27.2 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Abi Ahmed oo lagu dhaliilay tallaabadii uu dhowaan qaaday ee uu Cabdi Iley ku…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Illey) ayaa dhawaan laga sii daayay xabsi ku yaalla magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib muddo lix sano ku dhow oo halkaas uu ku xirnaa.

Sii deynta Illey ayaa waxaa ku timid amar uu bixiyay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, ayada oo si weyn loogu dhaliilay go’aanka uu xabsiga uga sii daayay ninkaan.

Cabdi Illey ayaa xabsiga loo taxaabay shan sano iyo shan bilood ka hor, kadib markii xukunka dalkaas uu la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo hadda la daalaa dhacaya fashil ka heysta gudaha dalka iyo siyaasadda caalamka.

Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa rajo xumo weyn ka muujisay sii daynta Cabdi Illey, oo loo haystay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

“Go’aanka xabsiga lagaga sii daayay (Cabdi Illey) wuuxu caqabad weyn ku yahay soo afjarida isla xisaabtan la’aanta dambiyada ay ku lug leeyihiin saraakiisha sare,” ayuu yiri Laetitia Bader, oo ah agaasimaha fulinta ee kooxda u ololaynta xuquuqda aadanaha.

Human Rights Watch ayaa horey ugu eedeysay Cabdi Illey in isagoo adeegsanaya Liyuu Booliska uu geystay xad-gudubyo xun-xun oo ka dhan ah dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan dil, jirdil iyo kufsiga iyo sidoo kale aargoosiga ka dhanka ah bulshada deegaanka.

Sidoo kale Cabdi Illey ayaa waxa horey loogu soo oogay in uu masuul ka ahaa dhimashada 59 qof oo la dilay iyo 250 kale oo ku dhaawacmay xarumo dowladeed iyo kuwo diimeed oo lagu bur-buriyay rabshado ka dhacay Jigjiga iyo magaalooyin kale, maalmihii ugu dambeeyey xukunkiisa.

Si kastaba, Warqad ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa toddobaadkii tegay lagu sii daayey Cabdi Illey iyo dhowr qof oo markii hore lala xiray, ayada go’aanka sii deynta ay toos u fulisay xeer ilaalinta Ethiopia.

Daawo: Maxaad ka ogtahay dahabka lagu xaday weerarkii Hotel SYL ee Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cismaan Sheekh Nuur Rooble oo ah sharci yaqaan Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday hoteelka SYL oo uu kamid ahaa dadkii deganaa, xilliga Shabaab weerarka ku qaadayeen todobaadkan, kaas oo qarax ku bilowday.

Aqoonyahanka ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa oo aroos ah ay daganayeen qol kamid ah hoteelka, islamarkaana laga badbaadiyay inta uu socday weerarka.

“Waxaan ahayn aroos hoteelka daganaa abaare 10:00 habeenimo ayaa qarax iyo weerar toos ah lagu soo qaaday hoteelka, qolkiibaa ku xanibneyn daqiiqado ka bacdi ciidamo ayaa imaaday dariishadaa ka boodnay bannaanka ayaa naloo saaray,” ayuu yiri Cismaan Sheekh Nuur Rooble.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in markii uu dhammaaday weerarka uu ku laabtay hoteelka, isla markaana u tegay qolkiisa oo la jebiyay, kadibna laga qaatay alaabtii oo dhan.

“Ciidankii aan isku dhiibnay ee ammaanka ayaa nagala wareegay xilkii oo annaga nasoo kaxeeyay waxaa soo baxday muddo kadib oo maalintii dambe inaat tegno qolkii oo albaabkiisa la jabshay wax alla wixii yaallana la baartay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Cismaan Sheekh Nuur Rooble ayaa soo bandhigay alaabta ka maqan, wuxuuna ku sheegay dabah uu ku qiimeeyay 5 kun oo dollar, qalab electronic ah iyo alaabo kale oo qaali ah.

“Waxaa nagala baartay Dahab illaa iyo 5 kun oo dollar ku dhawaa, waxaa nagala qaatay qalab Electronic ah intii anfaca lahayd alaabteyda waa la qaatay” ayuu mar kale yiri.

Arrintan waxaa ka horreysay sheeko kale oo uu saabsan in laba qalin oo hanti qaran uu ku sheegay Danjire Ciid Beddel Maxamuud, kuwaas oo lagu waayay weerarkii hoteel SYL.

Al-Shabaab ayaa weerarkan gaystay, kaas oo khasaare dhaliyay, sidoo kale qaatay saacado badan, waxaana ka dhashay tuhun xoogan, maadaama uu ka dhacay aaga madaxtooyada.

Qodobada uu madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhiggiisa Eritrea + Sawirro

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki, wxuuna kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Labada madaxweyne ayaa waxa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashiga Soomaaliya iyo Eritrea , Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Afwerki uga warbixiyey dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen arrimo ku aadan tababarka ciidamada Soomaaliyeed uga socda dalkaas iyo sidii loogu dhameystiri lahaa, si loo soo celiyo

Intaas kadib labada Madaxweyne ayaa socod ku soo maray goobaha dadweynaha ku caweeyaan ee magaalada Asmara ee xarunta Dalka Eriteriya.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu booqashooyin kala duwan ugu bixiyay magaalada Asmara oo uu dhowr jeer tegay, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May ee sanadkii 2022-kii

Waxaa kale oo uu horay u booqday xeryaha ciidamada Soomaaliya lagu tababarayo, isaga oo qiimeyneyay xaaladdooda iyo tababarka uga socda halkaasi.

