25.7 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Sawirro: Ciidamo cusub oo tababar heer sare ah maanta loogu soo xiray MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo cusub ayaa maanta tababar heer sare ah loogu soo xiray magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku qaateen dugsiga tababarrada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Ciidamadan ayaa waxaa tababarka usoo xiray sii-hayaha wasiirka amniga gudaha ahna wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin.

Ciidamadaan ayaa kamid noqon doona booliska Soomaaliyeed, waxayna ka qeyb qaadan doonaan dadaalada lagu xakameynayo dhagarta kooxaha argagixisada ay bulshada Soomaaliyeed u soo maleegaan.

Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin oo la hadlay ciidankan tababarka loo soo xiray ayaa kula dar-daarmay in ay la dagaalamaan argagixisada iyo waxyaabaha maanka-dooriya, bulshadana ay si wanaagsan ula dhaqmaan, maadaama ay ka soo dhex baxeen bulshada.

Sidoo kale, Wasiir Xagaa ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed dadaalka ay galiyeen dhismaha ciidanka dhalinyarada ah ee ku soo biiray ciidanka booliska.

Maalmo kahor ayay aheyd markii dugsiga tababarrada ciidamada Gorgor ee TurkiSom loogu soo gaba-gabeeyay tababar urur cusub oo kamid noqonaya ciidanka Gorgor.

Ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa xilligaan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in istiraatiijiyadda dowladda ay tahay in muddo kooban lagu soo afjaro kooxda, xilli guulo badan laga gaaray dagaalka.

Jaaliyadda Somaliland oo baarlamanka UK hortiisa ku kala qeybsantay xiisada badda

0

London (Caasimada Online) – Jaaliyadda Somaliland ee UK ku nool ayaa Sabtidii isugu soo baxday dibadbax ay ka hordhigeen aqalka baarlamaanka UK, kaasi oo ay ku kala qeybsanaayeen dadweynihii isugu yimid.

Dibadbaxa oo ahaa mid lagu taageerayay heshiiska is afgaradka ee Somaliland la gaartay Itoobiya oo lagu siiyay dekad iyo saldhig ciidan ayaa waxaa dhinaca kale dibadbaxa taageerada barbar socday mid lagu diidanaa xad-gudubka Itoobiya oo ay dhigayeen jaaliyadda Somaliland oo laba u kala qeybsan.

Dibad-baxayaasha Somaliland ee taageerayay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo sitay calamada Itoobiya iyo Somaliland ayaa dowladda UK ugu baaqayay inay aqoonsi siiyaan Somaliland oo 31 sano ka badan aqoonsi ka raadineysay dunida.

Dhinaca kale, dibad-baxyada ayaa waxaa jahwareer ku riday dibad-baxyo kale oo kasoo horjeeday xad’gudubka Itoobiya oo ku tilmaamay mid dhul doon iyo bad doon ah.

Garabkan ayaa waxay dowladda UK ka dalbadeen in ay ilaaliyaan midnimadda iyo qaranimada Soomaaliya oo Ingiriiska uu horseeday xornamadii ka hor inta aysan is raacin gobolada Waqooyi iyo Koonfur.

Dibad-baxaan ayaa waxaa la sheegay inay soo abaabushay xukuumadda maamulka Somaliland oo dadaal ugu jirto in ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale xilli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiis uu madaxweynaha Somaliland u saxiixay Itoobiya inay ku qaadato dekad iyo dhul 20KM ah.

Sawirro: 9 bil kadib, ninkii hooyadii dilay oo la toogtay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta xukun dil ah lagu fuliyay danbiile Xasan Cabdullaahi oo hooyadiis Xaliimo Maxamed Cumar ku dilay magaalada Kismaayo Juun 11, 2023 oo ku siman muddo 9 bil kahor.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee magaalada Kismaayo ayaa maanta xukunka dhaqan-galka ah ee ku fulisay Xasan Cabdullaahi.

“Si waafaqsan aayadda Qur’aanka ah ee Suratu Baqrah 178-aad ee Ilaahay ku yidhi ‘Rabi wuxuu farad ka dhigay dadka dadka laaya in iyagana la qisaaso oo qisaas lagu fuliyo’ taas inaga oo cuskanayna waxaa halkaan u taaganahay in qisaasta laga oogo Xasan.”

Ninkan ayaa maxkamadeyntiisa soo socotay billo, ayada oo la horgeeyey maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Kismaayo isaga oo qiranaya inuu si ku tala-gal ah u dilay hooyadiis, taasi oo fajaciso noqotay.

Xasan ayaa markaas waxa uu maxkamadda ka hor caddeeyey inuu miyir qabay oo wax xanuun ah uusan dareemeyn, markii uu Hooyadiis kula kacay falkaas.

