26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Maayar Mooge iyo Barkhad Batuun oo ay ka dhex tafatay – Maxay isku hayaan?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maayirka magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayey ka dhex tafatay.

Maayir Mooge ayaa si adag uga jawaabay kacdoon shacab oo uu maanta ku baaqay Xildhibaan Barkhad Batuun, oo isagu ka horyimid go’aan ay maamulka dowladda Hoose qasab ugu bananeyso dhul, kaasi oo uu ku tilmaamay “dulmi ka dhan ah maatida”.

Dhulkan ayaa hadda ah suuq ay ku ganacsadan dadkii uu ka gubtay suuqa Waaheen, ee weli dhismihiisu qabyada yahay, wuxuuna maamulka dowladda Hoose ee Hargeysa u asteeyay in laga dhiso xarun degmo.

Maayir Mooge ayaa ku dhawaaqay in magaalada Hargeysa uusan ka dhici doonin wax kacdoon ah, islamarkaana ay dowladda Hoose la fariisan doonto dadka shacabka ah ee cabanaya, sida uu sheegay.

“Shacabku wey kala yaqaanaan siyaasiga khatallayaa, si uu ugu gaadho dano uu leeyahay isaga oo ka ganacsanayaa dareenkooda iyo ka habeen iyo maalinba u taagan dantooda, horumarkooda ee u diyaara in uu la fadhiisto maqlo dareenkooda, dhagaysto cabshooyinkooda si uu wax uga qabto,” ayuu yiri Maayir Mooge.

Wax uu intaas kusii daray “Wax kacdoon ah oo Hargeysa ka dhacayaana ma jiro, DHH iyo shacabkeedu wey ka wada hadlayaan arimaha taagan ee furitaanka wadooyinka Suuqa-Waaheen, si aan uga taxadarno in markale masiibadii/dabka Waheen oo kale inagu soo noqoto.”

Hadalka Maayirka ayaa imanaya kadib markii uu saaka warbaahinta la hadlay Xildhibaan Barkhad Batuun oo isagu sheegay in aan la aqbali karin in danyar ganacsato ah laga saaro dhulkaasi, isaggoo shaaciyay inuu kacdoon shacab hoggaamin doono.

“Qofkii daruuf iyo dan ayaa soo saartay, haddana in lagaga daba tago meeshii yareyd oo la yiraahdo guura, wax milgaha iyo sharafta dowladnimo meel ka gala maaha,” ayuu yiri Xildhibaan Barkhad Batuun.

“Suuqii Waaheen ayaa ka gubtay dadkan, haddii la doonayo oo Dooxii iyo dariiqyadii iyaga oo dhismihii dhamaan lagaga daba tago waxay aheyd in beddel loo sameeyo. Haddii ka ganacsadaha weyn ay dowladda tixgelinayso danyartana annaga ayaa tixgelineyna.”

Maayirka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo tan iyo markii uu ku guuleystay xilkaan horumar muuqda ka sameeyay caasimadda Hargeysa, ayaa haddana waxaa dul hoganaya eedeymo dhowr ah, oo ay qeyb ka tahay middaan.

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay munaasabad heer sare ah oo ka dhacday…

0

Daaru-salaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania ayaa madaxda sare ee dalkaasi kala qayb galay munaasabadda maalinta midnimada dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladda iyo shacabka Tanzania ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta midnimada iyo wadajir dalka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalkaasi Marwo Samia Suluhu Hassan la wadaagay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal oo uu sal-dhig u yahay xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsiga.

Munaasabaddan ayaa noqoneysa sannad-guuraddii 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tanzania. Waxaana shacabka iyo madaxda dalkaasi kala qeyb-galay madax iyo wafuud kala duwan oo Afrika iyo caalamka.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa inta ay uu ku sugan yihiin Daaru-salaam ay kulammo la qaadan doonaan madaxda dalkaasi, iyagoo kala hadli doona xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa hordhigi doona madaxdaasi arrimo ay kamid yihiin dardar-gelinta xubinnimada Soomaaliya ee Dallada Geeska Afrika, iskaashiga arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Soomaaliya iyo Tanzania ayaa leh xiriir wanaagsan oo diblumaasiyadeed, ayada oo Tanzania ay door muhiim ah ka qaadatay ka qaatay aqbalaadda codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ayadu xubin buuxda ka noqotay Dallada Bulshada Bariga Afrika ee EAC.

Maxay salka ku haysaa xiisada culus ee ka taagan Hargeysa?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay isa soo tareysay xiisad xooggan oo ka dhalatay banaynta dhul laga dhigayo xarunta degmada 26 Juun ee magaalada Hargeysa.

Dhulkan oo hadda suuq ay ku ganacsadan u ah ganacsatadii uu ka gubtay suuqa Waaheen, ee weli dhismihiisu qabyo yahay, ayaa waxa uu maamulka dowladda Hoose ee Hargeysa u asteeyay in laga dhiso xarun degmo.

Xiisaddan ayaa sidoo kala gaartay heer in la xiro Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka Hargeysa, kuwaasi oo kasoo horjeestay go’aanka dadka looga saarayo dhulkaasi, inkasta oo markii dambe lasoo daayay.

Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka horyimid qorshahan oo Maayirka degmada Hargeysa uu horboodayo ayaa sheegay in aan la aqbali karin isku-daygan, isaggoo shaaciyay inuu kacdoon shacab hoggaamin doono.

“Qofkii daruuf iyo dan ayaa soo saartay, haddana in lagaga daba tago meeshii yareyd oo la yiraahdo guura, wax milgaha iyo sharafta dowladnimo meel ka gala maaha,” ayuu yiri Xildhibaan Barkhad Batuun.

