26.7 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Burcad badeeddii afduubatay markabka RUEN oo isku dhiibay ciidanka Hindiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka badda Hindiya ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa soo badbaadiyey 17 shaqaale ah oo saarnaa markabka MV Ruen oo muddo saddex bilood ah gacanta ugu jiray burcad baddeeda Soomaaliya, sida ay baahiyeen ciidaamadda badda ee Hindiya.

Howlgal qaaday saacado badan oo gacan ka hadal ah ayaa waxaa fuliyey Markabka dagaalka ee INSSubhadra oo ay caawinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa ilaalada ee aan duuliyaha lahayn, sida ay bartooda X ee hore loo oron jiray Twiter ku sheegeen ciidamada badda Hindiya.

Tirada burcad baddeeda ay ciidamada Hindiya ku qabteen howlgalkaas ayay ku sheegeen in ay dhan tahay 35 nin.

Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.

Dhinaca kale Puntland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso sida ciidamada Hindiya ay xeebahaas ugu fuliyeen howlgalkii labaad oo ay gacanta ku dhigeen burcad baddeed gacanta ku hayey doonyo iyo Markab ganacsi.

Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka badda ee Puntland, Axmed Yasiin Saalax oo la hadlay BBC ayaa sheegay in howlgalkaasi uu u quus gooyey cid walba oo damac kaga jiray sida uu hadalka u dhigay dib u soo nooleeynta falalkii burcad baddeeda.

“Waxaa hadda dhamaantood lagu hayaa Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Hindiya, markabkii ayaa waxyeelo ka gaartay dhanka qolka laga hago ka dib rasaastii ay muddada dheerayd is dhaafsanayeen burcadda iyo ciidamada Hinidya, isagana hadda waxaan xogta aan helnay sheegeysaa in farsamayaqaano ka howlgali doonaan, sida ugu dhaqsaha badana uu sii wadan doono safarkiisa” ayuu yiri Wasiirku.

Markabkaan oo lagu magacaabo MV Ruen, ayaa laga leeyahay dalka Bulgaariya, balse ku gooshayey calanka dalka Malta, kaas oo burcad baddeed Soomaali ah ka soo afduubeen biyaha caalamiga ah dhammaadkii sanadkii 2023-kii.

Sawirro: Dhacdo argagax leh oo ka dhacday BURCO, kadib markii ilmo yar lagu riday…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, taas oo ay aad ula yaabeen dadka deegaanka.

Falkan ayaa lagu kala kacay ilmo yar oo dhawaan uun dhashay, kadib markii lagu riday musqusha guri ku yaalla degmada Maxamed Cali ee magaladaasi.

Ciidanka dab-damiska Somaliland oo gurmad ku gaaray goobta ayaa soo badbaadiyay ilmaha yar oo nool, waxaana ay geeyeen isbitaalka guud ee magaalada oo haatan lagula tacaalayo xaaladdiisa caafimaad.

“Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa habeenimadii xalay soo badbaadiyay Ilmo yar oo lagu riday Musqul Degmada Maxamed Cali. Ilaahay mahadii Naftood hurayaasha Ciidanka Dabdemiska ayaa ku guuleystay inay ilmahaas yar ka soo samata-bixiyaan Suuliga isagoo nool, waxaana ciidanku isla markiiba gaadhsiiyeen cisbitaalka magaalada Burco” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Horay dhacdooyin kuwaan la mid ah ayaa uga dhacay deegaanada Somaliland, kuwaas oo ay wax ka qabashadooda u howlgaleen ciidanka dab-damiska, sida lagu sheegay qoraalka.

“Marar badan ayaa Dhacdooyin noocan oo kale ah ciidanku caruur kaga soo badbaadiyeen Musqulo lagu riday ama ku dhacay” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Dhinaca kale waxaa farriin loo diray shacabka Somaliland oo laga codsaday inay ciidanka lasoo xiriiraan, haddii ay halis dareemaan.

“Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa dadka falalka noocan ee arxandaradaa ka waantoobaan, tallaabo sharciga waafaqsana la marin doono”.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka “Hadii aad la kulanto masiibo dab waxaad soo wacdaa lambarka gurmadka degdega ah ee 990 24 ka saacadood shirkadaha Telesom iyo Somtel”

Si kastaba, dhacdadan ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana laga hadal haayaa baraha bulshada oo lagu baahiyay sawirrada ilmaha yar oo lagula tacaalayo isbitaalka magaalada Burco.

Xog: Xasan iyo Xamza oo qorsheynaya inay ciqaabaan ‘kuwii sahlay’ weerarka SYL

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xamza Cabdi Barre ayaa qorsheynaya in tallaabo laga qaado xubno ka tirsan dowladda si looga jawaabo weerarkii Al-Shabaab ay ku galeen Hotel SYL.

Labada mas’uul ayaa tan iyo weerarka qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin inay dhaawacyada ku booqdeen isbitaalka Erdogan oo la dhigay dad ay ka mid yihiin yihiin xildhibaano, afhayeenka xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Faysal Caraale Afrax.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tegay Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa Saraakiisha ka dhageystay warbixin horudhac ah oo ku aaddan xogta weerarka.

Wararka ayaa sheegaya in laamaha ammaanka ay wadaan baaritaano ay ku ururinayaan sida uu weerarka u dhacay iyo sida ay Shabaabkii weerarka soo qaaday ku soo gaareen SYL Hotel, oo ku yaalla goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, oo ah xeendaabka Villa Somalia.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada xafiis ee dalka ugu sarreya ay hay’adaha ammaanka ka doonayaan macluumaad sax ah, si cid loogu ciqaabo dayac amni oo la tuhunsan yahay inuu dhacay.

Weerar la fududeeyey

Waxaa jira tuhun xooggan oo ku saabsan in weerarka ay ku gacan leeyihiin xubno ka tirsan dowladda ama saraakiil ciidan oo fududeeyey, sababtoo ah aagga weerarka ayaa adag in xitaa uu u gudbo qof shacab ah oo aan haysan kaar aqoonsi.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay saddex askari, halka 27 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, oo isugu jira 18 shacab ah iyo 9 askari, sida uu sheegay afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Korneyl Qaasim Axmed Rooble.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii 4-aad ee ay Shabaabku ku qaadaan hotel ku yaala Muqdisho, tan iyo dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Hoteeladii ugu dambeeyay ee la weeraray ayaana kala ah Pearl, Villa Rays iyo Xayaat.

Ka dib weerarkii Hotel Xayaat oo dhacay bishii August ee sanadkii 2022, Ra’iisal Wasaare Barre ayaa xilligaasi ku hanjabay in dowladdu ay tallaabo adag ka qaadi doonto kuwa ku guuldareystay in waajibaadkooda ay gutaan.