Xasan ayaa la sheegay in Hooyadiis AUN ay dalka ku soo celisay kadib markii uu qurbaha ku dhaqan doorsoomay, wuxuuna ugu dambeyn ku dilay magaalada Kismaayo oo dhaqan celin ay u keentay.

Si kastaba, Kiiskaan oo ahaa mid argagax ku abuuray dadka reer Kismaayo ayaa ugu dambeyn maanta lasoo gaba-gabeeyay, maadaama maanta xadkii qisaasta laga oofiyay Xasan Cabdullaahi.

Itoobiya oo sheegtay in 60% ay ciidankooda gacanta ku hayaan dhulka Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay shaacisay in 60% ay ciidamadooda gacanta ku hayaan dhulka Soomaaliya, xilli xiisad xooggan ay kala dhaxeyso Soomaaliya, taasi oo salka ku haysa heshiiskii Addis Ababa ee Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah baddeena.

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Birhanu Jula oo la hadlay warbaahinta EBC ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay gacanta ku hayaan 60% dhulka Soomaliya oo ay nabaddiisa ilaalinayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay naftooda u hurayaan nabadeynta Soomaaliya, isaga oo ku dooday in ciidankooda ay sababeen in dowladda Soomaaliya ay fadhi ka dhigato magaalada Muqdisho.

“Berri hadday ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya uma malaynayo in dowladda Soomaaliya ay fadhiyayso Muqdisho,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Itoobiya Birhanu Jula oo ku faanay in door weyn ku leeyihiin nabadeynta Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu xusay in maamullada dalka ay intooda badan la dhacsan yihiin joogitaanka ciidankooda, ayna taageersan yihiin joogitaankooda, sida uu sheegay.

Taliye Burhan ayaa ku faanay in haddii ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya ay shacabka ku odhanayaan “waanu idin sii raaci” taasi oo tusaale ugu soo qaatay kaalinta ciidankooda ee nabadeynta Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Gobollada Soomaaliya ee (ciidankeennu) joogaan ku wareejin mayno cadow,” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Itoobiya inkasta oo uusan qeexin waxa uu ka wado hadalkaa iyo cidda uu hadalkaa ula jeedo.

“Joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya waa sugidda amniga dalka Itoobiya iyo in Soomaaliya laga difaaco Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Taliyay Birhanu.

Muuse BIIXI oo isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada + Magacyada

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku sameeyay isku shaandheyn, taasi oo xilalkii kaga qaaday mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumadda, halka uu isku beddel ku sameeyay wasaaradaha qaarkood.

Muuse Biixi ayaa ugu horayn xilkii ka qaaday wasiirkii wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Saleebaan Cawad Cali Bukhaari, waxayna xil ka qaadista wasiirka imaneysa iyada oo aan weli la horgayn golaha wakiilada, si loo ansixiyo kadib markii dhawaan la magacaabay.

Sidoo kale waxa uu wasiirka cusub ee wasaaradda kalluumaysiga iyo horumarinta xeebaha u magacaabay Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud. Halka uu Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland.

Hoos ka aqriso wareegtada oo u dhigneyd sidan;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 10/03/2024 uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ku sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Saleebaan Cawad Cali Bukhaari;
Wasiirkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore u haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

  1.  In Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Maxamuud Warsame Jaamac Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. In Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland.
  4. In Faysal Maxamuud Siciid Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland.
  5. In Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Xog: Sababta ka dambeysay dabkii maanta ka kacay suuqa Bakaaraha oo la ogaaday

0

Muqdisho (CaasimadaOnline) – Faah-faahino dheeri ah iyo macluumaad cusub ayaa waxaa laga helayaa dabkii xooganaa ee maanta ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay qarax la dhigay goob qashin ah oo ku taalla suuqa kadibna uu sidaas ugu sii fiday goobo kale, taas oo sababtay gubashada.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa dhacay kahor inta uusan kicin dabka, waxaana jira dhaawacyo kale, sida uu xaqiijiyay afhayeenku.

Sidoo kale waxaa jira khasaare baaxad leh oo uu gaystay dabka saaka qabsaday qayb kamid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

“Goobaha ganacsiga ee gubtay waa 12 boos, waana wax roon iyo wax toos u gubtay” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha.

Dhaq-dhaqaaqa suuqa ayaa sidoo kale hakad galay, waxaana saameyn guud ku yeeshay dabka maanta ka kacay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana suuqa gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo ka warbixiyay xaaladda guud ee suuqa.

Gubashada suuqa Bakaaraha ayaa marar badan soo laa-laabatay, dowladduna ma baarto sababta keenta dabka sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqa Bakaaraha.