“Suuqii Waaheen ayaa ka gubtay dadkan, haddii la doonayo oo Dooxii iyo dariiqyadii iyaga oo dhismihii dhamaan lagaga daba tago waxay aheyd in beddel loo sameeyo. Haddii ka ganacsadaha weyn ay dowladda tixgelinayso danyartana annaga ayaa tixgelineyna.”

Sidoo kale wuxuuu aad uga gil-gishay in dadka ku ganacsada dhulkaasi lagu soo rogo amar, halka loo yeeri lahaa oo lala fariisan lahaa, “Waa canshuur bixiyayaal ee ma aheyn in amar la siiyo oo guura la yiraahdo.”

“Xal ha la keeno oo daruuftooda ha la eego. Shaarka dowladeed dadka danyarta ayuu u adeegga, haddii lagu sii eegana waxay noqon doonta danyarta in aan annagu hor-kacno.”

Maayirka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo tan iyo markii uu ku guuleystay xilkaan horumar muuqda ka sameeyay caasimadda Hargeysa, ayaa haddana waxaa dul hoganaya eedeymo dhowr ah, oo ay qeyb ka tahay middaan.

Mareykanka oo eedeeyay ciidanka Abiy Ahmed xilli ay Itoobiya gashay xaalad quus ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Warbixin ku saabsan xaaladda Itoobiya oo ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu faah-faahiyay xad-gudubyo ka dhan ah dadka rayidka ee ay ka qeyb qaateen ciidmada Itoobiya sannadkii 2023.

Warbixinta ayaa waxay muujineysaa in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb qaateen falal arxan darro ah oo isagu jira dil, kufsi, dhac, xarig sharci darro ah iyo caburinta siyaasiyiinta iyo wariyaasha.

Sidoo kale waxaa warbixintan lagu sheegay in dadka rayidka lagu qasbay in ay ka cararaan deegaanadooda kadib markii lagu sameeyay midab takoor.

Ciidamada ammaanka Itoobiya ayaa ka qeyb qaatay dilka 23 qof oo rayid ah, kuwaasi oo lagu dilay goob qura ah oo ka tirsan gobolka Oromada, horraanta bishii January ee sannadkii tegay.

Waxa jira saxafiyiin iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda siyaasadda Abiy Axmed oo lagu xiray goobo qarsoodi ah, iyaga oo aan lasoo taagin maxkamad sidoo kalena loo diiday inay la kulmaan qoysaskooda.

Qaramada Midoobay ayaa iyadna dhankeeda xaqiijisay in dowladda federaalka Itoobiya ay ku fashilantay inay wax ka qabato xad-gudubyada lagula kacayo dadka aan waxba galabsan.

Wararka dhiilada dagaalka xambaarsan ee ka jira Itoobiya iyo xaaaladaha bani’aadinimo ayaa keentay in beesha caalamka iyo safaradaha dhowr dal oo ku jiraan Mareykanka, UK, Japan iyo franca in ay ku baaqaan wada-hadal deg-deg ah oo lagu yareynayo xiisadaha colaadeed, si loo ilaaliyo dadka rayidka.

Turkiga oo si cajiib u muujiyay ‘sida ay uga go’an tahay’ xasilloonida Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga ayaa si cajiib ah u muujiyay sida ay uga go’an tahay xasiloon iyo nabadda Soomaaliya, xilli ay dhawaan labada waddan qalinka ku duugeen heshiis difaac.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş ayaa markii u horreysay si cad u sheegay in amniga Soomaaliya uu sidoo kale yahay amniga Turkiga, taasi oo macnaheedu yahay in xasiloonida Soomaaliya aysan uga duwaneyn midka dalkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Amniga Soomaaliya sidoo kale waa amniga Turkiga, waligeen kamaanu fikirin in xasiloonida Soomaaliya ay si gaar ah uga duwan tahay xasiloonida dalkeena,” ayuu yiri Mr. Aktaş oo dhawaan ka qeyb-galay xaflad lagu soo dhaweynayay Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo soo gaaray dekedda Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya uu muujinayo xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

“Turkiga wuxuu sii wadi doona taageeraddiisa Soomaaliya,” ayuu yiri Danjiraha, isaggoo caddeeyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-banaanida iyo mdinimada dhuleed ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee badaha bishii hore, taasi oo sii xoojineysa xiriirka labada waddan kadib markii ay gaareen heshiis difaac.

Heshiiskaan ayaa socon doono muddo 10 sano ah, iyada oo ciidamada Turkiga lagu wareejinayo xeebaha dalka todobaadyada soo socda, iyaga oo sidoo kale dib u dhis ku sameynaya iyo qalabeyn ciidamada badda Soomaaliya.

Xuutiyiinta oo fal-celin adag kala kulmay markab ay ku weerareen xeebaha Somalia

Sanca (Caasimada Online) – Markab dagaal oo ay leyihiin ciidmada badda ee boqortooyada UK ayaa soo riday gantaal ay kooxda Xuutiyiinta Yemen ku rideen markab ganacsi oo marayey Badda Cas.

Kooxdan oo ay Iiraan taageerto ayaa xiisad weyn ka abuuray Badda Cas oo ah marin muhiim u ah isku gooshka ganacsiga dunida.

Markabka HMS Diamon ayaa difaacay markab ganacsi oo marayey Gacanka Cadmeed oo weerar kala kulmay kooxda Xuutiyiinta Arbacadii.

Sida ay sheegtay wasaaradda difaaca, markabka oo adeegsanayey hannaanka Viper missile ee lagu burburiyo gantaallada ayaa ka hortagay gantaallada ay soo rideen kooxda ee ay ku bartilmamaeedsadeen markabka ganacsi.

