25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Xog: Sababta ay ciidamada dowladda uga soo baxeen deegaanadii ay qabsadeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa Galmudug ayaa soo baneeyay furimaha dagaalka ee ay ku hor joogeen ururka al Shabaab, sida uu xaqiijiyay taliyaha saldhigga booliska ee degmada Bacaadweyn oo ka mid ah meelaha ay ka soo baxeen ciidamadu.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka, ciidamada ayaa intooda badan soo gaaray magaalada Baxdo oo 90 km dhinac Koonfur-Bari kaga began degmada Cadaado.

Al-Shabaab ayaa barahooda internet ka ku baahiyay in ay gudaha u galeen guud ahaan saldhigyadii la faruujiyay oo ay haatan iyagu ku sugan yihiin.

“Magaalada xeelad dagaal ayaan uga baxnay, afaafka magaaladaanan joognaa, insha Allah, hadana waan rajeyneynaa inaan galno. Wax joogana lama arko”, sidaas waxaa yiri taliyaha saldhigga booliska ee deegaanka Bacaadweyn.

Sababta furimaha ciidanku uga baxeen

Taliyaha saldhigga Bacaadwayn, oo wareysi siiyey BBC, ayaa sababta looga soo baxay goobahaas ku micneeyay xeelad dagaal, ayna dib ugu noqon doonaan xarumahoodii ay ku lahaayeen furimaha.

“Saacadaha soo socda [magaalada] gudaheeda inaan ku afro ayaan doonayaa”, ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay inaan wax ka waydiino sababta ciidamadaan usoo baxeen ayaynan noo suuragalin inaan helno.

Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay wasaaradda gaashaandhigga, ciidamada milltariga iyo sidoo kale wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaan midna noo suuragalin.

Balse qaar ka mid ah ciidamadii ku sugnaa furimahaas ee maanta ka soo baxay ayaa noo sheegay in sababta bixitaankooda ay tahay “dayac ay kala kulmeen furimaha dagaalka”.

Sarkaal ka tirsan ciidamada macwisleyda ee ka dhinac dagaalama ciidanka xoogga dalka, oo ka gaabsaday in aan magaciisa baahino, ayaa BBC da u sheegay in ciidamada “ay niyad ahaan waayeen cid dhiirrigalisa”.

“Muddo ayaan meel iska joognay innaga oo aan wax dhaqdhaqaaq ah samayn,” ayuu yiri.

Dhinaca caafimaadka, rasaasta iyo shidaalka ayuu sheegay sarkaalkani in ay dhibaato ka haysato ciidanka, isaga oo nala wadaagay jiritaanka dhawr hawlgal oo ay aadeen ciidamo ay isku aag ku jireen, balse marka ay furinta ka soo laabteen ay waayeen ciidamadii adeegyadii aasaasiga ahaa ee ay u baahnaayeen.

Ciidamada ku sugnaa furimahaan ayaa kala ahaa laba ciidan oo ka socday ciidanka xoogga dalka oo lagu kala magacaabo; Ilaalo Qaran iyo Abuu Dajaana, iyo ciidamo kale oo ka yimid dadka deegaanka oo qaab qabaa’iil ah isku soo bahaystay.

Ciidamada Ilaalo Qaran ayaa ah qayb ka mid ah ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Ciidamadaan ayaa haatan ku sugan magaalada Baxdo, sida uu noo sheegay sarkaal aan lahadalnay.

Dagaalkii Caad

Ururka al Shabaab ayaa mid ka mid ah weeraradii ugu adkaa ee ay ka gaystaan furimaha waxa ay ku qaadeen ilaa todobo saldhig oo ciidamada dawladda iyo kuwa macwisleyda ay ku lahaayeen deegaanka Caad.

Weerarkaas oo sida ay sheegeen askar ku sugneed goobta ku bilowday qaraxyo xoogan ayay shabaabka ku burburiyeen dhawr saldhig oo ka mid ahaa kuwii Meesha ku yaalay.

Ciidamada dawladda ayaa xilligaas sheegay in xeelad dagaal isaga baxeen deegaanka, iyaga oo aan in muddo ah ku noqon deegaankaas.

‘Dharjab ayay ku tahay dagaalka’

Sida uu qabay Axmed Kaboole oo ka faalooda amniga, iayaa qaba in ka bixitaanka ciidamada dawladda iyo kuwa macwisleey ee furimaha uu ‘dhabar jab ku yahay hawlgalkii Libaaxa Madoow ee uu bilaabay madaxweynaha Soomaaliya’ kaas oo sida ay horay u sheegtay dawladda Soomaaliya ahaa mid lagu soo gabangabeynayo wajiga koobaad ee dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaad moodaa in aysan awood u lahayn wasaaraddii difaaca in ay jihayso ciidamadii, nidaamiso maleeshiyaadkii ku soo biirayay”, ayuu yiri Amxed Kaboole.

“Waa nasiib darro in 2024 ka, December, iyada oo ay baxayaan ciidamadii Amisom in al Shabaab ay dib u soo noqdaan ama xarumihii laga qabsaday ay dib ugu soo noqdaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Kaboole.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 18 bil ka hor ku dhawaaqay inay dawladiisu bilaabeyso dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ka dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Kadib guulo hordhac ah oo ay gaareen ciidamadu kuwaas oo ay kula wareegeen deegno badan, ayaa waxaa dadka qaar ay sheegayaan in ciidamada dawladda ay xajin la’yihiin gacan ku haynta meelaha ay qabsadeen.

Isha: BBC

Xamza oo la shiray wasiirada 4 maamul goboleed + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay wasiirada arrimaha gudaha ee qaar kamid ah dowlad goboleedyada, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirada 4 maamul goboleed oo kala ah mudane Maxamed Ibraahim Oogle Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamad Jaamac Waayeel Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug, Mudane Maxamuud Axmed Gacal Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle iyo Cabdisahal Jaamac Maxamed oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo.

Sidoo kale waxaa wasiiradan horkacayay wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macalin Fiqi oo isna qayb ka ahaa kulanka ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa mid is xog wareysi ah oo ku aadan wada shaqeynta xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Mudane Xamza Cabdi Barre oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay horumarinta dalka, si guul looga gaaro yoolalka waa weyn ee la hiigsanayo.

