25.6 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Baxsad ka tirsanaa shabakad Al-Shabaab u geysay gaari dowladeed oo la qabtay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose lagu qabtay Xasan Ibraahim oo kamid ahaa shabakad saddex nin oo Janaayo 2023 gaari TOYOTA Hartop ah ah kala goostay wasaaradda tamarta iyo biyaha Jubbaland.

Raggan ayaa gaarigaasi sanadkii hore ula galay kooxda Al-Shabaab, balse dabagal dheer kadib Booliska Jubbaland ayaa maanta gacanta ku soo dhigay Xasan.

October 2023 ayey aheyd markii Ciidamada Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ay sidan oo kale Muqdisho ugu qabteen Cabdifataax Nuur iyo Xasan Cabdullaahi oo ninkaan hadda lasoo qabtay la socday, kalana shaqeeyey inay gaarigaas la goostaan, si Al-Shabaab ay uga iibsadaan.

Cabdifataax iyo Xasan ayaa kooxda markaas kula heshiiyay in la siiyo lacag dhan 20-kun dollar, kadib marka ay u gacan galiyaan gaariga ay iska laheyd wasaaradda biyaha iyo tamarta Jubbaland, hase yeeshe taasi ma dhicin, sida ay hore u sheegtay NISA.

“Kahor inta aysan ka bixin magaalada Kismaayo waxa ay xiriirro kala duwan la sameeyeen koox ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ku hagayey halka iyo goobta ay ku wajah-naayeen, waxaana lagu ballamay in la siin doono lacag dhan 20,000$ balse ay wax walbo is bedeleen markii ay tageen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda.

“Waxay haysteen heshiis afka baarkiisa ah oo ay la galeen argagixisada kaas oo ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ iyo damaanad ah in ay xornimo ku mari doonaan dhulka ay ku dhuumaalaystaan Khawaarijta balse taasi waxba kama rumoobin oo waxa ay ahayd sheeko khadka taleefanka ku dhexmartay argagixisada iyo raggan khiyaanada Qaran ku kacay,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Si kastaba, soo qabashada raggaan ayey dowladda ku sheegtay mid muujineysa “in kuwa dhagarta maleegaya aysan ka baxsa karin gacanta hey’adaha ammaanka Soomaaliya oo meel kasta lagu qaban karo.”

Daawo: Mahad Salaad iyo Xaadoole oo caawa qaaday tallaabo cajiib ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hey’adda nabad sugidda Mahad Maxamed Salaad ayaa caawa kormeer ku maray qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, isagoo la afuray ciidamada ammaanka.

Taliye Mahad Salaad waxaa caawa kormeerkiisa ku wehliyey Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan golaha shacabka, isla markaana ah sarkaal sare oo militeri.

Taliyaha iyo Xildhibaanka ayaa ciidamada ku kormeeray baraha koontoroolada ee degmooyinka waqooyiga Muqdisho oo dadka iyo gaadiidka ay ku baarayeen.

Mahad Salaad ayaa caadi u dhex galay bulshada, isagoo shacabka si gacan qaad ah ugu salaamay maqaayadihii ay ku caweynayeen.

Degmooyinka Yaaqshiid, Heliwaa iyo Kaaraan ayey masuuliyiintaan soo mareen caawa, iyagoo lasoo afuray ciidamada amniga oo isugu jira NISA iyo Booliska.

Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir Muxudiin Warbac ayaa Mahad iyo Xaadoole ku wehliyey kormeerkaan ay ku mareen degmooyinka waqooyi ee caasimadda Muqdisho.

Xildhibaan Xaadoole oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyey kormeerkooda, isagoo sheegay inay caawa tageen goobihii ay difaacyada u ahaan jiray dowladihii tan Xasan Sheekh ka horeeyey.

Wuxuu sheegay in ciidan badan iyo hub culus aysan wadan, isla markaana aysan dareemeyn wax cabsi ah, Xaadoole ayaa hey’adaha ammaanka ku amaanay shaqada muuqata ee Muqdisho ay ka hayaan.

Hoos ka daawo

Sheekh Maxamed Shaakir oo shaaciyey in berri ay bisha Ramadaan kow tahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa caawa ku dhawaaqay inay berri soomayaan oo maalinta koowaad ee Ramadaan ay u tahay, xilli maanta laga soomanaa inta badan Soomaaliya.

Qeybo ka mid ah dalka, sida Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb, Guriceel, Gaalkacyo iyo inta badan degmooyinka gobolka Gedo ayaan maanta laga soomin, waxayna dadkaasi ku doodeen inay aragti ku soomayaan, kuna afurayaan.

Sheekh Shaakir ayaa u hambalyeeyey dhamaan dadka Soomaaliyeed, isagoo dadka ku baraarujiyey inay Alle uga mahad-naqaan abaalmarintiisa bishaan qiimaha badan ee uu soo gaarsiiyey, kana faa’iideystaan fadliga bishaan Ramadaan.

“Waxaan hambalyada bisha ramaddaan u diraayaa ummadda muslimiinta ah gaar ahaan shacbiga soomaaliyeed , waxaana mahad oo dhan u sugnaatay Allaah Swt oo si nabad ah nagu gaarsiiyay bishaan barakeysan ee Ramaddaan,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Shiiqa ayaa Alle ka baryey in fadliga bishaan uu Soomaaliya ku gaarsiiyo guulo badan, sidoo kale wuxuu ku taliyey in loo midoobo dagaalka Khawaarijta.

“Fadliga bisha barakeysan ee Ramaddaan Allaha Dalkeena ku siiyo Roob, barwaaqo,nabadgalyo iyo midnimo Insha’allaah, Waana in aan u midawno dagaalka lagula jiro khawaarijda si aan u helno xoriyad qiima badan,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Sheekh Shaakir wuxuu ka mid ahaa culimada dariiqatu Suufia oo maanta aan soomin, inta badana dadka raacsan dariiqadaas kuma soomaan, kuna afuraan bil aysan arkin bilashadeeda.

Inta badan Soomaaliya ayaa maanta laga soomay kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in Ramadaan ay dhalatay oo Telefishinka Qaranka, si toos ah lagu dhaariyey nin sheegay inuu arkay bishii, isagoo jooga degmada Awdheegle.

