27.2 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

War cusub oo kasoo kordhay wax ka beddelka dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa mar kale si weyn kaga dooday arrinta datuurka oo haatan meel xasaasi ah mareyso.

Kulankan wadajirka ah oo ahaa kii 27-aad ayaa waxaa guddoomiyey Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo wehliyaan ku-xigeennada labada Aqal ee Baarlamaanka.

Xildhibaannada ayaa maanta u gudbay ka doodista madaxa 3-aad oo ka hadlaya xisbiyada siyasadeed iyo madaxa 4-aad oo ku saabsan maamulka dorashooyinka dalka.

Doodda maanta oo ahayd mid xasaasi ah ayaa waxaa isku diiwaan geliyay illaa 33 Mudane oo isugu jira labada Aqal, waxaana lagu wadaa in berri la soo gebagebeeyo.

Sheekh Aadan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka berri ay Xildhibaannada soo xaadiraan, si loo dhameystiro cutubka 4-aad ee wax ka beddelka Dastuurka KMG ka ah.

Xildhibaanada qaar ayaa diiday qorshaha wax ka beddelka dastuurka, kuwaas oo xalay ku shiray Muqdisho, isla markaana sheegay in qorshaha socda lagu kala fogeynayo dalka.

Doodda wax ka beddelka dastuurka oo maalmihii dambe ka socotay Baarlamaanka ayaa waxaa meel adag iska taagay madaxdii hore ee dalkaiyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Puntland ayaa sidoo kale kasoo horjeedo beddalidda dastuurka oo la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya oo ay isku hayaan hoggaanka guud ee dalka.

Ku dhawaad 20 QOF oo ku dhintay Garoowe, kadib markii…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kadib markii uu maalmihii lasoo dhaafay ka dilaacay cudurka shubka.

Daacuud Calooleedkan ayaa galaaftay nolosha illaa 19 qof oo u badan carruur, halka in ka badan 300 oo kalena ay haatan la il daran yihiin, kuwaas oo la jiifiyay isbitaallada.

Sida ay wararka ay sheegayaan xaaladdan ayaa soo taagnayd illaa dhammaadka bishii hore, waxayna si gaar ah u saameysay qoysaska deggan kaamamka barakacayaasha.

Wararka ayaa intaas  kusii daraya in cudurka uu hadda si xowli ah u sii faafayo, iyadoo goobaha caafimaadka ay buux dhaafiyeen dadka uu soo ritay oo u badan carruur.

Sidoo kale waxaa soconayo dadaallo ay wadaan bahda caafimaad iyo Puntland oo ku aadan sidii loola tacaali lahaa cudurka shubka ee faraha kulul ku haya reer Garoowe.

Iskuduwaha caafimaad ee gobolka Nugaal Dr. Maxamed Jaamac Xirsi oo ka hadlay xaaladdan adag ayaa sheegay inay wadaan gurmaad caafimaad oo loo fidinayo shacabka, gaar ahaan dadka uu soo ritay xanuunka.

Waxaa kale oo uu tilmaamay inay sameeyeen xarumo lagu karantiilo dadka uu soo ritay cudurka, si loo xakameeyo inuu kusii fido magaalada oo dhan.

“Mudnaanta hadda waa in la hubiyo in si degdeg ah loo daweeyo dadka uu saameeyey, iyo in la hirgeliyo tallaabooyin ka hortag ah oo lagu joojinayo faafitaanka cudurka daacuunka ee Garoowe,” ayuu yiri Dr.  Maxamed Jaamac Xirsi.

Daacuunka ayaa ah caabuq bakteeriyo oo aad u faafa, isla markaana sababa shuban daran iyo fuuqbax, inta badanna haddii aan la daweyn keenay dhimasho.

Ra’iisul wasaare Xamza oo xil sare maanta u magacaabay Mukhtaar Maxamed Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta wareegto soo saaray ayaa xil sare u magacaabay Mukhtaar Maxamed Xasan oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah.

Xamza ayaa ninkan u magacaabauy inuu noqdo La-taliyaha Arrimaha Amniga ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sida lagu sheegay wareegtada.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Mukhtaar Maxamed Xasan u magacaabay La-taliyaha Arrimaha Amniga ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Xamza.

Sidoo kale waxaa loo rajeeyay mas’uulkan cusub inuu eebbe u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday, uuna guto waajibaadka qaran ee la saaran.

Xilkan waxaa horay u hayay S Kamaaludiin Daahir Guutaale oo isna maalmo kahor loo magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waxa xilkaas iska casilay axamed Abuukar Subeer oo ka tirsanaa saaxibada aad ugu dhowaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Xamza ayaa maalmihii u dambeeyay waday isbeddalo ku aadan xafiiskiisa, wuxuuna horay Cabdirisaaq Cali Ibraahim ugu magacaabay inuu noqdo Ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo Mahad Maxamed Cumar uu u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Habmaamuuska ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Tallaabooyinkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Villa Soomaaliya ay ka socdaan qorsheyaal ballaaran oo ay ugu horeyso wax ka beddelka dasuurtka oo dood wayn ay ka taagan tahay.

Daawo: Shacab badan oo ‘ku dhintay duqeyntii ka dhacday’ duleedka MUQDISHO

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo xoogan oo xalay ka dhacay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Bartilmaameedka weerarkan ayaa ahaa kooxda Al-Shabaab oo soo gashay deegaanadaasi, balse waxa ay waxyeelo xoogleh kasoo gaartay shacabka deganaa halkaasi.

Qaar kamd ah ehellada dadkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shacabka oo kasoo baxay tuulada, kuna sugnaa beero ku yaalla halkaas ay haleeshay duqeynta, isla markaana ay soo gaartay dhimasho iyo dhaawac aad u badan.

Sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen in dhimashada ay gaareeyso illaa 20 qof, dhaawacana uu intaasi kasii badan yahay. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa ku jira carruur iyo haween, waxaana qaarkood ay ahaayeen dad isku qoys ah.

