Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa xalay ka qabsoomtay munaasabad heer sare ah oo lagu maamusay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ku guuleystay Billadda Qalinka ah ee tartanka orodka 5000 mitir ee ciyaaraha guud ee Qaramada Afrika.
Madaxweynaha Xasan Sheekh oo dhiiri-galinaya Orodyahan Cabdullaahi Jaamac ayaa sidoo kale ku maamuusay Billadda ugu sarreysa ciyaaraha dalka oo uu ku mutay guusha taariikhiga ah ee uu usoo hooyay dalkiisa.
Madaxweynaha ayaa uu ku ammaanay Orodyahanka sida kartida, wadaniyadda iyo kalsoonida leh ee uu fagaarayaasha caalamiga ah ugu matalay dalkiisa, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay.
“Cabdullaahi Jaamac waxa uu ka mid yahay Xiddigaha usoo iftiimaya Qaranka. Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in Cabdullaahi gaari doono hiigsigiisa waqti dhow si la mid ah halyeey Cabdi Bile Cabdi, waxa ayna dowladdiisu ku abaalmarindoontaa wax kasta oo ay awooddo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale waxa uu madaxweynaha ugu baaqay ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan dhiiri-galinta iyo taageerada halyeey Cabdullaahi Jaamac Maxamed, si mustaqbalka dhow uu guulo ka sarreeya middan ugu soo hooyo Qaranka.
Orodyahan Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa guul taariikhi ah usoo hooyay Soomaaliya, isagoo kaalinta labaad ku guuleystay billadda qalinka ah tartanka orodka 5000M ee ciyaaraha guud ee Qaramada Afrika, oo lagu qabtay dalka Ghana.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay mudnaan siinayso horumarinta ciyaaraha, ayna dhisayso kaabayaasha isboortiga, si dhallinyaradu u helaan tababbarro iyo fursado heer caalami ah oo ay asaaggood kula tartamaan una soo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah iyo kartidooda.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ee gobolka Banaadir ayaa xalay soo xiray Hanad C/raxmaan Maxamed oo loo yaqaano (Waa Gariiray), kaas oo kamid ah dhalinyarada isticmaala baraha bulshada.
Qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in Hanad Waa Gariiray ay soo xireen ciidanka, iyaga oo gudanayo waajibaadkooda ilaalinta sharciga.
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhiga Boliiska Hodan oo gudanaya waajibaadka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray Hanad C/raxmaan Maxamed(Waa Gariiray)” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska.
Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu baraha bulshada ku faafin jiray muuqaallo anshax darro ah, isla markaana sidaas loo soo xiray, si tallaabo looga qaado.
“Waxaana loo xiray in Bilihii Lasoo dhaafay uu Bulshada ku baahineyay muuqaalo anshax xumo ah oo uu aad ugu baahinayay baraha bulshada” ayaa lasii raaciyay.
Booliska wuxuu intaasi kusii daray in eedeysanaha lala aadi doono dhanka sharciga, isla markaana ay ka hortegi doonaan cid kasta oo dhibaato ku ah dhaqanka bulshada.
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxay ka qaadidoonaa tilaabo sharciga waafaqsan cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa suuban ee Bulshada” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay taliska booliska.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Hadii aad lakulanto wax lidi ku ah Amaanka Guud ama mid shaqsi ah la soo xariir Xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed 991,”.
Waa Gariiray ayaa horay baraha bulshada, gaar ahaan Tiktok ugu baahiyay muuqaallo uu xiran yahay dharka dumarka iyo isaga oo sameynayo waxyaabo kale oo anshax darro ah, taas oo ay dad badan dhibsadeen waxayna soo dadajisay inay soo xiraan ciidanka Booliska.
Horay sidaan oo kale booliska ayaa usoo xiray dad caan ka ah baraha bulshada, waxaana ugu dambeeyay lamaanaha Cabaas iyo Faa’iso iyo gabar kale oo lagu magacaabo Bishaaro Balaayo oo iyaguna lagu eedeeyay inay sameeyeen anshax xumo, balse la sii daayay.
Abwaanka ayaa la waayey dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay, balse waxaa lasoo wariyay inuu tegay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo ay gacanta ku hayso Al-Shabaab, uuna kuu biiray kooxdaas, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo ninkaasi dhalinyarada ah.
Sheekada ku saabsan Abwaan Maxamuud Jeesto inuu aaday dhulka Al-Shabaab ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta oo aad u hadal hayo arrintaasi.
Waxaa horay ninkan inta uu joogay Muqdisho u xiray hay’adda NISA, kadib tuhuno soo galay isaga oo loo haystay markaas inuu baraha bulshada ka taageeray kooxda Al-Shabaab, balse waxaa lagu sii daayay damiin, isaga oo ugu dambeyn aaday dhanka Jilib.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowlada Soomaaliya oo ku aadan warka ku saabsan ku biirista Abwaan Jeesto ee Shabaab.
Nageeye ayaa inta uusan ku biirin Al-Shabaab ahaa Abwaan caan ka ah gayiga Soomaalida, sidoo kale na Macallin ka ahaa Jaamacadda Ummadda, taas oo dad badan la yaab ku noqotay.
Dhowr jeer ayay hor ayay dhacday in rag kasoo jeeda gobolada waqooyi ama Somaliland ay isku dhiibeen kooxda Al-Shabaab, waxaana Abawaan Nageeye iyo Abwaan Maxamuud Jeesto kasii horreeyay Sheekh Aadan Sunne, Cabbdiwaaxid Cali Gamaadiid iyo rag kale.
Muqdisho (Caasimada Online) – Aabe Cabdicasiis Maxamed oo dhalay marxuumad Luul oo uu horay u gubay Seygeeda Sayid-Cali Macallin ayaa ka hadlay sida ay ku bilaabatay dhageysiga kiiskan oo ay shalay gudaha gashay Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir.
