25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

DF Soomaaliya oo mowqif lama filaan ah ka qaadatay xiisadda IRAN iyo ISRAEL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ka soo saartay xiisadda Iran iyo Israa’iil, iyadoo ugu baaqday dhinacyada imay joojiyaan xiisadda.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay xaaladaha ka soo kordhay Bariga Dhexe, waxayna si adag ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay si deg deg ah u joojiyaan. Xasiloonida iyo xiisadahan kor u kacaya waxay khatar ku yihiin xasiloonida gobolka, nabadda iyo amniga caalamka oo dhan,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay dhex-dhaxaadnimo, waxayna inta badan meel dhexe ka istaagtaa xiisadaha bariga dhexe, balse Iran iyo Israa’iil midna xiriir lama lahan dowladda Soomaaliya.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 99% gantaalihii lagu soo tuuray iyo diyaaradihii aan duuliyaha lahayn ee Iran la qabtay, iyagoo aan gaarin halkii loola dan lahaa ee gudaha Israa’iil.

Dowladda Iran ayaa sheegtay in weerarkii xalay ay ku qaaday Israa’iil uu jawaab u ahaa weerar Israa’iil ay ku qaaday dhisme diblumaasiyadeed oo Iran ay ku leedahay dalka Siiriya bilowgii bishaan.

Markaan waxaa la sugayaa go’aanka ay Israel ka qaadato sidii ay uga jawaabi lahayd weerarkii xalay Iran ay ku ekeysay Israa’iil, guud ahaan dalalka gobolka Bariga Dhexe waxaa soo wajahday cabsi xoog leh, waxayna Iran ka codsadeen in tallaabo dambe aysan qaadin.

“Xaalku waa dagan yahay, hawshiina intaas ayay ku dhamaatay, waxna hasoo tuurinina hadii kale mid tan ka sii daran oo aadnan ka waaqsan ayaa idinku dhici doonta” ayaa lagu yiri hanjabaad cusub oo maanta ka soo yeertay Iran.

Dhankeeda Israa’iil mar hore ayay wacad ku martay inay jawaab adag bixi doonto, waxaana suurtagal ah inay dhacdo falcelin ka timaada dhanka Israa’iil, maadaama dowladda hadda ka talisa lagu tilmaamo tii ugu go’aanka adkeed taariikhda maamulka Yahuuda.

Abshir Gaarane Axmed oo geeriyooday iyo hadalkiisii u dambeeyey ee saameynta leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariisto Abshir Gaarane Axmed oo mar ka tirsanaa Fanaaniinta Gobolka Banaadir, galabta ayuu ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad, kadib markii ay ka soo laabteen dalxiis ay ku tageen Balcad.

Abshir Gaarane ayaa galabta inta uusan geeriyoon bartiisa TikTok soo dhigay muuqaal uu dhahayo “Safarbaan u baxayaa aan soo noqod laheyn.”

Abshir iyo wiil kale ayaa ku dhintay shilkaas, wiilkaan waxaa adduunka ku dulmiyey rajiimkii Farmaajo oo muddo sanad ah jir-dil ugu geysanayey xabsiga Jilicow ee Muqdisho.

Waa Fanaankii ay muuqaalka qasabka ah ka duubeen isagoo dhahaya “Waxaan ahay AS, waxaan ku biiray 2013-kii, dhanka maaliyadda ayaan u qaabilsanaa,” muuqaalkaas oo dadka Soomaaliyeed aad uga nixiyey Gaarane wuxuu sheegay in lagu qasbay.

Abshir ayaa sanadihii lasoo dhaafay wuxuu dalbanayey cadaalad, dowladii Farmaajo ay xabsi iyo jir-dil isugu dartay, mana helin magdhow ama cid uga garaabta wixii gaaray.

Sida ay Caasiamda Online u sheegeen dhalinyaradii ka badbaaday shilkaas Abshir Gaarane waxaa isbitaal ku yaalla Muqdisho la keenay isagoo dhaawac ah oo caadi u hadlaya.

Ugu dambeyntii Naqaska ayaa ku dhegay sidaas ayuuna ku geeriyooday, Abshir wuxuu mudooyinkii dambe ka howlgelayey mid kamid ah isbitaalada Muqdisho.

Sidoo kale xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in Abshir Gaarane uu gal ka furtay maxkamadaha dalka, si uu cadaalad ugu raadiyo tacadiyadii awooda dowladda loogu geystay.

Israel ma waxay qorsheysay weerar jawaab u ah kii Iran?

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 99% gantaalihii lagu soo tuuray iyo diyaaradihii aan duuliyaha lahayn ee Iran la qabtay, iyagoo aan gaarin halkii loola dan lahaa ee gudaha Israa’iil.

Dowladda Iran ayaa sheegtay in weerarkii xalay ay ku qaaday Israa’iil uu jawaab u ahaa weerar Israa’iil ay ku qaaday dhisme diblumaasiyadeed oo Iran ay ku leedahay dalka Siiriya bilowgii bishaan.

Markaan waxaa la sugayaa go’aanka ay Israel ka qaadato sidii ay uga jawaabi lahayd weerarkii xalay Iran ay ku ekeysay Israa’iil, guud ahaan dalalka gobolka Bariga Dhexe waxaa soo wajahday cabsi xoog leh, waxayna Iran ka codsadeen in tallaabo dambe aysan qaadin.

