26.8 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Xog: Xeeladda ay Xasan Sheekh iyo guddoonka BF ku ansixinayaan dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Doodii xildhibaanada labada Aqal ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee cutubyada ugu horreeya Dastuurka KMG ah ayaa la shaaciyey in lasoo gaba-gabeynayo Sabtida 23-ka Maarso 2024.

Kulankii shalay oo uu soo xiray guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayuu ka sheegay in doodii afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka lasoo gaba-gabeyn doono Sabtida, kadibna lagu wareejin dooni guddiyada dastuurka oo soo diyaarin doona nuqulka loo codeynayo.

Qorshaha guddoomiyayaasha labada aqal ee baarlamaanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah in 4-ta cutub ee laga dooday loo codeeyo inta aanay xildhibaannadu aadin fasaxa ciidul fitriga.

Waxay sidoo kale doonayaan in loogu codeeyo hab gacan taag ah, si loogu qariyo haddii tirada ay ku filnaan weyso, ayaga oo ka cabsi qaba in codka qarsoon uu hoggaamin karo in la diido dastuurka.

Waxaa sidoo kale jira xildhibaano badan oo loo sameeyey ballan-qaadyo kala duwan, si ay ugu codeeyaan dastuurka, ayada haddii codka laga dhigo mid qarsoodi ah ay keeni karto inay sameeyaan ballan fur, balse gacan taagga aysan sidaas sameyn karin.

Dhinaca kale waxaa sii xoogeysanaya dadalallada ay madax hore iyo xildhibaanno taageersan ku doonayaan inay hor istaagaan wax ka bedelka iyo ansixinta dastuurka, iyadoo qodobada ugu xasaasisan ay ku jiraan cutubta 4-aad.

Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka digay qaabka loo wado dooda dastuurka, iyagoo ku dooday inuu keenayo kala tag iyo khilaad cusub.

Sidoo kale xildhibaanno ka tirsan labada aqal ayaa ka hor yimid dooda dastuurka oo ay sheegene inay tahay mid lagu bedelayo dastuurka, iyadoo aan lala tashan dhinacyada muhiimka ahaa sida Puntland.

Farmaajo iyo xildhibaano badan ayaa la filayaa inay maanta tagaan Garoowe, si loo sameeyo isbaheysi ka dhan ah dhameystirka dastuurka.

Fahad Yaasiin: Madaxweyne Xasan ma wuxuu qaaday jidkii kala dirka dowladnimada?

Dastuur waa heshiis bulsho ay kuwada noolaato, mana jirto cid kaligeed ah oo si iskeed ah wax uga baddali karta.

Dunida oo dhan laba jid uun baa dastuur lagu baddalaa. Tan koowaad waa in heshiis buuxa lagu yahay oo cid walba la qanciyey. Tan labaad waa marka awood ciidan talada lagula wareego oo dadweynaha la khasbo. Tallaabadan khasabka ku timid qudheedu ma noqoto mid waarta oo waayo badan sii jiri karta.

Baddalka dastuur aan heshiis lagu ahayn iyo waxa laga dheefo aan ka soo qaato tobankii sano ee u danbeeyey inta dal ee u burburtay natiijo ka dhalatay dastuur aan heshiis lagu ahayn.

YEMEN

Dalka Yemen markii uu guulaystay kacdoonkii Carabta ee ay dhallinyaradu hoggaaminayeen, xukunkii dalkana uu ka dagay Cali Cabdalle Saalax oo uu taladii dalka la wareegay Cabdu Rabbo Mansuur wuxuu daah furay qorshe qaran oo ah diyaarinta dastuur ka duwan kii hore. Xoogag kala duwan oo saamayn weyn lahaa ayaa ka hor yimid. Buuqii iyo qalalaasihii bartaas ka bilowday wuxuu ku dhammaaday in Xuuthiyiintu ay caasimaddii Sanca la wareegaan, sidaasna ay ku dunto dowladii dhexe.

SUUDAAN

Dalka Suudaan kolkii Cumar Albashiir laga tuuray xukunka oo xoogag isku huwan ahi ay la wareegeen hoggaankii, waxay ku dhawaaqeen dastuur cusub, kii horana wey laaleen. Murankii iyo ismaandhaafkii ka dhashay wuxuu gaarsiiyey Suudaan halka ay maanta marayso. Caasimaddii Khartuum burburkii ugu xumaa abidkeed baa ku habsaday. Suudaantii hormuudka u ahayd Afrika waxa halaagaas baday dood ka dhalatay dastuur aan cidina heshiis ku ahayn.

LIIBIYA

Dalka Liibaya dib u eeg. Kacdoon shacab iyo mid hubaysan ayaa xukunka looga tuuray Mucamar Alqadaafi. Muddo sanado ah ayaa lagu wada joogay shuruuc kumeel gaar ahaa oo heshiis lagu wada ahaa. Iyadoo sidaas xaal ahaa xukuumaddii caasimadda ka talinaysay waxay abuurtay qorshe ah dastuur cusub, waxaaana ka dhashay colaado iyo hadimooyin culculus oo soo jiitay hardan juquraafi-siyaasadeed.

Liibiya, waxaa ceelka ololka badan gunta u dhigay dood ka dhalatay dastuur lagu muransanyahay taasoo baylah iyo burbur ka yeeshay dalkii saameynta ballaaran ku dhex lahaa jiray Carab iyo Afrikaan.

KENYA

Dalka Kenya dood iyo muran ka dhashay damac wax ka baddal dastuur ayaa sigay jawiga dalka, waxaase badbaadisay laantii garsoorka oo xukuntay in sharci daro ay tahay qorshaha wax ka baddalka dastuurka, waxayna sabab uga dhigeen in Madaxweynaha dalka uu qayb ka noqday ololaha wax ka badadlka dastuurka.

GUNAANAD

In Maamulka haatan jira ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka leexdo hannaankii u dagsanaa dhammeystirka dastuurka, lana bilaabo ansixinta dastuur cusub waa aqoon darro, waa damac waalan oo dalka haadaan ku ridi kara.

Madaxweynaha, isagoo og in qorshahan dastuurka aysan cidna ku raacsaneyn, xitaa saaxibadiisa gaarka ah, labada maamul ee Somaliland iyo Puntland oo maqan, ayna diidanyihiin madaxdii hore ee qaranka waa qar iska tuurnimo wayn.

Hadduu Madaxweynuhu kusii adkeysanayo go’aankiisan gurracan, waxaa muuqata in dalkaan uu gacantiisa sababsan doono ( Alle kama dhigee).

