24.9 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Sawirro: Koonfur Galbeed oo hub kasoo furatay Shabaab

0

Berdaale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka weerar culus uu ka dhacay duleedka degmada Berdaale ee gobolkaasi, kaas oo ay qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed.

Weerarkan oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday goob ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen tuulada Taflow oo 28 KM u jirta degmada Berdaale ee gobolka Baay.

War kasoo baxay Koonfur Galbeed oo lagu baahiyay Telefishinka maamulkaasi ayaa lagu sheegay in howlgalka oo guuleystay lagu dilay 9 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in hub iyo rasaas ay ciidamada deegaanka kusoo furteen weerarka ay saaka ku qaadeen kooxda Al-Shabaab

“Degmada Bereaale Ee Gobolka Bay Taariikhda:18/4/2024 Xarun ay Khawaarijta kulahaayeen Tuulada Taflow oo 28km Dhanka Koonfur kaga beegan Degmada Berdaale ayaa Ciidanka Xaq udirirka Deeganka weerar ay kuqaadeen waxaa laga soo furtey 7 qori oo AK 47 ah iyo 1 Bkm iyo 8-Sanduuq oo Rasaas ah waxaana Khawaarijta Halkaas Lagaga diley 9 Maleeshiyo oo Argagixisada Daacad u ahaa” ayaa lahu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in ciidamada qaaday howlgalka oo gurmad ahaan u baxay ay nabad qabaan, welina ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi

“Ciidamada Xaq udirirka ah ayaa hada gurmad uga baxay Degmada Berdaale Wayna Nabad qabaan Ciidanka” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay Koonfur Galbeed.

Gobollada Baay iyo Bakool oo ay xilligan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaca dagaallo u dhexeeya labada dhinac.

DEG DEG: Diyaarad milateri oo ku bur-burtay Kenya iyo taliyihii ciidanka oo…

0

Nairobi (Caasimada Online) – War soo baxay goordhoweyd ayaa sheegaya in diyaarad milateri oo nooca qumaatiga u kaca ah ay ku bur-burtay dalka Kenya wax yar uun kaddib markii ay kacday.

Telefishanka Citizen ayaa soo weriyay in Taliyaha Milateriga Kenya Janaraal Francis Ogolla uu saarnaa diyaaradda dhacday.

Sidoo kale warbaahinta gudaha ayaa ku warameysa in ay saarnayeen diyaaradda illaa siddeed ruux oo kale, taasi oo ku bur-burtay galbeedka waddankaasi.

Warar is-khilaafsan ayaa illaa hadda kasoo baxaya xaaladda Madaxa Milateriga, waxaana qaarkood ay tibaaxayaan inuu si xun u dhaawacmay loona qaadey Nairobi, halka qaar kalena ay soo warinayaan in uu geeriyooday.

Afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa uga baaqay dadka Kenyanka ah in ay is dajiyaan, islamarkaana ay ka fogaadaan warrarka kutiri kunteenka ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in war rasmi ah ay dowladda ka soo saari doonto shilka diyaaraddeed.

Wixii faah-faahin ah ee kasoo kordha kala Caasimada Online.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo qaabilay wiil guul taariikhi ah u soo hooyey Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Cabdulaahi Jaamac Maxamed oo kaalinta labaad ku guuleystay billadda qalinka ah tartanka orodka 5000m ee Ciyaaraha Guud ee Qaramada Afrika, oo lagu qabtay dalka Ghana.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Cabdulaahi Jaamac Maxamed sida uu u matalay dalkiisa.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in guusha uu Cabdullahi gaaray ay tahay mid taariikhi ah oo dhiirigelin u ah ciyaaraha fudud ee dalka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ah Orodyahan Soomaaliyeed oo guul ka soo hooyey, billad qalin ahna Soomaaliya ugu soo guuleystay orodka 5000 ee mitir ee Kulankii 13aad ee Cayaaraha Afrikaanka (13th African Games), kaas oo ka dhacay Accra, Ghana, 22kii Maarso 2024.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Cabdullaahi uu yahay nin dhallinyaro ah oo ammaan gaar ah mudan, maadaama uu iskiis isugu xilqaamay in uu waddankiisa iyo calankiisa ku metelo fagaarayaasha ciyaaraha ee caalamiga.

“Cabdullaahi dadaalkiisa iyo go’aan-qaadashadiisu waxa ay dhiirragelin u yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, in aanay meel kale ka sugin ee horumarinta ay iyagu hormood u yihiin, iyo in guushu tahay mid la gaari karo, si walba oo caqabaduhu u badan yihiin”. Ayuu yiri Saalax.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mudnaan siinaysaa horumarinta ciyaaraha, iyada oo dhisaysa kaabayaasha isboortiga, si dhallinyaradu u helaan tababbarro iyo fursado heer caalami ah oo ay asaaggood kula tartamaan una soo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah iyo kartidooda.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Xukuumadda #DanQaran ay ka go’an tahay horumarinta karaanka dhallinyarada iyo sare-u-qaadidda xirfadahooda, si ay awood ugu yeeshaan in ay ka qayb qaataan suuqa shaqo-abuurka.

