26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Wararki ugu danbeeyay ee Gaza iyo Daanta Galbeed

Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 9 qof oo 6 ka mid ah ay carruur ahaayeen lagu dilay duqeyn ay ciidamada Israel ku bartilmaameedsadeen guri ku yaalla degmada Rafah ee Marinka Gaza.

Duqeyntan oo qeyb ka ah weerarka ay Israil ku heyso magaalada go’doonsan ee Gaza muddo 7 bilood ah, ayay saraakiisha caafimaadka isbitaalka al-Najjar sheegeen, in dadka dhintay ay ku jireen Abdilfatah Subxi Ridwan iyo xaaskiisa Najla Axmed Cuweydah iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen iyo abtigood.

Wararka kale ee naga soo gaaray dhulka la heysto Daanta Galbeed ayaa sheegaya, in Sabtidi shalay ay ciidamada Isra’il dileen ilaa 14 Falastiiniyiin ah, kaddib marki ay weerareen kaamka Nur Shams.

Ciidamada Israil ayaa saacadihii hore ee jimcaha billaabay duullaan ballaaran oo ay ku qaadeen aagga Nur Shams, oo u dhow magaalada Tulkarm ee Falastiiniyiinta, waxaana ilaa xalay la maqlayay rasaas ay is weydaarsanayeen ciidanka Israil iyo dagaalyahanno hubeysan oo Falastiiniyiin ah.

Guutada Dulkaram oo ay ku mideysanyihiin kooxo dhowr ah oo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in ciidankooda ay rasaas is weydaarsadeen ciidamada Isra’il shalay.

Eeriyada iska hor imaadyadu ka dhaceen ee Nur Shams ayaa hooy u ah qaxooti Falastiiniyiin ah oo halkaasi daganaa tan iyo dagaalki 1948-di, markaas oo aheyd xilligi la abuuray Dowladda Israil.

Daanta Galbeed oo qariirad ah u qaabeysan sida killida oo kale, ayaa ku fadhiya dhul dherirkiisu dhan yahay 100 km iyo 50 km oo ballac ah, waana xuddunta colaadda Isra’il iyo Falastiin tan iyo marki ay Isra’il halkaasi xoog kula wareegtay dagaalki Bariga Dhexe ee sannadki 1967.

Eeriyada iska hor imaadyadu ka dhaceen ee Nur Shams ayaa hooy u ah qaxooti Falastiiniyiin ah oo halkaasi daganaa tan iyo dagaalki 1948-di, markaas oo aheyd xilligi la abuuray Dowladda Israil.

Daanta Galbeed oo qariirad ah u qaabeysan sida killida oo kale, ayaa ku fadhiya dhul dherirkiisu dhan yahay 100 km iyo 50 km oo ballac ah, waana xuddunta colaadda Isra’il iyo Falastiin tan iyo marki ay Isra’il halkaasi xoog kula wareegtay dagaalki Bariga Dhexe ee sannadki 1967.

Türkiye eyes deep-sea oil drilling off Somalia coast in 2025

Mogadishu (Caasimada Online) – Türkiye hopes to conduct a deep-sea oil drilling operation off the Somali coast in 2025, the country’s energy minister said on Friday.

This development comes shortly after the two nations agreed to extend their cooperation by signing an oil and natural gas cooperation deal last month.

This development marks a significant milestone in strengthening ties between Türkiye and Somalia, which have been bolstered by a defense deal signed earlier this year.

Türkiye and Somalia signed a deal on offshore oil and natural gas cooperation earlier in March, further solidifying their bilateral relations.

“With this agreement, we will carry out joint activities to bring Somalia’s resources to the Somali people. We aim to strengthen Türkiye’s presence in the Horn of Africa with new collaborations in the energy field,” Energy and Natural Resources Minister Alparslan Bayraktar said on social media platform X, formerly known as Twitter.

The deal is part of a broader effort to strengthen economic and defense ties between the two nations.

In February, Türkiye signed a defense and economic cooperation agreement with Somalia, including maritime security support provisions to help the African country defend its territorial waters.

Türkiye has also invested heavily in Somalia’s education, infrastructure, and health sectors and provided extensive humanitarian aid.

Offshore oil and natural gas cooperation

The deal includes transportation, distribution, refining, sales, and services operations for oil and other products from land and sea projects.

“There is a place on the Somali seaside we consider may have oil reserves. We will start seismic work. We want to do deep sea drilling in 2025,” Bayraktar said in an interview on private broadcaster NTV.

The agreement marks a significant step forward in the region’s exploration and production of oil and natural gas resources.

Somalia has long been believed to have substantial oil reserves. However, exploration efforts have been hindered by political instability and security concerns.

“Oil and natural gas exploration offshore from Somalia, which looks more like oil for now, will start very soon in the areas we have identified. We will maybe send our seismic (exploration) vessel there in the first phase,” he said separately in a panel without elaborating.

Bayraktar’s comments suggest that Türkiye is keen to move forward with exploration efforts in the region and is confident in the potential for oil reserves off the Somali coast.

Türkiye’s energy agenda

In addition to the Somali project, Bayraktar evaluated Türkiye’s energy agenda, including oil production in the Gabar field in Şırnak province, which has recently exceeded 40,000 barrels of daily output.