Mustaqbalka dalka laba waji baa nagu soo wajahan; in qalalaasaha ka dhasha dastuurkan uu kaligiis garabka ku sito Madaxweynaha uu sabab u noqdo kala irdhoow iyo kala daadasho qaranka oo idil saameeya, dib u xallintiisana ay u baahato shirweyne dib u heshiisiin cusub.

Taas mid kaloo kasii halis badan baa jirta, waana in qalalaasaha ka dhashaa fitnadan dastuurka cusub uu sii fogeeyo xaaladda dalka oo keeni karta in kooxaha argagixisada ahi ku daydaan Taalibaan, oo ayba ku fekeraan iney dalka la wareegaan. Madaxweyne Xasan Sheekh ma waxaa qorshaha ugu jira inuu raaco jidkii uu maray Madaxeynihii Afgaanistaan Ashraf Gaani!

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha, muddo xileedkiisii hore wuxuu lahaa saaxiibo gacanta ka qabta oo marmar talada kula dhaga, laakiin muddo xileedkiisan dalka iyo dadkuba waa nasiib ku nool. Haddaba su’aashu waxay tahay Xasan Sheekh ma wuxuu qaaday jidkii kala dirka dowladnimada?

W/Q: Fahad Yaasiin

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Sarkaal ka tirsan Xizbullah oo booqasho taariikhi ah ku tegay Imaaraatka Carabta

Abuu Dhabi (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Lubnaan ee Xizbullah ee Iran ay taageerto ayaa booqasho taariikhi ah ku tegay Imaaraadka Carabta, afar ilo-wareed oo ku dhow Xizbullah ayaa sidaas u sheegay Reuters.

Ujeedka booqashada Wafiq Safa ayaa ah inuu u fududeeyo sii daynta in ka badan 10 qof oo reer Lubnaan ah oo halkaasi ku xiran

Booqashada oo ku timid casuumadda Imaaraadka ayaa muujin karta isbeddel weyn oo ku yimid cadaawaddii muddo dheer qeexeysay xiriirka kooxda Shiicada ah ee Xizbullah iyo Imaaraadka Carabta oo ah dal Sunni ah oo xulufo dhow la ah Mareykanka, sida ay sheegeen fallanqeeyayaasha.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta ayaan jawaab ku bixin booqashada mar ay ka codsatay Reuters.

Mid ka mid ah ilo-waeedyada oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa booqashada Wafiq Safa ku qeexay “bog cusub” oo u furmay xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Xizbullah, oo ah koox ay argagixiso ku calaameeyeen Mareykanka iyo xulufadiisa Khaliijka Carabta.

Safa ayaa Imaaraadka u safray Talaadadii, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Waxa uu maamulaa qaybta isku xirka iyo iskaashiga ee Xizbullah, isaga oo mas’uul ka ah isku xirka laamaha ammaanka ee Lubnaan, waxaana cunaqabatayn saaray Maraykanka.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay xiriir la sameeyeen Xizbullah, ayaga oo sida farriin ah inay doonayaan inay sii daayaan maxaabiista Lubnaan oo qaarkood ku xukuman xabsi daa’in.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in maxaabiistan loo xiray eedeymo ay ka mid yihiin inay taageero iyo dhaqaale u fidinayeen Xizbullah, taasi oo kooxda ay ku tilmaamtay eedeymo ay siyaasad ka dambeyso.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in dhammaan maxaabiista lasii dayn doono maalmaha soo socda, ayna Safa u raaci doonaan Lubnaan.

Laba ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in Imaaraadka ay weydiisteen madaxweynaha Syria Bashar al-Assad oo ay xulufo yihiin Xizbullah inuu u gudbiyo farriinta, kahor intii aanu billaaban dagaalka Gaza, oo Xizbullah iyo Israel ay gantaalo isku weydaarsadeen xuduudda.

Mid ka mid ah ilo-wareedyada ayaa booqashada ku tilmaamay dadaal lagu qaboojinayo “qaar ka mid ah xiisadaha gobolka,” isaga oo aan sharxin.

Siyaasadda arrimaha dibedda Imaaraadka ayaa waxaa sanadihii dhowaa ku jiray inay dib usoo celiyeen xiriirka Assad, halka ay dib ula heshiiyeen Iran 2019.

Lixda dal ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, oo ay qeyb ka yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka, ayaa Xizbullah ku calaameeyey urur argagixiso 2016-kii.

Reuters + VOA

Shirkadda Meta oo dadka Kenya u ogolaaneysa in lacag ay ka sameeyaan Facebook

Nairobi (Caasimada Online) – Dadka isticamaala baraha bulshada shirkadda Meta, sida Facebook, isla markaana lacagta ka sameeya ee ku nool dalka Kenya ayaa heli doona fursad ay gudaha dalkaas lacag uga sameyn karaan ciwaanadooda.

Shirkadda Meta ayaa maanta balanqaaday in bisha June ee soo socota ay si toos ah lacag uga samayn doonaan dadka ku nool Kenya waxyaabaha ay soo galiyaan baraha bulshada, sida qoraalada, sawirrada iyo muuqallada.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii kulan wada xaajood ah ay yeesheen Madaxweynaha dalka William Ruto iyo shirkadda weyn ee Meta, tani waxay Kenya ka abuureysaa fursad weyn oo lacago looga samayn karo masraxa casriga ah ee internet-ka oo inta badan dadku wakhtigooda ku lumiyaan.

Madaxweynaha Arrimaha Adduunka ee Facebook Nick Clegg, ayaa ku dhawaaqay in wax abuurayaasha baraha bulshada ee Kenya ku nool ay kasoo baxeen shuruudaha ah in lacag laga samayn karo baraha Meta ee Facebook iyo Instagram.

Dowladda Kenya ayaa hadda u muuqata inay gaartay natiijada arrin ay muddo ku dadaaleysay, taas oo ah sidii dadka jooga gudaha dalkaas ay dhaqaale uga sameyn lahaayeen aaladaha shirkadda Meta oo Facebook ugu horeeyo.

Madaxwynaha Kenya ayaa soo dhaweeyay go’aanka shirkadda, isagoo ka codsaday maamulka Meta in habka lacag la bixista lagu daro M-Pesa oo ah tallaabo dhibyaraynaysa habka adeega lacagta qaadashada faa’iidooyinka laga sameeyo baraha bulshada ee shirkadda Meta.