“Waxa aan ku kalsoon ahay in Cabdullaahi iyo dhallinyarada la midka ah ee isxilqaamayaasha ahi ay guulo intan iyo ka weyn ba ah soo hoyin doonaan sidii aan hore u ga barannay. Xukuumaddu na wax ay garab taagan tahay dadaalka dhallinyarada, waxa na ay diyaar u tahay in ay ku taageerto himilooyinka guusha ee ay ku taamayaan”. Ayuu intaas raaciyey Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Sawirro: Soomaaliya oo tusaale cajiib ah u noqotay wadamada soo koraya kadib markii…

0

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya oo kulamo gaar ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Adduunka iyo Ku Xigeenkiisa, isagoo ku sugan dalka Mareykanka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka guud ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka, xili uu soconayo shirka Xiliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo matalaya dhammaan Wasiiradii shirka ka soo qabgalay, kuna hadlay afkooda ayaa jeediyay khudbad uu ku faahfaahiyay habka unuglaanshada Deymaha, ka soo kabashada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Tan iyo wixii ka dambeeyay December 2023, Soomaaliya waxa aheyd tusaale ay ku daydaan dalalka soo koraya ee deymaha lagu leeyahay.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdiga ku wehliya shirarka Washington waxa ay shir gaar ah oo arrimaha Soomaaliya ah la qaateen Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Bariga iyo koofurta Qaaradda Afrika.

Shirkaas ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta iyo ballaarinta taageerada Bangiga ee Soomaaliya.

Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay Saaxibada Soomaaliya ee ka qeyb qaata fulinta Mashaariicda horumarineed iyo dib-u-haneynta Maaliyadda oo hada meel aad u wanaagsan maraya.

 

Weriye Xuseen Cabdulle oo shaaciyey hadalladii dhex-maray isaga iyo Sanbaloolshe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weriye Xuseen Cabdulle Maxamed ayaa soo saaray qoraal uu kaga warbixinayo xarig ay u geysatay hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, qoraalkaan intiisa badan wuxuu ku soo bandhigay magacyada masuuliyiin ka qeyb qaatay siideyntiisa, isagoo sheegay inuu xiraa muddo 24-saac ah.

Sidoo kale, Weriye Xuseen Cabdulle wuxuu soo bandhigay wadahadal kooban oo dhex maray isaga iyo Agaasimaha NISA Cabdullahi Sanbaloolshe, ka hor inta aan la xirin.

Masuuliyiin uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo kasoo wada jeeda beesha Abgaal ayuu sheegay inay ka qeyb qaateen soo deyntiisa, isagoo balan-qaaday in uusan aamusi doonin oo xaqiiqada uu soo tebi doono.

Xuseen Cabdulle ayaa ka mid ah Weriyaasha ugu caansan magaalada Muqdisho, wuxuu leeyahay warbaahin gaar ah, wuxuuna soo tebiyaa dhacdooyinka xasaasiga ah ee dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Xuseen:

MAHADCELIN

Axmdlh waan helay Xorriyadeyda, kadib 24 saac oo aan afduubnaa!

Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo amarkiisa leygu daayay, Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, Xildhibaan C/qaadir Cosoble, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh, Xildhibaan Xasan Cabdinuur, Xildhibaan Macalimuu, Sheekh Soomow iyo dhamaan madaxdii ka qeyb qaadatay in aan Xorriyadeyda helo.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa waalid, walaal, ehel iyo asxaabta saxaafadda oo dedaal badan ku bixiyay in aan Xorriyadeyda helo la’aantoodna aysan waxba suurta geli laheyn.

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee isoo wacay waxaan ka raali gelinayaa in aanan u wada jawaabi karin, waana uga mahadcelinayaa niyad wanaagooda iyo garab istaagooda, laakiin qof kasta halkaan ayaa uga mahadcelinayaa 100%

Anigoo tixgelinaya codsiga dadkii isoo daayay waxaan hadalkeyga ku soo koobayaa “Saxaafadda Soomaaliya waxay saaran tahay gaari BUS ah oo Miineysan, rimoodkii lagu qarxin lahaana uu gacanta ku haayo nin kale!”

Wabillaahi Towfiiq.

Soomaaliya oo Nabad ah insha Allaah.

 

DF oo markii ugu horreysay yeelaneysa ciidan ka maran…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadkii hoggaamiye kooxeedyada lagala wareegay ayaa gabaabsi kusii ah kamid ahaanshaha ciidanka dowladda Soomaaliya, tani waa farriin togan maadaama ay gacan ku dhiiglayaal u badnaayeen.

Sidoo kale balwadaha maanka dooriya ayaa si weyn dib ugu dhigay waxqabadkii laga filaayay askartii loo tababaray dowladda Soomaaliya 15-kii sano ee lasoo dhaafay, waxayna dhinaca kale dhaxalsiisay inay isla askarta shacabka ku dhibaateeyaan awooddii loo dhiibay, iyaga oo raadinaya lacago ay ku iibsadaan jaad iyo waxyaabo kale oo qofka maskaxdiisa dhinaca taban u jiida.

Intii uu socday qorshihii wejigii hore ee la-dagaalanka argagixisada ee dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxyaabaha la ogaado waxaa kamid ahaa in argagixisada ay soo weerarto ciidanka saacadaha ay ogaadan inay jaadka ka kaceen.

Waxaa kale oo jira farriimo hore oo sheegayay in argagixisada laftigeeda ay dhowr jeer ka shaqeysay in askarta kasoo horjeeda jaad loo geeyo, si ay dagaalka iyo difaacaba uga mashquulaan kadibna ay weerar ugu qaadan.

Dhowr weerar oo gaadmo ahaa oo ay argagixisada ku qaaday ciidanka xoogga dalka sanadkii hore ee 2023 waxaa sabab u ahaa ku mashquulida ay askarta ku mashquushay jaadka.