FIQI oo sheegay in 30 sano kadib calanka Soomaaliya laga dejin doono Hargeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka hadlay qaddiyadda Somaliland, isaga oo sheegay in 30 sano kadib calanka Soomaaliya la geyn doono Hargeysa.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay  soo afjari doonto wux uu ugu yeeray ruwaayadda 30 sano jirsatay ee uu kala jeedo gooni isku taagga Somaliland.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan dowladda Soomaaliya ay  ka go’an tahay in lasoo celiyo midnimada Soomaaliya, Somaliland-na ay qeyb ka noqoto dowladnimada dalka.

Hadalkan ayaa wasiirku waxa uu ka sheegay bandhigga buuqa Hadhiwaa oo uu qoray Maxamed Haldoor oo ka yimid magaalada Hargeysa, isaga oo sheegay in Haldoor inta uu jiro caafimaadka dalka dibaddiisa calanka buluugga ah la gayn doono Somaliland.

“Waxaan arkayay Maxamed oo calankii Soomaaliyeed oo dusha laga saaaray oo xooggaa yar yax yaxaya. Haka yax yaxin, intaad caafimaad ku maqan tahay, ayaa calanka Hargeysaa la gaynayaa. cid ku taabanaysa ma jirto.” ayuu khudbaddiisa yiri wasiir Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale horay uga jawaabay hadal kaftan u muuqda oo guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe uu ka qoray masuuliyiin uu ku jiro Fiqi.

Guddoomiye Feysal ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in Axmed Macalin Fiqi, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdiraxmaan Odawaa ay soo xirteen dhar  ay ‘bililiqeysteen sanadkii 1991-kii markii ay burburtay dowladnimada Soomaaliya.

Fiqi ayaa isna ku jawaabay “Balse Fiqi wuxuu sheegay in ayaguna ay ku mashquulsan yihiin sidii ay ugu cadeyn lahaayeen masuuliyiinta Somaliland “beenta ay bulshada u sheegayeen muddo 30 sano ah.”

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan wada-hadallo u dhexeeyay dowladda dhexe iyo Somaliland ay ka billowdeen dalka Jabuuti, kuwaas oo uu qayb ka ahaan wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin oo qayb ka ahaan wafdigii Xasan Sheekh.

Daawo: Booliska oo qabtay hoobiyeyaashii ugu badnaa ee lagu garaaci jiray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta jawaab ka bixiyay weerarkii loo adeegsaday hoobiyeyaasha ee xalay lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada gudaha Muqdisho.

Hoobiyeyaasha ayaa laga soo tuuray dhinaca degmada Yaaqshiid, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

Saddex ka mid ah waxaa la xaqiijiyey inay ku kala dhaxeen degmooyinka Boondheere iyo Cabdicasiis, waxaana la soo weriyey khasaare aan badneyn.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay hoobiyihii koowaad oo ku dhacay gudaha xerada gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Cabdicasiis.

Afhayeenka booliska Qaasim Axmed Rooble oo maanta shr jaraa’id ku qabtay degmada Dayniile ayaa soo bandhigay hoobiyeyaal iyo hub kale oo tiro badan oo lagu soo qabtay howlgallo.

Hubkan ayaa oo la tusay Wariyeyaasha iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgallo culus oo ay ciidamadu ka sameeyeen guryo ku yaalla caasimada.

Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in illaa 140 xabo oo hoobiye ah gacanta lagu soo dhigay, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay kala shaqeeyaan ammaanka caasimadda.

Muddooyinkii u dambeeyay ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagay, waxaana socda dadaallo badan oo hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ay wadaan, si amni buuxa ay u helaan dadka ku nool caasimadda.

Laba sabab oo ITOOBIYA ku qasbi kara in ay ka laabato heshiiska SOMALILAND

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Sida ay qortay warbaahinta Bloomberg, Itoobiya ayaa ka fakareysa inay ka laabato qorshaha ay ku aqoonsan laheyd Somaliland kadib markii ay la kulantay cadaadis caalami ah oo lagu saarayo inay qaboojiso xiisadda ka dhalatay hindisahan.

Itoobiya ayaa heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, si ay u noqoto dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada gobolka ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, ayada oo ku beddelaneysa in la siiyo bad ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed. 

Heshiiska is-afgarad ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalalka deriska ah, ayada oo Soomaaliya ay wacad ku martay “inay difaaci doonto madax-banaanideeda dhuleed” halka Masar iyo dalal kale ay ku baaqeen feejignaan. 

Balse Itoobiya iyo Somaliland oo heshiiskaan galay, labaduba midna kama aysan hadlin ka laabashada heshiiska. 

Haddaba ma jiraan sababo ku qasbi kara Itoobiya inay ka laabato heshiiska?