“Xaalku waa dagan yahay, hawshiina intaas ayay ku dhamaatay, waxna hasoo tuurinina hadii kale mid tan ka sii daran oo aadnan ka waaqsan ayaa idinku dhici doonta” ayaa lagu yiri hanjabaad cusub oo maanta ka soo yeertay Iran.

Dhankeeda Israa’iil mar hore ayay wacad ku martay inay jawaab adag bixi doonto, waxaana suurtagal ah inay dhacdo falcelin ka timaada dhanka Israa’iil, maadaama dowladda hadda ka talisa lagu tilmaamo tii ugu go’aanka adkeed taariikhda maamulka Yahuuda.

Waxaa maamulka hadda ka taliya Israa’iil lagu xusuustaa jawaabtii uu ka bixiyey weerarkii Xamaas ee marinka Gaza, falcelin ku bilaabatay saacado gudahood ayaa lix bilood ka socota Gaza,  wuxuuna caalamku ku guul-dareystay inuu xakameeyo Israa’iil oo toos u beegsaneynsa rayidka Falastiin.

Quburada caalamka ee falanqeeya arrimaha bariga dhexe waxay qabaan in ‘Golaha dagaalka ee Israa’iil’ aysan jawaab la’aan uga hari doonin weerarka tooska ah ee Iran ay geysatay xalay.

Israa’iil waxaa laga yaabaa in ay qaado weeraro aargudasho ah oo xiriir ah, kuwaas oo si taxadar leh loo qorsheeyay, lana isticmaalayo gantaalada ridada dheer, kuwaas oo lala beegsanyo oo kaliya, saldhigyada xalay laga soo tuuray madaafiicda ee Iran.

Daawo: Danab cusub oo tababar adag loo soo xiray iyo waajibaad culus oo la siiyey

0

Balidoogle (Caasimada Online) – Dufcadii 10-aad ee ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta tababar loogu soo xiray dugsiga tababarrada ciidanka Dana bee Xasan Tuure oo ku yaalla saldhigga Balidoogle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo taliyaha kumaandooska Danab ayaa ka soo qeyb galay xafladda lagu soo xiray tababarka ay qaateen ciidamadaas.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka oo tababara ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa goobjoog ahaa xafladii tababarka loogu soo xiray ciidankaan cusub ee Danab loo tababaray.

Wasiirka Difaaca Qaranka Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo khudbad ka jeediyey xaladda tababarka loogu soo xiray ciidanka cusub ee Danab ayaa ku war-geliyey askartaan cusub inay isku diyaariyaan furimaha dagaalka oo dhawaan loo daabuli doono, si ay ula dagaalamaan argagixisada.

Wasiirka ayaa ciidankaan u sheegay in rajo weyn laga qabo inay wax badan ka bedelaan furimaha dagaalka, sidoo kale wasiirka ayaa u mahad celiyey dowladda Mareykanka oo kaalin weyn ka qaadatay dhismaha ciidanka Danab oo ah qeybta ugu awooda badan xoogga dalka.

“Walaalkeen Xasan Tuure oo dugsigaan loogu magac daray hadafkiisii inaad ka dhabeysaan ayaan rabnaa oo dalkaan aad cadowga ka xoreysaan, waxaad ka howlgeli doontaan dhul aadnaan waligiin tegin, waxaa la idinka doonayaa inaad si wanaagsan ula dhaqantaan dadka aad cadwoga ka xoreyneysaan,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey in dalkaan aysan nololi ka jirin inta Khawaarij ay joogto, isagoo ciidankaan ku dhiirigeliyey inay la yimaadaan dardar cusub, si wax weyn looga bedelo furimaha dagaalka.

Sidoo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa goobjoog ahaa xafladaan, hadal kooban ayuu halkaas ka jeediyey wuxuuna ciidankaan ku dhiirigeliyey inay u diyaar garoobaan dagaalka ay ku jiraan dufcadihii iyaga ka horeeyey ee ka baxay dugsigaan Xasan Tuure ee Balidoogle ku yaalla.

Hoos ka daawo wasiirka iyo taliyaha:

DF oo war kasoo saartay cabasho ka taagan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) ayaa ka jawaabay cabashooyin isa soo tarayay oo ka taagan magaalada Muqdisho.

Beeralayda caasimada ayaa dhawaan cabasho xooggan ka muujiyay ciidamada jooga baraha lagu baaro baabuurta sida khudaarta soo gasha magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo ganacsatada uga cudur daaray culeyska ay kala kulmaan soo gelinta khudaarta ee caasimada ayaa waxa uu ciidamada ka dalbaday in loo fududeeyo baarista kala duwan ay maraan baabuurta sida khudaarta, si looga baaqsado khasaaraha ay ka cawdeen ganacsatada, maadaama ay ku jiraan dalagyo aan muddo badan ooli karin banaanka.

“Beeraleyda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in wasaaradda ay u taagan tahay inay caawiso beeraleyda, in ay u sameyso waxkasta oo dhiiri-galin u noqonayo sidii wax soo saarkoodu u fiicnaan lahaa, masuuliyadaas ayaa u taaganahay,” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Waxa uu intaas kusii daray “Ganacsatada iyo beeraleyda dhankooda waa inay u dulqaatan ciidanka har iyo habeen u taagan sugida amniga caasimada, si looga hortago dhagaraha argagixisada. Ciidankuna waa inay u fududeeyaan, iyada oo lagu xad-gudbeen habka sugida amniga.”

