25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Xog: Maamullada ay DF la gashay dagaalka dhaqaale iyo maamulka ku faa’iiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaal dhaqaale oo wayn ku qaaday qaar kamid ah maamullada dalka, gaar ahaan kuwa ay isku hayaan arrimaha siyaasadda, sida Puntland iyo Somaliland oo hadda xiisaddoodu ay gaartay meeshii ugi xumayd.

Dowladda dhexe ayaa qaaday tallaabo ay ku beegsatay labadan maamul, waxayna ka jartay miisaaniyaddii ay ku kabi jirtay Garoowe iyo Hargeysa, sida uu shaaciyay Aqoonyahan Guuleed Wiliq oo ah falanqeeye ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha dalka.

Guuleed Wiliq oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay hoos u dhigtay lacagihii ay siin jirtay labadaas maamul, sababo la xiriira hoos u dhac dhaqaale iyo khilaafka siyaasadeed ee xilligan kala dhexeeya.

Waxa uu tilmaamay in sanadkii hore Puntland la siiyay 20 milyan, balse hadda kabka ahaan loo siiyay 6 milyan oo kaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lacaga loo kordhiyay Jubbaland iyo Banaadir oo iyagu lasiiyay lacago ka badan kuwii ay qaateen sanadkii hore.

“Lacagihii kabka ahaa ee lasiin jiray Puntland iyo Somaliland hoos ayaa loo dhigay Jubaland iyo Gobolka Banadirna waa loo kordhiyay” ayuu yiri Aqoonyahanku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Sanadkan Puntland waxaa la siiyay 6 milyan, Jubbaland waxaa la siiyay 17 milyan, Banaadrna waxaa la siiyay 28 milyan”.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in Somaliland la siiyay sanadkan 28 kun oo kaliya, taas oo ka dhigan in 100% laga jaray kabkii ay helin jirtay dowladda dhexe.

“Somaliland waxaa u maleysaa in 100% laga jaray waxaa la siiyay 28 kun oo kaliya halkii sanadkii hore ay qaadatay 13 milyan ” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday in dowladda federaalka ay wajaheyso culeys wayn oo ku aadan dhaqaale yari, uuna usii dheer yahay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya dhaqaale xumo ayaa hayso, dagaalka Al-Shabaabna waa ku jirtaa waxyaalahaas ayaa dhacay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Guuleed Wiliq.

Yaa adkaaday ATMIS iyo Al-Shabaab, kadib dagaalkii qaraaraa ee JANAALE?

0

Janaale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada howlgalka ATMIS uu ka dhacay qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan deegaanka Janaale.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin halkaasi.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Labada dhinac ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkan iyo dagaalka xigay, wuxuuna mid kasta ka sheegtay guullo waa wayn.

Taliska ATMIS oo si kooban uga hadlay dagaalka Janaale ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab, ayna jabiyeen xubnaha Al-Shabaab ee kusoo duulay.

Sidoo kale ATMIS ayaa intaasi kusii dartay inay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiisay kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkan ay ku gubtay gaadiid, sidoo kalena ay khasaare ku gaarsiiysay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada ATMIS iyo Al-Shabaab, waxaase goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla gobollada dalka.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ATMIS, gaar ahaan ciidanka Uganda wuxuu ahaa mid Buulo-mareer oo ugu yaraan 56 askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.

Xog: Mucaaradka oo dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Xasan Sheekh ka bilaabay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee waddanka Kenya waxay marwalba ahaan jirtay halka uu ka bilowdo abaabulka ka dhanka ah nidaamka waqtigaasi jira ee Soomaaliya.

Si gaar ah saddexdii doorasho ee ugu dambeysay ee 2012, 2017 iyo 2022 waxaa isbeddelka laga jiheeyay magaalada Nairobi, halkaasi oo ay badi deegaan ku yihiin siyaasiyiinta xil sugayaasha ah ee Soomaaliya.

Toddobaadkii hore madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir beeleed siyaasadeed uga qeyb-galay Nairobi. Xubno mucaarad ah oo markii hore ka ganbanayay inay Nairobi shaqo ka bilaaban ayaa hadda laga soo xigtay inuu madaxweynaha siiyay fursad ay dibadda uga bilaabi karaan shirar iyo abaabul ka dhan ah nidaamkiisa.

Sabtidii waxaa Nairobi ku shiray Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Dr Cabdinaasir Cabdulle iyo Cabdulqaadir Cosoble Cali. Kulankan oo Shariifka uu dalbaday ayaa ahaa mid uu xubnaha kaga warsiinayay wixii uu kala kulmay madaxweyne Xasan Sheekh markii ay isku arkeen Nairobi.

Xubnaha kulanka fadhiyay qaar ayaa laga soo xiganaya in uusan madaxweyne Shariif ka qarin in doodda labada nin ku jiray awood qeybsiga siyaasadda, laakiin wixii ugu muhiimsana oo ay ka dooddeen wuxu ku tilmaamay xaalka siyaasadeed ee dalka, si gaar ah; in la iska kaashado amniga, laga heshiiyo dastuurka iyo doorashooyinka, la xaliyo tabashooyinka Puntland, fikir mideysana lagu wajaho culeyska ka imaanaya dhanka Itoobiya.

Dhamaan arrimahaasi ayay isla fahmi waayeen Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Mucaaradka ku kulmay magaalada Nairobi waxay ka sinaayeen in Xasan Sheekh la joojiyo oo aan la aqbali karin halka uu madaxweynaha dalka kusii wado, oo ay qaar sheegeen inay ku dhamaan doonto inuu dalka kala tago.

Dhinacyada Nairobi ku shiray waxay isku soo hadal qaadeen qaabka loo dhigi karo mucaaradnimada, qaar ayaa soo jeediyay in guud ahaan mucaaradka arrintaan u midoobaan oo xitaa Farmaajo iyo dhinacyo kale lagu soo daro, balse xubnaha qaar ayaa taas ka cago jiiday waxayna soo jeediyeen in qolo walba gaarkeeda ula timaado hal abuur mucaaradnimo oo ay Xasan Sheekh kula dirirto, iyaga oo ka gadoodsan inay Farmaajo ku saf noqdaan.