“Waxaa ku kallifi kara laba arrimood oo waaweyn. Tan ugu weyn ayaana ah culeyska kaga yimid diblomaasiyadda gaar ahaan dhinaca Mareykanka, Midowga Africa iyo Turkiga oo hadda Soomaaliya la saxiixday xiriir qoto-dheer oo xitaa taabanaya xagga difaaca, middaas waa midda diblomaasiyadda iyo arrimaha kaga yimid adduunyada,” ayuu yiri Faysal Rooble oo ka faallooda arrimaha geeska gaar ahaan Itoobiya. 

“Tan labaad waxaa weeye Itoobiya gudeheeda oo xaalada adag ku jirta dagaallana ka socdaan iyo adduunkii oo Itoobiya ku oranaya haddii aad rabtaan inaad adduunka kale gaar ahaan Mareykanka iyo IMF la macaamishaan waa inaad marka hore dejisaan arrimaha gudihiina ah marka labadaas ayuu ugu waaweyn arrimaha ku khasbi kara inuu Abiy ka noqdo heshiiskaas, waaba haddii uu ka noqdaba,” ayuu hadalkiisa raaciyay Feysal oo la hadlay BBC-da.

Heshiiska is-afgaradka oo la saxiixay 1-dii Janaayo 2024, ayaa qorshuhu ahaa in lagu fuliyo bil gudaheed, waxaana hadda socota bishii saddexaad. 

Balse Somaliland ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in heshiiskaas in uu fuli doono, waxaana uu wasiirka warfaafinta sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu guddi u saaray sidii heshiiskaas ay ula lafa guri lahaayeen dawladda Itoobiya.

“Si fiican ayuu u socdaa, si dhaqso leh ayaa loo gaba gabayn doonaa dhawaan waxaana la hor gayn doonaa barlamaanka labada gole ee Somalland, sidaas ayuuna dhaqan gal ku noqon doonaa,” ayuu yiri wasiir Cali Mareexaan.

Xog: Halka ay ku dhaceen iyo khasaaraha hoobiyaal xalay lagu garaacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tiro hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu garaacay magaalada Muqdisho, kuwaas faahfaahin hordhac ah laga helayo khasaaraha ay geysteen iyo goobaha ay ku dhaceen.

Sida aan ka soo xiganay saraakiil amni afar Hoobiye ayaa laga soo tuuray aagga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Saddex ka mid ah waxaa la xaqiijiyey inay ku kala dhaxeen degmooyinka Boondheere iyo Cabdicasiis, waxaana la soo weriyey khasaare aan badneyn.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay hoobiyihii koowaad oo ku dhacay gudaha xerada gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Cabdicasiis.

Kan labaad waxaa la sheegay inuu ku dhacay aagga xarunta NISA ee Habar-Khadiijo oo aan ka fogeyn xero Gaadiid, isla dehmada Cabdicasiis, faahfaahina lagama helin khasaaraha uu geystay.

Midka saddexaad ee la ogaaday halka uu ku dhacay ayaa la xaqiijiyey inuu ku soo dhacay degmada Boondheere, gaar ahaan meel banaan ah, wax khasaare ahna ma geysan.

Lama helin halka uu ku dhacay hoobiyihii afaraad ee xalay jugtiisa la maqlay, waxayna dadka Muqdisho dareemeen cabsi badan.

Ciidamada ammaanka ayaa deg deg ugu baxay goobihii loo maleynayey in laga soo tuuray hoobiyeyaasha, waxayna ku guuleysteen inay 4-taas ku ekaadaan, in kastoo aan weli lagu guuleysan soo qabashada raggii weerarkaas geystay.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagay muddooyinkii dambe, waxaana socda dadaallo badan oo hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ay wadaan, si amni buuxa ay u helaan dadka ku nool caasimadda.

Daawo: MADAALE oo ka farxiyay Maxamed Haldoor

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Maxamed Haldoor oo ah wiil dhalinyaro ah, kana yimid magaalada Hargeysa aya xalay buuggiisa Hadhiwaa kusoo bandhigay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo uu uga hadlayo dhibaatooyinkii uu soo maray iyo xaaladdiisa caafimaad.

Waxaa bandhiggga buuggiisa ka qayb-galay wasiiro, xildhibaano, duqa Muqdisho iyo dadweyne fara badan oo u kacay garab istaagga Maxamed oo ah wiil firfircoon.

Hadal dareen leh oo uu ka jeediyay munaasabadda ayaa waxa cod dheer baaq ugu diray Soomaali weyn, isaga oo sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wax ka qaban karaan.

Haldoor ayaa dalbaday in aan cid kale lagu halleyn ee loo diro caafimaad dalka dibaddiisa, maadaama buu yiri ay dowladda federaalka tahay dowlad sharci ah oo la aqoonsan yahay.