Ra’iisal Wasaare Xamza ayaa intaasi ku daray in lala xisaabtami doono cid kasta, oo ay ku cadaato inay howsheeda dayacday, isagoona markaasi yiri “Lama aqbali karo in wixii dhacay oo kale nagu soo laabtaan.”

Hadalka adag ee Xamza uu xilligaasi jeediyay oo sidii caadada ahayd aanu ficil muuqdo ka dambayn ayaa keentay in weerarada hoteelada ay halkoodii ka sii socdaan.

Shabaabka ayaa muddo dhowr iyo toban sano ah weeraro ku haya Hoteellada Magaalada Muqdisho.

Dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray ayaa lagu dhaliilaa inaanay waxba ka baran weerar illaa weerar kale, waxaana dhif iyo naadir ah in cid loo maxkamadeeyo amaba ay xilkeeda ku weydo weerarada abaabulan ee Al-Shabaab.

Si kastaba, Madaxda Qaranka ayaa hadda la eegaya tallaabooyinka ay qaadi doonaan, kolka dhowrka cisho ee soo socdo la soo gaarsiiyo natiijada baaritaanka socda.

Sawirro: Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Burundi oo ka dhaqaaqay BALCAD

0

Balcad (Caasimada Online) –  Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa maanta ka dhaqaaqay degmada Balcad, ayaga oo isku fidiyay hareeraha magaaladaas oo ku taalla waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Ciidamada howlgallada wada ayaa waxaa horkacaya saddex xiddigle Xasan Cali iyo taliyaha Ciidamada Burundi Gaashaanle Ntakarutimana Thierry, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ATMIS.

Ujeedka ayaa ah in laga hortego weerarada ay halkaas kasoo abaabulaan Al-Shabaab, maadaama lagu jiro bisha Ramadaan.

“Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ATMIS ee fadhigoodu yahay Saldhiga Ceelka Geelow iyo Ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF), ayaa kordhiyey roondooyinka wadajirka ah ee ay ka sameeyaan degmada Balcad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, si ay uga hortagaan weerarada argagaxa leh ee ka dhanka ah shacabka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan’ ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ATMIS.

Sidoo kale waxa howlgalladan ee ay sida wadajirka ah u wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS lagu xaqiijinayo amniga waddada isku xirta Balcad iyo Jowhar oo inta badan ay soo galaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Howlgalka oo ay hogaaminayeen Taliyaha Ciidamada Burundi Gaashaanle Ntakarutimana Thierry iyo 3 xidigle Hassan Ali, oo ka tirrsan ciidanka amaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale sugay ammanka wadada muhiimka ah isku xirta Jowhar iyo Muqdisho (MSR) ee Shabeelada Dhexe” ayaa mar kale la raaciyay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Balcad.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah gobollada wajiga koowaad ee dagaalka dowladda lagu jebiyay Al-Shabaab oo inta badan laga xoreeyay gobolkaasi.

Daawo: TAAKEEYE oo si yaab leh u bedelay fikirkii xagjirka ahaa ee uu ka faafin jiray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sufyaan Axmed Taakeeye oo maanta la hor geeyey maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dafiray fikirkii uu la joogi jiray baraha bulshada, kaas oo muujinayey in ninkaan uu khatar ku yahay umadda, maadaama uu cadeysa jiray xagjirnimo.

Taakeeye oo markii hore aaminsanaa in Shabaab iyo dowladda ay yihiin dhinacyo isla mid ah oo dagaal ka dhaxeeyo, isla markaana uu wato xisbi kale oo doonaya in dalka uu ku maamulo shareecada islaamka ayaa maanta muujiyey inuu ka soo dabcay fikirkaas.

Yaxyaabaha la yaabka leh ee maanta uu Maxkamadda ka hor sheegay Sufyaan waxaa ku jirtay in dastuurka dalka uu wax ka dhameystirayo, maadaama uu yahay aqoonyahan weyn, halka markii hore uu aaminsanaa in dastuurka Soomaaliya uu uusan ‘waafaqsaneyn shareecada islaamka.’

“Xeer ilaalintu waxay iga bixisay sawir qaldan, waxay iga dhigeen nin doonaya in dalkaan uu qaribo, maahi ninkaas guddoomiye, waxaan ahay aqoonyahan, waligeyna argagixiso ma taageerin,” ayuu maxkmadda ka hor yiri Sufyaan.

Sufyaan Taakeeye ayaa muuqaalo tixane ah oo horay uu u baahiyey wuxuu ku sheegay in qaraxyada Shabaab-ka uusan waxaba u arkin, maadaama oo Shabaab ay dagaal kula jiraan dowladda, isagoo markaas Shabaab iyo dowladda ka dhigayey in aysan kala rooneyn.

Xisbigiisa wuxuu ula baxay ‘Talo Ku Nool’ wuxuu sheegay in uusan u ogoleyn inuu soo galo qof ka shaqeeya dagaal ama doonaya inay dagaal wax ku raadiyaan, isagoo sheegay inay sameynayaan xeelad kasta oo xukunka Soomaaliya ay kula wareeji lahaayeen.

“Waligey argagixiso ma taageerin, qeyb kama noqon, waana ka soo horjeedaa in qof Soomaali ah la dilo, shacabka kaliya maaha, ciidanka xildhibaanada iyo masuuliyiinta dowladda, in la dilo raali kama ihi,” ayuu yiri Taakeeye.

Ninkaan ayaa 3-dii October 2023 laga soo qabtay magaalada Nairobi, waxaana laga soo dejiyey Muqdisho, iyadoo maanta la hor geeyey maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Hoos ka daawo

Daawo: Diini “Siyaasadii markay ganacsi noqotay askartiina waxay noqdeen ganacsato”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diini Maxamed Diini oo ka mid ah masuuliyiinta ururrada bulshada rayidka ayaa hal talo oo muhiim ah siiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo aad u dhaliilay xildhibaanada Soomaaliya.

Sidoo kale Diini wuxuu aad u weeraray masuuliyiinta ka tirsan dowladda ee xilalka loo dhiibay, kuwaas oo sida uu sheegay ay ku jiraan xubno ganacsato ah oo faa’iido doon ah.

“Siyaasiyiintii ayaa hadda ganacsato noqday, askartiina ganacsato ayey noqdeen, rasaastii iyo shidaalkii loogu dhiibay askarta in la iibsado ayay gaartay, yaa dalkaan u dagaalamaaya,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Madaxweynaha uu kula talin lahaa in shaqada amniga qaranka wax aan aheyn uusan qaban, isla markaana uu aaminsan yahay in taas uu ku gaari karo mansabka ugu sareeya ee qof Soomaali ah uu gaaro.