Dhawaan ayay ahayad markii ganacsatada caasimada, gaar ahaan kuwa khudaarta ay cabasho xooggan ka muujiyeen ciidanka ku sugan baraha lagu baaro gadiidka, taasi oo ay sheegeen in muddo lagu hayo halkaasi, islamarkana ay inta badan ka halabaan dalagyadii ay beeraha kasoo gureen.

Arrintan ayuu khasaare horleh kasoo gaaray ganacsatada, waxayna hadda wasaaradda beeraha iyo waraabka ay ballan-qaaday inay si dhow ugala shaqeyn doonto fududeynta sidii dalagyadooda ay u gaarsiin lahaayeen suuqyada caasimada, maadaama ay kaalin weyn ku leeyihiin wax soo saarka dalka.

Madaxweynaha IRAN oo war culus soo saaray kadib weerarkii ay ku qaadeen Israel

Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa Axadda maanta ah ka digay aargudasho “aan laga fiirsan” oo Israel ay ka sameysyo weerarkii xalay ay Tehran ku qaaday ee isugu jiray gantaallada iyo diyaaradaha drone-ka.

Iran ayaa markii ugu horeysay abid weerar toos ah ku qaaday Israel, ayada oo uu kasii daray dagaalka daahsoon ee mudada dheer u dhexeeya labada dhinac, waxaana laga cabsi qabaa inuu dhaco dagaal kale.

Tehran ayaa marar badan ku hanjabtay inay ka aargudan doonto Israel kadib weerarkii dhimashada badnaa ee 1-dii April lagu qaaday dhismaha qunsuliyadda Iran ee magaalada Dimishiq, waxayna Washington ka digaysay maalmihii la soo dhaafay in jawaabtu ay dhowdahay.

Jawaabta ayaa timid habeenkii Sabtida markii Iran ay dirtay in ka badan 300 oo diyaarado drone iyo gantaallo ah oo ku wajahan Israel, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen 12 qof, sida ay sheegeen ciidamada Israel.

Balse inta badan dhammaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ayaa dhexda laga qabtay ka hor inta aysan gaarin Israel, ayada oo gacan laga helayo Mareykanka, Urdun iyo xulafo kale.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in boqolkiiba 99 gantaalada la soo riday la qabtay, isagoo sheegay in “weerarka Iran la fashiliyey”.

Inkasta oo 170 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo 30 gantaal oo nooca loo yaqaan Cruise missiles la soo riday ka hor intii aanay Israel soo gaarin, haddana qaar ka mid ah 110-ka gantaal ee ballistic-ga ayaa ku dhacay Israel, sida ay sheegeen ciidanka Israel.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah gabar 12 sano jir ah oo ku sugneyd meel u dhow magaalada Arad ee koonfurta Israel, taasi oo ku jirta xaalad degdeg ah, sida ay sheegtay xarunta caafimaadka ee la geeyay.

Madaxweynaha Iran Raisi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay “in haddii maamulka Sahyuuniyadda (Israel) ama taageerayaasheeda ay muujiyaan hab-dhaqan aan ka fiirsi lahayn, ay heli doonaan jawaab adag oo ka sii xoog badan tii hore.”

Dalal badan ayaa cambaareeyay weerarka, islamarkaana Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta oo Axad ah uu yeesho kulan deg deg ah oo ay kaga hadlayaan wax loogu yeeray “xaalad si aad ah uga sii dartay.”

Weerarkan ayaa sidoo kale yimid iyadoo isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in xabad joojin looga gaaro dagaalka Gaza uu u muuqdo mid wiiqmay, waxaana Israel ay ku eedeysay Xamaas inay diiday hindise xabbad joojin ah.

Sawirro: Wasiirada cusub ee DF oo maanta la dhaariyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhawaan uu soo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibrahim oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ku jirto uguna adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirrada cusub ee maanta la dhaariyay ayaa waxaa lagu magacaabay wareegto toddobaad kahor kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wareegtadaas ayaa sidoo kale waxaa markaas lagu soo dhammeystiray wasaarado waa wayn oo in muddo ah bannaana, sida wasaaradda arrimaha dibadda iyo tan amniga gudaha.

Si kastaba, magacaabista xubnahan ayaa timid xilli ay Villa Soomaaliya ku guuleysatay wax ka beddelka dastuurka, ayna sidoo kale taagan tahay xiisad u dhaxeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qodobada sababay fashilka kulankii XASAN Sheekh iyo SHARIIF Sheekh Ahmed

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa natiijo la’aan kusoo dhamaaday kulankii habeenkii Jimcaha magaalada Nairobi ku dhexmaray madaxweynaha tallada haya ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Labada madaxweyne oo isku dheri ah waxaa kulankooda soo agaasimay ganacsato iyo odayaal dhaqan oo ku heyb ah, waxa uuna kulanka ka dhacay guriga mid kamid ah ganacsatadii gogosha dhigtay.

Waxaa soo koobeyna xogtii kulanka iyo waxyaabihii keenay in la ismari waayay, inaga oo soo xiganeyna jawaabaha ay bixiyeen waxgaradkii, ganacsatadii iyo dhinacyadii kala duwana ee kulanka ka qeyb-galay ama sida dhow ula socday.

Markii koowaad furitaan iyo xog wareysi soddan daqiiqo qaatay kadib madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu codsaday in labadooda la iskaga dhex baxo oo gaar u wada-hadlaan, isaga oo muujiyay inay isfahmi karaan.

Kulan laba saacadood ka badan qaatay oo labada nin dhexmaray ayaa mira-dhali waayay, ganacsatadii iyo dadkii kulankaasi la socday ayaa waxay soo gudbiyeen mowduucyada adkeeyay kulanka.

