suurtagal ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta dekedda tago, sidoo kale waxaa la kahiyey shaqadii dekedda, iyadoo ganacsatada lagu wargeliyey inay sugaan oo shaqada joojiyaan maalmaha ay socoto howshaan.

Wadooyinka ag mara dekedda Muqdisho ayaa saakay lagu waa bareystay iyagoo xiran, mar hore ayaana la qorsheeyey arrintaan, maadaama markabkaan oo sida xamuul iyo saanad culus uu maalmo u soo socday Muqdisho.

Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi difaac la gashay Turkiga, kaas oo lagu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya, sidoo kale shidaal looga qodayo dalka.

Sanadka 2025-ka dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka bilaabeysa qodista shidaalka, sida uu shaaciyey wasiirka tamarta ee dowladda Turkiga.

10 sano ayuu sii joogayaa Soomaaliya howlgalka Turkiga ee loo saxiixay ilaalada xeebaha Soomaaliya, mudadaas waxay dowladda Soomaaliya ku dhisa doontaa ciidanka badda, sidoo kale waxay ku soo saari doontaa shidaalka dalka.

Koox ku xiran IRAN oo weerar ku qaaday saldhig ciidamada Mareykanka ay leeyihiin

Baghdad (Caasimada Online) – Gantaallo laga soo tuuray Woqooyiga Ciraaq ayaa lagu weeraray saldhig ay Suuriya ku leeyihiin isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo, sida ay ku warrameen ciidamada amniga Ciraaq.

Isbaheysiga la-dagaalanka kooxaha jihaad doonka ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ee Ciraaq ay “burburisay gantaal ayaga oo is-difaacaya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya weerar gantaal oo fashilmay,” meel u dhow saldhig ku yaalla waqooyi bari Suuriya.

“Ma jiro wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo isbaheysiga ay siiyeen AFP.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee culus oo lagu qaado ciidamada isbaheysiga muddo dhowr toddobaad ah.

Waxa uu kusoo beegmay maalmo kadib markii la sheegay in Israel ay ka jawaabtay weerar ay Iiraan ku qaaday ayada oo adeegsaneysa diyaarado aan duuliye lahayn.

Ciidamada Ciraaq ayaa goor sii horeysay sheegay in howlgal baaritaan oo ballaaran ay ka sameeyeen waqooyiga gobolka Nineveh ayna ku heleen gaarigii loo adeegsaday weerarka.

Bayaanka ka soo baxay ciidamada ammaanka Ciraaq ayaa ku eedeeyay “canaasiir fallaago ah in ay gantaallo la beegsadeen saldhigga isbaheysiga caalamiga ah ee bartamaha dhulka Suuriya”, abaare 9:50 habeenimo (1850 GMT).

Ciidamada amamanka waxa ay gubeen gaarigii ku lugta lahaa weerarka, ayaa lagu yiri bayaanka.

Rami Abdel Rahman, oo ah agaasimaha kooxda kormeerka xuquuqda aadanaha Suuriya, ayaa sheegay in dhowr gantaal oo laga soo tuuray “dhulka Ciraaq lala beegsaday saldhigga Kharab al-Jir”, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka.

Waxa uu ku eedeeyay in weerarka ay fulisay Kooxda Muqaawamada Islaamiga ah ee Ciraaq, oo ah isbahaysi ka mid ah kooxaha ay taageerto Iiraan.

Kooxdan ayaa sheegatay inta badan weeraradii lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee la fuliyey bartamihii October illaa horraantii Febraayo.

Mareykanka oo ciidamadiisa kala baxaya dal Galbeedka Afrika ku yaalla + Sababta

Niamey (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanku uu wada-hadal la furay xukuumadda milateriga ah ee ka talisa dalka Niger, isaga oo kala hadlaya go’aankooda ku aaddan bixitaanka ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalkaas.

Bishii hore ayaa saraakiisha milateriga ee dalka Niger waxay ku dhawaaqeen inay soo afjarayaan heshiiskii u dhexeeyey Mareykanka iyo Niger.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in saraakiisha difaaca ee Mareykanka ay toddobaadkii hore aqbaleen go’aanka Niger ee ah in ciidamada Mareykanka ay baxaan.