Aabe Cabdicasiis oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in maxkamadda uu goobjoog ahaa, lana dhageystay labada dhinac xeer ilaalinta iyo qareennada difaacaya Sayid-Cali.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in mar kale lagu balamay inay sii socoto maxkamadda, iyagana ay weli sugayaan cadaaladda gabadhooda.
“Maxkamaddii Rafcaanka maanta labada dhinacba way wada-hadleen xeer ilaaliyihii iyo abuukaatayaalkii kale ee uu u doodaayay eedeysane Sayid-Cali, kolley waxaa la yiri muddo kale ayaa la qabanaa marka cadaaladda ayaa weli sugeynaa” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis.
Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday waxa iska beddelay go’aankiisa, isaga oo sheegay in aani jirin wax isbeddel ah oo ay sugayaan kaliya in la qisaaso eedeysanaha.
“Lacag ma rabo, diyo ma rabno qiasaas ayaan rabnaa” ayuu mar kale ku celiyay Aabe Cabdicasiis Maxamed.
Dhankiisa waxaa warbaahinta u warramay Abuukaate Cali Xalane oo u doodaya Sayid-Cali, wuxuuna sheegay in Rafcaan qaadashadooda ay si wanaagsan usoo bandhigeen.
“Rafcaan qaadashadeennii waa soo gudbinay si xaraka leh ayaan usoo gudbinay, waxaana rajeyneynaa in go’aankaas codsiga ah aan soo gudbinay ay Maxkamadda naga aqabali doonto, kadibna ay go’aan kasoo saari doonto” ayuu isna yiri Abuukaate Cali Xalane.
Qudhiiisa Sayid-Cali oo lagu wareystay Maxkamadda ayaa ka hadlay sababta uu usoo qaatay Rafcaanka, isaga oo ku oodday inuu dhibane yahay, uuna dilin xaaskiisa.
“Sababta aan rafcaanka usoo qaatay mudane guddoomiye ayaa waxa ay tahay in anoo dhibane ah la’igu sheegay nin dilaa ah, waana layga been abuurtay” ayuu ku dooday.
Bil kahor maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sayid-Cali, kadib markii ay caddeysay in lagu helay dilka xaaskiisii.
Kiiska Sayid-Cali waa kii ugu adkaa ee maxkamadaha gobolka Banaadir la horkeenay waayahaan, waxaana isha lagu wada hayaa halka uu ku dambey doono.
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Gobena Hola oo ah odeydhaqmeedkii safarka ku tagay Somaliland bilowgii sanadkaan ee yiri erayadii caanka noqday ee “Lafti Nagaa”, ayaa waxa uu sheegay in geerida wiilkiisa oo ka tirsanaa jabhadda OLA ee Oromada uu ka ogaaday baraha bulshada.
Todobaad ka hor ayaa wiilka uu dhalay odey dhaqmeedkaan oo ka tirsanaa Jabhadda, ayaa maamulka goblka Oromadu waxay sheegeen in ay talaabo ka qaadeen “ka dib markii uu bilaabay in uu beegsado dad shacab ah”.
Kadib markii uu soo shaac baxay warkaas ayaa waxaa aad hadal hayn u dhaliyay dhimashada wiilka odey dhaqmeedkaan oo ah odey laga haybeysto oo meeqaam sare ka jooga nidaamka dhaqanka ee Oromada.
Odeygaan oo lagu magacaabo Gobena Hola iyo Midowga Odeyayaasha Dhaqanka ee Oromada ayaa waxay u sheegeen BBC da, in geerida wiilkooda oo lagu magacaabi jiray Fole Gobena ay ka maqleen dad isla dhexmaraya baraha bulshada.
Warka ka soo baxay maamulka horaantii bishaan ayaa waxaa lagu yiri “Waxaa talaaba laga qaaday wiilka uu dhalay oday dhaqmeed Gobena Hola, kaas oo laynayay caruur Oromo ah.”
Sidoo kale warka maamulka ayaa waxaa la sii raaciyay: “Wiilka Gobena Hola, ee lagu magacaabo Fole Gobena waxa uu u socday in uu waxyeelo gaarsiiyo nolosha dad shacab ah oo ku sugan aagga xuduuda ee Bariga RC Zone, waxaana talaabo ka qaaday ciidamada ammaanka.”
Odey dhaqmeedka dhalay wiilka ayaa xaqiijin dhimashada wiilkiisa, balse waxa uu qiray in wiilkiisu uu xubin ka ahaa urur Xoreynta Oromia ee dawladdu ay ugu yeerto Shene.
“Waan ogahay in uu xubin ka yahay ururka Ciidamada Xoreynta Oromia , balse ma jiro wax xiriir ah oo naga dhexeeya. Meel uu jooga xitaa ma aqaano.
Aagga Galbeedka RC ee Oromia warka uu soo saaray ayaa lagu sheegay in wiilka odey dhaqmeedka uu dilal ka sameynayay degmooyin kala duwan oo ku yaalla aagga.
Odey dhaqmeedka ayaa waxa uu sheegay in marka laga soo tago warka sheegaya in wiilkiisii la dilay uusan wax war ah ka hayn eedeymaha ay dawladdu u jeedisay.
“Waxaan ahay aabaha dhalay wiilka, been ma sheegayo; Wax xiriirka ah oo aan lalahaa wiilkeyga ma jiro. Taleefan xitaa iskama aanan wici jirin. Waaba markii ugu horeysay ee aan sawirkiisa arkayo muddo lix sano ah oo aan kala maqnayn.”
Sida uu sheegay aabihiisa wiilka la dilay ee ka tirsanaa jabhadda Ciidamada Xoreynta Oromia ee OLA ayaa guriga ka tagay isaga oo 26 jir ah.