Kulankan waxaa ka horreeyay shir.kale oo u dhexeeyay wasiirada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada iyo Axmed Macallin Fiqi, kaas oo loogu nagac daray “Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir” waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo, iyo weliba Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahaasi.

Dhinacyada ka qayb-galay shirka ayaa ugu dambeyn isafgarad ka yeeshay howlo badan oo hortabin u leh, laguna hormarinayo dowladaha hoose ee dalka.

Soomaaliya ayaa xilligan ku jirta marxalad xasaasi ah oo siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxaana usii dheer dagaalka kooxda Al-Shabaab oo dib u qabsatay deegaano horay looga xoreeyay oo dhaca gobollada dhexe.

Ciidamada PUNTLAND oo gacanta kusoo dhigay ninkii dilay Xasan Nuur Cabdi

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay nin muddo la raadinayay oo ku eedaysan dil ka dhacay sanadkii hore degaan ka tirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdi Deeq Khaliif ayaa muddo lagu raadjoogay, ayada oo ugu dambeyntii gacanta lagu soo dhigay, waxaana loo haystaa inuu geystay dilka Xasan Nuur Cabdi kaasi oo bishii Juun 2023 ka dhacay degaanka Xero Jaalle ee degmada Galdogob.

Intii uu baxsadka ka ahaa cadaaladda, ayaa waxa uu ninkan ku dhuumaaleysanayay deegaanada xaduudaha ee u dhaxeeya maamullada Galmudug iyo Puntland iyo DDS, sida uu shaaciyay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland oo maanta qoraal soo saaray.

“Eedaysanahaan oo aan muddo ku raadjoognay ayaa la soo qabtay, taas oo ku timid iskaashiga amniga ee aan leenahay maamulka iyo ciidamada Galmudug, iskaashigaas oo markasta u baahan in la xoojiyo si aan isaga kaashano wax kasta oo wax u dhimaya amniga labada deegaan sidda argagixisad, tuugada, gacan ku dhiiglayaasha IWM,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan u mahad -celinayaa Allaha noo fududeeyay soo qabashada eedaysanaha, waxaan marka labaad u mahad-celinayaa anoo ku hadlaya guud ahaan afka gobolka maamul ciidan iyo shacab maamulka iyo ciidamada booliska ee Galmudug.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahad-celiyay taliyaha qayta booliska Galgaduud Farxaan iyo maamulka Booliska degmada Caabudwaaq oo uu sheegay in ay ka caawiyeen soo qabashada eedaysane Cabdul Deeq khaliif oo ku eedaysan dilka Xasan Nuur Cabdi oo bishii juun 2023 uu ku dilay degsiimada Xero.

Puntland iyo Galmudug ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojiyey iskaashiga ay leeyihiin, si loo adkeeyo nabadda ka jirta deegaanada gobolka Mudug.

Mareykanka oo duqeyn ku dilay saraakiil Al-Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal dhanka cirka ah oo ay diyaaradahooda dagaalka 10-kii bishan ay ka fuliyaan gobolka Shabeelaha Hoose.

AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in weerarka ay qaaday kadib codsi uga yimid dowladda federaalka Soomaaliya, ayna ku beegsatay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Ugunji oo 71 kiilo mitir dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka.

Taliska soo soo saaray qiimo hordhac ah oo ku aadab weerarka ayaa sheegay inay ku dileen illaa saddex sarkaal oo ku sugnaa goobta la duqeeyay, baose ma shaacin magacyadooda.

Sidoo kale AFRICOM ayaa intaasi kusii dartay in warbixintooda ay ku xaqiijiyeen in wax khasaare ah uusan gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanka la duqeeyay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo Ugunji iyo agagaarkeeda si wayn looga dareemay weerarka uu fuliyay Mareykanka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda Mareykanka.

Washington ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee ka qayb qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxayna sidoo kale tababar iyo taageero ay siisaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka ka dhacayay weeraro is daba joog ah oo lagu beegsanayay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Pakistan oo qaaday talaabo ka dhan ah IMRAN KHAN

Islamabad (Caasimada Online) – Maamulka xabsiga uu ku xiran yahay Ra’isul Wasaarihii hore ee Pakistan ayaa Talaadadii si lama filaan ah muddo laba toddobaad ah u mamnuucay dhammaan shirarka iyo booqashooyinka Imran Khan oo xabsiga la dhigay sababo la xiriira “digniinta amniga”, taasoo keentay canaan xooggan oo uga timid xisbigiisa iyo lataliyayaashiisa sharciga.

Hogaamiyihii hore ee Pakistan oo 71 sano jir ah ayaa xabsi dheer ku qaadanaya Rawalpindi, oo ah magaalo aad loo ilaaliyo oo deris la ah caasimada Islamabad.

Khan ayaa lagu helay dambi ah inuu ku kacay fal dambiyeed faafin sir qaran iyo guur qarsoodi ah, intii uu xafiiska joogay maalmo uun ka hor doorashadii guud ee bishii hore, isaga oo diiday eedeymahas, sheegayna inuu yahay dhibbane siyaasadeed.

Xisbigiisa, Pakistan Tehreek-e-Insaf, ayaa cambaareeyay “mamnuucida guud” ee Talaadadii sida lama filaanka ahayd ee lagu saaray booqashada Khan oo ay ku tilmaameen sharci-darro aan dastuuri aheyn, waxayna dalbadeen in si degdeg ah meesha looga saaro mamnuucistaas.

“Markii aynu saaka nimid xabsiga, si aan kulan caadi ula yeelanno Mr Khan si waafaqsan awaamiirta Maxkamadda Sare, si lama filaan ah, ayaa nalooga hor istaagay inaan aragno, waxaana naloo sheegay inay jiraan xayiraado la saaray shirarka noocan oo kale ah muddo laba toddobaad ah.” ayuu yiri Ku-simaha guddoomiyaha xisbiga PTI. Gohar Ali oo shir jaraa’id ku qabtay Islamabad.