Markabka dagaal ayaa hadda ku sugan gobolka si uu uga hortago weerarada Xuutiyiinta.

Xoghayaha Difaaca UK Grant Shapps ayaa u mahad-celiyay shaqaalaha markabka si ay gacan uga geystaan “badbaadinta nolosha bad-maaxiinta aan waxba galabsan” iyo ilaalinta maraakiibta.

“Ingiriisku wuxuu sii wadaa inuu safka hore kaga jiro jawaabta caalamiga ah ee Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto weerarrada halista ah ee maraakiibta ganacsiga, kuwaas oo galaaftay nolosha maraakiibta caalamiga ah,” ayuu intaas raaciyey.

Waxa uu u sheegay The Times in ay ahayd markii ugu horreysay oo markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Royal uu qabto gantaal dagaal tan iyo dagaalkii Khaliijka 1991-kii.

Xuutiyiinta oo gacanta ku haya dhul badan oo Yemen ah, oo ay ku jirto caasimadda Sanca ayaa bartilmaameedsanaya maraakiib ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa’iil iyo Reer-galbeedka si ay uga jawaabaan dagaalka Israa’iil ee ka socda Qasa.

Silsiladaha sahayda caalamiga ah ayaa hadda wajahaya khalkhal ba’an iyo kor u kaca kharashaadka taas oo ka dhalatay qaar ka mid ah shirkadaha maraakiibta ee ugu waaweyn oo safarro ka weeciyay badda cas – mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka.

Arbacadii, Xuutiyiintu waxay sheegteen inay weerar ku qaadeen markabka Maersk Yorktown ee Maraykanka oo marayey gacanka Cadmeed.

MOD waxay sheegtay in ku daadgureynta HMS Diamond ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay qayb ka tahay jawaabta ballaaran ee UK ay ka bixiso weerarrada Xuutiyiinta.

Tan waxaa ka mid ah ka hortagga hubka sida sharci darrada ah loo geynayo Yemen, cunaqabatayn lagu soo rogay xubnaha Xuutiyiinta, iyo in la qaado weeraro lala beegsado bartilmaameedyada millatari.

HMS Diamond, ayaa gobolka ka fuliyey howlago bilihii December iyo January, isagoo qudhiisu la kulmay saddex weerar oo kala duwan oo ay fuliyeen ciidamada Xuuthiyiinta, iyagoo ku guuleystay inay burburiyaan sagaal diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo wata gantaalaha Sea Viper iyo qoryo.

Markabkan dagaal ee ciidamada badda Ingiriiska eeHMS Diamond, ayaa ku qalabaysan gantaalada Sea Viper, iyo sidoo kale qoryaha darandooriga u dhaca.

Sidoo kale markabka ayaa laga qaaday weeraro duqaymo ah oo lala beegsaday Xuutiyiinta Yemen 11 janayo.

Xuutiyiinta Yemen, ayaa wali wada beegsiga maraakiibta ganacsi ee maraya badda cas iyagoo sheegay inay ku taageerayaan howlgaladooda Falastiin.

BBC

Mareykanka oo taageerada ka joojiyey DANAB iyo DF oo shaacisay fadeexad culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday fadeexad musuq-maasuq oo ka dhex-dhacday ciidamada Dana bee Mareykanka uu tababaro, ayada oo la leexsaday qaar ka mid ah raashinkii ciidanka.

Wasaaradda ayaa shaacisay in la xiray saraakiil sare oo lagu tuhunsan yahay kiiskan. Waxay kale oo ay sheegtay inay arrintan ku war-gelisay Mareykanka, islamarkaana inta baaritaanka uu socdo ay la wareegi doonto bixinta raashinka ciidanka.

Lama soo bandhigin darajada iyo magacyada saraakiisha loo xiray raashiinka ciidanka Danab oo baaritaan isla-xisaab ah oo la sameeyay lagu oggaaday in la musuq-maasuqay.

Xogta ayaa sheegeysa in dawladda Mareykanka ay go’aamisay in ay hakiso taageerada Raashinka ay siinaysay ciidamada DANAB, sabab la xariirta musuq-maasuq xooggan.

Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda 

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka mahadcelineysaa taageerada dowladda Maraykanka ee iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay la leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Khawaarijta Al Shabaab iyo sidoo kale bixinta taageerada muhiimka ah ee bini’aadantinimada iyo horumarinta.  

Maalgelinta dawladda Maraykanka ku samaynayso barnaamijka dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB waxa ay abuurtay ciidan awood leh oo horseed u noqday howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxa ay xoojiyeen tallaabooyinkooda isla xisaabtanka ee waafaqsan ajandayaasha dib u habeynta ciidanka.  

Baaritaanadaan ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in qayb ka mid ah raashinka Danab la leexsaday. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhacdaadaan ka falcelisay, waxa ayna isla markiiba billowday baaritaan taas oo keentay in shaqada laga joojiyo saraakiil ka tirsan Ciidanka si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka iyo hufnaanta saadka ciidanka.  

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhacdadan ku wargelisay dhinacyada ay khusayso, waxayna la wadaagi doontaa natiijada baaritaannadaas marka ay soo idlaadaan. 

Wadahadaladii u dambeeyay ee labada dhinac ayaa DFS oo la tashi dhow la gashay dowladda Mareykanka waxa ay qaadi doontaa mas’uuliyadda bixinta raashinka Danab, waxaana ay hadda si dhow ula shaqeyneysaa Dowladda Mareykanka si ay ula wareegto mas’uuliyadda taakuleynta Ciidanka Danab ee CXD. DFS ayaa xoogga saarayso la wareegidda amniga iyo taakulaynta Ciidankeeda.

