25 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Diyaarad Drone ah oo lagu qabtay howlgal maanta ka dhacay magaalada…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe diyaarad nooca wax basaasa ah lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Diyaaraddan oo Drone ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka, xilli ay dul heehaabeysay hawada sare ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddan labadii habeen ee lasoo dhaafay lagu arkayay aagga Dhuusamareeb, balse ugu dambeyn xalay gacanta lagu dhigay.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay inay ku guuleysteen qabashada diyaaraddan oo loo maleynayo inay u basaaseysay kooxda Al-Shabaab oo weli dagaallo ka wadda halkaasi.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen in diyaaraddan laga shakiyay, kadibna ay u howlageen sidii loo qaban lahaa, xalayna gacanta lagu dhigay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ammaanka inta ay wadeen howlgalka ay gacanta kusoo dhigeen nin ajnabi ah oo laga shakiyay, kaas oo lagu qabtay Dhuusamareeb.

Ciidamadu ma shaacin halka ay halka uu kasoo jeedo ninka la qabtay, balse waxaa ku socda baaritaano dheeraad ah oo ay ku lahaayn laamaha amniga ee Galmudug.

Howlgalkan guuleystay ee ka dhacay Galmudug ayaa kusoo aadayo, xilli haatan gobollada dhexe ay ka socdeen howlgallo dhul ballaaran looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Addis Ababa + Khasaaraha

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal ka dhacay gudaha magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Booliiska magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in saddex qof lagu dilay israsaaseyn dhexmartay ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan kooxda hubeysan ee Fano.

Wararka ayaa sheegay in mid kamid ah dadka la dilay ayaa ahaa qof rayid ah, halka labada kalena ay ka tirsanaayeen kooxdaasi, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Booliska.

Sidoo kale laba askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadka maanta ka dhacay gudaha magaalada Addis Ababa, sida ay shaaciyeen laamaha ammaanka.

Dhacdadan ayaa Jimcihi ka dhacday xaafad ay dagaan qoysaska ladan oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Kooxda Fano ayaa inta badan ka hawlgasha gobolka Axmaarada oo dagaal kula jira ciidamada tan iyo bishii August ee sanadkii hore.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee rabshado laga soo sheego Addis Ababa oo la xiriirta jabhada Fano.

Itoobiya ayaa waxaa bilihii dambe ka dhacayay falal ammaan darri oo halis ku ah amniga dalkaas, waxaana usii dheer isku dhacdyada dowladda iyo kooxaha kale ee mucaaradka.

Tuhunka ka dhashay kulankii XASAN Sheekh iyo William RUTO oo sii xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib kulankii ay todobaadkii hore madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya William Ruto ku yeesheen magaalada Nairobi ayaa waxaa isa soo taraya tuhunka laga muujinayo kulankaasi oo la sheegay in lagu soo qaaday arrimo ku aadan kiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

War ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in Kenya ay soo jeedisay heshiis badda ah, si loo qaboojiyo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Somalia ee ku saabsan saldhigga ciidamada Badda Itoobiya ka doonayaan Somaliland.

Intaas kadib dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warkaasi, waxayna sheegtay in aan laga wada xoojin arrimo ku saabsan xiisadda badda.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u diiddan tahay, ayna beeninaysaa warka ay faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ee ah in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ku dhexmarey magaalada Nairobi lagu soo hadal qaadey soo jeedin la xiriirta heshiis arrimaha badda ee dalalka gobolka gelayaan,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in qodobkaasi aanu marnaba ka mid ahayn ajendaha kulanka labada Madaxweyne dhex marey. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,”.

Dhinaca kale waxaa haatan sii xoogeysanaya shakiga ka dhashay arrintan oo si weyn loogu falanqeynayo baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana ka falceliyay siyaasiyiin uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaanka ayaa su’aal ka keenay in madaxweynuhu keli ku noqdo kulankaasi, haddii laga wada-hadlay amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Haddii sida la sheegay kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay dhiggiisa Kenya looga hadlay iskaashi amni iyo la dagallaan argagexiso, maxay u wehlin waayeen wasiirradii, madaxdii hay’adaha amniga iyo hawlwadeenkii diblomaasiyadda oo safiirkii dalka ugu horreeyo?” ayuu qoraalkiisa ku yiri Warsame.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ma iskashi amni ayuu madaxweynuhu kaligii ka hadlayey, mise cid kale uu aamino ayuu waayey?”.

Ugu dambeyn wuxuu ku taliyay in arrintan si faahfaahsan loola wadaago shacabka Soomaaliyeed, si ay u ogaadaan xogta kulanka ay yeesheen labada madaxweyne.

“In shacabka Soomaaliyeed si daahfuran oo daacadnimo leh loogu warbixiyo ayaa ka habboon in la soo saaro qoraallo midig iyo bidix u socda oo lagu beeninayo waxa ay Wakaaladaha wararka kulanka ka qoreen” ayuu kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa.

DF oo shaacisay hal mid oo Itoobiya ay ka aqbaleyso iyo mid aysan abid aqbali doonin

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin qorshaha ay Itoobiya saldhig ciidamada badda ah uga dhisayso Somaliland, balse ay ka fakari doonto inay u ogolaato dekad ganacsi, haddii laga wadahadalo. 