Qofkii lacag ka samaynaya baraha bulshada ee Meta, waa in ugu yaraan 5,000 oo qof ay ku xiran tahay ciiwaankiisa, sidoo kale waxaa jira shuruudo kale oo qofka uga xiran inuu dhaqaale ka sameeyo ciwaankiisa, waxaana ugu muhiimsan daawashada.

Guud ahaan Qaaradda Afrika qofka jooga baraha bulshada ee shirkadda Meta kama sameyn karo wax dhaqaale, waxaana hadda soo baxay warkaan sheegaya in loo ogolaaday Kenya.

Dadka jooga Afrika oo Soomaalidu ugu horeyso ee lacaha la sameeya Facebook, waxay ciwaankooda u xawilaan Yurub ama America, maadaama aan gudaha qaaradaan laga ogolaan inuu ka furaado ciwaan lacag laga sameynayo.

Xog: Maxaa ka jira in xilka laga qaadayo agaasime Mahad Salaad iyo saraakiil kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa aad loo hadal-hayey in madaxweynaha Soomaaliya uu damacsan yahay inuu xilalka ka qaado masuuliyiin uu ku jiraan taliyaha NISA Mahad Salaad iyo Taliyaha Xoogga Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Hadal-heyntaan oo soo bilaabatay markii Hotel SYL ay Shabaab weerareen Jimcihii hore ayaa sii xoogeysatay saacadihii lasoo dhaafay, waxaana jiray warar sheegayey in Xasan Sheekh uu qorsheynayo in hoggaanka NISA iyo Taliska Xoogga  uu is bedel ku sameeyo.

Caasimada Online oo u kuurgashay ajendaha kulanka Khamiislaha ah ee berri ay yeelanayaan golaha wasiirrada ayaa ogaatay in ajendaha aysan ku jirin arrintaas, isla markaana uusan jirin qorshe xil ka qaadis ah oo miiska u saaran Madaxweynaha.

Taliyaha NISA Mahad Salaad oo xilka haya  muddo ku dhow labo sano ayaa aad loogu amaanaa is bedelka uu ka sameeyey amniga caasimadda Muqdisho oo hortiis maalin kasta lagu xasuuqi jiray shacabka, masuuliyiinta iyo ciidamada dowladda.

Caasimada Online waxay xaqiijisay in Mahad Salaad uu hadda yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Galmudug, doorashada Gamudug ayaa dhaceysa bilaha December ilaa Janaayo, waxaana lagu wadaa in markaas uu iska casilo xilka hey’adda NISA.

Dhinaca kale, waxaa ilo xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyey in Xasan Sheekh uusan weli wax is bedel ah u qorsheynta taliska ciidanka xoogga dalka oo ka mid ah xafiisyada la hadal hayo in isbedel lagu sameyn rabo.

Madaxweyne Xasan ayaa horay uga baaqsaday in Taliyaha xoogga ama wasiirka gaashaandhigga uu midkood xilka ka qaado, iyadoo xaaladu qasan tahay oo ciidamadu ka soo baxeen furimaha dagaalka, gaadiid badana ay Shabaab ka furteen dowladda.

Taliyaha xoogga Jeneraal Ibraahim oo inta badan joogi jiray Muqdisho ayaa hadda ku maqan furimaha dagaalka, wuxuu joogaa Shabeellada Dhexe, wuxuuna hoggaaminaya oo dib boorka uga jafayaa dhameystirka wajiga 1-aad ee dagaalka Khawaarijta.

Sidoo kale, hadalheynta saacadihii lasoo dhaafay qabsatay baraha bulshada waxaa ku jirtay in xilka laga qaadi doono Taliyaha Booliska, xubnaha ku dhow xafiiska Madaxweynaha ee noo waramay waxay xaqiijiyey in arrintaas aysan waxaba ka jirin oo madaxweynaha aysan u qorsheysneyn wax is bedel ah oo lagu sameynayo hey’adaha ammaanka.

CC Shakuur oo guddoonka baarlamanka uga digay arrin ay ka qowmameyn doonaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray qoraal uu ku weeraray guddoonka baarlamaanka, isagoo shaaciyey in kulamada socda ee baarlamaanka ay maalin kasta yihiin kooram la’aan, balse guddoonka oo dano gaar ah leh uu iska indha tiro taas, sida uu hadalka u dhigay.

CC Shakuur ayaa sheegay in shaqada socota ee dastuurka aysan aheyn dhameystir, balse ay tahay dastuur bedel, isagoo guddoonka Baarlamaanka ugu goodiyey in maalin aan dheereyn ay ka shaley doonaan, sida ay hadda aax ku wadaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa qoraalkaan ku soo bandhigay tirada qodobada laga saaray dastuurka iyo kuwa cusub ee lagu soo kordhiyey, sidoo kale wuxuu shaaciyey tirada xildhibaanada iyo senatorrada lagu furi karo kulamada baarlamaanka, balse wuxuu sheegay in taas aan hadda loo baahneyn oo tiraba aan la fiirin.

Hoos ka akhriso qoraalka CC Shakuur

Seddax cutub oo Dastuurka ayaa la saarayaa, halka 45 qodob iyo 97 faqradood wax laga beddelayo, iyadoo lagu soo derayo 19 qodob iyo 94 faqradood oo cusub oo aan ku jirin Dastuurkii asalka ahaa, waxaana la tirayaa 3 qodob iyo 26 faqradood.

Dhammaystir miyaa mise beddelaad?

Kalfadhi kasta ee Baarlamaan wuxuu ku guntamaa kooram 139 xildhibaan Golaha Shacabka ah, 28 Aqalka Sare, haddii ay isku imaanayaan labada aqal waxaa laga rabaa 167.

Doodaha dastuurka ee socda labo fadhi oo keliya ayaa kooram loo helay, kadibna waxaa la yiri kooram looma baahna ee hore ha loo socdo.

Ansixinta Dastuurka waxaa loo baahan yahay saddex dalool labo oo ah 220 Xildhibaan oo labada aqal ee Baarlamaanka isku raacaan. Maadaama aan la helaynin tiradaas, waxaa beddelkeeda lagu ansixinayaa farriin fiidiyow lagu soo duubay, ama qoraal lagu soo diray.

Xiiso ma laha ciyaar garsooraha iyo laacibka hal qof isku yihiin, sababtoo ah natiijadeeda ayaa la sii ogyahay, mase foga maalinka ay qoomamayn doonaan guddoonka Baarlamaanka ee danaha yar dhaafsiisanaya sumcadda iyo kalsoonida Baarlamaanka iyo Xildhibaannada ballanqaadyada sugaya.