Sawirro: Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo dil toogasho lagu fuliyay maanta

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta xukun qisaas ah ku fulisay Dable xoogga dalka Cabdikaafi Cali Cabdulle iyo Iidle Cumar Idiris oo Guutada 18-aad ee Gorgor ka tirsanaa.

Cabdikaafi ayaa horay u dilay Cadnaan Cali Salaad, halka Iidle Cumar sidoo kale lagu helay dilka Bilan Xaashi Salaad, sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta dowlad goboleedka Galmudug.

Qisaasta ayaa raggan maanta lagula fuliyay degmada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

Horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidaan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay askar dilal u geystay dad shacab ahaa iyo kuwa kale oo dhexdooda is rasaaseeyay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale muddooyinkii dambe kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horay u ridday, taasi oo aad loo dhaweeyay.

Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira askar kale oo dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.

Villa Somalia oo shaacisay xogta kulamo madaxweyne Xasan uu ka bilaabayo dalka…

0

Daaru-salaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Tansaaniya, ayaa halkaasi ka bilaabi doona kulamo muhiim ah.

Tansaaniya ayaa xarun u ah Dallada Bulshada Bariga Afrika ee dhawaan ay ku biirtay Soomaaliya, waxaana madaxweynaha uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa la yeelan doona shir ku saabsan xaaladda gobolka iyo danaha wada-jirka ah ee ay wadaagaan labada dal, taasi oo ay kamid tahay Dallada ay ku mideysan yihiin ee Bulshada Bariga Afrika, sida lagu shaaciyay qoraal ay soo saartay Villa Somalia.

Tansaaniya ay lagu xasuusta inay ka mid aheyd dalalka doorka wanaagsan ka qaatay aqbalaadda codsiga Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ayadu xubin buuxda ka noqotay Dallada Bulshada Bariga Afrika ee EAC.

Villa Somalia ayaa sidoo kale sheegtay in wafdiga madaxweynaha inta uu ku sugan yahay Daaru-salaam ay kulammo la qaadan doonaan madaxda dalkaas, iyagoo kala hadli doona xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa hordhigi doona madaxdaasi arrimo ay kamid yihiin dardar-gelinta xubinnimada Soomaaliya ee Dallada Geeska Afrika, iskaashiga arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

Puntland oo amartay in lasoo xiro odayaal taageeray DF kana soo horjeestay DENI

Boosaaso (Caasimada Online) – Qoraal ku mudeysnaa 21 April 2024, oo ka soo baxay maxkamadda derajada kowaad ee gobolka Bari ayaa lagu amarey taliyaha booliska gobolka Bari in uu soo qabto afar oday oo uu ku jiro Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Ibraahim Ugaas (Xarago).

Maxkamadda oo cuskaneysa codsi ka yimid xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale waaran u jartey odoyaasha kala ah: 

1- Axmed Maxamed Maxamuud
2- Axmed Xaaji Xasan Galaal
3- Maxamed Cabdiraxmaan Yuusuf.
 

Qodobada loo cuskadey ee lagu eedeeyey odoyaashan ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ayaa ah kicin bulsho iyo in ay ammaanka khatar ku yihiin. 

Odayaasha dhaqanka ee uu ku jiro nabadoon Xarago ayaa loo haystaa in ay afkooda ku taageereen Dowladda Federaalka ah shir lagu qabtey Boosaaso oo la soo geliyey baraha bulshada. 

Nabadoon Xarago ayaa dhawaan sheegay in aysan aqbalayn, in Puntland ay noqoto gooni-goosad, isagoo sheegay go’aanka uu qaatay madaxweyne Deni in uu yahay mid aan ka tarjumayn rabitaanka shacabka reer Puntland.

Waxaa sidoo kale lagu haystaa in ay ka soo horjeesteen go’aanka Puntland ee ah in ay aqoonsiga kala noqotay Dowladda federaalka ah. 

Sidoo kale, odayaashaan hay’adaha amnigu ay raadinayaan waxay  ka horyimaadeen heshiiska Puntland iyo Ethiopia. 

Puntland ayaa beegsanaysa cid kaste oo taageersan Dowladda Federaalka. Maalmo ka hor waxay mamnuucday in xaflad soo dhowayn ah loo qabto wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo kasoo jeeda Garoowe.

Daawo: Mudulood oo dacwo ka ah Garaad Jaamac oo ka “been abuurtay Habargidir”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqanka beelaha Mudulood oo shir jaraa’id qabtay ayaa eedeyn u jeediyey Garaadka Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac oo maalin ka hor sheegay in Habargidir ay uga soo dacwootay Abgaal.

Odayaasha hadlay waxay sheegeen in dhaqanka beelaha Madarkicis oo la isku dhaho Mudullood iyo Habargidir ay iska warsadeen arrintaas, isla markaana ay been noqotay in Habargidir ay ka dacwootay walaalahood.

Garaad Jaamac ayaa maalin ka hor sheegay in waxgaradka beesha Habargidir ay u soo dacwoodeen Garaad Jaamac, iyagoo ka cabanaya walaalahood Mudulood ama Abgaal, sida uu sheegay Garaadku.

Garaadka ayaa sheegay in Habargidir ay ka cabaneyso in Abgaal uu ka barakicinayo dhulkii ay ka deganaayeen Seybiyaano oo uu ka wado xerada Dabdamiska oo ciidanka booliska Soomaaliyeed uu dalbaday in laga guuro, balse markii dambe la hakiyey amarkaas.