Itoobiya, oo aan bad lahayn, ayaa bishii Janaayo heshiis la gashay maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya, heshiiskaas oo dhigaya in laga kireeyo dhul badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan, taas beddelkeedna ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan. 

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska ku tilmaamtay mid sharci-darro ah, oo xadgudub ku ah madax-banaanida, qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. 

Si loo qaboojiyo xiisadda, Kenya oo la tashaneysa Jabuuti, ayaa soo jeedisay heshiis badeed sharciyeynaya sida dalalka gobolka ee aan badda lahayn ay ku heli karaan dekado loo marayo heshiis ganacsi, sida uu sheegay sarkaal sare oo Kenyan ah. 

Kahor inta aan laga wada-hadlin helitaanka dekad laga heshiiyo, Itoobiya waa inay marka hore nasakhdaa heshiiska Somaliland, waxaa sidaas wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya Cali Balcad. 

“Soomaaliya weligeed ma aqbali doonto saldhig ciidan,” ayuu yiri Cali Balcad. “Soomaaliya waxay diyaar u tahay gelitaanka heshiis ganacsi badeed si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee badda.”

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wadahadal ka gasho hindisayaasha haddii ay waafaqayaan danaha dalka oo ah “in la ilaaliyo madax-banaanideena, madax-banaanida siyaasadeed iyo midnimada.”

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa diiday inuu ka hadlo warka cusub ee kasoo baxay Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo war kasoo saaray wada-hadalladii uu la yeeshay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay wadahadallo isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. 

Sheekh Shariif ayaa xaqiijiyey in wadahadallada ay fashilmeen, oo wax xal ah lagu gaari waayey, xogtaas oo ay xalay idinla wadaagtay Caasimada Online. Wuxuu sidoo kale sheegay in saddex qodob diiradda lagu saaray wadahadallada balse dhammaantood lagu isku afgaran waayey. Hoos ka aqriso qoraalka Shariif.

WAR-SAXAAFADEED

Sida ay la socdaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaa jirey kulan kadhacay magaalada Nairobi, oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii xal looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka, kaas oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanka iyo Waxgarad.

Marka hore, waxaan mahad aan la soo koobi karin u jeedinayaa madax dhaqameedkii iyo waxgaradkii sida hagar la’aanta ah ugu istaagay isku soo dhaweynta aragtiyada kala duwan. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idinka abaal mariyo.  

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Aniga Odiyaashu waxay noo daayeen wada hadalka iyo xallinta arrimaha jira inaan isla meel dhigno sida uu Madaxweynuhu codsaday, Aniguna Kulankaas waxaan ku tagay niyad wanaag iyo in xal laga gaaro arimaha lagu kala aragtida duwanyahay kuwaasoo kala ah seddexda arrimood ee hoos kuxusan:  

1. Arimaha Dastuurka
2. Arimaha Siyaasada iyo Mustaqbalka Dalka
3. Khilaafka DFS iyo Dowlad Goboleedka Puntland

Dood dheer kadib, xal waan ka gaari weynay dhamaan qodobadii aan ka doodney, Waxaan rumeysanahay mabda’a ah in khilaafaadka siyaasadda lagu xalliyo wadahadal iyo is qancin, marxalada adag ee uu maanta dalku maraayana ay tahay lagama maarmaan ilaalinta midnimada iyo wadajirka Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Mar kale, waxaan u mahad-celinayaa Waxgaradkii iyo Ganacsatadii dadaalka iyo dhaqaalahaba ku bixiyey in xal laga gaaro khilaafaadka jira.

MAHADSANIDIIN

Daawo: Wasiirka cusub ee amniga oo shaaciyay goorta lasoo afjarayo Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee amnuga gudaha Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay sanad guurada 64-aad ee kasoo wareegtay aas aaska ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Fartaag ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab aysan lahayn awood sidaas u wayn, isla markaana ay hadda kusoo uruureen inay argagaxiyaan oo kaliya shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la xaqiijiyay in nimanka aysan lahayn tabar iyo xoog oo waxoodu ay yihiin argagixisanimo iyo boor isku qarin” ayuu khudbaddiisa ku yiri Wasiir Fartaag.

Sidoo kale wuxuu sheegay in bishan April bisheeda kale ee sanadka soo socda 2025-ka dalka oo dhan laga wada sifeyn doono kooxda Al-Shabaab, sida u hadalka u dhigay.

“Hadda waxaa lagu jiraa munaasabadda xuska ee aas aaska ciidamada Xoogga dalka, waxaan filayaa in bishaan April bisheeda kale in la gaaro iyada oo dalka Soomaaliya oo dhan laga wada nadiifiyey kooxda Al-Shabaab” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga gudaha.

Waxaa kale oo uu tusaale usoo qaatay guulaha haatan laga gaaray howlgallada ka socda Galmudug iyo HirShabelle oo uu sheegay in lagu jebiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Galmudug iyo HirShabelle waxaan rajeynayaa in bilaha soo socda laga wayn doono Al-Shabaab, kadibna waxaa loo soo jeesan doonaa Koonfur Galbeed iyo Jubbaland” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo muddooyinkii u dambeeyay ay kooxda kordhisay weerarada ay ja fulineyso gudaha dalka, waxayna dib u qabsatay deegaano ay kasoo baxeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

IRAN oo gacanta ku dhigtay markab xiriir la leh ISRAEL

Tehran (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan ayaa gacanta ku dhigay markab xamuul ah oo xiriir la leh Israa’iil kaasi oo Sabtida maanta ah marayey marin biyoodka Hormuz, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Iiraan, waxayna tani imanaysaa maalmo kadib markii Tehraan ay ka digtay in ay aaggaas ka xireyso safarrada maraakiibta.

