26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Maxaa looga hadlay kulankii u dambeeyay ee Jaamac iyo Catriona Laing? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Laing.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray ka miro-dhalinta dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo xilligaan maraya marxalad xasaasi ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu Ergeyga kala hadlay qorshaha ay ciidamada qaranka ay mas’uuliyadda amniga dalka ugala wareegayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Kulanka Wasiirka iyo Ergeyga ayaa waxa kale oo lagu gorfeeyay muhiimada kaalinta Qaramada Midoobay ee taageerada dib u dhiska ciidamada iyo guud ahaan xasilloonida Soomaaliya.

Marqo Catriona Laing oo dhawaan ka bixi doonta Soomaaliya kadib markii lasoo gaabiyay mudadii howl-galkeeda Muqdisho ayaa waxay sidoo kale maanta kulamo gaar gaar ah la yeelatay madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Kulamadan ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay oo ay Catriona Laing la yeelaneyso madax goboleedyada, waxaana u jeedkooda lagu sheegay sagootin, maadaama ay ka tageyso xafiiska.

Catriona Lainga ayaa soo gaba-gabeynaysa hawsheeda bisha May ee sanadkaan, sida uu baahiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Bishii May ee sanadkii tegay ee 2023-ka unbay aheyd markii loo magacaabay xilkaan.

Shiinaha oo soo dalbaday malaayiin liitar oo caanaha geela Soomaalida ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa dalbaneysa caanaha Geela, waxayna dalabkaas u soo gudbisay dowladda Kenya, sida uu shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Kenya, Dr Erick Rutto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sanadkiiba dalka Shiinahu dalbanaayo 9 milyan oo liitar oo caanaha Geela ah, Soomaalida Kenya ayaa si weyn u dhaqata Geela, iyagoo iib geeya caanihiisa.

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Kenya ayaa xusay in ay tani fursad weyn u tahay xoola dhaqatada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya oo ah gobolka ay Soomaalidu degto ee NFD.

Guddoomiyaha ayaa cadeeyey in suuqaan diyaarsan ee lagu doonaayo caanaha Geela ay ka faa’iidaysa doonaan xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Waxuuna xusay in sanadkiiba lacag u dhan 5.2 Bilyan oo lacagta Kenya ah, una dhiganta lacag ku dhow 40 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah ay Soomaalida Geela dhaqata ka faa’iidi karaan suuqaan Shiinuhu soo bandhigay.

Baahida caalamiga ah ee loo qabo wax soo saarka xoolaha ayaan korortay guud ahaanba caalamka, xoolo dhaqatada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayay tani u noqonaysaa suuq weyn oo muhiim ah oo dhaqaale badan ka macaashi karaan.

‘‘Dalabkaan ka imaaday Shiinaha waa albaab weyn oo khayr ah oo u furmay xoola dhaqatada Soomaalida ah ee gobolka Waqooyi Bari ku nool” ayuu yiri Dubad Cali Camey Guddoomiyaha Guddiga Suuqgeynta Xoolo dhaqatada Kenya oo BBC la hadlay.

Iibka caanaha Geela ayaa ka noqday wax caan ah goobaha ganacsiga ee ku yaala dalka Kenya, iyagoo noqda mararka qaar wax baraha bulshada hadal hayn ka dhaliya, waxayna dadku aad u falanqeeyaan faa’iidooyinkooda.

Sawirro: Catriona Laing oo bilowday kulamada madax goboleedyada kahor inta ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa bilowday kulamo gaar gaar ah oo ay la yeelaneyso madaxda dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka.

Kulamadan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay oo ay Catriona Laing la yeelaneyso madax goboleedyada, waxaana u jeedkooda lagu sheegay sagootin, maadaama ay ka tageyso xafiiska.

Kulankii ugu horreeyay ee sagootinta ah waxa ay la yeelatay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

“Kulankeedii ugu horreeyay ee sagootin ah oo ay la qaadaneyso madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ayey maanta Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Catriona Laing la qaadatay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Xuseen Guudlaawe,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Intaas kadib labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin dhammeystirka dastuurka, shirka golaha wadatashiga qaran ee la iclaamiyay iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

“Waxay ka wada hadleen hannaanka dib u eegista dastuurka Soomaaliya, howlgelinta Golaha Wadatashiga Qaranka, la dagaallanka Al-Shabaab, dadaallada xasilinta iyo dib u heshiisiinta Hirshabeelle” ayaa lasii raaciyay.

Dhinaca kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka, gaar ahaan fatahaadaha laga cabsi qabo inay ku dhuftaan qaybo badan oo kamid ah dalka.

“Waxaan ka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee Hay’addaha Qaramada Midoobe, waxaan ku faraxsanahay inaan wadajir uga wada shaqeyno howlaha hor-tebinta inoo leh.”