Sida aan xogta ku helnay go’aan buuxa lama gaarin, balse waxaa lagu balamay in kulamada lasii wado. Sidoo kale in lala hadlo wakiiladda beesha caalamka oo la dareensiiyo sida aanay Soomaalida iskugu raacsaneyn halka uu Xasan Sheekh wax ku wado ayay diyaarinayaan mucaaradka qaar.

Waxaa kale oo la filayaa inuu dhawaan magaalada Nairobi yimaado hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo isna si weyn u diidan hanaanka uu wax ku wado madaxweyne Xasan Sheekh, kadibna kulan weyn oo dhinacyada mucaaradka ah ayaa la filayaa inuu dhaco.

Madaxweynaha tallada haya ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda duri karin in mucaaradkiisa shirar, dooddo iyo diidmaba kusoo bandhigaan dalal shisheeye kadib markii uu isagu dhawaan aqbalay, kana qeyb-galay gogol ay beeshiisu dhigtay magaalada Nairobi.

Kulamada mucaaradka ayaa imaanaya, iyada oo bisha soo aadan ee May ay madaxweyne Xassan Sheekh u buuxsami doonto laba sano, waxaana caado ahaan jirtay in labada sano ee ugu dambeysa muddo xileedka madaxweyne kasta oo fadhiya Villa Somalia in lagula dhago isteerinka haddii uu isku dayo inuu dalka u jiheeyo dhinac aan heshiis lagu aheyn.

Sawirro: Xogta shir xasaasi ah oo u dhaxeeya DF, IMF iyo Bankiga Adduunka oo furmay

0

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.

Wasiirka iyo wafdiga uu horkacayo ayaa ka qeyb-galaya shirka xiliga guga (Lix biloodlaha) ee IMF iyo Bankinga Adduunka oo ka qabsoomi doona Washington, kaasi oo socon doona muddo hal toddobaad ah.

Kahor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga wasiirka Maaliyadda waxa ay maanta kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah agaasimaha sare ee hay’adda lacagta adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Kulankaan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka, caawinaada IMF iyo helidda maal-galin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kadib.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa la filayaa muddada toddobaadka ah ee soo socota in uu Washington kulamo muhiim ah kula qaato madaxda dalal iyo hey’ado maaliyadeed si loo horumariyo maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

13-kii December ee sanadkii hore ayey aheyd markii Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumar ka sameeynaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, ayada oo dowladda Xasan Sheekh ay ballan-qaaday xoojinta la-dagaallanka musuqa iyo ka mira-dhalinta hiigsiga “isku filnaansho dhaqaale”.

Heshiiska difaac Soomaaliya iyo Turkiga oo halis wajahaya – Maxaa hadda soo kordhay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale isku dayeysa inay xal u hesho xiisada labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Horey waxay Kenya iskugu deyday inay xal gaaraan wufuud laba dhinac ah oo ay iskugu keentay Nairobi. Laakiin sidan aan horey u baahinay kulankaasi waa lagu kala booday, kadib markii ay Itoobiya diiday in nuqulka koowaad lagu cadeeyo inay ka laabteen is-afgaradkii ay la galeen Somailand.

Markale Kenya waxay hal abuurtay qorshe cusub oo ay dalalka gobolka ku wadaagayaan kheyraadka baddaha, iyada oo meesha laga saarayo arrimaha ciidamada, lana dhowrayo madax-banaanida dal walba.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii la kulmay dhiggiisa Kenya William Ruto. Wakaaladda wararka ee Reuters iyo warbaahinta gobolkaba waxay sheegeen in madaxweynaha Soomaaliya lala wadaagay soo jeedintan cusub, iyada oo sida la sheegay ay Kenya ka talo gelisay Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD.

Labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa loogu baaqay inay arrintaan kasoo fikiraan, markaas kadibna waxaa la qorsheynaya in kulan guud uu dhaco oo ay markii koowaad isa soo hor fariistan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan, markaas oo ay Soomaaliya si weyn uga hortimid is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland.

Qorshaha Kenya ay wado waxa uu dhinaca kale imaanaya, iyada oo dhawaan dowladda Soomaaliya aya heshiis baddeed la gashay dowladda Turkiga.

Dadka ka faallooda arrimaha Bariga Afrika waxa ay sheegayaan in dalalka gobolka ay walaac ka dareemayaan heshiiska ay Soomaaliya la gasho Turkiga iyo saameynta dalalka ka baxsan Afrika ay ku yeelanayaan gobolka.

Waxa kale oo suurta-gal ah inay arrintaan ku lug leeyihiin dalal reer Galbeed ah oo doonaya in Soomaaliya ay dib uga gurato heshiiska ay la gashay Ankara.

Inkasta oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay beenisay in mowduucan laga wada-hadlay, haddana Soomaaliya ma inkirsana inay Kenya waayahan ku mashquulsaneyd in xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ay xaliso.

Madaxweyne William Ruto ayaa u muuqda mid raadinaya inuu noqdo hoggaamiyaha gobolka, sidoo kale wuxuu dhamaadka bisha May ee sanadkaan booqasho rasmi ah ku tegaya Aqalka Cad ee Mareykanka, isagoo la kulmaya madaxweyne Joe Biden.

Waxa sida muuqatana uu raajicinaya Ruto inuu halkaasi la tego fikrad ka weyn waxa ka dhaxeeya Mareykanka iyo Kenya.

Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uma badna inay hadda heegan u yihiin inay dib uga laabtan heshiiska aan weli la arag waxa ku qoran ee lala galay Turkiga. Laakiin dhinaca kale lama dhayalsan karo fikrad ay ku mideysan yihiin dalalka gobolka.

In si ganacsi ah ay dalalka u kala faa’iideystaan ma lahan cadaadis badan, laakiin Soomaaliya waxaa kusoo laabanaya ma ku jirta marxalad ay ku geli karto heshiis noocaas ah, iyada oo aan laheyn ciidan ku filan amniga baddaheeda, dalkana ay qeyb kamid ah argagixiso haysato, si weyna ay maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe iskugu khilaafsan yihiin kheyraad wadaaga.