Wakaaladda IRNA ayaa ku warrantay in diyaarad helikobtor ah oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanka ay markabka MSC Aries oo watta calanka Burtaqiiska u kaxaysay dhinaca biyaha Iiraan.

Hay’adaha la socda ammaanka maraakiibta ayaa goor hore sheegay in markab laga kaxaysteen marinka Hormuz ee u dhaxeeya Imaaraatka Carabta iyo Iran.

Markabka Aries ayaa khadka maraakiibta caalamiga ah ee MSC uu ka kireysatay shirkadda Gortal Shipping, oo xiriir la leh Zodiac Maritime, sida ay Zodiac ku sheegtay bayaan ay soo saartay, waxayna intaa ku dartay in MSC ay mas’uul ka tahay dhammaan howlaha markabka.

Zodiac ayaa waxaa qayb ahaan iska leh ganacsade Israa’iili ah oo lagu magacaabo Eyal Ofer.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisadda gobolka tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil ee Gaza bishii Oktoobar, iyadoo Israa’iil iyo xulafadeeda Mareykanka ay marar badan isku dhaceen kooxaha taabacsan Iran ee ku sugan Lubnaan, Suuriya, Ciraaq iyo Yemen.

Iiraan ayaa ku hanjabtay in ay ka aargudan doonto duqaymo looga shakisan yahay in ay Israa’iil ku qaadday qunsuliyadda Iiraan ay ku leedahay caasimadda Suuriya ee Dimishiq 1-dii April, weerarkaasi oo ay ku dhinteen toddoba sarkaal oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka oo ay ku jireen laba taliyeye oo sar-sare.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Jimcihii sheegay in uu filayo in Iiraan ay waqti dhow weerareyso Israa’iil, isagoo uga digay Tehraan in ay weerarkaasi fuliso.

Afhayeenka milatariga Israa’iil, Rear Admiral Daniel Hagari, ayaa yiri “Iiraan waxa ay qaadi doontaa cawaaqibka ka dhasha doorashadeeda in ay sii kordhiso xaaladdan”, mar uu ka jawaabayay warbixinnada la xiriira qabashada MSC Aries.

Talaadadii ayaa madaxa ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka, Alireza Tangsiri, waxa uu sheegay in ay xiri karaan marin biyoodka Hormuz haddii loo arko lagama maarmaan.

Waxa uu sheegay in Iiraan ay khatar u aragtay joogitaanka Israa’iil ee Imaaraadka Carabta, oo Israa’iil xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysatay sannadkii 2020-kii, taasi oo qayb ka ahayd “Heshiiska Ibraahim” ee uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay Iiraan taageerto ayaa carqaladeeysay ganacsiga caalamiga ah iyadoo muddo bilo ah weeraro ku qaadaysay maraakiibta mara Badda Cas, waxayna sheegtay in ay beegsanayaan maraakiibta ku xiran Israa’iil si ay uga aargudato ololaha Israa’iil ee Gaza.

REUTERS

Faah-faahinta dagaal ka qarxay Buurhakaba

0

Buurhakaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal maanta dib uga qarxay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ka taagnayd xiisad xoogan oo saameyn ku yeelatay dhaqaaqa guud ee degmadaasi.

Dagaalka ayaa waxaa lasoo wariyay laba maleeshiyo beeleed oo maalmihii lasoo dhaafay isku horfadhiyay qaybo kamid ah magaalada, kuwaas oo saaka isku dhacay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaa jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintauy ugu yaraan hal qof oo ahayd haweeneyd kamid ah dadka deegaanka, waxaana dhaawacyo soo gaareen dad kale.

Ma cadda sababta dhalisay dagaalka dhex maray maleeshiyaadkan oo horay sidaan oo kale ugu dagaalamay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro hadal kasoo baxay Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalkaasi, basle waxaa bilowday dagaallo lagu qaboojinayo xiisaddaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ku sugan magaalada, kuwaas oo wada dhaq-dhaqaaqyo ay ku doonayaan inay ku kala qaadaan maleeshiyaadka diriray.

Magaalooyin badan oo dhaca Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xiisado dagaal, waxaana kamid ah Wanlawalweyn oo ay maanta ku dagaalameen maleeshiyaad beeleed, waxaana ka horreeyay dagaal kale oo isna shalay ka dhacay magaalo xeebeedka Baraawe.

Diblumaasi muddo 40 sano ah jaajuusayay Mareykanka oo 15 sano lagu xakumay

Washington (Caasimada Online) – Diblumaasi hore oo Mareykan ah ayaa Jimcihi lagu xakumay 15 oo xarig ah, kaddib marki uu qirtay inuu jaajuus u ahaa Dowladda Cuba.

Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa kiiska diblamaasigaasi hore ku tilmaantay, mid ka mid ah jaajuusnimadi ugu heerka-sarreysay uguna waqtiga dheereyd ee lagu sameeyo Dowladda Mareykanka.