Ugu dambeyn madaxweynaha maamulka HirShaeelle ayaa u mahadceliyay Catriona Laing oo dhawaan dalka ka tagi doonto, wuxuuna ku amaanay sida ay ula shaqeysay muddada kooban ee ay joogtay xafiiska.

Sawirro: Xasan oo u baxay safar dibadeed + Qorshaha

0

Daarusalaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Tansaaniya ee Daaru-salaam.

Madaxweynaha ayaa halkaas oo xarun u ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee dhawaan ay ku biirtay Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan.

Labada Madaxweyne ayaa la yeelan doona shir ku saabsan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal.

Qodobada ay wadahadalkooda diiradda ku saari doonaan labada madaxweyen waxaa  ka mid tahay Dallada ay ku mideysan yihiin ee Bulshada Bariga Afrika oo dalka Tansaaniya ay ka mid ahaayeen dalalka doorka wanaagsan ka qaatay aqbalaadda codsiga Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa inta ay ku sugan yihiin Daaru-salaam waxa ay kulammo la qaadan doonaan Madaxda dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadli doona madaxda uu la kulmayo xiriirka, dardar-gelinta xubinnimada Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, iskaashiga arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Duqeyn lala eegtay xarun degmo oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe Muxyadiin Maxamuud Kulmiye ayaa faahfaahin dheeraad ah ah ka bixiyay duqeymo Arbacadii ka dhacay gudaha degmadaas iyo deegaanada hoostaga.

Muxyadiin oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in duqeynta si gaar ah looa beegsaday xarunta degmada Ruun-nirgood, xilli ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in halkaas lagu gaarsiiyay jab xoogan iyo khasaare kala duwan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilliga la beegsanayay ay degmada ku qaadayeen lacag, taas oo ay ka aruurinayeen shacabka degaanka iyo gaadiidka isticmaala halkaasi.

“Duqeynta ka dhacday degmada Ruun-nirgood waxaa lala beegsaday nimanka Khawaarijta ah waxaa lagula beegsaday gudaha degmada, ayaga oo joogo xarunta degmada oo dhaqaalihii uga qaadayo shacabka iyo gadadiidka” ayuu yiri guddoomye Muxyadiin Kulmiye.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Howlgal laga soo shaqeeyay oo la’iska kaashaday ayuu ahaa marka si rasmi ah ayaa Khawaarijta loola beegsaday”.

Guddoomiyaha dgemada Ruun-nirgood oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan cirka ah lagu lagu dilay xubna Shabaab ahaa, laguna dhaawacay kuwa kale.

“Nimanka wa ku jabeen duqeynta, waxaana gaaray dhaawac badan iyo dhimasho intaba waa ku dhacday” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood.

Xaaladda ayaa maanta kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aaga degmada Ruun-nirgoodiyo dhilka howdka ah ee u dhexeeya xadka gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

Si kastaba, Ruun-nirgood ayaa waxaa marar badan isku bed-bedalay ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-Shabaab, kadib dagaallo culus oo ka dhacay gudaha degmadaasi.

Booliska Kenya oo loo haysto dilka in ka badan 100 qof

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adaha xuquuqul insaanka ee Kenya iyo kuwa caalamiga ah ayaa warbixin ay soo saareen maanta ku sheegay in 118 qof ay dhibanayaal u yihiin dilal sharci darro ah oo ay geysteen booliska Kenya.

Dilalkan ayaa la sheegay in booliska uu geystay sannadkii hore, iyagoo cambaareeyay waxa ay ugu yeereen “isla xisaabtan la’aanta” ay weli ciidamada ammaanku ku naalloonayaan.

Waxay intaa ku dareen in tiradani ay hoos u dhacday boqolkiiba sagaal marka loo eego sannadkii 2022 oo ay tiradu aheyd 120, halka tirada “dadka lagu la’yahay afduubka qarsoodiga ah” ay hoos u dhacday in ka badan kala bar ilaa 10 xaaladood isla muddadaas.

Ku dhawaad kala bar dilalka ayaa dhacay intii lagu guda jiray howl-gallada ka dhanka ah dambiyada, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen hay’ado ay ka mid yihiin Human Rights Watch, Amnesty International Kenya iyo kooxda Kenyanka ah ee la yiraahdo Missing Voices.

Kooxahan ayaa sheegay in 45 qof oo kale lagu dilay dibad-baxyo ay soo qaban qaabiyeen mucaaradka Kenya intii u dhaxeysay bilihii March iyo July ee sannadkii hore, kuwaasi oo ka cabanayay qiimaha sare ee nolosha.

Mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda madaxweyne William Ruto ayaa waxaa ka dhacay rabshado iyo dhac goos goos ah, waxaana mucaaradka iyo kooxaha xuquuqul insaanka ay ku eedeeyeen booliska inay isticmaaleen awood xad dhaaf ah.

“Sarkaalka bilayska ayaa dhif iyo naadir ah loogu xiraa ka qayb qaadashada dilalka sharci-darrada ah iyo dadla lagu la’yahay afduubka qarsoodiga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Afhayeenka booliska qaranka Resila Onyango kama aysan jawaabin codsiyada AFP ee ah inay arrintan ka hadasho.