Laakiin markan waxaa jirta farriin weyn oo wax ku ool ah, ciidan uu hadda tababar u socdo oo la rabo inay ka qeyb qaatan la-dagaalanka argagixisada ayaa noqday ciidankii koowaad ee loo qoro dowladda Soomaaliya oo shuruudaha xulista ay ku jirto in uusan askariga laheyn wax balwadaha maanka dooriya kamid ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dorraad la hadlay ciidankaas loo carbinayo dagaalka ee ka nadiifka ah balwadaha maanka dooriya waxa uu sheegay in qofkii ciidanka ku dhex jira ee la arko isagoo balwad wada inuu yahay nin u adeegaya argagixisada, wuxuuna madaxweynaha ku baaqay in qofkaas la qabto.

Waxaa kale oo madaxweynaha uu sheegay in askarigii la arko isagoo balwad isticmaalayo inuu iskaga tagi doono ciidankan cusub, maadaama markii hore lagu soo xulay in aysan balwad laheyn.

“Ciidanka waxa jabiya ama dila ayay balwada kamid tahay, nin balwad la wareegaya ciidanka dhexdiisa Shabaab ayuu u adeegaya waa cadow ee qabo. Waa hubaa in idinka la idin soo aadeynin oo waa kuwaasi kuwii balwada maaha ayaa hubaa maalinka howl-gashaan Insha allah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan ma ka tanaasulay dastuurka la ansixiyay kadib tallaabada uu qaaday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casuumad u direy dhammaan madaxda goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho, si ay uga soo qeyb-galaan shir xasaasi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ah midka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa madaxda lagu casuumay waxaa kamid ah hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni oo si weyn isku hayaan Xasan Sheekh, kan Jubbaland, HirShabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Nuqul kamid ah warqadda casuumadda ah oo ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa madaxda maamul goboleedyada looga codsaday inay kasoo qayb-galaan shirkaas oo magaalada Muqdisho ka dhici doono inta u dhaxeysa 20 illaa 21-ka April ee sanadkan.

“Shirkan waxaa looga hadli doonaan arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri warqadda casuumadda.

Haddaba, madaxweyne Xasan ma ka tanaasulay dastuurka la meel-mariyay dhawaan?

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ayaa dhawaan baarlamaanka marsaday wax ka beddelka dastuurka, oo ay si weyn uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Wax ka beddelka dastuurka ee meel-marka noqday ayaa ah afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka, oo ay ku jiraan qodobo xasaasi ah sida; doorashooyinka iyo haykalka dowladnimada.

Dastuurka la ansixiyay oo uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxaa uu dhigayaa in ragga maamula dowlad-goboleedyada aan loogu yeeri karin “madaxweynayaal” halka la siiyay darajada “hoggaamiyeyaal”.

Warqadda casuumad ee madaxweyne Xasan uu xalay u direy madaxda dowlad-goboleedyada ayaa waxa loogu yeeray “madaxweyneyaaal” halka uu dastuurka dhawaan la meel-mariyay uu dhigayo in la dhaho “hoggaamiyeyaal”.

Fallanqeeyayaasha qaar ayaa qaba in tallaabadan ay muujineyso dabac xagga madaxweynaha oo la xiriirta dastuurka la ansixiyay, xilli uu jiro guux dhanka madaxda maamullada oo iyadna la xiriirta qodobbada qaar ee dastuurka.

Halka kuwa kale ay qabaan in dastuurka la meel-mariyay uu dhaqan-gal noqon doono muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh kadib, sidaas darteedna uu madaxweynaha ugu qoray warqadda casuumadda “madaxweynayaal” ragga xukuma maamullada.

Si kastaba, hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada ayaa waxaa muddo fog u qorneyd inay madaxweynayaal yihiin laakiin dastuurka dhawaan maray baarlamaanka wuxuu madaxda maamullada siiyay darajada hoggaamiye.

Dastuurka maray baarlamaanka oo mucaaradad xooggan wajahaya ayaa waxaa qaadacay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood, halka ay Puntland aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabatay hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinacyadan oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu buriyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana uu jeebkiisa kala soo baxay dastuur cusub, ayaa sidoo kale waxay shaki geliyeen dhaqan-galkiisa, xilli uu baarlamaanka ka fal-xashay afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka, uuna saxiixay madaxweynaha.

Erdogan oo war culus kasoo saaray xiisada Bariga Dhexe

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo madaxda kale ee Israa’iil oo keliya ay masuul ka yihiin xiisadaha ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe.

Erdogan ayaa hadalkaan sheegay mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ankara kadib shir ay yeesheen golaha wasiirada.

“Israa’iil waxa ay isku dayaysaa hurinta colaad gobolka, weerarkeeda safaaradda Iran ee Dimishiqna waxa uu ahaa dhacadaii ugu dambeysa” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Waxa uu intaa ku daray in isku dhacyo cusub oo gobolka ay suurta-gal tahay ilaa iyo inta “arxan-darrada iyo xasuuqa” ay ka socdaan Gaza.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ku dhaqmaan si caqli-gal ah.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ku dhaliilay reer galbeedka inay cambaareynayaan weerarka Iran oo aysan cambaareyn weerarkii Israa’iil ay ku qaaday safaaradda Iran, kaasi oo aargudasho uu u ahaa weerarkii gantaallo ee Iran ku qaaday Israa’iil.

Iran ayaa xilli dambe oo Sabtidii ah waxay weerar aargudasho ah ku qaaday gudaha Israa’iil, ayada oo Israa’iil ay dhankeeda sheegtay inay soo rideen qaybo badan oo kamid ah gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iran u adeegsatay weerarkan, kahor intii aanay soo gaadhin hawada Israa’iil.