Victor Manuel Rocha, oo soo noqday Safiirka Mareykanka ee dalka Bolivia inti u dhaxeysay sannadihi 2000 ilaa 2002-di, ayaa qirtay laba eedeyn oo mid ay aheyd inuu si sharci darro ah wakiil ugu noqday dowlad kale. Bishi December ayaa dacwadi ugu horreysay lagu oogay.

Rocha, oo 73 jir ah, ayaa si qarsoodi ah u taageeray Xisbiga Shuuciga ah ee ka arrimiya Cuba isla markaana mukhaabaraadka dalkaasi ka caawiyay inuu siiyo xogo liddi ku ahaa Dowladda Mareykanka muddo ka badan 40 sannadood.

Dacwad oogaha Dowladda Mareykanka ayaa sheegay, in muddadaasi ay ku jirtay 20 sanno oo uu ahaa sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Qareennada Rocha ayaanan wali bixin faah-faahin ku aadan xakunka lagu riday.

VOA

Kulankii Xasan iyo Shariif oo fashilmay iyo qodobada uu Shariif ku dhegay – Xog

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.  Worshaha ugu weyn ee safarkaas wuxuu ahaa in Xasan Sheekh uu wadahadal la yeesho madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, waxayna xog cusub ka helnay kulankii labada masuul xalay dhexmaray.

Markii hore qorshuhu wuxuu ahaa in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay shirkooda qeyb ka noqdaan waxgaradka beesha Mudullood, balse qorshahaas waxaa bedelay Xasan Sheekh oo beesha ka codsaday in isaga iyo Shariif ay isaga dhex-baxaan, si tabashada Shariifka loo xaliyo.

Sheekh Shariif oo markii hore rabay in waxgaradka Mudullood ay goobjoog ahaadaan kulanka uu la yeelanayo Madaxweyne Xasan, maadaama uu qabo tabasho ah in dhowr mar uu balamo uga baxay ayaa markii dambe aqbalay go’aanka maxaxweynaha oo ahaa in labadoodu ay yeeshaan shir albaabadu u xiranyihiin.

Xasan Sheekh ayaa gooni ula kulmay masuuliyiintii Mudullood ee la qorsheeyey inay Shariif iyo isaga dhex dhexaadiyaan, waxaana la sheegay inuu ka codsaday inay ka dhex baxaan, sidaasna ay uga qanceen, intaas kadibna waxaa dhacay kulankii Xasan iyo Shariif.

Sida ilo xog ogaal ah ay Caasimada Online u xaqiijiyeen shirkii Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo socday muddo saacad ka badan ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday, dooda ugu weyn ee miiska saaran ayaa aheyd sidii looga wadahadli lahaa arrimaha dastuurka.

Sheekh Shariif ayaa la sheegay inuu ku dooday in wadahadalka isaga iyo Xasan Sheekh uu noqdo mid danguud ah, loogana wadahadlo dhammaan tabashooyinka dadka Soomaaliyeed ay ka qabaan dowladda iyo hoggaamiyo Xasan Sheekh, si gaar ah arrinta socota ee wax ka bedelka dastuurka.

Xasan Sheekh ayaa isna ku dooday inay ka wadahadlaan danaha gaarka ah ee Sheekh Shariif iyo waxa uu dowladda Xasan Sheekh ka rabo, iyadoo wixii danguud ah loo deynayo baarlamaanka iyo dowladda oo ku dadaalaya in wax kasta oo tabasho ah ay hoos u fiiriyaan.

Intaas kadib, Sheekh Shariif ayaa la sheegay inuu la yimid xujo adag oo aheyd in la sameeyo dowlad wadaag oo xubno laga siiyo dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, balse madaxweynaha ayaa taas diiday wuxuuna hor dhigay Shariifka inuu hoos ugu daadego waxa uu sida gaarka ah uga tabanayo dowladiisa.

Sheekh Shariif ayaa isna ku adkeystay in Xasan Sheekh uu xaliyo qodobada qaar ee dastuurka, doorashada, xisbiyada, dowlad wadaag oo xubnaha mucaaradka ah ee xisbiga Shariifka ay xilal ka helaan dowladda Xasan Sheekh iyo qodobo kale oo danguud ah oo miiska uu soo saaray Sheekh Shariif, balse Xasan Sheekh oo intaas oo dhan diiday ayaa isku dayey in si gaar ah oo nafsiyan ah uu Sheekh Shariif u qanciyo, laakiin taasi ay suurtageli weysay.

Sidaas ayuu ku fashilmay oo natiijo la’aan ayuu ku soo dhamaaday kulankii dheeraa ee Nairobi ay ku yeesheen Xasan iyo Shariif, balse waxaa socda isku dayo kale oo tabashooyinka Sheekh Shariif lagu xalinayo, si wadahadaladu u sii socdaan, waxaana Nairobi jooga xubnihii ugu muhiimsanaa beelaha Mudullood oo doonaya inay labada Madaxweyne u kala dabqaadaan.

Xog: Dagaal ka dhashay arrin yaab leh oo mar kale ka qarxay BARAAWE + Khasaaraha

0

Baraawe (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo geystay khsaare nafeed iyo barakac ay sameysay bulshada ku nool magaaladaas.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada xoogga dalka ee jooga Baraawe iyo ciidan ka tirsan daraawiishta K/Galbeed.

Inta la xaqiijiyey saddex askari io dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku geeriyootay dagaalkaas, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah.

