25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Golaha wasiirada oo go’aan ka gaaray heshiis lala galay Imaaraadka iyo arrimo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana go’aan looga gaaray heshiis ay Soomaaliya la gashay Imaaraadka Carabta.

Xubnaha Golaha wasiirada ayaa shirkooda sidoo kale ku meel-mariyay Golaha Warbaahinta Qaranka, waxayna joojiyeen in shirarka khuseeya hay’adaha dowladda lagu qabto dibadda.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ugu horreyntii lagu ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.

Golaha ayaa waxaa magacaabistooda soo jeedisay  Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, waxayna kala yihiin:-

1. C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto)
2. ⁠Maxamed Shiil Xasan Shiil
3. Muna Cumar Xasan
4. ⁠Yuusuf Xasan Mursal.
5. Axmed Maxamed Cabdi⁠
6. Maxamed Cabdullaahi Kooshin⁠
7. Hinda Daahir Jaamac
8. ⁠Cabdulqaadir Cusmaan Cabdisalaan
9. ⁠Fatuma Yuusuf Saciid

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa shirkooda maanta ku ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xogta Rasmiga ah iyo Heshiis u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta oo ku saabsan ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo ka hortagga la-baxsashada canshuuraha.

Dhinaca kale Golaha ayaa soo saaray go’aan culus oo lagu joojiyey in shirarka khuseeya Hey’adaha Dowladda lagu qabto meel ka baxsan dalka, maadaama uu dalkeenu soo kabtay amni ahaan iyo horumar ahaanba.

Xubnaha Golaha wasiirada ayaa isla qiray in aysan jirin baahi keenaysa in dalal shisheeye lagu qabto shirarka looga hadlaayo Soomaaliya, kadib soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

Maxkamadda Racfaanka oo xukuno ku riday mas’uuliyiintii ugu badnayd, kadib marki…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno adag ku ridday mas’uuliyiin lagu helay musuq-maasuq, kuwaas oo ay horay usoo xukuntay Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta la xukumay ayaa ka kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhaxe, iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxayna dacwaddooda soo socotay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa kiisaskan ka yeelatay laba dacwadood, waxayna maanta kasoo saartay xukuno kala duwan oo xabsi ah,

Dacwqadda 1-aad oo ka yeelatay 8-fadhi ayaa ugu dambeyn ay maanta ku dhawaaqday xukunka oo noqday sida tan:

Makamadda ayaa ku xukuntay eedeysanayaasha kala ah Cumar Macallin Nuur iyo Cabdullaahi Maxmuud Cosuble hal Sano oo Xarrig ah.

Saabir Xasan Cabdinuur aya isna lagu riday xukun ah labo Sano iyo 6 bilood oo xarrig ah, halka Aadan Maxamed Cabdi lagu waayay dhamaan eedeymihii loo jeediyay.

Sidoo kale maxkamadda ayaa dacwadda 2-aad oo ay ka yeelatay 7-fadhi ayaa xukun ku soo oogtay saddex eedeysane oo lagu tuhmay lacag dhaqis iyo maalgelinta agagaxisada, kuwaas oo kala ah:-

Abuukar Maxamed Cali ayaa waxaa lagu xukumay 6 sano oo xarrig ah, Maxamed Aadan Cabdullahi oo xarrig hal Sano ah lagu xukumay iyo Cabdiqaadir Cabdi Socdaal oo lagu waayay dhamaan eedeymaha loo jeediyay.

Weli waxaa jira saraakiil kale oo loo haysto musuq-maasu1, kuwaas oo qaarkood ay maqanayaal yihiin, waxaana gacanta ku haysa Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Soomaaliya oo gaartay guul kale oo aad u weyn + Sawirro

Paris (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale guul wayn ka gaartay barnaamijka dayn cafinta, kadib markii Naadiga Paris uu cafiyay 99% daynmihii uu ku lahaa Soomaaliya,  taas oo ah tallaabo muhiim ah oo laga gaaray dadaallada ay dowladda federaalka ku dooneyso inay dib ugu biirto nidaamka maaliyadeed ee caalamka.

Magaaladda Paris ee dalka Faransiiska,ayaa waxaa ku sugan wafti uu horkacyo wasiirka maaliyada Soomaaliya  iyadoo halkaas lagu soo gebagebayay wada xaajood wakhti dheer qaatay oo ay la yeelanay waddamada ku middoobay naadiga Paris ( Paris club) oo ku lahaa Soomaaliya lacag ka badan 3.1 billion oo doolar, iyada oo laga duulayo isafgaradka laga gaadhay wada xaajoodka ayaa waxa toban ka waddan ee ku bahoobay Naadiga Paris ay kala saxeexdeen heshiis lagu dhaafayo dentii ay Soomaaliya ku lahaayeen.

Tallaabadan ayaai waxay ka dhigantahay in Naadiga Paris Club ay u dhaafeen xaddi deyn oo ah in ay ka cafinayaan lacag dhan 1.2 bilyan oo dollar, taas oo ka badan intii ku waajibka ku ahayd hannaanka dayn cafiska (beyond HIPC debt relief) ee loo yaqaan HIPC.Si loo sugo dhammaystirka hannaankan

Qorshahan ayaa waxaa sii xigi doona heshiisyo gaar gaar ah oo dal kasta lala gali doono, si ay si rasmi ah daynta uga masaxaan buugaagtooda.

Waxay tani marag ka tahay horusocodka joogtada ah ee dadka iyo Dawladda Soomaaliyeed ay ka samaynayaan dawladnimada dhiska, koboca dhaqaalaha iyo maamul wanaaga.