Qaar ka mida gantaallada Iran ayaa ku dhacay gudaha Israa’iil, illaa haddana xog badan lagama hayo khasaaraha uu geystay weerarkani.

Iran ayaa horey u sheegtay inay qaadi doonto weerar aargudasho ah, kadib weerarkii bishan April 1-deedii lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq, halkaas oo lagu dilay 12 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sarsare oo ka tirsan ciidamada Iran.

Hawl-galka diblomaasiyadeed ee Iran u fadhiya QM ayaa bartooda X ku sheegay, iyaga oo adeegsanaya qodobka 51-aad ee axdiga QM inay Iran qaadday tallaabo jawaab u ah falkii gardarrada ahaa ee ay Israa’iil ka geysatay dhismahooda diblomaasiyadeed ee ku yaalla Dimishiq.

Iran ayaa intaas ku dartay “Israa’iil ma ka baaqsan doontaa inay khalad kale samayso, jawaabta Iraan waxay noqon doontaa mid aad uga daran tan iminka. Haatan waxaa xiisaddu u dhexeysa Iran iyo maamulka Israa’iil, oo ay tahay in Maraykanku uu ka fogaado.”.

Si kastaba, dhinacyada ayaa loogu baaqay inay is-xakameeyan, islamarkaana aysan uga sii darin colaadda ka taagan bariga dhexe, oo walaac xooggan laga qabo kadib xiisadda ka dhex aloosan Israa’iil iyo Iran.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo maanta guddoomiyay shir amni oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shirka amniga gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxa ka qayb-galay ra’iisul wasaaraha, wasiirada gaashaandhigga iyo amniga gudaha, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay dardar-galinta tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho, oo bilihii dambe isbeddel dhanka amniga uu ka hana-qaaday.

Kulanka oo markii ugu horreysay looga yeeray guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Benaadir ayaa warbixino ku saabsan xaaladda amniga caasimadda looga dhageystay mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka.

Saraakiisha amniga ayaa waxay kulankaan kusoo bandhigeen qorsheyaashooda ku aaddan ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale saraakiisha iyo madaxda shirka ka qayb-gashay ayaa ku ballamay in lasii laba jibaaro dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda oo haatan ah mid deggan.

Bilihii u dambeeyay ayaa waxaa gobolka Banaadir laga dareemayay xasilooni amni, ayada oo meesha ay ka baxeen inta badan falalkii amni darro ee argagixisada joogta uga fulin jirtay caasimadda, taasi oo ku timid qorshaha amni ee dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa dalka ka wadda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Xogta shirka uu iclaamiyay Xasan iyo sababta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay iclaamiyay qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran, xilli uu waayahan ka cago jiidayay kadib markii qabashadiisa dalbadeen madaxda Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Sababta ay u dalbadeen shirkan waa gadood ay madaxda maamullada ka qabaan sida uu madaxweyne Xasan Sheekh u dhigay isbeddeladii ugu dambeysay ee arrimaha dastuurka.

Afar qodob oo aanay waxba ka ogeyn madaxda afarta maamul goboleed ee waayahan la socday Villa Somalia ayuu madaxweynaha go’aan keligiis ah ku beddelay saacadihii ugu dambeeyay inta aan baarlamaanka la marin afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa xoogeystay hanjabaadaha Villa Somalia kasoo gaaraya dhanka madaxda maamullada, kuwaasi oo la xaqiijiyay inay ku goodiyeen in haddii madaxweynaha kasii cago jiido iclaaminta shirka Golaha Wadatashiga Qaran inay soo saari doonaan war-murtiyeed ay ku cadeynayaan sida ay uga soo horjeedan wax ka beddelkii madaxweynaha ku dhaqaaqay ee arrimaha dastuurka.

Balse Villa Somalia oo deg deg uga hortegaysa war-murtiyeedka ay damacsanaayeen madaxda maamullada ayaa xalay ku dhawaaqday shir dhacaya 20 illaa 21 bishaan, kaasi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Shirkaas ayaa diirada lagu saari doona arrimaha dastuurka, maadaama ay madaxda maamullada qodobkaas gadood badan ka qabaan.

Madaxtooyada ayaa la filayaa inay ku darsato arrinta la-dagaalanka argagixisada, halka ay madaxda maamullada diyaarinayaan inay miiska u saaran madaxweyne Xasan Sheekh inuu kala heshiiyo halka siyaasad ahaan looga dhaqaaqayo meesha maanta la taagan yahay.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa muddo xileedkii ka dhamaaday waxayna hadda ku shaqeynayaan muddo kororsigii la siiyay bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay. Marka laga reebo Cali Guudlaawe oo isaga muddo kororsi la siinin iyo Saciid Deni oo dib loo doortay.

Iyada oo ay muuqato in aan doorasho qof iyo cod ah laga qaban karin afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland bilaha soo aadan, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh waxaa looga fadhiya inuu madaxda maamullada kala heshiiyo jihada suurta-galka ah, sidoo kalena uu ku qanciyo go’aankii uu keligiis ku beddelay afar arrimood oo ay isaga iyo madaxda maamulladani horey uga heshiiyeen.

Shirka soo socda waa mid aad xasaasi u ah. Afarta arrimood ee la beddelay, iyada oo aan wax talo ah laga siinin maamulladii waayahan la safnaa madaxweyne Xasan Sheekh waxay kala yihiin;

1. Madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen

Waxaa la isku ogaa madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, balse madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dastuurka ku qoray ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu eryi karo, arrintaasi cidna kalama tashan.