Xarunta xabsigan ayaa sidoo kale waxaa ku jira hogaamiyayaal sare oo kale oo ka tirsan xisbiga PTI, kuwas oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Pakistan, Shah Mehmood Qureshi.

Khan, ayaa xilka laga xayuubiyay sannadkii 2022 kadib markii uu baarlamaanku kalsoonida lagala noqday, waxaana tan iyo markaas uu la kulmay caqabado badan oo dhanka sharciga ah. Wuxu dafiray khaladka lagu eedeeyay, wuxuuna ku eedeeyay militariga Pakistan ee awooda badan inay ka danbeeyeen dacwad oogista iyo eedaymaha kale ee madaniga iyo dambiyada.

Milateriga ayaa inkiray eedeymaha ay ku faragelinayaan arrimaha siyaasadda Pakistan

VOA

Daawo: Xasan oo Villa Somalia ku qaabilay Danab, kana dalbaday hal arrin oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan casho ah kula qaatay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidankaan ayaa maalmo ka hor dalka Kenya uga qayb galay dhoola-tus Millatari oo ciidamo ka socday 23 waddan ay ku sameeyeen, waxayna halkaas Danab ka dhigtay wacdare ka yaabiyey ciidamadii wadamada kale ee ka qeyb galay dhoolatuska.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey kartida, aqoonta, xirfadaha sare oo ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay usoo hooyeen Qarankooda Soomaaliya oo u baahnaa in laga gudbiyo maqal wanaagsan, maadaama waayo badan uu dalkani ku jiray burbur.

Madaxweyne Xasan ayaa ciidan Danab kula dardaarmay in ay u dhaqaaqaan waajibka qarannimo ee ka saaran xoreynta dalka oo ay qeybtooda ka qaataan dardargalinta hawlgallada ciribtirka Khawaarijta.

Xasan Sheekh soo hadal-qaaday dagaalka ka socda gobollada dhexe, wuxuu sheegay in natiijo fiican laga gaaray, balse dhul badan uu weli ku jiro gacanta cadowga.

Wuxuu sheegay in Muqdisho ilaa Gaalkacyo dhulka laamiga ah iyo Muqdisho ilaa Xarardheere dhulka xeebta ay ciidamada qaranku ka xoreeyeen Khawaarijta, hadana loo baahan yahay in deg deg loo dhameystiro howlgalka ka socda HirShabeelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka qaranka markii ay guud ahaan gobollada dhexe ka xoreeyaan argagixisada lagu wareejiyo doono saldhigyada ku yaalla gobollada koonfurta ee ciidamada ATMIS ay baneynayaan gabagabada sanadkaan.

Madaxweynuhu sooma hadal qaadin deegaanada gobolka Mudug ee maalmihii lasoo dhaafay ay ciidanku ka baxeen, balse wuxuu sheegay in dhulkaas lagu waayey dad qaali ah, hadana loo baahan yahay in Danab ay hoggamiso howlaglka.

Hoos ka daawo

Wiil Soomaali ah oo si arxan darro ah loogu dilay dalka UK

0

Sheffield (Caasimada Online) – Booliska gobolka Yorkshire ee dalka UK ayaa xaqiijiyey dilka wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Sheffield ee gobolkaas.

Booliska ayaa magaca wiilka la dilay ku sheegay Sacad Cali, wuxuuna ahaa 24-sano jir sida qoyska wiilka laga soo xigtay.

Booliska ayaa sheegay in wiilka la dilay korkiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo toorey ah oo aad loola dhacay.

Ilaa hadda lama ogaan cidda dishay wiilkaas Soomaaliga ahaa, waxaana socda baaritaan cusub oo boolisku ay wadaan.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska Ingiriiska ayaa la wareegay feylka baaritaanka kiiska dilka ah ee wiilkaas loo geystay.

Sarkaalka oo faahfaahin ka bixiyey kiiskaan ayaa sheegay inay kaliya ogaadeen in Sacad lagu dilay Toorey, balse aan la ogaan cidda dishay, isla markaana ay socdaan baaritaano ay ku dabagelayaan dambiilayaasha.

Sidoo kale booliska ayaa dadka degan magaalada uu dilkaas ka dhacay waxay ka dalbadeen inay booliska la soo wadaagaan wixii macluumaad ah oo ay ka hayaan ama ka helaan dilka Sacad.

Qoyska uu ka dhashay wiilka Soomaaliga ah ee la dilay ayaa booliska ku cadaadinaya in lasoo dembiilayaasha, waxaana bilowday iskaashi lagu baadi goobayo dadkii dilay Sacad Cali.

Xog: Dowladda Xasan oo wajaheysa dhaqaale xumo baahsan iyo sababaha keenay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la soo warinaya inay ku jirto maalmo adag oo xaga dhaqaalaha ah. Si guud magaalada caasimadda ah ee ay dowladda fadhiso waxaa laga soo warinaya nooc dhaqaale xumo oo aan waayahan la arag shacab iyo siyaasiba.

Marwalba oo ay dowladda dhaqaale xumo cagaha la gasho waxaa xoogeysta dhibaatada askarta u geysaneyso shacabka. Toddobaadkii tegay laba dhacdo oo dowladda ku lug yeelatay, labadaba waxaa la isku deyay in jeebka shacabka gacanta lala galo.

Mid waa dhacdadii garoonka Aadan Cadde, halkaas oo la diiday inay shacabka dhoofaan illaa tigidhadooda la saaro min $9 dollar. Dhacdada labaadna waa askar lacag raadinaysa oo xoog ku galaaya gudaha Jaamacadaha waaweyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Iyada oo weli dood laga qabo sida loo maareeyo lacagaha boqolaalka milyan ah ee sanad walba canshuurta looga qaado dadka magaalada Muqdisho degan, haddana dhaqaale xumada haysata dowladda federaalka ah ayay dadka ku sifeeyeen inay sabab u tahay dhowr arrimood.

1. Qandaraasyada la siiyay shaqsiyaadka ee aanay dowladda waxba ka faa’iidin

Lacagta waxay kusii aruuraysa gacmo kooban. Qandaraasyo dowladda lacago badan ka faa’iidi kartay ayaa lagu wareejiyay saaxiibo iyo ehel, taasina waxay keentay in halkaasi ay dowladda ku seegto lacag badan.