“Waxaan ku boggaadinayaa dalaka daynta inaga dhaafay deeqsinimadooda iyo garab istaagooda” ayuu yiri Biixi Imaan Cige oo ah Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaan joogna magaaladda Paris ee dalka Faransiiska oo aan kaga qeyb galayno  wadda xaajood aad u ballaaran oo aan la yeelanayno naadiga Paris Club oo ay ku midaysan yihiin 10-ka dal ee deymaha ugu badan nagu lahaa,Soomaaliya waxay soo martay geedi dheer oo  ahaa hanaan dib u dhis iyo qaabeyn hay’daha dowladda ah”.

Bishii Diseenbar ee sanadkii la soo dhafay 2023, waxaa Hay’ada Lacagta ee IMF  iyo bangiga Aduunka ay ku dhawaaqeen in ay Soomaaliya soo buuxisay sharuudaha deyn cafinta si ay u hesho deyn cafin dhameystiren, intaas ka dib waxaa waajib noqtay in aan wadda xaajood la bilowno dalalkii deymaha nagu lahaa oo ay mudnaanta lahayeen naadiga Paris Club.

Wada-hadal wakhti dheer qaatay waxaan  ku guuleysanay in aan ku qancino dalalka naadiga in ay gabi ahaan naga cafiyaan deynta ay nagu laheyeen oo runtii ka baxsan intii waajibka loogu lahaa deyn cafiska,waan uga mahadcelinayna sidaa ay noola qaateen deyn cafinta” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.

Daawo: Wararkii u dambeeyay dagaal ka qarxay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada maamulka HirShabelle iyo kuwa kale oo taabacsan maamulka la magac baxay Hiiraan State ee ku sugan gudaha magaaladaasi.

Dagaalka ayaa billowday saqdii dhexe, waxaana illaa iyo hadda uu ka socdaa agagaarka xerad Lamagalaay ee magaaladaasi, halkaas oo ay isku fara saareen labada ciidan.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in xalay dagaalkan uu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, isla markaana rasaasta gaartay xaafadaha qaar ee Beledweyne.

Inta la xaqoojiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 5 kale oo isugu jiro dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada HirShabelle la’isugu geeyay aagga saldhigga booliska ee magaaladaas, halka kuwa kalena ay joogaan qaybo kamid ah Beledweyne.

Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa goobaha ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka oo saaka hakad ku jira, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Dhanka kale waxaa haatan billowday dadaallo ay bilaabeen waxgaradka deegaanka oo lagu doonayo in lagu qaboojinayo dagaalka culus ee ka qarxay halkaasi.

Beledweyne ayaa waxaa muddo ka jiray khilaaf dhinaca maamulka ah, kaas oo saameyn ku yeeshay horumarkii gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

SHARIIF oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa weli kulamo ka wada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee gudaha dalka.

Shariif ayaa maanta kulan gaar ah l ayeeshay sii hayaha xilka Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya Shane L. Dixon, wuxuuna kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka.

Qoraal kooban oo uu soo saaray madaxweynihii hore ee dalka ayaa waxa ku sheegay in danjiraha uu kala hadlay rrimaha amniga iyo dib u eegista dastuurka Soomaaliya oo uu haatan ka doodayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Waxaan maanta Kulan ku wada qaadanay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho sii hayaha xilka Safaarada Shane L. Dixon, waxaan ka wada hadalnay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga & dib u eegista dastuurka Soomaaliya oo doodiiso kala aragti duwanaan iyo muran badan ka taagan yahay” ayuu kuri qoraalka uu soo saaray Shariif.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay ka wada-hadleen sidii ay doodda socota qayb uga noqon lahaayeen xubnaha mucaaradka ee iyagu diidan wax ka beddelka dastuurka,

Waxaan sidoo kale isla soo qaadnay sida ay muhiim u tahay in dhamaan saamileyda siyaasadeed ay kaalin mug leh ugu yeelan lahaayeen dhameystirka Dastuurka” ayuu yiri.

Farmaajo ayaa sidaan oo kale horay Mareykanka ugala hadlay arrinta dastuurka oo ay si weyn ugu ololeneyso Villa Soomaaliya oo garab ka heleysa guddoonka baarlamaanka.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay dastuurka oo ay si weyn u diidan Farmaajo, Sharfiif, Deni iyo xubnaha kale ee mucaaradka dalka.

Dowladda oo ka hadashay kaalmada la sheegay inuu Imaaraadka ka joojiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa “dacaayad” ku tilmaamtay warar sheegaya in uu hakad ku yimid mushaarka qaar ka mid ah ciidamada dawladda, sababo la xariira in mid ka mid ah dalalka shisheeye ee ciidamada Soomaaliya ka caawin jiray mushaarka uu joojiyay lacagihii kaalmada ahaa ee uu bixin jiray.

Warbaahinta qaar ayaa qortay in xidhiidhka Imaaraadka iyo Soomaaliya uu hoos u dhacay, kadib markii dowladda Soomaaliya ay heshiish difaac la gashay waddanka Turkiga oo ciidamo u tababaraayay Soomaaliya muddo sannado ah.

Hase yeeshee, wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa beeniyey wararkaas. Inkasta oo uu wasiirku ka gaabsaday in uu si gooni ah uga hadlo warka la xiriira in dawladda Imaaraadku jartay deeqdii ay bixin jirtay, hadana waxa uu sheegay “in ciidamadu xuquuqdoodii ay helaan”.