Waxaa hadda la sugaya jawaabaha iyo tallaabooyinka soo aadan ee labada dhinac, iyada oo laga yaabo inay qorshahaan si weyn ugu farxi doonaan dalalka aan baddaha laheyn ee ku jira urur-goboleedka IGAD sida; Itoobiya, Uganda iyo South Sudan.

Militariga Soomaaliya oo wajahaya 4 dhibaato oo waa weyn – Maxaa loo dayacay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afar (4) dhibaato oo ay wajahayaan ciidanka xoogga dalka iyo niyad jab xoogleh oo ay wajahayaan ciidamadu – Maxaa sababay indhaha in laga daboosho arrimahaan?.

Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa ku jira dagaal daba-dheeraaday oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kaas oo qaatay sanado badan. Shaki kuma jiro in Milateriga Soomaaliya oo heysta taageero caalami ah iyo mid gudaha ah ay guulo ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay oo ay la galeen kooxda Al-shabaab, loogana qabsaday magaalooyin waa weyn oo ay muddo dheer gacanta ku heysay kooxdu.

Laakiin waxaa dhankooda soo gaaray khasaare culus, waana mid kamid ah dabeecadaha dagaalka lagu yaqaano.

Warbixintaan waxaan ku eegi doonaa afar dhibaato oo ay wajahayaan Ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xoogga dalka oo ah kuwii ugu mudnaa ilaalintooda iyo tayeentooda, waxaana dhibaatooyinkaas ay banaanka keeni doonaan dadka masuulka ka ah niyad jabka ciidanka ku dhacay.

Afarta qodob ee aan kusoo qaadan doono Warbixintaan oo sababay niyad jabka iyo xaaladda quusta ah oo ay ku jiraan xoogga dalka ayaa kala ah;

1) Dagaalka oo daba dheeraaday

Markasta oo uu daba-dheeraado dagaal ay ku jirto dowlad ama koox waxa uu sabab u noqdaa in lagu daalo dagaalka iyo in uu kordho khasaaraha, waxaana jira dhacdooyin badan oo aan waxba laga baran, sidoo kalena aan cidna loo ciqaabin, kuwaas oo lagu waayay dagaaladii ugu dambeeyay ee lala galay Al-shabaab.

Dowladda waxay dagaalkaas ku weysay saraakiil badan oo muhiim ahaa iyo ciidan, mana jirto hal qof oo loo ciqaabay waxay taasi keentay in Saraakiishii aqoonyahaanka ahaa ee ciidanka soo galay is weydiiyaan waxa keenaya isla xisaabtan la’aanta ah, si gaar ah waxay wali qaadan la’yihiin weeraradii lagu dilay Saaxiibadood Shataqeey, Shaah-Macabe, Xasan Tuurre, Suulnuug, Liibaan Golcad, Farxaan Qaroole iyo qaar kaloo badan.

2) Dalacsiin la’aan

Milateriga Soomaaliya oo la dalacsiiyo inta la ogyahay Taariikhda waxaa ugu dambeysay sanadkii 2013-2014-kii, marka laga reebo madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyay Saraakiishii hogaaminaysay howladii qalalaasaha watay ee ka dhacay Muqdisho, laguna weeraray madaxdii hore ee dalka ee uu ku jiro Xasan Sheekh oo markaas mucaarad ahaa.

2016 illaa 2024 Ciidanka waxaa aad u soo galay dhalinyaradii Jaamacadaha ka baxay, laakiin nasiib darro waxaa ku dhacay in dhalinyaradii kulliyadaha Leyli-saraakiisha ee wadamada Turkiga, Uganda iyo Sudan kasoo baxay oo Ciidanka wax tari lahaa ay waayeen dalaacaad, maadaama markii horaba aysan heli jirin dhaqaale ku filan.

Sidoo kale waxaa istaagay ama yaraaday koorsooyinkii loo aadi jiray Mareykanka, Turkiga, Talyaaniga iyo wadamo kale oo muhiim ah, taas oo saraakiisha dhalinyarada ah waqti nasiino iyo koorsooyin wax kororsi ah u aheyd, isla markaana ay kaga nasan jireen dagaalada daba dheeraaday ee dalka ka socda.

Markii la joojiyay fursadihii waxbarasho ee taliska uga baxsan lahaayeena, dalacaadna aysan jirin dagaal waqti dheer ahna ay galeen, dhaqaale ku filana aysan haysan waxa ay hada badi iska aadeen Kenya, Uganda, Ruwanda, Ethopia iyo Turkiga waa dadkii wax tari lahaa xoogga dalka oo aan laga faa’ideysan.

3) Xilalkii ugu muhiimsanaa oo siyaasiyiin la siiyay

Xilalkii nacfiga iyo waxtarka lahaa sida, hoggaanada iyo colalka waa weyn, qaab siyaasi ah ayaa loo qeybsaday, waana meesha labaad ee Talisku uu aad uga liito, tusaala ahaan hoggaanada Taliska waxa ay ka shaqeeyaan maamulka, dhismaha ciidanka, dejinta siyaasadda maamulka ciidanka, hormarinta ciidanka iyo guud ahaan qaabeynta Militeriga, laakiin hadda waa meelaha uu Taliska ka dumay ee u baahan badbaadinta.

4) Dhaqaala ku filan oo aan la siinin

Sida la ogyahay Ciidamada Soomaaliya ma qaataan mushaar ku filan ama u dhow ku filnaansho, sidoo kale dowladu ma awoodo in ay daboosho baahida ciidanka, laakiin qodobkaan kuma eedeysna dowladdu, maadaama ay tabarteedu liidato, ciidamada Soomaaliya waxay qaateen go’aan ay adagtahay in ay qaataan in badan oo kamid ah muwaadiniinta dalkaan, kaas oo ah in ay gunno yar ugu shaqeeyaan dalka, isuna dhigaan qaraxa iyo gumaca rasaasta Al-shabaab, iyadoo qaarkood ay yihiin Jaamiciyiin heli kara shaqooyin ka qabow tan ciidanka, hadana ma helin dalacsiin iyo kawar qabkii ay ka mudnaayeen madaxda Qaranka.