“Aniga cidna yaan la igu halleyn xaaladeyda Soomaaliya oo dowlad Sharci ah oo caalamku aqoonsanyahay ay ka jirto ayaan doonayaa inay wax ka qabato” ayuu yiri Haldoor.

Intaas kadib waxaa farriinta Maxamed Haldoor ka jawaabay duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kafaala qaaday caafimaadikisa isagoo ku hadlayay codka caasimada.

“Hargeysa buugaag ayaa looga soo gatay, Garoowe buugaag ayaa looga soo gatay Muqdisho sow caasimadii Ummadda Soomaaliya maaha? magaciina aniga oo ku hadlaayo caafimaadkiisa annagaa kafaala qaadnay” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Maxamed uu yahay nin hami sare ka leh nolosha, isaga u rajeeyay guul iyo caafimaad buuxa.

“Waa nin hami leh waa nin maskaxdiisa sarreyso, waa nin Haldoorka uu la baxay nin u qalma inuu yahay, guuleyos caafimaad taam ah allaha ku siiyo” ayuu mar kale.

Haldoor ayaa horay buuggiisa oo aad loo jecel yahay kusoo bandhigay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe, ayada oo ay ka iibsadeen dad badan, si ay u dhiirageliyaan.

Wararkii u dambeeyay dab ka kacay Bakaaraha + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo saaka aroortii hore ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo illaa iyo hadda lagu howlan yahay damintiisa.

Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga kacay qaybta Cabdalla Shideeye ee suuqa, wuxuuna kusii fiday goobo kale oo horleh.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dabka uu yahay mid xoogan, isla markaana uu gaystay khasaare baaxad leh.

Sidoo kale waxaa haatan soconaya gurmad ay wadaan gaadiidka dab damiska dowladda hoose ee Xamar iyo kuwa shirkadda Hormuud oo ku sugan suuqa weyn ee Bakaaraha.

Ma cadda waxaa dhaliyay dabkan, oo saameyn aad u ballaaran ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa suuqan oo ah kan ugu weyn guud ahaan Soomaaliya.

Mid kamid ah ganacsatada Suuqa oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay inay gubteen 10 dukaan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

“Goobaha ganacsiga ee gubtay waa 12 boos, waana wax roon iyo wax toos u gubtay” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana suuqa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sugaya amniga, si looga hortago boob loo gaysto ganacsiga suuqa.

Gubashada suuqa Bakaaraha ayaa marar badan soo laa laabatay, dowladduna ma baarto sababta keenta dabka sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqa Bakaaraha.

Deni oo magacaabay wasiir ku-xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha (Aqriso liiska)

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay shaaciyey liiska wasiir ku-xigeenada iyo wasiiru-dowlayaasha ee ka mid noqonaya xukuumaddiisa cusub, maalmo kadib markii uu magacaabay wasiirada. Hoos ka akhriso:

Magacyada wasiir ku-xigeenada cusub

1. Maryan Cismaan Axmed Fangase ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

2. Axmed Maxamed Axmed (Qixiye) ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.

3. Cabdiraxmaan Khaliif Faarax ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqoraaddiyadda.

4. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda.

5. Axmed Maxamed Bulxan ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.

6. Maxamed Xasan Ibraahim ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

7. Maxamed Diiriye Gama’-diid ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

8. Cabdirashiid Xaaji Jaamac ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.

9. Cabdulqaadir Maxamed Geyllan ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyaynta.

10. Faarax Cali Cabdi ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

11. Cabdirashiid Shiikh Cali Dhega-Sayn ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

12. Siciido Xuseen Cali ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.

13. Yacquub Maxamed Cabdalle ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.

14. Cabdikariin Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgeshiga.

15. Axmed Cartan Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

16. Ayuub Cali Axmed ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Degaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada.

17. Maxamuud Maxamed Cali Gabax ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.

18. Faarax Jaamac Boos ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

19. Siciid Salaad Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

20. Maxamed Siciid Qolombi ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

21. Faa’isa Cali Ismaaciil ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

22. Siciid Saalax Seed ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Magacyada wasiiru dowlayaasha

1. Cabdul Cali Warsame ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

2. Keyse Cabdi Yuusuf ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.

3. Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqoraaaddiyada.

4. Maxamuud Shiikh Ciid Muuse loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda.

5. Faarax Maxamuud Aw Cismaan ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

6. Cabdisalaan Cali Faarax ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

7. Axmed Shiikh Faarax Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Caafimaadka.

8. Maxamed Siciid Xasan ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

9. Siciid Maxamed Warsame Awaare ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

10. Cabdinaasir Aadan Axmed ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

11. Siciid Maxamed Raage ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.

12. Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

13. Cabdiqaadir Jaamac Cali Afrax ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

14. Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada.

