24.9 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Thaabit oo saddex arrin midkood kula taliyay dowladda inay ku xaliso xiisadda taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka taagan xaruntii hore ee Dab-demiska ee magaalada Muqdisho.

Dhulkan oo ay amartay dowladda in laga guuro ayaa waxay adka degan qaarkood si adag uga horyimaadeen amarka guurista, ayaga oo dowladda ku eedeeyay inay dhulkaas u gacan galineyso shaqsiyaad gaar ah, waxaana socda abaabul looga hortegayo in Booliska uu qasab ku raro dadka shacabka ah ee degan dhulkaasi maalinta berri ah ee Sabtida.

Thaabit Cabdi ayaa dowladda usoo jeediyay in aysan qasab uga rarin dhulkaasi shacabka degan, isaggoo ku taliyay in xiisadda taagan lagu dayo saddex arrin midkood, si xal-waara loo helo.

Hoos ka aqriso qoraalka Thaabit;

Haddii dhulka dantaguud dowladdu leedahay, dowladnimaduna soo shacabku ma lahan?

Hay’addaha kala duwan ee Dowladda dhul danguud ah wey u baahan karaan si loogu adeego shacabka balse waxaa loo maraa nidaam madani amma rayit ah si xal-waara loo helo oo ah sida soo socota:

1. In isla dhulka dantaguud loogu baahday laga cabiro dhul loo isticmaalo dantaguud dadkana lagu deegaameeyo dhulka kale ee soo hara. Sow Boolisku ma ahan saaxiibka iyo ilaaliyaha shacabka?.

2. Haddii uusan dhulka qaybsami karin, in dhul kale shacabka meesha dagan lagu deegaameeyo.

3. Haddii la waayo labbada xal ee 1 & 2 in shacabka meesha dagan la siiyo magdhaw maangal ah si shacabka aysan isla magaaladoodii la-barakiciyayaal ugu noqon.

Waxaan rabaa inaan si dareen leh u xusuusiyo madaxdka dalka dhaqaale xumida guud ee caalamka ka jirta, haddana shacabkeena badankii waxay maanta la daalaa-dhacayaan dhaqaalo xumi aad u daran, kuleylka bisha April-na u sii dheer tahay ee aan ahmiyad weyn siinno bad-qabka iyo daryeelka shacabkeena.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

DENI oo ku guuleystay arrin weyn oo la xiriirta khilaafka kala dhaxeeya Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo kahor waxay u badan tahay in aad ogeyn in Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni ay ku kala maqan yihiin dano gaar ah oo siyaasadeed, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu kursigii ra’iisul wasaaraha la aaday jiho uusan fileynin Saciid Deni.

Sidoo kalena Saciid Deni laga qadiyay mirihii dagaalkii lala galay Farmaajo oo ah xukunka iyo xoolaha ay maanta haystaan Xasan Sheekh iyo kooxdiisa. Laakiin maanta xaalku halkii ma joogo.

Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ku guuleystay inuu reer Puntland si buuxda ugu qanciyo in dagaalka Xasan Sheekh uu yahay mid uu deegaanka iyo beesha halkaa degan kula jiro. Waxay u muuqata inay tani si weyn ugu shaqeyso Saciid Deni, waxaana ku caddeynaya laba tallaabo oo waaweyn oo Saciid Deni qaaday oo ay dhamaan ku raaceen ama aanay ku diidin hor-weynta siyaasadeed ee Puntland.

Iyada oo horey loo ogaa sida uu Saciid Deni xilligii doorashadiisa u sariftay colaadda kala dhaxeysa Xasan Sheekh, taas oo u goysay inuu dib ugu soo laabto kursiga, haddana sida ay hor-weynta siyaasadeed ee Puntland u taageereen ama aanay u diidin laba tallaabo oo waaweyn oo Saciid Deni qaaday waxay caddeysay in Deni uu ku guuleystay in khilaafkii isaga iyo Xasan Sheekh ku guuleystay inuu ka dhigo mid ay reer Puntland u dhan yihiin.

1. Heshiiskii Puntland iyo dowladda Itoobiya

Iyada oo uu taagan yahay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya in Puntland oo ah maamul ka tirsan dowladda Soomaaliya uu Itoobiya heshiis ula galo sida dowlad madax-banaan waxay aheyd arrin ka yaabisay inta badan bulshada Soomaalida, laakiin reer Puntland si weyn ayay badankood tallaabadaasi ugu taageereen maamulka Saciid Deni.

Waxaa la sugaayay jawaabta ay arrintaasi ka bixin doonaan siyaasiyiinta waaweyn ee reer Puntland oo ay ku jiraan madaxdii hore ee maamulkaasi iyo ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya ee kasoo jeeda Puntland, balse waxaa yaab aheyd in aanay qofna tallaabadaasi ku khilaafin Saciid Deni.

2. Go’aanka udhaqanka sida dowlad madax-banaan

Midda labaad waa go’aanka Saciid Deni ku sheegay inay usii dhaqmayaan sida dowlad madax-banaan oo ay kalsoonidiina kala laabteen dowladda federaalka. Isna ma yeelan diidmo badan oo madaxdii hore ee Puntland iyo guud ahaan siyaasiyiinta waaweyn ee deegaankaasina kuma khilaafin Saciid Deni.

Marka la eego sida ay labadaasi arrin uga aamuseen ama u taageereen siyaasiyiinta iyo shacabka reer Puntland waxa ugu fudud ee lagala dhex bixi karo waa in Saciid Deni uu ku guuleystay in khilaafkii isaga iyo Xasan Sheekh u beddelay mid ay la qabaan dhamaan reer Puntland oo ay arrintu tahay dagaal reer Puntland iyo Xasan Sheekh u dhaxeeya.

Inuu Saciid Deni middaasi ku guuleysto dowladda federaalka ayaa sababteeda qeyb ku leh, taas oo ayadu isku mashquulin inay reer Puntland kale soo dhaweysato marka Saciid Deni laga reebo oo ay dowladnimadana ka siiso wax u qalma miisaanka ay dadka deegaanadaasi ku leeyihiin dowladda dhexe.

Hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni inuu kasoo gudbay marxaladdii loo arkayay inay isaga iyo Xasan Sheekh gaar isku hayaan waxay u tahay wax weyn. Halka Xasan Sheekh ay culeys ku tahay in loo arko nin diidan deegaan gaar ah, wax badan ayayna ka haleyn kartaa diiwaankiisa iyo shaqooyinka horyaalla maanta oo ay ugu horreyso isku haynta dalka iyo mideynta doorashooyinka.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

Xiisad ka taagan Muqdisho oo laga cabsi qabo inay gacan ka hadal iyo dagaal isku rogto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay soo xoogeysanaysay xiisadda ka taagan dhulka xarunta Dab-demiska ee magaalada Muqdisho oo ay dowladda amartay in laga guuro.

Dadka degan dhulkaasi ayaa qaarkood waxay si adag uga horyimaadeen amarka guurista, ayaga oo dowladda ku eedeeyay inay dhulkaas u gacan galineyso shaqsiyaad gaar ah, waxaana socda abaabul looga hortegayo in Booliska uu qasab ku raro dadka shacabka maalinta Sabtida ah oo uu ku eg’yahay mudada loo qabtay inay uga guuraaan dhulkaasi.