Taliska madaxweyne Xasan ee la ciir-ciiraya dhaqaale xumada waxaa loogu baaqay in lagu laabto dhamaan qandaraasyada shaqsiyaadka haystaan ee sida qaldan loo bixiyay, kadibna laga eego dan qaran oo si sax ah looga doodo waxay dowladda ka faa’iideyso iyo waxa lagu celin karo shacabka.

2. Hal abuur xumada xukuumadda

Mid kamid ah sababaha dhaqaale xumada ugu wacan nidaamka madaxweyne Xasan waxaa lagu sheegay hal abuur xumo ka imaaneysa tayada liidata ee xukuumadda.

Xubno kamid ah howl-wadeennada World Bank iyo UN oo diiday in magacooda la xigto ayaa waxay sheegeen in malaayiin dollar oo Soomaaliya loogu tala-galay inay qasnadaha UN-ka iyo kuwa Bankiga Adduunka ku jiraan, laakiin xukuumadda aanay laheyn tayo ay lacagtaasi kula baxdo oo dalka ku geliso, iyada oo loo marayo shaqooyin wax ku ool ah oo dalka iyo dadka wax u tari kara.

Taasi beddelkeeda dowladda waxay ku sumcad beelaysa iibinta dhul dowladeed oo 5 ama 10 Milyan oo dollar laga helayo. In iyada oo mid kamid ah wasaaradahaada ay u taallo 200 Milyan oo dollar oo kaaga baahan fikir iyo shaqo si loo soo dhiciyo in beddelkeeda aad waqti ku lumineysid iibinta dhul dowladeed oo dhowr milyan laga helayo waa hal abuur la’aan iyo tayo xumo kooxdaada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la gudboon inuu dib u qiimeeyo guud ahaan xukuumadda, gaar ahaan wasiiradda.

3. Maareynta dhaqaalaha

Dad xogoggaal ah oo dhinaca kalena ka walaacsan dhaqaale xumada haysata dowladda Soomaaliya waxay sheegeen in mid kamid ah dhibaatooyinka ay tahay in si qaldan loo maareeyo intii yareyd ee la haystay, taasi oo haddaan wax laga qaban uga sii dari karta dhibaatada dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa waxaa la gudboon in xukuumadda la tayeeyo, hal abuur dhaqaale la raadiyo, lacagaha mashaariicda ah ee dowladda ka xayiran xooga la saaro, maareynta dhaqaalaha la hagaajiyo, qandaraasyada lagu bixiyo hab dan qaran ah oo laga dhaafo danaha shaqsiga ah kuwii horena lagu laabto, si ay dowladda uga baaqsato habka sharci darrada ah ee ay u baaraneyso shacabka Soomaaliyeed sida dhacdadii garoonka Aadan Cadde.

Ciidamada Jabuuti ee jooga Soomaaliya oo banneeyay magaalo wayn kadib markii…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa maanta isaga baxay saldhigyadii ay ku lahaayeen gudaha magaalada Beledweyne.

Ciidamada Jabuuti ayaa ka gaaray dhammaan xarumihii ay ku lahaayeen bartaha magalaadaas oo xarun ah gobolka Hiiraan, sida ay innoo sheegeen dad deegaanka ah.

Cutubyo ciidanka Jabuuti ee ka baxay magaaladan wayn ayaa ka ilaalin jireen amniga maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baledweyne, waxayna halkaasi ka howlgalayeen muddo aad u dheer oo ka badan 10 sanadoood.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ay ciidankan uga baxeen halkaasi, waxayse arrintan kusoo aaday, xilli adag oo ay xaalad kascsanaan ka jirto mgaalada Beledweyne.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in goobaha ay ka guureen ciidamada Jubuuti ay la wareegeen ciidamo kala taabacsan HirShabelle iyo maamulka la baxay Hiiraan State.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedol laga dareemayaa qaybo kamid ah degmada Beledweyne iyo duleedkeeda.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda HirShabelle iyo mas’uuliyiinta gobolka oo ku aadan xaaladda kasoo cusboonaatay gobolka Hiiraan.

Beledweyn ayaa waxaa in muddo ah ka taagan khilaaf maamul iyo mid siyaasadeed oo u dhexeeyay siyaasiyiinta reer Hiiraan iyo madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Maxay ka dhigan tahay in ciidanka DF kasoo baxaan degaanadii ay qabsadeen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa saacadihii u dambeeyay kasoo baxay deegaano horay looga qabsaday kooxda Al-Shabaab oo ku yaalla koonfurta Mudug, gaar ahaan Camaara, Caad iyo Bacaaweyne.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Haddaba maxay ka dhigan tahay in ciidanka DF kasoo baxaan deegaannaddii ay qabsadeen?

Cabdisalaam Guuleed oo ah taliye ku-xigeenkii hore ee NISA sidoo kalena ka faalooda arrimaha Amniga ayaa wareysi uu siiyay VOA-da ku sheegay in dib u gurashada ay sameeyeen ciidamada ay tahay mid xanuun badan, isla markaana leh niyad-jabkeeda.

“Runtii waa dhacdo xanuun badan iyo dib u dhac wayn waxayna niyad jab ku tahay ciidamada iyo shacabka, maadaama uu ahaa dagaal wadajir loo qaaday” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan fashilineyso guulihii horay looga gaarau dagaalka Al-Shabaab oo ay ku dhinteen askar fara badan iyo saraakiil ciidan.

“Furimaha laga soo baxayo waxay ahaayeen meel ay boqlaal wiilal ah ay ku dhinteen, miinooyinka laga soo saarayay. Khasaare wayn iyo niyad jab soo gaaray weerar ciidamada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdisalaam Guuleed.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sababta ku sheegay in ciidamada ay soo wajahday xaaad adag, sidoo kalena ay jirto cabsi ku aadan weerarada Shabaab ee Ramadaan.

“Cabsi laga qabo weerarada Al-Shabaab ee bisha Ramadaan iyo cabashada ciidamada ayay u badan tahay dib u gurashada ciidaka” ayuu mar kale yiri talie ku xigeenkii hore ee NISA.