Mid waa inuu madaxweyne Xasan Sheekh ka laabto howsha dastuurka, siyaasadda laga heshiiyo, tabashada Puntland la xaliyo. Xasan Sheekh wuxuu qodobbadaasi uga dooday sida la sheegay in hadda dib looga laaban karin meesha la marayo, wuxuuna codsaday inuu Shariifka halkiisa kala qabsado, oo macnaheedu yahay in aan dastuurka laga laaban karin.

Arrinta Puntland wuxuu ku sheegay wax Saciid Deni ku eeg, wuxuuse dabacsanaan ka muujiyay in siyaasadda dhulka la dhigo.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa kale oo la sheegay inuu ku adkeystay qabashada doorasho qof iyo cod, Shariif Sheekh Ahmed oo isaguna taas diidaneyd ayaa waxa uu dalbaday in iyada laftigeeda la isla ogolaado, oo ay u baahan tahay faham wadareed.

Mowduuca kale ee sida weyn loogu riiqmay waa awood qeybsi siyaasadeed.

Illaha aan xogtan kasoo xiganey waxa ay sheegeen in Shariif Sheekh Axmed uu dalbaday in Xasan Sheekh wax ka siiyo dowladnimada.

Middaan dambe Xasan Sheekh waxaa la sheegay inuu uga dooday in wax la wada yeesho inay ka horeyso in kalsoonida labada dhinac la soo celiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa ka caga jiiday dooddaha qaran ee ka imaanaya dhanka Shariifka, balse si guud madaxweyne Xasan waa u dhago-nugla inuu dhageysto dooddaha la xiriira wax qeybsiga, si hoos loogu dhigo cadaadiska joogtada ah ee lagu hayo xukunkiisa.

Odayaashii labada dhinac u kala dab-qaadayay ayaa waxay la kulmeen labada dhinac kahor inta uusan madaxweyne Xasan Sheekh ka dhoofin magaalada Nairobi. Waxa uuna madaxweynaha u sheegay inay adkaatay in isaga iyo Shariifka isfahman, waxaana ku taliyay in kulanka kale la iskugu yimaado Muqdisho, talladan uu markaan ganacsatada iyo odayaasha wax ka siin doono, laakiin ma uusan sheegin waqtiga kulanka labaad.

Maadaama uusan madaxweyne Xasan Sheekh sheegin waqtiga labaad ee la is arki doono, dhinaca Shariifka waxay fahmeen inuu Xasan Sheekh waqtiga iibsanayo oo uu rabo inuu mudadaasi dhaqaajiyo sharciga axsaabta iyo midka doorashada.

Waxa uuna Shariifka habeen hore soo saaray qoraal uu ku xaqiijiyay inay guul-darro kusoo dhamaadeen wada-hadalladii isaga iyo Xasan Sheekh ee ay garwadeenka ka ahaayeen waxgaradka iyo ganacsatada beeshooda.

Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka gantaallo ee IRAN ay xalay ku qaaday ISRAEL

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa xalay xilli dambe oo Sabtidii ah waxay weerar aargudasho ah ku qaaday gudaha Israa’iil.

Ciidamada milateriga ee Israa’iil ayaa dhankooda sheegay inay soo rideen qaybo badan oo kamid ah gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iran u adeegsatay weerarkan, ka hor intii aanay soo gaadhin hawada Israa’iil, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in Iran ay ku soo weerartay in ka badan 100 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo xambaarsanaa bambooyin kala duwan. Saacado ka dib, haddana waxaa Iran ay markale ku dhawaaqday inay dhinaca Israa’iil ku ridday gantaallo waaweyn oo khasaare badan geysan kara.

Qaar ka mida gantaallada Iran ayaa ku dhacay gudaha Israa’iil, illaa haddana xog badan lagama hayo khasaaraha uu geystay weerarkani.

Iran ayaa hore u sheegtay inay qaadi doonto weerar aargudasho ah, ka dib weerarkii bishan April 1-deedii lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq, halkaas oo lagu dilay 12 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sarsare oo ka tirsan ciidamada Iran.

Hawlgalka diblomaasiyadeed ee Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa bartooda X ku sheegay, iyaga oo adeegsanaya qodobka 51aad ee axdiga Qaramada Midoobay, inay Iran qaadday tallaabo jawaab u ah, falkii gardarrada ahaa ee ay Israa’iil ka geysatay dhismahooda diblomaasiyadeed ee ku yaalla Dimishiq.

Iran ayaa intaas ku dartay “Israa’iil ma ka baaqsan doontaa inay khalad kale samayso, jawaabta Iraan waxay noqon doontaa mid aad uga daran tan iminka. Haatan waxaa xiisaddu u dhexeysa Iran iyo maamulka Israa’iil, oo ay tahay in Maraykanku uu ka fogaado.”.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa soo gaabiyey fasax uu ku joogay gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware, isaga oo dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, lana kulmay saraakiisha amniga u qaabilsan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la xakameeyo colaadda ka taagan bariga dhexe. Wuxuu cambaareeyey xaaladda ka sii daraysa ee bariga dhexe gaar ahaan weerarka ugu dambeeyey.

Imisa ayey madax furasho uga qaateen burcadda Soomaalida markabka MV Abdullah?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in xalay kooxaha burcad badeedda Soomaalida ay sii daayeen Markabka MV Abdullah oo maalmihii lasoo dhaafay ay u haysteen afduub ahaan.