Dagaalka ayaa ka dhashay Qaad la sheegay in askar ka tirsan daraawiishta Koonfur Galbeed ay ka dhaceen haweenka magaaladaas ku nool ee ka ganacsada Jaadka.

Intaas kadib waxaa soo gurmaday askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo u hiilinaya hablaha qaadka laga dhacay, waxaana bilowday dagaal culus oo dhimasho iyo dhaawacyo sababay.

Waa markii labaad oo dagaal culus uu Baraawe ku dhexmarayo ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta K/Galbeed, waxayna askartaasi isku yihiin cadow, iyadoo aysan jirin sabab gaar ah oo ay isku colaadiyaan.

Ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa degan xarunta madaxtooyada K/Galbeed ee Baraawe, halka Militeriga dowladda federaalka uu dhowr jiho ka degan yahay magaalada.

Xiisad colaadeed ayaa caawa laga dareemayaa Baraawe, waxaana wali is hor fadhiya ciidamadii dagaalamay, mana jirto cid kala dhex gashay, waxaa xusid mudan in magaaladaas ay joogaan ciidamo ka tirsan ATMIS.

War cusub: Maxaa ka jira in Xasan Sheekh iyo Ruto ay ka xaajoodeen arrimaha badda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wafaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo saaray qoraal uu ku beeniyey war ay shalay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, kaas oo sheegayey in laga wada xaajooday xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxeysa.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u diiddan tahay, ayna beeninaysaa warka ay faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ee ah in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ku dhexmarey magaalada Nairobi lagu soo hadal qaadey soo jeedin la xiriirta heshiis arrimaha badda ee dalalka gobolka gelayaan,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay shalay in Kenya ay soo jeedisay heshiis badda ah, si loo qaboojiyo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Somalia ee ku saabsan saldhigga ciidamada Badda Itoobiya ka doonayaan Somaliland.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in qodobkaasi aanu marnaba ka mid ahayn ajendaha kulanka labada Madaxweyne dhex marey. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa isna sheegay in Soomaaliya aysan marna aqbaleyn qorshaha Itoobiya ay saldhig ciidamo kaga dhisaneyso Somalialnd, ayna ka fiirasnayaan in la siiyo dekad ganacsi, hadii taas laga hadlo.

Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa madax-banaanideeda dhuleed. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka.” ayuu boggiisa rasmiga ah ee X (ex-Twitter) kusoo qoray Cali Cumar ah oo ah wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Itoobiya ayaa bilowgii bishii Janaayo la gashay Somailland heshiis la sheegay in 20 KM ay kaga kireysaneyso xeebta iyo dhul ay saldhig ciidan ka sameysayo Itoobiya, damacaasna waxaa si weyn uga gilgilatay umadda Soomaaliyeed.

Reuters ayaa shalay qortay in mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya uu sheegay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, islamarkaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya.

Maxay tahay farriinta uu madaxweyne Xasan Sheekh maanta u direy ciidanka?

0

Mugdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriin u direy ciidanka, isaga oo ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooda sannad guurada 64-aad ee kasoo wareegtay aasaaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in qaadista cuna-qabataynta hubka oo dowladdu ay dadaal ku bixisay ay horseedi doonto qalabaynta, tayeynta iyo xoojinta cududda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayna ka soo kaban doonaan haddii Alle idmo, dhaawacii ka soo gaaray burburkii dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay muhiimadda weyn ee qarankeenna ay u leedahay ciidan awood leh oo si buuxda u hanta sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, kana difaaca dadkeenna khatar kasta oo cadowgu ay soo maleegaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey naxariistiisa Janno dhammaan geesiyaasha ciidamada xoogga dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dalkooda.

Waxa uuna bogaadiyey naf-hurnimada ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixiaadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed.

Ciiidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu laf-dhabar u yahay difaaca dalka, xilli ay xukuumadda ka go’an tahay sidii dib loogu soo celin lahaa libaaxyadii Afrika ee ku suntanaa geesinimada, sida uu maanta sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo isna maanta dhankiisa farriin u direy ciidanka ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay in marnaba aan la ilaawi doonin halyeeyadii naftooda ku waayey iyaga oo difaacaya qarankooda.

Farqiga u dhaxeeya fara-galinta Itoobiya iyo Imaaraadka ee Somalia iyo jawaabaha DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay fara-gelin joogta ah kala kulmeysay dalalka deriskeeda ah iyo kuwa Khaliifka, tan iyo markii dib loo hirgeliyay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya sanadkii 2000.

Cilaaqaad marka hore duruufo dhaqaale iyo kuwo amni loo soo maro ayaa ugu dambeyn waxa uu dhalaa in dalka lagu sii kala qeybiyo, iyada oo la cayilinaayo maamul goboleedyada ka jira dalka.

Khamiistii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa jawaab carro leh ka bixisay tallaabo ay Itoobiya heshiis iyo maqaam gaar ah ku siisay Puntland. Waxaana dalka laga saaray Safiirkii Itoobiya, iyada oo la amray in la xiro labada qunsuliyad ee Itoobiya ku laheyd Garoowe iyo Hargeysa, oo markii hore ku furnaa fasax ay bixisay dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo la xasuusta carradii iyo jawaabtii diidmada aheyd ee ay dowladda Soomaaliya ku dhaqaaqday markii Somaliland heshiis is-afgarad ah ay la gashay Itoobiya 1-dii Janaayo ee sanadkaan.