Dowladda ayaa ku doodeysa in dhulkaas oo markii hore uu lahaa Booliska Soomaaliyeed loo baahday, islamarkaana laga dhisayo xarun Dab-demis oo casri ah, balse dadka qaar ayaa muujinaya tuhunka in shaqsiyaad gaar ah loo gacan gelinayo dhulkaasi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay xiisaddan ayaa sheegay in lagama maarman tahay in shacabka loo xaqiijiyo in dan-guud lagu qabanayo oo aan dad gaar ah laga iibinaynin dhulkaasi, sida dhacday dhulalka la deriska ee hawlaha guud iyo xanaannada xoolaha ee la siiyey, qaarna qiimo jaban looga iibiyey shakhsiyaad madaxtooyada gacansaar la leh.

“Waxaa kaloo la xusuustaa in dad danyar ah laga kiciyey dhulka jayga loo bixiyey ee u dhow garoonka diyaaradaha, iyadoo la sheegay in dan guud lagu qabanayo, laakiin taa beddelkeeda siyaasiyiin, saraakiil iyo ganacsato loo qaybiyey. Ugu yaraan dadkii laga kiciyey dhul kale ayey xiligaas dawladdu siisay,” ayuu Xildhibaanka ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Hoos ka aqriso qoraalka

Dhulka danta guud waa hanti qaran oo ay dowladdu leedahay. Hantidaa qaarkeed waxaa deggan dad danyar ah, qaar waa burbursanyihiin, qaar kalana dowladda ayaa iibisay iyadoo aan u marin hab sharci ah.

Iibinta dhulka dowladda wuxuu leeyahay marin sharci ah oo loo maro oo ka bilaabata in la caddeeyo in wasaaraddii, hay’addii ama wakaaladdii lahayd ay ka maarantay, islamarkaana aysan jirin mid kale oo dawladda ah oo u baahan, in wasaaradda maaliyadda ay qiimayso dhulka, ka dibna tartan furan ku iibgayso, lacagta lagu iibiyana ay koontada dawladda ku dhacdo, ka dibna hanti dhowrka uu ka saaro diiwanka hantida qaranka.

Inta la ogyahay qofkii ay Madaxtooyada rabto ayaa qiimihii la doono looga iibiyaa, wasaarada maaliyada ma qiimayso, mana iibiso, lacagtana koontada dawladda kuma dhacdo, diiwanka hantida qarankana lagama saaro.

Dadka shacabka ee ka cabanaya in xoog looga saarayo xarunta Dab-demiska, iyadoo la sheegay in ay dawladda u baahan tahay, waxaa lagama maarmaan ah in loo xaaqijiyo in dan guud lagu qabanayo oo aan dad gaar ah laga iibinaynin, sida dhacday dhulalka la deriska ee Hawlaha Guud iyo Xanaannada Xoolaha ee la siiyey, qaarna qiimo jaban looga iibiyey shakhsiyaad madaxtooyada gacansaar la leh.

Waxaa kaloo la xusuustaa in dad danyar ah laga kiciyey dhulka jayga loo bixiyey ee u dhow garoonka diyaaradaha, iyadoo la sheegay in dan guud lagu qabanayo, laakiin taa beddelkeeda siyaasiyiin, saraakiil iyo ganacsato loo qaybiyey. Ugu yaraan dadkii laga kiciyey dhul kale ayey xiligaas dawladdu siisay.

Waxaa haddaba lagama maarmaan ah in laga dhaadhiciyo waxay kaga duwan yihiin dadka la midka ah ee dhulkii dawladda ee ay deganaayeen laga iibiyey iyo sababta ay dawladdu dhulalka kale ee danyarta la midka ah deggan yihiin looga saaraynin.

Waxaa iyaga laga yeelaynin in ay hanti dawladeed haystaan iyo in ay qabiil eed saaran oo dhiilo aan meesha oolin abuuraan, bulsho aan eed lahayna dusha ka saaraan ama ay madaxda dawladda aflagaadeeyaan.

Waxaan u soo jeedinayaa madaxda dawladda in ay la yimaadaan dhaqan lagu aamino, siyaasad mid ah oo ku aaddan dhulka dawladda ee ay dadka danyarta ahi deggan yihiin, marin sharci ah u maraan dhulka danta guud ee la iibinayo, wadahadal iyo waanwaanna lagu dhammeeyo ismaandhaafka ka tagaan Dab-demiska. Waxaan diyaar ula nahay in aan gacan ka siino arrinkaas.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

Mareykanka iyo UK oo ku dhawaaqay tallaabo culus oo ka dhan ah IRAN kadib markii…

New York (Caasimada Online) – Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay cuna-qabatayno cusub ku soo rogayaan Iran, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda kala dhaxeysa Israel.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo hoggaamiyayaasha Midawga Yurub oo ku shirsan Brussels ay wacad ku mareen inay kordhinayaan cuna-qabataynada ay saarayaan Iraan, iyaga oo bartilmaameedsanaya nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay geeyaan meelaha ay ka hawl-galaan ururada gacan-saarka la leh sida Gaza, Yemen iyo Lubnaan.

Cuna-qabataynta Mareykanka ayaa bartilmaameedsanaysa shakhsiyaadka iyo shirkadaha soo saara mishiinada ay isticmaalaan diyaaradaha yaryari iyo weliba dhinacyada soo saara birta loo adeegsado.

Xiisadda Israel iyo Iran ayaa mareysa meel xasaasi ah, ayada oo Israel ay weerar gantaal ah waabarigii hore ee Jimacaha maanta ah ka fulisay gudaha Iran.

Israel ayaa horey uga digtay Iran inay ka aargoosan doonto duullaan aan horay loo arag oo Iran ay ku qaadday dhulka Israa’iil Axaddii hore.

Iran ayaa iyaduna ka digtay in weerar kasta oo aargoosi ah oo Israa’iil ah lagala kulmi doono jawaab deg-deg ah oo adag.

Inkasta oo dhinacyada loogu baaqay inay is-xakameeyan, islamarkaana aysan uga sii darin colaadda ka taagan bariga dhexe, waxaana hadda isa soo taraya walaac xooggan oo laga qabo xiisaddan ka dhex aloosan Israel iyo Iran.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

Qodobada halista ah ee ku jira heshiiska Soomaaliya ay la gashay Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Markii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen heshiiska iskaashiga militari ee lala galay Imaaraadka Carabta bishii February 2023, caro xooggan ayaa ka dillaacday Muqdisho.

Xildhibaanada qaar ayaa shaaciyey in heshiiska uu ka hor-imanayo madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Heshiiska waxaa ku jiray qodobo muhiim u ah Soomaaliya, aadna ay ugu baahan tahay sida tababarka ciidamada, mushahar siintooda iyo qodobo kale.

Golaha Wasiirada ayaa deg deg u ansixiyey heshiiska, waxaana Imaaraadka Carabta ay Muqdisho kusoo celiyeen qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee lagu tababarayey Uganda, ayaga oo bixinaya mushaharkooda, si ay u sugaan amniga caasimadda.