Doodda wax ka beddelka dastuurka oo weji cusub yeelatay – Maxaa isbeddelay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ayaa maanta guda-galay ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya matalaadda shacabka.

Kulankan oo ahaa midkii 24-aad ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayada oo ay ku wehlinayeen ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad JFS.

Cutubkan oo ka kooban afar madax ayaa maanta waxaa ka doodistooda la furay madaxa koowaad ee mabaadii’da guud ee mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.

Xildhibaannada Labada Aqal ayaa sidoo kale soo jeediyay aragtidooda ku aaddan qodobada 48-aad illaa 53-aad ee cutubka afaraad madaxyadiisa koowaad iyo labaad.

Doodda Cutubka Afaraad oo sii socon doonta maalmaha soo socda ayaa waxaa isku diiwaan-geliyay in ka badan boqol mudane, taasi oo muujinaysa muhiimadda cutubkaan uu leeyahay.

Iyada oo guddiga la-socodka dastuurkana ay diiwaan-geliyeen dhammaan hadal qoraallada iyo xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray fadhiga maanta ayaa sheegay in xildhibaano badan ay doodda ay u dhiman tahay in la iskugu soo laabto kulanka xiga.

Si kastaba, arrimahan ayaa imaanaya xilli ay weli taagan tahay xiisada ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka, ayada oo weli dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay ku adkeysaneyso wax ka beddelka ay rabto, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay doodda wax ka beddelka dastuurka ka socoto baarlamaanka.

Hoggaamiyihii Al-Qacida ee Mareykanka uu malaayiinta ku raadinayay oo geeriyooday

Sanca (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii Al-Qacida ee Yemen ayaa geeriyooday, waxaa sidaas ku dhowaaqay kooxda, ayada oo aan bixin wax faah-faahin ah.

Khalid al-Batarfi ayaa waxaa madaxiisa dul saarnaa abaal-marin ah $5 milyan, oo uu ballan-qaaday Mareykanka, sababo la xiriira hoggaamintiisa Al-Qacidada Jasiirad u yaalka Carbeed.

Inkasta oo la rumeysan yahay in sanadihii dhowaa ay daciiftay sababo la xiriira dagaal dhexdeeda ah iyo duqeymo diyaaradeed oo Mareykanka uu ku dilay dhowr ka mid ah hoggaankeeda, haddana kooxdan oo loo yaqaan AQAP ayaa loo arkaa laanta ugu halista badan ee Al-Qacida.

Al-Qacida ayaa sii daysay muuqaal muujinaya al-Batarfi oo ay ku duuban tahay karfan cad iyo calanka madowga iyo caddaanka ah ee kooxda.

Kooxda ayaan shaacin sababta dhimashadiisa, mana jirin wax calaamad dhaawac oo laga arki karay wejigiisa. Al-Batarfi ayaa la rumeysan yahay inuu ku jiray da’da 40-maadka.

Kooxda ayaa geerida Al-Batarfi ku dhowaaqday habeenkii koowaad ee Ramadanka, oo maanta ka billowday dalka Yemen iyo caalamka Islaamka.

Al-Batarfi ayaa la wareegay hoggaanka kooxda AQAP bishii Febraayo ee 2020. Waxa uu beddelay Qassim al-Rimi oo lagu dilay oo weerar drone ah ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, kaasi oo uu amray madaxweynihii xilligaas Donald Trump.

Waxay sidoo kale kooxdu sheegtay in Saad bin Atef al-Awlaki uu la wareegi doono hoggaankeeda.

Mareykanka ayaa horey madaxa Saad bin Atef al-Awlaki u dul saaray abaal-marin dhan $6 milyan, ayada oo sheegtay “inuu si shaacsan ugu baaqay weeraro ka dhan ah Mareykanka iyo xulufadiisa.”

SOMALILAND oo qaaday tallaabo xasaasi oo dhabaha u xaareysa damaca Ethiopia

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo weli ku adkeysaneysa heshiiskii is-afgarad ee 1-dii Janaayo ay la gaartay Ethiopia, ayaa qaaday tallaabo u muuqata in maamulka uu sahan ugu soo sameynayo dhulkii loo calaamadeeyay Ethiopia, si loo gudo galo wejiga xiga ee heshiis beenaadkii Addis Ababa

Guddiga Farsamo ee Somaliland u qaabilsan heshiiska is-afgarad (MOU) ee Somaliland iyo Ethiopia ayaa safar ku tagay xeebta galbeed ee Somaliland iyo qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka Awdal.

Guddigan Farsamo ayaa waxay maalintii Sabtidii ee toddobaadkan safar ku tageen magaalada Lughaya oo ay ka sameeyeen indho-indhayn iyo xog-ururin.

Intii uu halkaasi ku sugnaa guddigan waxa uu la kulmay odayaasha dhaqanka iyo qaybo ka mid ah bulshada oo ay la yeesheen xog-waraysi, xilli dhawaan ay reer Lughaya meel adag iska taageen damaca gurracan ee Ethiopia iyo heshiiskii 1-dii Janaayo ee sanadkaan.

Sidoo kale guddida aya waxay maalintii shalay aheyd booqdeen magaalooyinka Boorama iyo Dila ee gobolka Awdal, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ku dhaqan magaalooyinkaasi.

Guddiga ayaa dhinacyadaasi waxay warbixinno ka siiyeen hawsha shaqadooda ee la xidhiidha heshiiskii is-fagaradka Somaliland iyo Ethiopia ay 1-dii Janaayo ee sanadkaan 2024 ku gaareen magaalada Addis Ababa.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli lasoo warinayo in Ethiopia ay ka fakareyso inay ka laabato qorshaha ay ku aqoonsan laheyd Somaliland ee qeybta ka ah heshiiska is-afgarad ee u durbaan tumaneyso Somaliland.

Warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka ayaa illo-wareedyo kasoo xigatay in wada-hadallo dhowaan ka dhacay Nairobi oo uu la yeeshay madaxweynaha Kenya William Ruto, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku muujiyey inuu diyaar u yahay “inuu dib uga laabto” qeybaha muranka dhaliyey ee heshiiska, si uu soo celiyo xiriirka Soomaaliya.