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Booliska waxay Militeriga kaga roon-yihiin in ay helaan dalacsiin iyo in aysan ku sugneyn sida Milateriga furimaha dagaalka, kana maqnaanin sanado qoysaskooda, inkastoo waqtiyada qaar ay qeyb ka yihiin dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Hadaba Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ciidanka xoogga dalka ma badbaadin doonaa si ay u sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, dalkana uu u helo amaan iyo kala-dambeyn? Maxaase hor taagan in la dalacsiiyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed?.

Mareykanka oo hal arrin uga digay Israel xilli ay dooneyso in ay ka jawaabto weerarkii Iran

New York (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ku booriyey Israa’iil inay is xakamayso, islamarkaana ay ka fogaato inay xaaladda ka dhex taagan iyaga iyo Iran ay uga sii darto.

Soo jeedinta Mareykanka ayaa imaneysa xilli ay xukuumadda Israa’iil ay sheegtay inay qaadayso tallaabo aargudasho oo ay uga jawaabayso weerarkii ay Iran ku qaaday dalkeeda.

“Ma doonayno inay xaaladdu faraha ka baxdo, sidoo kale waxaan doonaynaa inaan sii wadno taageerada aan u fidinayno Israa’iil, si ay isu difaacdo iyo in aan ilaalino danahayaga gobolka,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

Mr. Blinken ayaa hadalkaan sheegay xilli uu la kulmayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka Ciraaq Maxammed Cali Tamim.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isugu yeeray golihiisa wasiirada ee dagaalka, taasi oo ah markii labaad ee uu qabto kulan noocaas ah, in ka yar 24 saacadood.

Waxaa isa soo taraya cabsida la xiriirta in weerarkii jawaab-celinta ahaa ee Iran inuu albaabka u furo dagaal ballaaran oo dhex-mara Israa’iil iyo Iran, islamarkaana ku baaha gobolka oo dhan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay Netanyahu in Mareykanku ka qayb qaadanayn weerar kasta oo rogaal celin ah oo ka dhan ah Iran.

ISRAEL oo qaadeysa tallaabo ay uga aargudaneyso IRAN

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa u muuqata inay go’aansatay inay qaaddo tallaabo ay kaga aargudanayso ciidamada milateriga ah ee Iran, iyo qaar ka mida taageerayaasheeda gobolka bariga dhexe ku sugan, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday dalkan Yuhuudda ah.

Milateriga Israa’iil oo u muuqda inay iska indho-tirayaan baaqyada uga imanaya hoggaamiyayaasha caalamka ayaa sheegay Isniintii, in Tehran ay la kulmi doonto jawaab la xidhiidha, weerarkii ay ku qaadeen Israa’iil ee ay ku rideen 350 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo ay ka soo rideen gudaha dalkooda.

Taliyaha ciidamada Israa’iil Lieutenant General Herzi Halevi ayaa sheegay in weerarka Israa’iil “jawaab ka bixin doonaan”.

Wuxuu sheegay in Iraan ay la kulmi doonto cawaaqibka ka dhashay tallaabooyinkii ay qaaday, wuxuuna sidaas sheegay xilli uu ku sugnaa Koonfurta Israa’iil.

Milateriga Israa’iil faahfaahin badan kama bixinin nooca jawaabta ah ee ay bixinayaan, inkasta oo afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil inuu sheegay inay tallaabadaas qaadi doonaan marka ay go’aamiyaan wakhtiga.

Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Israa’iil ayaa ku booriyey inay is xakameeyaan, isaga oo sheegay in guul-darrada ku timi weerarkii Iran, in taas lafteedu ay tahay guul ballaadhan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Maraykanka Major General Pat Ryder ayaa sheegay in gantaalladii iyo diyaaradihii ka badnaa 300 ee ay ridday Iran, in 99% la soo riday.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa isna Isniintii sheegay in Israa’iil ay haatan joogto boos ka xoog badan kii ay maalmo ka hor joogtay.

Britain, France, Jordan iyo Sucuudiga ayaa ku biiray isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil si loosoo rido gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

Daawo: Puntland oo jawaab adag ka bixisay fatwadii Cali Wajiis iyo qorshaha Xasan

0

Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga jawaabay go’aanka dowladda federaalka ay wax uga bedeleyso dastuurka dalka iyo hadalkii Sheekh Cali Wajiis ee ahaa in dowladda federaalka ay weerari karto maamul goboleedkii amaradeeda diida.

Wasiirka ayaa su’aal geliyey wax la isku weerarayo hadiiba la bedelay dastuurkii heshiiska lahu ahaa, isagoo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu gaaray go’aan isaga u gaar ah oo danta umadda Soomaaliyeed aysan ku jirin.

Sidoo kale, wasiir Maxamuud ayaa sheegay in culimada Puntland iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas ay ka jawaabeen hadalkii Sheekh Cali Wajiis, isla markaana ay Puntland cadeyneyso in fadwada Shiiqaas ay ka digeyso, dagaal ay la gasho dowladda federaalkana aysan diyaar u aheyn Puntland.