“Turkish Petroleum was producing 33,000 barrels of oil at the beginning of 2016. Today, only Gabar has exceeded 40,000 barrels of daily production. We aim to elevate Gabar’s daily production to 100,000 barrels by the end of the year. Intensive work continues in this regard,” Bayraktar said.

Moreover, he highlighted the economic contribution of the oil field. He said that in today’s terms, once daily production reaches 100,000, it corresponds to $3 billion in value that stays within the country.

He also said they have a very ambitious exploration program for 2024, with plans to drill 140 wells throughout the year.

The development of the oil field in Gabar is significant for Türkiye’s energy security and economic growth. The project is expected to generate significant revenue for the country and create new jobs in the energy sector.

Türkiye’s ambitious exploration program for 2024 is also a testament to the country’s commitment to increasing its energy production and reducing its dependence on foreign oil.

The program includes plans to drill 140 wells throughout the year, which will help to increase Türkiye’s oil production and reduce its trade deficit.

Iraq-Türkiye pipeline

The minister also touched upon the shutdown of the Iraq-Türkiye oil pipeline, which is still stuck in limbo nearly a year after the halt of oil deliveries.

“The Iraq-Türkiye Pipeline is a reflection of our neighborly relationship with Iraq, dating back to the 1970s. It is an important project for the region and the world oil market … We always kept the section of the line within our borders in working order,” he said.

The Kirkuk-Ceyhan pipeline has been offline since March 2023, when Ankara halted flows following an arbitration ruling by the International Chamber of Commerce (ICC).

The ICC ordered Ankara to pay Baghdad damages of $1.5 billion over what it said were unauthorized exports by Iraq’s Kurdistan Regional Government (KRG) between 2014 and 2018.

Maxkamadda oo war cusub ka soo saartay kiiska Sayidcali ninkii xaaskiisa gubay

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa berri oo Axad ah bilaabeysa dhageysiga dacwad loo heysto Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Ninkaan ayaa lagu helay kiis ah inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dab uu sababtiisa lahaa.

Warqad ka soo baxday maxkamadda racfaanka gobolka ayaa Taliyaha booliska degmada Xamarweyne lagu faray in berri uu Sayidcali hor keeno maxkamadda.

Maxkamadda ayaa furmi doonta 9:00AM, waxaana sidoo kale taliyaha booliska degmada Xamarweyne laga dalbaday in maxkamadeynta kadib uu Sayidcali ku celiyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Bil ka hor maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sayidcali, kadib markii ay cadeysay in lagu helay dilka xaaskiisii.

Kiiska Sayidcali waa kii ugu adkaa ee maxkamadaha gobolka Banaadir la horkeenay waayahaan, waxaana isha lagu wada hayaa halka uu ku dambey doono.

Hoos ka eeg warqadda

Sawirro: Shabaab-kii ugu badnaa oo isku soo dhiibay dowladda + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 8-Xubnood oo ka soo goostay Khawaarijta ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kooxdaan ayaa isku soo dhiibtay ciidanka NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed.

Waxaa sii kordhaya xubnaha ka soo goosanaya argagixisada ee isku soo dhiibaya dowladda, xilli ay sii xoogeysanayaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee dalka ka socda.

Labadii todobaad ee ugu dambeysay 25 xubnood ayey gaartay tirada dhalinyarada ka soo hartay fikirka guracan ee Khawaarijta, kuwaas oo iska soo dhiibay deegaanada K/Galbeed.

Sidoo kale deegaanada Galmudug iyo Jubbaland ayey iska soo dhiibeen xubno badan oo muddo ka barbar dagaalamayey argagixisada, kadib markii ay u adkeysa waayeen nolosha adage e duurka ku heysata kooxda.

Horjooge Hanad oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa galabta isku soo dhiibay ciidanka xooga dalka ee ku sugan aagga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Ninkaas ayaa xiriir la soo sameeyey saraakiisha ciidanka, isagoo ku wargeliyey inuu ka soo baxsaday Al-Shabaab, isla markaana uu diyaar u yahay inuu isku dhiibo dowladda.

Hanad, ayaa sheegay in muddo ka badan 7 sano uu ka tirsan Khawaarijta, balse hadda uu adkeysan waayey nolosha sii xumaaneysa ee Khawaarijta ku heysata duurka fog oo ciidamada qaranka iyo shacabka xaq u dirirka ah ay ku baacsanayaan.

Inkastoo deegaanada qaar ay ka socdaan howlgallo culus, sida Jubbaland, hadana waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay bilowdaan dagaalo culus oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaami doono.

Xasan Sheekh ayaa mar kale u guuraya Dhuusamareeb, si dagaalka uu halkaas uga hoggaamiyo, loona soo afjaro Shabaab-ka jooga Galmudug, kooxda ayaa weli ku harsan deegaanada fog ee bariga Galmudug oo degmada Ceelbuur ay ugu weyn tahay.

Halis ku wajahan Somaliland oo laga digay – Maxay tahay?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan cabsi xoogan oo laga qabo roobab daadad wata oo ka da’ay deegaanada maamulkaasi.