Heshiiskaan Turkiga uu la galay Soomaaliya ayaa dhigaya in 10 sanno uu Turkigu ilaalin doono xeebaha Soomaaliya, ciidamo badeedna u dhisi doono Soomaaliya. Heshiiskaas oo ka koobnaa mid dhaqaale iyo difaaca ayaa sidoo kale waxa ay Soomaaliya ay heshiiska dhanka ka faa’iideysiga kheyraadka badda la saxiixatay dawladda Turkiga.

Soomaaliya waxay heshiishyo difaac la gashay, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Sucuudiga iyo Uganda. Balse waxaa wadamada badani loolan ugu jiraan shidaalka Soomaaliya oo ay dawladdu sheegtay in la soo saari doono dabayaaqada sanadkaan 2024 ta, markii ugu horeysay.

Dhanka kale dawladda ayaa beenisay in dhaqaale xumo ku dhacday darteed ay ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee Galmudug isaga soo baxeen saldhigyadoodii.

Qaar ka mid ah ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lacagihii ay heli jireen qayb laga jaray, balse inteeda badan ay helaan oo u soo dhacdo.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in aysan jirin ciidan laga jaray mushaar.

“Hal askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliyeed oo aan mushaarkii loogu talo galay qaadanin ma jiro, dhammaan ciidamadu mushaarkoodeey qaateen – wax iska beddelayna ma jiro” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf.

Ciidamada kasoo baxay furimaha oo ay ku jiraan kuwa Macawiisleyda oo ka garab dagaalama ciidamada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay dayac ku muteen furimaha dagaalka, ayna jirin cid dhiirigelisa, sidaas darteedna ay qasab noqotay in ay banneeyaan dhulkii ay ku sugnaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 18 bil ka hor ku dhawaaqay inay dawladiisu bilaabeyso dagaal ka dhan ah al Shabaab, kaas oo ka dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Kadib guulo hordhac ah oo ay gaareen ciidamadu kuwaas oo ay kula wareegeen deegno badan, ayaa waxaa dadka u dhuun daloola arrimaha ciidamada ay muddo sheegayeen in ciidamada dawladda ay xajin la’yihiin gacan ku haynta meelaha ay qabsadeen.

Camaara iyo Bacaadweyn oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Galmudug iyo Macawiisleyda isaga baxeen ayaa dib waxaa u qabsaday ururka Alshabaab, sida ay baahiyeen kooxdu.

Ururka al Shabaab ayaa mid ka mid ah weeraradii ugu adkaa ee ay ka gaystaan furimaha, waxa ay ku qaadeen ilaa todobo saldhig oo ciidamada dawladda iyo kuwa macwisleyda ay ku lahaayeen deegaanka Caad.

Isha: BBC

Daawo: Xasan Jaamici oo shaaciyey sabab yaab leh oo looga soo baxay furimaha

0

Cadaado (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Xasan Jaamici ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii ciidamada looga soo saaray furimihii dagaalka ee Camaara iyo Bacaadweyne.

Taliye Xasan ayaa sheegay in isagoo wata 100 askari iyo gaadiid dagaal uu muddo sanad ku dhow ku sugnaa deegaanada laga soo baxay, intaasna uusan wax tixgelin ah ka helin masuuliyiintii dowladda u qaabilsanaa aaggaas.

Xasan Jaamici ayaa sheegay in howlgalka uu uga qeyb qaadanayey is xilqaan, maadaama deegaanada la xoreynayey ay cidiisu degto, balse wuxuu sheegay in joogitaankiisa ay dhibsadeen ssraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo dad kale oo magacyadooda uusan shaacin.

Jaamici ayaa sheegay in maalmo ka hor uu go’aansaday inuu soo booqdo reerihiisii, maadaama muddo sanad ku dhow uu joogay furimaha dagaalka, balse wuxuu sheegay in ciidamadii dowladda oo cod dagaal ku soo qaaday aysan jirin ay isaga soo baxeen deegaanadaas, isla markaana loo baahan yahay in la baaro sababta.

Sidoo kale Taliye Xasan Jaamici ayaa tirsanaya hadalo ui dhibsaday oo dhowr jeer ka soo gaaray saraakiil sare oo Taliyaha xoogga uu ka xusay iyo madax kale, “Xitaa mar waxay dhaheen Xasan Jaamici waa Shabaab, heer ay Shabaab igu tilmaamaan ayey gaareen, iyagoo dano gaar ah ka leh,” ayuu yiri.

Taliye Xasan ayaa sheegay in mar Taliyaha xoogga la weydiiyey saraakiisha hoggaamineysa ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka uu ka reebay oo si cad uu u yiri “Jaamici aniga iima joogo halkaas.”

Xasan Jaamici ayaa ku dooday in raggii dowladdu u xil-saartay shaqada ay dayaceen oo Muqdisho ay isaga soo laabteen mar hore, balse isagoo aan xil heyn uu dhabar adeygay oo in ka badan 7 bilood uu joogay furinta.

“Ciidanka waxaa furimaha kasoo saarey ragga lacagtii Ciidanka ku cunaya mukeyfka Xamar ee hadana noogu daray inay dacaayadaha naga fidiyaan,” ayuu yiri Taliye Xasan Jaamici.

Hoos ka daawo 

Kadib fashilka soo wajahay dagaalka, arrin culus oo la gudboon madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka ka dhanka ah argagixisada joogta Soomaaliya ayaa hakad ku jiray dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, wallow ay dhowr jeer ay duqeymo fuliyeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah, haddana ma jirin dagaal qorsheyn oo ciidanka xoogga dalka qaadeen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kasoo laabtay furimaha dagaalka waxaana uu si weyn ugu mashquulay dastuurka iyo xiisadda Itoobiya ee la xiriirta badda.