Bil kadib militariga Imaaraadka ayaa billaabay inay saldhig cusub oo ay ayaga maamulaan ka dhisaan maamulka Jubaland.

Ayada oo ay jiraan arrimahan, xildhibaanada qaar ayaa rumeysan in heshiiska uu xadkiisa ka baxay.

Haddaba maxay yihiin qodobada halista loo arkay ee ku jira heshiiska?

Heshiiska oo ay aragtay Caasimada Online, ayaa Imaaraadka Carabta sharciyad u siinaya “inay howlgallo militari iyo amni, oo ay ku jiraan dhul, bad iyo cir ka fulin karaan Soomaaliya, haddii ay u arkaan kuwa loo baahan yahay, si ay u ciribtiraan unugyada argagixisada.

Heshiiska ayaa sidoo kale Abu Dhabi “u ogolaanaya inay isticmaasho” dhulka Soomaaliya. 

Imaaraadku “waxa uu xaq u leeyahay in uu isticmaalo dekedaha dhulka, dekedaha badda iyo garoomada diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” kana samaysto saldhigyo ciidan iyo tababaro si uu hawlihiisa u sii wato, ayaa ku qoran heshiiska.

Qodobka ugu culus, muranka badanna dhaliyey ayaa si kastaba ah, in heshiiska uu xasaanad buuxda siinayo militariga Imaaraadka, taasi oo dad badan ka caraysiisay.

“Dhammaan dadka ku hoos shaqeeya heshiiskan waa in la siiyaa ilaalin iyo xasaanad ka dhan ah dacwad kasta oo caalami, sharci ama maamul ah, gudaha Soomaaliya,” ayaa lagu qoray heshiiska.

Waxa uu intaas ku darayaa “Shaqsiyaadka ku hoos shaqynaya heshiiskan laguma soo oogi karo hab-raac heer qaran ama caalami ah ama dacwad ama xukun ku dabaqid ayaga ka dhan ah,” gudaha Soomaaliya inta lagu guda jiro dhaqan-gelinta heshiiska.

Heshiiska ayan weli la horgeyn baarlamanka, waxaana hadda xog ay heshay Caasimada Online ay sheegeysaa in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh aysan sidaas damacsaneyn.

Waxaa sidoo kale jirta in Soomaaliya ay heshiis militari oo kale oo kan la mid ah ay la gashay Turkiga, kaasi oo durba la dhaqan-geliyey kadib markii ay meel mariyeen golaha wasiirada, baarlamanka, islamarkaana uu saxiixay madaxweynaha.

Xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi ayaa hadda sii xumaanaya, waxayna u muuqataa inay labada dhinac kala tagayaan.

Saraakiisha Imaaraatka Carabta ayaa horaantii bishan u sheegay dowladda federaalka in ay joojinayaan lacag dhan 5 milyan oo dollar oo ay ku taageeri jireen qaar ka mid ah ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Imaaraadku waxay joojiyeen lacagihii ay siin jireen shan guuto oo ku sugan meelo ka baxsan Muqdisho, ayaga oo hadda bixiya kaliya taageerada dhaqaale ee laba guuto oo xasilinaya caasimadda iyo hal guuto gaar ah, oo loo xil saaray ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

Xog: DF oo deegaan fog ka soo qabatay Shiikhii taageeray Shabaab ee weeraray Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo xirtay Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Rooble oo laga soo qabtay degmada Gadoon ee gobolka Galgaduud, kadib markii jeediyey khudbad uu ugu hiilinayo Khawaarijta Al-Shabaab, muuqaalka Shiiqaan ayaa baraha bulshada qabsaday maalmihii lasoo dhaafay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Sheekh Cabdiraxmaan ayaa muddo 3 maalmood ah ku xirnaa xabsi ku yaalla Dhuusamareeb, baaritaan kadibna waxaa loo soo gudbiyey Muqdisho.

Hey’adda NISA ayuu hadda u xiran yahay Sheekh Cabdiraxmaan oo cadeystay taageeradiisa Al-Shabaab, waxaana ku socda baaritaan culus, sida ay noo xaqiijiyeen ilo dhanka sirdoonka ah.

Wadaadkan ayaa la geeyay xarun hey’adda Nabad sugidu ku leedahay Muqdisho, waxaana wax laga waydiinayaa hadalo ku jirey muxaadaro uu dhawaan kaga soo horjeestay dagaalka dowladdu kula jirto Khawaarijta.

Wadaadkan oo sida muuqata ku adag afkaarta xagjirka ah ayaa maalmaha soo socda wajahaya Maxkamad, waxaana saraakiisha gacanta ku haya kiiskiisa aan kasoo xiganey in uu si cad u diidey, ka laabashada hadaladii qalafsanaa ee horay uu u yiri.

Dowladda ayaa muddo baadi goobeysay Sheekh Cabdiraxmaan, markii hore waa la marin habaabiyey hey’adaha ammaanka waxaana loo sheegay in masjidka uu muxaadaradaas ka jeediyey uu ku yaallo degmada Heliwaa ee Muqdisho, balse xaqiiqadu sidaas ma aheyn.

Ugu dambeyn waxaa Sheekh Cabdiraxmaan laga soo qabtay magaalo Garoon la dhaho oo 40 KM bari ka xigta caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, habeeno uu halkaas ku xiraa kadibna waxaa loo soo gudbiyey Muqdisho.

Sheekh Cabdiraxmaan oo la dhashay wadaadkii caanka ahaa ee dhintay Sheekh Boqol-Soon ayaa la sheegay inay biyo dhigatay afkaarta xagjirnimada waana sababta keentay in loo soo dhaadhiciyo baaritaanka adag ee NISA.

Shiiqaan ayaa si cad madaxweyne Xasan Sheekh ugu dhaliilay dagaalka uu ku qaaday Al-Shabaab, isagoo sheegay in dhiiga nimankaas uusan banaaneyn, sidoo kale ciidamada dowladda ayuu ku tilmaamay kuwo aan ‘jihaad ku jirin oo xaq darro ku dhimanaya’ taas oo hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

Maxaa ka dhaxeeya dekedda cusub ee laga dhisayo Lughaya iyo is-afgaradkii Itoobiya?

0

Hargeysa (Caasimada Online) — Xukuumadsa Somaliland ayaa qaadday tallaabo ay sheegtay in dekad ay kaga dhiseyso magaalada qadiimiga ah ee Lughaya ee gobolka Awdal, iyadoo horey uu u jiray tuhun ah in halkaa ay tahay goobta laga kireeyay Itoobiya.

Kulan ku saabsanaa dhismaha dekaddaan ayaa magaalada Boorama ku dhex maray madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin, ganacsato iyo odayaasha gobolka.

Shirkaas waxaa laga sheegay in xukuumaddu bixisay lacag dhan hal malyan oo doolar oo dekadda lagu dhisayo, isla markaana loo dhiibay madaxweyne hore Riyaale.

Kulanka ganacsatada iyo odayashaan ayaa laga filayaa inay dhaqaale ay ku daraan kan xukuumaddu ay bixisay, haddii taa dhici kari waydana xukuumaddu waxay sheegtay in iyadu ay dhameystiri doonto.