“Madaxweynuhu dagaal ayuu bilaabay, natiijo fiican ayuu ka gaaray, anigu waxaan madaxweynaha kula tali lahaa, hadii shaqada amniga aad sidaas ku wado oo aadan ka mashquulin, waxaa ku gaari kartaa meel fiican oo aad taariikhda ku gasho,” ayuu yiri Diini.

Masuulkaan ururrada bulshada rayidka ayaa sheegay in labada sano ee u hartay madaxweynaha uu natiijo buuxda uga keeni karo howsha uga dhiman dhameystirka shaqada amniga, “ilaa hadda lama isticmaalin awooda shacabka, uma baahnid inaad shacabka adeejiso, waa inay iyagu is adeejiyaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Diini.

Sidoo kale Diini Maxamed Diini ayaa weeraray xildhibaanada, wuxuu sheegay in boqolaal kun ay si musuq ah ugu qaateen doorashooyinkii dhacay markii kursiga lasoo siiyey, hadana wuxuu sheegay in waxaba aysan qaban.

“Laaluushii ay soo qaateen ee boqolaalka kun ahaa ayaa lacag kale loogu sii daray, waxay dalkaan u qabtaan xildhibaanadu ma ii sheegi kartaa?” Ayuu yiri oo TV-ga Universal u waramay.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyay loolanka Somalia iyo Kenya ee kursiga madaxweynaha…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo haddana daris ah ayaa haatan si weyn ugu loolamayo hoggaanka sare ee Ururka Midowga Afrika, ayada oo la filayo in doorashada la qabto bisha Febraayo ee sanadka soo socda ee 2025.

Danjiraha Soomaaliya ee Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa oo si buuxda u metelaya dawladda Soomaaliya ayaa maanta xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa kaga qayb galay kulankii 22-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika, kaas oo diiradda lagu saaray doorashada soo wajahan ee hoggaanka sare ee lagu wado inay dhacdo bisha Febraayo ee sanadka 2025.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Muritania ahna guddoomiyaha Guddiga Fulinta Midowga Afrika Dr Mohamed Salem Ould ayaa shirkan kusoo bandhigay warbixin dhameystiran oo guddigu soo saaray, taasoo looga hadlay diyaargarowga loogu jiro doorashadan muhiimka ah ee hogaanka sare ee Midowga Afrika.

Soomaaliya oo goor horaba si rasmi ah u shaacisay inay u sharaxan tahay hogaaminta Midowga Afrika ee sanadaha 2025 ilaa 2029 ayaa dhankeeda abaabul xoogan iyo diyaar garow ugu jirta doorashada Midowga Afrika oo dhici doonta bisha Febraayo ee sanadka 2025.

Danjire Warfaa, ayaa shirkan ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo si gaar ah ugu nuux-nuux saday in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto hanashada hogaaminta Midowga Africa, isla markaana qorshayaasheeda wax qabad uu kamid yahay in la dar-dar geliyo hawlaha loo igmaday Ururka Midowga Afrika iyo sidoo kale xal u helidda xasaradaha ka taagan qaar kamid ah wadamada Afrika.

Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweynayso warbixinta diyaar garowga doorashada ee guddigu soo bandhigay, isagoo tilmaamay muhiimada ay leedahay in haweenka Afrika fursad loo siiyo inay kamid noqdaan hogaamiyayaasha Ururka Midowga Afrika iyo ka qayb galka doorashada soo aadan.

Mudo xileedka hoggaanka sare ee Midowga Afrika ayaa ah afar sano, waxaana la rajaynayaa in doorashada soo wajahan ee Guddiga Golaha Midowga Africa ay dhex mari doonto Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ay u kala sharaxan yihiin Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Raila Odinga.

Daawo: Sufyaan TAAKEEYE oo maanta kasoo muuqday maxkamadda ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Maxkamadda Darakada Koowaad ee ciidamada qalabka sida la horgeeyay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo horay looga soo qabtay dalka Kenya.

Ninkan ayaa muddo u xirnaa Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn maanta uu kasoo muuqday Maxkamadda Ciidamada.

Sufyaan Taakeeye oo ku caan baxay afar xaasle ayaa caan ka ahaa baraha bulshada, kahor inta uusan soo gelin gacanta dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa loo haystaa faafinta fikirka xagjirnimada ee argagixisada iyo marin habaabinta dadka.

Haddii lagu helo dambigan ayaa Taakeeye wuxuu muteysan doonaa xukun adag, gaar ahaan xabsi aad u dheer oo ay ku riddo Maxkamadda Ciidamada ee Soomaaliya.

Waxaa bishii October ee sanadkii hore laga soo qabtay ninkan magaalada Nairobi oo uu daganaa, isla-markaana laga soo dajiyay magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo qabashadiisa iska kaashadeen sirdoonada waddamada Kenya iyo Soomaaliya.

Waa ninkii labaad oo ay Kenya kaoso qabato Hay’adda NISA, waxaana Taakeeye ka horreeyay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo isna loo haysto inuu Al-Shabaab hubka uga soo iibin jiray dalka dibaddiisa, gaar ahaan waddanka Shiinaha.

Tuhunka cidda soo gudbisa qaraxyada oo sii xoogeystay iyo Cosoble oo shaaciyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib weerarkii tooska ah ee ay habeen kahor Al-Shabaab ku galeen hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay tuhun oo aad u wayn oo ka dhashay sida ay ku gaareen hoteelkaas oo aad ugu dhow madaxtooyada, ayna ka sugayaan koontaroolo ay joogaan ciidanka ammaanka, laguna hubiyo gawaarida.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inay iska cadahay in la gudbiyo qaraxyada, isaga oo sheegay in saraakiisha ay amar ku siiyaan askariga taleefoon, taasna ay tahay waxa Al-Shabaab u sahla weeraradooda iyo qaraxyada.

“Qaraxa waxaa in la gudbiyo ka shaqeeyo saraakiil taleefan ku amarta askariga la rabo inuu amniga ilaaliyo” ayuu yiri Cali Cosoble oo talo usoo jeediyay madaxweynaha iyo saraakiisha hay’adaha amniga dowladda.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “War maaha in maalin walba sidii xoolihii la iska daba wareego oo la yirahdo see ku soo gudbay iyo yaa soo daayay”.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Talo ku socota Taliyeyaasha Ciidamada iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Talada naga qaata ama suga inta ay gaalo sidaan idinka dhaheyso.

Qaraxa waxaa in la gudbiyo ka shaqeeyo saraakiil taleefan ku amarta askariga la rabo inuu amniga ilaaliyo.