Booliska Somaliland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda la saadaalinayo in roobabkaasi ka da’aan guud ahaan deegaanada Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in roobabkaasi ay gaysan karaan waxyeelooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bubur, maadaama ay wataan daadad xoogan

Farriintan oo wargelin ahaan loogu diray shacabka ayaa waxaa looga codsaday inay ka fogaadaan goobaha Dooxyada, Laagaha , Biraha laydhka  iyo guud ahaan meelaha  Biyo-mareenada ah.

“WARGELIN :- Sidaa la socotaan waxa la galay xilli roobaad , iyadoo la sadaalinaayo raxmad badan oo keeni kara waxyeellooyin laga taxadari karo ,  Haddaba Waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan goballada , degmooyinka iyo miyigaba ina ay ka fogaadaan goobaha Dooxyada , Laagaha , Biraha laydhka  iyo guud ahaan meelaha  Biyo-mareenada ah” ayaa lagu yiri farriinta.

Sidoo kale Somaliland ayaa fartay darawallada gaadiidleyda inay muujiyaan feejignaan, ayna yareeyaan xawaaraha ay ku socdaan.

“Waxaannu faraynaa wadayaasha Gaaddiidka ina ay taxadar badan muujiyaan xawaaraha gaaddiidkana dhimaan” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhuftaan roobabkan oo ay horay digniin uga soo sartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qarana ee SoDMA.

Kulan agaasimaha xiriirka dadweynaha baarlamanka Galmudug iyo bulshada rayidka

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Macruuf Xaaji, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ee Galmudug. Kulankan ayaa ahaa mid uu Mudane Macruuf ujeedkiisu ahaa inuu bulshada la wadaago warbixin ku saabsan shaqada wanaagsan ee baarlamaanka iyo in uu dhagaysto aragtiyadooda iyo talooyinkooda.

Mudane Macruuf ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay howlaha muhiimka ah ee baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug uu qabtay, kuwaas oo ay ka mid yihiin dejinta sharciyo cusub, kormeerka iyo dabagalka hay’adaha dawladda, iyo taageerada horumarinta adeegyada bulshada. Waxaa uu si gaar ah ugu nuuxnuuxsaday sida baarlamaanku uga go’an tahay in uu si hufan oo cadaalad ah u matalo danaha shacabka Galmudug.

Kulankan ayaa sidoo kale ahaa fursad uu Mudane Macruuf kaga dhagaystay bulshada rayidka cabashooyinkooda, fikradahooda, iyo talooyinkooda la xiriira sidii loo horumarin lahaa maamulka iyo adeegyada bulshada. Bulshada ayaa soo bandhigtay aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo is fahamka u dhexeeya hay’adaha dawladda iyo bulshada rayidka.

Kulankan ayaa muujinaya sida ay muhiimka u tahay in madaxda dowlad goboleedku ay xiriir dhow la yeeshaan bulshada, si loo xaqiijiyo in go’aamada iyo siyaasadaha la dejinayo ay ka turjumayaan baahiyaha dhabta ah ee dadka. Waxaa kale oo ay tani tahay tusaale wanaagsan oo muujinaya sida hufnaanta iyo isla xisaabtanka ay door muhiim ah ugu leeyihiin maamulka iyo maamul wanaagga.

Ugu dambeyn, kulanka Mudane Macruuf iyo bulshada rayidka ayaa lagu tilmaami karaa mid guul leh oo horseedi kara horumar iyo isfahan dheeraad ah oo dhexmara shacabka iyo madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xilliga Turkiga uu bilaabayo qodista shidaalka Soomaaliya oo shaaca laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xaashi Carabey oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan qodista shidaalka Soomaaliya oo ay heshiis dowladdu kula gashay dowladda Turkiga.

Carabey ayaa xaqiijiyay war kasoo baxay dowladda Turkiga oo ay ku sheegtay in labada dal ay isku raaceen in shidaal qodista la bilaabayo sanadka soo socda ee 2025.

Agaasimaha ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska shidaal ee ay gaareen Muqdisho iyo Ankara ay qayb ka tahay qodista shidaalka, balse ay ka horeyso baaris, kadibna ay ku xigto qodista oo la guda galayo sanadka soo socda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in magaalooyinka ugu horreeya ee laga bilaabayo ay noqon doono Baraawe iyo Hobyo oo ka kala tirsan Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

“Sax waaye, heshiiska ayay qeyb ka tahay. Waa inay baaraan kadibna ay sameeyaan shidaal qodista,waxaana laga bilaabaya xeebaha Baraawe iyo Hobyo” ayuu yiri Carabey.

Dhankiisa Wasiirka Tamarta dalka Turkiga oo lagu magacaabo  Alparslan Bayraktar ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu sanadka 2025-ka ay bilaabaneyso howsha qodista shidaalka.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso inay ka faa’ideysato khayraadka ee Alle ku maneystay, waxaana heshiis ay kula gashay dowladda Turkiga.

Horay Soomaaliya iyo Turkiga ayaa u galay heshiis difaac, kadib xadgudubkii Itoobiya ee madax bannaanida Soomaaliya, ee ka dhashay heshiiska badda ee Addis Ababa.

Maydka nin iyo xaaskiisii hore oo laga dhex helay gaari aan xabaddu karin + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mayadka laba qof oo kala ahaa nin iyo xaasikiisii hore ayaa maanta laga helay xero ku taalla agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho.