Balse lama shaacin xilliga sida rasmiga uu dhismaha dekaddu u billaaban doono, marka laga tago in hadda la shaaciyay dhaqaalihii ugu horreeyay oo lagu bilaabayo.

Sidoo kale, lama shaacin tirada rasmiga ee dhaqaalaha ay ku kici karto dhismaha dekedan.

Wasiirka xiriirka golayaasha iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland Cabdi Naasir Buuni ayaa sheegay in aaney jirin wax ka dhiman bilaabashada dhismaha, marka laga eego halka ay hadda wax marayaan iyo dedaallada socda.

“Wax harayba ma jirto waxa adduunka ugu daran waa dhaqaale dhaqaale-na xukuumadda madaxweyne Biixi ayaa bixisay waxa haray waa farsamo,” ayuu yiri wasiir Buun.

Wuxuu muujiyay wasiirku in dhismaha dekkaddu dhaqso u bilaabanayo marka hadalkiisa, maadama warka dhismaha uu muddo taagnaa.

Sanadkii 2017-kii markii madaxweyne Muuse Biixi uu raadinayay xukunka uu hadda hayo ayaa waxyaabihii kooxdiisii ay ku ololeynaysay waxaa ka mid ahaa dhismaha dekaddan, waxaana tillaabada ay hadda qaaday ay imaaneysaa xilli doorashdii kale ay soo dhowdahay.

Xiriir miyaa ka dhaxeeya dekaddii laga kireeyay Itoobiya iyo tan Lughaya laga dhisayo?

Dad badan sida ay la socdaan horraantii sanadkaan Itoobiya iyo Somaliland waxaa dhex maray is-afgarad ku saabsanaa in Itoobiya laga kireeynayo dekad ay wax kala soo degto iyo saldhig ciidan oo badda cas ku yaalla, hase yeeshee si cad looma shaacin halka dekadaasi noqonayso, labada dhinac midkoodna ma cayimin goobta ay gayiga kaga taal.

Balse waxaa jiray tuhunno ku gedaaman arriintaa kadib markii Ridwan Xuseen, oo markii xiisaddaan taagneed ahaa la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo wareysi gaar ah siinayaya bishii jannaayo ee sanadkaan warbaahinta dowladda ee EBC uu ku sheegay “in goobta ay Somaliland heshiiska kula gashay ay tahay Lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal,”.

Ridwan ayaa difaacay xilligaa go’aanka ay Itoobiya is-afgaradka kula saxiixatay Somaliland.

Waxa uu ku dooday in “inkasta oo Somaliland aysan helin aqoonsi calami ah, ay horey heshiisyo ula saxiixatay dalal kala duwan, oo ay ku jiraan heshiisyo dekado lagu horumarinayo.”

Waxaase hadda wasiirka xiriirka goleyaasha iyo arimaha dastuurka ee Somaliland Cabdi Naasir Buuni, uu BBC-da u sheegay in u qalab-qaadashada dhimaha dekadda Lughaya ee Somaliland iyo arrintaa aanu wax xiriir ah ka dhaxeyn.

“Wax xiriir ah ma jiro, iminka waa dekad horumar hadda waxa la dhisayo, dekaddu markey dhisantana wax kasta oo dekadi qabato ayaa looga faa’iideysan doonaa,” ayuu yiri wasiir Buuni.

Maxaan ka naqaannaa Lughaya?

Lughaya waa magaalo xeebeed qaddiimi ah oo ku taalla waqooyi galbeed ee gobolka Awdal, waxaana maamula Somaliland, waxayna 50 km koonfurta kaga beegantahay dekedda Jabuuti, halka 200 km-na ay dhanka waqooyiga ka xigto magaalada Berbera.

Lughaya waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu faca weyn gobolka Awdal, iyadoo Shacabka degganna ay u badanyihiin dad xoolo dhaqato ah oo sidoo kalena ah, kalluumeysato.

Tirada dadka ku nool Lughaya waxaa lagu qiyaaso 75,000 oo qof.Waa deegaan muhiim ah marka la eego halka ay ku taallo.

Deegaannada hoos-yimaada degmada Lughaya waxaa lagu cabbiraa dhul baaxaddiisu le’eg tahay ilaa 10,421 kiiloo mitir oo ay dhaqan yihiin dad lagu sheegay tiradooda ilaa 182,706 oo qof.

BBC

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

ISRAEL oo weerar gantaallo ku qaaday IRAN (Faah-fahain)

Washington (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa weerar gantaal ah waabarigii hore ee Jimacaha maanta ah ka fulisay gudaha Iran, sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka, iyada oo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah oo aan la magacaabin.

Warbixinnada shabakadaha ABC, CBS iyo NPR ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta ama bartilmaameedka gantaalaha Israa’iil.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa VOA u sheegay in uusan wax hadal ah “xilligan” ka bixin karin wararka warbaahinta Mareykanka, saacad kadib markii ay soo baxeen wararka.

Wakaalladda Wararka Iiraan ee IRNA ayaa sheegtay in difaaca cirka ee jamhuuriyadda Islaamiga ah laga hawl galiyay hawada sare ee dhowr gobol.

IRNA iyo wakaaladda wararka dowladda ee Fars, oo xiriir la leh ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran, ayaa soo xigatay ilo wareed aan la magacaabin, iyagoo sheegay in qarax uu ka dhacay gobolka Isfahan ee bartamaha Iran.

Israa’iil ayaa uga digtay Iran inay ka aargoosan doonto duullaan aan horay loo arag oo Iran ay ku qaadday dhulka Israa’iil Axaddii hore.

Iran ayaa iyaduna ka digtay in weerar kasta oo aargoosi ah oo Israa’iil ah lagala kulmi doono jawaab degdeg ah oo adag.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

Dagaal dib uga dhex qarxay Tigrayga iyo Amxaarada

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dagaal ayaa ka dhacay mid ka mid ah deegaannada lagu muransan yahay ee u dhaxeeya gobollada Tigray iyo Amxaarada ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Waa rabshaddii ugu horreysay oo dhacda tan iyo markii heshiis nabadeed, ay kala saxiixdeen labada dhinac dabayaaqadii sanadkii 2022, heshiiskaas soo afjaray mid ka mid ah iskahorimaadyadii ugu xumaa ee dhawaanahaan ka dhacay Afrika.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka socdaa degmada Raya Alaama oo ay labada gobol kala sheeganayaan. Deegaankan ayaa hoos taga koonfurta gobolka Tigray ka hor inta uusan dagaalku dhicin sanadka 2020 balse waxa uu soo galay gacanta ciidamada Amxaarada.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, iska hor imaadyada ayaa billowday sabtidii, waxayna socdeen maalmo kadibna ciidamada Tigrayga ayaa gudaha u galay magaalooyinka iyo tuulooyinka degmada.

Labada hoggaamiye ee Tigrayga iyo Amxaarada ayaa isla markiiba isweydaarsaday eedeymo ku saabsan cidda hurisay rabshadaha. Hadda, ma jiraan calaamado muujinaya in dagaalku qaboobay.

Maxaa keenay khilaafka?

Sheegashada dhuleed ee aagagga xuduudka u dhexeeya gobollada Tigrayga iyo Amxaarada ayaa jirtay muddo tobannaan sano ah.