Dunida dhamaanteed askariga amniga qaabilsan lama siin karo amar ah qofkaa sii daa iyo gaarigaas gudbi. Saacadda uu shaqada ku jiro wuxuu qabaa amar buuxa oo aan waxba laga beddeli karin.

Askariga waxaa laga rabaa inuusan qaadan amar ah sharciga jebi, weliba waa inuu iclaamiyo sarkaalka raba in sharciga la jebiyo.

War maaha in maalin walba sidii xoolihii la iska daba wareego oo la yirahdo see ku soo gudbay iyo yaa soo daayay.

Waxaa i heyso inaan hey’adaha UNka u qaabilsan amniga u gudbiyo farriintaan kana codsado iney idinla wadaagaan maadaama aad aaminsan tihiin in eynaan waxba ogeyn dalkana talo ku laheyn.

Xildhibaan shaaca ka qaaday mas’uuliyiin ku lug leh fashilka dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar (Caana-nuug) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, deegaanadii ay ciidamada kasoo baxeen ee ku yaalla gobolka Mudug.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Xildhibaanka oo wareysi siiyay Telefishinka Soomaali Cable ayaa tilmaamay in soo bixista ciidamada ee furimaha hore ay ka dambeyso siyaasad, isla markaana laga shaqeynayo in la filayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

“Ciidamada waa laga shaqeynayaa inay furimaha kasoo baxaan dadaa inay dhiigooda kursi ku helaa  rabo, laakiin ma helayaan ilaahey idamkiis, meelahoodiina waa ka noqonayaan, dalkana waa la xoreynayaa,” ayuu wareysigan ku yiri xildhibaan Caana-nuug.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Sida wax loo sheegaayo maahinee buun buuninta ayaa aad ugu badab, dad ayaa ka dhex raadinaayo dano gaar ah”.

Caana-nuug oo hadalkiisa sii wata ayaa eeddeyntan si gaar ah ugu jeediyay mucaaradka, gaar ahaan madaxdii hore ee dalka oo si weyn ay haatan isugu hayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madax hore oo dalkan soo xukuntay ayaa nacfi ka raadinaya dastuurka iyo furimaha, waxaana jira kuwa yar oo iyaga la shaqeynayo, balse waxba lagama weydiinayo horumarka socda” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Si kastaba, halgankii ka socday Galmudug ayaa hadda u muuqda mid u dhamaaday olole doorasho, koox taageersan Taliyaha NISA Mahad Salaad oo madaxweynaha Galmudug u hanqal taagaya ayaa Madaxweyne Qoor Qoor ku eedeyneysa inuu ka dambeeyo bixitaanka ciidanka, iyagoo sheegaya in madaxweynuhu uu ka shaqeynayo in lasoo baneeyo deegaano horleh.

Heshiiskii Somaliland iyo Ethiopia oo u muuqda mid buray iyo qodobada fashilmay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Heshiiska Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ee lagu gaaray magaalada Addis Ababa 1-dii Janaayo ee sanadkaan ayaa si weyn ugu hoos dhacay filashadii laga qabay.

Muuse Biixi oo u muuqday nin ay wax badan gacanta ugu jiraan markii uu heshiiska galaayay ayaa waa-cusub u baryay, waxaana Muqdisho xayirtay dhamaan tallaabooyinkii uu isku dayay inuu u qaado dhanka fulinta heshiiska.

Muuse Biixi iyo Abiy Axmed waxay ku heshiiyeen in 30 maalmood gudahood heshiiska looga dhigo mid rasmi ah, Itoobiyana ay ictiraafto Somaliland, laakiin maanta oo 2 bilood iyo dhowr iyo toban cisho laga joogo waqtigii heshiiska la saxiixay wax tallaabo ah oo dhaqan-gal ah lama qaadin.

Dhowr arrimood oo ay Muuse Biixi iyo Abiy Axmed isku dayeen ayaa midkoodna shaqeynin.

1. Fashilkii socdaalkii Hargeysa

Markii koowaad waxaa la isku dayay inuu magaalada Hargeysa tago wafdi sare oo Itoobiyaan ah oo la aaminsan yahay inuu ku jiray ra’iisul wasaare Abiy Axmed, laakiin Muqdisho ayaa qaaday duulaan hawada ah iyada oo celisay diyaarad siday wafdi hordhac u ahaa safarka Abiy Axmed ee magaalada.

Waxaa markaas abuurmatay cabsi ah in Muqdisho u bareeri doonto in diyaaradda Abiy ay hawada ka celisay, taasi oo si weyn u dhaawici kartay sumcada diyaaradda Ethiopian Airlines ee adduunka iyo midda ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Waxaa la sheegay inay Itoobiyaanka heleen xog ku saabsan inay Muqdisho sidaas u diyaar garowday. Safar dhulka ah ayaa laga fikiray si heshiiska dhameystirkiisa macno loogu yeelo, balse Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay ka cago jiideen.

2. Soo hormarinta aqoonsiga Somaliland

Midda labaad waxaa la isku dayay in Itoobiya ay soo hormariso aqoonsiga Somaliland, iyadana waxaa ka dhacay culeys iyo dib u gurasho.

Waxaana dhawaan wargeyska Bloomberg ee Mareykanku sheegay inay Itoobiya isku diyaarineyso inay qodobkaasi meesha ka saarto, iyada oo fiirineysa diidmada caalamka iyo mowqifka adag ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hargeysa kuma farxin dib u gurashada dhanka Itoobiya, laakiin waxay taasi dhinaca kale sawirtay sida uu madaxweyne Xasan Sheekh u shaqeeyay tan iyo markii xiisadda bilaabatay.

3. Isku-deyga wada-hadallada dowladda federaalka

Afar jeer oo kala duwan ayuu ra’iisul wasaaraha Itoobiya damcay inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inta ay xiisaddani taagneyd laakiin dhamaan ma suurta-galin, iyada oo madaxweyne Xasan uu dhamaan ku adkeystay in marka hore Abiy ka laabto is-afgaradkii Addis Ababa.

Abiy Axmed ayaa shirkii Midowga Afrika ee ugu dambeeyay waxa uu ka qirtay in madaxda Kenya, Jabuuti iyo Uganda ka dalbaday inay Xasan Sheekh la kulansiiyaan balse ay diidmada ka timid dhanka madaxweyne Xasan Sheekh.

4. Guul-daradda beesha caalamka ee heshiiska

Midda afaraad waa guul-darada lagala soo kulmay dhanka beesha caalamka. Itoobiya markii ay heshiiskan gashay kadib waxay qaaday olole diblumaasiyadeed oo ay rabtay inay caalamka kaga iibiso xaq ahaanshaha arrintaan.

Laakiin waxay waayeen hal dowlad oo aqbasha. Niyad-jab ayay Addis Ababa ka qaaday diidmada aan kala harka laheyn ee beesha caalamka, waxaana loo sheegay in Muqdisho ka saxan tahay.