Sawirro: Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe oo qaabilay xildhibaanno diidanaa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ku bahoobay kutlada ‘toosin qaran’ oo saluug badan ka qaba qorshaha madaxda dowladda federaalka ee wax ka bedelka dastuurka ayaa la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Kulan isugu jiray Afur iyo wadatashi ayaa xalay waxaa uu xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku dhaxmaray Madaxweynaha, guddoomiyaha iyo xildhibaanada ku mideysan kutlada toosin qaran.

Xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira dhameystirka Dastuurka oo doodiisu ka socoto kulamada baarlamaanka ayaa lagu gorfeeyey kulankaas, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayuu Madaxweynuhu xildhibaanada (Kudladda Toosin Qaran) kaga dhageystay aragtidooda ku aaddan arrimaha Dastuurka oo dood ay ka qabeen.

Sidoo kale xubnahaasi waxay Madaxweynaha talooyin ka siiyeen arrimaha ammaanka dalka oo hadda ah tan koowaad ee wax la iska weydiiyo, waxaana la isku fahmay waxyaabihii xildhibaanada iyo Madaxweynuhu kaga wada hadleen kulankaas, sida aan xogtaan ku helnay.

Sidoo kale xildhibaanada ku jira Kudlada Toosin Qaran waxay xalay la kulmeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, iyagoo kala hadlay Dastuurka iyo qorshayaasha kale hortabinta u leh Baarlamaanka.

Maalamahaan baarlamaanka Soomaaliya waxaa u socda kulamo xiriir ah oo looga doodayo dastuurka dalka, waxayna marayaan gabagabada cutubka 4-aad ee dastuurka.

Xildhibaano badan ayaa ka hor yimid qorshaha wax ka bedelka dastuurka, kuwaas oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho, hase yeeshee dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaa ku dadaaleysa, kuna faro-adeygeysa ka miradhalinta hadafkeeda wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka.

Muxuu yahay liiska laga reebay Soomaaliya ee ay ku jiraan Kenya iyo Itoobiya?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa la soo saaray liiska dalalka ugu farxadda badan adduunka, kaasi oo ay kasoo dhex muuqdeen Kenya iyo Itoobiya, halka aan gebi ahaanba lagu soo darin Soomaaliya.

Sidoo kale Jabuuti ayaa ku jirin liiska warbixinta, halka ay Finland sanadkii toddobaad oo xiriir ah noqotay dalka ugu farxadda badan adduunka ee warbixinta liiska farxadda adduunka ee ay soo agaasinto Qaramada Midoobe.

Dalalka Nordic ayaa sidoo kale ceshtay inta badan 10-ka kaalin ee ugu sarreeya, ayada oo Denmark, Iceland iyo Sweden ay ku xigsadeen Finland.

Afghanistan, oo ay ku habsatay musiibo bani’aadannimo tan iyo markii Taliban ay dib ugu soo noqdeen xukunka 2020, ayaa kusii nagaatay halka ugu hooseysa liiska ee kaalinta 143-aad ee dalalka daraasadda laga sameeyey.

Markii ugu horreysay tan markii la billaabay daabicidda warbixintan 10 sano kahor, Mareykanka iyo Jarmalka ayaan ka mid noqon 20-ka dal ee ugu farxadda badan, ayaga oo kala galay kaalimaha 23-aad iyo 24-aad.

Taa beddelkeeda Costa Rica iyo Kuwait ayaa ka mid noqday 20-ka ugu sarreeya, ayaga oo kala galay kaalimaha 12-aad iyo 13-aad. Warbixinta ayaa xustay in dalalka ugu waa weyn caalamka aysan hadda qeyb ka ahayn dalalka ugu farxadda badan.

“10-ka waddan ee ugu sarreeya, kaliya Netherlands iyo Australia ayaa waxaa ku nool in ka badan 15 milyan oo qof. Dhammaan 20-ka dal ee ugu sarreeya, Canada iyo UK oo keliya ayaa waxaa ku nool in ka badan 30 milyan.”

Qiimaynta farxaddu ayaa waxaa lagu saleeyey is-qiimaynta shakhsiyaadka ee ku qanacsanaanta nolosha, dhaqaalaha, taageerada bulshada, muddada nolosha caafimaadka qabta ee qofka, xorriyadda, deeqsinimada iyo musuq-maasuqa.

Waxaa xusida mudan in Soomaaliya aysan ka mid ahey dalalka qiimeynta laga sameeyey, sidaas darteedna kuma jirto liiska warbixinta. Sidoo kale Jabuuti ayaan ku jirin.

Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya, ayaa kala galay kaalimaha 114-aad iyo 130-aad, sida ay u kala horreeyaan.

70 xildhibaano oo ka baxay gacanta Villada iyo arrinta dastuurka oo weji kale yeelatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qeyla-dhaantii ugu badneyd ayuu la kulmay qorshaha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee dhameystirka dastuurka.

Gudaha baarlamaanka iyo banaankaba qeylada diidmada waxay aheyd mid aan lala kulmin intii lagu jiray doodda saddexdii cutub ee hore.

Si u muuqatay inay soo hormartay Xildhibaannada qaar ayaa ku dhawaaqay in lagu laabto teendhadii Afisyoone, taasi oo ka dhigan inay diidan yihiin qorshaha Madaxtooyada ee doorasho dadweyne.

Inkasta oo aanay u badneyn inay xilligaan dalka ka dhici karaan doorashooyin dadweyne oo heer federaal ah marka la eego amniga, dhaqaalaha, maqnaashaha maxkamaddii dastuuriga aheyd iyo kalsooni darrada dhex taalla bulshada, haddana in Xildhibaannada qaar soo hormariyaan ku noqoshada teendhadii Afisyoone lama fileyn.

Waxaa magaalada Muqdisho ku shiray in ka badan 70 Xildhibaan oo labada Aqal ah, waxayna si toos ah uga soo horjeesteen qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee la xiriira dastuurka.

Wejiyada la arkay ee diidmada hoggaaminayay waxaa kamid ah labada xubnood ee ugu da’da weyn labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waana Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad iyo Senator Gaagaab.

Waxaa jira qaar Xildhibaannada kamid ah oo bil walba gunno mushaarkooda ka dheeri ah ka hela Villa Soomaaliya, waxaana muuqata inay qaarkood hadda baxsadeen, taasi oo dhinaca kale ku dareensiinaysa ahmiyadda mowduuca.

Xitaa xubno kamid ah xisbiga madaxweynaha ee UPD ayaa diidan qaar kamid ah qodobada, sida qodobka sheegaya in dalka uu yeesho laba xisbi.