Aabihiis ayaa waxa uu sheegay in maadmaada wiilkiisu uu ka tirsanaa jabhadaan hubeysan ay ciidamada ammanaku si joogto ah u soo weerari jireen gurigiisa.
Bil ka hor odey dhaqmeedkaan ayaa wuxuu sheegay mar gurigiisa la weeraray iyada oo aan ciidamada haysan ruqsad maxkamadeed in la qaatay hub uu aabihiis ka dhaxlay, dhacdadaasina ay ragagax u geysatay qoyskiisa oo dhan.
Odey dhaqmeed Gobena ayaa wuxuu xilka kala wareegay odeygii hore ee xilkaan u hayn jiray tuulada Tulema muddo shan sano ka hor. Waxa uu noqday xilligaa ska dib mid ka mid ah odeyaasha dhaqanka ee ugu sareeya ee dadka Oromada ah.
Xilkaan odey dhaqmeednimada ayaa waxa uu Tulema u hayn doonaa ilaa iyo sanadka 2027 da. Intaas wixii ka horeeya xilka waa uu hayn doonaa.
Goboka Oromada ayaa ka mid ah gobolada ay ku sugan yihiin ciidamada hubeysan ee hawlgalladoodu joogtada yihiin, waxaana ugu xoogan urur Ciidamada Xoreynta Oromia ee uu xubinta ka ahaa wiilka uu dhalay odey dhaqmeedku.
Ururka Ciidamada Xoreynta Oromia oo ka hawlgala qaybo kala duwan oo ka tirsan gobolka Oromada ayaa dawladda Itoobiya waxay u aqoonsan tahay in uu yahay urur argagixiso iyada oo ku magacawday ‘Shene’, marar badan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay weerareen dad rayid ah.
Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in casuumadda shirka ay timid kadib markii madaxweynaha uu ka war helay caro sii kordheysa oo ka dhex jirta madax goboleedyada, taasi oo isaga ku wajahan.
Madaxweyne Xasan ayaa waxaa horey khilaaf uu ugala dhaxeeyey madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Hase yeeshee, waxaa hadda soo baxday in xubno kale laga yaabo inay ku biiraan xeendaabkiisa.
Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka caraysan in madaxweynaha uu ka baxay heshiisyo ay horey u wada-galeen.
Arrintan ayaa si gaar ah ula xiriirta tallaabooyinkii u dambeeyay ee Villa Somalia u qaaday dhanka dastuurka, gaar ahaan isbeddelka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay qodobbadii ay isaga iyo maamullada ku heshiiyeen bishii May 2023.
Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka maqan tahay Puntland ayaa ku heshiiyay bishii May 2023 inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo la mideeyo doorashooyinka labada heer dowladeed.
Waxay sidoo kale isku racaeen in nidaamka xukunka ee dalka uu noqdo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, in guddiga doorashada uu noqdo 15 xubnood oo ay min laba xubnood ka timaado 5-ta maamul goboleed, 5-ta kalena ay ka timaado dowladda dhexe iyo Benaadir, iyo in xisbiyada dalka noqdaan laba xisbi.
Madaxda maamul goboleedyada arrintaan dhowr jeer oo ay mucaaradka kala hadleen waa difaaceen, oo waa ku adkeysteen waxayna la safteen doonista madaxweyne Xasan Sheekh.
Si kastaba qaar badan oo kamid ah qodobaddii ay ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo afartaasi maamul goboleed ayay Villa Somalia ka baxday dhowr maalmood kahor ansixinta afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka.
Waxyaabaha la beddelay ayaa kala ah;
Haykalka dowladnimada
Maamullada iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay isku ogaayeen in haykalka dowladnimada uu noqdo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen. Laakiin iyada oo aan talo loogu laaban ayuu Xasan Sheekh iska tuuray qodobkaas, wuxuuna ku beddeshay ra’iisul wasaare uu isagu eryi karo.
Tirada xisbiyada
Maamullada waxay heshiiska hore ku galeen laba xisbi oo dalka uu yeelanayo laakiin talo la’aantooda waxaa laga dhigay saddex xisbi.
Guddiga doorashooyinka ee labada heer dowladeed
Maamullada waxay kula heshiiyeen madaxweyne Xasan Sheekh guddi doorasho oo 15 xubnood ah oo qabanaya dhamaan doorashooyinka dalka, oo maamul goboleedyada xaq u leeyihiin soo magacaabista min laba xubnood.
Laakiin hadda waxaa laga dhigay 18 xubnood iyaga oo wax talo ah la siinin, waxaana dhamaan soo magacaabaysa xukuumadda federaalka ah.
Madaxda maamullada oo loogu yeero hoggaamiyeyaal
Midda afaraadna waa in madaxda maamullada loogu yeero hoggaamiyeyaal oo laga tiro dastuurka inay madaxweyneyaal yihiin. Iyadana cidna talo lagama weydiin.
Madaxweyne goboleedyada oo ka caraysan afartaas qodob ayaa la sheegay inay dalbadeen shirka uu hadda iclaamiyey madaxweynaha.
Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynaha uu muddo toddobaadyo ah ka cago jiidayey shirkan, balse uu hadda aqbalay kadib markii ay madax goboleedyada ku hanjabeen inay soo saarayaan war-murtiyeed wadajir ah oo ka dhan ah wax ka beddelka dastuurka.
Waxaa xusid mudan in madax goboleedyada, marka laga reebo Saciid Deni aysan wax falcelin ah, taageere ama mucaaradid, ka sameyn wax ka beddelka dastuurka, ayna u dhigtaan illaa ay ka wada-hadlayaan madaxweynaha.
Halkaan waxaa kasoo socda culeys, mana cadda sida madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ugu diyaarsan yihiin inay la dhigtaan haddii ay afartaan maamul goboleed isku dayaan inay ka horyimaadan.