Eritrea ayaa waxaa ku sugan oo tababar ku qaadanaya qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida, waana mid kamid ah waddamada Soomaaliya ka gacan siiya tababarka ciidamada, kaasi oo lagu tilmaamo midka ugu adag ee la siiyo ciidankeenna.

Madaale oo ballan qaad u sameeyay ciidankii soo qabatay Shabaabkii ka dambeeyay….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay kulan uga qayb-galay degmada Dayniile ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan amniga magaalada Muqdisho.

Yuusuf Madaale ayaa sheegay in looga baahan ciidamada amniga inay qaadaan tallooyin dheeraad ah oo lagu sugayo amniga, si looga hortego dhagarta kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday dilkii horraantii bishan degmada Dayniile loogu gaystay Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Xasan oo kamid ahaa waxgaradka deegaanka, kaas oo weerar toos ah ay kusoo qaadeen Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

“Ninkii odeyga ahaa ee Nabadoonka ahaa ee Cabdi Xasan waxaa la dilay isaga oo iska difaacaayo cadowgii soo weeraray ayuu dhintay, waxaan ilaahey uga baryeynaa Janatul Firdowso” ayuu khudbaddiisa ku yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay :Nabadoono badan oo saas u dhintay ayaa jiro oo uu kamid ahaa Nabadooon Cilmi Xagare iyo Nabadoono kale”.

Duqa Muqdisho oo sii hadlaya ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigtay qaar kamid ah Shabaabkii dilay nabadoonka, isaga oo askartii soo qabatay u ballan qaaday Abaal-marin.

Iyagana kuwii dilay Nabadoon Cabdi Xasan sidoodii kuma laaban waa lala dagaalamay, waxaana gacanta lagu soo dhigay qaarkood, raggii howshaasi qabtay ee ku guuleysatay abaal-marintooda waxa ay ak taallada duqa Muqdisho” ayuu mar kale yiri Madaale.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo haatan Muqdisho ay kasoo kordheen xaalado amni, kadib markii laga nastay bilooyinkii dambe oo ay dowladdu dagaal ku qaaday Al-Shabaab.

Xog: Labo boglayntii DF oo Imaaraatka ka caraysiisay

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Sida ay qoreyso qaar ka mid ah warbaahinta Bariga Dhexe, markii dowladda Federaalka ay heshiis militari la galaysay Imaaraatka sanadkii hore, waxa ay maanka ku haysay in doorashada Turkiga uu ku guuldaraysan doono Recep Tayyip Erdogan. 

Hase yeeshee markii uu doorashada kusoo baxay Erdogan, durba dowladda waa ay is badeshay, waxayna u janjeertay dhanka Turkiga oo ah dowlad la isku halayn karo illaa xad.

Culeyska kale ee soo fuuley heshiiskii Imaaraatka ayaa ahaa in baarlamaanka si hoose u diidey in uu meel-mariyo kadib markii lagu dhex arkay qodobo sheegaya in xasaanad buuxdo ay heleyaan saraakiisha Imaaraatka ee dalka ka shaqeeya iyo qof kasta oo heshiiskaas wax ka fulinaya.  

Wuxuuse xaalka kasii daray markii uu dhacay heshiiskii MoU ee Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo durba looga shakiyay in Abu Dhabi ay gadaal ka riixagso.

Baarlamaanka federaalka ayaa si halhaleel ah u ansixiyay heshiiska Turkiga, iyada oo ay xitaa u codeeyeen xubnaha mucaaradka ugu cadcad aqalka, halkii midkii Turkiga aan xitaa galkiisa la furin. 

Arrintan waxa ay aad uga caraysiisay Abu Dhabi, waxaana tan sii dheer in saraakiil Imaaraati ah lagu dilay weerar ka dhacay Xerada Gordon ee Muqdisho. Imaaraatka ayaa tan iyo markaas joojiyey mushaaraadkii ay siin jireen ciidamada xasilinta caasimadda iyo guud ahaan kabkii miisaaniyadda.

Waxa ay hadda wararka sheegayaan in Dubai ay gebi ahaanba ka fiirsanayso dhaqaalihii ay ku bixin jirtay tabobarka, taageerada iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliya.  

Turkiga iyo Imaaraatka waxa ay horey ugu hardameen dalka Liibiya oo ay kala taageereen labo dhinac oo is haya, waxayna hadda wararka sheegayaan in Imaaraatka uu si weyn ugu muraal dilaacay heshiiska Turkiga ee ka dambeeyay kiisa ee la meel mariyay, tanina waxa ay hoos u dhigtay heerka xiriirka labada dal.  

Al-Shabaab oo durba kasoo kabatay dharbaaxadii DF, dibna usoo celisay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ku guuleysatay in markale ay hawada kusoo celiso bogagii Internet-ka ee dowladda federaalka Soomaaliya ay horey uga xirtay.

Bogagga Al-Shabaab ee Internet-ka iyo baraha bulshada ayaa weli faafinaya fariimaha guracan ee kooxda, inkasta oo dowladda ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay u xiri lahayd.

Sida uu shaaca ka qaaday barnaamijka Galka Baarista, illaa laba shabakadood oo ahaa kuwa ugu waaweyn ee kooxda ayaa si deg deg ah usoo laabtay kadib markii dhawaan laga saaray hawada.

Shabakadahan ayaa dib loo diiwaan-geliyay, ayada oo barnaamijka VOA uu tilmaamay sida ay kooxda Al-Shabaab khibrad ugu yeelatay ka faa’iideysiga bogagga Internet-ka iyo baraha bulshada, marka loo fiiriyo dhiggeeda kooxaha argagixisada.