Odayaasha u hadlay Mudullood waxay sheegeen inay raadiyeen oo la kulmeen walaalahood Habargidir, isla markaana ay weydiiyeen sababta ay ugu dacwoodeen beelaha Daarood, gaar ahaan Garaadka Dhulbahante, balse ay ogaadeen in hadalkii Garaadka uu ahaa been abuur ka dhan ah Habargidir.

“Garaad Jaamac waxaan ka rabnaa halka uu ku arkay Habargidir oo ka dacwooneysa walaalahood Mudulood, dhaqanka labada beelood waa is warsaday, mana jirto dacwada uu Garaadku sheegay,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii hadlay.

Dhaqanka Mudulood ayaa beelaha Dhulbahante u sheegay in warkii ka soo yeeray Garaadkooda uu gef ku ahaa beelaha walaalaha ah ee Mudulood iyo Habargidir, iyagoo ka dalbaday dhaqanka Dhulbahante inay gogol dhigaan oo arrintaas garowsho ka bixiyaan.

Odayaasha Mudulood ayaa muujiyey inay ka xumaadeen hadalkii Garaad Jaamac oo maalmihii lasoo dhaafay aad loogu faafiyey baraha bulshada, dhulka Seybiyaano ee dabdemiska waxaa u soo baahatay hey’adda Booliska Soomaaliyeed.

Hadalkii Garaad Jaamac ayaa u ekaa in dhulkaas ay Abgaal ka barakicinayaan Habargidir, isagoo sheegay in Habargidir ay u soo dacwootay, isla markaana uu dhex dhexaadi doono labada beelood ee walaalaha ah sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hoos ka daawo odayaasha Mudulood

Mareykanka iyo 17 dal oo kale oo farriin culus u diray Xamaas (Aqriso bayaan)

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden iyo hoggaamiyayaasha illaa 17 dal oo kale oo caalamka ah ayaa ugu baaqay ururka Xamaas inay aqbalaan hindisaha xabbad-joojinta isla markaana ay sii daayaan la haystayaasha gacanta ugu jira.

Dalalkan soo saaray bayaanka ayaa muwaadiniin u dhalatay dalalkoodu ay ka mid yihiin dadka gacanta ugu jira ururka Xamaas.

Hindisaha xabbad-joojinta ee la soo bandhigay ayay ku jiraan, “Xabbad-joojin degdeg ah, oo wakhti dheer soconaysa, taas oo sahlaysa in gargaar bini’aadanimo oo dheeraad ah in la geeyo marinka Qaza, iyada oo horseedi karta in la soo afjaro guud ahaan colaadda jirta,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in dadka reer Qaza ay dib ugu laaban doonaan guryahooda, iyada oo loo diyaarinayo hoy iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin.

Dalalka bayaankan soo saaray ee Maraykanka ku wehelinayey waxaa ka mid ah dalalka Argentina, Austria, Brazil, Bularia, Canada, Colombia, Denmark, France, Germany, Hungary, Poland, Portugal, Romania, Serbia, Spain, Thailand iyo Ingiriiska.

Xamaas ayaa diiday hindisaha la soo jeediyey, sida uu sheegay sarkaal sare oo u hadlay maamulka Biden. Hase ahaatee wuxuu intaas ku daray inay weli jiraan dareeno ka imanaya dhinaca Xamaas oo sheegaya inay ka fekerayaan hindisahan.

Warbixino kala duwan ayaa sheegaya in Xamaas ay dalbanayso heshiis xabbad-joojineed oo dhamaystiran, in Israa’iil ay si dhamaystiran uga baxdo Gaza, in kor loo qaado gargaarka imanaya, iyo in dadka reer Gaza ay si dhamaystiran ugu laabtaan woqooyiga Gaza.

Xamaas ayaa ku eedaynaysa in Israa’iil ay ka hor-istaagayso in shacabku ay dib ugu laabtaan guryahooda.

Puntland oo shaacisay in ciidan badan ay dileen cabtoy iyo tallaabo ay qaadeyso

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa shaacisay in ciidankii u badnaa looga dilay dagaalka maandooriyaha ee maamulkaasi ay ka wadaan ciidanka Booliska Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland General Muumin Cabdi Shire oo hadal ka jeediyay kulanka bulshada iyo booliska oo lagu qabtay Garoowe ayaa sheegay in 70 ka tirsan ciidanka Puntland ay dileen kooxaha khamriga isticmaala.

”Labadii sano ee u dambeeyay 70 xubnood oo ka mid ah ciidanka ayaa waxaa dilay cabtoy,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska Puntland General Muumin Cabdi Shire.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu hadda maamulka ka shaqeynayo sidii kor loogu qaadi lahaa xuquuqaadka ciidanka, oo mararka qaar ku shaqeeya xaalado adag.

“Waxaan hadda ka shaqaynayna in aan wax ka beddelno mushaharaadka ciidanka,”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Taliyaha ciidanka booliska Puntland General Muumin Shire.

Booliska maamulka Puntland ayaa muddooyinkii dambe dib u habeyn iyo tayeyn lagu sameynayay, ayada oo sidoo kale hoggaanka jooga uu ka shaqeynayo sidii loogu dhameystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman ciidanka.

Kooxaha isticmaala maandooriyaha Khamriga ee ka ganacsadana ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya Garoowe, kuwaasi oo maamulka Puntland uu dagaal adag kula jiro, maadaama ay dhibaatada ku hayaan bulshada, qeybna ka yihiin falalka amni darro ee ka dhaca maamulkaasi.