R/W Xamza oo xarigga ka jaray waddo isku xirto saddex degmo + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadd Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta booqday degmooyinka Dharkenley iyo Kaxda, isaga xarigga ka jaray dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Xoosh ilaa Ex Kontorool Afgooye, taas oo sii marta illaa saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Waxaa ra’iisul wasaaraha booqashadan iyo xarig jarka ku wehlinayay duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu maamukiisu dhisay waddadaasi.

Xamza oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay horumarka ay ku tallaabsatay caasimaddu in aan la xaqiijiyeen haddii aan amniga wax laga qaban.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in horumarka iyo amnigu ay yihiin labo isku xiran oo haddii mid la waayo kan kalana uu meesha ka baxayo.

Ra’iisyl wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adaha amniga sida ay uga go’an tahay nadiifinta magaalada, si dib loogu soo celiyo bilicdii iyo amnigii ay ku suntanayd Caasimaddu.

“Nabaddu waa tilmaanta quruxda iyo bilicda, marka meel kasta laami la saaro, waxaa kor u kaca nabadda, dhaqaalaha iyo bilicda, dhismaha Jidadku waxa ay muwaadinka u sahlayaan isu socodka”. ayuu khudbaddiisa ku yiri Ra’iisul wasaare Xamza.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in canshuurta ay bixiyaan si loogu hormariyo dib u dhaska dalka, isagoo faray dadka deggan  xarumaha danta guud ah in ay banneeyaan, si bulshada loogu adeego, dibna loogu dhiso.

Horay ra’iisul wasaaraha ayaa sidaan oo kale xarigga uga jaray waddada Taleex ee magaalada Muqdisho, taas oo iyana lagu sameeyay dib u dhis ballaaran.

Sacuudiga oo ku dhowaaqay maalinta 1-aad ee Ramadaan

0

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudiga ayaa goordhoweyd xaqiijiyay in maalinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayada oo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha.

Kadib warka kasoo baxay maamulka Xarameynka ayaa waxa caawa si rasmi ah taraawiixda looga bilaabaya Xaramka, bacda salaada Cishaa’i.

“Bisha Ramadaan 1445/2024 ayaa laga arkay dalka Sacuudiga!. Ramadaan 1445/2024 wuxuu bilaabmayaa berri, 11 March 2024. Salaada Taraawiixda ayaa ka bilaaban doonta Labada Masjid ee Barakeysan Salaada Cishaha kadib,” ayaa lagu qoraal kasoo baxay Xarameynka.

Labada masjid ee barakeysan ayey salaaddaha Taraawiixdu ka bilaaban doonaan caawa salaadda Cishaa’i kadib.

Dalal uu kamid yahay Sacuudiga ayaa bilaabay galabtii raadinta dhalashada bisha Ramadaan ee sanadkan 1445 Hijriyadda, iyada oo xiligaas ay dalbadeen in la baadi goobo bisha, taasi oo goordhoweyd si rasmi ah loo xaqiijiyay.

Dhamaan bahda Caasimada Online waxay curashada bisha barakeysan ee Ramadaan ugu hambalyeynaysa dhamaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan.

Xog: Maxaa kasoo baxay isku daygiii lagu heshiisiinayey Soomaaliya iyo Itoobiya ee Nairobi?

Nairobi (Caasimada Online) – Dadaallo diblomaasiyadeed oo ay si hoose u wadeen Jabuuti iyo Kenya, kuwaas oo lagu xalin lahaa xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu guul-darreystay, waxaa sidaas xaqiijiyey ilo-wareeydo lagu kalsoon yahay. 

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday bishii Janaayo, kadib markii Itoobiya ay heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, si ay u noqoto dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada gobolka ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, ayada oo uga beddelaneysa inay ka hesho bad ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed. 

Soomaaliya ayaa ka carootay tallaabadaas, waxayna u yeeratay safiirkeedii Addis-Ababa, ayada oo wacad ku martay inay difaaci doonto madax-banaanideeda dhuleed.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in wakiilo ka kala socda Soomaaliya iyo Itoobiya ay maalmihii dhowaa ku sugnaayeen Nairobi, balse aysan kulmin ama yeelan wada-hadallo toos ah. 

Dowladda Kenya ayaa fulineysay diblomaasiyad loogu kala dab qaadayo labada dhinac, ayada oo dadaalkan uu amray madaxweynaha Kenya William Ruto, oo xal u raadinaya xiisadda gobolka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda ah inaysan marna wada-hadal toos ah la geli doonin Itoobiya, illaa Addis-Ababa ay ka laabato heshiiska sharci-darrada ah ee ay la gashay Somaliland.