Dhaawacyada dadkan ayaa sidoo kale lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isbitaalka Madiino, sida uu sheegay goobjoogaha.

Ugu dambeyn waxa ay farriin u diray dowladda federaalka oo uu ka codsadeen inay dabagal iyo baaris ku sameyso dhacdadaasi.

“Dowladda waxaan ka codsaneynaa inay arrintaas baarto” ayuu wareysi laga qaaday ku yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya, gaar ahaan NISA oo horay warsaxaafadeed uga soo saartay duqeyntan ayaa sheegtay inay ku dishay ku dhowaad 40 ka tirsanaa Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad-celinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan garabna istaagaan ciidanka qalabka aida,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Si kastaba, ciidanka qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu dambeeyay Al-Shabaab ka sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Sh/Hoose, oo xubnaha kooxda dooneysay inay si dhuumaalaysi ah u soo galaan.

Wararkii u dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay MUDUG

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Mudug, gaar ahaan koonfurta gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar culus ku qaadeen fariisimo cusub oo Al-Shabaab ay ka sameysteen duleedka deegaanka Qaycad ee gobolka Mudug, waxaana kadib halkaasi ka dhacay iska hor imaad toos ah.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalkan ay guullo ka gaareen, isla markaana ay jab culus ku gaarsiiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa dagaalka barbar socday duqeyn culus oo lagu garaacay goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Al-Shabaab, taas oo sii kordhisay khasaaraha.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ku sugan yihiin qaybo kamid ah meelaha lagu dagaalamay, waxaana weli soconayo howlgallo culus.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda.

Mudug ayaa waxaa in muddo ah ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar ka dhaca dagaallo culus oo u dhexeeya labada dhinac.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda Al-Shabaab dub u qabsatay deegaano dhaca Mudug oo ay kasoo baxeen ciidamada huwanta.

The Importance of clear constitutional guidelines, for a bright future in Somalia

The progress of a country is not solely dependent on the goals set by its leaders or the dreams of its people. Deeply rooted in the strength and clarity of its governing structures. Somalia, a nation that has faced challenges finds itself at a moment where achieving ambitious objectives is closely tied to addressing the current state of uncertainty surrounding its constitution. The necessity of having a approved and widely embraced constitution cannot be emphasized enough as Somalia strives for stability, democracy and prosperity. 

The current temporary status of Somalias constitution, which is intended to be the foundation of governance and order mirrors the instabilities that have haunted the nation for years. A constitution represents more than a set of rules; it embodies a countrys essence, principles and aspirations. It outlines how power is divided among government branches protects citizens rights and shapes policies and development strategies. Without finalizing and fully enforcing this document Somalia continues to forge with only partially reliable guidance, for its future journey. 

The absence of an established constitution has effects, on how governance and progress unfold. It makes it difficult to set up reliable institutions which’re crucial for effective governance and for attracting local and global investments. Investors and international partners want to feel confident that their commitments and investments are protected by laws something that a temporary constitution cannot fully guarantee.

Furthermore the political uncertainty arising from the situation worsens the challenges of federalism in Somalia. The interaction between the government and regional entities remains contentious leading to disagreements over resource allocation, territorial borders and political independence. A clear and approved constitution would clarify these relationships and duties reducing conflicts and promoting a approach to national governance and progress. 

The process of finalizing the constitution also presents an opportunity for discussions and reconciliations. It can provide a platform for addressing grievances negotiating agreements and developing a shared vision, for the future. This inclusiveness is essential to ensure that the constitution is not a document but also an agreement that represents the diverse hopes and commitments of all Somali stakeholders. 

In summary clarifying the ambiguity, within Somalias constitution is not an political requirement; it is a crucial step for the countrys stability and progress. The core of its governance needs a constitution that’s precise, inclusive and representative of the peoples wishes. Then can Somalia move forward in achieving its objectives ensuring that its path is guided by democratic principles, justice and fair development. The international community along, with Somalias leaders and citizens should acknowledge the importance of this mission. Commit to supporting a process that leads to an approved constitution, which will be the foundation of Somalias success.

Ismail D. Osman: Former Deputy Director of the Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA). Specializing in writings on Somalia, the Horn of Africa’s security, and geopolitical landscapes with an emphasis on governance and security. Contact: [email protected]. Twitter: @osmando. 

Maxaad ka ogtahay halista ku gadaaman socdaalka Xasan Sheekh ee dalka Eritrea?

0

Asmara (Caasimada Online) – Isaias Afwerki waxaa loo arkaa midka ugu mayalka adag hoggaamiyeyaasha kalis-taliska ah ee dalalka ku yaalla Bariga Afrika. Wuxuu Eritrea haystaa tan iyo markii ay dal noqdeen 1993-dii.

Waxaa la sheega in madaxda u tagta badi uga sheekeeyo ama wax ka fahamsiiyo hanaanka kursiga lagu haysan karo waqti fog.

Soomaaliya cilaaqaad hore oo siyaasadeed lama laheyn Eritrea, balse madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jeexay isku xir cusub oo labada dal ah sanadkii 2018.

Saaxiibadii hore ee Farmaajo waxay sheegaan inuu Farmaajo ahaa siyaasi dimuqraadi ah oo sharciga la weyn yahay, ka hor inta uusan saaxiib gaar ah la noqon hoggaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki, balse wixii ka dambeeya macaamilkooda ayuu Farmaajo lasoo baxay dabeecadaha kaligii taliska, isagoo dhinac iskaga riixay dastuurka, qabsaday baarlamaanka, dhowr maamul goboleedna geystay dad aan isaga ka hor imaan karin.

Wuxuu kale oo ciidanka ku wareejiyay dhalinyaro fikirkiisa u carbisan, wuxuuna abuuray kooxdii xoogagga Waddaniyiinta oo qaar madax looga dhigay degmooyinka gobolka Banaadir.