5. Isku-deygii Nairobi

Midda 5-aad waa isku deygii asbuucan ee magaalada Nairobi, kaasi oo toddobaadkan dowladda Kenya u kala dab-qaaday laba wafdi oo ka kala socday Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxay isku dayeen Itoobiyaanka in nuxulka koowaad si dabacsan oo isku soo dhawaansho muujineysa loo qoro, iyada oo aan lasoo hadal qaadeyn ereyga “ka noqosho” balse si guud ay qabaan in heshiiska laga laabto.

Laakiin Soomaaliya ayaa diiday inuu hab qoraalka uu sidaas noqdo, waxayna ku adkeysteen dhinacii ka socday Soomaaliya in lagu qoro warqadda inay Itoobiya aqbashay in guud is-afgaradkii laga noqday, taasi oo keentay inay Itoobiyaanka dalbadaan waqti dheeri ah.

Qodobbadan waxay ka dhigan yihiin in tallaabo walba oo Itoobiya iyo Somaliland ay qaadeen tan iyo heshiiskii Addis Ababa in aanay shaqeynin, taasi oo si weyn u dhaawacday dad badan oo laga yaabo inay markii hore heshiiskan fursad beenaad uga dhex jeedeen.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo tegay xarumaha NISA iyo Booliska, kadibna amray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu kula kulmay taliyeyaasha Nabad-Sugidda iyo Booliska Mahad Salaad iyo Sulub Axmed Firin.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa warbixinno ku saabsan amniga dalka ka dhageystay Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyeyaasha ciidanka Booliska iyo NISA.

Intaas kadib ra’iisul wasaaraha ayaa amray hey’adaha amniga in ay dardargeliyaan xaqiijinta ammaanka, kana feejignaadaan weerarada kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho.

Sidoo kale Xamza Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab oo uu ku eedeeyay inay banneystay daadinta dhiigga bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in shacabka iyo ciidanku ay yeeshaan iskaashi dhow, si loo fashiliyo shirqoolka cadowga.

Shalay waxaa xarunta NISA ee Habar-khadiija tegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,  isagoo raadinaya xogta sida ay Shabaab ugu suurta-gashay inay soo galaan magaalada Muqdisho, kadibna ay weerarka gaysteen hotel SYL oo u dhow madaxtooyada.

Kadib weerarkii Al-Shabaab ee SYL ayaa waxaa soo baxay tuhun wayn oo la xiriiray weerarkaas iyo sida ay meesha ku tageen ragga fuliyay, maadaama aad loo ilaaliyo.

Si kastaba, waxaa haatan socda baaritaan dheeraad ah oo ku aadan weerarkan, waxaana billowday isla xisaabtan, ayada oo saraakiil iyo askar badan loo xiray falkaasi.

Sawirro: Xamza iyo ku-xigeenkiisa oo tallaabo qaaday kadib weerarkii Hotel SYL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa xalay tegay isbitaalka Digfeer oo la dhigay inta badan mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkii hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Ujeedada Xamza ee booqashada Isbitaalka Erdogan, ex Digfeer ayaa ahayd si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ay habeen kahor ku qaaday hotelkaas oo u dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa  ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada,  isaga oo allw uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

Sidoo kale wuxuu ka waraystay maamulka isbitaalka xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka, islamarkaa uga mahadceliyey dhakhaatiirta Isbitaalka Erdogan shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Dhanka kale, waxaa isna isbitaalka tegay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac oo soo kormeeray xaaladda dhaawacyada oo ay ku jiraan mas’uuliyiin kala duwan, sida xildhibaano, afhayeenka madaxtooyada iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

“Waxa aan booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiintii iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay weerarkii argagixisada Khawaarijta ah ay ka gaysteen hotelka SYL” ayuu yiri Saalax.

Sidoo kalewaxa uu boggaadiyay ciidamada ammaanka soo afjaray weerarka, kadib howlgal saacado badan qaatay oo ka dhacay halkaasi.

“Waxa aan bogaadinayaa ciidanka geesiyaasha ah ee cadowga khawaarijta ah si geesinimada leh uga hor-tagay isla markaana fashiliyay dhagartii ay la maagganaayeen muwaadiniintii iyo masuuliyiintii goobta ku sugnaa” ayuu mar male yiri Mr. Saalax.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxa aan Allah uga baryayaa inta dhimatay in uu u naxariisto, inta dhaawaca ah caafimaad degdeg ah siiyo”

Daawo: Aabe da’ah oo ceeji lagula dhex dilay Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kadib markii si arxan darro loogu dilay aabe daganaa gudaha suuqa.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Cumar ayaa isaga oo mayd ah laga dhex helay guri ay isaga qoyskiiska ka daganaayeen halkaasi.

Mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkan uu dhacay suxuurtii kadib, isla markaana dilka loo adeegsaday xarig lagu ceejiyay aabahaasi.

“Suxuurtii wuu nabas qabay ka bacdi 20 daqiiqo marka ay kasoo wareegatay ayaa loo imaaday isaga oo xarig lagu dilay oo guriga xagga sare meel laga soo galay ay ka muuqayo” ayuu yiri mid kamid ah ehellada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu jiray shaqsi uu muran kala dhexeeyay, kaas oo ka daganaa bakhaar ganacsi oo uu lahaa marxuumka, sida uu hadalka dhigay.

Waxaa jirta nin ay is haayeen oo dacwo ayaa u socotay bakhaar ayaa nin kaga jiray, wuuna diiday inuu ka baxo” ayuu mar kale yir.

Ninkan oo sii hadlaya ayaa sidoo kale sheegay in aysan aasi doonin marxuumka, ayna ka war sugayaan baaritaan uu sheegay inay wadaan laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

“Baaritaanka ayaa hadda socdo, mana aaseyno maydka illaa amar dambe” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Dhacdadan ayaa qayb ka noqoneyso falal argagax leh oo muddooyinkii u dambeeyay kusoo badanayay magaalada Muqdisho, kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada.

Si kastaba, waxaa dilkan ka horreeyay mid kale oo isna ka dhacay degmada Wadajir, kaas oo loo gaystay marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta hay’adda duuliska rayidka hawada, waxaana dilkiisa loo adeegsaday xarig lagu ceejiyay, sida ay sheegeen laamaha ammaanka Muqdisho.

Hoos ka daawo

Sawirro: Jubaland oo xukun adag maanta ku ridday rag ku kacay qiyaano qaran

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa maanta la horgeeyay  Cabdifataax Nuur Cabdullaahi, Xassan Cabdullaahi Maxamed iyo Mukhtaar Maxamed Cali oo loo haysto in ay ku kaceen qayaano qaran, isla markaana ay la goosteen Gaari Hartop ah, qori dabajeex ah & qori AK47 oo ay lahayd dowlad goboleedka Jubbaland.