Labada marxuum ayaa lagu kala magacaabi jiray Abuukar Yuusuf Ibraahim iyo Xamdi Cabdulqaadir Cabdulle, sida ay xaqiijiyeen ehelladooda oo la hadlay warbaahinta.

Maydadka labadan qof oo la la’aa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa laga dhex helay gaari nooca aan xabadda karin oo yaallay xero gaadiid lagu xareeyo oo ku taallo halkaas.

Abuukar Yuusuf ayaa sidoo kale ahaa darawalka Maxamed Zubeer oo ahaa xoghayihii joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, mana cadda sababta keentay geerida labada qof.

Aabe Cabdulqaadir Cabdulle oo dhalay marxuumadda ayaa sheegay inuu saddex cisho kahor waayay gabadhiisa, haddana loo soo sheegay maydkeeda, wuxuuna tilmaamay in ninka ay isla geeriyoodeen uu ahaa saygeedii hore oo ay kala tageen laba sano kahor.

“Halkan waxaa ka dhacday gabarteeda oo dhimatay oo muddo saddex maalmood ah raadinayay ayaa la’ii soo sheegay, gabadha iyo wiilka mar hore ayay kala tageen laba sano kahor ayay kala maqan yihiin” ayuu yiri aabaha dhalay gabadha geeriyootay.

Sidoo kale wiil la dhashay marxuum Abuukar Yuusuf oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu hadda socdo baaritaan, ayna cadaalad ka dalbanayaan dowladda dhexe.

“Dhacdada ayaa naloo soo sheegay, waana imaanay hadda booliska iyo C.I.D ayaa imaaday baarista ayaana socota” ayuu isna yiri wiil la dhashay marxuumka.

Dhacddan ayaa qayb ka noqoneyso falal argagax leh oo muddooyinkan dambe ka dhacayay gudaha caasimada, waxaana u dmabeysay dilka laba carruur ah oo ay maanta hooyadood oo dhimirka ka xanuunsan ay ku gowracday gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Daawo: Shan qof oo maanta si argagax leh ugu dhintay MUQDISHO kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil naxtin leh oo maanta ka dhacay degmada Waabari ee gobolka Banaadir, kadib markii gaari xamuul oo bareeg goostay uu jiiray gawaari kale iyo mooto Bajaaj maraysay halkaasi.

Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay dhabarka dambe ee xerada ciidamada cirka ee Afisiyooni, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa shilkan ku dhintay ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna dhacdadan ku tilmaamay musiibo, maadaama maydadka qaarkood muddo laga soo hoos bixin waayay gaariga xamuulka ah ee shilka gaystay.

Waxaan la kulanay musiibadan waxaan arkay dad soo cararaayo iyo waxaan arkay dad meesha yaallo, kuwa meesha ayay ku jiraan” ayuu yiri goobjooge la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan laamaha ammaanka, gaar ahaan kuwa Taraafikada iyo maamulka degmada Waabari oo gurmad u sameeyay dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Shilkan waxaa ka horreeyay mid kale oo bishii Ramadaankii ka dhacay isgoyska Jubba, kaas oo ay ku dhinteen illaa 10 qof, kadib markii uu ku dul dhacay gaari xamuul ah oo sidan Kunteenar, kaas oo siday alaab xamuul ah.

Si kastaba, dhacdadan ayaa kusoo aaday xilli horay maamulka gobolka uu digniin uga soo saaray socodka gaadiidka xamuulka ah, walow markii dambe uu maamulka ka laabtay.

Go’aan cusub oo laga gaaray doorashada Somaliland iyo goorta ay dhaceyso (Daawo)

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhowaaqay goorta la qabanayo doorashada guud ee maamulkaasi, taas oo ay muddo dheer isku hayeen xisbiyada mucaaradka maamulkaas iyo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa shaaca ka qaadaty in doorashada, ku xigeenkiisa iyo midda xisbiyada ay dhaceyso 13- bisha Novermber ee sanadkan aynu ku jirno 2024-ka.

“Koomishanka doorashooyinka Somaliland wuxuu go’aansaday in doorashada madaxweynaha, ku xigeenka madaxweynaha iyo doorashada tooska ah ee axsaabta qaranka, labadaba la wada qabto 13 November ee 2024” ayuu yiri Muuse Xasan.

Doorashada madaxweeynaha iyo ku xigeenkiisa waxaa ku tartami doono kaliya musharixiinta saddex xisbi ee kala aha Wadani, Kulmiye iyo Ucid, sida uu sheegay guddoomiyuhu.

Sidoo kale waxaa doorashada tooska ah ee axsaabta ka qayb-gei doono saddex xisbi iyo 10-ka urur siyaasadeed ee loo diiwaan-geliyay doorashada.

Guddiga Koomishanku wuxuu dhinaca kale farriin guud u diray shacabka Somaliland oo uu ka dalbaday inay u diraa garoobaan doorashooyinkaasi oo ah kuwa xasaasi ah.

Waxaan fareynaa bulshada reer Somaliland inay u diyaar garoobaan doorashooyinkaas, waxaana rajeyneynaa in daneeyaasha ay ka qayb-geli doonaan doorashadaa” ayuu raaciyay.

Go’aanka kasoo baxay guddiga ayaa waxaa isla maanta loo gudbiyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, si ay xukuumada u dhaqan-geliso, loona aado doorasho.