“Xarigii dadkaan Soomaaliyeed isku hayey wuxuu ahaa dastuurka, hadii isagii la jebiyey dowladnimo ma jirto, wax dambena lama qeybsan karo, hadii xukun la adeecayo Sheekh Cali Wajiis wuxuu adeeci lahaa kii Maxamed Siyaad Barre oo adeegyada bulshada oo dhan ay dowladu bixin jirtay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiirka ayaa culimada uga digay inay dadka iyo dowladda fidno iyo dagaal sokeeye ku hagaan, “Qolo gaar ah halagu duulo waa fidno aan ka digeyno,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu yiri doorashaan qabanayaa, doorashada yaa loo qabanayaa? Ma dadka Muqdisho jooga ee guryaha ay dhaceen ku nool ayaa doorasho loo qabanayaa?” Ayuu yiri.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa ku taliyey in horta maqaamka Muqdisho laga wadahadlo inta aan laga tashan nooca doorashada la qabanayo, “Muqdisho maxay noqoneysaa ma caasimad dowlad goboleed, mise caasiamdda umadda Soomaaliyeed, taas ayaa u baahan in la qeexo,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan Sheekh oo 3 saldhig militeri isku maray, qorshe dagaalna iclaamiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneraal Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneraal Daa’uud.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saldhigyadaas ay ka amba-baxayaan cutubyo ciidan ah oo ku wajahan furimaha dagaalka iyo ciidamo tababar heerkiisu sarreeyo u aadaya dalka Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran iyo dhiirri-galin ayaa ku adkeeyey rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka miro-dhalka ah ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Xasan Sheekh ayaa ciidamada uga warbixiyey filashada ay qabaan dadka ku nool deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu oo u hamuum qaba in laga dulqaado cadowga dhiig miiratada ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gacan lagu ciribtirayo argagixisada, gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go’an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashooda.

Madaxweynaha ayaa qiray in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ay soo bandhigeen nafhurnimada iyo geesinimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

KENYA oo ka fiirsaneysa heshiis ay la gashay Ethiopia

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa dooneysa inay dib uga gor-gortanto heshiis dhinaca tamarta ah oo ay horay ula gashqy Itoobiya.

Isku-deygan ayaa imanaya ka gadaal markii ay Addis Ababa ku guul-sarreysatay in ay buuxiso shuruudihii lagu heshiiyay.

Heshiiskan oo labada dal dhex-maray bishii July 2022-kii ayaa dhigayey in Itoobiya ay Kenya ka iibiso koronto muddo ku siman 25 sano, balse durba waxaa soo wajahday caqabado u saamixi waayey soo saarista tamar ku filan in ay koronto u dhoofiso dibadda.

Middaan ayay walaac ka muujisay Kenya, ayada oo hay’adda waddankaasi u qaabilsan tamarta iyo shidaalka ee EPRA, xilli qalalaasaha dhanka tamarta ee ka jira Itoobiya in uu Nairobi ku hayo hubanti la’aan, sida ay sheegtay ERPA.

Arrintaan ayaa kalifeysa in ay dib ugu laabato Kenya miiska wada-hadalka, si gor-gortan cusub uga gasho heshiiskan.

“Itoobiya waxay ku guul-darreysatay in ay dhiggeeda Kenya ka shaafiso sababta ugu wacan gaabiska ku yimid fulinta heshiiska ay wada galeen, taas oo Kenya ku ah halis aan la dhayalsan karin,” ayuu yiri Daniel Kiptoo, oo ah madaxa hay’adda EPRA oo la hadlay wargeyska The East African.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aan la dhayalsan karin halista ku gadaaman heshiiskan, wallow aysan Itoobiya weli si rasmi ah gacanta uga taagin hirgelinta heshiiska koronto.

Muqdisho: Xogta koontooyin ganacsi oo la xayiray oo baarisna lagu hayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa shaaciyay inuu baaris ku hayo Koontooyin ganacsi oo ku furan magaca Somali Journalists Syndicate oo loo soo gaabsho (SJS).

Bayaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in koontooyin ganacsi loo adeegsaday diiwaan-gelintooda shati been abuur ah. Mana shaacin xafiiska inta akoon ee magaca ururkan ku furan ee la xayiray.

“Somali Journalists Syndicate ayaa waxaa loo haysta fal-danbiyeedyada ku cusan qodobada: 372, 378, 452/3 ee xeerka ciqaabta Soomaaliya iyo qodobada 8-aad, f-1aad, qod. 16-aad f-1aad, qod. 26-aad ee sharciga Saxaafadda xeer lr. 26, ee soo baxay 2020,” sida lagu yiri qoraalka xafiiska xeer ilaalinta qaranka.

Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbisay warbixin baaris, xayiraad iyo fatashaad la xiriirta Koontooyinkan ganacsi, ayada oo maxkamadda soo saartay amar fatashaad iyo xayiraad.

“Maxkamadda oo ka jawaabaysa codsiga Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa ay soo saartay amar Fatashaad iyo Xayiraad waafaqsan qodobada 53,54,55 XHCS,” ayaa markale lagu yiri qoraalka xafiiska xeer ilaalinta qaranka.

Xeer ilaalinta ayaa ugu dambeyntiina shaacisay in marka uu soo idlaado baaritaanka ay maxkamadda u gudbin doonto eed waafaqsan qodobka 71-aad ee XHCS.

Xeer ilaalinta ma shaacin macluumaad dheeri ah oo la xiriira koontooyinka ganacsi ee baarista ku hayso iyo halka ay ka furnaayeen, marka laga imaado magaca ku furnaa iyo in lagu diiwaan-geliyay shati been abuur ah.

Hogaamiye goboleedka xiga ee Xasan Sheekh kahor iman kara kadib DENI (Afar qodob)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hadda gacanta uguma jiro maamul goboleedka ugu faca weyn maamullada ka jira dalka.

Sababta khilaafka Puntland iyo Villa Somalia waxay noqon kartaa mid lagu kala aragti duwan yahay, balse natiijadu waa in uusan Xasan Sheekh maanta haysan Puntland. Maqnaashaheedu waa culeys siyaasi ah, gadoodkooda cusubna wuxuu sii kala dhantaalaya wadajirka dalka, balse waxaa dhinaca kale hadda ka imaanaya culeys cusub.

Markan waa Jubbaland. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in hoggaamiye Axmed Madoobe uu ka fikirayo inuu ka bayro nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Kala tagan oo saan-saantiisa muuqato waxaa dhiiri-gelinaya afar arrimood, kuwaasi oo kala ah;

1. Damaca dib u doorashada

Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxa uu doonayaa inuu markale noqdo hoggaamiyaha maamulkaasi. Sharciyan Axmed Madoobe markale isma sharaxi karo oo dastuurka maamulka ayaa u diidaya, laakiin hadda waxa uu diyaarinaya inuu qodobka xanibaya musharaxnimadiisa inuu beddelo oo uu ka dhigo inuu markale tartami karo ama in la tiro tirada xadidan ee qofka la dooran karo.