Markabkan oo laga leeyahay dalka Bangladesh ayaa lagu sii daayay lacag madax furasho ah oo gaareysa illaa 5 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sheegay in lacagta madax furashada ah burcad badeedda looga soo tuuray diyaarad Helikobter ah, kadibna ay sidaas kusii daayeen markabka.

Sidoo kale waxaa lasii daayay, iyaga oo bad qaba shaqaalihii la socday markabkan oo gaaraya illaa 23 nin oo bad maaxiyiin ah.

Kooxda burcad badeedda ayaa kadib markii ay qaateen lacagta madax furashada ah waxa ay qaarkood u carareen dhanka xeebaha, iyadoo ciidamada Puntland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay kusoo qabanayaan burcadda.

Markabka MV Abdullah ayaa xilliga la afduubanayay dhuxul u siday dalka Imaaraadka Carabta, waxaana kooxaha burcad badeedda ay gacanta ku dhigeen 12-kii March ee sanadkan 2024-ka.

Dhacdadan ayaa noqoneyso tii ugu horreysay oo burcad-badeedda Soomaalida ay lacag madax furasho ah ku qaataan tan iyo 2012-kii.

Waxaa sidoo kale falkan ka horreeyay howlgal kale oo ay dhawaan ciidamada badda Hindiya kusoo bad-baadiyeen Markabka MV Ruen oo gacanta u galay burcad badeedda, kuwaas oo nolosha lagu qabtay, kadibna la geeyay dalka Hindiya oo ay haatan ka bilaabatay maxkamadeyntooda.

DUQEYN lala beegsaday goob ay isku urursanayeen Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Duqeyntan oo ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah oo kaashanayaa ciidamada Xoogga dalka ayaa si gaar aha uga dhacday duleedka degmada Buuloburde ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegay in weerarkan lala beegsaday saldhig ay Al-Shabaab isku uruursaayeen oo ku yaalla deegaanka Jicibow oo qiyaastii 20 KM u jira degmadaais, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kooxda kasoo saaray duqeyntaas.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen gantaallada ay ridayeen diyaaradaha, balse aysan xaqiijin karin khasaaraha kasoo gaaray Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dileen maleeshiyaad iyo hoggaamiyeyaal ku sugnaa goobta la duqeeyay, balse ma shaacin tirada rasmiga ah iyo magacyada xubnaha lagu dilay halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in la burburiyay goobo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Jicibow, isla markaana gaadiid iyo hub laga gubay, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gobollada dalka oo dhul ballaaran looga xoreeyay Al-Shabaab.

Daawo: Gantaallada IRAN oo ku dhacay gudaha ISRAEL

Tehran (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah gantaallada ay Iran ku weerartay Israel ayaa ku dhacay bartilmaameedyadii loogu talo-galay, sida ay muujiyaan muuqaallo laga helay gudaha Israel.

Iran ayaa weerar isugu jira diyaarado drone ah iyo gantaallo ku qaaday Israel, ayada oo ka aargudaneysa weerarkii Israel ay ku qaaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, halkaas oo lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.

Habka difaaca gantaallada Israel ayaa dhexda ka qabtay qaar ka mid ah gantaallada iyo diyaaradaha, hase yeeshee tiradooda oo aad u badan darteed, ayey ka tan badiyeen, waxaana hadda Iran ay gaarceysaa gudaha Israel.

Wararka ayaa sheegaya in illaa afar gantaal ay ku dhaceen saldhigga ciidamada cirka Israel ee degaanka Negev ee lagu magacabo Ramon Air Base. Sidoo kale gantaallo kale ayaa ku dhacay goobo kale oo aan aheyn kuwa ciidan.

Militariga Israel ayaa sheegay in ka badan 100 oo drone ah illaa hadda in lasoo diray. Sidoo kale saraakiisha Mareykanka ayaa laga soo xigtay inay rumeysan yihiin in diyaaradaha ay gaarayaan 400-500. 

Gantaallada Iran ay soo dirtay ayaa la rumeysan yahay inay isugu jiraan kuwa kuruuska iyo kuwa ballistic-ga.

Sidoo kale, kooxda Xizbullah ee Lubnaan, oo ah koox ku xiran Iran, ayaa sheegtay inay gantaallo ku weerartay buuraha Golan Heights ee dalka Syria oo ay xoog ku haysato Israel.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu qaadan doono saacado. Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatlollah Ali Khamenei ayaa sheegay “in taliska shaydaanka ah ee Sahyuuiyadda la ciqaabi doono.”

Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobe ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid sharci ah oo Iran ay isku difaaceyso kadib markii la weeraray qunsuliyadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Syria. Waxa ay intaas ku dareen in howlgalka hadda uu dhammaaday, balse haddii Israel ay isku daydo inay jawaab ka bixiso dib loo billaabi doono.

Kowdii April, duqeyn ayaa lala beegsaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, waxaana lagu dilay jeneraal iyo lix sarkaal oo sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, ayada oo Khamenei uu maalinkii ciidda ballan-qaaday aargudasho.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza horraantii October, xulufada Iran ee gobolka – sida kooxda Xizbullah ee Lubnaan iyo dhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen- ayaa qaaday weeraro ay ku garab istaagayaan Xamas oo ka dhan ah Israel.

Caasimada Online kala soco wixii kusoo kordha wararkan, Inshaa Allah.

Caasimada Online kala soco wixii kusoo kordha wararkan, Inshaa Allah.