Dhulka aan ka hadleyno waa aagga galbeedka Tigray, oo loo yaqaan Wolkayit kana tirsan gobolka Axmaarada, iyo Koonfurta Tigray gaarahaan deegaanka Raya oo xadka ku yaalla.

Balse deegaannadaan ayaa gacanta ugu jiray maamulladii Tigray tan iyo horraantii 1990-meeyadii, markii Itoobiya ay hirgelisay qaab-dhismeedka federaalka ku saleysan,iyadoo xilligaas la sameeyay labada gobo lee hadda dirirtu dhexmarayso.

Mas’uuliyiinta Amxaarada ayaa ku andacoonaya in deegaanadaas ay iyagu leeyihiin waxayna eeda dusha uga tuureen kooxda TPLF, oo ah koox siyaasadeed oo ka talinaysay gobolkaas ilaa dabayaaqadii 2010-kii.

Sannadkii 2020-kii, markii uu dagaal ku dhex maray dawladda federaalka iyo ciidamada Tigrayga, ciidamada Amxaarada ayaa ka barbar dagaalamayey ciidanka federaalka. Ciidamada Amxaarada ayaa la wareegay deegaanadii lagu muransanaa waxayna ka sameysteen dhismayaal maamul.

Ka dib laba sano oo dagaallo lagu hoobtay ay dhaceen, heshiis nabadeed ayaa lagu gaaray dalka Koonfur Afrika bishii Noofambar 2022-kii.

Inkastoo heshiiskaasi la gaaray haddana arrinta ku saabsan cidda maamulaysa deegaannada lagu muransan yahay ayaa ahayd mid aan xal loo helin.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay ciidamada Amxaarada xad-gudubyo waaweyn oo ay ka mid yihiin in ay si xoog ah u barakiciyeen boqolaal kun oo qawmiyadda Tigrayga ka tirsan gaar ahaan galbeedka Tigray.

Jawaabta dowladda

Maamulka magaalada Addis Ababa ee xarunta federaalka ayaan weli ka hadlin iska horimaadyadan u dambeeyay.

Balse waxa ay dhawaan shaaciyeen in la qorsheynayo in ciidamadu ay sii maamulaan deegaanadaasi inta xal laga gaarayo. Horey waxay u sheegeen in ay soo celin doonaan dadka Tigrayga ah ee barakacay, aftina laga qaadi doono.

Todobaadkan, General Tadesse Werede, oo taliye u ahaa ciidamada Tigrayga, haddana ah ku xigeenka madaxa maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray, ayaa u sheegay wariyaasha gudaha in maamulkiisu uu gaaray heshiis lagu kala dirayo hay’adaha dawladda ee degaannada lagu muransan yahay.

Dowladda Federaalka ma aysan xaqiijin mana beenin hadalkiisa.

Arbacadii shalay, maamulka gobolka Amxaarada iyo laanta xisbiga talada haya ee gobolka, ee ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa soo saaray bayaan si adag u qoran oo ay ku eedeeyeen ciidamada Tigrayga inay “si buuxda u jebiyeen” heshiiskii nabadeed ee hore loo gaaray isla markaana ay duullaan qaadeen.

Dhiniciisa, madaxa maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray, Getachew Reda, ayaa ku tilmaamay in rabshadahaan ay ka dambeyaan dad “cadow ku ah nabadda”.

Maxaa xiga?

Isku dhacyada Itoobiya ayaa ah kuwo aan la saadaalin karin halka ay ku dambeyn doonaan.

Sannad iyo bar ka dib markii heshiis nabadeed la gaaray, xaalka dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, wuxuu weli u muuqdaa mid nabaddiisu aaney cago badan ku taagneyn.

In kasta oo ay xasillooni yari ka jirto gobolka Tigray ee dagaalladu naafeeyeen, haddana rabshadaha soo cusboonaaday ayaa loo arkaa kuwo meesha ka saari kara nabadda aan xooganeyn.

Gobolka Amxaarada ayaa maleeshiyaadka deegaanku waxa ay kula dagaalamayeen ciidanka dowladda tan iyo bishii Agoosto, waxaana guud ahaan gobolku uu kujiro xaalad deg deg ah oo intiisa badan internedka ayaa xitaa ka maqan.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in dagaaladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidamada Tigrayga ay dhiiri galin karaan dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadka.

Dagaallada horey uga dhacay gobollada Tigray iyo Amxaarada ayaa waxaa ku dhintay dad badan malaayiinna way ku barakaceen, iyadoo hay’adaha xquuqul insaankuna xaaladda ku tilmaameen mid halis ah oo su’aal gelinrta mustaqbalka dadka rayidka ah.

 Isha: BBC

DF Soomaaliya oo war culus ka soo saartay geerida taliyihii ciidamada difaaca Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhiggeeda Kenya uga tacsiyeysay geerida Taliyihii Ciidamada Kenya oo galabta ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay dalkaas.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya  ayaa tacsi u dirtay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya, Ciidanka Difaaca Kenya, Dowladda iyo Shacabkeeda, kadib geeridii ku timid Taliyihii Ciidanka Difaaca Kenya Lt. General Francis Ogolla.

Sidoo kale, xogta ay heyso Caasimada Online waxay sheegeysaa in dowladda Soomaaliya ay sii balaarineyso tacsida oo xitaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu war ka soo saaro geerida Taliyihii ciidamada difaaca Kenya.

Taliyaha ayaa saaraa diyaarad milateri oo nooca qumaatiga u kaca ah, taas oo ku bur-burtay hawada dalka Kenya, wax yar uun kadib markii ay kacday.

8 qof oo saraakiil iyo askar isugu jirtay ayaa Taliyaha kula geeriyootay shilkaas, diyaaradda ayaa ku bur-burtay galbeedka dalka Kenya.

Taliyaha ayaa isbitaal loo qaaday isagoo haawacmay daran qaba, balse wax yar kadib waa uu geeriyooday, sida ay tebisay warbaahinta dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa uga baaqay dadka Kenyanka ah in ay is dajiyaan, islamarkaana ay ka fogaadaan warrarka kutiri kunteenka ah, isagoo isku dayey inuu qariyo xaqiiqada geerida Taliyaha.

Dowladda Kenya ilaa hadda war rasmi ah kama soo saarin geerida Taliyihii ciidamada difaaca qaranka Kenya oo ku dhintay shilka diyaaraddeed, balse waxaa lagu wadaa in saacadaha na soo aadan uu ka soo baxay war dhameystiran.

Daawo: DF oo soo qabatay raggii laayey reer Muqdisho oo qiranaya kiisas yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowaldda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay rag loo qabtay fududeynta iyo ka qeyb galka weerarradii Hotel Xayaat, Hotel Elite, Hotel Afrik, xarunta maamulka gobolka Banaadir iyo hoobiyaal lagu garaacay Muqdisho.

Raggan ayaa sidoo kale gacan ka geystay qaraxyadii dadka badan lagu halaagay ee loogu magacdaray Soobe 2, Hotel Villa Rays, Hotel Pral Beck, Stadium Muqdisho, maqaayadda Jawi Coffe iyo goobo kale oo dad badan lagu laayey.