Si kastaba, halgankii ka socday Galmudug ayaa u muuqda mid u dhamaaday olole doorasho, koox taageersan Taliyaha NISA Mahad Salaad oo madaxweynaha Galmudug u hanqal taagaya ayaa Madaxweyne Qoor Qoor ku eedeyneysa inuu ka dambeeyo bixitaanka ciidanka, iyagoo sheegaya in madaxweynuhu uu ka shaqeynayo in lasoo baneeyo deegaano hor leh.

Beesha caalamka oo soo faro-gelisay wax ka beddalka dastuurka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhexeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wakiilada beesha caalamka ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Xubnaha beesha caalamka oo la shiray Axmed Madoobe ayaa waxaa hoggaaminayay Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayada oo labada dhinac ay isla soo hadal qaadeen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha dastuurka.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray wax-ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG ah oo haatan uu ku howlan yahay baarlamaanka Soomaaliya, xilli ay diidan yihiin xubnaha mucaaradka oo saluug ka muujinayo qaabka ay wax u socdaan/

Wakiilada beesha caalamka ayaa si i weyn usoo dhoweeyay hanaanka dib u eegista dastuurka iyo in dalka uu yeesho dastuur rasmi ah oo sugaya afti dadweyne.

Sidoo kale waxa Baarlamaanka Soomaaliyeed ku taageereen dadaalka xoogan ee ay ugu jiraan in dalka uu yeesho sharci hagaya dalka, dadka iyo dowladda.

Waxaa dhinaca kale kulanka lagu soo hadla qaaday xaalada guud ee dalka, gaar ahaan xoojinta ammaanka iyo la-dagaallanka Kooxda Al-Shabaab

Doodda dastuurka ayaa haatan mareysa meel xasasaasi ah, waxayna xildhibaannadu hadda ka doodayaan cutubka 4-aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa doodaha socda si weyn uga soo horjeeda Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore Shiriif iyo Farmaajo.

Dagaal beeleed lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka Mudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed lagu hoobtay oo maanta ka dhacay bariga gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Dagaalka oo ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Afbarwaaqo ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay laba qof oo xoolo dhaqato ahaa ku dileen halkaasi.

Dilka labada qof ayaa salka ku hayay aano qabiil oo ka taagan deegaanada dhaca bariga gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Intaas kadib waxaa dagaal toos ah uu ka qarxay goobta, kaas oo u dhexeeyay labada dhinac, waxaana uu qaatay saddex saacadood oo xiriir ah, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 10 qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhawaacmeen tiro kale oo intaas ka badan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo sanadkii hore ee 2023-kii beelaha dagaalamaya lagala dhex dhigay heshiis, balse haatan u muuqda mid burburay.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, kuwaas oo saameyn ugu badan ku yeesha dadka shacabka ah ee ku dhaqan Galgaduud iyo Mudug.

FARMAAJO oo sameeyay arrin uu horey ugu dhaliili jiray mucaaradka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa tegay xerada Xalane, oo ay degan yihiin wakiiladda caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Farmaajo ayaa booqday xarunta safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ku taalla gudaha Xalane, halkaasi oo kula kulmay Sii-hayaha safiirka Mareykanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mr. Farmaajo ayaa Mareykanka kala hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiisadda dastuurka iyo doodda mucaaradka uu ka qabo qorshaha ay dowladda Xasan Sheekh rabto in ay ku meel-mariso wax ka beddelka ay dooneyso.

Xogaha kasoo baxaya kulanka madaxweynihii hore iyo sii-hayaha safiirka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegaya in Farmaajo uu si dadban Mareykanka uga dacwooday sida ay dowladda Xasan Sheekh u wado wax ka beddelka dastuurka, oo ay ku jiraan qodobbo masiiri ah oo saameynaya haykalka dowladnimada Soomaaliya.

Qodobbada ay diidan yihiin mucaaradka ee qeybta ka ah wax ka beddelka dastuurka ayaa waxaa kamid ah in dalka ay ku tartamaan doorashada soo socota laba xisbi oo keliya iyo in laga guuro hanaanka ra’iisul wasaaraha, loona guuro nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Farmaajo oo dhawaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in socdaalkiisa u daaran yahay arrinta sida weyn isugu hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Xasan Sheekh, ee wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka, oo haatan doodiisa ka socoto baarlamaanka.

Sidoo kale waxa uu markaasi sheegay in uu ka shaqeynayo xal u helista xiisadda taagan ee dastuurka, sidoo kalena uu ujeedka dadaallada xal u raadinta xiisadda dastuurka ay tahay “in la gaarsiiyo wada ogol iyo ilaalinta wada-jirka Soomaaliya.”

Si kastaba, Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la xasuusta in intii lagu jiray muddo xileedkiisi uu si weyn u iib-geyn jiray wax la yiraahdo “Waddaniyadda” isagoo ku dhaliili jiray siyaasiyiinta mucaaradka inay u dacwo tagaan diblumaasiyiinta shisheeye.

SOMALILAND oo dalab yaab leh u dirtay caalamka xilli ay taagan tahay xiisada badda

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo war cusub kasoo saartay xasaradaha haatan ka jira badda cas ayaa dalab culus u dirtay dalalka reer galbeedka, kaas oo la xiriira wax ka qabashada xaaladaha adag ee ka jira Badda Cas iyo sidoo kale Gacanka Cadmeed.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa ugu baaqay dowladaha reer galbeedka in xal u helida xiisadda ka taagan Badda Cas ay kala tashadaan Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda taagan aan lagu xallin karin gantaallo iyo duqeymo, balse loo baahan yahay in lala tashado dadka aqoonta u leh oo ay kamid tahay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay muhiim tahay in daacad laga noqdo xalka dhalintada xaaladda cakiran ee Gacanka Cadmeed.

Qoraalka ayaa u qornaa sida tan:-

Dawladaha reer galbeedku ma keenaan xal, isla markaana lama tashadaan dadka aqoonta u leh  xaaladda. Sidoo kale mararka qaarkood way uga sii daraan xaaladdu siday  ahayd markii hore.