Warkan cusub ayaa imanayada ayada oo shalay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka ay werisay in Itoobiya ay ka fakareyso inay ka laabato qorshaha ay ku aqoonsan laheyd Somaliland ee qeybta ka ah heshiiska. 

Bloomberg ayaa ilo-wareedyo kasoo xigatay in wada-hadallo dhowaan ka dhacay Nairobi oo uu la yeeshay madaxweynaha Kenya William Ruto, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku muujiyey inuu diyaar u yahay “inuu dib uga laabto” qeybaha muranka dhaliyey ee heshiiska, si uu soo celiyo xiriirka Soomaaliya.

Saraakiisha Itoobiya ayaa si qarsoodi ah ugu sheegay saraakiil ajnabi ah in dalka uu diyaar u yahay “inuu meesha ka saaro aqoonsiga Somaliland, sida ay sheegeen shan diblomaasi shisheeye oo lagu wargeliyey mowqifka Addis-Ababa.  

Feysal Waraabe oo si yaab leh u weeraray Fiqi, CC Shakuur iyo Odawaa + Jawaabta Fiqi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka jawaabay hadal kaftan u muuqda oo guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe uu ka qoray masuuliyiin uu ku jiro Fiqi.

Guddoomiye Feysal ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in Axmed Macalin Fiqi, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdiraxmaan Odawaa ay soo xirteen dhar  ay ‘bililiqeysteen sanadkii 1991-kii markii ay burburtay dowladnimada Soomaaliya.

Feysal ayaa soo qaatay sawir ay maasuuliyiintaan galeen sagaashameeyadii, isagoo yiri “Dharakii Daroodku ka Carareen  markii Siyaad Barre ka baxay Mogadishu 1991 Yaye gaashadeen. Kuwaa maanta leh waanu talininan. Waa yeeydi oo Siyaad Barre shiigay. Tuulo ma maamuli karaan.”

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo ka jawaabay hadalka guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in masuuliyiinta Somaliland ay ku mashquulsan yihiin dharka masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Balse Fiqi wuxuu sheegay in ayaguna ay ku mashquulsan yihiin sidii ay ugu cadeyn lahaayeen masuuliyiinta Somaliland “beenta ay bulshada u sheegayeen muddo 30 sano ah.”

“Dheriga waxaa kulaylka ka keena waa karka. Faysal Waraabe adna waxaad ku mashquulsan tahay dharkayaga annaguna sidii beentaad sheegaysay 33 sano meesha looga saari lahaa.  Weli la isma gaadhin huuno!” Ayuu yiri Fiqi.

Fiqi ayaa ka mid ah masuuliyiinta ay madaxda Somaliland aad u hadal hayaan markii ay ka hadlayaan arrimaha Soomaaliya, maadaama uu xubin firfircoon ka ahaa masuuliyiintii dowladda federaalka u qaabilsaneed wadahadalada Somaliland.

Wadahadaladii Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fashilmay markii uu Muuse Biixi badda u saxiixay Itoobiya.

Tallaabadii laga qaadi lahaa Fardowsa oo laga laabtay iyo CC oo jawaab caro leh bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban soo saaray ayaa si adag uga hadlay dhacdadii garoonka Aadan Cadde ee ka dhalatay dhibaatada loogu gaystay shacab todobaadkii hore ka dhoofayay gudaha garoonka wuxuuna sheegay in haatan laga laabtay u yeertis wasiirka gaadiidka Fardowso Cismaan Cigaal.

Fardowso ayaa saaka looga yeeray baarlamaanka, si wax looga weydiiyo dhibaatadaas, gaar ahaan lacago 9 dollar ah oo lagu soo rogay dadka ka dhoofaya garoonka.

“U yeerid iyo hor imaasho Golaha guud ee Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda JFS iyo jawaabidda su’aallo ordaaheedyo sida uu qabo qodobka 69/2 ee dastuurka KMG iyo qodobada Xeer hoosaadka 53/1, 63.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in haatan la baajiyay u yeerista wasiiradda, taas oo uu ku tilmaamay in dhaawac iyo sumcad xumo ku tahay Golaha.

“In Golaha Shacabka uu si rasmi ah kulan ugu yeero wasiir Xukuumadda ka tirsan si su’aalo looga waydiiyo dhibkii shacabka ay maalmo ka hor kala kulmeen garoonka diyaaradaha iyo lacagihii dulsaarka ahaa, haddana la baajiyo sabab la’aan waxay dhaawac ku tahay sumcadda guddoonka iyo Golaha” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaanka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in si cad loo jebiyay dastuurka iyo xeer hoosaadka u yaalla baraalamaanka ee ku aadan la xisaabtanka Golaha Wasiirada.