Somaliland ayaa waxaa muddo dheer dood xoogan ay taagnayd doorashada taas oo marar badan dib u dhacday, balse waxaa hadda la qabayaa 13-ka Novermber ee sanadkan 2024.

Dowladda oo billowday la xisaabtanka hay’adaha amniga – Maxaa dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay shir gaar ah oo looga hadlayay ammaanka guud ee caasimada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, si looga hortegao falalka amnia darrida ah iyo weerarada Shabaab.

Shirkan waxaa isugu yimid dhammaan saraakiisha hay’adaha amniga iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlay daadajinta amniga caasimada dalka.

Saraakiisha goobjooga ahaa shirkan waxaa kamid ah Taliyaha NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha ciidanka Booliska, Sulub Axmed Firin, Taliyeyaaasha qaybaha Boliiska iyo Nabad sugida Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Saraakiisha fadhiyada madaxa banaan, Taliyeyaasha Qeybaha iyo kuwa saldhigayada Gobolka Banaadir.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay daadajinta amniga caasimada iyo sidoo kale nawaaxigeeda, si looga hortego khatar kasta oo amni.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday shirka isla xisaabtanka amniga caasimada, si xal loogu helo dhibaato kasta oo ka dhaca Muqdishol.

“Shir ay ka soo qeybgaleen Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Taliyaha NISA, Taliyaasha Boliiska iyo Nabad sugida Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Dagmooyinka Gobalka Banaadir, Saraakiisha fadhiyada madaxa banaan Taliyaasha Qeybaha Boliiska iyo Nabad sugida iyo Taliyaasha Saldhigayada Gobolka ayaa ka qabsoomay caasimada waxaana looga hadlay daadajinta amniga caasimada iyo nawaaxigeeda iyo sidii loo bilaabi lahaa isla xisaabtan dhab ah oo laxiriira amniga Guud ee Caasimada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu Khamiistii guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo isna looga hadlay amniga guud ee magaalada Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka ee dowladda ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojiyay amniga, taas oo suuragelisay in xasilooni wayn laga dareemayo caasimada dalka ee Muqdisho.

Xog: Sababta uu u baaqday shirkii XASAN SHEEKH iyo madax goboleedyada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Wadatashiga Qaran ee NCC oo lagu ballansanaa inuu maanta ka furmo Muqdisho ayaa arrimo farsamo awgeed u baaqday, sida uu xalay shaaciyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dib u dhaca shirkan uu sabab u yahay mad-madow iyo kala shaki ka dhex billowday qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyadii xiriirka dhow la lahaa dowladda Federaalka.

Arrintaan waxay ka dhigan tahay in markii ugu horeysay ay labo waddo kala qaadeen Villa Somalia iyo afartii dowlad goboleed ee raacsanaa, maadaama Puntland ay horay xiriirka ugu jartay Villa Somalia.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ay qorsheynayaan inay ka hor-yimaadaan isku dayga Villa Somalia ay ku dooneyso inay muddo kororsi hor leh ugu sameyso.

Shirkaan waxaa horay u iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna qorshuhu ahaa in maanta oo Sabti ah 20-ka Abriil uu Muqdisho ka furmo, balse taasi ma dhicin, lamana shaacin sababta rasmiga ah ee shirka loo baajiyey.

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shirkaas dib loo dhigay muddo kooban, iyadoo aan la shaacin waqtiga la isugu imaanayo.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in shirkaas uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh uu u baaqday arrimo farsamo, balse faahfaahin kale lagama bixin arrimahaas.

“Shirkaan oo muhiim u ah dardargelinta hormarka dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dhameystirka Dastuurka iyo artimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Daawo: Hooyo caruurteeda ku gowracday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kadib hooyo ay ku gowracday wiil iyo gabar ay dhashay, kuwaas oo maanta lagu aasay degmadaasi.

Carruurta ayaa da’ahaan kala ahaa 4 jir iyo 3 jir, sida ay sheegeen ehelllada iyo dadkii dariska la ahaa qoyska.

Hooyada falkan gaysatay ayaa la sheegay in qabtay xanuun dhanka dhimirka ah, ayna daawo u socotay, sida aanu kasoo xiganay ehellada.

Mid kamid dadka deegaanka oo la hadashay Shabelle Tv ayaa ka warbixisay sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegtay inay aad uga argagaxeen dhacdadaasi.

“Meeshaan waxaa ka dhacday qadar xanuun badan ilmo yaryar oo isla dhashay ayaa hooyadood gowracday gabdhadha waa xanuunsanayd” ayay tiri gabar kamid ah dariska.

Sidoo kale waxa ay siui raacisay “Uur ku taallo ayay nagu reebtay hooyo labadeeda canug gowracday wax-yar ma’ahan xalay ayay dhacday hal saac”

Dhankeeda Hooyo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay in haweeneydan ay horayu gubtay carruurta, isla markaana marka ay hadda bogsadeen ay gowracday

“Ilmahan bil kahir ayay gubtay marka Soonkii ayay soo raysteen 4 jir iyo 2 iyo 3 jir ayay kala ahaayeen” ayay iyaduna tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka.

Falkan xanuunka badan ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Muqdisho iyo baraha bulshada, maadaama uu yahay fal aad looga naxo.