Waxaa la sheega wixii ka dambeeyay Farmaajo iyo Afwerki is qaateen inuu Farmaajo dhinac iskaga riixay in uu talada dhexda soo dhigo.

Hadda markale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda inuu si weyn u caashaqsan yahay Isaias Afwerki, wuxuuna Axaddii markii lixaad booqasho ku tegay waddanka Eritrea.

Weli laba sano uma buuxsamin madaxweynaha Soomaaliya, dadkuna waxay durba bilaabeen inay ka doodaan gunta isku soo dhawaanshaha hoggaamiyaha Eritrea iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh inkasta oo uusan muddo xileedkiisi hore muujin wax astaamo kali-talisnimo ah, haddana kal xukunkaan cusub waxay dadka ka doodayaan halka uu kusoo dhamaan karo, taasi oo magaciisa hore xoojin doonta ama mid cusub siin doonta.

Marka la eego sida uu hadda madaxweyne Xasan Sheekh u wajahayo arrimaha dastuurka iyo isku soo dhawaanshaha dheeriga ah ee isaga iyo Afwerki, dadka qaar ayaa muujinaya walaac ka la xiriira in madaxweynaha uu cashiro ka qaadanayo kaligii-taliye Afwerki, kaasi oo loo haysto inuu yahay ninkii dariiqa ka lumiyay Farmaajo.

Inkasta oo marka la eego sida ay Soomaaliya u dhisan tahay waqtigan uusan qofna dalka wada qabsan karin, oo maamulo iyo qabiilo la kala yahay, haddana nuuca kaliya ee uu kaligii-taliye Soomaali ah noqon karo waa isku dhajinta kursiga Villa Soomaaliya.

Laakiin taas beddelkeeda dadka qaar waxay qabaan in safarkaan ugu dambeeyay ee Xasan Sheekh uu ku aaday Eritrea iyo kii ka horeeyayba in aan lala xiriirin karin wax labada nin u gaar ah, balse loo leexin karo mid Afwerki iyo Xasan Sheekh rabaan inay ku dhisaan is-xulafeysi ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Cilaaqaadka waqtigaan dowladda Ethiopia la leedahay labada waddan ee Soomaaliya iyo Eritrea midna ma fiicna, waxaana ugu wacan damaca Addis Ababa ku dooneyso inay bad ku hesho iyo sidoo kale hab-dhaqanka qaris-iskatuurnimada ah ee Abiy oo u baahan in wada-jir lagu wajaho.

Midda ay labadaan tahayba waqtiga ayaa dadka doodahan kala qaba u jawaabi doona, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh laga rabo inuu dalka doorasho galiyo bisha May 2026.

Shabaab-kii ugu badnaa oo maanta lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho xilli ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay howl-gal culus oo maanta ka dhacay deegaanno dhaca degmada Afgooye, kaasi oo lagu dilay Shabaab badan oo isku aruursanayay halkaasi.

In ka badan 30 Shabaab ah ayaa lagu dilay howl-galkan oo ay iska kaashadeen ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo si gaar ah uga dhacay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta maleeshiyaad Shabaab ah oo isku aruursanayay deegaannadaasi, kuwaasi oo waday abaabul ay ku dhakrayaan shacabka Soomaaliyeed.

Howl-galka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Khawaarij ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo kale dhagar qabayaal kale oo ku dhaawacmay howl-galladan ayay Shabaabku geeyeen deegaannada Farsoolay iyo Buulo Fulay.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad-celinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan garabna istaagaan ciidanka qalabka aida,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, ciidanka qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu dambeeyay Al-Shabaab ka sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Sh/Hoose, oo xubnaha kooxda dooneysay inay si dhuumaalaysi ah u soo galaan.

Howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay ayaa u muuqda in toddobaadyadii u dambeeyay la dardar-gelinayo, iyada oo kooxda ay dib u qabsatay deegaano horey looga saaray kadib markii ciidanka ay iskaga baxeen.

Falcelin culus oo ka dhalatay tallaabo ay xalay qaadeen xildhibaano ka tirsan BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabo ay xalay qaadeen 71 Xildhibaan oo ka kala tirsan labada gole ee BFS, kuwaasi oo ka horyimid wax ka bedelka dastuurka, waxayna sheegay in qorshaha socda dadka iyo dalka lagu kala fogeynayo.

Xildhibaanada iyo Senatorrada ayaa cadeeyey in shaqada socota ee wax ka bedelka dastuurka aysan qeyb ka noqon doonin, iyagoo ka digay sida ay wax ku socdaan farriinta u diray madaxweynaha, xukuumadda iyo guddoonka baarlamaanka.

Bayaan ka soo baxay shirka xildhibaanada oo xalay ka qabsoomay Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskii lagu go’aamiyey in dastuurka wax laga bedelo ee golaha wadatashiga qaranka uu ahaa mid aan loo dhameyn oo Puntiland ay ka maqantahay.

Fal-celinta u weyn ee ka dhalatay tallaabadan ayaa ah in xildhibaannada lagu dhaliilay in doodda dastuurka oo ka socota baarlamaanka ay warbaahinta lasoo fariisteen bayaan aan waxba ka beddeleyn howsha socota, ayna aheyd in aragtidooda iyo diidmada sida ay wax u socdaan ka hor sheegaan golaha, halka dadka qaarna ay qabaan taasi bedelkeeda.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Cabdiqadir Cubayd: “Soomaaliya waxa wareeriyey calooshi u shaqaystayaal wa in laga gudbaa oo dawladnimadu shqysa guul iyo gobonimo madax wayne.”

“Dastuurkaan in la dhameystiro waa muhiim. Xildhibaanadiina raali ahaada. Waxaan is weeydiyay intaan o xildhibaan maxay qaraxii SYL saan o kale ugu soo istaagi waayeen u hadli waayeen oo dowladdana ula xisaabtami waayeen. Anyway interestigooda lee raadinooyaan,” ayuu yiri Cabdulqaadir Sheekh Cumar.