Inkasta oo madaxweynaha loogu garaabi karo arrinta Itoobiya oo shaqo bogaadin leh ka qabtay haddana wararka maalmihii tegay ka yimid deegaanada Caad, Camaara iyo Bacaadweyn ma ahan kuwa farxad galinaya shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii ehelkoodii iyo saaxiibadoodii ku waayay qabashada deegaanadaas.

Saddexdaan magaalo oo Galmudug ka tirsan ayaa dib looga soo laabtay, iyada oo goobaha qaar laga soo baxay dagaal la’aan. Kasoo bixidaan ma ahan kamana dhigna inay argagixisada soo xoogeysatay ee waa jiritaanka tabashooyin ciidanka dhexdooda ah oo la xiriira dhaqaale, hoggaan xumo iyo siyaasad.

Galmudug oo bishaan November ee sanadkaan doorasho loo balansan yahay ayuu la dagaalanka argagixisada ku damay.

Saraakiil ciidan ayaa laga soo xiganaya in ciidankii Macawiisleyda deegaanka ay waayeen gunadii ay heli jireen, waxaa kale oo la duray wada-shaqeynta dhinacyada, waxaana batay gacmaha arrinta ciidanka iyo dagaalka ku lugta leh.

Maamulka Galmudug, ganacsato, madax ciidan, xubno xilal ka haya dowlad dhexe ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin daneynaysa doorashada soo socota ee Galmudug waxay siyaabo kala duwan ugu lug yeesheen howl-galladii ka socday deegaanada Galmudug, waxaana isku dhex yaacas keenay inuu dagaalka dhaqaaqi waayo, ugu dambeyna magaalooyin lasoo banneeyo.

Weli argagixisada ma itaal badna, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga rabaa inuu badbaadiyo dhiiggii, dhaqaalihii iyo go’aankii umadda Soomaaliyeed ee dagaalka argagixisada lagu bixiyay, si gaar ah reer Galmudug oo dagaalka wax badan u huray.

Mid kamid ah waxyaabaha fashilka keenaya balse uu xalkooda fudud yahay waa gacmaha badan. In howl-galkan uu yeesho hal talis, hal maaliyad iyo qorshe ayaa daawo u ah dayaca maanta muuqda, sida ay sheegeen saraakiil ciidan oo reer Galmudug ah.

Dadka deegaanka waxay baddi weli u muuqdaan inay daacad ka yihiin dagaalka, laakiin dagaal waa qorshe, dhaqaale iyo aragti, waana in dowladda dhexe laga arkaa ahmiyad gaar ah.

Dadka waxay aaminsan yihiin in Madaxtooyadda Soomaaliya uu dastuurka kala muhiimsanaaday la-dagaalka argagixisada. Horey wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay in aanay Soomaaliya waxba u qabsoomi karin, horumar iyo dawladnimana aan laga shaqeyn karin illaa laga adkaado argagixisada.

Laakiin sida hadda loo shaqeynayo waxay kasoo horjeeda hadalkii hore ee madaxweynaha. Waxaa hortaalla madaxweyne Xasan Sheekh inuu dhab u qaato ficiladii dhacay 72-dii saac ee lasoo dhaafay ee looga soo baxay magaalooyinkan, oo uu ka hortago in aanay tallaabada noocaas ah faafin, qorshe cusubna uu la yimaado dibna u jiheeyo dagaalka, umaddana uu si ficil ah ugu caddeeyo inuu dagaalka wax walba uga muhiimsan yahay.

Haddii aan taas la aadin oo madaxweynaha uusan dib u curin dareenka dagaal ee ciidanka iyo shacabka waxaa jirta cabsi ah inuu si guud uu howlgalka u fashilmo.

Nin waardiye ah oo xarun ku taalla Caabudwaaq ku dhex dilay weriye caan ahaa

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ku geeriyooday marxuum Cabdikariin Axmed Bulxan oo ahaa wariye iyo samafale ka shaqeeya gudaha magaaladaasi.

Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac daran oo uu geystay nin waardiye ka ahaa xarun lagu hayo carruur agoon ah oo maamule ka ahaa marxuumka geerdiyooday.

Xarunta uu ka howlgalayay ayaa waxaa lagu magacaabaa Taakulo, taas oo qaab iskaashi ah ku hirgeliyeen jaaliyadda iyo wasaaradda waxbarashada ee maamulka Galmudug

Wararka ayaa sheegay in Cabdikariin Bulxan iyo askariga uu soo kala dhex-galay muran, isaga oo kadib ku furay rasaas, taas oo ka haleeshay madaxa, wuxuuna mar dambe sidaas ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Cabdikariin oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa si gaar ah uga howlgalayay haatan warbaahinta dowladda, isaga oo wakiil uga ahaa gobolka Galgaduud, gaar ahaan Caabudwaaq.

Sidoo kale waxa uu ahaa nin u ololeeya nabadda, wuxuuna ku caan baxay ‘Naftaada Bar Nabadda’ magacaas oo uu kusoo geli jiray aaladda Facebook-ga.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyay madaxda wasaaradda warfaafinta oo uu ka tirsan Cabdikariin Bulxan oo ay dishay gacan ka xaq daran.

“Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daauud Aweys Jaamac, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska, Qaraabada iyo Asxaabta Marxuum Cabdikariin Axmed Bulxan oo ka mid ahaa Shaqaallaha Wasaaradda, kaas oo ku geeriyooday magaalada Caabudwaaq” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Ehellada ayaa haatan dalbanaya cadaalad iyo in tiirka la geeyay askariga dilay marxuum Cabdikariin Axmed Bulxan oo si weyn looga garanayay gobollada dhexe ee dalka.