Golaha Ammaanka oo ka shiraya xaalada Iran iyo Israel

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Axad ah isugu imaanaya shir degdeg ah oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ay iran ku weerartay Israa’iil, sida uu sheegay madaxweynaha golahaas.

Kulanka waxaa dalbatay Israa’iil oo warqad u dirtay madaxweynaha golaha Vanessa Frazier, in weerarradan ay “khatar weyn ku yihiin nabadda iyo ammaanka caalamiga ah”.

Waxay waydiisanaysaa Golaha Ammaanka inuu u aqoonsado Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah – laanta koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Iran – urur argagixiso.

Warqad kale oo ay u dirtay Frazier, ayay Iran isku difaacday, waxayna sheegtay in ay u dhaqantay “is-difaaca nafteeda sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana jawaab u ah gardarada milatari ee Israa’iil ee soo noqnoqotay”.

Kulanka degdega ah waxaa loo qorsheeyay kow iyo tobanka fiidnimo ee xalay.

Dhinaca kale, Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu qaadan doono saacado. Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatlollah Ali Khamenei ayaa sheegay “in taliska shaydaanka ah ee Sahyuuiyadda la ciqaabi doono.”

Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobe ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid sharci ah oo Iran ay isku difaaceyso kadib markii la weeraray qunsuliyadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Syria. Waxa ay intaas ku dareen in howlgalka hadda uu dhammaaday, balse haddii Israel ay isku daydo inay jawaab ka bixiso dib loo billaabi doono.

Kowdii April, duqeyn ayaa lala beegsaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, waxaana lagu dilay jeneraal iyo lix sarkaal oo sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, ayada oo Khamenei uu maalinkii ciidda ballan-qaaday aargudasho.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza horraantii October, xulufada Iran ee gobolka – sida kooxda Xizbullah ee Lubnaan iyo dhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen- ayaa qaaday weeraro ay ku garab istaagayaan Xamas oo ka dhan ah Israel.

Shir deg-deg ah oo laga yeeshay amniga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacay shir deg-deg ah oo uu maamulka gobolka Banaadir isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga ee ka howlgala magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka qabsoomay xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana guddoomiyay kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed.

Sidoo kale waxaa shirkan ka qayb-galay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle sare Macalin Mahdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee NISA Gaashaanle Sare Muxiyadiin Warbac Shadoor.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa mid looga hadlayay dardargalinta sugida Amniga Caasimadda iyo xoojinta isku xirka wada shaqeynta laamaha amniga iyo bulshada Soomaaliyeed.

Inta uu shirka socday waxaa warbixin ku saabsan horumarada iyo isbedelka Amniga loogu dhageystay guddoomiyeyaasha iyo saraakiisha qeybta bartamaha ee Gobolka Banaadir.

Xubnaha ka hadlay goobta ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgaladii dhacay maalmihii lasoo dhaafay iyo sidii loogu guuleystay amniga bishii Ramadan iyo maalmaha Ciidul Fidriga.

Mas’uuliyiinta gobolka iyo saraakiisha amniga ayaa sidoo kale ku ballamay in la xoojiyo howlgallada socda, si looga hortego dhagar kasta oo ay soo maleegi karaan Al-Shabaab.

Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal ammaan darri sida weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan, walow aysan ahayn sidii hore, maadaama la sameeya isbeddel amni.

Shacabka ku dhaqan caasimada ayaa haatan dareemaya deganaasho, waxaana suurageliyay qorshha cusub ee dowladda iyo kaamirooyinka lagu xiray waddooyinka

Sheekh jooga Muqdisho oo qarsan waayey taageerada Al-Shabaab oo afka furtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Wadaad caan ah ayaa farriin yaab leh u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo toos u taageeraya kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab, wadaadkaan ayaa sheegaya in Xasan Sheekh u uku qaldan yahay dagaalka uu kula jiro Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Axmed Rooble ayaa lagu magacaabaa wadaadkaan, Caasimada Online waxay raadisay macluumaadkiisa, waxaan ogaanay inuu maamulo masjid ku yaalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan wuxuu si bareer ah oo aan ganbasho laheyn iyadoo Muuqaal laga duubayo uu u leeyahay “Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waa ay ku qaldan yihiin inay Al-Shabaab la dagalamaan oo dhiigooda baneystaan.”

Sidoo kale wadaadkaan ayaa weerar afka ah ku qaaday culimada Soomaaliyeed ee fatwootay in dagaalka Al-Shabaab uu yahay jihaad xaq ah, wuxuuna culimada ku tilmaamay “kuwo gaalada u shaqeynaya.”

Sidoo kale wadaadkaan ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeynaya inuu hub iyo diyaarado dagaal ka soo qaatay dowlado shisheeye oo ‘gaalo ah’ isla markaana uu kula dagaalamay kooxda Al-Shabaab oo “dhiigooda uusan banaaneyn in la daadiyo” sida uu qabo Cabdiraxmaan Axmed Rooble.

Marnaba wadaadkaan sooma hadal qaadin dagaalka iyo qaraxyada ay dadka Soomaaliyeed ee shacabka ah ay Shabaab ku leynayaan, taas bedelkeedana wuxuu dowladda iyo ciidamada Soomaaliya ku dhaliilayaa beegsiga ay ku hayaan kooxahaan Khawaarijta ah.