Sidoo kale waxaa baraha aad loo isticmaalo ee sida Facebook iyo Telegram ka howl-gala akoonno xiriir la leh kooxda Al-Shabaab, kuwaasi io si joogto ah usoo noqda marka ka xiro akoonnada la aqoonsan galay, iyaga oo halkii kasii wada maran habaabinta iyo faafinta fikradaha guracan ee kooxda.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay dowladda Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay mudnaan gaar ah siisay in ay yareyso joogitaanka kooxda ee warbaahinta casriga ah iyo Internet-ka, si loo yareeyo saameynta faafinta fikradaha xagjirka.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa weli muujineysa mid aysan saameyn ku yeelan tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladda, ayada oo labada idaacadood ee ugu waaweyn kooxda ay weli ka shaqeynayaan deegaanada ay maamusho ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Inkasta oo dowladda dadaal ku bixineyso dagaalka kooxda, gaar ahaan joogitaankeeda Internet-ka, ayaa haddana waxaa la dafiri karin sida kooxda ay khibrad iyo waaya-aragnimo dheer ugu leedahay ka faa’iideysiga barahan, waana midda keenaysa in marwalba ay soo laabtaan marka laga xiro.

Middan ayaa ka dhigaysa in dadaalkaas uu kusoo dhamaan karo hal bacaad lagu lisay maadaama kooxda ay weli muujinayso inay sii jiri karaan akoonnadeeda mar walba oo dowladda ay awoodeeda isugu geyso xiritaankooda.

Si kastaba, dowladda ayaa waxaa horyaalla si uu u mira-dhalo dagaalka inay la timaado falsafad cusub oo ay ku wajahdo garabka warbaahinta Al-Shabaab oo aan ahayn xiritaan oo keliya, maadaama uu dagaalka warbaahinta kooxda ka dhanka ah uu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda dowladda Xasan ay u dejisay dagaalka Al-Shabaab.

Daawo: Nabadoon lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab oo maxkamad lasoo taagay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta ka bilaabatay maxkamadeynta Ugaas Aadan Maxamed Geeddi Cabdi oo loo haysto inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee ku sugan aagga Jubbaland.

Maxkamadda Ciidamada Jubbbaland ayaa lasoo hor istaajiyay Nabadoonkan oo horay loogu qabtay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Yoontoy ee gobolka Jubbada Hoose.

Ninkan oo 44 sano jir ah ayaa Al-Shabaab usoo qabtay shaqooyin kala duwan, wuxuu markii hore u qaabilsanaa lacag uruurinta, isaga oo mar dambe ku biiray jabhadaha weeraro ku qaada saldhigyada ciidamada, sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamadu.

Ugaas Aadan oo maxkamadda ka hor hadlay ayaa qirtay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu ka howlgeli jiray aagga deegaanka Yoontoy.

“Anigu ma lihi nin Shabaab ah ma ahi, laamiga Yoontoy iyo aaggaas ma imaan ma lihi” ayuu Ugaas Aadan ka hor yiri Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu ku dooday inuu u ahaa xoolaley, ujeedkiisana uu ahaa inuu hantidiisa ku ilaashado kooxda, maadaama uu ku sugnaa goobaha ay ka taliso.

“Waxaan ahaa nin iska duur joog ah oo xoolaley ah oo hantidiisa ku ilaashanaya nimankaas, kadibna waa igu adkaatay xaaladaasi” ayuu mar kale yiri.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa ugu dambeyntii soo xiray fadhiga maxkamadda, wuxuuna sheegay inay sii socon doonto dhageysiga dacwadda, mar kalena la’isku soo laaban doono.

“Garmaqalka eedeysane Ugaas Aadan Geeddi Maxamed Cabdi halkaas ayay maanta noogu xiran tahay, Maxkamadda ayaa dib ka sheegi doonto xilliga dib loo soo celin doono, waana noo xiran tahay” ayuu guddoomiyaha Maxkamadda kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Xaaladda SUDAN oo kasii dareysa – Maxaa cusub?

0

Khartoum (Caasimada Online) – Bisha April ee sanadkan ayaa waxa ay ku beegan tahay sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dagaalka ka socda dalka Sudan, kaasi oo ka dhashay loolan dhanka awoodda ah oo u dhaxeeya labo Jeneraal oo iska soo horjeeda.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in dagaalku uu cawaaqib xun ku yeelanayo dad ku dhow 49 milyan oo qof – in ka badan kala bar dadkaasina ay u baahanyihiin gargaar bini’aadannimo oo naf badbaadin ah.

Tan iyo markii uu dagaalka ka billowday Sudan, 15-kii bishii April ee sanadkii 2023-kii, tobanaan kun oo qof ayaa la dilay laguna dhaawacay, malaayiinna si qasab ah ayaa guryahooda looga saaray.

18 milyan oo qof oo ay hayso gaajo daran, ayaa 5 milyan oo ka mid waxa ay qarka u saarayihiin macluul sida ay sheegtay hey’adda cuntada Aduunka ee WFP

Dr. Richard Brennan, oo ah agaasimaha xaaladda degdegga ah ee xafiiska gobolka ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee Mediterranean-ka, ayaa sheegay in caalamku uusan ku baraarugsaneyn baaxadda musiibada bani aadnimo ee ka jirta Sudan.

Brennan, oo dhawaan un qabtay xilkan safarkiisii ugu horeyayna isbuucii hore ku tagay Sudan, ayaa xusay in uu dhowr jeer booqday Suudaan 25-kii sano ee la soo dhaafay, laakiin markan uu soo arkay xaalad aad u ba,an, iyo burbur baaxad leh.

PUNTIN oo guul weyn ka gaaray doorashada RUUSHKA

Moscow (Caasimada Online) – Ruushka ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Vladimir Putin uu helay 88% codadkii la dhiibtay tirinta codadkii ugu horreeyay ee doorashadii madaxtinimo ee Axaddii dalkaasi ka dhacday.