Saraakiisha Ethiopia ayaa si qarsoodi ah ugu sheegay saraakiil ajnabi ah in dalka uu diyaar u yahay “inuu meesha ka saaro aqoonsiga Somaliland, sida ay sheegeen shan diblomaasi shisheeye oo lagu wargeliyey mowqifka Addis-Ababa.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in aysan marna wada-hadal toos ah la geli doonin Ethiopia, illaa Addis-Ababa ay ka laabato heshiiska sharci-darrada ah ee ay la gashay Somaliland, waana midda la rumeysan inay soo dadajisay in Ethiopia ay ka fikirto ka laabashada qeybo kamid ah heshiiskaasi.

Sawirro: Askartii ugu badneyd oo maanta lagu dhaariyay Muqdisho kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho lagu dhaariyay 300 askari oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ciidankan oo shalay tababar heer sare ah loogu soo xiray dugsiga tababarrada booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa maanta la dhaariyay, si ay u guda galaan waajibaadka shaqo ee horyaalla.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa ka qeyb-galay munaasabaddan maanta lagu dhaariyay askartaan.

Sidoo kale Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya S/guuto Zakiye Xuseen Axmed iyo saraakiil kale oo ka tirsan Taliska Booliska ayaa Taliyaha kala qeyb-galay munaasabadaan.

Ciidankan cusub ayaa waxay ka qeyb qaadanayaan sugidda amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed, xilli uu dalka ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab.

Maalmo kahor ayay aheyd markii dugsiga tababarrada ciidamada Gorgor ee TurkiSom loogu soo gaba-gabeeyay tababar urur cusub oo kamid noqonaya ciidanka Gorgor.

Ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa xilligaan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in istiraatiijiyadda dowladda ay tahay in muddo kooban lagu soo afjaro kooxda, xilli guulo badan laga gaaray dagaalka, wallow uu gaabis ku yimid bilihii lasoo dhaafay.

Mas’uul sare oo uu xilka qaaday ra’iisul wasaare Xamza oo soo saaray qoraal cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Marwo Faadumo Cabdi Cali oo aheyd Ku-xigeenkii Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, uuna dhawaan xilka qaaday ra’iisul wasaare Xamza ayaa maanta soo saartay qoraal.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dhawaan waxa uu Cabdirisaaq Cali Ibraahim u magacaabay inuu noqdo ku-xigeenka xoghayaha joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Marwo Faadumo ayaa muddo saddex sano iyo bar ah ka shaqeynaysay xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayada oo lasoo shaqeysay ra’iisul wasaarayaashii kala dambeeyay.

“Waxaan si mug iyo miisaan leh ugu mahad-celinayaa mas’uuliyiinta aan sida kalsoonida leh usoo wadashaqaynay ee uu ugu horreeyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda JFS Mudane Xamza Cabdi Barre iyo ra’iisul wasaarihii hore Mudane Maxamed Xuseen Rooble,” ayey ku tiri qoraalka ay soo saartay ku-xigeenkii hore ee xoghayaha joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale waxay ku boorisay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh in ay gabdhuhu qayb lixaad leh ka noqdaan heerarka maamulka dhexe iyo sare ee xafiisyada dowladda.

Hoos ka aqriso qoraalka

Waxaa sharaf ii ahayd in aan saddex sano iyo bar u helay fursad aan ugu adeego qaranka gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha (OPM Somalia).

Marxalado, Madax qaran iyo Xukuumado kala duwan, mas’uuliyaddu waa hirgalinta ahdaafta Xukuumadda iyo u adeegista ummadda.

Waxaan si mug iyo miisaan leh ugu mahadcelinayaa mas’uuliyiinta aan sida kalsoonida leh usoo wadashaqaynay ee uu ugu horreeyo RW Xukuumadda JFS Mudane Hamza Abdi Barre, Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Mohamed Hussein Roble, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenada Mudane Salah Jama iyo Mudane Mahdi M. Gulaid, Wasiir Dowlayaasha Mudane Hirsi Gani iyo Mudane Abdihakim Ashkir, Dhammaan Xoghayayaashii hore iyo Xoghayaha hadda jooga, Agaasimayaasha, La-taliyayaasha, Saraakiisha iyo Ciidamada XRW, dhammaan shaqaalaha iyo hawlwadeenada kala duwan ee XRW iyo guud ahaan Xukuumadda.

Waxaan si gaar ah ugu mahad-celinayaa gabdhaha Xafiiska RW oo si hagar la’aan iyo hoggaamin leh iila shaqeeyay. Waxaan u rajeenayaa in gabdhuhu qayb lixaad leh ka noqdaan heerarka maamulka dhexe iyo sare ee Xafiisyada Dowladda.

Guul ayaan u rajeenayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hoggaaminta RW Hamza Abdi Barre iyo guud ahaan Xukuumadda Dan Qaran.

Mahadsanidiin

Saameynta ay Soomaaliya ku yeelanayso xargaha internet-ka ee ay Xuutiyiinta jareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Xuutiyiinta Yemen ayaa la rumaysan yahay inay jareen saddex xarig ah kuwa xambaara internet-ka iyo isgaarsiinta caalamiga, kuwaas oo hoos mara badda cas ka dib weeraro ay ku qaadeen maraakiib maraysan marin biyoodkaas.

Marin biyoodka badda cas ayaa wajahaya mid ka mida xiisadihii ammaan darro ee ugu weynaa tan markii ay falaagada Xuutiyiintu bilaabeen inay bartilmaameedsadaan maraakiibta ganacsi ee maraysa badda cas.

Ilaa hadda ma cada si rasmi cida goysay xariga balse waxa xoogan in Xuutiyiinta loo badinayo inay jareen xargahaas.

Iyadoo maraakiibta caalamiga ah ay mar hore hakad gelisay badda cas, oo ah marin muhiim ah oo shixnadaha xamuulka iyo tamarta ee Aasiya iyo Bariga Dhexe ilaa Yurub, kharribaadda khadadka isgaarsiinta ayaa sii kordhin karta dhibaatada bilaha ah.