Sida cad Soomaaliya hadda waxay heegan u tahay inay iska caabiso Itoobiya siyaasad ahaan, laakiin dhinaca kale waxaa taagan Imaaraadka Carabta.

Dalkaan Carbeed ayaa isna si weyn faraha ugula jira arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waqtigaan waxaa jooga Abu Dhabi oo wada-hadallo iyo shaqooyin la wada Imaaraadka madax ka socota Somaliland iyo kuwa ka socda Puntland.

Dhinaca Puntland oo la hadal-hayo inay heshiisyo geli karaan waxaa hor kacaya hoggaamiyaha maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Deni, halka dhanka Somaliland uu wafdiga horkacayo Wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland.

Waxaana la sheegay in wafdiga Somaliland uu kala hadlayo Imaaraadka inay maalgashadaan mashaariicda tamarta iyo kuwa macdanta ee Somaliland.

Imaaraadka waxay labadii sano ee lasoo dhaafay sidoo kale xoojiyeen cilaaqaadkooda Jubbaland, iyaga oo maamulkaasi siiyay hub iyo gaadiid dagaal. Waxay kale oo saameyn xooggan ku yeesheen dekedda Kismaayo iyo Jaziiradaha ku yaalla maamulka Jubbaland.

Dhanka Puntland, fara-gelintooda waa mid aad u xoog badan. Dhowr bilood ka horna waxay Imaaraadka tijaabiyeen inay cilaaqaad dhow la yeeshaan maamulka Koonfur Galbeed.

Dhamaan dhacdooyinkan Imaaraadka waxay imaanayaan iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh xiriir saaxiibtinimo la leeyahay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Illaa hadda dowladdan Carbeed lama siinin wax digniin ah oo ku saabsan fara-gelinteeda baahsan ee gudaha Soomaaliya.

Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa dagaal ba’an la gashay Imaaraadka, waxayna marka Puntland laga reebo wiiqday inay saameyn kale ku yeeshaan gobollada dalka. Cilaaqaadka labada dal ayaa xilligaasi gaaray meel adag.

Farmaajo iyo kooxdiisa waxay xilligaasi la xirteen dowladda Qatar oo aan iyadu laheyn dabeecad ay ku fara-geliso gudaha dalalka. Marwalba Qatar waxay la macaamiisha dowladda dhexe, halka maanta Imaaraadka uusan waxba u hanbeynayn sida muuqata dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Dadka Soomaalida waxay badi isweydiinayaan waxa ay ku kala duwan yihiin fara-gelinta ay Imaaraadka ku hayaan gudaha Soomaaliya iyo midka ay Itoobiya ku hayso gudaha Soomaaliya.

Dabcan labaduba waa fara-gelin, inkasta oo Itoobiya dad iyo dhulba ka haysato Soomaaliya oo fara-gelintooda ka xasaasiyad badan tahay mida Imaaraadka, haddana labaduba waa fara-gelin.

Waxaana in aan Imaaraadka tallaabo laga qaadin ama aan xitaa digniin la siin muujineysa sida ay dowladda Xasan Sheekh u sahashaneyso qataraha ka dhalan kara fara-gelinta Imaaraadka, ama ay u dabrayaan dhaqaalaha kooban ee marmar ka yimaada dhanka dalkan Carbeed.

Dadka arrimaha Soomaaliya ka faallooda qaar waxay qabaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh ku qasban yahay inuu raadsado saaxiib ka sugan Imaaraadka oo aan fara-gelinayn arrimaha gudaha, si loo ilaaliyo madax-banaanida iyo haybadda dalka.

R/W Xamza oo shaaciyay arrin weyn oo ka go’an kadib farriin uu udirey ciidanka

0

Mugdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooda 64-guurada kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna.

Sidoo kale waxa uu sheegay iyada oo ahmiyada laga duulayo ay xukuumadda Dan-Qaran qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan dib-u-habeynta iyo dhismaha ciidamada qalabka sida, gaar ahaan xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo suurta-gelisay in cadowga laga fara-maroojiyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waa astaan qaran oo loo carbiyey difaaca haybadda qarannimo, waxa ayna u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo karaamada Shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu intaas kusii daray ra’iisul wasaaraha “Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan Khawaarijta cadawga ah ee u taagan daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu laf-dhabar u yahay difaaca dalka, islamarkaana ay xukuumadda ka go’an tahay sidii dib loogu soo celin lahaa libaaxyadii Afrika ee ku suntanaa geesinimada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu hoosta ka xarriiqay in marnaba aan la ilaawi doonin halyeeyadii naftooda ku waayey iyaga oo difaacaya qarankooda.

Maxay maanta uga dhigan tahay SOOMAALIYA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin munaasabado iyo xaflado qiimo gal ah  oo lagu soo bandhigo taariikhda dhaxalka ah ee ay ka tageen dadka wadaniyiinta ah iyo kuwa kale ee u soo halgamay midnimada iyo difaaca qaran kasta oo ka jira caalamka.

12-ka April, waxa ay kamid tahay maalmaha qaran ee loo dabbaal-dego aasaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, taasina waxa ay muujineysa in shacbiga iyo dowladda ay mar kasta diyaar u yihiin ka qeyb qaadashda xusaska maalmaha qaran ee ku weyn dadka.