Isniintii afhayeen u hadlay Pentagon-ka Maraykanka, ayaa xaqiijiyey inay socdaan wadahadalo u dhexeeya Mareykanka iyo Niger, kaas oo ku aaddan, hannaankii ay ciidamada Maraykanku uga soo bixi lahaayeen dalkaas,

General Pat Ryder oo u hadlay wasaaradda difaaca ee Mareykanka ayaa intaas ku daray, inay u dirayaan Niger wefti aad u kooban oo ay ku jiraan xubno ka tirsan taliska Maraykanka ee Afrika, si ay wada-hadal ula yeeshaan saraakiisha milateri ee dalkaas xukuma.

Wuxuu sheegay in aanu ka hordhici doonin xilliga ay ciidamada Mareykanka ka soo bixi doonaan iyo weliba in wax isbedeli haatan ku yimi tirada ciidamada ee ku sugan Niger.

Xasan oo gudaha u galay markab dagaal oo Turkiga uu soo diray iyo heshiiska difaaca…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedda wayn ee magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray markabka ciidanka badda Turkiga ee TCG Kınalıada (F-514), kaas oo ka qayb qaadan doono difaaca xeebaha dalkeena Soomaaliya, kadib heshiiskii Muqdisho iyo Ankara.

Munaasabad ballaaran oo lagu daah-furayo dhaqan-galka heshiiskan ayaa hadda ka socota dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galaya munaasabaddan taariikhiga ah ayaa gudaha  u galay markabka dagaal ee soo gaaray Muqdisho, ayna la socdaan ciidanka badda Turkey.

Heshiiska difaaca ee ay gaareen labada dal ayaa dhigaya ilaalinta biyaha Soomaaliya, ka hortagga khataraha, xad-gudubka iyo kalluumaysiga sharci darrada ah.

Sidoo kale  heshiiskan ayaa fursan u siinayo Soomaaliya ka faa’iideysiga khayraadka sida kalluunka iyo shidaalka, waxaa intaa dheer dhismaha iyo qalabeynta ciidanka badda Soomaaliya.

Tallaabadan milatari ayaa kusoo aaday, xilli ay halkeedii tahay xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee ay ka carootay dowladda federaalka.

Dhinaca kale sanadka 2025-ka dowladda Turkiga ayaa la filayaa in Soomaaliya ay ka bilowdo qodista shidaalka, sida uu shaaciyey wasiirka tamarta ee dowladda Turkiga.

10 sano ayuu sii joogayaa Soomaaliya howlgalka Turkiga ee loo saxiixay ilaalada xeebaha Soomaaliya, mudadaas waxay dowladda Soomaaliya ku dhisa doontaa ciidanka badda, sidoo kale waxay ku soo saari doontaa shidaalka dalka.

Wareysi: DF oo xog culus ka bixisay goorta la bilaabayo qodista shidaalka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Warbaahinta dawladda Turkiga oo soo xiganaysa wasiirka Tamarta ee dowladda Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegtay toddobaadkan in Turkiga uu sannadka 2025-ka billaabi doono qodista shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay arrintaas isagoo u waramay idaacadda VOA, wuxuuna xaqiijiyey in qorshaha qodista shidaalka Soomaaliya uu socdo, sida ay shaacisay dowladda Turkiga.

Wasiirka Cabdirisaaq ayaa faahfaahiyey hanaanka la qorsheeyey in loo maro shidaalka laga qadayo Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladda Turkiga ay leedahay bisha la bilaabayo howsha.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay la wadaageen Baloogyada uu ku jiro shidaalka Soomaaliya ee la sahmiyey, isla markaana aysan weli sugayaan go’aankooda iyo goobaha ay codsadaan.

“Soomaaliya, inta ka dhaxeysa Jubaland iyo Galmudug – Hobyo waxaa sahan ka sameeyey labo Company, daatooyinkaas waxay sheegayaan in gaas iyo batrool aad u badan ay ku jiraan dhulka la sahmiyey, Galmudug ayaa ugu badan, wuxuu afar mar ku jumaarmaa batrool qaali ahaa oo hada ka hor laga helay dalka Kazakhstan,” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq.