Doorashadan ayaa loo arkay dhoolatus aan codbixiyaasha fursad u siinin inay doortaan cid si dhab ah ula baratameysay Puttin.

Putin ayaa dalkaasi gacan adag ku hayay, isla markaana caburiyay mucaaradka iyo kuwa naqdiya siyaasadiisa, muddo 24 sanadood ah.

Doorashada saddexda maalmood ah ee billaabatay Jimcihii ayaa kordhisay xukunka Putin uguna dartay muddo lix sanadood ah oo kale.

Waxaa doorashadan ay timid iyadoo aysan jirin cid Ruushka ku dhiiran karta inay dhaleeceyso Puttin ama ay ka hadasho dagaalka uu ku hayo Ukraine.

Ninkii ugu weynaa ee mucaaradka ku ahaa Putin, Alexey Navalny, ayaa ku dhintay xabsi dalkaasi ku yaala bishii la soo dhaafay, dadka dhaleeceeyan.

VOA

Mudug: Dhakhtar Kenya u dhashay oo arrin cajiib ah ka sameeyey magaalada Galdogob

0

Galdogob (Caasimada Online) – Nin dhakhtar ah oo u dhashay dalka Kenya, kana shaqeeya isbitaal ku yaalla magaalada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa ku guuleystay isku day cajiib ah, kadib markii halkaas ka sameystay beer weyn.

Ninkaan ayaa codsaday in lasiiyo dhul, waxaana duleedka Galgodob dhul laga siiyey uu ku abuuray Qare, markii uu kasoo baxo shaqadiisa isbitaalka wuxuu ka howlgeli jiray beertiisa.

Hadda waxaa soo go’day beertii, waxaana laga guray Qare aad u badan oo qurx badan, kana waaweyn qaraha ka baxa qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah.

Sawirro laga soo qaaday dhakhtarkaas Kenyaanka ah ayaa maanta qabsaday baraha bulshada Soomaalida, iyadoo aad loo falanqeynayo sida Mudug oo ka mid ah gobollada ugu dhulka adag Soomaaliya wax looga soo saari karo.

Arrinta cajiibka ah, waa in meel u muuqata Galdogob ay ku dagaalayaan beelo walaalo ah oo halkaas wada dega, kuwaas oo isku heysta dhul daaqsimeed iyo waxyaabo kale aan macna laheyn, halka dhakhtarka Kenyaanka ah uu dhaqaale badan ka sameynayo deegaankooda.

Dad badan ayey iska dilaan beelaha ku dagaalamaya aagga Galdogob, caqabadaha ugu horeeya ee dadka Soomaaliyeed isku dira waa kamid ah dhaqaale la’aanta, balse iyagoo is dilaya ayuu ninkaan ajanebi ah si fudud dhaqaale uga sameeyey deegaankooda.

Maanta Qarihii quruxda badnaa ee beerta uga soo go’ay dhakhtarka ayaa loo iib-geeyey magaalooyinka kale ee Galmudug iyo Puntland, waxaana halkaas laga raray dhowr gaari oo kuwa xamuulka qaada ah, taas oo muujineysa tirada Qaraha beertaaa ka soo go’ay.

Soomaaliya waxaa la sheegaa in dhulkeedu qani yahay, laakiin dadka Soomaaliyeed waxay ku jiraan dadka ugu saboolsan dunida, sidoo kale waa dad aad isku dila, waxaana dhiigooda ka sii dhalatay carada rabbi.

Sawirro: Xamza oo isugu yeeray madaxda hey’adaha amniga kadib weerarkii SYL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka, ciribtirka Khawaarijta iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.

Kukankaan oo ahaa mid xasaasi ah, aadna la isugu xog wareystay ayaa ku soo aaday iyadoo habeen ka hor afaafka hore ee madaxtooyada ay Shabaab soo galeen saacado badana ay ka dagaalamayeen.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo kooxaha Khawaarijta ah ay caadeysteen in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hey’adaha amnigu ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee cibaadada Alle ku jira.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Ra’iisul Wasaare Xamsa sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay xukuumaddiisa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee baneystay nafta iyo maalka bulshada Soomaaliyeed.

Habeenkii Jimcaha Al-Shabaab ayaa soo galay hotelka SYL oo ku yaalla irida laga galo madaxtooyada qaranka, askartii joogtay barta koontrool ee laga ilaaliyo madaxtooyada ee ku taalla Sayidka ayaa xabsiga loo taxaabay.

Waxaa socda baaritaan culus oo ku saabsan kiiskaas iyo sida ay Al-Shabaab ugu suurtagashay inay u soo gudbaan aagaas sida weyn loo ilaaliyo, waxaana la helay muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon, kuwaas oo muujinaya qaabkii ay u soo gudbeen Shabaab-ku.

Xog: Kiiska taliyihii dilka loo heystay ee booliska Heliwaa oo sii adkaaday iyo tallaabo la qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii adkaanaya kiiska Taliyihii booliska degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye oo loo heysto dilka wiil ganacsade ahaa, waxaana la xiran oo kiiskaan kula eedeysan ilaaladiisii iyo xubno kale.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa xilkii laga qaaday Taliye Cabdifitaax Qoslaaye, isagoo xabsi ku jira muddo seddax toddobaad ah, waxaana lagu wadaa in dhawaan maxkamadda ciidamada lasoo taago.

Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan Qalinle ayaa loo magacaabay taliyaha booliska degmada Heliwaa, iyadoo xabsiga iu ku jiro taliyihii isaga ka horeeyey Dhamme Cabdifitaax Qoslaaye.