Tan iyo markii la doortay 2022, Ruto wuxuu ku cel-celiyay inuu doonayo inuu joojiyo rabshadaha iyo dhaqamada sharci darrada ah ee ay ku kacayaan saraakiisha sharci fulinta.

Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa inta badan ku eedeeya booliska Kenya in ay adeegsadaan awood xad dhaaf ah, ayna fuliyaan dilal sharci darro ah, gaar ahaan xaafadaha isku raranta ah.

Waxaa sidoo kale horay loogu eedeeyay in ay boolisku ay leeyihiin kooxo geysta dilal qarsoodi oo bartilmaameedsada dadka ay ka midka yihiin u dhaqdhaqaayesha xaquuqda aadanaha iyo qareennada baaraya xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee bilaysku.

“Waa run in dad badan oo Kenyaan ah aan ku weynay dilal sharci darro ah, sidoo kale waa run in dad badan oo Kenyan ah aan ku weynay dilal siyaasadeed,” ayuu Axaddii yiri madaxweynaha Ruto, isaga oo intaas raaciyay “Mar dambe ma dhici doonto dil sharci darro ah ama dilal siyaasadeed.”

Bishii Oktoobar 2022, Ruto ayaa ballan qaaday in dib u habeyn lagu sameyn doono shaqada bilayska wuxuuna ku dhawaaqay in la baabi’inayo Unugga Adeegga Gaarka ah ee laga cabsado (SSU) oo xubnahooda lagu eedeeyay dilalka iyo afduubka dadka la waayay.

Sida laga soo xigtay Voices Missing, 1,350 qof ayaa ku dhintay gacanta saraakiisha booliska tan iyo markii ay bilowday xog ururinta 2007-dii.

Inasta oo ay yar tahay caddaaladda la xisaabsan ka booliska, haddana bishii February ee sannadkii hore saddex sarkaal oo boolis ah ayaa lagu xukumay xukunno u dhexeeya 24 sano oo xadhig ah iyo ciqaab dil ah, kadib markii lagu helay dil ay sannadkii 2016-kii u geysteen saddex qof oo uu ku jiro qareen.

Xasan oo ka dhab-hadlay xiriirka DF iyo Puntland, digniina u diray dowlad goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal uu uga ‘dhab-hadlayo’ xiriirka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada dalka, ayaa farta ku goday Puntland, isagoo sheegay in tan iyo markii uu xafiiska yimid u uku howlanaa sidii ay wadashaqeyn ula yeelan laheyd dowladda federaalka, balse aysan weli suurtagelin, isagoo balan-qaaday in dadaalo kale u uku bixin doono dhameynta mad-madowga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland.

Madaxweynaha ayaa dowlad goboleedyada uga digay in la siyaasadeeyo arrimaha masiiriga ah ee dalka, sida midnimada iyo wadajir dalka, madax-banaanida, gobnimada siyaasadeed ee dalka, amniga iyo bedqabka muwaadinka.

Hoos ka akhriso qoraalka Madaxweynaha oo ciwaankiisu yahay “XIRIIRKA DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA.”

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada, iyadoo saldhig uga dhigaysa mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkaynta amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada Dalka hayey, Dowladda Federaalku waxay ka mirodhalisay xaqiijinta inta badan ajandeyaashii mudo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la-dagaalanka khawaarijta oo aan deegaano baaxad weyn ka saarnay,  qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarnayd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaagneyd maalgashiga caalamiga ah.

Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dib-u-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka JFS, iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo aruurin dadweyne, si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dhameystirayo dastuurka dalka, si shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himillooyinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah, kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah.

Waxaan si gaar ah  hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada, si gaar ahna Dowladda Puntland, si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalka in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland, si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo.

Hadaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka, si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada, iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin dowlad goboleedyadu.

Ugu dambeyn, anigoo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed, sida: midnimada iyo wadajir dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee dalka, amniga dalka, iyo bedqabka muwaadinka.

= DHAMMAAD =

DF oo digniin culus u dirtay dadka ku nool afar magaalo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed ayaa digniin ka soo saartay saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhallan kara Roobab aad u xooggan oo la filayo in 8-da maalmood ee soo socota ay ka da’aan magaalooyinka Beledweyne, Bu’aale, Garbahaarey iyo Baydhaba.

Si gaar ah waxay hay’addu digniin ugu direysaa dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmooyinka iyo daagano ku xusan warqadaan, kuwaas oo lagu wargeliyey in ay ka feejignaadaan waxyeelada roobabka.

Dadkaan waxaa lagu sheegay digniinta in ay yihiin dadka ugu nugul, uguna saameynta xooggan biya-baxooyinka iyo fatahaadaha ka dhaca dalka.