2. Guddiga doorashada

Guddiga doorashada waxaa la isku ogaa 15 qof oo ay min laba xubnood ka imaanayaan maamul goboleed walba, balse hadda waxaa laga dhigay 18 xubnood waxayna dhamaantood ka imaanayaan xukuumadda federaalka ah.

3. Tirada xisbiyada

Waxaa la isku ogaa in xisbiyada laga dhigo laba xisbi, balse wuxuu keligiis go’aansaday madaxweynaha inuu ka dhigo saddex xisbi.

4. Madaxda maamullada loogu yeero hoggaamiyeyaal

Midda afaraadna waa in madaxda maamullada loogu yeero hoggaamiyeyaal oo laga tiro dastuurka inay madaxweyneyaal yihiin. Iyadana cidna talo lagama weydiin.

Afartaas arrimood ayay madaxda maamulladu gadood badan ka qabaan marka laga hadlayo dastuurka, balse waxaa uga sii muhiimsan in lagala heshiiyo hanaanka doorashooyinkooda soo aadan, taas oo ah arrin culeys badan saari doonta madaxweyne Xasan Sheekh.

Khaatumo oo ka carootay tallaabadii madaxweyne Xasan

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa ka carooday sababta looga reebay shirka uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu marti qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee SSC-Khaatuma oo qoraal kooban soo saaray ayaa su’aal ka keenay sababta maamulkooda looga tegay, wuxuuna sheegay in taasi ay muujineyso in weli aan la aqoonsan SSC-Khaatumo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in danahooda lagu xirayo Somaliland oo weli maqan, sida uu hadalka u dhigay.

“In nala aqoonsadaa moodaayay, tolow ma Somaliland baa geed ugu xidhanahay oo lanala sugayaa?” ayuu yiri  Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale.

Dhinaca kale waxaa isla arrintan ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha isticmaalaha baraha bulshada oo siyaabo kala duwan uga hadlay sababta looga tegay SSC-Khaatumo.

Maxamed Aar oo kamid ah dadkaas ayaa yiri “Maamul si sharci ah u jira baa maamul lagu sheegi karaa, lkn jufo kastaa hadday maamul sheegato waa wareer”.

Faysal Caaqil ” SSC iyo Puntland waa inay shir qabsadaan kadibna midoobaan, mamullada kale iyaga ka saamayn badnaan doona”.

Maxamed Jaamac “Laascoonood waa Somaliand, haddii la waasho iyo haddii la dagaalamo wax suuragal ahayn yaan lagu daalin”.

Marka laga tego carada SSC ee shirka uu iclaamiyay madaxweyne Xasan, waxaana iyadana iska diiday Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka.

Puntland oo qaaday tallaabo ka dhan ah xildhibaannada ku metala BF Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ayaa qaaday tallaabo cusub oo ka dhan ah xildhibaannada baarlamaanka, gaar ahaan kuwa laga soo doortay maamulkaas.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo hadal siiyay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay kalsoonidii kala noqdeen xildhibaannada labada Gole ee kasoo jeeda Puntland, isagoo sheegay in hadda kadib aysan metali karin maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in xildhibaannada laga soo doortay deegaannada Puntland ay mucaarad ku noqdeen maamulkii ay kasoo jeedeen, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu si cad u sheegay in wax xasaanad ah aysan lahayn xildhibaannnadaas, maadaama buu yiri dafireen Puntland.

“Qofka meesha lagasoo doortay mucaarad ku noqday, xagguu joogayaa? Waa inay ogaadaan in aanay xasaanad lahayn, haddii ay dafireen degaankii lagasoo doortay. Iyaga iyo dadka suuqa jooga waa isku mid.” ayuu yiri WasiirMaxamuud Caydiid Dirir.

Hadalkan ayaa jawaab ah hadal horay uga soo yeeray qaar kamid ah xildhibaannada laga soo doortay Puntland oo iyagu sheegay inay maamulka Garoowe ku metalaan dowladda dhexe, ayna kala xaajoonayaan danaha iyo horumarka maamulkaasi.

Go’aankan cusub ee kasoo baxay Puntland ayaa muujinaya heerka uu le’eg yahay khilaafka siyaasadeed ee haatan kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Horay Puntland ayaa ugu dhawaaqday inay gebi ahaan kalsoondii kala noqotay dowladda dhexe, sababo la xiriira wax ka beddealka dastuurka KMG ah ee lagu dhaqaaqay.

Maamul goboleedkii ugu horreeyay oo qaadacay shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa si cad u diiday ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayo inuu magaalada Muqdisho ka dhaco inta u dhexeyso 20 illaa 21-ka bishan April ee sanadka 2024-ka.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa xaqiijiyay in Puntland aysan ka qayb-geli doonin shirkaas, welina uu halkiisii yahay go’aankii ay xiriirka ugu jareen dowladda dhexe.

“Cid kala qaybgaleyso koley oo Puntland ah ma jirto, illaa ay kusoo noqonayaan xeyndaabka dowladnimada” ayuu wareysiga ku yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Sidoo kale wuxuu mar kale ku celiyay in aysan aqoonsaneyn dowlad rasmi ah oo hadda ka jirta dalka, wuxuuna ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu meesha ka saaray dastuurkii heshiiska lagu wada ahaa.