Dhammaan weeraradaas waxay dowladda Soomaaliya diiwaan gelisay in lagu laayey dad ka badan 400 oo qof, waxaana lagu dhaawacay oo qaarkood naafo daran ku noqday boqolaal qof oo dad Soomaaliyeed ah, kuwaas oo aan waxaba ka galabsan ragga maanta hor taagan cadaaladda.

Ugu yaraan shan nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo weeraradaas wax ka qorsheeyey, waxna ka fuliyey ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka Gungaar ee ka baxa Warbaahinta Dowladda Soomaaliya, kaas oo diiradda saara cadeymaha laga helo dhagarta Khawaarijta.

Xubnaha lagu soo bandhigay barnaamijkaan ayaa si furan uga sheekeynaya doorkii ay ku lahaayeen weerarradii Al-Shabaab ee ka dhacay Muqdisho, waxayna qirsan yihiin inay dadka reer Muqdisho u maleegayeen nolol halaag ah, balse midba mar ayuu ku soo dhacay dabinka weyn ee dowladda.

Al-Shabaab-ka nolosha lagu hayo waxay ka sheekeynayaan sooyaalkooda, wuxuuna mid kasta ka warbixinayaa sidii ay ugu suurta gashay inuu ku biiro argagixisada iyo halkii uu kaga biiray.

Tababaro ayey ku soo qaateen deegaanada Al-Shabaab, mid kasta markii loo soo wareejiyey Muqdisho, wuxuu qirayaa in dhibaatada ugu badan ay ka mari jireen sidii ay qaraxyo u soo geli lahaayeen Muqdisho, maadaama ciidamada ammaanka ay u yaallaan baro koontrool oo adag.

Ragaan waxay ka soo muuqdeen maxkamadda ciidamada, waxayna wajahayaan cadaaladda, qaarkood waxay muteysan karaan dilal toogasho ah, maadaama weerarro ay fuliyeen lagu laayey dad badan oo reer Muqdisho ahaa.

Waxyaabaha yaabka leh oo ay ka sheekeynayaan waxaa ka mid ah sida ay ugu suurtageli jirtay in xeryaha dowladda, waxayna bixiyeen xogo xasaasi ah, “Ma jirto Hoobiye aan la hageyn oo lasoo rido” ayuu yiri Yuusuf oo ka mid ah ragga nolosha lagu hayo ee Hoobiyaha ku soo weerari jiray dadka ku nool caasimadda Muqdisho.

Inta badan hoobiyaha ay ku garaacaan Muqdisho kuma dilaan ciidan ama masuuliyiin dowladeed, balse waxay ku laayaan Shacabka, balse Al-Shabaab waxay ku raaxeystaan xasuuqa shacabka, taas oo waxaba kama jiraan ka dhigeysa bartilmaameedka ay sheegayaan inay ku ridi jireen Hoobiyaha lagu garaaco Muqdisho.

Hoos ka daawo Barnaamijka Gungaar

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda IRAN iyo ISRAEL

Nairobi (Caasimada Online) – Kaddib markii uu la kulmay wasiirrada arrimaha dibadda Ingiriiska iyo Jarmalka, ayuu ra’iisul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu shalay ka shan-qariyay in Israel ay iyadu qaadan doonto go’aannadeeda ku aadan sida ay isu difaaceyso.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli dalalka reer galbeedka gaar ahaan kuwa xulufada la ah Isra’iil ay ku cadaadinayaan xukumadda Telaviv in ay is xakameyso oo aysan ka jawaabin weerarki ay dhawaan kala kulantay Iran.

Mareykanka Midowga Yurub iyo dalalka warshadaha ku horumaray ee G-7 ayaa dhammaantood dhawaaqay qorshayaal ay ku saarayaan cuna-qabateyn hor leh. Arrintaasi ayaa loo arkaa mid ay reer Galbeedka ku direen farriin ah in Isra’il aysan ka aar-gudan Iran.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay inuu uga mahadceliyay wasiirka arrimaha dibadda Jamralka Annalena Baerbock iyo dhiggeeda Ingiriiska David Cameron taageerada ay u muujiyeen, balse uu u caddeeyay in Israil ay iyadu qaadaneyso go’aannada ay isku difaaceyso.

Dhanka kale, ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa Arbacadi sheegay in uu gantaallo ku weeraray saldhig millatari oo ku yaalla waqooyiga Israil. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen 14 askari.

Xisbulah waxay weerarkaasi ku sheegtay mid ay ugu aargudeysay duqeyn ay diyaaradaha Israil ku bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Xisbulah.

Tirada dadka Somaliland ‘oo gaartay 6.2 Milyan’ + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in tirada dadka degan Somaliland ay haatan gaartay illaa 6.2 Milyan, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhammeystiran oo muhiim ah.

Shirkan oo uu guddoomiyeay madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa looga hadlay arrimo xasaasi ah, ayada oo laga soosaaray 4 qodob oo lagu xusay war kasoo baxay shirka.

“Tirada dadka Jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqan oo wakhtigan maraya 6.2 Milyan, waxa ay xukuumaddu ku hawlan tahay sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo laga baaraan degay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Golaha Wasiirada Somaliland.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday arrimo ay kamid yihiin  sidii la isu-waafijin lahaa arrimaha doorashooyinka sannadkan iyo qorshayaasha kale ee muhiimka ah.

Halkan hoose ka akhriso: 

𝐖𝐀𝐑-𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃.

Hargeysa-18-04-2024-()-Fadhigii 127aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo lagu lafo-guray qodobbo kala duwan oo salka ku haya sidii la isu-waafijin lahaa arrimaha doorashooyinka sannadkan gudihiisa loo diyaar garoobayo iyo qorsheyaasha guud ee qaranka ee dhinaca maaliyadda, amniga iyo shilalka gaadiidka ee marba marka ka danbaysa sii badanaya.

Ugu horayn, Golaha Wasiirradu waxa uu war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegeystay wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdilaahi Xuseen Maxamed oo xog-waran golaha ka siiyey xaaladda amniga ee dalka iyo midda geeskaba iyo diyaar garawga Xuska Sannad Guurada 34aad ee dib ula soo noqoshadii Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-May oo gudaha iyo dibeddaba ay ka socdaan abaabul xooggan oo la xidhidha qadiyadaha madax-bannaanida Somaliland.

Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeystay, wasiirrada wasaaradaha, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Horumarinta Beeraha, Mudane Axmed Maxamed Habbane iyo Horumarinta Caafimaadka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) waxaanay dhammaantood golaha warbixin guud ka siiyeen hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan wasaaradahaasi iyo qorsheyaasha sannadkan lagu jiro u degsan.