Muqdisho oo u baahan is-beddel maamul oo deg deg ah afar arrin dartood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waa meesha laga qiimeeyo dowlad kasta oo fadhisa Villa Somalia. Amniga, dhaqaalaha, jaceylka bulshada iyo adeegyada dowladnimadaba waxay guud ahaan Soomaalida eegta magaalada Muqdisho.

Haddii aanay arrimahaasi hagaagsaneyn micnaheedu waa waxba uma hagaagsana dowladda dhexe.

Muqdisho waxaa maanta yaalla dhowr xaaladood oo amraya inuu isbeddel maamul yimaado, oo la helo duq magaalo oo arrimahaasi maareyn kara.

Dhacdooyinka ugubka ah ee waayahan ka curtay magaalada Muqdisho iyo jawaab la’aanta maamulka gobolka Banaadir waqti badan kuma lumineyno, laakiin afartaan arrimood ee soo socota ayaa dhamaanteen na fahamsiinaya in aanay caasimada hureyn isbeddel maamul.

1. Xiisadda dhulalka ee u dhaxeysa dowladda dhexe iyo danyarta caasimadda

Sabtidii Xamar waxay ku sigatay inay isku dhacaan booliska federaalka iyo dadka magaalada kadib markii uu booliska federaalka dalbaday in loo baneeyo dhul ay deganaan jirtay waaxda dab-demiska ee booliska dowladdii kacaanka.

Amarka booliska federaalka iyo tallaabadoodaba wax tallo ay kuma laheyn maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxa uu ahaa qofka laga rabay inuu qiimeeyo daruufta dadka meeshaas degan, la raadiyo deegaan, ka shaqeeyo inay xaaladdu si nabad ah ku dhamaato oo uu waqtina ka soo qaato booliska.

Laakiin duqa magaalada waxba kuma darsan arrintaasi, wuxuuna kasoo qaaday in dadka la eryanayo aanayba ku nooleyn magaalada uu ka taliyo, taas oo dhalisay in hoggaamiye ka taliya gobol kale inuu arrintaas xalkeeda galo.

Faddeexad weyn ayay taasi ku tahay maamulka gobolka Banaadir, dadka qaarse waxay leeyihiin faham darro maamul.

Weli arrimaha dhulalka waa taagan yihiin, waana taagnaayen labadii sano ee u dambeysay. Haddii aan la helin hoggaan munaasab ku ah caasimadda oo leh faham uu ku xalin karo mushkiladaha deegaan ee Muqdisho ka jira, dowladda kama bixi doonto sumcad darrada ka haysata dhulalka danta guud iyo barakicinta danyarta.

2. Xiriirka shacabka iyo dowladda dhexe

Iyada oo bisha soo aadan ay madaxweyne Xassan Sheekh u buuxsami doonto laba sano ayaa dhinaca kale waxaa si weyn usoo muuqaneysa inay dowladda naceyb kala kulmeyso bulshada caasimadda.

Waxaa ugu wacan maareyn xumada dhacdooyinka maalinlaha ah iyo dadka Muqdisho degan oo aan helin wax adeeg dowladeed ah oo ay ku qanacsan yihii. Haddii dowladda Xamar laga jecel yahay waxay leedahay sawir shacbiyadeed, balse haddii dadka caasimadda nacaan hoggaanka dowladda dhexe waa cadeynta shacbiyad la’aan.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku qasban yahay inuu helo hoggaan hagaajin kara xiriirka dowladdiisa iyo shacabka Muqdisho degan oo badbaadin kara burburka sumcadeed ee kusocda dowladdiisa.

3. Burburka dhaqaalaha

Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan dhaqaale xumo baahsan, waxaa istaagay iibkii dhulalka, waxaa yaraaday waxyaabaha la dhoofiyo iyo kuwa lasoo dajiyo, maciishada ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay, waxaana magaalada ku yaraatay lacagtii wareegi jirtay.

Dhaqaale xumo waa hal abuur xumo. Dadka barakaca ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa iyaguna sidii hore gurmad u helin. Majiro duq magaalo oo arrimahan saameyn kara maanta, maamulkuna wax fikrad ah kuma darsan sida wax looga qaban karo dhaqaale xumada ka taagan magaalada Muqdisho.

Dhaqaale xumada waxay dhashaa amni xumo, si taas looga badbaado wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh u baahan yahay inuu helo duq magaalo oo keeni kara aragti dhaqaale oo lagu badbaadin karo burburka shaqaale ee ay wajaheyso caasimadda.

4. Maqaamka caasimadda iyo metalaada siyaasadda

Labada sano ee soo aadan dalka wuxuu galaya marxalad doorasho. Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) mudadii uu xilkan hayay waa jiheyn waayay rabitaanka siyaasadeed ee dadka caasimadda.

Muqdisho intaan kadib siima ahaan karto maqaam la’aan iyo metalaad la’aan. Waxaana dowladda dhexe u haboon inay keenaan hoggaan qaadi kara aragtida dadka caasimadda, Soomaali weyn iyo labada Aqal ee baarlamaankana uga soo dhicin kara xaqooda.

Xogta baaritaan culus oo ku bilowday Mahathir Mohamad

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad oo ku dhowaad 100 sano jir ah, ayaa lagu billaabay baaritaan musuq-maasuq oo ay ku lug leeyihiin labadiisa wiil, waxaa sidaas maanta sheegay guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa ee dalka.

Guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa Malaysia (MACC) ayaa bishii Janaayo amray in wiilka curadka ah ee Mahathir, Mirzan Mahathir uu caddeeyo dhammaan hantidiisa gudaha iyo dibadda dalka, taasi oo qayb ka ah baaritaan la xiriira soo shaac-bixidii warqadaha sirta ah ee loo yaqaan Panama Papers.