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa mar kale soo rogaal celiyay kooxaha ciyaal weerada ee dhibaatada ku haaya shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir, kuwaas oo bilaabay falal ay ku qalqal-gelinayaan amniga, kuna dhibaateynayaan shacabka.
Wararka ayaa sheegaya in kooxahan ay dib uga soo cusboonaadeen xaafadaha qaar, waxayna bilaabeyn weeraro ay ku qaadaan dadka rayidka ah.
Falkii ugu dambeeyay oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayay ciyaal weeradu xalay ka gaysteen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqijiyeen dadka deegaanka.
Weerar ay qaadeen ciyaal weerada ayaa waxaa lagu beegsaday shacab ku sugnaa waaxda 5-aad ee Kaxda, gaar ahaan halka loo yaqaano Albiri, waxayna gaysteen dil iyo dhaawac.
Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay weerarkaas oo ay toorey u adeegsadeen ciyaal weeradu, waxaana ku dhaawacmay mid kale, sida aanu kasoo xiganay ilo wareedyo xilkas ah.
Dib usoo laabashada ciyaal weerada ayaa ah xaalad kale oo soo korortay, isla markaana dhibaato ku ah reer Muqdisho, waxaase laga war sugayaan tallaabada xigta ee dowladda.
Xarardheere (Caasimada Online) – Waxaa maanta lasoo bandhigay xogta ceel ay xabaalo ka dhigteen kooxda Al-Shabaab, kadib markii dhawaan lagu laayey dagaal ka dhacay duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Dhowr ceel biyood oo dadka reer Miyiga ah iyo xoolahooda ay cabi jireen oo lagu magacaabo Ceel-deegaan ayuu ka dhacay dagaalkaas, waxaana lagu laayey oo jabka ugu culus lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.
Ceel-deegaan maalinkaas waxaa ka dhacay dagaal la isku riiqmay oo ciidamada Gorgor ee xoogga dalka iyo dadka shacabka ah ee hubka qaatay ay ku gacan sareeyeen, balse gabalka ayaa dhacay, iyadoo xasuuuq ba’an uu ku socdo kooxda.
Al-Shabaab waxay dejiyeen kaarto cusub oo jabkooda ay ku qari karaan, waxayna ceelashii la cabi jiray ku gureen meydkooda, qiyaastii 300 oo dagaalame ayaa la sheegay in maalinkaas looga dilay dagaalka.
Dagaalkaas wuxuu socday ku dhawaad labo maalmood, balse maalinkii 3-aad waxaa laga war-helay in Shabaab wixii ka haray ay isaga carareen goobta dagaalka, iyagoo habeenimo meydadkoodii ku guray ceelashii biyaha laga cabi jiray ee Ceel-deegaan oo hoos taga degmada Xarardheere.
Khawaarijtii lagu jebiyey dagaalkaas wuxuu hadafkoodu ahaa inay qabsadaan Xarardheere, balse waxaa ka raacay halaag aysan filaneyn, waxaana halkaas looga dilay horjoogayaal uu ku jiray ninkii ugu sareeyey howlgalka ay qorsheeyeen inay ku qabsadaan Xarardheere iyo maleeshiyaad tiro beel ah.
Urka meydadkii Shabaab-ka ayaa looga kala cararay deegaanka iyo ceelashii biyaha, waxayna dadkii iyo xoolihii halkaas ka cabi jiray hadda u arooraan degmada Xarardheere, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Dagaalkaas waxay ciidamada xoogga dalka ku muteysteen dalacsiin iyo in madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu tago furimaha dagaalka, halka ciidanka xaq u dirirka deegaanka uu siiyey lacag ay qoysaskooda ku ciidsiiyaan, maadaama xiligaas lagu jiray maalmihii ugu dambeeyey bishii Ramadaan.
Wasiirka ayaa uga warbixiyay Kaaliyaha horumarka baaxadda leh ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen, difaaca iyo dib u xoreynta dalka.
Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga ayaa qiray in ciidamada qaranka ay guulahaas gaareen iyagoo garab ka helaya taageerayaasha caalamiga ah.
Wasiirka oo ka mahadceliyay taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sharaxay dadaallada socda ee lagu kobcinayo awoodda Ciidamada Xoogga dalka.
Si gaar ah waaiir Jaamac ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey hanaanka maareynta saadka iyo tallaabooyinka howlgalada culus ee lagu cirbtirayo kooxaha argagixisada ah ee caqabadda ku ah xasilloonida dalka, tan Gobolka iyo guud ahaan caalamka.
Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojin doonto howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, isla markaana uu socdo diyaar garow culus.
Maadaama uu socdo diyaar garow dagaal, wasiirka ayaa dalbaday inay lagama maarmaan tahay in la kordhiyo Taageerada Saadka ee loo baahanyahay, taas oo gacan weyn ka gesyan doonta in waqti fudud Soomaaliya looga ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah.
Ankara (Caasiamda Online) – Wasiirrada arrimaha dibadda ee dowladaha Masar iyo Turkiga ayaa ku shiray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadibna waxay ka wadahadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha xasaasiga ah ee wadamada Soomaaliya, Suudaan iyo Libya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry oo uu weheliyo dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo faahfaahiyey waxyaabihii ay ku heshiiyeen, kuwaas oo qeyb ay ka aheyd sidii labada dalka ay door ugu yeelan lahaayeen xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
“Waxaan go’aansanay inaan kordhino la tashiyada iyo dadaallada aan ku bixinayno arrintan, sidoo kale waxaan si wadajir ah uga wada hadalnay dhibaatada cusub ee ka soo cusboonaatay Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan mida khatar ku ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.