  1. Magaalada Beledweyne.

Sideeda maalin oo soocota roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da’aan Beledwayne iyo deegaanada ku xeeran. “Waxa aad u sareeya suugaralnimada biyo baxyo kadhaca magaalada, gaar ahaan hareeraha Wabiga.

Hey’adda ayaa sheegtay in la qiyaasayo biyaha roobabkan aad u xooggan in ay sare u kacaan biyaha wabiga, taas oo ay ka dhalan karto fatahaado sababi kara barakac Bulsho iyo dhibaatooyin kale oo xoggan, “sidaas awgeed in dadka degan Magaalada Beledweyne waa inay muujiyaan taxadar aad u xooggan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

  1. Magaalada Bu’aale

Sideeda maalmood ee soocota roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da’aan magaalada Bu’aale iyo deegaanada ku xeeran, “Waxa aad u sareeya suugaralnimada in ay biyo baxyo kadhacado, sidaas awgeed waa in dadyowga deegaanadaas ay aad u taxadaraan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

  1. Magaalada Garbahharey

Si lamid ah magaalooyinka kale, waxaa la saadaalinayaa in 8-da maalmood ee soocota ay roobab xoogan ka da’aan Garbaharey iyo deegaanada ku xeeran, waxaana digniin loo diray dadka deegaanadaas oo laga dalbaday inay taxadaraan.

  1. Magaalada Baydhaba.

8-da maalmood ee soocota roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da’aan Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran. “Waxa aad u sareeya suugaralnimada biyo baxyo ka dhacdo sidaas awgeed waa in Dadyowga deegaanadan ay aad u taxadaraan,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha.

Sawirro: DF iyo Turkiga oo arrin muhiim ah hoosta ka xariiqay – xogta kulan xasaasi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah xarunta wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya kula qaatay mas’uuliyiin wasaaradda Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markabka dagaalka ee shalay soo gaaray Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa qorsheyn iyo qaabeyn lagu dhiraan-dhirinayo hannaanka fulinta qodobo kamid ah heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan arrimaha tababarrada iyo taakuleynta ciidamada.

Kulankaas oo intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ciidamada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Madey Nuurey Sheikh iyo saraakiil kale.

Kulankaan waxaa ka horeeyey mid xalay uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo casho sharaf ahaa, kulankaas ayaa xalay ka dhacay Hotel Decale oo ku yaalla xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markabka dagaalka oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ku soo xirtay dekedda.

Markabkaas dushiisa ayaa shalay lagu qabtay munaasabad lagu kala saxiixday dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca ee dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya, waxaana madaxdii ka qeyb gashay ugu sareeyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay saraakiisha Tukida ah u sheegay in Markabka Difaaca Turkiga ee ku soo xirtay Muqdisho uu yahay dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa iskaashiga iyo walaalnimada Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadaljeedintiisii shalay ku yiri, “Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war kasoo saaray geerida Suldaan Axmed Rashiid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shucayb.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu kamid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed ee doorka muuqda kasoo qaatay nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta, adkeynta wadajirka shacabka iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxa uu Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb ayaa saaka waaberigii ku geeriyooday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, halkaasi oo isla maanta lagu aasay.

Suldaanka ayaa kamid ahaa odey dhaqameedkii ka qeyb-galay shirkii Carta ee dib loogu yegleelay dowladda Soomaaliya sanadkii 2000.

Waxa uuna kaalin muuqata ku lahaa dadaallada dib-u-heshiisiinta ee gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu qeyb ka ahaa xulista xildhibaannada reerkiisa ku matala barlamaanka Soomaaliya iyo kan gobolleedka Hirshabeelle, isaggoo kamid ahaa 135-ta odey ee u diiwaan-gashan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Xog: Xujo weyn oo hortaalla madax goboleedyada xilli uu Abiy wado qorshe halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – 100 maalmood ee soo aadan xasaasi ayay u tahay Soomaaliya. Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa jeexanaya qaabka ay madaxdooda usii wada ceeshi karaan ama u kala ciidan tagi karaan.

Dowladda Itoobiya ayaa il gaar ah ku eegaysa xaaladaas. Intii la socotay warbixinadayadii ugu dambeeya dowladda Itoobiya waxay wada-hadallo hoose la wadaa madaxda laba kamid ah maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, si ay ugu xirmaan magaalada Addis Ababa.

Tan iyo 1-dii bishii Janaayo ee sanadkaan dowladda Itoobiya waxay kala kulantay siyaasadda arrimaha dibadda guul-darro siyaasadeed iyo dharbaaxo aanay sanadahan arag.

Shirkii u dambeeyay ee dalalka G7 si weyn ayaa Itoobiya loogu dhalleeceeyay duulaanka qaawan ee ay ku qaaday midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya. Waxaana kale oo la sawiray halista kala taga qarameed ee ay wajaheyso Itoobiya, iyada oo dalalka G7 taageero u muujiyeen midnimada Soomaaliya.