Hadaba ninka sidaas u hadlaya wuxuu joogaa Muqdisho, wuxuu sheeganayaa Sheekh weyn oo caalim ah, wuxuuna maamulaa Masjid ay Jameeco badan ku xiran tahay oo ku yaalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada ammaanka weli sooma qaban ninkaas xagjirnimada ku dhex-faafinaya Muqdisho, isagoo ku dhex nool dhul ay maamusho dowladdu, gaar ahaan degmada Heliwaa, hadalka wadaadkaas ayaa si weyn uga yaabiyey dadka, waxaana la is weydiinayaa sababta uu ugu dhiiraday kalmadaha noocaas ah ee Khawaarijta u uku taageerayo.

 

IRAN oo weerar baaxad leh ku qaaday ISRAEL

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa weerar isugu jira diyaarado drone ah iyo gantaallo ku qaaday Israel, ayada oo ka aargudaneysa weerarkii Israel ay ku qaaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, halkaas oo lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.

Militariga Israel ayaa sheegay in, in ka badan 100 oo drone ah illaa hadda lasoo diray. Sidoo kale saraakiisha Mareykanka ayaa laga soo xigtay inay rumeysan yihiin in diyaaradaha ay gaarayaan 400-500. 

Diyaaradahaas ayaa saacado qaadan doona inay soo gaaraan Israel. Si kastaba, gantaallada ballistic-ga iyo kuruuska ayaa la filayaa inay deg deg kusoo gaaraan Israel.

Sidoo kale, kooxda Xizbullah ee Lubnaan, oo ah koox ku xiran Iran, ayaa sheegtay inay gantaallo ku weerartay buuraha Golan Heights ee dalka Syria oo ay xoog ku haysato Israel.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu qaadan doono saacado. Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatlollah Ali Khamenei ayaa sheegay “in taliska shaydaanka ah ee Sahyuuiyadda la ciqaabi doono.”

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya diyaaradaha drone-ka ismiidaaminta ee loo yaqaan Shahad oo dul maraya Ciraq.

Militariga Israel ayaa sheegay in difaacooda hawada ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan diyaaradaha. Dalalka Lubnaan iyo Ciraq ayaa xiray hawadooda. Sidoo kale dhammaan howlgalladii garoomada diyaaradaha Israel ayaa la joojiyey.

Ilo-wareedyo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in Boqortooyada Jordan ay soo ridi doonto diyaarad kasta oo drone ah oo kusoo xadgudubta hawadeeda.

Kowdii April, duqeyn ayaa lala beegsaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, waxaana lagu dilay jeneraal iyo lix sarkaal oo sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, ayada oo Khamenei uu maalinkii ciidda ballan-qaaday aargudasho.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza horraantii October, xulufada Iran ee gobolka – sida kooxda Xizbullah ee Lubnaan iyo dhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen- ayaa qaaday weeraro ay ku garab istaagayaan Xamas oo ka dhan ah Israel.

Caasimada Online kala soco wixii kusoo kordha wararkan, Inshaa Allah.

Booliska oo digniin 3-aad u diray qoysas diiday inay baneeyaan dhulka dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa mar kale dalbaday in laga guuro dhulka Dabdamiska ee ku yaalla xaafadda Seybiyaano, gaar ahaan dhanka xigta degmada Wadajir, halkaas qoysaska degan ay si cadbu diideen inay ka guuraan.

Waa markii 3-aad oo booliska Soomaaliya uu dirayo digniin noocaan ah, si looga guuro dhulkii u ahaan jiray xerada gaadiidka Dabdamiska, halkaas oo in ka badan 30 sano deegaan u aheyd dad shacab ah.

“Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, wuxuu mar saddexaad ku wargelinayaa dadka degan xerada dabdamiska booliska, inuu dhamaaday waqtigii loo qabtay, waa inay ka guuraan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Sida ku cad qoraalkaan booliska Soomaaliya ayaa waqti kale u qabtay qoysaska degan xerada Dabdemiska Booliska, waxaana ugu dambeyn laga doonayaa inay ka guuraan 20-ka bishaan.

Waa toddobaad kale, waxaana qoraalkaan lagu cadeeyey in halkaas laga dhisi doono xero buuxisa baahida loo qabo dabdemiska oo baahi weyn ay u qabaan dadka reer Muqdisho.

“Qof kasta oo degan xeradaas waxaan ku wargelineynaa inay muqadas tahay baneynta xerada dabdemiska ciidanka booliska Soomaaliyeed, ugu dambeyn 20-ka Abriil, si loo dhiso xarunta dabdemiska booliska oo bulshadu baahi weyn u qabto,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Qoraalka booliska Soomaaliya ka soo baxay waa kii 3-aad, waxayna reeraha degan xeradaas si cad u diideen inay ka guuraan dhulkaas ay ku noolaayeen in ka badan 30 sano oo dowladnimada Soomaaliya ay burbursaneed.

Qoysaska degan xeradii hore ee dabdemiska booliska Soomaaliya ee ka biyo diiday inay ka guuraan ayaa u badan beesha Sacad ee Habargidir, waxayna wacad ku mareen inay dagaalami doonaan hadii dowladdu isku daydo inay xoog ku barakiciso qoysaska degan Ex ‘Xero Dabdemis.’

Bilo ka hor booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa loo diray halkaas si ay u barakiciyaan reeraha degan, balse qorshahaasi wuxuu fashilmay markii ciidankii la diray ay dileen askari boolis ah oo ka dhashay Beesha Sacad, kaas oo waardiye ka ahaa Ceelbiyood xaafadaas laga cabo.

Guud ahaan siyaasiyiinta beesha Habargidir ayaa dilkaas kadib goobta tegay, waxaa Seybiyaano ilaa Banaadir is qabsaday banaanbax wayn oo dadka halkaas degan ay dhigeen, waxaana dowladda lagu eedeeyey inay ku soo duushay qabiil gaar ah.