Wasiirka arriamaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in ka go’antahay ilaalinta madaxbananida dhuleeda ee Soomaaliya, sidaas si lamid ahna ay ugu go’antahay dhiggiisa Shoukry oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar, “Waxaan is weydaarsanay tallaabooyinka la qaadi karo, si looga hortago in khilaafka siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika uu isu beddelo colaad,” ayuu yiri Fidan.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay ka wada shaqaynayaan sidii xal waara loogu heli lahaa qalalaasaha Suudaan, “Waxaan xoojineynaa kulamada iyo booqashooyinka labada dhinac ee Masar iyo Turkiga, si aan u horumarino xiriirka iyo wadashaqeynta,” ayuu yiri.
Turkiga iyo Masar ayaa ka wada shaqeynaya sidii xal waara loogu heli lahaa colaada sokeeye ee ka qaraxday dalka Suudaan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga.
Fidan ayaa sheegay in arrimaha Liibiya, Suudaan, Soomaaliya, iyo Itoobiya ay yihiin meelaha muhiimka ah ee iskaashiga Ankara iyo Qaahira, isagoo intaas ku dartay in labada wasiir arrimo dibadeed ay doonayaan inay si joogto ah uga hadlaan arrimahaan.
Wadahadalkooda waqtiga ugu badan waxay ku dejiyeen qorshihii lagu joojin lahaa dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan, saameynta uu gobolka ku yeelan karo, hannaanka wada xaajoodka ee socda, iyo qorsheyaasha xal loogu raadinayo, si loo soo celiyo nabadii luntay ee Sudan.
Dad Soomaali ah, oo Yurub qaxooti ku ah, oo degan guryo dowladdeed oo ay dowlad ajinabi ah ka bixiso kiro, koranto, caafimaad iyo cunto ayaa waxey internet-ka la fadhiyan dad danyar ah, oo sidooda oo kale aan kiro awooddin, iney dhahaan xoog halooga saaro meesha ay ku hoydaan.
Dadkaas maxay dareemi lahaayeen hadii muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta dalalka ay qaxootiga ku yihiin ay dhihi lahaayeen dadkan ajinabiga ah guryaha xoog halooga saaro, kabka cuntadana halaga jaro. Dabcan xaalad xun ayaad gali laheydeen kadibna muuqaalo baroor iyo baryo ah ayaad soo duubi laheydeen.
Marka nus boos ay Dowlad hanti-wadaag ah markii horaba shacabka xoog uga qaadatay in maanta la yiraahdo danyartu kuma noolan karan sax ma’ahan.
Isla Dowladda falkaas ku kaceysa canshuur ayey ka rabta bil walba, isla dadkaas ay barakicineyso, hadii ay Bajaaj wataan iyo hadii ay Yaanyo iibiyan-ba.
Dadka ka hadlaya arrinta Dab-Damiska iyo guud ahaan dhulalka kale ee danyartu degantahay waxaan ugu baaqi lahaa iney is weydiiyan sidii ay jeclaan lahaayeen in loola dhaqmo hadii ay ka mid ahaan lahaayeen dadkaas danyarta ah ee guryahaas degan ee aan kirana awoodin.
Dowladdu dhulal badan oo bannaan ayey wali heli kartaa, oo shaqo Dowladdeed lagu qaban karo hadii aanan loo socon hadaf kale.
Sidoo kale isla dadkan ayey Dowladdu deegaameyn uga sameyn karta meel kale, madaama ay masuuliyadda koowaad ee dowladnimadu tahay u adeeggida shacabka. Laakiin xoog, xabad iyo cagaf ma’ahan luuqad uu adeegsan karo hoggaamiye suuban oo la doortay.
Dowladnimadu daruuftii jirtay uga sii dar ma’ahan.
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay bayaan kasoo baxay dalalka ugu hodansan caalamka ee la isku yiraahdo G7, kaasi oo ku aadanaa xiisadda ka dhalatay is-afgaradkii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya.
Somaliland ayaa ka carootay in loogu yeero “gobol ka tirsan Soomaaliya,” sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.
“Xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland si xoog leh uga cadhaysan yihiin luuqada uu xambaarsanaa warmurtiyeedkii ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee G7, kaasi oo Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Somaliland.
Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madax-bannaan oo leh shuruucdiisa iyo dastuurkiisa, kaasi oo lagu meelmariyay afti dadweyne oo si dimuqraadi ah u dhacday.”
Bayaanka ay ka gubatay Somaliland ayaa waxa si wada-jir ah u soo saaray Wasiirada Arrimaha Dibedda dalalka G7 ee Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Mareykanka, waxayna ugu baaqeen Soomaaliya iyo Itoobiya “inay furaan dhammaan marinada wada-hadalka si looga hortago in xiisadda ay kasii darto.”
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay iyadna ku gacan sayrtay baaqa kasoo baxay dalalka ugu hodansan caalamka ee la isku yiraahdo G7, iyada oo meesha ka saartay wada-hadal ay la gasho Itoobiya.
Hoos ka aqriso qoraalka Somaliland uga jawaabta bayaanka dalalka G7;
Markaba horeba waxa xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland si xoog leh uga cadhaysan yihiin luuqada uu xambaarsanaa warmurtiyeedkii ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee G7, kaasi oo Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay “inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.”
Waa dacaadnimo darro iyo wax aan laga aqbali karin dawladaha G7 oo si wanaagsan uga warqaba taariikhda midowgii labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya inuu ahaa mid aan sharciyad ku sallaysnayn oo uu meesha ka baxay markii ay burburtay dawladdii Soomaaliya.
In lagu tilmaamo “Somaliland gobol ka mid ah Soomaaliya” iyo in magacyo la iska abuurto,la iskuna dayo in la tirtiro taariikhddu ma beddeli karto xaqiiqda iyo waaqiga dhabta ah.”
Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madax-bannaan oo leh shuruucdiisa iyo dastuurkiisa, kaasi oo lagu meel-mariyay afti dadweyne oo si dimuqraadi ah u dhacday.