Cabdifataax Nuur iyo Xasan Cabdullaahi Maxamed  ayaa xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Jubbaland wuxuu ku soo eedeeyay in ay Al-Shabaab u gacan galiyeen gaari Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubbaland iyo qori AK47 ah oo bulshada loogu adeegayay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa u qornaa sidatan:-

Labadan Eedeysane oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa la falgalay Argagixisada, iyaga oo aaminsanaa in ay ka heli doonaan dhaqaale badan, balse waxay ku dhaceen dhagartii lagu yaqiinay Khawaarijta, waxaana looga baxay balankii ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ marka ay argagixisada gaariga iyo qoriga u geeyaan.

Eedeysane Mukhtaar Maxamed Cali oo isna ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa loo heystaa in Khawaarijta uu u gacan galiyey qori BKM ama Dabajeex, kaas oo looga bedeshay lacag yar oo dhan 4,500$ kadibna u hayaamay gobolka Baay, gaar ahaana magaalada Baydhabo, halkaas oo uu kasii amba qaaday in uu qeyb ka noqdo Ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka hayeeshee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland oo muddaba baadi goobaysay ayaa xogtiisa heshay ugu dambayna gacanta ayaa lagu doo dhigay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa ugu dambeyn  ku dhawaaqay xukunka saddexda eedeysane oo lagu xukumay min toban sano oo xabsi ciidan ah iyo in ay dib u gudaan hantidii ay Argagixisada ka iibsadeen.

Raggan ayaa si yaabo kala duwan usoo galay gacanta hay’adaha amniga, ayada oo midkii ugu dambeeyay laga soo qabtay degmada Dhoobley, labada kalena laga qabtay Muqdisho.

Afar arrin ka ogow weerarkii lagu qaaday HOTEL SYL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa habeenkii Khamiistii weerar ku qaaday hoteelka oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya, sida ay ilo dhanka amniga ah u sheegeen warbaahinta.

Dhowr mas’uuliyiinta dowladda iyo shacab kale ayaa la rumeysan yahay inay ku waxyeeloobeen weerarkan.

Faarax Cali, oo ka mid ah dadka ku nool agagaarka xafiiska madaxweynaha ayaa Reuters u sheegay: “Waxaan marka hore maqalnay qarax weyn, kadibna rasaas ayaa xigtay. Waxaan u maleyneynaa in dagaal-yahannadu ay gudaha ku jiraan [hoteelka] waxaanan maqleynaa rasaas la is dhaafsanayo.”

“Dhowr dagaal-yahanno ayaa xoog ku galay dhismaha kadib markii ay soo jiireen ayna qarax xooggan ku burburiyeen derbiga,” ayuu sarkaal waaxaha ammaanka ka tirsan u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Halkuu ku yaallaa Hotel SYL?

Hotel SYL wuxuu ku yaal xuddunta dowladda Soomaaliya, halkaas oo kaliya aysan ku oollin madaxtooyadu balse sidoo kale xafiiska Raysal Wasaaraha, guriga Raysal Wasaaraha, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, Wasaaradda Warfaafinta iyo Villa Hargeysa oo ah Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya uu si ku meel gaar ah ugu shaqeeyo, maaddaama aan weli dib loo dhisin xaruntii hore ee baarlamaanka.

Hoteelka la weeraray ee SYL iyo dhammaan xarumaha aan kor ku sheegnay waxay ku yaallaan aag dhuleed oo fidsan qiyaastii 600 illaa 700 oo mitir, amaba haddaan si kale u sheegno; Villa Soomaaliya iyo Hoteel SYL oo ah labada u kala fog intooda, waxaa u dhexeeya qiyaastii shan boos oo kaliya.

Guriga uu deggan yahay raysal wasaaraha ayaa aad ugu dhow hoteelkan ay weerarradu kusoo noqnoqdeen.

Intaa waxaa dheer, in hoteelkan ay inta badan degaan mas’uuliyiinta dawladda iyo dadka aadka loo ilaaliyo wuxuu ku yaallaa afaafka kaliya ee laga galo madaxtooyada Soomaaliya iyo dhammaan xarumaha aan kor ku xusnay oo aan meel kale lagasoo gali Karin waddooyinkii kalena loo jaray amniga awgii.

Sida ay qabaan khubarrada ka faallooda amniga Soomaaliya, muhiimadda halka uu ku yaallo hoteelkani iyo in uu yahay halka ugu soo horaysa ee laga bilaabi karo weerar ku wajahan xarumahaa dawladda ayaa kooxda al-Shabaab uga dhigtay bartilmaameed muhiim ah, waana taas sababta ay marar badan u weerareen walow uusan kali ku ahayn hoteelkani werarrada ay al-Shabaab la beegsato hoteellada Muqdisho.

Marar badan oo la weeraray hoos ayaan ku xusi donnaa, balse aan eegno marka hore sida loo sugo ammaanka hoteelkan.

Sidee loo ilaaliyaa Hotel SYL?

Guud ahaan aagga uu ku yaal Hoteel SYL oo ah xayndaabka guud ee madaxtooyada iyo xarumaha kale ee muhiimka ah ee dawladda Soomaaliya ayaa ammaankooda loo sugaa sida ugu adag ee suurta gal ah.

Saddex afaaf oo aaggan laga soo gali karo waxaa ku yaal baro kontorool oo lagu sugo ammaanka aagga isku dhafan ee muhiimka ah.

Isgoyska Taallada Xaawa Taako oo qiyaastii 450 mitir u jirta hotel SYL, waa mid ka mid ah baraha kontorool ee ay sida joogatada ah ugu sugan yihiin ciidmada amaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ilaalada madaxtooyada oo lagu magacaabo guutada madaxtooyada.

Halkaas haddii laga soo galo, marka aad joogto hotel SYL gacanta midig waxaa kaa xiga madaxtooyada oo ay ka sokeeyaan Xafiiska Raysal Wasaaraha, Wasaaradda Warfaafinta iyo Villa Hargaysa, hase yeeshee hortaadana waxaa ah Isgoyska Taallada Sayidka oo qiyaastii 650 mitir u jirta hoteelka.

Isgoyskaas asna waxaa ku sugan ciidanka ilaalada madaxtooyada oo sidoo kale jooga isgoyska Ceelgaabta oo dhanka bidix qiyaastii 350 mitir oo kaliya ka saaran hoteelka SYL marka loo jeedo dhanka Taallada Sayidka.