“Dowladdii hore ee dalka, haddii uu dastuurkeedii meesha ka baxay, muddo xileedkeediina wuu ka baxay , mana aaminsanin inay dowlad jirto” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Puntlabd ayaa sidoo kale shuruud ku xirtay ka qaybgalka shirka, waxayna sheegtay in wax weliba ay ka horreeyaan in marka hore lagu soo noqdo xeyndaabka dowladnimada.

“Inay sharciyadda kusoo noqoto ayaa ka horreyso iyo xeyndaabka dowladnimada Soomaaliyeed, waxay abaabuleen wax iyaga u gaar ah” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay madaxweynaha Soomaaliya uu shir ku wada casuumay madaxweynaha Puntland iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin dhammeystirka dastuurka dalka, ammaanka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Go’aanka kasoo baxay Puntland ayaa uga sii daraya khilaafka culus ee haatan kala dhexeeya dowladda federaalka, kaas oo gaaray meeshii ugu xumaa, maadaama ay kala tageen labada dhinac, sababo la xiriira wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee dalka.

NISA oo xabsiga dhigtay Wariye Xuseen Cabdulle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahaan kuwa Nabad-sugida ayaa lagu soo warramayaa inay maanta xabsiga dhigeen Wariye Xuseen Cabdulle oo kamid ah Saxafiyiinta caanka ah ee wax ku qora baraha bulshada Internet-ka.

Wararka ayaa sheegaya in marka hore Wariyaha looga yeeray xarunta taliska NISA, kadibna ay wada-hadal KOOBAN yeesheen taliyaha cusub Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), taas oo keentay xarigGa Wariyaha.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo xiray Xuseen Cabdulle, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Wariye Xuseen ayaa maalmihii u dambeeyay tabinayay warar la xiriira Hay’adda NISA iyo isbddel ku yimid hoggaankeeda, taas oo laga yaabo in hay’addu dhibsatay.

Warbixintii u dambeysay ee Wariyahan ayaa waxa uu ka diyaariyay Ceel ku yaalla duleedka magaaada Muqdisho oo la yiraahdo Ceelka Jaceylka, kaas oo ah goobta lagu dilay ganacsade Abuukar Kaabax oo dhawaan kiiskiisa dil loogu xukumay taliyihii saldhigga degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye iyo askari kale oo kamid ahaa ciidamadiisa.

Sidoo kale warbixinta uu baahiyay Wariyaha ayaa waxaa ku jirtay in Ceelkaas uu yahay goob lagu shirqoolo dadka la dilayo oo lagu rido, dadka la tuhunsan yahay in lagu ridana ay kamid tahay sarkaalad Ikraan Tahliil oo horay loogu waayay nolol iyo geeri.

Hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatayu xarigga Wariyahan Soomaaliyeed, waxaana si aad ah loogu baahiyay baraha bulshada ee ay ku wada xiriirto Soomaalida.

Waxaa sidoo kale xariggiisa si weyn u cambaareeyay bahda warbaahinta Soomaalida iyo ururada u dooda Saxafiyiinta madaxa bannaan ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Somaliland oo eedeyn yaab leh u jeedisay Ugbaad Aragsan

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa war rasmi ah kasoo saartay xarigga fanaanadda caanka ah Ugbad Aragsan oo ay xalay xabsiga Hargeysa ay u taxaabeen ciidamada Booliska ee maamulkaasi.

Qoraal kasoo baxay booliska ayaa waxaa looga hadlay xarigga fanaanadda, waxaana Somaliland ay u jeedisay eedeymo yaab leh.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in Ugbaad Aragsan loo xiray faafinta dhaqan xumo ay ku haysay baraha bulshada ee Internetka, kuwaas oo ka horjeedo Diinta Islaamka, sida lagu sheetay qoraalka.

“Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysan Ugbaad Maxamuud Cabdi , taasi oo dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaasay dhaqamo xunxun kuwaasi oo kasoo horjeeda Diinteenna suubban iyo dhaqankeenna wanaagsan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Somalilane ayaa sheegtay in fanaanada lagu sameyn doono baaris dheeraad ah, kadibna la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

“Ciidamada Boolisku iyagoo gudanaayo waajibaadka ka saaran ilaalinta Diinta , dhaqanka iyo bad-qabka bulshada ayay eedaysanta gacanta kusoo dhigeen , waxaanay wadaan baadhid-dheeraada marka ay dhamaatana waxa degdeg loo horgayn doonaa sharciga” ayaa lasii raaciyay warka qoraalka.

Dhinaca kale hadal hayn xoogan ayaa ka dhalatay xariga Ugbaad Aragsan, dadka qaar ayaa soo dhaweeyay halka, kuwa kalena ay kasoo horjeesteen.

Maxamuud Cali “Waa shaqo wacan, balse waxay ahayd ciqaab intaa ka badan in lagu xukumo si ay mar dabe u dhicin”.

Sabaad Caamir ayaa isuguna yiri “Sharaftii ciidanka ayaa lagu ciyaaray”.

Saciid Jaamac “Waan idinku bogadinena shaqad wacan ee ad qabate”.

Si kastaba, xariga fanaanadan ayaa waxaa sii xoojiyay hadal heynta ka dhalatay dhaq dhaqaaq ay sameyneyay mudooyinkii lasoo dhaafay, waxay baahisay muuqaalo ay ku amaaneyso Muqdisho, sidoo kale waxa ay tegtay Garoowe, ayada oo ka qayb gashay caleema saarkii madaxweyne Saciid Deni.

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay duleedka magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay ay xoogaga Al-Shabaab soo buux dhaafiyeen aagga degmada Balcad oo qiyaastii 35 kiilo mitiri u jirta caasimada dalka.