Waana wax lagu dawakho in la arko dalalka G7 oo sheegta inay fulinayaan dimuqraadiyaddu ay go’aansadaan inay dayacaan xaqiiqada dimuqraadiyadda dhabta ah iyo deganaanshaha Somaliland.
Qarannimada Somaliland waa lama taabtaan aan laga gorgortami karin, waxana xukuumadda Somaliland ay si adag u diidan tahay iskuday kasta oo lagu wiiqayo himilooyinka iyo rabitaanka nabdoon ee shacbigeeda.
Ugu dambeyn waxaan xaqiijineyna dalalka G7 inay la socdaan gardarooyinka isa soo taraya ee Soomaaliya iyo iskudayga hoggaankeedu wadaa ay dib u soo istaadhi karto colaadii hore u dhex taalay Somaliland iyo Soomaaliya iyo mid cusub oo ay ka abuurto mandaqada dawladda taagta daran ee Muqdisho.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Wafdigan oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka urur-goboleedka EAC ayaa waxaa xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnahan uga mahad-celiyey dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan ururkan doorkii ay ka qaateen ansixinta xubinnimada Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in deg-deg loo dhammaystiro arrimaha farsamo ee xaqiijiniya la fal-galka Soomaaliya ee suuqa Bariga Afrika.
“Waxaan ku boorrinayaa xubnaha Urur Goboleedka EAC in ay sii wadaan taageerada dadaallada la isku waafajinayo siyaasadaha iyo xeerarka, si loo abuuro jawi ganacsi oo ku habboon maalgashadeyaasha iyo ganacsatada. Waa in ay sii wadaan xoojinta iskaashiga ku aaddan amniga gobolka iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Mudane Xamza ayaa soo bandhigay waxtarka Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada urur-goboleedka Bariga Afrika iyo fursadaha dalalka ku mideysan suuqan ay ka dhaxlayaan xubinnimada Soomaaliya, maadaama aan nahay waddan hodon ah oo ay ceegaagaan khayraad dabiici ah, dadkiisuna ay ku tilmaaman yihiin firfircooni iyo hal-abuur.
Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhowaad afar billood kadib waxay si rasmi ah oo buuxda xubin uga noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).
Ku biirista rasmiga ah ee EAC ayaa imaneysa kadib markii ay Soomaaliya soo dhameystirtay dhamaan shuruudihii looga baahna. Soomaaliya ayaa noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, kadib muddo ay dowladda dadaal xooggan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon laheyd EAC.
Saraakiishan ayaa dalka dibadiisa u aadaya aqoon kororsi ku aadan sara u qaadida xirfadaha booliska, ayada oo maanta Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin uu xaflad sagootin ah ugu sameeyayay xarunta taliska.
Saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa u kala baxaya Yurub, Afrika iyo Aasiya waxa ayna ku soo baranayaan xirfadaha kala duwan ee la xiriira booliska.
Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin oo la hadlay saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan xirfadaha wadamada ay u ambabaxayaan, sidoo kalana uga faa’iideeyaan xirfadaha ay yaqaanaan.
“Waa in aad ka soo faa’iideysataan aqoonta la idin soo siinayo, taasi oo la rabo in aad uga faa’iideysaan saaxiibadiina kale,” ayuu sidoo kale yiri Taliye Sulub Axmed Firin.
Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib usoo kabasho weyn oo dhanka ciidamada ah, waxaana sanadihii u dambeeyay xoogga la saaray dib u dhiska ciidamada kala duwan ee dalka.
Si kastaba, Ciidamada Soomaaliya ayaa xilligaan ku jira dagaal ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo banaanka heerka awoodeed ee ciidankeenna, waxayna dowladda Xasan Sheekh qorsheynaysa in gulufkan kooxda looga xoreeyo guud ahaan dalka.
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto madaxweyne ku soo saaray cayimaadda muddada qabsoomidda doorashooyinka, kadib xal laga gaaray khilaafka doorashooyinka Somaliland.
Shalay ayey aheyd markii guddiga doorashooyinka Somaliland ay ku dhawaaqeen xilliga la qabanayo doorashada guud ee maamulka, taasi oo ay muddo dheer isku hayeen xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi.
Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo midda xisbiyada ayaa deegaannada Somaliland waxay ka dhici doonta 13- bisha Novermber ee sanadkan aynu ku jirno ee 2024-ka.
Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa ku tartami doono kaliya musharixiinta saddex xisbi ee kala aha Wadani, Kulmiye iyo Ucid, halka doorashada tooska ah ee axsaabta ka qayb-geli doonaan saddexda xisbi iyo 10-ka urur siyaasadeed ee loo diiwaan-geliyay doorashada.
Hoos ka aqriso wareegtada madaxweynaha
Xeer Madaxweyne Lr. 24/042024
Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;
In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo mar kale hadal siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay dood ka dhalatay weerar afka ah oo uu dhowaan ku qaaday Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis.
Wasiirka oo ka hadlayay xiisadda siyaasadeed ee kala dhexeyso dowladda dhexe ayaa ku eedeeyay labada Sheekh inay la safteen xukuumadda Muqdisho, sida uu horay u shaaciyay.
Arrinta dooda dhalisay ayaa ah in Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis ay ‘ku taliyeen’ in lagu duulo Puntland, taas oo uu dib ka beeniyay Sheekh Umal oo mar kale soo hadlay.
“Sheekha waa ka raali gelinayaa arintaa in aanu oran Puntland halugu duulo waa caalim soomaaliyeed waa shiikheenii waa shiikh Soomaaliyeed laakiinse qowlkiisa qadiimka ah ha ku bedelo qowl jadiida” ayuu yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland.
Boosaaso (Caasimada Online) – Kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay dagaallo ay bishii Ramadaan ay Al-Shabaab kula gashay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.