Cabdicasiis Ismaaciil: “Siyaasadd Xumada Xasan Sheekh asagoo laba sanno xitaa aysan u buuxsamin ayuu dalka qalalaaso siyaasaddeed galiyay.”

Ayuub Bashiir ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Xarunta baarlamaanka miyaa loo diiday, ma dooda ay qabaan halkaas ka sheegtaan oo ama diidaan ama yeelaan?!.”

Cabdiqaadir Jaylaani ayaa isna waxa uu yiri “Mooshin ka keena gudoomiyaha, haddii ay idinka dhab tahay.”

“Dastuur la isla wada ogol yahay baa dalkaan dan u ah laakiin dastuur dadka wato inee badalaan dan u ah macquul maaha ee saan wax ka badala,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cumar Yuusuf.

Maxamed Cabdullaahi C/raxmaan: “Dooddaas golaha baarlamaanka dhexdiisa ka sheega, wixii intaas ka soo haray waxba sooma kordhinayso.”

Suldaan Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Dastuurka qabyada ah yaa ansixinaya haddii madaxweyne kasta laga horyimaado waa su’aasha iswaydiin mudan oo qofkasta maskaxdiisa ka guuxaysa.”

“Dalka badbaado ayuu u baahan yahay idinkaa na-matala waajibkiina guta,” ayuu yiri Xasan Aadan Cigaal.

Xasan Sheekh oo dhowaan heli doona wixii uu raadinayay muddo iyo mucaaradka oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doodda baarlamaanka Soomaaliya taalla ee la xiriirta dastuurka waxay dhex taagan tahay Cutubka 4-aad. Cutubkani waa midka ugu xasaasin waxaana ku jira isbeddelka haylka dowladnimada oo loola jeedo in laga guuro booska ra’iisul wasaaraha, laguna beddelo madaxweyne ku-xigeen.

Cutubkan ayaa sidoo kale waxaa ku jira hanaanka doorashooyinka iyo dalka uu yeesho laba xisbi. Marka ay dhamaato doodda iyo wax ka beddelka Cutubka 4-aad hal mar ayaa la ansixin doona afarta cutub ee 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad.

Codkooda waxa uu noqon doona gacan taag oo dowladda ayaa horey ugu adkaatay in habraaca sidaas laga dhigo. Illaa 100 Xildhibaan ayaa isku diiwaan-gelisay ka hadalka Cutubka 4-aad.

Waxaa jirta dood ku saabsan in la ansixiyo kahor fasaxa bisha Ramadaan ee baarlamaanka ama markii laga soo laabto fasaxa. Villa Somalia waxaa la sheegay inay dooneyso in afarta cutub la ansixiyo kahor fasaxa baarlamaanka.

Wararka qaar waxay sheegayaan inay macquul tahay in 23 bishaan lagu kala baxo meel-marinta afartaasi cutub.

Mucaaradka waxay si weyn u diidan yihiin hanaanka ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh rabto inay u dhameystirto dastuurka. Laakiin diidmadooda wax ficil ah lama socdaan mana ka muuqdan wax itaal siyaasadeed ah oo hadal ka badan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uusan baarlamaanka u socon, isaga oo sabab uga dhigay sida ay u meel-mariyeen habraaca loo marayo dhameystirka dastuurka.

Wuxuu ahaa mid kamid ah xubnihii la filaayay inay Xasan Sheekh kula diriri karaan baarlamaanka, laakiin taasi ma dhicin. Shariif Sheekh Axmed dadaalo kooban oo uu sameeyay waxba uma dhalin, halka ay Saciid Cabdullaahi Deni ku adkaatay inuu ka dhex kalluumeysto baarlamaanka, tii oo dhinaca kale jiraan inay wada-hadallo hoose u socdaan Deni iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Dadka ka faalloonaya mowduucan ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku adkaan doono afartaan cutub, oo baarlamaanka uu heegan u yahay qorshaha Villa Somalia, isaga oo fiirsanaya gunnooyinka dheeriga ah iyo ballan-qaadyada isku shaandheynta.

Mucaaradka si buuxda ayaa loogu dhex jabiyay baarlamaanka, qaarna isma ogola oo qadiyadan diidmadeed shirko kuma ahan. Siyaasiyiinta mucaaradka oo markii hore laga filaayay inay madaxweyne Xasan Sheekh ka hor istaagi karaan qorshihiisa dastuurka ayaa hadda doodda u beddelay xagee lagu dhaqan-gelin doona xitaa haddii la meel-mariyo.

Waa caado soo jireen ah in marwalba ay kooxda tallada haysa ku adag tahay baarlamaanka, laakiin dhinaca kale waxaa la arki jiray mucaarad intaan ka xoog badan oo waxyaabaha qaar gaarsiin jiray heer ay si sax ah umadda ugu soo wada jeesato.

Inkasta oo ay sax yihiin dhamaan dooddaha la xiriira in aan loo dhameyn qorshaha dhameystirka dastuurka, haddana madaxweyne Xasan Sheekh uma muuqdo nin diyaar u ah inuu taas u joojiyo, mucaaradkana uma muuqdan kuwa itaal u leh inay isaga joojiyaan, sidaas awgeed waxaa badi la isku raacsan yahay inay Villa Somalia ku adkaaneyso meel-marinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka.

SOMALILAND oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta heshiiskii BADDA ee Itoobiya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo weli ku adkeysaneysa heshiiskii is-afgarad ee 1-dii Janaayo ee sanadkaan ay la gaartay Ethiopia, ayaa qaaday tallaabo cusub oo u muuqata in maamulka uu ku muujinayo in weli uusan waxba iska bedelin heshiiskaasi, xilli ay ka horyimaadeen DF iyo caalamkaba.