“Waxaa si cad loo jebiyey Qodobka 69aad ee Dastuurka iyo 59aad ee xeerhoosaadka Golaha shacabka ee la xisaabtanka Xukuumadda” ayuu mar kale yiri.

Warsame ayaa intaasi kusii daray “Qof dastuurka magansaday,Sharcigana dabiib biday, Oon xeer difaacayn, Awoodaha dulsaarka ah ,Maxaa uga damiin noqon, Mar- hadii rag doobshaa,Guddun daabka haystaan, Jarta meehsay doonaan!”

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa, ayada  saameyn xoogan ay duulimaadyada gudaha (Local) ee garoonkaAadan Cadde ku yeesheen lacagaha cusub ee lasoo rogay, iyada oo shacab fara badan ku xanibmeen garoonka qeybta Local-ka.

Muranka ugu weyn ayaa u dhaxeeyay wasaaradda gaadiidka iyo shirkaddaha diyaaradaha oo ku saabsan in lacagaha xogta rakaabka lagu kordhiyo qiimaha Ticket-ka iyo in aan lagu kordhin, ayada oo xogta dadka dhoofaya loo dhiibayo shirkad gaar ah, taasi oo iyaduna aad uga soo horjeeda nidaamka amniga iyo kalsoonida dadka dhoofaya.

Madaxweyne Recep Erdogan oo ku dhowaaqay go’aan siyaasadeed oo lama filaan ah

Ankara (Caasimada Oline) – Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in doorashada dowladaha hoose ee la qorsheeyay in ay la qabto 31-ka Maarso ay noqon doonto codkiisii ugu dambeeyay, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Erdogan, oo ah siyaasiga casrigan ugu guulaha badan Turkiga, ayaa dalkaasi hogaaminayay in ka badan labaatan sano. Waxa uu ku guuleystay in ka badan 12 doorasho tan iyo 2002-dii, iyadoo Erdogan mar kale madaxweyne loogu doortay shan sano oo cusub doorasho la qabtay bishii May ee 2023-kii.

“Tani waxa ay ii tahay tii u danbeysay sida uu dhigayo waajibaadka sharcigu i siiyay, tani waa doorashadii iigu dambeysay,” ayuu yiri Erdogan.

“Natiijada soo bixi doonta waxa ay noqon doontaa ku wareejinta dhaxalka ee walaalahay hoggaanka igala wareegi doona” ayay ka soo xigatay Anadolu in uu yiri Erdogan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in la qabto shir madaxeedka nabadeed oo u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine. Erdogan ayaa dalabkan jeediyay Jimcihii mar uu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy kula kulmay Istanbul.

Turkiga oo ah xubin ka tirsan isbahaysiga NATO ayaa isku dayaya in uu isku dheelitiro xiriirka dhow ee kala dhaxeeya Kyiv iyo Moscow. Erdogan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka dib kulankii uu la yeeshay Zelenskyy ku sheegay in uu rajaynayo in Ruushka uu aqbalo dalabka Turkiga.

Zelenskyy ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu ka mahadcelinayo taageerada Turkiga. Waxa uu sheegay in uu danaynayo xoojinta iskaashiga labada dhinac, ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee marta badda madow, iyo in Ukraine ay wada shaqeyn la yeelato shirkadaha difaaca ee Turkiga.

REUTERS + AP

Sawirro: Diyaarad UGANDA kasoo duushay oo maanta ku dhacday garoonka Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil diyaaradeed oo goordhoweyd ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle

Wararka ayaa sheegaya in garoonka ay ku dhacday diyaarad nuuca xamuulka qaada, una rarnayd ciidanka ATMIS ee ka howlgalka magaaladaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shilka diyaaradda uu yimid kadib markii ay ka baxday dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadkii saarnaa diyaaradda la badbaadiyay, isla markaana uusan jirin khasaare soo gaaray, marka laga tego burburka diyaaradda.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in dyaaradda uu dab qabsaday, inkasta oo markii dambe lagu guulaystay in la damiyo dabka.

HirShabelle oo faahfaahin ka bixisay shilkan ayaa sheegtay inay diyaaradda ku timid cilad, kadibna ay ku dhacday garoonka, sidoo kaleena diyaaradda ay wadday saanad ciidan, taas oo kasoo duushay dalka Uganda, sida uu Shabelle TV u sheegay mareeyaha garoonka.

“Diyaaraddaas waxa ay kasoo duushay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda waxay saanad iyo macallimiin tababar u waday ciidamo dagan garoonka Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar” ayuu yiri maareeyaha guud garoonka magaalada Jowhar.

Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana diyaaradda soo dhacday gurmad u sameeyay madaxda gobolka iyo ciidamada ATMIS ee ku sugan halkaasi.