Dilka carruurtan ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dhacdooyinka argagaxa leh ee asbuucyadii lasoo dhaafay ka dhacayay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Daawo: Maxaa iska bedelay go’aanka shacabka degan xaafadda Dab-damiska?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda xaafadda Dab-damiska ee degmada Wadajir ayaa maanta deggan, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagneyd xiisad u dhexeysay dadka deegaanka iyo Booliska oo doonayay inuu ka raro halkaasi.

Amarka kasoo dowladda ayaa ku ekaa maanta oo ah 20 April, si loo raro shacabka, balse dib ayaa loo dhigay illaa amar dambe, kadib dadaallo uu sameeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Kaariye (Qoor Qoor) oo ku baxayt xiisaddaas, si loo qabojiyo.

Qoor Qoor oo la hadlay shacabka ayaa sheegay in aan maanta la kici doonin dadka degan dhulka dabdamiska, isagoo sheegay inuu la hadlay Booliska iyo Masuuliyiinta wasaaradda Amniga XFS.

“Dhulka Dowladda ayaa leh,Dowladda dadka dagan baa leh, Madaxda qaranka iyo Booliska waan kala hadleynaa berrina arrinta waa la joojinaa, is dejiya, iskana soo xula guddi aad ku kalsoontihiin,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Xaaladda xaafadda Dab-damiska ayaa hadda ah mid deggan, waxaana si caadi ah noloshooda u watay shacabka deggan halkaasi, ayada oo meesha ay ka baxday xiisaddii la filayay inay dhacdo, sababo la xiriira isbeddaka ku yimid fulinta amarkii dowladda dhexe.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dareenkooda iyo waxa isbeddelay, kadib dib u dhigidsa barakacintooda, waxayna sheegeen in go’aankoodii uu weli sidiisii yahay, ayna ka guuri doonin dhulka Dab-damiska ee magaalada Muqdisho.

Oday kamid ah dadka deegaanka ayaa ku dooday in aysan heysan dhul kale iyo wax ku guuraan, ayna ku dhimanayaan guryahooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Annaga dad masaakiin ah ayaa nahay waxba ma haysano hal mooto ma kireysan karno inaan ku dhimano oo ku baaba’no ayaa danteena ku jirtaa” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale odey kale oo kamid ah shacabka degan halkan ayaa sheegay inay isku dhaarsadeen in aysan ka guurin xaafadda, illaa ay qorshe u sameyneyso dowladda.

“Shacabka meeshaan deggan haddii aan nahay waan isku dhaarsanay inaanu hal qof ka guurin xaafadda ha yimaadaan ama yeysan imaan” ayuu yiri oday kale.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Annaga dad qaxooti ah ayaa nahay mana naqaano meel aan u guurno”.

Soomaaliya oo diiday baaq kasoo baxay dalalka G7 oo ku aadan xiisadda ITOOBIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay baaq kasoo baxay dalalka ugu hodansan caalamka ee la isku yiraahdo G7, kaasi oo ku aadanaa wada-hadal laga galo xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya. 

Wasiirada Arrimaha Dibedda dalalka G7 ee Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Mareykanka ayaa ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya “inay furaan dhammaan marinada wada-hadalka si looga hortago in xiisadda ay kasii darto.”

“Waxaan walaac ka muujineyaa heshiiska is-afgaradka ee u dhexeeya Itoobiya iyo gobolka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya ee lagu dhawaaqay Janaayo 2024. Waxaan ku dhiirigelinaynaa Itoobiya iyo dawladda federaalka ah ee Soomaaliya inay sii furnaadaan dhammaan waddooyinka wada-hadallada si looga hortago in xaaladda ay sii xumaato, iyadoo lala kaashanayo saaxiibada gobolka, Midowga Afrika iyo iyada oo loo marayo xiriiro laba geesood ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri qoraalka G7.  

Ayada oo ka jawaabeysa qoraalkaas, ayey wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya sheegtay inay soo dhoweyneyso adkeyntooda ku aadan nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Soomaaliya. Si kastaba, waxay meesha ka saartay wada-hadal ay la gasho Itoobiya. 

“Soomaaliya waxay u heellan tahay ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso wadashaqeynta ay la leedahay G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabadda iyo barwaaqada waarta ee Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wada-hadal lala galo Itoobiya ayaa ah mid aan suurta-gal ahayn illaa ay ka noqoto is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ayna muujiso ixtiraam buuxa oo ay u hayso midnimada, madaxbannaanida iyo mabda’a faragelinta la’aanta ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. 

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo la saxiixay 1-dii Janaayo ayey Hargeysa waxay Addis-Ababa ku siisay dhul badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo ku bedeleneysa aqoonsi ay sheegtay inay ka heleyso Itoobiya. 

Is-afgaradka oo qorshuhu ahaa in heshiis rasmi ah loogu beddelo muddo bil gudaheed ah ayaan illaa hadda dhaqaaqin ayada oo laga joogo ku dhowaad afar bilood, waxaana muuqata cago-jiid dhanka Itoobiya ah, oo la kulantay cadaadis caalami ah.