Madaxda Guddiga farsamo ee xukuumadda Somaliland u xil u saartay heshiiska Somaliland iyo Ethiopia oo muddooyinkii dambe dadaallo lagu xoojinayo dhaqan-galka heshiis beenaadkaasi ayaa waxay la kulmeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka Somaliland.

Mucaaradka ayaa Soo dhaweeyey heshiiskii is-afgarad ee dhex maray Somaliland iyo Ethiopia kadib kulan ay labada xisbi mucaarad la qaateen madaxda guddiga farsamo ee heshiiska labada dhinac.

Kulanka guddigu la qaateen hoggaamiyayaasha axsaabta mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani ayaa lagu sheegay in ujeedkiisu ahaa mid isxog-waraysi iyo talo urursi la xiriira isfahamka dhex-maray Somaliland iyo Ethiopia oo ay guddidani ku hawlan tahay lafa-gurkiisa.

Guddiga ayaa waxay hoggaanka sare ee asxaabta mucaaradka uga warbixiyeen hawlaha ay guddi ahaan gacanta ku hayaan iyo hirgelinta hawlaha ay u xil-saaran yihiin, ayada oo hoggaanka labada xisbi ay aragtiyo iyo tallooyin la xiriira heshiiska la wadaageen guddiga.

Madaxda asxaabta mucaaradka ayaa ku bogaadiyay dadaaladda guddigu gadhwadeenka ka yahay, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay kulanka guddiga farsamada heshiiskii Addis Ababa iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Guddigan ayaa horey u booqday dhul badeedka loo asteeyay Ethiopia oo ku yaalla degmada Lughaya, halkaasi oo ay ka sameeyeen indho-indhayn iyo xog-ururin. Sidoo kale waxay la kulmeen odayaasha dhaqanka iyo qaybo ka mid ah bulshada deegaankaasi, xilli ay reer Lughaya meel adag iska taageen damaca gurracan ee Ethiopia iyo heshiiskii 1-dii Janaayo ee sanadkaan.

Arrimahan ayaa imanaya xilli lasoo warinayo in Ethiopia ay ka fakareyso inay ka laabato qorshaha ay ku aqoonsan laheyd Somaliland ee qeybta ka ah heshiiska is-afgarad ee u durbaan tumaneyso Somaliland.

Warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka ayaa illo-wareedyo kasoo xigatay in wada-hadallo dhowaan ka dhacay Nairobi oo uu la yeeshay madaxweynaha Kenya William Ruto, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku muujiyey inuu diyaar u yahay “inuu dib uga laabto” qeybaha muranka dhaliyey ee heshiiska, si uu soo celiyo xiriirka Soomaaliya.

Saraakiisha Ethiopia ayaa si qarsoodi ah ugu sheegay saraakiil ajnabi ah in dalka uu diyaar u yahay “inuu meesha ka saaro aqoonsiga Somaliland, sida ay sheegeen shan diblomaasi shisheeye oo lagu wargeliyey mowqifka Addis-Ababa.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in aysan marna wada-hadal toos ah la geli doonin Ethiopia, illaa Addis-Ababa ay ka laabato heshiiska sharci-darrada ah ee ay la gashay Somaliland, waana midda la rumeysan inay soo dadajisay in Ethiopia ay ka fikirto ka laabashada qeybo kamid ah heshiiskaasi.

Baaritaanka weerarkii Hotel SYL iyo waxa ku soo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad iyo xubnaha kale ee ka qayb qaadanaya baaritaanka weerarkii Hotel SYL ayaa dib u daawanaya wixii ay duubeen kaamirooyinka ku xiran waddooyinka magaalada Muqdisho.

Baaritaanka ayaa waxaa iska kaashanaya Hay’adda Nabad Sugidda, Talisyada Booliska iyo Militariga iyo xubno kale oo ka socda Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Raysal Wasaaraha.

Ahmiyadda 1-aad ee baaritaanka ayaa si dhow loogu dersayaa muuqaalada laga helay goobta uu weerarku ka dhacay, waddooyinka ku xeeran iyo dhaqdhaqaaqyadii halkaasi ka jiray ka hor iyo ka dib-ba markii uu weerarku dhacay, si wax uun macluumaad ah looga helo dableydii weerarka gaysatay, haddii ay jirto cid ka tirsan hay’adaha ammaanka oo kala shaqeysay weerarkaasi amaba ka gaabisay shaqadii uu qaranku u igmaday.

Maadaama ay hay’adaha ammaanka ku guuldareysteen inay ka hortaggaan weerarkaasi ayaa waxay hadda ku foogan ka daba taggiisa, si loo helo tixraac lagu gaari karo maskaxdii ka dambeysay weerarka iyo halkii laga soo abaabulay.

Wararka ayaa sheegaya in Hay’adda Nabad Sugidda ay hoggaamineyso baaritaanka, haddii Xarunta Hay’adda NISA ee Muqdisho ay tahay meesha laga la socdo oo laga kontoroolo kaamirooyinka ku xiran waddooyinka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhammaan saraakiishii iyo askartii ku qorneyd kontoroolada amniga lagu hubiyo ee ku yaala waddooyinka soo gala hotelka, xilligii uu weerarku dhacayay looga yeeray Xarunta Hay’adda NISA. Ma cadda inuu raad soo galay iyo in la doonayo in wax laga weydiiyo weerarkaasi.