Villa Somalia dhankeeda ma rabto inuu Axmed Madoobe halkaas sii joogo waqti fog, balse weli aragti cad kama lahan cidda ay ku beddelayaan iyo sida ay u beddeli karaan.

Axmed Madoobe taas waa fahamsan yahay waxaana la sheegayaa inuu isku diyaarinayo inuu iskiis u qabsado hanaan doorasho oo gaar ah. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka cararaya inay maamullada aadan doorasho dadban, taas oo hadey dhacdo isagana ku celin karta teendhadii Afisyoone.

In madaxda maamullada doorasho la’aan joogaana iyaga ayay halis ku tahaya, mana muuqato dhabo ay ku qaban karaan doorasho qof iyo cod ah, sidaas darteed waxay ku qasban yihiin inay xal la yimaadan.

Axmed Madoobe waa midka koowaad ee la filayo inuu tallaabo qaado, waana meesha ay ku kala tagi karaan isaga iyo Xasan Sheekh. Asbuucyada soo aadan ayaa la filayaa inuu isbeddel dastuur ku dhaqaaqo Axmed Madoobe.

2. Qorshaha Itoobiya

Dowladda Itoobiya ayaa lasoo warinayaa inay maalmahan dambe si weyn ugu dhex jirto maamullada ka jira Soomaaliya, iyada oo ku cadaadinaysa inay kusoo xirmaan Addis Ababa. Tan iyo markii uu bur-buray taliskii TPLF ee Itoobiya waxaa hoos u dhacday fara-gelinta Itoobiya ee arrimaha gudaha Soomaaliya.

Laakiin hadda nidaamka Abiy Axmed ayaa raba inuu dhaqankaas dib usoo celiyo, si uu cadaadiska ugu badiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qodobkan waa mid kamid ah waxyaabaha dhiiri-gelinaya Axmed Madoobe maadaama uu heli karo darbi siyaasadeed.

3. Garabka Imaaraadka

Qodobka kale ee Axmed Madoobe ku dhiiri-gelinaya inuu ka baxo safka Xasan Sheekh waa kabka uu waayahan ka helo dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la sheego inay waayahan dambe si dhow u taakuleyso maamulka Jubbaland iyada oo aan waxba usoo marin dowladda dhexe.

4. Xubnaha Axmed Madoobe kasoo horjeeda ee la midoobay Xasan Sheekh

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aruursaneysa dadka diidan siyaasadda Axmed Madoobe, waxaana halkaas laga fahmaya sida uu Xasan Sheekh waqti badan u gelinayn inuu qanciyo Axmed Madoobe.

Ama sida kale waa farriin kooban oo ku sheegaysa inay labada nin sii kala tagayaan. Haddii uu madaxweyne Xasan Sheekh lumiyo maamul goboleed labaad waxay kordhin doonta culeyska maanta haysta waxayna wiiqi doonta riyooyinkiisa doorashada 2026.

Sawirro: Sidee ayey maanta u dhacday xil-wareejinta wasaaradda amniga?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha ra’iisul wasaaraha XJFS Saalax Jaamac ayaa maanta xilalka uu kula wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda amniga gudaha Cabdullaahi Sh. Ismaaciil Fartaag iyo ku-simihii wasaaradda Maxamed Cali Xagaa.

Ra’iisul wasaaraha oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda amnigu ay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, sidaas darteedna loogu dhiibay shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo u leh.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray in laga sugayo sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd meel ammaan ah oo ka caaggan argagixisada.

Mudane Saalax ayaa xusay in qori kaliya aan lagu sugi karin amniga dalka oo loo baahan yahay in la xoojiyo hay’adaha sirdoonka iyo caddaaladda, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaata sugidda amniga qaranka.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha, xildhibaanno, agaasimaha hay’adda NISA, taliyaha ciidanka booliska, agaasimeyaasha iyo shaqaalaha wasaaradda.

Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa 7-dii bishaan loo magacaabay wasiirka amniga gudaha kadib billooyin uu xilkaasi banaana, waxayna magacaabistiisu kusoo aadeysa xilli xasaasi ah oo dalka uu ku jiro dagaal ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Turkiga oo xayiraad dhanka Fiisaha ah ku soo rogay dalal ay SOOMAALIYA ku jirto

Istanbul (Caasimada Online) – laga billaabo maanta oo April ay tahay 15, 2024, waxay dowladda Türkiye dhaqan gelin doontaa sharci culus oo lagu soo rogay dhoofayaasha transit-ka ku ah garoonka diyaaradaha ee Istanbul Airport, kuwaasi oo ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela.

Dowladda Türkiye ayaa qaadatay sharciga cusub, si looga hortago muhaajiriinta aan caadiga ahayn ee ku sii qulqulaya dalalkaasi, si ay uga sii gudbaan xuduudaha Maraykanka.

Shabakadda wararka ee visaguide.world ayaa qortay inuu dalka Türkiye noqday ubucda waddan transit ahaan looga sii gudbo dalalka kale ee caalamka.

Sharcigan cusub waxa uu saamaynayaa dhoofayaasha transit-ka ku sii mara garoonka diyaaradaha Istanbul ee ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela.

Muwaadiniinta dalalka Soomaaliya, Yemen, Chad, Cameroon, Mauritania, Burkina Faso, Guinea, Afghanistan, India iyo Nepal ee transit-ka ku sii maraya garoonka diyaaradaha Istanbul Airport ayaa waxaa waajib looga dhigay inay haystaan fiisaha elektoroonikada ee transit-ka garoonka .

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa waxay iyagana xaqiijiyeen inay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Türkiye soo dhamaystirtay dhammaan diyaarinta lama huraanka u ah soo-saarista codsiga elektoroonikada ee fiisaha transit-ka ee garoonka (E-HTV), si loogu dabaqo sharciga fiisaha transit-ka ee garoonka diyaaradaha Istanbul Airport ka dhaqan geli doona bishan April 15-keeda.