Iyada oo loo jeedo mowqifka dalalka G7 ee xiisadda labada waddan, lana xasuusto dhibcihii diblumaasiyadeed ee ay Soomaaliya kasoo hoysay Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Jaamacadda Carabta iyo dhanka kale hoos u dhaca siyaasadeed ee gaaray Addis Ababa.

Dadka Soomaalida waxay is-weydiinayaan madaxda maamul goboleedyada dalkooda ma u gacma qaban doonaan Itoobiya.

Dhawaan Puntland ayaa ku xiratay Itoobiya, waxaana muuqata in aanay taageero badan uga helin Soomaalida dhexdeeda sababtuna waa in aanay dadka Soomaaliyeed sinaba ugu faraxsaneyn inay arkaan qarankooda oo loogaga adkaanayo fagaarayaasha caalamka.

Itoobiya si ay uga jawaabto dharbaaxada uu madaxweyne Xasan Sheekh kaga soo dhuftay dhanka siyaasadda arrimaha dibadda waxay ka shaqeynaysa inay ka hor keento maamul goboleedyadiisa oo ay halkaasi ka fuliso aargoosi.

Cidda keliya oo riyadaasi u rumeyn karta Itoobiya waa maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya. Laba kamid ah madaxda maamullada ayaa hadda lagu qalqaalinaya inay tagaan magaalada Addis Ababa oo ay la kulmaan ra’iisul wasaare Abiy Axmed, loona sameeyo soo dhaweyn u maqaam eeg sida qaran madax-banaan.

Haddii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed taas ku guuleysto dharbaaxo culus ayay ku noqon doonta Soomaaliya laakiin waa mid ay isla Soomaali kale sababteeda qaadan doonto.

Madaxda maamullada ee Itoobiya qal-qaalada ku wado waxaa haysta imtixaan culus oo ah sida ay iskaga badbaadin karaan inay dhaawacaan qarannimadooda.

Si walba oo loo diidan yahay habka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku wado siyaasadda arrimaha gudaha, haddana majiro hoggaamiye Soomaali ah oo libin ku heli doona inuu raaco Itoobiya.

Madaxda maamullada ee ka gadoodsan madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u haboon inay kula diriraan gudaha dalka, shirarka Golaha Wadatashiga Qaran iyo fagaarayaal ay Soomaali fadhiso, balse aanay sumcadooda siyaasadeed iyo qiimahooda shaqsiyadeedba ku burburin inay dalkooda usoo raacan dal kale, Abiy Axmed aanay ka dabcin culeyska uu kala kulmayo caalamka iyo gudaha dalkiisaba.

Dowladda Itoobiya ayaa la fahamsan yahay inay wax walba ku bixin doonto inay madaxweyne Xasan Sheekh gudaha dagaal uga furto, si uu kaga mashquulo dagaalka uu waqtiga badan gelinayo ee siyaasadda arrimaha dibadda.

Dadka Soomaalida waa inay si weyn oo foojigan isha ugu hayaan madaxda maamullada ee xilligaan isku dayaya inay raacan Itoobiya.

Sawirro: Kadib dayn-cafinta Soomaaliya shir muhiim ah oo maanta laga furay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka maalgashiga Soomaaliya.

Shirkan oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas darteedna ay xukuumaddiisu dadaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiiri-gelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.

Sidoo kale waxa uu ku dhiiri-geliyey maalgashiyada gudaha iyo dibedda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dalka.

Waxa uu si gaar ah u xusay in fursadaha jira ay sii dhiiri-gelinayaan amniga oo soo hagaagaya iyo shuruucdii maalgashiga hagaysay oo la dhammeystiray, tallaabooyinkaas oo damaanad siinaya maalgashadeyaasha caalamiga ah.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, ayaa waxaa ka soo qeyb galeen ganacsato ka socotay waddamada Bariga Afrika.

Iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha waaweyn ee dhinaca maalgashiga ah ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo u baahan in lagu sameeyo maalgelin, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

13-kii December ee sanadkii hore ayey aheyd markii Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, taasi oo dhabaha u xaareysa inay hesho maalgashi horleh.

Sawirro: Soomaaliya oo ka guuleysatay 39 dal kadib markii…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) ayaa guul wayn ka gaartay loolan loo galay doorasho ka dhacday magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Soomaaliya ayaa loolankan uga guuleysatay 39 waddan oo Afrikaan ah, isla markaana xubno ka mid ah Hay’adda African Risk Capacity ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano (ARC).

Sida ay lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay SoDMA waxaa saddexda sano ee soo socoto ururkan guddoomin doono Hay’adda Maareynta, waxaana matali doono Maxamed Cumar Macalin (Wayaki)

Waa markii labaad ee ay Soomaaliya ku guuleysaneyso shir guddoonka uruurkan, tan iyo markii la saxiixay heshiiska uu ku dhisan yahay.