Baaritaanka socda ayaa lagu sheegay mid aad u adag, bacdamaa Madaxda Dowladda Federaalka ay gadaal ka riixayaan in jawaabo loo helo su’aalaha ka dhashay weerarkaasi iyo qaabka uu u dhacay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa adkeynaya in arrintan ay cid masuuliyaddeeda qaaddo, si loogu ciqaabo, xilkeedana ay ugu weydo, xitaa haddii aan gacanta lagu soo dhigin kuwii Shabaabka ka tirsanaa ee lahaa diyaarinta qorshaha weerarka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan Caasimadda Muqdisho.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Gaashaandhigga, Kusimaha Wasiirka Amniga, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay warbixino la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

“Ra’iisal Wasaaraha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amnigu ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee cibaadada Alle ku jira.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Waxa uu hoosta ka xariiqay Raysal Wasaare Xamse, sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay xukuumaddiisa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee baneystay nafta iyo maalka bulshada Soomaaliyeed.”

Xamza ayaa daba joogo baaritaanka ay wadaan laamaha amniga ee la xiriira weerarka hotelka, waana xilli si joogto ah lagu la soo socodsiiyo, halka ay wax marayaan.

Weerarkan ayaa muujiyay in Shabaabku ay carqaladeyn karaan amniga Villa Somalia, waana sababta ay uga gilgisheen Madaxda Qaranka oo muddooyinkan ku howlanaa dardargelinta hawlgalada dib-u-xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta uu mar kasta ugu safro dalka Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib booqasho laba maalmood qaadatay oo dalka Eritrea uu ku tagay, hadaba maxaa sababay in Xasan Sheekh uu dhowrkaan bilood safarro is dabajoog ah ku tago Eritrea?.

Su’aashaas wuxuu Xasan Sheekh kaga jawaabay wareysi uu siiyey TV-ga Qaranka Eritrea, isagoo yiri “Waxaan halkaan u imid in aan warbixin ka siiyo madaxweynaha Eritrea isbedellada iyo horumarka ka socda Soomaaliya, isla markaana aan weydiino wixii talooyin ah sidii horey loogu sii wadi karo xoreynta argagaxisada ee dalkeena.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Eritrea ku ammaanay doorka ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya, isagoo sheegay inay Eritrea samaysay wax dalal yar ay ka sameeyeen Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa wareysigaas ku sheegay in ciidamo badan oo Soomaali ah lagu tababaray dalka Eritrea, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay Eritrea u aragto wadan aan wax dan ah oo gaar ah ka lahayn Soomaaliya ee walaaltinnimo un u caawinaya.

Waxaa la rumeysan in madaxweyne Xasan Sheekh uu Eritrea ku tagay in kabadan safarrada uu ku tagay dalalka kale ee caalamka muddo xileedkiisan.

Safarkaan dambe ee hadda uu ka soo laabtay Xasan Sheekh waxaa la sheegay in Afwarki ay ka wadahadleen xiisadda Itoobiya, maadaama labada dalba ay cadowgooda koowaad u arkaan Itoobiya.

Sidoo kale waxay Xasan iyo Afwerki aad u gorfeeyeen sidii ay u sii xooji la haayeen xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Eritrea oo dano badan wadaaga.

Ciidamada ugu badan ee Soomaaliya tababarka ugu maqan waxay joogaan dalka Eritrea, taasi waxay keentay in Xasan Sheekh uu kalsooni badan u qaado dalkaas oo noqday wadanka ugu badan ee safar uu ku tegay intii uu joogay xukunka.

Xiriirka xooggan ee Turkey iyo Itoobiya ka dhaxeeya iyo difaaca badda Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Waxaa sanadihii dambe si weyn u xoogeystay xiriirka Turkiga iyo Itoobiya, taas oo keentay in Turkiga noqdo maalgashadaha shisheeye ee ugu weyn gudaha Itoobiya.  

Waxaa dalka Itoobiya ka hawlgasha wax ka badan 200 shirkadood oo Turki ah, hantida dalkaas lagu maalgaliyayna waxa ay hadda kor u dhaaftay $2.5 bilyan dollar.  

Tan waxa ay shirkadaha Turkida ka dhigtay in ay noqdaan kuwa shaqo siiya dadka ugu badan dalkaas oo shaqo ka hela ganacsi ajnabi leeyahay.  

Sida uu Turkiga ugu balaartay Itoobiya waxa uu xitaa ka fikirayaa in uu qunsuliyad ka furto magaalada Harar oo ay degenyihiin dad asal ahaan kasoo jeeda Turkida, waxaase cajiib ah in qorshaha uu ka mid yahay in qunsuliyadaas ay u adeegto deegaanka Soomaalida illaa iyo Hargeysa.

Sanadkii 2021, Turkiga Iyo Itoobiya waxa ay saxiixdeen heshiiska Ganacsiga, Biyaha iyo Militariga kadib booqasho uu Ra’isul Wasaare Abiy ku tagay Turkiga.  

Arirmahan ayaa imanaya ayada oo 8-dii Febraayo ay Soomaaliya iyo Turkiga saxiixdeen heshiis difaac oo dhanka badda ah. Heshiiska waxaa qeyb ka ah in Akara ay badda Soomaaliya ka difaacdo dhinacyada dibadeed ee halista ku ah madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Tan iyo intii uu dhacay heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya, Turkiga waxa uu aad isugu dayay in uu Itoobiya u muujiyo in uusan iyaga duulaan ku ahayn, waxaana warbaahinta Turkiga si joogto ah ugu soo baxayay maqaalaad hoos loogu dhigayo cabsida ay Itoobiya qabto.

Balse heshiiska illaalinta badda waxa uu ku guuleystay in uu ugu yaraan hakiyo dardartii iyo qamaamkii Itoobiya ee ay ku rabtay in ay kusoo gasho gudaha Soomaaliya.  

Muuse Biixi oo maanta sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qaaday tallaabo cusub, isagoo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis.

Wareegtooyin kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa xilalkii looga qaaday qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha iyo ku xigeennada gobolada, ayada oo la magacaabay kuwa cusub.