Ka sokow noocyada kala duwan ee ciidamada amniga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwa sirdoonka oo la socda xogta dhaqdhaqaaqyada agagaarka xarumahan muhiimka ah, saddexda isgoysba waxaa ku sugan ciidamada ilaalada madaxtooyada.

Qofka tagaya hoteelka SYL waa in uu soo maro mid ka mid ah saddexda meelood ee aan sheegnay in laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Sidee u dhacay weerarka SYL?

Marka aan eegno sida loo sugo aagga uu Hotel SYL ku yaal oo aan kor kusoo sharraxnay, marka uu dhaco weerarkan oo kale waxaa la is waydiiyaa siday ku suurta gashay in la galo halkaas?

Axmed Cabdullaahi Kaboole, oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa sharraxaya laba suurtagalnimo oo dhici kara.

Tan kowaad, Axmed wuxuu sheegay in ciidamada ku sugan baraha kontorool ee laga ilaaliyo madaxtooyada laga mamnuucay in ay lacago ka qaataan dadka adeegsanaya marinnada taas oo suurta gal ah in ay hadda soo laabatay sidaasna ay lacag ugusoo gudbeen dagaalyahannada al-Shabaab.

Waxaa dhici karta, ayuu yiri, Axmed “ciidanka ama cid kale ha noqotee in loo fududeeyay” isaga oo kusii daray “sababtoo ah dhowr bar kontorool ayaa yaalla meesha, dhowrkaas mid ka mid ah ayeyna ku dhici lahaayeen” haddii aan loo fududeyn.

Wuxuu Axmed sheegayaa inay jirto habacsanaan dhanka amniga ah, gaar ahaanna bar-koontaroolyada.

Si kastaba ha ahaatee, Axmed waxa uu sidoo xusay in ay kooxdu heshay “nafis” maaddaama sida uu sheegay inuu ka yaraaday culayskii ka saarnaa furimaha dagaalka oo uu sheegay in ay fursad u heleen in ay weerarro ka geystaan gudaha caasimadda.

Wuxuu qabaa “in dagaalyahannada al-Shabaab loo fududeeyay si walbo haku dhacdo ama ciddii doontaba ha sameysee.”

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa Galmudug ayaa toddobaadkan soo baneeyay furimaha dagaalka ee ay ku hor joogeen ururka al Shabaab, sida uu xaqiijiyay taliyaha saldhigga booliska ee degmada Bacaadweyn oo ka mid ah meelaha ay ka soo baxeen ciidamadu.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka, ciidamada ayaa intooda badan soo gaaray magaalada Baxdo oo 90 km dhinac Koonfur-Bari kaga began degmada Cadaado.

Al-Shabaab ayaa barahooda internet ka ku baahiyay in ay gudaha u galeen guud ahaan saldhigyadii la faruujiyay oo ay haatan iyagu ku sugan yihiin.

Xilliyada la weeraray Hotel SYL

Laba iyo labaatankii Jannaayo ee sannadkii 2015, waxaa hoteel SYL ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari lagusoo raray walaxa qarxa, waxaanu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Burbur xooggan ayaa xilligaas soo gaaray hoteelka oo la sheegay in markaas ay ku sugnaayeen masuuliyiin aan waxba ku noqon oo ka tirsanaa dawlad goboleedka Puntland.

Qaraxa dhacay 2015, ayaa kusoo aday xilli amniga Muqdisho aad loo adkeeyay maaddaama maalinkii xigtay ee 23-ka bisha la filayey in uu yimaado madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo xilligaas raysal wasaare ahaa.

Bishii Agosto ee sannadkii xigay hoteelkan ayaa lala beegsaday qarax loo adeegsaday gaari, kaas oo dhaliyey khasare ballaaran. Dad ka badan labaatan qof ayaa ku dhintay halka intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen.

Hotelka SYL oo ku yaala xarunta madaxtooyada agteeda, ayaa lagu qabtaa shirarka waaweyn, waxaana ku badan saraakiisha dowladda.

Hoteelkan oo markaas la qorshaynayey in lagu qabto shir looga hadlayo amniga ayey ku dhaawacmeen wariyeyaal dhowr ah oo ku sugnaa xilliga weerarku dhacayey.

Waxaa weerarkaas dhacay 2016-kii sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Dagaal-yahannada kooxda ayaa lagu yaqaannaa beegsashada hoteellada, oo uu ka mid yahay SYL oo ay mar kale weerareen sanadkii 2019.

Sanadkii 2022, kooxda ayaa gashay hoteelka Villa Rays oo isla caasimadda ku yaalla, iyagoo halkaas ku dilay ilaa 14 qof.

Isha: BBC

Ciidanka badda Hindiya oo weeraray burcad badeedda afduubtay Markabka RUEN

0

Muqdisho (Caasimada) Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay ciidamada badda Hindiya ka fuliyeen xeebaha bari ee Puntland, kaas oo lagu beegsaday burcad badeed dhowaan afduubatay markabka Ruen oo marayay badda cas.

Markabka oo ah xamuul, isla markaana uu ka babanaayay calanka Malta ayaa waxaa rasaaseeyay Burcad badeeda, kadibna afduubtay, iyaga oo la tegay xeebaha EYL.

Ciidamada Hindiya ee howlgalka qaaday ayaa hareereeyay markabka, waxayna ka dalbadeen burcad badeedda inay isa soo dhiibaan, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda.

Wararka ayaa sheegaya in muddooyinkii dambe markabka uu gaaf wareegayey xeebaha badweynta hindiya gaar ahaan Hobyo ilaa Eyl ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in khasaare uu ka dhashay howlgalkan, isla markaana la dhaawacay qaar kamid ah burcadda saarnayd markabka.

Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Axmed Yasiin Saalax oo la hadlay BBC-da ayaa ka warbixiyay dhacdadaan, wuxuuna sheegay xittaa in dab uu qabsaday markanba, sidoo kalena ay waxyeelo gaartay qaar kamid ah burcad badeedda.

‘‘Shalay galinkii danbe ilaa xalay ayaa ciidamada badda ee Hindiya weerer ku qadeen Markabka, warbixinaddii ugu danbeyey ee an helnay waxay sheegayaan in markabka qaybta danbe uu dab ka kacay oo laga arkayo bariga, xogtu waxay sheegeysaa in burcada ay qaybi dhaawac tahay” ayuu yiri wasiir Axmed Yasiin.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in kooxda ay isku dayeyso iska caabin, balse qorshuhu yahay in lasoo afjaro saacadaha soo socda.

‘‘Waxay samaynayaan waxkasta oo ay isaga yarayn karaan culayska waxay samaynyaan inay waxna gubaan, markabka dhexdhiisa dhaqdhaqaaqyo ka sameeyaan, laakiin qorshuhu waxaa weeye in aan qof burcad ah loo aabo yeelin haddii lagu gubayo ama ay ku dhimanayaan” ayuu sii raaciyey Axmed yaasiin.