Dhinaca kale, goluhu waxa uu dood iyo falan-qayn dheer ka dib soo saaray qodobbo muhiima oo la xidhidha danaha qaranka iyo kuwa bulshadaba, kuwaas oo kala ah;-

  1. In la Aas-aaso sanduuqa horumarinta qaranka laga bilaabo 2025-ka, iyadoo habraaca lagu maamulayo ay soo diyaariyaan wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo qorshaynta iyo horumarinta qaranka.
  2. Goluhu waxa uu xoojinayaa go’aamadii hore uga soo baxay shirarkii hore ee la xidhiidhay in mashaariicda horumarineed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha Caalamka aan cid kale loo soo marin ee wixii ay xaq u leedahay toos loogu soo hagaajiyo.
  3. Tirada Dadka Jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqan oo wakhtigan maraya 6.2 Milyan, waxa ay xukuumaddu ku hawlan tahay sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo laga baaraan degay.
  4. In tallaabo sharci oo deg-deg ah laga qaado arrimaha soo noq-noqday ee sababa shilalka gaadiidka ee naf iyo maalba ee dhibaatada ku haya dalka iyo dadkaba, iyadoo loo saaray guddi ka kooban wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo laamaha amniga ee arrintaasi khusayso.

ALLAA MAHAD LEH.

Sawirro: Ciidanka xeebaha Soomaaliya iyo kuwa Yurub oo dhoolatus ka sameeyay badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xeebaha Soomaaliya iyo kuwa badda ee Midowga Yurub ee loo yaqaano (ATALANTA) ayaa maanta si wadajir ah dhoolatus wayn uga sameeyay xeebaha Soomaaliya, oo muddooyinkii dambe lagu arkayay burcad badeed.

Labada ciidan ayaa si mideysan Layli ugu qaatay Markabka dagaalka lagu magacaabo (CANARIAS) ee dalka Spain ee jooga gudaha biyaha Soomaaliya.

Ujeedka Layligaan ayaa xambaarsanaa qaababka la dagaalanka  burcad-badeedka, dhaca hubeysan ee badda iyo ka hortagga maagelinta sharci darrada ah ee dembiilayaasha iyo shabakadaha Argagixisada.

Sidoo kale Layligaan wuxuu kamid yahay tababarada joogtada ah ee lagu tayeynayo ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, sarena loogu qaadayo xirfadaha kala duwan ee saraakiisha ammaanka iyo nabadgalyada badaha.

Dhaq-dhaqaaqan waxaa  hoogaaminaayay Taliyaha Ilaalada Xeebaha Gaashaanle sare Bashiir Cabdi Qaasim iyo Taliyaha Markabka Dagaalka “CANARIAS” (F-86) Carlos CASTOSA.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo mar kale ay soo rogaal celiyaan kooxaha burcad badeedda oo todobaadkan 5 milyan oo dollar madax furasho uga qaateen Marka MV Abdullah oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ku haysteen xeebaha bari ee Soomaaliya.

Afduubkan markabkan waxaa ka horreeyay markab kale oo lagu magacaabo MV Ruen oo isna laga badbaadiyay burcad badeeda, kadib markii ay nolosha ku qabteen kooxdii afduubayaasha ahaa ciidanka badda Hindiya oo ugu dambeyn ka dajiyay dalka Hindiya.

Local hero Oscar champions environmental preservation in Somalia

In the slowly progressing nation of Somalia, a dedicated Osman Yusuf Osman known affectionately as Oscar by those closest to him is spearheading vital initiatives aimed at safeguarding the country’s environment. His unwavering commitment to enhancing the wellbeing of his homeland shines through his focused efforts on environmental security and the preservation of Somalia’s stunning natural beauty. 

Oscar’s journey into environmental advocacy began with his profound connection to the landscapes of Somalia, which he believes are an integral part of the nation’s heritage and future prosperity. This deep-seated passion has driven him to launch and lead numerous projects that address critical ecological issues, from deforestation and water scarcity to wildlife protection. 

Among his notable initiatives is the Oscars Green Somalia campaign, which mobilizes local communities to participate in tree planting activities and clean-up events aimed at combating pollution and restoring natural habitats. This program not only beautifies the environment but also educates residents about the importance of ecological stewardship and sustainable practices. 

“Oscar’s passion for our environment isn’t just inspiring, it’s transformative,” says Amina, a school teacher and volunteer in the Green Somalia campaign. “Through his efforts, he has brought our community together for a cause that is crucial for our survival and well-being.”

Oscar’s influence extends beyond grassroots movements; he collaborates with national environmental agencies and international conservation groups to secure funding and support for larger-scale projects. His persuasive advocacy has led to the implementation of stricter pollution controls and the development of renewable energy resources in several regions of Somalia.

The effectiveness of Oscar’s initiatives is evident in the tangible improvements in local biodiversity and the increased awareness of environmental issues among the Somali population. Testimonials from community members highlight the visible changes in their surroundings and the pride they take in contributing to these efforts. 

“I never thought I would see such a change in my lifetime,” shares Mohamed, a local farmer whose land will benefit from improved irrigation and soil conservation techniques developed through one of Oscar’s programs. “Our children will inherit a land that is healthier and more bountiful than we ever imagined possible.” 

Oscar’s work also addresses the socioeconomic aspects of environmental degradation. By introducing eco-friendly agricultural practices and supporting sustainable tourism, he helps create jobs and provide stable income sources for families, thereby reinforcing the link between environmental health and economic prosperity. 

As Somalia continues to face environmental challenges, including the impacts of climate change and resource depletion, Oscar’s forward-thinking initiatives offer a beacon of hope. His holistic approach not only mitigates immediate ecological threats but also lays the groundwork for long-term sustainability.

Residents and friends of Oscar remain deeply grateful for his tireless dedication and infectious enthusiasm. “He has taught us that each of us has a role to play in protecting our environment,” reflects Layla, a local business owner involved in the initiatives. “We love Oscar not just for what he does, but for inspiring us to act.” 

Oscar’s commitment to environmental security in Somalia is a poignant example of how individual leadership can ignite collective action and drive significant change. His story resonates as a powerful call to action for environmental stewardship, reminding us all of the critical role we play in shaping the future of our planet.

Falcelin xoogan oo ka dhalatay tallaabo ay xalay qaaday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Facelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabo culus oo ay xalay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay tijaabisay hub waa wayn oo si xoogan looga dareemay xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kahor tijaabada hubkan ayaa waxaa ogeysiis soo saaray laamaha amniga oo wargeliyay shacabka inuu jiro hub loo ridayo si tijaabo ah, ayna u dul qaataan dhawaqa hubkaasi.

“Ciidamada Amnigu waxa ay ogaysiinayaan Shacabka Caasimadda in uu jiridoono tijaabo hub, sidaas awgeed haddii aad maqashaan dhawaqa hubkaas wax dhib ah majiraan” ayaa lagu yiri farriin kasoo baxday laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Hubkan oo xalay si weyn looga dareemay gudaha caasimada ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid cusub oo ay soo iibsatay dowladda, maadaama laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee muddada dheer saarnayd, taas oo u sahleysa inay soo iibsato hub waa wayn.

Haddaba sidee looga faceliyay tallaabada ay qaaday DF Soomaaliya?

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay, iyaga oo ka falcelinaya hubka xalay lagu tijaabiyay magaalada Muqdisho.

Axmed Naaji Cabdalle ayaa yiri “Banaanka magaalada maa lagu soo tijaabiyo maxaa shacabka loo argagax galinaa?.

Fanaanada Xamdi Bilan oo kamid ah dadka ka falceliyay ayaa iyaduna si kaftan leh ugu jawaabtay “Sheeko bal dhanka degmada Hodan iyo dagmada Heliwaa ka ilaliya.”