Daacish ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahannadeeda ay weeraro culus ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, ayna ka dileen in ka badan illaa 50 xubnood.
Qoraal lagu shaaciyay majaladda caalamiga ah ee Al-Naba ee ka faaloota howlgallada Daacish, ayaa lagu sheegay in hwolgalkaas lagu jabiyay Al-Shabaab.
Sidoo kale majaladda ayaa qortay in kooxda Daacish ay la wareegtay deegaannada lagu dagaalamay oo ku yaalla buuraleyda Cal Miskaad ee gobolka Bari ee Puntland.
Waxaa kale warsaxaafadeedkan lagu sheegay in Al-Shabaab hub iyo rasaas looga soo furtay weerarkaas ee ay guusha ka sheegatay kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya.
“Ciidamo ka tirsan kuwa khaliifada ayaa ku sugan mid ka mid ah goobaha ay maamulayeen maleyshiyaadka Shabaab, halkaas oo ay wadaan ololaha ka dhanka ah maleeshiyaatka Murtadiinta ah ee Shabaab.” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay kooxda Daacish.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan ee ay Daacish sheegtay inay ku gaarsiisay khasaare culus, hubna ay uga soo furatay.
Al-Shabaab iyo Daacish ayaa marar badan ku dagaalamay deegaannada ay sida qarsoodiga ah ku joogaan ee buuraleyda gobolka Bari ee Puntland, Soomaaliya.
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay fulinta is-afagaradkii ay la gashay Somaliland, islamarkaana carada dowladda federaalka ee arrintan ku aadan ay tahay wax aan dhaafsiisneyn dib u dhaca ku-meel gaar ah.
Hadalkan ayaa waxaa sheegay Abdulaziz Ahmed Adem, oo ah la-taliyaha sare ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISS), sidoo kalena la-taliye u ah Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
Waxa uu hadalkan ka jeediyey shir ku saabsanaa amniga gobolka Geeska Afrika oo uu soo abaabulay Machadka Arrimaha Dibedda, kaasi oo ka dhacay Skylight Hotel Addis-Ababa, 19-kii April.
Abdulaziz ayaa ku dooday in helitaanka Itoobiya ee marin badeed ay sahli karto kobaca wadajirka ah ee Itoobiya, iyo Soomaaliya oo leh xeeb dhererkeedu dhan yahay 3,000 oo kilomitir.
Abdulaziz waxa uu ku tilmaamay diidmada Muqdisho ee heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland inay tahay “dib u dhac,” isagoo ku macneeyey isku day ay dowladda federaalka ku weecineyso caqabadaha siyaasadeed ee ka haysta gudaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto heshiiska, oo qeyb ka ah sida ay uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka.
“Itoobiya waxay soo dhawaynaysaa dadka ka socda dhammaan dalalka deriska ah, gaar ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri. “Waa u muhiim labada waddanba inay u midoobaan kooxaha argagixisada loo aqoonsaday sida Al-Shabaab, Daacish iyo kuwa dadka tahriibiya. Haddii aan si wadajir ah u shaqeyno, waan horumari karnaa oo aan ka gudbi karnaa caqabadaha, intii aan ka hortagi lahayn heshiis aan la joojin karin,” ayuu yiri Abdulaziz.
Waxa uu ugu baaqay dalalka gobolka inay ahmiyadda siiyaan iskaashiga iyo barwaaqada, wuxuuna dib u xaqiijiyey in Itoobiya ay ka go’an tahay nabadda iyo wada-shaqeynta dalalka deriska la ah.
Abdulaziiz waxa uu xusay kaalmaynta milatari ee Itoobiya ay ka geysatay dadaallada nabad ilaalinta ee Suudaan iyo Soomaaliya.
Wuxuu ka digay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay inay halis ku keeni karto Itoobiya iyo sidoo kale gobolka oo dhan.
“Ciidankeenu wuxuu Soomaaliya u sameeyey naf-hurnimo la taaban karo, haddii ay ahaan lahayd xudduudaheeda iyo nabadda. Waxaa naga go’an inaan horumarino xiriir nabadeed oo aan la yeelanno deriska, waxaana diyaar u nahay inaan sameyno dadaallo dheeraad ah oo ku aaddan yoolkan. Waa lama huraan in iyaga iyo kuwa kaleba ay ogaadaan sida aan ugu heellan nahay arrimahan,” ayuu yiri.
Heshiiska is-afgaradka, oo ay Janaayo 1, 2024 kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa dhaliyay dood weyn oo heer gobol iyo mid caalami ah.
Abiy Axmed ayaa horay u carrabka ugu adkeeyay in Itoobiya ay muhiim u tahay inay hesho marin badeed, arrintaas oo sii xoojisay xiisadda ka taagan Geeska Afrika.
Soddon sano ayaa laga joogaa markuu marxuum Cabdiramaan Axmed Cali (Tuur) yimid Muqdisho kuna baaqay in hab federaal uu yahay kan Soomaaliya dib loogu soo dhisi karo burburkii dowladdii dhexe kaddib. Tuur wuxuu la dhashay marxuum Maxamuud Axmed Cali oo ahaa aabbaha waxbarashada Soomaalida gaar ahaan gobollada Waqooyi. Xilligaas suurtaggal ma ahayn in hab federaal uu Soomaaliya uga hirgalo hab Waqooyi iyo Koofur waayo Muqdisho laba qeyb ayay u kala qeybsanayd; Cabdiraxmaan Tuur wuxuu la jiray Jeneraal Caydiid. Hadalkisii waxaa lagu tilmaamaay inuu colaad ka aloosay waqooyiga gaar ahaan beelihii taageeri jiray ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (Somali National Movement).