Hoos ka eeg warqadda booliska

Sidee looga falceliyay fashilka ku yimid wada-hadalladii Xasan iyo Sheekh Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu shaaciyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed waxaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday wadahadallo uu magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shariif oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa xaqiijiyay in wadahadallada ay fashilmeen, oo wax xal ah lagu gaari waayay.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in saddex qodob diiradda lagu saaray wadahadallada, balse dhammaantood lagu isku afgaran waayey, sida uu hadalka u dhigay.

Haddaba sidee looga falceliyay fashilka ku yimid wahadallada Xasan iyo Shariif?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaalaha baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay kulanka ay kula kaceen labada madaxweyne ee ka dhacay Nairobi.

Axmed Gaashaan “In la’is fahmi waayo xattaa waa natiijo ka fiican xalka oo keeneysa kala adkaasho Mudane Madaxweyne hore isa soo adkeey”.

Maxamed Gaadaco “Warqaddaas nuxur wayn ee siyaasadeed kuma jiro madaxweyne”.

Daa’uud Yare “Adiga wax aan shaqadaada ahayn maxa ku daba dhigay dalkan madaxweyne ayuu leeyahay, waxaana madax ka ah madaxweyne Xasan”

Saciid Cabdi Budul “Mahadsanid madaxweyne Shariif sheikh Axmed Oday Qaran oo dalka iyo dadka lexjeclo badan ka qaba ayaad ugu suntan tahay shacabka Soomaaliyeed!”.

Farxaan Cismaan “Madaxweynuhu in siyaasiyiin baagamuudo ah uu waqtiga ku lumiyo ayaaba qalad ah oo 4-tiisa sano lala maamulo”.

Axmed Maxamed Cismaan “Madaxweynuhu markii hore ayuuba ku qaldanaa inuu adi kula kulmo”.

Weerar dad badan lagu laayay oo ka dhacay Australia

Sydney (Caasimada Online) – Booliiska Australia ayaa sheegay in ay toogteen nin weerar toorrey loo adeegsaday ku qaaday lix qof oo ku sugnaa suuq weyn oo ku yaalla magaalada Sydney. Ninka ayaa Sabtida maanta ah lagu dilay xeebta Bondi, sida ay boolisku sheegeen, iyadoo weerarkaasi uu sababay in boqolaal qof ay goobta ka cararaan.

Ninka weerarka qaaday ayaa waxaa toogtay askari booliis ah kadib markii uu weeraray dad wax ka iibsanayay xarunta mashquulka badan ee Westfield Bondi, sida ay booliisku ku sheegeen qoraal ay soo saareen.

Shan ka mid ah lixda qof ee la dilay ayaa ahaa dumar, halka siddeed qof oo uu ku jiro ilmo sagaal bilood jir ahna loo qaaday cusbitaalka iyaga oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray weerarka mindida ama tooreyda loo adeegsaday, sida ay shir jaraa’id ka sheegtay Taliyaha Bilayska New South Wales Karen Webb.

Webb ayaa sheegtay in booliisku aysan hadda wali aaminsanayn in weerarku uu la xiriiro fal argagixisonimo.

Ra’iisul wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa sheegay in aysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya ujeedka uu ninkan u qaaday weerarka.

“Waa fal rabshadeed aad u xun oo si aan kala sooc lahayn loogu bar-tilmaameedsaday dad aan waxba galabsan oo adeeganayay,” ayuu ka sheegay shir jaraa’id.

“Caawa quluubta dhammaan dadka Australiyaanka ah waxa ay la jiraan dhibanayaasha ficilladan xun-xun.”

Australia waxa ay leedahay sharciyada ugu adag adduunka ee dhinaca hubka iyo middiyaha, waxaana dhif iyo naadir ka ah weerarada la midka ah kan maanta dalkaasi ka dhacay.

REUTERS + VOA

FIQI oo la wareegay xilka loo magacaabay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilka kula wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah XFS mudane Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka ayaa waxaa xilkan ku wareejiyey Sii-hayaha ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Cali Cumar (Cali Balcad), kadib markii xilkaas loo magacaabay todobaadkii hore.

Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Mmadaxweynaha yo ra’iisul wasaaraha oo isaga u gartay inuu xilkan cusub qabto, wuxuu horay u ahaa wasiirka arrimaha gudaha oo loo magacaabay kadib dib u doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa uu ballanqaaday inuu xoojin doono kaalinta Diblomaasiyadda iyo muuqa siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, sida uu ku shaaciyay khiudbadiisa.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay inuu ka shaqeyn doono difaaca danaha dowladda, sarreynta qadiyadaha iyo masaalixda kala duwan ee qaranka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamiga ah.

Xil wareejinta kadib Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulammo kala duwan la qaatay hoggaanka, waaxyada iyo howlwadeennada Wasaaradda isaga oo ka dhageystay shaqada ka socota iyo ajendeyaasha sanadka.

Magacaabista wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa kusoo aaday, xilli wax ka qabasho, dardargelin iyo horumarin u baahan yihiin danno badan oo Soomaaliya kala dhaxeeya dalalka dariska, gobolka iyo caalamkaba.

Soomaaliya ayaa xilligan la daalac dhaceyso arrimo diblumaasiyadeed oo waa weyn, sida xiisadda ka dhalatayay heshiiska badda ee ay wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya.