25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

SHEEKH SHARIIF oo farriin culus u diray madaxda DF kadib weerarkii Hotel SYL

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray weerarkii ay Shabaab ka fuliyeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, isagoo fariin u diray madaxda dowladda federaalka.

Sheekh Shariif ayaa ugu horeyn canbaareyey weerarkii bahalnimada ahaa ee Al-shabaab ay ku beegsatay shacabkii iyo masuuliyiintii ku sugnaa Hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

“Weerarkaan arxan darrada ah ee argagixisadu soo qaaday iyadoo lagu guda jiro bishaan barakeysan ee Soonqaad, waxay cadeyn u tahay heerka ay ka taagan yihiin diinta iyo cadaawadda ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa u duceeyey oo caafimaad Alle uga baryey shacabkii iyo masuuliyiintii dhaawacyadu ka soo gaareen weerarka, kuwii dhintana naxariista Rabbi.

Gabagabadii qoraalkiisa wuxuu Sheekh Shariif farriin u diray dowladda, isagoo ugu baaqay in waxyaabaha kale oo dhan ay meel iska dhigto ee amniga muhiimada koowaad la siiyo, si loo badbaadiyo nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxaan soo jeedinayaa in dowladdu mudnaanta koowaad siiso sugidda amniga iio ciribtirka argagixisada, si looga gudbo dayaca iyo habacsanaanta amni, shacabkuna u dareemaan nabad geliyo la isku haleyn karo,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal ka soo saaray weerarkii SYL.

Ciidamada amniga ayaa maanta duhurkii soo afjaray weerar qaatay in ka badan 10 saacadood, waxaana lasoo bandhigay afar Shabaab ah oo lagu dhex toogtay hotelka, kuwaas oo muddo dagaalamayey dad badana dhaawacay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilaabay inuu la xisaabtamo hey’adaha amniga, sida booliska, NISA iyo ciidanka ilaalada madaxtooyada oo askar iyo saraakiil laga xiray, maadaama ay masuul ka yihiin amniga meesha uu ku yaallo Hotelka la weeraray.

Xasan oo tegay xarunta NISA iyo isla xisaabtan adag oo ka dhashay weerarkii SYL

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaqdhaqaaq badan sameeyey tan iyo markii xalay dagaalyahano hubeysan oo Shabaab ka tirsan ay gudaha u galeen hotelka SYL oo ka soo horjeeda Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyanaha ayaa deg deg u tegay xarunta NISA ee Habar-khadiija, isagoo raadinaya xogta sida ay Shabaab ugu suurta-gashay inay soo galaan goobta ay weerarka gaysteen.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeer ku tagay xarunta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay warbixino horudhac ah oo ku saabsan weerarkii argagixiso ee hotel SYL,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Villa Somalia.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka amniga ah, xubnaha weerarka geystay ayaa hotelka ka soo galay dhanka Sayidka, iyagoo aqoonsi dowladeed ku soo dhaafay barta kontrol ee laga ilaaliyo madaxtooyada.

Waxaa la xiray askar iyo saraakiil shaqada ku jirtay xiliga ay soo gudbeen ragga weerarka geystay, sidoo kale waxaa la helay muuqaalada markii ay gudbayeen iyo askarta fasaxday raggii Shabaab-ka ahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta duhurkii tegay Hotelka markii lasoo gabagabeeyey howlgalka oo la dilay xubnihii Shabaab-ka ahaa ee saacadaha badan ka dagaalamayey gudaha Hotelka.

Meydadka afar nin oo raggii weerarka geystay ah ayaa banaanka la soo dhagay maanta duhurkii, booliska oo warbixin ka soo saaray weerarkaas ayaa sheegay in 17 qof iyo 9-askari oo boolis ah ay ku dhaawacmeen weerarkaas, halka saddes askari ay ku dhinteen.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay weerarkii argagixisada Khawaarijta ee ka dhacay hotelka SYL.

Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay dhaawacyadan ayaa Alle u weydiiyay caafimaad degdeg ah.

Cabdullaahi Warsame oo shaaciyay tacadi ay NISA kula kacday xalay intii uu socday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Warsame Rooble oo ah Suxufi ka tirsan warbaahinta dowladda, oo muddooyinkii dambena ka soo warami jiray furimaha hore ee dagaalka ayaa shaaciyay tacadi ay ciidanka NISA kula kaceen.

Cabdullaahi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in xalay ciidan ka tirsan NISA, gaar ahaan kuwa dharcad ay jirdil ba’an u geysteen, xilli uu marayay jidka Maka Al-Mukarama.

Suxufiga ayaa sheegay in dharcadka jirdishay ay u sheegeen in ay muddo ku daba jireen, sida muuqatana ay ahaayeen kuwo ku socday xog ogaalnimo badan, sida uu sheegay Suxufiga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dharcadka NISA ee jirdilka u geystay ay ka qaateen laba telefoon oo uu watay, islamarkaan ay qasab uga qorten fura-sireedyada (Passwords) walba oo lagu furo Applications-ka ku jira mobile-kiisa, sida uu sheegay.

Dhacdadan ayaa dhacdey xilli ay hoteelka SYL ku jireen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayna ka dhex dagaalamayeen, islamarkaana ay xaalad amni oo halis ah ka jirtay gudaha magaalada Muqdisho.

Hoos ka aqriso qoraalka

Xalay abbaare 3:30 aniga oo ka suxuurtay maqaayad ku taalla jidka Maka-Almukarama kuna socda xaafaddeyda ayaa waxaa i qabtay 4 nin oo dharcad nabad sugid ah.

Waxay ii geysteen jirdil, iyagoo qaatay laba taleefan oo aan lahaa, isla markaana iga qortay Password walba oo lagu furo Applications-ka ku jira mobilkeyga.

Waxay ii sheegeen in ay maalmahanba i daba socdeen oo la iisoo diray. Sida ka muuqata warkoodana waxey ahaayeen rag ku socday xog ogaalnimo badan.

Waxaan idiin soo gudbin doonaa muqaal aan arrinkaas ku faah-faahinayo.

Sawirro: Xasan oo soo arkay mas’uuliyiin iyo dad kale oo ku waxyeeloobay weerarka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada ku waxyeeloobay weerarkii hoteelka SYL.

Madaxweyne Xasan ayaa indhaha soo saaray baaxadda waxyeeladda mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed kasoo gaartay weerarkii ay xalay maleeshiyaad Al-Shabaab ah ku qaadeen hoteelkaasi, oo aad ugu dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay dhaawacyadan ayaa Alle u weydiiyay caafimaad deg deg ah, isaga oo warbixinno ka dhageystay maamulka Isbitaalka.

Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn kormeer ku tagay xarunta hay’adda Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay warbixino horudhac ah oo ku saabsan weerarkii argagixiso ee hotel SYL.

Weerarkan ayaa waxaa loo soo xiray saraakiil ka tirsan ciidanka iyo askar kamid aheyd kuwii ku sugnaa barta-kontorool ee laga soo gudbay, sida ay hore u baahisay Caasimada Online.

Waxaa la rumeysan yahay in saraakiil sare ku lug lahaayeen weerarkan iyo soo deysmadiisa, waxaana socota baarista weerarka oo si weyn uga qeyb qaadanayaan kaamiradaha amni ee ku xiran magaalada Muqdisho.

Si kastaba, weerarkan ayaa sida la fahamsan yahay laga gaarin ujeedkii laga lahaa, ayada oo Alle uu sakhiray waxyeeladda ka dhalatay, ayna ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwii halkaasi ka agdhawa ee Ilaaladda Madaxtooyadda ay maleeshiyaadka ku qasbeen in xayndaab gabaad ah ka dhex sameystaan gudaha hoteelka oo aysan ka fulin toogasho toos ah, sida ay rabeen.

Sawirro: Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo deg deg ah kadib weerarkii Hotel SYL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe) ayaa saacado kadib markii lasoo afjaray weerarkii hoteelka SYL booqday Isbitaalka Digfeer.

Isbitaalkan ayaa waxaa ku jira dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii xalay dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaadeen hoteelka SYLC ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadda, isaga oo Allah uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina xusay in dhaawacyada aadka u daran loo qaadi doono dalka dibadiisa, si halkaasi loogu soo dabiibo xaaladooda caafimaad.

Weerarkii bahal-nimada ahaa ee SYL ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, halka uu burbur xoogan soo gaaray hoteelka weerarka lagu qaaday, halkaasi oo saacado badan ka dhex dagaalamayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasi oo ugu dambeyntii la toogtay dhamaantood.

Booliska ayaa xaqiijiyay in weerarka ay ku dhaawacmeen illaa 27 ruux, halka ay ku naf waayeen 3 kale, oo ahaa geesiyaashii ciidanka xoogga dalka ee la dagaalamayay maleeshiyaadka weerarka fuliyay.

Sidoo kale, xogaha aan ka helayno weerarkan ayaa sheegaya in durba loo soo xiray saraakiil ka tirsan ciidanka iyo askar kamid aheyd kuwii ku sugnaa barta-kontorool ee laga soo gudbay.

Waxaa la rumeysan yahay in saraakiil sare ku lug lahaayeen weerarkan iyo soo deysmadiisa, waxaana socota baarista weerarka oo si weyn uga qeyb qaadanayaan kaamiradaha amni ee ku xiran magaalada Muqdisho.

Xog: Saraakiil la xiray iyo halka ay ka gudbeen Shabaab-kii fuliyay weerarka Hotel SYL

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xogo dheeraad ah laga helaya weerarkii saacadaha qaatay ee xalay dagaal-yahaano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Shabaab-kii fuliyay weerarka iyo gawaarida ay wateen ayaa kasoo gudbay barta-kontorool oo ku yaalla isgoyska Sayidka, sida ay muujineyso baarista hordhaca ah ee ay wadaan laamaha amniga.

Kontoraalka Sayidka ayaa ah kontroolka ugu adag ee laga ilaaliyo xeyndaabka Madaxtooyada, waxaana soo baxeysa in weerarkan la fududeeyay, maadaama aan halkaasi laga gudbi karin bilaa ID-card, ayna adag tahay in qof iska caadi ah uu ka gudbo.

Sida ay muujinayaan kaamiradaha, mid kamid gawaarida ay wateen kooxda ayaa kasoo gudbay isgoyska Sayidka, ayada oo markii uu kontoraalka kasoo gudbay ay dhexda ka raaceen maleeshiyaad kale.

Illo-wareedyo ka tirsan hay’ddaha amniga ayaa waxay sheegayaan in gaariga koowaad ee qarxay uu baakina meesha banaanka ah ee gudaha hoteelka, kadibna uu ku dhuftay albaab isla gudaha hoteelka ku yaalla.

Gaariga labaad oo ahaa nooca loo yaqaan qooqanta, ayaa markii qaraxa koowaad dhacay waxa uu isna ku qarxay albaabka hoteelka ee banaanka hore.

Xogaha aan helayno ayaa intaasi kusii dareysa in weerarkan loo xiray saraakiil ka tirsan ciidanka iyo askar kamid aheyd kuwii ku sugnaa barta-kontorool ee laga soo gudbay.

Waxaa la rumeysan yahay in saraakiil sare ku lug lahaayeen weerarkan iyo soo deysmadiisa. Waxaana soo baxeysa in gawaarida weerarka lagu fuliyay in midkoodna aysan qaraxyada gudihiisa lagu soo diyaarin, balse ay ahaayeen qaraxyo caadi loo soo saaray.

Baarista weerarkan ayaa socota, waxaana si weyn uga qeyb qaadanaya baaristan kaamiradaha amni ee ku xiran magaalada Muqdisho, taasi oo hadda ka socota xarunta Taliska Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka, halkaasi oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Booliska DF oo war kasoo saaray weerarkii Hotel SYL, shaaciyayna arrin yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd markii ugu horreysay ka hadlay weerarkii saacadaha badan qaatay ee hoteelka SYL, kadib markii goor sii horeysay lasoo afjaray weerarkaasi.

Afhayeenka Booliska oo warbaahinta kula hadlay agagaarka hoteelka la weeraray ayaa shaaciyay in weerarkaasi ku dhaawacmeen illaa 27 ruux, halka ay ku naf waayeen ciidan gaaraya illaa saddex saddex askari.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay toogteen dhamaan maleeshiyaaddii weerarka soo qaaday oo tiradooda ahaayeen shan dagaal-yahan, kuwaasi oo uu sheegay in ay si dhuumaleysi ah kusoo gaareen goobta ay weerarka ka fuliyeen.

“Khawaarijta waxay 9:30 habeenimo weerar dhuumaleysi ah ku qaadeen hoteelka SYL, ciidanka nabadgelyada oo si deg deg ah uga jawaabaya saacada kadib wuxuu banaanka soo dhigay shantii Khawaarijta ahaa ee gudaha u gashay hoteelka SYL,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Booliska.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay weerarka ay ku jiraan Xildhibaanno, kuwaasi oo uu sheegay in uusan cusleyn dhaawacooda, ayna lugahooda uga tageen goobta uu weerarka ka dhacay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xaaladda amni ee hoteelka iyo agagaarkiisa ay sidii caadiga aheyd kusoo laabaneyso, “Nabad-gelyo fiican ayaa jirta hoteelkii nabad weeyi, Xildhibaannadii iyo intii hoteelka daganeyd dib ayay ugu noq-noqonayaan.”

Booliska ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo sida ay dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku gaareen hoteelka ay saacadaha badan ka dagaalamayeen, maadaama uu ku yaallo irrida Madaxtooyada Soomaaliya.

“Arrintaas baaris ayay ku jirtaa hay’addaha nabad-gelyada u xil-saaran oo sida ay wax u dhaceen baaristeedii waa la daba jooga. Xaaladda illaa hadda baaris ayay ku jirtaa dhacdaduna wey cusub tahay, waxa kasoo baxana saxaafada lala wadaagi doona.”

Si kastaba, Kooxda weerarka fulisay iyo gawaari qaraxyo ku rarnaayeen oo ay wateeen ayaa ka gudbay Kontroolo adag oo looga gudbo goobta ay weerarka ka fuliyeen, taasi oo sare usii qaadeysa tuhunka in loo fududeeyay, halka Booliska uu lasoo shir tegay inay si dhuumaleysi ah ku gaareen halkaasi.

Weerarka SYL oo banaanka keenay sida ay kooxda Al-Shabaab uga faa’iideysatay…

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Weerarka ay xalay kooxda Al-Shabaab ku gashay Hoteelka SYL ayaa u muuqda mid ay kooxda kaga faa’iideysatay dabaca muddooyinkii dambe ka jiray furimaha dagaalka, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu si weyn ugu cambaareeyay weerarkan argagixiso, isagoo madaxda sare ee dalka ugu baaqay in mudnaanta koowaad la siiyo dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaan canbaaraynayaa weerarka ay argagexisada AS ku qaaday Hotel SYL. Allaha u naxariisto intii ku dhimatay, una booga-dhayo inta dhaawaca ah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu yiri “Argagaxisadu waa cadow diin, dad, dal iyo dawlad. Ramadaan oo ah bishii quraanku soo degey ayey dad Muslim ah oo maanta oo idil soomanaa, salaad taraawiix ahna u taagnaa weerar ku qaadeen.”

Xildhibaanka ayaa xusay sida ay Muqdisho uga reysatay dhagarta cadowga bilihii lasoo dhaafay, isagoo weerarkan ku sababeeyay mid ku yimid dabaca furimaha ee kooxda Al-Shabaab, xilli dhawaan ay ciidanka soo baneeyeen deegaano uu dhiig badan ku daatay oo horey looga xoreeyay kooxda.

“Muqdisho in muddo ah ayey ka raysatay weerarradooda, waxaase muuqata in ay fursad ka heleen dabaca ka jira farumaha dagaalka,” ayuu yiri Xildhibaanka.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku taliyay in dowladda Xasan Sheekh ay dhinac iska dhigto wax walba oo qaybsanaan iyo habacsanaan keeni kara, islamarkaana ay awoodeeda iskugu geyso dagaalka argagixisada.

“Waa in mudnaanta la isugu geeyo dagaalka cadawga, dibna la iskaga dhigo waxkasta oo qaybsanaan iyo habacsanaan keeni kara.”

Sawirro: Weerarkii hotel SYL oo la soo afjaray iyo ciidanka DF oo toogtay maleeshiyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay saacado kadib inay soo afjaraan weerarkii kooxda Al-Shabaab ee hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa waxay wada toogteen dhamaan maleeshiyaadkii kooxda ee ka dhex dagaalamayey dhismaha hoteelka, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka.

Weerarkan oo qaatay saacado badan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho, waxaana ugu dambeyntii goordhoweyd lagu guuleystay in lasoo afjaro.

Masuuliyiin badan ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka xalay soo billowda ee gudaha hotel SYL ee magaalada Muqdisho, sida ay muujineyso xog hordhac ah oo Caasimada Online ay ka heshay khasaaraha.

Taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad Cabdixamiid Fanax, Xildhibaan Cismaan Cali, Xildhibaan Fanax Cabdi, xildhibaan Ismaaciil Iidow oo ka waxa tirsan golaha shacabka, Senator Cabdirisaaq, afhayeenka xukuumadda Farxaan Jimcaale, Weriye Xasan Cadde iyo Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale ayaa ku dhaawacmay weerarka ka socda SYL.

Dagaal-yahaanadda kooxda ayaa xalay xoog ku galay dhismaha hoteelka kadib markii ay soo jiireen ayna qarax xooggan ku burburiyeen derbiga, markaasi oo la maqlay qarax weyn, kaasi oo ay xigtay rasaas.

Shabaabka geystay weerarkan ayaa la sheegaya in ay ahaayeen 5 nin oo hubeysan, waxaana u suurta-gashay iyaga iyo gawaari ay wateen inay kasoo gudbaan Kontroolo adag oo halkaasi ku yaalla, waxaana goobta uu ka dhacay weerarka u dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada dowladda oo saacado la dagaalamayay maleeshiyadda gudaha u gashay hoteelka, oo qaraxyo adeegsanaya ayaa ugu dambeyn goordhoweyd ku guuleysteen inay soo afjaraan, waxaana goobta ka socota baaris hordhac oo lagu hubinayo in qaraxyo galiyeen gudaha.

Tuhun xoogan oo ka dhashay weerarka SYL iyo dhinacyada ay farta ku godan tahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarka saacadaha qaatay soo afjaristiisu ee ka socda gudaha hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa durba ka dhashay tuhuno xooggan.

Weerarkan oo fajiciso noqday marka la eego halka uu ka dhacay oo u dhow Madaxtooyada Soomaaliya, oo ay adag tahay in uu tago qof shacab ah oo socda, iskaba daa gawaari iyo qaraxyo, waxaana aaggaas lagu tagaa ID-card.

Tuhunka u weyn ee laga muujinayo weerarkan ayaa ah in la fududeeyay weerarka, maadaama hoteelka la weeraray ay dhinacyadiisa yaallaan Koontaroolo adag oo sida qof caadi ah oo aan ID wadan mari karin, sida qarax iyo rag hubeysan ku tageen, iyada oo ilaalada hubeysan xilliyada qaar laga reebi jiray baabuurta.

Khubarada amniga ayaa muujinaya in marka la eego goobta la weeraray iyo sida maleeshiyaadka ugu suurta-gashay aysan ku iman qorshe Shabaab oo kaliya ee ay jiraan gacmo kale oo ku lamaan ama ugu yaraan u fududeeyay si ay u gooyaan Koontarooladda adag ee halkaasi yaalla.

“Wax iska caadi ah ma ahan in baabuur qaraxyo ku raran yihiin iyo rag hubeysan ay tagaan goobta la weeraray (Hoteel SYL) oo u dhow madaxtooyaddii qaranka, waxay muujinaysa sida ay lagama maarman u tahay in baaris dhab ah la helo, sida ugu dhaqsaha badana loo helo cid qaada masuuliyadda waxa dhacay,” ayuu yiri Khabiir amni oo la hadlay Caasimada Online.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Amniga Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo isagu horey uga digay qaraxyo iyo weeraro ka dhici kara Muqdisho ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyay shakiga in Al-Shabaab kaligeed ay geysatay weerarkan, sida uu ku yiri qoraalkiisa.

“Khawaarij hubeeysan oo gaari qooqan ah saaran, hadde ogoow gaari iyo ciidan Muqdisho waa ka mamnuuce ayaa Hotel SYL gaaray, kadibna ciidankii saarnaa ayaa hotelka galay, ugu danbeyna qooqantii ayaa qaraxday waana qaraxa taliyaha Haramcad dhaawaca culus gaarsiiyay iyo madaxda kale,” ayuu yiri Mr. Cali Yare.

Waxa uu bidhaamiyay in weerarkan uu ka gedisan yahay kuwii horey looga bartay kooxda, uuna kusoo aadayo xilli amniga Muqdisho uu soo reystay, oo qorshe cusub oo amni loo dhigay xaqiijinta ammaanka caasimadda, taasi oo farta ku fiiqeysa fududeynta jiho kale oo illaa hadda la aqoon.

“Waxaas oo dhan waxaa ka sii horeeyay gaari kale oo isagana darbiga lagu jabiyay. Halkaas markeey mareeyso waa wax wixii aan aqoon jirnay ka duwan ee maxaa magaalada kusoo kordhay oo Shabaab ka baxsan?.”

Fal-celin culus oo ka dhalatay hadalkii Maxamed Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa habeen hore khudbad muuqaal ah sii daayay, kaasi oo uu kaga hadlay dastuurka Soomaaliya oo wax ka beddelkiisa iyo dhameystirkiisa uu hadda horyaallo baarlamaanka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in hadii sidaan wax lagu sii wado ay taladu ka bixi doonto gacanta Soomaalida oo caalamku uu soo faro-gelin doono arrimaha dastuurka.

“Hadii ay dowladdu ka joogi weyso sida ay wax ku wado, caalamkuna soo farogelin waayo arrintaan, waxay noqoneysaa in qof kasta uu u laabto tuuladiisii,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in ajendaha dhanba uu qaldan yahay oo waxa socda aysan aheyn dhameystir ee dastuur bedel ay yihiin, isagoo tusaale u soo qaatay cutubka 4-aad oo maalmahaan doodiisa ay ka socoto kulamada baarlamaanka.

Hadal-hayn badan ayaa ka dhalatay khudbaddan oo dhowr iyo toban daqiiqo ahayd, ayada oo baraha bulshada siyaabo kala duwan looga fal-celiyey khudbada madaxweynihii hore ee dalka.

Siyaasiyiin ku jira dowladda ayaa dhaliilay khudbadaan, halka siyaasiyiin kale oo horena ay soo dhaweeyeen, sidoo kalena waxaa si weyn uga fal-celiyay qaybaha bulshada oo siyaabo kala duwan uga hadlay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah mas’uuliyiinta dowlada ee ka fal-celiyay khudbadii madaxweynihii hore ayaa waxa uu sheegay in khudbadaasi ay xujo ku tahay Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay.