Sida ay shaacisay HGC Global Communication oo fadhigeedu yahay Hong Kong, khadadka la jaray waxaa ka mid ah kuwa Aasiya-Afrika-Europe 1, Europe-India Gateway, Seacom iyo TNG-Gulf.

Xariga AAE-1, waa xariga xambaara intenerka oo ka yimaada Faransiiska yaalana gunta badda cas kas oo khadka internerka gaarsiisa dalal ku yaala Aasiya, Afrika iyo dalal ku yaala Yurub.

Dalalka uu maro xariga AAE-1, waxaa ka mid ah Jabuuti, Imaaraadka, Masar, Sacuudiga, Qatar iyo Hindiya, kaas oo bilowgiisa soo mara Talyaaniga iyo Greeca.

Xariga kale ee isaga ay waxyeeladu gaadhay waa Seacom oo xarig internet-ka oo badda hoos yaala kaas oo internetka gaarsiiya dalal ay ka mid tahay Kenya.

Isgaadhsiinta Caalamiga ah ee HGC waxay ku tilmaantay khadka Seacom-TGN-Gulf inuu yahay laba fiilo oo mid ka mida u ku yaalay aaga laga jaray xarhaja sida uu sheegay Tim Stronge, khabiir ku takhasusay fiilada badda hoosteeda ee TeleGeography, oo ah shirkad cilmi baaris isgaarsiineed oo fadhigeedu yahay Washington.

Tata Communications, oo qayb ka ah shirkadaha Indian conglomerate oo hoos tagta Seacom-TGN-Gulf line, ayaa u sheegay AP in “ay biloowday tallaabooyin degdeg ah oo sax ah kadib markii khadka la jaray.

Horraantii bishii Febraayo, dowladda Yemen ee caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee musaafurinta ku jirta ayaa ku eedeysay Xuutiyiinta in ay qorsheynayeen in ay weeraraan fiilooyinka.

Khadadka ayaa u muuqday in la jaray 24-kii Febraayo, iyadoo ururka NetBlocks uu ogaaday gelitaanka internetka ee dalka Jabuuti ee Bariga Afrika ku yaalla oo uu go’ay laba maalmood kadib.

Soomaaliya iyo sameeynta ay ku yeellanayso

Sida ku cadda xogta rasmiga ah ee ku jirta bogga rasmiga ah Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) Soomaaliya waxaa laga isticmaalaa ilaa afar fiilo oo ah kuwa fiber optic-ga.

Xargaha badda hoosteeda ee fiber optic-ga ee Soomaaliya laga isticmaalo oo afar ah ayaa lagu kala magacaabaa Gulf2Africa, DARE, Peace iyo Eassy. Marka laga reebo Eassy oo gabi ahaanba ku wareegsan qaarada afrika, saddex kale waxaa ay ku dhamaadan geeska ayga oo soo mara badda cas.

Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa BBC-da u sheegay inkasta oo Soomaaliya ay arrinta ay ka qabto walaac la mid ah dunida inteeda kale haddana ay filayaan in kooxdu aysan ku dhiirran karin fulinta weerar noocaas ah.

“Runtii waa jirtaa cabsi badan iyo xaalado kala duwan oo is soo taraya oo laga qabo in kooxda xuutiyiinta ay carqaladeeyna habsami u socdka gancsiga iyo isgaarsiinta aduunka, ayaga oo jaraya xargaha fiber optic-ga,” ayuu yiri wasiirka oo BBC-da u warramay.

Inkasta oo uu jiro walaac heer calami ah hadda wasiirku waxa uu tillmaay in Xuutiyiinta aysan laheyn awoodda ay ku jaraan xargaha mara bada hoosteeda.

“Ganacsi fara badan iyo isgaarsiinta aduunka ayaa ku xiran habsami u socodka xargahaan, waana na samaaynaysa hadii ay dhacdo, laakin awooddaas kooxdu ma lahan,” ayuu yiri Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Soomaaliya.

“Aqoon tiknoolajiyadda oo heerkaas gaarsiisan kooxdu ma lahan marka waa ay ku adkaan doonta in wax badan ay sameeyaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sanadkii 2017-kii markii ay cilad ku timid fiilada Fibre Optic ee badda hoosteeda ee laga isticmaalo Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhaqaale oo weyn, sidii ay xilligaasi sheegtay dowladda Soomaaliya.

Isha: BBC

Somaliland oo caalamka u dirtay digniin yaab leh oo la xiriirta heshiiskii Itoobiya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa mar kale war cusub kasoo saartay heshiiska muranka dhaliyay ee ay la gashay Itoobiya, kaas oo uu Muuse Biixi ugu saxiixay Abiy Axmed 20 kiilo mitir oo kamid ah badda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa ayaa waxaa digniin loogu diray waddamada kasoo horjeedo heshiiska.

Sidoo kale waxaa qoraalkan oo lagu baahiyay bogga wasaaradda arrimaha dibadda lagu sheegay in Somaliland aanay marnaba aqbali doonin waxkasta oo ka hor imaanaya danteeda iyo doonisteed madax bannaanida.

“Somaliland waxay si aan ka leex leexad lahayn u diidaysa muquuninta noockasta oo ay noqoto, gaar ahaan wixii kasoo horjeeda danteeda qaranka, ama doonisteeda madaxbannaanida” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Somaliland ayaa ku dooday in heshiiska ay la gashay dowladda Itoobiya uu yahay  mid keenaya iskaashi iyo ka wada faa’iidaysi laba geesood ah, oo dan u ah labada dhinac.

Dhanka kale Somaliland ayaa u digtay waddamo ay sheegtay inay doonayaan inay soo farogeliyaan heshiiskan iyo ururo waa weyn, balse aysan carab baabin magacyadooda.

“Somaliland si wayn ayay u fahansantahay waddankasta ama ururkasta oo doonaya in uu faraha lasoo galo hawshan, isaga oo ku dhexdhuumanaya arrinta beenta ah ee ah ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya, si ay u gaadhaan danaha qaramadooda” ayaa lasii raaiyay.