Taliye Qoslaaye, afar askari oo ilaalo u ahaa iyo labo nin oo shacab ah, waxaa loo heystaa dilka ganacsade Abuukar Axmed Kaabax.

Allaha u naxariistee Abuukar Kaabax ayaa goor habeen ah laga afduubtay degmada Heliwaa, isagoo u hoyaadaya xaafadiisa, waxaana isla habeenimo lagu dilay deegaanka Garasbaaley.

Maalintii ayaa meydkiisa laga soo qaaday halkii lagu dilay, sidoo kale goob kale ayaa laga helay gaarigii uu wetay, intaas kadibna waxaa la sameeyey baaritaan, waxaana deg deg loo helay xogta kiiskaas dilka ah oo ragaan 7-da ah loo soo xiray.

Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in maxkamadda ciidamada lasoo taago raggaan dilkii Abuukar Kaabax loo heysto, waxaana xog ku helay inay soo dhamaadeen baaritaanadii socday.

Abuukar Axmed Kaabax wuxuu ahaa wiil aqoonyahan ah, dalka dibadiisa wax ku soo bartay, kuna qanacsan inuu dalkiisa ka shaqeyso oo joogo.

Wuxuu ka shaqey jiray sarifka lacagaha online-ka ah, ragga dilka kula eedeysan taliyaha iyo askartiisa ayey ninkaas ahaayeen isku shaqo, waxaana la tuhmayaa inay iyagu shirqooleen oo ciidankaan ku dalbadeen.

Dadka reer Muqdisho ayaa aad uga naxay arrintaan, maadaama uu taliye dhan oo degmo ku lugyeeshay dilkii ganacsadaha, sisoo kale qoyska Abuukar ayaa dowladda ka dalbaday, kana sugaya in kiiskaan cadaaladda la marsiiyo.

Xog: Xeeladda cusub ee Al-Shabaab ay u adeegsatay weerarkii Hotel SYL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dhacay weerarka hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho waxaa isa soo tarayay xogaha kasoo baxaya ee la xiriira sida uu kooxda ugu suurta-galay weerarka.

Weerarkan oo fajiciso noqday ayaa waxa uu ka dhacay xayndaabka Madaxtooyada Qaranka oo ah meel aad loo ilaaliyo ammaankeeda, waxaana soo baxeysa in kooxda Al-Shabaab ay weerarkan u adeegsatay xeelad cusub.

Maleeshiyaadkii fuliyay weerarkii SYL ayaa koontoroollada adag ee laga ilaaliyo Madaxtooyada uga gudbay kaarar aqoonsi, sida ay Caasimada Online u sheegeen illo-wareedyo amni oo ka gaabsaday in magacooda la xuso.

“Ragga gaadiidka lagu fuliyay weerarka (hoteelka SYL) gudbiyay waxay isticmaalayeen kaararka mid kamid ah saddex xafiis ee ugu sarreysa dalka,” ayey yiraahdeen illo wareedyada amni ee la hadlay Caasimada Online.

Markii ugu dambeysay ee gaadiid qaraxyo sida ka gudbaan kontoroollada caasimada waxay aheyd dhamaadkii bishii November 2022, xilligaasi oo la weeraray Villa Reys, markaas oo ninkii loo haystay inuu gudbiyay gaariga oo ahaa darawalkii guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka uu u baxsaday dhanka kooxda Al-Shabaab.

Hal sano iyo saddex billood ayay laamaha amniga ee dowladda ku guuleysteen in uusan Muqdisho ka dhicin qarax gaari, inkasta oo dhowr jeer argagixisada adeegsatay dad caadi ah oo ay qaraxyo kusoo xireen.

Waa hab cusub inay argagixisada billowday in gaadiidka caadi usoo raacan oo ay boorsooyin ama baco kusoo qaatan qaraxyada, waxaana laamaha amniga halkaan ka fahmayaan inay hadda kadib baaran boorsooyinka iyo bacaha saaran gaadiidka raaxada iyo in la eego waxyaabaha ku qarsan kuraasta hoostooda. Sidoo kale in dadka la baara ayaa muhiim noqon doonta.

Khasaaraha weerarkii hoteelka SYL ayaa aad u yaraa, waxaana laamaha amniga ku sababeeyeen in kooxda weerarka qaaday ee gudaha u galay hoteelka oo markiiba meel hoose ku go’doomay iyo qaraxyada oo aan laheyn miisaan weyn maadaama alaabtu aheyd waxyar oo gaariga dhex yaalay.

Sidoo kale dadka ayaa baddi deg deg uga baxay hoteelka, maadaama ay kooxda go’doontay oo ay la dagaalamayeen ciidanka dowladda ee isla markiiba tegay goobta.

Dadka dhaawacmay ayaa u badan kuwo darbiyada ka booday oo ay lugaha wax kasoo gaareen. Durba waxaa xabsiga la dhigay ku dhowaad toban ruux oo siyaabo kala duwan ugu lug leh su’aallo weydiinta weerarkan, waxaana ku jira xubnihii habeenkaas ku qornaa baraha kontorool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada, gaar ahaan midda Sayidka.

Sidoo kale waxaa la xiray dadkii soo dejiyay gaadiidkii lagu fuliyay howsha, kuwii laga sii iibiyay, Nootaayaddii u kala wareejisay iyo dad kale oo laga shakisan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii lasoo afjaray weerarka daawaday muuqaalada ay duubeen kaamirooyinka, waxaana uu madaxweynaha faray madaxda laamaha amniga inay baarista dadajiyaan kadibna dadweynaha lala wadaago dhacdada, horeyna laga gudo galo maxkamadeynta.