“Mudane Xildhibaan Farmaajo sida aad u hadashay waa ka duwan tahay sida aad u dhaqantey markii aad xilka joogtey iyo sida aad qortay intaba!. Dadkuna kuwii guulwadayaasha kuu ahaa ma ahan! Fursad bixi shaqadiii aad qaban weyday lagu dhammaystir!,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, dadka ka fal-celiyay hadalka Farmaajo ayaa waxay yiraahdeen;

Cabdiwaaxid Aadan: “Ilaah idinkiis dastuurka waa la dhameynaya dalkana hore ayuu u soconayaa cid idiin joojineysa in aysan jirin, 33 sano looma dhama kusoo jirnay laakiin hada bulshada waa tashatay.”

Cabdiraxmaan Shucayb ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Dalkaan iyo dadkaan waxay u baahan yihiin hogaamiye adiga oo kale uma baahna qof gun ah. Mudane Madaxweyne Soo dhawoow umadda Soomaaliyeedna adey ku sugayaan.”

“Xishood ma jiro miyaa indha adeeg badnidaa, beel caalam waa taa horey wadanka uga ceyrisay xiriirna wanaagsana kaalama dhaxeeyo ee wejigaada dadka ka hor leexi,” ayuu yiri Saciid Abuukar Xuseen oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrinkaan.

Cusmaan Cadde: “Horta Waddaniyaddii Madaxweyne Farmaajo sow ma dhigeynin in siyaasiyiinta aanan xilalka heynin aysan tagin safaaradaha oo aanay u dacwoon diblomaasiyiinta shisheeye.”

Xog cusub oo kasoo baxeysa weerarka ka socda hotel SYL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal-yahaanadda kooxda Al-Shabaab ayaa weli ka dhex dagaalamaya Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay xalay ku galeen weerar ku billowday qaraxyo.

Hoteelkan oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lasoo warinayaa in weli rasaas laga maqlayo gudaha hoteelka, waxaana weli socda weerarkii xalay billowday.

Weerarka illaa hadda socda ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, iyada oo illaa haatan aan si rasmi ah loo ogeyn xadiga khasaaraha ka dhashay, mana jirto xog kasoo baxday dowladda Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay in weli gacanta ku hayaan dhismaha hoteelka, ayna halkaasi ka wadaan toogasho lagu beegsanayo masuuliyiinta dowladda iyo saraakiisha.

“Mujaahidiinta hubeysan ayaa gacanta ku haya hoteelka waxayna tooganayaan shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciidanka ee hoteelka,” ayaa lagu yiri war ay kooxda Al-Shabaab ka soo saartay weerarka, kuna sheegatay masuuliyaddiisa.

Dagaal-yahaanadda kooxda ayaa xoog ku galay dhismaha kadib markii ay soo jiireen ayna qarax xooggan ku burburiyeen derbiga, markaasi oo la maqlay qarax weyn, kaasi oo ay xigtay rasaas.

Dhinaca kale, Masuuliyiin badan ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka xalay soo billowda ee ka socda gudaha hotel SYL ee magaalada Muqdisho, sida ay muujineyso xog hordhac ah oo Caasimada Online ay ka heshay khasaaraha.

Taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad Cabdixamiid Fanax, Xildhibaan Cismaan Cali, Xildhibaan Fanax Cabdi, xildhibaan Ismaaciil Iidow oo ka waxa tirsan golaha shacabka, Senator Cabdirisaaq, afhayeenka xukuumadda Farxaan Jimcaale, Weriye Xasan Cadde iyo Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale ayaa ku dhaawacmay weerarka ka socda SYL.

Ciidanka weerarrada afjarka ah fuliya ee Alfa-group ayaa gudaha hotelka kula dagaalamaya maleeshiyadda, kuwaas oo doonaya inay soo afjaraan kooxda ka dhex dagaalameysa hotel SYL.

Hotelkaan oo ku yaalla irida laga galo madaxtooyada Soomaaliya waxaa adag inuu tago qof shacab ah oo socda, waxaana aaggaas lagu tagaa ID-card, waxaana la garan waayey halka ay soo mareen ragga weerarka fuliyey.

Heegan adag ayaa la geliyey dhamaan ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho, masuuliyiin badan ayaa ku dhaawacmay weerarka, kuwaas oo isbitaallada loo qaaday dhaawacyadooda, halka kuwa kale la aaminsan yahay inay ku go’doonsan yihiin gudaha Hotelka.

Magacyada mas’uuliyiinta ku dhaawacmay weerarka SYL – Maxaa ka socday hotelka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin badan ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka xalay ka dhacay gudaha hotel SYL ee magaalada Muqdisho, Caasimada Online ayaa xog hor dhac ah ka heshay khasaaraha.

Masuuliyiin ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa la sheegay inay ku shirayeen hotelka, sidoo kale waxaa joogay masuuliyiin kale oo xildhibaano u badnaa.

Taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad Cabdixamiid Fanax, Xildhibaan Cismaan Cali, Xildhibaan Fanax Cabdi, xildhibaan Ismaaciil Iidow oo ka waxa tirsan golaha shacabka, Senator Cabdirisaaq, afhayeenka xukuumadda Farxaan Jimcaale, Weriye Xasan Cadde iyo Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale ayaa ku dhaawacmay weerarka ka socda SYL.

Ugu horeyn weerarka ayaa ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo la sheegay in qof lagu soo xiray, qofkaasi wuxuu ku qarxay gaari maraayey banaanka hotelka.

Intii uu gaarigaasi gubanaayey waxaa gudaha Hotelka u daatay koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, waxayna toogasho ku bilaabeen masuuliyiintii joogtay hotelka.