Tallaabadan ayaa imanaysa ayada oo sii kordhayso tirada muhaajiriinta sharci-darrada ee gaaraya Waqooyiga Amerika, ayada oo Soomaali badan ay ka mid yihiin dadkaas.

Daawo: War cusub oo kasoo kordhay geerida Gaarane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada marxuum Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsanaa Fannaaniinta Gobolka Banaadir oo gelinkii dambe ee Axaddii ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Balcad ayaa war cusub kasoo saaray geerida wiilkooda.

Maydka marxuumka oo la geeyay isbitaalka Madiina ayaan maanta ka aasin, ayada oo dib loo dhigay, kadib dalab ka yimid ehelladiisa.

Wararka ayaa sheegaya in ehelladu ay wada tashi kadib ay isku raaceen in beri la aaso marxuumka, sababtana ay tahay inay doonayaan inay ogaadaan sida uu shilka u dhacay.

Gaarane ayaa ahaa nin dhalinyaro ah, waxaana la dhintay wiil kale oo la socday, kaas oo ahaa madaxa caafimaadka ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Maxamed Jaamac (Qaarey) oo kamid ah Fannaaniinta Muqdisho ayaa isbitaalka kula hadlay Wariyeyaasha, wuxuuna sheegay in markii horaba uu xaalad adag ku noolaa marxuumka.

“Abshir Gaarane hadda ayuu geeriyooday, laakiin isaga waxa uu ahaa nin waa hore dhintay oo iska socday ,haddalladiisa waxaa kamid ahaa cakuye aduunyoy maxaad i ciishay” ayuu yiri Fannaan Maxamed Jaamac (Qaarey) oo ka hadlay geerida ku timid Abshir Gaarane.

Wiilkaan dhalinyarada ahaa waxaa aduunka ku dulmiyey kooxdii Farmaajo oo muddo sanad ah jir-dil ugu geysanayey xabsiga Jilicow ee magaaada Muqdisho oo horay loogu xiray.

Waa Fanaankii ay muuqaalka qasabka ah ka duubeen isagoo dhahaya “Waxaan ahay AS, waxaan ku biiray 2013-kii, dhanka maaliyadda ayaan u qaabilsanaa,” muuqaalkaas oo dadka Soomaaliyeed aad uga nixiyey Gaarane wuxuu sheegay in lagu qasbay.

Abshir ayaa sanadihii lasoo dhaafay wuxuu dalbanayey cadaalad, dowladii Farmaajo ay xabsi iyo jir-dil isugu dartay, mana helin magdhow ama cid uga garaabta wixii gaaray.

Allaha u naxariistee Abshir ayaa maalmihii u dambeeyay ka howlgalayay mid kamid ah isbitaallada Muqdisho, wuxuuna sidoo kale kamid ahaa dadka isticmaala baraha bulshada.

Macawiisleyda oo weeraray goob ay isku uruursaneyeen Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in in gelinkii dambe ee shalay ay gobolkaas isku fara saareen ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay aagga Buuloburde.

Ciidamada deegaanka oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Wareertire oo u dhaxeeya degmada Buuloburde iyo deegaanka Halgan oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.

Weerarka kadib ayaa waxaa meesha ka dhacay dagaal qaatay ku dhawaad laba saacadood oo xiriir ah, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sarkaal u hadlay Macawiisleyda deegaanka ayaa guul ka sheegtay dagaalkaasi, wuxuuna sheegay inay Al-Shabaab ka dileenm 5 xubnood, iyaguna uu ka dhintay hal ruux.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan halgankooda xoreynta gobolka Hiiraan oo ah halka uu kasoo billowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee guusha ka sheegatay Macawiisleyda.

Weerarkan waxaa ka horreeyay duqeyn habeen kahor ka dhacday isla agagaarka degmada Buuloburde, halkaas oo lagu beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Xog: Waxa uu salka ku hayo dagaalka magaalada Baraawe iyo ciidamada isku haya

0

Baraawe (Caasimada Online) – Dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laba maalin kahor ka dhacay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo u dhex maray ciidamo ka tirsan millitariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa ka billowday qaad la sheegay “in qayb kamida ciidamada ay dheceen halka kuwa kalana ay ka fal celiyeen”, taas oo keentay in ilaa gudaha magaalada la isla galo, sida ay noo sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta.

Xaafadaha magaalada ayaa si weyn looga maqlayay hubka ay ciidamadu isku adeegsanayeen iyadoo ay jiraan dad shacab ah oo wax ku noqday.

Qaadka la sheegay in ay dhaceen mid kamida labada garab ee ciidamada ee uu dagaalku dhex maray ayaa sida aan wararka ku heleyno waxaa lahaa ganacsato Soomaaliyeed oo uu usoo degay.

Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Baraawe. Ismaaciil Cabdullahai Jaadane, oo ku sugan magaalada yaa sheegay in xaalku haatan degan yahay.

“Magaalada Baraawe waxaa ka dhacday shaqaaqo, hase yeeshee hadda waa ay xasilloontahay, waxaa jiray ciidamo ku dhaqaaqay fal burcadnimo iyagiina hadda waala xiray,” ayuu yiri.

“Waxa ay isku dayeen in ay dhac u geystaan qaad uu lahaa ganacsade Soomaaliyeed, waxaa ku baxay ciidamada millitariga ah iyo kuwa daraawiishta oo wada shaqeynaya, haddana waa lasoo qabtay raggii falka ku kacay oo wey xiranyihiin,” ayuu yiri Gudoomiye Ismaaciil Jaadane.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uusan jirin isku dhac kala qabiyay ciidamada millitariga ah iyo kuwa Daraawiishta, hase yeeshee ciidamada ka tirsan daraawiishta ee falkan ku kacay awgeed ay si guud uga wada hortageen qaybaha kale ee ciidamada millitariga iyo daraawiishtaba.

Guddoomiyuhu waxa uu xaqiijiyay in ay jiraan dad shacab ah iyo ciidamada labada dhinacba oo wax ku noqday isku dhaca, balse uusan xaqiijin karin tiradu inta ay la egtahay.