Dhamaan saddexda kontorool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada ayaa waxaa jooga oo masuul ka ah ciidanka milateriga, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Koofi Casta ee qaabilsan amniga Madaxtooyada Qaranka.

Xogta sarkaalka loo haysto weerarkii lagu dilay Tuure iyo ‘baycadii uu la galay’ Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee magaalada Muqdisho kasoo muuqday Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge, oo ah sarkaale sare oo ka tirsan Kumaandooska DANAB.

Ninkan ayaa ah Laba Xidigle ka tirsanaa ciidamada uu tababaray Mareykanka ee DANAB, wuxuuna ku eedeysan yahay inuu la shaqeyn jiray kooxda Al-Shabaab.

Mucaawiye Waasuge ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab u ballan-qaaday xilka Waaliga gobolka Hiiraan, uuna sidaas kula shaqeynayay, isagoo ahaa basaas ku dhex jira ciidanka Soomaaliya kuwooda ugu tayada wanaagsan ee DANAB, sida ay xafiiska xeer ilaalinta ka hor sheegtay maxkamadda.

Mucaawiye ayaa ka dambeeyay fududeynta weerarkii lagu dilay Gaashaanle Xasan Tuure, waxayna maanta maxkamadeyntiisu ka bilaabatay magaalada Muqdisho.


Mucaawiye Waasuge ayaa wajahay eedeymo argagixiso oo waaweyn sida; dhabar jabinta saaxiibbadiisa DANAB, basaasida goobaha ciidanka iyo talisyada iyo weliba shirqoolka iyo soo gaabinta cimriga taliyahaashiisii hore.

Taliye Xasan Tuure oo ninkaan loo haysto weerarkii lagu khaarajiyay ayaa waxa uu ku dhintay dagaal qaraxyo ku billowday oo ka dhacay Galcad ee gobolka Galgaduud.

Xoogaga Danab oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka ayaa waxaa tababara Mareykanka, iyaga oo saldhigooda ugu weyn ku leh Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

DANAB waa ciidan lugta oo tababar gaar ahi qaba, waxayna fuliyaan hawl-galada qorsheysan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waana ciidanka sida gaarka ah ula hawl-gala Ciidamada Mareykanka ee Villa Somalia ka taageera weerarada dhinaca cirka ee lagu bartilmaameedsado madaxda iyo maleeshiyada Shabaabka.

‘Lix jeer ayaan ka badbaaday qarax, waxaa iigu xanuun badnaa kan HOTEL SYL oo…’

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxay u ahayd mid ka mida habeenadii ugu naxdinta badnaa in ka badan shan jeer oo hore ugu badbaaday weeraro qaraxyo ku bilowday dabadeedna ay xigeen in rag hubaysan oo gudaha u galay goob uu ku sugnaa.

Habeenkii jimcuhu soo galayey, Faysal Caraale Afrax waxay u ahayd habeen uu welwel iyo dadaal badan uu ku bixiyey sidii isaga iyo wiilkiisa oo toban sano jira ay ugu badbaadi lahayeen weerarkii ka dhacay hotel SYL oo ku yaal agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo ay qaraxyo iyo weeraro ku qaadeen rag hubaysan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

‘‘Jugtu markay dhacday, wiilkayga waa booday isagoo cararay. Waa soo qabtay waxaana ku iri aabe fariiso, ka dibna waxaan isku dayey sidii an nafaheena u maarayno. Naftaada waad maareeyn kartaa laakin mid kale oo waliba ilmahaaga ah waa ka sii welwel badan tahay waana ka sii naxdib badan tahay’’ ayuu BBC da u sheegay Faysal Caraale.

Feysal oo ah Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir aya sheegay sheegay in markii qaraxu dhacay uu ku sugnaa qaybta barxada ee hotelka SYL isagoo markaas ka soo baxay salaada taraawiixda.

‘‘Aniga wiilkayga waxaan ka wada boodnay darbiga, waxaa aad ii caawiyey laba ka mid ahaa ilaaladayda, dhaawac fudud ayaa i gaaray laakiin wixii ay dadkii an waxba galabsan ay gaarsiiyeen Khawaariijtu waxy ahayd wax naxdin leh” ayuu intaas ku daray xoghaye Faysal.

Faysal, wuxuu BBC-da u sheegay in xilligaas uu qofkasta doonayey in naftiisa badbaadsado oo aysan jirin cid eegaysay wax kale, basle qofkasta uu xooga saarayey inuu isagu noqdo kan ugu horeeye ee ka samatabaxa.

Weeraradii hore ee Faysal ka badbaaday

Faysal Caraale Afrax Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir ayaa BBC-da u sheegay in tiro ka badan shan jeer uu ka badbaaday weeraro halis leh oo dad badani ku dhinteen oo ay Al-shabaab la eegteen goobo oo ku sugnaa.

Qaraxii ugu horeeyey ayuu la kulmay sanadkii 2013-kii isagoo ku sugan magaalada Buulabarde ee gobolka Hiiraan kaas oo dhaawac ka soo gaaray.

Sanadihii 2017 kii,2018 kii, 2022 kii, 2023 kii iyo kii ugu danbeeyey ee sanadkan oo ka kala dhacay Baladweyne iyo Muqdisho ayuu Faysal ka badbaaday wallow kuwa ka mida weeraradaas ay dad badani oo masuuliyiin isaga la mid ahaa ay ku geeriyoodeen.

Wuxuuse si gaara u xusay qaraxii sanadkii 2023-dii ku qabsaday xaruntiisa shaqo ee gobolka Banaadir kaas oo dablay hubaysan ay gudaha u galeen xarunta

“Xiligaas waxaa ku sugnaa xafiiskayga waana iska difaacnay nimankii na soo weeraray gaar ahaana ilaa afartan daqiiqo ayaan iska difaacaynay aniga ilaaladaydu” ayuu yiri Faysal Caraale.