Maslax Maxamed oo kamid ah dhalinyarada istcimaala baraha bulshada ayaa yiri “Qolo in lagu tijabiyo u baahan ayaaba jirtaa maa lala aado?”.

Maryan Maxamed Xuseen “Meeqo saac ayaa la tijaabinaa si dadku u fahmaan in tijaabadii hubka ee SNTV noo shegay tahay”.

Nuuradiin Xaaji ayaa ka mahadceliyay wargelinta ay soo saartay dowladda wuxuuna yiri “Waad mahadsantihin in aad noo shegtaan”.

Qalanjo Siman waxay iyaduna tiri “War Khawaarij ha lagu soo baroobeeyo yaana lagu dul ridin hubkaas is maqal ma jiraa?”.

Sawirro: Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay saddex heshiis oo lala galay dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Shirka oo looga hadlay arrimo xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu ansixiyay saddex heshiis oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Heshiiska koowaad ee ay golaha meel-mariyeen ayaa ah heshiis iskaashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya, kaas oo kor loogu qaadayo xiriirka labada waddan oo ka wada tirsan ururka ganacsiga ee bariga Afrika.

Sidoo kale heshiiska labaad ayaa dhigaya wareejinta Maxaabiista Xukuman ee ku xiran xabsiyada dalka Tansaaniya, kaas oo fursad siinayo muwaadiniinta ku xiran dalkaas oo dib loogu soo celinayo gudaha Soomaaliya.

Heshiiska saddaxaad Iskaashiga Dalxiiska, si ay labada dal isku dhaafsadaan booqashooyin iyo safarro dalxiis oo muhiim ah.

Intaasi kqei Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, xasillinta iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeysay sameyneysay horumar dhanka islaashiga dibadda ah, waxayna dalal waa wayn lasoo gashay heshiis muhiim ah iyo kuwa kale oo quseeya difaaca guud ee dalka

Dagaal culus oo mar kale ka qarxay Qoryooley + Sawirro

0

Qoryooley (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo markale maanta dib uga qarxay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu maanta ka dhacay xaafada Buulo Siidow, wuxuuna saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaaladaasi.

Sawirro laga soo qaaday bartamaha Qoryooley ayaa muujinaya degmada oo haawaneysa, isla markaana cidlo ah, maadaama dagaalka si weyn looga dareemay halkaasi.

Ilo deegaanka ah Caasimada Online u sheegay in dagaalka uu weli socdo, isla markaana la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, ayna cakiran tahay xaaladda.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo marar badan kusoo laa laabtay aagga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xiisadda ka taagan Qoryooley oo u dhexeyso labada beelood ayaa todobaadii u dambeeyay ka taagnayd magaalada, waxaana fashilmay dadaallo lagu xalinayay labada dhinac.

Marka laga tego Qoryooley, waxaa jira magaalooyin kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed, sida Diinsoor iyo Buurhakaba oo iyana ay ka taagan yihiin dagaal beeleedyo, waxaase faro-gelisay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ciidan gaysay degmooyinkaasi.

Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee maamulka, waxaa iyadana ka jirta xiisad kale oo u dhexeyso ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku sugan magaaladaasi.

Xog: Deni oo qorshe cusub u tagaya Kenya kadib dagaalkii uu la galay Xasan Sheekh

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar gaar ah ugu maqnaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa hadda ku wajahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa mudada uu ku sugan yahay Nairobi la kulmi doona qaar kamid ah safiirada dalalka taageera arrimaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya barnaamijyada gargaarka iyo hormarinta.

Safarka Madaxweynaha Puntland oo qorsheysnaa maalintii Talaadada ayaa baaqdey kadib markii roobab xooggan ay ka da’een Dubai, taas oo saameysay duulimaadyada diyaaradaha.

Xog ku dhaw safarka Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegaysa in uu kulan gaar ah la qaadan doona madax ka socota dowladda Maraykanka oo ku sugan Kenya.

Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan xaaladda isbeddelka leh ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha burcadbadeeda, argagixsada iyo xiisadda ka taagan badda cas, waxaana hadda ay u muuqataa mid wax ka beddalaysa siyaasadeedi Geeska Afrika ee 12 sano ee la soo dhaafey.

Kulanka Deni iyo Maraykanka ayaa looga hadli doonaa iskaashiga Puntland iyo Maraykanka ee arrimaha amniga iyo geedi socodka dowladnimada Soomaaliya.

Qaar kamid ah golaha wasiirada Puntland oo uu ka mid yahay wasiirka Qorsheyna iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo qaar ka mid ah la-taliyaasha Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda ku sugan magaalada Nairoobi kuwaas oo diyaarinaya kulamada Madaxweynaha.

Puntland ayaa beesha caalamka ka dooneysa in loola dhaqmo hab gaar ah maadaama xiriirka u jartay Dowladda Federaaka, kadib markii ay ku eedeysey in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dastuurkii ku xadgudbay.

Maamulka ayaa shalay diiday ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayo inuu magaalada Muqdisho ka dhaco inta u dhexeyso 20 illaa 21-ka bishan April ee sanadka 2024-ka.

Midowga Yurub oo Soomaaliya u ansixiyey $100 milyan ka badan iyo waxa lagu qabanayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub oo si weyn u taageero dowladda federaalka iyo howlgalka ATMIS ayaa mar kale qaaday tallaab ku aadan horumarinta amniga Soomaaliya, wuxuuna ansixiyay malaayiin doollar oo ku baxaysa amniga dalka.

Midowga Yurub ayaa haatan Soomaaliya u ansixiyay $74.4 milyan oo dollar, taas oo loogu talagalay qorshaha kala guurka ee ay ciidamada ATMIS uga baxayaan gudaha Soomaaliya.

Lacagtan ayaa si gaar ah loogu qarash gareyn doonaa wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ciidamada ATMIS oo la filayo inay Soomaaliya ka baxayaan dhammaadka sanadkan 2024.

Waxaa kale oo jirtay lacag kale oo gaareysa $42.5 milyan oo uu Midowga Yurub ku taageeri doono ciidamada Xoogga dalka, si ay awood ugu yeeshaan la wareegidda amniga dalka.

Taageeradan dhaqaale ee ay dalalka Yurub ku bixinayaan Soomaaliya ayaa wax badan ka tari doonto amniga dalka, maadaama la dhisayo ciidan Soomaali ah oo beddalaya ATMIS.

Waxaa haatan dowladda federaalka ay waddaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ee la wareegidda amniga, maadaama uu si tartiib ah ku bilowday qorshaha bixista ATMIS oo horay ciidamada Xoogga dalka ugu wareejisay xarumo iyo saldhigyo muhiim ah.

Dhinaca kale waxaa dhowaan la qorsheynayaa in 4,000 oo askari oo dheeraad ah oo ka tirsan howlgalka ATMIS laga saaro Soomaaliya dhamaadka bisha soo socota June.

Si kastaba, Midowga Yurub ayaa taageera dhaqaale oo weyn ku bixiya howgalka ATMIS, isaga oo horay u siiyay ku dhawaad 2.87 bilyan oo dollar tan iyo 2007.