“Hay’adda SoDMA ayaa ku guuleeysatay doorashada xubin ka mid ah xubnaha maamulka hay’adda ARC Saddexda sanno ee soo socota, taas oo uu ku matali doono Maxamed Cumar Macalin (Wayaki), waxaana xusid mudan in Soomaaliya markii labaad ay qabato shir guddoonka Ururkaan tan iyo markii ay saxiixday heshiiska uu ku dhisanyahay ururka ARC bishii Abriil Sannadkii 2021” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda SoDMA.

Dhinaca kale wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xarunta ururka midowga Afrika ee Magalaada Adis-Ababa uga qeybgalay kal-fadhigii 14-aad ee shir-weynaha sannadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan wadamada xubnaha ka ah Hay’adda African Risk Capacity (ARC) oo qaaradda Afrika u qaabilsan Maareeynta Khataraha Musiibooyinka.

Shirkan oo ay ku kulmeen 39-ka dal ee xubnaha ka ah ururkaan qeeybtiisa farsamada waxaa gudoominayey Agaasimaha waaxda Maareeynta Khataraha Musiibooyinka SoDMA, Khadar sheekh Maxamed Nuur, waxaana shirka qeybtiisa farsamo lugu go’aamiyey go’aanno farsamo oo la hordhigayay madaxda hay’addaha wadamadda xubnaha ka ah oo uu doorkan guddoomiyey Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallim Cabdulle.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe bandhig cajiib ah ka sameyneysay fagaarayaasha caalamka, waxaana dhowaan ay ku guuleysatay ku biirista Dallada Bariga Afrika ee EAC, hadda waxa ay dooneysaa kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika oo ay u sharraxan tahay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo horay usoo qabatay xilal kala duwan.

Somaliland oo ka jawaabtay carada ay Jabuuti ka qaaday heshiiska badda ee Itoobiya

0

Waahington (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Ciise Keyd Maxamuud ayaa ka jawaabay hadalkii wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh oo cadeeyey in Jabuuti iyo madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geelle ay si weyn uga caroodeen tallaabadii uu Muuse BIixi badda ku siiyey Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Ciise Keyd Maxamuud oo ku sugan Maraykanka ayaa u waramay Idaacadda VOA, wuxuuna sheegay in wax dhibaato ah aysan u arkin hadalka wasiirka maaliyadda Jabuuti.

Sidoo kale Wasiir Keyd ayaa sheegay in Jabuuti aysan u geysan wax dhibaato ah, balse ay ka shaqeynayeen aayaha umadda reer Somaliland, markii ay gelayeen heshiiska Itoobiya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Waxaa la weydiiyey sababta ay uga baxeen heshiiskii ay garwadeenka ka aheyd Jabuuti ee dowladda federaalka Soomaaliya ay la galeen, wuxuuna ku dooday in halkaas wax heshiis ah aan lagu gaarin, taasina ay sababtay in Somaliland ay iska daneysato.

Sidoo kale wuxuu sheegay in heshiiska ay la galeen Itoobiya uusan dhabarjebin ku aheyn Jabuuti iyo arrimihii ay waday ee dhexdhexaadinta, balse uu ahaa mid ay muddo kasoo wada shaqeynayeen Somaliland iyo Itoobiya.

“Si fudud uma aanaan tegin Itoobiya, afar bilood ayaan ka shaqeynayey arrintaas, kulanka Jabuuti markii uu dhacayey anigu waxaan joogay Addis Ababa, taasi waxay keentay in madaxweynuhu uu Itoobiya tago si heshiiskaas uu u saxiixo, maadaama uu soo dhamaaday wadahadalkeenii anaga iyo Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Wasiirka ayaa meesha ka saaray in heshiiskaas uu ahaa falcelin ku saabsan heshiiskii ay garwadeenka ka aheyd Jabuuti, balse uu ahaa heshiis ay muddo afar bilood ah ka shaqeyneysay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo isagu uu hoggaamiyo.

Ugu dambeyntii wasiir Ciise Keyd ayaa sheegay in Jabuuti iyo Somaliland ay yihiin walaalo, isla markaana uu ka dhaxeeyo heshiis iyo walaalnimo soo jireen ah.

“Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya meel aad u wanaagsan ayuu marayaa, wax kastana waxay u socdaan sidii loo qorsheeyey,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Keyd Maxamuud.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Suldaan kamid ahaa Salaadiin-tii qeybta ka aheyd shirkii Carta oo maanta lagu aasay Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle lagu aasay Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb oo ahaa Suldaanka beellaha Lixda Shiidlo, oo saaka waaberigii geeriyooday.

Meydka Suldaan Axmed Rashiid ayaa Salaadda Janaasada lagula tukaday garoonka kubada cagta Xasey Kumaari ee magaalada Jowhar, ayada oo tukashada salaad ka qeyb-galeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka HirShabelle iyo tan degmada.

Suldaan Axmed Rashiid AUN ayaa kamid ahaa odey dhaqameedkii ka qeyb-galay shirkii Carta ee dib loogu yegleelay dowladda Soomaaliya sanadkii 2000.