Cutubka 4-aad ee dastuurka waa mushaakil weyn, waxaa ku jira in dalka uu yeesho madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, oo la tirti kursiga ra’iisul wasaaraha. Waxaa kale oo ku jira in dalka uu yeesho laba xisbi, inay doorashada noqoto mid dadweyne iyo in la dhiso hal guddi doorasho oo maamula labada heer doorasho ee dalka.

Qodobadan waa kuwa ugu muhiimsan ee qofka siyaasiga ah la rabo in aan laga hoos bixin maanta. Ma sahlana in madaxweynaha fadhiya ay hal mar 70 Xildhibaan ka baxsadaan oo iyagoo ka aragti duwan ay magaalada dhinaca kale shir uga qabsadaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh si uu uga libin keeno howshiisa dastuurka waxaa la sheegaya inuu hadda bilaabay in uu kala fur-furo Xildhibaannadan isku xiran ee diidmada kala horyimid jihada ay Madaxtooyada u wado shaqada dastuurka.

Inkasta oo kooxda madaxweynaha qaar ay kalsooni ka muujinayaan inay shaqada ku dhamaan doonto sida ay u qorsheeyen, haddana fallanqeeyayaasha qaar waxay aaminsan yihiin in haddii ay doodda hagaajistaan 70 Xildhibaan inay dad cusub heli karaan, sidoo kalena ay dhinaca kale dagaal siyaasadeed oo guddoonka ka dhan ah bilaabi karaan, si Sheekh Aadan Madoobe loogu qasbo inuu isagu is furto halkii uu dastuurka ka hadli lahaa.

Dhalinyaro badan ayaa ku jirta 70-kaan Xildhibaan ee ka hor timid qorshaha Villa Soomaaliya, waxaase dhinaca kale jira walaac ku saabsan in haddii ay markale Madaxtooyada akoonnada furto, ballan-qaadyo cusubna sameyso inay wax iska beddeli karaan qorshaha Xildhibaannadan qaar.

Xog: Farmaajo oo ku wajahan Garoowe + Qorshaha socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ah lagu wadaa inuu tego caasimada maamulka Puntland ee Garoowe.

Wafdi hordhac u ah madaxweynihii hore ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe, sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana maalinta berri ah u ambabixi doona Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga Farmaajo, xilli uu dhawaan si adag uga hadlay qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee dastuurka, oo la aaminsan yahay inay isku aragti ka yihiin Saciid Deni oo isna horey si adag uga horyimid.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Farmaajo ayaa marka uu gaaro Garoowe waxa uu kulamo gooni-gooni ah la qaadan doona madaxda maamulkaasi oo uu ugu sareeyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Xogaha ayaa intaas kusii daraya in Farmaajo uu isku dayayo in Saciid Deni uu ku qanciyo isbaaheysi siyaasadeed mucaarad ah oo ka dhan ah dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ay ka wada socdaan madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Labada nin ayaa xilligaan ka mideysan diidmada qorshaha dhameystirka dastuurka ee uu wado madaxweyne Xasan, waana qodobka la aaminsan yahay in uu ka bilaaban karo is-xulefysiga labada dhinac.

Socdaalka uu madaxweynihii hore ee Farmaajo uu ku tegayo Garoowe ayaa imanaya xilli uu halkiisi yahay khilaafka madaxweynaha Puntland Saciid Deni kala dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh.

Deni ayaa la xasuusta inuu si weyn u mucaaraday dowladdii Farmaajo intii ay ku jirto muddo xileedkeeda, lamana oga in Farmaajo uu xilligaan ku qancin doono isbaheysiga cusub ee ay ku mideysan yihiin isaga iyo Shariif, islamarkaana la rabo in Xasan Sheekh looga hortago.

Si kastaba, shirarka ay Garoowe ku yeelan doonaan Farmaajo iyo Deni ayaa noqonaya kuwa si weyn looga dhursugo, kaasi oo kusoo aadaya xilli xasaasi ah oo madaxweyne Xasan uu ku dhagan yahay qorshaha wax ka beddelka dastuurka, ayna baarlamaanka ka socoto dooddiisa.

Muqdisho: Xukun adag oo laga soo saaray kiiska dil ka dhashay muran siyaasadeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) oo loo soo xiray dil bareer ah oo u geystay marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan Labo ayaa waxaa maanta xukun adag laga soo saaray kiiska dilkaan.

Tookiyo ayaa laba iyo tobankii bishii August 2022-ka ku dilay Cabdijabaar maqaayad lagu shaaho ee kutaal isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Muran salka ku haayay siyaasad oo soo kala dhex-galay marxuumka iyo Cabdiraxmaan Tookiyo ayaa gaartay gacan ka hadal uu midi kaga dhuftay wadnaha iyo daanka.

Eedeysanaha oo baxsad ka ahaa gacmaha sharciga ayaa soo gacan galay siddeed iyo labaatankii bishii January ee sanadkaan 2024-ka

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday siddeed iyo tobankii bishii February ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan.

Sida uu maanta warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.

Afgambi ka dhan ah Abiy Ahmed oo la fashiliyay – Sidee ayay maanta wax u dhaceen?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Ethiopia ayaa sheegaya in dowladda ay xabsiga dhigtay koox isku diyaarineysay inay afgambiyaan dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Illaa 50 qof ayaa la xiray maanta kadib markii looga shakiyay in ay wadeen qorshe ay ku “afgambinayaan” dowladda Abiy Axmed.

Shan kamid ah dadkaan waxaa lagu xiray caasimadda Adisa Ababa, kuwaasi oo si gaar ah loogu eedeeyay in ay isku dayeen qorshayaal lagu dilayo saraakiil, islamarkaana lagu afgambinayo dowladda ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu hoggaamiyo.

Arrintaan ayaa waxaa shaaca ka qaaday oo baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha.

Ciidamada ammaanka iyo kuwa sirdoonka Ethiopia oo raggaan soo qabtay ayaa sheegay in ay huriyeen rabshado amni darro oo ka jira dalkaasi, gaar ahaan caasimada Addis Ababa.

Ra’iisul Wasaare Abiy iyo xukuumaddiisa ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeysyo gudaha iyo dibadda ah, taasi oo loo aaneynayo inay ku timid siyaasad xumada Abiy, xilli ay taagan tahay xiisad xooggan oo ka dhalatay damaca guracan ee Abiy uu ku rabo inuu ku qaato dhul badeed kamid ah biyaha Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah.