Mowqifka midnimada Soomaaliya ee Cabdiraxmaan Tuur wuxuu ku qotomay aqoonta uu u lahaa xiriirka caalamiga ah. Isagu muu la dhacsanayn go’aankii degdegga ahaa lagaga dhawaaqay Burco Maajo 18, 1991, kaasoo lagu shaaciyay in Waqooyiga Soomaaliya uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale. Wuu ogaa in go’aankaas kala goynta Soomaaliya aan la isku raacsanayn, uu xitaa ka hor imanayayay dastuurkii ururka SNM oo si cad u taageerayay midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib isaguna si la mid sidaas ayuu midnimada u aamminsanaa. Wuxuu aqoon u lahaa siyaasadda Geeska Afrika. Wuxuu qoray buug ku saabsan Soomaali Galbeed, oo uu ku soo bandhigay xogo aan hore loogu adeegsanin qoraallo taariikheed, ku saabsan sida had iyo jeer Xabashidu uga dadaadili jirtay in la tirtiro jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.
Qaalib iyo Tuur waxay u soo taagnaayeen xilli Xayle Salaase doonayay in Waqooyiga Soomaaliya lagu biiriyo Itoobiya. Tuur danjire ayuu ahaa; Qaalib madax sirdoon dowladdii rayidka ayuu noqday; xilligii dowladdii kacaanka taliyaha ciidanka booliska iyo wasiirkii horumarinta miyiga ayuu soo noqday. Wargeysyadii ka soo bixi jiray Hargeysa kontomaadkii qarnigii 20aad ayaa gaashaanka u duruuray himiladii gurracnayd ee Xayle Salaase. Indheergaradka siyaasadeed ee Hargeysa xilligaas waxay lahaayeen garasho siyaasadeed oo aad u sarreysa kaddib markii Ingriisku ku ballan-furay beelihii Soomaaliyeed uu heshiiska ilaalinta la saxiixday. Ingiriisku wuxuu dhul Soomaalidu ku nooshahay 1954kii si sharcidarro ah ugu wareejiyay Xabashida (Imbradooriyaddii Itoobiya), oo waxaa laga qoray buugag sida The Betrayal of Somalis iyo The Somali Dispute.
Waxyaabaha Tuur iyo Qaalib ogaayeen waxaa ka mid ah in qarannimadu tahay tiir adag oo ilaaliya xuquuqda shucuubta. Tan labaad taageerada ay u muujiyeen qarannimada iyo midnimada Soomaaliyed waxay ku salaysanayd taageerista xaqa qofka Soomaaliyeed u leeyahay dhowrista naftiisa iyo hantidiisa iyo inuu dalkiisa hooyo meeshuu doono kaga noolaan karo. Intaas haddii la waayo ma jirayso qarannimo Soomaaliyeed oo laga hadlayo: haddii qof sheegto inuu magaalo qof kale oo Soomaaliyeed kaga awood-badan yahay, wuxuu doono samayn karo oo aan lala xisaabtami karin, fursadaha dhaqaalaha ka hor istaagi karo qof kale, maleeshiyo beeleed ugu awood-sheegan karo qof kale oo Soomaali ah xaaladdu kama duwana gumeysigii oo kabo loo tolay (Soomaalida ayaa ku maahmaahda waa kudkii oo kabo loo tolay markay arkaan wax ka sii daran wax kale).
Soddon sano kaddib Soomaalidu waxay isa su’aalaysaa sababaha weli isu awood-sheegasho maleeshiyo beeled iyo ciidamo dhinac-ka-raran ay weli halis ugu yihiin xuquuqda qofka Soomaaliyeed. Ma siyaasiyiita Soomaaliyeed ayaa sidan ku heshiiyay mise aamusnaantooda ayaa mas’uul ka ah in sooyaalkii qabqablayaasha aan weli xiddida loo siibin? 2024 sidii 1994 Waqooyiga Soomaaliya waxaa ka taagan colaado u loogi kara dhulka Soomaaliyeed cadaw muddo u hanqal-taagayay. Marxuum Tuur iyo Marxuum Qaalib way ogaayeen in haybta siyaasadeed ee Soomaalida (the Somali political identity) aan la hoosgeyn karin hayb beeleed. Qaranka Soomaaliyeed ilaalintiisa naf iyo maal baa loo huray. Wax hunguri la siisan karo ma aha.
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in xalay dhacdo argagax leh ay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, taas oo ay dadka deegaanka si wayn uga argagaxeen.
Dhacdada ayaa timid, kadib markii wiil kamid ah dadka deegaanka uu si arxan darro ah u dilay walaalkiis ka yar, taas oo ka dhacday xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sharmaake Muuse Saxanjadiid, halka eedeysanaha dilka gaystay isna lagu magacaabo Cabdisalaan Muuse Saxanjadiid.
Labada nin ayaa ahaa walaalo, isku hooyo iyo isku aabe ah, waxaana soo kala dhex-galay muran sababay gacan ka hadal, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in eedeysanaha uu canaanayay marxuumka, kadibna uu soo qaatay bir, taas oo sababtay geerida Sharmaarke.
“Dilka ma ahayn ula kac, canaan ayuu ka dhashay, canaantii ayaa fogaatay kadibna birta wax lagu qodo ayuu afka jug uga siiyay, gudaha ayayna u gashay, sidaas ayuu ku dhintay marxuumka” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la wareystay.
Laamaha ammaanka magaalada Beledweyne ayaa haatan wada baaris dheeraad ah oo ku aadan falkaasi iyo soo qabashada eedeysanaha, si sharciga loo horgeeyo.
Dilkan argagaxa leh ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dhacdooyinka la yaabka leh ee asbuucyadii lasoo dhaafay ka dhacayay qaybo badan oo kamid ah dalka, waxaana u dambeysay shalay oo hooyo ka xanuunsan dhimirka ay laba carrruur ah oo ay dhashay ku gowracday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.