Xiisadaha iyo xasaradaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed  laguma furdaamin karo duqaymaha gantaallo  lagu bar tilmaameedsado meelo si aan kala sooc lahayn.

Dalalka la jaarka ah badda cas oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland waa in lagala tashadaa; haddii daacad laga yahay xal ka dhallinta  xasaradaha  gacanka cadmeed iyo badda cas.”

Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay tallaabadii uu qaaday MAHAD SALAAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hey’adda nabad-sugidda ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa xalay kormeer ku maray qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, isagoo la afuray ciidamada ammaanka.

Kormeerkan oo Taliye Mahad Salaad ay ku wehlinayeen Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir Muxudiin Warbac iyo Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan golaha shacabka, isla markaana ah sarkaal sare oo militeri, ayaa waxaa ka dhashay fal-celin xooggan.

Taliyaha NISA ayaa ciidamada ku kormeeray baraha koontoroolada ee degmooyinka waqooyiga Muqdisho oo dadka iyo gaadiidka ay ku baarayeen, ayada oo Mahad Salaad uu caadi u dhex galay bulshada, isagoo shacabka si gacan qaad ah ugu salaamay maqaayadihii ay ku caweynayeen.

Degmooyinka Yaaqshiid, Heliwaa iyo Kaaraan ayey masuuliyiintaan soo mareen xalay, iyagoo lasoo afuray ciidamada amniga oo isugu jira NISA iyo Booliska.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Abuukar Bashiir: “Ummada waxay u baahan tahay waa amni iyo xasillooni Allaha siiyo, cid walba oo ka shaqeyneysa oo ummadda inay nabad helaan u taagan waan ku taageereynaa.”

Cabdikariim Axmed ayaa isna waxa uu yiri “Fashilka ciidamada xoogga dapka ee furimaha gobollada Galmudug jiro ayaa u baahan u kuur-gelid.”

“Magaalada amni iyo nabad la isku halleyn kari ayay yeelatay, Allaha noo siyaadiyo Taliye Mahad iyo NISA aad ayay ugu amaanan yihiin howshaas qaran,” ayuu yiri Cabdi Nuur Sheekh.

Cali Maxamuud Waddani: “Ciidanka dadka shacabka laynayo wax ka qabo shacabkii baroorasho maalin walba Wiil Soomaaliyeed oo 20 jir ah aa loo dilaa shilimaad oo waliba asiga leeyahay.”

“Taliye NISA oo dhuunta marhore noogu dambeysay Mahad Salaad waa taliye shaqeynaya runtii,” ayuu yiri Saajid Axmed.

Sakariye Cali Dayib: “Waxay ka marqaati kacaysay amniga waddanka inuu hagaagay oo laga raystay dhagartii argagixisada. Hambalyo.”

Xasan Saciid Cirro ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waxaasi shaqo ma ahan waa igu sawir.”

“Dowlada Soomaaliya wadankii dhammaa ma Xamar ayay ka badin waysay,” ayuu yiri Ismaaciil Cabdirashiid oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabada uu xalay qaaday Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad.

Daawo: Xildhibaano maanta Muqdisho uga dhowaaqay ‘kudlad cusub’ + Qorshaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga dhowaaqay kudlad cusub.

Kudladaan cusub oo lagu magacaabo “Kudlada Midnimo Qaran” ayaa Xildhibaannada ku midoobay waxay sheegeen in ujeedkooda uu yahay in ay ka shaqeeyaan midnimada bulshada Soomaaliyeed.

“Koox dhalinyaro ah iyo rag rug cadaa ah oo odayaal ah ayaa iskugu jira. Kudlada waxay ka shaqeyn doonta midnimada umadda Soomaaliyeed maadaama aan baarlamaanka ku metelno,” ayuu yiri Xildhibaan Jeeg oo kamid ah Xildhibaannada ku dhowaaqay kudladaan.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa ka shaqeyn doona dalkaan badbaadintiisa iyo daryeelkiisa haddii ay tahay la-dagaalanka Khawaarijta iyo wax walba oo dhibaato ku ah dalkaan.”

Sidoo kale waxa uu xildhibaanka sheegay in dhismaha kudladaan ay ka maran tahay aragti siyaasadeed oo mucaarad ama muxaafid, balse ay ku timid aragti ka duwan kuwii hore u jiray, islamarkaana ay tahay mid go’aansatay inay ka shaqeyso midnimada umadda Soomaaliyeed.

“Kudlad mucaarad ama muxaafid iyo cid gaar ah meel u joogta ma ahan. Waana in madaxda dalka noo arkin caqabad, sidoo kalena mucaaradka dalka jooga caqabada oo waxaan annaga ka shaqeyn doona anaga midnimada umadda Soomaaliyeed.”

Afhayeenka u hadlay kudladaan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in qaab dhismeedka kudladaan ay dhawaan la wadaagi doonaan bulshada, isaga oo meeshana ka saaray in kudlan cusub ay daba ku hayso aragti mucaarad ama muxaafid ah, taasi oo iska soo bixi doonta mustaqbalka dhow.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaaneysa xilli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka, ayada oo weli dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay ku adkeysaneyso wax ka beddelka ay rabto, ayada oo maalmihii u dambeeyayna ay doodda wax ka beddelka dastuurka ka socoto baarlamaanka.

Shabaab oo dib u qabsaday 4 magaalo oo muhiim ah iyo howlgalki xoreynta oo fashilmay

0

Wisil (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa isaga baxay dhulkii ragga badan ay ku shahiideen ee laga xoreeyey Khawaarijta ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Maanta furinta ugu dambeysa ee askari Soomaaliyeed uu difaac uga jiro waa degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo degmada Wisil ee gobolka Mudug, ciidan u badan kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dhawaan la geeyey halkaas iyo guutada Abuu-dujaana ayaa baneeyey deegaanadaas.

Shalay waxaa la sheegay in sarkaal muhiim ay ciidankaasi isaga dileen gudaha degmada Baxdo, habeeno ka hor sidaas oo kale taliye urur oo aad looga jeclaa gudaha ciidanka xoogga ayey askartiisii oo baxsad ka ah furimaha dagaalka ku toogteen duleedka Camaara.