Waxaa kale oo uu qoraalka intaasi kusii darayaa in Somaliland ay ka go’antahay ilaalinta nabada guud ee gobolka iyo caalamka, ayna ku foogaantahay ilaalinta biyaha Badda Cas.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda badda, isla markaana si wayn looga dareemay gobolka, maadaama la’isla aaday fagaaraha caalamka.

Si kastaba, dhowaan dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda heshiis difaac la gashay Turkiga, kaas oo ciidamo iyo maraakiib dagaal geynayo xeebaha dalka, si ay u ilaaliyaan.

Maxaad ka ogtahay maamul goboleedka aan maanta laga soomeyn ee khilaafay DF?

Garoowe (Caasimada Online) – Deegaanada Puntland ayaa maanta laga Soomin, kadib markii maamulka uu ku dhowaaqay in xalay deegaanadooda aan laga arkin bilashasa bisha Barakeysan ee Ramadaan, go’aankaas oo ka duwan midka dowladda dhexe, maadaama xalay Muqdisho looga dhawaaqay in maanta ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan.

Wasiirka Cadaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo ay hareero taagan yihiin qaar kamid ah culimada Garoowe ayaa ku dhawaaqay in aan Puntland laga arag bishii Ramadaan isla markaana ay maanta tahay maalinta 30 aad ee bisha Shacbaan.

Wasaaradda cadaaladda iyo culimada ayaa isku raacay in maanta la dhameystiro bisha Shacbaan, berina la Soomo maalinta koowaad ee Ramadaan.

“Bishii ma sugnaan sidaas daraadeed waxaan isla qaadanay annaga oo ah culimada iyo wasaaradda cadaaladda inay beri tahay Shacbaan, sodonkeedana aan buuxineyno” ayuu yiri mid kamid culimada Puntland.

Go’aanka Puntland ayaa kusoo aaday, ayada oo xalay dowladda federaalka Soomaaliya ay xaqiijisay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii culimada wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ay Studiyaha Telefishinta Qaranka Soomaaliyeed ku dhaariyeen Jamaal Axmed Mayow oo sheegay in bilashada bisha Ramadaan uu ka arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed oo kulanka dhaarinta goobjoog ahaa ayaa ku dhawaaqay in berri ay tahay maalinta koowaad ee Soon-qaad.

Dhinaca kale, Sacuudiga ayaa isna goor sii horeysay oo xalay ah xaqiijiyay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayada oo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha.

Kadib warka kasoo baxay maamulka Xarameynka ayaa waxaa si rasmi ah taraawiixda looga bilaabay Xaramka, kadib salaaddii Cishaha.

“Bisha Ramadaan 1445/2024 ayaa laga arkay dalka Sacuudiga!. Ramadaan 1445/2024 wuxuu bilaabmayaa berri, 11 March 2024. Salaada Taraawiixda ayaa ka bilaaban doonta Labada Masjid ee Barakeysan Salaada Cishaha kadib,” ayaa lagu qoraal kasoo baxay Xarameynka.

Ethiopia oo eedeyn yaab leh u jeedisay DF SOOMAALIYA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa eedeyn yaab leh u jeedisay dowladda federaalka Soomaaliya, xilli ay ka dhex aloosan tahay xiisadda badda oo ayadu hoos u dhigtay xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Ethiopia Birhanu Jula oo wareysi siiyay warbaahinta EBC ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay dafirtay wanaagii ay u sameysay Ethiopia, isaga oo ku dooday in ciidankooda ay naftooda u hurayaan nabadeynta Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya way dafirtay wanaagii aan u samaynay Soomaaliya, halka shacabka Soomaaliya ay u mahad-celinayaan ciidamada Ethiopia,” ayuu yiri Taliye Birhanu Jula.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay iyagu garowsan yihiin naf hurista ciidanka Ethiopian-ka ah, si ay Soomaaliya ugu naalooto nabad, sida uu hadalka u dhigay Taliyaha guud ee ciidamada Ethiopia.

Ninkan ayaa waxa kale oo uu sheegay in haddii ciidankooda howl-galka nabad ilaalinta ATMIS (ex-AMISOM) u jooga Soomaaliya ay baxaan aysan dowladda federaalka sii fadhiyi doonin Muqdisho.

“Berri hadday ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya uma malaynayo in dowladda Soomaaliya ay fadhiyayso Muqdisho,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Itoobiya Birhanu Jula oo ku faanaya in door weyn ku leeyihiin nabadeynta Soomaaliya.

Hadalka Taliye Birhanu ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisadda Ethiopia iyo Soomaaliya ee salka ku haysa heshiiskii badda ee Addis Ababa, wuxuuna sidoo kale kusoo aadaya xilli ciidamada Soomaaliya ay horumar wanaagsan ka sameeyeen dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo banaanka usoo saaray tayadooda.

Daawo: DF oo shaacisay in BIIXI uu beegsi ka billaabay Awdal, una jawaabtay Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha wasiirka amniga Soomaaliya, ahna wasiiru dowlaha wasaaraddaas Maxamed Cali Xagaa ayaa qabtay shir jaraa’id, isagoo wakiil ka ah xildhibaanada iyo masuuliyiinta dowladda federaalka ee ka soo jeeda gobollada waqooyi, gaar ahaan gobolka Awdal.

Wasiir Xagaa ayaa si adag uga hadlay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo sida uu sheegay Muuse Biixi uu ka bilaabay gobolka Awdal, sidoo kale wasiirka ayaa farriin adag u diray taliyaha ciidamada Itoobiya, isagoo ka jawaabay hadal ka soo yeeray.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Muuse Biixi uu bilaabay inuu caburiyo oo xirxiro odayaasha, saxafiyiinta iyo qof kasta oo reer Awdal ah oo lagu tuhmay inuu ka soo hor jeeda qorshaha halista ah ee Muuse Biixi uu badda ku siinayo Itoobiya.

“Xalay magaalada Ceelsheekh waxaa laga soo qabtay cuqaashii diiday inay halkaas tagaan guddi uu Muuse u xil-saartay inay fuliyaan heshiis ku sheegii uu badda ku siiyey Itoobiya,” ayuu yiri Wasiir Xagaa.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dadkii ku noolaa deegaanada ay metelaan ay dareemayaan caburintii ugu weyneed, kadib markii ay diideen qorshaha ciidamada Itoobiya loogu wareejinayo badda, sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay aaggaas gaaf wareegayaan.