Sidee looga falceliyay dib u dhaca ku yimid shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhacay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu todobaadkii hore Iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayay inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dib u dhaca ku timid shirka ayaa waxaa lagu sheegay arrimo farsamo awgeed u baaqday, sida uu xalay shaaciyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

“Shirkaan oo muhiim u ah dardargelinta hormarka dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dhameystirka Dastuurka iyo artimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale sheegaya in dib u dhaca shirkan uu sabab u yahay mad-madow iyo kala shaki ka dhex billowday qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyadii xiriirka dhow la lahaa dowladda Federaalka.

Haddaba sidee looga falceliyay dib u dhaca shirka Golaha Wadatashiga Qaranka?

Barqash “Meeshaas waxaa iga muuqato kalsooni xumo siyaasadeed dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada mala kala shakiyay?”.

Rooble Sharxaaye “Shir ay ka maqan yihiin labadii maamul ee maamulada dalka ka jira ugu awooda badnaa wax u soo kordhinayo ma jirto Puntland iyo SSC-khaatumo”.

Shaafi Cabdi Cali “Markii la idin imaan waayey kadib miyaad dib u dhigteen?”.

Mahad Hilowle “Shirka waxa uu ubaaqday waxaa weeye madaxda oo diidayn ka qeybgal shirka.

Zakariye Daahir “Shirka aan SSC-khaatumo iyo Puntland aysan ka soo qayb galayn inuusan soconayn waan ogaa”.

 

WASIIR BIIXI oo shaaciyey xogta arrimo uu kala hadlay dowladaha ugu weyn caalamka

0

𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧 (Caasimada Online) –  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka oo uu ka socdo shirka xiliga Gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ka qeyb galay shirar muhiim u ah Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo kulamo doceedyo miro-dhalay oo looga arrinsaday horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

𝐍𝐨𝐫𝐰𝐚𝐲:- Wasiirka Maaliyadda Xukumadda federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Marwo Anne Beathe Tvinnereim oo qeyb ka aheyd wafdiga ka soo qayb galay shirka xili-dhaxaad ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa uga mahadceliyay Wasiiradda, doorkii ay Dowladeeda Norway ka cayaartay hannanka deyn cafinta iyo habkii ay uga qeyb qaateen dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo soo martay heerar kala duwan, taas oo sababtay in ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya laga cafiyo deymihii lagu lahaa.

𝐔𝐊:- dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan gaar ah la qaatay ku-xigeenka Xoghaya Joogtada ah ee Xafiiska  Horumarinta Arrimaha Dibadda Mr. Nick Dyer.

Kulanka labada masuul ayaa looga wada hadlay heerka uu taagan yahay dhaqaalaha Soomaaliya, wadashaqaynta ku saleysan sare u qaadidda dakhliga iyo maalgalinka xiliga isbaddalka cimilada oo saameyn ku leh gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda UK xiriirkeeda Saaxibtinimo iyo taageeradeeda, iyadoo Dowladda UK ay dhawaan ku dhawaaqday in ay tirtirtay oo ay cafisay Deymihii ay Dowladda Soomaaliya ku laheyd taas oo aheyd Cafin Boqol kiiba Boqol ah.

𝐈𝐌𝐅: Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee ku sugan Washington ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka u qaalbilsan Dalalka Carabta iyo Bartamaha Qaaradda Aasiya Mr. Jihad Azour. Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa kala hadlay Mr. Jihad, qorshayaasha IMF ee Soomaaliya ee dib-u-eegista Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Sideeda Sano ee soo socota.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheeri ah ugu jirta sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, loona helilahaa maalgalin dhameystiran oo Soomaaliya gaarsiin karta heerka isku filnaashaha maaliyadeed, maadaama laga cafiyay deymihii cuslaynayay hannaanka Dowliga ah ee dalka.

Siyaasiyiinta Sacad oo xilli adag Gaalkacyo aaday iyo Qoor Qoor oo qaatay kaalintoodii

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad cakiran ayaa saacadihii lasoo dhaafay kasoo korortay qeybaha koonfureed ee magaalada Muqdisho, kadib markii booliska Soomaaliya oo markii 3-aad digniin kama dambeys ah siiyey qoysaska degan dhulkii dabdemiska ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Dhankooda qoysaska degan dhulka boolisku dalbaday in laga guuro ayaa ku adkeystay in aysan guuri doonin, waxayna cadeeyeen inay dagaalami doonaan, hadii loo adeegsado awood dowladeed.

Intaas kadib arrinta waxaa ku soo baxay masuuliyiinta dowladda ku metesha beesha Habargidir, balse waxaa dhibcihii ugu badnaa galabta uruursaday madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Qoysaska degan dhulka la isku heysto waxay u badan yihiin beesha Sacad, waqtigii loo qabtay inay ku guuraan wuxuu ku egyahay berri oo bisha Abriil ay 20 tahay, halka siyaasiyiinta Dowladda Federaalka ku metesha beesha Sacad ay caawa dhamaantood joogaan magaalada Gaalkacyo.