Isagoo ka jawaabayey waxaa ku soo dhaca maskaxdiisa markasta oo qarax iyo weerar ka badbaado ayuu sheegay “Markasta in Illaahay i jecel yahay”.

Isha: BBC

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo mar kale maanta u baxay safar dibadda ah + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ugu amba-baxay dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan ayaa marka uu ka dego Asmara waxa kulan xasaasi ah la yeelan doona dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki, oo ay ka wada-hadli doonaan iskaashiga labada dhinac, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Eritrea ayaa waxaa ku sugan oo tababar ku qaadanaya qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida, waana mid kamid ah waddamada Soomaaliya ka gacan siiya tababarka ciidamada, kaasi oo lagu tilmaamo midka ugu adag ee la siiyo ciidankeenna.

Madaxweynaha ayaa kahor inta uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde ku sii sagootiyey mas’uuliyiin iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka SYL.

Xubnahan oo loo qaaday dalka Turkiga, ayaa waxba looga qaban waayo xaaladooda caafimaad gudaha dalka, kuwaasi oo hadda xaaladdooda caafimaad lagu soo daaweynayo dalka dibaddiisa.

Dhaawacyada la qaaday ayaa gaaraya illaa 18 ruux iyo ehelladooda, kuwaasi oo lagu soo daaweyn doono isbitaallo ku yaalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga, sida uu shaaciyay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji oo la hadlay warbaahinta.

Dhaawacyada la qaaday maanta ayaa waxaa kamid ah mas’uuliyiin, xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan, oo dhamaantood ku waxyeeloobay weerarkii bahal-nimada ahaa ee hoteel SYL, oo ku yaalla xayndaabka Madaxtooyada Qaranka.

Xog: Madaxweyne Xasan oo la wareegay galka weerarkii SYL iyo xogtii u dambeysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wareegay galka weerarkii hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay saacado badan ka dhex dagaalameen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan oo dhacay xilli habeen ah ayaa waxaa lagu qaaday hoteelka SYL oo kamif ah hoteellada ku yaalla xayndaabka Madaxtooyada Soomaaliya ee aadka loo ilaaliyo, waxaana ku dhaawacmay saddex qof halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 30 kale.

Madaxweyne Xasan oo aad u daneynaya kiiskan ayaa waxa uu tegay xarunta Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, isaga oo goobjoog u noqday baaristii ugu horreysay ee kaamirooyinka ee lagu ogaanayay halka ay kasoo gudboon maleeshiyaadkii weerarka fuliyay.

Madaxweynaha ayaa isha saaray goobihii ay soo gudbeen maleeshiyaadkaasi iyo gawaaridii ay wateen, oo ay kamid ahaayeen baraha kontorool ee laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Qaranka oo ah hoyga uu degan yahay madaxweynaha.

Sida ay tibaaxayaan xogaha aan helayno, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda la wareegay galka baarista ee weerarkaasi, waxaana baaristaasi qeyb ka ah xubnaha ugu muhiimsan hay’ddaha amniga, sida Taliska Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka, booliska iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ilaaladda Madaxtooyada Qaranka.

Xasan ayaa muuqata inuu aad ugu howlan yahay sidii looga mira-dhalin lahaa baarista weerarkii Khamiistii, oo kusoo aaday xilli caasimada looga adkaaday kooxda Al-Shabaab, ayna bilihii dambe daganeyd xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la sheegaya in uu rabo in tallaabo sharci ah laga qaado qof kasta oo ku lug lahaa illaa maxkamaddna la horgeeyo, si aysan usoo laaban ku dhiirashada in Shabaab mardambe loo fududeeyo weerar iyo qaraxyo.

Weerarkan ayaa fajiciso noqday maadaama ay rag hubeysan iyo gawaari qaraxyo ku raran yihiin ay ka gudbeen kontoroolo aad loo ilaaliyo, ayna adag tahay in qof caadi ah ka gudbo, maadaama lagu gooyo halkaasi aqoonsi dowladeed.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkan ayaa waxaa isa soo taraya tuhunnada laga qabo inay fududeeyeen saraakiil ka tirsan ciidanka, ayada oo Jimcihii lasoo xiray saraakiil iyo askar ka tirsan kuwii ku qornaa haweenkaasi kontoraallada laga ilaaliyo Madaxtooyada ee ay kasoo gudbeen maleeshiyaadka weerarka fulisay.

Maxaa ka jira in mid ka mid ah shaqaalaha BF uu qeyb ka ahaa weerarkii Hotel SYL?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii u horreysay beeniyay jiritaanka warar soo baxayay oo sheegayay in mid kamid ah shaqaalaha baarlamaanka uu ku lug lahaa weerarkii hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi, isaga oo meesha ka saaray in mid ka mid ah howl-wadeennada baarlamaanka uu ku lug lahaa weerarkaasi ka dhacay hoteel ku yaalla irrida Madaxtooyada Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Jaabiri oo qoraal soo saaray ayaa xaqiijiyay in kaarka aqoonsiga ah ee lagu baahiyay baraha bulshada, lana sheegay inuu leeyahay mid kamid ah raggii weerarkaasi geystay, uu yahay mid been abuur ah.

Waxa uu sheegay in ninkaasi uusan weligii ka shaqo gelin baarlamaanka, uusan ka tirsaneyn shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u cadeynayaa in aqoonsiga meesha ka muuqdo uu yahay been abuur, shaqsiga meesha ka muuqdana uusan u shaqeyn Golaha Shacabka,” ayuu Cabdiraxmaan Jaabiri ku yiri qoraal uu soo saaray.