Aas-aaskii ciidanka xoogga

Sanadkii 1960-kii, gaar ahaan 12-kii April ayeey aheyd markii la unkay ciidamada xoogga dalka oo ah cududda koowaad ee laf-dhabarka u ah dowladnimada, islamarkaana ka qeybqaadan kara ammaanka guud ee qaaradda, kan gobolka iyo gudaha dalka Soomaaliya.

Dhismaha hoggaanada ciidanka

Waa dhab ah in dhismaha ciidamada xoogga uu ahaa mid ku yimid dadaal miro-dhal ah oo ay wada lahaayeen bulshada ka dib kolkii la dareemay baahida weyn ee loo qabo waajibaadyada shaqo iyo howlaha qaran ee horyaalla ciidamada, sida;

1- Ilaalinta xuduudaha dalka
2- Difaaca dadka iyo dalka
3- La-dagaallanka argagixisada iyo ka qeyb qaadashada howlaha lagu sugayo amniga guud ee gudaha dalka.

Kadib kolkii loo howl-galay kordhinta tayada iyo aqoonta ciidamada xoogga waxaa lagu guuleystay in la sameeyo hogaanno badan oo ka qeyb qaata socodsiinta howlaha ciidamada, haddeey ahaan lahaayeen dhanka maamulka maaliyadda iwm.

Waxaa markhaati ma doonto ah sanadihii u dhexeeyey 1964 illaa 1977-dii in ciidamada xoogga dalka ay ahaayeen kuwo soo hooyay guullo taariikhi ah ka dib markii ay baadigoob u galeen soo celinta dhulalkii ka maqnaa dadka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya dowladda iyo shacanka oo ka qeybgalay diyaarinta  ciidamo xoogan oo leh tiro iyo tayo, islamarkaana lagu aamini karo dadka iyo dalka.

Xilligii burburka iyo soo kabashada

Inkastoo dagaaladii sokeeyey ee ka dhacay dalka sanadkii 1991-dii ay saameyn ku yeesheen dhismaha qeybaha ciidamada, haddana waxaa labaatankii sano ee u dambeeyay lagu najaxay in dib loo uruuriyo ciidamada, islamarkaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa, iyadoo lagu kordhiyay dhallinyaro cusub oo dhiirri geliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Marka loo eego qaabka ciidamada ay u fuliyaan howlaha kala duwan ee horyaalla iyo sida ay u socdaan dadaalada kale ee ay kaga qeybgalaan horumarka dalka, waxaa xaqiiqo ah in ay yihiin kuwo leh maamuus qaran iyo xasuus gaar ah oo ku qoran qalbiyada iyo baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya,

Waxa haboon in xilligaan adage e la marayo loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada, islamarkaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo sidoo kale in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan difaaca iyo ammaanka guud ee dalka.

Xilligaan adag ee lagu jiro waxaa ciidamada xoogga la gudboon in ay la yimaadaan niyad bir ah iyo karti lagu wajaho howlaha qaran ee ay u hayaan umadda Soomaaliyeed oo xilligaan sugaya ama ay u muuqdaan mustaqbal wanaagsan.

Ugu dambeyntii xuska sanadkaan ee sanad-guurada 64-aad, ciidanka xoogga waxaan u rajeeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Sonna

Dowladda oo beenisay arrin la xiriirta xiisadda Itoobiya oo ka careysiisay Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay wararar soo baxay, kuwaasi oo sheegayay inay Itoobiya la galeyso heshiis dhanka badda ah oo lagu qaboojinayo xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay is-afgaradkii ay la gashay Somaliland.

“Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.” ayuu boggiisa rasmiga ah ee X (ex-Twitter) kusoo qoray Cali Cumar ah oo ah wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cali Cumar ayaa intaas sii raaciyay “Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa madax-banaanideeda dhuleed. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Reuters ayaa shalay qortay in mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya uu sheegay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, islamarkaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya.

Korir Singwe, oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in heshiiska ay soo jeedisay Kenya oo la tashanaya Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD uu go’aamin doono sidii dalalka aan badda lahayn ee gobolka ay ku heli karaan dekedo ganacsi.

“IGAD waxay awood u leedahay inay diyaariso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya ururka ay ku jiraan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kulan kula qaatay caasimadda Kenya dhiggiisa Kenya William Ruto, kaasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafkan.

Toddobaad kadib go’aankii DF ee xirista qunsuliyadaha Itoobiya oo aan shaqeyn

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxa aan shaqeyn go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku amartay in lagu xiro qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe.

Amarka xirista qunsuliyadaha Itoobiya ayaa Golaha Wasiirrada Soomaaliya waxay soo saareen 4-tii bishaan, ayada oo uu ku ekaa Khamiistii shalay, welina dhaqan-gal ma noqon amarkaasi.

Labada qunsuliyadood ayaa si caadi ah u shaqeynaya haatan, ayada oo aysan jirin wax saameyn ah oo uu ku yeeshay amarka kasoo baxay dowladda fedaraalka Soomaaliya, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo-wareedyo muhiim ah.

Go’aanka dowladda federaalka ayaa waxaa horey gaashanka ugu daruuray Somaliland iyo Puntland oo ayagu sheegay in go’aannada dowladda federaalka aanu ka shaqeyn deegaanadooda.