Daawo: Guddoomiyihii ciyaaraha Waaberi oo lagu hor dilay caruurtiisa + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dbeeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil argagax leh oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo loo gaystay guddoomiyihii ciyaaraha degmada Waaberi, marxuum Mahad Maxamuud Boorow.

Marxuumka ayaa waxa falkan u gaystay askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo ay shalay ku murmeen ciyaar ka socotay gudaha xarunta degmada, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaal.

Muranka ayaa yimid kadib markii marxuumka uu ka kiciyay askariga oo fadhiyay qaybta VIP ee garoonka degmada, taasina uu ka carooday askariga oo mar dambe qoray usoo qaatay guddoomiyaha Sportiga Waaberi, kuna weeraray hoygiisa, isaga oo maanta u dhintay dhaawac kasoo gaaray rasaastii lagu furay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in askarigii gaystay falkan oo isku dayay inuu baxsado ay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliska Soomaaliya.

Mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Mahad Boorow lagu dhex dilay carruurtiisa iyo xaaskiisa, taasina ay tahay ayaan darro wayn.

“Walaalkey ilmihiisa iyo xaaskiisa ayaa lagu hor dilay xushmad ma jirto meeshan” ayuu yiri marxuumka walaalkiis.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda Soomaaliya oo uu ka codsaday in tallaabo adag ay ka qaado eedeysanaha, si loola aaso marxuumka oo hadda la geliyay Firinjeer.

“Annaga cadaalad ayaan rabnaa walaalkey ma aaseyno, illaa ninkaas xaqeena nalooga soo dhiciyo” ayuu mar kale yiri.

Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falal argagax leh oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ay saameyn ku yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gudaha caasimada.

Hoos ka daawo

Al-Shabaab oo shaaciyey magaca iyo beesha ninkii isku qarxiyey albaabka Hotel SYL

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay wareysi laga sii duubay is-miidaamiyihii fuliyay qarixii ugu horeeyay ee lala beegsaday Hotelka SYL ee 14-ka bishan Maarso 2024.

Is-miidaamiyaha ayaa magaciisa ku sheegay Xasan Maxamed Maxamuud, kaasi oo ka mid ahaa kooxda is-miidaamiyeyaash Al-Shabaab, wuxuuna kasoo jeeda Beesha Ceyr ee Habar-gidir, waxayna isku beel yihiin agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

Wareysiga laga sii duubay is-miidaamiyaha ayaa lagu sheegay inuu ku dhashay magaalada Kismaayo sanadkii 2004, wuxuuna ahaa 20 sano jir, isagoo ka mid ahaa ciidamada Al-Shabaab ee ka howlgala gobolka Mudug.

Wax faafhaahin ah lagama bixin weerarka Al-Shabaab ku qaaday Hotel SYL, balse Al-Shabaab ayaa sheegtay in gaari qaraxyo ka buuxaan uu ninkan ku daah-furay weerarka Hotel SYL. 

Dowladda Soomaaliya ayaa weli baaraysa sida ay Al-Shabaab ugu suurta-gashay inay galaan xeendaab aad loo sugo amnigiisa.  

Weerarkan oo fajiciso noqday ayaa waxa uu ka dhacay xayndaabka Madaxtooyada Qaranka oo ah meel aad loo ilaaliyo ammaankeeda, waxaana soo baxeysa in kooxda Al-Shabaab ay weerarkan u adeegsatay xeelad cusub.

Maleeshiyaadkii fuliyay weerarkii SYL ayaa koontoroollada adag ee laga ilaaliyo Madaxtooyada uga gudbay kaarar aqoonsi, sida ay Caasimada Online u sheegeen illo-wareedyo amni oo ka gaabsaday in magacooda la xuso.

“Ragga gaadiidka lagu fuliyay weerarka (hoteelka SYL) gudbiyay waxay isticmaalayeen kaararka mid kamid ah saddex xafiis ee ugu sarreysa dalka,” ayey yiraahdeen illo wareedyada amni ee la hadlay Caasimada Online.

Markii ugu dambeysay ee gaadiid qaraxyo sida ka gudbaan kontoroollada caasimada waxay aheyd dhamaadkii bishii November 2022, xilligaasi oo la weeraray Villa Reys, markaas oo ninkii loo haystay inuu gudbiyay gaariga oo ahaa darawalkii guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka uu u baxsaday dhanka kooxda Al-Shabaab.

Taliyeyaal dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax culus oo ka dhacay degmada…

0

Qoryooley (Caasimada Online) -Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lala beegsaday xero ay leeyihiin ciidamada ATMIS, balsw ay xiligaas ku sugnaayeen saraakiisha amniga degmada iyo ciidamada booliska.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramagaa inuu ka dhex dhacay gudaha xerada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan laba askari, oo midkood ahaa taliye Unug magaciisa lagu soo koobay Sandheere, halka ay ku dhaawacmeen saraakiil iyo askar kale oo goobta joogay.

Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah taliyaha booliska Qoryooley Cali Waal iyo Cabdikariin Cadow oo ah taliyihii hore Nabad-sugidda ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dhanka kale lama soo warin khasaare gaaray ciidamada ATMIS, mana cadda sida miinada lagu geliyay gudaha xeradooda, taas oo ay ka dhasheen su’aallo iyo tuhun aad u xoogan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan loo adeegsaday qaraxa miino, waxayna sheegtay inay ku dishay saraakiil iyo askar badan, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana Qoryooley iyo agagaarkeeda howlgallo ka wada ciidamada ammaanka iyo kuwa ATMIS ee ka howlgalka halkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaas iyo howlgallada xigay.

Qoryooley oo ka tirsan Shabeelaha Hoose ayaa waxaa badanaa ka dhaca weeraro culus oo ay kusoo qaadaan xubnaha Al-Shabaab oo weli ku xoogan qaybo kamid ah gobolkaasi.

Xasan Sheekh oo wajahaya ‘jariimo lamid ah’ tii ay Bariire ku gashay dowladii Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee taageera dowladda Soomaaliya ayaa habeen hore duqeymo culus ka geystay tuulada Baqdaad oo u dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas waxaa lagu laayey dad shacab ah.

21 qof oo shacab oo carruur ay ku jirto ayaa meydadkooda la keenay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, dadkaan ayaa u badan hal qoys, waxaana laayey diyaaradaha dagaalka.

Dowladda Soomaaliya oo shalay war ka soo saartay duqeyntaas waxay sheegtay in lagu laayey Al-Shabaab, isla markaana laga dilay ku dhawaad 40 dagaalame, balse waxaa soo baxday xogta rasmiga ah oo ka duwan sida ay dowladdu sheegtay.