Ciidanka weerarrada afjarka ah fuliya ee Alfa-group ayaa hadda gudaha u galay hotelka, kuwaas oo doonaya inay soo afjaraan kooxda ka dhex dagaalameysa hotel SYL.

Hotelkaan uu ku yaalla irida laga galo madaxtooyada Soomaaliya waxaa adag inuu tago qof shacab ah oo socda, waxaana aaggaas lagu tagaa ID-card, waxaana la garan waayey halka ay soo mareen ragga weerarka fuliyey.

Heegan adag ayaa la geliyey dhamaan ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho, masuuliyiin badan ayaa ku dhaawacmay weerarka, kuwaas oo isbitaallada loo qaaday dhaawacyadooda, halka kuwa kale la aaminsan yahay inay ku go’doonsan yihiin gudaha Hotelka.

Netanyahu oo wajahaya weji gabax weyn – Maxaa cusub?

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo la xiriira doorashada maamulkaasi, ayada oo uu weji gabax kala kulmay madaxda sare ee Yahuudda.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha Senate-ka ee Maraykanka Chuch Schumer oo ah masuulka ugu sarreeya ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Yuhuudda ee xil ka haya Maraykanka ayaa shalay ugu baaqay Israa’iil inay qabtaan doorasho cusub.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu “ambaday”, gaar ahaan marka laga hadlayo habka uu u maareeyey duqaynta marinka Gaza.

Schumer, oo wakhti dheer taageere u ahaa dalka Yuhuudda ayaa intaas ku daray in Netanyahu uu halis gelinayo dalkiisa, isaga oo ka dhigaya dal laga fogaado marka la joogo fagaarayaasha caalamiga ah.

Tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Xamaas weerarka ku qaadday Israa’iil ee ay dishay illaa 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, sidoo kalena ay kaxaysteen 240 kale, waxaa Israa’iil ay qaadday weerar rogaal celin ah, iyaga oo dilay in ka badan 31,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.

Al-Shabaab oo ka dhex dagaalamaya Hotel SYL iyo mas’uuliyiin weerarka ku…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa caawa weerar toos ah ka geysatay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel SYL oo ka soo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah weerarkaas ayaa ku bilowday qof is-miidaamiyey, kadibna waxaa hotelka gudaha u galay rag hubeysan.

Dagaalamayaasha Shabaab ee Hotelka galay ayaa bilaabay toogasho, welina waxaa socda howlgal ay ciidamada ammaanku kula dagaalamayaan kooxda ku jirta gudaha hotelka.

Sida ay sheegayaan warar hordhac ah taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad, Cabdixamiid Fanax ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarkaas, waxaana dhaawaciisa la geeyey isbitaalka Digfeer.

Qaraxyo kale ayaa ka dhacay banaanka hotelka, kuwaas oo kooxdu ay ugu tala gashay inay ku waxyeeloobaan ciidamada soo gurmada, ilaa hadda lama xaqiiji karo khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas ka dhashay.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo xildhibaano u badan ayaa la sheegay inay joogeen hotelka, kuwaas oo la xaqiijiyey in qaarkood lasoo badbaadiyey, welina waxaa gudaha Hotelka laga maqlayaa rasaas teel-teel ah.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ka socda SYL Hotel waxaa lasoo werinayaa inuu ku jiro xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale.

Ciidamada ammaanka ayaa wada dadaalo ay ku soo badbaadinayaan dadka ku jira gudaha Hotelka la weeraray, welina dowladdu wax war ah kama soo saarin weerarkaan ka socda afaafka hore ee Villa Somalia.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online Insha allah.

Abiy Axmed oo sanado kadib xabsiga ka daayey Cabdi Iley

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynahii hore ee deegaanka Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) ayaa maanta laga sii daayay xabsi ku yaalla magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib muddo lix sano ku dhow oo halkaas uu ku xiraa.

Bishii Ogoosto ee sanadkii 2018-kii ayaa xabsiga loo taxaabay Cabdi Iley, Iskendir Gezhne oo ah qareenka Cabdi Iley ayaa ayaa sheegay dacwad oogaha guud ee kiiska Cabdi Iley uu ka noqoday dhammaan waxyaabahii uu ku eedaysnaa.

Cabdi Iley ayaa xabsiga loo taxaabay shan sano iyo shan bilood ka hor, kadib markii xukunka dalkaas uu la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo hadda la daalaa dhacaya fashil ka heysta gudaha dalka iyo siyaasadda caalamka, waxaana xaalka Abiy uga sii daray damacii uu qarsa waayey ee ka soo galay badda Soomaaliya.

“Waxa aan xaqiijin karo ayaa ah in Cabdi lagasii daayay xabsiga galabta oo khamiis ah ayaa laga sii daayey, balse ma aana maqal wax codsi ah oo xeer ilaalinta uu u jeediyay,” ayuu qareenkii Cabdi Iley oo warbaahinta xogtaan siiyey.

Dad kale oo la xiraa Cabdi Iley, markii horana ka tirsanaa xukuumadiisa ayaa sidoo kale xabsiga Addis Ababa laga sii daayey maanta, dadkaas waxaa ka mid ah Raxma Haybe oo xubin sare ka ahayd maamulkii tacadiyada badan geystay ee  Cabdi Iley.

Waxyaabaha ay horay dacwado oogayaashu ugu soo eedeyn Cabdi Maxamuud Cumar waxaa ka mid ahaa in uu ku lug lahaa abaabul dhallinyrada ‘Heego’ – oo sida la sheegay dhibaato ka abuuraysay deegaanka, intii uu joogay xukunka.

Sidoo kale Cabdi Iley waxaa lagu soo oogay in uu masuul ka ahaa dhimashada 59 qof oo la dilay iyo 250 kale oo ku dhaawacmay xarumo dowladeed iyo kuwo diimeed oo lagu burburiyay rabshado ka dhacay Jigjiga iyo magaalooyin kale, maalmihii ugu dambeeyey xukunkiisa.