Sawirro: Dowladda oo lagu wareejiyey gaadiid loogu tala-galay dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta Midowga Yurub kala wareegay Gaadiid dagaal oo loogu tala galay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa mid mid u kormeeray gadiidkaan Gaashaman oo loogu tala galay Guutada 14 October ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadii lagu wareejiyey gaadiidkaan waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Guutada 14-ka October ee G/Dhaxe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey).

Gaadiidkaan ayaa loogu tala galay halkaas guuto oo ka howlgasha gobolka Shabeellada Hoose, fadhigeeda ugu weyna uu yahay magaalada Marka.

Guutada 14-ka October ayaa ka mid ah geesiyaasha xoogga dalka ee Howlgalka adag ee ka dhanka ah Argagixisada ka wada gobalkaas Sh/Hoose, waxayna hadda heleen gaadiid u daboolaya baahiyo badan oo ay qabeen.

Waxaa xusid mudan in guutooyin badan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay gaadiid la’aan yihiin, haba ugu daraadeen ciidanka lagu soo tababaray Eritrea oo weli aan helin gaadiid ku filan, si ay u gaaraan gobollada fog fog ee Shabaab ka dagaalamayaan.

Sidoo kale gadiid badan ayey Shabaab ka gubeen ciidanka xoogga, gaar ahaan GorGor, dagaaladii ugu daraa ee gaadiidka lagu gubay waxay ka kala dhaxeen Caad, Cowsweyne, Ruun-nirgood iyo Galcad.

Muddo sanad gudihiis ah gaadiidkii ugu badnaa ayay dowladdu ku weysay dagaalka, iyadoo markii horaba ay jirtay gaadiid yari oo dalka ay saareed cunaqabateyn dhanka hubka ah oo dhawaan laga qaaday Soomaaliya.

Daawo: FARMAAJO oo ku hanjabay in qof kasta u laaban doono tuuladiisa haddii aan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbad muuqaal ah oo la sii duubay oo warbaahinta lala wadaagay maanta kaga hadlay dastuurka Soomaaliya, oo wax ka beddelkiisa iyo dhameystirkiisa uu hadda horyaallo baarlamaanka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey qodobada wax laga bedelayo ee dastuurka, isagoo sheegay in hanaanka ay dowladda Xasan Sheekh wax u rabto aysan wax dan ah ugu jirin umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Farmaajo ayaa sheegay in hadii sidaan wax lagu sii wado ay taladu ka bixi doonto gacanta Soomaalida oo caalamku uu soo farogeli doono arrimaha dastuurka.

“Hadii ay dowladdu ka joogi weyso sida ay wax ku wado, caalamkuna soo farogelin waayo arrintaan, waxay noqoneysaa in qof kasta uu u laabto tuuladiisii,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in ajendaha dhanba uu qaldan yahay oo waxa socda aysan aheyn dhameystir ee dastuur bedel ay yihiin, isagoo tusaale u soo qaatay cutubka 4-aad oo maalmahaan doodiisa ay ka socoto kulamada baarlamaanka.

Cutubka 4-aad ayaa dhigaya in dalka laga bedelo nidaamka hadda lagu maamulo ee baarlamaaniga ah, iyadoo loo guurayo hanaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah.

Muuqaalka Farmaajo oo soconaya in ka badan 10 daqiiqo ayaa wuxuu ku dalbaday in dowladda Xasan Sheekh ay ka joogto halka ay u jaheyneyso dalkaan, wuxuu ka digay dhibaatooyin ka dhalan kara, hadii qorshahaani hir-galo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya, oo uu ku jiro madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, ayaa sidan oo kale horey uga soo horjeestay hannaanka socda ee wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka.

Hoos ka daawo

Caalamka oo muddo kadib taageeray tallaabo ay qaaday Somaliland (war-saxaafadeed)

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Inta badan waddamada Somaliland ka taageera arrimaha dimuqraadiyada iyo doorashooyinka ayaa soo dhaweeyay meel-marinta xeerarka doorashooyinka Somaliland.

Waddamadan oo kala ah Ingiriiska, Denmark, Finland, Norway iyo Sweden ayaa guul wayn ku tilmaamay tallaabadan ay qaaday Somaliland ee dhameystirka xeerarka doorashooyinka maamulka.

Bayaan wada-jir ah oo ay soo saareen dalalka beesha caalamka ee taageerta dimuqraadiyadda Somaliland ayaa waxaa lagu yiri “waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyada, uuna dhabaha u xaarayo qabashada doorashooyinka.”

“Waxaanu u aragnaa saxeexa xeerka doorashooyinku inay tahay dib u xaqiijinta ka go’naanshaha Somaliland ee qabashada doorashooyinka,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaankan.

Sidoo kale waxay ku booriyeen in dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka ay si wada-jir ah u xaqiijiyaan inay u dhan yihiin sidii doorasho xor iyo xalaal ah uga qabsoomi lahayd Somaliland waqtigii loo cayimay ee 13-ka November 2024-ka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan qalinka ku duugay xeerka doorashooyinka, kadib markii ay meel-mariyen golayaasha baarlamaanka. Xeerarkan ayaa lagu sameeyay wax ka beddel, kadib muddo badan oo uu muran ka taagan.

Tallaabadan ayaa la filayaa in meesha ka saarto khilaafkii doorashooyinka, ayna gudaha Somaliland daba-yaaqada sanadkaan ay ka qabsoomaan doorashooyinka isa saaran ee Madaxtooyada iyo ururada.

R/Wasaare Xamza oo diiday heshiis shidaal qodis oo lala galay shirkad Mareykan ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa si adag uga horyimid heshiis dhawaan lala galay shirkad Mareykan ah oo lagu magacaabo Liberty Petroleum.

Heshiiskan uu diiday ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxaa shirkaddan Mareykanka ah la saxiixday Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

“Waa in aad deg deg u hubiso dhamaan heshiisyada (PSA) dhawaan lala galay Shirkadda Liberty Petroleum aad dib ugu soo celiso hanaanka sharci, adigoo u hudbinaaya guddiga isku-dhafka wasaaradeed ee bixinta qandaraasyada (IMCC), si ay uga gutaan waajibaadkooda sharci ee ku qeexan qeybta lixaad ee sharciga iibka iyo qandaraasyada qaranka 2016,” ayaa lagu yiri waraaq ay aragtay Caasimada Online oo xafiiska ra’iisul wasaaraha toos ugu socod siiyay wasiirka batroolka.

Sidoo kale waxa uu wasiirka uga digay dhaqan-gelinta heshiisyadaasi (PSA) illaa guddiga isku-dhafka wasaaradeed ee bixinta qandaraasyada ay ka gutaan waajibaadkooda sharci.

“In heshiis (PSA) kasta oo aan soo marin hanaanka sharci uu yahay mid waxba ka jirin,” ayaa lagu yiri waraaqdan kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha oo sidoo kale Og laga siiyay Hanti-dhowtka Guud ee Qaranka, Xubnaha Guddiga Isku-dhafka ah, Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkadda Liberty Petroleum ayaa wasiirka batroolka u saxiixay saddex baloog oo ku yaalla gudaha Badda Soomaaliya, iyada oo loo marayo qeybteeda Petro Quest Africa, Liberty Petroleum waxay sahamin doontaa Blocks 131, 190 iyo 206, sida lagu yiri heshiiska uu ka horyimid ra’iisul wasaare Xamza.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa horey heshiisyo shidaal baaris iyo soo saaris ula gashay shirkado iyo dowlado ay ugu dambeysay Turkiga, iyada oo weli aan la bilaabin qodista ceelasha goobaha la cayimay.

Xog: QODOBKA halista ah ee ku jira heshiiska Soomaaliya ay la gashay Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiska millateri ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ay qalinka ku duugeen bishii Febraayo ee sanadkii hore 2023-ka ayaa waxaa kasoo baxaya xogo xasaasi ah oo la xiriira qodobada heshiiska.

Sida ay baahisay Middle East Eye oo heshay nuqullada heshiiskan, ayaa waxa uu ogolaansho u siinayaan Imaaraadka in uu isticmaalo dekedaha dhulka, badda iyo garoomada diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada “oo uu xaq u leeyahay” inuu ka sameysto saldhigyo ciidan iyo tababaro si uu hawlihiisa u sii wato.

Sidoo kale waxaa u dhigayaa heshiiskan aan lala wadaagin Soomaalida, in gebi ahaanba xasaanad la siiyay ciidamada Imaaraadka ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

“Dhamaan dadka ka shaqeeya heshiiskan waa in la siiyaa ilaalin iyo xasaanad ka dhan ah masuuliyad caalami ah, sharci ama maamul gudaha Soomaaliya,” ayuu si cad u qeexaya heshiiskan.

Tan ayaa ka dhigan in saraakiisha Imaaraadka aan lagu soo oogi karin habraac heer qaran ama caalami ah ama xataa dacwad iyo codsi xukun oo iyaga ka dhan ah.

Qodobkan ayaa ah midka ugu yaabka badan, islamarkaana aysan halistiisa ku baraarugsaneyn sida muuqata dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xukuumadda Abu Dhabi ayaa xoriyad dhaq-dhaqaaq ku leh gudaha Soomaaliya tan iyo markii la ansixiyay heshiiskan, ayada oo Imaaraadka uu bilaabay in gudaha dalka ay ka dhistaan saldhigyo cusub, taasi oo sare u qaadeysa shakiga iyo halista amni ee laga qabo heshiiskan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay u burburisay heshiis noocaan oo kale ah oo Imaaraadka kala dhaxeeyey, xiligii uu talada dalka hayey Farmaajo, balse hadda waxaa dib usoo celisay dowladda Xasan Sheekh.

Doodda wax ka beddelka dastuurka oo mareysa meel xasaasi ah iyo BF oo maanta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doodda wax ka beddelka dastuurka ayaa meel xasaasi ah mareysa, ayada oo maanta labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay yeesheen kukankii 25-aad.

Ajendaha kulanka maanta oo ahaa sii wadista ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah, ayaa waxaa shir-guddoomiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada labada aqal ee baarlamaanka 11-aad JFS.

Doodda cutubka afaraad gaar ahaan madaxyada koowaad mataladda shacabka iyo labaad oo ku saabsan doorashooyinka dalka ayaa la gudo galay maalintoodii labaad.

Qaar kamid ah Xildhibaannada iyo Sanatarrada ayaa si la mid ah mudanayaashii kulankii hore waxay doodo adag iyo su’aalo geliyeen qodobbada maanta la horkeenay ka doodistooda, halka kuwo kalana ay ku boggaadiyeen guddiyada dastuurka, sida ay u soo qaabeeyeen qodobada dastuurka iyo faqradaha cusub oo ay ku soo kordhiyeen.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Abshirow oo soo xiray gunaanadka kulanka ayaa waxa uu sheegay in dooda cutubkan afaraad ay sii socon doonto, maadaama uu aad u ballaaran yahay.

Doodda wax ka beddelka dastuurka oo maalmihii dambe ka socotay baarlamaanka, ayaa waxaa meel adag iska taagay madaxdii hore ee dalka Shariif iyo Farmaajo iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imaanaya xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka, islamarkaana ay weli dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeysaneyso wax ka beddelka ay rabto si uu dhaqan-gal u noqdo.

SSC-Khaatumo oo wadda qorshe ka dhan ah MUUSE BIIXI iyo tallaabo ay qaaday

0

Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo ayaa shaacisay in ay dacwad dambiyo dagaal ah ka gudbisay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulkiisa.

Hoggaamiye SSC Mr. Firdhiye ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan in maxkamad lasoo taago madaxweyne Muuse Biixi, wasiirkii hore ee gaashaandhiga Cabdiqani Caateeye, Nuux Taani ah oo ah Taliyaha milateriga Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in liiskan ay ku jiraan Taliye Mahad Cambaashe iyo lix sarkaal oo kale oo ka tirsan maamulka Somaliland, oo uu dagaalka qaraar dhexmaray.

“Waxaanu ka hawl-galnay in dadkii danbiyada gaystay ay cadaalada arkaan, kuwii loo gaystayna ay arkaan danbiilayaashii oo cadaalada loo sii kaxaynayo,” ayuu yiri Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdi Firdhiye.

Waxa uu sheegay in arrinkaan fulintiisa ay ka howl-galeen garyaqaano reer SSC ah, islamarkaana ay gacanta ku hayaan cadeymo ku filan si loo maxkamadeeyo Muuse Biixi iyo saraakiisha kale.

“Waxaan ururinay caddeymo muujinayo dambiyo dagaal,” ayuu yiri, isaga oo sheegay in 11 Febraayo uu isagu amray in caddeymahaasi loo gudbiyo maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka.

Dambiyada dagaal ee Firdhiye uu ku eedeeyay shaqsiyaadkan ayey geysteen intii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa ciidamada SSC-Khaatumo, sida uu sheegay.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay SSC-Khaatumo aqoonsi KMG ah ka heshay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayna si madax-banaan u maamulato deegaannada gobolka Sool, oo ay horay uga arrimin jirtay Somaliland.

Toddoba konteenar oo lagu qabtay dekedda Muqdisho maanta – Maxay sideen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku qabatay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho 7 konteenar oo siday raashin dhacay, sida ay sheegtay hay’adda Taya-dhowrka dalka.

Warbixin kasoo baxday hay’adda oo lala wadaagay warbaahinta ayaa waxaa lagu sheegay in maraakiibta la qabtay ay sideen bur dhacay oo lasoo gelin rabay Muqdisho.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in burkan ay ganacsato Soomaaliyeed kasoo iibsadeen dalka Turkiga, isla markaana ay doonayeen inay soo galiyaan suuqyada, si loo sii iibiyo.

Sidoo kale waxa ay intaasi burka la qabtay ay  bishaan March ku xusan tahay waqtiga uu dhici lahaa, ayna ka hortageen in la geeyo suuqda ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maxamuud Cilmi Fiidshe oo ah agaasimaha kormeerka badeecadaha ee hay’adda Taya-howrka ayaa sheegay in burkan ay ka gudan doonaan masuuliyaddooda, ayna la xisaabtami doonaan ganacsatada dalka soo gelisay.

Sidoo kale waxa uu agaasimuhu uga digay ganacsatada Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan in badeecado dhacay ay dalka usoo iib geeyaan, taas oo halis ku ah bulshada.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dhibaatooyinka caafimaad ee dalka ka jira oo uu Kansarka kamid yahay ay ka dhasheen cuntooyinka, dawooyinka iyo alaabaha dhacay ee dad ganacsato ahi ay dalka soo galiyaan.

Qabashada burkan dhacay ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana dadka Soomaaliyeed ay si aad ah u isticmaalaan burka, waana halis wayn oo ay ka hortegtay dowladda Soomaaliyeed

Daawo: Askartii kasoo baxay furimaha ee dilay taliyahoodii oo maxkamad lasoo taagay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta ka bilaabatay maxkamadeynta illaa 9 askari oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo dhawaan kasoo baxsaday furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga Camaara iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug, halkaas oo ay haatan dib u qabsatay kooxda Al-Shabaab.

Askartan oo dhammaantood kasoo muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale loo haystaa inay xilliga ay baxsanayeen ay dileen Laba Xidigle Mustaf Nuur Suudi oo ku magac dheeraa Dhoobshaac, isla markaana ahaa taliyaha guutada Abuu-Dujaana ee Ciidamada Xoogga dalka.

Xeer ilaalinta ayaa 9 askari kusoo eedeysay baxsasho goobta dagaalka iyo inay lasoo tageen hubkii lagu difaacayay shacabka deegaanka, halka 2 kamid ah askartan si gaar ah loogu aoo eedeeyay inay dileen taliyaha kadib markii ay rasaas ku fureen, isaga oo isku dayay inuu ku celiyo furinta ay soo banneeyeen.

Inta ay socotay maxkamadda ayaa waxaa la geeyay marqaatiyeyaal goobjoog u ahaa dhacdadaas, kuwaas oo lagu wareystay goobta, kana warbixin falkaasi dilka ah.

Gaashaanle Dhexe Cabdullahi AbuukarXasan oo guddoomiyay fadhigan ayaa dhankiisa sheegay in maxkamadda ciidamada ay dib ka shaacin doono go’aanka kama dambeysta ah, ama xukunka 9 askari ee maanta la horgeeyay.