Suldaanka ayaa kaalin muuqata ku lahaa dadaallada dib-u-heshiisiinta ee gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu qeyb ka ahaa xulista xildhibaannada reerkiisa ku matala barlamaanka Soomaaliya iyo kan gobolleedka Hirshabeelle, isaggoo kamid ahaa 135-ta odey ee u diiwaan-gashan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe oo ka tacsiyadeeyay geerida Suldaanka ayaa waxa uu sheegay inuu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u adeegida shacabka HirShabelle.

“Allaha u naxariistee Marxuum Suldaan Axmed Rashiid waxa uu kaalin wayn ka soo qaatay aasaaska iyo dowlad dhiska Hirshabeelle iyo sidoo kale dadaalada nabadeynta bulshada,” ayuu Cali Guudlaawe ku yiri qoraal uu kasoo saaray.

Waxa uu intaas kusii daray “Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Qoyska, Ehelada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.”

Guri ay saraakiil Shabaab ah ku shirayeen oo la duqeeyay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo ay maanta diyaarado dagaal ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd mid bartilmaameed ah ayaa ka dhacday aagga degmada Ruun-nirgood, halkaas ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Warbaahinta dowladda ayaa warisay in duqeyntan si gaar ah loola beegsaday guri ay ku shirayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab, balse ma shaacin khasaaraha gaaray.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in dhulka lala simay guriga la beegsaday ee ay ku sugnaayeen xubnaha sar sare ee Al-Shabaab.

“Diyaarado dagaal ayaa duqeymo culus ka fuliyay Degmada Ruunirgood ee Gobalka Sh/dhaxe, waxaana dhulka lalasimay guri ay ku shirayeen xubna sare sare oo ka tirsan AS,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale inta uu socday weerarkan diyaaradaha ayaa duqeeyay dhulka howdka ah ee u dhexeeya xadka gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan xoogaga Al-Shabaab.

“Diyaaradaha dagaalka ayaa sidoo kale duqeeyay dhulka howdka ah ee ku yaalla xadka Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ah ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka degmada Ruun-nirgood oo ah halka ay duqeyntu ka dhacday.

Shabeelaha Dhexe oo ay weli ka socdaan howlgallo culus ayaa kamid ah gobollada lagu jabiyay Al-Shabaab, maadaama wajigii koowaad ee dagaalka looga xorreeyay dhul aad u ballaaran oo ku yaalla HirShabelle.

KENYA iyo Soomaaliya oo galay heshiis cusub oo la xiriira ganacsiga qaadka

Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha beeraha iyo xanaanada xoolaha ee Kenya Mithika Linturi ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay heshiis dhoofinta qaadka ah la galeyso Soomaaliya 8da bisha soo socota ee Maajo, si loo xaqiijiyo faa’iido dhaqaale, loona abuuro hanaan sharci oo ganacsiga qaadku ku shaqeeyo.

Mr Linturi wuxuu hoosta ka xariiqay in qaadku uu laf-dhabar u yahay dhaqaalaha degmada Meru, kaasoo waxtar u leh nolosha dad badan oo degmadaas ku nool.

Xoghayaha wuxuu u ballan qaaday dad uu la hadlayey in xukuumaddiisa ay diyaar u tahay in ay ilaaliso danahooda.

Sannadihii u dambeeyey waxaa ganacsiga qaadka ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya hareeyey khilaaf soo noqnoqonayey, horena uma aysan jirin heshiisyo qaadka la xiriira oo ay labada dhinac wada galeen.

Muddo ku dhawaad laba todobaad laga joogo ayaa dib waxaa u billowday qaadkii tegi jiray Muqdisho, ka dib markii muddo hakad ku jiray.

Cabdiwaaxid Barre Macallin oo ka mid ah dadka ka shaqaysta qaadka ee ka soo qaada Beeralayda ilaa ay u dhoofiyaan Soomaaliya ayaa sheegay in ay khaati ka joogaan wax uu isagu ugu yeeray “magafayaasha qaadka” oo lacago dheeraad ah ka qaada ganacsatada qaadka u dhoofiya Soomaaliya.

“Waa arrin dhib ku ah dadka nolol maalmeedkooda, beeralayda ilaa kuwa ku xiran ee wax ka hela, lacagta maaha mid ah canshuurta oo Kenya u dhacda, iyo mid Soomaaliya u dhacda laakiin waxay u dhacdaa kudlad isku xiran oo ku sii xiriirsan dad awood leh,” ayuu yiri Barre.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadka Miiroowga ee Muqdisho tagaya sida maalin laha ah ku canshuurta lix dollar kiiladiiba.

Kenya waxay muddo raadinaysay suuq ay isku hallayn karto oo ay u dhoofiso qaadkeeda. Soomaaliya dhowr goor oo hore ayuu ganacsiga qaadku hakad galay sababo qaarkood siyaasado markaas taagnaa salka ku hayey, halka suuqii kale ee loo dhoofin jiray qaadka Kenya oo ah dalka Ingiriiska isna gabi ahaanba laga mamnuucay bishii Juun 2014. Soomaaliya weli kama aysan hadlin heshiiskaas.