Madaxa MACC, Azam Baki ayaa maanta oo Khamiis ah weriyayaasha ugu sheegay gobolka waqooyi bari ee Kelantan in Mahathir sidoo kale la baarayo.

“Waxaan rabaa inaan xaqiijiyo in isaga (Mahatir) uu ka mid yahay dadka la baarayo. Tani waxay daba socotaa baaritaan lagu sameeyay wiilashiisa,” ayuu ku yiri hadal laga baahiyey teleefishinka.

“Labada wiil waxaa la siiyay ogeysiis ah inay caddeeyaan hantidooda,” ayuu raaciyey isaga oo diiday inuu bixiyo faah-faahin.

Qof kaaliye u ah Mahathir ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin “in aan weli la soo saarin ogeysiis rasmi ah oo ka dhan ah Mahathir oo lagu wargelinayo ra’iisal wasaarihii hore wax baaritaan ah”.

Mahathir, oo 98 jir ah, waa nin ay siyaasad ahaan xafiiltamaan, aadna u dhaleeceeya Ra’iisul Wasaare Anwar Ibrahim, oo xukunka qabtay 2022-kii isagoo wacad ku maray inuu meesha ka saari doono musuq-maasuqa heerka sare ah.

Guddiga MACC ayaa sheegay inuu bishii August 2022 baaritaan ku billaabay “hay’ado lala xiriiriyey ama lagu xusay” Waraaqaha Pandora iyo Panama, kuwaas oo kashifay canshuur bixin ka dhuumashada maalqabeenada iyo dadka awoodda leh ee caalamka oo dhan.

Bishii Febraayo, MACC waxay dacwad ku soo oogeen wasiirkii hore ee maaliyadda Daim Zainuddin iyo xaaskiisa sababo la xiriira inay ku guuldareysteen inay shaaciyaan hantidooda. Daim waa saaxiib aad ugu dhow Mahathir.

Xog: Ra’iisul wasaare Xamza oo markii ugu horreysay tegaya KENYA + Ujeedka

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa in bisha soo socota uu booqasho rasmi ah ku tego dalka Kenya, taas oo noqoneyso tii ugu horreysay oo uu ku tegayo dalkaas, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya bishii June ee sanadkii 2022-kii.

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Korir SingOei oo hadal siiyay warbaahinta ayaa xaqiijiyay safarka ra’iisul wasaare Xamza oo la kulmi doono madaxda waddankaasi.

Korir SingOei ayaa sidoo kale la kulmay xubno ka socday xafiiska ra’iisul wasaaraha oo ay ka wada-hadlaan qorshaha safarkaas iyo xiriirka labada dowladood ee dariska ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ujeedka uu yahay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo kor loo qaado xasiloonida labada dal iyo guud ahaan gobolka.

“Kenya iyo Soomaaliya waa deris wanaagsan, waxayna sii wadaan ka wada shaqaynta xoojinta xasiloonida labada dal iyo gobolka si loo helo barwaaqada wadajirka ah ee dadkeenna. Waxaan ka wada hadalnay booqasho rasmi ah oo uu dhawaan ku imaan doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.” Ayuu yiri Korir SingOei.

Warrarka ayaa intaasi ku daraya in safarka Xamza uu ku saabsan yahay dib u eegis lagu sameynayo iskaashiga labada waddan oo ay ka mid yihiin amniga iyo difaaca wadajirka ah.

Waxaa sidoo kale qiimeyn lagu saameyn doonaa arrimaha duulimaadyada, ganacsiga, maalgashiga, kobcinta tayada adeegga bulshada iyo tacliinta sare ee labada dowladood.

Booqashadan ayaa sidoo kale lagu aadiyay, xilli Kenya ay haatan qorsheyneyso inay heshiis cusub oo la xiriira qaadka la gasho dowladda federaalka, si kor loogu qaado ganacsiga.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh oo booqashooyin kala duwan ugu bixiyay magaalada Nairobi ayaa heshiis kala duwan lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Kenya, William Ruto.

Taliyaha NISA oo gaaray AADAN YABAAL + Ujeedka

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta gaaray jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si diiraan loogu soo dhaweeyay.

Sanbaloolshe ayaa waxaa booqashadan ku wehlinaya guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Xooga dalka, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen dadka deegaanka.

Ujeedka taliyeyaasha NISA ayaa ah sidii ay u kormeeri lahaayeen xeryaha ciidamada, una ogaan lahaayeen xaaladda iyo dhaq-dhaqaaqyada ka jira halkaasi.

Sidoo kale waxa ay ku bixi doonaan xiisad u dhexeyo laba beelood oo walaalo ah oo ka taagan deegaano dhaca xadka kala qaybiya gobollada Hiiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sanbaloolshe iyo saraaliisha la socota ayaa sidoo kale la kulmo doono waxgaradka deegaanka, si ay xog wareystaan xaaladaha ka jiraa halkaasi.

Aadan Yabaal ayaa kamid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kadib wajigii koowaad ee dagaalka Al-Shabaab ee ka dhacay HirShabelle.

Weli waxaa degmadan iyo agagaarkeeda difaac uga jira ciidanka deegaanka iyo kuwa dowladda oo howlgallo culus ka wada xadka u dhexeeya labada gobol.

Si kastaba, safarka Sanbaloolshe ee Aadan Yabaal ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay ee uu uga baxay Muqdisho, tan iyo markii dhowaan loo magacaabay Taliyaha Hay’adda NISA.

Sawirro: Golaha Wasiirada Somalia oo soo saaray go’aan culus oo lagu mamnuucay…

Nairobi (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre kaas oo looga hadlay arrimo dhowr au.

Ugu horreyn shirka ayaa waxaa laga soo saaray go’aan culus oo hay’adaha dowladda looga mamnuucay inay shirar ku qabtaan dalka dibaddiisa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay shirka.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa faray Hey’adaha Dowladda in aan lagu qaban karin meel ka baxsan dalka shirarka u dhexeeya heerarka kala duwan ee hey’adaha dowladda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Intaas kadib golaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda goballada dalka, waxa ay dhageysteen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisinta, waxana ay tilmaamtay in dalka ay ka di’i karaan roobab daad iyo fatahaado wata, kuwaas oo sameyn ku yeelan kara nolosha dadka iyo duunyada.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee deggan jiinka Wabiyada, meelaha godan, dooxooyinka iyo goob kasta oo ka dhalan karaan fatahaad in ay ka fogaadaan.

Ugu dambeyn Shirka Golaha ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, warbixinno ku saabsan howlgalladii ugu danbeeyey iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Inta badab shirarka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa lagu qabtaa dalka dibaddiisa, waxaana ku baxa qarashaad fara badan oo ay ka faa’idayaal dalalka lagu qabanayo.

Si kastaba, lama oga sidan uu ku dhaqangeli karo go’aankan, maadaama ay horay dowladdu usoo saartay go’aanno lagu joojinayo shirarka loo aado dibadda, haddana laguma guuleysan.

Falcelin xoogan oo ka dhalatay tallaabadii uu xalay qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabadii ay xalay qaaday Villa Soomaaliya, kadib markii ay war culus kasoo saartay xiriirka haatan kala dhexeeya dowlad goboleedyada dalka, kaas oo aad u hooseeyay maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray qoraalkan oo uu uga ‘dhab-hadlayo’ xiriirka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada dalka, ayaa farta ku goday Puntland, isagoo sheegay in tan iyo markii uu xafiiska yimid u uku howlanaa sidii ay wadashaqeyn ula yeelan laheyd dowladda federaalka, balse aysan weli suurtagelin, isagoo balan-qaaday in dadaalo kale u uku bixin doono dhameynta mad-madowga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland.

“Waxaan si gaar ah  hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada, si gaar ahna Dowladda Puntland, si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalka in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland, si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo” ayaa lagu yiri bayaanka culus ee kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Haddaba sidee looga falceliyay hadalka kasoo yeeray Villa Soomaaliya?

Maxamed Maxamuud oo kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa yiri “Dowladnimada inay hirgasho waxaa ka dhiman in Axmed Madoobe meesha la dhaafiyo Garoowena la hoos keeno dowladda federaalka si walba waa soo dhawaynaa in la xoojiyo xariirla labada heer”.

Cabdiraxmaan Harrage oo isna kamid ah dadka ka falceliyay arrintan ayaa ku jawaabay “Caawa maxaa khaldamay miyuu Odayga is dhiibi rabaa?

Cabdullaahi Xasan “Amarkaaga wuxu shaqaynayaa, marka aad ciidan qaran oo xoogan dhisatid”.

Maxamed Khadar “Madaxweyne horey u soco, Maamul Gobaleedyadu qaarna Abiy ha hoostaagan qaarna Habar International community la dhaho intaas waxaan ahayn uma socdaan”.

Maandeeq Axmed “Guuleyso madaxweyne qofkii amarkaada diido ha iska baxo dhulkaan adaa madaxweyne ka ah”

Bashiir Saciid “Madaxweyne waxaa tahay madaxwaynihii ugu horreeyay ee dimuqraadi ah ee dalkaan burburkii kaddib wax badan ka qabtay”.

Xuseen Jaamac “Muxu yahay nuxurka qoraalkaan hada? Ma dacwa? Ma waa lakala shakiyaybaa? Ma raali galinbaa? Bal cidii fahantay inoo sheega ujeedka qoraalkaam dheer?”

Ku dhawaad 100 ka tirsanaa Al-Shabab oo la dilay maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsafaxaadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faah-faahiyay howlgal culus oo maanta ka dhacay duleedka degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kaas oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah.

Howlgal oo lagu beegsaday saddex goobood oo ku yaalla deegaanka Tabar-mooge oo waqooyi kaga beegan degmadaasi, halkaas oo ay isku uruursanayeen xoogaga Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu laayay in ka badan 70 ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, laguna dhaawacay 30 kale oo kamid ah kooxda.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Muqdisho, 25 April, 2024: In ka badan 70 Khawaarij ah ayaa lagu dilay ilaa 30 kalana waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyay hawdka deegaanka Tabar-mooge oo qiyaastii 28-km Waqooyi kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Maleeshiyaadka halaagsamay waxaa lagu beegsaday saddex barood oo ku yaala deegaankaas, xogta la helay ayaa sheegeysa in ay isku aruursanayeen ilaa 150-Khawaarij ah, kuwaas oo isugu jiray maleeshiyaad ka soo firxaday hawlgalkii shalay ka dhacay deegaanka Carfuuda iyo maleeshiyaad kale oo la soo aruuriyay.

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa wali ku raad-jooga Kontomeeyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku dayay in ay dhulka hawdka ah ku baxsadaan, iyada oo sidoo kale Khawaarijtu daryeel u la’dahay maleeshiyaadka dhaawacyada daran ay ka soo gaareen hawlgalka maanta.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka iyo Geesiyaasha Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ugu jabiyay Khawaarijta hawlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah wadanka, waxaana ka go’an dowladda in la sii xoojiyo bartilmaameedsiga Khawaarijta ilaa dadkeenu xor ka noqonayaan cadowga ku soo duulay.

-Dhammaad-