“Muusow wixii aad ka dagaalantay dadka haku sameynin, waad la socotaa wixii kaa raacay Goojacadde iyo Laascaanood, Muusow wax aad walaalnimo ku weysay xoog ku gaari meysid ee ka jog waxaad faleysid,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Xagaa.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Somaliland inay iska dulqaadaan gumeysiga Muuse Biixi, isagoo u balan qaaday in dowladda Soomaaliya ay garab taagnaa doonto oo si dhow ay ula socon doonto dhaqdhaqaaqooda, garabna ay siin doonto.

Sidoo kale wasiirka amniga Soomaaliya wuxuu sheegay in Taliyaha ciidamada Itoobiya uu ku andacooday in hadii ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya ay dowladnimadu burbureyso, wuxuuna u diray farriin adag.

“Dowladda Soomaaliya waa isku filan tahay, ciidankeeda ayaa u dagaalamaya oo cadowga ka xoreynaya dalka, taliyahaas waxaan leeyahay taada maarey, ciidamada shisheeye dalka waa ka baxayaan sanadkaan dhamaadkiisa, ciidanka Soomaaliyeedna waa u diyaarsan yahay inuu la wareego amniga qaranka,” ayuu yiri wasiiru dowlaha, ahna sii-hayaha xilka wasiirka amniga Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Kamaal Guutaale oo balan-qaadkii u horeeyay sameeyay kadib magacaabistii Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kamaaludiin Daahir Guutaale oo dhowaan loo magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sameeyay ballan qaadkii ugu horreeyay, kadib markii uu Axaddii la wareegay xilkan cusub ee loo magacaabay.

Khudbad uu jeediyay Guutaale ayaa waxa uu ku ballan qaaday in uu la imaan doono hufnaan shaqo, isla markaana uu dardargelin doonno howlaha uu Qaranka Soomaaliyeed u hayo xafiiska.

Sidoo kale waxa uu codsaday in si dhow loogala shaqeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, maadaama ay tahay howl ballaaran oo loo haayo Qaranka Soomaaliyeed.

Dhankiisa Xoghayihii hore ee xilka wareejiyey Maxamed Abuukar Zubeer ayaa isagana sheegay inuu la shaqeyn doono Kamaaludiin Daahir Guutaale, uuna ku garab istaagi doono shaqada, si ay halkeeda uga sii socoto.

Waxaa kale oo uu u rajeeyey in uu Alle u fududeeyo howsha baaxadda leh ee hortaalla Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa sidoo.kale oo goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Gaani, Agaasimeyaasha, la-taliyeyaasha iyo howlwadeennada xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xamza Cabdi Barre ayaa shantii bishaan Kamaaludiin Daahir Guutaale u magacaabay inuu nuqdo xoghayaha xafiiskiisa, kaas oo sidoo kale horay uga mid ahaa la-taliyeyaashiisa gaarka ah.

Guutaale ayaa sidoo kale horay uga soo shaqeeyay madaxtooyada, isaga oo kasoo qabtay xilal kala duwan, marna waxa uu ka tirsanaa xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, walow uu mar dambe isaga baxay.

Madaxweyne Xasan oo laba arrin ka dalbaday shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo maanta kow ah, maadaama laga sooman yahay waddamada Islaamka oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay hambalyada munaasabadda bisha Ramadaan.

“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan” ayuu Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday laba arrin oo muhiim ah, wuxuuna ka dalbaday inay caawiyaan dadka danta yar iyo inay u duceeyaan dalka, si looga gudbo xaaladaha adag.

“Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni iyo barwaaqo” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan, Ramadaan kariim”.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza ayaa hambalyo u diray shacabka “Waxaan hambalyo ku aadan curashada bisha barakeysan ee Ramadaan u dirayaa dhammaan Ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan Allaah (SWT) waydiisaneynaa inuu na waafajiyo cibaadada bisha Soon, sidoo kalena uu naga aqbalo”.

DF oo war kasoo saartay xasuuqa ka socda GAZA

0

Muqdisho (Caasimda Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo ku aadan bilasha barakeysan ee Ramadaan & duulaanka Israel ay ku qaaday shacabka reer Falastiin.

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu horreyntii bulshada Soomaaliyeed iyo dhammaan dadka Muslimiinta ah ugu hambaleeyay dhalasha bisha Ramadaan, isaga oo sidoo kale amar ku bixiyey in maqaayadaha ku yaalla Muqdisho aan la furi karin maalintii inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday duulaanka ay Israel ku qaaday magaalada Gaza, halkaas oo ay ciidamada Yahuuda ay khasaare badan ku gaarsiiyeen shacab fara badan.

“Ummadad Muslimiinta guud ahaan waxaan uga baryeynaa in walaalaheyna reer Falasteen ee Gaza ku dhibaateysan uu Ilaahey dhibka ka qaado, in cadowga ku hareereysan uu ka sara mariyo, Ilaaheyna uu jabiyo cadowga” ayuu farriintiisa ku yiri duqa Muqdisho.

Madaale ayaa Israel ku eedeeyay inay carruur iyo waalidiintood ay ku leysay duqeymaha ay ka wada dhuka Falastiin, gaar ahaan magaalada Gaza.

“Carrruur yar yar ayaa ku dhimaneysa, ku dhaawacmeysa hooyooyin iyo aabeyaal oo aysan jirin wax ay galabsadeen ayaa maalin kasta dhiiggooda daadanaayo” ayuu mar kale yiri.

Guddoomiyaha gobolka ayaa dhinaca kale guuk u rajeeyay walaalaha reer Falasteen, wuxuuna ugu duceeyay inuu Ilaah ka dul qaado dhibaatada ay ku hayso Israel.

“Bishaan barakeysan Ilaahet nasri ha siiyo dhammaan dadka muslimiinta ahna, Ilaah dhibta haka dulqaado” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Dowladda federaalka oo horay u shaacisay mowqifkeeda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay qaddiyada reer Falastiin.

Qorshe culus oo Al-Shabaab ay damacsaneyd oo laga hortagay, lana bur-buriyay…

0

Marka (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo gelinkii dambe ee shalay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.l.

War kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu beegsaday koox ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursaneysay goobta la weeraray, lagana hortegay qorshe culus oo ay damacsaneyd.

“Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Mareykanka ayaa lagu bartimaameedsaday koox ka tirsan khawaarijta oo isku abaabulayay gobolka Shabeellada Hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma shaacin dowladdu goobta uu sida gaarka ah uga dhacay howlgalkan, marka laga soo tego inuu ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan lagu dilay ugu yaraan saddex ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale lagu burburiyay dhagar ay soo maleegeysay kooxda, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Howlgalka waxaa lagu dilay saddex ka tirsan maleeshiyaadka khawaarijta ah, waxaana goobta lagu burburiyay dhagartii ay maleegayeen” ayaa mar kale lasii raaciyay.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah ayaa howlgallo culus ka waday gobollada dalka, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiisay Al-Shabaab, loogana xoreeyay dhul balllaaran.

Fadaa’isha bisha barakeysan ee Ramadan (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay xaqiijisay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, waxaana maanta oo ah 11-ka bisha March, kuna beegan 1-da bisha barakeysan ee Ramadan ee sanadka 1445-ka Hijrada u bilowday inta badan Muslimiinta caalamka bisha kheyrka badan ee Ramadan.

Ramadaanta ayaa waxay ka mid tahay rukunada adag ee Diinta Islaamka, iyada oo lagu wado in Muslimiin gaaraya tiradooda 1.8-Bilyan inay bishaan soomaan, inkasta oo ay jiraan qaar ka mid ah Muslimiinta ay heystaan caqabado waxaana ka mid ah Muslimiinta Falastiin oo bishan barakeysan la kowsanaaya duqeynta iyo go’doominta ciidamada sahyuunadda Yuhuuda.

Sidaasi awgeed waxaan qormadaan uga hadleynaa Fadaa’isha ay leedahay bisha Ramadaan, mana aha wax lagu soo koobi karo qoraal ama dhowr maqaal, waxaa laga qoray kutub aad u waaweyn, hadabba waxaan isku dayeynaa in aan wax yar ka tilmaano waxooga ka mid ah fadaa’ishaasi:-

Waxyaabaha Rabbaaniga ah waxaa ka mid ah in uu Allaha kala fadilo waqtiyada, wuxuu ka fadilay bisha Ramadaan dhammaan bilaha kale ee sanadka, wuxuu ku gaaryeelay bishan fadli aad u weyn oo ay uga soocan tahay bilaha kale, waxaana ka mid ah fadaa’isha kuwa soo socoda.

1. Waa Bishii la soo dajiyaya Quranka iyo dhammaan Kutubta kale ee Samaa’wiga ah.

قال الله تعالى Ilaaheey waxa uu yiri:-

{ شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ وَمَن كَانَ مَرِيضًا أَوْ عَلَ سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ يُرِيدُ اللّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ وَلِتُكْمِلُواْ الْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُواْ اللّهَ عَلَى مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ } (185) سورة البقر

، وعن واثلة بن الأسقع رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ( أنزلت صحف إبراهيم عليه السلام في أول ليلة من رمضان ، وأنزلت التوراة لست مضين من رمضان ، والإنجيل لثلاث عشرة خلت من رمضان ، وأنزل الفرقان لأربع وعشرين خلت من رمضان ) رواه أحمد .

2. Waa Bisha la faradyeelay Soonka.

3. Waa Bisha Towbada iyo dambi dhaafka.

Allaah wuxuu Quraanka Kariimka ah ku yiri: waxaan idinku waajib yeelay Soonka; Hadaad tihiin Ummadda ‘Nab’i Muxamed (NNKH), sida aan ugu Waajib yeelnay ummadihii idinka horeeyey, waxaad mudan tihiin inaad cabsataan. Sidoo kalena Allaah wuxuu xadiisu Qudsi ku yidhi:- Soonka aniga ayaa iska leh aniga ayaana ka abaal marin doona Adoomadayda.

Rasuulkeena suuban (SCW) wuxuu xadiis saxiixa ah ku yidhi “Soonka Bilawgiisu waa Raxma, Dhexdhaxaad kiisuna waa dambi dhaaf, dhammaadkiisna Naarta ayaa la’iska xoreeyaa”.

KHAYRKA BISH SOON

  • Quraankaa soo dagay
  • Leylatul Qadar ayaa ku jirta
  • Albaabada cadaabta ayaa la xiraa
  • Albaabada Jannada ayaa la furaa
  • Sheydaanka la xiraa
  • Waa bil cibaado badan
  • Gaajada oo laga wada sinnaado
  • Waxay beertaa is jaceyl
  • Sakada Soonka oo nafta daahirisa

NOOCYADA SOONKA

  • Bisha Soon (faral)
  • Lix beri shawaal (sunne)
  • Toban beri dul xajih (sunne)
  • .Laba beri caa,shuutaa;(sunne)
  • Isniin & Khamiis (sunne)
  • Bil kasta seddex beri (sunne)

SOONKA YUU WAAJIB KU YAHAY?

  • Qofkasta.oo Muslim ah
  • Qof qaan gaar ah
  • Qof miyir qaba
  • Qof aan waayeel ahayn
  • Qofkii caafimaad qaba
  1. Dumar aan Uur lahayn
  2. Dumar aan ilmo nuujineyn
  3. Dumar aan caado qabin
  4. Dumar aan umul aheyn
  5. Qof aan musaafir ahayn

MAXAA SOONKA JEBIYA?

  1. Galmada
  2. Diinta oo laga baxo lana caayo
  3. Shahwad iska keenid adoo soo jeeda
  4. Haddii uu qofku wax cuno ama wax cabo ula kac ahaan
  5. Haddii uu isku mudo Irbad qofka jirkiisa nafaqo galinaysa
  6. Dhiig bax qofku la taag darreeyo
  7. Dumarka oo Caado ku dhacdo ama Umula
  8. Haddii toobinku dhiig kaa keeno
  9. Haddii uu ula kac u matago

WAXYAABAHA AAN SOONKA JEBIN HADDII AY DHACAAN

  1. Qof Soomanaa haddii uu wax cuno ama cabo isagoo hilmaansan
  2. Hadduu-cabo asagoo u qaba in qoraxdii dhacday ama in uusan waagu baryin
  3. Haddii luq-luq ku fakado
  4. Haddii qof isku junubo asagoo hurdo

SOONKA MUXUU DAAWO U YAHAY?