Maanta waxaa warbaahinta la hadlay iyagoo barooranaya ehellada qoyskii lagu laayey duqeyntaas, waxay sheegeen in saddex jeer hal guri ay duqeysay diyaaraddu, ilaa markii dambe laga quustay in loo gurmado qoyskii deganaa guriga la beegsaday oo gurmadkii ugu horeeyey saakay helay.

Kooxda Al-Shabaab oo deegaankaas joogta ayaa soo bandhigtay sawirrada carruur iyo dad shacab ah oo duqeynta ku dhintay, kuna dhaawacmay, waxayna sheegeen in duqeyntaas ay geysteen diyaaradaha Turkiga.

Xasan Sheekh ayaa wajahaya kiis lamid ah kii uu maareyntiisa ku dhibtooday Farmaajo, bilo ka dib markii la doortay 2017, kadib markii sidaan oo kale dad shacab ah loogu duqeeyey aagga deegaanka Bariire ee isla gobolkaas Sh/Hoose.

Xiligaas dadkii lagu laayey duqeyntii Bariire waxay gilgishay dowladii Farmaajo, ilaa uu ku qasbanaaday in ugu dambeyntii uu bixiyo diyada dadkii lagu laayey duqeynta oo beeraley u badnaa, isla markaana ka soo jeeday hal qabiil oo Habargidir ah.

Xasan Sheekh ayaa hadda wajahaya kiis kii lamid ah, kadib markii xalay la laayey dad hal qoys u badan oo beeraley ah, ugu yaraan 21 qof ayaa geeriyootay, waxaana isbitaalka yaalla dad badan oo dhaawacyo qaba, dadkaasi waxay ahaayeen shacab aan mudneyn in la dhibaateeyo, waxaana laga war-sugayaa sida uu kiiskaan u maareeyo Xasan Sheekh.

Duqeyntaan ayaa aheyd mid ay dowladdu uga aar-gudaneysay Al-Shabaab oo shalay ciidan ka tirsan NISA u galay jidka iyagoo ka baxay Afgooye, isla markaana maraayey Jambaluul, balse waxaa qaldamay bartilmaameedkii, waxaana la laayey dad shacab ah oo guryahooda iska joogay, duqeyntaas ayaa Baqdaad ka bilaabatay salaadii Taraawiixda kadib.

Sarkaal sare oo ka badbaaday qarax xeradiisa loo geliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in degmada Qoryooleey ee gobolkaasi uu qarax uga badbaaday Taliyihii ciidanka degaanka ee degmadaasi.

Qaraxaan ayaa waxaa la sheegay in gudaha loo geliyay xerada ciidanka uu hoggaamiyo uu degan yahay, kaasi oo khasaare kasoo gaaray ciidankii ku sugna xerada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxan ay ku dhinteen illaa 5 kamid ah ciidankii ku sugnaa xerada, ayada oo Taliyaha ciidanka deegaanka Qoryooleey oo la aaminsan yahay inuu ahaa bartilmaameedka uu ka badbaaday.

Qaraxaan ayaa kala shaki ka dhex abuuray ciidamada deegaanka ee gacanta ku haya amniga degmada Qooryooleey, ayada oo lasoo warinayo in ciidamada u kala jabeen labo garab oo u abaabulan hab qabiil.

Dhinaca kale, xaaladda ayaa kasii dartay kadib markii saaka askari ka tirsan ciidanka lagu dilay gudaha magaalada, kaasi oo uu dilay askari kale oo sheegay inuu ka shakiyay.

Labada garab ee ciidanka ayaa difaacyo ka kala sameystay gudaha magaalada, ayada oo dadka deegaanka ay cabsi weyn ka muujinayaan in korkooda ay ku dagaalaman ciidamadan u kala qeybsamay hab beeleedka.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay kooxda Al-Shabaab nafis ka heshay howl-galladii dagaal ee ka dhanka ah, kadib markii bilihii u dambeeyay uu hoos u dhac ku yimid gulufka, ayada oo ciidamada iskaashanaya ay baneeyeen deegaano uu dhiig ku daatay oo horey looga xoreeyey Al-Shabaab.

Xiisadda Itoobiya: Qodobada weli ka khaldan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh

Arrinta Ethiopia iyo damaceeda badfa wax cusub ma aha, qofkii fahmi waayo Ethiopia dhibaatada ay Soomaaliya ku hayso waa doqon u baahan in uu fahmo taariikhda. Ethiopia waa cadow soo jireen ah oo aan marnaba rabin in Soomaaliya ay noqoto wadan xoog badan, maxaa yeelay dan uguma jirto Soomaaliya oo xoog leh, khatar ayay ku tahay.

Ethiopia iyo Soomaaliya dagaalo ayaa dhexmaray waana wax iska caadi in waddamada deriska ah ay xifaaltamaan. Ethiopia waxay ka faa’iidaysatay burburkeenii waxayna u kala qaybqaybisay gobol gobol. Ethiopia waxay joogtaa gobollada Soomaaliya oo dhan, oo dad hadda yimid ma aha wayna ku xididaysteen. Waa qorshe muddo fog (long term plan) in ay Soomaaliya kala dilaan ama ay qabsadaan. Ethiopia waxay joogaan Madaxtooyada Soomaaliya horteeda, Baydhaba Airport ayaaga xukuma, Waajid, Gedo, Doolow, iyo meelo kale oo badan. Hargaysa iyada iska dhaaf mar dhow Oromo ayaa la wareegi doonto. 

Soomaaliya waxaa hadda ka dhisan maamuul goboleedyo la soo shaqeayay maamuulkii hore oo wada danaystaal ah oo haddana daacad u ah maamuulkii hore, ilayn waan ogayn wixii ka dhacay Baydhabo iyo sidii uu ku yimid Laftagareen. Marka ma kula tahay in Laftagareen uu daacad u noqonaayo maamulka cusub. Laftagareen wuxuu rabaa in uu xukunka ku soo noqdo, wuxuuna magangelyo siyaasadeed waydiistay Ethiopia, isagoo ka faa’iidaysanaya Khilaafka Soomaaliya iyo Ethiopia. Sidoo kale Galmudug iyo Jubaland iwm. 

Dowladda cusub waxaa haboonayd in iyada dadkii taageersanaa u dhiibato maamul gobolyada ayna xukunka ka qaado, kuwii hore si uu u yaraado khilaafka maamul goboleedyada, laakiin waxay samaysay in maamul kasta ay hal sano ugu darto. (What goes around comes around).