Allaha u naxariistee Taliye Mustaf ayaa ahaa Laba Xidigle ka mid ahaa saraakiisha ugu firfircooneed ciidankii lagu soo tababaray Eritrea, waxaana loo wareejiyey guutada Abuu-dujaana oo ah ciidan 3 bilood kaliya lagu soo tababaray dalka Uganda.

Meydka sarkaalkaas ayaa hadda lageeyey magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaana lagu guul-dareystay in la qabto askartii ka soo baxsatay difaaca ee dishay Taliyahooda.

Taliye Mustaf Nuur Suudi, oo ku magac dheeraa Mustaf Dhoobshaac, wuxuu sidoo kale ka mid ahaa saraakiishii deegaanada badan ka xoreysay argagixisada, waxaana laga jeclaa gudaha ciidanka, balse todobadii bishan ayuu ku baxay gacanta ciidankii uu taliyaha u ahaa.

Ciidanka Abuu-Dujaana, waa hal guuto oo dhawaan lagu soo tababaray dalka Uganda, waxay qaateen koorso yar oo 3 bilood ah, waxaana lagu tilmaamaa ciidan aad u fowdo badan.

Dhowr jeer ayey dileen saraakiishooda, kana soo baxeen furimaha dagaalka, iyagoo gadood muujinaya, sarkaal kale oo taliyaha ay caawa dileen ku heyb ahaa ayay hadda ka hor ku dileen deegaanka Masaajid Cali-gaduud ee gobolka Sh/Dhexe.

Hoos ka daawo

Deni oo war cusub kasoo saaray dagaalkii Laascaanood iyo maamulka SSC-Khaatumo

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mar kale ka hadlay dagaalladii dhex-maray maamulka Somaliland iyo ciidamada SSC-Khaatumo ee dadka badan ay ku dhinteen.

Deni ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ka soo daashey dagaal sidaas darteed loo baahan yahay wada noolaansho iyo deris-wanaag waxaana uu Somaliland ugu baaqey in ay joojiyaan colaada ay u soo abaabuleyso gobolka Sool.

“Waxaa xaqiiqo ah dagaalkii gobolka Soola ka dhacay oo dadka reer Puntland iyo dhamaan SSC is-difaac iyo in ay karaamadooda ilaaliyaan ku dhacay, waxaan ku baaqeynaa in dagaalkaasi aanu mar danbe soo noqon, waxaan ka rajeyneynaa maamulka Somaliland in uu nabadda iyo wanaaga ka shaqeeyo, waxaan diyaar u nahay in cidkasta oo nabad iyo wanaag dooneysa aan la fariisano,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlaayey siyaasadda SSC-Khaatumo ay Puntland ku wajahayso ayaa yiri “Waxa muhim ah in dadka doonitaankiisa la ilaaliyo, SSC-Khaatumo waa xaqiiqo jirta, horey ayaan u sheegnay, waxaan ixtiraameynaa ra’yigooda. Waxaan rajeyneynaa xukuumadda Puntland oo ku dhisan dastuurkeeda iyo qawaaniinteeda oo dhulkii iyo dadkii asaasey ay saldhig u yihiin, haddana deegaankii doona in ay aragti cusub la yimaadaan, dowladda Puntland si degan oo maslaxadda dalku ku jirto ayey u abaareysaa….”

Madaxweynaha Puntand ayaa ku baaqey in colaad laga soo daaley, dhankooda ay is xakameynayaan oo doonayaan wada noolaansho iyo nabad, cidkasta oo nabad dooneysa ay la fariisanayaan.

Biden iyo Donald Trump oo si rasmi ah ugu guuleystay musharaxnimada madaxweyne

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay ku guuleystay magacaabista musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Dimoqraadiga uga qeybgali doonaan doorashada madaxweynaha ee bisha November, halka madaxweynihii hore ee Donald Trump uu noqday musharaxa Jamhuuriga.

Biden waxa uu la kulmay mucaarad magac u yaal ah, si uu u noqdo musharraxa Dimoqraadiga, waxaana uu xalay ka gudbay tiradii ergada ee looga baahnaa oo aheyd 1,968, sida ay qortay Reuters.

Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku guuleystay magacaabista xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxweynaha, kadib markii uu helay ergo ku filan.

Trump ayaa ku guuleystay doorashooyinkii shalay ka dhacay gobollada Georgia, Mississippi, Washington iyo Hawaii, isaga oo helay 137 oo ergo oo dheeri ah oo uu baahnaa, si uu ugu guuleysto musharaxnimada.

Guushii Trump ee Washington ayaa ka caawisay inuu dhaafo 1,215 ergo, oo aheyd tirada guud ee lagu helayo musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga, oo cidna aysan hadda kula tartameyn.

Trump wuxuu bilowgii doorashada la loolamay dhowr musharrax, oo ay ku jiraan safiirkii hore ee Qaramada Midoobay Nikki Haley iyo guddoomiyahaa gobolka Florida Ron DeSantis, kuwaas oo dhammaantood xilli dambe ka haray doorashada.

Musharixiinta kale, oo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Trump, Mike Pence, ayaa isaga baxay doorashada bilo kahor sababo la xiriira taageero la’aanta codbixiyayaasha oo sida muuqata intooda badan ay doorbidayaan Trump.

Labada musharrax, Biden iyo Trump ayaa si buuxda u ololeynaya siddeed bilood ka hor doorashada, iyaga oo midba midka kale ku weeraray fursad kasta oo suurtagal ah.