  1. Dibirada Caloosha
  2. Joojinta Sigaarka iyo dhammaan balwadaha kale
  3. Calool xanuunka
  4. Iscaateynta qofka buuran
  5. Xanuunka macaanka ama Sokorta
  6. Kelyo xanuunka
  7. Wadna xanuun
  8. Gaastiriiga
  9. joojinta cunista qaadka

Sidaa awgeed waxaynu ku qasbanahay in aynu qiimayno sirta bishan barakeysan ee Ramadaan ku jirta ee loo baaahan yahay in lagu dhaqmaana ay tahay in la ilaaliyo dhegaha, Afka iyo Carabka, si aan dembi loo gelin, isla markaana Qur’aan badan la akhriyo, Ilaahayna waxaan ka baryaynaa in uu bisha barakaysan inoo naxariisto, dembigeenana uu dhaafo oo uu naarta inaga xorreeyo.

Marka la ducaysanayana waxaan soo jeedinayaa in lagu daro ducada Illaahayow arlada aanu degganahay noo aslixi, naguna cisee dambi dhaafna noo samee.

Waxaa soo marnay ama aan la kulanay dunuub badan oo ilaahay inaga jarayo, haddii aanan si dhab ah loo toobad keenin, sidaa awgeed, waa in laga toobad keeno, islamarkaana la badiya Istiqfaarta iyo ducooyinka.

Ugu dambeyn “Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan. Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu  duceeyaan amni iyo barwaaqo. Alle ha inaga  aqbalo acmaasha wanaagsan. Ramadaan Kariim”, sidaasina waxaa yiri: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

W/D: Cabdullaahi Ruush

DF oo go’aan rasmi ah ka soo saartay bilashada bisha Ramadan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii culimada wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ay Studiyaha Telefishinta Qaranka Soomaaliyeed ku dhaariyeen Jamaal Axmed Mayow oo sheegay in bilashada bisha Ramadaan uu ka arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed oo kulanka dhaarinta goobjoog ahaa ayaa ku dhawaaqay in berri ay tahay maalinta koowaad ee Soon-qaad.

Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyey in Isniinta berri ee 11-ka Maarso ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii meel kala duwan dad jooga ay sheegeen inay arkeen bilashada bisha, halka Jamaal Axmed Mayow oo jooga degmada Awdheegle uu ku dhaartay inuu arkay bishii oo galabta dhalatay.

Sacuudiga ayaa goor sii horeysay oo caawa ah xaqiijiyay in maalinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayada oo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha.

Kadib warka kasoo baxay maamulka Xarameynka ayaa waxa caawa si rasmi ah taraawiixda looga bilaabaya Xaramka, bacda salaada Cishaha.

“Bisha Ramadaan 1445/2024 ayaa laga arkay dalka Sacuudiga!. Ramadaan 1445/2024 wuxuu bilaabmayaa berri, 11 March 2024. Salaada Taraawiixda ayaa ka bilaaban doonta Labada Masjid ee Barakeysan Salaada Cishaha kadib,” ayaa lagu qoraal kasoo baxay Xarameynka.

Labada masjid ee barakeysan ayey salaaddaha Taraawiixdu ka bilaabatay caawa salaaddii Cishaaha kadib.

Dalal uu kamid yahay Sacuudiga ayaa bilaabay galabta raadinta dhalashada bisha Ramadaan ee sanadkan 1445 Hijriyadda, iyada oo xiligaas ay dalbadeen in la baadi goobo bisha, taasi oo ugu dambeyntii si rasmi ah loo xaqiijiyay inay dhalatay.

Daawo: Madaale oo amarro culus ka soo saaray waxyaabo xasaasi ah oo Muqdisho ka jira

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo shir jaraa’id qabtay ayaa soo saaray amaro ku socda shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku aadan bisha Ramadaan iyo hab-dhaqanka bulshada.

Guddoomiye Madaale ayaa amar ku bixiyey in maqaayadaha ku yaalla Muqdisho aan la furi karin maalintii inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, isagoo ciidamada booliska faray inay si adag ula dagaalamaan masoomeyaasha.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xafladaha iyo aroosyada, wuxuuna sheegay in habeenkii wixii ka dambeeya 12:00 am aysan sii furaa karin hoteelada lagu dhigo aroosyada.

“Laga bilaabo maanta, hoteellada lagu dhigo arrosyada inay sii furaadaan 12:00 am wixii ka dambeeya waa mamnuuc, amarkaasi wuxuu sii jirayaa ilaa inta aan joogno,” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xoolaha lagu soo dhex daayo magaalada, isagoo digniin kama dambeys ah u diray dadka iska leh xoolaha dhex jooga caasimadda.

“Muwaadin xoolahaaga ama meel ku xareyso ama baadiyo geyso, laakiin maanta kadib ma ogolaa karno inay laamiyada noo jiiftaan, hadii aad cesha weysaan u dul qaata hadhow go’aanka aan ka gaari doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Madaale.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ka hadlay maan-dooriyaha isagoo sheegay in tukaankii lagu dhex arko daroogo uu burburi doono maamulka gobolka Banaadir.

“Daroogada iyo kalaabyada lagu tunto inay magaaladaan ka sii jiraan aad ayaan u diidanahay,” ayuu yiri duqa Muqdisho oo ka sheekeeyey waxyaabo uu soo arkay habeen uu tegay hoteelada lagu tunto ee Muqdisho ku yaalla.

“Habeen ayaa Hotelka Boosh ugu galay qof qaawan oo wax dhar ah aan waday, wiilashii ila socday ayaa damcay inay sawiraan, waan ka celiyey oo lama sawirin, masuulkii inta meel soo istaaga dadkaas difaaca, muxuu ku difaacayaa, ma ogyahay horta waxa meesha ka socda?” Ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Hoos ka daawo