Waxa ay u dhignaaayeen wareegtooyinka uu Madaxweynuhu soo saaray sidatan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

  1. Ku: Mukhtaar Cabdi Cabdillaahi

Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

  1. Ku: Maxamed Nuur Cabdi;

Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Mudaneyaal

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

  1. In Cabdiraxiim Maxamed Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Cabdi Xiis Yuusuf laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Daawo: 71 Xildhibaan oo si cad u diiday qorshaha Xasan Sheekh ee dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay Muqdisho ku shiray 71 Xildhibaan oo ka kala tirsan labada gole ee BFS, kuwaas oo ka hor yimid wax ka bedelka Dastuurka’ iyagoo sheegay in qorshaha socda dadka iyo dalka lagu kala fogeynayo.

Xildhibaanada iyo Senatorrada xalay shiray ayaa cadeeyey in shaqada socota ee wax ka bedelka dastuurka aysan qeyb ka noqon doonin, iyagoo ka digay sida ay wax ku socdaan farriinta u diray madaxweynaha, xukuumadda iyo guddoonka baarlamaanka.

Bayaan ka soo baxay shirka xildhibaanada caawa shiray ayaa lagu sheegay in heshiiskii lagu go’aamiyey in dastuurka wax laga bedelo ee golaha wadatashiga qaranka uu ahaa mid aan loo dhameyn oo Puntiland ay ka maqantahay.

“Waxaan walaac xoog leh ka qabnaa hanaanka loo bedelayo dastuurkii iyo qaab-dhismeedkii dowladeed ee heshiiska lagu ahaa, taas oo dhaawaceysa midnimada iyo xasiloonida siyaasadeed ee qaranka,” ayuu yiri Xildhibaan Gamaadiid oo akhriyey bayaanka.

Xildhibaanadaan ayaa ku doodaya in waxa socda uu yahay dastuur bedel oo aysan aheyn dastuur la dhameystirayo, iyagoo tusaale u soo qaatay qodobo badan oo lagu soo kordhiyey iyo kuwo la bedelay.

“Guddoonka BFS wuxuu ku guul-dareystay ilaalinta kala madax-banaanida hey’adaha dowladda, go’aankii golaha wadatashiga qaranka ee dastuurka ku saabsanaa ma aheyn mid loo dhan yahay, maadaama Puntland ay maqneed,” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka xildhibaanada.

Guddoomiyeyaashii KMG ahaa ee baarlamaanka Senator Maxamed Gaagaab iyo Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad ayaa kulankaan ka hadlay iyagoo sheegay in arrintaan aysan ku taageeri karin madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ugu baaqeen inuu ka joogo jidkaan uu wax ku wado.

Xildhibaan Dhabancad ayaa yiri “Maahi mucaarad, waxaan diidanahay dastuurka la bedelayo, madaxweyne waxaan ku leeyahay howlo badan ayaad qabatay ee wixii aad qabatay ha khasaarin, Soomaali in la isukeeno ayey u baahan tahay, sidaana waxaa ku kala tegay kuwii wada joogay.”

Dhankiisa Senator Gaagaab ayaa yiri, “Howsha Muqdisho ka socota maaha dhameystir dastuur ee waa dastuur la bedelayo, dhamaantiis waxaa lagu soo kordhiyey qodobo cusub ee dano gaar ah laga leeyahay, waxaan aan loo dhameyn ee socda waanu diidanahay.”

Hoos ka daawo dooda xildhibaanada

Golaha ammaanka oo loo gudbiyey qaraar mamnuucaya in hub nukliyeer ah la geeyo…

Washington (Caasimada Online) – Maraykanka iyo Japan ayaa Isniintii u gudbiyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay hindisaha qaraar qabyo ah, kaas oo ku saabsan in dalalka caalamku ay u hoggaansamaan heshiiska mamnuucaya in hubka nukliyeerka la geeyo hawada sare, fariintaas oo u muuqata inay ku socoto dalka Ruushka.

Washington ayaa aaminsan in dalka Ruushku uu horumarinayo qorshe uu doonayo inuu hawada sare ku geeyo gantaallada xambaara hubka nukliyeerka, taas oo haddii ay qarxaan, khalkhal gelin karta dhammaan dayax-gacmeedada kala duwan ee fududeeya isgaadhsiinta kala duwan, oo ay ku jirto tan milaterigu.

Ruushka oo qayb ka ahaa heshiis la gaadhay sannadkii 1967-kii kaas oo mamnuucayey in hawada sare la geeyo hubka nukliyeerka ayaa hore u sheegay inay ka soo horjeedaan in hubka nukliyeerka la geeyo hawada sare.

Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa ku gacansaydhay inay horumarinayaan, hub noocaas ah. Heshiiskaas hore wuxuu mamnuucayaa in hubka nukliyeerka la geeyo hawada sare, hase ahaatee ma mamnuucayo in la horumariyo, hub la geyn karo hawada sare.

Qaraarkan qabyada ah waxaa soo wada jeediyey, dalka keliya ee isticmaalay hubka nukliyeerka oo ah Maraykanka, iyo dalka keliya ee loo isticmaalay hubka nukliyeerka ah oo ah Japan, waxayna dalalka caalamka ugu baaqeen inay mamnuucaan in hub la geeyo hawada sare, sidoo kalena la mamnuuco in la samaysto hub hawada sare la geyn karo.

Daawo: Sheekh Shaakir oo BFS u diray farriin culus oo diinta iyo dastuurka ku saabsan

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maanta ka hadlay kulan ay isugu imaadeen culimada dariiqada Suufida ee Ahlu-Sunna ayaa farriin diray baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isagoo kala hadlay arrimaha dastuurka.

Sheekh Shaakir ayaa nasiib darro ku tilmaamay in baarlamaanku ay ka doodaan dastuurka lagu qoro madhabka Shaafiya, isagoo ugu baaqay in arrintaas aysan muran gelin, maadaama dadka Soomaaliyeed ay heystaan madhabkaas.