Guddoomiyaha maamulka degmadaasi oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe Qaasim Furdug ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaabkii ugu badnaa ay soo gaareen duleedka Balcad.

Qaasim Furdug ayaa xusay in haatan maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isku uruursanayaan deegaannada hoos yimaada degmada, loona baahan yahay in laga hortego.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubnaha yimid aaggaas ay ka yimaadeen dhinaca Shabeelaha Hoose, ayna doonayaan inay isku fidiyaan qaybo kamid ah HirShabelle.

Guddoomiyaha degmada Balcad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xubnaha Al-Shabaab ee soo gaaray duleeda Muqdisho, gaar ahaan Balcad ay aad u qalabeysan yihiin, isla markaana ay isticmaalayaan diyaarado Drones ah oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo ka codsaday inay dadajiso howlgallo looga hortegayo dhaq-dhaqaaqa ay kooxda ka billowday halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana cabsi ay soo wajahday dadka deegaanka ee ku dhaqan degmada Balcad, maadaama ay soo korortay xiisad cusub.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar toos ah oo qaraxyo ku billowday ku qaaday gudaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaase dib u celiyay oo dagala kala hortegay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sawirro: DF oo si weyn u maamuustay wiil Soomaaliya u soo hooyey guul cajiib ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ah Orodyahan Soomaaliyeed oo guul ka soo hooyey, billad qalin ahna Soomaaliya ugu soo guuleystay orodka 5000 ee mitir.

Tartanka uu ku soo baxay Cabdullahi ayaa ahaa Kulankii 13aad ee Cayaaraha Afrikaanka (13th African Games), kaas oo ka dhacay Accra, Ghana, 22-kii Maarso 2024-ka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa tilmaamay in Cabdullaahi uu yahay nin dhallinyaro ah oo ammaan gaar ah mudan, maadaama uu iskiis isugu xilqaamay in uu waddankiisa iyo calankiisa ku metelo fagaarayaasha ciyaaraha ee caalamiga ah.

“Cabdullaahi dadaalkiisa iyo go’aan-qaadashadiisu waxa ay dhiirragelin u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed, in aanay meel kale ka sugin ee horumarinta ay iyagu hormood u yihiin, iyo in guushu tahay mid la gaari karo, si walba oo caqabaduhu u badan yihiin” ayuu yiri Saalax.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mudnaan siinaysaa horumarinta ciyaaraha, iyada oo dhisaysa kaabayaasha isboortiga, si dhallinyaradu u helaan tababbarro iyo fursado heer caalami ah oo ay asaaggood kula tartamaan una soo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah iyo kartidooda, sida uu sheegay Saalax.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Xukuumadda ay ka go’an tahay horumarinta karaanka dhallinyarada iyo sare-u-qaadidda xirfadahooda, si ay awood ugu yeeshaan in ay ka qayb qaataan suuqayad shaqo-abuurka ee caalamka.

“Waxa aan ku kalsoon ahay in Cabdullaahi iyo dhallinyarada la midka ah ee isxilqaamayaasha ahi ay guulo intan iyo ka weyn ba ah soo hoyin doonaan sidii aan hore u ga barannay,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Xukuumaddu na wax ay garab taagan tahay dadaalka dhallinyarada, waxa na ay diyaar u tahay in ay ku taageerto himilooyinka guusha ee ay ku taamayaan”. Ayuu intaas raaciyey Mudane Saalax Axmed Jaamac.”

Sucuudiga oo sheegay in caalamka uu ku guul-daraystay xalka dagaalka Gaza

Riyaad (Caasimada Online) – Sucuudiga iyo Pakistan ayaa si wadajira ugu baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga gaadho dagaalka ka socda marinka Qaza, iyada oo Sucuudiguna uu soo jeediyey in xaaladda gobolka la dejiyo, isaga oo aan soo hadal qaadin weerarkii Iran ay ku qaaday Israa’iil.

Wasiirka arrimaha debedda ee Sucuudiga Faisal bin Farxan al-Sucuud oo hoggaaminayey wefti heersare ah, ayaa Isniintii ku tegey magaalada Islamabad, safar laba maalmood qaadanaya, kaas oo ay ku indha-indhaynayeen, fursadaha maalgashi ee ka jiri kara Pakistan.

Wasiirada arrimaha debedda ee Pakistan iyo Sucuudiga oo shir jaraa’id oo wada jira qabtay, ka dib markii uu soo idlaaday safarkoodu, ayaa Al-Sucuud wuxuu ku baaqay in la soo afjaro dagaalka ka socda Qaza, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay heerka ay marayso dhimashada shacabka Falastiin.

“Xaaladdani maaha wax la aqbali karo. Tani waxay inna tusaysaa, sida uu u guuldaraystay nidaamkii caalamiga ahaa. waa in haatan la gaadhaan heshiis xabbad joojin ah oo degdeg ah” ayuu yidhi wasiirka arrimaha debedda ee Sucuudigu.

Wasiirka ayaa sheegay, in xaqiiqadu ay tahay, inaanu nidaamka caalamiga ahi ku dhisnayn masuuliyaddii ay ahayd inuu qaato, isaga oo intaas ku daray, “waa inaan intaas wax ka badan samaynaa, si aan u joojino dilka”.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza, ciidamada Israa’iil ayaa dagaalka Qaza ku dilay in ka badan 33,000 oo Falastiiniyiin ah. Dagaalka ayaa bilawday, ka dib weerarkii Xamaas ay ku qaaday Israa’iil ee ay ku dishay ku dhowaad 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, iyaga oo qafaashay illaa 250 kale.