Isha: BBC

DF oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu laayey Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgallo culus oo lagu laayey Al-Shabaab, kuwaas oo isugu jira duqeymo iyo dagaal toos ah, inta badan howlgalladaas ayaa ka dhacay gobolka Mudug.

War ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgaladaas lagu dilay in ka badan 30 Shabaab ah, waxaana tirada ugu badan lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaan lagu magacaabo Carfuuda oo ka tirsan gobolka Mudug.

“In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal milateri oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ah oo laga fuliyay deegaanka Carfuuda oo qiyaastii 20 km Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sida lagu sheegay warka dowladda, hawlgalka waxaa lagu beegsaday labo arrimood oo kala ahaa, mid ay isku abaabulayeen maleeshiyaad Khawaarij ah iyo xarun ay ku diyaarinayeen qaraxyo.

“Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale ku guulaystay in ay burburiyaan dhammaan saanaddii Khawaarijta oo ay ku jiraan gawaarida dagaalka iyo kuwa ay qaraxyo u diyaariyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii warkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxaa lagu yiri, “Hadafka ugu wayn ee dowladda ayaa ah in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaadsadaan si dadkeena iyo dalkeena looga xoreeyo cadawga Khawaarijta.”

Dowladdu faahfaahin kama bixin dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Xawaadley ee waqooyiga Muqdisho oo hoos taga degmada Balcad, halkaas oo Shabaab ay soo weerareen, balse lagu jebiyey.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Al-Shabaab waxay xalay qorsheeyeen inay cagta mariyaan ciidanka jooga Xawaadley oo isugu jira xoogga dalka iyo kuwo deegaanka ka soo jeeda oo xaq u dirir ah, balse waxaa la helay xogtooda, waxaana looga hortegay duleedka magaalada, halkaas oo jab culus lagu gaarsiiyey.

 

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigyo ku yaalla duleedka degmada Balcad

0

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay Al-Shabaab ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu xigay dagaal toos ah.

Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin deegaanka Xawaadley oo hoostaga magaaladaasi.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa sidoo kale isku dayay inay qarxiyaan, iyaga oo miino ku xiraya buundada deegaankaasi oo muhiim u ah isku socodka dadka shacabka ah, balse waa laga hortegay.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka ka horreeyay, maadaama dhacdadu ay dhacday xilli habeen ah.

Sarkaal u hadlay milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay fashiliyeen weerarka Al-Shabaab, wuxuuna intaasi ku daray inay haatan wadaan howlgallo dheeraad ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ku raad joogaan xubnaha Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xawaadley laba jeer oo hore waxaa sidaan oo kale usoo weerartay kooxda Al-Shabaab, balse waxaa dib u celiyay ciidanka Xoogga dalka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaq laga dareemayaa aagga halka lagu dagaalamay.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo uu shalay Balcad booqday madaxweynaha HirShabelle oo mashariic horumarineed ka daah-furay gudaha degmadaas, kuwa kalena ka dhagax dhigay, kuwaas oo muhiim u ah dhammaan dadka deegaanka.

Sawirro: Fartaag oo kulankii ugu horreeyay la yeeshay wasiirrada heer goboleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta kulan la qaatay wasiirrada amniga dowlad-goboleedyada dalka oo Muqdisho u jooga xoojinta wada-shaqeynta laamaha amniga.

Wasiirrada ayaa xoogga saaray sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu sugayo amniga dalka iyo dardar-gelinta la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulanka.

Masuuliyiintan ayaa sidoo kale diirada saaray tayeynta booliska iyo xoojinta wada-shaqeynta ku aaddan ka hortagga iyo kadaba tagga falalka dambiyada.

Wasiir Fartaag ayaa xusay muhiimadda ay amniga dalka u leedahay mideynta shaqada laamaha amniga iyo isku xirnaanta booliska, ayada oo shirkaan uu kusoo aaday xilli muhiim ah oo ay dalka ka socdaan howl-gallo ka dhan ah argagixisada.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu bogaadiyey sida ay uga go’an tahay wasiirrada amniga ee heer dowlad-goboleed in la sii amba-qaado qorsheyaasha lagu xoojinayo Booliska Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada amniga dowlad-goboleedyada Jubbaland, HirShbelle, Galmudug iyo Koonfur-galbeed. Waxaana ka maqneyd Puntland oo ayadu xiriirka u jartay dowladda federaalka, kalana laabatay kalsoonidii wada-shaqeyneyd.

Fartaag ayaa 7-dii bishaan loo magacaabay wasiirka amniga gudaha kadib billooyin uu xilkaasi banaana, ayada oo magacaabistiisu kusoo aadeysa xilli xasaasi ah oo dalka uu ku jiro dagaal ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.