“Waa arin khatar ah in baarlamaankii Soomaaliya uu maanta ka doodayo Soomaaliya waa Shaaficiyo miyaan dhahnaa mise ma dhahno,” ayuu yiri Sheekh Shaakir oo maanta la hadlayey boqolaal culumada Ahlusunna ah.

Sidoo kale Sheekh Shaakir ayaa muujiyey inay taageersan yihiin qorshaha madaxweynaha ee dhameytirka dastuurka, isagoo la yaab ku tilmaamay siyaasiyiinta dooda ka qaba dhameystirka dastuurka ee hadana aan xal kale umadda u heyn.

Wuxuu sheegay in dhameystirka dastuurka uu muhiim u yahay dalka, isla markaana laga baxayo ku meel gaarnimo sharci oo muddo badan ay Soomaaliya ku soo jirtay, taas oo sababtay in mashaariic badan ay xayirmaan.

Dhinaca kale Shiiqa ayaa sheegay inay taageersan yihiin sida uu Xasan Sheekh wax ku wado, si gaar ah wuxuu uga mahad celiyey guulaha uu ka gaaray hoggaamintiisa, isagoo xusay cunaqabateyntii hubka, deyn cafintii Soomaaliya iyo dadaalo kale oo dowladda Xasan Sheekh ay ka miro-dhalisay.

Wuxuu soo hadal qaaday dagaalka Khawaarijta, isagoo balanqaaday in culimada Suufida ee hoggaankeeda uu ku jiro ay dowladda ku garab istaagi doonaan dagaalka ay kula jirto kooxahaas ay lasoo daagaalami jireen, iyadoo dalka aysan dowladi ka jirin.

Hoos ka daawo

Daawo: Dekedda Muqdisho oo xirantay iyo ganacsatada oo go’aan culus gaartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo labo maalmood waxaa xiran dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, kadib markii ganacsatada lagu soo rogay canshuur dulsaar ah oo sida ay sheegeen aan sharciga waafaqsaneyn.

Ganacsatada oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda Soomaaliya aysan ka war qabin lacagtaan lagu soo rogay, iyagoo si cad u sheegay in shakhsiyaad gaar ah ay qaadanayaan.

Shaqadii dekedda Muqdisho waxay sheegeen inay dowladda ka socon weysay, isla markaana aysan waxaba kala soo degi doonin dekedda ilaa madaxda ugu sareysa dalka ay soo farogeliso arrintaan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa dekedda Muqdisho ku xayiran agabyo muhiim ah oo loogu tala galay in dadka Soomaaliyeed ay isticmaalaan mishaan Ramadaan iyo maalmaha ciida.

Ganacsatada Muqdisho ee shaqo joojinta ku dhawaaqday waxay sheegeen inay bixiyeen wax kasta oo taageero ah oo dowladdu uga baahneed, sidoo kale waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay dowladda la xaliyaan culeysyada soo wajaha, balse waxay cadeeyeen in canshuur sharci darro ah aysan dhiibeyn.

Caasimada Online, waxay ogaatay in bishii Agoosto ee sanadkii hore uu madaxweyne Xasan Sheekh ganacsatada ka codsaday inay kordhiyaan canshuurta ay bixiyaan 50% isla markaana ay ka ogolaadeen.

Xiligaas Madaxweynuhu wuxuu u balan qaaday ganacsatada in canshuur dambe aan lagu kordhi doonin, isla markaana dowladda ay ku dadaali doonto sidii ay wax kasta ula fududeyn laheyd ganacsatada Soomaaliyeed.

Bayaan ka soo baxay shir maanta ay ganacsatada Muqdisho isugu imaadeen waxaa lagu go’aamiyey in dekedda Muqdisho aysan dib u shaqo bilaabi doonin ilaa madaxda ugu sareysa dalka oo Xasan Sheekh ugu horeeyo ay soo farogeliyaan arrintaan.

Hoos ka daawo

DF iyo Masar oo wada hir-gelinta qorshe cusub iyo wafdi sare oo Muqdisho yimid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) Axmed Macallin Xasan ayaa maanta qaabbilay wafdi ka socda hay’adda duulista rayidka dalka Masar iyo shirkadda diyaaradaha ee Egypt Air.

Socdaalka wafdiga iyo ujeeddada kullamadan ayaa bilow u ah qorshaha lagu diyaarinayo duulimaadyo ay ka bilowdo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho shirkadda duulimaadyada Egypt Air.

“Waxaan isla bilownay qiimeynta la xiriirta suurta-galnimada ay duulimaad toos ah uga billaabayso Muqdisho shirkadda diyaaradaha Egypt Air, kaasi oo noqonaya Muqdisho iyo Qaahira ,” ayuu yiri Maareeyaha guud, Axmed Macallin.

Waxa uu intaas kusii daray “Hadda waxaa socda qorshihii aan ugu gudbi lahayn duulimaadyada bariga dhexe, waxaana dalka uu marti-gelin doona shirkadaha diyaaradaha Yurub oo daneynaya inay duulimaadyo ka billaabaan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.”

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xafiisyada xarunta dhexe ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Egypt Air ayaa ku biiraysa shirkadda duulimaadyada Saudi Airlines, oo sidan oo kale wafdi usoo dirtay Muqdisho toddobaadyo ka hor si ay qiimeyn u sameeyaan labadan duulimaad ayaa la filaya in la billaabo ka hor dhammaadka sannadkan.

Waxay noqonaysa duulimaadyadii sagaalaad oo caalami ah oo ka soo degga Muqdisho, waxaa horey si joogta ah uga soo deggayay Muqdisho shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee kala ah; Turkish Airlines, Qatar Airways, Ethiopian Airlines, Flydubai, Air Djibouti, Uganda Airlines iyo Kenya Airways.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Masar ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan, ayada oo Muqdisho dhawaan la gaartay heshiis iskaashi xukuumadda Qaahira, xilli ay xiisad xoogan kala dhaxeyso Addis Ababa.