Dadka maanta lala sii daayey Cabdi Iley waxaa ku jiray wiil loo heystay kufsi gabar Itoobiyaan ah loo geystay sanadkii 2018-kii, wiilkaas waxaa la sheegay in markii la xiray uusan qaangaar aheyn.

Warqad ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa maanta lagu sii daayey Cabdi Iley iyo dhowr qof oo markii hore lala xiray, go’aanka sii deynta maxaabiistaas waxaa toos u fulisay xeer ilaalinta Itoobiya.

DF oo go’aan culus ka gaartay shirarka hey’adaha DF ee lagu qabto dalalka shisheeye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta gaaray go’aan ay ku joojiyeen in shirarka khuseeya hey’adaha dowladda Soomaaliya lagu qabto meel ka baxsan dalka.

Qeyb ka mid ah qoraal maanta ka soo baxay shirkii golaha ayaa lagu cadeeyey go’aankaan, tan iyo markii ay burburtay Soomaaliya waxay u noleyd faro-gelinta shisheeye, qaar kamid ah shirarka muhiimka ah ee xaaladda dalka ku saabsana waxaa lagu qaba jiray dalal kale.

Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii maanta ay Golaha Wasiirada ku yeesheen Muqdisho, oo uu guddiimiye ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kadib soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

“Golaha ayaa joojiyey shirarka khuseeya Hey’adaha Dowladda ee lagu qabto meel ka baxsan dalka, maadaama uu dalkeenu soo kabtay amni ahaan iyo horumar ahaanba, isla markaana aysan jirin baahi keenaysa in dalal shisheeye lagu qabto shirarka looga hadlaayo Soomaaliya, kadib soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri qoraalka xukuumadda.

Marar badan ayaa sidaan oo kale loo mamnuucay in shirarka looga hadlayo masiirka Soomaaliya lagu qabto dalka dibadiisa, laakiin weli lama xakameyn, waxaa maalmo ka hor shirar xasaasi ah lagu qabtay Nairobi iyo magaalooyin kale.

Dowladnimada Soomaaliya ayaa ka soo kabatay burburkii baaxadda lahaa ee gaaray, balse weli waxaa jira jileec u badan dhanka dhaqaalaha, taas oo mararka qaar khasab ka dhigeysa in shirar muhiim ah ay masuuliyiinta Soomaalidu u aadaan dal kale.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa shirkoodii maanta lagu soo bandhigay warbixinno la xariira amniga guud ee dalka, iyada oo goluhu xusay ‘mudnaanta ay leedahay in ay si dhow u wada shaqeeyaan hey’adaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed’ si looga hortago dhagaraha argagixisada.

Xilligaan lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, kooxaha argagixisada ah waxay kordhiyaan weerarrada, halka ciidamada amniga Soomaaliya ay kordhiyaan howlgallada ay uga hortegayaan falalka amni darrada ah.

CC Shakuur oo DF ku dhaliilay hanaanka loo dhisay golaha maanta lagu dhowaaqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn u dhaliilay hanaanka lagu soo dhisay Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo maanta golaha wasiirrada XFS ay magacaabidooda ansixiyeen.

Golahaas oo ka kooban sagaal xubnood ayuu Cabdiraxmaan sheegay in hanaan saxan aan loo marin soo xulidooda, isagoo xusay in aan laga talo-gelin ururrada saxaafadda, warbaahinta madaxa-banaan, tan dowladda iyo guddiga arrimaha warbaahinta u qaabilsan baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa soo tixay ilaa afar qodob oo waajibaadka guddigaan ka mid ah, wuxuuna sheegay in qodobadaas oo dhan aysan guda karin, saluugna ka muujiyey sida shaqada guddigaan ay noqo doonto.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ukuumadda ku eedeeyey kali talisnimo, wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan weli ka bixin nidaamkii kaligii taliska.

Hoos ka akhriso qoraalka CC Shakuur oo dhameystiran:

Saxaafadu waa tiir ka mid ah tiirarka dawlad wanaaga, waxaase ayaan dari ah in Golaha Warbaahinta Qaranka ee ay xukuumadu maanta ansixisay uu yahay mid baalmarsan sharciga saxaafada iyo qiyamka dimoqoraadiyada. Ujeeddada ugu  weyn ee Gole Warbaahin loo sameeyo waa;

1- In ay ilaaliyaan xuquuqda weriyeyaasha, xurmada xarumaha warbaahinta iyo guud ahaan xaqa bahda warbaahinta.

2- In ay muwaadinka ka ilaaliyaan xadgudubka kaga imaan kara saxaafada, suxufiyiinta iyo warbaahinta.

3- In ay baaraan islamarkaana dabagal ku sameeyaan dacwadaha la xiriira saxaafadda.

4- In ay ilaaliyaan ku dhaqanka xeerarka iyo anshaxa saxaafadda, kana shaqeyaan shuruucda la xiriirta saxaafadda ka hor inta aanan la horgeynin Goleyaasha sharci dejinta.

Haddaba si Goluhu u gudan karo waajibkiisa ayaa sharciga saxaafadda dhigayaa in xubnaha Golaha ay ka yimaadaan dhinacyada ay khuseyo, sida urrurada u dooda xuquuqda weriyeyaasha, mulkiileyaasha warbaahinta madaxa-bannaan, Dowladda iyo ururada bulshada rayidka oo matelaya dadweynaha, islamarkaana la marsiiyo hubin iyo turxaan bixin (vetting process), si loo hubiyo in ay ka bixi karaan mas’uuliyadda loo igmanayo iyo in kale.

Soomaaliya si kasta uu Dastuurka dimoqoraadi u yahay, weli dhaxalkii kali talisnimada iyo in dawladdu wax kasta iyada ay magacawdo waa laga bixi la’yahay.