Siyaasiyiinta reer Galmudug ayaa isku eedeynaya qorshaha bixitaanka ciidamada soo baneeyey furimihii dagaalka ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaano muhiim ah oo waqti badan iyo dhiigga rag qaali ah lagu bixiyey sidii loo xoreyn lahaa.

Halgankii ka socday Galmudug ayaa u muuqda mid u dhamaaday olole doorasho, koox taageersan Taliyaha NISA Mahad Salaad oo madaxweynaha Galmudug u hanqal taagaya ayaa Madaxweyne Qoor Qoor ku eedeyneysa inuu ka dambeeyo bixitaanka ciidanka, iyagoo sheegaya in madaxweynuhu uu ka shaqeynayo in lasoo baneeyo deegaano hor leh.

Koox kale oo taageersan Qoor Qoor ayaa buun buuninaya war sheegaya in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu ku wajahan yahay deegaanada ay joogaan ciidankii ka soo baxay furimaha dagaalka, si khilaafaadka jira uu u xaliyo, ciidankana ugu celiyo deegaanada ay ka soo baxeen.

Halgankii wadanka looga xoreynayey argagixisida ayaa fashil ku dhow, Mudug waa soo faarujiyeen ciidamadii hor taagnaa cadowga, halka cabsi badan laga qabo in laga soo baxo deegaano hor leh oo Ceeldheer, Ruunirgood, Daarunicma iyo Al-kowthar ay ku jiraan.

Dhibaatada ugu badan waxay maanta dalka ka heysataa wasaaradda gaashaandhigga, khilaaf sababay musiibada soo wajahday howlgalkii xoreynta wadanka ayaa ka dhaxeeya wasiirka iyo taliyaha xoogga, waxayna u muuqdaan rag meel iska dhigay howshii ay masuulka uga ahaayeen umadda Soomaaliyeed.

Al-Shabaab waxay soo galeen oo si nabad ah kubqabsadeen deegaanada Caad, Shabeelow, Camaara iyo Bacaadweyne, dadkii ku noolaa dhulkaas ee ka qeyb qaatay soo nooleynta magaalooyinkooda, markii laga dul qaaday Khawaarijta ku dhowaad sanad ka hor ayaa isaga cararay guryahooda, iyagoo cabsi ka qaba ciqaabta iyo arxan-darrada Al-Shabaab.

Xogta dadaallada dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya ee Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulamo lagu dhex-dhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dedaalka dhex-dhexaadinta, oo ay hormuud u tahay dowladda Kenya, ayaa lagu doonayaa in xal looga gaaro khilaafka dowladaha Muqdisho iyo Addis Ababa ee salka ku haya is-afgaradka ay Itoobiya la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay heshiiskaas weerar qaawan oo ay Itoobiya usoo qaaday madaxbanaanida dhuleed iyo midnimo.

Somaliland waxay ku tilmaamtay is-afgaradka oo Itoobiya looga kireyno marin bad oo toos ah iyo saldhig ciidan in uu horseedayo inay Addis Ababa noqoto dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah u aqoonsata.

Waxa laga ogyahay kulamada Nairobi?

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa horey dhowr jeer ugu celisay in aysan wada hadal iyo dhexaadin la geli doonin Itoobiya inta ay ka noqoneyso is-afgaradka ay la gaartay Hargeysa.

Hadalka dowladda waxa uu dabo-socday baaqyo caalami ah oo ka kala imaanayay beesha caalamka, Midowga Afrika iyo dalal kale oo qaarkood ku dhaliiyay Itoobiya is-afgaradka muranka dhaliyay.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxa uu isagu sheegay in uu dhowr jeer ka codsaday wada hadal iyo kulan madaxeynaha Soomaaliya, isaga oo usii maraya madaxweyneyaasha Jabuuti, Yugaandha iyo Kenya. Waxa uu tilmaamay inay Soomaaliya diiday dhammaan wada hadaladaas.

Madaxweynaha Kenya oo ay labo toddobaad kahor madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya ay marti ugu ahaayeen sababo kala duwan ayaa hadda wada dedaal dhexdhexaadin ah, sida lagu baahiyay wargeyska The East Afrika oo lagu daabaco Nairobi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu u yimid Nairobi ka qayb galka meertada lixaad ee Shirka Cimilada ee Qaramada Midoobay, halka Abiy Axmed booqasho rasmi ah ayuu ku yimid dalka Kenya.

Wargeyska The East Afrikan ayaa sheegay in madaxweynaha Kenya William Ruto uu horkacaya dedaalada lagu doonaayo in la dejiyo xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu wargeysku intaas ku daray in la filaayo in Muqdisho iyo Addis-ba ay hoos u dhigaan luuqadda sirgaxan iyo hadalada warbaahinta laysu marinaayo.

Kulankii dhexmaray madaxweynaha Kenya iyo Ra’isal Wasaaraha Itoobiya ayaa lagasoo saaray warsaxaafadeed sheegay in ay tahay muhiim in la ixtiraamo madax-bannaanida dhuleed ee dalalka Afrika.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda ee Soomaaliya Danjire Axmed Cawed ayaa ku tilmaamay war saxaafadeedka mid albaabka u furaya dhex-dhexaadinta ay Kenya wado islamarkaas na Itoobiya u furaya albaab ay uga baxdo xiriiriga dublumaasiyadeed.

“Waxa uu gogol xaadh usii noqonayay waanwaanta Kenyanku ka wadeen Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhan, waxayna tibaaxayeen in ay Itoobiya ogoshahay in la ilaaliyo xuduudaha dalka Soomaaliya, dalka keliya ee qaranimadooda iyo xudoodkooda su’aal ka taagnayd Soomaaliya ayay ahayd,” ayuu yiri Danjire Cawed.

Wargeyska The East African oo xiganaya Ilo diblumaasi ah ayaa sheegay in wada hadala oo bilowday ay sii socon doonaan uuna jiri doono kulan mustaqbalka dhow dhici doono, kaas oo laysku raaci doono meesha uu ka qabsoomaayo si’ay wadahadaladu usii socdaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysaneysay in aysan wada hadal la gelin Itoobiya ilaa laga noqdo is-afgaradka, laakiin dowladda Kenya ayaa muddo waday dedaal hoose oo dhexdhexaadin ah.