Wasiirka ayaa sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya aysan weli kala saxiixan heshiis shidaal oo rasmi ah, balse ay go’aansadeen inay iska kaashadaan wax soo saarka kheyraadka, balse ay dhiman yihiin heshiisyadii quseeyey shidaal qodista.

Wasiirka ayaa la weydiiyey halka uu ku dambeeyey amarkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa in heshiiska shidaalka ee Turkiga iyo Soomaaliya la soo marsiiyo guddiga heshiisyada u qaabilsan xukuumadda, wuxuuna sheegay wasiirku in arrintaasi ay weli taagan tahay.

Wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay u sharaxayaan arrintaan sida ay u socoto, isaga iyo wasiirka maaliyadda, isagoo rajo ka muujiyey in shakiga galay Ra’iisul Wasaaraha uu ka saari karo hadii uu fursad u helo in arrintaan uu sharaxaad ka siiyo.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Saddex madax goboleed oo ku sugan magaalada Muqdisho iyo kulamo socda + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo caasimada u yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib u dhac ku yimid.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku casuumay shirkaasi oo qorshuhu ahaa inuu dhaco 20-kii bishaan, balse uu arrimo farsamo u baaqday, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Shirkan ayaa waxaa qaadacay hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, halka uu ka maquurtay sida muuqata hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo waayahan lasoo warinayay inay kala furteen madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxda dowlad-goboleedyada saddexda ah ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa maanta kulamo gooni-gooni ah la qaatay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh.

Mudane Xoosh ayaa kullamada gaar-gaarka ah ee uu maanta la yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada isugu jiray is-xogwareysiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

“Inta mas’uuliyiintani ay fadhiga lahaayeen arrimaha si horudhac ah looga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; wada-shaqeynta wasaaradda iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, hortabinnada qaranka iyo qaar kale,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda ee kulamadan kasoo saartay.

Kulamada maanta Muqdisho ku dhex-maray wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ahaa mid miro-dhal ah.

Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa weli Muqdisho u jooga qabsoomida shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo uu xafiiska ra’iisul wasaaraha shaaciyay in dib loo dhigay muddo kooban, iyadoo aan la shaacin waqtiga la isugu imaanayo.

Sababta waxaa lagu sheegay in shirkaas uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh uu u baaqday arrimo farsamo, balse faah-faahin kale lagama bixin arrimahaas.

Dowladda Xasan Sheekh oo wajaheysa fadeexad weyn iyo tallaabo la gudboon

Muqdisho (Caasimada Online) – Muranada dhulalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay noqdeen kuwo aan la kala reebi karin marwalba oo uu xafiiska joogo madaxweynaha labada jeer la doortay ee Soomaaliya.

Dhulka xaafada dab-demiska oo ah dhul ay lahaan jirtay waaxdii dab-demiska ayaa noqday dhulkii ugu dambeeyay ee murankiisa uu banaanka yimaado, laakiin dhulkani ma ahan midkii koowaad ee dooddiisa iyo hadal-hayntiisu ay banaanka timaado tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib ugu soo laabtay xafiiska 15-kii May 2022.

Waxaa intii lagu jiray muddo xileedka labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh lagu kala baxay dhulkii Bangaariyadda, midkii Bangala, midkii Howlaha Guud iyo qeyb kamid ah dhul cusub oo laga bixiyay waddada Jayga ee kaabiga ku haysa garoonka Aadan Cadde.

Dhamaan dhulalkaas waxaa qaatay madax dowladeed, waxaa la cunay xildhibaanno, waxaa laga iibiyay ganacsato, kuwaasi oo iyaguna qaar kasii iibsaday dad shacab ah.

Sidoo kale qeyb kamid ah dhulkii Oodweyne ayaa dad loo sharciyeeyay oo ay xildhibaanno, ganacsato iyo madaxda dowladda lacag ka sameeyeen. Dhulalkan iibkooda dhamaan looma marin dariiq sharci ah. Si mugdi ah ayaa lacagtooda loo qeybsaday, korna looma sheegin iibkooda, lacagta laga bixiyayna laguma shubin Bangiga Dhexe ee dowladda.