Baraawe ayey dhowr mar horay uga soo dheceen iska hor imaadyo hubaysan oo ciidamada dhexmaray. Mar walaba ayaa waxaa kala duwanaa waxa salka u ahaa gacan qaadka.

“Waa run in ay Baraawe badanaa ka dhacaan shaqaaqooyin laakiin muhiimaddu waa kahor tagga – waa guul in aan xallinay waliba xilli hore,” ayuu raaciyay hadalkiisa Ismaaciil.

Dagaal degmada ka dhacay bartamihii bishii June ee sanadkii tagay – 2023-kii, oo dhex-maray ciidamada millitariga ah iyo kuwa daraawiishta ayaa ahaa mid khasaare sababay oo maalmo socday.

Dagaalkaas ayaa u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada lixaad iyo ciidmada daraawiishta dawlad goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Inta aan ka warhayno, ilaa dhawr iyo toban ruux oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday, wixii intaa ka dambeeyayna waxaa jirtay hadal heyn iyo xiisad u dhaxaysa ciidamadaan.

Hadaba Maxay yihiin ciidmadaan isku haya Baraawe?

Ciidmada milatariga Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baraawe ayaa ah kuwii kala wareegay Al-Shabaab magaalada Baraawe sanadkii 2014 kii, tan iyo xilligaas waxay ku sugnaayeen magaalada, iyagoo amniga guud gacanta ku hayay. Waxay hoostagaan qaybta lixdanaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed.

Ciidamada daraawiishta ee Koonfur-Galbeed, ayaa ah kuwa billowgii qayb kamid ah lagu aasaasay gudaha magaalada, balse markii dabme ayay ballaarteen oo ciidamo xoojiya looga keenay magalaada Baydhabo.

Ku dhawaad horin ciidamadaas ah ayaa waxaa magaalada keenay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen. Saddex duulimaad ayay ku yimaadaan ciidamadaas gudaha baraawe sanadkii 2021-kii.

Sidoo kale safarkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ay ku tageen Baraawe, dhawr unug oo ciidamo ah oo la socday wafdiga ayaa magaalada la gaaray iyagoo aan dib loo soo celin.

Baraawe waxay leedahay mamamul dagmo oo ka kooban gudoomiye, ku-xigeen iyo gole deegaan. Balse waxaa ku sugan magaalada oo inta badan maamulkeeda gacan wayn ku leh ciidamada milatariga Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ku sugan ciidamada daraawiishta ee ka Koonfur Galbeed oo labada u muuqda in ay ku loollamayaan gacan ku heynta degmada.

Isha: BBC

Wararkii ugu dambeeyay dabka ka kacay dooxada DALSAN ee Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli uu sii fidayo dab xoogan oo Axaddii ka ka kacay dooxada deegaanka Dalsan oo hoostaga degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal.

Dabkan oo ahaa mid xoogan ayaa loo badinayaa inuu ka dhashay isbeddelka Cimilada ee sii kululaanaysa, maadaama Soomaaliya uu haatan ka jiro kuleyl aad u daran.

Wararka ayaa sheegaya in dabkan uu qabsaday dhul doog ah oo ku yaalla halkaasi, waxaana isaga barakacay qoysaskii deganaa goobtaasi

Dabkan ayaa la sheegay in uu sababay khasaare soo gaaray dhul daaqsimeedka siman ee dooxada Dalsan oo ku dhow magaalada Dangorayo.

Dhinaca kale Puntland oo sameysay dadaallo dheeraad ah ayaa ku guuleysatay in la damiyo dabkaasi, waxaana la magacaabay guddi soo baara, sida uu dabka u kacay.

Kaymaha uu dabka qabsaday ayaa si weyn u gubtay, waxaana xaaladda uga sii daray markii ay sii qarxeen macdan ku jiray kamyamahaasi, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Xaaladdan ayaa lagu tilmaamay musiibo, maadaama uu dabka iskiis u kacay, loona sababeynayo isbeddelka ku yimid guud ahaan cimilada Soomaaliya oo aad u kulul.

Dhacdooyinka noocaan ah ayaa mararka qaar lagu arkaa deegaanada Puntland, gaar ahaan goobaha kaymaha oo ay u dhow yihiin buuraha oo horay sidaan oo kale uu dab uga kacay.

Dagaalka ka socda SUDAN oo maanta sanad jirsaday

Khartoum (Caasimada Online) – Sannad ayaa maanta u buuxsantay marki uu billowday gulufka colaadeed ee ka aloosan dalka Sudan, kaas oo u dhaxeeya millatariga iyo xooggaga hubeysan ee RSF.

Xalay oo kale, bartamihi bishi April ee sannadki 2013-ki ayuu qarxay dagaalka sokeeye ee uu dhiigga badani ku daatay. Tan iyo markaasi boqollaal qof ayaa ku dhintay, boqollaal kun oo qofna waa ay ku barakaceen ama u qaxeen dalka dibaddiisa.

Dagaalka sokeeye ee Sudan ayaa keenay abaar aad u daran, iyada oo ay Qaramada Midoobay iyo hey’adaha gargaarka ee caalamiga iyo kuwa maxalliga ah ayaa ka digay macluul ay suuragal tahay in dad aad u tiro badan u dhintaan bilaha soo socda.

Isu-duwaha xafiiska arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay, Justin Brady ayaa sheegay in bilaha foodda nagu soo hayo ay dhici karto in dalka Sudan ay macluul iyo gaajo ugu dhintaan tobnaan ama boqlaal kun oo qof, haddii aysan bulshada caalamka si deg deg ah ugu gurman Sudan.

Ilaa 3.5 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka hooseeyso 5 jir ayaa la ildaran nafaqo darro aad u xun, waxaa ku jira carruur gaareyso 710,000 oo xaalkoodu uu halis yahay sida ay xaqiijisay laanta caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO.

QM waxay kaloo sheegtay in dad gaaraya 5 milyan oo ruux oo ku nool Sudan ay hal tallaabo u jiraaan in ay galaan macluul. Laakin guud ahaan warbixinta ayaa sheegaya in ku dhawaad 18 milyan oo reer Sudan ah ay cunto la’aan yihiin.