Labada maamul ayaa mid walba gaarkiisa ugu faanay inuu xiriir saaxiibtinimo iyo mid ganacsi uu la leeyahay Itoobiya, oo xilligaan ay xiisad xooggan kala dhaxeyso dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo salka ku haysa damaca guracan ee badda.

Dowladda federaalka ayaa si weyn uga carootay tallaabooyinka isxig-xiga ee Itoobiya ee xad-gudubka ku ah madax-banaanida Soomaaliya, oo ay ugu dambeysay heshiiskii ay dhawaan Addis Ababa ku gaareen maamulka Puntland iyo xukuumadda Abiy.

Sidoo kale waxaa kasii horeeyay heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya ay la saxiixatay Somaliland, kaasi oo Muuse Biixi uu qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya uga beddelanayay Addis Ababa wax loogu yeeray “ictiraaf”, kaasi oo la kulmay diidmo horleh oo caalami ah.

Si kastaba, go’aankii todobaadkii hore kasoo baxay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayay dowladda ku sheegtay “in haddii uu dhaqan-gali waayo inay qaadayso tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso madax-banaanideeda dhuleed.”

Xog: Yuu u xayirnaa qaadka Kenya ee Soomaaliya taga maalmihii lasoo dhaafay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Qaadka Kenya ee Soomaaliya taga ee loo yaqaano Miirooga ayaa shalay ka degay garoonka Muqdisho kadib maalmo uu hakad ku jiray.

Xayiraadda qaadka ee maalmihii lasoo dhaafay ayaa warar dheeraad ah kasoo baxayaan, ayada oo ganacsatada ka shaqeysata qaadka Miirooga qaarkood ay sheegeen inay ka dambeysay lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay.

Cabdiwaaxid Barre Macallin oo kamid ah dadka ka shaqeysta qaadka ayaa sheegay in qaadka ay lacago dheeraad ah ku soo rogteen koox uu ku sheegay “magafayaasha qaadka,” kuwaasi oo macaash aan caadi aheyn ka sameeya qaadka loo dhoofiyo Soomaaliya.

Kooxdan ayuu sheegay inay yihiin kudlad isku xiriirsan, islamarkaana lacagta ay ka qaatan qaadka Miirooga ay ugu dhacdo akoonno gaar ah, waana lacago dheeri ah oo ka baxsan canshuurta, sida uu sheegay Cabdiwaaxid Barre oo kamid ah dadka ka shaqeysta qaadka ee ka soo qaada Beeralayda illaa ay u dhoofiyaan Soomaaliya.

“Waa arrin dhib ku ah dadka nolol maalmeedkooda, beeralayda ilaa kuwa ku xiran ee wax ka hela, lacagta maaha mid ah canshuurta oo Kenya u dhacda iyo mid Soomaaliya u dhacda laakiin waxay u dhacdaa kudlad isku xiran oo ku sii xiriirsan dad awood leh,” ayuu yiri Cabdiwaaxid Barre oo la hadlay BBC.

Lacagta ay ganacsatada ka cabanayaan ayaa dhan 4.5 dollar oo laga qaado kiilo kasta oo ah qaadka Miiroowga ee loo dhoofiyo Muqdisho.

Isku soo wada duubo, qaadka Miirooga oo maalmo xayirnaa ayaa shalay markii uu ka degay magaalada Muqdisho waxaa lagu kala iibsanayay qiimo aad uga sarreeya midkii hore, taasi oo cabasho xooggan laga muujiyay.

Xogta heshiis dhanka badda oo Ruto uu hordhigay Xasan oo la xiriira xiisadda Itoobiya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa shaaciyay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD.

Ujeedka Kenya ee heshiiskan ayaa lagu sheegay si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, islamarkaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya.

Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn ayaa 1-dii January is-afgaradka la gaartay Somaliland, kaasi oo Somaliland ay ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi.

Is-afgaradkan ayaa keenay in Soomaaliya ay si adag uga jawaabto.

Korir Singwe oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in heshiiska ay soo jeedisay Kenya oo la tashanaya Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD uu go’aamin doono sidii dalalka aan badda lahayn ee gobolka ay ku heli karaan dekedo ganacsi.

“IGAD waxay awood u leedahay inay diyaariso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya ururka ay ku jiraan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii kulan kula qaatay caasimadda Kenya dhiggiisa Kenya William Ruto, kaasoo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafkan.

“Waxaan sii wadeynaa in aan la shaqeyno dhammaan dhinacyada anaga oo ujeedadeenu tahay inaan hubinno in gobolku uu ugu dambeyntii si buuxda u helo xasilloon,” ayuu yiri Singwe.

Wuxuu intaas ku daray in haddii xalka Nairobi la aqbalo, ay Itoobiya siin doonto “helitaanka kheyraadka badda oo xasilloon oo la saadaalin karo” si ay ganacsigeeda u wadato si aan caqabad lahayn, iyadoo sidoo kale ixtiraamaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay darsayaan hindisahaasi, islamarkaana madaxdooda laga codsaday inay ka wada-hadlaan kulanka, si loo sii amba qaado howlaha horyaalla.

Sing’oei waxa uu sheegay in waqtigu uu muhiimad gaar ah u lahaa, maadaama Al-Shabaab ay u adeegsan jireen khilaafkan inay dowladda Soomaaliya ku tilmaamaan mid aan awood u lahayn ilaalinta madax-banaanida Soomaaliya.