Hanti-dhowrka, Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe waa ka gaabsadeen inay iibkaasi beeniyaan ama ansixiyaan, maadaama ay madaxda sare ku lug leeyihiin iibkan suuqa madow ah.

Soomaaliya waxay weli ku magacaaban tahay dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka. In kiiska dhulka dab-damiska gacan ka hadal ku dhawaado waxaa ugu wacan aaminaad darro shacabka ka qaadeen madaxda dowladda, kuwaas oo horey dhulal ay dad shacab ah uga saareen muddo kadib kaga iibsaday dad ganacsato ah.

Sidoo kale guuxa ku saabsan in dhulkaan qeyb yar laga siin rabo waaxda dab-demiska ee ciidanka booliska Soomaaliyeed inta kalena la cuni rabo ayaa xoogeystay.

Boobka dhulalka danta guud ayaa si weyn u sumcad tiray madaxda Soomaalida qaar. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu xafiiska ka beddelay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo aad iskaga ilaaliyay iibinta dhulalka dowladda maantana ka maran fadeexadda dhulalka ee haysata madaxda Soomaalida qaar.

Weli caymo ayaa jirta oo dhulalkana lagu caymin karo, sumcada madaxduna ku badbaadi karto, waana in haddii dowladda ay sax ah ugu baahan tahay inay iibiso dhulalkeeda sifo sharci ah loo maro, oo ay madaxda joojiso habkan suuqa madow ah ee lagu kala iibsanayo hantida qaranka.

Dadka sharci darrada wax loogu iibinayana waa inay ogaadan in qaranka uu dib u burin karo wax walba oo hantidiisa oo aan dariiq sharci ah lagu iibin.

Waa in la helaa guddiga iibka qaranka, waa in la naadiya dhulalka ay dowladda ka maarantay, waa inuu dhacaa tartan furan, waa in lacagta lagu shuba Bangiga Dhexe ee dowladda, waana in kadib hantidaasi laga saara hantida guud ee dowladda, sidaas ayaana u sharaf badan dowladda, madaxda sare iyo dadka wax iibsanaya intaba, balse haddii aan intaas la helin waa uu sii socon doona isqab-qabsiga dhulalka iyo sumcad darrada kasoo gaareysa dowladda iyo ragga xukunka haysta intaba.

Qolada sida qaldan wax looga iibinayana waxay ku jiri doonaan walbahaar iyo in maalin uun uu imaan doono hoggaan ka noqda iibkan sharci darrada.

Catriona Laing oo laga qaaday xilkii Soomaaliya iyo farriin ay u dirtay Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa lasoo gaabiyay howl-galka shaqo ee ay u joogtay Soomaaliya.

Sida uu shaaciyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Catriona Lainga ayaa gaba-gabeynaysa hawsheeda bisha May ee sanadkaan, taasi oo loo magacaabay bartamaha sanadkii tegay ee 2023-ka.

Marwo Catriona Laing ayaa sidoo kale soo saartay farriin kooban oo sagootis ah, taasi oo ay ku sheegtay inay kalsooni buuxda ku qabto in Soomaaliya ay guuleysan doonto, islamarkaana ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto iyo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah ay sii wadi doonaan doorka muhiimka ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku socda wadada nabadda iyo xasilloonida,” ayey tiri Ms. Laing.

Waxay intaas kusii dartay “Waan sii wadi doonaa taageerada iyo u doodista Soomaaliya meel kasta oo aan joogo.”

Catriona ayaa lasoo gaabiyay muddada howl-galkeeda Soomaaliya, mana cadda illaa hadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrinkaan, maadaama aysan dhameysan muddo xileedkeeda.

Balse waxay imaaneysa xilli uu sii xoogeystay khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, oo ay Catriona safar ku tegtay markii uu maamulka sheegay inuu si gaar ah ula macaamilayo caalamka.

Puntland ayaa dhawaan aqoonsigii iyo kalsoonidiiba kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka, ayada oo maamulka uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu jebiyey dastuurkii lagu doortey ee heshiiska lagu ahaa, uuna jeebkiisa kala soo baxay mid cusub.