Markii ugu horreysay muddo dhowr toddobaad ah, waxaa magaalada Nayroobi waa yimid saraakiil ka kala socota Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo ay u kala dabqaadayso dowladda Kenya.

Saraakiisha ayaa ku sugnaa Nayroobi maalmihii ugu dambeeyay ee toddobaadkii dhammaaday, iyaga oo la kulmay diblumaasiyiin Kenyan ah oo dhexdhexaadinta hormuud u ah.

Wafdiga labada dhinac ee dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ma yeelan wax kulamo toos ah maalmaha ay wada joogeen Nairobi, laakiin waxaa xogta u kala gudbinayay dublumaasiyiinta Kenya oo si gaar ah ula kulmay labada dhinac.

Wafdiga labada dhinac ayaa hadda dib ugu noqday Muqdisho iyo Addis Ababa, iyada oo aan faahfaahin laga bixin waxa xigi doonno wada hadalada dadban ee horudhaca ah ee ka dhacay Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu weli ku adkeysanaysa in dowladda Itoobiya ay ka noqoto is-afgaradka kahor inta aanan la furin wada hadal toos ah oo ay yeeshaan labada dhinac.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa horey u sheegay in dowladda Soomaaliya ay hagaldaacisay dedaal uu ku doonayay in uu wada-xaajood ugala yeesho is-afgaradka, sida uu ka sheegay fadhigii shir madaxeedka Midowga Afrika.

Telefishin laga leeyahay Mareykanka oo lagu magacaabo Bloomberg ayaa baahiyay in dowladda Itoobiya ay qorsheyneyso inay ka noqoto is-afgaradka ay la gaartay Somaliland, sida uu telefishinku kasoo xigtay ilo dublumaasiyadeed oo dhowr ah.

Waxa ay saraakiisha la hadlay telefishinkan sheegeen in Raysal wasaare Abiy Axmed uu si gaar ah u danaynayo in uu ka noqdo qeybta is-afgaradka ka khuseysa aqoonsiga Somaliland, oo loo arko in uu yahay mid ka mid ah sababaha waa weyn ee ay Hargeysa u saxiixday is-afgaradka.

Itoobiya iyo Somaliland midna kama falcelin warka uu baahiyay telefishinkan iyo sidoo kale wada hadalada dhexdhexaadinta ah ee ay Kenya hormuudka u tahay.

MAREYKANKA oo tageero weyn u fidinaya Soomaaliya iyo tallaabo uu qaadayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa taageeraddii ugu weyneyd u fidinay dowladda federaalka Soomaaliya, xilli uu dalka ku jiro marxalad xasaasi ah.

Mareykanka ayaa ballan-qaaday in $100 Milyan oo dollar uu ku bixin doono saldhigyo cusub oo militari, oo looga gol leeyahay in ciidanka Soomaaliya ay kala wareegaan ammaanka ciidamada ATMIS dhamaadka sanadkaan.

Arrintaan ayuu Mareykanka uga dhowaaqay kulan xasaasi ah oo dhex-maray wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Nuur Jaamac iyo Sii-hayaha safiirka Mareykanka.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay xoojinta dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo kor u qaadista amniga qaranka, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay kulankaas.

Tallaabadan ayaa imaaneysa ka gadaal markii ay dhawaan Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis dhanka amniga ah oo ah  dhismaha ciidamo Soomaaliyeed oo shaqeynaya.

Heshiiskaas ayaa ciidanka Soomaalida ka saacidaya dhismaha ciidan awood u leh in ay la wareegaan masuuliyadda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli ay weli dalka kasii socdaan howlgallo culus oo lagu beegsanayo kooxda.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee sida tooska ah uga qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna dalka ka fuliyaa duqeymo culus.

Sidoo kale wuxuu taageero milatari iyo tababar siiyaan ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhacdo naxdin leh: Aabe si yaab leh u dilay wiilkiisa, kadib-na ka baxsaday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal dil ah oo argagax leh ayaa xalay ka dhacay degmada Kaaraan, kadib markii ay dagaaleen Aabe iyo wiilkiisa, iyadoo halkaas lagu toogtay wiilkii.

Aabe 70 jir ah oo magaciisa lagu soo koobay Gadaf ayaa dilkaas geystay xalay, wuxuuna toogtay wiilkiisii Maxamuud Gadaf, kadib markii ay dagaaleen.

Odaga iyo wiilkiisa waxaa la sheegay in khilaaf muddo soo jiray uu ka dhaxeeyey, khilaafkaas ayaa sababay in wiilkii uu Toorey u soo qaato Aabihiis, balse odaga waxaa guriga u yaallay qori.

Aabe Gadaf ayaa markii uu xaqiijiyey in wiilkiisa uu Toorey u soo sito wuxuu la soo baxay qorigiisa, wuxuuna rasaas baas ah ku furay wiilkiisii Maxamuud oo halkaas ku geeriyooday.

Intaas kadib odagii ayaa isaga xararay goobta, waxaana soo gaaray ciidamada booliska degmada Kaaraan oo halkaas ka qaaday meydkii wiilka uu Aabihiis dilay.

Dilkaasi wuxuu dhacay salaadii maqrib kadib, intii lagu guda jiray afurka, waxaana dhacdadaan aad uga argagaxay ehelka iyo deriska reer Gadaf, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad deris la ah reerka uu dhibkaas kala gaaray.

Sidoo kale derisku waxay noo sheegeen in wiilka la dilay uu aad u isticmaali jiray balwadda, halka Aabihiis uu ka waani jiray, balse markii dambe khilaafkooda wuxuu gaaray gacan ka hadal sababay in Aabihii uu wiilkiisa toogto, kadibna cararo.

Dhacdadaan ayaa daba joogtay falal sidaan oo kale reeraha ka dhex jirtay dhowrkii toddobaad ee ugu dambeysay, dad badan oo isku qoys ah ayaa isku dilay Muqdisho iyo gobollada dalka qaar, intii lagu jiray bishii Shacbaan.