Xog: Xiisad dagaal oo ka taagan deegaano ay isku hor fadhiyaan Somaliland iyo SSC

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ilaa saddex deegaan oo dhaca xuduuda maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa caawa laga dareemayaa colaad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal kale uu qarxo.

Labada dhinac ayaa waxay ciidamo cusub keeneen goobaha qaar ee ay isku hor fadhiyeen markii horaba, sida ay Caasimada Online u sheegeen dadka ku nool deegaanada dhaca xuduuda labada maamul.

Deegaanka Buqdharkayn oo ay horay dagaalo culus ay uga dheceen ayaa ka mid ah meelaha lagu daabulay ciidamada cusub, deegaankaas ayaa 180 KM u jira magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo fadhi u ah maamulka SSC.

Waa deegaan muhiim ah oo dhaca inta u dhaxeysa Burco iyo Laascaanood, halkaas waxaa isku hor fadhiya ciidammo ka socda labada dhinac, waxaana suurtagal ah inay fooda is daraan waqti kasta.

Inkastoo deegaanada ciidamada Somaliland lasoo dhoobay ay wax badan ka fogyihiin caasimada SSC ee Laascaanood, hadana ciidanka Khaatumo ayaa fogaaday ina diyaar garoobay weerar uga yimaada dhanka Somaliland.

Goobaha caawa laga sareemayo saansaanta colaadeed ayaa horay u ahaa saldhigyadii ciidamada Somaliland, ka hor dagaalkii ay la galeen shacabka SSC, dagaalkaas oo burbur xooggan gaarsiiyey magaalada Laascaanood, balse markii dambe looga awood badiyey ciidamada Somaliland.

Xoghayaha Warfaafinta maamulka Khaatumo SSC, Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin deegaanadooda, isla markaana aysan cidna dagaal kula jirin haatan, balse waxa uu qiray in ay jiraan dhaqdhqaaqyo ka socda meelaha xadka u ah labada dhinac.

Dhanka Somaliland ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay jiraan diyaar garow ay ku tagayaan deegaanada Khaatumo ee ay horay uga talin jireen, balse khubarada ciidanka waxay qabaan in roobka bilaabanaya ee xilliga Guga uu baaji karo colaad halkaas ka dhacda toddobaadyadaan.

Muuqaallo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidammo dhalinyaro ah oo muuqaallo ay iska duubayaan ku sheegaya in ay dagaal diyaar u yihiin, colaada u dhaxaysa Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa ka bilaabatay Laascaanood, balse magaaladaasi waa caasimadda maamul aqoonsi ku meel gaar ah ka helay dowladda dhexe ee Soomaaliya, taas oo dhabarjab ku noqotay Somaliland.

Daawo: Fiqi oo Puntland iyo Somaliland u cadeeyey 3 arrin oo awood aysan u laheyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday Puntland iyo Somaliland, isagoo u cadeeyey awoodooda dastuuriga ah, isla markaana muujiyey in culeys badan oo ka saari doono arrimaha dibadda.

Fiqi ayaa hadal ka jeediyey madal uu galabta xilka wasiirka arrimaha gudaha kula wareejiyey wasiirka cusub Cali Xoosh oo ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in hadda Xoosh uu wajahayo imtixaan adag, maadaama maamulkiisii Puntland uu maqan yahay, isla markaana uu diidan yahay in dowladda dhexe uu la shaqeeyo.

“Wasiir Xooshoow Puntland lama taataaban jirin sidii Somaliland Islaanka iyo akhyaar kale baa meel kuu fadhiya, waxaa laga yaaba inaad is leysaan waxbaa qoorta kugu jira” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wuxuu sheegay intii uu joogay xilka wasaaradda arrimaha gudaha in caqabadii ugu weyneed ay ka soo wajahday aqoonsigii SSC Khaatumo, balse uu aaminsan yahay in arrintaas ay guul taariikhi ah ka gaareen, maadaama halkaas laga dhisay maamul ku meel gaar ah.

Fiqi ayaa sheegay in dowlad goboleedyada qaar ay ku doodayaan in dastuurkii KMG ahaa ay heystaan, balse isagii xitaa ay ku xad-gudbaan oo xiriiro caalami ah ay sameystaan, taas oo aan la ogolaa doonin sida uu ku hanjabay.

“Awooda arrimaha dibadda ee dalkaan waxaa ka masuul ah dowladda federaal, nin intuu tago heshiis lama soo gali karo wadan dibadda ah, hadii dastuurkii hore lagu dhaqmayo, qodobka 54–aad ayaa dowladda federaalka siinaya awooda maamulka arrimaha dibadda, gaashaandhigga iyo jinsiyadda iy socdaalka,” ayuu yiri Fiqi.

Waxaa xusid mudan in Puntland iyo Somaliland oo garab maray dowladda federaalka ay heshiisyo lasoo galeen dowladda Itoobiya, taas oo weli dowladda federaalka Soomaaliya mareyn ka rabta, maadaama ay dhabarjebin weyn ku tahay.

Fiqi oo nin ad adag ah ayaa hadda noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana sugeysa maareynta siyaasad qalafsan oo Soomaaliya kala dhaxeysay wadamo ay ugu horeyso Itoobiya, intaas waxaa dheer in Soomaaliya ay tahay wadan tabar yar uu u baahan is xakameyn iyo cayaaridda diblomaasiyad heerkeedu sareeyo.

Hoos ka daawo