Afduubkan ayaa noqday kii ugu horeeyay oo ka dhaca Xeebaha Soomaaliya ku dhowaad 10 sano, taas oo kasoo bilaabaneyso sanadkii 2017-kii oo laga adkaaday burcadbadeeda.

Kooxda Soomaalida oo soo bandhigay lacagta ay kusii daynayaan markab u afduuban

Garacad (Caasimada Online) – Markabka MV Abdullah, oo ay labo maalin ka hor afduubeen koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa soo gaaray xeebaha gobolka Mudug, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal. 

Burcadda ayaa la sheegay in ay ka dalbadeen qolyaha markabka iska leh ee KSRM lacag madax furasho ah oo 5 milyan oo dollar ah, oo ay ku soo deynayaan markabka iyo 23 shaqaale ah oo saaran.

Kooxdan ayaa waxay ku hanjabeen in ay dili doonaan qof kasta oo markabka saaran, haddii aan la fulin dalabkooda, inkasta oo aysan waqti u qaban in lagu fuliyo dalabkooda culus.

Markabka wuxuu sidaa 50,000 oo tan oo dhuxul ah, oo uu ka soo qaaday magaalada Maputo ee dalka, Mozambique, wuxuuna ku socday Al Hamriyah ee dalka Imaaraadka Carabta.

Ilaa 25 nin oo hubaysan ayaa horey markabkan oo laga leeyahay Bangaladesh uga soo afduubay biyaha caalamiga ah ee badweynta Hindiya, balse hadda waxaa lagu warramaya in ka badan 10 nin oo horleh oo hubaysan in ay ka fuuleen xeebaha gobolka Mudug.

Xukuumadda Puntland ayaa dhankeeda ciidan gaysay Garacad iyo degaannada kale ee ku teedsan badda Hindiya, si ay isugu dayaan in ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqa ka socda degaannada iyo markabka in uu ku soo xirto xeebaha Puntland.

Weerarada burcad badeedda Soomaalida oo sanado badan laga nastay ayaa dhowaanahan dib usoo laba kacleeyey, xilli ay sidoo kale badaha ku teedsan Soomaaliya qaarkood ay xiisad ka jirto, gaar ahaan Badda Cas.

Ciidamada DF Soomaaliya oo howlgal ku dilay horjooge Maracadde iyo ilaaladiisa

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen duleedka degmada Xarardheere ee koonfurta Mudug, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ahaa mid aad qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye, kadib markii ciidamada huwanta ay waddada u galeen saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku socdaalayay halkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

“Howlgalkan ayaa gudaha loogu galay deegaanno ay Khawaarijtu joogtay, iyagoo ku duulaya xogo sirdoon oo si wayn la isugu dubbariday, bartilmaameedka howlgalka ayaa ahaa Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Mudug iyo Galguduud oo ku lug lahaa weeraro horay uga dhacay goballadaas” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha oo xogtooda la hayey, kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, waxaana halkaas lagu khaarajiyey Horjoogihii ay beegsanayeen, kaas oo ahaa ku xigeenka madaxa Jabhadaha Khawaarijta ee Mudug iyo Galguduud”

Magaca horjoogaha la dilay ayay dowladda ku sheegtay  Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde), waxaana lala dilay sarkaal kale oo ajnabi ahaa iyo 5 xubnood oo ilaalo u ahaa.

“Horjoogaha oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) ayay Ciidamadu u daba socdeen ficiladii uu horay u gaystay iyo kuwa hadda uu qorshaynayay, iyagoo isla goobtaas ku dilay horjooge kale oo Ajinabi ah oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa, waxayna kasoo furteen Hubkii iyo Agab kale oo dagaal oo dhagarqabayaashaasi ay wateen” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ciidamada howlgalan qaaday oo markii hore ka baxay Xarardheer ayaa dib usoo laabtay, kadib markii ay soo dileen sarkaalkaas iyo ilaaladiisa.

“Geesiyaasha fuliyay hawlgalkan qorshaysan ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay fariisinkooda oo ahaa degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, xilli ay haatan Al-Shabaab ay dib u qabsadeen magaalooyin waa weyn oo horay looga saaray, kadib markii ay isaga soo baxay ciidamada, kuwaa soo ku yaalla gobollada dhexe ee dalka.

Israa’iil oo ku dhawaaqday qorshe lama filaan ah

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa Jimcihii ansixisay suurtagalnimada weerar lagu qaado magaalada Rafah ee Marinka Gaza, kaas oo halis ku ah rajadii laga qabay in xabbad joojin ay dhacdo, iyadoo la qorsheynayo inay wafdi kale u dirto Qatar si ay wadahadallo ugala hadlaan suurtagalnimada in la gaaro heshiis lagu soo deynayo dadka u afduuban Xamaas.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay oggolaadeen qorshe lagu weerarayo magaalada, oo ku taal cidhifka dhulka koonfureed ee dhulka la burburiyay ee Falastiin, halkaas oo in ka badan kala badh 2.3 milyan oo qof oo ku nool ay gabaad ka dhiganayaan shan bilood oo dagaal ah.

Xulafada caalamka iyo kuwa dhaleeceeya ayaa ku booriyay Netanyahu inuu joojiyo weerarka Rafah, iyagoo ka baqaya in dad badan oo rayid ah ay waxyeelo soo gaarto. Balse Israa’iil ayaa sheegtay inay ka mid tahay goobihii ugu dambeeyay ee ay ku xooggan yihiin Xamaas oo ay ballan-qaadday in ay baabi’in doonto, dadka degganna laga saari doono.

Washington, afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in Maraykanku uusan arag qorshaha Rafah, balse uu jeclaan lahaa.

Xamaas ayaa u soo bandhigtay hindise xabbad-joojin ah oo Qaza ah dhexdhexaadiyeyaasha iyo Maraykanka, taas oo ay ku jirto sii deynta la haystayaasha Israel, si loo sii daayo maxaabiista Falastiiniyiinta, kuwaas oo 100 ka mid ah ay ku jiraan xabsi daa’im, sida ku cad soo jeedinta Xamaas oo ay aragtay Reuters.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Netanyahu oo ku saabsan qorshaha weerarka Rafah ayaa lagu sheegay in dalabaadka Xamaas ee ku aaddan sii deynta la haystayaasha ay yihiin kuwo aan dhab ahayn, balse wafdiga Israa’iil ayaa tagi doona magaalada Doxa, marka golaha ammaanka ee xukuumadda Israa’iil ay ka hadlaan mowqifkooda.

Reuters + VOA