Qoor Qoor oo Muqdisho jooga ayaa galabta baxay oo tegay degmada Hodan, halkaas wuxuu kula kulmay odayaasha dhaqanka ee beesha laga dalbaday inay ka guuraan dhulka dabdemiska.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu la hadlay warbaahinta, isagoo la jooga odayaasha dhaqanka ee beesha Habargidir oo diidan inay dhulkaas ka guuraan, wuxuu sheegay in berri aysan dhici doonin waxa la filayo oo booliska iyo wasaaradda amniga uu la hadli doono.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa odayaasha ka dalbaday inay iska soo xulaan guddi ay ku kalsoonyihiin, kuwaas oo uu ula tegi doono madaxda qaranka, si loo xaliyo xiisadda ka taagan dhulkaas, wuxuuna si buuxda u balan-qaaday in berri aan la kici doonin qoysaska degan halkaas.

Taani waxay Qoor Qoor u noqotay dhibco siyaasadeed, maadaama siyaasiyiintii dadkaas ku meteleysay dowladda federaalka, sida Fiqi, Cabdi Qeybdiid, Dhabancad, Cabdiraxmaan Cagaweyne iyo xubno kale ay iska xaadiriyeen Gaalkacyo, halkii ay ku bixi lahaayeen xalinta xiisadaan.

Saan-saan colaadeed ayaa maanta laga dareemayey isgoyska Banaadir, Seybiyaano ilaa beerta Qaad, maadaama dowladdu ay ku adkeysatay in xoog looga rari doono berri qoysaska degan dhulkii dabdemiska, halka qoysaska degan halkaas oo ka soo jeeda beesha Habargidir ay hubkooda la soo baxeen, iyagoo si cad u sheegay inay dagaalami doonaan hadii lasoo weeraro.

DF oo baajisay shirkii uu Xasan Sheekh isugu yeeray madax goboleedyada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu baaqday Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu balansanaa inuu Muqdisho ka furmo berri oo Sabti ah 20-ka Abriil.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shirkaas dib loo dhigay muddo kooban, iyadoo aan la shaacin waqtiga la isugu imaanayo.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in shirkaas uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh uu berri u baaqday arrimo farsamo.

“Shirkaan oo muhiim u ah dardargelinta hormarka dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dhameystirka Dastuurka iyo artimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Ilaa hadda dowladda ma shaacin sababta loo baajiyey shirkaas iyo halka ay howshu iska qaban la’dahay, sidoo kale markii hore si weyn looma baahin oo Pageska xafiisyada dowladda laguma baahin warqadii lagu iclaamiyey shirkaan.

Madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ayaa sii kala fogaanaya, waxaana suurtagal ah in sababta shirkaan uu u qabsoomi waayey ay taasi ugu horeyso.

Inkastoo Saciid Deni lagu bilaabay warqadii lagu casuumay madaxda gobollada, hadana waxaa si buuxda loo saadaalinayey in Muqdisho uusan imaa doonin, maadaama ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh, tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka.

Madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa la soo werinayaa inay qabaan cabasho la xiriirta dastuurka, kuwaas oo qaarkood ka cagajiiday inay ka soo qeyb galaan shirka uu iclaamiyey Xasan Sheekh, inkastoo madaxda qaar ay Muqdisho joogaan, sida Axmed Qoor Qoor.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

Daawo: Qoor Qoor oo qaaday tallaabo kuna guuleystay baajinta dagaalkii Seybiyaano

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta la kulmay odayaashii ka hor yimid amarka dowladda ee diiday inay ka guuraan dhulka dabdemiska ee ku yaalla degmada Hodan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in berri aan la kici doonin dadka degan dhulka dabdamiska, isagoo sheegay inuu la hadlay Booliska iyo Masuuliyiinta wasaaradda Amniga XFS.

“Dhulka Dowladda ayaa leh,Dowladda dadka dagan baa leh, Madaxda qaranka iyo Booliska waan kala hadleynaa berrina arrinta waa la joojinaa, is dejiya, iskana soo xula guddi aad ku kalsoontihiin,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkaan aysan xaq u laheyn in la dhaho iska guura, isla markaana arrintaan uu kala hadli doono madaxda ugu sareysa dalka.

Qoor Qoor ayaa duray dad uu sheegay in dano gaar ah oo dhaqaale ay ka dhex raadinayaan arrinta dhulka dabdemiska, isagoo yiri “iimaanka allaha u soo celiyo ayaan leenahay dadkaas” inkastoo uusan xusin magacyada dad gaar ah.

“Berri waa dii deganaa doontaan halkaan cid idiin imaaneysana ma jirto anigaa la hadlaya booliska iyo hey’adaha kale ee amniga sida wasaaradda amniga, marka is dejiya, cid awood inku rari karta ma jirtee,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qoysaska degan dhulka dabdemiska ka dalbaday inay soo xulaan guddi lagala xaajoodo arrintaan oo taladu ay ka go’do, maadaama kiiskaan ay u gudbinayaan madaxda ugu sareysa dalka.

Sabtiga Berri ayuu Booliska Soomaaliya dalbaday inay qoysaska degan ka guuraan dhulkii dabdemiska ciidanka booliska oo ku yaalla xaafadda Seybiyaano, balse dadka degan ayaa ka biyo diiday amarkaas.

Qoysaska degan halkaas uu u badan beesha Sacad ayaa si cad u diiday amarkaas, iyagoo ku goodiyey inay dagaalami doonaan, ciidamo hubeysan ayaa lagu arkayaa aagga Seybiyaano, waxaana beri ka go’an inay booliska la dagaalamaan.

Hoos ka daawo hadalka Qoor Qoor