Kaarka la helay ee baarlaamka iska fogseyay ayaa waxaa ku qornaa qof lagu magacaabo Liibaan Maxamed Maxamuud oo shaqadiisuna ay ahayd “farsamo yaqaan” katirsanaa BF, sida ku qorneyd kaarka aqoonsiga ee la helay.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli uu sii xoogeysanayo tuhunka ka dhashay weerarkii hoteelka SYL ee Khamiistii, kaasi oo ku yaalla xeyndaanka Madaxtooyada Soomaaliya oo si weyn loo ilaaliyo.

Goobta uu ku yaallo hoteelka la weeraray ayaa ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, ayna ku yaallan kontoroolo ay adag tahay in si fudud looga soo gudbo, taasi oo muujineysa in dhinacyo kale ku lug leeyihiin weerarkaan ayna fududeeyeen.

Baarista kiiskan ayaa socota, waxaana illaa hadda loo xiray saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda iyo askar ka tirsan kuwii ku qornaa kontoroollada laga ilaaliyo Madaxtooyada habeenka uu dhacayay weerarka.

Mas’uuliyiintii DF ee ku dhaawacmay weerarkii hotel SYL oo dibadda loo qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta caafimaad dalka dibaddiisa ah u dirtay qaar kamid ah dadkii ay dhaawacyada culus kasoo gaareen weerarkii ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ku qaaday hoteel SYL ee magaalada Muqdisho, una dhow xarunta madaxtooyada.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa dhaawacyada oo loo qaaday dalka Turkiga kusii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la qaaday 18 dhaawacyo ah iyo ehelladooda, kuwaas oo uu tilmaamay in lagu soo daaweyn doono isbitaallo ku yaalla magaalada Ankara.

Dhaawacyada la qaaday ayaa waxaa kamid ah mas’uuliyiin, xildhibaano ka tirsan labada gole iyo saraakiil, sida uu shaaciyay wasiirka.

“Maanta waxaa la qaadayaa 18 dhaawac ah iyo dadkii la socday, waxaa la geyanaa isbitaallo ku yaalla magaalada Ankara, iyaga oo nabad ah ayay noo soo laaban doonaan, Insha allah” ayuu yiri wasiir Cali Xaaji.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhaawacyada la qaaday ay yihiin kuwiinu darnaa, si wax looga qabto xaaladdooda caafimaad.

“Dhaawacyada la qaadaayo waa dhammaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Hotel SYL, looma kala saarayo mas’uuliyiin iyo shacab marka waxaa la qaadayaa wixii qaadis u baahan” ayuu mar kale yiri wasiirka caafimaaka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu u mahadceliyay dowladda Turkiga oo gurmad caafimaad usoo dirtay Soomaaliya, kadib weerarkii hoteel SYL ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo ku billowday qaraxyo, kadibna ay xigeen rag hubeysan oo gudaha u galay hoteelka, kana dagaalamay saacado badan ayaa dhaliyay tuhun oo ka dhashay sida ay ku gaareeb goobtaas oo si weyn loo ilaaliyo amnigeeda, kuna yaallaan baro koontarool oo laga sugo amniga guud ee madaxtooyada qaranka.

Xarardheere oo dayacan iyo Imaaraatka Carabta oo laga dhawrayo go’aan – Xog

0

Abdu Dhabi (Caasimada Online) – Kadib ka bixitaankii ciidamada dowladda ee deegaanada ay Camaara ka mid tahay ee gobolka Mudug, ayay xeeldheerayaasha amniga waxa ay sheegayaan in tallaabadan ay ka dhigan tahay in degmada Xarardheere ay haatan wajahayso halis ka badan intii hore.  

Waxaa la sheegayaa in Al-Shabaab ay heleen dhul balaaran oo ay ku abaabulaan weerar ay isugu dayaan in ay dib ugu qabsadaan Xarardheere oo u ahayd degmo xeebeed aad muhiim u ah, oo xitaa ay kala soo degi jireen sahayda ciidanka ee meelaha kale uga imaanaysa.

Xarardheere waxa ay ka mid ahayd meelihii ugu muhiimsanaa ee ay Al-Shabaab kala wareegtay sanadkii hore, waxaana la qabtay 16-kii Janaayo, 2023-dii.  

Qariiradda hoose oo ay faafisay Majallad Caalami ah oo amniga Afrika ka faaloota (Waxaa soo saara Mac-hadka American Express Institute) ayaa muujinaysa meelaha dowladda ka baxday iyo meelaha halista u ah weerarka.

Imaaraatka oo go’aan laga sugayo  

Inkasta oo Imaaraatka joojiyeen mushaaraadkii ay siin jireen ciidamada xasilinta caasimadda iyo guud ahaan kabkii miisaaniyadda kadib weerarkii Al-Shabaab ee Xerada Jeneraal Gordan, ayaa waxa ay hadda wararka sheegayaan in Dubai ay gebi ahaanba ka fiirsanayso dhaqaalihii ay ku bixin jirtay tabobarka, taageerada iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliya.  

Imaaraadka ayaa sidoo kale la sheegay inaanu ku faraxsaneyn heshiiska ay Muqdisho la gashay Turkey ee baarlamanku ansixiyey, halkii kii Imaaraadka aan xitaa la horgeyn, ayada oo wararku sheegayaan inuu si hoose u diiday.

Lama oga in goaanka Imaaraatka uu saamayn doono kumanaanka ciidan ee ay mushaarka iyo tabobarka siiso ee ku kala sugan Puntland iyo Jubaland.