Haddii 9-kii xubnoodba ay Xukuumaddu soo jeedisay, yaa saamilaydii kale ee saxaafadda metelaya? Maxayse tahay sababta dhinacyada ay khuseyso looga tallo-gelin waayay, xubnana ay ugu yeelan waayeen?. Guddiga Baarlamaanka ee saxaafadda waa in uu arrinkan baaritaan ku sameeyo.

XOG: Sababta ay DF sida indho la’aanta ugu ogolaatay heshiiska Imaaraatka Carabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiska millateri ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ay qalinka ku duugeen bishii Febraayo ee sanadkii hore 2023-ka ayaa waxaa laga helaya xogo dheeraad ah.

Heshiiskan oo ah mid xasaasi ah ayaa illaa hadda uusan meel-marin baarlamaanka, ayada oo uu soo dhaafay Golaha Wasiirrada waxaana soo baxeysa in markii ay Muqdisho qalinka ku duugaysay ay walwal ka qabtay doorashada Turkiga.

Soomaaliya ayaa dhawaan Turkiga la saxiixatay heshiis lamid ah kan Imaaraadka Carabta, ayada oo heshiiska Ankara uu deg deg ku ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya.

Sida ay baahisay majaladda Middle East Eye oo soo xiganeysa illo wareedyo ku dhow Villa Somalia, dowladda Xasan Sheekh ayaa markii ay heshiiska la galeysay Abu Dhabi maanka ku haysay doorashada madaxtinimada Turkiga ee May 2023.

Doorashadaasi ayaa ra’yi ururin la sameeyay waxay xilligaasi muujineysay in Recep Tayyip Erdoğan uu ku guul-dareysan karo tartanka, taasi oo Muqdisho ku kaliftay in Imaaraadka la saxiixato si aysan u waayin heshiiska difaac.

“Soomaaliya ayaa xilligaasi isku dhiibtay Imaaraadka si ay u hesho dal buuxiya booska Turkiga haddii Erdogan uu kusoo laaban waayo doorashada,” ayay illo wareedyo kale u sheegeen majaladda Middle East Eye.

Xogta ayaa intaasi kusii dareysa in isbeddelka ku yimid Muqdisho uu soo dedejiyay markii uu xoogeystay xiriirka Ethiopia iyo Somaliland, kaasi oo gaaray heer ay Somaliland ku dhiirato inay dhul badeed ka siiso biyaha Soomaaliya.

Majaladda ayaa sidoo kale waxaa warbixinteeda lagu caddeeyay in xukuumadda Dooxa ay taageersan tahay is-fahamka xukuumadda Ankara iyo Muqdisho, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo kala dhaxeysa Itoobiya.

Si kastaba, heshiiska Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan qodobbo xasaasi ah oo halis ah ayaa weli si rasmi ah dhaqan-gal u noqon, inkasta oo uu gudaha dalka ka bilaabay dhaq-dhaqaaq uu xaq u siinayo heshiiska ay la gashay Muqdisho.

FARMAAJO ‘oo ay godkiisa biyo ugu soo galeen’ kadib tallaabadii uu xalay qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa soo hadal qaaday Chapter 7, kaasi oo ka dhigan in Soomaaliya aysan weli madax-banaanideeda dhameystirneyn.

Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu weli ku jiro Cutubka 7-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, isagoo tilmaamay awoodda uu caalamka u leeyahay inuu soo faro-gelin karo xiisadda dastuurka ee u dhaxeysa dowladda Xasan iyo madaxdii hore ee uu kamid yahay.

“Dalkaan wuxuu ku jira Chapter 7, weli kama uu bixin, haddii aan is qaban weyno waxaa qasab ah in beesha caalamka ay garbo duub noo qabato,” ayuu yiri, isagoo sii raaciyay “Haddii nala sii daayo (caalamka nasoo dhex gali waayo) qof walba tuulladiisa uu ku laabanayaa oo Qarannimadeenna sidaas ayay nooga burbureysa.”

Inkasta oo mararka qaar dhaqamada beesha caalamka ku dareensiinayaan in Soomaaliya aanay si buuxa uga dhamaanin Cutubka 7-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, haddana hadalkaan dad badan kama fileyn Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muddo xileedkiisi muujin jiray wax la yiraahdo “Waddaniyad” iyo in uusan waxba ka goyn karin ajnabiga gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu ahaa siyaasi marwalba sheega inay Soomaaliya tahay dal madax-banaan, ajnabiga waxba u yeerin karin lana soo fara-gelin karin, halka uu taasi caksigeed uu xalay lasoo fariistay.

Fallan-qeeyayaasha ayaa qaba in dadka doodda ka keenay arrinkaan ay tahay mid la aqbali karo, ayna Farmaajo godkiisa biyo ugu soo galeen.

Madaxweynihii hore ayaa xalay inta uusan qaban shirka jaraa’id waxa uu ka hor tegay xerada Xalane oo xarun u ah wakiiladda beesha caalamka ee Soomaaliya, asaga oo la kulmay masuuliyiinta u sarreysa safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mr. Farmaajo ayaa Mareykanka kala hadlay xiisadda dastuurka iyo doodda mucaaradka uu ka qabo qorshaha ay dowladda Xasan Sheekh rabto in ay ku meel-mariso wax ka beddelka ay rabto.

Farmaajo ayaa markaas Mareykanka u gudbiyay dacwad la xiriirta sida ay dowladda Xasan Sheekh u wado wax ka beddelka dastuurka, oo ay ku jiraan qodobbo masiiri ah oo saameynaya haykalka dowladnimada Soomaaliya.

Si kastaba, muuqaalkii uu xalay Farmaajo iska soo duubay oo soconayay in ka badan 10 daqiiqo ayaa wuxuu dowladda Xasan Sheekh uga dalbaday inay ka joogto halka ay u jiheyneyso dalkaan, isagoo uga digay dhibaatooyin ka dhalan kara haddii uu qorshahaani hir-galo.