Mida kale dowladda cusub waa in ay xoogga saartaa sidii ay u xalin lahayd khilaafka gudaha. Adigoo khilaaf gudaha ku haysto sideee u xalinee kii Ethiopia. Waa in hal meel laga soo wada jeestaa cadowga, oo aan meel iska dhignaa khilaafyadeena.

Arrinta kale ee cajiibka ah oo aan la yaabay ayaa waxay tahay, waxaan maqli jiray qabiil hebel ayaa qabiil kale sheegtay, haddii aniga la ii sheegto maxaa ku jaban oo aan ahayn faa’iido, ilayn dad yaa igu soo kordhay. Hadalkayga waxaan ula jeedaa SSC-Khatumo oo Soomalinimada ku wayn tahay oo calanka Soomaaliya u dhimanaayo iyo kuwa Soomaalinada diidan kee qaadan laheed, (Jawaabta waa mid cid). Dowladda waa in ay ciidan gaysaa Laascanood oo ay caawisaa dadka rabo Soomalinimada.

Dowladdu waa in ay joojisaa nimankan maamul goboleedyada ah marka ay gobol kale aadayaan in loo dhigo roog cas, sidii qof waddan kale tegay camal u dhaqmaayo. Red Carpet waxaa loo dhigaa Madaxwayne waddan kale nooga yimid, ee ma ahan Maamul goboleed ka yimid Jubaland oo aadaaya Baydhaba. Waana qalad qaabkaas protocol kana waa in si degdeg wax looga bedelaa. Maraykan waa federal waxay qabaan Governor mana loo dhigo Red Carpet markuu aadaayo State kale. Mida kale title-kooda waa in la beddelaa oo la dhahaa Governor not Madaxwayne. Soomaaliya hal Madaxwayne ayay leedahay. 

Dowlada waa in ay tallaabo degdeg ah ka qaadaa Somaliland, tusaaale, ninka ragda ah isaga ayaa masuul ka ah guriigiisa iyo qoyskiisa. Maalin dhowayd Ethiopia markii ay dagaalka ku qaaday gobolka Tigray, yaa la hadlay iyo Somaliland markii ay xasuuqaysay dadka Laascaanood ay dhahaysay Laascaanood waa qayb ka mid ah Somaliland, yaa la hadlay. Marka dowladda Soomaaliya wixii ka dhaca gudaha, iyada ayaa ka mas’uul ah ilayn Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya.

Waxaan soo jeedin lahaa in Dowladda Soomaaliya ay marka hore ka rarto safaaradda Ethiopia madaxtooyada agteeda, waa in Ciidamada Ethiopia ay ka baxaan Baydhaba, Gedo, Doolow iyo meelaha kale ay joogaan. Ethiopian Airlines iyo Jaadka Ethiopia waa in si degdeg loo joojiyaa.

Maamul goboleedkii la xiriira Ethiopia, waa in si degdeg xukunka looga qaadaa.

W/Q: Abdiaziz Abdulle

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

SHARIIF oo UK kala hadlay arrimo xasaasi ah + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan shirar siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Mike Nithavrianakis.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin amniga dalka, dagaalka Al-Shabaab, bixista ATMIS iyo wax ka beddelka dastuurka, sida uu ku shaaciyay qoraal uu soo saaray madaxweyne Shariif.

“Waxaan maanta kulan wada yeelanay Safiirka Inigriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis, Waxaan ka wada hadalnay Xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada, bixitaanka ciidanka ATMIS iyo Wax ka badalka Dastuurka soomaaliya” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay si gaar ah diiradda u saareen arrimaha dastuurka oo ay haatan isku hayaan Villa Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ah.

“Waxaan si qoto dheer ugu wada hadalnay Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya oo doodiisu muran badan uu ka taaganyahay qaabka loo wajahay” ayuu mar kale sii raaciyay Shariifka.

Madaxweynihii hore oo kamid ah dadka diidan beddelida dastuurka ayaa sheegay in isaga iyo safiirka Ingiriiska ay isla garteen in doodaha socda laga talo geliyo shacabka, si ay kaalin ugu yeeshaan dhammeystirka dastuurka.

“Waxaan isla soo qaadnay in si daahfuran loo wajaho lagana talo galiyo qeybaha kala duwan ee bulshada si kaalin mug leh ugu yeeshaan dhameystirka dastuurka, si looga gudbo xaalada jahwareerka ah ee hadda taagan” ayuu kusii daray qoraalka uu soo saara6

Waxaa kale oo uu yiri “Ugu danbeyn, waxaan uga mahad celiyay dowladda Ingiriiska dadaalka iyo taageerada ay marwalba la garab taaganyihiin dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.”

Shariif iyo Farmaajo oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa ka wada olole xoogan oo ka dhan ah qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddelka dastuurka, waxayna horay ula kulmeen sii hayaha safiirka Mareykanka iyo xubno kalen oo kamid ah beesha caalamka, ayaga oo la wadaagay mowqifkooda sida ay hadda wax u socdaan.

Sawirro: Baabuur sahay u waday kooxda Al-Shabaab oo gacanta lagu soo dhigay

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Galmudug ee ku sugan Koonfurta Gaaalkacyo ayaa xalay howlgallo ka sameeyay magaaladaas, kaas oo guul kusoo idlaaday.

Ciidamada ayaa howlgalladan ku qabtay laba gaari oo kuwa dadweyne ah, isla markaana sahay u wadday kooxda oo dib u qabsatay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

“Ciidanka Booliska Degmada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay labo gaari oo BL ah, kuwaas oo urarnaa Kooxda Khawarijta AS” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka degmada.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in gaadiidkan ay wadeen daawo iyo cunno loo waaday dhanka maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Labada gaari ayaa lagu qabtay koontarool lagu hubiyo gaadiidka, iyaga oo kusii jeeday dhanka Al-Shabaab.

“Baabuurtaan ayaa siday agab iskuugu jira daawo iyo cuntooyin kala duwan, waxaana lagu qabtay baraha kontarool ee Gaalkacyo, xilli ay socodeen degaanada ururkaan ay xukumaan” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa sidoo kale la xiray darawalladii waday baabuurtaan, ayada oo alaabta ay wadeena ay la wareegeen ciidanka ammaanka Galmudug.

Mudug ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo mar kale dib isugu fidineyso gobolkaasi, ayada oo fursad ka heshay dib u gurashadii ay sameeyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.